Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa sheegay inb Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay goordhoweyd rasaaseeyeen Guriga uu Dhuusa-mareeb uu ka degan yahay Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa xaqiijiyay in Ciidanka dowladda ay rasaaseeyeen guri uu ku sugnaa Sheekh Shaakir xili gurigaasi laga dhisayay Koolba Waardiye (Difaac Ciidan). Ma jiraan weli faahfaahin intaasi ka dheer oo laga helayo. Wixii kasoo Kordha kala Soco Idil News.
Author: Jibril Qoobey
Ciidamada amniga ee magaalada Gaarisa ayaa soo xiray laba qof, islarmarkaana gacantana ku soo dhigay hub, kaddib howlgal ay ka fuliyeen deeganka Liboi halkaasi oo sabtidii lasoo dhaafay 11 askari oo Ciidamada militeriga sida gaarka ah u tababaran ee kenya ay ku dhinteen kadib markii miino lala eegtay gaarigii ay wateen. Dhawaaan laamaha amaanka kenya ayaa baadi goob xoogan ugu jira xubno ka tiraan al-shabaab oo kenya ka gaysta weerarada ugu badan. Xog dhawaan ay baahiyeen sirdoonka dalka kenya ayaa lagu sheegay in nin soomaali ah uu hoggaamiyo kooxaha miinooyinka ku aasa deegaanada dhaca xuduuda ay wadaagaan kenya iyo soomaaliya.
Maxkamad ku taalo dalka Bangladesh ayaa xukun dil ah ku riday illaa iyo 16 ruux oo loo haysto dil iyo kufsi loo gaystay gabar arday ahayd. Nusrat Jahan Rafi, oo 19, sano jir ahayd ayaa bishii April dab laqabadsiiyay ugu geeriyootay xaafadda Feni oo 160km u jirto caasimadda dalkaasi ee Dhaka. Dhimashada gabadhan ayaa timid kadib markii qaar kamid ah macalimiinteedii ay ku eedeesay in ay kufsadeen iyadoona dabka laqabad siiyay oo gobay badi jirkeeda uu keenay in dhawr maalin ay u geeriyooto. Dilka loo gaystay Nusrat ayaa buuq xoogan ka dhax abuuray gudaha dalka Bangladesh iyadoona tan iyo waqtigaasi…
Ciidamada AMISOM ayaa Labo Ruux oo beeralay ah ku dishay, labo kalena ku dhaawacay degaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahaday ee Gobalka Shabellaha Dhexe. Ciidamo AMISOM ah ayaa howlgal miino baaris ah waxa ay ka wadeen wadada laamiga ah ee deegaanka Buurane dhex marta. “Hal miino ayay qarxiyeen balse miino kale ayaa ku qaraxday mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM,waxayna ciidamadu gudaha u galeen guryo ay degenaayeen dad beeralay ah waxayna dileen labo ruux oo beeralay ah sidoo kalana waxa ay dhaawaceen labo kale,”ayuu yiri mid kamid ah dadka degen deegaanka Buurane. Lama oga qasaaraha ka soo gaaray…
Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa wasiirkiisa cusub ee arimaha dibadda u magacaabay Faysal bin Farxaan Al-Sacuud, kaas oo badalaya wasiirka arimha dibadda ee boqortooyada Sucuudiga 10 bilood oo uu xilkaas hayay kadib. Wasiirka cusub ee Bin Farxaan ayaa horay mudo dhawr bilood ah u soo noqday safiirka Sucuudiga ee dalka Jarmalka, isagoona markiisii ugu danbeesay ahaa lataliyaha dhanka siyaasadda ee safaaradda Washington. Sidoo kale wasiirka cusub ayaa badalaya Ibrahim al-Assaf, oo horay usoo noqday wasiir udoolaha madaxtooyada. Wasiirka xilka baneenayo ayaa bishii December ee sanadkii hore badalay Caadil al-Jubeer oo haatan ah wasiir u doolaha wasaaradda arimaha dibadda ee boqortooyada…
Dibad baxyaasha dalka Lubnaan ayaa sii wado dibadbayada rabshadaha wato iyagoona diidan in ay baneeyaan wadooyinka waa wayn oo ay ka xireen magaalooyinka dalkaasi gaar ahaan caasimadda Beirut. Dibadbaxyada oo galay maalintii todobaad ayaa waxa ay dadku ku dalbanayaan in dhamaan ay iscasilaan masuuliyiinta dowladda Lubnaan. Isku dhacyo xoogan oo magaalada Beirut ku dhax maray booliska iyo dibadbaxyaasha ayaa lasheegay in ay ku dhaawacmeen labo ruux. Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Sacad Al-Xariiri ayaa siyaasiyiintu ku eedeenayaan in xukuumadiisu ay ku fashilantay wax ka qabashada dhaqaalaha liita oo ay dibad baxyaasho ka cabanayaan.
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa haatan ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Shirkan oo ah midka caadiga ah Khamiis walba ay yeeshaan Golaha Wasiirada Puntland ayaa ka duwan kuwii ka horeeyay, waxaana uu kusoo aadayaa xilli xasaasi ah, iyadoona looga hadlayo xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada Amniga iyo Siyaasadda. Madaxweyne Deni oo saqdii dhexe ee xalay safar dhulka ah kaga soo amba-baxay Magaalada Boosaaso oo todobaadyadii ugu dambeeyay uu ku sugnaa ayaa kulanka guddoominaya, waxaana ku sugan inta badan xubnaha Wasiirada Xukuumadda oo ay ku jiraan Wasiir ku-xigeeno iyo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ayaa kulan kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe masuuliyiin ka socda shirkadda CCECC oo ay hogaaminayeen maamulaha Guud ee CCECC u qaabilsan Bariga Afrika Guo Chongfeng iyo madaxa CCECC ee wadamada Soomaaliya iyo Djabouti Mr Nui Zengxiang. Madaxweyne Deni iyo Masuuliyiinta Shirkadda CCECC ayaa ka wada-hadlay shaqooyinka muhiim ka ah ee ay shirkaddu ka hayso Puntland, gaar ahaan bilawga dib u dayactirka wadada isku xirka Garoowe iyo Boosaaso oo kulankani lagu xaqiijiyey in la bilaabidoono bisha soo socota ee November 2019. Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Jama Deperani) ayaa ka…
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 3aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:1. Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka. Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha horyimid si looga weeydiiyo su’aalaha ay qabaan xibnaha Senatarada…
Guddoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed, ayaa dhaariyay Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru Dowlayaasha uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha. Wasiirada loo dhaariyey masuuliyadda ay u qabteen shacabkooda ayaa kala ah. 1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan 2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Bashiir Jaamac Maxamed 3. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Axmed Shire Siciid 4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Fardowso Cismaan Cigaal Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kula dardaarmay Wasiirada inay kasoo dhalaalaan masuuliyadda loo’igmaday…
Maxaa kala socotaa Taariikhda, Halgankii #SSDF Iyo Hal-abuurkii Khaliif Sh. Maxamuud? Waxaa ka warramaya qoraa Cabdulqadir Sheikh Maxamuud oo ay walaalo ahaayeen.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland, ayaa soo saarTay Liiska Golaha Degaanka cusub Degmada Buuhoodle ee Gobalka Cayn, kaas oo ka kooban 25 xubnood.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan waxaana si gaar ah diirada loogu saaray xaaladaha amaanka iyo Siyaasada. Golahu wuxuu ka dooday xaalada amaanka iyadoo Hay’adaha amaanka la faray inay dardar galiyaan howlgalada sugida amaanka waxaa kale oo Ciidamada Qalabka sida ee Jubbaland iyo xooga dalka lagu amaanay siday u wadaan howlgalada lagula dagaalamayo kooxaha Argagixisada ah. Golahu wuxuu ka hadlay dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ay Argagixisadu ku beegsadeen muwaadiniin naftooda ku waayay iyagoo door muuqda kaga jira dadaalka dib u dhiska dalkeena. Waxaa golahu uu uga…
Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Darawal Gaari Hoomey ah waday uu 8 qof oo Kenyaan ah ka badbaadiyay Ciidamo ka tirsan Al-shabaab. Onesmus Kyatha, oo ah Guddoomiyaha Gobolka Mandheera ayaa sheegay in darawalka oo ah Soomaali Kenyaan uu waday 8 qof oo shaqaale ah islamarkaaana aan u dhalay Soomaalida Kenya. Ciidamo gaaraya 10 oo ka tirsan Al-shabaab ayaa u galay jidka,waxaana ay u haatiyeen gacanta markii uu ku soo dhawaaday ayuu xoojiyay karaarka gaariga sidaas ayuuna kaga baxsaday. Gaariga ayaa waday shaqaale dhisme oo ka baxay Ceelwaaq kuna sii jeeday Mandheera,kuwaas oo ay jidka u galeen Al-shabaab. Guddoomiye Onesmus…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in eedaha musuq maasuqa la xiriira ee ka dhanka ah Soomaaliya ay yihiin kuwo aan xaqiiqda ku fadhiyin. C/raxmaan Bayle ayaa sheegay in warbixinnada Hay’adda Transparency International ee Soomaaliya sanad kasta ka gelisa heerka ugu hooseysa ay yihiin aragti ay naga qabaan ee aysan ahayn wax cilmi ku dhisay. “Nimankaa wax qiimeeya warqad ayaan u qoray,waxaan ku iri, ardey aadan xiisad siin, sideed u imtixaaneysa?, Maxkamad ayaan geyneynaa walli billahi” ayuu yiri wasiirku. Waxaa uu hadalkiisa raaciyay in sanadkasta ay hay’addaas 184 dal heerka ugu xun ee kaalinta 1aad ah ka…
Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, ayaa ka hadlay xirnaanshaha Waddooyinka Caasimadda, Maqnaanshaha Maqaamka Muqdisho iyo awooda ay dowladda u adeegsaneyso cid kasta oo rabitaankeeda kahor timaada. Madaxda dowladda ayuu ku dhaliilay ineysan dhab ka eheyn sugida amniga magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in dowladda ay maciin biday in amniga Caasimadda ay xalkeeda u aragto in wadooyinka u muhiimka ahaa Albaabo lagu xirto, si ay uga gaashaamato weerarada Shabaab. “Magaalada waxey mareysaa heer dhagax inay dhaaftay oo ganjeel lagu xiro, war jidka ganjeelka lagu xiraayo askar waardiyeeso hala dhigo,dadka Canshuuraa laga qaadaa askartana mushaaraa la siiyaa, askarta hala…
Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ah ciidamada DANAB ee Kumaandooska Soomaaliya ku qaadeen Saldhigyo Milateri oo ay dagaalmayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen degmooyin ka tirsan gobalka Jubada Hoose. Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ayaa weerarka goobaha ay ku qaadeen waxaa kamid ah fariisin ay Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Hoose waxaana la sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Xubno ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in ay beegsadeen Saldhig milateri oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bu’aale oo kamid degmooyinka ay ku xoogan yihiin. Sidoo kale ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah…
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Libaax Ibrahim iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa Magaalada Qaahira ee Dalka Masar kaga qeyb galaya shirka Ururka Islaamka. Wasiir ku xigeenka ayaa kulamo hareer socda shirka la qaatay wasiiradda dhiggiisa ah ee ka qeyb galay shirka, isagoo kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa dhibaatooyinka xagga Biyaha ah ee ka taagan qaar ka mid ah Dunida Islaamka. Sidoo kale Wasiirka ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo shirka Todobaadka Biyaha Masar oo Khamiista Maanta ah lagu soo gebagabayn doono Magaalada Qaahira, iyadoo la wado in uu halkaasi ka…
Maxaa sababay Dibad Baxyada Ethopia, Waa Kuma Se jawaar Mahamed ?, Maxay isku hayaan Reysal Wasaare abiy ahmed ?
Police fired gunshots and teargas as thousands protested in Ethiopia on Wednesday over the treatment of a prominent activist, residents said, in a sign that the country’s Nobel Prize-winning prime minister might be losing support among his powerbase.Jawar Mohammed, an Oromo activist and leader of the Oromo protest speaks during a Reuters interview at his house in Addis Ababa, Ethiopia October 23, 2019. REUTERS/Tiksa Negeri More than a thousand supporters gathered in Addis Ababa outside the house of Jawar Mohammed, a media entrepreneur who organized protests that brought Prime Minister Abiy Ahmed to power last year, after police surrounded the…
Egypt has issued a statement on Tuesday in response to the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s alleged remarks on Grand Ethiopian Renaissance Dam talks. The Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed allegedly gave provocative statements regarding GERD, in which he warned that his country could ready millions of people in case a war broke out over the dam. Here is the full statement: “The Arab Republic of Egypt expressed its great shock and deep concern in a press statement issued by the state’s Foreign Ministry over the remarks allegedly attributed to the Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed during a parliament session,…
Protesters in eastern Ethiopia have burnt copies of a new book by prime minister and Nobel Peace Prize winner Abiy Ahmed in a show of solidarity with an opposition media activist. Jawar Mohammed had said the government was removing security from his home in the capital, which officials denied. This triggered protests outside his compound and elsewhere in the country. Despite being praised for his reforms the prime minister has struggled to contain growing ethnic rivalries. The police have disputed that security was withdrawn, but Mr Jawar’s statement fuelled some frustrations with the government. In the capital, Addis Ababa, supporters…
Shirkadda DP WORLD ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in muranka iyo dacwaddii dhexmartay iyaga iyo dowladda Djibouti ee ku aadanaa maamulka Dekedda Doraaleh, ay taasi dhaawac gaarsiisay shirkadda, isla markaana ay ku adkaatay inay bangiyada caalamka ka hesho deyn ay ku maalgaliso mashaariic cusub. Shirkadda ayaa sababaha ay ugu adkaatay inay deyn helaan waxaa ay ku sheegtay Go’aankii Dowladda Jabuuti uga saartay Shirkadda dekadda ay ku laheyd dalkaasi,isla markaana Shaqadooda ay saameyn ku yeelatay. Maamulaha Shirkadda DP WORLD Suldaan Axmed ayaa wakaaladda Wararka ee Reuters waxaa uu u sheegay in go’aankii Dowladda Jabuuti uu dhaawacay kasoonidii lagu qabay shirkadda…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Ruushka kana qeyb-galaya Shirka Iskaashiga Ruushka iyo Afrika ayaa waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkaas Vladimir Putin. Kulanka ayaa labada Madaxweyne ay uga wada hadleen Arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca maalgashiga iyo fursadaha maalgashi oo ay heysato xilligaan Soomaaliya. Waxaan Madaxweyne Vladamir Putin, dowladda iyo shacabka Ruushka uga mahadcelinayaa soo dhaweynta diirran iyo martisoorka wanaagsan ee ay noo fidiyeen, anigoo bogaadinaya sida heerka sare ah ee ay usoo qabanqaabiyeen Madasha Sochi ayuu yiri” Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa dhankiisa sheegay in…
Saddex qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Itoobiya halka tiro shacab ah ay ku dhaawaceen, sida saraakiil Ciidanka Booliska Itoobiya ay xaqiijiyeen. Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Labo qof oo kamid ahaa dadkii dibadbaxyada ka dhigayay magaalada Adama ayaa lagu dilay halkaas halka hal qofna uu ku dhintay magaalada bariga ku taal ee Harar, sida ay saraakiisha sheegayaan. Halka saddex qof oo dibadbaxyaal ahna lagu dhaawacay magaalada Ambo oo dhacdo galbeed magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa. Waxaa la xiray waddooyinka ku yaal gobolka Oromiya iyo waddooyinka gala Addis Ababa. Dadka…
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa u magacaabay Xoghayaha Guud ee IGAD Workneh Gebeyehu, waxaana sidoo kale xilka Guddoomiyenimada IGAD lagu wareejin doonaa Kenya. Kursiga Xoghayaha Guud ee IGAD ayaa waxaa dooneysay inay qabato Soomaaliya, waxaana u sharaxnaa Wasiirkii hore ee Arimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye. Workneh Gebeyehu ayaa horay usoo noqday Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo maanta booqasho ku yimid dalka. Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Amina Mohamed iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop. Kulanka ay wada qaateen Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika oo ay goob joog ka aheyd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, ayaa looga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda dowrka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.…
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa shirka ka furmay magaalada Sochi waxa uu ugaga dhawaaqay in dalkiisu uu cafiyay dhamaan deymihii uu ku lahaa wadamada Afrika. Deyntan uu ka cafiyay dowlada Ruushku dalalka qaarada Afrika ayaa la sheegay inay gaarayso illaa $20 bilyan iyadoo deyntaasna ay wadamada qaarada Afrika bixin waayeen muddo sanooyin ah. Madaxda qaarada Afrika ee ka qeybgalaya shirka ka furmay maanta magaalada Sochi ayaa soo dhoweeyay tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin. Waxana dowlada Ruushka ay ku macneyasay cafinta deymaha inay tahay mid loogaga caawinayo dalalka Africa sida ay ugaga bixi lahaayeen saboolnimada. Soomaaliya ayaa kamid…
Ilyaas Aadan, oo ah Aabaha Caa’isho Ilyaas oo fal Afduub, Kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, oo soo dhaweeyey Go,aanka Maxkamada Sare ee ay ka gaartay Kiiska Gabadhiisa. Ilyaas Aadan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Go,aanka Maxkamadda Sare ee Puntland, uuna sugayo in xukunka lagu fuliyo ragii falka arxan darada ah u geystay Caa’isho. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aamisay in la dhaqan-geliyo xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay saddexdii xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas waxaana ay diiday dib u dalabkii dib u eegista ahaa ay codsadeen qaraanada xugmanayaasha kiiska…
Dowladda Koofur Afrika ayaa xaqiijisay in ay masaafurineyso in ka badan 11,000 oo qof oo Ajanabi ah kuwaas oo si sharci darro ah ku galay dalkeeda. Ciidamada Booliska Koofur Afrika ayaa howlgallo kala duwan ka sameeyay dalka Koofur Afrika intii u dhaxeysay bilihii April ilaa September ee sanadkan waxaanaay gacanta ku dhigeen 11,455 oo qof oo shari darro ku joogay Dalka Koofur Aftika. Dowladdu waxaa ay sheegtay in ay weerarro ku qaadday Maqaayado, Hoteello, Bakhaarro, goobo ganacsi oo Jumlo iyo Tafaariikh ah iyo meelo kale islamarkaana xir xireen dad aad u farabadan. Dowladda ayaa sheegtay in dhamaan dadka la xir…
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Jama Farah Hasan ayaa maanta xarunta wasaarada kaga qaybgalay soo bandhigida waxa ka soo baxay baaritaankii mudo todobaad ah Hanti Dhawrka Puntland ka waday wasaarada. Waxaa sidoo kale kulanka Joogay agaasimaha guud ee wasaarada iyo dhamaan agaasimayaasha waxyaaha kala duwan. Gudoomiyaha hanti dhawrka Abdirisaaq cumar Farah ayaa hogaaminayay kooxda ka sootay Hanti dhawrka kulanka lagu soo bandhigayay baaritaanka Hanti dhawrku ka sameeyeen sanadkii 2018ka wasaarara caafimaadka Puntland Gudoomiyaha hanti dhawrka Puntland Abdirisaaq Cumar Farah oo kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in hanti dhawrka uu qorshaha cusub ee uu ku shaqaynayo ay noqotay in…
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dawlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si kumeel gaar ah u xirtay Dugsiyada kala ah Xalane iyo Aqoon-Bile oo ka mid ah Iskuulada ku yaalla Degmada Kismaayo kadib markii ay baal-mareen habraacii waxbrashada sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Maxamuud.
Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa iyo Kamaal Guutaale oo kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka digay in Galmudug laga abuuri xasilooni-darro, taasi oo hor istaagi karta geedi socodka la doonayo in lagu dhiso Galmudug mideysan. Qoraal ay soo saareen Musharixiintan ayaa waxaa ay ugu baaqeen dhinacyada isku haaya Arrimaha Galmudug ee dowladda iyo Ahlusunna in ay ka shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kala qeyb galay madaxda kale ee Qaaradda Afrika kulanka furitaanka Madasha Dhaqaalaha ee Ruushka iyo Afrika oo socon doonta 23-24 bishan. Shir oo ay soo qaban qaabisay Dowladda Ruushka ayaa waxaa ka qeyb-galaya inta badan wadamada Qaarada Afrika, ayaa waxaa siwadajir ah u furay Madaxweynaha Ruushka iyo dhigiisa dalka Masar Cabdul Fataax Al-Siisi ahna Gudodomiyaha Ururka Midowga Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Shirka faah faahin ka bixinayey ayaa sheegay in looga hadlay soo bandhigida iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika. Madaxweynayaasha Ruushka iyo Masar ayaa khudbado kala duwan…
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aamisay in la dhaqan-geliyo xukunkii dilka ahaa ee ku dhacay saddexdii xukmane ee lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas waxaana ay diiday dib u dalabkii dib u eegista ahaa ay codsadeen qaraanada xugmanayaasha kiiska Caa,ilyaas Aadan. Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Faarax Xareed oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in xukunkii Maxkamadda sare aan dib loogu laaban doonin, uuna sugayo fulin.
Dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa saaka ka dhacay deegaan lagu magacaabo Jedacaley oo hoos taga degmada Badhaadhe oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Dagaalka oo socday muddo kooban ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu dhanyahay hadana qof ku sugnaa deegaankaas ayaa sheegay in uu arkay xoolo ay xabado ku dhaceen, kuwaas oo u badan Lo’. Deeganka Jadacley oo qiyaastii 19-KM u jira degtmada Badhaadhe ayaa waxaa kolkii hore maamulayay Kooxda Al-Shabaab, waxaana la wareegay oo hadda gacanta ku haya Ciidanka Jubbaland…
Madaxweynaha Turkiga Raceb Tayeb Erdowan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay heshiis ay ku tilmaameen mid taariikhi ah, kaasoo uu Ruushka ku ayiday qorshaha Turkiga uu zoon dagaalka ka caan uga dhigayo Waqooyiga Suuriya ilaa xadka Turkiga. Heshiiskan ayaa kasoo baxay kaddib kulan muddo shan saacadood qaatay oo ay madaxweyne Erdowan iyo madaxweyne Putin shalay ku qaateen magaalada Sochi ee dalka Russia. Qodobada heshiiska ku jiro ayaa waxaa ka mida ah inuu sii socdo howlgalka uu Turkiga ka wado waqooyiga Suuriya. In malleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ay 30 kilo mitir ka fogaadaan xadka Turkiga uu la wadaago…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Stockholm ee Dalka Sweden, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Waaxda Africa ee Dowladda Sweden Hans Magnusson. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo qoraal kooban soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in kulan uu la yeeshay Agaasimaha Waaxda Africa ee Dowladda Sweden uu ahaa mid waxtar leh, isagoona ugu mahad-celiyay Dowladda Sweden taageerada la garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Qaaradda Yurub, isagoona dhowr habeen kahor ka qeyb-galay munaasabad soo dhaweyn ah oo ay u…
Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed ayaa kormeer ku sameyey qaar kamida Xarumaha Dowlada ee Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.
Ciidamada Howlgalka Midowga Yurub ee ka howlgalla Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay soo badbaadiyeen Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya,kuwaas oo doon ay wateen ay kula degtay xeebta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano Atlanta oo ay Shaqadoodu tahay la-dagaalanka Kooxaha Burcad badeedda waxaa ay sheegeen in doontaas ay ku degtay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe,isla markaana ay ugu gurmadeen codsi uga yimid doonta ku ciladoowday biyaha dhexdooda. Sawiro ay baahiyeen Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa muujinaya Ciidamada la soo badbaadiyey iyo Shaqaalaha saarnaa doonta,kuwaas oo ka walaacsanaa…
Shirweynaha Madasha Iskaashiga Ruushka iyo Afrika, ayaa maanta oo arbaco ah ka furmaya Magaalada caanka ku ah dalxiiska ee Sochi ee dalka ruushka, waxaana Soomaaliya uga qeyb-galaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi…
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay Warbixin uu qoray Wargeyska afka dheer ee Dailynation,kaas oo wareysi lagula yeeshay Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya,isla markaana uu sheegay in Muqdisho uu yimid Madaxweyne Farmaajana uu ka dalbaday in uu ka baxo Kiiska Badda. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana uusan jirin kulan dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya ee Kyle McCarter,xiligii uu yimid Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu…
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland ayaa Cabdirisaaq Mohamed Cartan u magacaabay Madaxa xog ururinta iyo maaraynta xogta Caafimaadka ee Wasaarada Caafimaadka Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland iyo Masuuliyiin katirsan Labada Gole ee Puntland ayaa kulan kula qaadatay Magaalada Buuhoodle, Isimada, Nabadoonada iyo Waxgardka Gobolka Cayn. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Mr. Dhabancad iyo Isimada iyo Waxgaradka Gobolka Cayn ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Adkaynta Nabadgaliyada Gobolka iyo Difaaca, Baahinta Maamulka Iyo dhisida Golaha Deegaanka Ee degmada Buuhoodle. Waxgaradka iyo Isimada Gobolka Cayn ayaa Wasiir Dhabancad uga warbixyey Xaalada guud ee Gobolka, sidoo kale Wasiirka ayaa uga waramay Waxgaradka Gobolka Arrimaha Dowlada ee horumarinta Gobolka, waxaana uu ugu mahad-celiyay sida ay gacanta…
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo ay weheliyaan xubno katirsan golaha wakiiladda iyo Maamulka Gobolka Mudug ayaa magaaladda Gaalkacyo ka dhagax-dhigay dhisme wasaaradda Caafimaadku ku yeelanayso magaaladaasi.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Saciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo ay ugu deeqday Garoonka Kubadda Cagta Ee Boosaaso Stadium $200,000, si dayactir iyo Dib u dhis loogu sameeyo Garoonka Kubadda Cagta. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in $300,000 kun oo dollar ay Hay’adaha Caalamiga ah ee UNHCR ay ugu deeqday Dhismaha iyo Dayactirka Garoonka Kubadda Cagta ee Magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan uga dhawaaqay galabta Garoonka Kubadda cagta Magaaladda Boosaaso oo ay kuwada ciyaareen kooxaha Bari FC iyo Boosaaso City, Madaxweynaha ayaana sheegay in Dowladdu Puntland muhiimad wayn siinayso…
Waxaa maanta lagu aasay Muqdisho Meydka Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka G/lle Maxaadeey oo habeenkii Sabtida lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday nawaaxiga Ex Hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho. Waxaa muddo afar cisho ka taagnaa muran ka dhashay in la aaso, kaddib markii eheladiisa ay dalbadeen la caddeeyo cida ka dambeysay dilkiisa oo noqotay mid isku tuur tuur ah, waxaana kama dambeys laga gaaray xal la isku afgartay in la aaso, mas’uuliyadana uu qaato Wasiirka Amniga, maadaama Ilaalada Hotelka uu leeyahay ay qeyb ka ahaayeen is rasaaseyntii lagu dilay Taliyaha. Aaska Marxuum Maxaadeey ayaa…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen magaalada Sochi ee dalka Ruushka halkaas oo maalinta barri ah uu ka furmayo Shirweynaha Dhaqaalaha Ruushka iyo Afrika. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 23-ka ilaa 24-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururka Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, dhisidda kaabeyaasha dhaqaalaha iyo yareynta saboolnimada. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Sochi…
Fiqi Abdinaasir Maxamuud Mire oo ka mid ah Isimada Puntland ayaa maanta siweyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe. Soo dhaweynta Fiqiga waxaa ka qayb-galay qaarka mid ah Golaha Xukuumada Puntland,gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Puntland,maamulka gobolka nugaal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca shacabka iyo Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa uu hambalyo u dirayaa Xildhibaan Axmed Xuseen oo ay dib u doorteen shacabka dalka Canada mar labaad, waxaa uu hadda sidoo kale yahay Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qoxootiga dalkaasi. Madaxweyne Deni ayaa xusay in Xildhibaan Axmed Xuseen uu yahay masuul Soomaaliyeed oo huwan magaca, sharafta iyo milgaha ummadda Soomaaliyeed, Waxa uu tilmaamay in garab muuqda uu siiyey dad badan oo African ah mudadii uu xilka hayey, Wasiirka ayaa xubin firfircoon ka ah xisbiga Liberal-ee dalkaasi. Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Xuseen uu yahay…
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), ayaa guddi ka kooban 9 Xildhibaan u saaray dil habeen kahor ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kaas oo sababay Banaan-baxyo rabshado wato oo shalay ka dhacay Garoowe. Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Odayaasha iyo Ehelada Marxuumka oo ay dileen Ciidanka Boolis, waxaan ugu tacsiyeeyay Geerida Marxuumka, isagoona sidoo kale ugu baaqay Shacabka inay ilaaliyaan Nabad-gelyada, sida uu Bartiisa Facebook ku daabacay Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland. “Waxaa mantay Xarunta golaha Shacabka Puntland yimid odayaasha iyo ehelada Marxuumkii lagu dilay Magaalada…
Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya, ayaa sheegay in uu ka dalbaday madaxweynaha Soomaaliya in dacwadda badda lagu xaliyo meel ka abxsan maxkmadda caalamiga ah ee ICJ. Kyle McCarter oo wareysi siiyay wargeyksa ugu afka dheer dalka Kenya ee The Daily Nation ayaa lagu weydiiyay halka dowladda Mareykanka ay ka taagan tahay arrinta badda ee ay isku hayaan labada dal. “Arrinta waa in si dhaqsa ah wax looga qabtaa, waxaan kala shaqeynay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta, sidii ay miiska wadhadalka u yimaadaan, aniguna waxaan tegay Magaalada Muqdisho, si aan Madaxweyne Farmajo uga la hadlo arrintan, waxaana ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Oktoobar, 20, 2019 kormeer shaqo ku tegey Cisbitaalka Guud ee magaalada Boosaaso ayaa Amray in si deg deg ah loo dhiso qayb cusub oo lagu kordhindoono Cisbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, taasi oo lagu xanaanayndoono caruurta ku dhalata dhiciska todobo bilood iyo wixii ka yar. Qorshaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee kobcinta arrimaha bulshada ayaa meel sare uga jirta, sare u qaadidda tayada xarumaha caafimaadka iyo xirfadda dhakhaatiirta, qalabayn iyo dhisidda dhismayaal casri ah.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Talaado 22 Oktoobar 2019 wareegto ku magacaabey labadiisa kuxigeen. -Mudane Maxamuud Sayyid Aden – Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland. -Mudane C/qaadir Xaaji Maxamuud – Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland.
Cabdishakuur Ciise Xaashi oo kamid ahaa Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug oo uu magacaabay Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay Guddiga. C/shakuur Ciise oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug ee dhinaca Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in sababta uu isku casilay ay tahay in aan lagala tashan kamid noqoshada Gudigaas,i raalina uusan ka aheyn. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay u Magacaawday Guddi ka kooban 13 Xubnood, hayeeshee ay diideen Hoggaanka Ahlu-sunna iyo Musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.
Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Magacaabay Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug. Qoraal kasoo baxay Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa lagu Magacaabey Guddigaas oo ka kooban 11 xubnood, waxaana lagu sheegay in uu ku saleysan yahay heshiiskii ay wada galeen Dowladda federaalka iyo Maamulka Galmudug. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u Mgacaawday Guddiga farsamada iyo Dhismaha Galmudug,hayeeshee hoggaanka Ahlusunna ay qaadaceen. Xalay ayaa waxaa Magaalada Dhuusamareeb kulan xasaasi ah ku yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlusunna,waxaana Magacaabistaan ay u muuqataa in la isku fahmi waayay waxyaabihii laga wada hadlay.
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa maalmihii ugu dambeeyay dib u marti-gelineysa dilal loo geysanayo Haldoorka iyo Masuuliyiinta Dowladda Puntland ee ku sugan Waqooyiga Gaalkacyo, kuwaas oo bilihii ugu dambeeyay ay ka reysteen Bulshada Reer Puntland ee Gobalka Mudug. Jimcihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu dilay AUN Xasan Cabdille Hiraabe (Xasan Weyne) oo ahaa Taliyihii Kastamyadda Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug, kana mid ah Haldoorka Gobalka. Dilka Marxuum Xasan Weyne oo uu fuliyay Nin dhalinyaro ah oo ku hubeysan bistoolad, ayaa ka dhacay gudaha Hotel Al-Raxma ee Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu Marxuumku…
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa laga dalbaday hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gudaha dalka inay si deg deg ah uga jawaabaan dadka ay xilligaan saameeyeen fatahaadaha. Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado,isla markana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta. Wasaaraddu waxaa kaloo ay sheegtay in dadka qaarkood iyaga oo ka cabsi qaba fatahaadaha ay si iskood ah uga barakaceen deegaano ka tirsan Hiiraan,isla markaana dadka barakacay ay gaarayaan ilaa 12,000 oo qof. Ugu dambeyn hay’adaha Caalamiga ah ee Caawiya Soomaaliya ayaa…
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku guul dareestay in uu soo dhiso wadaag ah kadib markii xisbigiisa uu waayay doorashadii ugu danbeesay in uu helo aglabiyada baarlamaanka. Mr Netanyahu oo Israel xukumayay tobonaankii sano ee lasoo dhaafay in ayaana awood u yeelan waayay in uu dhiso dowlada wadaag ah kadib markii ay guul dareesteen wadahadal uu kula jiray xisbiga ugu kuraasta badan ee Blue and White. Hogaaiyaha xisbigaasi ahna taliyihii hore ee militariga Benny Gantz ayaana dhawr jeer ku gacan seeray codsi kaga yimid Ra’iisul Wasaare Netanyahu. Madaxwaynhaa Israel ayaana sheegay in mudo 28 maalin ah u qabtay Mr…
Ra’iisul wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka dalkaasi oo kulan ku yeelana magalada Adis abba. Abiy Axmed ayana laguwadaa in uu baarlamaanka qodbad u jeediyo isaga ooona kajawaabi doono su,allaha xildibanada Khudbada uu u jeedinayo Abiy ayaa la sheegay inuu uga hadli doono xaalada kacsan ee u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida Iyo Canfarta oo maalmihii dambe dagaal dad badan ay ku dhinteen dhex marayay, inkastoo maalmo ka hor la isku keenay masuuliyiinta kala hogaaminaysa maamulada Qowmiyadaha Canfarta Iyo Soomalida Itoobiya.