Natiijada horudhac ah oo laga helayo doorashada dalka Canada ayaa muujineysa in xisbiga Liberal-ka ee ra’iisul wasaaraha dalka Canada uu markale ku guuleystay awoodda dalkaas. Inkastoo uu guuleystay Justin Trudeau ayaa haddana waxaa la sheegayaa in uusan helin kuraastii loo bahnaa ee aqalka barlamaanka, taas oo ku qasbi doonta in uu kaashakdo axsaabta kale ee dalkaas, si uu usoo dhiso dowlad isbaheysi ah. Walow qeybihii hore ee codeynta uusan Justin Trudeau helin codadka gobolada bariga ee dalkaas ayaa haddana xisbigiisa waxaa uu filayaa in kuraas badan oo barlamaanka uu ka heli doono gobolladaas, taas oo u sahli doonta in markale…
Author: Jibril Qoobey
Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa looga wada hadlayay sidii loo qancin lahaa tabashada ay qabaan Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna oo diiday Guddigii farsamada iyo dhismaha Galmudug oo ay magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha XF Soomaaliya. Wararka ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay kulanka intii uu socday qeybtood la isku fahmay, isla markaana la go’aamiyey in meesha laga saaro mad madowga soo kala dhex-galay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlusunna Wal-jamaaca. Warar ayaa intaas ku daraya inay macquul tahay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaal ku magacaabay Agaasimayaal Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxa-banaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo tayeynta Hay’adaha Dowladda. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Axmed Cabdalle Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada XoolahaWaxaa Cabdirisaaaq Jaamac Aadan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.Waxaa Sharmaarke Xasan Cali loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.Waxaa Maxamed Ciise Cismaan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.Waxaa Eng. Cabdulqaadir Cali Xirsi loo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Wasiir Ku-xigeeno iyo Wasiiru-Dowleyaal, kuwaas oo qeybtood laga wareejiyay Wasaaradihii ay joogeen, halka qaarna ay cusub yihiin. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in magacaabista Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaashan ay ku timid Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Hadaba Shabakadda Idil News ayaa hoos idin kugu soo gudbinaysa Gobalada iyo Beelaha ay ka yimaadeen Wasiir ku-xigeenada iyo Wasiiru-dowlayaashan; Wasiir Ku-xigeeno: 1. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan, (Gobalka Mudud – Beesha Nuux-jibraahil “Majeerteen”) 2. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda…
Waftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa booqday goobo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha, bangiga Dawladda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Xerada Ciidamada. Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee kastamka garoonka diyaaradaha ee degmada Badhan ayaa Wasiirka xog dheeri ah ka siiyay hab sami usocodka shaqada. Wasiirka ayaa sidoo kale booqday bangiga Dawladda laanta badhan iyo xarunta Wasaaradda Maaliyadda, waxana kulan dhanka shaqada ah la qaatay Xisaabiyaha Gobolka iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Intii uu socday kormeerkan shaqo madaxda Dawladdu waxa ay booqdeen Xerada laga hirgaliyay degmada badhan. Kulan ay wada yeesheen Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta ee Gobolka Sanaag…
Odayaal dhaqameed Muqdsiho u joogay xal u raadinta afduubka Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysatay Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ayaa dib ugu laabtay Degmada Doolow ee Gobalka Gedo. Suldaan Aadan Maxamed Gurinle iyo Nabaddoon Shire Dhalanhow oo saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Degmada Doollow ayaa eedeyn u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona sheegay in aysan ka helin ixtiraan iyo qaabilaad.
Banaan-baxyo rabshado wata oo ay ku dhawacmeen haweenay iyo wiil araday ah ayaa maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee ee Caasimadda Dowladda Puntland. Taliyaha qeybta booliska Gobolka Nugaal Korneyl Muumin Madaxweyne, oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inay hadda ku hawlan yihiin siday xal uga gaari lahaayeen dhacdadaan oo ahayd mid si kedis ah ay ku bilaabeen dad ka careysan qof rayid ah oo shalay dileen ciidamo hawlgal ku jira.
Wefti Balaaran oo Uu Hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka Iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabamcad ayaa gaaray Magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Cayn. Ujeedka weftiga uu Hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradd Arrimaha Gudaha ayaa ah u kuurgalida xaalada nolosha ee Gobolla Cayn iyo Dhismaha Golaha Deegaanka ee Degmada. Weftiga Wasiir Dhabancad ayaa markii uu gaaray degmada Buuhoodle waxaa meel magaalada ka baxsan kusoo dhaweyey shacabka ku dhaqan magaalada sidoo kale waxaa wasiirka soo dhawayntiisa ka qayb Qaatay Gudoomiyaha Gobolka cayn maamulka degmada iyo masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada Dowlada Puntland oo Maalmahan Ku Sugna Magalaada Buuhoodle, Wasiirka ayaa salaan sharaf ka…
Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankii labaab ee Kalfadhiga Lixaad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kulanka maanta oo uu shirgudominaayay ku simaha Guddomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibrahim Muudey ayaa ugu horeyn cod loogu qaaday xubin Magacaaban oo ka mid noqonaya Guddiga Madax Banaan ee Doorashoyinka Qaranka. kulanka maanta oo ay soo xaadireen 143 Xildhibaan ayaa meelmarita ujeedooyinka kulanka kadib u codeeyay in Mudane Aadan Cabdinaasir Maxamed uu kamid noqdo Guddiga madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka. Dhamaan Xildhibaanadii soo xaadiray kulanka ayaa cod rabitaan ah ku meel mariyay xubintii ka bananeed Guddiga doorashooyinka Qaranka.…
Guddoomiyaha Gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye ayaa ku eedeeyay maxkamadda derejada kowaad tan racfaanka iyo xeer ilaalinta gobolka Karkaar in ay sii daayeen xukmanayaal aan xabsigoodii dhammaysan. Guddoomiye Faahiye ayaa laamaha garsoorka gobolka Karkaar ka dalbaday in ay caddeeyaan habka loo sii daayay xukmanayaashaasi.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 84 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar 2019, ku magacaabay Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad farqadiisa 5aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo aqoon, karti iyo waaya aragnimo uleh xilalka loo igmaday. Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda. Wuxuu xeeriyey: Magacaabidda Wasiiru-Dowleyaal iyo Wasiir Ku-xigeeno ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, waxayna kala yihiin: B. Wasiiru-Dowleyaal: 1. Waxaa Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) loo magacaabay…
Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada BADHAN ee xarunta Gobolka sanaag. Degmada BADHAN Wasiirka iyo waftigiisa waxaa ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka kan degmada, Saraakiisha qaybaha Daraawiishta iyo Boliska ee Gobolka sanaag Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolada Sanaag iyo Hay’laan Nabdoono iyo Bulshada rayadka ah qayba geeda kala duwan. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda masuuliyiinta safarkan ku weheliyay waxaa ka mid ahaaTaliyaha Ciidamada Cashuuraha puntland Gen Cismaan Xasan cali Cuuke iyo masuuliyiin kale. Wasiirka ayaa madaxda Dawladda iyo Bulshada reer BADHAN uga mahad celiyay sida diiran ee ay usoo dhoweeyeen.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa sheegay in la xiray Ciidamo lagu tuhmayo inay ka danbeeyay Ninkii dhalinyarada ahaa ee magaalada lagu dilay. Xildhibaan Xaraf ayaa Shacabka Caasimadda ugu baaqay inay joojiyaan fowdada iyo hantida ay bur burinayaan ,ayna ilaaliyaan xasiloonida. Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf ayaa dhaliilay Ciidamo loo bixiyay xoojinta Caasimadda ,waxa uu sheegay Garowe inay Ammaan tahay balse hadda Dawladdu ka dhigtay meel furin ah oo Ciidamo tigno watta oo loo bixiyay Ciidanka Xasilinta magaaladii laga hawlgaliyay taasina ay dhib keentay. Ugu dambeyntii, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 85 oo ku taariikheysan 21-ka Octoobar, 2019 ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Gobolada Bari iyo Gardafuu. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey : Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdisamad Yuusuf Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Bari 2. Waxaa Muuse Saalax Guuleed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Gardafuu. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Qaar kamid ah Shacabka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa dhigaya banaan-baxyo rabshado, kaas oo ka dhashay kaddib dil Ciidanka Boolisku ay xalay u geysteen askari kamid ah Ciidanka Milateriga. Askariga la dilay ayaa hub la dhex-marayay gudaha Caasimadda Garoowe, waxaana Ciidanku ku amreen inuu hubka dhigo, kuna soo wareejiyo Booliska sugaya amniga, balse wuu ka dhaga adeegay, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal. Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in Cadaaladda la hor-keeno Ciidankii dilka u geystay askariga Milateriga ah, iyagoona sidoo kale Taayaro ku gubay Barxadda Garoowe oo ah kasoo hor-jeedka Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Duqa Degmada…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay iney soo gaba gaboobeen shirarkii sanadlaha ahaa ee uga socday magaalada Washington ee dalka Mareynkanka,kaasi oo ay la lahaayeen madax ka socotay Bangiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF. Wasiir Beyle ayaa sheegay iney ka qeyb galeen kulan dhexmaray ururka ay ku bahoobeen madaxda Maaliyadda Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka David Malpass oo ay wehlineysay Agaasimaha Hey’adda IMF Kristalina Georgieva. “ Waxaan si weyn u bogaadiyay sida ay ugu heelan yihiin Afrika iyo Soomaaliyaba, gaar ahaan taageerada Bangiga Adduunka iyo IMF ee ku aaddan dib u habeynta iyo…
Madaxwaynahii Hore ee Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay ku saxiixay Magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota, Buugg uu dhawaan qoray ee “A challenging tansition in Somalia”, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo damaciisa ku aadan ku noqoshada Hoggaanka Soomaaliya. Ugu horeyn, Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sharaxaad ka bixiyay Buuggiisa oo uu sheegay inuu si qoto dheer uga hadlay Is-bedeladii Soomaaliya, ka saaristii Dowladdii KMG aheyd, Qoristii Dastuurka KMG ah, dagaalkii Al-Shabaab looga saaray Muqdisho iyo doorarkii uu ka cayaaray Hoggaanka Dowladda Soomaaliya iyo Puntland.
Banaanbax ay dhigayaan Shacabka ayaa ka socda Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa ka xun dil xalay Kismaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada ugu caansan deegaannada Jubbaland. Banaanbaxayaasha ayaa dalbanayaan in la cadeeyo, cadaaladana la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilka, iyaga oo sheegay in dilkaasi uu yahay mid siyaasadeysan oo aysan ka dambeyn Kooxda Al-Shabaab.
Agaasimihii hore ee Radio Daljir Axmed Sh Maxamed (Tollman) ayaa manta markii ugu hooreysay la horkeenay Maxkamada Derajada Kowaad ee Gobolka Nugaal. Qareenadi u doodayey Eedeysane Axmed Tollman ayaa Maxkamada ka codsadey in labo malin dib loogu dhigo si ay ugu soo diyaar garooban difaacida eedaha loo soo jeediyo Agaasimihii hore ee Daljir. Garsooraha Derajada Kowaad ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in dhageysiga Dacwadda eedeeysane Wariye Tollman loo dib dhigay maalinada arbacada ah, xilligaas oo markii kowaad ay dhageysan doonto.
Subaxnimadii taariikhdu ahayd 21 Oktoobar 1969, arroornimadii hore abbaarihii 03:00am, shacabka Soomaaliyeed wuxuu hurdada kaga toosay iyadoo dariiqyadii waaweynaa ee bartamaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho ay taagan yihiin askar ku hubeysan dabaabado iyo gawaari gaashaaman. Waxay arrintaasi ka dambeysay, kaddib markii guutada koowaad ee gawaarida gaashaaman iyo guutada labaad ee taangiyada ay xerooyinkooda kaga soo bexeen amar uu bixiyey Taliyihii Ciidammada Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, amarkaas oo uu fulinayey Taliyihii Hoggaanka Howlgelinta Ciidammada Xoogga Dalka Salaad Gabeyre Kediye Dhiblaawe, oo markaas darajadiisu ahayd Gaashaanle Dhexe. Qaaradda Afrika, lixdameeyadii, koox kasta oo wax afgambinaysa – laga soo billaabo Galbeedka…
Dadka Canada ayaa u dareeray goobaha codbixinta maanta oo ay taariikhdu tahay 21 October waxayna go’aamin doonaan in muddo xileed labaad la siiyo Xisbiga Liberal-ka ee Ra’iisul Wasaare Justin Trudeau. Xisbiyadda ayaa shantii todobaad lasoo dhaafay kala jiidanayay codbixiyaasha waxayna warbaahinta isu mariyeen weerar afka ah. Doorashadda maanta waxaa loo arkaa in ay afti u tahay 47 jirka afartii sano ee lasoo dhaafay wadanka hogaaminayay ee Justin Trudeau, kaasi oo ku guul darreystay balanqaado dhowr ah. Dhanka kale waxaa dhawaan soo baxay eedo ah in uu jabiyay anshaxa Canada kadib markii uu u dalxiistagay goobo gaar ah iyo in uu…
Dagaalamayaal ka tirsanKurdiyiinta Siiriya ayaa ka baxay magaaladda go’adoonsan ee Ra’sul Cayn, waana dib u gurashadii u horeeysay tan iyo markii heshiis xabad joojin ah la gaaray khamiistii laso dhaafay. Afayeenka u hadlay xoogaga SDF Kino Gabriel ayaa sheegay in Kurdiyiinta aysan ciidan uga harin magaaladda Ra’sul Cayn silamarkaaana la daad gureeyay. Balse maleeshiyaad ay taageeyaan ciidaka Turkiga ayaa ku gacan sayray hadalka Kurdiyiinta waxayna sheegeen in qaybo magaaladda ka mid ah ay Kurdiyiintu joogaan, sida ay warisay Reuters. Wasaaradda difaaca ee Turkiga ayaa sheegay in ku dhawaad 86 gadiid ah oo siday dagaalamayaaal Kurdiyiin ah ay magaaladda ka baxeen…
Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Shabeellada Hoose. Duqeymahan ayaa ka dhacay Saldhigyo waa weyn oo ay lee yihiin Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku yaalla Degmooyinka Jilib Iyo Jamaame oo ka wada tirsan gobolada Jubbooyinka iyo deegaanka xaramka oo ka tirsan Gobolka Sh/ Hoose. Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa sheegay in duqeymahan ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale, Deeganka xaramka ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa isna la sheegay in xalay lagu dilay sarkaal ka tirsan Kooxda Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad la socday, kuwaas…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa twitterka waxa uu ku soo gudbiyay su’aalo la xiriira dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Xasan Sheekh ayaa su’aalo ka keenay sababaha dib loogu dhigey dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay tahay markii labaad ee maxkamada caalamiga ah ee ICJ ku dhowaaqday in dacwada badda dib loo dhigey. “Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiil maxkamada ICJ? Shacabkeenu waxa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu dhigey?”ayuu ku daabacay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Sidoo kale Xasan Sheekh oo ahaa Madaxweynaha…
Ciidan ka tirsan xoogga dalka iyo hubkii ay wateen ayaa lagu la’yahay xeebaha Magaalada Marka ee Gobalka Shabeellaha Hoose, kaddib markii doon ay la socdeen ay la degtay. Ciidankan oo katirsanaa Guutada 14 October ee Xoogga Dalka, ayaa doonnidan ay la socdeen kula degtay meel dhanka bari kaga beegan Xeebta Magaalada Marka, waxaana la la’yahay 3 Askari, sida ay sheegeen saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka. Sidoo kale, illaa 10 askari oo uu ku jiro Taliyaha Ciidanka Milateriga ee Magaalada Marka ayaa la soo badbaadiyay, waxaana socda haatan dadaalo lagu baadi-goobayo askartan la la’yahay. Ciidamadan ay doontu la degtay ayaa la…
Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa beeniyey Warar lagu faafiyey Baraha Bulshada oo sheegaya in isbaarooyin la soo dhigay deegaannada duleedka ka ah Magaaladaas. Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgallo kala duwan,isla markaana ay sugeen Amniga Jidka isku xira Magaalada Dhuusamareeb iyo Deegaanka Godinlabe,sidoo kalena aysan jirin wax isbaaro ah oo yaalla. “Taliska Booliiska Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu u Cadaynaya Bulshada in aysan Jirin wax Jidgooyo ama Isbaaro ah oo yaala Jidkaasi , Waxaana Howl Joogto ah ka Haya Ciidamada Booliska oo Fariisimo ku leh Wadada, sidoo kalana…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay waxaa ay u ambabaxeen dalka Ruushka. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah hoggaamiyeyaal Afrikan ah oo lagu casuumay Shirweyne ka furmi doona magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya. Hoggaamiyeyaasha shirkaasi tegaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha,Jabuuti,Kenya, Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,waxaana qabaan qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen in uu socon doono mudo laba Cisho ah. Shirkan oo u dhaxeeya qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo ruushka ayaa waxaa 23-ka Bishaan Octoober siwadajir ah u guddoomin doona Madaxweynaha Raashiya Vladimir Putin iyo…
Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay dil xalay Magaalada Kismaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi oo kamid ahaa ganacsatada waa weyn ee Jubbaland. Kooxihii ka dambeeyey dilka Nabdoonka ayaa goobta ka baxsaday, hayeeshee howlgallo ay wadaan Ciidanka Jubbaland ayaysan jirin weli dad ay u qabteen dilkaasi. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Jubbaland marka hore uga tacsiyeeyey dilka ganacsadaha. Afhayeenku wuxuu sheegay in laamaha Amniga Jubbaland ay haatan wadaan baaritaanno ku saabsan in gacanat lagu soo dhigo dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Shirkadda Kebarco ayaa hagaajin ku bilowday wadada bartamaha degmada Jariiban ee gobalka Mudug oo qorshuhu yahay in laami la saaro. Gudoomiyaha degmada Jariiban, Maxamuud Maxamed Maxamuud (Muufo) ayaa wada qorshayaal lagu hormarinayo degmada iyo deegaanada kale ee hoos yimaada. Degmooyinka iyo Degaanada Gobalka Mudug ayaa waxaa si xawli ah ugu socda dhismaha Waddooyinka iyo Goobaha loogu adeego bulshada, waxaana mashaariicdan si isku tashi u dhisanaya Shacabka, Maamulada iyo Dowladda Puntland.
Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Norwey ayaa soo qaban qaabisay munaasabad lagu taageerayay Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Waxaa ka soo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan Oslo Norwey waxaana intii ay socotay munaasabadda khadka Taleefoonka kula hadlay Jaaliyadda Jubbaland ee Oslo Norwey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo midnimada ay muujiyeen,waxa uuna ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan kana qayb qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya si aqoontooda iyo xirfadoodaba ugu faa’iideeyaan dadkooda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay haweenka gobolka Bari. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, qaar ka mid ah laamaha amniga iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweynaha Dowadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn kulanka uu la qaatay haweenka uga warbixiyey qorshaha dowladda ee gobolka iyo guud ahaan haweenka Puntland, intaas ka dibna wuxuu Madaxweynuhu dhageystay qaar ka mid ah haweenka oo warbixin ka siiyey Madaxweynaha sida ay u shaqeeyaan, ayagoona sheegay in ay garab taagan yihiin Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne…
Duqa Degmada Boosaaso ee Gobalka Bari Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka hadlay dhaqaalaha kasoo xarooda Degmada Boosaaso iyo howlaha ay ku qabato, waxaana uu duqu sheegay inay wajahayaan xaalad dhaqaale oo aad u weyn. Guddoomiye C/salaam ayaa sheegay in canshuuraha u soo xarooda Degmada Boosaaso maalintii ay tahay $1200 oo kun o dollar, marka laga soot ago canshuuraha Kantaroolka iyo Kastamka Gobalka oo aan aheyn mid joogto ah. Sidoo kale, Waxaa uu sheegay inay ku qabtaan dhaqaalahaas howlo aad u balaaran oo ay ugu horeyso nadaafadda Magaalada Boosaaso, isagoona ugu baaqay Shacabka Magaalada Boosaaso inay si hagar la,aan ah ay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey Cisbitaalka Guud ee Boosaaso iyo Xarunta Gobolka Bari. kormeer Madaxweynaha waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, maamulka gobolka, kan degmada, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ka warbixiyey Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac, Af-hayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in komeerka Madaxweynuhu uu ugu kuurgelayey shaqooyinka muhiim ka ah ee labadani xarumood u hayaan Bulshada. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu kormeeray Cisbitaalka magaalada Boosaaso, waxa uu kulan laqaatay maamulka Cisbitaalka oo Madaxweynaha usoo…
Maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaa maanta mar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoona Xukuumadda Federaalka ay soo dhaweysay go’aanka Maxkamadda iyo waqtiga la iclaamiyay. Dhageysigan ayaa markii hore la qorsheeyey in ay dhacdo 4-ta bisha November. Si kastaba, maxkamadda ayaa dib u dhigtey dhageysiga illaa iyo bisha June ee 2020, markaasi oo la dhageysan doono 8 illaa 20-ka bishaas. Go,aanka labada jeer ay Maxkamaddu dib ugu dhigtay Dhageysiga Dacwad Badda ayaa abuurtay walaac soo food-saaray muwadiniin Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Aqoonyahada, kuwaas oo horey u saluugsanaa qaabka…
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Dowladda Puntland,ayaa sharaxaad ka bixiyay warqad lagu mamnuucay in Xafiisyo Siyaasadeed Puntland aysan ka furan karin Xildhibaanada iyo Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa sheegay in aan la ogaalan doonin waxii xafiisyo siyaasadeed ah in Deegaanada Puntland laga furto inta uu dhamaanayo khilaafka Puntland iyo DFS ,balse waxa uu tilmaamay in la ogolyahay oo aan la joojin waxii Xafiisyo ah oo dadka loogu adeegyo.
Madaxweynaha Turkiga Rajib Dayib Ordogan ayaa sheegay in Turkigu uu bur-burin doono madaxa xoogaga Kurdiyiinta haddii aysan ka bixin agga loogu talagalay nabadda ee waqooyiga Suuriya. Turkiga ayaa khamiistii ogolaaday in uu joojiyo dagaalka uu shanta maalmood ka waday siiriya taas baadalkeeduna ay Kurdiyiintu dib uga gurtaan meelaha dagaalku ka socdo. Laakiin hadda labada dhinac ayaa midba midka kalle waxaa uu ku eedeynayaa in uu xabad joojinta jabiyay. Xukuumadda Anakara ayaa balanqaday in ay markale dagaall adag ku qaadi doonto meelaha ay joogaan kurdiyiintu waxayna ka digtay in ay heshiiskii khamiiistii u hogaansami waayaan Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in…
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed Ali oo ku sugan Jabuuti ayaa wada xalinta khilaaf soo kala dhex galay qaar kamid ah Wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayuu Abiy Axmed kula kulmay magaalada Jabuuti ee xarunta dalkaas, isagoo kala hadlay khilaafka ka dhex cusboonaaday Ururka iyo arimo kale. Kulankii ugu dambeeyay ee Madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa, waxaa lagu go’aamiyay in Itoobiya iyo Kenya ay is weydaarsanadaan Guddoomiyaha IGAD iyo Xoghayaha…
Wafdi ka socda Xubnaha Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga doorashooyinka qaranka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug. Wafdiga oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore tegay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyaga oo uga soo gudbay dhinaca Magaalada Dhuusamareeb. Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Ee Baarlamaanka Soomalaiya Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji {Eng.carab} ayaa hoggaaminaya wafdiga oo ka kooban 9 Xildhibaan,waxaana la filayaa inay la kulmaan Madaxda Galmudug eek u suagn Magaalada Dhuusamareeb. U jeedada ugu weyn ee Xubnaha Guddiga soo diyaarimnta Sharciga doorashooyinka ay halkaasi u tageen ayaa waxaa kamid ah inay Madaxda…
Dowladda Puntland ayaa faah faahin ka bixisay sababaha ka dambeeya inay xiraan Xafiisyo ay deegaannada Dhahar iyo Goldogob ka furteen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirada Xafiisyada la amray in laga xiro ee deegaannada puntland ka furtay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo sanadkii 2017 furtay iyo Wasiirka qorsheynta Somalia Jamaal Maxamed Xasan oo Maalin ka hor furtay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Puntland aysan joojin xafiisyo horumarineed in laga furto deegaannada Maamulka puntland. Wasiir Maxamed Musadaq ayaa sheegay in Xafiisyada ay joojiyeen…
Wasiiradda Maaliyadda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku adkeystay in muranka xuduudda badda ee u dhexeeya labada Dowladood uusan joojin doonin gar-gaarka iyo ganacsiga isaga gudba xuduudaha. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani ayaa suxufiyiinta u sheegay in dacwadda u dhaxaysa dowladaha aysan abuurin cadaawad islamarkaana ay ka wada shaqayn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado. Waxaa ay hadalkaan kasheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaaladda Washington oo ay uga qayb galeen shrirka Bangiga Aduunka iyo Hey’adda IMF, iyagoona meesha ka saaray in heerka kasta oo uu marayo muranka Dowlaha uu saameeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha. Wasiiradda…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay hub farabadan ka dejisay Dekadda Magaalada hobyo ee Gobolka Mudug hubkaas oo lagu geeyey Doomo dhowr ah. Dadka degmada Hobyo qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen hubkaas oo kasoo degaya dekadda Magaalada, isla markaana uu yahay mid aad u farabadan. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhinacooda waxaa ay sheegeen in hubkaas loogu talo galay Ciidamada taliska qeybta21aad ee ka howlgasha deegaannada Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Ciidamada qeybta 21aad oo dowladda Soomaaliya ay dib u dhis xoogan ku sameysay ayaa u diyaar garoobaya howlgallo ka dhan ah…
Dowladda Mareykanka ayaa isku xireysa Saldhigyada ay ku leedahay dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti,waxaana socda qorshe dhowr ah oo arrintaas la xiriira. Dib u dhiska lagu sameynayo Garoonka Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli doogle oo uu hadda degganyahay Mareykanka ayaa waxaa ka mid ah isku xirka dhinaca Internetka ee labada saldhig. Wargeyska Indian Newsletter ayaa baahiyay in sharikad Isgaarsiineed oo laga leeyahay dibadda ay qaadaneyso qandaraaska isku xirka saldhigyada Balli Doogle iyo Camp Lemonnier ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku kala yaalla. Wargeyska kale ee laga leeyahay dalka Mareykanka laguna magacaabo Foreign Policy, ayaa Bishii January ee sanadkan wariyay in Mareykanka uu…
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guddi u magacaabay muran ka taagan dhul beereed ku yaalla degaanka Gargaara. Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo guddoomiye u ah guddidaas uu madaxweynuhu magacaabay ayaa soo bandhigay magacyada xubnaha uu ka kooban yahay guddigan iyo hawlaha loo igmaday. Wasiir Saleebaan Koore ayaa sheegay in guddiga uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi oo ka kooban lix xubnood ay kala yihiin. 1. Wasiirka biyaha Saleebaan Cali Koore, Guddoomiye 2.Wasiirka xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga Xasan Maxamed Gaafaadhi. 3.Wasiirka beeraha Axmed Muumin Seed. 4.Wasiirka gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye 5.Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Naasir…
Agaasimaha maamulka hay’adda lacagta aduunka IMF Mrs Kristalina Georgieva oo Washington kulan kula qaadatay Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Khayre ayaa Ku dhawaaqday in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horaanta 2020. Waxaan kulan mira dhal ah shalay kula qaatay xarunta dhexe ee IMF ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo aan ugu hambalyeeyay dhaqan galinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib u-habeynta dhaqaalaha iyadoo ay jireen caqabado badan”ayay tiri Kristalina. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Mareykanka waxaa uu ka qeyb-galay Shirka IMF…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020. Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta. Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka Miiska Wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway ,…
Madaxwaynahii Hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa soo gaaray Gobolka Minnesota , halkaas oo maalinta Axada ah uu ku qaban doono Kulanka Daahfurka Buugga uu dhawaan qoray waxaana uu ka dhacayaa Hotelka Delta MPLS ciwaankiisa uu yahay 1330 Industrial Blvd NE, Minneapolis, MN 55413.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquradiyeyta Dowlada Puntland ayaa la faray dhamaan cida ay khusayso in la joojiyey furashada Xafiisyadda Siyaasadeed ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Puntland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ayaa sheegtay in Xildhibaanada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, ay ku yimaadeen Hab-qeybsiga beellaha, balse aysan ku imaan Doorasho Deegaan. Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquradiyeynta Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin wada-tashi iyo is-ogol ay weli Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ka gaareen Doorashooyinka ay ku imaanayaan Xildhibaanada BFS iyo Madaxda DFS…
Gudoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Mikarafoonka ka xirtay Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ka dib markii uu sheegay in uu ka hadlay xaqiiqda. Xildhibaanka ayaa sheegay in aad uga naxay markii baarlamaanka maanta la horkeenay heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka & midka dabiiciga oo aan wax muhiimad ah la heyn. Waxaa uu sheegay in dalka uu marayo xaalad adag oo dhanka Ammaanka, Wadooyinka Muqdisho inta badan ay xiran yihiin, Khilaaf xooggan oo ka dhex jira dowladda iyo maamul goboleedyadda iyo in rajo xumo…
Golaha Aqoonyahada Puntland ayaa War-saxaafadeed kasoo saaray Khudbad uu jimcihii shalay (18-October-2019) uu ka jeediyay Masjidka Al-Hudda ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax, kaas oo eedeyn u jeediyay Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Dr. Siciid C/llaahi Deni. Golaha Aqoonyahanada Puntland ayaa si kulul u dhaliilay Khudbadaas, iyagoona sheegay inay baal-marsaneyd Anshaxa iyo Ujeeddooyinka Jimcaha iyo Masjidka kale, sidoo kalena ay mab’da ahaan kasoo hor-jeeday heshiiska bulshada Reer Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida. Sidoo kale, Golaha Aqoonyahanada ayaa sheegay inaan laga yeeli doonin qofna inuu guriga alle waxaan u munaasab aheyn uu uga hadlo, iyagoona…
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka Sanadkaan ay u yaallaan Shaqooyin badan, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay soo xaadiraan. Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano badan oo ka maqan kulamada kala duwan ee Xildhibaanada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in uu ku amrayo dhammaan Xildhibaanada baarlamaanka ka tirsan ee Wasiiradda ah in ay soo xaadiraan kulamada xildhibaanada Golaha Shacabka. Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xusay in tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ay aad u badan yihiin, islamarkaana laga doonaayo in ay…
Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa Magaalada Boossaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ku qabatay Tababar ku saabsan “Dib-u Heshiisiinta Bulshada iyo Dimuquradiyada Waarta”. Tababarkan oo loo qabtay qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magalaada Boossaaso, sidoo kalena ahaa wajigii labaad ee Shir looga dooday hanaankda Dimuquradiyeynta Puntland, ayaa waxaa daahfuray Duqa Degmada Boossaaso C/salaan Bashiir C/salaam. Tababarkan ayaa inta uu socday diirada lagu saarayay Hanaanka doorashada qof iyo cod iyo sidii Dadka reer Puntland uga gudbi la’hayeen Hanaanka Qabaliga ah ee hada la isku doorto. Ujeedka Tababarka ayaa aheyd in dadka lagu wacyigaliyo Hanaanka doorashada qof iyo…
Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad oo ka hadlayay Shir ay duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Isimada, Nabaddoonada iyo Waxgaradka Gobalka Bari, ayaa ka hadlay xaalada guud ee Soomaaliya iyo dhawaqa Isimadda Puntland ee ku aadan in Madaxweynuhu wada-hadal la galo Madaxda Dowladda Federaalka.
Isimada, Nabaddoonada iyo Waxgaradka Gobalka Bari ayaa raalli-gelin siiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, waxaana ay sheegeen in Dad qaswadayaal ah ay ugu keeneen Warar been abuur ah. Qaar kamid ah Isimada iyo Nabaddoonada Gobalka Bari oo ka hadlayay kulan qado sharaf ah oo Madaxweyne Deni shalay ugu sameeyay Ceelka Biyo-kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in xubno kamid ah Dowladda ay u sheegeen in Madaxweynuhu iibsaday Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso, ayna rumeysteen. Isimada iyo Nabaddoonada ayaa sheegay in wararkaas ay ahaayeen kuwo been abuur ah, ayna ku faraxsan yihiin inuu Madaxweynuhu la wadaago xaqiiqooyin iyo…
Masuuliyiinta Wasaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland ayaa kullan isugu yeertay qaar kamid ah Culimada Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland. Kulanka oo shir guddoomiyay Wasiirka Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa looga hadlayey Khudbadii jimcada shalay ahaa laga jeediyay Masjidka Huda oo kamida Masaajiyada Garoowe. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa sheegay inay Khudbadaasi ay kasoo hor-jeedey midnimda iyo jiritaanka Puntland laguna kicinayay shacabka, waxaana uu sheegay in wixii siyaasada Dawlada ah uu hogaan u leeyahay dalku, aana cidna laga yeelayn kicinta Bulshada. Si gaar ah ayuu ula hadlay Sheekh Mukhtaar Ahmed Farah oo shalay Khudbad…
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Ow-cusmaan, oo Shir Jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay xarigii Ciidanka amnigu ay u geysteen Agaasimihii Hore ee Radio Daljar Axmed Sheekh Maxamed Tolman. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa sheegay in Wariye Tolman loo heysto Eedo la xariir dhanka Hay’adaha Amniga, lana hor-keeni doono Maxkamad, isagoona si adag u naqdiyay warar lagu baahiyay Baraha Bulshada.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ka qeyb-galay Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay Magaalada Stockholm ee Caasimadda Dalka Sweden. Xaflada oo aheyd mid lagu soo dhaweynayay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Sweden, ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Jaaliyadda Reer Puntland ee Sweden, waxaana kasoo qeyb-galay dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas. Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa hadalo ka jeediyey Isimo, Odayaal, Aqoonyahano, Xubno ku hadlay Magaca Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sida Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyaga oo dhammaantood soo dhaweeyey waftiga Madaxweyne…
Kulan looga hadalayo Horumarada kasocda Gobolka Mudug, gaar ahaan tayaynta Waxbarashada iyo Dhismaha Jaamacadda Jariiban ayaa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Kulanka Waxaa kasoo Qayb Galay Maamulka Gobalka, Ganacsatada, Waxgaradka, Dhalinyarada, Haweenka iyo Guddiga dhismaha jaamacadda.
Dowladda Puntland ayaa sharci-darro ku tilmaantay Xafiis uu Magaalada Dhahar ee Gobolka Haylaan, maanta uu ka furtay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya ahna Xildhibaan kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed Musadaq Maxamed ayaa sheegay in ay tahay in Wasiirku wuxuu u hayo Gobolladaas uu u marsiiyo Puntland. “Wasiir Jamaal, abti waxaad baalmartay ballantii aad lagashay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, furitaanka xafiiskana sharci ma aha, Xukuumadda Puntland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaad u soo marinaysaa hadaad haysid mashaariic horumarineed ee Dowladda Soomaaliya ugu talo gashay degmada…
Maamulka degmada Jalalaqsi Hiiraan ayaa sheegay inay dileen ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ay wadada u galeen gaari Caasi ah oo ay la socdeen. Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Nuur Cagajoof ayaa sheegay in dilka xubnahan uu yimid ka dib markii Ciidanka dowladda ay howlgal ka fuliyeen wadada xiriirisa Jalalaqsi iyo Buulo burde ee gobolka Hiiraan. Gudoomiyaha oo la hadlayay VOA-da ayaa sidoo kale sheegay in ay Al-Shabaab kasoo furteen 18 qori iyo rasaas, islamarkaana ay warbaahinta ay u soo bandhigi doonaan. Ugu dambeyntii Waxaa uu xusay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah…
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen labada madaxweyne ee dowlad deegaanada Soomaalida iyo Canfarta dalka Itoobiya ayay ka sheegeen in lagu heshiiyay in ay lala shaqeeyo ciidamada dowladda federaalka si masuuliyadi ku jirtana ay uga wada shaqeeyaan ismaamuladu sidii xal waara loo gaari lahaa colaadda, iyado ugu danbayn sharciga lagu kala bixi doono. Sidoo kale kulan seddax geesood ah oo shalay labada madaxweyne iyo ay Xafiiska kula yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed ayaa laga soo saaray qodobada lagu heshiiyay, kuwaas oo ka koobnaa ilaa todoba qodob oo kala ah: 1) In mar kasta rabitaanka Shacabka la tix galinayo.…