Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ahna ku-simaha Gudoomiyaha Cabdicasiis Cabdullahi Cismaan,ayaa Garowe uga qeyb-galay Xaflada Qalinjabinta Ardayda Dufcaddii 3aad ee Jaamacadda Boosaaso Garowe isla markaana shahaadooyin gudoonsiiyay.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose. Kulankan oo ka dhacay beerta Nabada ee Magaalada dhoobley ayaa waxaa Madaxweynahu uu Odayaasha dhaqanka ka dhagaystay aragtiyadooda la xiriirta sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Bulshada iyo Dowlada iyadoo Odayaashu ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen dadaalka Dowlada ee Howlgalada dib u xoraynta ah ee Gobolka ka socda. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismahii Jubbaland iyo bilowgii dagaalkii Al-Shabaab lagaga saaray qaybo badan oo Jubbaland kamid ah ay udub dhexaad u ahayeen Odayaasha dhaqanka isla markana ay wax badan oo wanaagsan…
Wasiir Goodax “Waxbarashada Gobolka Banaadir waxaan ku wareejineynaa Maamulka Gobolka,Waxa la wareejinayaa wax walba oo la xiriira Waxbarashada sida Siyaasada,Maamulka Macaliinta,Mamulka Dugsiyada gaarka iyo kuwa kale” Hadalkan waxuu taageero u yahay Doodii Puntland ee Waxbarashada oo ahayd in Fadaraalku door cayiman ku leeyahay nidaamka Waxbarasgada Dalka. Goodax oo isku dayay in uu Dastuurka baalmaro,ayay umuuqataa hada in dantu u run sheegtay. Halkan ka daawo muuqaalka.
Halkan ka daawo muuqaalka
Haddii aad u kuurgasho shirkii beesha Kuumade ee Kismaayo sanadkii hore ka dhacay, kii Habargidir ee Hobyo lagu qabtay, kulankii Beesha Xawaadle ee Hotel Giyaajo, shirka watashiga Mudullood ee Muqdisho ka furmay, gogosha beelaha Puntland ee Garawe ku ballansan, iyo qaylo dhaanta Somaliland ee loo isticmaalay qunbuladda Abiy Axmed, waxey isaga mid yihiin tabashada ay ka qabaan Dowladda Federaalka ah ee maanta jirta iyo dowladdii oo kaalintii beelaha buuxin weysay. Sidan oo kale beelahani markii ay saluugeen xukunkii millateriga ahaa, loona diiday masaaxad siyaasadeed oo ay fikirkoooda ku cabbiraan, cabashadoodana ku tebiyaan ayey furteen jabhado (SSDF, SNM, USC, SPM), waxeyna…
Ra’iisul wasaaraha Malaysia Mahathir Mohamed ayaa warqad is-casilaad ah u gudbiyey boqorka dalka, sida uu xafiiskiisa sheegay Isniin, taasi oo jahwareer gelisay dowladda. Waxaa jira warar sheegaya in Mahathir uu doonayo inuu isku abaabulo is-baheysi cusub oo soo dhisa dowlad cusub oo wadaag ah. Xaaladda isbahaysiga xukuma Malaysia ayaa shaki ku jirtay kadib markii dhammadkii toddobaadka ay dhaceen wada-hadallo dhex maray qaar ka mid ah xubnaha isbahaysiga iyo mucaaradka, kuwaas oo ku saabsanaa dhismaha dowlad cusub, oo uusan qeyb ka ahayn Anwar Ibrahim oo Mahathir uu horey ugu ballan qaaday inuu beddeli doono. Mahathir iyo Anwar ayaa ku midoobay doorashadii…
Madaxweyne Kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland & Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo siwadajira u dhagax dhigay dhismaha cusub ee garoonka kubada ee Waamo,
1: In dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku dhaqmaan dastuurka dalka Soomaaliyeed. 2: In Amisom dhexdhexaad ka noqoto arrimaha siyaasadeed ee dalka. 3: In la qabto shirweyne u dhantahay beesha mudulood dal iyo dibad. 4: In beesha mudulood raadiso xuquuqda gobolka Banaadir. 5: In beeshu kaalin firfircoon ku yeelato doorashooyinka 2020/2021. Halkan ka daawo muuqaalka
Maalmahan soosocda waxaan dhowr maqaal oo taxane Afsomali ah idin kula qaybsan doonaa qadiyada balaadhan iyo dooddaha ku xeeran qadiyada Somaliland. Arimaha aan qaadaa dhigi doono waxa ka mid ah: Soomaaliland ma iyada oo dal gaar ah oo ictraaf leh ayey Soomaliya ku biirtay?Ma waxaa jiray, sida Axmed Samatar idaacadaha ka yidhaa, 40 dal in ka badan oo aqoonsay Somaliland June 1960, mise waa sheeko baraley?Isu taga labadda waxood goormuu dhacay, haduu dhacayse Soomaaliland halkay ku dambeysay?Fakirka ah in Soomaaliland ka go’do Soomaali Republic ma wax uu curtay 1988 mise fakirkaas mudo dheer ayuu jiray?Aduunku sideebuu u maarayn karaa arinta…
Maamulka Gobalka Mudug, maamulka Degmada Gaalkacyo, taliska qaybta Gobalka Mudug,ayaa ganacsatada magaalada Gaalkacyo ka raalli-geliyay xarig, jirdil iyo handadaad, Talaabadaas,ayay sheegeen in wado sharci darra ah loo maray,taasoo ay Khamiistii gaysteen xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Ganacsatada,ayaa laga codsaday in ay dib u furaan xarumahooda ganacsi. Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ayaa qaatay raalligalinta, codsigana aqbalay, waxaana Guddi loo saaray cabashada ganacsatada iyo Wasaaradda Maaliyadda. Agaasinka Maaliyada Gobolka Mudug,ayaa lagu eedeeyay dhibaatada ganacsatada loo gaystay. Bulshadu waxay codsanaysaa in la xisaabtanka Agaasinka lasii wado.waxayna aad ubogaadiyeen faragalinta Dowlada Dhexe ee Puntland.
“Dowladda mugdiga ay kujirto haka soo baxdo. Anaga wax aan fiicneen ayaa inoo muuqda. Hadhow hadii ay wax dhacaan waxaa lagu leeyahay maxaa uga hadli weysay” “Hadii Facebook iyo cajalado la jarjaray la moodayo in dalkaan lagu xukumi karo aniga taas ma moodaayo in ay dhici karto” “Wada hadal iyadoo aan la bilaaban maxaa Hargeysa loo aadayaa. Hadii la aadayana maxaa dariska hooshaas galiyay. Waa sabab kamid ah dagdaga. Aniga ma fahmin” “Dowladda ma ahan dad ama koox yar oo meel isku tagay oo sida ay doonaan wax u sameen kara. Dowladnimada waala wada leeyahay. Xilkaan la isku dhajinaayana cid…
Shirkadda Albashid Construction Company – ACC iyo Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland (State Bank of Puntland) ayaa kala saxiixday hishiis dib u dhis loogu sameenayo Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland xaruntiisa Garowe oo laga dhigi doonaa dhisme 3-dabaq ah oo loo dhisi doono qaab casri ah Dhismaha Bangiga ayaa qayb ka ah mashruuca Tayanta Hay’adaha Dowlada Puntland waxaana lacagta ku baxaysa dhismaha bixin doonta Dowladda Puntland.
Talye xigeenka Ciidamada Farmaajo oo xilkii laga qaaday,kadib waraysi uu siiyay BBC oo uu ku xaqiijiyay in ay jirto tahriibta ay tahriibaan Askarta loo qaado Turkiga. Askartu waxay utahriibaan Qaarada Yurub. Halkan ka akhriso
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa wareegta uu soo saaray waxaa lagu mamnuucay bixinta ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading. Waxaa sidoo kale wareegtadaan lagu xusay in ruqsadihii ay horey u bixisay dowlada hoose Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeega sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono. Halkan ka akhriso Xigasho Gobolka Benaadir
Halkan ka daawo muuqaalka
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland iyo Kumaandooska Danab,ayaa sameeyay hawlgallo ballaaran oo ay kooxda argagixisadda Al-Shabaab kaga sifeynayaan Deegaanada dhaca aaga Degmadda Jamaamme. Ciidanka,ayaa ka gudbay wabiga Jubba,iyagoo gaaray Deeganada ku dhow Jamaamme halka wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka wadaan Deegaanada Kooban, Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka wabiga dhaca. Saraakiisha ciidanka,ayaa sheegay in hawlgalkan uu socdo, lagana sifeynayo Al-Shabaab guud ahaan deenada Jiinka Wabiga. Waxaa jira khasaare la gaarsiiyay argagixisadda, waxaa laga dilay sideed maleeshayda kamid ah. Miinoyin badan oo dhulka lagu aasay ayeey ciidanka soo saareen. Wixii hawlgalkan ka soo kordha kala soco Jubbaland TV
Xarunta Akadeemiyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka barri waxaa gaaray gudiga dib uhabaynta Ciidamada Dawladda Puntland. Masuuliyiinta hawlgalka shaqo u tegay degmada Carmo waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada, Wasiirka Amnig, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta iyo Abaan duulaha Ciidamada Daraawiishta Gobolada barri iyo Karkaar. Gudiga ayaa la kulmay Ciidamada Daraawiishta ee Deegaanka YALHO IYO KARIN dhamaana Ciidamadu waxana ay mareen Diwaan galinta habka Casriga ah ee Ciidmada. Sidoo kale Xarunta Akadeemiyada Booliska ee degmada Carmo waxaa gaaray Kooxaha diwaan galinta iyo Baarista Dhiiga oo uu Hoggaaminaayay Mahdi Qambi. Gudiga dib…
Halkan ka daawo muuqaalka
Agaasimaha Ciidamada Badda..Cismaan Maxamuud. Agaasime xigeenka Ciidamada Badda..Cali Saleebaan. Talyaha Hawlgalinta Ciidanka Badda.Cumar Maxamuud Talyaha Ciidanka Badda ee Lugta…Cumar Maxanuud. Talyaha Ciidanka Qaybta Badda…Ciise Maxamuud. Talyaha Ciidamada Badda ee Kumaandooska Cali Jibraahiil. Jibril Qoobey.
Cutub Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta ka baxay magaalada Kismaayo oo ku sii jeeday magaalada Dhoobley ee isla gobolka Jubbada hoose ayaa dagaal adag la galey maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaaleysanayey duleedka deegaanka Qooqaani oo 150KM u jirta magaalada Kismaayo. Dagaalka oo lagu jabiyey aragagixisada ayaa lagaga diley 8 kamid ah maleeshiyaadka ay marin habaabiyeen halka ciidamada Jubbaland ay ka shashiidey laba askari oo ku nafwaayey gaari miino la kacdey intii ay dagaalka ku jireen halka 2 kalena ay ku dhaawacantey dagaalkaas kadib ciidamada ayaa gaarey deegaanka Qooqaani. Guud ahana deegaanada Jubbaland waxaa maalmihii ugu danbeeyey ka socdey dhaqdhaqaaqyo ciidan…
Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF). Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.16 February 17, 2020, kuna saabsan Xil-kaqaadis iyo magacaabid Agaasimaha Guud, Agaasime ku-xigeenka iyo Saraakiisha Sare ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF). Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dibu habaynta Ciidanka Badda ee Dowladda Puntland (PMPF). Wuxuu xeeriyey: Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyey Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenada Ciidanka PMPF, waxaana loo bedelay Taliska Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 1.1. Admiral…
President Uhuru Kenyatta has assured that a new bilateral trade deal between Kenya and the US won’t undermine the African Continental Free Trade Agreement (AfCFTA). The Kenyan leader spoke shortly after a meeting with the United States President Donald Trump at the White House during which the two leaders agreed to commence talks leading to a trade pact between Kenya and the US. President Kenyatta made the assurance when he addressed over 350 business leaders attending a US-Kenya Trade Forum in the US capital. He said the proposed new trade arrangement with the United States of America would in no…
Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa maanta magaalada Addis-Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo saraakiil kale. Booqashada Pompeo ayaa diiradda lagu saaray amniga, maal-gashiga, is-beddelada siyaasadeed ee Itoobiya iyo muranka Itoobiya kala dhaxeeya Masar, oo ay xulufo yihiin Mareykanka. Ethiopia ayaa kadib kulanka sheegtay in Mareykanka uu qorsheynayo “in taageero maaliyadeed oo mug leh” uu siiyo Itoobiya, si loogu xoojiyo is-beddelada. Ethiopia ayaa bisha August waxaa ka dhici doonta doorashooyin tijaabo u ah is-beddelada ra’iisul wasaare Abiy, taasi oo uu wacad ku maray inay noqon doonto mid xor iyo caddaalad ah. “Doorasho xor ah oo la…
Halkan ka daawo muuqaalka
Jabuuti: 18, Febraury , 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee Caasimadda dalka Jabuuti. Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti kusoo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan iyo Wakiilka Puntland ee Jabuuti Siciid Mahdi. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa socdaalkiisa ku weheliya Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Maxamed…
Boosaaso: 18, February 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hanaanka Federaaleynta Dalka. Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu u magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:…
Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Deni maalinka beri subax ah,waxuu u anba baxayaa Dalka Jamhuuriyada Jabuti oo uu casuumad rasmi ah ka helay.. Sida la filayo,waxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle. Xiriirka Jabuti iyo Puntland,ayaa ah mid heerkiisu sareeyo. Jibril Qoobey.
Waxgarad ku jiray arinta Seeraar,ayay meel wanaagsan wax umarayaan. Waxgaradku waxay ku guulaysteen in ay qaadaan Dhagaxaan uu Ku xiray Seeraar Aaga uu ka daganaa Kismaayo. Waxgaradku waxay kaloo ku guulaysteen in Askari walba oo Ciidan ka tursanaa dib ugu laabto,isla markaana Askarigii meel kale raba lagala shaqaynayo. Ugu danbayn Seeraar waxuu ka aqbalay waxgaradkii hawsha ku jiray in Hubkiisii ugu cuslaa sida PKM-yadii laga qaado Askarta. Maalinka Beri foog ah,ayuu qorshuhu yahay in Seeraar shir jaraa’id qabto hadaan wax isbadalin. Jibril Qoobey.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaaladda Boosaaso ka Daah-furay.Carwada Ganacsiga Puntland. Carwadan oo ah tii labaad ee nooceeda lagu qabto Puntland waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Rugta Ganacsiga Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf oo riyo-maalmeed ku tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo Somaliland socdaal ku yimaaddo.
Kadib booqashadii Jubaland ee TalyahaTaliska Africom,waxaa Kismaayo ka bilowday qalabaynta iyo diyaarinta Ciidamo gaaraya 6000 oo Jubaland yeelanayso. Maanta iyo maalmihii lasoo dhaafay,waxaa Kismaayo ka dagayay diyaarado sida Qalab iyo Hub,kuwaasoo kasoo kacay Saldhiga Maraykanka ee Jabuti. Sidoo kale Maraykanku waxuu Saldhig Ciidan ka dhisanayaa Dhoobley,waxuuna dajin doonaa ku dhawaad 1500 oo Askari. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa kusii jeeda maalmaha soo socda Dhoobley si uu Saldhigaas udhagax dhigo. Jubaland hawlo xoog leh oo Mustaqbalkeeda waxtari doona,ayaa ka socda. Jibril Qoobey.
Ilo-wareedyo rasmi ah ayaa shabakadda Idil News u xaqiijiyay in Maamulka Somaliland uu gabi ahaanba laalay qorshe uu waday Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaas uu ku aadanaa in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Abiy ay wada tagaan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulkaas. War qoraal ah oo saacadihii lasoo dhaafay loo diray Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, ayaa ay Somaliland ku sheegtay in aysan marnaba macquul aheyn in Madaxweyne Farmaajo uu yimaado Hargeysa, Aysana haatan diyaar u aheyn imaanshaha Madaxweyne Soomaaliyeed.
Halkan ka akhriso
Deyn Cafintu fari kama qodna ( Wax ka ogow marxaladaha la soo maray iyo go’aankii shalay ee IMF) Shabakada Jowhar.com ayaa dabagal ku sameysay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay, laga soo bilaabo sanadkii 2011, waxaa xogo kala duwan ka uruurinay dhaqaalayahano si dhow ula socday Nidaamka deyn cafinta iyo marxaladihii uu soo maray. Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa warbixinadii aan uruurinay. Dhaqaaluhu waa rukniga labaad ee dowladnimada marka laga tago sharciga. Laakiin sida caadada ah bulshooyinka adduunka ee aan shacabkoodu wax badan ka fahmin dhaqaalaha iyo siyaasadda waxay dhibane u noqdaan marin habaabinta ay sameeyaan…
Talyihii Saldhiga Booliska Nuur Salaad iyo qof shacab ah,ayaa lagu weeraray Masjidu Faaduma Bosaso salaadii Jimce kadib. Dgaawac,ayaa soo gaaray Talyaha iyo qofka shacabka ah. Sidoo kale Laba Habeen ka hor,waxaa la dhaawacay Garsoore ka tirsan Maxkamada Darajada koobaad ee Bosaso. Amaanka Bosaso wax weyn,ayaa iska badalay Dowladuna shaqo xoog leh ayay ka gashay,inkastoo dhscdooyin dhacaan. Jibril Qoobey.
Dawladda Soomaaliya waxaa ay abuurtay kooxo internetka ka dhex shaqeeya kuwaasi oo daba-gala Facebookyada wariyeyaasha, iyagoo kooxahaasi shirkadda Facebook ka ashkateeya wariyeyaasha si looga xidho cinwaannadooda – sidaas waxaa sheegtay hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International. Amnesty waxaa ay sheegtay in hal maalin gudaheed hawada laga saarey 10 cinwaan oo Facebook ah bishii june ee sannadkii hore. Dawladda Soomaaliya way diiday dhammaan eedahaasi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Yuusuf Cismaan Samatar (Bardacad) mid ka mid ah kuwa ugu miisaanka culus siyaasiyiinta soo jireenka ah oo geeriyooday. Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo. Guud ahaan Somali weyn,gaar shaan qoyskii iyo eheladii samir iyo imaan rabi haka siiyo. Bardacad waxuu ku geeriyooday dalka Maraykanka. Jibril Qoobey.
Baaqa Madaxweyne Deni Waan soo dhaweynayaa iclaaminta Madaxweynaha Dawladda Puntland (DP), Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, uu iclaamiyey shirka wadatashiga ee la isugu imaanayo magaala madaxda Puntland, Garoowe, bisha soo socota 15keeda, isla markaasna loogu baaqay inay ka soo qeybgalaan xubnaha reer Puntland uugu jira Aqalka Sare iyo kan Shacabka DFS. Sidoo kale waxa loogu baaqay inay ka soo qeybgalaan Issimada, siyaasiinta, iyo waxgaradka reer Puntland. Caadiyan, dawladda iyo laamaheeda kala duwan ayaa u igman, loogana fadhiyaa go’aan ka gaarista hawlaha gobolka, la macaamilka dawladda dhexe (DDH), dawlad goboleedyada (DG), hay’adaha caalamiga ah, iyo wixii la mid ah. Balse maantoo kale…
Arrinta Jubaland yaan la dhayalsan Markii mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku guulaystay doorashaddii madaxtanimda ee Jubaland, DFS oo ay hor-kacayaan Farmaajo iyo Khyre durbadiiba waxay la soo boodeen in aynan aqoonsanayn. Waxay ku andacoodeen inaan la marin dariiqii saxa ahaa oo ah kay iyagu rabeen inay ku soo saartaan musharraxooda. Cunaqabateynta Shacabka Muddo haddii wax iska badaliwaayeen guushii Axmed Madoobe, ayey waxay gobalka oo dhan iyo shacabka ku soo rogeen cunaqabatayn dhanka hawada. Oo la yiri diyaaradii u socota Kismaayo, meel kaste ha ka soo kacdo, waa inay marka hore Xamar soo martaa. Waxayd ahayd ciqaab si gaar…
27-Maleeshiyo ah oo ka mid ahaa ciidamadii lagu sheegay xasilinta Gedo ee Xamar laga soo daabulay,ayaa isku dhiibay Ciidanka Jubbaland. Sarkaal magaciisa lagu soo gaabiyay Canjeex,ayaa hogaaminayay Ciidsnka isa soo dhiibay. Jubaland waxay dhawaan bilaabi doontaa hawlgalka dib uxoraynta Gedo
Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM,ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay kulankii uu Taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J.Townsend, uu kula yeeshay Magaalooyinka Boosaaso iyo Kismaayo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Wuxuu booqday Kenya, Soomaaliya, si uu u xoojiyo Wada-shaqeynta, Amniga Manda Bay, KENYA – Maanta Jeneraal Stephen Townsend, taliyaha, Taliska Mareykanka Afrika, ayaa soo gabagabeeyey safar labo maalmood ah oo uu ku marayay Bariga Afrika si uu shaqsi ahaan ugu qiimeeyo xaalada nabadgelyo ee Ciiddanka Difaaca Kenya ee lagu rakibay Manda Bay, Kenya, ka hor inta uusan u sii gudbin Soomaaliya…
The speech by the President of Somalia at the AU in Addis Ababa was out of line and was incongruent to the theme of the conference. The overarching theme was, according to a press conference hosted by Minister of Foreign Affairs, Mr. Awad, “to silence guns.” Reading haltingly from a prepared statement at the convention, the President said the following: “Silencing the Guns is a key priority for our continent, and we must do everything to prioritize this at all.” In the same breath, this time nervous, somewhat ashamed, the President added this incongruent statement to his untimely request: “The…
Talyaha guud Ciidamada Maraykanka ee Africom oo soo gaaray Puntland. Wada shaqaynta Maraykanka iyo Puntland,ayaa heer sareeya gaarsiisan. Maraykanku waxuu Saldhig weyn oo Milatari ka samaysanayaa gudaha Puntland. Sidoo kale waxuu kor uqaadayaa hawlgalka la dagaalanka argagixisada. Ciidamada PSF ee uu taageero Maraykanka,ayaa la siyaadin doonaa laguna dari doona shaqadooda la dagaalanka burcad badeeda. Maraykanku waxuu Puntland ka taageeri doonaa Ciidamada tababaradooda iyo qalabayntooda. Safarka Talyaha Africom,waxuu kusoo aadayaa maalin ka hor markuu Maraykanku dib u fasaxay taageerida Ciidanada Somaliya Jibril Qoobey.
Farmaajo waa udiiday lacagtii Magta Isimadii uu hogaaminayay Islaan Ciise. Isimadii qaybta ka ahaa socdaalka Mag raadiska ee ka yimid Jigjiga shalay ayay ka duuleen Muqdisho,iyagoo niyad xun waxayna u anba baxeen Gaarisa. Sidoo kale Islaan Ciise iyo isimo kale waxay usoo anba bixi doonaan Garowe. Farnaajo,ayaa horay ubalan qaaday in uu bixin doono lacag gaaraysa 600.000 dolar oo magtaas qayb ka ah. Magtan,ayaa loo ururinayaa Beelaha Bah-ararsame iyo Qayaad ee Dhulbahante oo kal hore colaad xun dhexmartay. Diidmada Farmaajo ee lacagta Magta,ayaa ah mid siyaasadaysan. Jibril Qoobey.
Maraykanka oo ugu danbayn todobaadka danbe si waadixa usoo saari doona qoraal uu ku aqoonsanayo Maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland. Maraykanku waxuu qiray in Jubaland ay tahay nidaam saldhigtay,isla markaana aan layska indha tiri karin horumarka uu sameeyay. Jubaland waxay u tahay guul siyaasadeed oo weyn talaabada Maraykanka. Jibril Qoobey.
Halkan ka daawo muuqaalka
Maraykanku waxuu dib ufasaxay dhaqaalihii uu ku taageeri jiray Ciidamada Somaliya. Dib ufasixidan waxay ku kooban tahay Ciidamada sida tooska ah dagaalka ugula jira Alshabaab. Taasi waxay ka macno tahay in Sadex Ciidan oo qura ay heli doonaan taageerada Maraykanka,kuwaasoo kala ah… B.Ciidamada Puntland T.Ciidanka Danab J.Ciidamada Jubaland Waxaa meesha ka baxay Maleeshiyaadkii Dowlada Fadaraalku ku dhaqaale qaadan jirtay ee aan qaybta ka ahayn la dagaalanka argagixisada. Go’aanka Maraykanka waxaa ku xiran shuruud oranaysa in Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ku heshiiyaan marka hore Ciidamada la taageerayo. Taasi waxay muujinaysaa sida Maraykanku uga aamin baxay Dowlada Dhexe…
Jubaland waxay gaartay guulo siyaasadeed oo macno leh. Waxaa goor dhow ka dagi doona garoonka diyaaradaha Kismaayo laba wafti oo sar-sare. Mid waxaa hogaaminaya sarkaalka ugu sareeya Africom ee Taliska Maraykanka ah ee muhiimka ah fariisinkiisuna yahay dalka Jabuti. Midka labaad waxaa hogaaminaya Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya Swan,waana wafti ka socda Xaafiiska UNSOM. Maalin ka hor,ayaan idin sheegay in Axmed Madoobe oo guulo la taaban karo soo gaaray dib ugu soo laabtay Kismaayo. Jibril Qoobey.
Jubaland waxay ku daabushay Gedo Ciidamo dheeriya. Ugu yaraan Ciidamo gaaraya 400-Askari oo ku qalabaysan hub culus,ayaa ku biiray Ciidamadii horay Gobolka usii joogay. Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo hogaaminaya hawlgalka Gedo,ayaa horay usii haystay Ciidan gaaraya 600-askari. “Jubaland ma eegan doonto xadgudubka Dowlada Fadaraalka,talaabo ayayna qaadaysaa”sidaa waxaa igu yiri sarkaal ka mid Ciidamada Jl ee Gedo. Todobaadka danbe waxay ubadan tahay in uu bilowdo guluf ay Jubaland uga hor tagayso Maleeshiyada Xamar laga soo daabulay. Dhanka kale Maleeshiyadii Xamar laga soo daabulay waxaa ku dhacay jah wareer, qaybo ka mid ahna waxay iibsadeen qoryahoodii si ay u baxsadaan.…
Halkan ka daawo muuqaalka
Siddan ayay uga falceliyeen Reer Galbeedka qisaastii Puntland ka dhacday,waxayna isku raaceen inay cadaalad ku dhamaatay kiiskii Caaisha
Muuse Biixi iyo Farmaajo,ayaa ku kulmay gudaha Xaafiiska Ra’isalwasaaraha itoobiya Attoo Abiye. Kulanka,ayaa qaatay mudo 40-daqiiqo ilaa hal saac ah,sida ay xaqiijisay idaacada VOA laanteeda Afka Somaliga. Xogaha laga helayo Qodobadii ay uga wada xaajoodeen Shirkii Galabta Muuse Biixi iyo Farmaajo,ayaa waxaa ka mid ahaa.. In aan arinta Sool lagala hadlin Somaliland oo ay sidaa ku ahaadaan,Mustaqbalka Marka qodabkaasi Yimaado ay Ciidamada Itoobiya lagu Wareejiyo.Arrinta Wada hadalada in aan lagu Soo dari Karin Dhinaca Soomaaliya Siyaasiyiinta Gobolada Sool iyo Sanaag.In Wada hadalada laga Wareejiyo Turkiga Oo wadamo gaar ah ee Africanka ah la wareegaan.In Wada hadaladan lagu Soo dhameeyo Muda…
Wasiirka arimaha dibada Eretereya,ayaa kal hore tagay Hargaysa,isagoo ka wakiil ah Abiye. Kulan gaar ah oo dhexmaray Muuse Biixi iyo Wasiirka Arimaha dibada Eretereya,ayaa lagu jeexjeexay qorshe lagu wada hadal siinayo Farmaajo. Muuse Biise waxuu ka aqbalay Wasiirka codsi ahaa in uu wada hadal la furo Dowlada Fadaraalka Somaliya. Kadib Socdaalka Wasiirka ,waxaa Hargaysa ka tiro dhawr jeer tagay Diblomaasiyiin Eretereyan ah oo sii waday ukala dabqaadida labada dhinac. Somaliland aqbalaada hor fariisiga Farmaajo waxay ku xirtay laba shuruudood oo kala ah… B.In Sool iyo Sanaag Dowlada Fadaraalku u aqoonsato Dhul Somaliland si cad. T.In Shirka Midowga Africa ay ku…
Halkan ka daawo muuqaalka
Xukuumada Puntland,ayaa fulisay xukunkii dilka ahaa ee Ragii Caa’isho Ilyaas kufsaday. Goor dhawayd,ayaa la fuliyay toogashadaas oo ka dhacday Magaalada Bosaso. La soco wararkayaga danbe.
Muuse waxaa soo dhoweeyey Wasiir ka tirsan Dowlada Itoobiya,sidii Farmaajo. Muuse waxaa daba taagnaa askari ugaar ah sida Farmaajo. Muuse Kursiga uu fadhiyay,waxaa loo ag dhigay Calanka maamulkiisa,sida Farmaajo. Muuse,waxaa lagu galbiyay Baabuurta Madow oo Calankiisu ka dul babanayo ee Farmaajo lagu qaaday. Muuse Gaadiidkii galbinayay Wadada,ayaa loo xiray sidii Farmaajo. Dhamaan astaamahaasi waa kuwo Muuse Biixi iyo maamulkiisa kor usoo qaaday. Sidoo kalena ilhaamo ku ah Farmaajo oo kal hore ku faanay in uu soo xiray Kanaaladii Wadamada dariska ah.. Sida xoguhu tilmaamayaan hab maamuuskan aadka usareeya laguna soo aadiyay Shirweynaha Midowga Africa,waxaa soo dadajiyay sadex arimood oo kala…
Axmed Karaash saakay,ayuu kasoo anba baxay Puntland,isagoo kusii jeeda Dalka Jarmalka. Sida wararkii ugu danbeeyay ee socdaalka Madaxweyne xigeenka sheegayaan wuxuu gaaray Adis,isago uga sii anba baxay Jarmalka. Karaash waxuu horay ubooqday dalka Jarmalka kal hore xaalad caafimaad darteed ,waxaana dawayn looga soo sameeyay Indhaha. Booqashadiisan labaad,ayaa la xiriirta xaaladaas caafimaad. Jibril Qoobey.
Wafti maqaamkiisu sareeyo,ayaa maalinka beri foog ah kusoo aadan Kismaayo xarunta Kmg ah ee Jubaland. Waftigan oo ka socda beesha caalamka,ayaa la kulmi doona Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Xukuumadiisa. Sida xoguhu igu soo gaarayaan wafuudan,ayaa iskugu jirta diblomaasiyiin heerkoodu sareeyo. Jibril Qoobey.