Author: Jibril Qoobey

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa eedeyn kulul u jeediyey hoggaanka sare ee ahlusunna,isaga oo sheegay in hortaagan yihiin dhismaha Galmudug. Wasiir Sabriye ayaa sheegay in waxa hadda ka muuqda deegaannada Galmudug aysan aheyn kuwii ay la soo bilaabeen Hoggaanka Ahlusunna,isla markaana aysan ka turjumeen arrimaha masiiriga ah ee Galmudug. Sidoo kale, Wasiirka ayaa ku eedeeyey hoggaanka Ahlusunna inay wadaan waxyaabo keeni kara dib u noqosho,waxaana uu ugu baaqay inay joojiyaan caqabad uu sheegay inay Ahlusunna ku yihiin dhismaha Galmudug. Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed dhabancad iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira wasiiro ka tirsan Dowladda, ayaa maanta lagu soo dhoweeyay degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag. Wafdiga uu hogaaminayo wasiir Dhabancad waxaa banaanka hore ee degmada xingalool kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Xingalool. Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane, Maxamed Fhabancad oo fagaare kula hadlay Dadwaynaha, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, Ugu danbeyntii Wasiir Dhabancad ayaa ku dhiirigeliyey dadka degmada Xingalool ka shaqeynta horumarka, Midnimada iyo…

Read More

Xooggaga Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka baxay magaalada Dhuusamareeb, waxaana la wareegay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Ciidamo isugu jira Milateri iyo Nabad-suggid ayaa gudaha u galay magaalada Dhuusamareeb, waxaana goob joogayaal ay sheegeen iney la wareegeen xarunta degmada. Xooggaga Ahlu Sunna ayaa la sheegay iney isugu tageen xero Inji, halkaasoo ay dagan yihiin Madaxda sare ee Ahlu Subna iyo Madaxa Xukumada Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir. Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ula soo wareegay Matabaan iyo Guriceel.

Read More

Sirdoonka dowladda Kenya ayaa sheegay in ay soo ogaadeen goobaha lagu sameeyo miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa oo ay dagaalamyaasha Al-Shabaab u adeegsadaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya. Warkan oo lagu daabacay wargayska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyaha booliska Kenya  Hillary Mutyambai uu u sheegay Wargeyska in miinooyinka Al-Shabaab oo ay u adeegsadaan weerarada ka dhanka Kenya lagu sameeyo degmada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe, isagoo hadalkiisa sii raaciyay in hubkaas loogu qeybiyo dagaalamaayasha fulinaya weerarka deegaano uu kamid yahay  deegaan lagu magacaabo Laanqurac. Al-Shabaab ayaa dhawr jeer oo hore weeraro…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in xalay ay ka dhacday duqeyn lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegaya in Bartilmaameedka duqeyntaas ay aheyd xarun ay ku kulan sanaayeen saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab oo iskaga kala yimid goobaha ay dalka ka Maamulaan. Nin lagu magacaabo Sheikh Xuseen Filow oo Al-Shabaab u qaabilsanaa sida la sheegay Jubbooyinka ayuu dhaawac ka soo gaaray duqeynta, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu. Sidoo kale, Meel duleedka ka ah Jilib gaar ahaan deegaan lagu magacaabo Xaramka, waxaa la sheegay in isla xalay ay diyaaraduhu duqeyn ka geysteen, halkaas oo…

Read More

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, ayaa xilalka ka qaaday Agaasimayaashii SNTV, Radio Muqdisho iyo SONNA. Wasiir Maareeye ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Radio Muqdisho Abdi Jeite, waxaana xilka Agaasimaha Radio Muqdisho loo magacaabay Yahye Ali Faarax. Sidoo kale Agaasimihii Telefishinka SNTV ayaa waxaa laga qaaday Liban Abdi Ali waxaana loo magacaabay Faarax Salaad Dharaar. Agaasimaha Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa loo magacaabay Ali Abdukadir Ali (Maykal). Is bedeladan cusub ayaa ahaa kuwo lama filaan ah, iyadoo la faray Agaasimayaasha cusub ee inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay xilalka ula wareegaan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa sheegay inay soo laab laabteen fatahaadaha uu sameeyo Wabiga Shabeelle ee mara Gobolka Hiiraan,isla markaana loo baahan yahay in laga hortago. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, iyada oo la kaashaneysa Dowladaha deriska ah inay la imaaneyso qorsho looga hortagayo fatahaada Wabiga maadaama dibaatooyin farabadan ay ka dhashaan. Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay noqdaan kuwa is cafiya sidoo kalena is caawiya. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa shalay gelinkii dambe booqday Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo badi dadkii deganaa…

Read More

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay qarax weyn oo gilgilay magaalada Tal Abyad, ee ku taal waqooyiga Suuriya ee ay gacanta ku hayaan ciidammada Turkiga, mas’uuiyiinta Turkiga ayaa sidaas sheegay. Wasaaradda Gaashaandhigga ee waddanka Turkiga ayaa waxa ay sheegtay in ugu 20 qof oo kale ay qaraxaasi ku dhaawacmeen. Ciidammada Turkiga iyo fallaagada ay baritaaraan ayaa bishii la soo dhaafay waxa ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Tal Abyad iyo magaalooyin kale oo ku yaal xadka kuwaas oo ay ka saareen ciidammada Kurdiyiinta, kaddib markii ciidammada Mareykanka oo ilaalinayay Kurdiyiinta ay meesha isaga baxeen. Dagaalyahannada gacansaarka la leh…

Read More

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Maanta xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qaraxyo ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho,kuwaas oo dhawaan Maxmadeyntooda la soo geba-gabeeyey. Cabdikariim Maxamed Maxamuud Xuseen (Siiseey), CabdiQani Cali Maxamuud Cali (Buneyste) Cali Muxudiin Abshir (Cali Kuulow) ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab iyo in ay si gaar u qaabilsanaayeen aasidda miinooyinka lagu qarxiyo gawaarida gaar ahaan deegnnada bariga ku teedsan ee Caasimadda. Eedeysanayaasha koowaad iyo labaad ayaa si gaar ah loogu eedeeyay ilaa iyo sagaal miino oo ah nooca gacanta laga hago oo siyaaba kala duwan loola eegtay ciidamada…

Read More

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada qeybta 21aad ayaa saakay Waaberigii hore hore waxaa ay la wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca. Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay isaga baxeen Ciidamadii Ahlusunna,isla markaana dhamaan Xarumihii Maamulka ay la wareegeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya. Sidoo kale Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo xalay kulamo kala duwan ka waday Gudaha Magaalada Guriceel. Xaalada Magaalada Guriceel ayaa saakay ah mid degan,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadii Ahlusunna ay…

Read More

Bangiga Adduunka ayaa Mallaayiin Dollar oo lagu caawinayo dadka dhibaateysan ugu deeqay Soomaaliya, kaddib shir uu soo qaban-qaabiyay Bangiga oo ka dhacay Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka. Shirkaasi waxaa Soomaaliya ku metelayay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Sadiiq Warfaa,waxaana uu sheegay in Banmgiga Aduunka uu Soomaaliya u balan qaaday in uu siinayo lacag dhan 65 Milyan oo Dollar. Wasiir Saadiq ayaa sheegay in lacagtaas loogu talo galay daryeelida ama ilaalinta Bulshada gaar ahaan dadka barakacay iyo kuwa dhibaatooyinka kale heysta,isla markaana lacagtaan ay tahay mid Soomaaliya lagu tijaabinayo. Xubnaha Bangiga Aduunka ayuu sheegay inay u balan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay degmada Dangoroyo kaga qeybgalay kulanka Bulshada degmada Dangoroyo oo ujeedkiisu ahaa xog-wareysiga Bulsho iyo Dowladdeeda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni waxaa kulanka kala qeybgalay, Masuuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Dangoroyo, Hogaanka dhaqanka, Aqoonyahannada, Culimada, Siyaasiyiin Puntland xilal kasoo qabtay iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha kala duwan ee degmada Dangoroyo. Kulanka waxaa lagu bilaabay Casho sharaf, kadibna Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo hadalka furay ayaa bogaadiyey waxqabadka Dowladda, waxay sidoo kale Bulshada Dangoroyo…

Read More

When news broke of an alleged attempt to remove the security detail of Oromo activist and media mogul Jawar Mohammed, hundreds of his supporters flocked to his residence in Addis Ababa, the Ethiopian capital and capital of the Oromia region. Jawar, who was one of the organisers of the Oromo protests that started in 2015 which ultimately led to the change in government in 2018, was provided security by the federal police after returning from exile last year. The incident came on the heels of Prime Minister Abiy Ahmed, who is also leader of the Oromo Democratic Party (ODP), accusing unnamed media owners with foreign passports of fomenting instability,…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta socdaal u kuur-gal ah ku tagay magaalada Baladweyne ayaa la wadaagay bulshada iyo maamulka heer Degmo iyo Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay hay’adaha heer Federaal samata-bixinta dadkeenna dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah. Madaxweynaha ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah, isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso dhammeystirka qorshaha kahor-tagga…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda, ayaa galabta lagu soo dhoweeyay degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal. Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland waxaa banaanka hore ee degmada Dangoroyo kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah labada Gole ee Dowladda , Maamulka Degmada, Hogaanka Dhaqanka iyo boqolaal ka mid ah Bulshada kala duwan ee degmada Dangoroyo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo fagaare kula hadlayey dadweynaha Dangoroyo, ayaa uga mahadeliyey soo dhoweynta, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in waxyaabihii ay dadka deegaanka hore uga codsadeen oo ay ka mid aheyd dhismaha…

Read More

Wasaaradda Qorshaynta, hormarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka caalamiga ah ee Puntland ayaa magaaladda Garoowe ka daah furtay mashruuca Biyoole oo ah mashruuc ka shaqayn doona dhinacyada Biyaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, waxaana mashruucaan Puntland ka caawinaya Bank adduunka. Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland C/qafaar Cilmi Xaange, oo daah-furay Mashuuracan “Biyoole”, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Mashuuracan oo lagu fulinayo Guud ahaan Degaanada Puntland, isagoona mahad-celin u jeediyay Bangiga Adduunka.

Read More

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, ayaa sheegay in xildhibaanku uu xaq u lee yahay inuu su’aal weydiiyo Madaxweynaha, balse loo baahan yahay inuu ilaaliyo Sharciga iyo Anshaxa. “Xildhibaanku xaq buu u leeyahay inuu madaxweynaha su’aal waydiiyo, laakiin waxaa muhiim ah inuu anshaxa ilaaliyo qofna sharciga kama wayna” ayuu yiri Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Madaxweyne Farmaajo ayaa Beledweyne u tagay u kuur galidda xaaladda bani’aadanimo ee ka jirta magaalada oo ay saamayn balaaran u gaysatay fatahaadii uu ka sameeyay wabiga Shabeelle. Gurmad loo fidinayo dadka reer Beledweyne ayaa guud ahaan ka socda dalka, waxaana haatan markii ugu horeysay sidii ay u bilaawdeen fatahaaduhu gaaray magaalada Beledwyne Madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Read More

Inta la xaqiiyay 53 askari oo u dhashay dalka Mali ayaa lagu dilay weerar ay koox hubeysan ku qaadeen saldhig ciidan oo dalkaas ku yaala. Sida wararku sheegayaan weerarkaan oo ah kii ugu khasaaraha badnaa ayay dawladdu sheegtay inay ciidamo xoojin ah u dirtay degaanka weerarku ka dhacay oo ka tirsan gobolka la yiraahdo Menaka. Afhayeen u hadlay dawladda Mali oo la yiraahdo Yaxye Sangaara ayaa sheegay in dhaawacyada askar badan laga soo qaaday xerada lana geeyay isbitaal ay dawladdu leedahay waxaana uu ku tilmaamay weerar argagixiso. Willi cidi ma sheegan mas’uuliyadda weerarkaas hase yeeshee dalka Mali dhawr weerar oo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa saacadaha soo socda ku wajahan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ka ag dhaw madaxtooyada. Madaxweyne Farmaajo ayaa u kuur galaya xaaladda cakiran ee ka jirta Magaalada Beledweyne oo ay harqiyeen biyo uu ku fatahay wabiga Shabeelle ee mara qeybo ka mid ah dalka. Wafdi heer wasiirro ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u gaaray Magaalada Beledweyne, sidoo kale waxaa magaaladaas ku qulqulaya gaadiid sida agabyo kala duwan iyo raashin gurmad loogu fidinayo dadka reer Beledweyne oo u baxay daafaha magaalada, iyadoo wali la…

Read More

Diyaarad sida deeq gargaar ah oo isugu jirta daawo iyo agab kale oo ah wajigii labaad ee garmadka dowladda Jabuuti ayaa soo gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana la wareegay gargaarkaas guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadda. Guddiga Gurmadka Fatahaada ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay qaadaneyso Caawinta Shacabka Magaalada Beledweyne ee Hiiraan. Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in Gargaarkaan ay sii wadi doonaan si dhibaatada looga saaro dadka ay saameeyeen Fatahaada Wabiyadda Jubba iyo Shabeelle.

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa bilawday in baaritaan ay ku sameeso milkiilaha shirkadda laga leeyahay dalka Shiinaha ee TIkTok. Baaritaanka lagu hayo shirkadda TikTok ayaa lasheegay in uu laxariiro saameenta ay ku yeelan karto amniga qaranka Mareykanka. Sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters masuuliyiinta Mareykanka ayaa dib eegi doona heshiisyadii horay loola galay shirkadan, iyo adeegyadii ay bixisay. Bartan oo loogu baahiyo muuqaalada gaagaan ee Musica ayaa lasheegay in gudaha Mareykanka dadka adeegsadaa boqolkiiba 60% ay yihiin dhalin yaro da’doodu u dhaxeeso 16 illaa iyo 24 sano jir. Inkastoo war kasoo baxay shirkadda lagu beeniyay eedeemaha Mareykanka hadda arintan ayaa kusoo…

Read More

Hogaamiyaasha mucaaradka dalka Pakistan ayaa soo cusbooneesiiyay dalabkooda ah in uu is casilo Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ee Cimraan Khaan. Dibad bax ay kasoo qayb galeen kumanaan ruux loogana soo hor jeedo dowladda Pakistan ayaa ka dhacay caasimada dalkaasi ee Islamabad. Hor joogayaasha dibad baxayada ayaa Ra’iisul Wasaare Cimraan Khaan ayaa usoo jeedinaya eedeemo dhawr oo ah oo ay kamid tahay in dowladiisa ay ku fashilantay bixinta adeegyada asaasiga ah. Dowladda Ra’iisul Wasaare Khan ayaa wada olole lagula dagaalamanayo musuq maasuq iyadoona baaritaano ku haysa madaxdii dalka soo martay. Dibad baxan oo u muuqda mid cadaadis lagu saarayo xukuumada Ra’iisul Wasaare…

Read More

Hey’adda qaxootiga ee NRC, ayaa sheegtay in fatahaada ka dhacay guud ahaan dalka Soomaaliya ay ku barakaceen 273,000 oo ruux. Dadka ugu badan ayaa ka barakacay Magaalada Beledweyne oo ah halka ay ka dhaceen fatahaada ugu daran oo uu sameeyay wabiga Shabeelle. Daadadka ayaa bur buriyay qaybo badan oo ka mid ah magaalada Beledweyne, iyadoona ilaa iyo haatan ay jiraan xaafado badan oo dad k go’doonsanyihiin. Hey’adda ayaa sheegtay in dadka barakacay ay yihiin dad aad unugul oo u baahan caawinaad deg deg ah. Ugu dambeyntii, Hay’adda NRC ayaa walaac ka muujisay ku dhawaad 30,000 oo ruux oo ay sheegeen…

Read More

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal kula wareegay gacan ku heynta Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, kadib markii Ciidamo ka tirsan Ahlusunna ay hor istaageen Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Magaalada u socday. Dadka Degaanka ayaa sheegay in dagaal kooban uu ka dhacay Magaalada, islamarkaana Ciidanka Ahlusunna ay ka baxeen. Ciidanka Ahlu-sunna ayaa hadda ku sugan duleedka degmada Matabaan, waxaana Wararka qaar ay sheegayaan in Ahlu-sunna ay waddo Aruursi Ciidan. Xaalada Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa maanta kacsan, waxaana gacanta ugu haya si buuxda Ciidanka Dowladda, iyadoona ay jirto cabsi soo food-saartay Shacabka, kuwaas oo ka baqaya in…

Read More

Yahuuda ayaa Marinka Qaza ku qaaday weerar duqeyn oo ay ku sheegtay in ay la beegsatay xubno ka mid ah Ururka Hamas ee reer Falstiniin. Militariga Israa’iil ayaa sheegay in meesha diyaaradohooda ay duqeeyeen ay ahayd xero tababar iyo kayd hub. Yahuuda ayaa sheegay in weerarkaan uu yimid ka dib markii shalay Koox Falastiniyiin ah weerareen Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Yahuuda. Ciidanka Yahuuda ayaa sidoo kale rasaas ku furay Kalluumeysato u dhalatay Falastiin, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Xiisadda ka dhexeyso Falastiin iyo Israa’iil ayaa sare u sii kaceysay tan iyo markii Donald Trump uu ku…

Read More

Wafdiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa waxa ay kulamo gaar ah la yeesheen Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta dalka Qadar Mudane Jassim bin Saif Al Sulaiti. Kulamadan ayaa waxaa looga wada hadley in labada dal iskaashi dhow ka yeeshaan dhinaca isgaarsiinta iyo tiknolojiyadda, gaar ahaan dhinaca maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha isgaarsiinta dalka, tababarrada iyo tayeynta awoodda shaqaalaha isgaarsiinta. Kulammada labada dhinaca oo ku soo dhammaadey is-afgarad ayaa waxa ay qeyb ka yihiin qorshaha Wasaaradda ee sahminta saaxiibo qeyb ka qaata fulinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda, taas oo…

Read More

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa u codeeyay xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka in ay Cod u qaadaan xisaab xirka Miisaaniyaddii sanadkii 2017 , waxaana ay u dhacday Codeynta siddaan. 128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay 8-Xildhibaan ayaa diiday 5-Xildhibaanna waa ay kaAamustay sidaas ayuu ansax ku noqday Miisaaniyaddaan ayaa noqoneysa miisaaniyaddii u horeeysay ee la ansixiyo tan iyo intii uu talada qabtay Madaxweyne Farmaajo.

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa u codeeyay iney sharci darro aheyd Warqaddii dhawaan ka soo baxday xafiiska Xeer ilaalinta ee Lagu dalbanayay in xanaasanadda laga qaado Xildhibaan Cawil Daad. 39 Xildhibaan oo kamid ah Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa u codeeyey inay dacwadu tahay sharci daro halka 2 Xildhibaan ay u codeeyeen inay sharci tahay. Sidoo kale, Guddig Shuruucda ee Baarlamanka ayaa dalbaday in loo yeero Masuuliyiinta xeer ilaalinta laakiin baarlamanka ayaa markii danbe isku raacay inaan loo yeerin. Xildhibaan Cawil Xassan Daad, ayaa u mahadceliyay xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo laalay dacwad xildhibaanka laga gudbiyay

Read More

Waxaa sii xoogeysanaya warar ay werinayaan qaar ka ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo ku saabsan in xiriir jaceyl oo qarsoodi ah uu ka dhexeeyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salaman iyo aktaradda Mareykanka ee Lindsay Lohan. Wargeyska Daily Beast ayaa weriyey in Bin Salman iyo Lohan ay aad isugu soo dhowaanayeen bilihii dhowaa, islamarkaana uu caalamka oo idil ugu duulinayey diyaaraddiisa gaarka ah, islamarkaana ugu qubeynayey haddiyado. Haddiyadaha uu Bin Salman siiyey Lindsay ayaa waxaa ka mid ah credit card ay ku jirto lacag badan. Mar dad ku dhow Lindsay la weydiiyey waxa ka jira xiriirka waxay sheegeen in ayada iyo…

Read More

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore tacsi u diray ehallada marxuumka, Booliska iyo dhammaan dadweynaha reer Somaliland. Sidoo kale, Wasiir Kaahin ayaa sheegay in taliye Fadal uu ahaa mas’uul xilkas ah oo wax badan u soo qabtay Somaliland, islamarkaana aysan iloobi doonin dadaalkiisii iyo sida uu uga shaqeeyey horumarka iyo nabadeynta deegaanada maamulkaasi. Allaha u naxariistee marxuumka ayaa lagu wadaa in saaka aas Qaran loogu sameeyey gudaha magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka gooni isu taaga ee Somaliland.Valueimpression Placeholder Fadal oo xilka taliyaha Booliska Somaliland loo magacaabay 2012-kii ayaa bedalay…

Read More

Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo wareysi siiyey Idaacadda VOA-da ayaa ka hadlay dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha ay geysteen wabiyada Shabelle iyo Jubba ee dalka. Cumar C/rashiid ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatada iyo xaaladda daran ee ka taagan magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in xilligii uu ahaa Ra’iisul wasaaraha ay dhacday fahaada xoogan, balse aysan la mid ah tan maanta taagan oo saameyn daran ku yeelatay dad badan oo ku dhaqan gobollada Hiiraan iyo Baay. Waxaa uu kula taliyey dowladda Soomaaliya…

Read More

Cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo fariisin ku leh magaalada Dhuusamareeb ayaa kaalmo soo gaarsiiyay dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee magaalada Baladweyne. Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale oo ka mid ahaa Saraakiisha ciidanka oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in kaalmo ay iska jareen ciidamada soo gaarsiiyeen Beladweyne. “Waxaan ahayn saraakiil booqasho ku timid Beladweyne, una soo gurmaday shacabkooda Beladweyne ku nool, waxaana ka nimid Dhuusamareeb, waxaana walaalaheen ugu deeqday kaalmo yar oo ciidanka Qalabka sida ay iska gooyeen oo ay dadkooda ugu tabaruceen, waxaan rabnay inaan qalbigeena tusno” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cabdraxmaan Axmed Caraale. Gaashaanle Sare…

Read More

Dowladda Eritrea ayaa soo saartay warmurtiyeed aan horay looga baran iyada oo warmurtiyeedkeeda ku eedeysay iney laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ay Eritrea u maleegtay afgambi. Waxayna xukumadda Asmara warmurtiyeedkeeda carrabka ku dhufatay laanta sirdoonka Israa’iilna iney afgambigaasi la damacsanaa gacan ka geysatay. Dowladda Eritrea waxay sheegtay in afgambigi Militari lala damacsanaa sanadka marka uu ahaa 2011-ka, balse hadda ay heleen macluumaad dhammeystiran oo afgambiga la damacsanaa muujinaya. Afgambigi la damacsanana waxaa qayb ka ahaa ayey tiri xukumadda Asmara in kacdoonna shacab gudaha Eritrea laga abaabulo si awoodda dowladda loo wiiqo. Warmurtiyeedka ka soo baxay xukumadda Asmara oo ku qornaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Qardha ayaa ka hadlay Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliay. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ku jirto geedi socod siyaasadeed, isagoona ku dhaliilay  in dowladda weli aysan caga dhigan, isla markaana loo baahan yahaya in Puntland ay qeyb ka noqoto geedi socodka lagu jiro. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ka go’antahay in Madaxda Dowladda xiligaan ay kula xisaabtanto saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, waxaana Bulshada Puntland uu ka dalbatay inay ku taageeraan Go’aanka Xukuumadda.

Read More

Qalabkii lagu dhisi lahaa wajiga labaad ee Dekedda Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, ayaa gaaray degaankaas, iyadoona la filayo in maalmaha soo socda la filayo in shaqadu si rasmi ah u bilaabato. Qalabkan ayaa ah dhameystirka qalabka loogu talagalay dhismaha qeybta Badda, waxaana dhowaan ay soo gaareen Dekedda Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, iyadoona saacadihii lasoo dhaafay gaaray Garacad. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dhowaan dhagax-dhigay Wajiga Labaad ee Dekedda Garacad, isagoona ku dhawaaqay in muddo labo sanno ah lagu soo gaba-gabeynayo Dekedda oo ah mid aad u balaaran. Dekedda Degaanka Garacad ayaa ah mid…

Read More

Dawladda  Jabuuti ayaa Soomaaliya soo gaarsiisay Lacag gargaar ah oo ay kaga qayb qadanayso gurmadka dadka ay saameeyeen Fatahaadaha webiga Shabeelle. Lacagta ay soo dirtay dawladda jabuuti ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga ay dawladdu u xilsaartay u gurmadka Fatahaadaha , waxa ayna lacagtaasi cadadeedu ahayd 100 million oo ah lacagta laga isticmaalo Jabuuti una dhiganta 600.000 doollar . Lacagtan ayaa waxaa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin dawooyin, agab, iyo raashin loogu samayn doonaa dadka ku dhibaataysan duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabad Qado Sharaf ah u sameeyay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka karkaar, Xafladda oo ka dhacday Beerta Dalxiiska ee Qardho waxaa kala qeybgalay Madaxweyne Deni , Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada , maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, siyaasiyiin xilal kasoo qabtay Puntland, hogaanka dhaqanka, culimo, aqoonyahano , dhallinyaro iyo haween. Ujeedka kulanka wuxuu ahaa in Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni uu uga mahadceliyo Bulshada Gobolka karkaar sidii weyneyd ee ay usoo dhoweeyeen, iyo…

Read More

Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi. “Waxaan ka tacsiyeyneynaa…taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu aqriyey ku yiri Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay afhayeenka kooxda. Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria. Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay…

Read More

Madaxa saxaafada xafiiska Raisul wasaaraha itoobiya Tilahun Neguse oo maanta saxaafada gudaha lahadlay ayaa sheegay in ilaa hada la,xaqiijiyay dhimashada 78 qof oo ku nafwaayay rabshado iyo iskudhacyo diimeed iyo kuwa qoomiyadeed oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Oromiya. Mr. Tilahun ayaa intaasi kudaray in ilaa hada xabsiga loo taxaabay dad gaadhaya 409 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka qaybqaateen isku dhacyada iyo dilalka fooshaxun ee dhawaan deegaanka Oromiya ka dhacay. Mar wax laga waydiiyay sababta ay dawladu usamayn wayday kahortag kahor intayna dhibaatadu dhicin ayuu ku jawaabay inay jiraan kooxo aaminsan inay sharciga kasareeyaan iyo kuwo lidi…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan xubno ka mid ah labada Gole ee Dowladda, ayaa kulan la qaatay hogaanka dhaqanka, Dhallinyarada iyo Gudoonka Haweenka Gobolka Haylaan. Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi, waxayna Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan la wadaageen Madaxweynaha xaaladda guud ee Gobolka, horumarada socda iyo baahiyaha ka jira deegaanka , iyagoo aad uga mahadceliyey socdaalka Madaxweynaha ee Gobolka iyo shaqooyinka illaa hada Gobolka ay Dowladdu ka qabatay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi ayaa dhamaadkii kulanka hadal u jeediyay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Haylaan, wuxuu ku bogaadiyey ka shaqeynta midnimada, Nabada iyo horumarka…

Read More

Ilhaan Cumar oo ka mid ah Golaha Wakiillada dalka Mareykanka mucaaradna ku ah Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegtay in ay kaalinteeda ka qaadaneyso gurmadka fatahaadaha Soomaaliya. Qoraal ay ku soo daabacday bogga Twitterkeeda ayey ku qortay in ay aad uga xuntahay waxa ka socda Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay in isbedelka Cimillada iyo Fatahaadaha ay ugu weynyihiin waxa sababaya dhibaatada ka socota Soomaaliya. Ilhaan Cumar ayaa sidoo kale ku baaqday in qof kasta kaalintiisa ka qaato arrintan si loogu gurmado dadka ay saameeyeen Fatahaadaha. Waxaa ay sheegtay in ay heshay warbixin ku saabsan 180,000 oo qof oo ku barakacay fataahadaha ku dhuftay…

Read More

Waxaan rabaa innaan waxyar ka iftiimiyo dhacdaddii kalfadhiggii Parlamaanka Puntland oo furmay Bishaan Oktoobar dhexdeedda 2019. Haddaan wax hoose oo Nagga Qarsoon aysan jirin,Su’aashii Xildhibaan Cawil uu weydiiyey Madaxweyne Siciid C/Llaahi Denni Umma arko sabab loo buunbuuniyo oo looga dhiggo in Dalkii lagu soo duulay. Madaxweynaha meelkasta oo uu ka khudbeynayo wax waa lagu weydiinkaraa innagga waxaa innaggu Cusub baad moodaa Nidaamka Parlamenteriggaa. Qof walba oo la doorto wuxuu rabaa innuu isku Cabbirro Heesihii iyo Sacabkii Dowladdii Kacaankii Maxed Siyaad Barre.Taasina ma dhacayso wakhtigaan la joogo Waana taariikh laga soo gudbey,Hadey fiicnayd Taariikhdaasna Dalku sidaan umma Burbureen. Tallo soo jeedin…

Read More

Wada-hadalo Khadka Taleefanka ah ayaa xalay dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay loo doortay Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay. Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo la soo xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday in si gaar ah u kulmaan, hase ahaatee Shariifka ayaa u sheegay in shalay wixii ka horeeyay uu ahaa shaqsi, balse haatan uu hoggaamiyo Madasha Xisbiyada, isla markaana haddii ay kulmayaan ay tahay in Madasha Hoggaankeeda inay qeyb ka ahaadaan kulanka, waxaana la sheegay…

Read More

Magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa lagu soodhaweeyay Gudoomiyihii hore ee gobolkaasi Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) oo dhawaan madaxweynaha dowladda Puntland uu u magacaabay wasiiru-dawlaha wasaaradda Dekaddaha Puntland. Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado), Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Dekaddaha Puntland ayaa sheegay in safarkiisu uu ahaa mid daaran arrimo Caafimaad, isagoona ugu mahad-celiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo dhamaan cid walba oo garab istaagtay intii uu xanuunsanaa.

Read More

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dib u furtay labo Iskuul oo ay horey u xirtay sida ku cad wareegtadan ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud. Iskuulada oo kala ah Aqoon Bile iyo Xalane, kuna yaala Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayaa Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland sheegtay in la saxay khaladaadkii horey u jiray, sidoo kalena la waafajiyay Sharciga Waxbarashada.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku dhawaaqay inay Xukuumadiisu dagaal adag kula jirto Cadowyo qarsoon, kuwaas oo uu ugu horeeyo Musuq-maasuqa. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay jiraan Dad kula dagaalsan Xukuumadiisa in Dhaqaalaha laga aruuriyo Bulshada ee loogu adeegayo in iyaga la siiyo, isagoona tilmaamay in aysan Puntland weli gaari inay bixiso Ceyr.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada gole ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Dhahar oo ah xarunta Gobolka Haylaan. Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Maamulka Gobolka Haylaan, Kan degmada Dhahar, Hogaanka Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka iyo ardeyda. Madaxweynaha iyo Wefdigiisa ayaa markii uu soo gaaray degmada Dhahar waxaa uu dhex lugeeyay Boqolaal dadweyne ah oo isugu soo baxay soodhoweyntiisa. Hogaanka dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ka hadlay xafladda soo dhoweynta , ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Imaanshihiisa Degmada Dhahar iyo adeegyada dowliga ah ee la hirgeliyey…

Read More

Ugu yaraan 65 ruux ayaa dhimatay oo ahaa rakaabka tareen kasoo safray magaalada Karachi ee dalka Pakistan kaasi oo qabsaday dab.. Wasiirka Gaadiidka ee dalka Pakistan Rashid Ahmed ayaa sheegay in dabka uu ka kacay gaas ay quraac ku karsanaayeen qaar kamid ah rakaabka. Sida lagasoo xigtay masuuliyiinta maxaliga ah dad badan ayaa dhintay iyagoo isku dayaya in ay ka boodaan tareenka dabka qabsaday. 39 ruux oo kale ayaa lasheegay in shilka ay ku dhaawacmeen iyadoona waqtiba waqtiga xiga ay sii kordhi karto qasaaraha dhimashada. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay shilka tareen…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn waxaa golahu ay ka doodeen Arimaha doorashooyinka Qaranka gaar ahaan guddiga KMG ah ee diyaarinta sharciga doorashooyinka dalka oo dhawaan la tashi u yimid Jubbaland kuwaas oo la kulmay Hay’adaha kala duwan ee Dowlada iyo Bulshada waxaana ay isku raaceen in ay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan oo wakhtigeeda ku dhacda isla markana fariintii Dowlada iyo shacabka Jubbaland ay Guddiga u dhiibeen ay taas ahayd. Dhinaca kale golahu waxay ka…

Read More

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad la soo taagay ayaa sheegay in uusan danbiile aheyn sidaa daraadeed mudan in yahay in la sii daayo.Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka ayaa ku eedeysay in ay ka danbeeyay rabshado ay ku dhinteen in ka badan 58 qof o oka dhacay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida. ”Intii aan talada hayay waxaan u maamulayay dowlad deegaanka si wanaagsan, wax danbi ah ma galin danbiile ma’ahi” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar. Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dalbaday in xorriyaddiisa dib loo siiyo maaddaama uusan jirin dambi cad oo…

Read More

Diyaaradii ugu horeysay oo sida gargaar balaaran oo lagu waday inay maanta ka degto Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa baaqatay, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Daahir Amiin Jiisow. Sababta ay diyaarada u baaqatay ayaa lagu sheegay in tahay, kadib markii la waayay meel ay ku degto diyaaradu, iyadoona la sheegayo in guddiga ay wadaan qorshaha ugu fudud ee gurmadka loo gaarsiin karo dadka ku dhibaateysan duleedka Beledweyne ee Gobalka Hiiraan. Webiga Shabelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyay guud ahaan xaafadaha Magaalada Beledweyne, iyadoona arintaasi  ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada. Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta safar ku tegay Magaalada Dhahar ee xarunta Gobalka Heyland, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey. Wafdiga oo safar dhinaca dhulka ah uga  ambabaxay dhinaca Degmada Qardho ayaa waxaa soo dhaweeyey maamulka Gobalka iyo Kan Dhahar, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaaladaas. Madaxweyne Deni ayaa dhagax-dhigi doona mashaariic laga hirgelinayo Magaalada Dhahar,taas oo uu balan qaaday Sagaal bilood ka hor,xilligii uu musharaxa ahaa. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay Magalada Dhahar uu kulamo kala duwan la qaato Maamulka Gobalka, kan degmada iyo…

Read More

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Somalia gaar ahaan Ururka Shanaad ee DANAB  ayaa waxaa ay howlgal Miino baaris ah ka sameeyeen degaannada Koban iyo Bangeen oo ka wada tirsan Gobolka Jubbada hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegeen in ay howl-galkaasi ku dileen Afar xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro intaasi ka badanna lagu dhaawacay. Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas lagu soo saaray miinoo dhowr ah oo lagu Aasay deegaannada Koban iyo Bangeen,kuwaas oo la doonayay in dadka lagu dhibaateeyo sida ay hadalka u dhigeen. Wadada xiriirisa deegaannada Koban iyo Bangeen ayaan la…

Read More

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabbilsan Soomaaliya Danjire; James Swan, ayaa sheegay in ay hay’adaha Caalamiga diyaar u yihiin taageerada loogu gurmanayo Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiyada Jubba iyo Shabeelle. James Swan; ayaa sheegay in QM ay diyaar u tahay in ay Dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada, kala shaqayso gurmadka loo fidinayo Dadka ku dhibaateysan fatahaadaha. Ambassador; Swan, ayaa sheegay in barnaamijka Cuntada Adduunka WFP uu diyaarinayo Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo u gogol xaaraya taageeridda dedaallada wax qabadka Bini’aaddannimo ee Magaalada Baladweyne iyo goobaha kale ee ay dhibaatadu ka jirto. “Waxan aad ugu mahad naqayaa Xafiiska taageerada QM…

Read More

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xarunta Golaha Shacabka aysan ka socon wax shaqo ah oo dani ugu jirto dadka Soomaaliyeed. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayuu sheegay in aysan iska xil saarin shaqooyinkii loo doortay oo ay ka mid ahaayeen La xisaabtanka Xukuumadda, Matalaada Shacabka iyo Sharci dejinta. Gudoonka Golaha Shacabka ayuu ku eedeeyay in aysan ogoleyn in lala xisaabtamo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiiradda Soomaaliya. Qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood ayaa horay u sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu gacanta u galay Xukuumada, islamarkaana uu meesha ka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Khamiis ah booqanaya Magaalada Dhahar ee xarunta Gobalka Hay-land, halkaasi oo uu ka dhagax-dhigi doono mashaariic cusub. Madxaweyne Deni ayaa markii uu musharraxa ahaa booqday Degmada Dhahar, isagoo ballan-qaadyo kala duwan u sameeyay, haddii uu ku soo baxo doorashada madaxtinimada Puntland. Haddana, sagaal bilood kadib markii la doortay madaxweynaha, ayuu maanta booqanaya degmadaasi Dhahar, iyadoo ay horyaallan in uu wax ka qabto ballan-qaadyadiisi uu bulshada Dhahar u sameeyay xilligii ol’olaha doorashada Puntland. Qaban-qaabada soo dhaweynta madaxweynaha ayaa hadda ka socota magaalada Dhahar, waxaana mas’uuliyiinta degmada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay  ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho ee gobolka Karkaar Puntland. Madaxweynaha waxaa kulanka Cashada ahaa  ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golihiisa  Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal. Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac,kuwaas oo ahaa Xildhibaano siweyn uga soo horjeeday Siyaasadiisa.…

Read More

Magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ayaa waxaa ka furmay shirka Baarlamaanada Carabta,kaas oo looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladaha dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Soomaaliya iyo wadamada Carbeed qaarkood. Shirka Baarlamaanka oo ay ku mideysan yihiin 22-ka dowladood ee Carabta ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Xubno ka socda baarlamaanka Soomaaliya,kuwaas oo Baarlamaanka Carbeed hor-dhigay xaaladaha ka aloosan dalka Soomaaliya. Qodobada ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlay ayaa waxaa kamid ah cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, faragelinta ay dowladaha Shisheeye ku haayaan iyo doorashada la filayo inay ka dhacdo dalka sanadka 2021. Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid…

Read More