Warqaad kasoo baxdey Xafiiska Kusimaha Gudoomiyaha Maxkamadda sare Nuur Ciise Maxamed ayaa lagu sheegay in la furey hawlaha garsoorka Puntland. ”Hadaba waxaa la faraaya Maxkamaddaha rafcaanka kuwa darejada 1-aad ee Puntland in la socodsiiyo hawlaha Garsoorka, Iyadoo laga taxadarayo in dacwadaha la isku keeno dad badani” ayaa lagu yiri qoraalka Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Go,aanka Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland ayaa imaanaya xilli la hadal hayo in Dacwad ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Puntland, taas oo ay diyaariyeen Madaxweyne Deni iyo saaxibadiisa.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), oo saaka ku geeriyooday Qardho. Alle ha u naxariistee Cabdi Cabdulle Jini Boqor wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Puntland, wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarka iyo dowladdnimada isagoo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Soomaaliyaba. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Cabdi Cabdulle Siciid (Jini Boqor), waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland,…
Dr. Cabdiweli Maxamuud Gurey oo bartay cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, kana mid ahaa murashixiintii isbaddal doonka ahaa ee Puntland ee sannadkii 2014, ayaa ka hadlay Khilaafka Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Dr. Gurey ayaa si durugsan u falanqaynayay khilaafka ka dhex aloosan Madaxda sar-sare ee Puntland isagoo kula Dar-aarmay Isimada. Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta in Xal laga Gaaro wax walba oo wax u dhimi kara Jiritaanka Puntland.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb, Nicolas Berlanga ayaa walaac xoogan waxaa uu ka muujiyay natiijada la dhalan karta hadii dib u dhac uu ku yimaada doorashada Soomaaliya. Farriin qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay ka walaacsan yihiin natiijada aan fiicanayn ee ka dhalan karta dib u dhaca doorasho xiligeeda ku dhacda. “Midowga yurub ee soomaaliya waxay muujinayaan walaac markasta oo suurta gal ah in dib looga fiirsado taariikhda cusub ee taariikhda cusub ee loo qabtay Guddiga Doorashooyinka inuu Baarlamaanka hor yimaado. Hadalka Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb, Nicolas Berlanga…
Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Soomaaliya Amb. Kani Torun ayaa Midawga Afrika ugu baaqay in uusan faragalinin siyaasadda gudaha ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu ku qoray ayuu safiirka kaga falceliyay hadal ka soo yeeray dawlad goboleedka Jubbaland kaas oo lagu cambaareeyay khudbadii maalmo ka hor uu wakiilka Midawga Afrika ee Soomaaliya ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Kani Torun ayaa yiri, “Midawga Afrika waa in uusan faragalinin siyaasada gudaha ee Soomaaliya, Midawga Afrika waa in ay dhexdhexaad ka noqdaan kooxaha siyaasadda haddii kale waxay wiiqi doontaa xasilloonida jilicsan ee dalkaas ka jirta.” Madiera ayaa la…
Tacsi Qaran oo loo sameeyay gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug, Axmed Muuse Nuur-yare ayaa ka socota magaalada Gaalkacyo, Eebbe ha u naxariisto.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro iyo Wasiiro ku-xigeeno uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay oo galabta si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyey. Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah . Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay munaasabadda dhaarinta Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeennada cusub, wuxuu marka hore Dowladda iyo Shacabka Puntland uga tacsiyeeyay geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo…
Diyaarad waday gargaar oo ay lee dahay Shirkadda Salaam air, ayaa la sheegay in xabado lagu riday xili ay ku dageysay magaalada Qansaxdheere ee gobalka Baay. Ma jiro wax qasaare ah oo gaaray dadkii diyaarada saarnaa waxaana diyaarada ka muuqda rasaastii ku dhacday. Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya ee saldhiga ku leh agagaark Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Qansax-dheere ay rasaasta la dhaceen diyaaradan, wallow ay ka bad-baaday dibna ugu laabatay Magaalada Muqdisho. Dhawaanta ayeey ahayd markii ciidmada itoobiya soo rideen diyaarad qalab caafimaad sitay oo ku dagi lahayd magaalada Bardaale, taas oo ilaa hada aysan si rasmi ah uga hadlin…
Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo goor dhow la hadlay warbaahinta waxa ay si kulul oga hadleen hadal dhawaan kasoo yeeray Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ahna madaxa AMSIOM Francisco Madeira kaasoo uu ku maran habaabinayey hishiiskii ay dhawaan wada gareen Madaxda Jubbaland iyo Hogaamiyaashii isbadal doonka.
Ciidamada Booliska Dowladda Puntland oo ka howlgalla Gobolka Bari oo howlgallo ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bari, ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsanaa Kooxda Argagixisada ah ee Daacish iyo Gadiid iyo Hub ay wateen. Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in kaddib howlgal qaatay 48 Saacadood oo ay ka sameeyeen deegaannada Iskushuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel Iyo Dooxa Gabin, ay ku qabteen maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Daacish. Sidoo kale, G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka ay kusoo qabteen Hub iyo Gaadiid farabadan oo ay wateen xubnaha…
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Warsaxaafadeed kasoo saartay hadalkii gafka ahaa ee kasoo yeeray Ambasadoor Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo xulufadiisa Siyaasadda ayaa la sheegay in Maxkamadaha Puntland ay u gudbiyeen gal-dacwadeed ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Dacwadan oo la filayo in maalmaha soo socda ay Maxkamaddu u fariisato ayaa la xariidha eedeymo loo jeediyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kuwaas oo ay kamid yihiin Khiyaano Qaran, Aflagaado iyo Jabinta Dastuurka Dowladda Puntland, kuwaas oo sababi kara hadii lagu helo Madaxweyne Karaash inay Xasaanada kala laabtaan Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu la wadaagay Xeer ilaalinta iyo Dacwad oogayaasha Dowladda in Codad sir ah oo…
Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa Xubnihii Is bedel doonka Jubbaland ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera oo uu sheegay in shirkii Golaha Ammaanka ugu gafay Beel Soomaaliyeed. Amb. Madiera oo ka hadlayay maalmo ka hor Shirka Golaha ammaanka QM ayaa sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo xubnaha mucaaradka Beesha Ogaadeen ay heshiiyeen, hadalkaasoo siyaabo kala duwan siyaasiyiin dhowr ah uga falceliyeen.
Geeridu waa xaq, san-ku-neefle walbaa maro, mar bayse kadis kugu noqotaa ood ka naxdaa, murugo iyo tiiraanyo ku dhaxalsiisa, waa tay Soomaalidu horey u tiri: geeri aqoon bay kugu dishaa! Subaxaan saaka ah, waxaan ka warhelay in Ismaaciil Diiriye Gama’diid – oo ahaa wasiirkii degaanka iyo beeraha dowladda Puntland- geeriyooday, ka dib markuu haleelay xanuunkii safmarka ahaa ee Karoona, dhimashada “Gama’diid” waxay iiga dhigantahay: udub-dhexaad iyo tiir adagoo ummadda Soomaaliyeed lahayd oo dumay, shakhsi eebbe ku galladay aqoon iyo dabci-wanaag in uu galbaday. Muddaba, Ismaaciil Gama’diid, wuxuu la il-darnaa xanuunka Covid-19, xaaladdiisa caafimaad dhaqaatiirtu way la tacaashay markii hore, markay…
Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho. Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha Dowladda gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid,…
AUN Wasiirkii Deegaanka, Beeraha & Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Ismaaciil Diiriye Gamacdiid, ayaa ku geeryooday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka. Wasiir Gamacdiid ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay la liitay xanuun kasoo wajahay Hab-dhiska neefsashada jirka, kaddib markii uu saameyn uga tagay cudurka COVID-19 oo laga daaweeyay Wasiirka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo wareysi siiyay BBC News Somali, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaannida ee Somaliland.
Dagaal culus ayaa Xero lagu tababaro Ciidamada Daraawiishta jubbaland ku leeyihiin duleedka Dhoobleey waxaa uu ku dhex-maray Ciidamada Jubbaland iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii ay Al-Shabaab weerareen Xerada Ciidamada Daraawiishta o uu tababar uga socdo in ka badan 300 oo askari oo aan hubeysneyn,kuwaas oo kamid noqonaya Ciidamada Jubbaland. Taliye ku-xigeenka Ciidamada Jubbaland ee degmada Dhoobleey Maxamed Cabdullaahi Koreyd ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen. Waxaa uu sheegay in intii uu dagaalka socday ay Al-Shabaab ka dileen laba xubnood,hayeeshee…
Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor ku guulaysatay wareegga koobaad ee codbixinta isreereebka uu xisbigeeda ku xulanayo musharraxa degmada 5-aad ee kursiga ay hadda ku fadhido ku matalaya doorashada Congress-ka ee lagu wado inay dhacdo bisha November. Codbixinta xisbiga Dimuqraadiga oo loo sameeynayay qaab email ah ayaa waxay socotay 9 maalmood ee ugu dambeysay. Cudurka Corona ayaa horistaagay in ergada xisbiga ay isu yimaadaan si ay u codeeyaan taasi oo sababtay in qaabka Emil-ka lagu codeeyo. Ilhaan ayaa tartanka kaga guuleystaya Antone Melton oo ahaa nin madow ah islamarkana si wayn u dhaliilayay waxqabadkeeda intii ay xilka haysay. Xildhibaanada aqalka…
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaareed), ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu masuul ka yahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa. C/xakiin Dhoobo-daareed ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu kasoo horjeedo in talada Puntland ay wax ku yeeshaan dadka ugu dhow ee la shaqeeya sida madaxweyne ku xigeenka iyo guddoonka barlamaanka. Sidoo kale, Dhoobo-daareed ayaa xusay in khilaafka isaga iyo Axmed Karaash uu ka dhashay markii madaxweynuhu uu diiday inuu la tashado ku xigeenkiisa. Wuxuuna tilmaamay inuu kamid ahaa dadkii xalliyay khilaafkaas si uusan bannaanka ugusoo bixin. Cabdixakiin Dhoobo-daareed, ayaa xilka looga tuuray mooshinka…
Qaar kamid Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, ayaa Qorshaynaya in ay Xukuumada kalsoonida kala laabtaan. Qorshahaas,ayaa si hoose usocda waxaana hada tirada Xildhibaanada hawshaas wadaa ay gaarayaan 28-Xildhibaan. Dad badan oo aan wax ka waydiiyay isku daygan,ayaaba qaba in Marxuumka oo ay ula jeedaan Madaxweyne Deni ayba ahayd in ay abaaraan Xildhibaanada. Dareen niyad jab iyo ka fogaansho ah,ayaa ka muuqda Shacabka. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Masuuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo qaar kamid ah Masuuliyiinta labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta qado sharaf loogu sameeyay deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose. Munaasabadan ayuu Madaxweynahu ugu tala galay Masuuliyiinta kala duwan iyadoo lagu maamuusayo Munaasabada Ciidul fidriga. Sidoo kale inta uu Madaxweynahu halkaas ku sugnaa waxaa uu la kulmay qaar kamid ah Bulshada ku nool deegaankan isagoo u kuur galayay sida ay u socdaan howlaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka wado halkan gaar ahaan dhinacyada Nabadgalyada iyo Hormarka.
“Dadkii shalay ciiday qalle ma lagu leeyahay” Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ka jawaabay
Taliyaha Hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab), ayaa ka bad-baaday Qarax miino oo maanta lagula eegtay magaalada Muqdisho Gaari uu la socday. Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Gaariga Taliyaha lala eegtay xilli uu marayay Wadada Afisiyooni gaar ahaan Agagaarka Iskuulka Almasal. Wararka ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen laab ruux oo mid kamid ah aheyd haweeneey, kuwaas oo wadada marayay. Waa markii labaad oo muddo todobaad Gudihiis Magaalada Muqdisho qarax lagula eegto Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cali Barre Xersi (Cali Gaab).
Safiirkii Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Xamuud Samraan Al-Xuwayti ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Xamuud Samraan Al-Xuwayti ayaa la sheegay in xanuun kedis ah inuu u geeriyooday, inkastoo aan faah faahin laga bixin xanuunkaas. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka tacsiyadeyneyso geerida ku timid Safiirka.
Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay arrimaha Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay dalka iyo xaalada isbitaalka Martiino oo dad badan ay Cudurka ugu geeryoodeen. Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu yahay mid halis ah,hayeeshee dadka aysan aheyn kuwo ka feejigan,sidoo kalena dalka uusan laheyn isbitaalo si wanaagsan ugu Shaqeeya Bulshada.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shacabka la wadaagay hambalyada munaasabadda ciidul fidriga ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo uu sheegay in la qaldan yihiin siyasadda. Mudane Xasan oo arrinkan ka hadalaya waxa auu yiri “Beryahan siyaasadda waa tii laga qeyliany ee waxaan leeyahay, dalkan kheyraad naguma yara, nimca ilaahey siieyey naguma yara, meel ilaah dad ku abuuro, meelaha ugu fiican ayaan joognaa, ku abuuranahay, hal cilad ayaan leenahay, waan tashan la’nahay, siyaasaddana waan ka heshiin la’nahay, wax waa isu ogolaan la’nahay, waa isu dhimrin la’nahay, waa isaqbali la’nahay” Xasan Sheekh oo sii-hadlaya “Soomaaliyey aan isaqbalno, aan isdhageynasno,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in uusan hubin in ay rasmi wadayihiin waraaqaha ku soo baxa magaca Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo in uu awood buuxdo u leeyahay kaligii go’aamada uu qaatay.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo wareysi gaar ah siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa si kulul u dhaleeceeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, isagoona sheegay in aysan salaanta iska qaadin isaga iyo Madaxweynuhu.
Ra’iisulwasaare hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo Wareysi Xasaasi ah siiyay Dalsan TV ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Duullaankii ciidamadi Ethiopianka ahaa ay ku soo galeen Muqdisho sanadki 2007 dawladihi is badbadlay Kadib ,wadahadaladi Burburay ee hogaanki Makamaakimta iyo TFG, Xiriirkiisa dawladda Madaxweyne Farmaajo Iyo Arimo kale, Ku daawo Barnaamijka Awoodda 5-aad oo ah Barnaamij cusub oo ka bixi doono.
Dagaal culus ayaa ka dhacey Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaas oo u dhaxeeyaa Maleeshiyaad Hubaysan iyo Cutubyo ka tirsan Ciidamada DANAB ee ka hawlgala Gal-Mudug . Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Ciidamadda DANAB ee Gal-Mudug ka hawlgala xireen nin lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay Alshabaab, kadibna ay weerar ku qaadeen Ciidamadda malayshiyo beeleed ay isku hayb yihiin Ninka la xirey. Hubka Culus ayaa la isku adeegsanayo ayaa laga maqlayaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo goor-dhaweyd soo saaray Waraaq ayaa ka hor-yimid isku shaandheyntii uu sameeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, isagoona sheegay in uusan kala tashan isku shaandheynta uu ku sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.
Gudaha Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo waxaa weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada Danab Maleeshiyo beeleed gadaal ay ka riixayaan Alshabaab. Maleeshiyadan waxay ka caraysan yihiin Xubno Alshabaab ah oo ay Ciidamadu qabteen shalay. Dhimashadu waa labo dhaawacuna waa 15. Ilaa iyo hadana dagaalku waa socdaa. Jibril Qoobey.
“Dowladnimada Dalka iyo nidaamka Fadaraalka waa la burburinayaa,waxaana burburinaysa Dowlada Fadaraalka ah”Sidaa waxaa yiri Deni. “Dowlada Fadaraalku waxay gacan dhaaf ku samaynaysa maamulada,taasoo baal marsan qorshihii Dowlad dhiska Somaliya”ayuu markale yiri Deni. Beesha caalamka eedayn kulul buu usoo jeediyay oo uu ku sheegay in ay hagradeen Puntland,isla markaana aysan waxba ka qaban dhaqaalihii ay bixiyeen oo hortooda si khaldan loogu isticmaalayo. Sidoo kale Madaxweyne Deni waxuu garow siiyo siiyay beesha caalamka,isagoo uga garaabay dhibka ay kala kulmayaan Dowlada Fadaraalka oo gaarsiisan markay fikrad keenaan in Hoobiye lagu tuuro xaruntoods Xalane. Waraysi su’aalo kulul lagu waydiiyay oo ay ka mid ahaayeen…
60-ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab,ayaa ka soo degay maanta Duhurkii Deegaanka Hul-caanood ee ka.tirsan Degmada Xumbeys Gobolka Bari Puntland. Maleeshiyadan,ayaa kasoo kicitintay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug. Sida aan horay udaabacay Maleeshiyadan waxay ku wajahan yihiin Buuraha muhiimka ah ee Cal -Miskaad. Majirin xiligay soo dagayeen iska caabin ay la kulmeen,waxaana muuqata in Dowlada Puntland aysan taxadar ka samayn xogihii horay loo gaarsiiyay. Jibril Qoobey
Garoowe: 22 May 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Wuxuu xeeriyey: Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiskaWaxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka BaddaWaxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda MaaliyaddaWaxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir…
SPECIAL REPRESENTATIVE OF THE SECRETARY-GENERAL FOR SOMALIA STATEMENT TO THE UN SECURITY COUNCIL Mr. President, Good evening from Mogadishu and Ramadan Mubarak to our Somali brothers and sisters as we approach the Eid-al-Fitr. Somalia, like the rest of the world, is focused on confronting the COVID-19 pandemic. Somalia has more than 1,500 recorded cases although the actual figures are almost certainly much higher. The consequences for Somalia are acute. Even before COVID, more than 5 million Somalis required humanitarian assistance. The 2.6 million internally displaced persons are particularly at risk. Nearly one million Somalis are now affected by flooding, and…
Ambassador Cherith Norman ChaletActing Deputy Permanent RepresentativeU.S. Mission to the United NationsNew York, New YorkMay 21, 2020 Thank you, Sven. I was too accurate in trying to unmute and accidently hit the end button. So, thank you for that and thank you, Special Representative Swan, for joining us today and for your leadership of UNSOM. The United States welcomes the positive developments Somalia has made so far this year. Debt relief has opened new access to international grants to support economic growth, development, and reform. The Somalia National Army forces and AMISOM have continued to gain ground south of Mogadishu…
“Muddo kordhinta si aysan u dhicin waa in la helaa dad hor-taagan muddo kordhinta, Waxaan aaminsanahay in doorashooyinka federaalku aysan suuragal ahayn sannadka 2020. Sababta waxa weeye iyada oo aysan jirin qaab-dhismeed siyaasadeed oo wax ku ool ah oo ay ka go’an tahay hirgelinta doorashada, marka lagu daro Barlamaanka Federaalka”sidaa waxaa yiri Madaxweyne Gaas. Gaas oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri… “Sababta labaad waa jiritaan la’aan heshiis siyaasadeed oo u dhexeeya dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah” Sidoo kale waxuu Gaas ku sheegay sababta saddexaad ee aysan doorasho qof iyo cod uhirgali karin…. “Himilada NEC (Komishanka Doorashooyinka Qaranka) uu yahay…
In mudo ah oo uu karantiil ahaa Madaxweyne Deni caawa waxuu ka qaybgalayaa kulan looga doodayo doorashada Somaliya 2021oo ka dhacaya xarunta PDRC Garowe. Kulanka waxaa kaloo ka qaybgalaya Madaxweynayaashii hore Gaas iyo Faroole. Waxaa kulanka ka maqan oo aan fagaaraha ka muuqan M-xigeenka Karaash. Balse waxaa iyaguna ku sugan madasha haldoor reer Puntland ah oo ay Caasho Geele ka mid tahay. Jibril Qoobey.
Golaha amaanka,ayaa ku amray Farmaajo in uu qabto shirkii Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Xoghayaha guud ee qaramada midoobey oo warbixintiisii joogtada ahayd ugudbiyay golaha,ayaa si caro ka muuqato waxuu ugu in aan la ogolaan karin Somaliya oo dib ugu laabata xaaladii adkayd ee ay horay usoo martay. Sidoo kale wakiilka Qaramada midoobey Swan oo isna golaha ka hadlay waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay xal uhelid la’aanta khilaafka Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Golaha amaanka waxuu kaloo cusboonaysiiyay joogitaanka Ciidamada Amisom ee Somaliya. Bishan dabayaaqadeeda waxaa soo baxaya go’aan qaramada midoobey ay ka qaadatay xaalada…
Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa war saxaafadeed ka soo saartay falalka sharci darrada ah ee ay dawladda federaalka Soomaaliya ka wado gobolka Gedo.Hoos ka akhriso war saxaafadeedkan oo dhammaystiran.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah isaga diiwaangeliyey urur Siyaasadeedka Kaah. Madaxweynaha ayaa xarunta ururka waxaa kusoo dhoweeyay Guddoonka Ku meel gaarka ah ee Ururka iyo Xubnaha Ururka qaar ka mid ah, Wuxuuna kadib u gudbey qeybta diiwaangelinta, halkaasi oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah isu diiwaangeliyay maanta xubinimada Urur Siyaasadeedka Kaah. Hirgelinta nidaamka xisbiyada badan ee Puntland waxaa uu ka mid ahaa qorsheyaasha Iyo Siyaasadda Madaxweyne Deni, waxaana ay dowladdu muddo 7bilood ah kusoo dhistay Guddiga Doorashooyinka Ku meel gaarka ah oo wakhti yar shaqooyin muuqda ku qabtay, Iyadoo ay is diiwaangeliyeen 17…
“Siyaasada intaan ka aqaan shido lama abuuro hadii ay jirtana waa la yareeyaa”Madaxweyne Gaas. Markale Madaxweyne Gaas oo tala siinaya madaxda Fadaraalka ee hada xilka haysa waxuu yiri… “Kursiga iskama fadhiyi kartid oo xili basd leedahay marka taariikh baa laga tagaa ee Madaxda Fadaraalku haka tagaan taariikh”. Idaajaa oo Siyaad Barre kula taliyay 1979 in uu talada wareejiyo isagoo la jecel yahayna ka dago,balse ka biyo diiday,ayaa 1992-Baardheere kula kulmay isagoo si foolxun Xamar looga soo saaray. “Waxii aad igula talisay 1979 ee aan kaa diiday saakay ayay ihaystaan oo anoo karaamo leh kursiga wareejiye baan diidaye anoo dulaysan ayay…
Puntland si cad ayay udiiday in hal maalin lagu daro mudo xileedka Dowlada Fadaraalka. Jubaland sidoo kale way ka hor timid aragtidaas oo la hor dhigay. Hir-Shabelle iyo Madaxweynaheeda Waare waa iska diiday iyaguna in mudo xileedka madaxda wax lagu daro. Galmudug way aqbashay fikradaas. Koonfur-galbeed-na si buuxda ayay u ayiday. Xisbiyada Muqdisho waa diideen mudo kororsigaas. Farmaajo 2-sano,ayuu rabaa uu isleeyahay waxaad ku diyaarsanaysaa qorshe doorasho oo 4-sano oo kale aad ku heli kartid. Khayre waa musharax ku darsi ma danaynayo,hadii laga badin waayana sanad buu ogol yahay. Gudoomiye Mursal Farmaajo,ayuu fikrada 2-sano la qabaa. Gudoomiye Cabdi-xaashi Khayre,ayuu aragtida…
Iska ilow hadaad islahayd Puntland Madaxweyne cusub,ayaa loo doortay 8-dii Janaayo 2019. Madaxweyne majiro ee waa cad baruur ah oo cidlo yaala. Aaran-jaan waa kuwee” Niman aan xishoon Niman aan dhaqan fiicnayn. Niman hadafkoodu lacag yahay. Niman khatar ku ah amniga Umada. Niman khatar ku ah nolol maalmeedka Bulshada. Niman khatar ku ah midnimada Umada. Karaash waa kuma” Ma liito Karaash waxa ugu sareeya oo Nin Dhulbahante ah lagu karaameeyo oo ah in uu ka fog yahay unacamlaynta Isaaq,ayuu leeyahay. Nin bulshaawi ah wax wada cun leh dad badan wadan kara. Nin aan khatar ku ahayn Midnimada,amniga iyo jiritaanka Puntland.…
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Puntland oo go’aamisay Waqtiga Rasmiga ah ee lagalayo imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 12aad ee Dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe ee Puntland. Hoos ka Akhriso Warqada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarshada ee Dowlada Puntland.
Maxkamada sare ee Puntland ayaa u fariistay gal dacwadeedka Najma Cabdiqaadir oo kufsi dhimasho sababay loogu gaystay degmada Burtinle
Diyaarad laga leeyahay Imaaradka Carabta ayaa taariikhda markii ugu horeysay ka degtaty magaalada Yahuuda ee Talaabiib taa oo ka soo duushay magaalada Abu Dubia. Diyaaradan ayaa waday qalab caafimaad oo loogu talagalay Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza. Sida uu muujinayo dhabbaha ay dayuuraddani martay waxaa hawadooda u diidey dalal fara badan oo Muslim ah sida Sucuudiga, Lubnaan , Suuriya iyo Dalka Urdun halka ay qaar kale u ogolaadeen sida Ciraaq iyo Turkey. Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatullahi Khumeyni ayaa sheegay in Duulimaadka Imaaradka ee Israel inuu yahay qiyaanadii ugu weyneed ee Bariga Dhexe, waxaana wadamada Khaliijka uu…
Bukaankii ugu horreeyay ayaa maanta ka baxay xarunta Maaraynta iyo Daawaynta cudurka Coronavirus ee magaalada Gaalkacyo, ka dib markii uu ka bogsaday cudurka. Ehelka bukaanka bogsooday oo 70 sanno jir ah ayaa u mahad-celiyay Wasaarada caafimaadka iyo dhakhaatiirtii gacanta ku hayay ee 24 saac u adeegayay. Isu-duwaha Wasaarada Caafimaadka Puntland ee gobalka Mudug ayaa bukaanka gudoon siiyay shahaado muujinaysa inuu ka bogsooday xanuunka Covid -19.
Madasha Xisbiyadda Qaranka iyo Xisbiyadda kale ee mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay joogitaanka Ciidanka Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn AMISOM ee Dalka, kuwaas oo horey loogu adeegsadey dano gaar ah. Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa loogu baaqay Labada Aqal ee BFS inay ka qaadaan talaabo Sharciga waafaqsan, baaritaana ku sameeyaan dhibaatooyinka ay Ciidanka Itoobiya ay ka geysteen gudaha Soomaaliya. Sidoo kale, Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ka dalbaday Qaramada Midoobey inay baaritaan ku sameyso soo gelinta hubka sharci darada ah ee ay Ciidanka Itoobiya soo geliyeen Dalka iyo dhibaatooyinka…
Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Mr. Axmed Muuse Nuur. “Anigoo ku hadlaya magaca Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya AMISOM, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direyaa qoyskiisa iyo Puntland geeridii ku timid guddoomiyihii gobolka Mudug. AMISOM, waxay marxuumka ku tilmaamtay Intii uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, inuu door weyn ka qaatay bixinta adeegyada dowladda hoose ee aadka loogu baahan yahay oo ay ka mid tahay ka ilaalinta bulshada gobolka Mudug cudurka coronavirus, xasilinta iyo dadaallada dib-u-dhiska. Axmed Muuse…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka hadlay xiisadaha dagaal ee ka taagan galbeedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, taas oo u dhexeysa maleeshiyaad beeleed kasoo jeeda Galmudug iyo Dad shacab ah oo kasoo jeeda Puntland.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u dhaliilay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, taas oo ku fashilantay inay xaqiijiso guulo Soomaaliya ka gaarto Dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee taalla Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. “Dacwada Baddu 4sano ku dhawaad waxay taagan tahay meeshii aan uga tagnay waxaana dib loo dhigi karaa oo kaliya marka labada dal heshiis ku yihiin markii kowaad , labaad iyo sadexaad waxaa la aqbalay codsiga kenya oo kaliya Arintaasi sax mahan hadii ay jirto oo dowladeenu diidanayd dib u…
Qarax khasaare geystay ayaa barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ku socdaalayey waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan. Qaraxan ayaa la qorsheynayay in lagu khaarajiyo Cali Gaab oo kamid ah saraakiisha Ciidanka Dowladda, isagoona ka bad-baaday Qaraxan oo dhacay waxyar kaddib markii gaariga Jeneraalku gudbay. Wararka ayaa intaas ku daray in illaa 4 Ruux oo shacab ah uu dhaawac kasoo gaaray Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana sidoo ku burburey gaari mooto bajaaj ah.
W/Q Cabdi Faarax Siciid (Juxa) Carta, Djibouti 2000Toban sano oo kala haad ah kadib waxaa dib u bilaamay abaabul cusub oo Dawladnimo. Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa fidiyey gacan walaal oo gogol fidsan dhigay Magaalada Carta ee Djibouti 2000. Shir aad u balaaran oo waxgaradka iyo bulshada rayadka ah u badan, lagana ilaaliyey hogaamiye-kooxeedyada ayaa gogol aan waqti cayiman ku xirrayn oo xal doon ah loo fidiyey. Talada shirka nabadaynta, maalgelintiisa iyo abaabulkaba waxaa keli ahaan dusha u ritay Madaxweyne Ismaaciil iyo Djibouti. Aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo hoggaan dhaqan oo jilib culus ah ayaa oo toban sano oo magac xumo iyo metelaad…
Thirty Years ago, on the occasion of the 53rd anniversary of the founding of the Somali Youth League (SYL), a group of eminent leaders among them Somalia’s legendary democratic former president and one of its founding fathers, the late Aden Abdulle Osman, petitioned the late dictator, Mohamed Siyad Barre, to vacate the presidency and help safe his country from a ruinous civil war, and at the same time safeguard his legacy in the nation’s embryonic stage of development. That was 1990. In a historic petition published by the reputable academic journal of the Horn of Africa Journal (HoA) managed by the late…
Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa qorsheysa inay weerar ismiidaamin ah ku qaado Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, sida ay sheegayaan ilo-wareedyo dhanka Sirdoonka ah. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay diyaariyay gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa oo la doonayo in lagu weeraro Wasiir Dhabancad, iyadoona xogta weerarkan ay qorsheysay Al-Shabaab lala wadaagay Wasiirka. Sirdoonka Dowladda Puntland ayaa la sheegay inay wadaan dadaalo la doonayo in lagu qabto weerarkan, iyadoona Qaraxan Ismiidaminta la sheegay in Al-Shabaabku u adeegsanayaan gaari…
Ciidamada Booliska Gobalka Bari Oo Kaashanaya Ciidamada PSF Ayaa Fashiliyay Qarax Nooca Dhulka Lagu Aaso Oo La Rabay In Lagu Dhibateeyo Shacabka Ku Nool Bosaso. Kooxaha Cadowga Ee Al-shabaab Iyo Daacish Ayaa Qaraxan Ku Aasi Rabay Bartamaha Magalada Goobtaasi Oo Ah Meel Inta Badan Bulshadu Iskugu Timaado. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/sare Xussen Cali Maxamuud Ayaa Shegay Inay Hayaan Gaarigii Ay Wateen Ragii Aasi Lahaa Walxahan Qarxa Waxana Uu Sido Kale Xusay Inay Wadaan Baritaan Ku Aadan Sidii Gacanta loogu Soo Dhigi Lahaa Ragii Watay Qaraxaasi Oo Goobta Ka Baxsaday.