Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in aysan weli soo gaarsiin lacag hal Milyan oo Dollar ah oo ay u balan qaaday Maamul Goboleedyada si ay uga qeyb qaataan la tacaalida Cudurka Coronavirus. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga ka hortaga COVID19 ee Jubbaland ayaa sheegay in Akoonka Jubbaland ay dhowr maalin ka fiiriyeen lacagtaas,hayeeshee ay ka waayeen. Waxaa uu sheegay Wasiirka in kulan dhinaca Internet-ka oo dhex-maray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddiyada ka hortaga COVID19 uu Ra’iisul Wasaaraha weeydiiyey lacagta uu balan qaaday maadaama Jubbaland aysan awoodin lacago…
Author: Jibril Qoobey
Kooxo ku hubeysan Bustoolado ayaa gelinkii dambe ee Isniintii Xaafada Arjantiin oo ka tirsan degmada Kaaraan ku dilay Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Qaranka, gaar ahaan kooxda ciidamada Booliska, waxaana dilkaasi ka hadlay Booliska Soomaaliya. War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa loogu tacsiyadeeyay qoyska iyo Asxaabta uu ka baxay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya. “Dhamaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Dableyda Alifleeyda iyo dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Taliyaha Ciidanka Booliiska soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (xijaar) Allaha unaxariisto Abwaan Baashi oo ahaa nin ee ku weentahay Dowladnimo…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa meesha ka saaray walaacii ka dhashay dib u dhicii ku yimid furitaankii Kalfadhiga 7aad ee labada Aqal, kaasoo siyaasiyiin badan ku macneeyeen inay bilow u tahay qorshe la doonayo in muddo kororsi loogu sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxtooyada. Qoraal si wadajir ah ay maalin ka hor u soo saareen Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka waxay ku shaaciyeen in dib loo dhigay furitaankii kalfadhiga 7aad oo ku beegnaa 20-kii bishan, waxaana taasi ay keentay walaac badan oo ku aadan inuu jiro qorshe muddo kororsi ay dowladdu ku sameysaneyso. Guddoomiye Maxamed Mursal…
Markii horeba Ninka Beledweyne ka hadlay Goodax,ayaa ka danbeeyay oo ka dhex hadlayay. Ujeedku waa in xiisad aan macno lahayn la abuuro. Goodax dagaalkii Waxbarashada markii looga adkaaday waxuu abaabulayaa dagaal ganacsi oo uusan ku guulaysan doonin.
Guddiga Dowladda Puntland u qaabilsan ka hor-taga iyo wacyi-gelinta cudurka Coronavirus, ayaa ku dhawaaqay in hal ruux uu ku geeriyooday deegaanadda Puntland, kaasi oo looga shakisanaa Caabuqa “Covid19” Lana karantiiley dheecaano laga qaadeyna jawaabtiisa la sugayey. Sidoo kale, Guddiga ayaa tilmaamay in 9 qof oo kale maanta lagu karantiiley deeganaada Puntland, sida uu xusay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Ilyaas Cismaan Gabilay (Lugatoor). Wasiir Lugatoor ayaa ugu baaqay inay muujiyaan taxadar Shacabka Puntland ayna u hoggaansamaan awaamirta Dowladda.
Hawlgal ay si wadajir u sameeyeen ciidanka madaxtooyada magaalada Qardho iyo ciidanka Booliska Gobolka Karkaar ayay ku soo qabteen shufto dhacday gaari xamuul ah oo laga leexsaday inta u dhaxaysa Qardho iyo Garowe. Taliye ku-xigeenka qeybta Booliska Gobalka Karkaar Gaashaanle Jaamac Cismaan Axmed, ayaa sheegay in Ciidanku ay gacanta ku hayaan shuftadii dhacday gaariga, ayna horkeeni doonaan cadaaladda. Sidoo kale, Gaashaanle Jaamac Cismaan Axmed ayaa digniin u diray Maamulka Somaliland oo maandooriyayaasha lasoo galiyo degaanada Puntland laga keeno dhinacooda.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa sheegaya in ciidanka Boolisku ay gacanta ku dhigeen Gaari laga dhacay goor-dhaweyd qof shacab. Gaarigan Ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen oo noociisu yahay Probox lagu dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo, waxaana wararku tilmaamayaan in gaariga iyo ragga soo dhacey la geeyey taliska qeybta gobolka Mudug. Talaabadan ayaa kusoo aadaysa xilli ay magaalada Gaalkacyo ka socdaan howlgallo culus oo ay wadaan Ciidanka ammaanka Puntland, kaddib is-bedel lagu sameeyay hoggaanka laamaha ammaanka Puntland. Wixii kazoo kordha kala soco Idil News.
Barnaamijka Galka Baarista waxa uu maanta ku saabsan yahay doodda ka dhalatay dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe ee la furay 10-kii Maarso, kaasi oo muuqaallo laga soo qaaday ay muujiyeen in lacagta ku baxday dhismaha oo ahayd 4.3 milyan lagu dhisi karay garoon ka tayo wanaagsan midkan, oo dhabihiisa diyaaradaha ay ku ordaan uu noqon karay mid laami ah. Haddaba side lagu dhisay garoonkaas, maxaase caqabado ah oo laga soo maray? Barnaamijka Galka Baarista ayaa eegaya. Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf. VOA Somali
Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay fal dambiyeedka kufsiga oo dhawaanahaan ku soo badanayay qeybo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo lagu helo iney ku kacday fal kufsi ah lala tiigsan doono ciqaab adag oo waafaqsan shareecada Islaamka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla. Wasaaradda ayaa ugu baaqday Xeer ilaalinta Dowladda Federaalka in tilaabo waafaqsan Sharciga laga qaado Shaqsiyaadka ku kaca falalka ka baxsan Sharciga oo kufsigu uu ka mid yahay.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa Dowladda Soomaaliya uga dhigey in Wariyeyaasha kuwa Bulshada u soo gudbiya xaaladaha taagan aysan xal uga dhigin xarig ama caburin. Qoraal uu Safiirka soo dhigay Bartiisa Twitter-ka kadib kulan dhex-maray Wakiilada Beesha Caalamka iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayuu ku sheegay in hadallada Cambaareynta we Wariyeyaasha ay yihiin qeyb kamid ah hanaanka dimuqraadiyadda. “Cambaareynta waa qeyb ka mid ah hannaanka dimuqraadiyadda. Xadaynta Xoriyadda Hadalku ma noqon karo musiibo kale. Haddii saxafiyiintu dayacaan macluumaadka, xabsi ama xiritaanku xal ma ahan” Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyey caburinta Saxaafadda,waxaana…
Haldoor Somaliyed oo ka kala socda Dowlada Fadaraalka golayaasheeda kala duwan,Dowladaha xubnaha ka ah,siyaasiyiinta saamaynta leh,Xisbiyada iyo beesha caalamka,ayaa bishii lasoo dhaafay 9-10 keedii ku kulmay Nayrobi. Kulankaas waxaa soo abaabulay beesha caalamka,waxaana looga doodayay doorashada Somaliya ee soo aadsn sida ugu haboon iyo hanaanka ugu fiican ee la qaadan karo. Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee kulmay,waxay dood dheer kaddib garwaaqsadeen qodobadan…. In Doorasho qabsoomta ay tahay xasillooni siyaasadeed oo lama dhaafaan ah.Waxay garwaaqsadeen DFS ku fashilantay in ay Dalka gaarsiiso Doorasho Qof iyo Cod ah.In qabashada Doorashadu ay tahay ilaalinta Amniga iyo Horumarka Dalka.In nooca Doorasho uu noqdo mid la mid…
Saaxiibbo badan ayaa i soo waydiiyey kulammada Baarlamaanka oo dib loo dhigay ilaa muddo aan la cayimin. Muddo kororsi billawgeed so maaha ayaan igu yiraahdeed. Waxaan ku iri xilligii uu dhammaan rabay muddo xileedkii dowladdii Carta lagu soo dhisay, madaxweyne C/Qaasim na uu maareyn waayey kala guurkii awood wareejintii, Raysal-Wasaarihiisii Xasan Abshir ayaa qeyb ka noqday shirkii Eldoret, waxaana shirka hagayey IGAD. Xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf (AUN) uu kari waayey maareeynta kala guurkii awood wareejinta, Raysal-Wasaare Nuur Cadde ayaa oggolaaday shirkii Jabuuti, Qarmada Midoobe ayaana shirka gacanta ku haysay. Markii uu madaxweyne Shariif maareyn kari waayey kala guurkii awood wareejinta…
Dhabancad waxaa ku dhacday dharbaaxo siyaasadeed oo xoog badan, Maalmahan,waxaa lagu mashquulsanaa dhismaha Xisbiga Dowlada ee Kaah. Kadib diyaar garow iyo diyaarin habka uu umuuqanayo,Sharciyada iyo Dadka noqon doona maalgashadayaasha,waxaa la galay tartan. Madaxweyne Deni oo aad ugu dadaalayay n Xisbigu miisaan yeesho una muuqdo mid reer Puntland kawada dhex muuqdaan,ayaa olale ugalay in reer Muduga ku jira Dowlada golayaasheeda kala duwan kusoo biiraan Xisbiga. Reer Muduga oo ay horboodayaan Xildhibaanada Gobolka ku matala Baarlamaanka waxay aqbaleen qorshihii Deni dood dheer iyo wax kala goosi kadib. Madaxweyne Deni oo si sharciyana usii noqon doona Gudoomiyaha Xisbiga,ayaa u olaleeyay in Dhabancad…
Gaalkacyo waxay Dowladu ku daabushay Ciidan iskugu jira sirdoon iyo kuwa muuqda oo fara badan. Sida ay ii xaqiijiyeen Ciidamadan oo ay kala hogaaminayaan Talyayaasha cusub ee sirdoonka iyo Booliska,ayaa habeen hore gaaray Magaalada. Sida qorshuhu yahay maalmaha soo socda waxay bilaabi doonaan hawlgal xoog leh oo lagu xaqiijinayo amaanka. Reer Gaalkacyood waxaa laga rabaa in ay si rasmi ah ula shaqeeyaan maamulka iyo laamaha amaanka. Gaar ahaan ganacsatada,Odoyaasha,Culumada iyo Dhalinyaradu waa in ay doorkooda qaataan. Shirkadaha Isgaarsiinta,Biyaha iyo Korontada waa in ay si dhow ula fududeeyaan laamaha amaanka hawlgaladooda. Dowladu waa looga mahad celinayaa ka jawaabista cabashadii shacabka ee…
Laba ka mid ah ilaalada hoyga lagu hayo Mukhtaar Rooboow,ayaa is dilay. Aweys Cabdulaahi waa askariga la dilay kadib muran dhexmaray isaga iyo mid kale oo kawada tirsanaa Ciidamada hay’ada sirdoonka ee uu hogaamiyo Fahad Yaasiin aadkana ugu xiran Dowlada Qatar. Mukhtaar Rooboow weli waxuu ku jiraa gacanta Fahad Yaasiin oo waayihiisii Alshabaab uu hogaamiyaasheeda ka mid ka ahaa ay wada shaqayni ka dhaxaysay. Lama xaqiijin karo dhacdadan in laga danbeeyay iyo in ay sideeda udhacday. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowlada Puntland oo amar ku siiyay Saraakiisha Ciidamada kala duwan in ay heegan sare galaan. Sida ku cad warqad kasoo baxday Xaafiiska Madaxweynaha Puntland,waxaa jira fariisimo cusub oo Ciidamada kala duwan ee Puntland ay ka samaysan doonaan Bariga fog. Waxaa muuqata dadaal ay Dowlada wado oo ay kula dagaalamayso argagixisada waayahan danbe sii xoojisay hawlgaladooda gudaha Puntland. Halkan ka akhriso wareegtada
Warkii ay Madaxtooyada Fadaraalku faafisay ee ku saabsanaa Mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay Madaxweynaha Fadaraalka Somaliya oo laga daba tagay. Qoraal Madaxtooyada kasoo baxay shalay,ayaa lagu sheegay in mashruuca Baxnaano taakuleyn dhaqaale lagu siinayo qoysaska danyarta ah. Wajigiisa1-aad ayaa waxaa ka faa’iideysan doona sida warkaas lagu sheegay 1.3-Malyan oo qof. Sida warkaas lagu sheegay lacagta loogu talaglay barnaamijka Baxnaano,ayaa dhan 4-Milyan oo Dollar bil walba. Wasiir Saadiq Warfaa,ayaa warka badalan midka Madaxtooyada baraha bulshada ku faafiyey,kaasoo muujinaya in wejiga hore ee Mashruuca ay ka faa’idsysan doonaan 200,000 qoys oo ah kuwa ugu tabarta yar bulshada,iyadoo loo qaybin doono…
Wadada ugu muhiimsan Wadooyinka Magaalada Burtinle oo la oran karo Wadada Wadnaha,ayaa dib u dhiskeedu marayaa gabagabo. Dhismaha Wadada waxaa gacanta ku haysa Shirkada Kebarco,iyadoo maalgalinta ay isla kaashadeen Bulshada Deegaanka,Qurbajoogta iyo Dowlada. Heerkii 3-aad ayay soo gaartay xiligan,kaasoo maraya meel fiican.
Kiiskii ugu horeeyay ee #Covid-19, Puntland Guddigu wuxuu xaqiijinayaa in kiiskii ugu horeeyay oo Covid-19 ah oo laga helay Guddaha Puntland, Muwaadinka ayaa ka mid ah labadii qof ee baaritaanka dhowaan laga qaaday, qofka kale ayaa isaga lawaayey. Muwaadinka laga helay Covid-19 ayaan indhoweyd wax safar ah sameyn, taasi oo muujinaysa in dad kale u keeneen. Guddigu wuxuu Bulshada la wadaagaya in 5qof oo cusub la karantiilay maanta oo ay taariikhdu tahay (19 April 2020), dadkaasi oo baaritaan laga qaadi doono..
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa sheegay in dawlad ahaan aanay waxba la hari doonin joojinta dagaallo beeleedyo saaka laba maleeshiyo ku dhexmaray degmada fadhigaab ee Gobolka Sanaag. Madaxweynaha Biixi wuxuu sheegay Ciidamada booliska ee Somaliland in ay ku guuleysteen kala dhexgalida maleeshiyadaas Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dirir dhawrkii sano ee u danbeeyay gobolkaasi meelo ka mid ah ku dhexmaraysay maleeshiyo beelaadyo iska soo horjeeeda. “Marweliba oo uu dagaalkaasi dhaca dowladda intey gurmato oo ay ciidan kala dhexdhigto ayaa xalka loo doonaa Culimada iyo waxgaradka, inta uu dagaalkaasi socdayna marweliba waa la soo gabgabeeyaa si diimeed, si…
Boqortooyada Sacuudiga,ayaa si kumeel gaar ah uga qaadday xayiraaddii ay saartay dhoofka xoolaha Somaliya ay kasoo dhiifsan jirtay. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Bay’ada, Biyaha iyo Beeraha ee Sacuudiga,ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday ka dib markii suuqyada dalkaasi ay soo wajahday cabsi ah in hilibka xoolaha uu yaraado. Waxaa la filayaa ugu yaraan Lix Boqol oo kun oo Neef oo Xoolo ah in Sacuudigu ka dhoofsado Somaliya bisha soo socita. Warkan waxuu u yahay farxad guud ahaan Umada Somaliyed. Jibril Qoobey.
Hadalka Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaa lagu tilmaami karaa “Ciyow waa ka baryay”. Markii hadalkiisa iyo codkiisu uu waxtarka lahaa,waxuu ku badashay dan gaar ah iyo u nacamlayn danayste. Saakay oo wakhtigii ka dhamaaday kuwa uu dhaliilayo hadalkiisu waxuu umuuqanaya Nin raba in uu soo laabto oo Xisbigiisa gadaya. Shacabka Somaliyed mar danbe Siyaasi kuma khaldi doono Itoobiyaan nebcahay sidii Farmaajo. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Waa war weyn oo cadayn unoqon kara dooda ah in Qatar ay taageerto argagixisada Alshabaab. Trump laba sano ka hor,ayuu si cad meel fagaare ah uga digay taageerida Qatar ee Alshabaab. 2020 weli Qatar waxay sii wadaa taageerida kooxdaas khatarta badan ee sida gaarka ah gumaadka arxandarada ugu haya Umada Somaliyed. Markaad muuqaalkan daawato waxaa markiiba fahmi kartaa shaqada Fahad Yaasiin uu ka hayo Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaarada Waxbarashada Puntland dadaal aan la dhayalsan karin ayay wadaa. Puntland Waxbarashada horumar ayay ka samaysay la taaban karo,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Garoowe: 19, April, 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni , ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 33 ee 19ka April, 2020, ku magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Jaamac Cismaan Axmed loo magacaabay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
Waa laga hawlgalay Carmo,Ceel-daahir iyo ilaa Bosaso afkeeda Qaadkii iyo Xashiishkii lagu kala gudbinayay ee aan horay usheegnay. Booliska Bari shaquu qabtay ,balse joogtayn bay ubaahan tahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Mahan barnaamijkan mid cusub oo ay Dowladan hindistay ee waa soo jireen hay’ado ku taageeri jireen Dadka Danyarta ah. Igu sawir meel xun laga baadigoobay,ayaa lagu tilmaami karaa!!. Cayr ama wax siin shacab waxaa lagu sheegi karaa markii Dowladu dhaqaale iyo qorshe ay iyadu diyaarisay wax lagu dhaqaajiyo. Jibril Qoobey.
Shacab aan waxba lagu darsan nolol maalmoodkooda in xayiraad loogu sii daro,waa dhibaato. Madaxweyne xiligan adag dalxiis ujooga duleedka Garowe in uu amaro aan loo meel dayin Dadka dusha ka saaro waa masuuliyad daro. Amarka joojinta isku socodka Gobolada mid loo baahnaa xiligan maba ahayn,hadiise lasoo saarayo waxay ahayd in faahfaahin iyo qiimayn lagu sii daro. Amar qalalan oo la dul dhigi Bulsho nolosheeda lakacaa kufaysa waxaa lagu tilmaami karaa naxariisdaro. Xerida Masaajidyada waa loo baahnaa oo waa laga maarmi karaa,waana baahi muhiim u ah ka hortaga Xanuunka,balse isku socodka Gaadiidka joojintiisu baahi Caafimaad mahan xiligan. Halkan ka akhriso Jibril…
Ciidamada amaanka,gaar ahaan ilaalada Madaxtooyada waxay talaabo ka qaadeen dhalinyaro ehel hoose la ahaa sarkaalkii maanta ku geeriyooday hawlgalka. Dhalinyaradan,ayaa is hor taagay aas loo samayn lahaa Sarkaalkii geeriyooday,waxayna Ciidamada amaanku cagta mariyeen dhalinyaradaas. Talaabada Ciidamada amaanka waxaa ku dhaawacmay 3-Nin oo laba ka mid ah ay walaalo ahaayeen sarkaalka maanta geeriyooday. Ugu danbayn waxaa aas loo sameeyay Sarkaalkii saakay geeriyooday. Talaabada Ciidamada amaanku qaadeen waxay xoojinaysaa nidaamka Dowliga ah ee Puntland. Jibril Qoobey.
Ilaahay ha u naxariisto Marxuum G/sare Axmed Careef oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidammada Difaaca Puntland, Careef waxuu ku dhintay hawlgal ay Ciidamo uu hogaamiyo kusoo qabanayeen Askar gadood kula baxsaday Gaari dagaal. Careef waxuu ahaa Talyihii ilaalada Jeneral Yaasiin Cumar Dheere Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland. Ilaahay janadii hawgu bishaareeyo Aamiin Aamiin
Inta badan Masaajidyada Puntland waxay ka dhaga adaygeen amarkii Xukuumada ee ahaa si loo yareeyo khatarta Xanuunka Corona in aan Salaada Jimcaha iyo Jameecooyinka kale layskugu imaan in mudo ah. Sida muuqatay si cad ayay ubaal mareen Wadaada Masaajidyada hogaamiyaa amarka Xukuumada. Si gaar ah Masjid Rowda waxuu muujiyay in uusanba aqoonsanayn Dowlada. Si sharcigu usareeyo loogana hortago jabinta go’aamada Xukuumada Dowladu waa in ay talaabo qaadaa. Jibril Qoobey.
Bosaso afar Waaxood oo waa weyn,ayaa loo qaybiyay mid walbaana uyeelanayo Gudoomiye,Talye Saldhig iyo Hogaan sirdoon. Guud ahaan Bosaso waa 16-Xaafadood oo la filayo in qorshahan cusub uu wax ka badalo amniga. Talaabadan waa mid ay soo dhaweeyeen shacabweynaha Puntland. Jibril Qoobey.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya. Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa ka mid ah Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada UK, Norway, Sweden , Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World bank. Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar-garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku…
Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Nugaal Cabdiweli,ayaa xilkii la wareegay si rasmi ah. Xil wareejinta,waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Puntland. Madaxweyne Deni,ayaa magacaabay Gudoomiyaha cusub kadib dilkii Gudoomiyihii hore Gu’jir oo qarax ismiidaamin ah lagu weeraray xili uu ka yimid shirka amniga Gobolka. Gudoomiyaha cusub hawsha ugu weyn ee hortaala waxay tahay la shaqaynta Xukuumada saamaynta xooga badan ay ku leeyihiin.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisa ay isku dayeyso inay go’aan ka gaarto haddii coronavirus uu asalkiisa ka yimid sheybaar ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha. Sidoo kale xog-hayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay Beijing “inay caddeyso” waxa ay ogtahay. Asalka cudurkan ayaa weli ah mid aan la ogeyn. Hase yeeshee waxaa horey loo sheegay inuu ka dillaacay suuq xoolaha lagu iibiyo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, taasi oo Mareykanka ay shaki weyn ka qabaan. Taleefishinka Fox News ayaa Arbcadii sheegay in fayruska uu ka yimid sheybaar ku yaalla Wuhan, balse…
Caawa shir,ayaa ka dhacay tuulada Canjeel ee Gobolka Bari. Shirkan,ayaa udhexeeya beesha Cawlyan Cali Saleebaan iyo kooxda argagixisada ah ee Daacish. Shirka waxaa soo agaasimay Nabadoono beeshaas ah,iyadoo hadafkiisu ahaa laba qodob… 1.In kooxda Daacish ay beesha ka yarayso weerarada ay ku hayso. 2.In lacagta Sakawaadka ee kooxda Daacish laga khafiifiyo beesha Cawlyahan Cali Saleebaan. 3.In beeshu si joogta ah ubixiso Canshuurta kooxdaas. Sida xoguhu sheegayaan dhamaan qodobadaas waa laysku afgartay,waxuuna Shirku kusoo gabagaboobay is afgarad. Shirka dhanka Daacish,waxaa uga qaybgalay 14-xubnood oo ay ka mid ahaayeen.. 1.Khasnajigi.hore ee Golis Bashiir. 2 Maxamed Khuurshe 3.Ina Faahiye 4.Macoow Beesha Cawlyahan Cali…
Waxaan codkayga ku biirinayaa in xabsiga laga sii daayo, xorriyadiisa la siiyo wariye C/casiis Axmed Gurbiye oo ah agaasime ku xigeenka warbaahinta Goobjoog. Waa la filayey dawlada u hanjabtay Wariye Washignton jooga in aysan kuwa Muqdisho jooga ka baxsan doonin, laakiin la isma lahayn Madaxweynaha ayaa bilaabi doona. Haddii uu Madaxweynu eed shakhsi ah u haysto Wariye Gurbiye dacwad ayuu hay’adda Garsoorka ka furan karaa, laakiin awooda laanta fulinta kuma caburin karo muwaadin Soomaaliyeed. Wiil Vila Somalia jooga oo awood dawladeed looga adkaysiiyo mid ficiis ah oo dibadeeda jooga waa dulmigii horay dalkaan u dumiyey. Haddii uu Madaxweynuhu dhibsaday qaab…
PDRC Talks : Isbedelka IGAD ku dhacay iyo kaalinteeda nabadda, dowlad-diska iyo horumarinta Geeska Africa. Waxaa marti ku ah – Eng. Maxbuub Macalin.(Xoghayihii Hore ee Urur Gobaleedka IGAD. Halkan ka daawo muuqaalka
Shirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga Guud, Safarkii Madaxweynaha ee dalka Jabuuti, Dib-u habaynta Amniga Magalaada Boossaaso iyo isbedelka Geeska, qaban-qaabada shirka wadatashiga reer Puntland iyo arimo kale. Waxaa Faahfaahinaya Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Puntland Dr.Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa ciidamada Darawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ku amray in ay dib u soo celiyaan xasiloonida Degmooyinka Daawo, Wasiirka Cabdirashiid Janan, Oo galabta Xirada ciidamada Darawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Magaaladda Beledxaawo kula hadlay ayaa ciidamada u sheegay in looga fadhiyo Amniga iyo Xasiloonida Degmooyinka laysku yiraahdo Daawo,
Jump to navigation UThe members of the Security Council reaffirmed their respect for the sovereignty, territorial integrity, political independence and unity of Somalia. The members of the Security Council reiterated its expectation that one–person-one-vote elections which are peaceful, transparent, timely, credible and inclusive, allowing as many citizens to vote as possible, must be held by late 2020 or early 2021, in accordance with the Provisional Federal Constitution of Somalia. The members of the Security Council noted that any delay to elections could pose risks and that holding of timely elections is important for Somalia’s political stability. The members of the…
Puntland ayaa soo bandhigtay amaro lagu adkeynayo amaanka Gobalka Sanaag gaar ahaan Magaalada Baran . Gudoomiyaha Gobalka Sanaag Cali Soomaali ayaa Warbaahinta u akhriyey amarada ka soo baxay kullan Magaalada Badhan. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Dhabancad,ayaa ka hadlay waxii foosha xumaa ee ka dhacay Dhuusamareeb. “Waa nasiib-darro in dowladda federaalka ahi xoog u adeegsato bur-burinta dowladihii qayb-ta ka ahaa nidaamka federaalka ee dalku qaatay”,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawi muuqaalka
Mareykanka ayaa kooxda Taliban la saxiixday heshiis taariikhi ah maanta oo Sabti ah taasi oo u gogol xaari kareysa in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda taasi oo soo afjareysa colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi. Inkasta oo heshiiskani uu qeexayo in Mareykanku uu si tartiib tartiib ah uga baxo dalkaasi Afghanistan, wadahadallada dhinacyada Afghanistan ayaa noqon kara kuwa aad u adag. Heshiiskan ayaa waxaa ku kala saxiixday caasimadda Qatar ee Doha, ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar. Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa…
Warka kasoo baxay Qaramada midoobey nuxurkiisu waxuu sheegayaa in aan doorashada wakhti dib loo dhigi karin mudi kororsina imaan. Sidoo kale in la heli wada shaqayn buuxda oo dhexmarta Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,si loo hirgaliyo doorasho xor ah oo xalaal ah. 29,2,2020 SECURITY COUNCIL PRESS STATEMENT ON ELECTIONS IN SOMALIA The members of the Security Council noted the progress made in the preparations for the holding of national elections in late 2020 or early 2021 in Somalia, and welcomed the role of the Federal Government of Somalia, the Somali Federal Parliament and the National…
Dagaalku goor dhaweyd,ayuu dib ubilawday isagoo kulul. Madaxweyne Shaakir iyo Ciidankiisii waxay joogaan fariisimahoodii,iyagoo awood leh. Maleeshiyada Villa ayaan-daran qaarkood way diideen Dagaalka, gaar ahaan Taliye Mascuud oo ah Saraakiishii ESWJ ee ku biiray dowladda kal hore. wuxuuna sheegay Dhuusa-Mareeb in ay dadkiisa ku nool yihiin, arrintaas kalsooni Darro ayay ka abuurtay Villada. Dhinaca Guriceel, dhammaan ESWJ way isaga baxeen waxayna isagu tageen meel la yiraahdo Balli-Gaduud oo 20-KM Galbeed kaga beegan Guriceel oo ay isku soo abaabulayaan. Qoor -Qoor Ciidanka AMISOM ee Dowladda Jabuuti ayuu la joogaa. Jibril Qoobey.
Ciidamada daacada u ah Madaxweynaha sharcig ah ee Galmudug Sh.Axmed Shaakir,ayaa difaacday xarumihii fariisinka u ahaa kuwaasoo ay Xalay weerar gardara ah kusoo qaadeen Maleeshiyaadka Villa Ayaan-daran. Xabadu waa istaagtay qolo walbaana halkeedii ayay difaac uga jirta,waxaana soo kala gaaray gurmadyo. Ciidamada Amisom oo damcay in ay kala dhexgalaan labada dhinac,waxaa diiday dhanka Billa ayaan-daran oo u arka in ay iyaga bahdil ku tahay. Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in wax iska caabinta Ciidamada Madaxweyne Shaakir ay sii socoto dibna kala danbaynta loogu soo celiyo guud ahaan Galmudug. Dagaalka maanta waxaa ku geeriyooday in ka badan 10-Qof,waxaana ku dhaawacmay…
Waxaa dabayaaqadii sanadkii 2019-ka bishiisa November cilmi-baaris ay soo saartay Machadka cilmi-baarista SIDRA lagu soo daabacay warbixin la xiriirtay Xagjirnimada Dhalinyarada Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Dhalinyarada Puntland iyo xiriirka ururka Al-shabaab. Warbixintaas,ayaa falcelin iyo isweydiin badan ka dhex abuurtay aqoonyahanka iyo waxgaradka diirada ku haya siyaasada iyo horumarka Puntland. Warbixintaan,ayaa umuuqatay mid lagu horumarinayo fikirka Al-shabaab lagana dhigayo mid ku faafsan guud ahaan Soomaaliya, Puntland iyo shacabkeeda,ayaa warbicinta lagu muujiyay in ay yihiin dad (Concervative) asal-raac ah oo si qarsoon u qaba fikirka kooxaha argagixisada ah. Dhalainyarada Puntland,ayay warbixibtu ku sheegtay in ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ah fikir…
Ciidamada Madaxweynaha sharciga ah ee Galmudug Sh.Shaakir,ayaa inta badan la wareegay Guriceel oo iyaduna dagaalku gaaray. Dhuusamareeb weli dagaalku waa socdaa oo laguma kala bixin. Culumada guul baan urajaynayaa. Jibril Qoobey.
Weli lama xaqiijin karo khasaaraha dagaalka Dhuusamareeb,waxaana socota Xabada. Dhanka kale dagaalka waxuu ku fiday Gobolka oo waxuu hada ka socdaa Guriceel. Halkan ka daawo muuqaal gaaban
Maleeshiyada Dowlada Villa Somaliya,ayaa saakay markale weerar ku qaaday fariisimaha Ciidamada Madaxweyne Axmed Shaakir ee ay taageeraan Culumada Ahlusunna. Dagaalka,ayaa hada si xoog leh uga socda Magaalada Dhuusamareeb,waxayna wararka soo baxayaa sheegayaan in guulo ay gaareen Ciidamada Shiikh Axmed Shaakir. Talyihii Maleeshiyada Haramcad ee Dowlada Villa Somaliya,ayaa dagaalka ku dhintay. Dhuusamareeb kooxda faashilka ah ee Farmaajo ka hor waxay ahayd guri Nabadeed iyo Saldhiga la dagaalanka argagixisada. Ciidamada Shaakir ee ay taageeraan Cukumada Ahlusuna xalay waxay iska difaaceen weerar ay kusoo qaadeen Maleeshiyada Villa Simaliya. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Somaliland oo digniin u dirtay beesha caalamka. Digniintan waxay kusoo aadaysaa xili warar hoose oo soo baxayaa ay sheegayaan in Muuse iyo maamulkiisa la hor dhigi doono Qorshe lagu gaari doono doorashada oo ay aqbaleen Xisbiyada mucaaradka Somaliland. Halkan ka akhrisi digniinta Muuse
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Cutubyo katirsan Ciidanka Darawiishta Jubbaland u dirtay Magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo. Ciidankan oo ku hubaysan gadiidka dagaalka ayaa Xalay ku biiray Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee ku sugan Magaalada Beledxaawo. Hay’adaha amaanka Jubbaland ayaa sheegay in Ciidamadan ay Xasilooni iyo daganaansho kusoo dabaali doonan deegaanadan oo maalmahii lasoo dhaafay ay ka jirtay rabshado iyo falal amaanka lid ku ah. Ciidanka oo ka baxay magaalada Dhoobley ayaa sii maray deegaannada Diif, Gariiley, Ceel-Waaq kadibna waxay si nabad ah ku gaareen degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo si ay ugu biiraan ciidanka daraawiishta Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Ilyaas Dinix,ayaa tababar usoo xiray ciidamo ka ka tirsan Asluubta Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka