Author: Jibril Qoobey

Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ayaa sheegtay in saddex kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay dagaal ka dhacay Suudaanta Koonfureed gaar ahaan xadka dalkaas uu la wadaago Uganda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo. Shaqaalahan ka howlgalayay ha’yadda IOM ayaa la dilay markii ay dhexda u galeen rasaas lais weedaarsanayay markii uu dagaal ka dhacay Sabtidii halkaas. Sida laga soo xigtay ha’yadda IOM, shaqaalahan waxay ka shaqeynayay baaritaanada cudurka Ebola ee ka socda deegaanada xadka si loo xakameeyo faafiddiisa. Waxay ha’yadda hadda hakisay shan kamid ah goobaha ay baaritaanada Ebola ka wadday.

Read More

Ganacsatadda degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in Khasaare weyn uu kasoo gaaray Xayiraadii ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dhawaan saartay Magaalada Kismaayo Duulimaadyada Aada iyo kuwa ka yimaada. Guddoomiyaha Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Jubbaland, Shaafi Raabi Kaahin ayaa sheegay in ay diiwaan geliyeen khasaraha ka dhashay xayiraadas, oo uu sheegay in Khasaare Ballaaran uu kasoo gaaray Shacabka Magaalada Kismaayo. Gudoomiyaha ayaa sheegay in Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dukaamada lagu iibiyo qalabka korontada ku shaqeeya, shirkdaha diyaaradaha, ganacsiga quutur daruuriga, isbitaallada, huteellada, waxbarashada, warshadaha yaryar iyo waliba makhaayadaha. “Qof walba tabartiisa ayuu khasaaray, tusaale ahaan huteellada bishii…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadajir ee degmada Qardho oo la saaray Laami, Wadada oo dhererkeedu yahay 500M waxaa hirgelisay Dowladda Hoose ee Qardho waxayna qeyb ka tahay Mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG. Sidoo kale Madaxweyne Deni wuxuu balan qaaday dhismaha Wadada isku xirta Hotel Gufure iyo Suuqa-weyn ee Qardho, taasi oo dhererkeedu yahay 200M.

Read More

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Dawladda Puntland Farah Maxamuud Cawaash, oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegay in badda ay ku soo fatahday Magaaloyinka Boosaaso iyo Kulub oo ku dhow Degaanka Garacad. Wasiir Cawaash ayaa digniin ku aadan Duufaanta Kayaar u diray Bulshada ku dhaqan Degaanada Xeebaha dhaca, isagoona sheegay inay si dhow ula socdaan marxaladaha Duufaantan oo kusoo dhufatay Xeebaha Dalka Cuman, taas oo u muuqata inay haatan xawaaraheedu hoos u dhacay.

Read More

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in militeriga dalkiisa iyo kuwa Ruushka ay si wadajir ah howlo roondo ah uga sameyn doonaan waqooyi-bari dalka Suuriya, ka dib marka ay dagaalamayaasha Kurdiyiintu isaga baxaan aaggaasi, taasi oo qeyb ka ahayd heshiis ay madaxda Ruushka iyo Turkigu kala saxiixdeen. “Waxa aan bilaabi doonnaa howlgal wadajir ah maalinta jimcaha ah” ayuu Erdogan ku sheegay khudbad laga baahiyay telefeshinnada dalkaasi maanta oo arbaca ah. Heshiiskan ayaa dhigayay in ciidamada dalalka Turkiga iyo Ruushka ay si wadajir ah u roondeeyaan waqooyi-bari Suuriya iyadoo maleyshiyada Kurdidu ay kaga bexeen aagaasi waqtigii loo qabtay oo afar…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhismaha Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, oo noqonaysa xarun lagu lagu keydiyo aqoonta iyo taariikhda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu bogaadiyey in maamulka degmada iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka shaqeeyeen diyaarinta dhulka laga dhisayo Madxafka iyo Maktabada Guud ee degmada Qardho, Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu qeybteeda ka qaadanayso si loo hirgeliyo xaruntan. Xafladda Dhagax dhiga waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabanacad, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo Guddiga u qareemida dhismaha Madxafka iyo…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafti ballaaran oo uu hoggaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland. Madaxweyne Ku-xigeenka oo safar shaqo iyo mid khaas ahba ugu maqnaa dalka debeddiisa, gaar ahaan ahaan qaar kamida wadamada Qaaradda Yurub, waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray Goleyaasha dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in socdaalkiisu uu ka bilowday markii hore shirkii maalgashiga Puntland, isla markaana uu dalka Turkiga kaga qayb galay Shirka maalgashiga Turkiga…

Read More

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Goor-dhaweyd Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Xaalada Billi’aadanimo ee ka taagan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Abdirahman Abdishakur Warsame, ayaa ku dhawaaqay in Xisbiga Wadajir uu ugu deeqay Dadka ay Fatahaaduhu saameeyeen 5 maalin oo biyo dhaamis ah iyo 500 maro kaneeco ah, isagoona sidoo kale ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed inay gaargaar iyo gacan walaalnimo u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee Beledwyne ku barakacay iyo kuwa ku go’doonsan.

Read More

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah Madaxa Xukuumada Galmudug ayaa ka hadlay dilka loo geystay Hoggaamiyihii Kooxda Daacish Abuubabar Al Baqdaadi oo Sabtidii lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay Mareykanka ka fuliyeen  tuulo ku dhow magaaladda Idlib. Sheekh Shaakir oo Suxufiyiinta kula hadlay Magaalada Dhuusa-Mareeb, ayaa geerida ninkan ku sheegay iney tahay mid faa’ido u ah dhamaan dadka Muslimiinta ah, isagoo sheegay inuu dhibaato ku hayay dalalka Caalamka. “Dhimashada uu dhintay ninkii ahaa Cadawga Islaamka,Cadawga Insaaniyada,Cadawga Bini’aadamka oo la dhihi jiray Abuubakar Al-Baqdaadi, waxa uu ahaa Axad dunida dhibaateeyay, waxaan leenahay gacan waliba haku boxo laakiin waxaa weeye Faa’ido…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay deegaano katirsan Gobolka Jubada Hoose oo uu ku fatahay wabiga Jubba. Deegaanadan ayaa maalin kahor waxaa ka bilowday fatahad uu samayay wabiga Jubba waxaana Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka bilowday halkaas gurmad deg deg ah kaas oo ay si aad ah ay ugu diirsadeen dadka deegaanadan ku nool. Waxaa la xidhay dhamaan kanaaladii uu wabigu kasoo fatahay taas oo yaraysay Khasaaraha ka dhalan lahaa waxaana fatahaada oo xili habeen ah bilaabatay ay saamayn ku yeelatay dhul beeredyo kala duwan. Madaxweynaha ayaa kormeeray beeraha ay fatahaadu samaysay isagoo…

Read More

Madaxweynihii Hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku dhawaaqay in aysan aqbali karin xaalada uu dalku marayo. Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo doortay Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo looga dhawaaqay Muqdisho, ayaa sheegay inay had iyo jeer maqlaan in wixii ka dhacaba la yiraahdo Madaxweynuhu lama socon, taasna ay tahay mid aysan iyagu yeeli karin. “Wixii dhaca waxaa lagu leeyahay Madaxweynuhu ma oga Dalkaan yaa Xukuma horta’ inagu waxaan la Xisaabtameyna Madaxweynaha Dadka kale ee hoos laga sheegaayo Shaqo kuma lihin” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Read More

Weftiga waxaa Hogaaminayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Axmed Bashiir Muuse, waxaana qayb ka ahaa Wasiirka Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Sheikh Xaamud, masuuliyiinta iyo hawlwadeenada shirkadda CCECC iyo masuuliyiin kale. Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya Mr. Qin Jian iyo masuuliyiinta safarka ku wehelinaysey ayaa waxa ay shafarkooda shaqo ka bilaabeen kormeer ay ku sameeyeen burburka gaadhey wadada Garoowe iyo Boosaaso oo dhismaheeda labilaabidoona bisha dambe November 2019, ayna dhisidoonto shirkadda CCECC oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxa ay u gudbeen weftigu degmada Dangorayo oo si diiran loogu soo dhoweeyey. Sidoo kale…

Read More

Culimada Dowladda Puntland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegay in Gurmadka ugu horeeya ee Fatahaada Magaalada Baladweyne ay ku bixinayaan Lacag dhan $164,000 (Boqol lixdan iyo Afar kun) oo ka hartay lacagihii loo aruuriyay Abaartii SIMA ee dhacday sanadkii 2017-kii. Culimada Puntland ayaa ugu baaqay Bulshada Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida in laga dhiidhiyo dhibta heysata walaalooda ay saameeyeen Fatahaaduhu.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaddib safar qaatay illaa muddo bil ah oo uu dalka ugu maqnaa. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa si diiran waxaa ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda, Maamulka Gobalka iyo Kan Degmada, Saraakiil iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), oo la hadlay saxaafadda ayaa ka warbixiyay safarkiisa, isagoona xusay inuu Shir uga qeyb-galay Dalka Turkiga, sidoo kalena uu gaaray dalal kale oo kamid ah…

Read More

Hey’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan Cunnada ayaa ka digtay duufaan ku soo wajahan gobolada woqooyi iyo kuwa bari ee Soomaaliya, mudddo sanad ah ka dib duufaantii saqar ee bur-burka ka geysatay geeska Afrika. Saadaal ay sameysay FAO ayey ku sheegtay in duufaantaas oo lagu magic daray Kyarr loo malaynayo in ay la timaado dabaylo awood leh iyo roob, kuwaas oo sameyn ku reebi doona Puntland iyo Somaliland. “Duufaanta Kyarr ayaa kusoo dhawaaneysay Woqooyiga Badweynta Hindiya waxaana la filayaa in 4-ta ilaa 5-ta maalmood ee soo socda ay saameyso inta ugu badan ee Puntland iyo Somaliland” ayuu lagu yiri digniinta FAO. Waxaa…

Read More

Dowladda Turkiga aya noqotay dowladdii ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ee u gurmashada dadka ay sameeyeen fatahaadaha xoogan ee ka jira qeybo badan oo ka mid ah dalka. Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa qoraal ka soo baxay waxa ay uga hadashay saameynta ka dhalatay fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo ay ku barakaceen dad badan oo Soomaaliyeed. Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ugu horreyn ay ka tacsiyeyneyso dhimashada ka dhalatay fatahaadahaas, isla markaana ay aad uga xun tahay dhibaatadaasi. Gurmadka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen. Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo…

Read More

Dowladda Turkiga ayaa iska diiday aqbalaada eedeemo kaga yimid Aqalka Wakiilada ee dowladda Mareykanka oo Turkiga ku eedeeyay xasuuq loogaystay dadka reer Armenia boqol sano kahor. Aqalka ayaa meel mariyay qaraarkan lagu cambaareenayo Turkiga, iyagoona shegay in xasuuqaasi ay gaysteen boqortooyadii Cusmaaniyiinta horaantii qarnigii labaatan meeyadii. Turkiga ayaa ku doodaya in dadka reer Armenia ee ku dhinteen dagaalkii kowaad ee dunida, iyadoona dhimashada dadkaasi lagaarsiiyo boqolaal kun oo ruux. Wasiirka Arimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaana dhaliilay qaraarka lagu cambaaray’yay dowladiisa, isagoona sheegay inay u yeereen safiirka Mareykanka ee Ankara sababo la xiriira qaraar uu meel-mariyey Aqalka Wakiilada Mareykanka oo…

Read More

Labada xisbi ee ugu wayn dalka Ciraaq horayna utaageeri jiray Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ayaa ku amray in uu xilka ka dago. Dalbashada Xil kadista Ra’iisul Wasaare Caadil Abdul Mahdi ayaa imaanaysa xilli ay sii kordhayaan dibad baxyada xoogan ee looga soo horjeedo dowladiisa. Wadaadka Shiiciga ee Muqtada al-Sadri oo sidoo kale ah hogaamiyaha aglabiyada Baarlamaanka Ciraaq ayaa Ra’iisul Wasaare Caadil waydiistay in uu ku dhawaaqo doorasho waqtigeesa lagasoo hor mariyay. Ra’iisul Wasaare Caadil oo dalabkaasi dhagaha ka fureestay ayaa Mr al-Sadri waxa uu haatan sheegayaa in isaga iyo xisbiga ugu wayn siyaasadda dalkaasi ay iska kaashanayaan sidii meesha looga saari…

Read More

Shirkaani oo uu Daahfurey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Waxaa uu ahaa mid looga hadlayey sidii Hay’addaha Samafalka Gargaar Deg deg ah ay u gaarsiin lahayeen Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay oo haatan ka jirta Fatahaadka Biyaha Shirka oo ay ka Qeybgaleen Guddiga Gurmadka Fatahaadyada Koonfur Galbeed iyo Hay’addaaha Samafalka ee ka Shaqeeya deeganada Koonfur Galbeed ayaa inta uu socday waxaa uu ahaa mid looga hadlayey sidii Shacabka kunool Degmada Berdaale ay u heli lahayeen Gargaar  Dhamaystiran. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Arimaha Gargaarka iyo Mareynta Masiiboyinka DGKGS C/qaadir Shekh Ali Baraka ayaa ugu horeyn…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labo Diyaaradood oo gargaar ah u direysa maanta Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo,goordhow ayaa lagu wadaa labadaas diyaaradood inay ka duulaan garoonka diyaaraha ee Muqdisho iyaga oo ku sii kala jeeda Baladwayne iyo Baydhabo. Diyaaradaha Gargaarka saaran ayaa loogu talo galay in dadka dhibaateysan si dhaqsi ah loo gaarsiiyo maadaama dadka xaaladooda aad u liidato. Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay Wabiga Shabeelle kaas oo inta badan saameeyey Xaafadaha kala duwan ee magaaladaas. Dadka ayaa intooda badan isaga barakacay Baladwayne waxayna miciin bideen duleedka magaalada iyo meelaha dalcadaha si ay uga badbaadaan Fatahaadda. Sidoo kale, Degmada Bardaale…

Read More

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyey inay ka gaabiyeen u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaadaha gaar ahaan Magaalada Baladweyne. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay Shir looga dhawaaqay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa sheegay in Dowladdu ay awooday lacago farabadan oo Taalooyin lagu dhisay laakiin aysan awoodin in wax loo qabto dadka Reer Baladweyne aysan aheyn wax is qabanaayo. “Dowladdu mallaayiin Dollar oo aan bajadka ku jirin taalooyin ku dhisi kartaa waa soo heli karta,dadka Reer Baladweyne ee Biyaha dhex-jiifa qaarkood ku dhamaadeen dowladda lacag uma heli karto ee qaaraan hala keeno…

Read More

Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir  Cali Xasan ayaa magacaabay Gudiga u gurmashada dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geestay Magaalada Baladweyne. Guddiga oo ka kooban Sagaal xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigey Yuusuf Xasan Ciyow,waxaana laga soo kala xulay maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay qaban doonaan inay ka qeyb qaatan gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Wabiga Shabeelle. Madaxa xukuumada ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in laga qeyb qaato u gurmashada Dadka ku dhibaateysan Gobalka Hiiraan gaar ahaan Magaalada baaldweyne.

Read More

Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee Dowladda Puntalnd ayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland u gudbiyey codsi ku aadan in Xasaanada laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad, si Xeer ilaalintu ugu soo oogto dacwad Xildhibaanka. Xeer ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xarees Faarax, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xildhibaan Cawil Xasan Daad uu jabiyay Qodobo kamid ah Dastuurka Dowladda Puntland iyo Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada, isagoona Golaha Xukuumadda u soo jeediyay Hadalo qadaf ah oo su’aalo loo ekeysiiyay 26-bishan oo aheyd markii uu furmay Kalafadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo daad-gureynaysay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Magaalada Dhuusamareeb ay kamid tahay Magaalooyinka ugu ammaanka badan Dalka, ayna Maamulo ka jireen 12 sanno ee ugu dambeeyay, isagoona walaac ka muujiyay sababaha keenay in xilligan Dhuusamareeb lagu soo daabulo Ciidamo, Iyadoo ay qeybo kamid ah Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay heystaan Maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay jiri karto saameyn amni oo Ciidankaas ay ku yeelan karaan Degaanada Galmudug iyo Puntland oo…

Read More

Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in looga dhawaaqo Madasha ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda ee dalka oo ay kamid yihiin Xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran oo ay Hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya. Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Isbaheysigaas ay ku mideysan yihiin Xisbiyo ay hoggaaminayaan Maadxweynayashii hore ee Somalia ee sheikh Shariif Sheekh Axmed & Xasan Sheekh Maxamuud iyo laba kamid ah madaxweynayaashii hore ee dawlad goboleedyada. Madasha Xisbiyada oo la filayo in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo ayaa waxaa hoggaamin doono Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoona loogu tanaasulay inuu hoggaamiyo, sida…

Read More

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto qarax ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan. Cali Axmed Guure (Qoyane) oo maqane ah laguna Eedeeyey in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheekh Cilmi Cawaale gudoomiyihii  hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in. Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi kaas oo dhacay 19/04/2019.

Read More

Qardho : 29, Oktoobar 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaaladda Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, ayaa caawa kulan la qaatay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar. Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane, Jaamac Dabaraani ayaa ka warbixiyey Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Guddiga Amniga ee Gobolka Karkaar. “Masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha, waxay uga xog-warameen xaaladda guud ee Gobolka Karkaar iyo kan Degmada, Saraakiisha Laamaha Amnigu waxay ka warbixiyeen sida xaaladda Amni ay u wanaagsantahay, horumarada laga sameeyay dhinaca Amniga, Masuuliyiinta heer Degmo waxay ka warbixiyeen…

Read More

Dad Reer Puntland ee ku safra Wadada xariirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, ayaa wajahaya xaalado adag iyo niyad jab hor leh, kaddib markii ay soo shaac baxeen saacadihii lasoo dhaafay warar sheegaya inuu fashilmay Mashruuca lagu dhisayo Wadadan markii labaad. Xogo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya inuu mashruucan uu mar kale u fashilmay kaddib markii Xukuumadda Puntland ay fulin weyday Shuruudo uu ku xiray Midowga Yurub oo la filayay inuu bixiyo Lacag €6 Milyan oo Yuuro ah oo lagu wajiga hore ee Mashuuraca oo ah ‘Jalam-Xarfo’ maadama uu fashilmay Mashruucii hore. Shuruudaha lagu xiray Xukuumadda Madaxweyne Deni! Midowga…

Read More

Ra’iisulwasaarihii Dalka Lubnaan Sacad Al-xariiri, ayaa is-casilay, kaddib dibad-baxyo Todobaadyadii ugu dambeeyay ka socda Dalkaas. Dibad-baxyadan oo ay dhigayeen Dadka Reer Lubnaan ayaa ay uga cabanayeen Dhaqaalo xumo iyo Musuq-maasuq baahsan oo ay ku eedeeyeen Xukuumadda Al-Xariiri. Sidoo Kale, Shacabka oo soo buux dhaafiyay Waddooyinka Magaalooyinka waa weyn oo ay kamid tahay Beirut, ayaa ka biyo diiday is-bedel uu ku sameeyay Ra’iisulwasaare Sacad Al-Xariiri dhaqaalaha ay qaadanayeen Golihiisa Wasiirada iyo Canshuuro ay soo rogtay Dowladda oo Guud ahaanba uu laalay. Mr. Al-Xariri ayaa Is-casilaadiisa u sababeeyay inuu u turay Dalkiisa, waxaana uu ku baaqay Is-bedelka ay dalbanayaan Bulshada Reer Lubnaan.

Read More

Meydadka Ilaa 5 qof oo ka mid ah dadkii shalay lagu la’aa doonidii kula rogmatay xaafadda ay fatahaadu halakeysay ee magaalada Baledweyne ayaa maanta la helay kadib 24 saac oo la weysanaa. Dadka meydadkooda la helay waxaa ka mid ah Sharmaarke Khaliif iyo Deeqow Cabdi Cariif oo ka mid ahaa shaqaalaha dowlada hoose ee Baledweyne. Waxaa sidoo kale ku jira Shariif Xasan iyo oo ahaa Ganaacsade iyo gudoomiyahii ururka dhalinyarada degmada Shibis ee Muqdisho oo maalmahii ugu dambeyay Baledweyne ku sugnaa, iyo wiil arday ah. Ilaa xalay waxaa socday baadi goobka dadkaas iyo kuwa kale oo wali aan la helin,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar. Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan deqmada Qardho iyo masuuliyiinta kale ee Gobolka ayaa Madaxweynaha iyo Wafdigiisa kusoo dhoweeyay banaanka hore ee magaaladda, halkaasi oo ay isugu tageen boqolaal dadweyne ah oo Madaxweynaha soo dhoweeyay. Soo dhoweynta waxaa ka qeybgalay Hogaanka Dhaqanka , Culimada, Aqoonyahanada, Haweenka, Ardeyda iyo Guud ahaan Barbaarta Gobolka Karkaar oo siweyn uga dhexmuuqday soo dhoweynta iyagoo ku dhawaaqayey Ereyo soo dhoweyn ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markii uu magaaladda soo…

Read More

War kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay fahaatadaha Wabiga Shabeelle uu ka geystay Magaalada Baladweyne iyo daadadka kusoo rogmaday Magaalada Bardaale iyo khasaaraha ka dhashay. Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay inay la socdaan fatahaada Wabiga ee ka jira Baladweyne iyo daadka kusoo rogmaday Bardaale, iyada oo loo tacsiyadeeyey dadkii ku dhintay fatahaada Wabiga ee Magaalada Baladweyne. “Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya  waxaa ay la socotaa xaaladda daadadka qaybo ka mid ah dalka oo ay ku jiraan Beledweyne iyo Bardale, waxaana u tacsiyadeyneynaa dadka ku dhintay fatahaadaha iyo daadka  ayaa lagu yiri” Warka…

Read More

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaal beeleed maanta ka dhacay Degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo sababay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah. Dagaalka ayaa yimid kadib markii labada maleeshiyo beeleed ay isku qabsadeen dhul ku yaalla banaanka degmada Cabudwaaq gaar ahaan Xaafad lagu Magacaabo Ceel-Gargaar oo ah duleedka Bariga Cabudwaaq, taasi oo sababtay inay wada dagaalamaan.. Dadka degaanka ayaa sheegay in hal ruux uu ku geeryooday dagaalkan, halka labo kalena ay dhaawacmeen, waxaana goobta uu dagaalku ka dhacay gaaray Ciidanka Booliska iyo Nabad-sugida Maamulka Galmudug, kuwaas oo kala dhex-galay Maleeshiyo beeleedka. Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil…

Read More

Hoggaanka Sare ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa soo Bandhigay Nuqulada ay sheegeen in uu yahay Heshiiskii ay wada gaareen, iyaga iyo Dowlada Faderaalka ah ee Soomaaliya. Heshiiska oo dhowr qodob ka kooban ayaa Cadeynaya qaabka xulista Baarlamaanka Cusub ee Galmudug kaas oo la saxiixey Bishii June ee Sanadkaan 2019. Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Ahlu-sunna ay warqadaan ah heshiiska ay horay ula galeen Dowladda Fedearalka ay u direen xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya. Ahlu-sunna ayaa horay u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya uga baxday hehsiisyadii ay wada galeen, inkasto Wasiirka Arrimaha Gudaha uu dhankiisa sheegay in arrintaasi aysan waxba…

Read More

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu ka hadlay fatahaadaha wabiga Shabeelle uu ka sameeynayo deegaano ka tirsan Hirshabeelle gaar ahaan Magaalada Baladweyne. Sheekh Shariif ayaa waxaa uu sheegay in Ummada Soomaaliya uu la wadaagayo murugada waxyeelada Fatahaada Wabiga Shabeelle, isagooan tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen dhammaan dadkii ku dhintay fataahada, wuxuuna Alle uga baryay inuu Janada ka waraabiyo. Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulada xubnaha ka ah iyo saaxiibada Soomaaliya ee caalamkaba inay ka qayb qaataan gurmadka deegaanada dhibaatadu gaartay. Akhriso Fariinta Sheekh Shariif u diray Dowladda iyo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander. Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya. Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden,…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan maalinta Jamhuuriyadda dalka Turkiga waxa uu u diray dhiggiisa dalkaas Mudane Rajab Dayib Ordogaan. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Turkiga ee aan walaalaha nahay horumarka ay ku tallaabsadeen tan iyo sannadkii 1923-dii markaas oo dhidibbada loo taagay Jamhuuriyadda Turkiya. “Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Shacabka iyo Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Waxaa farxad ii ah inaan idiinku hambalyeeyo adiga, shacabka iyo Dowladda Turkiga munaasabadda Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ee 29 ka Oktoober.” Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda uu leeyahay xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya labada…

Read More

Wakiilka Maraykanka u qaabilsan Wadahadallada nabadda ee Taalibaan ayaa u jooga Pakistaan dadaallo uu doonayo in dib loogu soo celiyo wadaxaajoodka lagu dhameynayo khilaafka Afganistaan ka aloosan 18-ka sano. Zalmay Khalilzad, ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Pakistaan Imran Khan waxaana uu sidoo kale la hadli doonaa Taliyaha Ciidanka Pakistaan si loo raadiyo hanaan suura gelin kara in wada xaajood darafyo badan lala galo Taalibaan. Dowladda Pakistaan ayaa dooneeysa in dib loo soo celiyo wadahaladda nabadda ee bur-buray Bishii September ee Sanadkaan kadib markii uu Madaxweyne Trump si lama filaan ah ugu dhawaaqay in dhamaadeen. Golaha Sare ee maamula Taalibaan waxaa…

Read More

Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi oo kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka gaabiyeen Howlaha ugur mashada Dadka uu saameeysay Fatahaadda ay samaynayaan Wabiyada Jubba iyo Shabelle. Xildhibaan Jindi ayaa sheegay inay aad u yar yahay gar-gaarka loogu talagay dadka ku dhibaateysan Beledweyne iyo Gobolada kale ee dalka, sida Bay iyo Jubboyinka. Waxaa uu sheegay in qorshaha iyo gar-gaarka la qoondeeyay aysan isku dhaweyn dhibaatada jirtana ay ka baaxad weyn tahay, sida ay Xukuumaddu wax u maareynayso. Sidoo kale, Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in Lacag gareysa 500.000 oo doollar,…

Read More

Ciidanka amaanka Ciraaq ayaa saacadihii hore ee saaka raasaas ku furay dad dibad-bax Dowladda looga soo horjeedo ka dhigayay magaaladda barakeysan ee Karbala waxaana dhintay ugu yaraan 14 qof halka ay boqolaal kalena dhaawacmeen. Dibad-baxyadda dib usoo cusboonaaday ee dalka Ciraaq ka socda waxaa looga oo horjeedaa musuq-maasuqa, shaqa la’aanta iyo adeegyadda dadweynaha oo liita. Wadar dhan 250 qof ayaa ku dhintay mudada bisha ah ee mudaharaadyadu ka socdaan magaaladda Caasimadda ah ee Baqdaad iyo magaalooyin kale oo dhowr ah. Magaaladda Karbala waxay Ciidanku rasaaseeyeen dad ilaa iyo xalay banaabaxayay. Ila caafimaadka ee magaaladda waxay sheegeen in ay dhaawacmeen 865…

Read More

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo manta shir jira’iid ku qabtey Magalada Garoowe ayaa ka hadlay wax qabadyada ay ka fulisey Xukumada uu hoggaamiyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Wasiir Siciid Cismaan ayaa sheegay Khudbaadi Madaxweynaha Puntland ee uu ka jeediyey Kalfadhiga Golaha Barlamaanka Puntland uu kaga hadleyey Wax-qabadyada Dowladu ka hirgalisey Gobolada Sanaag iyo Haylaan ay tahay wax dhab ah, Xukumadduna ay iminka wado qorshayaal wax qabadyo cusub oo ay ka hirgalineyso Goboladaas. Sido kale Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xolaha ee Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan ayaa waxaa uu ka jawaabey Hadal…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maanta gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar ayaa ku amaanay Bulshada Magaaladaas soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxaana uu sheegay inay tahay dhaqan lagu yaqaanay. “Qardho waa lagu yaqaanaa xamaasada, soo dhawaynta iyo is barbartaaga dawladnimada, hadaysan dawladu shacabkeeda garab ka helin way adkaanaysaa ula jeedooyinkii loo doortay inay gudato” ayuu yiri Madaxweyne Deni

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay. Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan Degmada Qardho ayaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay Magaalada Qardho ee Xaruunta Gobolka Karkaar. Madaxweyne Deni ayaa u mahad-celiyay Isimada, Maamulka iyo Shacabka Qardho, sida ay ugu soo dhaweeyeen Magaalada, isagoona kula dar-daarmay inay is barbar taagaan Dowladda. “Qardho waa lagu yaqaanaa xamaasada, soo dhawaynta iyo is barbartaaga dawladnimada, hadaysan dawladu shacabkeeda garab ka helin way adkaanaysaa ula jeedooyinkii loo doortay inay gudato” ayuu yiri Madaxweyne Deni Ujeedada Safarka Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin la xiriirta duufaano iyo roobab is wata oo oo la sheegay inay maalmaha soo socda kusoo wajahan yihiin deegaannada Puntland. Wasaaradda ayaa qoraalo ugu dirtay dadka taleefoonadooda gacanta sigaar ah dadka degan xeebaha iyo meelaha togaga ah, iyada oo ugu baaqday inay ka fogaadaana ama ka baxaan meelahaas si aysan waxyeelo ugu geysan Roobabka iyo duufaanta. “Wasaaradda Arrimaha gudaha waxaa ay ku wargilineysaa dadka degan Xeebaha Puntland, gaar ahaan gobolada Bari sida,Sanaag,Heylaan, Gardafuu iyo Karkaar in dabeylo xoogan oo roob wata ay inagu soo fool leeyihiin sida ay…

Read More

Midowga Yurub waxay laaleen lacagtii ay ugu talagaleen dhismaha Wadada Galkacyo iyo Garowe,taasoo gaaraysay Toban Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun dolar markale. Midowga Yurub oo lacagtan dib u ogolaaday doorashadii Madaxweyne Deni kadib,ayaa hada joojiyay bixinteedii. Sababta loo joojiyay lacagtaas,ayaa timid kadib markii Dowlada Puntland ay ku guuldaraysatay soo dhamaystirida shuruudiihii laga rabay dhankeeda. Shuruudaha ay ku xireen Midowga Yurub Puntland,ayaa waxay kala ahaayeen.. 1.In Shirkadii horay uhaysatay qandaraaska ee isxilqaan laga saaro meesha. 2.In tartan furan dib loogu galo qandaraaska dhismaha Wadada si daahfurnaan leh. Dowlada Puntland waxay ku fulin wayday shuruudahaas mudadii loo cayimay. Sababaha ay ufulin…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in isaga oo tixgelinaya Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo uu u magacaabay Cabdifataax Nuur Axmed (Ashkir), Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska,

Read More

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay kulan ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmahaan halkaasi ku sugan iyo hoggaanka ugu sareeya Ahlusunna Wal-Jamaaca. Kulanka oo ka dhacay xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadlay sidii Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlusunna loogu celin lahaa xeryahooda, isla markaana laga dhex saaro gudaha Magaalada,kuwaas oo soo galay,kadib xiisad Siyaasadeed oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb taas oo u dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna. Sidoo kale kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha la xiriira guddiga doorashada Galmudug maadaama Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Madaxa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya Magaca Goleyaasha kala duwan iyo kan Shacabka Puntland wuxuu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday waxyeelada ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle, wuxuuna illaahay uga baryay inuu Jannatul Fardowsa geeyo, eheladoodiina Samir iyo iimaan ka siiyo. Puntland, Dowlad iyo Shacab ahaanba waxay la qeybsanaysaa dhibka iyo xanuunka ay wajahayaan walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelada lixaadka leh kasoo gaartay fatahaadda webiyada Shabeelle iyo Jubba, waxaana la garab taaganahay taageero iyo gurmad ay waajib tahay inaan bixinno. Ugu danbeyntii Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ugu baaqay cidkastoo gacan ka geysan…

Read More

Sida uu qabo Dastuurka Puntland iyo Xeer hoosaadka golaha Masuul kasta oo xasaanad leh barlamaanku waa la xisaabtami karaa Sida Madaxwayne, Gudoomiye barlamaan, Wasiir iyo Masuul kasta oo goluhu xasaanad siiyo iyadoo la raacaya Xeer hoosadka golahaoo dhigaya,Habraaca_Hadalka. 1.Gudoomiyuhu wuxuu Xildhibaanada u sheegayaa in Su’aaluhu furan yihiin, markuu ogalaansho ka helo masuulka golaha hor yimid, inuu diyaar u yahay su’aalaha, haduu ka cududaarto masuulku waqti kala la siinayaa.Hadii u masuulku diyaar u yahay Su’aalaha, gudoonku wuxuu farayaa xoghayaha in la diwaan galiyo, dhamaan Xildhibaanada diyaarka u ah Su’aalaha, iyagoo mid mid loo xaadirinayo, Mudane Kasta wuxuu xaq u leeyahay 3…

Read More

Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna…

Read More

Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland oo safar shaqo ku tagey Dalka Uganda ayaa waxaa si weyn halkaas ugu soo dhaweeyey Masuuliyin horey xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland , Ardeyda reer Puntland ee wax ka barta Dalkaas iyo Jalliyarada reer Puntland ee Dalka Uganda. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa u mahad-celiyay Dadkii soo dhaweeyay, isagoona sheegay inay Ujeedada safarkooda Ugandha ay tahay xal u raadinta caqabadaha ka hor-yimaada Ardayda Reer Puntland ee wax ka barata Dalkaas.

Read More

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay ku leedahay Caasimada waxaa ka bilaamay diiwaan-galinta shaqaalaha rasmiga ah ee Wasaaradda kana hawal gala Gobolada puntland, waxana lagu bilaabay Diwaan galinta Shaqaalihii maray tirakoobkii 2017 Cabdi Fataax Cali Jaamac Agaasimaha Maamulka Wasaaradda Maaliyadda oo la hadlay Diiwan-gelintan ayaa yiri “Waxaa la diwaan galinayaa shaqalaha Wasaaradda Maaliyadda ee maray tira koobkii 2017, 682 qof oo gobolada oo dhan ah waxa jira shaqale kale oo aan wali marin, waxaanu ku bilownay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Caasimada kutaal shaqaalaha ka hawal gala waxan ku xijin doonaa insha alaah Gobolka Nugaal, gobolada kalena waan mari doonaa ayuu…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku marti qaaday Guddiga KMG ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaran oo maalmahii lasoo dhaafay howlo shaqo u joogay Jubbaland. Qado sharaf uu Madaxweynahu Xubnahan ugu sameeyay Madaxtooyada kadib waxaa kulan ay yeesheen lagaga hadlay shaqada gudigan iyo waxyaabahii uga qabsoomay howlaha shaqo ee ay Jubbaland u yimaadeen. Waxaa kulankan diirada lagu saaray sidii talooyinka iyo aragtiyada ay Guddigan uruurinayaan ay u noqon lahayd mid ka turjumaysa rabitaanka dadka Soomaaliyeed. Guddigan ayaa sidoo kale la kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland Golaha Wasiirada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaana…

Read More

Xisbiga Ilays oo ka mid ah xisbiyada siyaasadda ayaa baaq ka soo saaray bannaan baxyada maalintii saddexaad ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaasoo ay dhigayaan darawalada gaadiidka, kuwaasoo ka soo horjeeda xirnaanshaha waddooyinka caasimadda. Baaqa uu soo saaray Xisbiga ayaa waxaa dowladda Federaalka looga dalbaday inay ka jawaabto tabashada dadweynaha, ayna ka qaado jidgooyooyinka sida ugu dhaqsiyaha badan.

Read More

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo kamid ah Guddiga gurmadka fatahaadaha ee Dowladda Federalka, ayaa ugu baaqay Bulshada ku dhaqan Degaanada Puntland, Galmudug iyo Somaliland inay u gurmadaan Dadka ay saameeyeen Fatahaadu ee ku nool Gobalka Hiiraan, maadama Dowladda Federaalku aysan awood u laheyn, dadaalkeediina ay muujisay.

Read More

Guddiga gurmadka fatahaadaha ee dowlada federalka ayaa sheegay in xaaladda Beledweyne ay tahay mid qatar badan ay ka jirto isla markaana uu xirmay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne. Guddoomiyaha Guddigan Wasiirka Gargaarka XFS Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in roobab xoog leh oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne uu sababay in garoonka diyaaradaha uu xirmay isla markaana xaaladda ay uga sii dartay. Guddiga ayaa ka digey in magacooda lagu ururiyo gargaar isagoo amray in guddiga lala wadaago gargaarkii la yabooho ciddii u hogaansami weydana lala xisaabtami doono. Ugu dambeyntii Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa baaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan…

Read More

Sharciga xaqsiinta siyaasiyiinta dowladda Soomaaliya oo ay horay u soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka hadana horyaallay Golaha Aqalka Sare oo ay Maanta ansixiyeen ayaa buuq badan ka dhex dhaliyay golaha dhexdooda. Sharciga oo ay Xubnaha Aqalka Sare horay u marsiiyeen Akhrintiisa 1aad iyo 2aad ayaa Maanta waxaa lagu balansanaa in Akrintiisa 3aad la marsiiyo kadibna la ansixiyo balse Sanetarada qaar ayaa waxa ay soo jeediyeen in sharcigaan uusan muhiim ahayn ayna tahay in dib loo dhigo . Buuq farabadan kadib ayaa sharciga cod loo qaaday, waxaana ansixiyay 20 sanetar,waxaa kasoo horjeestay 10 sanetar halka uu ka amusay 1 saneter oo…

Read More

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa shaaciyey tirada dadkii ku geeriyooday doontii ku qalibantay Magaalada Baladweyne xilli dadkaasi ay kusii jeedeen deegaanka Ceel-Jaalle ee duleedka Koonfur ee Magaalada Baladweyne,kadib amrkii Magalada Baladweyne ay buux dhaafiyeen Biyaha fatahaad uu sameeyey Wabiga Shabeelle. Dadka doontaa saarnaa oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka hir-Shabelele iyo dad Shacab ah ayaa badankood la soo badbaadiyey halka qaar kale ay geeriyoodeen. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in ilaa todobo ruux ay ku geeriyoodeen doontaas o ay kamid yihiin Dahabo Xasan oo kamid aheyd la-taliyeyaasha Madaxweyne Waare Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa…

Read More