Author: Jibril Qoobey

Madaxweynihii hore ee Puntland Gaas iyo Madaxweynaha xiligan ee Galmudug Qoor-qoor waxay ku kulmeen Gaalkacyo xili labadoodu siyaabo kala duwan usoo gaareen Gobolka. Gaas fasax shaqsiyadeed,ayuuu ku yimid Gobolka ,halka Qoor-qoor kusooo gaaray safar shaqo. Arimo muhiim ah ayay kawada hadleen oo dan u ah Gobolka labada maamul iyo guud ahaan Somaliya. Sida qorshuhu yahay Mudug bishan 15-keeda waxii ka danbeeya,waxaa gaari doona wafti balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweyne Deni. Ma cada in Qoor-qoor kusii sugnaan doono Gaalkacyo si uu ula kulmo Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaan muddo dheer madaxda dalka ka waaninaynay inaanay faraha la galin iska horimaad siyaasadeed oo ka dhasha damacood mudda kororsiga ah. Nasiib darro wax badan kama aanay qaadan talladaas balse waxay qaadanayaan wax lasta oo ka dhasha tallaabooyinka sharciga baal marsan ee ay maleegayaan. Waxaan u cadaynayaa ummadda soomaaliyeed mar kale in aqalka sare aanu aanu qayb ka hayn hungurina uga jirin wax muddo kordhin ah, waxaan kaloo xaqiijinayaa inaan marar badan isku daynay inaan ku qancino madaxda dalka inay ka dhowrsadaan dhibta ka imaan karta arintaas. Waxaan diyaar u nahay inaan kala shaqayno axsaabta, dowlad goboleedyada iyo dhamaan saamilayda…

Read More

Golaha Iskaashiga Dawladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa aad u canbaareeyay muuqaal anshax-xumo ah oo laga duubay Madaxweynaha Hir-Shabelle xili uu ku sugnaa magaalada Baydhabo. Muuqaalkan si qarsoodiya waxaa uduubay Xaafiiska Ra’isalwasaaraha oo ilaa iyo hadana gacanta ku haya. Ujeedka laga lahaa duubista muuqaalkan qarsoodiga ah,ayaa ahayd in lagu bahdilo Madaxweyne Waare,isla markaana dano badan laga dhamaysto. Golaha iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka waxay aad ucanbaaraynayaan Muuqaalkaas,iyagoobku baaqay baaris deg-deg ah. Halkan ka akhriso Jibril Qoobey.

Read More

Shirkii khamiislaha ee Golaha Wasiirada Fadaraalka,ayaa baaqday,waxaana fariimo loo kala diray Wasiirada. Tan iyo intii Golaha Baarlamaanka fadhigiisu furmay Villa Somaliya waxaa soo wajahay culays siyaasadeed. Sidoo kale waxaa cadaadis uga imaanaya Aqalka-sare ee Baarlamaanka,Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo beesha caalamka. Cadaadiskaas,ayaa ku salaysan hanaanka doorasho ee dalku galayo iyo in Farmaajo aqbalo shir wadatashi. Jibril Qoobey.

Read More

Fahad Yaasiin waxaa si cad loogu sheegay in Ciidamada hay’ada sirdoonka wax talaabo ah aysan ka qaadi karin siyaasiyiinta iyo shacabka ay dhici karto in ay kacdoon ka dhan ah Xukuumada ku dhaqaaqaan. Fahad waxaa looga digay ku lug lahaanshaha cadaadis lagu sameeyo siyaasiyiinta iyo shacabka mar kale. Fahad Yaasiin si dadban,ayaa loogu hanjabay looguna sheegay in isla xisaabtan jiri doono. Kulankii maanta isaga iyo wakiilka Qaramada Midoobey,ayaa lagu soo gaarsiiyay digniintaas sida aan ka helay ilo lagu kalsoonaan karo. Waa talaabo kale oo dharbaaxo xoog badan ku ah Farmaajo. Jibril Qoobey.

Read More

Wakiilka Qaramada midoobey ee Somaliya Swam waxuu kulan qarsoodiya la qaatay Madaxa Sirdoonka Somaliya Fahad Yaasiin. Sida wararku sheegayaan Swam waxuu Fahad kala hadlay arimaha doorashooyinka. Kukanku waxuu ahaa mid qarsoodiya oo aan la shaacin mana lahayo natiijada kasoo baxday. Su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay,iyadoo Villa Somaliya ay fadhiyaan Madaxweynihii,Ra’isalwasaarihii iyo Gudoomiyihii Baarlamaanka sababta kaliftay Swam in uu uyeerto Fahad kalana hadlo arimaha doorashooyinka? Kulan waxuu rumeeyay xantii ahayd go’aanka udanbeeya ee Villa-da in uu leeyahay Fahad Yaasiin madaama arimihii masiiriga u ahaa dalka ee loo doortay Farmaajo isaga lagala xaajoonayo. Jibril Qoobey.

Read More

Jahwareer xoog leh,ayaa ka taagan Villa Somaliya xili Somalida iyo beesha caalamku ay Farmaajo ka sugayaan go’aan. Sida xoguhu sheegayaan Farmaajo waxuu indhaha ku kala qaaday isagoo cidlo taagan oo aanan hayn Sxb siyaasadeed iyo dhaqaale. Khayre si cad,ayuu ugu sheegay Farmaajo in qorshihiisa doorasho ee qof iyo cod uusan soconayn oo uu aqbalo waaqiciga. Sidoo kale Fahad Yaasiin waxay xogtu sheegaysaa in uu laba canlaynayo oo uu jiro qorshe uqarsoon. Caawa ilaa beri subax waxaa la filayaa in Galmudug ay soo saarto go’aankeeda soona raacdo garabka Puntland hogaaminayso ee ku baaqaya in dalka la badbaadiyo. Farmaajo waxaa looga fadhiyaa…

Read More

“We welcome recent statements by Speaker of the Upper House Abdi Hashi, President of Hirshabelle Mohamed Abdi Ware, President of Puntland Said Abdullahi Deni, and President of Jubaland Ahmed Mohamed Islam Madobe, and other stakeholders who have requested an FGS-FMS meeting, engagement, and dialogue in keeping with the Somali Constitution.” Maraykanku waxuu soo dhaweeyay qoraalada lagu codsanayo kulan dalka lagu badbaadinayo oo dhexmara Madaxda Qaranka heer Fadaraal iyo heer Dowlad Goboleed ee ay soo saareen madaxda kala ah.. Afhayeenka Aqalka-sare Cabdi-xaashi. Madaxweynaha Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni. Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Sidoo kale Saamilayda siyaasada…

Read More

Nin weyn baa udhuuntay Nabar iyo Naxdin!! Cabdixaashi Wadani lagu halayn karo qaranimada dalka. Isagoo ay Nabar iyo Naxdin la daba taagan yihiin lacag,ayuu iska diiday kana door biday badbaadinta dalka xiligan adag. Go’aankii kasoo baxay waxuu soo afjaray qorshihii guracnaa ee Farmaajo,waxuuna dalka uweeciyay Wadadii saxda ahayd. Guud ahaan Umada Somaliyed ee ka niyad jabsanayd hogaaminta Farmaajo kana walwalsanayd xaalka dalku marayo,,ayuu ufuray hadalka una noqday naruuro niyadoodii dib usoo noolaysay. Go’aankiisii bogaadin,ayuu ka helay Umada Somaliyed iyo beesha caalamka. Cabdixaashi halyeey culus oo taariikhda galay. Jibril Qoobey.

Read More

Statement by the United States Calling for a Meeting Between the Federal Government of Somalia and Federal Member States. The United States calls for the Federal Government of Somalia (FGS) to urgently convene a meeting with all Federal Member State (FMS) Presidents. The interim Constitution of the Federal Republic of Somalia is grounded in the principle of dialogue and cooperation between the Federal Government and Federal Member States; Article 51(3) requires that the Presidents meet at least once per year. We welcome recent statements by Speaker of the Upper House Abdi Hashi, President of Hirshabelle Mohamed Abdi Ware, President of…

Read More

Ethiopia: #Somali regional state vice president Aden Farah (pic1) is elected as the incoming Speaker of the House of Federation Ethiopia Mohammed Rashid (pic 3), deputy until today who is also from Somali region, has resigned saying he wanted to give the place for representatives from other regions. Accordingly, Etsegenet Mengitu is sworn in as deputy speaker. The HoF has also approved the postponement of the 4th #Ethiopian population & Housing Census, which was already postponed twice, & said the Census to take place within 2 yrs after #COVID19 is mitigated. Adis Standard

Read More

June 9, 2020, Ethiopian Prime Minister Dr. Abiy Ahmed has urged South Sudan President Salva Kiir Mayardit to stay out of its dispute with Egypt over the construction of Ethiopia’s multi-billion dam. This comes days after unnamed senior government officials in Juba said the world’s youngest nation had agreed to a request by the Egyptian government for a military near Pagak, a town in the east of the country that borders Ethiopia. Speaking to Media news this afternoon, a senior foreign ministry official in Addis Ababa said the government of Ethiopia has written to the government of South Sudan through…

Read More

Mudane Madaxweyne dalkii iyo dadkiiba waad isku wada QATAARTAY, Qori Dab-lehna waad isugu dhiibtay❗️ Xalay waxaan daawaday muuqaal uu iska soo duubay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo ka dabo qaylinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi, kadib waraaq ka soo baxday Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo lagu sheegay in Goluhu u leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Laguna codsanayo in wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda…

Read More

Bismillah, Marka ay safaarad dal aad saaxiib dhow tihiin farriin sidan u qayaxan soo dhigto barteeda bulshada, waxay ka dhigan tahay inay kasoo quusatay wadiiqadda diblomaasiyadda oo ah talo iyo tusaaleyn aan la shaacin, toosna loogu gudbiyo madaxda ay khuseyso. Waxaase muuqaneysa in Mareykanku haatan usoo jeestay canaan iyo ceebeyn. Waana tallaabada ugu adag ee diblomaasiyadda. Ma is leedahay waa laga baaqsan karay waji gabaxan?

Read More

Arimaha ka dhacaayey Muqdisho iyo qoraalada ka soo kala baxay Aqalka Senators-ka, Garowe iyo Kismaayo waxaa ay muujinayaan in labo kooxood ay ku herdamayaan siyaasadda Soomaaliya ayan aakhirka guushu raacidoonto kooda 1aad. Sida aniga ii muuqata, labadaas kooxood ayaa kala ah; 1) Xisbiyadda Mucaardka ee Madasha Qaran, PM Xassan Khayre, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, iyo 2) Dhanka kale oo ah, Madaxweyne Farmaajo, Gudoomiyaha iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Barlamaanka Federalka Soomaaliyeed, Koonfur Galbeed iyo Fahad Yaasin. Waxaa la rajaynayaa in shirku dhowaan dhico, maadama Madaxweyne Deni, Galmudug iyo Aqalka Senators-ku ay si gooni gooni ah gogol u…

Read More

WAR-SAXAAFADEED:: Mowqifka Puntland ee doorashooyinka Soomaaliya 2020/2021. Puntland waxey ku dhawaqdey in ay ka baxdey gudigii isku soo dhaweynta Puntland iyo Dowlada faderaalka Somaliya. . Sidoo kale Dowlada Puntland waxey sheegtey inaysan wax shir ah oo doorashada Dowlalda faderaalka Somaliya looga hadlayo Wixii ka danbeeya 20-june-2020 aysan qayb ka noqon doonin. Puntland ayaanna Markan qaadatey go’aano adag oo aysan marna dib uga laaban doonin. Halkan ka akhriso

Read More

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in sida daatuurku uu qabo uu kulan la yeesho dhammaan madaxda dawlad goboleedyada. Waxay safaaraddu ku sheegtay barteeda twitter-ka in wadahadal u dhexeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada degdeg loogu baahan yahay si loo xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, loo hirgeliyo dayn cafinta, iyo la tacaalista Covid19.

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Doollo waxaa loo magaacaabay Cabdishakuur oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen. Gudoomiye xigeenka Gobolka,waxaa loo magacaabay Cabdixukun oo kasoo jeeda Beesha Majeerteen. Sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Wardheer waxaa loo magacaabay Cabdiqani Cabdille oo kasoo jeeda Beesha Majeerteen. Gudoomiyaha Gobolka waxaa hayay beesha Majeerteen oo hada laga qaaday. Boqolkiiba Todobaatan Gobolka Deegaan ahaan waxaa ubadan beesha Majeerteen. Jibril Qoobey.

Read More

Radio Daljir iyo wariyahaba waa ku bogaadinaynaa Waraysigan muhiimka ah ee ay ka qaadeen Wasiir Dhabancad. Si gaar ah waxaa tixgalin umudan su’aalaha xiligan muhiimka ah ee Wasiirka la waydiiyay. Su’aasha muhiimka ahayd ee waraysiga ka maqan waa Duqa Gaalkacyo iyo waxqabad xumidiisa. Dhabancad markaan la xaqirayn waa Wasiirka kaliya ee Deni haysto oo Umada wax usheegi kara aqoon ahaan,xog-ogaalnimo ahaan iyo aftahanimo ahaan,inkastoo xiriirkiisa bulshadu uu liito sida Wariyuhuba usheegay. Balse waxaa aad usii qurux badnaan lahayd in Madaxweynuhu sidaanoo kale saxaafada usoo hor istaago una ogolaado su’aalahan oo kale in lagu boobo asagoon caroona uga jawaabo. Halkan ka…

Read More

Madaxweynaha rabi ha caafiyo safarkiisa caafimaadkana ha noqdo mid uu ku soo guuleeysto. Sida aan xogta ku helnay Madaxweynaha maalmihii udanbeeyay,waxaa soo wajahay xanuun siyaada ah. Ilo xog ogaal ah oo Madaxtooyada ka agdhow waxay xaqiijinayaan in ay ubadan tahay in dalka dibadiisa uu u aado xaaladaas caafimaad ee lasoo daristay. Caafimaadka Madaxweynuhu ma wanaagsana tan iyo intii uu xukunka qabtay. Jibril Qoobey.

Read More

Faroole Xisbigisii Horseed ee xiligii uu Madaxweynaha ahaa uu samaystay,ayuu dib boorka uga jaftay. Waxaa lagu xantaa Xisbiga Faroole magac loo qariyo oo ah “Kaalay murane”. Sidaan xogta ku helay waxaa xubno ka ah isaga,Wiilashiisa iyo Tigey Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug oo waayahan ay daba socotay fadeexad lacageed oo ku aadan qaaraan ururintii Gardafuu. Dadka intooda badan waxay u arkaan in uu noqon doono Xisbiga Faroole mid muran iyo ilaaq loo furtay oo aan macno kale Umada kusoo kordhon doonin. Jibril Qoobey.

Read More

Ninkan shalay,ayuu ka fakadey hawlgalkii lagu dilay madaxii amniyaadka Alshabaab ee Mudug iyo Sool. Maanta ayay hawlgal kale oo wadajir ah Ciidamadu gacanta kusoo dhigeen. Aweys,ayaa loo yaqaan, waana Madaxa Qaraxyada,Sahanka iyo Sirdoonka Alshabaab ee Puntland iyo Galmudug. Guul la taaban karo ayay Ciidamada Puntland ee Mudug ka gaareen maalmihii lasoo dhaafay la dagaalanka argagixisada. Jibril Qoobey.

Read More

Hal qof oo deegaanka reer Muqdisho ah kuma jiro guud ahaan dadka lasoo saaray. Waa Dadka Kaamamka barakacayaasha ku jira ee xooluhu soo dhaafiyeen abaaraha. Hooyadaas Da’da ah ee dayacu ka muuqdo majirto sabab ay Farmaaja-ha aan banaanka usoo bixin ay ugu mudaaharaado. Waxa kaliya ee shacabkan lagu soo saaray waa 5$ oo loo qaybiyay qoyskii,iyadoo qandaraaska hawshana ay qaateen horjoogayaasha iska leh Xeryaha Barakacayaasha Muqdisho. Shalay markuu ku hor ceeboobay Mayeeraanku Baarlamaanka,saxaafada iyo caalamka,ayuu Cumar Finish uyeeray oo yiri beri wax walba samee oo hiili. Faataadhugle Farmaajo wakhtigiisii waa soo gabagaboobay. Jibril Qoobey.

Read More

Hawlgal wada jir ah oo ay iska kaa shadeen Talisyada Booliska Puntland iyo Galmudug oo ay kaabayeen PSF iyo Danab,ayaa lagu dilay xubintii ugu muhiimsanayd argagixisada Gobolka ka hawlgasha. Madaxii Amniyaadka Alshabaab ee Gobolka Mudug,ayaa lagu dilay isagoo Qarax diyaarinaya kuna hubaysan Hub kala duwan. Madaxa Amniyaadka,ayay Ciidamadu xogtiisa heleen,kadib markii laga hawlgalay waxuu isku dayay in uu cararo, balse toogasho,ayaa lagu dilay. Hawlgalkii ugu weynaa uguna waxtarka badnaa oo ay si wadajir ah ufuliyaan Ciidamada labada dhinac,ayuu noqday hawlgalkan guulaystay. Tan iyo intii ay Gobolka gaareenTalye Muumin iyo Ciidamada uu hogaaminayo waxaa isbadalay amniga Gobolka Mudug. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa lagu soo dhoweeyay xarubta Cisbiga Mideeye laba xubnood oo ka mid noqday Aas-aasayaasha Ururka Mideeye. Duqii hore ee Degmada Bosaso Eng Yaasiin Mire iyo Wasiir Sucaad Saalax. Labada masuul ee ku biiray Mideeye,ayaa ka mid ahaa Wasiir ku xigeenadii todobaad ka hor xilka looga qaaday Sxb-dhow oo ay la ahaayeen M-xigeenka. Sucaad iyo Yaasiin waa siyaasiyiin miisaan culus oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay Dowladda Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Fariimo kala duwan oo loo kala diray Xildhibaanada. Fariimaha,ayaa kala muujinaya isbadal lagu sameeyay halka xaflada furitaanka Baarlamaanku ka dhacayso. Gudoonka,ayaa ku sheegsy cilad farsamo in ay tahay sababta loo badalay halka ay ka dhacayso Xaflada. Balse ilo kale waxay xaqiijinayaan in baqdin soo wajahday Madaxweynaha oo ka qaybgalaya furitaanka darteed loo wareejiyay. “M.ne Xil Beri oo Sabti ah Tar 6 June waxaa lagaa codsanayaa in aad ka soo qaybgashid Xafalda Furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka F. S oo lagu qabanayo Dugsiga Tababarka Booliska ee Gen. Kaahiye. Saacadu waa 09:00 subaxnimo” Baqdinta kadib Xildhibaanada waxaa looga kala diray Fariintan danbe…

Read More

Madaxweyne waxaa igu maqaalo ah in aad berri kalfadhiga Baarlamaanka furayso. Waxaan ku xusuusinayaa in ay fursaddani tahay tii ugu danbeysay ee aad Baarlamaanka ku hortimaaddo, maadaama uu yahay kalfadhigii ugu danbeeyey ee Baarlamaanku yeesho. Haddaba Madaxweyne waxaa kula gudboon in aad indhaha kala furto, xaqiiqda ka sheegto xaalka dalka, dhabta wajahdo, dhinac iska dhigto dhalanteedka, garawshiyo ka bixiso guuldarradii, gaabiskii iyo gaboodfalkii dhacay. Waxa kuu haray waa siddeed (8) bilood. Shacabka ku dhageysan doona kaama sugayaan ballanqaad wax qabad, ama ku faan wax aad soo qabatay. Taas wey ka daaleen. Waa la wada ogyahay inaad taallooyin dhistay, dayactirtayna Golihii…

Read More

Hadii warqadani run ay tahay waxaa ii muuqatay 3 arimood oo midba mida kale ka daran tahay; 1 Dagaalka iska cad ee Puntland lagu wado 2 Dawladda Puntland iyo sida ay uga dayacan tahay sida International Relations-ku u shaqeeyo, iyo 3 Dawladda Madaxweyne Deni oo aan weli si fiican u fahamsanayn hab dhaqan Dawladda Federalka ah ee Somaliya iyo maqaamka Dawladda Puntland iyo marxaladda Soomaaliya hadda ku sugan tahay. Waxaan Madaxweynaha Puntland kula talinayaa in uu 3-daas qodob aad uga fekero, talaaboyinka ugu haboona ka qaado.

Read More

Warqadan oo loo diray Dowlada Imaaraadka Carabta si looga mahadceliyo garab istaageedii dhanka dawada ee Corona Virus,ayaa umuuqata mid hab qoraalkeedu aad uliito. Uma qalanto in ay kasoo baxdo Madaxtooyo Maamul Puntland oo kale ah loona diro Jamhuuriyad maqaan leh oo Sxb-ah. Mahan markii ugu horaysay oo Madaxtooyada Puntland ay kasoo baxaan warqado bahdil ku ah Dowladnimadeeda 21-jirsatay. Tani waa mid muujinaysa sida qaybta warfaafinta Madaxtooyada Deni hogaaminayo uhoosayso. Fashilkii labaad oo soo wajahay Warfaafinta Madaxtooyada markii lagu daro khudbadii Madaxweynaha ee ZOOM-ka kula qaatay beesha caalamka Halkan ka akhriso warqada

Read More

Waxaa burburay wada xaajoodkii la qorshaynayay in lagu kulan siiyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Dowlada Dhexe ee looga arinsan lahaa doorashada. Puntland,Jubaland,Galmudug iyo Hir-shabelle waxay isku raaceen in bishan bartankeeda si toos ah loogu kulmo Magaalo ka mid ah Somaliya ama ZOOM-ka. Dowlada Fadaraalka waxay soo jeedisay in kulankaas uusan suurtagal ahayn oo bisha danbe July bartankeeda la kulmo,waxaa ku raacay Gobolka Banaadir iyo Koonfur-galbeed. Sidaa,ayuu ku fashilmay wada xaajoodkii socday maalmahan oo lagu kala tagay. Waxaa muuqata in Farmaajo rabo mudo kororsi oo uu sugayo bishan dhamaadkeeda in Xaliimo Yarey ka keento Baarlamaanka mudo kordhin sidaana…

Read More

Ururadan siyaasadeed oo horay u helay aqoonsiga Guddiga Doorashooyinka KMG-ah ee Puntland (TPEC),ayaa iskugu tagay hal Urur oo ay u bixiyeen (Mustaqbal Political Party). Xaflada ku dhawaaqida midowga waxaa kasoo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan. Madasha waxaa ka hadlay xubno matalayay Ururada isku biiray oo ay ka mid ahaayeen Xoghayihii hore joogtada W.Maaliyada Fadaraalka,Agaasimaha Hay’ada Tadamun iyo mid ka mid ah Ragii ugu dhowaa Madaxweyne Gaas. Sadexda Urur,ayaa mabaadiida iyo ahdaafta kawada sinaa sida ay goobta ka sheegeen hogaamiyayaashooda. Hadafka ugu weyn ee ay isku kaashadeen ayay ku tilmaameen xaqiijinta himilooyinka iyo rabitaanka Dadka Puntland ee Somaliyed. Midowga Sadexdan Urur…

Read More

Maxamuud Shiddo waa Ninkaas Hooyadaas dayacan ee awooda yar dulmiyay!!! Wiilkiisaa Ilmo ku raray hadana ku dayacay oo ku kibray markay u ergootay Maxamuud Shiddo dulmi kasii weyn midkii Wiilkiisu sameeyay,ayuu kula kacay. Gudiga gurmadka Qardho waa in ay ka gurmadaan cabashadan lafa garaaca ah ee Hooyadan. Ururada siyaasada ee Puntland si gaar ah tixgalin ha usiiyaan Hooyadan dulmigeeda aan ku koobnayn Baahi Wax la’aaneed. Haldoorka Puntland ee dibada iyo gudaha haloo kaco Hooyadaas. Saxaafadu ha u istaagto oo hagarab gasho Hooyadaas. Hooyadaas dulman amaankeeda si gaar ah haloo ilaaliyo madaama ay Maxamuud Shido eed ka tirsanayso. Halkan ka daawo…

Read More

Askarigii Dilka ugaysatay George Floyd oo ahaa Nin Madoow,ayaa la soo tagayaa Maxkamad 8-da bishan,iyadoo loo cuskanayo heerka labaad oo ah dil bareer ah. Sidoo kale 3-dii Askari ee caawinaysay,ayaa lasoo xiray Dacwadana lagu soo oogay. Sidaa waxaa xaqiijiyay Keith Ellison oo ah xeer ilaaliyaha Gobolka MN oo Dacwada hada la wareegay,kadib markii Xeer-ilaaliyihii hore lagu qanci waayay Dacwad soo oogistiisii. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Francisco Madeira oo lagu eedeynayo Musuq, Maamul-xumo iyo Faragelin Siyaasadeed Moqdisho: Ergeyga Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somaliahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambasador Francisco Madeira waxa uu ka dhiidhinayaa Eedeymo loo soo jeediyey oo isugu jira Musuq, Maamul-xumo, Xadgudub iyo Faragelin Siyaasadeed. Warbixin Cusub oo dhex wareegayso gudaha Xafiisyadda Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa si kulul loogu naqdiyey Ambassador Francisco Madeira, iyadoo lagu eedeynayo inuu si xun ula macaamilo Shaqaalaha, oo ay ku jirto inuu u diido bixinta Shukumaanada ama Tuwaalka Caafimaadka, inuu shaqaalaha u isticmaalo Lahjad Adag, Afduubka Deeqaha AMISOM si uu Siyaasad ahaan uga faa’ideysto iyo isagoo…

Read More

Canshuur qaadista ilaa heerka ugu sareeya madaxda Puntland,ayaa u istaaga gorgortana mageli karto. Balse kor uqaadista tayada Ciidanka Booliska iyo ka shaqaynta amaanka shacabka xataa Agaasimayaal iskagama yimaadaan. Talyihii Booliska ee xilka la wareegay dhawaan waxuu la’yahay Ciidan,Gaadiid iyo dhaqaale uu ku hawlgalo. Xarunta Taliska Booliska Puntland waxuu ugu yimid 50-Maleesiyo beeleed magac Boolis iska sheegta iyo hal Baabuur oo qanaxa. Talyihii hore ee Booliska Gaadiidkii iyo Ciidankii uu ku hawlgali jiray isagaa lahaa waana diiday in uu wareejiyo oo hoygiisuu,ayuu ku xaraystay. Wasaarada Maaliyda Puntland waxay ka shiraysaa sidii Canshuurta ay ukordhin lahayd shacabkana si khasab ah looga qaadi…

Read More

MW Farmaajo oo isticmaalaya Guddoomiyayaasha labada aqal ee Mursal iyo Xaashi ayaa guddoomay xog uu u geeyey Ibrahim Yaroow oo guddoomiye ka ah guddiga loo xilsaaray maqaamka Banaadir. Xalay ayaa Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay guddonka ku wargeliyeen sida ay u rabaan xilalkaas in loo qaybiyo maadaama la yiri madaxda sare ayaa go’aan ka gaaraysa waxaana ay u qoreen sidan:- 1- Puntland Farmaajo waxaa uu ka keensan doonaa Cabdi Siciid oo Majeerteen ah haatanna lataliye amni u ah Farmaajo. 2- Galmudug waxay isla garteen Fahad iyo Farmaajo in Cabdiwaal oo Habargidir Ceyr ah laga keeno maadaama ay rabaan inuu dagaal…

Read More

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, Gaashaanle sarre Muumin Cabdi Shire ayaa safar muddo saddex maalmood ah qaatay kusoo maray Degmooyinka Saaxo,Goldogob iyo Bursaalax ee Gobolka Mudug. Taliyaha waxaa socdaalkiisa ku weheliyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo,waxaana ujeedka socdaalkiisu ahaa sare u qaadidda wada-shaqaynta Booliiska iyo Dowladaha hoose ee Degmooyinkaas iyo sidoo kale La-dagaallanka Argagixisada Al-shabaab iyo ka ganacsiga maandooriyaha. Taliyaha iyo mas’uuliyiinta weheliyay, ayaa mudadii ay Socdaalka ku jireen Kulamo kala duwan la qaatay maamullada degmooyinka Bursaalax Galdogob, Saaxo iyo dhammaan tuulooyinka hoosyimaada degmooyinkaas.

Read More

Si buuxda Axmed Karaash,ayaa utanaasulay aqbalayna dhamaan arimihii uu dooda ka qabay in uu ka tanaasulo. Axmed Karaash waxuu aqbalay Talyayaashii uu magacaabay Madaxweyne Deni. Sidoo kale waxuu aqbalay Wasiiradii iyo Agaasimayaashii uu magacaabay Madaxweyne Deni. Karaash waxuu ku badashay dhamaan qodobadaas uu horay ugu dhaganaa wada shaqayn,is ixtiraaam iyo la tashi dhamaystiran oo Madaxweynuhu la yimaado. Guusha heshiiskan ee Karaash waxay tahay in uu iska hor leexiyay kooxda uhaysata in ay Madaxweynaha leeyihiin. Si gaar ah waxaa goobta wada xaajoodka loogu balan qaaday in Wasiirka Maaliyada uu ilaalin doono maqaamka Dastuuriga ah ee M-xigeenka. Is afgaradkan waxaa ku khasaaray…

Read More

Garowe: 02 June 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubno ka mid ah hoggaanka dhaqanka Puntland. Kulanka ayaa looga hadlay kawada shaqeynta midnimada, amniga iyo horumarka Puntland waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro kala aragti duwanaan dhinaca maamulka iyo shaqada ah oo u dhexeysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Dowladdu waxay Bulshada Puntland ugu baaqaysa inay ka…

Read More

Dhabancad shalay Odoyaal buu udiray Shabaab si ay heshiis ula soo galaan,isagoo ku xumaynaya Xulumaadii markaa jirtay . Maantana waxuu qorshaynayaa in uu Raashinka WFP ee loo qaybiyo Somaliland,Puntland iyo Bartamaha iyo Koonfurta Somaliya uu Mudug qaybteeda raaciyo Koonfur. Ujeedkiisu waa iska hor keenid Xukuumada hada jirta iyo Shacabka Mudug madaama uu maqlay in uu waayi doono kursiga Wasiirnimo isku shaandhayn kale oo Wasiirada culus kusoo socota. Deni haka digtoonaado qorshaha Dhabancad ee saxiixa Raashinka WFP qaybta Mudug. Sidoo kale Bulshada Gobolku haku toosan oo ka hor tagaan isku dayga Dhabancad ee khatarta badan leh. Shalay wadadii uu uhorseeday dhibkeedii…

Read More

Wadadan Gaalkacyo-Garowe ceebteeda taariikhda gashay waxaa iska leh Gaas-ka degan Gurigii uu ka dhistay lacagtii uu ka musuqmaasuqay dhismaheeda ee Garowe. Gaas markii laga soo tago Aduunyada kale waxa uu ka dhistay oo dhaqaalihii shacabka Puntland uu ku maalgashtay Garowe laba Guri midna ganacsi yahay midna Deegaan,ayuu caawa dhex hurdaa. Kaaga sii darane waxuu ufadhiyaa in uu weli siyaasada kusii matalo oo masiirkooda sii kufsado shacabka uu sidaas Wadooyinkoodii udayacay. Hadii damiir jiro beri labadaa Guri hala hor dhoobto oo sharcigu ha qabto hana loo xaraasho Wadada dhismaheeda. Gaas waa danayste aad udanqasho xun oo aan waxba xeerin markay timaado…

Read More

Wadadan Gaalkacyo-Garowe ceebteeda taariikhda gashay waxaa iska leh Gaas-ka degan Gurigii uu ka dhistay lacagtii uu ka musuqmaasuqay dhismaheeda ee Garowe. Gaas markii laga soo tago Aduunyada kale waxa uu ka dhistay oo dhaqaalihii shacabka Puntland uu ku maalgashtay Garowe laba Guri midna ganacsi yahay midna Deegaan,ayuu caawa dhex hurdaa. Kaaga sii darane waxuu ufadhiyaa in uu weli siyaasada kusii matalo oo masiirkooda sii kufsado shacabka uu sidaas Wadooyinkoodii udayacay. Hadii damiir jiro beri labadaa Guri hala hor dhoobto oo sharcigu ha qabto hana loo xaraasho Wadada dhismaheeda. Gaas waa danayste aad udanqasho xun oo aan waxba xeerin markay timaado…

Read More

Madaxwaynaha dawlad goboleedka Jubbaland Axmad Maxamad Islaam,ayaa daqiiqado un ka hor hoolka Waamo ee magaalada Kismaayo ka furay shirka dib u heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee ku diriray deegaannada Jubbada Hoose. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay dawlad goboleedka Jubbaland wuxuu u jeedkiisu yahay in si kama dambays ah loo soo af meero colaaddan soo laalaabatay.

Read More

“George Floyd waxaa magaaladeenna lagu dilay maalin cad.Waa in dacwad deg deg ah lasoo oogo. Caddaalad darrada qotada dheer ayaa sababtay xasilooni darrada bulshada. Nabad ma raadsan karo iyadoo aan caddaalad la helin. Haddii uusan xeer ilaaliyaha deegaanka u heellaneyn inuu sidaas sameeyo, waa in lasoo magacaabo dacwad ooge khaas ah.,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka.

Read More

Xarumaha Booliska Magaalooyinka Minneapolis St.Paul,ayaa la gubay. Jaaliyadda Somaliyeed waxaa lagu war galinayaa in ay guryahooda joogaan xaaladu hadda way ka badalan tahay sidii hore Ciidamadda Amniga Qaranka ayaa hadda qayb ka noqonaya sugida Ammniga.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalks

Read More

Saakay waxaa Bosaso lagu qisaasay Askarigii horay udilay Talyihii amaanka garoonka diyaaradaha Bosaso Xasan Shire Amaan rabi ha unaxariistee. Faahfaahinta sida xukunku udhacay dib,ayaan idin kala wadaagi doonaa. Jibril Qoobey.

Read More

Mid kale oo ka mid ah Talyayaasha Madaxtooyada Puntland oo iska casilay xilkii uu hayay. Bashiir Nayl waxuu ka shaqayn waayay sida aan xogta ku helay Xasan Deni oo ay walaalo yihiin Madaxweyne Deni. Xasan waa Ninka dartiis uu shaqada uga tagay Talyihii guud ee ilaalada Madaxtooyada bil ka hor kadib markii uu Madaxweyne Deni waxba ka qaban waayay khaladaadkiisa. Sida muuqata way adag tahay in Deni sii hogaamiyo Umadan baahida uqabta hogaan waxtar leh. Jibril Qoobey.

Read More

Ilhaan Cumar waxay canbaaraysay Xabadaha Cinjirka ah iyo awooda ay isticmaaleen Booliska. Sidoo kale waxay Bulshada ugu baaqday in ay si nabad ah umudaaharaadaan. Caro xoog badan oo la dhalatay dilkii Booliska Minisota ee Ninka Madow. Xaalku waxuu cirka isku sii shareeray markii dibadbaxayaal si nabad ah u socday Boolisku u isticmaaleen Xabadaha Cinjirka ah iyo Sunta Dadka kaga ilmaysiisa.

Read More