Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdkariim Xuseen Guuleed ayaa baaq ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta. Cabdikariin Guuleed ayaa war saxaafadeedka uu soo saaray waxa uu ku qoray baaqyo uu u jeedinayo xukkuumada federalka,baarlmaanka iyo xisbiyada mucaaradka. Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka uu soo saaray Cabdikariin Guuleed.
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ayaa shaaca ka qaaday in laga hortagay qarax la mid ah kii lagu dilay Injineer Yariisow oo isaga lala damacsanaa. Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha amniga ay qabteen agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax ka fulin lahaa xarunta gobolka, kaasi oo markii dambe qirtay qorshihiisa. Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna. “Sida aad la socotaan qaraxii gobolka waxaa fulisay agaasime ka shaqeeneysay gobolka, hase yeeshee waxaa markaan aniga xafiiska…
Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada amniga Dowladda Puntland iyo Ururka Al-Shabaab ayaa ka dhacay Degaanka Af-Urur ee Gobalka Bari. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday qoriga hoobiyaha kusoo qaadeen saldhig Ciidanka Puntland aay ku lee yihiin Degaanka Af-urur ee Gobalka Bari. Dadka Degaanka ayaa sheegay inay maqlayeen Rasaas xoog leh oo dhinacyadu Isku adeegsadeen. Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay Khasaare xooggan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, waxaana uu xusay in dhankooda ay kaga dhinteen Dagaalka 2 Askari, halka Labo kalena ay kaga…
Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, ayaa shalay loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaddib Doorasho gashay Labo wareeg ayna kula tartamayeen Labo Musharax. Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa 5 sanno ee ugu dambeysay kusoo biiray saaxadda Siyaasadeed ee Puntland, isagoona Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ka ahaa Madaxtooyadda Puntland xilligii Madaxweyne Gaas oo lagu tiriyo saaxiibadiisa dhow. Doorashada Abwaan C/rashiid iyo Doorka Bulshada Gobalka Sanaag. Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa degaan ahaan kusoo jeeda Gobalka Sanaag, isagoona bedelay Guddoomiyihii xilka laga xayuubiyay Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo-daareed, oo xil ka qaadistiisii…
Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa ka hadlay hadalka ka soo yeeray dhigiisa Kenya Monica Juma, taasoo sheegtay in labada Madaxweyne ay ku heshiiyeen in arrinta ICJ lagu dhameeyo qaab labada dhinac ku heshiiyaan oo la wada aqbali karo. Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da, ayaa ku adkeystay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay isla qaateen in Kiiska Badda loo daayo Maxkamada Cadaalada Adduunka ee fadhigeedu yahay dalka Holland. “horta aniga dhigeed baan ahay, Soomaalida waxey u jeceshay inay Wasiirka kale maqasho, Wasiirka dalkeedana u maqli waayaan waa Su’aalo u baahan in nafteenu fiirino,…
Wasaaradda Warfaafinta jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa soo saartay Qoraal ay ku hageyso Hey’adaha Caalamiga ah ee ka hawlgala Soomaaliya kana Shaqeeya Arimaha Wacyigalinta, Horumarinta Warbaahinta Iyo Xiriirka. Qoraal uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa waxaa Hay’adaha Shaqeeya Arimaha Wacyigalinta, Horumarinta Warbaahinta Iyo Xiriirka la faray inay u hoggaansamaan shurcuucda u degsan dalka Soomaaliya,isla markaana ay ku Shaqeeyaan. Hoos Ka Akhriso Qoraalka oo ku qoran luuqa Ingiliish-ka.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa kulan kula qaadatay Magaalada muqdisho Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah. Kulanka oo saacado badan ayaa waxaa ay uga hadleen qodobo ay kamid ahaayeen Arrimaha,Abaaraha, fatahaadaha oo soo noqday ee Wabiyada iyo qodobo kale, iyaga oo isku raacay in laga wada Shaqeeyo. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa Dowladda Turkiga waxaa ay ka dalbatay in Wasaaradda laga gacan siiyo sidii looga hortegi lahaa fatahaadaha Wabiyada ee soo laab laabtay,kuwaas oo…
Madaxtooyadda Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu muujiyay Kalsoonida uu ku qabo Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ lagu xaliyo qaab wada ogol ah. Madaxtooyadda Kenya ayaa sheegtay in Farmaajo uu kalsooni ku qabo go’aan labada dhinac wada aqbali karaan lagu xaliyo muranka dacwada Badda ee taal Maxkamada Caalamiga ah aduunka (ICJ). Madaxtooyadda Kenya ayaa soo qaadin Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ ,taas badalkeena waxay carabta ku adkeysay in arinta lagu heshiiyay in lagu xaliyo qaab wada ogol ah. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu tilmaamay in ay…
Xildhibaan Cabdiqani Faarax (Dhaashane ) ayaa ka hadlay Doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil. ”Puntland Maanta waxay heshay Madax wada shaqeysa. Waxaan Fariin Cad u dirayaa kooxda Dumis iyo Dilaal ee ka shaqeeya wax bur-burinta” ayuu yiri Xildhibaan Dhaashane.
Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 14-November-2019 shir gudoomiyahay shirka todobaadlaha ee golaha wasiirada Jubbaland oo maanta qodobo kala duwan looga hadley. Shirka golaha wasiirada ee maanta ayaa diiradda lagu saarey xaaladihii uga danbeeyey ee Siyaasadda, Amniga iyo dhaqdhaqaaqyada kasoo cusboonaadey gobolka Gedo ee ku aadan duminta dhismaha haykalka maamul iyo ciidan ee halkaas kajira kaas oo ay DFS halkaas ka wado. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo warbaahinta la hadley kadib kulanka ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Shacabka gobolka Gedo u adeegsanaayo Ciidamo Itoobiyaan. Maxamuud Sayad Aadan ayaa sheegay in Saraakiil ka tirsan…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa muujiyay kalsoonida uu ku qabo in arrinta dacwada Badda ee taal Maxkamadda ICJ lagu xallin doono qaab labada dhinacba ah oo la aqbali karo Sidda ay sheegtay Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in qaabkaasi loo baahan yahay in aysan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Munica Juma ayaa sheegtay in muhiimadda ay tahay in labadda dal ay ku heshiiyaan qaab Wada ogol ah oo Muranka badda lagu xalin karo. Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa soo qaadin Dacwadda badda ee taalla Maxkamada ICJ ,taas badalkeena…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi. Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo…
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeediyay qaar ka mid ah bulshada Soomaaalida ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa sheegay in dowladdiisu ka socon la’dahay sida uu hadalka u dhigay siyaasiyiin xanaaqsan oo shaqo doon ah. Waxaan is weydiiyey si shaqsi ah maxay tahay sababta ka hortaagan Madaxweyne Farmaajo in uu khudbadihiisa ku soo qaato dhibaatada bulshada haysata ee isagu madaxweyne u yahay. Tusaale wanaagen, Meeshii la rabey in muhiimada khudbadiisa iney noqoto dhibaatooyinka fadahaada Beledweyne & Bardaale si shacabka u la hadleyey ugu waramo xaaladda humanitarian, Nasiib daro; Madaxweyne Farmaajo khudbadiisa waxay aheyd mid u jeedinayo inuu u jawaabo Madaxweynayaashii…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyadda Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland uu maanta doortay Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl oo ay weheliyaan gudoonka kale ee baarlamanku. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u hambalyeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka, wuxuuna illaahay uga baryey inuu u fududeeyo xilka loo igmaday. Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo isna qaabilay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay.
Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya waxay sheegeen inay xireen dad looga shakisan yahay inay qalalaase ka hurinayeen jamaacado ku yaal dalkaas oo ay ku dhinteen saddex ardey, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana. Samuel Kifle oo ah wasiirka seyniska iyo waxbarashada sare ayaa sheegay in dowladda ay waddo howlgallo kale oo lagu qabanayo dad kale oo lala xiriiranayo rabashadaha. Balse ma uusan sheegin tirada dadka ee la xiray. Waxaa uu sheegay in 2 ardey ah lagu dilay rabshadaha halka tiro kalena ay dhaawacmeen kaddib markii rabshado ay ka dhaceen jaamacadda Wadiya ee ku taal waqooyiga Itoobiya. Rabshado kale ayaa ka dhacay jaamacadaha…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa u soo hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane C/rashiid Yuusuf Jibriil. Dr. C/weli Gaas oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa alle uga baryay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland inuu ku asturo xilka loo doortay, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland inay u mahad-celiyaan Eebbe oo ilaashadaan Ammaankooda. “Waxaan u hambalyaynayaa saaxiibkay cabdirashiid yuusuf Jibriil oo maanta loo doortay guddoomiyaha golaha wakiilada puntland. Allaha kugu asturo xilka laguu doortay. Reer puntland waxaan leeyahay ilaahay u mahadnaqa oo ammaankiina xagsada.” ayuu yiri Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland Dr.…
Xildhibaan C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaa ku guuleystay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo haatan kusoo gaba-gabowday xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe. Doorashada ayaa waxaa ku tartamayaan Saddex Musharrax, iyadoona wareeg labaad, kaddib markii lagu kala adkaa waayay wareegii kowaad. Wareegii labaad ee Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland waxaa ku loolamayay Labo Musharax, Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil ayaana helay 46-Cod, halka Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed oo ahaa Musharaxa la tartamayay wareega labaad uu helay 17-Cod.
Wareega Labaad ee doorashada ayaa loo gudbay waxaana u gudbay xildhibaan Cabdirshiid Yusuf jibriil oo heley 34 & Xildhibaan Cabdi Jamaal oo heley 17 cod.
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa haatan ka bilaabatay xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, iyadoona ay ku tartamayaan Saddex Musharrax oo kala ah; Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Dhahar) Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland uga qeybgalaya shir looga hadlayo Hanaanka Maaliyada Dalka, kaas oo maalmihii ugu danbeeyay u socday xubno ka tirsan Golaha Aqalka sare ee BFS. Shirkan ayaa ujeedadiisu tahay sidii wadajir looga tashado, go’aan mideysanna laga qaato sharciyada Maaliyadda Dalka. Qorshaha Maaliyadda dalka ayaa haatan maraya meel wanaagsan, iyadoo ay Beesha Caalamka iyo hay’adda Lacagta Adduunkuba si weyn u bogaadiyeen habaynta dhaqaalaha Soomaaliya. Shirkan ayaa ugu danbeyn la filayaa laga soo saaro war-murtiyeed la xiriira qoddobada shirka iyo go’aamada ka soo baxay.
Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Afar rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab. Maxkamadda ayaa waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Shuceyb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Jabaar Xuseen,halka Maxamed Cismaan Axmed & Ismaaciil Maxamed Aweys lagu xukumay Xabsi daa’in. Afartaan Dhalinyarada ah oo Maxkamadeyntooda ay soo martay heerar kala duwan ayaa waxaa loo heystaa dilal Magaalada Muqdisho loo geystay saraakiil iyo askar ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda iyo dad kale.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida ayaa sheegay in doorashada soo socta ee Soomaaliya ku dhici doonto waqtigii loogu talagalay, isaga oo meesha ka saaray dib u dhac ama muddo korarsi. “Doorashada Soomaaliya xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa ,waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da. Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in mudo xileedka dowlad walba ay…
Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka ka dhacaysa xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, iyadoona ay ku tartamayaan Saddex Musharrax oo kala ah; Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Dhahar) Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Saddexda Musharrax ayaa maalmihii la soo dhaafay waday loollan ku aaddan kala jiidashada xildhibaannada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, inkastoo doorashadan lagu tilmaamay mid ka saamayn yar tii lagu doortay Guddoomiyihii xilka laga xayuubshay Mr. Cabdixakiin Dhooba-daareed. Dadka odorasa Xaalada Siyaasadeed ee Puntland ayaa qaba in Musharixiinta haatan loolamaya uu ugu cad-cad yahay Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, marka loo eego abaabulka ol’olihiisa iyo miisaanka…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Nayroobi kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa ku bogaadiyay dareenka waddaniyeed ee ay u qabaan dalkooda iyo doorka wanaagsan ee ay ka qaataan xal u helista duruufaha ku xeeran. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, fursaha jira, caqabadaha ku gadaaman dowlad-dhisidda iyo dadaallada uu hoggaaminayo ee ku saleysan taabbo gelinta hannaan dowladeed oo maamuus leh, ayna ku faani karaan dadka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada in ay kaalin mug leh ka qaataan gurmadka loo sameynayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland, waxaana kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale. Ujeedka socdaalka Waftiga Wasiir Beyle ee Garoowe ayaa ah ka qeyb-galka shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garoowe, kaas oo looga hadlayo Hannaanka Maaliyadda Dalka, ayna marti galisay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/rixmaan Ducaale Beyle, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ka qeybgalo shirkan looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka, kaas oo…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ka daah-furay xarun lagu keydin doono Kalluunka iskaashatada EYL. Wasiir Faarax Cawaash ayaa ka hadlay qorshaha Wasaraaddu ay ku horumarinayso Kalluumaystada Xeebaha Puntland iyo guud ahaana suuq-geynta Kheyraadka Badda, isagoona sheegay inay ka go’an tahay in la kordhiyo wax soo saarka Kheyraadka Badda.
Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta furay dhageysi si toos ah looga daawanayo taleefishinka oo ku saabsan in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump iyo in kale. Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa isku dayaya inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in madaxweynaha uu ku xadgudbay awooddiisa si uu dano siyaasadeed ugu gaaro. Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Ukraine William Taylor iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Yurub iyo Eurasian George Kent ayaa ku hor marqaati furaya guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada. Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu eedeynayaa inuu celiyey gargaar dhan 391 milyan oo dollar oo Mareykanka ugu talo-galay Ukraine, isaga…
Ciidamada Israel ayaa mar kale maanta duqeymo ka fuliyey magaalada Gaza, halka dagaal-yahanada Falastiin ay gantaalo ku qufeen Israel. Saraakiisha caafimaadka Falastiin iyo kooxda Islamic Jihad ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhinteen laba qof, taasi oo tirada dhimashada guud ka dhigeysa 12, tan iyo markii rabshadaha ay billowdeen Talaadadii. Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in dagaal-yahanada Falastiin ay kusoo rideen in ka badan 200 oo gantaal. Illaa hadda lama sheegin cid ku geeriyootay gantaallada, inkasta oo ay sababeen burbur xooggan. Gantaallada ayaa bilowday ayada oo looga jawaabayo duqeyn ka dhacday Gaza, oo ay Israel ku dishay taliye ka tirsanaa…
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida dalka Itoobiya. Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Jigjiga kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamed Aadan. Gudoomiye Mursal ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Addis Ababa, kadib markii uu Casuumaad ka helay dhigiisa dalka Itoobiya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Jigjiga kulamo kala duwan la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshadda iyo Maamulka Dowlad…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeyb galay Xafladda Ambabixinta Gurmadka Puntland u dirtay dadweynaha magaaladda Beledweyne oo dhowaan ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaaddii Webiga Shabeelle. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa xafladda lagu sagootiyey gurmadka loo diray Beledweyne, ku weheliyey xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Degmada Garoowe iyo kan Gobolka Nugaal, Culimo iyo Ganacsato kasoo shaqeysay Gurmadkan iyo qaar ka mid ah Dhallinyaradii doorka ku lahaa. Gurmadka maanta loo ambabixiyey Beledweyne oo intiisa badan laga soo ururiyey Boosaaso, waxaa uu ka koobanyahay 20 Gaari oo nooca xamuulka qaada ah, oo…
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe, ayaa ku dhawaaqay inay soo gaba-gaboobday diiwaan-gelinta Musharixiinta u taagan qabashada Af-hayeenka Baarlamaanka. Guddoomiye Axmed Jaamac, ayaa sheegay inay isku-diiwaangeliyeen tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland oo la filayo inay berry dhacdo Saddex Musharax, kuwaas oo kala ah; 1- Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yusuf Jibriil. 2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar). 3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo dhici doonta berrito oo…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal kooban oo maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Ilaalida Kantaroolka iyo Maleeshiyo Beeleed uu hoggaaminayo Nin lagu magaacabo Ciise Yulux oo kamid ahaa Hoggaamiyihii Kooxihii Burcad-badeedka. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas uu sababay Dhimashada 2 kamid ah Maleeshiyaadka iyo Dhaawaca Saddex askari oo soo kala gaaray Labada dhinac, waxaana haatan degan xaalada Magaalada Boosaaso ee xudunta Puntland. Dadka Degaanka ayaa inoo sheegay in Maleeshiyo beeleedku gudaha u galeen Magaalada Boosaaso, iyagoona xirtay aag, waxaana jira Ciidamo kamid ah kuwa difaaca Dowladda Puntland oo…
Wararka ka imaanayo magaalada Dhiridhaba ee bariga Itoobiya ayaa sheegaya in hadda magaalada laga maqlayo rasaas xooggan kaddib markii rabshado ay halkaas hareeyeen. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Dhirdhaba ayaa BBC u sheegay in xiisad ay ka taagan tahay halkaas, rabshadaha waxay u dhexeeyaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada. Waxaana hadda magaalada la geeyay militariga Itoobiya si ay xiisadda u dejiyaan kaddib markii booliska ay ku guuldareysteen inay ka hortaggaan colaadda. Goobjoogayaal ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dhimasho ay jirto balse aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rabshadahaas. Rabshadahan ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan…
Maalmahan Caasimadda Dalka Qatar ee Dooxa waxaa shir ku lahaa Guddiga isku xirka iyo dib u howl-gelinta heshiiska adeegsiga shaqaalaha ee Labada Dal, waxaana xalay Guddigu uu saxiixay qorshe how-leedka lagu fulinayo heshiiska waxaana ka mid ah; In Labada Dal is-weydaarsadaan liiska shirkadaha ka shaqeeya arrimaha la xiriira qaadista shaqaalaha Dalka dibeddiisa loo qaadayo.Waxaa la isla gartay in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka hesho shaqaalaha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka ee lagu qaban doono Dalka Qadar Sannadka 2022-ka.Dawladda Qadar waxay adkeynaysaa ahmiyadda ay leedahay in Shaqaalaha Soomaaliyeed uu u furanyahay suuqa shaqada ee Dalka Qadar.Waxaa la isla gartay in la…
Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa howlgallo culus ka wada duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaddib markii Kantaroolka Boosaaso ay saaka weerareen maleeshiyo beeleed. Maleeshiyaadka weeraray Kantaroolka Magaalada Boosaaso ayaa ka kicintimay Degmada Carmo, iyagoona isku dayay inay si xoog ah ula wareegaan Kantarool, waxaana ay iska cabin kala kulmeen Ciidanka Ilaalada Kantarool, iyadoona markii dambe ay gaareen goobta Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland. Wararka ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya Ciidanka amniga Puntland iyo Maleeshiyo Beeleed uu ka socdo Duleedka Magaalada, waxaana jira khasaare Dhimasho iyo Dhaawac. Saraakiisha ammaanka oo la hadlay Idil News, ayaa sheegay in Maleeshiyo beeleedkan…
Diiwaan-gelinta Musharrixiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa sida qorshaysan la soo geba-gabaynayaa maanta oo Arbaco ah. Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, ayaa maalmihii la soo dhaafay diiwaan-gelinayay musharrixiinta u tartamaysa qabashada xilka guddoomiyaha Baarlamanka. Saddex Musharrax oo kala ah; Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Saalax Dhahar iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa ilaa iyo hadda si rasmiya isu diiwaan-geliyay tartanka Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland oo la qorsheeyay in ay dhacdo Khamiista berriya. Guddoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa Khamiistii hore xilka laga qaaday, kadib markii ay mooshin ka gudbiyeen 44 xildhibaan…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Paris kulan kula qaatay xoghayaha guud ee wariyaasha aan xudduuda laheyn, Christophe Deloire. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Christophe Deloire oo goob joog uu ka ahaa agaasimaha Afrika ee wariyaasha aan xuduudda laheyn, Arnaud Froger, ayaa looga hadlay dardar gelinta dadaallada dowladdu uga hor tegeyso dhibaatooyinkaloo geysto Wariyeyaasha ku nool Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliyeed cidna aysan ka oggolaaneyn in lagu xad gudbo warfidiyeennada oo ah indhaha bulshada. Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa hoos u dhacay dhibaatooyinka ay la kulmaan warfidiyeennada, waxaana dowladda Soomaaliyeed…
Hillary Clinton ayaa sheegtay in uu saran yahay cadaadis ah in mar kale ay latartanto madaxwaynaha haya talada Mareykanka ee Donald Trump, kaas oo uga guulaystay doorashadii dhacday sadaxsano kahor. Musharaxii hore ee Dimoqoraadiyiinta ayaa iska diiday in ay markale tartanto doorashada soo aadan iyadooa BBC’da u sheegtay in aysan mar danbe tartami doonin. Mrs Clinton, oo 72, sano jir ah ayaa sheegtay in waqti walba ay ku fakarto waxa ay qaban lahayd hadii ay noqon lahayd madaxwaynaha Mareykanka, doorashadii dhacday sanadkii 2016’kiina ku garaaci lahayd Trump. Inkastoo ay Clinton ku adkeesanayso in aysan tartameen haddana Dimoqoraadiyiinta doorashada soo aadan…
Dowladda Mareykanka ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaacisay in tixgelin gaar ay siin doonto dowladda aan weli la aqoonsan ee Somaliland. Mareykanka ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay nidaam kayd oo wanaagsan, gaar ahaan dhanka Hay’daheeda, isla markaana ay tixgelin gaar ah siin doonto Dhukumintiyada ka soo baxa Hay’daha Somaliland. Wasaarada arrimaha dibedda ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Dhukumintiyada dhalashada, kuwa guurka iyo dhimashada, ee ka soo baxa Somaliland ay u aqbalayaan qofka marka uu dalbanayo dal ku gal dalkooda. Wasaarada ayaa qoraal ay Mareegteeda internetka ku baahisay, ku xustay in nidaamka keyd ee dowladda federaalka…
Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka Bolivia ayaa Talaadadi ayidday in haweeneyda la yiraahado Jeanine Anez ay noqoto madaxweynaha kumeelgaarka ah ee dalkaasi, saacado kaddib marki uu madaxweynihi hore ee Bolivia Evo Morales ka dagay dalka Mexico kuu ka helay magangalyo siyaasadeed. Jeanine Anez oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga mucaaridka ugu jira golaha Senetka ee dalkaasi ayaa ku adkeystay in aysan jirin cid kaga sarreysa sharci ahaan in ay noqoto madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kaddib marki ay horay isu casileen madaxdi ka sarreysay. Mudanayaasha xisbiga madaxweyne Morales ayaa qaaddacay sheegashada madaxtinimada ee Anez, iyaga oo ku sababeeyay in kooramka fadhigi baarlamaanka uu…
Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi. Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xariiri karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya. UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka. “Maalgelinta dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa inay ka mid tahay dadaallada la doonayo in lagu gaaro Himilooyinka Horumarka Qaranka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood looga hadlayay gaaridda hadafyada horumarka waara ee 2030, ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseeda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida…
War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe. Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya shalay oo Taariikhdu ku beegneyd 12/11/2019 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen hal Xubin oo ka tirsanaa,isla markaana weerarkaas aysan waxyeelo kazoo gaarain dad rayid ah. Mareykanka ayaa sanadkaan…
Taliyaha Sirdoonka dalka Nigeria Axmed Rufaaci ayaa shalay booqasho qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoo amnigiisa si aad ah loo adkeeyay, intii ay socotay howsha soo dhoweyntiisa. Taliyaha Sirdoonka Nigeria Axmed Abuubakar Rufaaci iyo Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin uu dhex maray kulan gaar ah, ayaa ka wada-hadlay iskaashiga labada hey’adood iyo sidii ay isku weydaarsan lahaayeen khibradaha la xiriira dhanka la dagaalanka Argagixisada. Qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa booqasho shaqo oo laba maalin ah ku yimid Muqdisho Agaasimaha Sirdoonka Naajeeriya (NIA) Axmed Abubakar Rufaaci, isagoo kulan laqaatay dhigiisa Soomaaliya Fahad Yasin, waxayna…
Meel wanaagsan ayuu marayaa dhismaha Dekedda Garacad,waana la aasay xeebta oo shubkii ayaa lagu bilaabayaa,hoos ka daawo muuqaalka oo kooban. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Warbixin uu daabacay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaasha Dalalka Soomaaliya iyo Kenya heshiis ka gaareen Xiisadii labada dal eek u saabsaneed muranka Badda. Heshiiska Labada dhinac oo uu salka ka riixiyay Maamulka Donald Trump ee Mareykanka, ayaa lagu saxiixay Magaalada Nairobi, kaddib markii uu halkaas gaaray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shir QM ay soo diyaarisay oo maanta furmay. “Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagey caasimadda dalka Kenya ee Isniinta isagoo ka duulaya shirweynaha Qaramada Midoobay ee horumarinta. Laakiin wuxuu…
Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa uu hakiyey Shaqooyinkii Ay dalka ka hayeen laba hay’adood oo kala ah Media Ink iyo Perspective Media ,kuwaas oo kamid ah Hay’adaha ka howlgalla Soomaaliya. Wareegto uu ku saxiixan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Al-Cadaala ayaa lagu shaaciyey in la hakiyey Shaqooyinkii ay dalka ka hayeen labadaasi Hay’adood. Shaqo hakinta labadan Hay’adood ayaa la sheegay inay timid kadib markii ay raaci waayeen nidaamka ay Wasaaraddu u dejisay hey’adaha ka shaqeeya warbaahinta ee Ku sugan gudaha dalka. Hay’adaha Media Ink iyo Perspective Media ayaa waxaa ay ka Shaqeeyaan Arrimo la xiriira…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Horumarka iyo Dadweynaha oo ka furmay magaalada Nayroobi ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal muuqda gelisay awoodsiinta dhallinyarada iyo in ay kaalin hoggaamineed ka qaataan dalka. Madaxweynaha ayaa la wadaagay madaxda, masuuliyiinta iyo ka qeyb galayaasha shirkan dhibaatooyinka sinnaan la’aanta dhanka bulshada ee adeegyada dadweynaha iyo dhaqaalaha, waxa uuna adkeeyey mowqifka joogtada ah ee Dowladda Soomaaliya ay ka taagan tahay taageeridda Olalaha Caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo horumarka iyo hiigsiyada barwaaqo-geynta dadweynaha. “Waa inaan aqbalnaa in ay jiraan caqabado aan wadaagno oo ku…
Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo muddo soo ahaa xoghayaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta shaaciyay inuu yahay musharax u tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamanka ee Puntland oo la filayo in la doorto Khamiista soo socota. Xildhibaan Cali Dhahar ayaa ballan qaaday inuu hoggaamin doono Baarlaman ka madaxbanaan Xukuumadda, haddii loo doorto Xilkan.
Xasan Daahir Aweys oo maxbuus u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar culus oo afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed horeyna ay iskala tirsanaayeen Maxaakiimtii islaamiga. Xasan Daahir Aweys ayaa Sheekh Shariif ku eedeeyey inuusan isaga cadowga iyo mooryaanta ka saarin Muqdisho, balse uu isaga si fudud ku helay xilka uuna meel cidlaa uga tagay dadkii shaqadaas qabtay. ”Siyaad Barre si fudud ayuu xilka ku helay si baasna waa uga tagay, waxaana sidaas oo kale la mid ah Shiikh Shariif oo meel sahlan ka helay haddana meel cidlaa uga tagay,…
Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadada booqasho labo maalmood ah ka billaabi doona Waddanka Mareykanka kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa waddankaas Donald Trump, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Anadolu. Warkan ayey wakaaladdu kasoo xigatay waaxda isgaarsiinta ee dowladda Turkiga, Madaxweyne Erdogan ayaa Arbacada kulan wadahadal ah la qaadan doona Mr Trump, isagoo ka arrinsan doona dhammaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladaha ka jira gobolka, gaar ahaan waddanka Suuriya, sida ay sheegtay waaxda isgaarsiinta ee xukuumadda Ankara. Bayaanka ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Turkiga iyo Mareykanka ay isla meel dhigi…
Marka laga hadlayo arrinta doorashada iyo weliba sida ay suurto-gal u noqonkarto waa mid aad u xasaasi ah ayna adagtahay in la rumaysto soomaaliya in ay gelikarto doorasho qof iyo cod ah. Shakhsi ahaan waxaan ahay dadka aaminsan in ay adagtahay doorasho qof iyo cod ah in ay ka qabsoonto wadankan, iyada oo la sameeyo dhowr arrimood oo mubiim ah mooyee. Arrimha aan aaminsanahay in ay hortaaganyihiin doorshada ama adkaynaya ayaa ah dhawr qodob oo inta badan ay macquultahay in ay dadku ila qabaan. Xuduudihii waddanka oo aan xidhnaynTiro-koob sax ah oo aan laga hayn bulshada soomaaliyeed. Dhul ay adagtahay in…
Agaasimaha Machada Arrimaha Siyaasadda ee Heritage C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa ka hadlay xaaladaha siyaasadeed ee uu dalku galay maalmihii la soo dhaafay, isagoo sheegay in Soomaaliya aanay xiiso u qabin dagaal siyaasadeed. Mr C/rashiid ayaa sheegay in xaalada siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda iyo mucaaradka ay hoggaaminayaan Madaxweynayaal hore inay mareyso meel halis ah. “Soomaaliya xiise uma qabto dagaal siyaasadeed maadaama boqolkiiba siddeetan muwaadintiinta Soomaaliyeed ay ku nool yihiin saboolnimo halka boqolkiiba 79% carruurta Soomaaliyeed iskuul ma aadaan”ayuu yiri qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku qoray. Waxaa uu sheegay in Xiisada siyaasadeed ee jirta, shakiga iyo is eedeynta u dhaxeysa dowladda…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo gaaray dalka Faransiiska ayaa waxaa uu halkaasi kula kulmay Madaxweynaha dalkaas Emmanuel Macron. Kulanka oo ahaa mid soo dhaweyn ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal,horumarka ay Soomaaliya garatay iyo taageerada Faransiiska ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Madaxweynaha Faransiiska waxaa uu uga mahad celiyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyey Magaalada Paris. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalka Faransiiska waxa uu u tegay ka qeyb-galka shirka Nabada Paris oo looga hadlayo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan. Kulanka ayaa labada dhinaca inta ay ku guda-jireen ay kaga wadahadleen arrimo la xiriira siyaasadda, nabadgelyada, bani’aadannimada iyo dhaqaalaha. Wasiir Cawad waxa uu soo dhoweeyay mowqifka wanaagsan ee Qaramada Midoobey ay ka taagan tahay taageeridda tallaabooyinka dowladda ee ku wajahan mideynta Soomaalida si loo gaaro himilada dadka, isagoo caddeeyay in ‘”kulamada noocan oo kale ah ay xoojinayaan kaalinta…
Warbixintii u dambeysay ee ay soo saareen Golaha Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka arrimaha Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimo kala duwan, sida canshuurta Al-Shabaab ka qaadaan Ganacsatada, hubka sharci darada, mamnuucida Dhuxusha iyo arrimo kale. Golaha Khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in lacago loo adeegsaday doorashadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacday Koofur Galbeed. Warbixinta Golaha uu soo saaray oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka koobneyd illaa 161 Bog. 82 Xildhibaan oo Maamulka Koofur-Galbeed ka mid ah ayaa la keenay magaalada Muqdisho bishii November 2018 si midkiiba loo siiyo $5000, isla markaana loo…
Ciidamada Israel ayaa dilay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Jihaadul Islaam ee ay taageeraan Iiraan Ka dib weerar ka dhacay Marinka Gaza oo lgu bartilmaameedsaday ninkasi. Dilka sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Baha Abu Al-Atta ,ayaa dhacay xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yiillay degmada Shejaia ee Gaza waxaana sidoo kale duqeyntaasi lagu dilay haweeneey,halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale. Duqeyntaasi ka dib tiro gantaallo ah ayaa lagu weerarary deegaanada dadka Yuhuudda ee ku dhow Gaza, mana jiraan faahfaahin ku saabsan khasaraha gantaaladaasi oo ka yimid madaxda Isra’il.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Maanta waxaa uu ka qeyb-geli doonaa shir ka furmaya Magaaladaas. Shirkan oo socon doona mudo laba Cisho ah ayaa waxaa hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA), iyada oo lagu jaangooynayo qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa uu kulamo ducoeedyo kala duwan uu la yeelan doonaa madaxda ka qeyb-galeysa Shirka Dadweynaha…
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhageysiga dacwadda uu u soo gudbiyey xisbiga Himilo Qaran ee ku saabsan xayiraadii safar ee lagu sameeyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Baashe oo haatan booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa u sheegay laanta afka Soomaaliga ee VOA in dacwada Xisbiga Himilo Qaran u soo gudbiyay Maxkamadda Sare maalmaha soo socda la dhageysan doono. Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe ayaa sheegay in maxkamadda sare ay tahay mid madax bannaan oo dacwad qaadi karta balse ma sheegin taariiqda saxda ah…