Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno katirsan kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kaddib howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Saraakiisha laamaha amniga Puntland ayaa sheegay in Ciidanku ay gacanta ku dhigeen Saddex xubnood oo kamid ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo kamid ahaa shabakado la fashiliyay oo ku dhuumaaleysanayay magaalada Boosaaso. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Ciidanku fashiliyeen dilal qorsheysan iyo weeraro la doonayay in lagu dhibaateeyo amniga Boosaaso, kuwaas oo xogohooda Ciidanku ay hayeen. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir Puntland ay ka codsatay Beesha Caalamka oo uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan, uuna ka qeybgalay Ra’iisalwasaare Xasan Cali Kheyre. Kulanka ayaa looga hadlayey sidii looga falcelin lahaa fatahaadii ka dhacday Qardho. Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan.
Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ‘Fartaag’ oo shalay laga reebay diyaarad u socotay magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa eedeymo culus u soo jeediyey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo. Senator Farataag ayaa sheegay in gobolka Gedo uu qabyaaladeeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu maanta gooni uga goostay gobollada Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo uu ka tirsanaa, isaga oo leh ‘reerkeyga ayaa dega. “Gobolka dhan ee Gedo oo lawada ogyahay shaqadii uu kasoo qabtay maamulka Jubbaland, in la qabyaaladeeyo oo Madaxweynihii dhamaa yiraahdo inta qabiilkeygu degan yahay ayaan gooni u goosanayaa waa arin aad u fool-xun, umadda Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in Gedo…
“Farmaajo waxay kaga dhagtay Axmed Madoobe balse sharci ayuu ku joogaa Ciidan iyo Xoogna wuu haystaa”ayuu yiri Jeneral Fartaag,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Iyadoo xor ah in ay islaanto,ayaa ka macno badnaan lahayd in ay Alshabaab khasbaan. Shabaab iyagaan islaam ahayn ee maxay qof kale ugu yeeraan Diin islaam. Gabadhan waxay mudan tahay in dib loo saxo oo lagu soo dhaweeyo islaamka naxariista iyo nabada aaminsan,iyadoo xor ah. Hadalka ah Alshabaab,ayaa afduubtay oo islaamiyay kadibna sii daayay waa dacaayad ay rabaan in ay dadka ku khaldaan oo aragtidii laga haystay ay ku badalaan. Inkastoo ay jiraan war sheegaya in 4$-Milyan oo madax furasho ah ay qaateen Alshabaab. Alshabaab waa shirkad qandaraas ku haysata laynta iyo qarxinta bulshooyinka meel kasta oo looga baahdo mahan…
Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus, ayaa shaaciyay in qofkii afaraadk uu COVID-19 ugu geeryooday gudaha degaanada 24 saac ee lasoo dhaafay. Guddiga oo soo saaray warbixintoodii maalinlaha aheyd ayaa sheegay in 24 ruux oo baaris lagu sameeyay Axadii 8 kamid ah laga helay cudurka COVID-19, kuwaas oo 7 kamid ah ay yihiin Rag, halka Qof kalena ay tahay Haweeney. Ugu dambeyntii, Warbixinta Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida Coronavirus ayaa xusay in 6 kamid ah dadka cudurka laga helay ay kunool yihiin Gobalka Nugaal, halka labada kalena ay ku sugan yihiin Gobalka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Mid ka mid ah mashaariicda guulaystay oo qurba joogta ay maalgalinta ugu badan leeyihiin ee laga hirgaliyay Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Safiirka Somaliya ee Maraykanka waxuu cadeeyay doorashadu ku haboon tahay wakhtigeeda in ay ku qabsoonto iyaguna ka Maraykan ahaan ay diyaariyeen dhaqaale 6-Milyan oo dolar ah. Safiirka oo ka jawaabayay su’aal ahayd see u aragtaan hadii dib loo dhigo doorashada Somaliya,ayaa yiri.. “Somalida ayay utaalaa sida ay yeelayaan anagu uma yeerinayno xiliga ay dhacayso hadii waxyar dib loo dhigayo iyo hadii kalaba,lkn xiligeeda in ay dhacdo ayay ku haboon tahay”. Marka laga soo tago hadalka diblomaasiga guud ahaan Somalidu waxay ka midaysan tahay in aysan doorashadu hal maalin dib u dhicin. Walwalka hada ugu weyn ee haldoorka Somalidu ay qabaan…
Mid ka mid ah Wasiirada Puntland oo qirtay in uu ku dhacay Corona Virus talooyina bixiyay. Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdulaahi Cabdi,ayuu xanuunku haleelay,waxuuna bartiisa Fc-ga soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo arinkaas. Gudiga ka hortaga Corona,ayaa shalay sheegay in laba Wasiir oo ka tirsan Xukuumada Puntland uu xanuunku ku dhacay. Halkan ka akhriso qoraalka Wasiirka.
Dowlada Puntland cabashadii Qoyska ee dhulka Garowe waxbay ka qabatay. Gudi culumo ah oo shareecada islaamka ku kala saara,ayaa loo qabatay,iyadoo laga afti qaaday in ay ku kalsoon yihiin labada dhinac. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidanka Daraawiishta Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Yaaqbuul oo hoostaga Jaziirada Kudhaa ee Gobalka Jubbada Dhexe ku dilay 5 xubnood oo katirsan kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Coronavirus oo kusii kordhaya deegaannada Somalland, isagoona digniin u diray Goobaha Waxbarashada ee ku yaalla Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in Sheybaarka Cusub ee Somaliland ku baarto Cudurka Coronavirus uu muujinayo in uu Cudurka kordhay, isla markaana Bulshada looga baahan yahay inay ku baraarugaan.
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Deeganka ,Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland C/rashiid Cali Geelle, ayaa sheegay in dhawaan ay wasaaraddu bilaabeyso olole cirka iyo dhulkaba looga buufinaayo ayaxa ku habsaday deegaannada iyo degmooyinka kala duwan ee maamulkaasi. Wasiir C/rashiid ayaa sheegay in ay ayaxa u adeegsan doonaan buufintiisa diyaarado joog hoose ku duulaya, isagoona shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan dadka arintaan ka shaqeynaya. Sidoo kale, Waxa uu tilmaamay in aysan waxyeelo gaarsiineen sunta ayaxa lagu buufinaayo shacabka iyo xoolaha ,waxa uuna shacabka ugu baaqay in aysan dhib u arkin oo ay beegsanayaan ayaxa goobaha uu ku habsaday . Ugu…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee mucaaradka ah ayaa ka dalbaday Madaxda dowladda Federaalka inay shacabka Soomaaliyeed la wadaagaan sifaha ay ku soo galeen dalka Ciidanka Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Taliska AMISOM. Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal Page-kiisa gaarka la soo geliyay looga hadlay dhacdadii 4-tii bishan lagu soo riday Diyaaraddii African Express oo gargaar u siday degmada Bardaale. “Howlgalka nabad ilaalinta AMISOM waxeey caddeeyeen in ciidanka Ethiopia ee toogtay diyaaraddii African Express ee Gargaarka u sidey Berdaale aysan hoos imaan, kana tirsaneyn taliskooda, Madaxda dowladda waxaan ka rabnaa iney shacbiga Soomaaliyeed…
Banaan-bax looga soo horjeeday Dagaalkii Xalay ka dhacay Xaafadda Tarbuush ee Degmada Wadajir, ayaa Maanta ka dhacay Degmadaasi. Dagaalkan ayaa u dhexeeyay Ciidanka Haramcad iyo Milateriga Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirrada, Qunsulada Guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo saaka aroortii hore, 10 May, 2020 ku geeriyooday Caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait oo labadii todobaad ugu dambeeyay uu ku xanuunsanayay. Marxuum Cabdulqani Maxamed Waceys oo ku dhashay 15 May, sanadkii 1945 Magaalada Muqdisho ee…
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعون WAXAA SAAKA KU GEERIYOODAY MAGAALADA KUWAIT RUUG-CADDAA DIPLOMASI AMBASSADOR CABDULQANI MUXUMAD WACEYS (1970-2020). WUXUU KA SOO SHAQEEYEY KUWAIT,LIBYA ILAA WEST AFRIKA UGU DAMBEYN XARUNTA JAAMACADDA CARABTA EE QAAHIRA. Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh Sadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed Cawar Maxamad Xasan Geelle Xuseen Beynax Barre Xuseen Xasan Geelle Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey Yuusuf-mahad Maxamad Aadan Xasan Xaaji Barre Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe Muxumad…
Warar dherraad ah ayaa kasoo baxay dagaal xoogan oo xalay ka dhacay xaafaddo ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka. Dagaalkaas ayaa waxaa uu xoogiisu ka dhacay xaafadaha Tarabuush iyo Kaawo Gudey ee Degmada Wadajir, wuxuu sigaar ah u dhexmaray Ciidamo ka tirsan Booliska kuwa Milateri ah oo ku sugnaa halkaas. Goobjooga ayaa sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ay howlgal ka bilaabeen xaafadda Tarabuush oo la sheegay in xalay laga tuuray Madaafiic ku dhacday gudaha Xarunta AMISOM ee xalane. Wixii kasoo kordha kala…
Jaaliyada Denmark guud ahaanteed waxay gurmadka Qardho udirtay lacag gaaraysa…….. 41.738$ Aarhus 19.255$ Copenhegen 15000$ Odense ‐‐—————— 75993$ Total. Wadarta guud lacagta ay direen jaaliyada Denmark waxay tahay..Total Guud=75993$ Ilaa iyo hada waa jaaliyada ugu saraysa qurba joogta ee lacag cadadkaas gaaraysa dirtay. Jibril Qoobey.
Dowladda Puntland oo soo bandhigtay Tiradii ugu badnayd ee dad ah ee laga helay Cudurka Covid 19 Gudaha Deegandda Puntland ,oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Golayaasha Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
800-Qof oo Somali ah,ayuu Sacuudigu xiligan Soonka ah ee xanuunks Corona jiro kusoo daadiyay xuduuda Yemen uu la wadaago. Xuutiyiinta Yemen,ayaa ugurmaday una soo gudbin doona Somaliya. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Labo kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Puntland laga helay cudurka COVID-19, kuwaas oo xaaladoodu ay haatan wanaagsan tahay. Madaxweyne Deni oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho, ayaa sheegay in Wasiirada laga helay Cudurka ay kamid ahaayeen sidi weyn ugu howlanaa dadaaladii lagu samata-bixinayay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay daadadkii kusoo rogmaday Magaalada Qardho, isagoona alle uga baryay inuu cafimaad taam ah siiyo.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdilaahi Deni, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Qardho ayaa bogaadiyay hawl-galadii ay fuliyeen Ciidamada Amaanka ee magaalada Boosaaso, kuwaas oo lagu qabtay xubno ka tirsan kooxaha weerarada ka gaysta Boosaaso. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay Colaad mudooyinkii danbe ka aloosnayd Gobolka Mudug taas oo u dhaxaysay beelo walaalo ah, Arimaha Gurmadka ee Qardho ka socda ayuu faahfaahin ka bixiyay Madaxweynuhu halka ay marayaaan, gaar ahaan talaabooyinka ay dawladu qaaday. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si guud uga waramay xaalada guud ee Amnigga Puntland, Cudurka Covid-19 ee sida xawligga ah u faafaya.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo saaka Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Howlgalkan oo ay ka wada qeyb qaateen Cutubyo kamid ah Ciidamada PSF-ta, PMPF-ta iyo Booliska Gobalka Bari, ayaa laga fuliyay goobo cayiman oo ay ku sugnaayeen xubno qorsheynayay inay ka fuliyaan Magaalada Boosaaso dilal iyo Qaraxyo maanta, kuwaas oo horey Sirdoonku u soo gudbiyeen xogtooda. Intii Howlgalka lagu guda-jiray Ciidanka PFS-ta ayaa bartamaha magaalada Boosaaso ku toogtay sarkaal sare oo kamid ah ahaa xubnaha weerarada fuliyay, kaas oo tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena waxay qabteen Sarkaalkii hoggaaminayay…
Ciidamadu Ninka ay qabteen waa madaxii dilalka ee Daacish uqaabilsanaa Gobolka Bari. Beeshiisu waa Gerikoombe waxaana xogtiisa lagu raad joogay sadexdii bilood ee udanbeeyay. Sidoo kale Ciidanku waxay toogteen xubin kale oo ka tirsanayd Alshabaab. Laamaha amaanka Puntland waxay ku jiraan heegan sare guud ahaan. Jibril Qoobey.
Ciidamada amaanka PSF waxay hada gacanta ku dhigeen Gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa agagaarka Rowda Wadada Suuqa Caanaha aada ee Bosaso. Goobta Gaariga Qaraxyada sida lagu qabtay waa halkii ay Ciidanku ku toogteen waxyar ka hor xubin muhiim ahayd oo Alshabaab ka tirsanayd. Maanta 17-kii Ramadaan waxaa loo yaqaan Bader argagixisada sida khaldan udeegsata Diinta,ayaa kordhiya weerarada ay bulshada sooman ee Islaamka ah la beegsadaan. Heegan sare ayay ku jiraan Ciidamada amaanka Puntland. Jibril Qoobey.
Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG), ayaa warbixin ay maanta soo saartay uga digtay halista ka imaan karta in dowladda federaalka ay dib u dhigto doorashooyinka dalka ayada oo aan la isku wada raacsaneyn. ICG waxay ku baaqday in dowladda federaalka aysan xiisad siyaasadeed ku darin xaaladda caafimaad ee ka jirta dalka, taasi oo ka dhalatay faafitaanka cudurka Coronavirus. “Mas’uuliyiinta federaalka waa in ay iska celiyaan hami kasta oo si kali ah dib loogu dhigayo xilliga doorashada ama isbeddel loogu sameynayo sharciga doorashooyinka,” ayay tiri ICG. Haddii sidaas ay dhacdo, waxaa xaqiiq ah in laga hor-imaan doono, weliba…
Taliyihii Ciidanka Booliiska magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa haatan ku dhawaaqey in uu iska casilay xilkaas, kaddib shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dhuusa-mareeb. Dhamme Burhaan Axmed ayaa is casilaadiisa ku sabeebeyey Shaqsiyaad ka tirsan Alshabaab oo Xabsiga Dhuusamareeb ay kasii daayeen saraakiisha Sare ee Booliiska Galmudug.
Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ayaa soo riday diyaaraddii African Express, taasoo ah in Ciidamada Itoobiya qeybta aan hoos tagin AMISOM inay soo rideen diyaaradda, sida lagu shaaciyay warbixin loo diray Taliska AMISOM. Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan, xitaa haddii aan la toogan laheyn, waxaa warbixinta lagu sheegay inay diyaaradda soo dhici laheyd maadaama lugaha diyaaradda ama shaagga aanu diyaar aheyn xilligii ay diyaaradda caga dhigan laheyd. (Golaf).
Olalaha Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, ayaa ka socda magaalada Dhuusa-mareeb, kaddib markii uu xoogeystay khilaafka u dhexeeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkas oo maalmo dib ugu laabtay Dhuusa-mareeb. Khilaafka Labada Masuul ayaa salka ku haya magacaabistii Golaha Wasiirada Galmudug ee dhowaan uu soo dhisay Madaxweyne QoorQoor, waxaana dhamaan fashilmay kulamadii ugu dambeeyay ee dhexmaray Labada Masuul. Madaxweyne QoorQoor ayaa dhowaan soo dhisay xubno ka kooban 24 Wasiir oo ay kasoo muuqdeen Xildhibaano kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb ah Mucaaradka Dowladda Madaxweyne Farmaajo, uuna kamid yahay Xildhibaan…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay gudiga qaban qaabada Aaska Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim.
Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa soo saaray maanta warbixintii maalinlaha aheyd ee xaalada degaanada Puntland ee COVID-19. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa sheegay in 8 ruux laga helay cudurka COVID-19, kaddib baaris maanta lagu sameeyay 22 qof oo looga shakiyay cudurka, kuwaas oo ku kala sugan Gobalada Mudug, Nugaal iyo Karkaar. Sidoo kale, Wasiir ayaa sheegay in qofkii labaad uu u geeryooday cudurka gudaha Puntland.
Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay xabsi Qarsoodi ahaa oo ku yaalay Degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir, kaas oo lagu xiri jiray, sidoo kalena jirdil loogu geysan jiray Dadka ka aragtida duwan Xukuumadda Federaalka, gaar ahaan Dadka ka dhaliila baraha bulshada ee kunool Magaalada Muqdisho. Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Saleebaan Maxamed Maxamuud, oo booqday maanta xabsigan oo lagu magacaabo “Cusboole” ayaa sheegay inay baaris ku aadan eedaha loo jeedinayo ku sameyn doonaan Maamulka Degmada Deyniile, isagoona sidoo kale uga digay guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir inay si sharci-darro ah dad u xiraan. Xabsigan maanta…
Duqa Degmada Bosaso Abdisalam Bashiir Iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Bari Xussen Cali Ayaa manta Anbabixayay Saddex gaari oo dhan 1,200 Qoys isigu jira raashin, sharaab, macuun Iyo gogal, kuwaas oo lagu talagalay walalaha Reer Qardho ee dhibatadu ku dhacday. Deeqdan Ayaa waxa soo ururiyay Dhalinyarada isxilqamayasha Puntland ,Isimada Gobalka iyo Haweeenka.
Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayyid Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtay maaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii dambe ugu maqnaa gobolka Gedo iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa madaxwayne ku xigeenka garoonka diyaaradaha ee Sayyid Maxamad Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dawlad goboleedka Jubbaland kuwaas oo ay kamid yihiin wasiirro, xildhibaanno, odayyo dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Madaxwayne ku xigeenka ayaa imaanshihiisa kadib khudbad ka jeediyay qaybta nasashada ee garoonka diyaaradaha Sayyid Maxamad Cabdulle Xasan isaga oo ka warbixiyay hawlihii…
Daadadka ka dhashay roobabka ma hiigaanka ee ka da’aya dalka Itoobiya ayaa la sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 23 qof. Komishiinka ka hortagga masiibooyinka iyo maareynta khataraha ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay iney daadku saameeyeen dad ka badan 220,000 oo qof. Kuxigeenka Madaxa Komishiinka Demene Darota oo warbaahinta dalka Itoobiya u warramay wuxuu sheegay iney daadku khasaaro hor leh ka geysan karaan deegaannada dhulkooda uu hooseeya gaar ahaan degmooyinka ku hareereysan wabiyada. Wuxuuna Demene sheegay in daadaku qasaaraha ugu badan ay ka geysteen deegaannada Soomaalida, Oromada iyo Ismaamulka magaalada Diridhaba. Deegaanka Mustaxiil ayaa waxaa uu ku fatahay webiga Shabeelle…
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Golayaasha Dowladda, iyo Shacbiga Hirshabelle ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan Celinta Maleeshiyaadka Hirshabelle Marxuum Axmed Cumar Gaabow Sh Libbi sidoo kalena ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle oo Saakay Ku geeriyooday Magaalada Caasimada ah ee Jowhar oo uu maalmihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay. “Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle.…
Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u Naxariiste Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Mudane Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyooday dalka dibadiisa Marxuumka ayaa muddo 4 bilood kor u dhaafaysa xaalad caafimaad ugu sugnaa dalkaas isaga oo ay xaaladiisa caafimaad ka soo raynaysay maalmihii la soo dhaafay. Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam, labada madaxwayne ku-xigeen, golaha wasiirrada iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka Jubbaland waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo ehelladii uu ka baxay marxuumka, shacabka Jubbaland iyo guud…
Madaxweyne Deni “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Dowladda iyo shacabka Jubbaland, eheladii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Wasiirkii Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim oo ku geeriyoodey dalka Hindiya. Marxuumku waxa uu dalkaasi u tegey xaalad caafimaad. Waxaan dareenka tiiraanyadaasi la wadaagayaa masuuliyiinta Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, qoyskiisii, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegey Marxuumku, Rabbi samir iyo iimaan haynaga-siiyo dhammaanteen, wuxuu ahaa masuul Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan Alle u waydiinayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga…
Guddiga Dowladda Punrland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa caawa soo saaray warbixinta maalinlaha ah ee ku aadan xaalada degaanada Puntland ee COVID-19. Guddiga ayaa sheegay in 13 kamid ah 23 Ruux oo laga baaray cudurka COVID-19 laga helay cudurka, Dadka laga helay cudurka ayaana 10 kamid ah ku sugan yihiin Gobalka Nugaal, halka saddexda kalena ay ku sugan yihiin Gobalka Karkaar.
Wasiirkii Waxbarashada Jubaland Macalin Maxamuud,ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya oo uu xanuun u aaday. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Waxuu ka mid ahaa hogaamiyayaasha muhiimka ah ee Jubaland. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl oo ku geeriyoodey magaalada Ceelbuh ee Gobolka Sanaag. Axmed Calisalaad Alle ha u naxariistee oo aad looga yaqaanay Gobolka Sanaag, waxa uu ka mid ahaa guurtida gobolka Sanaag, isagoo ku suntanaa ka shaqeynta nabadeynta iyo horumarinta bulshada gobolka. Madaxweyne Deni waxaa uu mar kale u tacsiyaynayaa shacabka Puntland, gaar ahaan bulshada Gobolka Sanaag, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoysaskii uu ka geeriyoodey guurti Axmed Calisalaad Aaden Garaad Cawl,…
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Shabakadda Idil News u sheegay in mas’uuliyiin sar sare oo kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland uu ku dhacay xanuunka COVID-19, wallow aan si rasmi ah loo shaacin. Xubnaha laga helay xanuunka oo isugu jira 3 Wasiir, 2 Wasiir ku-xigeen iyo 1 Wasiiru dowle, ayaa wararku sheegayaan in haatan xaaladooda caafimaad lala tacaalayo. Guddiga wacyi-gelinta iyo la tacaalida Coronavirus ayaan weli ka hadlin wararka la xariira haleelida cudurka COVID-19 ee xubnaha kamid ah Golaha Xukuumadda Puntland, kuwaas oo la sheegay inay badankood ku sugan yihiin Magaalada Qardho. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Khabiir dadaal ugu jiray helidda daawada cudurka safmarka ee coronavirus ayaa lagu toogtay dalka Maraykanka, sida ay sheegeen saraakiisha dowladda Maraykanka. Bing Liu, khabiir dhanka baaritaannada daawooyinka u qaabilsanaa Jaamacadda Pittsburgh ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala Ross Township, Waqooyiga Pittsburgh. Jaamacadda ayaa Dr Liu ku tilmaamtay “cilmi baare heer sare ah” oo wax badan sayniska ku soo biiriyay . “wuxuu ku dhawaa helidda daawada cudurka coronavirus, waxaana ku dadaalaynaa inaan dhamaystirno dadaalkii uu bilaabay.” Ayaa lagu qoray bayaan ay jaamacadda soo saartay. Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan dhacdadaan..
AMISOM oo war ka soo saartay diyaaraddii ku burburtay BardaaleWar saxaafadeed ay soo saartay AMISOM, ayey ku sheegtay inay soo dhawaynayso go’aanka ay dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ku baarayaan diyaaraddii ku burburtay Bardaale, ee gobolka Baay, Soomaaliya. “Waxaan jeclaan lahayn inaan taageerahennii soo jireenka ahaa aan u muujinno dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, waxaana diyaar u nahay inaan ka caawinnno wax walba oo baaritaanka ujeedkiisa ah ee ku aadan dhacdadaan.” Ayuu yiri Madaxa Howlgalka ciidamada AMISOM, Francisco Madeira. Diyaarad sidday agab loogu talagalay ka hortagga coronavirus ayaa ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay, Soomaaliya. Inkastoo aan si rasmi…
Wararka ugu danbeeyay ee laga helayo soo rididii diyaarada ee Bardaale waxay xaqiiijinayaan in Ciidanka Itoobiya ay lahaayeen Gantaalka lagu dhuftay. Itoobiyaanku waxay ku andoocanayaan in diyaaradu markay soo hoobatay kor ukacday markale,kadibna ay ka shakiyeen in iyaga ay kusoo wajahan tahay sidaana Gantaalka ula gaareen. Sidoo kale waxaa jira warar aan xoog badnayn oo sheegaya in NISA ku lug leedahay soo ridida diyaarada. Goobjoogayaal kale waxay xaqiijinayaan in diyaaradu markay u holatay dagista ay aragtay Ciidan iyo Tikniko fara badan oo garoonka taagan sidaana ay kor ugu kacday.Jibril Qoobey.
Xakamaynta la’aanta dadka ku hareeraysan Madaxweynaha oo Qoyskiisa ama asxaabtiisa kale ha ahaadeen waxay sababtay in ay dad badan oo macno leh ka fogaadaan. Shaqo ka tagidii Agaasimihii Madaxtooyada ee hoos loo dhigay waxaa sal u ahaa xadgudub ka yimid dadka ku wareegsan Madaxweynaha. Sidoo kale Talyihii Madaxtooyada ee shaqada ka tagay maanta waxuu sababsaday qoyska Madaxweynaha,gaar ahaan walaalkiis Xasan Deni. Talye Khadar waxuu ka shaqayn waayay dhalinyaro Madaxweynaha ay raas hoose yihiin oo uu hormuud u ahaa Nin lagu magacaabo Qoolaali oo booska Talyaha isku waday markii hore. Qoolaali waxuu garab ka helay Xasan Deni oo u adeejiyay Rag…
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Afhayeenka Ciidanka Booliska u magacaabay Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah. War-Saxaafadees kasoo baxay Taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalka ku soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana soo dhameystay leyli Sarkaal muddò dhan Saddex Sano dalka dibadiisa. Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo afka Hooyo ee Soomaaliga. Sarkaalka ayaa sidoo kale ka soo Shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Aqalka Cad ayaa qorsheynayaa inuu todobaadyo gudahood uu ku soo afjaro shaqada guddiga ka hortagga Corona, iyadoo dalkaasi uu weli faro ba’an ku haayo xanuunka covid-19. Aqalka Cad ayaa wajahaya cadaadis ku aadan doorashada sanadkan dalkaasi ka dhici doonta iyo dhaqaalaha dhulka galay. Afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay, in kabadan laba-kun iyo saddex boqol oo qof ayaa dhintey. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilli uu booqday warshad Arizona ku taalla oo lagu sameeyo maskaraatiga afka iyo sanka lagu duubto yiri dalkeena dib ayaan u soo celinaynaa. Saraakisha Caafimaadka Mareykanka ayaa ka digay in fayraska uu sii faafo…
Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa qorsheynaya inuu doorashooyin qabto, sida uu sheegay xisbiga maamula, taasi oo horseedi doonta isku dhac dhex mara ayaga iyo dowladda federaalka dalkaas. Itoobiya ayaa bishii March hakisay doorahsooyinka baarlamanka iyo kuwa gobollada ee la qorsheeyey inay dhacaan bisha August, sababo la xiriira cudurka Coronavirus. Weli lama go’aamin waqti cusub, islamarkaana baarlamanka ayaa Talaadadii ku guul-darreystay inay isku raacaan waqti kadib kulan ay yeesheen. Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray-ga ee TPLF, oo ah xisbiga ugu weyn gobolka Tigray, ayaa sanadkii tegay ka baxday isbhayaiga EPRDF, kadib markii saddexda xisbi kale ee ku jira ay ku midoobeen…
Madaxweynihii hore ee dowladoo KMG aheyd ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyey wadahadal dhanka khadka taleefanka ah oo uu la yeeshay safiirka Ingiriiska u jooga Soomaaliya Amb Ben Fender. Qoraal uu soo saaray Sheekha ayuu sheegay inay ka wada hadleen diyaar garowga doorashada 2020/2021, la tacaalista Covid-19, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah iyo dib u heshiisiinta ay hirgaliyeen maamulada Galmudug iyo Jubaland. Shariif ayaa sidoo kale tilmaamay inay isku soo hadal qaaden isaga iyo safiirka arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo weli hakad ku jira. Halkaan hoose ka aqriso qoraalka:- Waxaan khadka…
Shaqaalaha, Ciidanka iyo Agaasinka Guud ee Hay’ada Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa 15kun oo doolar ugu deeqay Gurmadka Fatahaadihii Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Sidoo kale, Ciidanka PMPF ciidankoodu iyo gawaridooduba u taagnaayeen tan iyo maalinkii ay dhibaatadu dhacday sidii loo caawin lahaa shacabka Qardho.
Waalidiin Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ka hadlay carruurtoodii oo ay sheegeen inay ka qaateen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo si gaar ah ugu gacan galay Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, oo doonayo inuu u tababarto sifo sharci darro ah.
Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland Gaashaanle Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf ayaa goor dhoweyd shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi. Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayuu ku sheegau in uu iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada inkastoo uusan faahfaahin ka bixin arrimaha keenay iscasilaaddiisa, sida laga soo xigtay Saraakiil kamid ah Madaxtooyadda Puntland. Wararka ayaa sheegaya in is-casilaada G/sare Barkhad Abdillahi Yusuf ay ka dhalatay kaddib markii faragalin lagu sameeyey nidaamka shaqadiisa, isagoo marar badan ka cawday dad aan shaqo kulaheyn ciidanka oo amaro bixiya, taas oo waxba laga qaban waayay. G/sare Barkhad Cabdullaahi ayaa intii uu joogay…
Xildhibaan Prof. C/raxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah saamileyda Shirkadda Diyaaradaha African Express ayaa sheegay in diyaaraddii shalay ku burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha Bardaale la soo riday. Prof. Ibbi oo wareysi siiyay Idaacada Risaale ayaa sheegay in aanay garaneyn sida wax u dhaceen, balse ay dhab tahay in diyaaradooda la soo riday, ayna ka war sugayaan baaritaanka ay dowladda wado. “Waa dhab diyaaraddaas waa la soo riday, markii ay ku soo fooraarsatay garoonka diyaaradaha Bardaale, ma naqaano sida wax u dhaceen, baaritaanka dowladda ku jirta waxaa ku geeriyootay labo Captain, Engineer, labo shaqaale iyo nin xamuulka diyaaradda saarnaa wakiil…
Dowladda Kenya ayaa Soomaaliya iyo beesha caalamka ka codsatay in baaritaan lagu sameeyo sababta diyaarad laga leeyahay Kenya oo ka shaqeysa gargaarka bani’aadannimada loogu soo riday Soomaaliya. Diyaaradda oo dhacday Isniintii shalay waxaa ku dhintay lix ruux oo isugu jiray muwaadiniin Soomaali ah iyo kuwo reer Kenya ah. Wararka ayaa sheegaya in Dowladda Itoobiya ay waddo dadaalo lagu hor istaagayo in baaritaan daah-furan lagu sameeyo burburka diyaaradan, maadama la tuhunsan yahay in Ciidankeedu soo rideen. Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in la billaabay baaritaan ku saabsan dhacdadaas.