Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay hadlay Dadweynaha, ayaa ka hadlay Amniga deegaanada Puntland, ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee Ciidanka Amniga Puntland oo iskaashanaya ay sidoo kale burburiyeen shabakado ay lahaayeen Argagixisadu, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in amniga Puntland haatan lagu qabtay gacan bir ah. Dhanka kale, Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa ka hadlay dagaal habeen ka hor ka dhacay galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Author: Jibril Qoobey
Guddiga wacyigelijta iyo xakameynta Cudurka Coronavirus u qaabilsan Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay natiijada baaritaano lagu sameeyey dad lagu arkay astaamaha Cudurka, kuwaas oo qaarkood laga helay. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaan lagu sameeyey 22 Ruux 8 kamid ah laga helay Cudurka,kuwaas oo kala ah 5 Rag ah iyo Saddex Dumar ah in kastoo aysan shaacin deegaannada ay Puntland kaga sugan yihiin.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa jeediyey hadaljeedintiisii labaad ee bilaha aheyd, ayaa ka hadlay Amniga, daadkii kusoo fatahmay Qardho, sida Dowladdu uga jawaabtay iyo gurmadka socda. isagoo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay gurmadka. Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday fataahadda ka dhacday Qardho iyo dhammaan dadkii ugu geeriyooday Soomaaliya xanuunka Coronavirus, oo uu Madaxweynuhu uga digay bulshada Puntland in ay ka taxadaraan.
Dhalinyarada kasoo jeeda Gobalka Sanaag iyo Heylaan ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa eedeymo kulul u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Jamaal Maxamed Xasan in uusan waxba ka qaban Degaanada uu ku matalo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale sheegeen in dad u socday arrimo caafimaad oo uu ka qaaday Baasabooradoodii ay ku geeryoodeen magaalada Muqdisho.
Diyaarad ay leedahay shirkada african express oo waday dad shacab (Rakaab) ayaa lagu riday Magaaladda Bardaale ee gobolka Baay. Diyaarada ayaa ka duushay Xamar waxay martay Baydhaba, waxay duulimaadkeedii usii wadatay Magaaladda Bardaale ee gobolka Baay, ugu dambeyn halkaas ayaa lagu duqeeyey. 5qof oo diyaaradda saarnaa aya ku dhinteen Ciidanka Itoobiya ee jooga Gobolka Baay aya lagu eedaynaya inay soo rideen diyaaradda .Sakaarisha Itoobiya wali kama aysan hadlin Eedaynta ay usoo jeediyen Masuliyinta diyaarada African Express Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa sheegay in Ciidanka ilaalada badaha Puntland ay gacanta ku dhigeen illaa 40 Doomood oo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha degaanada Puntland, isagoona sheegay inay Puntland aqbali doonin in ku xadgudubka biyaha degaanadeeda. Wasiir Cawaash oo ka hadlayay munaasabad uu xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee Booliska Puntland, ayaa xusay inay rajeynayaan in dhowaan Boolisku ka qeyb-qaataan howlgalada ka dhanka ah jariifka.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland sarreeye guuto Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi yare”, oo xilka kala wareegaya Taliyihii hore ee Ciidamada Booliska Puntland S/gaas Muxuyadiin Axmed Muuse, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay xoojin doonaan howlgalada xaqiijin amniga degaanada Puntland. Sidoo kale, Gen. Cabdi yare ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan dadaalada tayeynta Ciidanka Booliska, isagoona tilmaamay in Ciidanka ay ka dhisi doonaan akhlaaqaad iyo mabaa’diidka si ay u dhexgalaan Bulshada degaanada ay ka howlgalayaan Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen “Cabdi yare”, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay la shaqeeyaan Ciidanka Booliska, si…
Wabiga Shabeelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaado horleh ka sameeyey tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe,kuwaas oo qaarkood dadkii deganaa ay isaga barakacaan. Tuulooyinka uu Wabiga ka fatahay oo dhamaantood hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle kuna yaalla Jiinka Wabiga ayaa waxaa ay kala yihiin, Muriyaale, Lamawaab, Buulo Bishaar, Gaafaay, Timire, Magadley, Raqayle, Dayma Same, Raqayloow Buurdheere, Xaanshooley, Geedo Barkaan, Buur Fuule iyo Jowhar Soomaali. Deegaannadaan uu fatahaada ka sameeyay Wabiga Shabeelle ee hoostaga Magaalada Jowhar ayaa waxaa badi isaga barakacay dadkii danyarta ahaa ee deganaa,iyaga oo ka cabsi qaba inay waxyeelo kasoo gaarto.…
Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan ka hor-tagga iyo la tacaalida cudurka Coronavirus ayaa soo saaray warbixintoodii maalinlaha aheyd, waxaana ay sheegeen in Axadii ay diiwaan-gasheen kiisas badan oo la xariira COVID-19. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland Cabdinaasir Yuusuf ayaa caawa warbaahinta ushaaciyey in 11 qof oo maanta la baaray todobo ka mid ah cudurka covid-19 laga helay dadka laga helay cudurka ayaa kala ah shan rag ah iyo laba dumar ah waxayna kala joogaa Garoowe Nugaal Iyo waaciye Kar-kaar .
Hawlgalka xoojinta amaanka waxuu badalay wajigii amni xumo ee guud ahaan Gobolka Mudug,gaar ahaan xarunta Gaalkacyo. Maxaa uqabsoomay Hawlgalka ilaa iyo hada? 1.Waxaa joogsaday furashadii Taleefoonada gacanta ee khaatiga laga taagnaa. 2.Waxaa meesha ka baxay Xabadii ay iska ridi jireen dhalinyarada Mukhaadaraadku dilooday. 3.Waxaa fashilmay shirqooladii argagixisada Gobolka ay ka fulin jireen. 4.Waxaa soo laabtay kalsoonidii shacabka. 5.Waxaa soo laabtay cawaysinkii habeenimo oo ilaa saq dhexe Magaaladu ay furnaan karto. Bulshadu waxay aad ula dhacsan yihiin hab dhaqanka Ciidanka ee dhan walba,kaasoo sababay in ay wada shaqayn umuujiyaan. Talye Muumin waxay haldoorka Gobolku qirayaan in uu yahay Nin shaqadiisa daacad…
Golaha Wakiilada Dowlad Goboledyada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta baarlamaanka ee magaalada Kismaayo ayaa aqbalay codsi uga yimid madaxweynaha dawlad goboledka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam kaas oo ahaa in muddo kordhin loo sameeyo xilliga uu ku soo dhisayo golaha xukuumada cusub. Fadhiga golaha wakiilada ee maanta ayaa waxaa soo xaadiray 51 mudane, waxaana shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Jubbaland mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan. Furitaanka kulanka ayaa guddoomiyaha gudiga hab dhawrka ee golaha mudane Shugri Weyrax Kaariye ayaa barlamaanka ka hor akhriyay codsiga ka yimid madaxwaynaha. Intaa kabid goleyaasha ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey codsiga madaxweynaha waxaana ogolaatay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kormeeray xarumaha uu ka socdo Gurmadka loo fidinayo dadkii ay fatahaadu saameysay. Guddoomiyaha Guddiga sare gurmadka fatahaadda Qardho, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Mudane Maxamed Dhabanacad iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa Madaxweynaha halkaasi kusoo dhoweeyay. Madaxweynaha ayaa kormeeray xarumaha lagu kala maareynayo raashinka gurmadka ah, goobaha kale ee shaqadu ka socoto iyo suuqa weyn ee Qardho halkaasi oo Madaxweynuhu ku lugeeyay si uu u arko howsha baaxada leh ee socota.
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa sheegaya in maleeshiyaad looga shakisan yahay inay xariir la lee yihiin Argagixisada Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Amniga Puntland ku lee yihiin degaanka Teerage oo dhacda galbeedka magaalada Galkacayo. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarkan oo waqti habeenimo ah dhacay, waxaana wararku ay sheegayaa in Labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ay ku dhinteen weerarka. Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada degaanka uu weerarku ka dhacay iyo nawaaxigiisa, kuwaas oo lagu baadi goobayo kooxihii weerarka soo qaaday. Wixii kasoo kordha kala soco…
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Puntland Cabdiqafaar Xaange, oo shir jaraa’id u qabtay magaalada Qardho ayaa soo bandhigay warbixinta khasaarihii ka dhashay daadadkii ku dhuftay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Wasiir Xaange ayaa sheegay in 8 Ruux ay ku dhinteen daadad, halka Tiradda dadka ay saameeyeen daadadku ay gaarayso 8 kun oo qoys ama 48 kun oo qof, iyadoona 3,540 oo qoys ay ku barakaceen. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in 2 ay ku burbureen Daadad, halka 2 kalena ay dhaawac soo gaareen, isagoona intaas ku daray in Ganacsiyo gaaraya 1,020 oo isugu jira yar yar iyo kuwa dhexe ay…
Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan ka hor-tagga iyo la tacaalida Cudurka Coronavirus, ayaa soo saaray warbixintii maalinlaha aheyd ee ku aadaneyd COVID-19, iyagoona sheegay in tiradii ugu badneyd shalay oo kaliya laga helay degaanada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa Shaaciyey in 12 qof oo horleh laga helay Cudurka Covid-19 Gudaha Puntland, Dadkaas oo kala ah sagaal rag ah iyo sadex dumar ah.
Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in Gargaarkii shalay Puntland soo gaadhay ay iyadu bixisay balse safarka iyo mas’uuliyadda howsha ay qaadatay dowladda Soomaaliya, sidaas waxa sheegay, Wakiilka Hey’adda ee Soomaaliya, Johann Siffointe oo yidhi: “UNHCR waxay ku faraxsantahay inay taageerto dedaallada dowladda dhexe iyo maamulka Puntland si looga jawaabo xaaladda deg deg ah ee fatahaadda Qardho. Markii la qoondeeyey 920 agabka asaasiga oo ay bixisay UNHCR, dowladda federaalka ayaa qaadatay mas’uuliyadda iyo abaabulka safarka duulista hawada, UNHCR waxay sii wadi doontaa wax ka qabashada daadadka, iyadoo hoos imanaysa hoggaanka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, xidhiidh dhowna la leh dowladda xubinta ka ah…
Wasiirka Wasaaradda Hormarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji, ayaa dhaliil kulul u soo jeedisay Warbaahinta iyo Dadka isticmaala baraha Bulshada, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay Muuqaalo wareysi ah kasoo duubayay Maamo Nasro oo ah Hooyo Saddex carruur ah oo ay dhashay ay la tageen Daadadkii kusoo rogmaday dhowaan Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Wasiir Aamina ayaa sheegtay in saxaafadda iyo Dadka kale ee baraha bulshada wax ku baahiya looga baahan yahay inay ilaaliyaan Xuquuqda iyo Qalbiyada dhibanayaasha, ayna ka feejignaadaan in wareysiyo aysan aqoon qaabka loo maareyo qaadaan, taas oo sii danqaysa quluubta dhibanaha.…
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Filish, ayaa sheegay in ay baaritaano iyo ku sameynaayay dadka la geeyo Qabuuraha tan iyo 19 bishii lasoo dhaafay. Cumar Filish ayaa sheegay in dadka ku dhow 500 ruux ay ku geeriyoodeen Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay, islamarkaana ay aaminsan yihiin in ay u dhinteen Cudurka Corona Virus. Tiraddii ugu badneyd ee ay diwaangaliyaan hal maalin ayuu ku sheegay 43 ruux , halka Midkii ugu yareydna ay aheyd 22 ruux. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa horay u sheegay in xilligaan qof kasta ee…
Kim Jong-un ayaa dib fagaaraha uga soo muuqday markii ugu horreeysay muddo labaatan maalmood ah, sida ay soo tabisay warbaahinta qaranka Kuuriyada Waqooyi. Wakaaladda wararka ee KCNA ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu xarigga ka jaray warshadda sameysa qalabka bac-riminta ee beeraha. Todobadyadii lasoo dhaafay ayaa si aad ah loo hadal haayay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi,kadib markii uu kasoo muuqan waayay Munaasabad meqaam sare ku leh dalkaasi.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in diyaaradihii waday gargaarka ee maanta soo gaaray magaalada Garoowe ay ahaayeen Deeq si toos ah uga timid Hay’adda UNHCR, kaddib codsi ay u dirtay Hay’adda Xukuumadda Puntland. Wararka ayaa intaas ku daraya in Wasiirada kasoo jeeda degaanada Puntland ay diyaaradaha soo raaceen, kaddib markii ay ogaadeen in diyaarado gargaar wada u safrayaan degaanada Puntland, maadama duulimaadyadii kale ee dalku hakad ku jiraan. Wasiirka arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Mohamed Dhabancad, ayaa caawa beeniyay hadal ay maanta jeediyeen Wasiirada diyaarada la socday, kaas oo ahaa inay DFS soo…
Wasiir Dhabancad,ayaa sheegay in diyaaradaha maanta ka degay Garowe ay uga yimaadeen Puntland hay’adda Qaxootiga aduunka UNHCR. Wasiirku waxuu beeniyay in diyaaradahaas ay ku deeqday dowladda Federaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
1: Ku dhawaad 800 oo Qoys ayaa maanta Dawlada Puntland ay gaarsiisay deeq raashin ah oo kala duwan. Dadka la gaarsiiyay ayaa u badnaa Dadkii ay roobabku saameeyeen. 2: Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ayaa galabta soo gaaray Magaalada Qardho, Caawana waxay kulan la yeesheen Madaxweynaha Puntland Dr Said Cabdilaahi Deni. 3: Degmooyinka Gaalkacayo iyo Garoowe ayaa maanta deeq soo gaarsiiyay Magaalada Qardho. 4: Urur-Siyaaaadeedka Sinaan iyo Cadaalad ayaa deeq raashin ah oo ka kooban Bur, Bariis, Sonkor, Caano, iyo Timir oo loogu talagalay 730 Qoys soo gaarsiiyay Gudigga Gurmadka Qardho. 5: Shaqaalaha iyo Ciidamada Madaxtooyadda Puntland ayaa deeq…
Hawlgalkii amni xoojinta Mudug ee dhawaan la hawlgaliyay durba waxuu qabtay wax la taaban karo. Ciidamada amaanka ee kala duwan waxay gacanta ku dhigeen ilaa 60-qof oo iskugu jira rayid iyo Ciidan,kuwaasoo loo soo qabtay tuhun argagixiso iyo falal kale oo amniga khatar ku ah. Ciidamadu har iyo habeen waxay ku jiraan hawlgalo joogta ah oo ay amaanka ku adkaynayaan. Waxaa la hawlgaliyay Taloofiinkii Heeganka oo daqiiqad walba laga jawaabayo. Waxaa la hawlgaliyay 5-qaybood oo Ciidan heegan ah deg-deg-na uga jawaaba xogaha la helayo. Ciidamadu waxay si qarsoon iyo si muuqata uga hawlgalaan dhamaan Masaajidyada,Hotelada iyo goobaha bulshadu ku kulanto…
Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Goor-dhawayd shir jaraaid qabtay waxa uu beeniyay lacagaha la sheegay in Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan DFS Iyo shakhsiyaad kale ay bixiyeen kuwaas oo baraha bulshada lagu faafiyay. Wasiir Xasan Abgaal oo aan waydiiyay In DP-World ay 10kun ku deeqday Gurmadka Qardho waxa uu sheegay in lacagtaas uu sheegay in uu hayo Wasiirka Dekedaha Puntland Balse aysan iyagga soo gaarin. Wasiir Xasan Shire oo Weriye Khadar Cawil Ismaaciil uu waydiiyay qoondadii Puntland ay ugu talagashay Gurmadka Qardho, Waxa uu sheegay in yaboohooda ka dawlad ahaan uu Madaxweynuhu ku dhawaaqayo. Kharashaadka ku baxaya hawlaha-socdana ay inta badan…
Wararka naga soo gaaraya Degaanada Galmudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay maanta dad shacab ah ka afduubteen Gobalka Galgaduud. Dadka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab Afduubatay oo ah labo nin oo shacab ah, ayaa kooxdu ka afduubatay degaanka Burujeed 70-KM u jir degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Dadka degaanka ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay meel isugu keentay qaar kamid ah Shacabka degaanka Burujeed, iyadoona intaas kaddib kala baxday labada ruux ee ay la tageen. Ma jirto cid si rasmi ah uga warbixin karta sababta keentay afduubkaan, balse warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in maamulka degmada Guriceel ay wadaan…
Dawlada Shiinaha ayaa waxa ay ku gacan sayrtay dalab uga yimid hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee WHO. Hay’adda ayaa waxa ay ka dalbataya Shiinaha in uu ogolaaday in shaybaarrada dalkeeda ee loogu talo galay baarista cudurada halista ah, lagu baaro asal ahaan halka uu ka yimid cudurka Covid19. Dawlada Shiinaha ayaana waxa ay cod qayaxan uga hortimid dalablaas, uga imaaday hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO. Shiinaha ayaa arrintan waxa uu ku wajahi karaa cambaarayn caalami ah, maadama halkii ugu horaysay ee cudurka laga helay ay tahay dalkiisa, waxaana muuqata in Shiinuhu qarinayo xaqiiqada ama dhab ahaanshiyaha cudurkan.
Illaa 11 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyeen taageeradii ay Wakiilada Beesha Caalamaku u muujiyeen Heshiiskii dhex maray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubnihii Golaha Isbedel-doonka ee kasoo hor jeeday. Qoraalka ay soo saareen Xildhibaanada oo ka kooban lix qodob, ayey sidoo kale xubnaha ku saxiixani kusoo dhaweeyeen heshiiskii Dhuusamareeb ku dhex maray Madaxweynaha Galmudug QoorQoor iyo Madaxweynihii ka horreeyey Axmed Ducaalle Geele Xaaf. Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa Xukuumadda Federaalka ugu baaqay inay taageerto heshiiskii Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Jubbaland iyo xubnihii Golaha isbedel-doonka Jubaland, kaas oo ay ku tilmaameen mid loogu turay dadka reer Jubbaland.
Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya, hadana ahaa Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Dalka Tanzania Dr Augustine Mahiga ayaa ku geeriyooday dalkaasi. Mahiga ayaa geeriyooday isagoo 74 jir ah saacadihii hore ee saaka isagoo Ku geeriyooday magaalada doma ee dalka Tanzania. ” Waxaa ku soobbooday xanuun deg Deg ah , isagoo loola cararey cusbitaal , halkaas ayuuna ku geeriyooday” Sida uu xaqiijiyay af-hayeenka madaxtooyada dalkaas. Mahiiga ayaa hore u soo noqday Wasiirkii arimaha dibada dalka Tanzania Sanadihii u dhaxeeyay 2015 – 2019 , Waxaana uu hada Ku magacaabnaa xilka wasiirka Cadaalada iyo arimaha Dastuurka Dalkaas. Mahiga waxa uu…
Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho, oo Gudoomiyah Degmada Gaalkacyo kale Wareegey Gurmadka Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Wallaalahooda Reer Qardho ugu soo Gurmadeen waxaana gurmadka ka faaideysan doona 551 qoys.
Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan ka hor-tagga iyo la Tacaalida cudurka Coronavirus, ayaa ku dhawaaqay in qof ugu horeeyay uu cudurka Covid-19 ugu dhintay gudaha Puntland. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Jaamaca Faarax Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa sheegay in qofkii ugu horreeyey uu cudurka Covid-19 Puntland gudaheeda ugu geeriyooday, isagoona ugu baaqay shacabka inay muujiyaan feejignaan, sidoo kalena u hoggaansamaan fariimaha iyo tallooyinka caafimaadka ee Guddiga, Dhakhaatiirka iyo Hay’adaha kale ee Dowladda.
Dawlada Puntland ayaa Maanta qaybisay deeqdii ugu horaysay ee la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen daadadkii Magaalada Qardho, 465 Qoys ayaa Maanta loo qaybiyay Raashin ka kooban, Bur, Bariis, Sonkor, Caano, Saliid, Kaluun, iyo Timir. Maanta waxa uu Qorshuhu ahaa in la gaarsiiyo 800 oo Qoys balse Wadooyinka qaar ayaa la gelin waayay, Hal maantana ay soo dhaceen biyo kale oo xiray wadooyinka Qaar.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho. Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda. Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax…
Madaxweynayaashii hore ee Dowladda Puntland ee kala ah Dr. Cabdiweli Cali Gaas, & Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo wehlinayo Senator Cabdirisaaq Jurille oo shir ku qabtay Garoowe, ayaa DF Soomaaliya uga mahadceliyey lacagta ay soo gaarsiisay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Masuuliyiinta ayaa sheegay inay muhiim tahay in Xukuumadda Puntland looga dambeeyo howlaha Guddiyada iyo gargaarka magaalada Qardho, waxayna sheegeen in uu sharci yahay guddiga Xukuumadda oo kaliya, loona baahan yahay in awooda la mideeyo. Ugu dambeyntii, Madaxweynayaashii hore ee Puntland iyo Senator Jurile ayaa bogaadiyay dadaalada ay wadaan bulshada Puntland ee ku aadan gurmadka Qardho, waxaana ay sheegeen in…
Wararka ka imaanaya Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in roobab ma higaan ahi ka da’ayeen illaa shalay galinki danbe, ay sababeen inay hawada ka baxdo Isgaarsiintii degaanadaas, kaddib markii ay dhacday birtii anteenada shirkadda Golis. Dadka ku nool degaanada ku dhow dhow Degmadaas ayaa kusoo waramaya in xaaladu ay tahay mid murugsan, maadama aan la heyn xiriirkii dadkii ku noolaa Hadaaftimo. Wararka ayaa intaas ku daraya in magaalada Badhan ee Caasimada Gobolka Sanaag ay ka amba-baxeen guddi isugu jira heer maamul iyo heer degmo ,Dhalinyaro iyo qaar ka mid ah Culimada magaalada badhan si looga war doono xaalada…
Kismaayo, 30 April 2020- Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay fatahaadaha ka dhacay guud ahaan Dalka gaar ahaana saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah Jubbaland, sida Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo jasiirada Madhawo ee gobolka Jubbada hoose iyo sidookale fatahaadaha ka dhacey magaalada Qardho ee gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland, Fatahadahaan ayaa geystay khasaaro laxaad leh oo Naf iyo Maalba leh, ayadoo ay boqolaal Qoys ka barakaceen hoygoodii hantidoodiina ku wayeen. Madaxwaynaha ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay leedahay dhibaatada baahsan ee soo gaartay qoysaska dan yarta ah. “Waxaan ugu horreyn murugada iyo…
Boqor Burhaan boqor Muuse oo Magacaabay Gudi qeyb kaqaata gurmadka Dadka daadadka dhibtu kasoo gaartay. Magacayada gudiga la magaacay. Sh C/qadir Yasin Aw Maxamed; 7796442 2.Sh Maxame Axmed Faarax 7736027Sh Maxamud Cali Gooni 7793208Sh Axmed Yuusuf Daad 7793171Sh Xuseen Xaashi Barre 7727561Sh Cali Maxamed Cali 7792588
1: DFS ayaa lacag dhan 1 Milyan oo dollar ugu deeqday Fatahaadii ka shacday Magaalada Qardho, Puntland ayaa xaqiijisay in lacagtaas ay soo gaartay. 2: Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdilaahi Deni ayaa Mid Hal-darajo dalacsiiyay Ciidamadii ka qayb-qaatay Gurmadkii iyo Samata-bixintii Shacabka Qardho. 3: Waasarada Arimaha Gudaha Puntland, Wasaarada Haweenka iyo Gudigga Maciishada iyo Ganacsigga ayaa deeq kala duwan maanta soo gaarsiiyay Qardho. 4: Maamulka Degmada Boosaaso iyo Dhalinyaradii iska-abuubashay Magaalada Garoowe ayaa Gurmad ka kooban Raashin iyo Cuno-bisil soo gaarsiiyay Magaalada Qardho. 5: Puntland ayaa beri 750 qoys oo ah dadka ay saameeyeen Fatahaadu u qaybin-doonta gurmadkii ugu horeeyay kaas…
Shacabka iyo Maamulka Degmada Gaalkacyo ayaa wada Gurmadka Qardho. Wajiga koowaad ayaa galabta u soo amba baxay Gobolka Karkaar ee Degmada Qardho, waxaan la filayaa inuu saacadaha soo socda uu gaari doono halkaasi. Gurmadkan maamulka degmada Gaalkacyo ayaa 551 qoys u diyaariyay Raashinkooda Gogoshooda.Ninkay ku hadhay Hawli haysaa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland oo soo saartay liiska magacyada Xildhibanaaadda Golaha Deegaanka ee Degmada Gumbax ee Gobolka Gardafuu oo ka kooban 17 xubnood. Xubnaha 17 ah ee Golaha Degaanka Degmada Gumbax, ayaa 3 kamid ah ay yihiin Haween, waxaana degmadaas ku sugan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, isagoona la filayo inuu ka qeyb-galo Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gumbax.
Guddiga ka hortaga COVID-19 Jubbaland ayaa maanta xaqiijiyay in xaalad kale laga helay xanuunka Corona Virus. Ruuxa cusub ee maanta laga helay xanuunka COVID-19 ayaa ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowlad goboleedka Jubbaland oo lagu magacaabo Mahad Muxiyadiin Maxamed. Xaaladda guud ee wasiirka ayaa ah mid wanaagsan waxaana uu maalmihii laso dhaafay isku karantiilay gurigiisa uu kadeganaa magaalada Kismaayo.
Deeqdii ugu horeysay oo loogu tagalay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay daadadkii ka dhacay magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, oo isugu jira Rashiin iyo agabya kale ayaa gaaray magaaladaas. Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland, Wasaarada Haweenka Puntland, Gudigga Macamiishada iyo Ganacsigga, Maamulka Degmada Boosaaso, Maamulka Degmada Garoowe ayaa Gurmadkii ugu horeeyay Maanta soo gaarsiiyay Magaalada Qardho. Deeqdan ayaa ka koobnaa Cuntada Fudud, Hugga dhaxanta laga gashto, Teendhooyin, Dawooyin iyo raashinka quudal-daruuriga ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Qardho ayaa maanta kormeeray Xarunta Tababarada Ciidamada ee Xorgoble. Madaxweyne Deni ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta oo tabar uga socdo xerada xorgoble, wuxuuna ka dib warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidamada iyo Masuuliyiinta Xarunta. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorkii Ciidamadu ka qaateen badbaadinta Shacabka markii xili habeen ah biyo kusoo rogmadeen Qardho, wuxuuna Madaxweynuhu hal darajo dalacsiiyey dhammaan ciidamadii ka qeyb qaatay howlgalkaasi lagu badbaadinayey Shacabka ay daadadku kusoo fatahmeen.
Roobab mahiigaan ahee ka da’aya gobolka Bariga iyo Geeska Afrika ayaa khasaare ba’an meelo badan gaadhsiiyey. Meelaha ay dhibaatooyinku ka dhaceen waxa ka mid ah degmada Gaarisa ee woqooyi bari Kenya oo dalagyo haatan in ay soo go’aan la filay ku baabiiyey. Waxaanay beeralayda deegaankaasi sheegayaan in biyo laga sii daayey biyo xidheennada ku yaal webiga Tana ay uga sii dareen xaaladda taagan.
Guddigi hoosadka Amniga, hawlaha guud iyo wacyi-galinta Guddiga gurmadka Qardho ayaa bilaabay hawl-galo lagu baneynaayo wadooyinka iyo goobaha ay xireen biyuhu si loo furo isu socodka gaadidka iyo dadka. Guddigaan waxaa xubno ka ah Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyna Puntland Axmed Bashiir, Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Puntland Cabdisalaan Xaji Siciid, Taliyaha Ciidanka Daraawishta Puntland Gen.Yaasin Cumar dheer, Gen.Khaliif Ciise Mudan, Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye iyo Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdi Caseyr Yuusuf. Guddomiyaha Gobolka Karkaar, Siciid Maxamed Faahiye, ayaa sheegay inay rajeynayaan in maanta ay soo af-meeraan isku furitaanka isu socodka Gaadiidka iyo Bulshada Xaafadaha magaalada Qardho.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay wehelinayaan Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Sheekh Daahir oo kamid ah xubnaha isbadal doonka Jubbaland ee dhawaan heshiiska la gaaray Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada kismaayo. Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubnaha Golaha Is-bedelka doonka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb-galay xubno kamid ah labada Gole ee Jubbaland, Maamulka Gobalka, Kan Degmada Kismaayo, Saraakiisha Ciidamada iyo kumanaan shacab ah oo dhoobnaa hareraha laamiyada. Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay qaybta nasashada garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in uu si wanaagsan kusoo dhamaaday heshiiskii…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir-gudoomiyey shirlooga hadlayey saamaynta balaaran ee ay ku yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kala hadlay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa khaasaraha ka dhashay si deg deg wax looga qabto.
Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ay ku toogteen Saddex Ruux oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala Shaqeeyeen duqeymo uu la beegsaday Saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab. Saddexda Ruux oo ay toogteen Al-Shabaab ayaa isugu jiray laba Dhalinyaro ah iyo Nin Oday ahaa,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jirey. 1: Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ahaa,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed. 3: Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 sana jir ahaa oo ay ku eedeeyeen in uu…
Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay warqad u direen Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay walaac uga muujinayeen Shaqada Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya. Qoraalka ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin xoagaha maalmahaan soo baxayay oo sheegayay xiriir iyo wadashaqeyn ka dhaxeeysa Hay’adda NISA iyo Ururka Al-Shabaab taas oo shaki weyn ku abuurtay. Madasha Xisbiyada waxaa ay sheegeen in markii ay arkeen wararkaan soo baxay,dhacdooyinkii waaweynaa ee dalka ka dhacay oo uu kamid yahay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Banaadir…
Mohamud Khalif Hassan Eng. Jebiye, oo kamid ah siyaasiyiinta Reer Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu $45,000 uga qayb qaadanayo “Gurmadka Qardho”, Siyaasigaan ayaa caan ku ah inuu maalkiisa ku bixiyo barnaamijyadda kheyriga ah iyo horumarka bulshadda, waxaana aad loo bartay doorashadii Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo ka duulaya saamaynta balaaran ee ay yeesheen roobabkii daadadka watay ee ka da’ay degmadda Qardho, kaas oo sababay dhimasho, burbur hantiyeed iyo barakac balaaran. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay Guddiga sare ee Gurmadka Fatahaada Degmadda Qardho ee Gobolka Karkaar: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Demoqradiyaynta iyo Federalka (Guddoomiye)Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Wasiirka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo. Isbadalka Cimiladda Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Dhaqalaha Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadidka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Biyaha iyo Macdanta Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhambaal tacsi ah u diray Dowladda aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, kaddib geerida Wasiirkii Maalgaahiga ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum Cali Geelle Abubakar. Halkaan Hoose Ka Akhriso War-saxaafadeedka Tacsida ah ee Madaxweynaha Puntland. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay uga tacsiyaynaysaa Dowladda iyo shacabka Jabuuti geerida Alle ha u naxariistee Wasiirka Maalgashiga ee Madaxtooyada Jabuuti Cali Geelle Abubakar oo maanta ku geeriyooday dalkaasi. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha Dowladda iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu tacsi u dirayaa, eheladii asxaabtii, qaraabadii iyo Shacabka aan…
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay Xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka Covid 19. Wasaaraddu waxaa ay shaacisay 48 xaaladood cusub ee Covid-19,taasi oo tirada guud ka dhigaysaa 528 oo kiis dadka uu soo ritay xanuunka Corona Virus. Warbixinta maanta ee Wasaarada Caafimaadka ayaa siddaan u qorneyd: Waxaa cudurka COVID-19 laga helay 48 qof. > Koofur Galbeed: 4 > Jubbaland: 3 > Benadir: 41 > Tirada Guud: 528> Dhimashada Guud: 28> Bogsashada Guud: 19
Gudiga Dowladda Puntland u xilsaartay Gurmadka Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa bangiyada iyo shirkadaha is gaarsiinta ku wargaliyey in aysan wax Akoomo ah ku furi karin magaca gurmadka Qardho. Bangiyadda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta deegaanada Puntland ayaa lagu war-geliyay in ay joojiyaan furista Akoono aan ka ahayn kuwa Guddiga Gurmadka Qardho, tallaabadaan ayaa ah mid looga hortago in wado khaldan la mariyo gurmadka lagu caawinayo dadka dhibaataysan ee ay daadadku saameeyeen.
Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay heshiis ay dhowaan magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Golaha Is-bedel doonka Jubbaland, kuwaas oo ku kala Irdhoobay Doorashadii bishii August ee sanadkii tagay ee 2019. War-saxaafadeed kasoo baxay Xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiska ay wada-gaareen Madaxweynaha Jubbaland iyo mucaaradkiisii ay horseedayso in la soo afjaro kala qeyb-sanaantii ka dhalatay Doorashadii Jubbaland, waxaana ay intaas ku dareen in loo baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan dhaqan-gelinta heshiiskii 20-April lagu gaaray Nairobi. Sidoo Kale, Beesha Caalamka ayaa bogaadisay aragtida Hoggaanka Jubbaland ee…
Madaxweynihii hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ka hadlay xaalada degmada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, oo daadad xalay kusoo rogmaday ay sababeen khasaare nafeed iyo mid maal. Sharif Sheikh Ahmed, oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyeeyay shacabka magaalada Qardho iyo Guud ahaan Reer Puntland khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay Daadadkii ku dhuftay Qardho. Sidoo kale, Madaxweyne Sharif ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan u gurmashada Shacabka Magaalada Qardho.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku baaqay in si guud loogu gurmado Magaalada Qardho oo ay ku dhufteen daadad saameeyay Nolosha dadka. Madaxweynaha oo Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Dani ayaa sheegay in Shacabka iyo Xukuumada Jubbaland ay garab taagan yihiin qoysaska eheladooda ku waayay iyo kuwa ku gurya beelay musiibadan oo tiiraanyada ay la qabaan. Madaxweynahu wuxuu Tacsi u diray ehelada dadkooda ku waayay musiibadan isagoo Caafimaad u rajeeyay dadka saamaynta dhibaatada Wali la tacaalaya. Waxaa kale oo Madaxweynahu uu hoosta ka xariiqay in ay xili roobaadkan jiri karaan fataahado iyo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta booqasho ku tegay magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, oo ay ka dhacday fatahaad ka dhalatay Roobabkii ka da’ayey gobolkaasi maalmahan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Bulshada Qardho la qeybsaday xaaladda Bani’aadantinimo ee ay ku jiraan, iyo khasaaraha naf iyo maal leh ee ka dhashay Biyaha magaaladda kusoo rogmaday. Wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb galay Aaska dadkii ku geeriyooday daadadka kusoo fatahay magaaladda, isagoo tacsi u diray ehelada iyo qoysaska dadkii geeriyooday. Madaxweyne Deni ayaa ku dhex lugeeyay magaaladda isagoo kormeeray goobaha burburku gaaray si uu usoo arko sida…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa gaaray Degmada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, si uu ula qeybsado Bulshada Qardho xaaladda ay ku suganyihiin, u dhiirigeliyo Gurmadka socda. Madaxweyne Deni ayaa hada wada kormeero uu ku indha indhaynayo khasaaraha iyo saameynta Roobka Biyaha watay, waxaana uu dadka ka dhegaystay warbixin ku aadan xaaladooda, isagoona sheegay in gurmad buuxa ay Dowladdu soo gaarsiinayso goor-dhiow magaalada Qardho. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qeybgalay Aaska dadkii ku geeriyooday daadkii xalay kusoo rogmaday magaaladda Qardho, kuwaas oo gaaraya 6, kuwaas oo kala ah 3 Carruur, 1 Dumar ah iyo 2 Rag…