Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Japan u qaabilsan Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Japan Mudane Horie Ryoichi ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka dalkiisa Boqor Naruhito iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Mudane Shinzō Abe, waxa uuna ka mahadceliyay ka qeyb galkii Madasha Iskaashiga TICAD7 ee wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayey Madaxweynuhu. Danjire Horie Ryoichi ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Dowladda Japan waxa…
Author: Jibril Qoobey
Shiikh Cabdulqaadir Shiikh Maxamed Shiikh Abuubakar (Sh. Soomow), oo ah Afhayeenka Golaha Guud ee Culimada Soomaaliyeed ayaa ka hor imaaday muxaarado la sheegay inuu Berri Garoonka Eng. Yariisow ee Magaalada Muqdisho ku qaban doono Shiikh Umul oo dhawaan soo gaaray Magaalada. Shiikh Soomow ayaa Shiikh Umul ku eedeeyey inuu sabab u yahay isaga fidnada iyo musiibada ka jirto dalka isla markaasna aan la aqbali karin inuu isaga qabto muxaarado ka hadleyso fidnada iyo sida looga hortagi karo musiibooyinka. Shiikh Soomow ayaa Umul ku eedeyey inuu faafiyo Caqiido qaldan isla markaasna uu Culimada Ahlu-sunna ka aaminsan yahay inay yihiin Gaalo.
Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa ka hortagtay oo soo qabatay shabakad ka kamid ahayd kooxda argagixisadda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo. Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxaa Gacanta lagu soo dhigay [ Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud. Marka ay ciidanka amniga gacanta ku dhigayeen raggan waxaa ay gacanta kula jireen fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado halka mid kamid ah uu waday Qarax lagu soo dhex qariyay Tarmuus. Ciidanka waxay tageen oo ay 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed ka soo saareen goobo keyd u ahaa argagixisadda oo ay hubka ku…
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta 21-Nofeembar-2019 shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka warbixiyey xaalada Siyaasadda iyo Amniga ee Jubbaland gaar ahaan xaalada kasoo cusbnaatey degmooyinka galbeedka gobolka Gedo, taas oo uu madaxweynuhu sheegay in aan intaas ka badan laga sii aamusnaan karin go’aan rasmi ahna Jubbaland ka qaadaneyso waxa halkaas ka socda ayada oo loo saarey guddi si faahfaahsan ugasoo warbixiya xaalada gobolka Gedo. Shirka golaha wasiirada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sidookale warbixin lagaga dhageystey Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, Wasaaradda Maaliyadda iyo gudiga dakhliga Jubbaland.…
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu la kulmay Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Amb, Francisco Madeira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira doorashada la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya iyo sidii amniga loo adkeyn lahaa. Kulan oo ka dhacay Muqdisho oo ay ka qeybgaleen saraakiil sare oo ka tirsan AMISOM iyo saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, ayaa taliyaha ciidanka Booliska Jeneraal Xijaar wuxuu ka warbixiyay guddiga Amniga ee dhowaan la sameeyay iyo sida ay AMISOM u taageeri karto howl-wadeenada iyaga oo sugaya amniga doorashada labada baarlamaan iyo doorashada madaxweynaha, oo la…
Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen doorashada Xubin ka bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya taas oo uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku geeriyooday Weerarkii lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Somalia 23-kii Bishii Maarso ee sanadkan 2019. Gudiga ayaa ku wargeliyey Odayaasha Dhaqnaka ee ku jira 135 Oday inay soo gudbiyaan liiska 51 Ergo Doorashada xubinta Xildhibaan ee uu baneeyey Ex-Xildhibaan Saqar Ibraahin Cabdalla oo sidoo kale ahaa Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha. Guddiga ayaa sidoo kale ku wargeliyey Odayaasha iyo musharixiinta Xubinta Baarlamaanka in qabashada…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta kaga guddoomay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo ee Safiirka cusub ee Japan u qaabilsanaanaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ryoichi Horie. Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay Safiirka Japan, isagoo u rajeeyay in uu ka soo dhalaalo howlaha loo igmaday si uu sare ugu qaado xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Dowladda Japan ayaa haatan waxaa ay u muuqataa inay xiriir la yeelaneyso Soomaaliya,waxaana dhawaan dalkaasi tegay Madaxweynaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku yimi Puntland. Kulanka waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Ciyaaraha ee Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay. Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey…
Warbixin uu daabacay Wargeyska Washintong Examiner ayaa lagu sheegay in Warbixinno loo gudbiyay Dowladda Mareykanka ay muujinayaan Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay lunsadeen $ 18 Milyan oo doolar oo ah gargaar loogu deeqay Soomaaliya. Warbixinta oo si gaar ah loogu gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Lacagtan oo ay lunsadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, ay bixiyeen Midowga Yurub, Sacuudiga iyo Qaramada Midoobay, sida lagu sheegay warbixinta Wargeyska Washintong Examiner. Lacagtan $ 18 Milyan ah ayaa la sheegay in lagu wareejiyay Dawladda Soomaaliya, balse aysan u gudbin xisaabta khasnadda Bangiga Dhexe, iyadoona Warbixinta lagu xusay…
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin loo heysto weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur SHuute oo dhegeysiga kiiskan u tagay Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Cabdullahi Cali Aadan. Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada ayaa sheegtay in ninkaasi uu Al-Shabaab kaga biiray degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, isla markaana uu ka qeyb qaatay weeraro…
Xarunta Hay’adda Puntland Development Research Center-PDRC, waxaa ka socda madasha PDRC Talks, oo looga hadlayo ‘U-hellidda xal waara arrimaha Qaxootiga iyo Dadka Soo laabanaya ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika’, waxaana marti ku ah Amb. Maxamed Cabdi Afey oo ah Madaxa Hey’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR.
Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab. Deegaannada ay Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland ka fuliyeen howlgalka ayaa waxaa kamid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji,waxaana la sheegay in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay Ciidamada la wareegeen deegaannadaas. Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan. Waxaa ay sidoo kale sheegeen…
Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa War kasoo saaray dilkii shalay gudaha Xerada Xalane oo saldhig u ah Dublamaasiyiinta Reer galbeedka ee ku sugan Soomaaliya loogu geystay Elmaas Elman oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad ee Safaarada Soomaaliya ee Kenya. Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa sheegay in Booliska Soomaaliya gaar ahaan laanta Dambi baarista ee CID-da laga furay Gal-dacwadeed ku saabsan dilkaas,isla markaana ay bilaabeen baaritaanka sida dilka uu u dhacay iyo dadkii ka dambeeyey. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in baaritaanka ay ka qeyb qaadanayaan Saraakiil Sar sare oo khibrad u leh dhacdooyinka noocaan…
Axmed Xuseen oo Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya horayna u ahaa Wasiirka Qaxootiga ee Dalka Canada Ayaa hadda Loo Magacaabay Wasiirka Qoyska, Caruurta Iyo Horumarinta Bulshada. Sido kale Lix cisho ka hor ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Xildhibaan ka Tirsan Baarlamanka dalkaasi, waana qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Canadian ah oo loo doorto baarlamaanka iyo qofkii ugu horreeyay ee qabta jagada wasiirnimo ee federaalka.
DAGAALKA MACDAARLEYDU DHAMAAD MA LEH! Q2aad Khilaafka waxaa sabab u ahaa waxaa dhamaaday mudadii ay Puntland la gashay heshiiska Shirkada Sarecen ee ay Emaratka wakiilka ka ahayd, mudadaas oo ahayd 10 sano, waxayna kala ahayd 5 sano oo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ah iyo 5 sano oo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ah, waxaana heshiisku qorayay in 10-kii sano mar la cusboonaysiiyo, halkaas ayaa waxaa ka dhashay hardanka gacan ku haynta qandaraaska cusub. Waxayna qaybtii uu hoggaamiyay Ganacsade Maxamuud shido go’aansadeen in la balaariyo xubnaha ka mid noqonaya qandaraaska cusub waxaana lagu soo daray Xasan Cabdullaahi Deni oo walaal la ah Madaxweyne Deni,…
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah Xog-hayaha Madasha Xisbiyadda Qaranka kana hadlayay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo raalli-gelin ka siiyay Madaxweynayaashii hore xanijaabdii lagu sameeyay xilliyadii ay u safrayeen Magaalooyinka Kismaayo iyo Beledweyne.
Kulan u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyadda ayaa soo gabagaboobay salaadii Marqib ee Caawa. Kulanka Labada dhinac oo qaatay in ka badan Saddex saacadood ayaa looga hadlay arrimo badan oo xaalada siyaasadeed ee dalka ku saabsan, iyadoo dood adag dhex martay labada dhinac. Qodobada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii Hore ay ka wada haldeen ayaa la isku afgartay, sida uu sheegay Madaxweynihii Hore ee Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud. 1. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka garaabay kana soo hoyday ficiladii foosha xumaa…
Kulankii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ayaa goor dhoweyd soo gabagaboobay, waxaa kulanka oo qaatay in ka badan saddex saacadood ayaa looga hadlay arrimo badan oo xaalada siyaasadeed oo dalka ku saabsan, iyadoo dood adag dhex martay labada dhinac. Shir saxaafadeed lagu faah faahin doono kulanka ayaa ka filayaa inay qabtaan Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib salaada maqrib ee xilliga Muqdisho, iyadoo Wariyeyaasha ay ku sugan yihii xarunta Madasha Xisbiyada. Wixii kasoo baxa kala soco Idil News.
Loolan ku aadan Doorashada 2020-ka ayaa ka dhex bilowday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Xasan Cali Kheyre. Loolanka Labada Masuul ayaa salka ku haya nooca doorasho ee dalka ka dhacaysa 2020-ka, iyadoona uuna haatan soo ifbaxay khilaaf cusub oo ka dhex bilowday Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha. Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal ugu jiray muddooyinkii ugu dambeeyay in Doorashada 2020-ka ay noqoto Hanaan loo ekeysiiyay Qof iyo Cod, kana dhacda Magaalada Muqdisho, taas uu ka biyo diiday Ra’iisulwasaare Kheyre. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaruhu uu doonayo in Dalka lagu celiyo Doorasho lamid tii dhacday 2017-kii ee dadbaneyd, ayna…
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan Wada-tashiga iyo Dib u eegista Sharciga Dowladaha Hoose ee Puntland. Shirka oo socon doono muddo laba cisha ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha heer Gobal iyo Heer Degmo, Wasiiro iyo Agaasmiyaal ka socday Wasaaraddaha Puntland, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, Madax ka socotay Bah-wadaagta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sharaxay muhiimadda Shirkan, isagoona sheegay in loo…
Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2020-ka oo maanta la hor-geeyay kulan wadajir ah oo ay yeesheen Labada Gole ee Baarlamaanka. Xildhibaan Xasan Yare ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu ku jiro tuhun fara-badan oo ku aadan qaab loo qorsheeyay iyo halka lagu bixinayo, isagoona si gaar ah u xusay Lacag gaareysa 340-Milyan oo dollar, taas oo ugu jirta Odaraska Miisaaniyadda 2020-ka in lagu bixinayo Is-dhexgalka Geeska Africa.
Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Ibraahim “Muudeey”, ayaa ka hadlay shaqo la,aanta heysata Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Wadanka iyo shaqaaleysiinta Diasporaha ka imaanaya Dalka Dibadiisa. C/weli Muudeey oo hadal ka jeediniyay Kulan wadajir ah oo ay yeesheen Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, ayaa tilmaamay in dhamaan Xafiisyada Dowladda ee ay ugu horeeyaan kuwa Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha laga shaqaaleysiiyo oo kaliya Diaspora. “Xafiis walba waxaa dhooban Diaspora boorsooyin wata lagasoo bilaabo kan madaxweynaha iyo Ra’iisul-wasaaraha oo la leeyahay English bay yaqaanaane hala shaqaaleysiiyo aaway xuquuqda dadkii dalkaan dhibaatadu kula dhacday aqoon malahan…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Goor-dhaweyd lagu dilay gudaha Xerada Xalane ee saldhiga u aha Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Almaas Elman Axmed oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Almaas Elman ayaa hadda ka tirsaneyd Hey’adda Elman Peace oo uu Aas’aasay Aabaheed Elman Axmed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay. Dilka Elmaas ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, Ilo-wareedyo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaana sheegaya in dilkeedu uu yimid kaddib markii Gaari ay wadatay xabad lagu riday ay ku dhacday,…
Haya’dda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka Iran ay dileen ugu yaraan 106 qof, oo qeyb ka ahaa dibad-baxyo ka socday dalkaas tan iyo jimcihii tagay oo ka dhan ah dowladda. Tiradaaas ayaa afar jeer ka badan dadkii ku dhintay dibad-baxyo kale oo xooggan oo dalkaas ka dhacay laba sano ka hor. Cilmi-baaraha Amnesty ee dalka Iran, Raha Bahreini ayaa u sheegtay laanta Persian-ka ee VOA in Amnesty ay go’aamisay tirada dhimashadaas ayada oo soo xiganeysa goobjoogeyaal. VOA Persian ayaa si madax banaan u xaqiijisay in ciidamada Iran ay dileen toddoba dibad-baxayaal ah, sabtidi. Warbaahinta dowladda…
Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa ka socda kulan u dhaxeeya Xubno uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Somalia ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diidara lagu saarayaa Shan qodob oo muhim ah,waxaana qodobadaasi soo bandhigay Xogayaha Guud Xisbiga UPD Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. Hoos Ka Akhriso qodoboda looga hadlayo kulanka. 1: Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah. 2: Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro…
Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shir ay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, Gudigga La socodka Dib u eegista Dastuurka iyo Gudigga Madaxa banaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ay la yeesheen hay’adaha Beesha Caalamka ee ku lugta leh arrimaha dastuurka. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka labada guddi, madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin ka kala socotay UNSOM, Norway, Sweden iyo Switzerland, ayaa waxaa ugu horeyn shirka furay Wasiir Saalax Axmed Jaamac isagoo ka warbixiyay horumarka laga sameeyay dhameeystirka dastuurka. “Innaga ka wasaarad ahaan iyo labada guddi ee aan…
Waxaa goordhaw furmay kulankii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Kulanka waxaa si wadajir ah u shir gudoominaayo gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi. Kulanka waxaa soo xaadiray 171 mudane oo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,wana kulanki ugu horeeyey oo ay siwadajir ah u yeeshaan Xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Ajendaha kulankaan wadajirka ayaa ah Ansaxinta Ajendaha iyo Akhrinta 1-Aad Qoodaha Miisaaniyadda 2020.
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta soo geba-gabeysay dacwad loo heysto Nin lagu eedeeyey weerar lagu qaaday 26-kii Bishii 11aad ee sanadkii 2018 Xarun uu Magaalada Gaalkacyo ku lahaa wadaad lagu Magacaabi jiray Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare. Ninka Maxkamadeyntiisa la soo geba-gabeeyo oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cali Maxamed ayaa xeer ilaalinta Maxkamadda ay hor keentay Afar markhaatiyaal ah, iyada oo sheegtay in ay hayaan cadeymaha in uu weerarkaas ku lug lahaa,sidoo kalena uu qirtay. Xeer ilaaliyaha Guud ee Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa ugu dambeyn Maxkamadda weydiistay in eedeysanaha lagu xukumo ciqaabta dambiga uu…
Heshiiskaan oo ku saabsan dhinaca difaaca iyo Milateriga ayaa Wakiilo ka kala socday Dowladaha Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabta waxaa ay ku kala saxiixdeen shirka Bandhiga 16aad ee Diyaaradaha kaas oo ka socda Magaalada Dubai ee dalkaasi Imaaraadka Carabta. Dowladda Itoobiya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay Wasiirka Difaaca dalkaas lemma megersa,halka Imaaraadka Carabta uu u saxiixay Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Mohamed Bin Ahmed Al-Bowardi. Heshiiska oo ah mid isfaham ayaa dhigaya in la iska kaashado dhinacyada difaaca iyo Millateriga,waxaana Wasiirka Difaaca Itoobiya lemma megersa uu sheegay in heshiiskaas uu yahay mid xoojinaya danaha labada dal. War lagu daabacay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha iyo xanaanada xoolaha. Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta. Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradaha uu kormeeray ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu u amba-baxo maalmaha food inagu soo hayo Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka. Ujeedada safarka Madaxweyne Deni ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay inuu kulan wadajir ah la yeesho Safiirada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo ay kamid yihiin Doorashooyinka Dalka ee 2020-ka iyo deeqaha caalamku uu siiyo Soomaaliya oo Puntland aysan waxba ka helin. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho kulan la qaadan doona Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo sanadihii ugu dambeeyay uu khilaaf kala dhexeeyay Puntland, iyadoona…
Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay uga doodayaan Miisaaniyadda sanadka 2020-ka. Farriimo xalay loo diray Xildhibaanada labada Gole ayaa lagu wargaliyay kulankan, waxaana ka dhashay Dood ku aadan shirci ahaanshaha qabsoomida kulanka wadajirka ah ee Labada Gole ee Baarlamaanka. Qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dood ka keeneen kulanka wadajirka ah, iyagoona tilmaamay inuu yahay mid aan sharciga waafaqsaneyn, isla markaana uu baalmarsan yahay Dastuurka KMG ah ee Dalka. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku dhaliilay Guddoonka Golaha inuu sharciga ku tumanayo, isla markaana kulanka wadajirka…
Kulan u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ka tirsan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa la filaya inuu goor-dhow ka bilowdo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya. Kulankan oo ah mid horay loo sii iclaamiyay sidoo kalena ku imaaday dalab ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid Qado oo duhurkii ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo Madaxweyne Farmaajo ku soo dhoweyn doono Madaxweynayaashii ka horeeyay. Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulamada maanta looga hadlayo qodobo dhowr ah oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka, sida nooca doorashada 2020-ka iyo Raalli-gelin laga…
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in laga baxo dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada ay ku laheyd degmada Warta Nabadda. Guddoomiye Cumar Filish ayaa shalay kormeer ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose, waxaana ujeedka kormeerkiisa ahaa mid dhiira gelin ah iyo sida ay ciyaartoyda ugu diyaar garoobayaan tartamo kubadda cagta ah oo ka dhacaya Muqdisho. Duqa Muqdisho ayaa amar ku bixiyay inta ka dhiman bishan November looga baxo dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, waxaana uu tilmaamay inay rajeynayaan in illaa 1-da bishan December looga baxo dhulkaas. “Meelo…
Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan sabtidii lasoo dhaafay oo aheyd 16-kii bishan dhexmaray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda UK ee arrimaha Soomaaliya Mr. Ben Fender Obe. Kulankan oo ahaa mid Albaabadu u xiran yihiin kana dhacay Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ayaa la sheegay in si gaar ah diirada loogu saaray Khilaafka cakiran ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland, sida ay inoo sheegeen Ilo xog-ogaal ah. Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ayaa la sheegay inay isla qireen inay muhiim tahay in Puntland ay ciyaarto doorkeeda ku aadan xalinta Khilaafka kala dhexeeya Federaalka,…
Kulamo aan caadi aheyn ayaa 72 saac ee lasoo dhaafay ka socda xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, kuwaas oo intooda badan u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin. Kulamadan oo ah kuwa isdabajoog ah ayaa intooda badan looga arrinsanayaa Kulanka Labo geesoodka ah ee la filayo in saacadaha soo socda uu dhexmaro Madaxweyne Farmaajo oo uu wehlinayo Taliyaha NISa iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay haatan ah Hoggaamiyaasha Madasha Xisbiyadda Qaranka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ilo-wareedyo ku dhow Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegay in kulamada…
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow ee Shabeellaha hoose lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab. War kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkan la qaaday iyadoo iskaashi lala samaynayo milatariga Maraykanka,hayeeshee duqeyntaas waxaa dhankooda ka hadlay Ururka Al-Shabaab. Qoraal lagu daabacay Baraha ay wararka ku qoraan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradaha Mareykanka ay duqeynta la beegsadeen nin Ganacsado ahaa oo caan ka ahaa deegaanka Kuunyo Barrow. Waxaa ay Ninkaasi Magaciisa ku sheegeen Ismaaciil, iyaga oo sheegay in xilliga la duqeynayay uu ku sugnaa duleedka Magaalada,isla markaana meydkiisa ay soo qaadeen…
Wasaaaradda Waxbarashada,Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxay bilaabaysaa Ololaha Diiwaan gelinta iyo Kormeerka kaas oo kor tagi doono dugsi kasta oo wadanka ku yaala oo waxbarasho ka socoto. Waxaa qaybta ugu soo horaysa ay ka bilaaban doontaa Gobolka Banadir oo loo qorsheyey in ay qabsoomto inta u dhaxaysa 25.11.2019 ilaaa 10.12.2019. Dugsiyada waxaa si hor dhac ah loo ogaysiinayaa dugsiga inaan laga waayin dukumiintiyadda ku qoran lifaaqa hoose. Hoos Akhriso Shuruudaha laga rabo Iskuulada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaciisa iyo kan Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga & Kheyraadka Badda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash geerida ku timi xaaskiisa Marxuumad Rabiico Cabdi Aadan oo maanta ku geeriyootey Garoowe. Madaxweynaha Puntland waxa uu Alle uga baryey Marxuumad Rabiico Cabdi Aadan oo ka tagtay 6 caruura inuu dembigeeda dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo Imaanna ka siiyo, Wasiirka, waalidiinteeda ciyaalkeeda, qoyskeedii, eheladeedii iyo asxaabteediiba.
Magaalada Aarhus ee Dalka Denmark waxa si Habsimi leh uga Furmay Shirweynihii Afaraad Dallada qurbajoogta Puntland ee Yurub(PEDAN) oo ay ku mideysan yihiin Ururadda iyo Jaaliyadaha Qurbo-joogta Puntland ee Yurub. Shirka ayaa sanadkan waxa soo qaban qaabiyay Puntland Diaspora Forum Denmark(PDFD), waxaana marti-sharafta ka qeybgalaysa kamid ah Duqa Magaalada Aarhus ee Dalka Denmar Jacob Bundsgaard, Ergo ka kala socota 10 Wada oo ku yaal Qaarada Yurub, Wakiilka Dawladda Puntland ee qaarada Yurub, Wasiir ku-xigieenkii hore Warfaafinta Dowladda Puntland iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Degaanka Magaalada Aarhus. Sidoo kale, Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Masuuliyiin iyo Ergooyin matalay Jaaliyaddaha Puntland ee…
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi kim jong un ayaa kormeeray dhoola-tus ay ciidamdiisu sameynayaan markii labaad muddo Saddex maalin gudaheed. Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dhowaan dib u dhigay dhoola-tus ay si wadajir ah u soo bandhigi lahaayeen, si loo xoojiyo dadaallada nabadeed oo ay Washinton ka dhex waddo labada Kuuriya. Kim Jong UN ayaa kormeeray goobaha ay ciidamada cirka iyo kuwa lugta ku soo bandhigayaan awoodooda Milatari, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Kuuriyada Waqooyi ee KCNA.
Madaxweynaha Dalka Masar, Abdel fattah El-Sisi, ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Diplomaasiyadeed ee ay dhowaan Magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta. Qoraal uu Madaxweyne El-Sisi, soo dhigay barta uu ku leeyahay Twetter-ka ayuu ku sheegay in uu muhiim yahay heshiiskaas, isla markaana uu Gobolka u horseedayo xasilooni, iskaashi iyo horumar. “Waxaan muujinayaa in aan aad ugu faraxsanahay heshiiska ay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya wada saxiixeen, kaas oo laysugu soo dhoweynayo xiriirkii iyo iskaashigii ka dhexeeyay labada Dowladood”ayuu yiri, Abdel Fattah El-Sisi. Madaxweyne, El-Sisi, ayaa sheegay in Dowladdiisu ay garab taagan…
Shirka ka tashiga Hindise sharciyadeedka Shirkadaha Dalka oo u dhaxeeya Guddiga Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Golaha Aqalka sare iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddiga maaliyadda iyo dhaqaalaha Golaha Aqalka sare, Wasaaradda ganacsiga iyo Wershadaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo qaar ka mid ah Xil-dhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada. Ujeeddada kulanka ayaa ahaa dhageysiga talooyinka Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaliya ee ku aaddan hidise sharciyadeedka shirkadaha, kaas oo horyaalla Golaha Aqalka sare ee Dalka. Gabagabada Shirka Wada-tashiga ee u dhaxeeyay Dowlad…
Ilo-wadareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, uu magaalada Doxa ee dalka Qatar kula kulmay saraakiil u dhalatay dalka Ruushka. Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Saraakiisha Ruushka ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin wada-shaqeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda, iyo sidii Ruushku uu uga garab siin lahaa Dowladda Soomaaliya Ciidan daacad u ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa intaas u daraya in Ra’iisulwasaaraha iyo Saraakiisha Ruushka ay isla soo qaadeen sida ugu haboon ee doorashada 2020-ka ay ugu shuban laheyd xukuumadda hadda jirta. Dhinaca kale, Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya…
Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka hadlay Doorashada 2020-2021 iyo damaca Dowladda ee ku aadan Doorashada. Mahdi Maxamed Guuleed, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Dalka oo ka hadlayay daah-furka shirka Technology-yadda oo sanadkiiba mar la qabto, ayaa sheegaya in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ka go’an tahay qabsoomida Dooraashada, ayna diyaarisay Sharciyadii Doorashada. Sidoo kale, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Dowladdu ay dhowaan furaneyso Xisbigeedii, isagoona ugu baaqay dhalinyarada inay kusoo biiraan. “Dowladda way ka go’an tahay qabsoomida Doorashada 2020-ka, waxayna ay soo wadaa Xisbigeedii weynaa, marka waxaan idin lee yahay xil dadad dooneyso xamaro Agjoog, xarago hadaa Doonee…
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta ku yeeshay xaruntooda Garoowe, ayaa Dood ka yeeshay wax ka badal lagu sameeyay Xeerar labo ah, kuwaas oo kala ah 1. Wax ka bedelka Xeerka Maalgashiga Dowlada Puntland. 2. Wax ka bedelka Xeerka Cashuuraha Dowlada Puntlnad. Kulanka oo ay soo xaadireen 38 Xildhibaan ayaa dood kaddib, waxaa cod gacan taag ah ay 33 Mudane ku ansixiyeen xeerka wax kabadelka Canshuuraha, halka 4 mudane ay ka aamuseen, 1 mudane ahna uu diiday, sidaasna uu xeerkaani ku ansaxay. Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa ansixiyey wax kabadelka Xeerka dhiirigelinta Maalgashiga Dowladda Puntland, waxaana kulan oo ay…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, oo maanta hor-geeyay Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka oo gaareysa USD 346,416,158.99 Milyan, ayaa si faah-faahsan uga hadlay sababta keentay Kororka Miisaaniyadda Puntland ee 2020-ka.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xaruntooda ayaa la hor-geeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka oo gaareysa USD 346,416,158.99 Milyan. Miisaaniyaddan oo xalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland oo kulan aan caadi aheyn yeeshay, ayaa waxaa Xildhibaanada ka hor-jeediyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, isagoona si faah-faahsan uga hadlay sababta keentay sara kaca xooga leh ee ku timid Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka.
Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garoowe ka qaybisey Burjikooyinka tashiila dhuxusha si loo yareeyo xaalufka Deegaanka. Qeybinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila oo aheyd wajigii labaad ayaa si guud looga qeybiyay Gobalada Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool iyo Bari, Burjikooyinkan la qeybiyay ayaana tiradoodu ay gaareysaa 2000 kun oo Burjiko. Agaasimaha Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ee Dowladda Puntland Cabdi Ciise Cilmi koor, oo sharaxay qeybinta Burjikooyinkan dhuxusha tashiila, ayaa sheegay inay yihiin Wajigii labaad, isagoona sheegay in Wajigii kowaad lagu qeybiyay illaa 7000 oo burjiko. Agaasimaha Wasaaradda Degaannada Puntland ayaa xusay in Burjikooyinka maanta laga…
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Bashiir Jaamac Maxamed, ayaa soo saaray war-qad ardayda loogu sheegayo in ay ilaali-yaan anshaxa ardaynimo. Waraaqda oo loo diray Guddoomiyaasha Waxbarashada Gobalada iyo Degmooyinka Puntland iyo Maamulayaasha Iskuulada, ayaa lagu faray in la ilaaliyo Anshaxa ardayda waxka barta Dugsiyada Hoose/Dhexe iyo Sare ee Degaanada Puntland. Waraaqda kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Waxbarashada Puntland ayaa si gaar ah loo faray Masuuliyiinta Waraaqdu ku socotay in si gaar ah loo ilaaliyo arrimaha ay kamid yihiin; Timaha oo aan qaab habooneyn loo jarto, Dharka oo qaab baal marsan Diinta loo xirto iyo Wax…
Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa si rasmi ah maamulaha canshuuraha Barigga ugu magacaabay Cabdiqaadir Cismaan Yuusuf, Maamulaha cusub ayaa mudo dheer ka shaqaynayay wasaarada maaliyada isaggoo dawr wayn ka qaatay kor u kaca dhakhliga iyo dhaqaalah Gobolka Karkaar. 1-8-2004 ayuu si rasmi ah shaqada wasaarada loo qoray, waxana uuna markaas ka bilaabay fuliye, 2 sano ak dib taariikhdu markay ahayd 17-12-2006 waxaa laga dhigay madaxa faraca toosan ee canshuuraha Barigga Gobolka Karkaar. 6-9-2016 waxaa si buuxda loogu magacaabay maamulaha canshuuraha Barigga Gobolka Karkaar, waxa uuna shaqadaas hayay mudo 7 sano isagoo gacan wayn ka gaystay horumarinta dhakhligga wasaarada…
24 askari ayaa dhimatay, halka 29 kalana ay dhaawacmatay kadib markii koox hubaysan ay weerar ka gaysteen bariga dalka Mali, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Ciidanka. Ciidamada Mali ayaa sidoo kale sheegay in dhankooda ay weerarka ku dileen 17 kamid dagaalyaanada, iyagoona intaasi raaciyay in ay gacanta ku dhigeen illaa 100 ruux oo looga shakisan yahay in ay xiriir laleeyihiin. Weerarkan ayaa imaanaya todobaadyo uun kadib markii 54 askari lagu dilay weerarka kale oo dalka Mali ka dhacay. Dalka Mali ayaana tan iyo sanadkii 2012’kii ladaalaa dhacayay weerarada ay mintidiinta islaamiga ah dalkaasi ka geesanyaan.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madax ka socotay Hayádda UNHCR. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa Madaxda Hayádda UNHCR uga mahadceliyey booqashadooda, waxaana uu warbixin uu ka siiyey halka ay marayaan howlaha shaqa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland iyo Arrimaha bani’aadanimo ee ay ka wadaan Degaanada Puntland. Madaxda ka socotay Hay’adda UNHCR ayaa bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, waxaana ay balanqaadeen inay xoojinayaan wada-shaqeynta iyo Taageerada Puntland. Kulanka uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland uu la qaatay Masuuliyiinta ka socotay Hay’adda UNHCR, waxaa ku wehlinayay Agaasimaha…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi, ayaa Cabdiqaadir Cismaan Yuusuf u magacaabay Maamulaha Canshuuraha Beriga Gobolka Karkaar. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Maaliyadda Puntland, kuna taariikheysnayd 16-ka bishan November, ayaa lagu ogeysiiyay Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland magacaabista Maamulaha Canshuuraha Beriga Puntland C/qaadir Cismaan.
Dagaal u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland ayaa ka socda Degmada Hadaaftimo ee Gobalka Sanaag, waxaana la maqlaya dhawaqa rasaas xooggan iyo dhawaqa hubka culus. Dadka Degaanka ayaa sheegaya in dagaalkani oo ah mid xooggan uu dhexeeyo Ciidanka labada dhinac kala taabacsan ayna, maqlayaan hugunka hubka culus. Ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga helayo dagaalkan iyo waxa sababay, dadka degaanka ayaana sheegaya inay jirto cabsi ku aadan in dagaalku uu sii xoogeysto. Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.
Koox Cilmi baarayaal ah oo u dhashay Dalka Kenya ayaa baaris ku sameeyay Qaadka laga beero dalka Kenya ee loo yaqaan Miiraa,waxaana ay soo heleen in uu leeyahay dhibaato caafimaad oo ka dhalata Bagteeriyo. Mac-hadka caafimaadka ee Jaamacadda Joma Kenyatta oo sameeyay cilmi baaristan ayaa ogaaday in cunista Qaadka Miiraa laga dhaxlo Bagteero sababta shubanka taas oo ka dhalata nadaafad darrada dadka ka shaqeeya Beeraha Qaadka. Cilmi baarayaasha waxaa ay soo jeediyeen in Maamulka Gobolka Meru sameeyaan halbeeg nadaafadeed ogolaanaya in dadka ka shaqeeya qaadka ay maraan si looga digtoonaado waxyeellada badan ee ka dhalatay cunista Qaadka taas oo asalkeeda…
Dowladda Puntland ayaa ka hadashay dilkii xalay Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland Col. Xaashi Aadan Cilmi. Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), ayaa sheegay in laba dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bistoolado ay ka dambeeyeen dilka Taliyaha, oo ay Mas’uuliyadiisa Sheegatay Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, Guddoomiye Daba-kariix ayaa sheegay in dilka markii ay geysteen Dableydu, ay eryadeen Dhalinyaro labo ah oo la shaqeeya Dowladda Puntland, balse mid kamid ah ay dhaawaceen. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa sheegay in kooxdani ay bambo ku tooreen Xarun u dhow halka uu…
Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa saaka gabi ahaanba isku geedaamay Xarumo waa weyn oo uu Magaalooyinka Berbera iyo Ceerigaabo ku lee yahay Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Saqadhi uu bixiyey amarka ay Ciidanka Boolisku kula wareegeen Xarumaha Xisbiga WADANi ee Berbera iyo Ceerigaabo. Talaabadan ayaa salka ku heysaa khilaafka xilligaan u dhaxeeya Madaxda Talada heysa ee Somaliland iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI, kaas oo todobaadkaan ka jira Magaalooyin katirsan Somaliland. Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ay shalay awood kula wareegay Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI uu ku leeyahay Magalada Hargeysa, halkaas…
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiirka amniga XF Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow. Xildhibaanadaan oo u badan kuwa dhowr jeer tagay Xafiiska Taliyaha islamarkaana waayay si loogu sharciyeeyo Ciidamo Ilaaliyo ayaa Wasiirka oo ku qaabilay Xafiiskiisa u sheegay in loo geestay xadgudubyo iyo hab dhaqan aan wanaagsaneen arintaasina aysan aqbali Karin, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in Xildhibaanadu ay Wasiirka u geeyeen cadeymo muujinaya xadgudubyo uu Taliyaha u geestay Xildhibaanada qaar, iyo in aysan heysan Ciidan ilaaliya,…
Dowladda Mareykanka ayaa ka laabatay go’aan ay aamin saneed mudo tobonaan sano ah, kaasi oo ahaa in ay sharci daro tahay deegaameenta ay Israel ka wado dhulka Falastiiniyiinta gaar ahaan Daanta Galbeed. Masuuliyiinta Falastiin, kooxo udooda xuquuqda aadanaha, iyo siyaasiyiin caan ah ayaa cambaaray’yay go’aanka dowladda Mareykanka. Xoghayaha Arrimaha Dibadea ee Dowladda Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in maamulka Trump uu qaadacay dhamaan qaraaradii hore ee sharci darada looga dhigayayay deegaameenta ay wado Israel. Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa soo dhaweeyay go’aanka maamulka Trump. Midowga Yurub ayaa dhankiisa kasoo horjeestay go’aanka Mareykanka.