Madasha xisbiyada Muqdisho oo warqad qoraal adag uu ku qoran yshay u diray Abiye Axmed ra”isalwasaaraha kasoo jeeda Qowmiyada markii ugu horaysay hogaamisay Itoobiya ee Oromo. Xisbiyada Muqdisho waxay ka dalbadeen Abiye in uu arrimaha soomaaliya faragelinta ka daayo. Qoraalkan kasoo baxsy Xisbiyada Muqdisho,waxuu yimid ka gadaal markii Ciidamo Itoobiyaan ah ay galeen Dhuusamareeb. Dhuusamareeb waxay qorshaynaysaa Xukuumada Fadaraaliga ah in ay ku qabato doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug bishan bartankeeda. Halkan ka akhriso
Author: Jibril Qoobey
Ereteriya waxay ku eedaysay Dowlada Qatar in ay kusoo abaabulayso kooxda argagixisada ah ee Alshabaab gudaha dalkeeda. Eedayntan waxay imaanaysaa mudo ka badan 10-sano oo ay Eretereya kala shaqaynaysay garabsiinta Alshabaab Qatar. Alshabaab waxay ku lahaayeen Eretereya Saldhigyo ay ku tababartaan,waxay ka heli jireen saanad Milataru,waxay ku safri jireen Basaboorka dalkaas,waxayna uhaan jireen garoomada diyaaradaha dalkaas kuwo ay si furan ugu kala gudbaan caalamka kale. Qatar sida ay xaqiijiyeen ilo surdoon oo laysku halayn karo waxay maalgalisaa argagixiso fara badan oo magacyo kala duwan qaata,kuwaasoo Alshsbaab ay ka mid tahay. Alshabaab waxay weeraro,Qaraxyo arxan daro ah,dilal qorshaysan iyo khalkhalgalin amni…
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Marwo Mette Knudsen oo ah Safiiradda Dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles . Madaxweynaha ayaa ugu horeyn Safiiradda warbixin kooban kasiiyey xaalada guud ee Jubbaland, Doorashadii iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo. Sidookale madaxweynaha ayaa safiiradda la wadaagey aragtida Jubbaland ee doorasahda 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara DFS iyo Dowlad goboleedyada dalka. Marwo Mette Knudsen…
Waxaan maanta shir Guddoomiyey Fadhiga 17-aad Kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland. Fadhiga maanta ayaa Golahu waxay isku raaceen in Guddi 10 Xildhibaano ah loo saaro si ay u ogaadan xaalada wadada Ceel-daahir – Ceerigaabo. Guddiga ayaa kala ahaa; Xil. Muuse Siciid Xassan ( Gudoomiye)Xil. Fu’aad Abshir Axmed ( xubin)Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab ( xubin)Xil. Axmed Jaamac Cabdulle ( xubin)Xil. Jaamac Yaasiin Jaamac ( xubin)Xil. Mahdi Siciif Xassan ( xubin)Xil. Xuseen Axmed Nuur ( xubin)Xil. Ismaaciil Cabdi Abtiile ( xubin)Xil. Cali Axmed Saalax ( xubin)Xil. Cabdiraxman Jaabiri Samatar ( xubin) Allow dhowr Puntland IskaashiIyoIskuduubni WadajirIyoDowladnimo
Madaxda Xukuumada Fadaraalka ah,ayaa abaabulay kulamo gaar-gaar ah oo ay Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraaliga ah ku yeelanayaan Muqdisho. Kulamadan ayay Xukuumadu uga gol leedahay in ay taageero ugu hesho qorshaha Doorasho ee Baarlamaanka horyaala kaasoo hadii la ansixiyo ay u arkaan in uu fududaynayo dib usoo laabashadooda. Xildhibaanada,ayaa beel-beel ushiraya soona saari doona war ay ku tasgeerayaan qorshaha Xukuumada. Baarlamaanka Fadaraalka waxaa horyaala qorshe khatartiisa leh aadna Umadu udiidan tahay kaasoo ay Xukuumadu dabada ka riixayso. Xukuumada waxay walwal xoog badan ka qabta in ay diidaan Xildhibaanada qorshaha doorasho ee ay wadato.
Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaliya mudane Benfender ku qaabiley hoyga uu ka deganyahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Kulanka dhexmarey Madaxweynaha iyo safiirka ayaa laga wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada iyo arrinta ay DFS ahi ka wado qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay inay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna kuwada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed kuwada qanacsanyihiin, hor u…
Dab xooggan,ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi. Soomaalida dhimatay ayaa badi sababsaday sida la sheegay neefta oo ku dhegtay, maadaama ay waayeen goob ay ku baxsadaan, ama ay hawo ka helaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto, ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxaana kulankooda ay uga wada-hadleen arrimo dhowr ah. Qoraal kooban oo la soo dhigay barta twitter-ka ee Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada-hadleen horumarka Soomaaliya ee dhinaca Nabadda iyo xasiloonida. Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Amb, Donald Yamamoto ayaa sheegay inay muhiim tahay wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedyada taas oo horseedi karta soo nooleynta Soomaaliya oo awood leh. Safaarada Mareykanka ee muqdisho, QM iyo Xubnaha daneeyayaasha Soomaaliya ee…
Xaalad deganaansho ah ayaa saaka laga dareemayaa Degaanka Waqdariya ee Gobolka Sanaag, kaas oo shalay ay ku dagaalameen Maleeshiyaad isku heystay Dahab iyo macdano kale oo laga qoto buurta. Dagaalka ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Saddex Ruux oo labad dhinaca ah iyo dhaawaca tiro kale, waxaana wararka saaka nasoo gaaraya ay sheegayaan inay bilaawdeen waan waan lagu dhex-dhexaadinayo maleeshiyaadka dagaalamay. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Milateriga Somaliland ay gaareen degaanka ay maleeshiyaadka ay ku dagaalmaeen, sidoo kale waxaa gaaray degaankaas Odayaasha Dhaqanka Gobolka Sanaag, iyaga oo kala dhex-galay maleeshiyaadka dagaalamay. Mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka degaanka Waqdariya ee…
Maamulka Jubbaland oo ay Dowladda Federaalka saartay xayirad dhanka duulimaadyada ah ayaa tallaabadaas waxay u muuqataa mid “saameynteeda kusoo ururtay shacabka Jubbaland oo keliya”. Saameynta ay shacabka ku yeelatay Xayiraadda ayaa sida muuqata saameyn ku yeelatay shirkadaha diyaaradaha iyo shacabka Jubbaland ee isaga kala goosha deegaanaadas, oo waxaa sare u kacay qiimaha lagu raaco duulimaadyada iyo saacadaha duulimaadka oo ka dheeraaday sidii hore. BBC-da oo la xirirtay mid kamid ah shirkadaha duulimaadyada ee tegi jiray Dhoobley iyo Kismayo ayaa sheegay in markii hore qiimaha uu ahaa 90 doolar, balse hadda qofka doonaya in uu tago Kismayo uu ku khasban yahay…
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya kadib markii dhowaan ay warbixin ka dhageysteen Ergeyga gaarka ah James Swan,wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Fransisco Madeira, Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Ismaaciil iyo Cismaan Macalin oo ku hadlayay bulshada rayidka ah. Dhagaysiga kadib ayuu Goluhu soo saaray warbixin uu ugu baaqay Dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada goboleedyada inay dib u bilaabaan wadahadallada si xal looga gaaro arrimaha taagan islamarkaana loo dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay. Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah u adkeeyay in xal laga gaaro xaalada Jubbaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Dhakhaatiir ka socota Ururka Dhallinyarada Wadamada Islaamka ee (WAMY), oo Puntland ka fuliyey qalliin iyo daaweyn lacag la’aan ah. Kulanka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Caafimaadka Puntland Mudane, Jaamac Faarax Xasan oo hogaaminayey wafdiga iyo Masuuliyiin ka socda Xafiisyada kala ah; Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed SOYPD , Hay’adda Xikma, Shirkadda KEBARCO iyo Isbitaalka Gaalkacayo oo dhammaantood kala shaqeynayey Wasaaradda in Mashruucan qaliinka iyo daaweynta lacag la’aanta ah uu hirgalo. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Adeega Caafimaad ee lacag la’aanta ah…
Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa Isniintii u yeertay safiirka Mareykanka Terry Branstad, si ay cabasho uga muujiso sharci uu ansixiyey Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Hong Kong. Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigaas uu la macno yahay faro-gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee China. Qoraal ay wasaaradda ku daabacday website-keeda ayey ku sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Zheng Zeguang uu ku cadaadiyey dowladda Mareykanka “inay saxdo qaladaadkeeda, islamarkaana joojiso faro-gelinta arrimaha Hong Kong iyo China.” Dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda ayaa muddo lix bilood ah banaanbaxyo ka waday waddooyinka Hong Kong, xilli ay jiraan rabshado…
Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa kula kulmay dhigiisa Sacuudiga Amir Faisal Bin Farhan Bin Abdallah, magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Labada dhinaca ayaa waxaa ay ka wada hadleen dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga wadajirka ee dhinacyada oo dhan, iyo siyaabaha lagu gaari karo danaha u dhexeeya Muqdisho iyo Riyadh. Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee danta labada dhinac ah iyo ahmiyada ay leedahay sii wadida wadatashiga iyo isku duwista arrimaha guud. Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dalalka taagera…
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Abwaan Abdirishiid Yuusuf Jibriil oo Maanta Xaafiska ku qaabiley Qunsulka Dowladda Ethiopia u Fadhiya Puntland Gen. Mabratu Waldo Aragay Guddoomiye C/rashiid iyo Qunsulka Itoobiya ayaa Kulankooda uga Hadlay Dar-dargelinta iyo Wadashaqaynta labadda Dowladood ka dhexaysa Haday Tahay mid Darisnimo, mid dhaqan, mid Ganacsi iyo mid Amniba. Puntland iyo Ethiopia waxaa ka dhexeeye Xiriir wanaagsan oo Dhinacyada Waxbarashada iyo Ganasiga uu ugu weyn yahay
Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga Magaalada Hargeysa dhigay 9 Nin oo Ajaanib ah una dhalatay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ugaarsato. Raggaan ayaa laga qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee Cigaal,xilli ay ku wajahnaayeen Dalka Imaaraadka, waxaana Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska Somaliland ay sheegeen in raggaan u dhashay Imaaraadka Carabta ay si sharci darro ah uga ugaar sanayeen deegaannada Somaliland. Agaasimaha Duur joogta ee Wasaaradda Deegaanka Somaliland Naasir Xuseen ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey xariga Sagaalka Nin ee u dhashay wadanka Imaaraadka Carabta, isagoona sheegay in si sharci darro ah uga ugaarsanayey deegaano ka tirsan…
Hoggaanka ugu sareeya Kooxda Ahlu-sunna Waljameeca iyo Guddiga farsamada & dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir oo xalay ku yeeshay kulan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ,ayaa wada-gaaray go’aan adag oo ka dhan ah DFS. Wararka kulankaas laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in hoggaanka Ahlusunna ay qaateen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin. 1: In Ahlusunna ay markale Warqad ashtako ah u dirto Beesha Caalamka,taas oo ay ku sheegayaan in dowladda iska dhega tirtay heshiiskii ay wada galeen,isla markaana ay guda gashay xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. 2: in Guddiga Farsamada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey…
Shirkada PDG ee maamulaysay ciidamada PMPF waxaa maamulkeedii u horreeyay Agaasime ka noqday Maxamed Ismaciil Xaaji Maxamed ( Siibad ) oo hadda ka tirsan gollaha barlamaanka Puntland. Waxaa kaloo maamulka soo qabtay Cali Maxamed Casayr, Ayaanle Afbalaar iyo Faarax Barre oo dhammaantood ka socday dhinaca ganacsade Bashiir Abdullahi Saalaxdeer. Maxamed Abdirahman Faroole ayaa noqday agaasimihii u horreeyay ee Wareegto madaxweyne loogu magacaabo Agaasimaha Ciidamada PMPF xiligii xukuumadii Faroole, wuxuu wax weyn ka bedelay Mudadii uu hayay Maamulka ciidamada PMPF, wuxuuna soo saaray Ciidamo xoog leh oo uu badnaa labo beelood oo kala dega Nugaal iyo Bari, wuxuuna kor u qaaday…
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya xaruntooda KMG ah ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo inay hor-tagaan Masuuliyiinta Hay’adaha amniga. Xildhibaanada ayaa u yeeray shalay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Hay’adaha kale ee Amniga ee hoostaga Wasaaradda, oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Waraaq shalay loo diray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ayaa looga dalbaday in isaga iyo Hay’adaha ammaanka ee Wasaaradda hoos-taga ay hor-yimaadan Golaha Shacabka, wallow aan lagu cadeyn waraaqda ujeedada loogu yeeray. Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka amniga iyo…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha 16ka Maalmood ee ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga, kaasoo muddo 16 cisho ah wacyigelintiisa lagu gaarsiin doono dhammaan gobolada Puntland. Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash ku weheliyey Labada Gole ee Dowladda sida Wasaaaraddaha Cadaaladda , Caafimaadka, Deegaanka iyo Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Hay’adaha ku shaqo leh arrimaha Haweenka iyo xuquuqul aadanaha, Ururada Haweenka Puntland iyo marti sharafkale. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa…
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir-guddoomiyey kulan deg deg ah oo Dowladdu ka yeelatay sidii wax looga qaban lahaa waxyeelada ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Gobolada Puntland. Kulanka oo ay ka qeybgaleen Xubno ka tirsan Labada Gole, Hay’adda Wadooyinka Puntland, Hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee HADMA, Masuuliyiinta Mashruuca (TIS+ ee Hayádda USAID) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Puntland, waxaa lagu soo bandhigay warbixinaha hordhaca ah ee laga hayo khasaarikhii ka dhashay Roobabkii da’ay, oo ay ka Wadooyinka go’ay sida Wadada Lafa Goroyo ee Gobolka Gardafuu, Wadada Laasqoray- Ceelaayo ee Gobolka Sanaag iyo Wadada laamiga ah…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir. Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JFS Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo…
Guddiga Farsamada iyo maamul Dhisidda Galmudug ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ay dhacayso 17 ilaa 23 bisha December ee soo socota Sido kale, Guddiga ayaa sheegay in 13ka ilaa 16ka bishaasi la qaban doono doorashada Guddoonka Baaralamanka.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga dacwadda u dhaxaysa Xisbiga Himilo Qaran iyo Hey’adda Duulista rayidka. Dacwadaan ayaa bishii la soo dhaafay waxaa Maxkmadda sare u gudbiyey Xisbiga Himilo Qaran oo uu madaxda ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dooda u dhaxeysa Xeer-ilaaliyaasha Qaranka iyo Garyaqaanada u doodaya Himilo Qaran ayaa dhawaan ka bilaabatay hoolka Maxkamadda ee dacwadaha lagu dhageysto. 18-ka bishaan ayay Maxkamadda sare markii u horeysay u fariisatay qaadista dacwadaan taas oo maanta markii labaad Maxkmaddu u fariisaneyso.
Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo katirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in loo diiday inay ka dhoofto Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho xilli ay ku wajahneyd deegaano katirsan Gobolka Gedo oo deegaan doorashadeedu tahay. Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo Maanta ka hadley kulanka Baarlamaanka ayaa sheegtay in saakay mar ay dooneysay inay u dhoofto Gobolka gedo loo sheegay inaysan bixin karin,isla markaana ay heysato Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka. Xildhibaannada ayaa Baarlamaanka ka dalbatay in loo cadeeyo sababta loogu diiday inay aado deegaanka Luuq Ganaane ee Gobolka Gedo iyo waxa lagu heysto,taas oo keentay in Guddoonka…
Xildhibaannnada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Hay’adaha kale ee Amniga ee hoostaga Wasaaradda. Qoraal uu ku saxiixan yahay Xoghayaha Golaha shacabka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi (Buux) ayaa looga dalbaday Wasiirka Amniga iyo Hay’adaha kale ee Amniga in Maalinta Talaadada ee Beri ah ay hor yimaadan Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Kumaa hadda maamula al-Qaacida? Khubarada Qaramada Midoobay ayaa sheegaysa in hogaamiyaha ururka Alqaacida Ayman Al- Zawahiri uu caafimaadkiisu aad u liito kadib geeridii Hamza bin Laden.Hamza ayaa muddo dheer loo arkaayey inuu yahay dhaxalka suurtagalka ah ee aabihiis Osama, kaasoo maamulayay weeraradii 9/11 isla markaana ahaa hogaamiyaha shabakada jihaadiyiinta ilaa ay dileen ciidamada Mareykanka sanadkii 2011. Ayman al-Zawahiri ayaa weli ah madaxa al-Qaacida, laakiin khubarada UN-ka ayaa toddobaadkan sheegay in la sheegay inuu caafimaadkiisu liito’, taasoo abuurtay ‘shaki ku saabsan sida kooxdu u maareyn doonto cidda badelidoonta. Saraakiisha Mareykanka ayaa rumeysan in Hamza uu dhintay, kadib weerarkii Maraykanku la beegsaday bishii…
Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ayaa ka hadlay doorashada 2020-ka gaar ahaan damac uu sheegay inuu ku jiro Madaxweynaha Soomaaliya oo doonaya inuu dib u soo laabto. Fiqi ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu qaaday tallaabo kasta, iskuna dayey inuu bedalo qodobka 89-aad ee Dastuurka oo qeexaya nooca doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuuxu tilmaamay in Madaxweynuhu shiriyey xildhibaanno ka tirsan labada gole, si uu ugu qanciyo qorshiisa, balse uu ka waayey wax taageero ah. Halkan hoose ka aqriso: HALOO KALA DABQAADO MADAXWEYNAHA…
Ra’iisulwasaarihii Hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, haatana ah Hoggaamiyaha mid kamid ah Xisbiyadda ka dhisan Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulankii ay yeesheen dhowaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyadda aan saameynta laheyn. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay inay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dalbadeen inuu qabto Doorasho qof iyo cod ah, uuna ka aqbalay.
Muddo xileedka xukuumadda waxaa ka haray hal sano iyo labo bilood, waxaa looga fadhiyaa oo waajib saraan oo dastuuri ah inay xiligeeda ku qabato doorasho oo loo tartamo hogaanka dalka. Shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka intaba ma teegeersana in xukuumadda ay sameeyso muddo korarsi, maxaa yeelay arintaas waxa ay sawir aan wanaagsaneen ka bixineeysaa dowladnimada Soomaaliya. Waxaa ka dhalan kara foowdo siyaasadeed oo keeni karta dib u dhac iyo bur-bur hor leh. Waxaa sida qoraxda u cadahay oo kale u cad in suurtogal aysan ahayn xiligaan oo hal sano u hartay xukuumadda in la qabto doorasho guud ahaan dalka ah…
Olole lagu tallaalayo ilaa 1.7 milyan oo Carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa Axaddii ka bilaawday deegaannada ay dowladdu maamusho, iyadoo la kaashanayo Hay’addaha WHO iyo UNICEF. Carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga talaalayaa cudurka dabeysha, waxaana tallaalka jadeecada la siin doonaa carruurta da’doodu u dhaxayso 6 iyo 59 bilood. Ololaha ayaa sidoo kale ka kooban fitamiin A dheeri ah oo loogu talagalay Carruurta ka yar 5 sano jir. Ilaa 29ka Noofembar shaqaalaha caafimaadka ayaa diiradda saari doona gobollada Benaadir, Galguduud, Hirshabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, iyo carruurta ku nool degmooyinka ay ku badan yihiin dadka…
Kooxaha mucaaradka ee u dooda dimoqoraadiyada ee maamulka Hong Kong ayaa guulo ka gaaray doorashada golaha deegaanka ee maamulka. Musharaxiinta dhanka dimoqoraadi doonka ayaa illaa iyo haatan ku guulaystay 278 kursi, halka kuwa Shiinaha taageersan’na ay ku guulaysteen 42 kusi. Doorashada ayaa ku dhacday qaab nabdoon, iyadoona aysan dhicin rabshadihii lafilayay. Doorashada oo loo diiwaan galiyay in ay codkooda ka dhiibtaan 4.1 oo ruux ayaa waxaa illaa iyo haatan codadkooda dhiibtay in kabadan 2.9 oo ruux . Doorashada ayaana loo arkaa mid afti u ah taageerada xukuumada Hong Kong ay heesato xilli bilihii lasoo dhaafay ay dhacayeen dibad baxyo ka…
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeelanaya xaruntooda Magaalada Muqdisho, iyagoona Akhrinta labaad marinaya ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkaan 2020-ka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maalmo kahor Akhrinta kowaad mariyay ku noqoshada Miisaaniyadda sanadkan, waxaana qaar kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka oo kasoo hor-jeesteen ku noqoshadaan, ay sheegeen in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku tumatay hantidiii dadweynaha, iyagoo sheeganaya inay la dagaalamayaan masuq maasuq. Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in Dowladda illaa iyo haatan aysan shaqaaleysiin hal ruux ayna sheegto mar waliba, inay ku mashquulsan tahay deyn cafin iyo baanka adduunka oo kor joogto ku…
Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay a wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada Militariga Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu arkay, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada xaduudka dhinaca degmada Ceelwaaq,isla markaana dadka ay cabsi dareemeen. Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay Ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo ay kala wadaagto Soomaaliya, hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageerayaan Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan,kaas oo la sheegay in loo diiday…
Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa booqasho rasmi ah ku yimid dalka Qatar halkaasi uu kula kulmi doona Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Madaxwayne Erdogan iyo Amiirka Qatar ayaa ka wada hadli doono xiriirka laba geesoodka ah eek a dhaxeeya labada dal, iyo xiisada ka taagan gobolka Bariga Dhexe. Ankara iyo Doha ayaa ah saaxiibo isku dhaw, iyagoona waxyaabaha ugu waa wayn ee ka wada hadli doonaan ay qayb ka tahay dagaalka ka soconaya dalka Suuriya. Dowladda Qatar ayaa taageertay weerarkii bishii hore ay dowladda Turkiga ku qaaday waqooyi bari dalka Suuriya.
Waxaa maalmihii ugu dambeeyay Magaalada Dhuusamareeb ku sugnaa Ganacsato Reer Galmudug oo ka tagay Muqdisho, iyaga oo kulamo looga hadlayay dhismaha Galmudug la yeeshay hoggaanka Sare ee Ahlu-sunna Wal-Jamaaca. Hoggaanka Ahlu-sunna ayaa Ganacsatada u sheegay inay ku qanci karaan heshiiskii ay horay ula galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Ahlu-sunna 35 Xildhibaan laga siiyo Baarlamaanka Cusub ee Galmudug. Ganacsatada ayaa ku guul-dareestay inay Ahlu-sunna qanciyaan, iyaga oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, waxaana ay ku wargeliyeen Madaxda Villa Soomaaliya in kulamadii ay Dhuusamareeb kula soo qaateen hoggaanka Ahlu-sunna iyo mowqifka Ahlu-sunna. Dowladda Soomaaliya ayaa Ganacsatada waxaa ay u dhiibtay…
Ciidamada Turkiga oo ay la socdaan ciidamo Suuriyaan ah ayaa ku duulay magaalo ku taala waqooyiga dalka Syria oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad Kurdiyiin ah. Warbaahinta Syria ayaa baahiyay in ciidamada wada socda ay ku duuleen tuulo hoos taga magaalada Raqah halkaasoo uu ka dhacay dagaal xoog leh. Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa baahisay in dagaalkaan ay ka qeyb galeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga. Dad badan ayaa magaaladaas ka qaxay sida laga soo xigtay kooxda xaquuqda aadanaha Syria ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda Magaalada Garoowe, ayaa dood ka yeeshay xaalada Wadada Ceel-daahir – Ceergaabo, oo ah Mashruuca ugu weyn ee si isku-tashi ah u dhisanayaan Shacabka Puntland. Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 34 Mudane, ayaa qaar kamid ah Xildhibaanada oo fadhiga ka hadlay ay soo jeediyeen in loo yeero Hay’adaha ay quseyso Wadada, si wax looga weydiiyo halka ay mareyso Wadada Ceel-daahir – Ceergaabo iyo guud ahaan waddooyinka kale ee Dalka. Ugu dambeyntii, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa cod gacan taag ah iskula qaatay in loo yeero Guddiga dhismaha Wadada…
Roobab saacadihii ugu dambeeyay ka da’ayay Degaano katirsan Gobalka Gardafuu ayaa sababay inay xirmaan waddooyinkii gali jiray Degaanada Gobalkaas, waxaana uu haatan galay xaalad go’doon ah. Wadada kaliya ee isku xiri-jirtay Gobolka Gardafuu iyo Gobolada kale oo la yiraahdo Lafagorayo, ayaa hadda gebi ahaanba xirantay, sida ay maanta warbaahinta u sheegeen Xildhibaano kamid ah Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo degaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Gardafuu, kuwaas oo warbixintiisa horgeeyay Kalfadhigii Golaha ee maanta. Gudoomiyaha Gudiga Howlaha Guud Ee Golaha Wakiiladda Dawladda Puntland Xil Muuse Siciid Xasan ayaa ka warbixiyey Waxyeelada Roobabku ay Ugeysteen Wadooyinkii Galijiray Gobolka Gardafuu, waxa uuna ku…
Beesha Caalamka ayaa aqoonsatay Doorashadii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), taas oo 22-dii bishii August ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in kulan ay xerada Xalane ku yeesheen Safiirada Beesha Caalamka Bartamihii bishan, ay isku waafaqeen in Doorashadii Kismaayo ay aheyd mid aan loo marin Hanaan daah-furan si lamid ah tii ka dhacday Magaalada Baydhabo Dabayaaqadii sanadkii hore. Sidoo kale, Safiirada Dalalka Mareykanka, UK, Germany, Denmark, Sweden iyo Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga iyo Midowga Africa, ayaa sheegay in muhiim tahay in la fara-geliyo Khilaafka Siyaasadeed ee…
Ciidanka sida gaar ah u tababaran ee Dowladda Puntland (PSF), ayaa maanta hawlgallo ka dhan ah Kooxda Daacish ka sameeyay buuraleyda Degaanada Gol-cadaabeed iyo Moqor ee Buuraha Cal Miskaat ee Gobalka Bari. Howl-galkan oo ahaa mid balaaran ayaa daba socday howlgallo maalmihii ugu dambeeyay ay Ciidanka PSF-ta Puntland ka wadeen Buuraleyda Gobalka Bari, kuwaas oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ah, sida lagu sheegay qoraal lagu shaaciyay barta Ciidanka PSF Puntland. Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF ayaa sheegay inay sii xoojinayaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay xukun ku riday Nin doonayey in uu isku qarxiyo Munaasabad ay Ahlusunna ku lahaayeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Ninkaan oo lagu Magacaabo Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan ayaa waxa lala xukumay Nin kale oo lagu Magacaabo Cali dhubad Nuure Siyaad,waxaana labadaba lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa Maxamuud Cabdi Cabdiraxmaan waxaa ay Eedeysay in la qabtay 23/5/2019,isaga oo xiran jaakada qaraxyada,isla markaana doonayey in uu isku qarixyo munaasabad ka socotay degmada Guriceel oo ay ku sugnaayeen…
Ugu yaraan 19 qof oo isugu jray rakaab iyo shaqaalihi diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, kaddib marki ay diyaarad nuuca yar ay ku dhacday xaafado la daganyahay oo ku yaalla magaalada Goma ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo. Goob joogayaal ayaa sheegay, in diyaarada ay ku dulburburtay guryo ku yaalla xaafaddaMapendo ee magaalada Goma, halkaas oo laga cabsi qabo inuu ka dhasho khasaaro nafeed. Diyaaradan oo nooceedu ahaa Dornier-228 ayaa kusii jeedday magaalada Beni oo 350 km u jirta magaalada Goma, waxana ay dhacday in yar kaddib marki ay ka kacday garoonka Goma. Dadka dhintay ayaa…
War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay kaga hadleen dhibaato ay sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Saddex degmo oo katirsan gobolka Gedo,kuwaas oo kala ah,Doolow,Luuq iyo Beled Xaawo. Qoraalka ayaa Madasha Xisbiyada waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay wadaan afduub, cagajugleyn iyo xarig Madaxdii maamulada degmooyinka kala ah Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow. Waxaa ay sidoo kale War-saxaafadeedkooda ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen arrimaha la xiriira Jubbaland ee Gobolka Gedo kulankii ay la qaateen dhawaan,hayeeshee tani ay qeyb ka tahay in uu ka baxay qodobo kamid ah heshiiskii ay la galeen…
Wasiirka Wasaaradda cadaaladda iyo arrimaha garsoorka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda Dalka Marooko. Agaasimuha ayaa Wasiirka iyo xubnaha kale ee la socday uga warramay hannaanka dhismaha hay’adaha cadaaladda Dawladda Marooko iyo habraaca shaqo ee ay leeyihiin. Wuxuuna tusaalayaal kasiiyay sida ay u wada shaqeeyaan bahda cadaaladda Dawladdiisa, isagoo si gaar ah uga warbixiyay dhinacyada Maxkamadaha , xeer-ilaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin qorista iyo meel-marinta sharciyada oo ku kooban in haddii loo baahdo talo la weydiiyo. Wuxuuna ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya guddoonsiiyey agaasimaha guud haddiyad yar oo xasuus…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland, Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Madasha Habeenka Haweenka Puntland, oo fursad u ah Haweenka Puntland inay isugu yimaadaan oo kaga arinsadaan arrimahooda gaarka ah iyo horumarinta doorka ay Bulshada ku leeyihiin oo ah mid muhim ah. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu sheegay in Haweenka Puntland ay…
Madaxweynaha Dowladda Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saxiixay fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddex nin lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falkii Af-duubka, kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Xubno ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Deni oo codsaday in aan Magacooda la shaacin ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saxiixay fulinta xukunka dilka ah ee Saddexda Xukumane dhowr Todobaad ka hor, iyadoona la filayo in Maxkamaddu fuliso todobaadyada soo socda, si loo soo Afjaro Kiiska. Saddexda nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu kala magacaabo…
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ay kusoo bandhigtay Nin sheegay in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab,isla markaana ka dambeeyey qarax gaari lagu xiray oo shalay ka dhacay agagaarka Isgoyska 14-ka Octoober Ex Soobe ee Magaalada Muqdisho. NISA ayaa Barta Twitter-ka kusoo bandhigtay Muuqaalka Xudeyfa Daa’uud Yuusuf,kaas oo sheegay in uu ka yimid hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkeenleey,isla markaana Gaari yaalla agagaarka Isgoyska Soobe uu qaraxa ku xiray. “Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku soo dhigay dhagarqabe Xudeyfa, katirsan qaybta qaraxyada AS, kaasoo ku xiray qarax dhejis ah gaari yaalay agagaarka isgoyska Zoobe”…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee KMG ah, ayaa haatan kulan ku leh xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Kulanka oo daba socda kii dhowaan dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Dalka, ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynaha iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka, ay ka wada hadlaan nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa. Xisbiga Wadajir oo kamid ah Xisbiyada Mucaaraadka ah ee sidda weyn uga soo horjeedda Hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ayaa qaadacay kulanka ay lee yihiin maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadda ee heysta shahaadada KMG ee Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka. Sidoo…
Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Qarax goor-dhaweyd ka dhacay Isgoyska 14-ka October ee (EX-ZOOBE) ee Magaalada Muqdisho, kaas oo si weyn looga dareemay qeybo kamid ah Magaalada. Qaraxan ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray gaari nuuca raaxada ah oo yaalay meel aan ka fogeyn Isgoyska ZOOBE oo wadada dhinaceeda ah, waxaana ka maqnaa gaariga xiliga qaraxa lagu xirayay ruuxii lahaa. Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa ku dhaawacmay Qaraxaas, taas oo aheyd haweney ku sugneyd goob ganacsi oo halkaasi ku tiilay, sidoo kale waxaa gabi ahaanba dab qabsaday gaarigii qaraxa lagu xiray. Gaariga markii uu qarxay kadib ayaa…
Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa kusoo bandhigay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Khamri, Xashiish, toorayo iyo agab kale oo ay adeegsadaan dhalinyarada kooxaha u abaabulan ee dhaca iyo furashada ka gaysta gudaha magaalada. Taliyaha Qeybta Booliska Nugaal G/Dhexe Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay in hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadaha Garoowe ay ku soo qabteen dhalinyaro kooxo u abaabulan oo dhibaato dhac iyo furasho u gaysta dadka shacab ah, kuwaasi oo inta badan adeegsada maandooriyaal halis ah sida khamriga iyo Xashiishka. Sidoo kale, G/dhexe Muumin Madaxweyne sheegay in Maandoriyaashan dhalinyaro keliya lagu soo qaban, balse waxa jira dad kale ka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa safar aan la shaacin ugu amba-baxay Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, xilli la filayay inuu u socdaalo Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa ku hormaraya Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelanayo Madaxda Dalka Itoobiya iyo Shirkaddo Ganacsi, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Xiriirka iyo Wada-shaqeynta kala dhexeysa Puntland. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa u sii gudbaya Dalka Imaaraadka Carabta, isagoona kula kulmaya Hoggaanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Shirkaddo Ganacsi oo ay kamid tahay Shirkadda DP…
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa goor-dhaweyd cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Odoraska Miisaaniyad-sannadeedka 2020-ka oo ka badan 346 Milyan oo doollar. 44-mudane oo fadhiga maanta joogay ayaa dhammaantood u codeeyey miisaaniyaddan oo Todobaad hore la horkeenay. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in Miisaaniyadda dowladda ay la ansixiyay, islamarkaana loo baahan yahay in loo gudbo hanaanka Maareynta Miisaaniyadda. Miisaaniyadda maanta ay ansixiyeen xildhibaanada Puntland ayaa ah midkii ugu badneyd abid tan iyo markii la aas aasay Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Khubad u jeediyay Goleyaasha kala duwan ee Puntland, Waxaana uu sheegay in bog cusub oo dhanka Siyaasadda ah uu maamulka u bilaaban doono. Madaxweynaha ayaa sheegay in lasoo afjaray Khilaafkii harreeyay Golayaasha Dowladda ku dhawaad halkii sano ee uu ka shaqeynaayay degaanada maamulka Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dhammaan Khilaafyadii jiray xaliyay sidda Cabshadda beelaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland oo si weyn uga soo horjeeday maamulkiisa. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in xoojinta wada shaqeynta Goleyaasha Dowladda, uuna hordhac u yahay kulamo wadashaqeyn oo joogto noqon doona,…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay qorshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka waddo Gobalka Gedo ee Ciidankii jubbaland ay kula wareegeyso. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo ku sugan qeybo ka mid ah Gobalka Gedo ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya kala qeybin iyo burburin ay ka waddo gobolka Gedo. Waxaa uu sheegay in shaqadda maamulka aysan saameyn ku yeelan doonin Shaqsiyaad iyo Ciidan kooban oo dowlada dhexe ee Soomaaliya ku biiray. Waxaa uu xusay in cidii maamulkooda ka tirsan oo shaqo u doonataa dowladda dhexe aaney u joojin doonin oo xilkaasi ay qof…
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay galabta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya . kulankan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan; Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira; Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin. Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in Hiigsiga ajendaha 2020, uu u baahnaan doono wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer. Waxaa uu sheegay sida ay muuhiimka u…
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Kampala ee caasimadda dalka Uganda. Wasiirka iyo waftigii uu hoggaaminaayay waxaa Garoonka diyaaradaha ee Caasimada Gen Maxamed Abshir ku sii saagootiyay Wasiirku- xigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Gen Muxyadiin iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka qayb gali doona shir ka dhici doona Kampala kaasi oo looga hadli doono Wada shaqaynta iyo is dhaaf siga xogaha Wasaaradaha Maaliyadda Dawladda Federalka Somaliya iyo Dawladaha xubnaha ka ah.
Pentagon’ka Mareykanka ayaa maanta oo khamiis ah beeniyay war kasoo baxay warbaahinta Kuuriyada Koonfureed, kaas oo ah in Mareykanku uu qorsheenayo in uu dhimo ciidamadiisa ka jooga Kuuriyada Koonfureed. War lagu daabacay wakaalada wararka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay qorsheenayso in ay dhinto ciidamadeeda ka jooga Kuuriya Koonfureed haddii aysan aysan kordhin qarashaadka ay siiyaan ciidamada Mareykanka. Mareykanka ayaa xukuumada Seoul ka dalbaday in ay ka dhigto qarashaadka ay siiso ciidmadiisa $5,bilyan, taas oo shan jibaar kabadan inta ay horay u bixin jirtay. Balse, afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka…
Ugu yaraa 22 ruux ayaa dhimatay kadib duuqeemo ka dhacay waqooyi galbeed dalka Suuriya, sida ay sheegeen dhaqaatiir mutada waciin ah. Duqeemaha ayaa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen ciidamada dowladda Suuriya oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaal ee dowladda Ruushka. Sidoo kale ugu yaraan 16 ruux ayaa dhimatay halka tobonaan kalana ay dhaawacmeen kadib markii gantaalo lagu garaacay xeryo ay daganyihiin dad barkacayaal ah, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda difaaca. Afhayeenka ayaa sidoo kale Tv’ga Al-Jazeera u sheegay in 10 kamid ah dadka weerarkaasi ku dhintay ay ahaayeen caruur