Guddiga Xuquuqul Insaanka Baarlamaanka Puntland ayaa warbixin u gudbiyey Xildhibaannada Golaha Wakiilada,taas oo la xiriirta heerka Xuquuqda Insaanka iyo dembiyadii ka dhacay lixdii bilood ee la soo dhaafay gudaha Puntland. Warbixintaan oo uu Akhriyey Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Sahal ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland ay ka dhaceen 3387 dembi lixdii bilood ee la soo dhaafay oo ay kamid yihiin 56 dembi oo kufsi ah. Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in in dadka Shacabka ah ay Ciidamada iska xiraan sanado ama bilooyin, iyada oo aan wax maxkamad la ah la marsiin, iyaga oo tusaalo u soo qaatay dad u xiran…
Author: Jibril Qoobey
Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday olalaha Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiim Axmed Maxamed “Dhoobo-daareed”, waxaana kulamo aan loo kala kicin ay ka socdaan Hotelada Magaalada Garoowe. Mooshinkan oo ay hor-boodayaan Wasiiro katirsan Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Xildhibaano, ayaa qorshihiisu yahay in todabaadka soo socda la hor-geeyo Golaha Wakiilada Puntland, si codka Xasaanada loogu qaado Guddoomiyaha. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in illaa iyo hada ay mooshinkan saxiixeen mudanayaal gaaraya 26 Xildhibaan, kuwaas oo diidan hab-dhaqanka Guddoomiye “Dhooba-daareed”. “26 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan ka dhanka ah Guddoomiye Dhooba-daareed,…
Boqor Cabdirashiid Cumar oo kamid Isimada Puntland ayaa Booqday Xafiiska Congresswoman Ilhan Omar oo ah Xubin laga soo doorto Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka. Booqrka Cabdirashiid ayaa Xildhibaanad Ilhan Cumar uga Waramay Safarkiisa Woqooyiga Maraykanka uu ku soo gaadhay iyo weliba xaalada Guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Sidoo kale, Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa uga mahad-celisay Boqorka booqashadiisa, iyadoona sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay doorka Isimadu uga jiraan Nabadda, Xasiloonida iyo Hormarka ka socda Degaanada Puntland, oo ay asal ahaan kasoo jeedo Xildhibaanadu. Boqor Cabdirashiid Cumar oo ka qeyb-galay Shirka Hogaamiyaasha dhaqanka ee Magaalada New York lagu soo…
Dekadda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda waxaa caawa ka baxday Doontii ugu horaysay oo sida xoolo una sii jeeda Dalka Imaaraadka Carabta. Doontan ka furatay Dekedda Boosaaso ayaa waxaa saaran Xoolo dhan 3,990 neef, iyadoona noqonaysa Doontii ugu horaysay ee ka baxda Dekadda Boosaaso Tan iyo markii lagu soo Rogay Xayiradda xoolaha nool ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku guuleystay inuu meesha ka saaro Shirkadda PDG ee gacanta ku heysay Qandaraaska Logistics ee Ciidanka Badda Puntland (PMPF), oo ay taageero dhaqaale iyo Tababaro ay siiso Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Talaabada looga qaaday Qandaraaska Logistics Ciidanka PMPF Shirkadda PDG, ayaa ka dambeysay kaddib khilaaf soo kala dhex-galay Shirkadda iyo Saraakiisha Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee gacanta ku haya Ciidanka, kuwaas oo PDG ku eedeeyay Musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin. Sidoo kale, Saraakiisha Imaaraadka Carabta ayaa wacad ku maray inay joojinayaan taageerada Ciidanka Badda Puntland, hadii aan meesha laga saarin Shirkadda PDG, taas…
Xildhibaan Axmed Kuluc oo kamid ah Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland ayaa ka hadlay xaalada Guud ee Soomaaliya, isagoona Dowladda Federaalka ugu baaqay inay cadeyso habka loo galayo Doorashada Dalka.
Taliyaha Ciidanka Maraykanka ee Taliska Afrika Jeneraal Stephen Townsend ayaa maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Taliyaha oo uu weheliyo arrima-fuliyaha safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya Brian Néubert, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Taliska Maraykanka ee Afrika. Booqashada Jeneraal Townsend ee Soomaaliya ayaa ah tiisii labaad tan iyo intii uu xilka qabtay bishii Julaay. Waxaana intii uu Soomaaliya joogay uu la kulmay madaxda Soomaaliya iyo ciidamada Maraykanka, isagoo kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dimuquraadiyeynta dowladda Puntland Maxamed Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo ay weheliyaan Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Puntland iyo Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada ayaa kormeer shaqo ku tagay Xerada Bixin ee duleedka Garoowe ay ku leeyihiin Ciidamada Daraawiishta Puntland. Wasiiraka wasaarada Arimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuquradiyaynta Dawlada Puntland Maxmed abdirahmaan Dhabancad, ayaa ka warbixiyay Dadaalada ay Dawladdu wado ee ku Aadan Tayaynta Ciidamada Puntland.
Wasiirka Hawlaha guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse (Cirro), oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa soo saaray awaamiir ku aadan isticmaalka wadooyinka ay horay roobabku wax yeelada ugu gaysteen. Wasiir Cirro ayaa sheegay in la joojiyay dhamaan safarada xiliga habeenka ah ee Gaadiidka, kadib markii uu sheegay in uu burbur badan soo gaaray wadooyinka, laguna jiro wakhti roobaadkii.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin ayaa maanta lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Wasiirada, waxaana dhaariyey xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa kula dar-daarmay Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, Isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan waxkasta oo hoos u dhac ku keenaya shaqadooda, taas oo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay qalin bedelashada ardayda dufcadda 7-aad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe. Ardayda qalin bedelatay ayaa dhan 190 arday, waxaana ay ka kala bexeen todoba kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha Jaamacadda. Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka Jaamacadda Bariga Africa, Ismo, nabadoono, waalidiin waxgarad iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Deni ayaa hambalyo, dardaaran iyo duco usoo jeediyey ardayda ka qalin bedelatay heerka koowaad ee Jaamacadda Bariga Africa faraca Garoowe. “Runtii waa maalin farxad weyn waa maalin aan la qaybsanayno ardayda waxbarashada heerka koowad ka gudubtey…
Cuqaasha iyo Nabaddoonada Gobalka Bari ayaa Golaha Wakiilada Dowladda Puntland u gudbiyay cabasho ka dhan ah duqeymo bishii hore ka dhacay Degaano katirsan Gobalka Bari oo lagu laayay dad rayid ah. Qoraalka cabashada ah ee ka soo baxday in ka badan 20 xubnood oo kamid ah Cuqaasha iyo Nabaddoonada Gobalka Bari, ayaa manta la horgeeyay Baarlamanka ,waxaana mudanayaasha u akhriyay Xoghayah Golaha Wakiilada Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame. Qoraalka waxaa lagu sheegay in 25-October ee sannadkan ay diyaarado duqeeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa togga Cameyra ee Degmada Isku-shuban oo ka tirsan Gobalka bari , halkaasina lagu dilay laba qof…
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 11aad ee Kalfadhiga 6aad, iyada oo uu shir Guddomiyay Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullaahi. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Wax-ka-badalka Xeerka Iibka iyo Qandaraasyada Qaranka iyo Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyeedka Furdooyinka. Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Dhaqaalaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Aqalka Sare si ay…
Dawlada Burkina Faso ayaa ciidamadii ugu badnaa geystay gobolka Saaxil oo koox hubeysan ay xalay ku dileen xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka dalkaas. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ciidamadu bilaabeen baarayaan cidda ka dambeysay dilka xildhibaanka oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalada laga soo doorto Dijobo iyo caasimada dalkaas ee Woogaduuga. Ciidamada ayaa baaraya gaadiidka wadada maraya waxaana ay su’aalo weydiinayaan dadka degan magaalada weerarku ka dhacay. Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cumaaru Diko ayaa u socday caasimada dalkaas waxaana goob joogayaal sheegeen in kooxdii dilka geysatay ay baxsatay markii ay xildhibaanka toogteen. Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda…
Madaxweynaha Dalka Iran Xasan Ruuxaani ayaa maanta daah furay mashruuc hor leh oo lagu hormarinayo warshadahooda Nukliyeerka. Madaxweyne Ruuxaani waxaa uu sheegay inay rakibayaan in ka badan kun warshadood oo dheeraad ah si ay u tayeeyaan warshadaha Nukliyeerka dalkiisa waxaana uu xusay in tani ay qeyb ka tahay qorshahooda ay ku doonayaan inay hormar ka sameeyaan awoodooda Nukliyeer. Gaaska Yuuraniyaamka ayuu Madaxweynuhu sheegay inay kordhin ku sameeyeen si wax soo saar badan loo soo saaro. Khudbad uu Madaxweynaha Iran telefishinka ka jeediyay ayuu ku sheegay in xukuumadiisu ixtiraamayso heshiiskii 2015, hase ahaatee ay qaateen go’aanka ah inay warshadahooda hormariyaan. Madaxa…
Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa militryga ay xad gudubyo xad dhaaf ah u geystaan dadka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka ku yaala xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya. Warbixintaan oo aad u dheer laguna qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay inay xad dhaaftay dambiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ay u geystaan ciidanka Kenya dadka Soomaaliyeed marka Al-Shabab weerar geysto. Hay’adda Human Rights Watch waxay warbixntaan ku sheegtay inay diwaan galisay in ka badan 88 kiis oo ay ciidamada Kenya geysteen.…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo horay uga digay waxa haatan ku dhacay Ahlu Sunna ayaa markale ka hadlay xaaladda ku sii xumaaneysa ururkaasi oo hadda khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo dowladda. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadka deegaanku in badan ay ku faraxsan yihiin in Ahlu Sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro, taasina uu ku ogaaday, kadib xiriir uu la sameeyey dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la inkiri karin in Ahlu Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, islamarkaana u soo halgantay, iyadoo dagaal la gashay Al-Shabaab,…
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay ka baaqdeen Safarkii Maanta ay ku tegi lahaayeen Magaalada Baladweyne,si ay gurmad u gaarsiiyaan dadkii uu saameeyey fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan. Ujeedada ay uga baaqsadeen safarkooda Magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ah Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas oo u xirmay roob in ka badan Sideed saacadood ka da’ayay Magaada Baladweyne iyo deegaannada hoostaga. Sanoter Ilyaas Cali Xasan oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka Sare iyo Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay aaduga xun yihiin in uu dub u dhac ku…
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Talaado ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday 9 eedeysane oo haweeney kamid tahay,kuwaas oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab. Axmed Cabduqaadir Axmed Xuseen (Khadiira), Farxaan Faarax Maxamuud Fiidow (Fiildher), Cabdiraxmaan Nuur Maxamed Jimcaale (Maanka), Saafi Ciise Aweys Arwaax, Yaasiin Maxamed Axmed Abtidoon (Ejey), Cabdi Shakuur Cali Maxamuud (Shakra), Farxaan Aadan Yuusuf Wehliye (Gaabow), CabdiKhadar Mire Axmed Faarax iyo Xasan Sheikh Cabdullaahi Abuukar ayaa dhammaantood loo heystaa kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab gaar ahaan qeybta loo yaqaamo Amniyaadka oo dadka sida gaadmada ah ku dila ee sida gaarka ah kaga…
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mundane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda maamul baahinta Puntland iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose ee Puntland. Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago, isla markaana mudada uu shaqaynaayey faa’idooyin badan laga…
Duqeymo culus oo lala beegsaday saldhigyo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Degaano katirsan Koonfurta Gobolka Mudug. Duqeymahaan oo ay fuliyeen Diyaarado aan la garaneyn heybtooda ayaa si gaar ah uga dhacay Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waxaana dad ku sugan Koonfurta Mudug ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa duqeymaha. Lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha ay ka geysteen Degaanka Deeqlo hoostaga degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab, iyada oo aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ee Koonfurta Gobolka Mudug. Duqeynta ka…
Maalintii12-aad oo xiriir ah waxaa Mudaaharaadyo xooggan ay ka socdaan Dalka Ciraaq, iyadoona ay ku dhinteen Dad gaaraya 260 Qof. Goobaha ugu badan ee ay dhimashadu ka dhacday waxaa ka mid ah Caasimadda Ciraaq ee Baqdad, Wararka ayaa intaa ku daraya in Shabakadda Internetka laga jaray guud ahaan Caasimadda Baqdad iyo deegaanada hoos yimaada. Dibad-baxayaasha Reer Ciraaq ayaa dalbanaya inuu xilka iska casilo Ra’iisulwasaaraha Wadankaas, Hoggaamiyaasha Banaan-baxayaasha ayaana ku eedeeyay Xukuumadda inay ku fashilntay fulinta balanqaadyadeedii, sidoo kalena ay ku kacday Musuq-maasuq baahsan.
Dowladda Mareykanka ayaa barri oo Arbaca ah lagu wadaa inay kulan qorsheysan u qabato Dowladaha Masar,Sudan iyo Ethiopia si loo baaro loona dhameeyo khilaafka ka taagan biyaha Webiga Niil. Xukuumadda Al-Qaahira ayaa horey u dalbatay in arrinta xiisadda biyaha Niil loo helo gacan Afraad oo dhex dhexaad ka noqota. Masar ayaa rumeysan in biyo-xireenka ay dhisayso Ethiopia uu horseedi doono inay yaraadaan biyaha Niil ee dalkeeda soo gaara. Dowladaha Masar iyo Ethopia ayaa ku fashilmay inay heshiis gaaraan kulankoodii ugu dambeeyay, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay ay hawada isu marinayeen Hadalo kulul.
Saacadihii la soo dhaafay Webiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Fatahaadda ayaa lagu soo warramayaa in ay saameysay dhul beereed aad u ballaaran uu ku yaalla halkaasi, dadka deegaanka ayaa iyaguna billaabay in ay barakacaan. Deegaanada uu ku fatahay wabiga waxaa ka mid ah Xawadleey, Jameeco Misro, Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame.
Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku dhintay, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay wateen uu kula dhacay Togga loo yaqaanno Waqa-Deri oo dhanka koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga togga ku dhacay, uu ka yimid deegaan lagu magacaabo DOCMO, isagoona kusii jeeday Magaalada Laascaanood. Sidoo kale, Dadka degaanka oo gaaray meesha uu shilku ka dhacay, ayaa gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay shilka, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday dhanka Laascaanood.
Haweeney la dhalatay hoggamiyihii hore ee ururka la baxay Khilafada Islaamka, Abu Bakar Al Baqdaadi ayaa lagu qabtay howlgal laga fuliyay Waqooyiga Suuriya, sida ay sheegeen sarakiisha Turkiga. Haweeneyda oo 65 sano jir ah, waxaa lagu magacaabaa Rasmiya Awad, waxaana lagu qabtay holwgal ciidan oo isniintii laga fuliyay meel ku dhow magaalada Azaz. Saraakiisha Turkiga waxay sheegeen in xariggan uu fa’iido u noqon karo in la helo sirta qiimaha leh ee ururka IS. Baqdaadi ayaa is qarxiyay xilli, bishii la soo dhaafay, ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka howlgal ku galeen guri uu degganaa oo ku yaalay Waqooyi-Galbeed ee Suuriya.…
Qaramada Midoobey ayaa ku biirtay dadaallada caalamiga ah ee loogu gargaarayo dadka ay fatahaadu ku dhufatay ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan. Barnaamijka Cuntada Adduunka WFP Waaxda gargaarka ee Qarramada Midoobay iyo la-hawlgalayaal kale oo ay fududeeyeen Xafiiska Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa waxaa ay bilaabeen in ay gurmad kala duwan gaarsiiyaan qoysaska ay saameeyeen daadadku, iyo fatahaadaha Wabiyada.
Shil gaari ayaa ka dhacay duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, kaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Gaariga Shilka galay ayaa ku dhacay God weyn oo uu dumiyey Roobkii dhawaan ka da’ay Gobolka Bari,waxaana Gaariga uu kusii jeeday Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo tegay halka uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Shilkaasi uu ku geeriyooday hal ruux halka Afar kale ay ku dhaawacmeen. Taliyaha ayaa intaas ku daray in gebi ahaanba ay joojiyeen isku socodka Gaadiidka wadada xiriirisa Boosaaso iyo Gaalkacyo, ilaa iyo inta dib…
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta ku wajahan Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran si ay gurmad u gaarsiiyaan dadka ay fatahaadaha saameeyeen. Kulan deg deg ah oo ay xalay yeesheen madaxda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu magacaabay guddiga Gurmadka Fatahaadaha,waxaana Maanta Baladweyne ay geyn doonaan gurmad ay ugu talo galeen dadka ka barakacay fatahaadaha. Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaamin doona wafdiga, waxaana ka qayb ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran oo uu kujiro Madaxweyne Xassan Sheekh Mohamud. Magaalada Baladweyne…
Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa bilowday inay Magaalada ka dhex qaado Biyihii ay dhigeen Roobabkii Saacidihii lasoo dhaafay ka da’ay Boosaaso. Duqa Magaalada Boosaaso Abdisalam Bashiir, ayaa sheegay inay Dowladda Hoose ay waddo dadaalo lagu qaadayo Biyaha, isagoona ugu baaqay Shacabka inay kala qeyb-qaataan.
Wasiirka wasaaradda Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud, ayaa beeniyay in la sii daynayo ama loo badalayo xabsiyo kale maxaabiista ku xukuman Burcad-badeednimada ee ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe. Dhinaca kale, Wasiir Xaamud ayaa ka warbixiyay shir uu Garoowe kula qaatay madax ka socotay Xafiiska Qaramadda Midoobay ee Daroogada iyo Danbiyada (UNODC) iyo qaar kamid ah wadamada Puntland ka caawiya arrimaha xabsiyada.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomalaiya ayaa waxaa ay xil Cusub u Magacaawday Wiil uu dhalay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdishgo ee qaraxa u geeriyooday Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cawad ayaa waxaa Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow loogu Magacaabey xilka Xoghayaha Koowaad ee Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey. Wareegtada ayaa sidoo kale lagu faray Maxamed Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow in uu si cadaalad ah oo huufan u guto Shaqada loo igmaday.
Golaha Aqalka Sare ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 10aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi. Ajanadaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta iyo Dhageeysiga Warbixinta Guddiga gaarka ah ee arrimaha fatahaadaha. Hindise-Sharciyeedkaan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa ay akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Waasarada Warfaafinta Dhaqanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye. Guddoomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyeedka wax-ka-badalka Xeerka Warbaahinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Aqalka Sare si ay…
Wasiirka warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay ogeyd in wafdigii Kenya ee ka qeyb-galay caleemo-saarkii Axmed Madoobe ee Kismaayo. Agaasimaha Guud ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya oo la hadlay BBC Somali ayaa sheegay in wafdigii tagay Kismaayo ay halkaas ku tageen “ogolaanshaha dowladda Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa yiri: “Warka uu sheegay agaasimaha guud meelo badan ayuu taabanayaa, laakiin qodobka ah diyaarad iyo madaxda Kenya ka tirsan kuma xadgudbin Soomaaliya waa war aan waxba ka jirin”. “Waa la ogyahay in dowladda Soomaaliya ay warqad soo saartay oo ay…
Agaasimaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka dabiiciga ah ee Dowladda Puntland (HADMA) Cabdullaahi Cabdiraxmaan Cayrow, ayaa ka warbixiyay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay deegaanada Puntland iyo khasaaraha ay gaysteen. Agaasime Cayrow ayaa sheegay in Roobob xooggan ay saacadihii lasoo dhaafay ka da’een Degaanada Xeebaha iyo Guud ahaan Degaanada Puntland, isagoona tilmaamay in aysan jirin Khasaare ka dhashay Roobabkaas, marka laga soo tago Daadad kusoo rogmaday Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug, oo ay ku le’atay Duunyo fara-badan.
Xidhibaan Cawil Xassan Daad oo kamid ah Guddiga Maaliyadda iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ku amaanay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland inay ku guuleysatay sare u qaadida Dakhliga Puntland. “Wasaaradda maaliyaddu waxay samaysay hormar fiican oo ay ku xakamaynayso kharashka dowladda, waxayna sare u qaaday dakhliga iyadoo meel marisay habka isku dheeli tirnaanta waxa soogalaya iyo waxa ka baxaya” ayuu yiri Xidhibaan Cawil Xassan Daad
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa uu ku dhawaaqay natiijada kasoo baxday tirakoobkii laga sameeyey dalkaas. Uhuru ayaa sheegay in tirada Guud ee dadka ku nool Kenya ay yihiin 47.6 milyan ,halka sanadkii 2009 ilaa 2019 ay dadka kasoo biiray Shacabka Kenya ay gaarayaan 9 milyan oo qof. Sidoo kale, Tirada raga ku nool Kenya ayuu ku sheegay 23.6 milyan halka haweenkana ay yihiin 24 milyan,waxaana tani ay ka dhigan tahay in Ragga & Dumarka ay haweenka ku badan yihiin Kenya. Ugu dambeyn, Gobolka Soomaalida ayaa tirada dadka kunool lagu sheegay 2,490,073 ( laba milyan…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto. Kulankan waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland Ciidamada Xooga dalka iyo AMISOM iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada. Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay sidii loo balaadhin lahaa xarunta wadaaga xogta taas oo wax badan ka…
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dowladda Puntland Cali Xasan Axmed Sabarey, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa si adag uga hadlay Barnaamij uu xalay qabtey Universal Tv oo ka hadlayey xalada Puntland. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay sharciga la tiigsan doonto telefishinka Universal oo baahiyay barnaamij dhex-dhexaadnimada ka fog oo lid ku ah Dowladda Puntland. “Puntland khilaaf siyaasadeed kama jiro, xasilooni daro kama jirto, jaahwareer siyaasadeed kama jiro, isla xisaabtan madaxweynuhu diidayna majiro, Weiyaha waxaa looga baahan yahay dhex-dhexaadnimo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xassan Axmed (Sabarey). Tv-ga Universal ayaa xalay baahiyay Barnaamij…
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa saacadihii lasoo dood ka dhaliyay Baraha Bulshada, kaddib markii uu ka guuray hal-kudhigga Nabad iyo Nolol una guurey hal-kudhig cusub oo hadal heyn badan dhaliyay. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa markii hore Barahiisa bulshada u isticmaali jiray hal ku-dhigga ay caanka ku tahay Dowladda Madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol, balse waxaa lagu badalay laba hal kudhig oo cusub, kuwaas oo kala ah: “Hiigsi iyo Horumar” iyo “Ammaano iyo Adeeg”. Ra’isulwasaare Kheyre ayaa hal ku dhegyada cusub u adeegsaday gunnaanadka qoraal ku saabsanaa kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga adduunka Dr. Xaafid…
Gaari ay saarnaayeen dad badan ayaa lasheegay in uu ku burburay wabiga dalka Nepal, iyadoona ay ku dhinteen 17 ruux. Shilka ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in kabadan 50 ruux, sida ay sheegeen masuuliyiinta Booliska. Gaariga ay dadkani saarnaayeen ayaa lasheegay in uu kasoo laabtay goob ay ka soconaysay xaflad dhaqamadeed. 21 kamid ah dadka dhaawacmay ayaa lasheegay in ay wali isbitaalka ku jiraan iyadoona haatan lala tacaalayo xaaladooda.
Koox burcad badeed ah ayaa qafaashay 9 ruux oo saarnaa markab wata calanka dalka Norway meel u dhaw xeebaha dalka Benin ee galbeedka qaaradda Afrika ku yaala. Mas’uuliyiin u hadlay shirkadda markabkaan iska leh oo la yiraahdo JJ Ugland ayaa sheegay in koox hubeysnaa oo watay doonyo dheereeya ay weerareen markabkooda oo ku dhawaa dekeda magaalada Kotunuu ee dalka Benin. Wararku waxay sheegayaan in kooxda burcad badeeda ah ay la degeen 9 qof oo ahaa shaqaaalihii markabka Markabka shaqaalaha laga qafaashay oo magaciisa la yiraahdo MV Bonita ayaa siday shixnad walxo beeraha lagu bacrimiyo ah. Shirkadda markabka iska leh willi…
Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Buula-fulay ee katirsan Gobalka Baay. Dadka Degaanka ayaa sheegay in labo gantaal lagu dhuftay xarunta ay ku sugnaayeen xubno kamid ah Ururka Al-Shabaab, waxaana intaas kaddib la maqlay dhawaqa rasaas la sheegay inay is waydaarsadeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Saraakiil iyo Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab, wallow aan la ogaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta. Dhanka kale, Degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa waxaa ka dhacay duqeyn lagu dilay Sarkaal katirsan…
Tobonaan kamid ah dibad baxyaasha dalka Ciraaq ayaa weeraray Qunsuliyada ay dowladda Iran ku leedahay magaalada ay shiicadu ku xoogan tahay ee Karbala. Weerarka oo dhacay xalay ayaa dibad baxyaashu waxa ay Qunsuliyada ka dajiyeen calanka Iran iyagoona ku badalay kan dalka Ciraaq. Ciidamada amaanka ayaa dibad baxyaasha rasaaseeyay si ay u kala ceeriyaan iyagoona dibad baxyaasha dhankooda dhagaxaan ku tuurayay ciidamada sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wali majiro wax qasaara ah oo laga soo wariyay weerarka ay dibad baxyaashu ku qaadeen Qunsuliyadda ay dowladda Iran ku leedahay magaalada Karbala ee dalka Ciraaq. Dibad baxyada Ciraaq oo bilawday bishii aynu kasoo…
Waxaa hakad ku jira weli Qabashada Ciyaarta kama dambeysta ah ee Tartanka Kubadda cagta ee Degmooyinka Gobalka Banaadir, taas oo baaqatay 24-kii bishii Hore kaddib markii korontada laga jaray Garoonka Eng. Yariisow oo ay kuwada sugnaayeen kumanaan shacab ah iyo kooxaha degmooyinka Dharkeynley iyo Waabari oo ciyaartaasi ku balansanaa. Wararka ayaa sheegaya in qabashada Ciyaartan ay u xayiran tahay khilaaf culus oo u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye. Wararka ayaa intaas ku daraya inuu aad u sii xoogeestay Khilaafka Wasiir Khadiija iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir,…
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo wasiiru Dowlaha difaaca dalka Uganda Charles Okello Engola ayaa todobaadkaan yeeshay kulan ay uga wada hadleen xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal. Shabakada Wararka ee dalka Uganda ayaa qortay in labada mas’uul ay isla qaateen inay labada dal wada saxiixdaan heshiis isfaham oo dhabaha u xaari doona in Ciidanka Uganda ay tababar siiyaan Ciidanka Soomaaliya sida Millateriga Mareykanka iyo kuwa Turkiga u tababaraan Ciidanka Soomaaliya. Kuxigeenka Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa sheegay in labada mas’uul ay go’aamiyeen baahida loo qabo inay kala saxiixdaan heshiis ku saabsan in Ciidanka Uganda ay Ciidanka…
Ra’iisal Wasaaraha Abiy Ahmed oo ka hadlay xaalada dalka Itoobiya kaddib rahshadiihii ugu danbeeyay ee ka dhacay ayaa sheegay in ay ku dhinteen ilaa 86 ruux.Abiy ayaa arintan ka sheegay shir jaraa’id Axaddii shay, waxaana 86 -da qof ee dhintay uu sheegay in ay ka mid ahaayeen Dumar iyo 10 ka tirsan ciidanka Booliiska Waxaa uu sidoo kale ra’iisul wasaaraha sheegay in dadkan ay kasoo kala jeedeen qowmiyadaha kala duwan ee wada dego dalkaas. “Marka aan eegno diimaha ay heystaan dadka ku dhintay rabshadaha, 40 waxay ahaayeen Kiristaan, 34 Muslimiin ahaa iyo 12 oo aan la ogaan diintooda” ayuu yiri…
Roobab xooggan oo khasaare gaystay ayaa ka da’ay Degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug iyo degaano hoostaga, waxaana Daadad soo rogmaday ay qaadeen xoolo badan. Dadka degaanka ayaa sheegay in Roobkani uu ahaa kii ugu xooga badnaa ee degaanadaasi ka da,a 10-kii sano ee lasoo dhaafay. Sidoo Kale, Dadka Degaanka ayaa sheegay in Roobkan oo Da,ayay saacadihii lasoo uu waxyeelo u gestay Dad reer guuraa ah oo ay kala tageen xoolihii. Shacabka degan Degmada Tawfiiq oo gurmad u fidiyey dadka xoola dhaqatada ah ee roobabku saameeyeen ayaa u geeyey cuntooyin iyo Goglo ay Dhaxanta isaga celiyaan, iyagoona ugu baaqay Dowladda iyo…
Gollaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kulan ka yeeshay Fatahaadaha ka dhacay qayba ka mid ah deegaanada ay maraan Wabiyada Jubba iyo Shabeelle . Kulankaan ay maanta yeesheen Golaha Wakiilada Jubbaland ayaa ahaa Kalfadhigii 1-aad fadhigiisii 27-aad,waxaa joobgood ahaa 47 xildhibaan waxaana shir gudoominayey guddoomiye ku-xeenka Labaad ee Baarlamaanka Jubbaland Aadan Khaliif Yuusuf. Kullanku intuu socday ayaa looga dooday saamaynta ay yeesheen fatahaadaha ka dhacay qaar kamid ah gobalada dalka iyo sida looga hortagi karo fataahadda mar walba soo laalaabata. Waxa ay ku baaqeen in loo gurmado dadkii ay saameeyeen fatahaaduhu iyagoona u tacsiyeeyay dhammaan intii ku dhimatay musiibadaas.
Madaxa Xukuumadda Galmudug , islamaraana ah madaxa ugu sarreeya Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan deegaanno lagala wareegay. Sheekh Sheekir ayaa sheegay in Dhuusa-Mareeb iyo guud ahaan deegaannada kale ee gobolka Galguduud ku sugan yihiin ciidamadii isku dhaf ahaan lagu soo heshiiyay, isaga oo intaan ku daray in wax dhici kara aysan aheyn dadkii deegaannadaa xoreeyay haddana la niyeysto sida uu hadalka u dhigay in laga sii xoreeyay iyaga. “Madaxda dowladda sare iyo annaguba, xiriir baa nooga socda in la dhammeeyo. Annagu haddii aan nahay shacabka mas’uuliyiintii matalaysay ee…
War-saxaadeed kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa lagu cambaareeyay xad gudubyo uu sheegay xisbigu in si isdaba joog ah loogu hayo Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed kaasoo ka socdo Magaalada Baydhabo. Xisbiga ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen si cabsi gelin ku hayaan Shacabka reer Koonfur Galbeed isla markaasna taasl oo marayo xad gudubyo ka dhan ah xaquuqda Aadanaha iyo Xuriyatul Qowlka. Ugu dambeyntii, Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa walaac ka muujiyay habdhaqanka qalafsan ee lagula kacaayo bulsha weynta koonfur Galbeed iyo xariga iyo xukunka cadaalada ka fog ee lala beegsanayo dadka fakar ahaan kaduwan maamulka…
Dibadbaxyo ballaaran ayaa markale ka curtay dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Lubnan. Mudaharaadyada oo u muuqday iney yara istaageen kaddib marki uu Ra’iisul Wasaarihii dalkaas Sacad xariiri uu ku dhawaaqay inuu is casilayo. Dadka mudaharaadaya waxay dowladda ku eedeynayaan iney sidii la rabay uga jawaabin shacabka waxyaabaha ay ka cabanayeen. Banaan-baxayaasha ayaa dalbanayo inay badi is casilaan Masuuliyiinta kale ee Dowladda Lana soo dhiso Dowlad Cusub oo wax ka qabata baahiyaha Dadka Reer ee ay ugu horeeyso Dhaqaale xumada. Ra’iisulwasaarihii Dalka Lubnaan Sacad Al-xariiri, ayaa dhowaan is-casilay, kaddib markii Mudaharadaayushu ayaa ka biyo diideen is-bedel uu ku sameeyay dhaqaalaha…
Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in xilligaan Soomaaliya u baahan tahay taageero ballaaran si ay u hesho xaalad deganaansho ah oo Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladoodaba ay ku gaaraan guulweyn. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa ka sheegay Shirka Heerka Wasiir ee wadamada ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka in Soomaaliya u baahan tahay taageerada Turkiga iyo Duniada kale ee Islaamka si taageero looga geysto deganaanshaha Siyaasada,dib u dhiska Ciidamada Ammaanka lana abuuro waji deganaansho si loo gaaro horumar dhaqaale. Waxa uu sheegay in Dowladda Turkiga ay kaalin mug leh ka qaadan doonto wada-hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo sanadihii u dambeeyey…
War-murtiyeed kasoo baxay Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa looga hadlay geeridii Hoggaamiyihii Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi, kaasoo bishii la soo dhaafay lagu dilay weerar uu Mareykanka ku qaaday goob uu ku sugnaa oo ku taala waqooyiga Suuriya. War mrutiyeedka ka soo baxay Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay u hoggaansamayaan awaamiirta hoggaamiyaha cusub ee Kooxda Daacish Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi Sawir la soo dhigay barta Internet-ka ee Telegram oo ay ka muuqdeen koox ka tirsan Daacish oo geed-hoostiisa fadhiya oo bayco la galaya Hoggaamiyaha cusub Al-Qurayshi, iyagoo balan-qaaday inay u hoggaansamayaan awaamiirtiisa. Daacish-ta Soomaaliya oo uu hoggaamiyo wadaadka Duqa ah…
Hoggaanka Kooxda Ahlu-sunna Waljamaac ayaa kulan deg deg ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galaduud, kaas diirada lagu saarayo xaaladihii ugu dambeeyey ee maamulka Galmudug. Kulanka oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana uu albaabada u xiran yahay ayaa ka socda xarunta Inji halkaas oo uu ku yaallo xafiiska madaxa xukumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Wararka ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo arrimo la xariira guddiga farsamada ee ay xalay magacawday dowladda Soomaaliya. Ahlu Sunna ayaa lagu soo warramayaa in aysan ku qanacsaneyn guddigaas oo ka kooban 13 xubnood, kana shaqeyn doono sidii loo heli lahaa Galmudug…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa amar kasoo baxay wada ay ku joojisey dhaq dhaqaaqyada la xiriira dhinaca doorashada oo ay wadeen Xubnaha Guddiga doorashada iyo dhismaha Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Amarkan oo la ogeysiiyey hoggaanka Ahlusunna iyo Saraakiisha Xarunta Inji ayaa lagu sheegay in arrimo la xiriira dhinaca doorashada aysan qaban karin guddi ka madax banana guddiga ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya. Xubnaha Guddiga oo uu Magacaabey Sheekh Maxamed Shaakir ayaa looga digay kulamo ku saabsan Arrimaha doorashada,isla markana lagu wargeliyey inay Wakiil ka yihiin Guddiga Dowladu u Magacaawdey Doorashada Galmudug. Madaxa…
Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu baaq ka soo saaray xaalada Galmudug oo haatan mareysa meel xasaasi ah. Guuleed ayaa waxaa uu sheegay in dadka Reer Galmudug ay kasoo daaleen colaad iyo isfaham la’aan ka dhex-jirta , isla markaana xilligaan aysan u baahneyn colaad. “Waxaan shaki ku jirin in colaad iyo is faham la,aan ay ka soo daaleen deegaanada Galmudug oo aysan u baahneyn colaad iyo dagaalo kale oo dhiig ku daato,waxaana dadka reer Galmudug ay ka reebeen asaagooda dowlad gobaleedyada kale ayuu yiri”C/Kariin Guuleed. Sidoo kale waxaa uu sheegay inay nasiib-darro tahay in…
Gaadiid sida Gurmad ay dadka kunool Caasimadda Puntland ugu tala-galeen Shacabka Magaalada Beledweyne ee Fatahaaduhu saameeyeen ayaa Goor-dhoweyd ka amba-baxay Magaalada Garoowe. Gaadiidkan oo ahaa Labo Gaariyaasha Xamuudka qaada ah (Candhabeydle), ayaa siday Caawinaad isugu jirta Raashin, Dhar, Kabo iyo Agabyo kale, waxaana dadka kasoo aruuriyay dhalinyaro Is-xilqaantay. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”, ayaa gaadiidkan sagootiyay, isagoona alle ugu baryay Dadka ku dhibaateysan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan inuu ka dul-qaado xaaladaha adag.