Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeeyay musiibada naf iyo maalba leh ee ka dhalatay daadadkii ku fatahay magaalada Qardho ayaa ku baaqay in wadajir loogu istaago shacab iyo dowladba u gurmadka dadkeenna ay soo gaartay dhibaatada xooggan. Madaxweynaha ayaa tilmaamay murugada ay leedahay boqolaalka qoys ee hoygoodii iyo hantidoodii ku waayey daadadkii ku soo rogmaday magaalada, iyada oo dalkeenna ay ka jirto halis caafimaad oo la tacaaliddeeda aynu isugu geynay maan iyo muruq. “Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadanlahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay…

Read More

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegaya inay weli socdaan dadaalada lagu samata-bixinayo dadkii ku waxyeeloobay Daadad xooggan oo xalay kusoo rogmada magaaladaas. Warar hordhaca ayaa sheegaya in dhimashada ka dhalatay Daadadkaas ay gaareyso 8 Ruux, kuwaas oo ay qaarkood ku dumeen dhismayaal, halka qaarna ay qaateen biyuhu. Sidoo kale, Daadadkan oo ka dhashay roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dhulka Buuraleyda ah, ayaa sababay inay dumaan guryo dad shacab ah lee yihiin, sidoo kale biyuhu qaataan Gaadiid iyo Goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Qardho. Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland (Daraawiish-ta), ayaa lagu…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay Cudurka Coronavirus,kaas oo maalmihii la soo dhaafay ay korortay kiisaska horka leh ee laga helayo Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaataan talooyinka Caafimaad,isaga oo tallooyin looga hortagayo Cudurka u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed. “Khatarta cudurka Coronavirus ee dalkeenna waxay maraysaa xaalad adag oo u baahan in aad loo raaco talooyinka dhakhaatiirta caafimaadka ay noo soo gudbinayaan sida, Sanka & afka oo la xirto, in gacmaha oo saabuun lagu dhaqo,in Gacmaha oo laga ilaaliyo…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, ayaa sheegaya in magaaladaas ay ka socdaan dadaalo lagu samata-bixinayo Dadka ay saameeyeen Daadad xalay kusoo rogmaday Qardho. Daadadkan oo ka dhashay roobab saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayay dhulka Buuraleyda ah, ayaa sababay inay dumaan guryo dad shacab ah lee yihiin, sidoo kale biyuhu qaataan Gaadiid iyo Goobihii ganacsiga ee ku yaalay magaalada Qardho. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Karkaar G/Dhexe Cabdi Caseyr Yuusuf, ayaa sheegay in illaa iyo hadda ay xaqiijiyeen in daadadka ay ku dhinteen Saddex Ruux, balse dhimashada ay intaasi ka badan karto maadaama weli dad maqan baadi goob…

Read More

Last Update Qardho:- 1: Biyaha Magaalada soo galay ayaa guud ahaan saameeyay Xaafadaha, Marka laga reebo aaga kore ee Xorgoble, Guri iyo Goob ganacsi oo kale oo aysan gelin waa yartahay. 2: Guud ahaan Suuqii Magaalada ayaa biyuhu la tageen, Bakhaaradii raashinka, Kuwii Dhismaha, Suuqyadii Khudaarta iyo Caanaha, Kuwii adeegyada bulshada inta biyaa buuxa-dhaafshay. 3: Dhalinyaro is-abaabulay oo u badan intii Magaalada ku cawaynaysay ayaa gurmad fidiyay waxay gaareen Guryo dad ku go’odoonsanaayeen kuwaas oo u badan Aaga Gufure, Aaga Shimbiraale iyo Xingood Hoose qaarkeed. 4: Dawlada iyo Maamulka Gobolka Karkaar oo dhankooda is-kaashanaya ayaa iyaguna hawlo-shaqo waddo, Cafag-Cag ay…

Read More

Al-Shabaab ayaa markii labaad 24-saac gudahood weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Xalane oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada AMISOM, Hey’adaha Qaramada Midoobey iyo Safaarado dhowr ah. Weeraradan Madaafiic ayaa dhacay shalay subax iyo xalay fiidkii hore, waxaana la sheegay in dhowr madaafiic ku dhaceen Xalane iyo Garoonka diyaaradaha Muqdisho. Madaafiicdii shalay ayaa sidoo kale ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn Xerada Xalane waxaa ku dhintay illaa afar qof rayid ah oo guryahooda madaafiicda ku habsadeen. Al-Shabaab ayaa qoraalo ay barahooda Internet-ka ku qoreen ku sheegay in duqeyntaas lagu dilay Dad ajaaniib ah, wallow aysan jirin wax war oo…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa goor dhow shaacisay in 9 bukaan oo qabay Cudurka Coronavirus ay ugu geeriyootay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho. Tiradan ayaa noqoneysa tii ugu badneyd ee hal mar u dhimata cudurkan, iyadoo haatan 32 ruux ay mareyso tirada guud ee cudurkan u geeriyootay Soomaaliya. “Waxaa soo kordhaya bukaannada uu soo riay cudurka Covid-19 ee isbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbinayaan Isbitaalka Martiini, marka xaaladoodu gaarto heer aan waxba laga qaban karin, taasoo sababta in la badbaadin waayo bukaanno badan oo dhaqaatiirtu aaminsan yihiin in la badbaadin karay haddii xilli hore la soo gudbin lahaa, sidaas…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Ganacdiid, oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in dhowaan degaanada Puntland ay ka bilaaban doonaan howlgallo buufin ah oo ka dhan ah AYAXA, kuwaas oo loo adeegsan doono diyaarado iyo Gaadiid ay saaran yihiin Haamo sunta loo adeegsado kicinta Ayaxa oo ay diyaarisay Wasaaraddu. Wasiir Ganacdiid ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland, gaar ahaan Reer Miyiga iyo Beeraleyda inay garab istaagaan Shaqaalaha Wasaaradda ee howlahan ka howlgalaya, sidoo kalena xoolaha iyo dadka laga fogeeyo goobaha boojinta laga bilaabayo.

Read More

Dowladda Puntland ayaa iska diiday Diyaarad Muqdisho ka soo qaadi lahayd agab caafimaad oo shiinaha iyo Turkigu ugu deeqeen Soomaaliya, sida ay ilo rasmi ah ay u xaqiijiyeen Shabakadda Idil News. Diyaaradan oo maanta lagu waday inay kasoo degto magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa Puntland joojisay kaddib markii la sheegay inay Dowladda Federaalku ay kusoo dareyso shaqaale katirsan Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Xafiiska Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre. Wararka ayaa sheegaya inay Puntland ay iska diiday in agabkan oo ka kooban dhowr kartoon Face-mask ah iyo Af-xir, ayaa Puntland sheegtay in aysan doonay in la isku sawirro xilligan adag agab…

Read More

Ciidanka Amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona Ciidanku ay bartilmaameedsanaya goobo gaar ah oo la tuhunsan yahay inay saldhig u yihiin kooxaha falalka ammaan daro ka geysta magaalada Gaalkacyo. Howlgaladan oo uu hoggaaminayo Taliyaha cusub ee Qeybtii Booliska Gobalka Mudug G/sare Muumin Cabdi Shire, ayaa si xariir ah uga socday magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidanku ay gacanta ku dhigeen xubno katirsan Argagixisada Al-Shabaab. Guddoomiyaha Gobalka Mudug Axmed Muuse Nuur-yare, ayaa ku eedeeyay odayaasha dhaqanka Gobalka Mudug inay isku dayayaan inay caqabadeeyaan howlgalada ka socda Gaalkacyo, iyagoo soo dhoobanaya Saldhigyada Ciidanka marka Ciidanku…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27-da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. 2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Labo kamid ah Guddoomiye ku-xigeenada Gobalka Banaadir, isagoona magacaabay bedelkooda. Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle, oo ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobalka, waxaana xilkaas loo magacaabay Mudane Axmed Xasan Iimaan.Mudane Aadan Sheekh Cali Fiidoow, oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir, waxaana xilka loo magacaabay Mudane Cumar Cali Cabdi. Madaxweyne Farmaajo oo xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiye K/Xigeennada Maaliyadda & Hawlaha Guud ee G/Banaadir Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay labada Guddoomiye K/Xigeen inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo…

Read More

Madaxweynihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha xisbiyada qaran Shariif Sheekh Axmed, ayaa war ka soo saaray dilkii habeen kahor loogu geystay degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir labo ruux oo shacab ahaa, iyo dibadbaxyo ka dhashay falkaasi. Shariif Sheekh Axmed oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inay tahay wax laga xumaado ayna cambaareynayaan dadkii shacabka ahaa ee lagu dilay Muqdisho sabab ka dhalatay Bandowga la soo hormariyey, isagoona intaas ku daray in horay ay talo ku bixiyeen in shacabka uu culays ku yahay waqtiga. “Ugu horeyn waxaan cambaareyneyna falkii sharcidarada ahaa ee dad shacab…

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in $12.5 Milyan oo dollar ay ugu deeqday Soomaaliya, si loola tacaalo xaalada cudurka safmareenka ah ee COVID-19. Qoraal kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in deeqdaas ay qeyb ka tahay qalabeynta Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay DFS u iclaamisay in lagula tacaalo xaalada Dadka cudurku haleelo. Warkan kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa waji-gabax ku noqonaya hadal dhowaan kasoo yeeray Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hassan Ali Khaire, kaas oo sheegay in Dowladda Federaalku ay qalab u soo iibisay Isbitaalka Martiini si loola tacaalo cudurka COVID-19.

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowladda Puntland ayaa soo saartay liiska magacyada 18 xubnood oo kamid ah Xildhibanaaadda Golaha Deegaanka ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu. Degmada Taariikhiga ah ee Baargaal oo kamid ah Degmooyinka Darajada (B) ee degaanada Dowladda Puntland, waxaana ay Golaheedu degaanku ka kooban yihiin 21 xubnood, Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Dowladda Puntland ayaana sheegtay in dib loo dhigay ansaxinta 3 xubnood oo kamid ah Golaha Degaanka cusub. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa ku sugan Degmada Baargaal, isagoona u jooga dhismaha Golaha cusub, waxaana la qorsheynayaa in saacadaha…

Read More

Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee la xariiri cudurka safmareenka ah ee Coronavirus. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Degaanka Soomaalida ay lagu sheegay in qofka cudurka laga helay uu yahay Nin 30 sanno jir ah oo haysta dhalashada dalka Ethiopia, kana safray deegaanada Puntland.

Read More

Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa saaka lagu weeraray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo saldhigga u ah Ciidanka AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye, kuwaas oo sidoo kale ku habsaday xaafado dad shacab ah ay dagan yihiin, uuna ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Wararka ayaa sheegaya in madfac ku dhacay guri ku dhow xarunta Xalane, ay ku dhinteen afar qof oo isku qoys ah, sidoo kale madfac kale ayaa iyana ku dhacay xero Geella lagu xareeyo oo ku taal Xaafada Tarabuush ee demada Wadajir, halkaasoo iyana islaan da’ aheyd ku geeriyootay, oo lagu magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow. Sidoo kale xerada…

Read More

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka asal ahaana kasoo jeeda Soomaaliya ayaa si kulul waxaa ay uga hadashay Dacwadii ay Hay’adda NISA sheegtay inay ka gudbisay Wariye Haaruun Macruuf oo ka tirsan Idaacadda Voa-da ee Magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Qoraal ay soo dhigtay Barteeda Twitter-ka Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa waxaa ay ku sheegtay in Go’aankaas uu yahay olole cabsi-gelin ah oo aad looga naxo. “Weerarradan iyo xarigii Weriye Cabdicasiis Gurbiye ee la xiray- isaga oo ka warramaya saamaynta Covid19 ee Soomaaliya- waa xadgub aan la aqbalikarin oo ka dhan ah xuquuqda asaasiga ah ee aadanaha” Ayey tiri” Ilhaan.…

Read More

Diyaarada Turkish Airlines ayaa xalay kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 58 Ruux, kuwaas oo ku xanibnaa Dalka Turkiga, sababo la xariira isu-socodka dunida oo uu hakiyay cudurka safmareenka ah ee Covid-19. Dadkan oo ay kamid yihiin masuuliyiin kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qeybtood ka yimid dalal ka baxsan Turkiga, waxaana saameyay go,aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha calamiga ah. Sidoo kale, Diyaarada Turkish Airlines ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday Muwaadiniin Turki ah, kuwaas oo cabsi laga qabo faafida cudurka Coronavirus Muqdisho uga baxay. Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in bixitaanka…

Read More

Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan Ka hor-tagga iyo la tacaalida cudurka COVID-19, ayaa soo saaray warbixintoodii maalinlaha aheyd ee shacabka Puntland lagula socod siiyo xaalada guud ee degaanka iyo cudurka Coronavirus. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa shaaciyey in 5 qof laga helay covid-19 Puntland gudaheeda maantana la karantiilay 10 qof, halka shan qof oo horay baaritaanno loogu sameeyeyna laga waayey cudurka.

Read More

Dowlada Denmark ayaa ku taageertay Soomaaliya lacag dhan 25-Milyan oo lacagteeda ah (Danish krone), taas oo u dhiganta 3.6 Milyan oo Dollar, waxaana ay sheegtay in lacagtaan oo si deg deg ah ay u siinayso Soomaaliya loogu talagalay la tacaalida Cudurka COVID-19.

Read More

Wasiiro ka tirsan Dowladda Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa xarig ka jaray jimcihii Kastamka Tuur-dibi ee xadka Itoobiya iyo Puntland, kaas oo muhiim u noqonaya ganacsiga labbada dhinac. Kastamka Tuur-dibi ayaa wax ka bedeli doona xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Itoobiya, isagoona faa’idooy dhaqaale iyo hormaro ganacsi u horseedi doona Ganacsatada labada dhinac. Furitaanka Kastamka Tuur-dibi ayaa kusoo aadaya xilli ay meel gabo-gabo ah marayso dhismaha Dekedda Garacad ee Gobalka Mudug, taas oo sahli doonto inuu sii xoogeysto Ganacsiga Puntland iyo Itoobiya. Sidoo kale, Waxaa la filayaa in dhowaan ay bilaabato laami saarida Wadada Wadaagsin ee xariirida Magaalooyinka Gaalkacyo,…

Read More

Shirkadda Kebarco ayaa dhamaystirtay laamiga bartamaha degmada Burtinle gaar ahaan, 1 KM oo ku timid balan qaad uu sameeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, muddo 10 berri oo ay balan qaaday. Sidoo kale, Mulkiilaha Shirkadda Kebarco Ahmed Baabaraqiis, ayaa 200 oo mitir ku daraya laamida degmada Burtinle isagoo u sadaqaystay aabbiis, Xassan Yacquub Baaburaqiis, Eebbe ha u naxariiste.

Read More

Dibad-baxyo ay dhigayaan Shacab Careysan oo maalintii labaad Banaanbax ka socda Magaaladda Muqdisho, ayaa xoogeystay, iyadoona shacabku ay taayaro ku gubayaan waddooyinka waa weyn, sidoo kalena ay fujinayaan Boorarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. Dadkaan careysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha iyo ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa booliska. Banaan-baxyaasha oo kasoo horjeeda dil askari ka tirsan Booliska uu u geystay Xalay labo qof oo rayid ah, ayaa sidoo kale diiday inay joojiyaan Banaan-baxyada.

Read More

Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ayaa ku dhawaaqday bixinta gargaarka degdegga ah $ 309 Milyan Mozambique si looga caawiyo la dagaallanka cudurka faafa ee coronavirus. War kasoo baxay ayaa lagu sheegay inuu saameyn weyn ku yeelan doono dhaqaalaha dalka Mozambique. IMF ayaa sheegtay in dalkaasi uu horay ula daaladhacayay Musiibo ka dhalatay labo duufaan oo ku dhufatay Sanadkii 2019-ka. IMF ayaa sheegtay in lacagtaan lagu taageeri doono Adeegyadda Caafimaadka. Dalka Mozambique ayaa laga xaqiijiyay 65 Kiis oo Corona Virus ah ,ilaa iyo hadda ma jirto wax dhimasho ah, waxaana Cudurka ka bogsaday 12 ruux sidda ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka dalkaasi.

Read More

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Duumada adduunka oo maanta oo kale dunida lagu xuso ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana ka qeyb-galay Masuuliyiin katirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adaha caalamiga ah. Madaxa ka hortaga iyo Xakamaynta Duumada ee Wasaarada Caafimaadka Puntland Dr Cabdikariin xuseen Xasan, oo ugu horayn madasha ka hadlay ayaa sheegay in munaasabadan oo sanadkiiba maanta oo kale bulshada lagaga wacyi galiyo khatarta cudurka laguna baraarujiyo sidii ay uga hortagi lahaayeen Covid19 awgiis aysan surtagal ahayn in dad badan laysu keeno oo la wacyi galiyo, taas badalkeedana ay warbaahinta u marinayaan bulshada wacyi galinta cudurka la…

Read More

Wasiirka Amniga Galmudug Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa War Saxaafeed kasoo saaray sababtii keentay in uu noqdo Wasiirka Amniga Galmudug, xilli uu ahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Fiqi ayaa xusay in go’aankiisii Siyaasadeed ee uusan waxba iska badalin, islamarkaana uu doortay in uu Galmudug u shaqeeyo si loo helo horumar. Hoos ka Akhriso Warsaxaafeedka Xildhibaan Fiqi. Warsaxaafadeedkan waxaan jeclaystay inaan jawaab uga dhigo fariimo badan oo iga soo gaaray asxaabtayda iyo taageerayaashayda siyaasadda ee maqlay inaan dib ugu laabanayo Galmudug (Deegaankaygii) kuwaasoo qaarkood rumaysan waayey,, qaar kale ay ku faraxsan yihiin, qaar u badan reer Galmudugna ay rajo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda Is-bedel ku sameeyo Hoggaanka Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaayo Taliyaha Ciidanlka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar. Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka loo magacaabi doono Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka, wallow aan la ogeyn cida loo wado Taliyaha…

Read More

Dibadbaxyo rabshado wata oo daba socda Banaanbax ka dhashay dilka Haaweeneey Umul ahayd iyo Wiil dhallinyaro ah oo Ciidamada Bandowga qaabilsan ay muqdisho ku dileen ayaa hadda ka socda qeybo Muqdisho ka mid ah. Banaan baxayaasha ayaa saaka mar kale gubaya taayaro, waxaana ay xirteen laga bilaabo isgoyska Jubba illaa Taalada Daljirka Dahsoon, sidoo kale banaan baxayaasha ayaa iyagoo careysan waxay ku qeylinayeen halku dhigyo ka dhan ah Ciidanka dowladda iyo Madaxda Dowladda Federaalka. Labada qof ee la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Xasan Cali Caddaawe oo 24 jir ah iyo Madiina C/llaahi Cabdi oo 17 jir aheyd.

Read More

Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa ka dalbatay Qaramada Midoobay inay wada-hadal siiso Dowlad Gobaleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, si heshiis looga gaaro khilaafka u dhexeeya Dowlad Gobaleedyada Dalka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qoraal ay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya u dirtay Xafiiska Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayay kaga codsatay in loo qabto shir Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada, si looga arrinsado xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashada sanadka 202. Shabakadda Idil News, ayaa heshay in QM ay waraaqo casuumaad ah u dirtay Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dalka, kuwaas oo qaarkood illaa hada wax jawaab ah ka bixin casuumaad, balse…

Read More

Kastamka Tuur-dibi ayaa maanta xariga laga jarayaa, wasiiro ka tirsan Puntland iyo Dowlad deegaanka Soomaalida ayaa halkaasi gaaray, kastamkaan ayaa muhiim u noqonaya ganacsiga labbada dhinac. Xubnaha Golaha Wasiiirada Dowladda Puntland ee xariga ka jaray kastamka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dadaal galinaya sidii loo heli lahaa Dekeda Qalalan ee Tuurdibi oo muhiim u ah ganacsatada Puntland, waxaana kamid ah Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xariirka caalamiga ah, Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Amniga iyo Masuuliyiin kale. Kastamka Tuur-dibi oo noqon doona kastam ganacsi ayaa u sahli doona…

Read More

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey heshiiska lagu xaliyey Khilaafka Jubaland, kaasi oo ay wada gaareen Madaxweynaha Jubaland iyo Golaha Isbedel doonka ee Jubaland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in heshiiskaan uu kusoo beegmay waqtigii ugu muhiimsanaa, isagoona dhinacyada uga mahad celiyay tanaasulka ay sameeyeen. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Dowladda Federalka ugu baaqay inay soo dhoweyso heshiiskaan, kana faa’idaysato isku duubnimada Dowlad goboleedyada, maadama xilligan adag oo uu dalku la daalaadhacayo dhibaatooyin isbiirsaday.

Read More

Axmed Macalin Fiqi Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka,Talyihii NISA ee Dowladii Sh.Shariif,sidoo kale mid ka mid ah raga sida adag uga soo horjeeda Dowlada N&N,ayuu umagacaabay wasiirka amniga Galmudug Qoor-Qoorka Fahad keenay. Fiqi shaqada loo dhiibay waa Nin yaqaan oo khibrad uleh inkastoo Galmudug aysan awood dhaqaale iyo mid Ciidanba ulahayn sugida amnigeeda aadka udayacan. Puntland oo daris la’ah Galmudug,ayuu muhiim u yahay Fiqi oo kasoo jeeda beesha Sacad,waxaana laga filan karaa wada shaqayn dhow oo khibrad leh. Dad badan waxay wax iska waydiinayaan ma Fiqi,ayaa tanaasulay oo Villa-da udhawaaday mise sida suuqa ku jirtay Qoor-Qoor baa kooxda isku laba…

Read More

Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor waxuu sii daayay liiska golaha cusub ee Wasiirada Galmudug oo ka kooban 23-xubnood, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah. Liiskan waxaa ka soo muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug. Sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo isna ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug. Axmed Shire Falagle oo ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor,ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug. Wasaarada muhiimka ee Maaliyadda waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban…

Read More

Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Covid-19 ee Dowladda Puntland, oo soo saaray warbixin maalinlaha aheyd ayaa sheegay in 9 qof oo looga shakiyey caabuqa COVID-19 la karantiiley maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ta April 2020. Wasiirka Caafimaadka Dawladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in 9 -Qof maanta la karantiilay, isagoona intaas ku daray in tirada dadka laga helay cudurka COVID-19 ay noqonayso 30 qof guud ahaan Puntland .

Read More

Wasaaaradda caafimaadka Dawlada Puntland ayaa maanta kala wareegtay Hay’adda WHO Shaybaarka (PCR Machine) ee lagu baaro caabuqa Covid-19. Wasiirka Wasaaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Jamac Farax Xasan, oo kala wareegay Madaxa WHO ee Puntland shaybaarka, ayaa sheegay in sabtida lagu bilaabi doono baaritaanada cudurka gudaha Puntland.

Read More

Maanta Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada kale waxay daaha ka rogeen Qorshaha UDiyaar Garowga iyo Ka falcelinta Covid-19 ee Soomaaliya si loola tacaalo saameynta bini’aadamnimo iyo midda dhaqan-dhaqaale ee uu keenay xanuunka Koroona Fayras. Qorshahan oo loogu talo galay in lugu howl galo lix ilaa sagaal bilood, wuxuu u fududeynayaa hay’adaha samafalka iyo kuwa horumarintaba iney dib u eegaan mashaariicdooda lana jaanqaadaan xaaladaha is bedbedalaaya iyo welibainey sara u qaadaan howlaha ay hayaan si loo yareeyo saameynta xanuunka COVID-19. Ujeeddadu waa iney is dhameystiraan gargaarnka samalka ah, mashaariicda horumarinta iyo dhismaha nabadda. Qorshahan fulintiisa wuxuu dhameystirayaa qorshayaasha Dowladda Federaalka ah ee…

Read More

Ganacsatada kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee kunool magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa si kulul uga hadlay war dhowaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ee Cali Jeyte Cismaan. Ganacsatada Reer Hiiraan ayaa sheegay in uusan jirin xayiraad Puntland ay saartay ganacsiga iyo badeecadaha la geeyo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, ayna taas bedelkeeda canshuur dhimis u sameysay Ganacsatada degaanadaas.

Read More

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo shir jaraaid u qabtay Warbaahinta ayaa shaaciyay In xukuumadda Soomaaliya ay muddo Lix sano ah kadib ku guuleysatay In xayiraada laga qaado xoolihii loo dhoofin jiray Suuqyada dalka Boqortooyada Sacuudiga. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dhawaan dalkaas loo dhoofin doono 600,000 oo neef oo ari ah iyo 100,00 kun neef oo geel ah.

Read More

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur, oo saxaafadda kula hadashay Muqdisho ayaa sheegtay in 2 ruux ay maanta magaalada Muqdisho ugu geeryoodeen cudurka Coronavirus, halka 41 qof laga helay xanuunka 24-tii saac ee lasoo dhaafay. Wasiir Fowsiyo ayaa sheegtay in 328 qof laga helay Cudurka Covid-19 guud ahaan Soomaaliya, sidoo kale ay dhimashadu gaartay 16, halka dadka ka bogsaday Cudurka ay gaartay 8 Ruux. Sidoo kale, Wasiirada ayaa xustay in dadka Cudurka laga helay uu ka mid yahay qof ka yimid Magaalada Gaalkacyo qeybta Galmudug, waxaana ay intaas ku dartay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa amaanay tanaasulka iyo dulqaadka ay muujiyeen Xubnaha Golaha Isbadal doonka kuwaas oo u tanaasulay Midnimada iyo wadajirka Bulshada Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in tani ay Tusaale u tahay sida wax walba oo lagu kala aragti duwanyahay lagama maarmaanka ay u tahay in lagu dhameeyo wada hadal waxaa Madaxweynahu uu ugu baaqay in meelaha kale ee dalka kamid ka ah ee kala aragti duwanaantu ay ka jirto loo maro xal aan Xabad ahayn. Madaxweynahu wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay isla markana uu wakhti galin doono sidii uu ula…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa sheegaya khilaaf xooggan uu soo kala dhex-galay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Madaxweyne ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid. Khilaafka labada Masuul ayaa salka ku haya magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug, kuwaas oo la filayay in maalmihii lasoo dhaafay lagu dhawaaqo, balse uu dib ugu dhacay khilaafka labada dhinac. Xubno ku sugan Madaxtooyadda Galmudug ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ay isku mari la yihiin Awood qeybsiga Golaha Wasiirada, kaddib markii Wasaaradaha muhiimka ah laga qadiyay beesha uu kasoo jeedo Madaxweyne ku-xigeenka. Kulamo saacadihii ugu dambeeyay ka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo musharixiintii Is-bedel doonka ahaa ee kula irdhoobay Doorashadii dhacday bishii Augost ee sanadkii 2019-kii (Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo sheekh Daahir), ayaa heshiis ka kooban dhowr qodob ku gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Heshiiskaan ayaa la gaaray kadib dedaallo dheeri ah oo ay bixiyeen madaxda dowlad goboleedka Jubbaland, waxaana musharixiintii golaha isbedel doonka ay ku dhawaaqeen inay si buuxda u taageereen dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe). Halkaan hoose ka akriso qodobadii lagu heshiiyay iyo war-murtiyeedka arrintaas laga soo saaray.

Read More

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay kusoo qulqulayaan magaaladaas maalmihii ugu dambeeyay. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in Ciidanka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay soo gaareen degaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo ay kamid tahay magaalada Baydhabo. Ciidanka oo gaaraya illaa labo kun oo Askari, ayaa la sheegay in aysan qeyb ka aheyn Howlgalka midowga Africa ee AMISOM, waxaana la xoguhu tilmaamayaan inay saldhigyo ka sameysan doonaan duleedka magaalada Muqdisho iyo degaanada Koonfur galbeed. Ciidankan Itoobiyaanka ah oo kasoo…

Read More

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegaya in heshiis buuxa ay magaaladaas ku gaareen Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo musharixiintii Is-bedel doonka ahaa ee kula irdhoobay Doorashadii dhacday bishii Augost ee 2019. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xubnaha kasoo hor-jeeday dib u doorashadiisa uu magaalada Nairobi kula saxiixday Heshiis ka kooban dhowr Qodob, kuwaas oo qalinka lagu duugay saacadihii tagay. Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Maxamed Xidig iyo sheekh Daahir, ayaa la sheegay  inay daqiiqadaha soo aadan ay la hadlaan warbaahinta, iyagoona ku dhawaaqi doono inay ka tanaasuleen mawqifkii ay kaga…

Read More

Ciidammada ilaalada Kacaanka ee Iiraan ayaa ku guuleystay inay hawada u diraan dayax gacmeed militari. Waxaana dayax gacmeedka loogu magac daray Nuur, ciidammada waxay sheegeen in Arbacadii dayax gacmeedka laga ganay deegaan fog oo ku yaalla saxaraha dalkaas. Muuqaal uu baahiyay telefishinka dowladda wuxuu muujinayaa in dayax gacmeedka lagu dul qoray aayad Qur’aan ah oo inta badan muslimiinta ay akhristaan marka ay safrayaan. Taliyaha ciidammada ilaalada kacaanka, Janaraal Xuseen Salaami wuxuu sheegay inay ku tallaabsadeen dadaallo ay ku xoojinayaan helidda xog militari.

Read More

Dawladda Puntland ayaa xaqiijisay in aysan waxba ka soo gaarin lacag min hal milyan ah oo dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday dowladdaha xubnaha ka ah dawladda dhexe iyo maamulka gobolka Banaadir. Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, oo saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa caddeeyay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid Dowawladda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ayaa waxaa ay markale deegaano ka tirsan Gudaha dalkaasi ka bilaabeen Boob ay u geysanayaan Goobo Ganacsi ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida. Laba Dukaan oo ay Soomaali lahaayeen ayaa lagu boobay Xaafadda Macassar Beach oo ka tirsan Magaalada Capetown ee dalkaasi Koonfur Afrika,iyada Ganacsatadii laheyd ay isaga carareen,kadib markii la soo weeraray. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Koonfur Afrika howlgal ay sameeyeen ay falkaasi u xireen dhowr qof oo looga shakisan yahay inay falkaasi boobka ahaa ka dambeeyeen. Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool…

Read More

Cashar Trump loo Dhigay oo Farmajo ka Faa’iidi Karo Ma anaa islahaa Mareykanka ayaa sida Soomaaliya oo kale federalka iyo awood qaybsiga isku khilaafa. Gaaladu waxay ku maahmaahda “when the going gets tough, the tough get going.” Waxa looga jeedaa: “marka xaalku adkaado ee talo murganto, nin/naag karmeedka ayuun baa ka bixi karta ama kara.” La dagaalanka safkan aafada ah ee COVID-19 markuu adkaatay, MW Trump waxa uu isku wadi kari waayey dawladii dhexe iyo kuwii gobolada. Wax qabadkiisii ayaa gidi ahaanba la waayey. Mar waxa uu ku taliyey in ay goboladu iskood u tashadaan. Marna waxa uu ku andacooday…

Read More

Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Covid-19 ee Dowladda Puntland, oo soo saaray warbixin maalinlaha aheyd ayaa sheegay in 7 qof oo looga shakiyey caabuqa COVID-19 la karantiiley maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ta April 2020. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji, oo saxaafadda kula hadlay caawa Garoowe ayaa sheegay in laga qaaday Dadka la karantiilay baaritaankii maanta, jaawaabahana la sugayo sida ugu dhaqsaha badan si loo ogaado in ay qabaan caabuqa COVID 19 iyo in kale. Sidoo kale, Wasiir Cabdinaasir ayaa ugu baaqay Bulshada Puntland inay muujiyaan taxadar una hoggaansamaan talooyinka caafimaadka iyo awaamiirta dowladda si looga…

Read More

Hooyo Maryan Shariif oo kamid ah Hooyooyinka ku nool magaalada Muqdisho ayaa baaq ku aadan in loo soo cesho ama lala wadaago xaaladiisa nolal iyo geeriba wiilkeeda u dirtay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Maamo Maryan ayaa sheegtay in saddex bilood ee ugu dambeysay nolal iyo geeri midna aysan heyn warka wiilkeeda, waxaana ay sheegtay in wiilkeeda oo nolasho qoyskoodu ku tiirsanaa loo sheegay in tababar Ciidan loogu qaaday Qatar, halka mar kalana loo sheegay in loo qaaday Eritrea. ”3-bilood Nolol iyo geeri Midna kuma hayo wiilkeyga oo noo ahaa xoogga kaliya ee nolosheennu ku tiirsaneyd habeenkii maseexdi codkii yeeraba isagaan…

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada DPL ayaa magaalada Garoowe ku qabatay Shir looga hadlayay saamaynta cudurka COVID 19 dhanka Sugnaanta cuntada iyo sidii looga taxadari lahaa in Kala xirnaanshiyaha xanuunkan ee guud ahaan dunidu uusan saamayn kuyeelan Cunada Daruuriga ah iyo Waxsoosaarka beeralayda Puntland, Waxaana shirkaan ka qaybgalay qaar kamida haya’adaha bah-waagta la ah Wasaaradda sida WFP,CEFA,KAALO,World vision,UN OCHOA ,SDC iyo FAO. Shirkaan oo sidoo kalena loo qabtay habka la isku raacsan yahay ee Taxadarka iyo xakamaynta xanuunka COVID 19 waxaa ka qaybgalayaasha shirku intooda badani ay shirka uga qaybgalayeen habka Maqal/Muuqaaladka ah ee khadka isgaarsiinta kaas oo loo…

Read More