Author: Jibril Qoobey

Madaxweynayaasha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa hambalyo u diray Axmed Qoor Qoor oo maanta loo doortay Madaxweynaha Galmudug doorasho ka dhacday Dhuusamareeb. Labadda maamul ayaa ugu baaqay Qoor Qoor ka xalinta Khilaafka ka dhex taagan maamulka Galmudug. Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa ah labo maamul oo Xulufo la ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Read More

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ahaa musharixiinta aan is diiwaangelin ee Galmudug ayaa sheegay in uu ka Shaqeyn doono xalinta Galmudugyada badan. Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Galmudug ka abuurtey Galmudug badan, waxaana Maanta uu sheegay in galmudug ku suntahay taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayuu ku eedeeyey inay sabab u yihiin in Galmudug ay yeelato Saddex Madaxweyne,waxaana uu kulan lagu dhisaayo Galmudug mid ah uu ugu yeeray waxgaradka,…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Golaha Wakiilada Dawladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay wehlinayaan Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Puntland Xasan Shiree Abgaal, Wasiirka Amnig Cabdisamad Gallan, Wasiirka Waxbarshada C/llaahi Maxamed Xasan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ayaa Daah-furay Diwaan galinta Casriga ee Ciidmada ku sugan Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag. Madxdan ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada xog- dheeraad ah ka siiyay faa’idooyinka Diwaan-galinta Casriga ah ee ay Dawladdu wado, waxaana xarumaha Ciidamada ee Degmada Ceel-buh la geeyay Kooxaha qaabilsan diwaan-galinta iyo Caafimaadka Ciidamada Dawladda. Sidoo kale, Masuuliyiinta uu hoggaamiyo Guddomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa booqday Xeryaha Ciidamada, waxana ay Ciidamada u…

Read More

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadani ayaa kulul u dhaleeceeyay qoraalka Mareykanku uu kasoo saaray Doorashada Axmed Cabdi Xuseen QoorQoor oo maanta Dhuusamareeb loogu doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Siyaasi CC Warsame ayaa sheegay in Dowladda Mareykanku ay muujisay maanta tuhunkii la qabay ee ku aadanaa inay tahay cida maleegaysa weerarada joogtada ah ee Dowladda Federaalku ku heyso Dowladaha xubnaha ka ah DFS, Dastuurka, Siyaasiyiinta, iyo cid kasta oo diidan nidaamka qalafsan ee Villa Soomaaliya. Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Siyaasi CC Warsame. Soomaalida inteeda badan labo arrimood ayaa isku qaban la’a. 1-…

Read More

Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiyo magaaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Amb Yamamoto ayaa ka hadlayey doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa barteeda Twitterka kusoo qortay in Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug uu yahay bilowga geedi socodka dib u heshiisiin Sal ballaaaran. ”Geedi socodka siyaasadeed ee Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiin sal ballaaran. Amb Yamamoto wuxuu ugu baaqayaa qof walba inuu ku biiro wada hadal nabadeed isla markaasna laga fogaado qalalaasaha” . Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb Yamamoto uu halmabalyo u dirayo Madaxweynaha…

Read More

Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor), ayaa loo doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho goor-dhaweyd ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulkaas. QoorQoor ayaa kusoo baxay wareega kowaad ee Doorashada oo ay ku tartamayeen 4 musharax, isagoona helay 66 Cod oo kamid ah, codadka 77 Xildhibaan oo maanta codeynaysay. Waa Doorashadii saddexaad oo maalmo gudahood ka dhacday Degaanada Galmudug, waxaa horey Madaxweynayaasha Galmudug loogu cimaamaday Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan.

Read More

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland, ayaa xarunteeda dhexe ka dhistay Saldhig cusub oo lagula soconayo Saadaasha hawada gaar ahaana Roobabka, Cimilada, heer kulka iyo ka digista hadii ay jiraan isbedelo laga baqayo oo dhanka Cimilada ah. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Prof, Ismaaciil Diiriye Gamadiid oo xaruntan si rasmi ah u furay ayaa sheegay in ay xaruntani qayb ka qaadan doonto Saadaasha iyo lasocodka cimilada, isagoo sheegey in xogaha ay xaruntu soo saarto la gaarsiin doono dhamaan xarumaha dawlada iyo guud ahaan bulshada Puntland. Xaruntan cusub ee la socoshada Saadashada Hawada, ayaa ah tii…

Read More

Ruux qaba cudurka Korona-Feyras ayaa lasheegay in uu ku dhintay dalka Filibiin. Waana ruuxii ugu horeeyay oo qaba feyruskan oo ku dhinta meel ka baxsan dalka Shiinaha. Bukaanka u dhintay cudurkan ayaa lasheegay in uu ahaa 44 sano jir kaas oo kasoo safray magaalada Wuhaan ee dalka Shiinaha, halkaasi oo ah meeshii ugu horeesay oo uu ka dilaacay feyruskan. Inkabadan 300 oo ruux ayaa illaa iyo haatan laxaqiijiyay in ay u dhinteen caabuqan, iyadoona in kabadan 14,000 oo ruuxna lasheegay in qabaan caabuqan kuwaas oo ku kala sugan daafaha dunida.

Read More

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo garabka Ahlu-sunna ay u doorteen Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saarey qoraal looga digayo qabsoomida doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb  iyo dhibaatooyinka ka dhalan kara. Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrimihii masiiriga ahaa ee Galmudug ay mugdi sii galayaan, isla markaana dad dano gaar ah leh ay qalalaaso ka wadaand deegaannada Galmudug. Sidoo kale, Qoraalka Sheekh Shaakir oo loo direy Beesa Caalamka ayaa waxaa lagu ogeeysiiyey in hadii doorasho Maanta ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb dhibaatada ka dhalata ay mas’uuliyadooda qaadi doonto dowladda Soomaaliya.

Read More

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisey in uu dib u dhac ku yimid bixinta Baasaboorka Soomaaliya oo horey ay u sheegeen in maanta oo ah 2 Bisha Febaraayo la helayo. Qoraal kasoo baxey hay’adda Socdaalka ayaa waxaa lagu sheegay in weli howlo farsamo ay ku socoto Baasaboorka Soomaaliya,isla markaana hakintii bixinta Baasaboorka muddo lagu kordhiyey lana gaarsiiyey ilaa 6 Bishaan. “Howlihii farsamo ee ka socdey habka bixinta Baasaboorka oo weli dhamaystirmin awgeed, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudadii hakinta lagu kordhiyey maalmo dheeri ah, waxayna howsha qabashada codsiyada baasaboorka dib u…

Read More

Waxaaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ka bilaabaysa goor-dhaw Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug ee garabka Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku tartamayaan 9 musharax. Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa ku qulqulaya hoolka Doorashada, waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka halka Doorashadu ay ka dhacayso iyo waddooyinka soo gala, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ay horey Dowladda Federaalku u geysay. Musharixiinta Madaxweynaha galmudug ku tartamaya oo gaaraya Afar ayaa waxaa ay kala yiiin, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor), Cabdiraxman Axmed Sabriye, Axmed Shire Maxamed (falagle), iyo Axmed Cabdullaahi Samater. Sidoo kale, 5 Musharax ayaa u taagan qabashada xilka…

Read More

Madaweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Magaalada dhuusamareeb ay tahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana ay tahay mid la dhoodhoobey. Madaxweyne Xaaf oo Saxaafadda kula hadlayay Gaalkacyo ayaa sheegay in doorashada Maanta ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ay tahay mid lagu doortey Axmed Baasto oo mar sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Galmudug. Ugu dambeyntii, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay dad ka Sahqeeya Xafiisyadooda ay ka soo aruuriyeen Magaalada muqdisho,isla markaana ay kamid noqdaan baarlamaana galmudug.

Read More

Taliska ciidamada amni sugidda Midawga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, ayaa shaaciyay go’aan uu 1,000 askari oo kamid ah ciidamadeeda ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ay dalka ka saarayso bishan Febraayo ee aynu ku guda jirno. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM, waxaa go’aankan la fulin doonaa inta ka horaysa 28ka bishan. “Waxaa lagu heshiiyey in la fuliyo qorshahan lana saaro ciidamadan,” ayaa lagu yiri qoraal AMISOM ka soo baxay 31kii Janaanyo, 2020 Guddiga go’aanka gaaray waxaa ay intaasi ku dareen in ay xukuumadda dalka ka caawin doonaan sugidda amniga dalka oo ay si wadi doonaan taageerada ciidan ee…

Read More

Madaxwaynaha Ciraaq Barham Saalix ayaa magacaabay raysul wasaare cusub oo buuxin doona booskan uu iska casilay raysul wasaarihii hore ee dalkan Cadil Cabdul Mahdi bshii Diseembar ee sanadkii 2019 ee tagay si loo so oaf meero in ka badan 2 bilood oo uusan dalkan lahayn raysul wasaare rasmi ah. Mohammed Tawfiq Allawi ayaa loo magacaabay in uu noqdo raysul wasaaraha cusub ee dalkan inta laga gaadhayo doorasho xilligeeda laga soo hor mariyay oo dalkan lagu qaban doono. Raysul wasaaraha cusub ayaa looga fadhiyaa in uu xukuumad cusub dalka ugu soo dhiso mudo 30 maalmood gudohood ah iyada oo ay hor…

Read More

Dawlada Masar ayaa ku dhawaaqday in heshiis laga gaarayo biyo xireenka wabiga Niil ee ay dawladda Itoobiya ka dhisayso dalkeeda. Arrintan ayaa ka danbaysay kadib markii ay dawladaha Masar, Suudaan iyo Itoobiya ay wadahadallo ku yeesheen magaalada Washington ee dalka Maraykan. Heshiis qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen sadexdan dal oo laga baahiyay telefishinka qaranka Masar ayaa lagu xaqiijiyay in guul laga gaadhay wadahadalladan uu Maraykanku dhexdhexaadinayay ee looga gole lahaa in lagu soo af meero xiisaddii intii mudo ahba ka dhex taagnayd sadexdan dal. Wasiirrada khayraadka biyaha iyo arrimaha dibadda sadexdan dal ayaa heshiiskan gaadhay…

Read More

Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dawladda Puntland,Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada,Wasiirka Amniga,Wasiirka Waxbarshada iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay Magaalada Ceel-buh. Soo dhowaynta waftigan Guddoomiye Cabdirashiid, waxaa ka qayb galay Gudoomiyaha Gobolka sanaag, Maamulka Degmada, Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada rayadka ah qayba heeda kala duwan. Ujeedada safarka Masuuliyiintan ee Magaalada Ceel-buh ayaa salka ku haysa in ay diwaan galiyaan Ciidamada ku sugan Ceel-buh, iyadoona horey ay ugu guuleysteen inay habka Diwaanta galinta Casriga ah ay mariyaan Ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo Asluubta ku sugan gobolka sanaag gaar ahaan Degmada Badhan.

Read More

Banaan-baxayo waa weyan oo lagu taageerayo inu dib xuraydiis u helo Wasiirka Amnig Jubaland Cabdirashiid Xasan Cali-nuur (Janan), ayaa maanta ka dhacay inta badan degaanada Gobolka Gedo. Shacabka Degmada Doolow ayaa maanta dhigay banaan-baxyo balaaran oo ay kusoo dhaweynayaan Wasiir Janan, waxaana ay sheegeen inuu yahay bud-dhigaha Nabadda iyo Xasiloonida Gobalka Gedo.

Read More

Cali Xaaji Warsame, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayaa ka hadlay hadalkii Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Mudane. Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inaan loo baahneyn in loo jawaabo ama lagu mashquulo hadalkii Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre, balse laga war-suggo Villa Soomaaliya. “Wasiir Goodax Barre yaan lagu mashquulin, hadalkaas iskama uu oran. C/raxmaan Guulwade Villa Soomaaliya baa u jawaabtey, Wasiir C/raxmaan oo Jaamacadda Ummadda ka hadley RW Kheyre baa ugu jawaabey xil-ka-qaadis. Dooda waxbarashaddu waxay taal @TheVillaSomalia ee aan ka war sugno”.

Read More

Maxkamadda darajada kowaad ee ciidanka qalabka sida qeybteeda 60-aad ayaa maanta u fariisatay dacwad ciqaabeedka loo haysto askar ka tirsan qeybta 60-aad ee xoogga dalka. Askartan Maxkamaddu u fariisatay dacwad ciqaabeedka loo haysto, oo ah 6 Askari ayaa lagu soo eedeeyay inay Bakhaarka keydka hubka Ciidanka Xoogga dalka kala baxeen santuukh rasaas ah, oo kamid ah hubka lagula dagaalamayay Argagixisada. Lixdan Askari ayaa la sheegay in hubkii ay kala baxeen Keyda hubka Ciidanka, ay ka iibiyeen ganacsato degan suuqa cirtoogte ee Magaalada Baydhabo, waxaana dhageysiga dhinacyada kaddib, ay Maxkamaddu sheegtay inay dib uga dhawaaqi doonto xukunka, sida uu sheegay Guddoomiyaha…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFJS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan & wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Burkina Faso uga qeybgalay Shirkii Baarlamaanada Dalalka Islaamka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha aadan caddo xubno kamid ah Baarlamaanka. Guddoomiye Mursal ayaa intii uu ku sugnaa Dalka Burkina Faso waxa uu kaga qeyb galay Kalfadhiga 15-aad ee Midowga Baarlamaanadda Dowladaha Islaamka oo sanadkan ay marti gelisay Dowladda Burkina Faso. Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar kamid ah guddoomiyaasha Baarlamaanadda Dowladaha Islaaamka ee shirka ka qeyb galayay oo uu ka mid yahay gudddoomiyaha Baarlamaanka…

Read More

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa kordhiyay wadamada muwaadiniintooda laga mamnuucay in ay booqdaan dalka Mareykanka. Trump ayaa xayiraadan cusub kusoo daray lix dal oo ay kamid yihiin Nigeria, Eritrea, Sudan, Tanzania, Kyrgyzstan iyo Myanmar. Ku simaha wasiirka amniga gudaha ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in xayiraadan aysan saamayn doonin dadka dalkaasi ku tagaya fisaha ama dal ku galka aanan ahayn kan muhaajirnimo. Hase yeeshee muwaadiniinta ay sida wayn u saamayn doonto ayaa ah kuwa dalka Mareykanka tugaya fisaha dalxiis iyo kan ganacsiga.

Read More

Jabhadda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa haysata hub lamid ah kan ay soo saarto dowladda Iran, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay. Qaar ka mid ah hubka cusub ee ay fallaagadu heleen 2019 “waxay leeyihiin astaamo farsamo oo la mid ah hubka ay soo saarto Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran”, ayaa lagu yiri warbixinta uu soo uruuriyey guddi khubaro ah oo loo xilsaaray la socodka cunaqabateynta hubka ee saaran dalka Yemen.Guddiga ma aysan sheegin in hubka si toos ah ay dowlada Iran ugu gacan gelisay Xuutiyiinta, waxayna Iran oo dhowr jeer oo hore…

Read More

Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ee Magaalada Garoowe ka daahfurtay baaritaanka dadka ka imaanaya dibada si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay. Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa baaristan ku bilowday Dadka saarnaa diyaarada Ethopia Airline oo dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad. Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jamac Farax Xasan, ayaa ka waramay ujeedka iyo qorshaha wasaaradda ee baaritaanka dadka ka imaanaya dalka dibadiisa, isagoona sheegay in baaritaanka ay u saneynayaan si looga taxadaro in cudurka aduunka meelo kala duwan looga sheegay la iskaga ilaalin lahaa. “Waxaan umahadcelinayaa…

Read More

Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku qabtay kulankoodii wacyigalinta iyo la tashiyada dadweynaha kala duwan ee reer Puntland. Kulanka waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiinta Gobolka Mudug oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Gobolka Mudane Axmed Muuse iyo xubno ka socda qaybaha bulshada ee Gaalkacyo. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC), ayaa kulankooda dadweynaha ugu soo bandhiggo qorshe hawleedka geeddi-socodka dimuqraaddiyeynya iyo jadwalka doorashada dowladaha hoose ee Puntland. Guddiga ayaa socdaal ku maraya gobollada Puntland, gaar ahaan degmooyinka, si loo hubiyo aragtida dadka iyo fahamka hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland.

Read More

Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa ah Sharciga doorashooyinka oo dhawaan ay meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka. Xildhibaanada ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka. Xildhibaananada Aqalka Sare ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan .

Read More

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan AMISOM qarax lagula eegtay Isgoyska Ex Kontrool Balcad ee Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, islamarkaana uu haleelay mid ka mid ah Gawaaridda Ciidanka AMISOM oo wada Mareeyay. Dadka degaanka ayaa sheegay inuu maqlay jugta xoogan ee qaraxyada, waxaana ay sheegeen in Ciidanka AMISOM qaraxa kaddib ay fureen rasaas, iyagoona daqiiqado kaddib goobta ka dhaqaaqay. Lama oga khasaaraha Ciidanka Amisom qaraxyadaasi ka soo gaaray.

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baaq kasoo saaray Xaaladda Murugsan ee Siyaasadda maamulka Galmudug ka dib markii Saddex baarlamaan looga dhawaaqay degaanada Galmudug. War uu saaray Xasan Sheekh Maxamuud ayuu ugu baaqay Bulshadda Galmudug Midnimo Wadajir iyo Tanaasul. Hadalka Xasan Sheekh Maxamud ayaa siddaan u qornaa: Deegaannada iyo dadka ku abtirsada Dowlad-goboleedka Galmudug taariikh ahaan waxay dowr mug leh ku lahaayeen dowladnimada Soomaaliya. Dhismihii GM waxaa loo soo maray wadda dheer oo ay ka mid ahaayeen isku imaatankii iyo wadaxaajoodkii belaha dega Galmudug. Xilligaas degaannada Galmudug waxaa ka jiray maamullo kala duwan oo tira ahaan aad u…

Read More

Dalka Biritan ayaa si rasmi ahaan uga baxday Midowga Yurub kadib markii dadweynaha waddankaasi ay u codeeyeen inay ka baxaan Midowga Yurub. Xarunta baarlamanka ee dalkaas ee magaalada London, ayaa waxa fagaaraha ku yaal ka buuxay dad badan oo taageersanaa in laga baxo midowga, waxaana ay tirinayeen ilbidhiqsiyada ka haray wakhtiga oo markii ay saacaddu 12 habeenimo gaaray damaashaad ballaaran dhigay. Britain ayaa Yurub ku biirtay sannadkii 1973-dii, waxaana sannadihii ugu dambeeyey aad u xoogaystay dadwyenaha reer Britain ee ka biyo-diidsan awoodda Midowga Yurub ee arrimaha gudaha ee waddamada xubnaha ka ah. UK waxay dalal badan oo caalamka kala hadli…

Read More

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay War-Saxaafadeed kasoo saartey cudur dillaaca xanuunka coronavirus kaas oo la xaqiijiyey in uu ka dilaacey 18 dal oo dunida ku kala yaal. War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaraddu ay had-iyo-jeer ku guda-jirto gudashada waajibaadkeeda qaran si walba oo ay xaaladuhu u adkaadaan. Halkaan Hoose ka Akhriso War-Saxaafadeedka kasoo baxey Wasaaradda Cafimaadka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan kula qaatay magaaladda Nairobi, Safiirka Dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi. Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda ee Puntland Maxamed Cabdi Cismaan Majiino, Gen. Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka mid ah la taliyeyaasha dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Puntland iyo saraakiil ka tirsan safaarada Talyaaniga. Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Talyaaniga Alberto Vecchi ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga, waxaa kale oo laga wada hadlay taageerada Dowladda Talyaaniga ee Puntland iyo mashaariicda horumarin. Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland Siciid…

Read More

Wararka laga helayo magaalada kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in duhurnimadii maanta uu halkaasi gaarey wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), oo booliska Soomaaliya ay sheegeen in uu ka baxsadey halkii uu ku xirnaa. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Cabdi Rashiid Janan iyo Xubno kale oo la sida ay doon sidey ka degtay Dekadda kismaayo,sida uu sheegay in Xildhibaan Xasan Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ay deegaan doorashaoodu tahay Jubbaland. Lama oga halka ay doonta sidey Cabdi Rashiid Janan ay ka qaadey,hayeeshee Mas’uuliyiin ka tirsan jubbaland ay…

Read More

Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa. Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo jebiyaan xeendaabka saldhigga Manda Bay, islamarkaana ay gudaha usoo galaan. “Dad badan ma oga, balse saldhigga ay ciidamadeena ku nool yihiin ma ahan saldhigga la weeraray. Hase yeeshee waxay awood u yeeshaan inay soo galaan saldhigga, oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana…

Read More

Cabdi Warsame ayaa taariikh labaad oo dhaxal-gal ka sameeyey magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka dib markii loo magacaabay madaxa Maareynta  Guryeenta Dadweynaha. Wuxuuna noqday qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo la magacaabo jagadaas muhiimka ah. Maamulka Guriyeynta Dadweynaha ee Minneapolis ayaa u adeega ilaa 26,000 oo qofood. Qiyaas ahaan seddex-meelood meel dadka guryaha kireysta ee magaalada Minneapolis ayaa Soomaali ah.

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ee garabka Madaxweyne Xaaf, ayaa maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ku doortay Guddoomiyaha Baarlamaan iyo Madaxweyne ku-xigeen. Xildhibaanada ayaa Xareed Cali Xareed, u doortay Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug, sidoo kale xildhibaanada ayaa doortay Guddoomiye ku-xigeenadiisa. Intaas kaddib, Xildhibaanada Galmudug ee garabka Madaxweyne Xaaf ayaa gudda-galay Doorashada Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaana u doorteen Shiikh Ibraahim Shiikh Xasan Guureeye. Madaxweyne Xaaf ayaan isagu galin wax doorasho ah, waxaana madasha loogu aqoonsaday inuu isagu sii ahaado, Madaxweynaha rasmiga ah ee Galmudug. Doorashooyin iska soo horjeeda ayaa waxaa ay ka kala soconayaan magaalooyinka Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo. Shalay…

Read More

Isimo iyo odoyaal dhaqaamed ka soo jeeda degaamadda Puntland iyo dowladda Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta gaaray magaaladda Muqdisho halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee Golaha shacabka BFS, Wasiiro, Xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay Isimada Puntuland iyo dowlad deegaanka Soomaalida. Ujeedada safarka Muqdisho ee Isimada dhaqanka oo ay hoggaaminayaan Islaan Ciise Islaan Maxamed, Suldaan Siciid Suldaan C/salaam, iyo Garaad Kulmiye Garaad Dool Garaad Wiilwaal, ayaa la xiriirta sidii Madaxda Dowladda Federaalka ay uga heli lahaayeen…

Read More

Xukuumadda Somaliland ayaa maanta heegan galisay hawl-wadeenada caafimaadka iyo dhakhaatiir si looga hor tago cudurka ka dilaacay dalka Shiinaha ee loo yaqaan CORONAVIRUS, taas oo dunida ka cabsi qabto inuu dalal badan gaadho. Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa. Madaxweyne Biixi ayaa ku dhiirigaliyey shaqaalaha madaarka iyo wasaarada Caafimaadku inay dhisaan goobo lagu hayo dadka ka soo degaya madaarka ee laga baadhayo cudurka si loo xadido hadii cudurkaasi lagu arko dadka rakaabka ah ee…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka hadlay xaalada Wasiirka Amniga Jubbland C/rashiid Janan oo ay sheegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu u xirnaa inuu ka baxsaday xabsigii uu ku jiray. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in DFS looga baahan yahay inay meel ku sheegto Wasiir Janan oo ay Afduubatay Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu safar shaqo ugu socday Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay Xaflad soo dhaweyn ah oo loogu qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada amni ee Kenya kaga timaada xuduuda ay Soomaaliya la wadaagto, isagoo tusaale usoo qaatay weeraradii dhawaan ka dhacay gobolka Lamu. “Ceeb ayay nagu tahay in Kenya loogasoo duulo dhinacii aan ka xignay, waana ka tacsiyaynayaa dhibaatadii ka dhacday Lamu,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, oo maanta ka qeyb-galay kulanka Golaha Xukuumadda Puntland oo ka dhacay Garoowe, ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay diyaarisay kooxo caafimaad oo ka howlgalaya Garoomada Diyaaradaha Puntland, si ay baaris ugu sameeyaan dadka Soomaaliyeed iyo Ajaanibta ka imaanaya Dalka Shiinaha oo uu ka dilaacay cudurka dilaaga ah ee “Coronavirus”.

Read More

Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay burburisay shabakad Ururka Al-shabaab u qaabilsaneyd Qaraxyada. Qoraal ka soo baxay hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada ku bur buriyeen kooxo isku xiran oo u qaabilsanaa Qaraxyada iyo Farsameyntooda, balse ma aysan sheegin hay’addu tirada dadka ay howlgalkan ku qabteen. Sidoo kale qoraalka ka soo baxay NISA lagu sheegin goobta iyo haka kooxahan laga soo qabtay, laakiin waxaa bogga ay Twitterka ku leeyihiin ka soo muuqday oo kaliya sawirrada hub ka koobnaa walxaha qarxa. Hey’adda NISA ayaa dhowr jeer oo hore sidan oo kale u shaacisan…

Read More

Guddiga doorashada ku-meel gaarka ah ee Puntland (TPEC ), ayaa maanta Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ka bilaabay socdaalkii ugu horreeyay ee ku marayaan gobollada Puntland gaar ahaan degmooyinka, si loo hubiyo aragtid iyo fahamka dadka ee hanaanka dimuqraadiyaynta Puntland Sidoo kale, Guddiga ayaa Degmada Burtinle ku soo bandhiggay Jadwalka Doorashada dowladaha hoose ee Puntland, kaas oo u dhignaa sidan; 1. Dib-u-eegista iyo dhameystirka xeerarka February 2020 ilaa May 2020 2. U-qareemista dhismahaMaxkamadda sare June 2020 3. Dhameystirka kala-xadeynta xuduudaha Degmooyinka iyo goobaha cod-bixinta February 2020 ilaaa Dec 2020 4. Dhameystirka diiwaangelinta codbixiyeyaasha Dec 2020 ilaa March 2020 5. Qabashada doorashooyinka…

Read More

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi. Kulankani ayaa inta uu socday wax yaabihii laga hadlay waxaa kamid ahaa sidii dowlada Talyaaniga ay u xoojin laheyd taageerada mashaariicda lagu horumarinaayo Caasimadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyadoo kulankani ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka boliiska Soomaaliyeed sareeya guuto Saadaq Cumar Xasan. Shirka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay safiirka dowlada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi,waxaana uu sheegay…

Read More

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa ka hadlay gooni isku taaga Maamulka Somaliland uu sheegato, isagoona dhaliilay sida ay uga hadlaan Madaxda iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed. “Maaha dadka Soomaaliyeed in lagu wareeriyo in Somaliland tahay wax gaara , hadday taa noqoto oo la dhoho Somaliland waxaa gumaysan jiray Ingiriis, koonfurna Talyaani, dee dhulkan Puntlandna waxaa ka jiray boqortooyooyin heshiisyo gala, markaa iyaguna gaar bay u istaagayaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Dhabancad.

Read More

Waalidiinta ardayda dugsiyada sare ee Puntland ayaa soo saaray baaq ay uga dalbanayaan  dowladda federalka iyo Dowladda Puntland in aan siyaasad loo adeegsan xaqa carruurtooda u lee yihiin inay helaan shahaadadooda waxbarsho. Waalidiinta oo Garowe kula hadlay saxaafada ayaa codsaday in si degdeg loogu soo fasaxo ardayda shahaadooyinka ka maqan yihiin, islamarkaana aan mugdi la galin dadaalka ay soo wadeen 12 sannadood oo waxbarasho ah. In kabadan 5 kun oo arday oo sannadkii hore ka baxday dugsiyada sare ee Puntland ayaa weysan shahaadadii ay tacliinta sare ugu gudbi lahaayeen, wallow qaar kamid ah ay Muqdisho u doonteen kana helay shahaadooyinkoodii.

Read More

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska dalkaas ay soo badbaadiyeen Ganacsade Soomaali ah oo Caan ka ah dalkaas, kaas oo dhawaan la aduubtey. Ganacsadahaan oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Salaaxudiin ayaa Koox Burcad Koonfur Afrikan ah waxaa ay horaantii Bishaan ka afduubteen meel u dhow Goo Ganacsi uu ku lahaa Magaalada Johannesburg,iyada oo xilligaas wixii ka dambeeyey baadi goob lagu haayey. Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen Booliska dalkaas Magaalada Johannesburg ay kusoo furteen muwaadinka Soomaaliyeed,sidoo kalena ay soo qabteen…

Read More

Wasiirka difaaca mayalka adag ee Israel ayaa Arbacadii ku baaqay in Israel ay si rasmi ah qeyb ka mid ah dalkeeda ugu sheegato saddex meelood meel ka mid ah dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, ayada oo la waafajinayo qorshaha madaxweynaha Mareykanka uu ku dhowaaqay ee Bariga Dhexe. Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jaraan gacanta Israel. Wasiir Naftali Bennett, oo ka mid ah dowladda isbaheysiga ee Netanyahu, balse ka tirsan xisbiyada midigta fog, ayaa amray in la sameeyo koox sharciga iyo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirada. Shirka ayaa looga hadlay Amniga, Shirkii Dib-u-eegista Waxbarashada, Mashaariicda Horumarinta Degmada Qandala iyo Shirkii Degmooyinka ee ka qabsoomay Bosaso. Sidoo kale kulanka waxaa lagu ansixiyay Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Iibinta Bogcadda Wasaaradda Kaluumaysiga, Istaraatijiyada Wacyigelinta iyo Xeerka Dugsiyada Qur’aanka.

Read More

Wasiirka Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa faah-faahin ka bixiyay sharciga Jaan-goynta iyo tayo-dhowrka Soomaaliya, isagoo caddeeyey ahmiyadda uu sharcigani u leeyahay Dalka. Inj; Cabdullaahi Cali Xasan oo ka hadlayay fadhigii uu shalay yeeshay Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa carabka ku dhuftay in hay’adda tayo-dhowrka ee sharcigani dhisaya ay mas’uul ka noqon doonto ilaalinta tayada waxyaabaha Dalka soo galaaya, waxa la dhoofiyo iyo weli ba waxyaabaha kale ee lagu isticmaalo Dalka gudahiisa. Wasiirka ayaa xusay in uu sharcigani fududeyn doono dhoofinta ganacsiga oo uu sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay wakhtiyaddii hore dhib ku qabeen jiritaan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dagaalka lagula jiro Kooxda Al-Shabaab iyo sida looga guuleysan karo. Madaxweyne Deni oo ka qeyb-galay Xafladda soo dhoweynta ah oo uu soo agaasimey Guddoomiyaha degmadan Gaarisa Cali Bunow Qorane, looguna qabtay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, ayaa sheegay in laga daalay dagaalka dhinaca millateriga ahaa ee lagu jirey, hayeeshee xalka uu ku jiro in loo wajaho dagaal dhinaca Dhaqaalaha Waxaa uu sheegay in Madaxda Soomaalida ay dayaceen mas’uuliyada amaan ee dalka,isla markaana qorsho laga soo abaabulo Soomaaliya lagu weeraro Kenya. Dr. Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Puntland ayaa munaasabadan…

Read More

Madaxweynihii hore ee dowaldii KMG aheyd ahna Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheiekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador James Swan ayaa Magaalada London ee dalka Ingiriiska ku yeeshay kulan gaar ah. Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen Doorashada Galmudug in ay noqoto mid howlaheeda loo wada dhan yahay, Qabsoomidda doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wada yahay Iyo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Ambassador James Swan ayaa sheegay in dhamaan saamileyda Siyaasadda Somaaliya looga baahn…

Read More