Author: Jibril Qoobey

Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 21-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Hindise xeereedka Forensic Science ka oo ka kooban 28 qodob ayaa golahu waxay Maalinimadii khamiista ahayd qodob qodob uga doodeen uguna codeeyeen 16 qodob oo ka mid ah, halka maanta ay Golahu ka doodeen uguna codeeyeen 12 qodob, sida uu dhigayo Qodobka 70-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo ah in xeerkasta qodob qodob looga doodo looguna codeeyo. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 36 mudane ayaa Golahu waxaa uu si guud ugu codeeyey Hindise xeereedka Forensic Science ka, waxaa ogolaaday 33 mudane halka 3…

Read More

Dhismaha dekadda Garacad,ayaa meel wanaagsan maraya, Badda,ayaa gudaha loo galay cabir gaaraya 115-M, qorshaha ayaa ah in la gaaro 1.55 KM, injineeraduna waxay leeyihiin “Marka la marayo 250-M, Doonyuhu si ku meel gaar ah ayay ugu soo xiran karaan”. Dekeda Garacad,ayaa ah mashruucii ugu weynaa ee Somaliya laga maalgaliyo guud ahaan Somaliya burburkii kadib.

Read More

Weerar,ayaa ka dhacay Tuulada Wargaduuduu oo ka tirsan Ismaamulka Wajeer ee Kenya. Madaxa Nabad galyada Ismaamulka Wajeer Lordfey kibara,ayaa xaqiijiyey Dhimashada 8-qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale. Wararka laga helayo Deegaanka,ayaa sheegaya in Dilkan ay geysteen Koox ka tirsan Alshabaab. Kooxda weerarka geystay,ayaa dadka kala Soocay ka hor inta aysan layn dadka.

Read More

Duufaanta la saadaaliyay iney ku soo wajahan tahay Soomaaliya ayaa xeebaha u soo jirta 100-KM, waxaana la filan karaa 6-da saacadood ee nagu soo aaddan, iyadoo la sheegay in ay ka dhul billaabi doonto koonfurta degmada Eyl ee gobalka Nugaal. Dabeysha ayaa ku soconaysa xawaare gaaraya 45-KM saacadiiba, waxaana la saadaaliyay in ay wadan karto Roobab lixaad leh oo gaaraya 100-MM, kuwaasoo ka di’i kara dhulka ay dabeyshu mari doonto. Eebbe ayaa awood leh oo wax walba og. Saciid Nadaara

Read More

Waxaan dhegaystay hadal uu Maxamad Cabdi Umal kaga falceliyey khudbad aan horay u jeediyey. Hadalka Umal wuxuu ku soo beegay caawa fiidkii, ka dib maanta duhurkii oo aan dadwaynaha Soomaaliyeed u caddeeyay ugana cudurdaartay wixii khalad ah ee hadalkaygii hore ku jiray. Waxaanse la yaabay in Umal uu si ula kac ah oo shakhsi ah ii lafa gaaray. Wuxuu igu tilmaamay: “Jaahil, eey oo kala ah, gaalo raac, Nebi diid ah, Diinta ka xuubsiibtay, dumarka cod si khiyaano ah uga raadsanaya.” Wuxuu Umal shacabka Soomaaliyeed ku eedeyey in ay raggii soo qixiyay xukunka ku abaal mariyeen, oo ay madax ka…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi Culimo Ah oo Qayb Ka Noqonaysa Gurmadka Gardafuu. Garoowe, December, 05, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu. Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi. Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah…

Read More

Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan la wadaago taariikhda doorashooyinka ee dalkeenna. 1964tii dalka Soomaaliya waxaa laga qabtay doorasho iyadoo dalku ku jiro dagaal. Xilligaas waxaa soo baxay halhayskii caanka noqday ee ahaa “GACANNE WAXBAAN KU DOORANEYNAA GACANTA KALENA DALKAAN KU DAAFACEYNAA”. Doorasho lagu guuleystay ayaa dhacday iyadoo dagaalkii uu Socodo. 2011-2012 iyadoo lagu jiro qabanqaabadii doorashada waxaa dalka ka dhacay abaaro ba’an. Abaarahaas waxaa nooga dhintay, AUN 250 kun oo Soomaali, Shabaabne waddooyinka magaalada Xamar qaar ayey dhufeysyo ka qoteen oo dagaal looga saaray, doorashadiina waa dhacday. 2016 Dagaalka shabaab waa jiray oo waa tii ay weerareen Madaxtooyo, Maxkamadda, Baarlammaanka…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas Muxyidiin Axmed Aw-Muuse,ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Mu’min Cabdi Shire. Labada mas’uul,ayaa khilaaf hoose ka dhexeeyay todobaadyadii la soo dhaafay,islamarkaana aysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin. Taliye Muxiyadiin ,ayaa dikreetada uu shaqada kaga joojiyay G/sare Mu’min Cabdi Shire waxa uu ku xusay in uu amar-diiddo sameeyay sidaasi darteedna shaqada looga joojiyay.

Read More

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland mudo saddex casho oo fasax shaqo ah kadib.ayaa lagu ansixiyay xeerar. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 38 mudane ayaa waxaa cod gacan taag ah ay 34 mudane ku ogolaadeen Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland, halka 4 mudane ay ka aamuseen, cid diidayna aysan jirin, sidaasna uu xeerkaasi ku ansaxay go’aan Gole.

Read More

Madaxweyne Ku-xi-geenka Puntland oo Magacaabay Guddomiyaha Gobolka Cayn. Garoowe, December, 04, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xeer Madaxweyne Ku-xigeen Lr-22, December, 03, 2019 ku magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Dardargelinta Hawlaha Shaqo ee gobolka Cayn. Markuu Arkay: Aqoontiisa iyo Kartidiisa Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Guuleed Maxamed Nuux ( Guuleed San-weyne) loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenku saxiixo, wuuna saxiixay. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Read More

Ciidamada #PSF waxay ku sugan yihiin Talisyadooda iyo saldhigyadooda difaaca ee #Galgala, Sugure, Bosaso, Garowe iyo Gaalkacyo si ay cadowga uga ilaaliyaan dadkooda iyo dalkooda. Ciidanka PSF wuxuu had iyo jeer diyaar u yahay la dagaalka kooxaha cadowga ee Al Shabaab iyo Daacish,waanan sii wadi doonnaa dagaallanka cadowga bartilmaameedsanaya shacabkeena #Soomaaliyeed. Fadlan garabsii ciidanka oo noo soo gudbi wixii xog ama warbixin cadow ah e aad haysid adiga oo nagala soo xiriiraya telefoonka 0906595041.

Read More

Amb Yamamoto & @US2SOMALIA team discussed needing transparent, inclusive electoral process in Galmudug w/ @kamalgutale @Odowaa. Strong gov’t institutions = more resiliency in dealing w/ humanitarian crises, defeating terrorism & creating a peaceful, stable, & prosperous #Somalia. Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa war qoraal ah oo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxay ku sheegtay in ay la kulantay musharaxiinta doorashada Galmudug Ksmaal Guutaale iyo Cabdiraxmaan Odowaa. Waxay kawada hadleen geedi socodka doorashada Galmudug oo ay tahay in ay mid daahfuran,ayaa laguvyiri woraalka. Dowlada Maraykanka waxay si dhow ula socotaa hanaanka doorasho ee Galmudug,iyadoo cadaadis ku saaraysa Dowlada in ay noqoto mid…

Read More

Taliyaha Qaybta 26-aad Ee Ciidanka Daraawiishta Dawladda Puntland S/ Guuto Maxamuud Maxamed Axmed ( Gubadle ) oo shir Jaraa,id ku qabtay Garowe,ayaa sheegay in Been abuur ay tahay In Ciidamo Puntland ka tirsan ay isku dhiibeen Maamulka Somaliland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Safiirka Maraykanka ee Somaliya Danjire Yamamoto,ayaa qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ku sheegay in uu la kulmay Madaxweynihii hore Somaliya Sh.Shariif hadana Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Muqdisho. Danjiraha,ayaa sheegay in ay kawada xaajoodeen arimaha doorashooyinka 2021,ayna isla fahmeen ka qayb qaadashada guud ahaan Somalida sidii lagu gaari lahaa doorasho xor ah oo xalaal ah. Majiro war dheeriya oo kaga helay kulankaas,marka kaga soo tago hadalka Safiirka. “Today @HESharifShAhmed & FNP met Amb Yamamoto. All agreed opposition & gov’t, including FMS, must work together for the good of #Somalia. @US2SOMALIA encourages continued engagement & cooperation between all stakeholders to create conditions…

Read More

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland oo dalacsiiyay Taliyaha Saldhiga Galbeed ee Garowe oo kamid ah dadka la Noolaa Cudurka HIV Aids-ka. Taliye Bashiir,ayuu xanuunkan ku dhacay sanadkii 2016 kadib markii uu sheegay iney si ku talagal ah u qaadsiisay Xaas uu guursaday oo la nooleyd Xanuunkan, laakiin hadda uu cafiyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Cayayaanka Ayaxa oo guur guuraya ayaa ku habsaday deegaano badan oo ka tirsan gobalka Mudug, waxaana laga cabsi qabaa in uu baabi’iyo beero iyo dhul daaqsiimeed. Cayayaanka Ayaxa oo fara ba’an ku hayay deegaanada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa u soo gudbay gobalka Mudug, waxaana lagu arkay Galdogob ilaa Godod. Muuqaalka waa wadada Wadaagsin, gaar ahaana meel u dhexaysa Jeexdin iyo Godod. Xigasho:Kasmaal Media Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku. =DHAMMAAD= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Read More

Madaxweyne Deni waxuu booqasho ku tagay Dalka Jordan. Maqaadan wax ka badan booqashadaasi saacado,waxuuna kula kulmay saraakiil Maraykan.Israa’iiliyaan iyo Jordaniis ah. Kulanka waxuu ahaa mid ka macna badnaa saacadihii koobnaa ee uu dhacay. Puntland kulankaas waxay ku heshay heshiis laga taageerayo dib uhabaynta Ciidankeeda Daraawiishta. Ugu yaraan 6-Guuto oo Daraawiishta Puntland ah,ayaa si weyn tababar iyo qalab loo siinayaa. Puntland waxay kaloo heshiiskan ugu helaysaa garoonka diyaaradaha Garowe Terminal cusub iyo Dhabaha diyaaraduhu ku ordaan oo la siyaadinayo. Darafka kale ee heshiiska qaybta ka ahaa oo uu hogaaminayay Maraykanka,ayaa heli doona Saldhig Milatari oo ay ka samaystaan Garoonka diyaaradaha Garowe,waxaana…

Read More

Madaxweyne Deni waa kusoo fashilmay qorshihiisii imaaraadka. Warar aan ka helnay Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay diiday dalabkii Madaxweyne Deni. Dalabka Deni,ayaa ahaa in dib loosoo celiyo Shirkadii PDG boorkeedana laga dhigo Maxamuud Shido iyo Bashiir Cabdullaahi Saalax Deer. Imaaraadka waxay Deni usheegeen in aysan dib u aqbali karin Shirkadaas iyo Maleeshiyaadka Burcad badeedka ah ee ay wadato,isla markaana dhaleecayn caalami ah ay kala kulmeen wada shaqaynteedii hore. Deni iyo garabkiisii watay markii hore in ay la wareegaan maamulida mashruuca iskana hor leexiyaan PDG ayay talo ku baraahsatay. Imaaraadka,waxuu ku adkaystay in ay iyagu maamulayaan…

Read More

Kadib markay ogaatay Dowlada Fadaraalka dhawr arimood oo ku aadan duulimaadyadii diyaaradaha Jubaland ee ay xanibtay ayay go’aankeedii wax ka badashay. 1.Waxay yaqiinsatay in xanibaada diyaaradaha aysan waxba udhimin madaxda Jubaland. 2.Waxay garawsatay in shacabka Jubaland uu uga fogaaday dhibaataduna toos usaamaysay. 3.Waxay xog ku geshay in Jubaland diyaarad gaar ay uleedahay soo iibsatay. 4.Waxay la kulantay dhaleecaynta xoog badan oo uga timid caalamka iyo in aan awooda kale oo dheeriya gacanta loo galin doonin. Qodobadaas iyadoo ka duulaysa Dowlada Fadaraalka waxay qaadatay go’aan ah in xayiraadii ay ka qaado diyaaradaha Jubaland usocda. Dowlada Fadaraalku waxayrabtaa in ay isku muujiso…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka qayb galay munaasabad ay ku kala saxiixdeen heshiis is-Afgarad Wasaaradda Duulista Hawada iyo Shirkadda Frontier Servies Group. Heshiiskan,ayaa lagu horumarindoonaa garoonka diyaaradaha caasimada Puntland ee Janaraal Maxamed Abshir Garowe. Heshiiskan,ayaa haduu hirgalo waxuu noqon doonaa mid sii casriyeeya oo sii xoojiya saamayntiisa guud ahaan Somaliya garoonka diyaaradaha Gariwe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Abaabul-kii Dagaalka 3-bilood oo wada hadal ah ka dib Mashruucii Saracen wuxuu soo gaaray in ciidan la isku abaabusho ka dib markii qandaraasleydii qayb ka mid ah oo u hoggaaminayo Bashiir Cabdullahi Saalaxdeer uu bilaabay abaabulka Beesha uu ka soo jeedo oo deegaan ahaan degta Gobolka Bari, wuxuuna bilaabay inuu mideeyo dhamaan ciidamada Beesha iyo maleeshiyaad Beesha kasoo jeeda oo hubaysan wuxuuna Taliyaha Ciidanka ka dhigtay Ciise Yulux wuxuuna sidoo kale Abaan-duule ka dhigtay Taliye Siciid Wacays Waxayna Saraakiishaasi diyaariyeen 26 gaari oo tikniko ah oo ay magaalada Carmo ku diyaariyeen iyo 17 Tikniko ah ay gudaha Boosaso ku diyaariyeen…

Read More

Wasiirka Maaliyada Dowlada Fadaraalka Itooobiya,ayaa soo gaaray Jigjiga si loo dhamaystiro isku biirista Xisbiga Somalida Itoobiya ee talada Deegaanka haya iyo Xisbiga cusub ee RW Abiye abaabulay xiligan ee PP. Madaxweyne Mustafe oo si weyn ugu faraxsan qorshaha socda,ayaa kusoo dhaweeyay garoonka Wasiir Shide. Mustafe Cagjar,ayaa ka dhex arka Xisbiga Abiye hankiisa gaar ahaaneed ee siyaasada. Halka Shide uu noqday siyaasi Oromaysan oo isku arka Somalinimadiisa in ay ka xoog badan tahay Oromonimadiisa. Shalay ayay ahayd markii Wasiirka difaaca Itoobiya Lama oo ah Siyaasi miisaan ku leh Qowmiyada Oromada iyo tan Fadaraaliga ahba uu ka hor yimid qorshaha iyo Xisbiga…

Read More

Wasiirka MaaliyadaDowlada Fadaraalka Iyoobuya Axmed Shide,ayaa soo gaaray caasimada DDS ee jigjiga. Waxaa wasiirka garoonka kusoo dhaweeyay Madaxwaynaha DDS Mustafe Mohumed Cumar iyo masuuliyiin kale oo xukuumada katirsan. Safarka jigjiga ee Wasiirka ayaa laxiriira sida aan xogta ku helnay shirwaynaha aan caadiga ahayn ee la filayo in uu yeesho Xisbiga Dowlad Deegaanka Somalida,kaasoo lagu ansixinayo ka mid noqoshadiisa Xisbiga PP RW Abiye hada abaabulayo.

Read More

Did Somalia commit a grave mistake by joining the Arab league? Arabs are believed to form around 5% of the world’s total population, and the Arab league consists of 22 countries including Somalia. Somalia’s plead to join this league was approved in 1974 after the then Somalia’s president Mohamed Siyad and his cabinet put a lot of efforts to make this happen. With the Pan-Africanism on the rise, the idea of Somalis being Arabs remain a very controversial matter, with a large faction of the Somali community condemning “Arabising” the purely African Somali people. Though this matter has a lot…

Read More

Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha ayaa loo qeybiyay labo xeer oo kala ah, Xeerka maaraynta dhulka Magaalooyinka Puntland iyo Xeerka Hawlgabka iyo Liiltirka ee Shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Puntland. Golaha ayaa soo akhrinaya Xeerarkan mudo saddex beri ah iyadda oo dib la iskugu soo laabanyo Maalinta Talaadada – 3/12/2019 Haddii EEBBE idmo. Allow dhowr Puntland IskaashiIyoIskuduubni WadajirIyoDowladnimo

Read More

Jamhad hubaysan oo Eretereyaan ah,ayaa tababarkeedu ka socdaa gudaha Somaliya. Deegaamada tababarku uga socdo jamhadan hubaysan ee kasoo horheeda hogaamibta Asiyas,ayaa ku yaala Shabeelada Hoose. Ujeedka Jamhadan loo tababarayo,ayaa ah in lagu kiciyo Xukuumada Asiyas ee Eretereya. Qatar,ayaa qorshahan wada oo maalgalinaysa waxaana hawlwadeen ka ah Fahad Yaasiin madaxa Nabadsugida Somaliya. Qatar waxay ka caraysan tahay Asiyaas oo gacanteeda ka baxay una galay dalka ay sida weyn isku hayaan ee Imaaraadka Carabta. Jibril Qoobey.

Read More

Guddigii uu Baarlamaanka Puntland u yeeray oo wax ka su’aalay xaalka iyo maaliyadda Jidka ma ka jawaabeen su’aalihii Xildhibaanada. Wax se ma laga weydiiyey hadal-heynta shacabka? Xildhibaanada Baarlamaanka ma hor dhigeen Guddiga isweydiimihii shacabka? Kaga bogo taxanaha warbixinta oo mar kale warbaahinta Daljir ay ka soo diyaarisay wadada CEELDAAHIR-CEERIGAABO. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya Ahna Gudoomiye Kuxigeenka ODP Lama,ayaa Sheegay inuu Kasoo Horjeedo Dhsimaha Xisbiga Cusub Ee PP iyo aragtida MEDEMER Ee PM Abiyi Ahmed. Lema magasa oo waraysi VOA siinayay,ayaa sheegay in u xubnaha gudiga fulinta EPRDF pu sheegay in dhismaha xisbi midaynaya asxaabta dalka aysan arin sax ah⁹yn.hadii ay sax ahaanlahyd Xiitana aan la jogiin Wakhtigii ku haboona. Hadalka lema Megersa ayaa dhabarjab ku noqon karaa siyaasada PM Abiy Ahmed, maadaama uu Lema ka mid ahaa shaqsiyadkii horseeday isbadalada dalka Ethiopia. islamarkasina gudaha deeganka Oromiya kuleeh taageero aad u badan.

Read More

Jab weyn,ayaa Kaga dhacay kenya doorashadii hogaaminta IGAD kadib khiyaanadii Abiye. Kadib markay itoobiya hubsatay in loo ansixiyay xoghayaha IGAD,ayay soo abaabushay Sudan. Itoobiya waxay olalaheeda ay Sudan kusoo kicisay say hogaanka udhaafiso Kenya garab uga heshay Somaliya iyo Jabuti. Ra’isalwasaaraha Sudan,ayaa sidaa ku noqday hogaamiyaha IGAD,waxaana si buuxda codkooda usiiyay dalalka Itoobiya,Somaliya iyo Jabuti . Halka Kenya ay ka heshay codka dalalka South Sudan iyo Uganda. Isfahankii hore ee Kenya iyo Itoobiya,ayaa ku salaysnaa in Gudoomiyaha IGAD ay qabato Kenya,halka Xoghayahana loo qorsheeyay Itoobiya,balse waxaa muuqata in ay Itoobiya uga baxday balankii Kenya oo ku kaarta baxday. Kenya jabka…

Read More