Author: Jibril Qoobey

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa ku dhintay, mid kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib weerar lagu qaaday qaar kamid ah dadka Dhuxusha Shida oo ku nool deegaan hoostaga Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Weerarka oo ka dhacay Deegaanka Dhagtuur oo qiyaastii 120-KM dhinaca koonfureed ka xiga Magaalada Galkacayo, ayaa la sheegay inay geysteen maleeshiyaad deegaanka ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay horay ugu amreen inay joojiyaan dadka dhirta jaraya ee dhuxusha ka sameynaya, hayeeshee ay taasi ka dhega adeeygeen, isla markaana ay keentay in xalay saqdii dhexe weerar ay ku qaadaan. Qofka dhintay ayaa la sheegay inuu kamid…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nairobi, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan…

Read More

Ciidamada Ammaanka Dowladda Puntland ayaa Wadada Imaam-nawawi ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland kasoo saareen Qarax Miino oo lagu aasay. Qaraxan Miino oo ahaa mid weyn, ayaa loogu tala-galay in lagu waxyeeleeyo Shacabka isticmaala Wadada Imaam-nawawi oo ah mid aad u mashquul badan. Sidoo kale, Ciidamada ammaanka Puntland ayaa wada hawlgal balaaran oo lagu baadi-goobayo cidii aastay Qaraxan, ayaa hadda ka socda Xaafadaha Magaalada Boosaaso oo dhan ah. Ma jirto cid loo qabtay qaraxaas ilaa iyo hada, waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidanku ay bartilmaameedsanayaan Goobo gaar ah. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Dawlad-Gobaledka Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 28-aad ee kalfadhigga 1-aad ayaa kulankooda ku falanqeeyey saameynta ay dadka Jubbaland ku yeelatay fatahaadda webiga Jubba. Kulankan oo ay soo xaadireen 39 Mudane waxaa shir guddoominaayey guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Jubbaland mudane Cabdi Baalley Xuseen, waxaana diiradda lagu saaray sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadda iyo roobka dayrta. Xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa ballan qaaday lacago tadawucaad ah oo ay ugu deeqayaan dadkii ay fatahaadahan saameeyeen iyaga oo sidoo kale laamaha kala duwan ee dawladda, ganasatada iyo bulsha waynta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qayb ka qaataan gurmadka loo…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, kana mid ahaa Ra’iisul Wasaarayaashii dalka soo maray ayaa nasiib daro ku tilmaamay sida loola dhaqmay madaxweynayaashii hore ee soo maray dalka, isagoo ugu baaqay dowladda inay dejiso xiisadaha siyaasadeed. Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in Madaxdii hore ee dalka soo xukumay ay mudan yihiin in la ixtiraamo. “Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u…

Read More

Booliska Hong Kong ayaa rasaaseeyay dibad baxayaal iskubaxay, waxaana jira khasaaro ka dhashay. Warar laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa sheegaya in dhaawacyada 3 ruux oo ay rasaas ku dhacday la geeyay. Goob joogayaal ayaa sheegay in askari boolis ah uu rasaas ku riday dhawr qof oo isku dayday inay xoog ku jiirto jidgooyo ay ciidamadu sameysteen. Xaafadaha qaar Hong Kong ciidamada ayaa gaaska dadka ka ilmeysiiya u adeegsanaya dibadbaxayaal rabshado sameynayay. Al Jazeera English✔@AJEnglish Hong Kong police opened fire at protesters – and it was captured live on Facebook. 1,62411:46 AM – Nov 11, 2019Twitter Ads info and privacy2,070 people…

Read More

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah. Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir. “Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka. Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels…

Read More

Turkey ayaa masaafurisay Jihaadi Mareykan ah, toddoba kale oo Jarmal ahna waxaa la filayaa inay cayriso dhammaadka toddobaadka, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha. “Hal jihadi oo ah dagaal-yahan argagixiso American ah ayaa laga masaafuriyey Turkey kadib markii uu dhameystay hanaanka” ayuu yiri Ismail Catakli, sida ay ku warantay wakaaladda wararka dowladda ee Anadolu. “Sidoo kale barnaamijka safarka ee toddoba qof oo u dhashay Jarmalka ayaa lagu soo geba-gebeeyey xarmaha masaafurinta. Waxaa la masaafurin doonaa 14-ka November,” ayuu yiri. Turkey ayaa sidoo kale masaafurin doonta 11 qof oo Faransiis ah oo lagu qabtay dalka Syria, sida uu…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalada Nairobi kaga qayb-gelaya Shirka Dadweynaha iyo Horumarka oo ay soo qaban-qaabisay Qaramada Midoobey. Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka. Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka…

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatey Wafdi kasocday hay’adda IOM oo uu hogaaminayo Mr Matthew DeCristofano IOM oo gacanta ku haysa xarunta DDR ee dhaqan celinta ee Kismaayo ku taala taas oo lagu dhaqan celiyo Dagaalamayaasha kasoo xarooda kooxda Al-Shabaab. “Waxaan rabnaa inaan yareyno khatarta Al-Shabaab marabno in dhalinyaro soomaaliyeed intaa ka badan xabad ku sii dhintaan ayagoo fikrado khaldan aaminsan, Sidaa daraadeed waa in loola dhaqmaa sida ugu haboon ee lagaga dhaqi karo fikradaha ay aaminsanyihiin ee ay dadka ku gumaadayaan” ayuu yiri Madaxweynahu. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in isla xisaabtan dhab ah ay…

Read More

Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso, ayaa xukuntay laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah, halka eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ay isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Ugu dambeyntii, Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso, waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuca Dayactirka Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo Wadada Isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo ay waxyeelo kasoo gaartay Roobabkii dhowaan ka da’ay Puntland. Dayactirka Wadada Garoowe-Boosaaso iyo Garoowe-Laascaanood oo Madaxweynuhu ballan qaaday in Dowladdu ka shaqeynayso sidii dhakhso wax looga qaban lahaa, ayaa wakhtigii loo qorsheeyay maanta ka bilowmay deegaanka Sin-ujiif ee duleedka Garoowe. Mashruucan oo lagu dayactirayo Wadada isku xirta Garoowe-Boosaaso iyo tan kale ee isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, waxaa uu ka koobanyahay dhowr weji oo kala ah in la dhiso dhammaan meelihii ay wadadu ka burburtay, kadibna…

Read More

Wafdigii Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa u dhoofay garoonka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, kaddib muddo saacado ah oo lagu xanibay garoonka Diyaaradaha Muqdisho subaxnimadii hore ee saaka. Wafdiga ka socda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Madasha Sheekh Shariif, ayna wehlinayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xubno kale, ayaa saaka lagu xayiray amar kasoo baxay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin kamid ah Maamulka Garoonka. Go,aankan ayaa sababtay jawhareer, waxaana madaxdii hore iyo wafuudii la socotay ay ku adkeysteen in aanay garoonka ka bixi doonin, illaa…

Read More

Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay Roobkii deyrta oo ka da’ay deegaano katirsan gobolka Baay,waxaana uu saameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo adeegyadii degmadaas. Badi dadkii ku noolaa degmada Bardaale ayaa u barakacay duleedka degmadaas,waxaana sidoo kale xirmay oo ay biyo xireen Isbitaalka degmada Bardaale oo aan xilligaan Shaqeyn. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku tegay Bardaale ayaa sheegay in Isbitaalka Bardaale ay biyo buux dhaafiyeen,isla markaana xilligaan uusan Shaqeyn. Gurmadyo kala duwan ayaa la gaarsiinayaa dadkii ka barakacay daadadka ka dhashay roobabka ee degmada Bardaale ee Gobolka Baay,kuwaas…

Read More

War goor dhow soo baxay ayaa sheegaya in xiisad ka taagan tahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii Maamulka Garoonka uu amar ku soo rogay in aanay ka dhoofi karin wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo maanta ku soo jeeda Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in la xanibay diyaaraddii ay wafdiga raaci lahaayeen, kaddib amar dowladda ka soo baxay Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynayaashii hore oo xilligan ku sugan garoonka loo diidan yahay safarkooda Beledweyne, isla markaana ay tahay arrin la siyaasadeynayo. “Labada Madaxweyne safarkooda gurmadka Beledweyne ee maanta…

Read More

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inuu ka xun yahay qaabkii xilka looga qaaday Guddoomiyihii Baarlamanka ee Dowladda Puntland oo khamiistii ay codka kalsoonida kala noqdeen 49 Xildhibaan. Wasiirka Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa u sheegay warbaahinta iney Dhoobo-daareed u aqoonsanyihiin nin reer Somaliland ah, Soona dhaweynayaan haddii uu u imaanayo.

Read More

Dalka Kenya waxaa la soo saaray dhawaan natiijada tirakoobkii dalkaasi laga sameeyay,waxaana arrintan ka dhashay muran iyada oo ay jiraan qaar ka mid ah qoomiyadaha oo dareemaya in natiijada ay tahay mid aan sax ahay islamarkana aanay xaq ahayn. Sida ku cad natiijada tirakoobka waxaa dalka Kenya imika ku nool shacab gaaraya 47.6 milyan , taasi oo micnaheedo tahay in tan iyo 2009-kii ay tirada ku darsantay 9 milyan.Balse qaar ka mid ah gobolada ayaa waxaa hoos u sii dhacday tirada dadka ku noolaa. Nitiijadan ayaa waxaa ka dhalan kara muran, sababtoo ah tirada shacabka ku nool gobolada kala duwan…

Read More

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya in dowladda ay Ciidamo ka qorotay Gobolka Mudug ee dhinaca dowlad Goboleedka Puntland. Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu sheegay in dadka wararka beenta faafiyay ay lacag ka doonayan Dowladda Federaalka, hayeeshee ay arrintaas ku fashilmeen sida uu hadalka u dhigay. Isaga oo hadalkiisa sii wata, Guddoomiye Axmed ayaa tilmaamay in wax xiriir ah uusan ka dhexeeyn Maamulka Gobolka Mudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana aysan jirin wax ciidan ah oo deegaanadaas laga qoray. Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa…

Read More

Warbaahinta casriga ee ay bulshadu ku xariirto ayaa saamayn badan ku yeelatay qaabka ay dadku u kala war-qaataan, arrintan ayaa ah mid walaac ku abuurtay waalidiinta iyo sharci-dejiyayaasha caalamka. Sababta walaacan keentay ayaa ah qaabka fudud ee dhalinyaradu ay ugu xirmeen baraha xariirika bulshada. Tiktok, ayaa ka mid ah baraha xiriirka bulshada ee sida weyn ay u xiiseeyaan da’yarta caalamka, waxaana wararku ay sheegayaan in barta TIKTOK oo laga leeyahay dalka Shiinaha ay soo dejisteen Balaayiin dhalinyaro ah. Sharcidejiyaayasha Maraykanka ayaa walaac badan ka muujiyay saamaynta ay ku yeelan karto nabadgaliyada iyo dimuqraadiyadda shacabka Maraykanka. Dhalinyaradda badan oo Soomaaliyeed ayaa…

Read More

Muddada xil-haynta guddiga doorashooyinku waxa ay dhammaaneysaa 4 bil kaddib marka ay dhammaato xil-haynta madaxweynaha & Baarlamaanka” Sida uu dhigayo qodobka 9aad ee Sharciga uu kudhisan yahay Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranku muddada xil-haynta ee GMDQ waa 6 sano oo aan la soo cusbooneysiin Karin, taas oo kabillaabaneysa maalinta Baarlamaanku Ansixiyo xubnaha guddiga doorashooyinka.Haddaba Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu ansixiyey 9-ka xubnood ee guddiga doorashooyinku ka kooban yahay 6-July-2015, sidaas awgeed muddada xil-haynta Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranku waxa ay ku egtahay 6-July-2021. Sida ay qabaan qodobada 60aad iyo 91aad ee Dastuurka kmg ah Muddada xil-haynta Golayaasha dowladda federalku sida Xukuumadda (Madaxweynaha) iyo Baarlamaanku…

Read More

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa magacaabay Taliyaha Booliska cusub ee AMISOM kaas oo shaqada billaabay Jimcihii shalay. War ka soo baxay Midowga Afrika ayaa xilka Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM qeybtooda Booliska loogu magacaabay Augustine Magnus Kailie, oo ka soo jeeda dalka Sierra Leone. Francisco Madeira, oo ah Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya sidoo kalena ah madaxa Howlgalka AMISOM ayaa u hambaleeyay taliyaha cusub ee shalay shaqo billaabay. Booliska AMISOM ayaa tababara Booliska Soomaaliya,waxaa ay dabagal ku sameeyaan howlaha Booliska Soomaaliya,waxaa ay kala qeybqaataan howlgallada qaarkood, iyagoona ay kala taliyaan howlgallada qaar. Kailie, ayaa dhinaciisa…

Read More

Milatariga Mareykanka ayaa ka hadlay muuqaalkii  ugu dambeeyay ee ay baahisay Al shabaab,kaas oo uu laga duubay Hoggaamiyaha Al shabaab Axmed Diiriye Cumar Abuu Cubayda oo sagootiyay dagaalameyaashii fuliyey weerarkii Balidoogle, kaas oo dhacay bishii September ee sanadkan aynu ku jirno ee 2019-ka. Agaasime ku xigeenka howlgalada ee taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM loo soo gaabiyo Miguel Castellanos, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Al shabaab ee ah in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidanka Maraykanka, wallow uu xaqiijiyey dhaawaca hal askari oo Ameerikaan ah.“Marka ay dharbaaxo ku dhacdo argagixisadda waxa ay isku dayaan in ay ku qariyaan been…

Read More

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Ciidamo dhawaan sheegay inay ka goosteen Jubbaland ayna ku biireen dowladda Federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Xamar. Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay  jiraanka Cidamo uga biiray Dowladda Federaalka, balse aysan ahayn wax weyn. “Horta Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa jooga hal ciidan, oo ah ciidanka Soomaaliyeed, oo ammaanka ilaaliyo, oo waajibaadkiisu uu yahay la dagaallanka Al-Shabaab. Waxaa jira ciidan dhallinyaro ah, oo ka tirsanaa ciidankii Beledxawo oo aaday magaalada Luuq, iyaguna waxay u tageen ciidankoodii kale oo jooga Luuq, wax dhib ah oo ka…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa ka qeybgalay Shirka 18aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic oo ku qabsoomay Magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, socday maalmaha 7-8 November. Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Afrika iyo kuwa Nordic ayaa ah madal sanadeed si furan ay labada dhinac u doodaan. Kulanka oo loogaga hadlay habka xoojinta nabadda, ammaanka, ganacsiga iyo maalgeshiga ayaa waxaa ka qeybgalay 29 dowladood oo Afrikaan ah iyo wadamada Nordic sida Norway, Sweden, Denmark iyo Finland. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caaamiga ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay wadamada Nordic…

Read More

Maxkamadda Darajada kowaad ee Ciidanka Qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa fulisay xukunka shan xukamane oo ay Maxkamaddaha ciidamadu ku heleen inay kamid ahaayeen kooxaha Argagixisada ah ee Al- Shabaab iyo Daacish. Raggan oo lagu toogtay duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa horey Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaanka ugu xukumeen dil, waxaana la xaqiijiyey in la fuliyey saacadihii hore ee maalintii Khamiista. Xukumanayaasha dilkooda ay fuliyeen cutubyo katirsan Ciidanka Difaaca Puntland ayaa kala ahaa; 1-Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah. 2-Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah. 3-Sheikh Cabdi Cabdulqadir Sheikh oo 22 jir ah.…

Read More

Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey’ad gargaar oo uu isaga leeyahay. Lacagtaas ayaa Madaxweyne Trump la sheegay in uu u adeegsaday ololihiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka. Hey’adda Donald J Trump Foundation ayaa la xiray sanadkii 2018-ka, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump. Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey’addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur…

Read More

Shirka looga hadlayo sidii loo dhameystiri lahaa Shuruuc Shan ah oo kasoo gudubtay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana wadatashi laga sameeyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS, ayaa ka furmaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Guddoomiyaha Maaliyadda, Dhaqaalaha ganacsiga iyo Warshadaha ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Sanoter Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer) iyo Xubno ka socday dowlad goboleedyada ka jira dalka ayaa soo gaaray shalay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Madaxweynihii Hore ee Puntland ahna Senator katirsan Golaha Aqalka Sare Dr. Cabdiraxmaan Faroole ayaa wafdiga soo dhaweeyey, waxaana ay halkaasi…

Read More

Isu soo bax ayaa ka socda magaalada Gaalkacyo, kaasoo madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Puntland looga codsanayo in la sii daayo dhallinyaro ku xiran dalka Cuman. Dhallinyarada ayaa loo xiray tuhun la xiriira burcad badeenimo, waxaana la soo sheegayaa iney xaalad adag ku haysato xabsiga dalka Cumaan. 5 kamid ah dhallinyarada ku xiran xabsiga Cuman ayaa la soo sheegayaa iney silcin iyo caafimaad darro ay ugu geeryoodeen xabsiga dhexdiisa.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Wasaarada Haweenka ayaa laga dhagaystay Xaalada haweenka Jubbaland iyo shaqooyinka la xiriira hormarinta haweenka ee Wasaaradu ay wado. Guddiga dhakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta hanaanka kobcinta dakhliga iyadoo guddigan laga sugayo Qorshaha Cusub ee hirgalinta kobcinta dakhliga kaas oo wax badan ka tari doona dhaqaalaha Jubbaland. Wasaarada Macdanta iyo biyaha ayaa soo bandhigtay sida ay deegaanka saamayn ugu yeelanayso dhagaxa dhulka laga qodo taas oo qiimayn lagu samaynayo kadibna Wasaaradu ay go’aano Cusub kasoo saari doonto.

Read More

Madaxweynihii hore ee soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu si faahfaahsan uga hadlay dhismaha iyo dib u habeynta lagu sameynayo Ciidamada qalabka sida, isagoona sheegay in hay’adda Nabadsugida ay xiligan bilowday inay qorato ciidamo cusub, waxaa uuna arintaasi Ku tilmaamay in khatar amni ay ka dhalato Shiikh Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in uu cabsi badan ka qabo qaabka loo qorayo Ciidankan cusub ee nabad suggida ah oo qaarkood dalka dibadiisa tababar loogu qaaday, isagoona xusay in ciidamadaasi lagu soo tababaray dalalka Eritrea iyo Ethiopia Madaxweynihii hore…

Read More

Barlmaanka Dowladda Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa xilkii ka xayuubiyey Gudoomiyahii Barlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-dareed, 49 mudane ayaa u codeeyey xil ka qaadista Gudoomiyaha barlamaanka 4 xildhibaana waa ka aamuseen 53 xubnood ee koramka fadhiday. Xildhibaanada ayaa mooshin xilka looga qaaday Mr. Dhooba-daareed u cuskaday eedeymo dhowr ah, kuwaas ay kamid ahaayeen: 1: In uu xarunta Golaha soo dhoobay malayshiyaad uu soo urursaday, islamarkaana uu jebiyay qodobka 55-aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada. 2: In uu ilaalo hubaysan la soo galay hoolka shirarka ee Baarlamanka oo sida ay sheegeen mamnuuc ka ah, in lala soo galo hub…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka xilkii ka xayuubiyey Gudoomiyahii Barlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-dareed, 53 Xildhibaan oo fadhiga soo xaadiray ayaa 49 Mudane u codeeyeen xil ka qaadista Gudoomiyaha barlamaanka, halka 4 xildhibaana ay ka aamuseen. Khamiista 14-ka Bishan ayaa la shaaciyay iney dhacayso Doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamanka Puntland. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanaka ayaana ku dhawaaqay Xubnaha Guddiga Doorashada oo ka kooban.

Read More

Xildhibaanada Golaah Wakiilada oo kulan aan caadi aheyn ku leh xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhooba-daareed. Kulanka oo ay soo xaadireen 53 Xildhibaan, ayaa waxaa Shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Baarlamaanka Puntland Abukaate C/caziiz, iyadoona Golaha la hor-dhigay Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Dhooba-daareed oo ay saxiixeen 44 mudane. 49 xildhibaan ayaa ogalaatay xil ka qaadista Guddoomiyaha, 4 xildhibaan ayaa ka aamusay, sida uu ku dhawaaqey Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdulaahi. Xildhibaanada ka gudbiyay Mr. Dhooba-daareed Mooshinka xilka looga qaaday ayaa ku eedeeyay, arrimo ay kamid yihiin: 1:…

Read More

Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo loo yaqaan (Abwaan Cabdirashiid) ayaa loo saadaalinaya in uu beddelo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, haddii uu xilka banneeyo Cabdixakiin Dhoobo, sida ay sheegayaan xeel-dheerayaasha falanqeeya arrimaha siyaasadda Puntland. Abwaan Cabdirashiid ayaa kamid dadkii u tartamay doorashadii guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, 4-Jannaayo ee sannadkan oo uu ku guulaystay Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) , inkastoo Mr Jibriil uu xiligaasi helay 5-cod oo keliya. Marka laga reebo hadal-haynta falanqeeyaasha siyaasadda ee la xiriirta in Abwaan Cabdirashiid u sharraxanyahay xilka guddoomiyaha golaha wakiilada, haddana ma jirto meel uu xildhibaankaasi weli ku xaqiijiyay in uu sharraxanyahay iyo xataa meel uu ku beeniyay…

Read More

Xildhibaanada Golaah Wakiilada ayaa kulan aan caadi aheyn ku leh xarunta Baarlamaanka ee Garoowe, kaas oo looga hadlayo Mooshin laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhooba-daareed. Xildhibaanada ayaa la filayaa in marka uu soo dhamaado kulankooda, ay cod u qaadaan Mooshinka xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamanka (Dhoobo daareed), iyadoo Ay mooshinkaasi saxiixeen 44 xildhibaan. Saxaafadda ayaa banaan-joog ka ah kulanka ay lee yihiin haatan madanayaasha Baarlamaanka, iyadoona la filayo in Goor-dhow loo fasaxo. Wixii Kasoo Kordha kala soco Idil News.

Read More

Ciidanka Dowladda Puntland ayaa abaaro 1:00 habeenimo ee xalay si rasmi ah ula wareegay Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, taas oo fiidnimadii hore ay ka dhacday Is rasaaseyn, kaddib markii ay qabsadeen xarunta maleeshiyo aan u diiwaan-gashaneyn Dowladda, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Maxamed Muuse “Gacmey”. Sidoo kale, Xildhibaan Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa loo diray saqdii Dhexe ee xalay inuu jiro kulanka khamiislaha ah ee Golaha oo uu awal fasax galiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Dhoobo-daareed, wallow aan la cadeyn ajandaha Golaha. Wararka ayaa sheegaya in kulanka Golaha Wakiilada Puntland ee maanta la…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Sarreeye Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo iska hor-imaad caawa ka dhacday xarunta Golaha Wakiilada Puntland ee caasimadda Garoowe oo khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ka dhashay. Taliyaha ayaa sheegay in malayshiyaad aan u diiwaan-gashayn dowladda uu Guddoomiyaha Baarlamanku kusoo daabulay xarunta Golaha, kadibna ay rasaas ku bilaabeen saraakiil halkaasi waan-waan u tegay.

Read More

Taliyaha qeybta Booliska ee Gobalka Nugaal Muumin Cabdi Shire, ayaa sheegay iney Weerarkii caawa ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada Puntland ay ka danbeeyeen Ciidamo maleeshiyaad ah oo uu sheegay iney heystaan Xarunta Baarlamanka ee Garoowe. Taliye Muumin ayaa xusay iney goobta tageen saraakiisha Ciidamada Booliska & Daraawiishta, kadibna Xabadda lagu bilaabay, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu sheegay in weerarkaas lagu dilay askari katirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, halka kuwo kalena lagu dhaawacay , Taliyaha ayaana intaas ku daray in Xarunta qeyb kamid ay weli ku jiraan Maleeshiyaad uu sheegay inaan heybtooda la garanayn. Si kastaba ha ahaatee, Xaalada…

Read More

Iska hor imaad u dhaxeeyey ciidamada Dowladda Puntland ayaa caawa ka dhacay xarunta Baarlamaanka Puntland ee magaalada Garowe. Maamulka Isbitaalka guud ee Garowe oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ilaa hada loo keenay Sadex nin oo dhaawac oo mid kamid ah uu yahey Ganacsade caan ka ah Garowe oo lagu magacaabo Dhagawayne iyo hal Askari oo dhimasho ah. Labada Ciidan ee dagaalku dhexmarey ayaa kala ah Ciidamada ilaalada Xarunta Baarlamaanka iyo ciidamo kale oo aan la sheegin halka ay ka tirsan yihiin. Xaalada ayaa hada ah mid dagan iyado magaaladu ay sideedi hore kuso laabatey. Wixii kasoo kordha Kala…

Read More

Dagaal culus ayaa ka dhacay Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, kaddib markii uu is hor-imaad dhex maray Ciidan daàcad u Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku sugan xarunta Golaha maalmahan iyo Ciidamo ay amartay Madaxtooyaddu. Dagaalkan ayaa socday daqiiqado kooban, lamana oga khasaaraha ka dhashay. Wixii kasoo kordha kala soco Idil News

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Garoowe wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo ku-xigeenkiisa Johan Svensson. Kulanka uu Madaxweynuhu kula qaatay xafiiskiisa safiirka dalka Iswiidhan ee Soomaaliya ayaa waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ugu horayn Safiirka kusoo dhaweeyey Puntland, waxa uu uga mahadceliyey doorkii dowladda Iswiidhan ku lahayd dib u dhiska Soomaaliya iyo guud ahaan horumarada kala duwan ee ay dalka ka geysteen. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa…

Read More

Nadia Mohamed oo ah Gabar dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed ayaa sameysay taariikh habeennimadii Tallaadada kaddib markii ay ku guuleysatay in ay ka mid noqotay golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City ee dalka Mareykanka. Nadia oo ah gabar 23 sano jir ah ayaa noqon doonta qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah iyo qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku biirtay Golaha deegaanka magaalada St. Louis Park City. ”Sababta keentay in aan u tartamo kursiga ayaa ah aniga oo aamisan in aan aheyn is badal keeni kara ayeey tiri Nadia Mohamed” Nadia ayaa heshay codadka 63% kiiba iyadoo ka guuleysatay…

Read More

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire Cabdullahi Maxammed Odowaa ayaa kulan laqaatay Madaxda ugu sarreysa Bisha-Cas ee Dalkaasi. Kulanka ayaa ku saabsanaa sidii ay hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ugu qeyb qaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo Dadkii ay waxyeelladu kasoo gaadhay Roobabka iyo fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle. Hay’adda Bisha Cas ee Dalka Kuwait ayaa lagu wadaa in ay gargaar  soo gaarsiiso qoysaska ay saameeyeen  fatahaadaha gaar ahaan musiibada ka taagan Magaalada Beled-Weyne ee Gobolka Hiiraan. Bisha Cas ee Dalka Kuwait oo ka jawaabeysa codsiga Safaaradda Soomaaliya ee Dalkaasi ayaa waxay ballan…

Read More

Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), kaas oo ay wadaan Mudanayaal katirsan Golaha Wakiilada Puntland. Mooshinkan oo ay dabada ka riixayso Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa hadal-heyntiisu taagneyd tan iyo wixii ka horeeyay furitaanka Kalafadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo furmay 26 bishii hore ee October, wallow ay jireen dadaalo ay wadeen Isimo iyo Siyaasiyiin oo la doonayay in la isugu soo dhaweeyo Guddoomiyaha iyo Xubnaha labada Gole ee is khilaafsanaa muddooyinkii ugu dambeeyay. Abaabulka Mooshinkan oo horey uga Madax-banaana Madaxweyne Deni ayaa dhowaan waji kale yeeshay kaddib…

Read More

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa xilalka looga qaaday xubno ka tirsan wakiillada Soomaaliland u fadhiya dibadda . Wareegtadan oo ku kala summadaysnayd JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, ayuu sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xilal ugu magacaabay xubno kale, waxa ayna u dhignayd sidan:- Wareegtooyin Madaxweyne XIL KA QAADIS Ku: Maxamuud Cabdi Dacar Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska Ku: Sulub Warsame Xuseen Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway Ku: Cabdalla Muuse Axmed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya…

Read More

Dibadbaxayaasha dalka Lubnaan ayaa isku hareereeyay dhismooyinka ay ku shaqeeyaan wasaaradaha dawlada ee ku yaala magaalada caasimada ah ee Bayruut iyo magaalooyinka kale ee waa weyn. Abaabulayaasha banaanbaxayaasha ah ayaa sheegay inay doonayaan inay joogsadaan hawlaha dawlada intii ay kusii socon laheyd musuq maasuq. Dhismooyinka aan maanta loo shaqo tagin ee banaanbaxayaashu xireen waxaa ka mid ah wasaaradda cadaaladda waxaana ay codsadeen in isla xisaabtan la helo. Todobaadkii lasoo dhaafay R/wasaare Sacad Al-Xariiri ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii ay xoogeysteen dibadbaxyada xukuumadiisa looga soo horjeedo

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Denmark, Jeppe Sebastian Kofod oo maanta booqasho ku yimid dalka ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga iyo xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Denmark ee dib-u-kabashada dalka. Wasiirka arrimaha dibadda Denmark oo ka mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran ayaa sheegay in iskaashiga labada dowladood uu aad muhiim ugu yahay wiiqidda xagjirnimada, argagixisada, adkeynta amniga guud ee dalka iyo dhisidda mustaqbal u suurta galinaya dhallinyarada inay helaan shaqooyin iyo fursado dhaqaale iyo in carruurtu Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho. Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Kheyre,…

Read More

Dowladda Puntland ayaa heshiis cusub la gashay dalka Masar, kaas oo la xariira dhinaca Waxbarashada. Heshiiskan ayaa waxaa Puntland uu saxiixay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee maamulkaasi, Cabdullaahi Maxamed Xasan oo isaga iyo wafdi la socda ay booqasho ku joogaan dalkaasi. Wasiirka oo Qaahira kula kulmay, Dr. Daariq Showqi oo ah wasiirka waxbarashada dalka Masar ayaa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac, gaar ahaan horumarinta waxbarashada ee deegaanada Dowladda Punland. Sidoo kale heshiiskan cusub ayaa dhigaya in illaa lix iskuul ay dowladda Masar ka furato Puntland, kuwaas oo ay dhigi doonaan macalimiin Masaari…

Read More

Hogaamiyaha ururka Al-Shabaab, Axmed Diiriye Cumar [Abuu Cubeyda] ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu arkay muuqaal dheer oo ay baahisay kooxdiisa gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida. Inkasta oo si toos ah aan loo arkeyn wajigiisa, Abuu Cubeyda, ayaa sida caadada ah waxa uu muuqaalka ku bilaabayaan codkiisa. Fariintiisa oo si toos ah ugu socotay shacabka Mareykanka ee canshuurta ku taageera ciidamadooda ayaa wuxuu u sheegayaan “in ay dib eegis ku sameeyaan halka iyo qaabka ay ku baxdo lacagahooda”. Axmed Diiriye oo Amiirka Al-Shabaab ah tan iyo 2014-kii ayaa muuqaalka waxaa kaliya lagu arkayaa gacmahiisa iyo garbaihiisa. Labadaas qeybood ayaa soo…

Read More

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ayaa maanta oo Arbaco ah fasax saddex maalmood ah u diray xildhibaannada golaha wakiilada Puntland. Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa ku wargeliyay mudanayaasha, in ay fasax yihiin laga bilaabo Khamiista berriya ilaa maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda, wakhtigaasi oo dib la isugu soo laaban doono, si ay u sii socdaan hawlaha Baarlamanka. Golaha ayaa saaka magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo soo uruurin doona nuxurka warbixinno kala duwan oo maalmihii la soo dhaafay laga dhegaystay guddi-hoosaadyada Baarlamanka.Xubnaha cusub ee la magaaacabay, ayaa Isniinta todobaadka soo socda la dhegaysan doonaa xog-uruurinta…

Read More

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin waxaa ay kasoo saartay inay ka dhici karaan fatahaado iyo daadad deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in Saadaasha Roobka ee labada Maalin ee soo socota ay macquul tahay inay da’aan roobab xoogantaasi oo keeni karta daadad iyo fatahaado horleh. Roobabka ayaa Wasaaradu sheegtay in loo badinayo inay ka da’aan Dhulka Sare ee Itoobiya taas oo markasta sababta inay kordhaan fatahaadaha wabiyada dalka, sidoo kalena la filayo inay kor u kacaan heerka Biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ee Gobolada Hiiraan iyo Gedo.…

Read More

Booliska dalka Thailand ayaa sheegay in ugu yaraan 15 ruux  ku dhinteen weerar ay koox hubaysan ka geeysteen koonfurta dalkaasi. Taliyaha Booliska ayaa sheegay in weerarka uu sigaar ah kaga dhacay fariisin ay ciidamada amaanku ku leeyihiin gobolka Yala ee koonfurta dalka Thailand. Wargayska Bangkok Post ayaa sidoo kale wariyay in weerarka ay ku dhinteen 11 ruux kuwaas oo afar kamid ah ay ku geeriyoodeen isbitaalka gobolka Yala. Kooxda islaamiyiinta ee gooni goosadka ayaa tan iyo markii ay bilaabeen ololahooda sanadkii 2004’tii waxaa dhintay dad gaaraya 7,000 oo ruux.

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bisha soo socota ee December ee dhamaadka sanadkan ku dhawaaqi doonta bixinta shatigii u horeeyay ee shidaalka Soomaaliya ee laga sahmiyay Xeebaha dalka. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Soomaaliya ay dooneyso inays oo jiidato shirkadaha maalgashiga ee caalamka Isagoo ka qeyb galayay shir ka dhacay magaalada Capa Town ee dalka Koofur Afrika ayuu sheegay in ay soo bandhigi doonaan illaa 15 xirmooyin shidaalka ah, isagoo xusay in shirkado badan ay ku tartami doonaan sanadka 2020. Waxaa uu sheegay in sahankii dhowaan la sameeyay xeebaha…

Read More

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaalka raggii weeraray 30 September Saldhigga Ciidamada Mareykanka ee Balli-doogle, waxaana muuqaalka ku jira Amiirka Al-Shabaab oo la dardaarmaya raggii weerarka geystay. Muuqaalkan oo soconaya ku dhowaad 50 daqiiqo ayaa amiirka Al-Shabaab waxaa uu farriin hanjabaad ah u diray Mareykanka, waxaa uu sheegay in xarunta ballidoogle ay tahay halka laga soo abaabulo weerarada Muslimiinta, kana soo duulaan diyaaradaha Drones. Abuu Cubeyda ayaa sheegay in hadafkooda ugu weyn uu yahay Saldhigga Ballidoogle ee Mareykanka. “Hadafka ugu weyn ee aan beegsaneyno waa Mareykan, Murtadiin hadda ma dooneyno, waxa aan u socono oo aan hadda beegsaneyno oo intaan…

Read More