Author: Jibril Qoobey

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland ayaa maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku Qabatay shir dib loogu eegaayo Siyaaasada Barakacayaasha Puntland. Ujeedka shirka ayaa ku saabsana sidii dib u eegis iyo waxka bedel loogu samayn lahaa siyaasada barakacayasha ku nool puntland kulan ayaa waxa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha gaar ahaan waaxda qaxootiga iyo barakacayaasha waxaana shirka kasoo qayb galay Hay’adaha madaxa banaan ee Wasaaradda kala shaqeeya arrimaha barakayaaasha iyo hay’adaha dowliga ah ee bahwadaagta kula ah wasaaradda arrimaha gudaha howlaha barakacayaasha, xubno matalayey barakaacayasha ku nool Puntland iyo madaxkale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha. Shirka…

Read More

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed), oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in habka xasaanad ka qaadidda saddexda mas’uul ee ugu sarreeya dowladda Puntland ay caddaalad-darro ka jirto. Mudane Dhoobo ayaa soo jeediyay in guddoomiyaha Baarlamanku uu la sinnaado madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, marka laga hadlayo xasaanad ka qaadidda. Sida ku xusan Dastuurka Puntland, Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku waxaa lagu ridi karaa 44-cod, halka guddoomiyaha Baarlamanka lagu ridi karo 34-cod oo keliya. Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in Dastuurka Puntland dib loo furo, si loo simo xasaanadda saddexda mas’uul ee ugu sarraysa dowladda. Balse, BBC-da ayaa weydiisay…

Read More

Cali Yusuf(Cali Xoosh) waa Mulkiilaha Wasaarada Arimaha Dibadda wuxuu keensaday Walalkiis(Ilmo Abti iyo ilmo Eedo Laxmi ah) Axmed Ciise Cawad oo markaa ahaa Safiirka Somalia ee Mareykanka, isagoo awoodaas dadban u isticmaalay inuu ku fushado Maslaxad kasta uu u arkayay inay dantiisa gaar ka ah kujirto, isagoo Khayaamaynaya Madaxwaynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, wuxuu sababay Khilaafka Xalka loo waayay ee Puntland iyo DF isagoo garwadeen ka ah MASHAQO kasta ee labada dhinac ka abuuranta, sidoo Beesha Gobolka Mudug oo Siyaasad ahaan iska soo horjeedaan oo uu 24 saac Hagardaamooyinkooda ka shaqeeyo isagoo xataa qarsan kari wayay Ilaa Caasimadda Muqdisho iyo Guud…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maantay ansixiyey ajandaha rasmiga ah ee uu ku shaqayn doonaan inta uu furan yahay Kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanku. Ajandaha ay ansixiyeen Xildhibaanada ayaa waxaa kamid ah qodobo xasaasi ah, sida 1. Ansixinta Xeerarka gudiyada joogta Barlamaanka.2. Ansixinta miisaaniyad Dowladda Puntland.3. Anxisinta gudiga Doorashooyinka Puntland4. Go’aaminta Qorshaha istaraatiijiyadeed ee uu goluhu ku howlagelidoono 2020-2024.5. Xeerarka Xukuumada soo gudbiso iyo Heshiisyadii Xukuumadu gashay iyo kuwii ka horeeyay dabagalkooda.6. Xaaladda Amniga ,dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.7. Laxisaabtanka xukuumadda.8. Xaalufka deegaanka iyo jariifka badda.9 .Dhisida Maxakamadda Dastuuriga ah.10. Wadada isku xirta ceeldaahir iyo Ceerigaabo11. Dib u eegista Hay’adda Wadooyinka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka taagneyd xiisad siyaasadeed oo ku aadan hannaanka loo dhisayo maamulka Galmudug oo ay isku khilaafsan yihiin Ahlusuna iyo dowladda Federaalka.adeer Xiisada siyaasadeed ee ka taagan Dhuusamareeb ayaa timid, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay magacawday Guddiga Farsamada Maamul dhisida Galmudug, halka Maamulka Ahlusuna ay ka soo horjeesteen, waxaana ay magacaabeen Guddi kale. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Dhuusamareeb oo noqonaya kii saddexaad uu ku tago, tan safarkiisii bishii June ku tagay magaaladaas iyo deegaano ka…

Read More

Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Argentine Alberto Fernández ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday. Mr Fernandez ayaana doorashadaasi ka helay codad gaaraya 45%. Doorashadan ayaa kusoo beegantahay xilli dhaqaalo xumo aad u liidato ay ka jirto dalka Argentine. Dadka reer Argentine ayaa lasheegay in sadax meelood meel ay yihiin dad faqri ah. Hoggaamiyaha mucaaradka eek u guulaystay doorashada ayaa taageerayaashiisa u sheegay in uu lashaqeen doono madaxwaynaha xilka ka sii dagayo sida ay warisay wakaaladda wararka ee Reuters. Codadka guud ee latiriyay ayaa ah 90% iyadoona Mr Fernandez codadkaasi uu ka helay 47.79% halka musharaxa latartamayay oo ah…

Read More

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Dhexe ,taas oo la sheegay in lala beegsaday Saldhigyo ay leeyihiin dagaalamayaasha Kooxda  Al-Shabaab. Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa sheegay in duqeyntan oo  ka  dhacday Degmada Saakow, lagu dilay Saraakiil ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo ilaaladooda. Xubnaha lagu dilay duqeynta ayaa la sheegay inay ahaayeen Saraakiil muhiim u ah Kooxda Al-Shabaab, wallow aan weli magacooda la helin. Diyaaradaha Ciidanka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsadaan Saldhigyada ay ku sugan yihiin Saraakiisha Kooxda Al-Shabaab, waxaana todobaadkii lasoo dhaafay la duqeeyay Saldhigyo Kooxda ay…

Read More

Banaan-bax ay dhigayaan Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saaka maalintii Saddexaad ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka. Darawalada Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka ayaa u jeedka Banaanbaxooda waa uu salka ku haya cabasho ay ka muujinayaa xirnaansha qaar kamid ah waddooyinka Caasimada iyo canshuur lagu kordhiyey. Qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ayaa sheegay inay ka Cabanayan lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay iyo xirnaashaha Waddooyinka Caasimadda. Sidoo kale, Gaadiidleyda BL-ka ayaa sheegay in banaanbaxa ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Cadaalad ka helayaan.

Read More

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in doon ay la gudoontay Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobalka iyo kan Degmada Beledweyne, kaddib markii Fatahaad ka dhalatay biyaha Wabiga Shabeelle ay rogeen doonta. Mas’uuliyiinta Doonta la socday ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen Duqa Degmada Beledweyne Safiyo Xasan Sheekh Cali Jimcaale, Guddoomiyihii hore ee Gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax iyo dad kale. Wararka ayaa intaas ku darayaan in dadkii la socday Doonta dhamaantooda  lagu la’yahay biyaha Wabiga Shabeelle. Sidoo Kale, Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Doonta la socotay  in ay ku sii jeedeen dhinaca deegaanka…

Read More

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa markale waxaa uu si kulul uga hadlay xariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr bilood ka hor Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan). Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdirashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso. Waxaa uu ugu baaqay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha…

Read More

Shir wadajir ah oo ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka ayaa uga furmay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocdka, Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada ee u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa magaalada Istanbul uga furmay shir toban maalin socon doona laga bilaabo 27 Octoobar 2019 ilaa 5ta Nofeebar 2019 oo ku saabsan dib-u-eegista 15ka Cutub Dastuurka ee la soo dhameeyay. Ugu horeyn, waxaa shirka ku soo dhaweeyay dhamaan ka qayb-galayaasha islamarkaana sharaxday ujeedooyinka shirka Gudoomiyaha Gudigga la-socodka ee Dib-u-eegista Dastuurka ee labada gole Mudane Cabdi Qaybdiid. Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa hogaaminayay…

Read More

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo kulan yeeshay ayaa waxaa looga hadlay Arrimaha xilligaan ka taagan Soomaaliya,iyada oo Warbixino looga dhageystay  Safiirka Biljamka u fadhiya Qaramada Midoobey oo ku saabsaneyd xaalada Soomaaliya. Warbixinta safiirka ayaa waxaa kamid aheyd Waxqabadka Guddiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta soomaaliya, hoos u dhigista dhoofinta dhuxusha iyo in Al-Shabaab iyo Kooxaha kale ee ka dagaalama Soomaaliya in uusan hubka gacanta u gelin. Kadib warbixinta Safiirka Biljamka u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa Goluhu waxaa uu sidoo kale ka hadlay kaalmooyinka ay siiyaan Soomaaliya iyo sida weli Al-Shabaab Qatar ugu tahay Ammaanka iyo Dhaqaalaha badan ay xilligaan helaan.…

Read More

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta yeelanaya Kulankoodii Labaad ee Kalafadhiga 45-aad oo furmay maalinadii sabtida aheyd. Ajendaha maanta ee kulanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ah ansixinta Ajendayaasha Golaha ee inta uu socdo Kalafadhiga 45-aad. Xildhibaanada Golaha ayaa kulankoodii shalay soo jeediyay Fikradahooda ku aadan Ajendayaasha muhiimka ah, waxaana ay soo bandhigeen in kulanka looga hadlo Qodobo ay kamid yihiin Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda Boosaaso iyo Khilaafka Siyaasadeed ee Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kalafadhiga 45-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa socon doona 45 Maalmood, waxaana Dadka Odorasa Siyaasadda Puntland ay…

Read More

Jeneral Asad Cismaan iyo Ciidan xoog leh oo uu wato,ayaa soo galay magaalada Garowe caawa. Inkastoo Jeneralku degan yahay magaalada imaan jirayna hadana waxuu kusoo aaday imaanshihiisan xili xaalad siyaasadeed oo kacsan ay jirto. Waxaa jira dareen ka dhashay imaanshaha Asad ee Garowe,kaasoo lagaba yaabo in uu dib udhac ku keeno qorshaha Madaxweyne Deni ee uu ku aadi lahaa Dangoronyo iyo Qardho. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweyne Deni iyo Safiirka Shiinaha waxay beri wada dhagaxdhigi doonaan wadada Dangoronyo-Eyl oo ay dhisayso Shirkada CECC. Kadib dhagax-dhigaas waxuu Madaxweyne Deni usii gudbayaa Qardho oo uu tababar ugu soo xiri doono Guuto ka mid ah Ciidanka Difaaca Puntland oo tababar uga socday Xerada Xorgoble ee Qardho. Dhanka kale waxaa jira dareen ka dhashay imaanshaha Asad ee Garowe,kaasoo lagaba yasbo in uu dib udhac ku keeno qorshaha Madaxweyne Deni. Jibril Qoobey.

Read More

Iyadoo qayb ka ah isbadalka guud ee kahana qaaday wadanka, xisbigu wuxuu shirwaynihiisii 10aad dib u habayn ku sameeyay qaabdhismeedkiisa iyo qaybo ka mid ah xeer-hoosaadkiisa si uu usuuragaliyo in si dag dag ah looga jawaabo baahiyaha faraha badan ee shacabkeena ee mudada dheer isa soo biirsanayay. Taasi waxay sahashay in mudadii lixda bilood ahayd ee ina dhaaftay guulo lagasoo hooyo dhinaca siyaasada iyo horumarkaba. Sidaas ooy tahay, waxaan indhaha laga qarsan Karin in wali ay jiraan caqabado badan oo hor taagan sidii xawli loogu dhaqaajin lahaa hawlaha horumarka iyo maamulka suuban ee deegaankeena. Si hadaba loo qiimeeyo wax qabadkii…

Read More

The U.N Security Council Somalia Sanctions Committee has called for an urgent update of the country to better reflect reality on the ground. This comes as the committee argues says that the situation in the country is vastly different from when the sanctions were first imposed. The Chair of the Security Council Somalia sanctions committee, Marc Pecsteen de Buytswerve said the current political and security context in Somalia has changed since 1992, adding the update will give a clearer picture on how to move forward. “The context must be streamlined, simplified, and updated to reflect the current realities of counter-insurgency…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga Maamulka Dakhliga oo qeyb ka ah dhammeystirka hannaanka Maamul-wanaagga iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada, Golaha Dhaqaalaha Qaranka iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay hawshan qiimaha leh uga mahadceliyay dhammaystirka Sharcigan. “Sharcigani waxa uu ku saabsan yahay maamulka dakhliga waana Sharci la jaan-qaadaya nidaamka casriga ah ee ururinta dakhliga. Qodobbada uu ka hadlayo sharcigan waxaa ugu muhiimsan bixinta canshuurta iyo sidii loola macaamili lahaa canshuur bixiyaha.” Munaasabadda Saxiixa sharcigan kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo waxa…

Read More

The shadowy leader of the Islamic State group who presided over its global jihad and became arguably the world’s most wanted man, is dead after being targeted by a U.S. military raid in Syria, President Donald Trump said Sunday. “Abu Bakr al-Baghdadi is dead,” Trump announced at the White House, saying the U.S. had “brought the world’s number one terrorist leader to justice.” As U.S. forces bore down on him, Trump said al-Baghdadi fled into a tunnel with three of his children and detonated a suicide vest. “He was a sick and depraved man, and now he’s gone,” Trump said.…

Read More

A U.S. drone strike intended to hit an Islamic State (IS) hideout in Somalia’s northeastern region of Puntland mistakenly killed two frankincense collectors, according to local elders and a survivor who spoke Saturday with VOA. The Friday afternoon attack also injured another person after the drone strike hit the men, who were in the process of collecting frankincense near the remote Ameyra village in the Golis Mountain region of Somalia’s Northeastern Bari province, multiple local elders told VOA. Sa’id Abshir Mohamud, a local elder at Timishe village near the target of the strikes, told VOA Somalia about the reported civilian…

Read More

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay hoggaamiyihii kooxda la baxday dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawl gal ka dhacay dalka Suuriya. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baqdaadi ku cararay god dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula cararay. Waxa uu sidoo kale sheegay in 11 carruur ah laga soo badbaadiyay gurigii uu degganaa, waxaana uu hadda sheegay in dunidu ay tahay mid amni ah maadaama buu yiri la khaarijiyay “ninkii ugu cadowsanaa dunida”. TV-ga dowladda Ciraaq…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Wakiilka QM ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Mr James Swan ayaa waxaa ay wada qaateen kulan Al-baabadu u xiran yihiin oo looga hadlay Arrimo dhowr ah. Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Saxaafadda si wadajir ah ula hadlay Madaxweynaha Puntland Iyo Wakiilka Qaramada Midoobay, iyagoona sheegay inay ka wada-hadleen Arrimaha Siyaasada, Dhaqaalaha iyo Amniga.

Read More

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka BFS, ayaa Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMg ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ka bilaabay kulamo wada-tashiyo ah oo ay la yeelan Madaxda, Dhaqanka iyo Qeybaha Bulshada Degaanada Jubbaland. Xubnaha Guddiga oo uu horkacayo guddoomiyahooda Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} oo shalay gaaray Kismaayo ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee Bulshada ee Magaalada Kismaayo, iyaga oo wadatashiyo iyo talooyin kala sameynaya Sharciga doorashooyinka Qaranka. Guddiga soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in ay Magaalada Kismaayo kula kulmaan Madaxda ugu sareeysa Maamulka…

Read More

Wafdigan ayaa Waxaa Hogaaminyay Wakiilka gaarka ah ee QM u Qaabilsan ka hor tagga Askareynta Caruurta Virginia Gamba,waxaana Muqdisho kusoo dhaweeyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) Soo dhaweyn kadib Wafdiga ka socda QM iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ay yeesheen kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Wafdigan maanta muqdisho ay soo gaaraan, isagoo intaas ka hadalkiisa ku sii daray in inta ay muqdisho ku sugan yihiin ay ka wada hadli doonaan arrimo la xiriira ka Hortagga Askareynta Caruurta. Wafdiga ayaa sidoo…

Read More

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo maanta Kulan ku yeeshay Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee jubbaland ayaa ansixiyay Madaxweyne kuxigeenada 1-aad iyo 2-aad ee Jubbaland oo uu markale Magacaabey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Xubnaha Baarlamaanka ayaa dood dheer kadib waxaa ay ansixiyeen Magacaabida labada Madaxweyne kuxigeen ee Jubbaland, kuwaas oo kala ah Madaxweyne kuxigeenka 1aad Maxamuud Sayid Aadan iyo Madaxweyne kuxigeenka 2aad Cabduqaadir  Xaaji Maxamuud (lugadheere). Sidoo kale Madaxweyne kuxigeennada 1aad iyo 2aad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu hor dhaariyey isla goobta,waxaana lagula dardaarmay inay Shaqooyinkooda sida caadiga ah u qabsadaan. 22-kii Bishaan ayaa Madaxweynaha…

Read More

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari oo ay Wehliyeen Ciidanka Birmadka Booliska Puntland ayaa Magalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa ay ka Sameeyeen howlgal qatay mudo Sideed Saacadood ah. Howlgalkaas ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in Ciidamada kusoo Qabteen Hub sharci-darro ah, tahriibayaal iyo Khamri, iyada oo saraakiishu sheegeen in uu u dhacay howlgalka sidii ay ugu talo galeen. Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay In Howlgalkaan uu sii socon doono, isaga oo uga mahadceliyay qeybaha Bulshada Gobalka Bari,waxaana kula dardaarmay in ay Gacansiyaan Ciidamada Puntland si loo xaqiijiyo Amniga Guud ahaan Magaalada Boosaaso.

Read More

Ciidamada Booliska Dowaldda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku xiray Weriyayaal warbaahinta Muqdisho ka howlgala kuwaas oo baahinayey dad shacab ah oo isu soobax sameynayey . Dadka shacabka ah ayaa la sheegay inay ka cabanayeen Lacago lagu kordhiyay Gadiidka Dadweynaha ee Muqdisho Wixii ku soo kordha la soco.

Read More

Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa la filayaa in Kulankoodii Caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho. Ajendayaasha Kulanka Aqalka Sare ee Maanta ayaa waxaa ay kale yihiin Akhrinta Hindise-Sharciyeedka Shidaalka ama Batroolka iyo Akhrinta Saddexaad Sharciga Xaquuqda Siyaasiyiinta Dowladda. Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa Khamiistii la soo dhaafay waxaa ay yeesheen Kulankoodii caadiga ahaa, iyada oo Akhrinta 2aad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,sidoo kalena ansixiyay Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Read More

Mareykanka ayaa qaaday howlgal lagu bartilmaameedsanaayey Hogaamiyaha Daacish Abu Bakr al-Baghdadi ,sida uu ka dhawaajiyay sarkaal Mareykan ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters. Ssarkaal ka tirsan ciidamada Mareykanka oo warbixin kooban ka bixiyay natiijada howlgalka ayaa sheegay in al-Baghdadi lagu dilay duqeyn . Sarkaalkaasi ayaa u sheegay warbaahinta in hogaamiyaha kooxda Daacish lagu bartilmaameedsaday gobolka Idlib ee dalka Siiriya. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu maanta bayaan ka soo Aqalka Cad,kaas oo uu kaga hadlaayo dilka hoggaamiyahaasi,sida uu xaqiijiyay Afhayeen lagu magacaabo Hogan Gidley . Al-Baghdadi wuxuu hogaaminaayey kooxahaasi shanti sano ee ugu dambeysay,isagoo ka mid…

Read More

Gudoomiyaha degmada Jariiban, Maxamuud Maxamed Maxamuud “Muufo”ayaa ka jawaabay hadalkii Xildhibaan Cawil Daad, isagoona sheegay in laga doortay Degmada Jariiban oo uusan war ka heyn. “Xildhibaanka waxaa laga doortay Degmada Jariiban Wax war ahna kama uu hayo deegaanka laga doortay, waxaana ugu danbaysay maalintii la doortay”, ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Jariiban, Maxamuud Maxamed Maxamuud “Muufo”

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay Xarunta Wasaaradda Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u qaabilsan Soomaaliya Dr. Maxamed Cabdulqani Khayaad oo saldhigiisu yahay magaalada Nairobi. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah iyo qadiyadaha labada dal ay wadaagaan. Sidoo kale intii uu socday kulanka ayaa waxay ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa iskaashi adag oo wax ku ool ah ee dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxaa kaloo kulanka diiradda lagu saaray ka wada hadalka dhowr arrimood oo quseeya Soomaaliya iyo Sacuudiga…

Read More

Guddiga Doorashooyinka iyo Xalinta khilaafaadka Galmudug ee uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir ayaa doortay Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Xoghaye, waxaana loo doortay Guddoomiywha Yaasiin Sheikh Muxumed, Kuxigeen waxaa loo doortay Maxamed Yaxye Faarax, halka Xoghayaha Guddiga loo doortay Muxiyaddiin Suni. Guddigan uu magacaabay Sheekh Shaakir ayaa maanta waxaa ansixiyay Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug Qeybta Ahlusuna ku leedahay, waxaana Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir oo ka hadlay kulanka uu sheegay in Dastuurka Galmudug uu xaq u siinayo inay magacaabaan Guddiga Farsamada Doorashooyinka Galmudug. Maalintii shalay ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee ay magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay iyana Guddoomiye iyo Guddoomiye…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay dhismaha Waddooyinka waa weyn ee Puntland, gaar ahaan Dib-u-dhiska iyo Dayac-tirka Wadada Gaalkacyo-Garoowe iyo Boosaaso-Garoowe, isagoona sheegay in dhowaan uu fuliyo in la bilaabo. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay maanta furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, ayaa sheegay in Dhismaha Wadada Boosaaso-Garoowe uu bilaabanayo horaanta bisha Nevembar ee soo socota, iyadoona ay ka cawinayaan Puntland Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Guulo ka gaareen dib u soo celinta Mashruuca dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe, maadama horey uu u fashilmay, waxaana uu sheegay in…

Read More

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashid Cali Xaashi “Dhuubane”, ayaa taageeray khudbaddii Madaxweynaha Dowladda Puntland uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 45-aad ee Golaha Wakiiladda ee muujinaysay waxqabadka xukuumadda Puntland. Sidoo kale, Siyaasi Dhoobane ayaa dhaliilay su’aal u weydiiyay Madaxweyne Deni, Xildhibaan Cawil Daad oo kamid ah Golaha Wakiilada Puntland, taas oo ka careysiisay Madaxweynaha.

Read More

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 45-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey furitaanka kal-fadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, Madaxweynaha ayaa khudbadda kusoo qaatay waxqabadkii Xukuumadda sideedii bilood ee u dambeysey waxaana ka mid ahaa. 1. Qaybta 1aad Arrimaha Siyaasadda 2. Qaybta 2aad Safaradii Debedda iyo Guddaha 3. Qaybta 3aad Waxqabadka Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dowladda ee arrimaha: I. Arrimaha Guddaha iyo AmnigaII. Arrimaha Maaliyadda & Horumarinta DhaqaalahaIII. Arrimaha BulshaddaIV. Arrimaha Tayeynta Adeegyadda & Horumarinta Kaabayaasha. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa…

Read More

Hay’adda qarxootiga ee UNHCR ayaa wadda dadaalo ay dadka qaxootiga ah kaga daadgureyneyso magaalada Tripoli ee dalka Libaya oo ay wali ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka. Hase ahaatee waxaa dhinaca kale jira dad Soomaali ah oo cabsi ka qaba in ay dhibaato ka soo gaarto dagaaladaasi, kadib markii sida ay sheegeen ay UNHCR ku amartay inay ka baxaan xarunteeda, iyadoo qaar kalana si khasab ah uga saartay xarunta. Xuseen Xasan Cali oo ka mid ah Soomaalida ku jira xerada UNHCR ee magaalada Tripoli oo ka sheekeynaya xaaladda ay ku sugan yihiin Soomaalida qaxootiga ku…

Read More

Musharaxa u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadaha siyaasadeed iyo tan ciidan ee ka jirta magaalada Dhuusamareeb, isagoo ku baaqay in arrimaha jira la xalliyo. Mr Odawaa ayaa sheegay in horay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ay heshiis u wada hadleen oo ku saabsan in la dhiso Guddiga Farsamada, hase ahaatee haatan ay labada dhinac kala dhiseen Guddiyo Farsamo oo gooni gooni ah “Waxaa moodaa in magaalada ka jiro diyaar garow, ciidamo ayaa lagu daabulayaa, dowladda Federaalka saakay boqol askari ayay geysay, shalayna boqol, oo ah Ciidamada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynta dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka. Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la…

Read More

Shirar Siyaasadeed ayaa ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, kuwaas oo ay lee yihiin Xildhibaano kasoo hor-jeeda Xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Madaxtooyadda. Shirka ugu balaaran ayaa ka socda Madaxtooyadda, waxaana uu u dhexeeya Madaxweyne Deni, Xubno katirsan Xukuumadiisa iyo Saaxibadiisa dhow ee Siyaasadda. Shirarkan oo maalmihii ugu dambeeyay si joogta ah uga socday Garoowe ayaa sii xoogeystay saacadihii lasoo dhaafay kaddib markii uu furmay Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada, kaas oo uu Madaxweynuhu saaka kaga soo baxay carro. Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa su’aal adag lagu weydiiyay furitaankii Kalafadhiga Saaka, isagoona si adag uga jawaabay Su’aashaas,…

Read More

Madaxweynihii Hore Dowladda Puntland Senator C/rixmaan Maxamed Maxamuud Faroole, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay furitaanka Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland. Senator C/rixmaan Faroole ayaa si kulul u weeraray Siyaasiyiinta Kooxda Aaran-jaan ee uu Hoggaamin jiray, isagoona ku dhaleeceeyay inay iska hor-keenayaan Madaxweynaha iyo Shacabka Puntland. “Kuwa meelahaas ka leh Wasiirada Anaa keensaday ,xildhibaanada anaa keensaday dad badan baa ka cabanaya dadkii maalintii dhawayd magalada gubay kuwaas iyo wax la mid ah ayey ka caraysnaayeen hadaan dowladnimada laga qabana Geedkaygii Timirka ahaa baan u fariisanayaa magaladana waan ka saarayaa” ayuu yiri Senator C/rixmaan Faroole

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga jawaabay Su’aal uu weydiiyay mid kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, taas oo aheyd inuu ku fashilmay Hoggaanka Dalka, iyo inay baneeyaan Madaxtooyadda isaga iyo ku-xigeenkiisa. Madaxweynaha Puntland oo saaka furay Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa si adag uga hadlay Su’aashaas, isagoona sheegay inay jiraan Xildhibaano doonaya inay cabsiiyaan Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa. Xildhibaan Cawil Daad oo ahaa Xildhibaanka weydiiyay Madaxweyne Deni Su’aasha ka careysiisay, ayaa yiri “Madaxweyne xilka waxaad heysay muddo sagaal bilood ah, waxaad moodaa in Xukuumadaadu ay u dhaqmayso mudadii ugu dambeysay ee xil-heynteeda,…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo Kumaandoos ah ka dejisay saaka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, kuwaas oo diyaarado looga daabulay Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan Kumaandooska ah ay gaarayaan lixdameeyo askari, waana ciidamo si gaar ah u tababaran, kuna hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, wararka ayaana intaas ku daraya in Ciidamadan Kumaandooska ay hordhac u yihiin Wafdi ka socda Xukuumadda oo ku wajahan Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda gaaro Magaalada Dhuusamareeb, waxaana socda dadaalo lagu xalinayo khilaafka siyaasadeed ee ka jirta magaalada. Khilaafka siyaasadeed ee ay gashay Magaalada Dhuusamareeb…

Read More

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Axmed Maxamuud ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay si deg deg ah wax uga qabato dhibaatooyinka heysta Shacabka Magaalada Beledweyne. Waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xukuumada Soomaaliya ay indhaha ka fiirsato dadka uu ku fatahay Wabiga ee ku dhibaateysan duleedka Magaalada Beledweyne. Bukhaari ayaa soo saaray baaq ku aadan Xaaladda Beledweyne waxaana uu u qornaa sidaan: Waxaan aad uga welwelsanahay xaalada murugada leh ee bani’aadanimo ee fatahaadda webiga Shabeelle uu gaarsiiyey dadka iyo degaanka magalaada Beledweyne. Waxaan ugu baaqayaa Mas’uuliyiinta Dawlad Goboleedka HirShabeelle, Hay’adaha ku shaqada…

Read More

Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo balaaran ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib dil xalay magaaladaas loogu geystay Taliyihii Ciidanka Ilaalada Waddooyinka ee Gobalka Mudug Maxamed Faarax Cowl. Dilka Taliyihii Ciidanka Tarafikada Gobalka Mudug ee Puntland ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan, kuwaas oo ka baxsaday Goobta dilka oo aheyd Bartamaha Magaalada Gaalkacyo. Ciidanka Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa inta badan howlgalada ka wada Xaafada garsoor, iyagoona beegsanaya aagag gaar ah, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay falal Amniga lidi ku ah, iyadoona todobaadkii hore…

Read More

Kalafadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa inuu Goor-dhow ka furmo xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa furay Kalafadhiga, sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland, isagoona ka jeedin doona Khudbad ku aadan Waxqabadkii Xukuumaddiisa iyo Caqabadaha horyaalla. Inta badan Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay safari ku marayay Degaanada ay kasoo jeedaan iyo kuwa kale ee Guddiyada ay katirsan yihiin kormeerayeen, ayaa ku sugan Garoowe. Xiisado Siyaasadeed ayaa hareeyay furashada Kalafadhigan 46-aad ee Baarlamaanka Puntland, iyadoona ay jiraan Mooshino is-daba yaacaya oo laga waddo…

Read More

Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Dowladda Puntland: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka Oktoober 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyey: Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Dowladda Puntland.Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.Waxaa…

Read More

Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda adduunka ee ICJ Cabdiqawi Ahmed Yuusuf ayaa ka hadlay Is-bedelada ka socda Gobalka Geeska Africa iyo Is-dhexgalka Wadamadda Gobalka. C/qawi Ahmed, Madaxweynaha ICJ ayaa sheegay in Is-dhexgalka iyo Iskaashiga Gobalka Geeska Africa kahor loo baahan yahay Saddex qodob, oo uu ugu horeeyo; Nabad iyo Xasilooni, isagoona sheegay in aysan ka jiran haatan Wadamada Geeska Africa oo ay Soomaaliya ugu horeyso.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caawa ka qayb galay hadimo sharafeed casho ah oo uu ku martiqaaday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdilaahi Maxamed (Caydiid). Kulanka cashada ah ayaa waxaa qayb ka ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya, hadana ah ergayga gaarka ah ee Soomaaliya Olgan Baker iyo Madaxa waaxda Africa u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Debedda Turkiga. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ka mahadnaqay casho sharafta uu ku maamuusay safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga isaga iyo masuuliyiinta kale ee ka qayb gashay cashadaasi, waxaana uu ku bogaadiyey shaqada uu u hayo shacabka…

Read More

Warbixin ay qortay Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka arrimaha cunaqabateynta Soomaaliya ee loo yaqaano Monitoring Group, ayaa qeybo kamid ah warbixintaas waxaa ku jiray eedeymo loo soo jeediyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John. Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa warbixin gaar ah ka sameysay eedeymaha, waxaana Warbixinta qeyb ahaan aheyd mid qarsoodi ah oo lala wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana eedeymaha ka mid ah inuu hoggaaminayay weerarlkii lagu qaaday Guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur bishii December ee sanadkii 2017, weerarkaasoo lagu dilay shan ka mid ah Ilaalada Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. VOA ayaa Warbixintan ku…

Read More

Boris Johnson has urged MPs to back a general election for December 12, in an attempt to break the Brexit deadlock. The prime minister said MPs will get more time to look over his proposed Brexit deal with the EU – if they support a general election. The government will table a motion in the House of Commons on Monday, which will need the support of two-thirds of all MPs to pass. Mr Johnson hoped to push through his Brexit deal by October 31, but MPs voted against his three-day timetable which could have seen legislation passed before the Halloween…

Read More

Shirka Golaha Xukuumadda dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa todobaadkan looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay kamid ahaayeen Safarka Madaxweynaha ee gobolka Bari, Amniga, Waxbrashada: mashruuca Waxbarashadu waa iFtiin, Deeqo Waxbarasho iyo Fursado kale, Mabnuucidda caagagga foostooyinka, Dhismaha Goleyaasha Degaanka, Duulimaadyada Shirkadda Ethiopian Airline oo wiigii maalin kasta Puntland ka shaqaynaysa iyo Warbixino kale. Kulanka ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ka warbixiyay Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Jama Deperani.

Read More

Is-beddelka cimilada waxa uu caqabad ku yahay nabadeynta Soomaaliya, sababtoo ah abaaraha iyo daadadka waxa ay xoojiyaan mintidiinta, islamarkaana wiiqaan dowladda, waxaa sidaas sheegtay warbixin cusub oo lasoo saaray Arbacadii. Machadka Daraasaadka Nabadda Caalamka ee Stockholm, ee loo soo gaabiyo SIPRI, ayaa sheegay in 30 sano oo dagaallo ah – oo ay ku darsantay abaar sii kordhaysa –ay caqabado halis ah ku yihiin xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM. UNSOM waxay Soomaaliya joogtay tan iyo sanaddii 2013, ayada oo ka caawineysa dowladda sida ugu wanaagsan ee nabad loo heli karo, ha noqoto hub ka dhigista dagaal-yahanada ama isu keenista bulshooyinka…

Read More