Author: Jibril Qoobey

Sarkaalka ugu sareeya Taliska Africom,waxuu beri foog kusoo aadan yahay Kismaayo. Maraykanka waxaa ka jooga Jubaland Ciidan,waxayna fariisin ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Kismaayo. Maalmo ka hor Madaxweyne Trump waxuu markale xaqiijiyay in la dagaalanka Alshabaab ay xoojinayaan. Maraykanka,ayaa u arka Jubaland maamul muhiim u ah la dagaalanka Shahabaab. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Farmaajo wuxuu bogga 50-aad ee buugiisa qalin jebinta Masterka ku sheegay in Qabiilka Majeerteen & Mudullood ay ahaayeen kuwo Isticmaarka daacad u ah. Maadaama ay Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharmarke (Allaha u naxariistee) ay labadaas qabiil ka tirsanaayeen uu Talyaanigana ku abaal mariyey xilka madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha. Su’aashu waxay tahay Maanta miyuu Aadan Cadde wadani noqday? mise shalay ayuu Madaxweyne Farmaajo khaldanaa? Sowse ma hoboona in uu ka cudur daarto, maadaama uu qabiillo iyo Shakhsiyaad magac iyo maqaam leh uu lafa gaartay. C.C.Warsame.

Read More

Cabdikariin Guuleed uga digay Farmaajo iyo kooxdiisa in aysan siyaasadayn Shahaadada ardayda Puntland. Sidoo kale Cabdikariin waxuu ugu baaqay madaxda Dowlada Fadaraalka ah in ay ka shaqeeyaan sidii loo geli lahaa doorasho laga wada shaqeeyay. Halkan ka akhriso

Read More

7-kale oo ka mid ah dhallinyarada lasoo marin habaabshay,ayaa xalay ka gudbay Tuulada Barwaaqo Hubkoodiina way iibsadeen. Dhalinyaradan,ayaa waxaa loogu soo sheekeeyay Tababar ayaad aadaysaan Qatar ah. Sidoo kale waxaa kasii naxdin badan, in Garba-Haarey diyaarad looga soo qaaday dhallinyaro loo sheegay in D’Jabuti loo qaadayo,kadibna laga soo dajiyay Degmada Luuq. Dhanka kale waxgarad kasoo jeeda beelsha Hiraab,ayaa lasoo xiriiray Jubalabd jana codsaday in aan laga layn dhalinyaradaas waxii isa soo dhiiba oo gacantooda lagu simo. Maleeshiyada Xamar lasoo khalday ee diyaaradaha lagu soo daabulay waxay hada ku jiraan dawakh waxayna ubadan tahay in ay koox-koox ufakadaan. Maxaa lugooyo socota!!!

Read More

Madaxweyne Muuse Biixi oo si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyay Adis-ababa. Waxaa garoonka kaga hor tagay Wasiirudowle,waxaana la ag dhigay Calankii Somaliland. Sidoo kale Rooga cas,ayaa loo fidiyay,iyadoo lagu soo galbiyay Gawaarida Wasaarada arinaha dibada oo calanka Somaliland ka babanayo. Maqaamkan waxuu ka sareeyaa sidii loosoo dhaweeyay Farmaaja-ha faashilka ah. Kanaaladii uu sheegay Farmaajo in uu soo xiray,ayaa umuuqda kuwa la jabsaday oo waliba ku fatahay isla Farmaajo. Jibril Qoobey.

Read More

Kooxda Nabar iyo Naxdin waxay uyeereen Cabdiqaybdiid waxayna ku yiraahdeen lacag Hal Milyan oo dolar ah qaado kaxeena Qoor-Qoore. Kooxda Nabar iyo Naxdin waxay Cabdiqaybdiid usheegeen in uu geeyo Qqor-Qoore Deegaamada beesha Sacad ay degto ee kala ah… 1.Baraxley 2.Hobyo 3.Galinsoor. 4.Bandiiradley. Cabdiqaybdiid soo jeedintaas markii hore waa ka gows adaygay,balse ugu danbayn waa aqbalay,waxuuna heshiiskii ula tagay Waxgarad iyo siyaasiyiin beesha Sacad ah. Is xog waraysi dheer kadib haldoorkii beesha Sacad waxay Qaybdiid kula taliyeen laba arimood oo kala ah.. B.In heshiiska loo badalo Nabadayn oo qaab dib uheshiisiineed lagu galo hawsha. T.In Khayre marka hore magacaabo Wasiir horay…

Read More

“President of Somalia Farmajo Has No Right to Sell Out the Land’s Natural Resources” Somalia Corruption report says (ganidentity.com) about situation of natural resources as follows: The natural resources industries are jeopardized by corruption and insecurity. The sector is almost completely unregulated; the petroleum industry is particularly problematic (UN Security Council, Oct. 2015) Licensing in the natural resources sector is also challenged by the absence of a regulatory system and widespread corruption. International energy companies have obtained oil exploration licenses from different local and national authorities (BTI 2016) Evidence also suggests that the Somalian Ministry of Fisheries and Marine Resources…

Read More

Gobolka Gedo waxaa gaaray ciidamo iyo Tekniko lagu soo daabulay Diyaarado ay Itoobiya ay leedahay. Ciidamada Muqdisho laga soo daabulay waa Maleeshiyad beeleed markii hore tababar loogu siiyay in ay furayaan wadada xiriirisa magaalooyinka Afgooye-Muqdisho iyo Balcad. Ciidamadan,ayaa sida khaldan loogu daad gureeyay Gobolka Gedo,ayaa iradooda guud gaaraysaa 620-askari. Beelaha ay ka soo kala jeedaan Ciidamadaas,ayaa kala ah… 382-ka mid ah waxay kasoo jeedasn Beelaha Hiraab ee Hawiye,238 kale waxay ka kala soo jeedaan beelaha Mareexan,Raxanweyn iyo Dhulbahante. Dhanka kale waxaa soo gaaray Gobolka Gedo Maleeshiyad Oromo ah,gaar ahaan Booran iyo Guji,waxayna Saldhig ka dhigteen Degmada Garbahaarey oo ay sheegtaan…

Read More

Guddiga dib-u-habaynta Ciidamada Dawladda Puntland ee uu hoggaaminaayay Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib-u-habaynta Ciidamada ayaa saxida iyo diwaan-galinta Ciidamada Booliska iyo birmadka ka bilaabay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Kooxaha diwaan-galinta iyo hubinta Caafimaadka ayaa la geeyay Goobaha Ciidamada ee gudigu shaqada ka wadan si loo ogaado tirada Ciidamada la diwaan galiyay. Mudane. Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa ku wehlinayay daah-furka Ciidanka Booliska iyo Birmadka Boosaaso, Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland Gen Yaasiin Cumar Dheere. L

Read More

Madaxweynuhu si faahfaahsan fahan leh, kalsooni iyo iftiimin lagu kalsoonaan karo leh,ayuu usharaxay Shahaadada Dugsiga Sare. Jawaab waafiya,ayuu siiyay Goodaxa iska hadlay. Sidoo kale Ardayda reer Puntland waxuu usameeyay balan iyo damaanad qaad cad. “Waxaan ugu baaqayaa ardayda Puntland in asan ka welwelin una baahneyn Shahaadada lagu gado Suuqa Bakaaraha, mustaqbalkoodana anaga ayaa balan qaadayna oo masuul ka ah”ayuu yiri Deni. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

“Cidii idoonaysa waa soo dhawaynayaa,waxaana joogaa Beledxaawo ee ha timaado”.sidaa waxaa yiri Janan. Janan Wasiirka amniga Jubaland Waraysi xiiso leh oo uu kaga waramay soo baxsashadiisii,imaanshihiisa Jubaland iyo xaalada Gobolka Gedo,ayuu sii yay BBC. Halkan ka dhagayso

Read More

Dowladu taladii dhulkay dhigtay waxayna ugu yeertay qof walba oo wax ku darsan kara. Hadaba hadaad isleedahay waxbaad soo kordhin kartaa ama talaad haysaa isu diyaari ka qaybgalka shirka Aayo ka talinta Puntland 22-sano kadib. Puntland waxay 21-sano ka hor dhisatay maamul samaysatayna Dastuur,isla markaana qaadatay nidaamka Fadaraalisimka. In dib loo qiimeeyo halka ay wax marayaan caqabadaha yimid iyo hiigsiga mustaqbalka aadbay muhiim u tahay. Nidaamkii Fadaraalisimka ee lagu heshiiyay 22-sano kadib hadii ay soo wajahday khataro loo wada jeedo in dib layskaga waraysto waa fikrad tixgalin mudan. Puntland waa dhul kayd bini’aadan oo tayo sare leh hanti uhaysta. Jibril…

Read More

Maantoo kale waxaa geeriyooday midvka mid ah halyeeyadii reer Puntland Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi (Jeneral Cadde). Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo samir iyo imaana haka siiyo guud ahaan shucuubta reer Puntland. Cadde waxuu ka mid yahay masuuliyiinta ku sumadan taariikhda Umada reet Puntland.

Read More

Madaxweyne Deni,ayaa ku dhawaaqay in 15-3-2020 Garowe lagu qabanayo shirwadatashi. Madaxweyne Deni,ayaa u yeeray dhammaan xubnaha labada aqal ee Puntland ku matala faderaalka. Sidoo kale Madaxweyne Deni waxuu uyeeray guud ahaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta Puntland si wadatashi looga yeesho xaaladda sii xumaanaysa ee Puntland iyo Dowlada Faderaalka. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni oo ay si buuxda Xukuumadiisu ugu garab taagan tahay mawqifka uu ugudbiyay shacabka,ayaa kasoo muuqday Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Bosaso. Deni waxuu ka hadlay hogaan xumada Madaxda Dowlada Fadaraalka,waxuuna yiri. ”Madaxweyne Farmaajo waxuu hareer maray nidaamyadii lagu hashiiyey waxayna xukuumadiisu ay howl ka dhigatay sidii ay ula dagaalami lahayd nidaamka Fadaraaliga ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka” Madaxweyne Deni waxuu kawaramay taariikhdii ay Puntland soo martay iyo halka xiligan hada marayso,waxuuna yiri… “Waxbadan,ayaa madaxda Dowladda Federaalka lahadalnay si howsha taagan loo dhameeyo,balse aamuskayaga waxaa loo qaatay in aan waxa soconaya raali ka nahay” . Madaxweyne Deni waxuu…

Read More

300-Askari oo lagu siyaadinayo Ciidamada Badda Puntland ee PMPF,ayaa hab qaybsigooda ay saluug xoog badan ka muujiyeen beelaha qaarkood. Sidaanoo kale Dowladii Gaas,ayaa kordhisay Ciidamada tiradooda,iyadoo xiligaas la bogaadiyay sida loo qaybiyay. PMPF waa Ciidan tayo sare leh oo aad udiyaarsan gacantana lagu hayo. Jibril Qoobey.

Read More

Puntland Tv waxaa laga joojiyay qandaraas uu ku guulaystay,kaasoo ahaa xayaysiin ay bixinayeen Gudiga doorashada Fadaraalka. Xayaysiinta,ayaa lagu qaadanayay 15000-dolar labadii Todobaad,waxaana utartamayay dhamaan Tv-yada Somalida. Qandaraas siinta PLTV ee Gudiga doorashooyinka fadaraalku waxay ka lahaayeen ujeedo qarsoon. Agaasimaha Tv-ga Carab oo heshiiskan galay,ayaa shaqadiisii ku waayay oi Madaxtooyadu xilkii ka qaaday amarna ku bixisay in la joojiyo baahinta Barnaamijkaas. Dowlada Puntland waxay si cad udiidan tahay Gudiga Doorashooyinka Fadaraalka iyo qorshahoodaba,waxayna saakay albaabada iskugu dhufatay Xaafiiskoodii Garowe. Talaabadan waxaa durba si weyn u soo dhaweeyay Shacabka Puntland. Jibril Qoobey.

Read More

Dowlada Maraykanka oo ku amartay Dowlada Fadaraalka in ay hor fariisato Dowladaha xubnaha ka ah si loo helo qorshe lagu midaysan yahay oo lagu galo doorashada soo aadan. Maraykanku waxuu cadeeyay in uusan aqbalayn mudo kororsi loo sameeyo hay’adaaha Fadaraaliga ah. Warkan waxuu kaloo cadaynayaa in Maraykanku aqoonsan yahay doorashadii Jubaland ee lagu doortay Axmed Madoobe. Madaxda Dowlada Fadaraalka ah ee Muqdisho,ayuu warkan dharbaaxo ku yahay,waxaana meesha ka baxay hami walba oo ay iskugu dayiyi karaan sii joogista Xaafiisyada. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa la filayaa in Bosaso uu ku qabsoomo shirkii khamiis laha ahaa ee Xukuumada Puntland. Arimaha shirka looga hadli doono waxaa ka mid ah.. 1.Xiriirka Dowlada Dhexe iyo Puntland. 2.Safarkii Madaxweynaha ee Kenya. 3.La dagaalanka Ayaxa. 4.Ka hortaga Cudurka Corona Virus. 5.Dib uhabaynta Ciidamada. 6.Dib udhiska Wadada Garowe iyo Bosaso. Madaxweyne Deni,ayaa shir gudoomin doona fadhig beri hadii eebe idmo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Puntland Oo Xil-Ka-Qaadis Ku Sameeyay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. Boosaaso: February 6, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne oo sumaddiisu tahay (Lr.14) kuna taariikhaysan (February 5, 2020) wuxuu xilka kaga qaaday Agaasimaha Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Jamaal Carab Yuusuf laga qaaday xilka Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo Raadiyaha Dowladda Puntland.Waxaa Daahir Cabduqaadir Axmed si ku meel gaar ah loogu Magacaabay Agaasimaha Guud ee Tv-ga iyo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash,waxuu usoo anba bixi doonaa maanta Dalka Jarmalka. Socdaalka Karaash,waxuu ku salaysan yahay xaalad caafimaad oo ugaar ah. Waayahan,waxaa liitay xaalkiisa Caafimaad. Jibril Qoobey.

Read More

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse laamaha amniga ayaa fashiliyeen. Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xiriiraa Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tusaale ahaan u soo qaatay sida looga hortagay weerarrada Al-Shabaab. Wuxuu yiri: “Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan aye damacsanaayeen, balse…

Read More

Ciidamada Jubbaland ee ku sugan Gobolka Gedo ayaa dib ugu laabtay xeryohoodii ciidan, kaddib markii ay isaga soo baxeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo dhowaan sheegtay inay diiwaan-gelin ciidamadan u samaynayso mudooyinkii tagay. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland mudane Cabdiraxman Maxamad Xassan, ayaa sheegay in ciidankan oo si sharci darro ah lagaga soo saaray xeryohoodii laguna khasbay in ay isu diiwaan galiyaan in ay kamid yihiin ciidanka xukuumadda federaalka ay haatan dhamaantood dib ugu laabteen xeryohoodii iyaga iyo hubkii ay wateen. Madaxda federaalka dalka ayaa mudooyinkii dambe ku hawlanaa in ay xiisad dagaal ka dhex abuuraan shacabka wada daga…

Read More

Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmadaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen degaan lagu Magacaabo Haawina oo ay ku sugnayeen Al-Shabaab, waxaana la sheegay in dagaal kooban oo labada dhinac halkaasi ku dhexmaray ay Ciidanka Jubbaland kula wareegeen deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa. Wararka ayaa Intaasi ku darayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaarey dagaalka, hase yeeshee aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijineysa. Shalay ayay aheyd markii gaari ay dad shacab ah la socdeen uu…

Read More

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa hadda gaarey degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Maamulka iyo bulshada Baladxaawo ayaa wasiirka si diiran ugu soo dhaweeyey halkaas waxaana dhawaan la filayaa inuu lahadlo warbaahinta kana warbixiyo afduubkii sharci darrada ahaa ee shantii bilood ee lasoo dhaafey Xamar loogu haystey ilaaheyna kasoo badbaadiyey.

Read More

Wax kasta oo GalMudug ay isu geysatay iyo wax kasta oo uu Federaalku u geystay, haddana mid ayaa ma huraan ah. In siyaasadda Gobolku ay horseeddo in uu nabad ku wada noolaado, nabad kula noolaado deriska, kana shaqeeyo horumarka dadweynaha dul, dhex iyo barbar deggan degaan hodon ku ah kheyraad dabiici ah se ka gaajeysan. Si nabad buuxda iyo horumar loogu tallaabsado, waxaa ma huraan ah in la wadahadlo, dhabta la is hordhigo, oo la kala garqaato. “Guusha” kooxdaada ha ku qiimeyn, ama aan si kale u dhaho, jiritaankaaga ha ku sababeyn keliya waxa aad u dhimi karto dhinac aad…

Read More

Madaxweynihii hore ee dalka kenya Danial Arab Moi, ayaa geeryooday saqdii dhexe ee xalay, sida ay baahisay Warbaahinta Dowladda Kenya. Bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay in uu xanuunsanaa kuna jirey Isbitaal weyn oo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo lagu daweeynaayey ,ugu dambeena uu xalay geeriyoodey. Moi oo da’diisu ay ahayd 94 sano jir waxaa uu dalka Kenya Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi ayaa muddooyinkii dambe xanuunsanaa, waxaana xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda iyo gudaha dalka Kenya. Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi oo dhashay 2-dii bishii…

Read More

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhaliiley in aysan raali ka aheyn in dadka ay sameystaan maamul ay lee yihiin. Mr. Daahir Geelle, oo Wareysi siinyey Tv-ga universal ayaa sheegay in Madaxda Dowladda xilligaan awood maamul oo muuqata ka sameyn karin Soomaaliya,isla markaana maamulada qaar ay dowladda weli dacalka heysato. Waxaa uu tusaalo u soo qaatey doorashadii ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb oo uu sheegay in saamiley farabadan ay isaga hareen,kadib markii ay arkeen sida dowladda u wajaheyso doorashadaas.

Read More

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan laqaatay, qaybaha bulshada, waxgaradka iyo maamulka Degmada buuhuudle ee Gobolka Cayn. Guddigu ayaa bulshada usoo bandhigay hannaanka hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo qorshaha lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta dawladaha hoose ee Puntland. C/llaahi Maxamed Mire, oo kamid ah Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in guddigu yahay mid ka madax banaan Xukuumadda, loona igmaday inay qabtaan doorasho qof iyo cod ah.

Read More

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaa maanta ka dhoofay 150 Arday oo reer Puntland ah oo waxbarasho u aaday dalka Turkiga safarka waxbarasho ee Ardaydaan waxaa fududaysay Shirkadda Sahal Enterprise oo kaashanaysa Wasaarada Waxbarashada Puntland. Munaasabad lagu soo xirayey barnaamijkaan Waxaa xalay Garowe kaga qayb galay Masuulyiin ka tirsan Wasaarada waxbarashada. Waxaana 150 Arday ku guulaysteen Imtixaanka Aqbalada Jaamacadaha Turkiga oo dhawaan lagu qabtay Magaalooyinka Bosaaso ,Garowe iyo Gaalkacyo .

Read More

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee Janeraal liibaan Cali Yarow oo qaar kamid ah saraakiisha iyo askarta ciidamada xoogga dalka kula hadlayay gobalka gedo ayaa waxa uu ku amray in aysan ka qayb qaadan karin arrimo la xiriira qabiil iyo siyaasadd. Gen. Libaan Cali Yarow ayaa sheegay in sarkaalka iyo askarigaba ay xaaraan ka tahay ka qayb qaadashada arimaha qabiilka iyo siyaasadda wixii ka dabeeya maalinta uu Askari in uu naqdo uu qorto. Waxa uu tilaamaamay in masuuliyad ay ka saran tahay saraakiisha iyo ciidamada sugidda amniga qof walba ee kunool goobta lagu ogyahay sugidda amnigeeda balse aanan…

Read More

War-Saxaafadeed kasoo baxey Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa walaac looga muujiyey doorashooyinka is diidan ee ka dhacay deegaano ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug. War-Saxaafadeedka oo ku qoran luuqada Ingiliishka ayaa waxaa loogu baaqay dhinacyada Siyaasadda isaga soo horjeeda in wada hadal dhab ah leysugu yimaado si xal loo gaaro.Qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran oo u muuqda mid ku socda Beesha Caalamka ayaa u muuqdey mid looga soo horjeedo doorashadii shalay ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb. Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaranka.

Read More

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo wehlinayaan Wasiirada Amniga, Maaliyadda, Waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Taliyaha qaybta Booliska gobolka, waxgaradka iyo cuqaasha magaalada Ceelbuh, ayaa maanta dhagax-dhigay saldhiga Booliska Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag. Saldhigan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee laga hirgaliyo magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag waxaa kharashka ku baxaya bixinaya Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo deegaan doorashadiisu ay tahay, waxaana talabaadan ka mahadceliyey cuqaasha iyo waxgaradka magaalada. Guddoomiye C/rashiid ayaa sheegay in saldhigan uu ka qeyb qaadanayalo amniga iyo hormarka Magaalada Ceel-buh, isagoona intaas ku daray inuu rajeynayo…

Read More

Xildhibaanada labaad Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Degaanada Puntland, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay hadal dhowaan kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada DFS C/llaahi Goodax Barre, kaas oo hadalo gaf u badan, kana dhan ah Dowladda iyo Shacabka Puntland iyo Dastuurka KMG ah ee JFS. Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasiir Goodax uu u gafay Dowladda Puntland iyo Dastuurka dalka, sidoo kalena uu been abuurtay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee matala Puntland, iyagoona intaas ku daray in uusa Mudnay jawaab iyo in laga hadlo hadalkiisa, ayna jawaab cad ka sugayaan Madaxda Dowladda Federaalka oo ay…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay Hawlgallo ay ciidanka ammaanka Jubbaland ka sameyeen deeganada dhaca Galbeedka Kismaayo gaar ahaan Beerxaani aaga Labi-kuus in lagu dilay Sarkaal ka tirsana Xoogaga Al-Shabaab oo magaciisa lagu soo koobay Mukhtaar. Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim ayaa sheegay in Howlgalkaasi sido kale lagu soo furtay Qori Ak-47 iyo saanad kale. Wali dhanka Al Shabaab wax war ah kama so bixin. Degaanada Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday howlgallo ka dhan ah Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay intooda badan wadaan Ciidanka Daraawiish-ta Jubbaland, waxaana howlgadaas qaarkood lagu dilay xubno kamid ah Al-Shabaab.

Read More

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul ka bixiyey go’aanka uu shalay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ugu aqoonsaday Axmed Cabdi Qoor Qoor inuu yahay madaxweynaha saxda ah ee Galmudug. Xildhibaan Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in Galmudug “aysan ahaynb gobol ku dhexyaalla Maraykanka oo aqoonsi uga baahan safiir horey loo sii ogaa mowqifkiisa dhinaca u janjeera.” Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran. GALMUDUG haddii doorashooyin kala duwan ay ka dhaceen oo madax kala duwan soo saartey, waxaa muhiim ah wixii hadda ka danbeeya in loo hawlgalo sidii loo xallin lahaa kala taagnaanta iyo…

Read More

In kabadan 20 ruux oo shacab ah ayaa lasheegay in ay ku dhinteen weerar ka dhacay waqooyi galbeed dalka Burkino Faso. Weerar oo ka dhacay xaafada Bani oo u dhaw caasimada dalkaasi, ayaa la sheegay inay soo qaadeen koox aanan haybtooda lagaraneenin oo sitay mootooyin. Weerarkan waxa uu imaanaya todobaad uun kadib, markii 39 ruux ay ku dhinteen weerar ay koox mintidiin ah ka gaysteen suuq ku yaalo magaalada Silgadji. Bilihii ugu danbeeyay Gobolka Saaxil ayaa waxaa kusoo badanaayay weerarada ay kooxaha jihaadiyiinta ay ka geesanayaan dalalka ku yaalo gobolka. Dowladda Faransiiska oo ay gobolka ka joogaan in kabadan 5,000…

Read More

War saxaafadeed kasoo baxay hawlgalka dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku beegsadeen qaar kamid ah xubno kamid ah dagaalamayaasha al-Shabaab. Weerarka oo ahaa dhanka cirka ayaa sigaar ah kaga dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalayaasha al-Shabaab, AFRICOM ayaana warkeeda ku sheegtay in lagu qaarijiyay mid kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab, iyadoona sidoo kale sheegay in qiimeen ay sameeyeen weerarka kadib ay ku xaqiijiyeen in ay waxyeelo soo gaarin dadka shacabka ah. Madax hawlgalada Africom William…

Read More

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Shaqaalo hay’ad samafal ay Xubno katirsan ururka Al-Shabaab ka afduubteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Shaqaalahaan oo gaarayay laba ayaa waxaa la sheegay in laga afduubtey degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo,isla markaana ay u Shaqeynayeen Hay’ad lagu Magacaabo Hirda. Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa sheegay in labada Ruux ee Hay’adda u Shaqeynayay ee la afduubtey ay ahaayeen Soomaali,hayeeshee aysan weli ogaan halka lala aadey. Majirto Warar mada banaan oo xaqiijinaya inay Al-Shabaab afduubteen labada Qof ee ah Shaqaalaha hay’ad safamal oo ka howlgasha Gobolka Gedo,hayeeshee horey ay Shaqaale u afduubteen walow markii dambe ay…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiil goboleedka Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan maandooriyaha iyo dembiyada (UNODC), Dr. Amado Philip de Andrés, waxa ayna isla eegeen dhinacyada iskaashiga iyo iskuduwidda xakamaynta maandooriyaha iyada oo la raacayo heshiisyo la saxiixay oo la taabbagalaya istiraatiijiyadda qaran ee la dagaalanka maandooriyaha. Labada dhinac waxa ay carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi u dhexeeya dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo dejiyo wax wadaag dhab ah oo hubiya sii ambaqaadka taageerada barnaamijyada mustaqbalka si kor loogu qaado awoodaha qaran ee looga…

Read More

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC), ayaa maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo maamulka Degmada Galdogob ee Gobalka Mudug. Guddiga ayaa bulshada Degmada Goldogob usoo bandhigay jadwalka iyo qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo ka qabsoonta dawladaha hoose ee Puntland. Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan bilaabay safar shaqo uu ku marayo gobolada Puntland si dadweynaha loo gaarsiiyo qorshaha hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland, iyo latashiyo ku aaddan arrimahaas. Guleed Salah Barre, Guddoomiyaha Guddiga Kumeel-gaarka ah dorashooyinka puntland ee TPEC oo sabtidii la kulmay qeybaha kala duwan ee Shacabka Magaalada Gaalkacyo, ayaa ka hadlay muhiimada…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda dowladda Puntland Farah Cawaash Beeldaaje, ayaa ka hadlay kalluumeysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha degaanada Puntland, isagoona sheegay inay wadaan dadaalo xooggan oo ka dhan ah Maraakiibta iyo Doomaha sida sharci darada uga kalluumeysta xeebaha. Wasiir Faarax Cawaash, ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshayaal ay uga hor-tagayaan kalluumeysiga sharci-darada ah, waxaa sidoo kale uu xusay in sanadkii tagay ee 2019-kii ay Ciidanka Badda Puntland gacanta ay ku dhigeen illaa 20 Doomood oo si sharci darro uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo maanta loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS. Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” oo ku guuleystay doorashadii ka qabsoontay Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabka iyo maamulka cusub ee Galmudug isbadal miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wada jir ah ugu tallaabsadaan bulshada dhammaan deegaannada dowlad Goboleedka Galmudug.? “Waxaan dhammaan Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadooda ugu hambalyeynayaa xilka loo doortay, anigoo xasuusinaya in rajada shacabka Galmudug ay tahay deegaan nabdoon oo horumarsan, qeybna ka qaata horumarka dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay…

Read More

Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa 01 Feb 2020 Kulaan kula qatey Hoolka Madaxtooyada Magaalada Galkacyo, Dhaliyaarada Jaamacadaha Magalaada, iyadoona ujeedka Kulaanka uu ahaa sidii Guddiga dhaliyaarada ugu soo bandhigi lahaa qorshe Hawleedka geeddi-socodka Dimuqaradiyeenta iyo Jadwalka Doorashada Dowladdaha Hoose ee Puntland oo dhici doonta. Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, Xisaabiyaha Gobolka ee Wasaarada Maaliyada Puntland Guddonka Waxbarasahda Gobolka, Iskuduwaha Wasaarada Horumaarinta Haweenka iyo Maamulka Madaxtooyada Galkacyo. Guleed Salah Barre Guddoomiyaha Guddiga Kumeel-gaarka ah dorashooyinka puntland ee TPEC ayaa soo bandhigey Qorshaha Doraashooyinka iyo Wacyi-gelina ka qeyb qadashada bulshada hanaanka Asxaabta badan…

Read More