Author: Jibril Qoobey

Askari katirsan Ciidanka Dowladda ayaa ku dilay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabellaha Hoose, Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu Magacaabi jiray Nuur Faarax Nuur oo caan ku ah magaca Nuur Xawaad. Dilka Askarigu u geystay Isku-duwihii Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed ee Degmada Afgooye Nuur Xawaad, ayaa la sheegay inay timid kaddib markii uu soo kala dhex-galay khilaaf la xiriira Canshuurta laga qaado Koontoroolka Baar Ismaaciil,sida uu sheegay mas’uul dhinaca Amniga ah. Wararka ayaa sheegaya in Askarigii dilka geystay gacanta lagu dhigey xilli uu isku dayayay in uu Goobta ka baxsado, waxaana haatan degan xaalada Degmada Afgooye. Dilka loo…

Read More

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo culus ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona baaraya qaar kamid ah Xaafadaha Magaalada. Howlgalka Ciidanka amniga Puntland ayaa yimid kaddib markii Magaalada Gaalkacyo xalay lagu dilay Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Puntland Col. Xaashi Aaden Cilmi. Ciidanka Puntland ayaa howlgalkooda oo ay ku goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka Taliyaha, waxaana ay ku bartilmaameedsanaya Goobo la tuhunsan yahay inay saldhig u yihiin Kooxaha ammaan-darada ka wada Magaalada Gaalkacyo. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Col. Xaashi Aaden Cilmi, iyadoona War kasoo baxay Kooxda lagu sheegay in kooxdii dilka fulisay ay…

Read More

Xubno katirsan Dowladda Federaalka iyo Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kulankan ayaana loogu gogol xaarayay shirka la filayo in maalinta Arbacada Muqdisho ku yeeshaan Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo. Kulanka Labada dhinac ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Madasha Xisbiyada Qaran iyo Dowladda Federaalka, Arrimaha doorashooyinka iyo qodobo kale, sida ay sheegayaan Ilo xog-ogaal ah. Ilo-wareedyada ayaa intaas ku daraya in kulanka lagu go’aamiyey ajandayaasha shirka Arbacada ay yeelanayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Farmaajo. Kulanka ayaa waxaa Madasha…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta kulan ku yeelanaya Xaruntooda Garoowe, iyadoona looga hadli doono Ajandayaal dhowr ah. Xildhibaanada ayaa la filaya in maanta la hor-geeyo Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2020-ka, kaas oo xalayto ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Puntland oo kulan aan caadi aheyn yeeshay xalay. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda ayaa hor-dhigaya Baarlamaanka Miisaaniyadda Dowladda ee 2020-ka oo gaareysa USD 346,416,158.99 Milyan, isagoona Golaha ka jeedin doona Khudbad la xariidha Miisaniyadda. Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa la filayaa inay soo Akhriyaan Miisaaniyadda, intaas kaddibna ay u yeeraan Wasiirka Maaliyadda, si ay u weydiiyaan Su’aalaha ay ka qabaan Miisaaniyadda, ugu dambeyna…

Read More

Dowlada Talyaaniga ayaa dib u celisay lacag gaaraysa lix malyan oo dollar taasoo la doonayay in loogaga dhiso biyo xireen magaalada Beledweyne, sida uu baahiyay Wargeyska Republic ee kasoo baxa Dalka Talyaaniga. Wargeyska Republica ayaa sheegay laalista Mashruucan ee Dowladda Talyaaniga ay timid kaddib markii muddo sannad ah ay ka warsugaysay Dowladda Soomaaliya in ay soo gudbiso Mashruuca nooca uu noqonayo. Hase yeeshee Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshablle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirka Beeraha Dowladda Federalka oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da, ayaa beeniyay in lacagahaas dib loola noqday. Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, ayaa sheegay…

Read More

Gollaha Wasiirada Dowladda Puntland oo kulan aan caadi ahayn ku yeeshay caawa Magaalada Garoowe, ayaa ansixiyay Miisaaniyada 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay USD 346,416,158.99 Milyan sanadkii, taas oo ay soo diyaarisay, sidoo kalena ay Golaha hor-geysay Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland. Kulanka oo uu Shir gudoominayey Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa sidoo kale fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay warbixin ku saabsan Miisaaniyadan cusub. Xasan Shire Abgaal oo ka hadlayay muhiimada Miisaaniyadan iyo waxa ay uga duwan tahay Miisaaniyadihii hore, ayaa tilmaamay…

Read More

Taliyihii Nabad Suggida iyo Sirdoonka Gobalka Mudug ee Dowladda Puntland Xaashi Aadan Cilmi, ayaa caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Dilka Taliyaha ayaa ka dhacay Aaga Jiiro Kuwait oo ku dhow Guriga Gobalka, waxaana dilkiisa ka dambeeyay Koox ku hubeysan Bistoolado oo aan la garanayay Heybtooda. Ciidanka Booliska Gobalka Mudug ayaa gaaray Goobta uu dilku ka dhacay, waxaana haatan socda Howlgallo lagu baadi doonayo Kooxdii dilka Taliyaha ka dambeysay. Taliyahaan la dilay ayaa  30-kii julay ee sanadkii 2016 madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas uu u magacaabay Taliyaha nabad sugida Gobolka Mudug. Dilka Taliyihii Nabad Suggida iyo…

Read More

Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug kusoo bandhigtay Khamri farabadan iyo dadkii watay oo doonayay inay soo galiyaan Degaanada Puntland. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa sheegay in Khamriga lagu soo bandhigay degmada Galdogob, uu gaarayay illaa 490 dhalo oo Khamri ah. Sidoo kale, Taliye Jaamac ayaa tilmaamay in Khamrigan lagu soo raray laba gaari oo nooca raaxada ah, lagana keenay degmada Gallaaddi ee Dowlad degaanka Soomaalida, ayna Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ku qabteen kastamka Tuurdibi. Ugu dambeyntii, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug G/sare Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in saddex ruux…

Read More

Xubno ka tirsan Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC) oo uu hogaaminayo Guddomiyaha Guddiga Guled Salah ayaa maanta kulan la yeeshay hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka socda beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi. Kulanka waxaa looga wada hadlay sidii Puntland garab looga siin lahaa hirgalinta nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah oo laga hirgaliyo Puntland muddooyinka dhow. Waxaana kulanka ka qayb galay xubno ka socda USAID, EU, DFID, Sweden, Switzerland, Germany, Denmark, SSF, InterPeace iyo Sahan.

Read More

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta wasaaradda cadaaladda, garsooka iyo arrimaha diinta ka dhageystey warbixinta waxqabadka wasaarada ee sanadkan 2019. Warbixintan sanadlaha oo dhamaan wasaarada Dowlad goboleedka Jubbaland kusoo bandhigayaan waxqabadkooda ayaa maanta lagu bilaabey wasaarada cadaaladda, garsoorka iyo arrimaha diinta taas oo ay kusoo bandhigeen wixii u qabsoomey sanadkan iyo caqabadaha jira ee loo baahanyahay in la xalliyo si loo hubiyo in adeega dowladu bulshada sidii loogu talagaley u gaarayo iyo inkale. Wasaaradda ayaa ka warbixisay sida ay u daadajisay adeegyada loo wakishay ilaa degmo iyo deegaan, waxaana ay sheegtay inay ku guuleysatay dhismaha maxkamdo…

Read More

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo katirsan Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay qorshaha lagu wada-hadal siinayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin inta badan Xisbiyada Mucaaradka Dowladda. Xildhibaan Cosoble oo wareysi siinayay Tv-ga Somali Cable, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif, uuna ka dalbaday wada-hadal. Mr. Cosoble ayaa tilmaamay in Sheekh Shariif uu si cad ugu sheegay in wixii wada-hadal ah ay dhex mari karaan xubnaha Madasha Xisbiyadda Qaranka iyo Madaxda Dowladda. Sidoo kale, Cosoble ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo…

Read More

Maxkamada Sare ee Dalka ayaa maanta u fariisatay Dhageysiga Dacwad uu Xisbiga Himilo Qaran u gudbiyay Maxkamada Sare ee Dalka Soomaaliya. Dacwada ayaa la xiriirtaa xayiraadii garoonka diyaaradaha Muqdisho lagu xayirey Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday Magaalada Kismaayo. Goobta dacwada lagu qaadayay ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xubno ka socda Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada oo dacwadda ay ka taallo iyo Xubno ka socda Xisbiga himilo Qaran. Dooda ugu horeysa ayaa maanta noqotay nuuca dacwadda iyo sida loo qaadayo taasi oo…

Read More

Wararka imaanaya Degmada Carmo ee Gobalka Bari, ayaa sheegaya in uu ka dhacay Degmadaas Iska hor-imaad u dhexeeya Ciidan daacad u ah Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan iyo Maleeshiyaadka uu hoggaaminayo Ciise Yulux ee dhowaan laga saaray Magaalada Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka daacada u ah Wasiir Gallan ay weerareen Maleeshiyo Beeleed uu hoggaaminayo Ciise Yulux oo degan Carmo, waxaana la sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray mid kamid ah Ilaalada Wasiirka amniga Puntland. Weerarkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo Gaari dagaal oo dhowaan laga qabsaday Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Gallan, ka gadaal markii Maleeshiyo…

Read More

Booliska Ismaamulka Hong Kong ayaa hareereeyay xarun jaamacadeed oo ay xalay dibad baxyaashu gudaha u galeen. Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha ayaa isku dayay in ay goobtaasi ka baxsadaan markii uu waagu baryay, balse booliska ayaa u adeegsaday gaaska dadaka ka ilmeesiiya iyo rasaasta cinjirka ka sameesan. Dibad baxyaasha ayaa maalmihii dambe sara u qaaday dibad baxyadooda rabshadaha wato, kuwaas oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Hong Kong. Dibad baxyada ayaa markoodii hore ka bilawday sharci muran badan dhaliyay uu maamulku lagalay dowladda Shiinaha, kaas oo dhigayay in dadka dambiyada ku gala Hong Kong lagu maxkamadeen karo dhul waynaha Shiinaha.

Read More

Guddooomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliland ay xilligaan nabada ku ciyareyso,isla markaana ay u adeegsaatay Xisbiga Ciidamo. C/rixmaan Cirro ayaa sheegay in Xafiiska xisbiga la geeyey Ciidamo farabada, isagoona sheegay in xilli uu xaruntasi tegayay lagu riday rasaas farabadan, mowqifkiisa aan waxba iska bedeleyn. “Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuuri”n ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI Cabdiraxmaan Cirro. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka hadlay xaalada xarunta dhexe ee WADDANI…

Read More

Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Deni, ayaa maanta loo dhaariyay Xilka. Dhaarinta Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Dekedaha Puntland oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyadda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa Goobjoog ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Deni ayaa kula dardaarmay Wasiiru-dowlaha cusub ee Dekadaha iyo Gaadiidka Puntland inuu si wanaagsan u guto shaqada loo igmaday, isagoona alla uga baryey inuu xilka u fududeeyo. Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Mudane, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo), ayaa horey u soo noqday…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u arka dal ay ka…

Read More

Xiisad ayaa saaka ka taagan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland, taas oo ka dhalatay Banaan-baxyo ay wadaan taageerayaasha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Wararka ayaa sheegaya in uu isku dhac dhex-maray Ciidanka Booliska Somaliland oo hareereyay xarunta Xisbiga Waddani iyo Taageerayaasha Xisbiga, iyadoona uu jiro khasaare ka dhashay isku dhacaas. Wararka ayaa intaas ku daraya in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI C/raxmaan Cirro, uu si xoog ah ku galay Xarunta Xisbiga oo ay Ciidamo hareeyeen. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay rasaas ku fureen taageerayaa sha Xisbiga, oo damcay inay xoog ku galaan xarunta WADDANI kaddib markii uu…

Read More

Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Shir u dhaxeeya Wasiirada Ganacsiga iyo Warshadaha Heer Federaal iyo kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo Xubno kale. Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayna marti-gelisay Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa hindise Sharciyeedka Dhismaha Shirkadaha Ganacsi ee Dalka. Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirada Ganacsiga Dowlad Goboleedyada, Guddiga Maaliyadda & Ganacsiga ee Aqalka Sare iyo Sanoter Cabdiraxmaan Faroole. Shirka ayaa qorshihiisu waxaa uu yahay in wadatashi la geliyo hindise Sharciyeedka Shirkadaha si loogu…

Read More

Taliska Hay’adda Nabadsugida dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay soo bandhigeen Nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,balse isku soo dhiibay Ciidamada Jubbaland. Saraakiisha Hay’adda ayaa Ninka Magaciisa waxaa ay ku sheegeen Rayaan Shiikh Nuuur ,balse Shabaabka dhexdooda looga yaqaano (Abuu Xamsa),isla markaana uu ahaa madaxii u qaabilsanaa dhanka gaadiidka Gobolka Jubbada Hoose. Saraakiisha Nabadsugida Jubbaland ma bixin faah faahin intaasi dheer,hayeeshee ay sheegeen in Ninkaasi uu kamid ahaa mas’uuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee ka howlgeli jiray deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose iskuna soo dhiibay Ciidamada Jubbaland. Al-Shabaab weli dhankooda kama hadlin oo ku aadan Ninkaan ay soo…

Read More

Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maanta duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Qaddo sharaf ugu sameeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland. Kulanka Qaddo sharafta ah oo ka dhacay Beeraha Jibagale oo yaalla duleedka Garoowe ayaa isugu jiray Mahad-naq iyo Is xog-wareysi, waxaana kasoo qeybgalay Badi mudanayaasha Baarlamaanka Puntland. Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ka hadlay Bilicda iyo Beeraha Puntland, iyagoona Beeniyay warbixino ay baahisay Hay’adda FAO oo ku aadanaa inay Degaanada Puntland aysan laheyn Beero. Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane oo kamid Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ay Been abuur yihiin Warbixinaha ay ka…

Read More

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah Somaliland ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in maalinta Barri iskugu yimaadaan xafiiskiisa ku yaala Magaalada Hargeysa si fariimo loogu sheego. Gudoomiye Cirro ayaa taageeraashiisa gobolka Maroodi jeex ku koobay isku soo bax ay ku muujinayaan sida uga xun yahay nidaamka loo soo xulay xubno ka mid ah guddida doorashooyinka Somaliland. “taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gobolka Maroodi jeex in barri sideeda subaxnimo iskugu yimaadan xarunta xisbiga si loogu sheego fariimo muhiim ah oo qarankan lagu badbaadinayo”ayuu yidhi Cirro oo iskugu yeedhay taageerayaashiisii. Gudoomiyaha xisbiga WADDANI waxa uu waxgaradka Somaliland ugu baaqay in…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed( Amar-dambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyey. Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka heer federaal, taliye xigeenka ciidanka xooga dalka iyo wasiirka wasaarada gaadhaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose. “Waxaan maanta safar shaqo ku tagnay Degmada Awdheegle oo ka soo ka baneysa dib-u-dhicii Shabaab ay u gesteen,dadka deegaanka iyo ciidamada xooga dalka ayaa si wadajir ah ugu shaqeya Amaanka,Dhamaan waxaan ka hirgelin doonaa mashaariic hormarineed ayuu yiri” Guddoomiye Najax. Muhiimada…

Read More

Dowladda Puntland ayaa ka hadashay maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-Shabaab oo maanta la wareegay Degaanka Gacan-maroodi oo hoostaga degmada Yubbe ee Gobolka Sanaag. Taliyaha Qeybta 9-aad ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay Gobalka Sanaag S/ Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur, ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab gacanta ku hayaan Degaanka Gacan-maroodi, isla markaasna ay ka sameysteen Difaacyo qeybo kamid ah xaafadaha Degaanka. S/Guuto Canshuur ayaa Sheegay in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qabsaday Degaanka Gacan-maroodi ay soo gaartay inay tiradoodu gaaareyso 70 dagaallame, isagoona ku eedeeyay Maamulka Somaliland inay gacan saar la lee yihiin Al-Shabaab, ayna la socdaan dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan. Sidoo kale, Waxaa…

Read More

Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed ayaa dib u dhigay dhoolatus ciidan oo ay dhaleeceeyeen Kuuriyada Waqooyi,kuwaas oo ku tilmaamay tallaabo la doonayo in lagu xoojiyo dadaalka nabadeed ee socda. Dhawaaqaan ayaa yimid manta oo Axad ah , ka dib markii xukuumadda Pyongyang ay dhowaan ku hanjabtay inay aargoosaneyso haddii dhoolatuska ciidan ee la qorsheeyay dabayaaqada bishan ay ku dhaqaaqaan Mareykanka iyo K/Kuuriya. Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper oo ka qeybgalay shir magaalada Bangkok  ee dalka Thailand’s  uga socday Wasiirada Gaashaandhigga dalalka Aasiya,ayaa sheegay in tallaabada dib u dhigista uusan u arki wax tanaasul ah,bale uu u arko dadaal lagu xoojinaayo nabadda.…

Read More

Xeer ilaaliyihii Maxkamadda sare ee Ciidamada Maamulka Somaliland Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage, ayaa kasoo goostay Somaliland, isagoona kusoo biiray Puntland. Gaashaanle dhexe Sahal Faarax Raage oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland ayaa sheegay inuu ka tanaasulay xilkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u Magacaabay ee ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Somaliland. Sidoo kale, G/dhexe Sahal Faarax ayaa shaaciyay inuu ka tanaasulay xubinnimadii uu la ahaa Ciidanka Somaliland, waxaana uu sheegay in sababta uu uga soo goostay dhanka Somaliland ay tahay Caddaalad darro. Ugu dambeyntii, G/dhexe Sahal Faarax Raage ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiray…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya Mr Juerg Eglin. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland. “Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga…

Read More

Madaxweynihii hore dalka Maerykanka Barack Obama ayaa digniin u diray musharaxiinta madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga, waxa uuna uga digay siyaasadaha aan xaqiiqda ku saleysnayn. Mr Obama ayaa sheegay in Dimuqraadiyiinta ay khatar ugu jiraan inay lumiyaan codbixiyaasha. Madaxweynihii hore oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale lagu uruurinayay ayaa waxa uu sheegay in codbixiyaal badan aysan doonayn in habka siyaasadeed la baabi’iyo . Ilaa 18 musharax oo ka socota xisbiga Dimuqraadiga ayaa u tartamaya inuu mid walba noqodo musharxii xisbiga ku matali lahaa doorashada 2020-ka ee Mareykanka. Musharaxiinta ugu cad-cad waxaa ka mid ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Joe Biden, Elizabeth…

Read More

Daraasaddan oo ay soo saartay Somali Public Agenda, ayaa ka hadashay sare-u-kaca qiimaha guryaha iyo dhulka ee magaalada Muqdisho, taasoo dhanka kale sababtay in danyarta iyo barakacayaasha laga barakiciyo meelihii ay ku noolaayeen. Daraasaddu waxay leedahay ganacsato, hay’ado, bangiyo, qurbe-joogta soo laabaneysa iyo xitaa kooxo dullaaliin ah ayaa sabab u ah in qiimaha dhulka iyo guryaha Muqdisho uu cirka isku shareero. Degmooyinka Hodan, Wadajir, Waaberi, Howlwadaag, Xamar Jajab, Xamarweyne, iyo Warta Nabadda ayaa ka mid ah meelaha ugu qaalisan ee la dego. Halkaan Riix si aad u Akhrisato warbixinta oo dhameystiran.

Read More

Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland S/Gaas Cali Nuur Cumar, oo safar ugu maqnaa Dalka Turkiga ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Taliyaha Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland ayaa dalka Turkiga u jiray muddooyinkii ugu dambeeyay xaalado Caafimaad, isagoona haatan xaaladiisa caafimaad ay soo hagaagayso. S/Gaas Cali Nuur Cumar ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha General Mohamed Abshir, kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka Asluubta Puntland oo uu hogaaminayay Taliye xigeenka Ciiidanka, Hogaanada Ciidanka Asluubta, Taliyaha Xabsiga Gobalka Mudug iyo Mas,uuliyiin kale.

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame, ayaa sheegay in xilligaan ay walwal & cabsi ka qabaan inay dalka Soomaaliya ka dhacdo doorasho loo dhan yahay. CC Warsame ayaa sheegay in walwalkaas uu ku yimid in waqti yar ay dowladda Soomaaliya madaxdeeda uu u haray hadana aysan muuqan qorsho ay ay Madaxda Dowladda u dejiyeen doorashada soo socota. “Waxaan qabnaa walwal doorasho waayo waqtiga sanad iyo waxyar ah ayaa u harsan madaxda dowladda welina lama wadaagin dadka Soomaaliyeed sida ay doorashada ku dhici karto noomana muuqato in qof iyo cod dalka ka dhacdo ayuu yiri” Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur. Isaga oo…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan degmadda Ceelwaaq ayaa la kulmay ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degmadda Ceelwaaq iyo saraakiishooda. Sidoo kale saraakiisha hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee ku sugan Ceelwaaq ayuu kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Qeybaha kala duwan ee Bulshadda Ceelwaaq ayaa kamid ah dadka kulanka lala qaatay waxaana laga wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa midnimada iyo xasiloonida dadka Jubbaland. Mudane Maxamuud Sayid ayaa sheegay in uu tegayo dhammaan degmooyinka Gobolka Gedo halkaas oo uu kula kulmayo qaybaha kala duwan ee bulshadda iyo saraakiisha ciidanka…

Read More

Dowladda Kuwait ayaa mar kale  ku baaqday in la ixtiraamo madaxbanaanida iyo xornimada siyaasadeed ee  Soomaaliya, kadib  kulan ay qayb ka ahayd oo golaha Ammaanku ka yeeshay xaaladda Soomaaliya kaasi oo ka dhacay New-York. La taliye Nawaf Al-Ahmed oo ka mid ah ergada joogtada ah ee dowladda Kuwait u fadhida Qaramada midoobay mar uu ka hadlayay shalay kulanka ayaa ku baaqay in la dardargaliyo taageerada siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee dowladda Soomaaliya, si dib loogu dhiso hay’adaha dowladda loona xaqiijiyo Amniga iyo xasiloonida dalka. Ergayga dowladda Kuwait ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaallada wax ku oolka ah ee ay wado dowladda…

Read More

Wararka naga soo gaaraya Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag ayaa sheegay in Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay la wareegeen Degaanka Gacan-Maroodi oo hoostaga degmada Yubbe. Dagaalamayaashan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 70 dagaalllame, ayaa kasoo degay buuraleyda Calmadow ee Gobolka Sanaag, sida ay sheegeen Dadka Degaanka. Wararka ayaa intaas ku daraya in Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay dhufeysyo dagaal ka sameysteen Degaanka Gacan-Maroodi oo ah mid istiraatiiji u ah isku xirka Gobalka, waxaana jirta cabsi laga qabo weerar ay ku qaadaan Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag. Qabsashada Degaanka Gacan-Maroodi ee Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysay xilli Kooxdu ay jimcihii weerar kusoo qaaday…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay hadalkii maalmo ka hor ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo xusay in laga haboonaa in ka soo yeero hanjabaad ka dhan ah dowladda Federaalka. C/qaasim Salaad Xasan ayaa wareysi uu siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay inuu rajeynayo in gacmaha la si qabsado oo aan la iska hor imaan, isagoo ku baaqay in dadlka wax loo taro, balse aan laga shaqeyn in dalka la burburiyo. “Madaxweyne hore oo xilka ka degay inuu sidaa u hadlo ma haboona oo u dhaarto dowladda waxaas ku sameynayaa yiraahdo, haddii dowladda…

Read More

Dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee bahwadaagta la ah dalka Soomaaliya sida AMISOM, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany,IGAD, Italy,OIC, Sweden, Turkey, Uganda, UNSOM iyo Maraykanka ayaa soo dhoweeyay heshiiskii ay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku gaareen caasimada dalka Kenya ee Nairobi. War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen beesha caalamka ayaa lagu sheegay in heshiiskii 14kii bishan ay ku gaareen magaalada Nairobi Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru uu ahaa tallaabo qiime leh  oo lagu xoojinayo xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya labada dal. “Waxaan ammaaneynaa dadaalada shaqsi ee ay geliyeen labada hogaamiye sidii loo horumarin lahaa xiriirka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay xubno matalayey isxilqaameyaasha howlaha Gurmadka Fatahaadaha ee qaar ka mid ah gobollada dalka iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya. Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan dadaallada gurmadka ee shacabka Soomaaliyeed ay u fidinayaan walaalahooda ku dhibaataysan fatahaadda waxa uu ka dhageystay xubnahan oo isugu jiray culimo, ganacsato iyo dhallinyaro Soomaaliyeed. Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo hoggaaminayey xubnaha guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya ee abaabulka howlaha gurmadka fatahaadaha ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey lakulankooda, waxa uuna la wadaagay ku talagalka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ay…

Read More

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa kulan la qaatey agaasimayaasha wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Dowlad goboleedka Jubbaland. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd hubinta iyo dhageysiga waxqabadka wasaaradaha iyo gudiyada madaxa banaan ee Jubbaland ayaa caawa ka qabsoomey hoolka shirarka ee madaxtooyada Jubbaland ee magaalada kismaayo. Agaasimayaasha ayaa mid mid uga warbixiyey waxqabadka wasaaradaha ay maamuulaan, sida ay u fulaan mashaariicda kusoo dhaca wasaaradaha iyo caqabadaha ay wajahaan xilliyada ay ku gudo jiraan daadejinta adeegyada bulshada. Madaxweynaha Jubbaland ayaa kadib dhageysiga warbixinta agaasimaayaasha uga mahadceliyey kuna dhiiri galiyey shaqada balaaran ee ay u hayaan bulshada…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland oo magaalada Garowe ku qabatay shir ku saabsan hanaanka isku xirka iyo wada shaqeynta Wasaarada Dawladda iyo bahwadaagta la shaqeysa kaas oo looga hadlayey Maamul daadejinta iyo Adeeg bixinta Dowladdaha Hoose. Shirka ayaa socon doono muddo laba cisha ah waxaana kasoo qeyb galay qaar kamid ah Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland, masuuliyiin ka socotay wasaaraddaha Puntland, qaarkamida shaqaalaha wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ugu horey Shirka ka hadlay ayaa marti sharafta ku soo dhaweeyey shirka, isagoona sheegay…

Read More

Dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyay Xiisaddii maalmihii lasoo dhaafay ka taagneyd Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland iyo Sidda loogu guuleystay in lasoo Afjaro. Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay  ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha Magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen. Wasiir Dhanancad ayaa sheegay in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen Magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha Magaalada mudadii…

Read More

Koox dhaqaatiir ah oo ka socotay Dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta lagusoo dhoweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Dhaqaatiirtaan oo si gaar ah uga socday urur ay ku midoobeen dhalinyarada Islaamka ee fadhigiisu yahay Sacuudiga, ayaa u yimid Puntland sidii ay howlo caafimaad oo bilaasha uga fulin lahaayeen Magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso. Masuuliyiin katirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi iyo Wasiiru-dowlaha Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Dr. Cabdulfataax Nuur Ashkir, ayaa magaalada Garowe kusoo dhoweeyay. Dhaqaatiirta oo isla maanta usii gudbay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa halkaas ka fulindoono Qalliinada casriga…

Read More

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay. Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas oo ceeb iyo xadgudub ku ah dastuurka Mareykanka. Waxaa ay sheegtay in Trump intii ay ahayd safiirka Mareykanka ee Ukraine uu ku aflagaadeeyay barta Twitterka, islamarkaana uu qoray “meelkasta oo ay tagto Marie Yovanovitch wey xumaataa sida Soomaaliya iyo Ukraine”, hadalkaas oo hadda qeyb ka…

Read More

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha waa weyn, kuwaas oo dhan 27 canshuur bixiye, ayagoo qaybtood ay xaruntoodu tahay Magaalada Garoowe, Wasaaradda ayaana ololahan wadaysa Todoba maalmood. Agaasimaha Canshuuraha Berriga Mahdi Faarax Qambi oo ka hadlay Olalahan, ayaa sheegay Diiwaangelintan ay ahmiyad gaara ah u lee dahay ganacsatada, kuwaas oo ay u fududeynayso in uu kaga qeyb-galo dhamaan Mashaariicda ka socota Puntland. Sidoo kale, Agaasime Qambi ayaa sheegay in Ganacsade kastaa oo is-diiwaan-geliya, shirkadiisa loo ilaalinayo magaca, hantidiisa gaaarka ah iyo dhamaan xuquuqaha uu ku leeyahay dowladda Puntland. Sidoo kale, Agaasimaha Canshuuraha Berriga Mahdi…

Read More

Dekedda wayn ee Magaaladda Boossaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, waxaa maanta soo gaaray Dooni siday Qaxooti cusub iyo Soomaali kasoo qaxay dagaalada ka socda Dalka Yemen. Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha u qaabilsan qaabilida iyo soo dhawaynta qaxootiga iyo Soomaalida kasoo noqonaysa colaaada ka socda Dalka Yemen, ayaa kusoo Dekada Magaalada Boossaaso kusoo dhawayey Doonidan siday Qaxootiga iyo Soomaali Dalkooda dib ugu soo laabaysa, Dadkaan oo iskugu jira qaybaha Kala duwan, sida Rag, Dumar, Caruur Iyo Waayeel. Dadkaan iskugu jira Soomaalida iyo Ajnabiga ayaa waxaa Gacmo furan kusoo dhaweyey Madaxa Xerada qaxootiga ee Magaalada Boossaaso, kuwaasi oo dekada ugu diyaariyey Adeegyada…

Read More

”Fiiri, anagu ka oromo ahaan baanu u dagaal galnay waayo waxaanu ognahay waxey tahay caburintu, waxaan aaminsanahay in aan Deegankayaga iskaayaga ugu talino; maamul wadaag federaal ahna qeyb ka noqono, ma doonayno in aan u talino Canfar ama Soomali, ma doonayno in aan farogalino arimaha gudaha ee Canfatar ama Soomalida”sidaa waxaa yiri Jawar Maxamed.. ”Waan dagaalami waana ku dhiman hadu qof Oromo ah doonayo inuu ku gumeysto, sababto ah waan ogahay halkay dadkaygu gumeysiga ka taagan yihiin”ayuu yiri markale Jawar. ”Jawar oo hadalkiisa sii wata,ayaa yiri”Maanta itoobiya, dadbaan xagooda dambiilaha koobaad ka ahay; qof na ma xadin, qofna naagtisii kama…

Read More

Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed iyo mida amni ee Soomaaliya, Isagoona sheegay inay Muhiim tahay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Doorasho waqtigii loogu tala-galay. Danjire Ben Fender OBE, oo maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kulan kula yeeshay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inay Madaxweyne Deni ka wada-hadleen Arrimo ay kamid yihiin Xaaladaha amni iyo Siyaasadeed ee Soomaaliya, Taageerada UK ee Soomaaliya, Soo celinta Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada iyo Qabsoomida Doorashada Soomaaliya waqtigii loogu tala-galay. “Waxaan yeelanay wada hadal miro…

Read More

Waxaa maalintii Sadexaad ku Xaniban Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo Maamulka Galmudug 21 Gaari oo Gargaar u wada Magaalada Baladwayne ee Xarunta Gobalka Hiiraan oo saameysay Fatahaada Webiga Shabelle. Gaadiidkan oo ay u dirtay Beledweyne Dowladda Puntland uuna dhawaan ku saagootiyey Magaalada Garoowe Madaxweyne Deni, ayaa la sheegay in Galmudug ay ka rabto Canshuur. Gadiidlayda wada Gargaarkan ayaa diiday inay bixiyaan Canshuurta Galmudug ka rabto, iyagoona ku doodaya inay gargaar wadaan oo Xumuulka ay wadaan uusan ahayn mid Ganacsi. Gadiidkaan Gargaarka sida ee Gaalkacyo lagu xanibay ila hada kama aysan hadlin Galmudug iyo Dowladda Puntland oo gaargaarkan iyadu…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa Magacaabay taliyeyaal Cusub. Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa Taliyaha saldhiga booliiska garoonka Aadan Cadde U magacaabay Cabdifitaax Bashiir Mire Cali. Taliyaha akademiyada boliiska ayaa loo Magacaabay Cabdikariin Macalin. Taliyaha Miina Baarista boliiska ayaa sidoo kale loo Magacaabay Taliye lagu Magacaabo Asad oo ahaa ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Miino baarista. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa socday Isbedelo lagu sameynaayay taliska iyo Saldhigyadda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa magaalada Muqdisho ka furay tababar la xiriira sameynta tirakoobka sharciyada dalka. Tababbarkan oo socon doono muddo labo cisho ah, isla markaana lagu baran doono habraaca sharci qorista oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caddaaladda ayaa waxaa ka qeyb galay Howlwadeenada Wasaaradda iyo marti sharaf kale. Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kula dar daarmay shaqaalaha tababarka loo furay inay ka faa’iideystaan fursadda soo martay, ayna uga faa’iideeyaan inta aan nasiibka u yeelan, ayna ka soo dhalaallaan howlaha loo igmaday. “Arrinta maanta la idinku yeeray waxa…

Read More

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa ka bilowday magaalooyin ku yaala dalka Iran waxaana dibad baxayaashu cabasho ka yihiin qiimaha shidaalka oo aad u kacay. Dibadbaxayaasha ayaa xiray dhawr xarumood oo shidaalka lagu iibiyo kuwaas oo diidan sida uu u kacay sicirka shidaalka dalkaas. Magaalooyin ku yaala bartamaha dalka Iran ayaa ah halka ugu badan ee dadka dibadbaxaya ay iskugu soo baxeen. Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay 50% gudaha dalka Iran.

Read More

Dawladda Maraykanka ayaa uga digtay sarkaalka ku duulay dawladda Libya ee la aqoonsanyahay inuu sii wado dagaalka. War ka soo baxay aqalka cad ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Washington ay ka walaacsantahay xaaladda Libya, si gaar ah duulaanka uu ku hayo sarkaalka la yiraahdo Jeneraal Khaliifa Haftar. Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay inay taageerayaan dawladda la aqoonsanyahay waxaana uu intaa ku daray in maleeshiyaadka uu wato Jeneraal Haftar ay tilaabo ka qaadayaan haddi ay dagaalka sii wadaan. Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in dawladda Rushka ay ku lug leedahay colaada Libya ka taagan…

Read More

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Amniga Guud ee Degaanada Somaliland iyo Mandaqa Geeska Afrika, waxaana uu farriin u diray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ammaanka degaanada maamulka Somaliland uu wanaagsan yahay, islamarkaana ay jiraan tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah beelaha Somaliland. Sidoo kale, Biixi ayaa xusay in Somaliland ay kamid tahay meelaha ugu Ammaanka badan Geeska Afrika marka laga eego dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho. “Maanta Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya. “Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen Guddoomiyaha cusub, ayaa waxaa hor-tagay Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC). Kulanka oo ay soo xaadireen 50 Xildhibaan, uuna Shir guddoominayay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa Taariikh nolaleedkooda looga dhageystay 7 xubnood ee Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Puntland. Intaas kaddib Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC), sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/rashiid Yuusuf. Guuleed…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday  dadka garsoorka iyo cadaaladda u doonta Al-Shabaab in ay joojiyaan, islamarkaana ay ku kalsoonaan Shaqadda ay waddo dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ah dib u habeynta Hay’addaha kala duwan ee Garsoorka. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Garsoorayaasha Maxkamada looga baahan yahay in ay kasbadaan Kalsoonida Shacabka si aysan u aadin meelaha ay jooggaan Al-Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in Dowladda ay lee yihiin Shacabka, islamarkaana ay muhiim tahay in aysan meel kale aadin inta la saxayo qaladaadka dhanka Garoorka ah. Waxyaabaha  la fahansan yahay inay dadka ku dhiiro-geliso…

Read More

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay  ku yeesheen Magaalada New York ee Dalka Mareykanka,waxaana ay ugu codeeyeen in la kordhiyo muddada cunaqabateynta ee saaran Soomaaliya. Cunaqabateyntan ayaa la xiriirta Hubka iyo Dhuxusha Soomaaliya,waxaana Goluhu ku kordhiyay muddo hal sano ah. Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale ku daray Cunaqabateynta Waxyaabaha Kiimakada ah ee loo dhoofiyo Soomaaliya oo ay sheegeen Guddiga qaabilsan arimaha Soomaaliya in laga sameeyo waxyaabaha qarxa. Qaraarkan lagu sii kordhiyay Cunaqabateynta Saaran Soomaaliya Waxaa gudbisay Dowladda UK waxaa ka aamusay Dalalka Ruushka, China iyo Equatorial Guinea ka dib markii ay sheegeen in ay ku…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka yeelanaya kulankoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen Guddoomiyaha cusub. Xildhibaanada ayaa kulankooda maanta uga hadli doona Ajandayaal dhowr ah oo uu kamid yahay Ansixinta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland ee TPEC. Kulanka ayaa waxaa Shir guddoominaya Gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Guddiga KMG ah ee e Doorashooyinka Dowladda Puntland (TPEC), ayaa waxaa magaacabay Madaxweyne Deni, iyadoona la filayo in Ansixintooda kaddib ay dardar-geliyaan shaqadooda si sanad cusub gudihiisa ay u qabtaan Doorashooyin Degaan oo qof iyo Cod ah.

Read More

Kadib munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Magaalada Addis-abab ee caasimadda Dalka Itoobiya ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo loogu guddoomay danjiraha dowladda Soomaaliya ay u magacowday dalka Itoobiya Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey. Madaxweynaha dalka Ethiopia Sahle -work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi,taasi oo qeyb ka ah xoojinta xiriirka labada dal. Waxaa ka qeybgalay munaasabadda soo dhaweynta ah diplomaasiyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Itoobiya,iyo xubno ka tirsan madaxtooyada dalkaasi Itoobiya. Wuxuuu wakiil ka noqonayaa safiirnimada Itoobiya AU iyo UNECA.

Read More