Author: Jibril Qoobey

Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada Aduunka ayaa markii saddexaad dib udhigtay dhageysiga Dacwada Muranka dhinaca Badda ah ee udhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. War kasoo baxay Xarunta Maxkamada ee Magaalada Hague ayaa lagu sheegay in Codsi ka yimid Dowlada Kenya iyo Xaalada Cudurka Coronavirus darteed ay Maxkamadu go’aansatay in Dhageysiga Dacwada dib loo bilaabo Bisha March ee Sanadka 2021ka. Go,aanka Maxkamadda ICJ ayaa noqonaya dharbaaxo Siyaasadeed iyo fashil soo foodsaaray Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, maadama Dowladdiisu 4 sanno ee muddo xileedkeeda waxba ka qaban Dacwadda badda.

Read More

Inta la xaqiijiyay 2 ayaa ku dhaawacmay weerar jidgal ah oo maleeshiyaad hubeysan ay saaka ku qaadeen gaari dad shacab ah siday oo ka amba-baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug kuna sii jeeday Degmada Goldogob. Maleeshiyaadka weeraray gaarigan ayaa kasoo jeeda degaanada Galmudug, waxaana weerarkan uu imaanayaa xilli dhowaan maleeshiyaadkani ay isku dayeen inay weeraraan saldhiga Ciidanka Puntland ku lee yihiin Degaanka Teegare ee galbeedk Magaalada Gaalkacyo.

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimilada Dowladda Puntland, iyadoo adeegsanaysa Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo Adeegsanaya dawada lagu caabiyo Ayaxa ayaa waxa ay gobolada kaladuwan ee Puntland ka wadaa Buufinta iyo caabinta Ayaxa waxaana ay diyaaradahani qayb ka yihiin dadaalka ay dawlada Puntland ugu jirto la tacaalida iyo la dagaalanka Ayaxa oo ku habsaday qaybo badan oo kamid ah gobolada Puntland. Diyaaradahan Holicoptarrada ah ayaa Buufinta iyo Caabinta Ayaxa maalmihii lasoo dhaafay ka sameeyey Deegaano hoostaga degmooyinka Garoowe, Gadobjiiraan, Taleex, Boocame iyo Qardho kuwaas oo horey uu dooxooyin iyo Dhulbeereedka deegaanadaas ugu habsaday Ayaxu, sidoo kalena Waxay wasaaraddu wadaa Dadal…

Read More

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxay Qarax Ismiidaamin ah oo Axadii ka dhacay afaafka hore ee xarunta Maamulka Gobalka Mudug ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur-yare iyo 5 Ruux oo kale, ayna ka mid ahaayeen ilaaladiisii. Ilo-wareedyo dhanka Sirdoonka ah ayaa shabkadda Idil News u xaqiijiyay in Qaraxan Ismiidaaminta ah oo loo adeegsado Gaari NOHA ah, lagu soo diyaariyay koonfur Gobalka Mudug, gaar ahaan Degmada Xagardheere oo ah saldhiga Al-Shabaab ee Gobalka Mudug. Gaarigan oo uu waday Ruux naftii halige ah, ayaa sirdoonku sheegeen in Abaaro 8:00 subaxnimo uu soo galay koonfurta magaalada…

Read More

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo xakamaynta cudurka Coronavirus ayaa sheegay in 12 ruux oo cusub laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaritaan lagu sameeyay 51 qof oo looga shakiyay cudurka. 12 Ruux ee laga helay cudurka COVID-19, ayaa 6 kamid ah kunool yihiin Gobalka Bari, halka 4 ay kunool yihiin Gobalka Nugaal, waxaana 2 qof ee kale ku sugan yihiin Gobalka Mudug, sida lagu sheegay qoraal ay baahisay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Ariimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Dhabancad oo Madaxtooyada Dowladda Puntland ee magalaada Gaalkacyo ku qaabilay masuuliyiin Ka tirsan labada Golle ee baarlamaanka DFS iyo maamulka Galmudug. Wafti uu hogaaminayay Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdid oo ay kamid ahaayeen Gen Gorod, Xildhibaan Cabdikarim Khalif, Siyaasiyiin, Guddoomiyaha Degmada Galkayo ee Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi ugu yimaadeen Masuuliyiin DPL oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano, Maamulka Gobolka iyo Degmada ee DPL, ayagoo ka tacsiyeeyey geeridii Guddoomiyihii Gobolka iyo muwaadiniintii kale ee maalintii shalay qarax lagu dilay Gudaha Magaalada Gaalkacyo. Intaasi kadib masuuliyiinta waxay kawada…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay shir ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay oo lagaga hadlayay Qodobo kala duwan oo kamid ah Geedi socodka dalka iyo caqabadaha taagan. Kulankan oo ku dhacay hab maqal iyo muuqaal toos ah ayaa waxaa ka qaybgalay Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Kulanka ayaa diirada lagu saaray Sidii looga hortagi lahaa faafida Xanuunka #Covid19 oo kiisas kala duwan laga…

Read More

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Mudug Gen. Muumin Cabdi Shire, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Gaalkacyo ayaa si adag uga hadlay Qaraxyadii Ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur-yare. Taliye Muumin ayaa wacad ku maray inay cagta marin doonaan maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku ugaarsan doonaan degaanada kale ee ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, isagoona intaas ku daray in aysan nabad ku seexan doonin Gaalkacyo cid kasta oo wax ka ogeyd dilka Guddoomiye Axmed.

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo goordhaw kulan ku yeeshay magaalada Dhuusomareeb ayaa waxa ay ku meel mariyeen golaha Wasiirada maamulkaasi oo maanta la horgeeyay. Kulanka Baarlamaanka Galmudug ku ansixiyeen Golaha Wasiirada maamulkaasi waxaa fadhiyay 78-Xildhibaan , waxaana Xildhibaanada hortagay kana codsaday in Golaha Wasiirada Ansixiyaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Read More

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa tacsi udiray guud ahaan shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, qoyska iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Axmed Muuse Nuur Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo kooxaha nabad diidka argagixisadu qarax kula beegsadeen magaalada gaalkacyo, xili uu kasoo baxay xafiiskiisa uu ku gudanayay waajibaadkiisa shaqo. “Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland, qoys iyo qaraababa geerida ku timid Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur (Dabakariix), ciidamadii iyo shacabkii kale ee ku wax yeeloobay weerarkii kooxaha argagixisadu la beegsadeen”. Madaxweyne kuxigeenka Dawladda…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed ayaa maanta kulan la qaatay Janaraal Cabdi Mahdi iyo Nabadoon Cali Xuseen Nuur Cali Dheere oo kamid ah waxgaradka Jubbaland isla markana kamid ahaa dadka Madaxweynaha kaga aragtida duwanaa Arimaha Siyaasada. Kulankan oo kamid ah dadaalada Madaxweynahu uu Ku dhagaysanayo aragtiyada Bulshada iyo figradaha kala duwan ee wax dhisaya ayaa waxaa lagaga wada hadlay sidii looga shaqayn lahaa Midnimada iyo wadajirka Dadka Ree Jubbaland isla markana meesha looga saari lahaa kala aragti duwanaan xagal daacin karta Hormarka ay hiigsanayaan dadka ree Jubbaland. Waxaa kulankan ka qaybgalay Masuuliyiin heer Federaal ah oo uu kamid…

Read More

Agaasimaha hay’ada sirdoonka Puntland (PISA) waa in uu joojiyaa marmarsiiyaha uu uraadinayo furida xarunta sirdoonka ee Gobolka. Jeyte haduusan Saldhiga ugu weyn ee PISA ka dhigayn Mudug oo ah albaabka argagixisadu kasoo gasho Puntland waa in uu qaybteeda si xoog leh u hawlgaliyaa. Agaasimaha sirdoonka Puntland xiligan waxuu ku sugan yahay Gaalkacyo oo qorshaha ugu weyn ee uu u yimid ay ahayd in uu furo Xarunta hay’ada ee Gobolka. Sida aan xogta ku helay waa ka noqday qorshihiisii furida Xaafiiska hay’ada Gobolka,isagoo ka duulaya dhaqaalaha ku baxaya. Jeyte waxuu ku doodayaa in dhaqaale yari ay hayso hay’ada oo bajadkeedii ugu…

Read More

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya macagaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa. Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna…

Read More

Guddoomiyihii Gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-yare (Daba-kariix), ayaa ku geeryooday Qaraxyo Ismiidamin ah oo goor-dhaweyd ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, Qaraxyadan oo loo adeegsaday Gaari Bajaaj ah iyo Ruux Haweeney ah oo lagu soo xiray walxaha Qarxa ayaa lagu dhuftay gaari uu saarnaa Guddoomiyuhu, waxaana sidoo kale ku naf waayay saddex kamid ilaalada Guddoomiyaha, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah.

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya inuu Qarax xooggani goor-dhaweyd ka dhacay afaafka hore ee xarunta Maamulka Gobalka ee Waqooyiga Gaalkacyo. Qaraxan oo ah mid si weyn jugtiisa looga maqlay guud ahaan magaalada ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan, mana jirto war cad oo ku aadan Qaraxan. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Safiirkii Shiinaha u fadhiyay Isaa’iil oo isagoo meyd ah laga helay gurigiisa ku yaalla magaalada Tel Aviv, sida ay soo werisay warbaahinta Israa’iil. Mr Du, oo 58 sano jir ah ayaa waxaa meydkiisa laga helay sariirtiisa ilaa haatana lama oga sababta ka dambeysa dhimashadiisa. Waxa dalkaasi loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkan, waxa uu horay Shiinaha ugu fadhin jiray Ukraine.

Read More

Xoghayaha guud ee Qaramada oo ka hadlay xaaladda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu si xoogan u cambaareynayo dhaq dhaqaaqyada ka jira gobolkaasi ee u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. Antonio Guterres ayaa sheegay in ciidanka ay dowladda Soomaaliya bishii Febraayo ay geysay gobolka Gedo ay sababtay isku dhacyo iyo xiisado dagaal oo ho leh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladii u dambeeyey ee dhex-maray labada ciidan ay waxyeelo ka soo gaartay dad badan oo shacab ah, kuwa kelana ay ku barakaceen. “Waxaan aad uga walaacsanahay isku-dhacyadda hubeysan ee ciidamadda Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ka dhacay Gedo, kuwaas…

Read More

Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax goordhaweyd ka dhacay agagaarka Isbitaalka Digfeer ee ku yaalla Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Goob jogayaal ayaa sheegay in qaraxa lala beegsaday Gaari Cabdi bila ah oo ay wateen Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya, balse ciidamadii saarna gaariga aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin. Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay marti gelisay falal kala duwan oo isugu jira dil iyo falal kale oo la xiriira burcad si joogta ah dhac ugu geysta dadka shacabka ah.

Read More

Kal-fadhigii barlamaanka Puntland ayaa furmi doona xilligii caadiga aha ee horay loogu qorsheyey kuna beegan 15 June 2020 sida caawa lagu wargeliyey mudanayaasha barlamaanka. War qoraal ah oo lagu soo dabacey bogga Facebook Barlamaanka ayaa lagu yiri “Waxaa idinla socodsiinayna in kal-fadhina 46-aad ee golaha wakiillada Puntland uu furmi doono xiliigiisii dastuuriga ahaa ee 15.6.2020, Sidaa darteed, waxaan Alle inooga rajeynaynaa in uu nabadgelyo iyo caafimaad inagu gaarsiiyo”. Sidoo kale, Ajandaha kulamada Kalafadhiga 46-aad ee Baarlamaanka Dowladda Puntland oo ka kooban dhowr qodob, lalana wadaagay Xildhibaanada ayaa waxaa kasoo muuqday la xisaabtanka Xukuumadda.

Read More

38-Jir kasoo laabtay qurbaha 2011-kii maalgashtayna dalka oo lagu tilmaamo nin degan qunyar socod ah wax badana ka fahansan waaqiciga,ayaa loo dhiibay Qasriga muhiimka u ah Puntland agaasinkiisa. Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada Puntland waxuu kasoo jeedaa beesha saamaynta leh ee Bah-gareen Cismaan Maxamuud. Maxamed Waa Aabe laba Xaasle mid ay ajaanib tahay iyo 5-caruura aqoon ahaana gaarsiisan Master Degree. Sidoo kale waxuu soo noqday Agaasimaha qaybta xiriirka bulshada Shirkada isgaarsiinta Golis 2011-2013. 2013-kii waxuu Aas-aasay Shirkada Pure-Tech ee ka shaqaysa Computer-da iyo Taleefoonada taasoo adeegeedu gaaray guud aahaan Somaliya. Sidoo kale xiligan waa Agaasimaha Itoobiyaan Airlines Xaafiiskeeda…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 16ka May, 2020, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiidsa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Maxamed Cabdirashiid Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD=

Read More

Taliyaha cusub ee Madaxtooyada Puntland Cismaan Cumar Maxamed ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee ciidamada Madaxtooyada Barkhad Cabdullaahi Yuusuf. Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday hool ku yaalla Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa ka qeyb-galay Masuuliyiin kamid ah Madaxtooyadda, Saraakiil kamid ah Ciidanka Difaaca Puntland iyo marti sharaf kale.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 , 16ka May 2020, kuna saabsan Dib-u-dhisidda Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad, faqraddiisa 19aad. Markuu arkay: Qodobka 87aad ee Dastuurka Dawladda Puntland Markuu Tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda Shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada CulusWaxaa G/sare. Cawil Jaamac Nuur loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada CulusWaxaa G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan…

Read More

Garoowe, May 16, 2020: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Puntland ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed oo maanta ku geeriyoodey magaalada Carmo. “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada DPL, waxaan guud ahaan shacabka Puntland, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.” “Xaaji Xassan Yuusuf Maxamed waxa uu ahaa Ganacsada iyo samatalis nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa…

Read More

Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa magalada Gaalkacyo Olole lagu buufinayo Guryaha ,wadooyinka iyo Goobaha biyo fariisadka ah si loo xakameeyo Cudurka duumada iyo xanuunada kale kaneecadu faafiso sida xanuunka Soomaalidu u taqaan Kaduudiyaha madaama lagu jiro wakhti roobaad magalada biyo badan fariisteen kaneeco badan ka dhalatay. Olalaha lagu buufinayo magaalada gaalkacyo oo socon doona mudo 20 berri ah waxaa looga Gol leeyahay in lagu xakameeyo Cudurka duumada iyo xanuunada kale kaneecadu faafiso waxaana howshaasi fulinaysa waxda ka hotaga iyo xakamaynta duumada ee Wasaarada Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’ada WHO.

Read More

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hor timid dib u dhigidda dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ka dib markii mar kale Kenya ay dalbatay in dib loo dhigo, sababo ku aadan Cudurka Corona Virus. Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Kenya inay dooneyso in muranka lagu xalliyo meel ka baxsan maxkamadda. Warqadda ay dowladda Soomaaliya qortay waxay ku sheegtay in ay tahay markii saddexaad oo ay Kenya codsato in dib loo dhigo iyadoo ka cabatay cadaadiis diblumaasiyadeed oo weyn oo ka imaanaya dhinaca Kenya. “Waa run in dunida cudurkaasi uu ka dilaacay oo maqal furan oo maxkamadda gudaheeda ahi aanay dhici…

Read More

Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Garoowe waxaa ka soo degey 2 diyaaradood oo ah nooc loo yaqaan Helicopter-ka oo muddo 10 cisho ah Puntland ka samayn doona buufin Ayax. Diyaaradahaan oo laga leeyahay Canada waxaa mashruuca ay fulin doonaan iska kaashan doona hayadaha FOA iyo USAID, waxaana fududayn doona dowladda Soomaaliya oo ay wakiil katahay Puntland.

Read More

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab ayaa dagaal ku dhexmaray duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoona lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dawlada ee hoggaaminayay ciidamada dawlada. Dagaalkan ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ciidamada dawlada Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Koofur Galbeed Soomaaliya ay kordhiyeen hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka samaynayaan deegaannada maamulkaasi.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabada 15-MAY 1943 oo ahayd markii la Aas Aasay Ururkii dhalinyarada gobanimo doonka ee SYL. Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in iyadoo hormarka maanta uuna jirin hadana dhalinyaradii SYL ay xiligaas ku dadaaleen sidii ay dalkeena uga xorayn lahayeen gumaystihii haystay wuxuu intaas ku daray Madaxweynahu in taas ay tusaale u tahay dhalinyarada maanta oo haysata fursado ka wanaagsan kuwii shalay oo dalkeena ay isbadal kaga samayn karaan. Madaxweynahu waxaa uu sheegay in dhalinyarada maanta ay saaran tahay masuuliyad weyn oo ay kaga qaybqaadan karaan dib…

Read More

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo xakameynta cudurka Coronavirus, ayaa ku dhawaaqay kiisas cusub oo la xariira cudurka COVID-19, kuwaas oo 24 saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay degaanada Puntland. Warbixin kooban oo uu baahiyay Guddigu ayaa lagu sheegay in 14 Qof laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris lagu sameeyay 24 Ruux oo looga shakiyay cudurka, waxaana tirada guud ee dadka uu haleelay cudurku gudaha Puntland ay gaartay 125 Ruux. Guddiga ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dadka laga helay cudurka 7 kamid ah ay kunool yihiin Gobalka Karkaar, halka 4 ay ku nooshahay Gobalka Mudug, waxaana 3 kale ay…

Read More

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg ah oo uu iskugu yeeray culimada iyo imaamyada masaajidada magaalada Kismaayo ayaa kala hadlay khatarta iyo dhibaatada xanuunka COVID-19 ku haayo ummadeenna, Waxaa uuna dhammaan culimada iyo imaamyada faray in la xiro masaajidada guud ahaan Jubbaland. Kulanka oo hadda ka socda madaxtooyada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu amray culimada iyo imaamyada magaalada Kismaayo in la xiro masaajidada si dadka looga badbaadiyo xanuunka corona Virus oo khatar badan ku haaya dunida gaar ahaana dadkeenna Soomaaliyeed.

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Dhallinyarada Soomaaliyeed u diray Farriin ku saabsan Sannad-guurada 77-aad ee Aas-aaskii Golihii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) ee horseeday xornimada dalka ayaa dul istaagay tilmaamaha furaha u ah guusha ay gaarsiiyeen dalka 13-kaas dhallinyarada ahaa oo baal dahab ah kaga jira sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Read More

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Ciidanka Amniga Puntland ay weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno kamid ah Argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayay inay weeraraan saldhiga Balli-khadar ee Buuraleyda Galgala ay ku lee yihiin Ciidanka Badda Puntland ee PMPF-ta, waxaana weerarka lagu dilay 3 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Amniga Puntland uu dagaal uga dhintay hal askari, iyadoona haatan ay Ciidanku wadaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya. Kulanka oo ku dhacay hab maqal iyo muqaal ah, masuuliyiintii Beesha Caalamka ka socotay ee ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Wakiilada iyo Madaxda Ururada daneeya arrimaha Soomaaliya. Waxaa kulanka looga hadlay xaaladda Covid-19 ee Puntland, Amniga, Doorashadda Soomaaliya, Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah iyo madax banaanida Warbaahinta.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab- maqal iyo muuqaal ah maanta u Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, oo todobaadkan looga hadlay Amniga Guud ee Puntland, Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorka Puntland, Xaaladda Covid-19 ee Puntland, Fatahaadii Qardho iyo Qorshaha Waxbarashadda Puntland ee inta lagu guda jiro xaaladda uu sababay xanuunka Coronavirus. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan xubnaha golaha Wasiirada oo ku kala sugnaa xafiisyada iyo xarumahooda kala duwan.

Read More

Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland Jeneraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Goojaar), ayaa sheegay in deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Jubbaland aan lagu arki karin ruux hubeysan oo aan kamid aheyn Ciidamada Jubbaland. Gen. Aadan Goonaar ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka Jubbaland looga baahan yahay inaysan ogolaan in deegaannada Jubbaland lagu arko dad sameynaya waxyaabo lidi ku ah dhinaca Amniga,isla markaana ay tallaabo ka qaadaan. Ugu dambeyntii, Gen. Aadan Maxamed Ibraahim, Taliyaha guud ee Ciidammada qalabka sida ee Jubbaland ayaa xusay inay jiraan dad siyaabo kale u dhigaya feejignaanta amni iyo hwolgallada ay Ciidamada wadaan,abalse aan laga aqbaleyn.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad. Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen. Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka. Wuxuu xeeriyey: 1.Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed Jabuuti ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Amniga Gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe. Shirkan oo ka qabsoomay guriga Gobalka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray weeraro is xigay oo lagu qaaday Saldhiga Booliska Gobalka Nugaal iyo xarunta shirkadda Somtel oo laga dhacay Lacag fara-badan, waxaana laga soo saaray qodobo lagu adkaynayo amniga gobolka Nugaal.

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Boorame ee Gobalka Awdal ayaa sheegaya in Abaaro 6:30 subaxnimo ee saaka dhul gariir aan wax khasaara ah geysan uu ka dhacay magaaladaas. Dhulgariirkan oo xadiga wakhtiga uu socday lagu qiyaasay 5 ilaa 8 ilbidhiqsi ayaa labadii sano ilaa sadexdii sanaba hal mar ka dhaca magaaladaasi , taasoo sababtay in dadka magaaladaasi ku dhaqan ay la qabsadaan kuna keenin wax casbi ah oo buuran. Magaalada Boorama iyo guud ahaan gobolka Awdal oo inta badan roobabku si weyn uga da,aan ayaa dadka magaaladu kuu sheegayaan in marka uu dhul gariirkaasi dhaco kadibna ay dareemaan roobab joogto ah…

Read More

Gungume nooca halista badan ah oo xalay laba carruur ah ku cunay miyiga degmada Xiingalool ee Gobolka Haylaan ayaa goor-dhoweyd lagu dilay halkaasi, kadib saacado la baadi-goobayay. Labada carruurta ah oo da’dooda lagu qiyaasay 5-sano jir iyo 7-sano jir islamarkaana uu dhalay qoys Reer Miyi ah oo deggan nawaaaxiga magaalada Xiingalool ayaa saaka la aasay kadib markii ay u geeriyoodeen qaniinyada bahalkaas. Bahalka oo ka soo baxay kob halkaas ku tiillay ayaa xalay hurdada ku miray labadaasi carruurta ah oo wada jiifay sida laga soo xigtay waalidkooda.

Read More

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in 6 xaaladood oo cusub lana xariira COVID-19 laga helay degaanada Puntland, kaddib baaris lagu sameeyay 24 ruux oo looga shakiyay cudurka. 8 Xaladood ee cusub oo la diiwaan-geliyay 24 saac ee lasoo dhaafay, ayaa laga helay Gobalka Nugaal oo kaliya, waxaana tiradada kiisaska cudurka COVID-19 ee guud ahaan degaanada Puntland ka dhigaysa 98 Kiis. Sidoo kale, Warbixinta Guddiga ayaa lagu sheegay in 2 Ruux ay ka bogsadeen cudurka.

Read More

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka aqalka sare ahna Xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga Himilo Qaran Senator ilyaas Ali Hassan ayaa ka soo horjeestay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan iibka qandaraasyada 7 baloog oo kamid ah Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Wasaaradda Batroolka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee DFS ayaa shalay soo saartay go’aan lagu iibinayo wareegga koowaad ee shati bixinta, waxaana warqad ka soo baxday Wasaaradda lagu sheegay in ilaa bisha Maarso ee sanadka 2021 ay socon doonto. Senator ilyaas Ali Hassan ayaa caddeeyey in guddiga kheyraadka aqalka sare uu arrinkan uga soo horjeedo sabab muuqata oo uu ku sheegay in…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo xalay afur sharafeed u sameeyay Qaar kamid ah Masuuliyiinta iyo Tageerayaasha golahii isbadal doonka Jubbaland ayaa sidoo kale daah furay gogosha Shirweynaha dib u heshiisinta iyo nabadaynta Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaas ka jeediyay ayaa ugu horayn u mahad celiyay xubnahan iyo masuuliyiintooda sida ay ugu tanaasuleen danta Shacabka iyo mustaqbalka Jubbaland, waxaana uu intaas ku daray in dalka la wada leeyahay loona baahan yahay in wixii talo iyo turxaan bixin ah ay halkooda kasii wadaan Bulshadana ku garab istaagan in kala aragti duwanaantu marnaba aanay…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa marka hore sheegay in Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ay hortaagan tahay diyaarad sida gurmad noocyo kala duwan ah oo loogu tala galay ka hortaga Xanuunka Covid19 iyo fatahaadaha ka jira Gobolka Gedo. Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ayuu ku sheegay in Dowladda ay cunaqabayen saartay dadka Shacabka ah ee ku nool deegaannada Jubbaland,isla markaana ay taasi dhibaato ku tahay dadka Shacabka ah. Dhinaca kale Madaxweyne kuxiegenka 1aad ee Jubbaland waxaa uu sheegay in Jubbaland go’aano adag ka qaadan doonto khalkhalka Siyaasadeed ee ay Dowlada…

Read More

Askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo saldhigooda ahaa deegaanka Af-Urur ee Buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari ayaa ka baxsaday saldhigii ay ku sugnaayeen, iyagoo la goostay hubkooda. Askartan oo kamid ah Ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar, waxaana kaddib la geeyay deegaanka Af-Urur, Wararka ayaana sheegaya in hubka Askartani la goosteen uu u badnaa qoriga AK-47 iyo Rasaas. Ciidanka ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka Gobolka Sanaag, waxaana qorshahooda yahay inay iibsadaan hubka iyo rasaasta wataan, sida ay tibaaxayaan xogaha laga helayo Ragan. Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin…

Read More

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa ku dhawaaqay in maanta 6 xaaladood oo cusub lana xariira COVID-19 laga helay degaanada Puntland, kaddib baaris lagu sameeyay 24 ruux oo looga shakiyay cudurka. 6 Ruux ee laga helay cudurka Coronavirus ayaa ku kala nool Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Bari, waxaana Wasaaradda Cafimaadka Dowladda Puntland ay sheegtay inay hoos u dhaceen dadka uu haleelay cudur, marka loo eego xaaladihii la diiwaan-geliyay labadii maalmood ee tagtay. Kiisaska la diiwaan-geliyay ee cudurka Coronavirus ee gudaha Puntland ayaa hada gaartay 90 qof, waxaa u dhintay 4 qof, halka uu ka…

Read More