Kooxaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegay in boqolaal muhaajiriin ah iyo kuwa magan galyo doon ah lagu xiray koonfurta dalka Mexico. Muhaajiriintan ayaa lasheegay in ay qorsheenayeen sidii ay u tagi lahaayeen gobolka Chiaps, oo xad lalah dalka mareykanka. Kooxaha udooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa sheegaya in muhaajiriintan ay ogolonaasho muhaajirinimo ka ahaystaan dowladda Mexico. Masuuliyiinta ururadan ayaa ku doodaya in arintani ay tahay dagal ka dhan ah muhaajiriinta. Booliska dalka Mexico ayaana lagu eedeeyay in muhaajiriinta ay ula dhaqmeen sida cadwgii.
Author: Jibril Qoobey
Iskudhac hor leh ayaa dhax maray booliska iyo dibad baxyaasha gobolka Katalooniya ee dalka Spain, iyadoona dhawr ruux ay ku dhaawacmeen dibad baxyada. Dibad baxyaasha ayaa ka careesan xukun dhawaantan lagu riday hogaamiyaashii gooni goosadka gobolka Katalooniya. Booliska ayaa dibad baxyaashii ugu danbeeyay ku qiyaasay in tiro ahaan ay gaarayaan 500,000 oo ruux. 17 ruux ayaa lasheegay in loo xiray dibad baxyadii shalay ka dhacay gobolka halka 62 ruux ayna ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacmay 41 kamid ah ayaana lasheegay in ay kasoo jeedaan magaalada Barcelona. Gudoomiyaha gobolka Katalooniya ayaa dibad baxyaasha qaarkood uga mahad celiyay sida ay shucuurtooda ugu muujiyeen…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Washington kula kulmay wasiirka maaliyadda Netherlands, Wopke Hoekstra oo ay ka wada hadleen xoojinta xariirka labada dowladood ee qorshaha Soomaaliya deynta looga cafinayo. Wasiir Wopke Hoekstra oo caddeeyay in dowladda Netherlands ay ka go’antahay in Soomaaliya ay ka caawiso gaarista barta go’aanka deyn cafinta. Kualnka ayaa qayb ka ahaa kulamo doceedyo xariir ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ka waddo Magaalada dalka Mareykanka. Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Kheyre iyo madaxweynaha bangiga adduunka, David Malpass, ayaa kulankoodii labaad sannad gudihiis waxa ay…
Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa noqday qeybta ugu badan ee ka faa’idi doonta lacag farabadan oo uu Donald Trump u qoondeeyay Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya. Wargeyska Indian Newsletter, ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay heli doonaan $25Milyan oo doollarka Mareykanka ah. Waxaa sidoo kale lacaga Trump u qoondeeyay AMISOM sanadkan ka faa’idaya dalka Uganda oo isna Ciidankiisa Soomaaliya jooga aysan mushaar qaadan tan iyo January 2019ka. Sida Wargeysku sheegay lacagaha kale ee Trump ugu deeqay Midowga Afrika waxaa lagu bixin doonaa halka uu Trump doorto waxaana ka mid ah Howlgalka Saxaraha galbeed…
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in xabsiga loo taxaabay askar ku sugneyd bar koontarool oo ku taala nawaaxiga Ex Baar Shabeelle, kaddib markii ay ku lug yeesheen fal lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka. Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in dhammaan ciidanka joogay barta koontarool la xiray, isla markaana Ciidanka Booliska ay wadaan baaritaanka falkaas. Sarkaalka lagu dilay is rasaaseynta ka dhacday agagaarka Ex Hotel Naasahablood 2 iyo nawaaxiga Baar Shabeelle ayaa warar kala duwan ay ka soo baxayeen. Sarkaalkan ayaa ahaa Taliyihii Ururka Gorgor ee ka tirsanaa Ciidanka xoogga dalka qeybta Kumaandooska, waxaana…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay waxa uu daah-furay Taallooyinka Axmed Gurey, Xaawa-taako, Sayid Maxamed iyo Dhagaxtuur kuwaas oo dhammaantood lagu sameeyey dib u hagaajin. Haddaba Baraha Bulshada ayaa dadweynuhu uga dooday arrinta taallooyinkaas, ku habboonaanta Waqtigan, Ujeedka dowladdu ka leedahay iyo isgarab-dhig dadweynuhu ku sameeyey arrimaha waaweyn ee muhiimka iyo taallooyinkan. Maxamed Royal ayaa yiri: ”Nabad iyo Nolol sida ay u fikirto haddiiba aan wax uun ka bartay, waa iney ka shaqeeyaan umadda iney mashquuliyaan, madadaaliyaan, iskana horkeenaan. Taallooyinkaan horta uma aysan dhisin daljacayl iyo waddaniyad toona, ee sababta ugu weyni waxey ahayd iney marka horeba…
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay aqoonsatay magaca iyo qabiilka Ninka AL-shabaab u qaabilsan weerarrada ka dhanka ah Ciidamadeeda ka howlgala Sohdinta Soomaaliya. Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Cabdullahi Banati oo ka soo jeeda Qabiilka Gaaljecel uu yahay Ninka AL-shabaab mas’uulka uga ah weerarrada ay Ciidamadooda kala kulmaan Gobolka Soomaalida. Ninkaas ayey sheegeen in uu hoggaaminayay koox 12kii Bishan Miino ku tallaashay degaanka Dhamajaale oo duleedka Libooyo ku taalla. Weerarkaas waxaa ku geeriyooday 11 ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya oo halkaas ka waday howlgal amni sugid ah. Jimcihii shalay Ciidamada Kenya ayaa howlgal ka fuliyay sohdinta Soomaaliya iyaga…
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay Guddi u saarto dilka Taliyihii Guutada GORGOR ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho. Maxamed Suleman Abiikar, ayaa waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku dilay Ilaalada Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho. Ilaalada Hotelka ayaa rasaas ku furay Gaari uu watay Taliyaha oo ka yimid dhinaca waddada Ex Baar Shabeelle,waxaana uu ku dhintay rasaastii ay ku fureen. Waxaa la dhintay Askari Ilaaladiisa ahaa oo la socday lana saarnaa Gaariga uu Taliyuhu watay. Sarkaalka xalay lagu dilay Muqdisho ayaa ka mid ahaa Kumaandoosta Soomaaliya,waxaa uu kusoo tababartay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi ayaa kulan kula qaatay Ceelka Biyo-kulule ee duleedka Magaalada Boosaaso Isimada, Nabaddoonasa iyo Waxgaradka gobolka Bari, ayaa haldoorka gobolka Bari uga warbixiyey kulamo muhiim ah oo uu la qaatay shacabka Jubbaland waxa uu tilmamaay in Puntland diyaar u tahay garab istaagga shacabka Jubbaland iyo dhismaha dowladnimadooda. “Runtii degaanada Jubbaland iyo Puntland waa mataano, Soomaalidu waxay tiraahdaa Indhuhu waa isku seexdaane Makala seexdaan, Puntland iyo Jubbaland waa laba indhood oo inay isku seexdaan loo baahan yahay, waan garanayaa dadkaas dereenkoodu sida uu ahaa siday u danaynaayaan Puntland garab istaageeda, dadka halkan ku dhaqan dadkooda kale…
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta taariikhduna ku beegan tahay 19/10/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho. Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga. Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan . Kulankaan ayaa noqon doonaa kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo fasax ku jiray bilihii lasoo dhaafay.
Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland ayaa saaka howlgallo balaaran ka wada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaddib markii xalay lagu dilay Magaalada AUN Xasan Cabdille Hiraabe oo ahaa Taliyihii Last amazed Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee Gobalka Mudug. Dilka Masuulkan ayaa waxaa ka dambeeyay Koox hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn, iyagoona ka baxsaday Goobta dilku uu ka dhacay. Ciidanka Amniga ayaa howlgalkooda ka wada inta badan xaafadaha Magaalada, waxaana ay beegsanayaan goobo gaar ah oo tuhun uu galay, sida ay inoo sheegeen ilo xog-ogaal ah. Ma jirto illaa hada wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Mudug iyo Hay’adaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah qado sharaf u sameeyey Isimada, Nabadoonada iyo Wax-garadka gobolka Bari. Kulankan qado sharafta ah oo ka qabsoomay ceelka Biya-kulule ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay muhiimadda kulanka qado sharafta ah, waxaana uu sheegay inuu daaran yahay is-xogwaraysi daahfuran oo muhiim u ah wada shaqaynta haldoorka Puntland iyo dowladda. “Runtii sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta Ceelkii Biya-kulule oo tariikhda Boosaaso ku suntanaa inaan bulshada miideedii kula kulmo…
Taliyihii Guutada Gorgor ee Kumaandooska Xoogga dalka Maxaadeey Saleebaan ayaa caawa lagu dilay is rasaaseyn ka dhacday agagaarka Ex Hotelka Naasahablood 2 ee ku dhow Xaawo Taako. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya is rasaaseynta, waxaana la sheegayaa in Ilaalada Hotelka iyo Ciidamo kale oo goobta ka dhowaa ayaa rasaas ku furay gaariga uu saarnaa Taliyaha, iyagoo ka shakiyay. Gaariga uu saarnaa Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Baar shabeelle, waxaana wadadaas ay tahay wado hal jiho. Taliye Maxaadeey ayaa soo noqday Ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, sidoo kale…
Koox hubeysan ayaa toogasho ku dishay caawa Xassan Cabdille Hiraabe oo katirsanaa Wasaaradda Maaliyada ee Dowladda Puntland Xafiiskeeda Gobalka Mudug. Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Puntland. Xuseen Cabdille ayaa horey u soo noqday xubin katirsan golaha degaanka ee Magaalada Gaalkacyo iyo ku-xigeenka Duqa Magaalada, waxaana hadda uu ahaa Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee Wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.
Saraakiisha Ciidamadii dhowaan kusoo biiray Dowladda Puntland ee Magaalada Ceelbuh ee Gobalka Sanaag ayaa u jawaabay Wasiirka Cadaaladda Maamulka Somaliland oo sheegay inay ahaayeen Wax ma tarayaal Somaliland ay lacag siin jirtay oo kaliya. Taliyaha Ciidankan dhowaan kasoo baxay Maamulka Somaliland kuna soo biiray Ciidanka Difaaca Puntland Mustafe Siciid Toor, ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hadal Wasiirka Cadaaladda Somaliland, isagoona intaas ku daray “Qorax soo baxday sacabo laguma qarin karo dalku waa Puntland”.
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka hadlay dooni dhowaan ku degtay dalka Caman una rarnayd ganacsato reer puntland ah. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland murugada la qaybsanayso ganacsatadii dhowaan hantidooda ku waayay doonidii degtay. “Waxaan murugada la qaybsanaynaa ganacsatadii reer Puntland ee hantidooda ku waayay doonidii ku degtay dalka Cuman waxaan leenahay ilaahay ha idin siiyo badal khayr qaba ayuu yiri Wasiirku” Doonidan degtay ayaa lagu magacabay “CABDI KARIIN” waxana lumay dhamaan hantidii saarnayd waxana ay ka soo caariday xeebaha dalkaasi Cuman.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay xaalada dhaqaale iyo dhibaatooyinka ka dhashay go’doonkii ay saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya Degaanada Jubbaland, gaar ahaan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. “Magaalada Kismaayo hawada iyo baddana culaysbaa ka saarnaa, dhinaca dhaqaalaha culays adag baa ka jirtey isna, waxaan rajaynaynaa ummadda Soomaaliyeed meelkastay joogaan in bulshada badan ee halkaasi ku dhaqan culayska dhaqaale ee saaran looga gurmandoono” ayuu yiri Madaxweyne Deni Madaxweyne Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland ku booriyey inay maalgashtaan Magaalada Kismaayo, isagoona mahad-celin u jeediyay ganacsatada Reer Puntland oo uu sheegay…
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa goordhow waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyada oo siweyn halkaasi logu soo dhaweeyey. Wafdiga Wasiirka oo Maalmahaan la hadal haayey inay tagayaan Dhuusamareeb ayaa waxaa la filayaa inay Ahlusunna kala hadlaan tabashada ay ka qabto Guddiga Wasaaraddu u Magacaawdey Doorashooyinka Galmudug . Maalinta Berito ah oo sabti ah ayaa la filayaa in sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ay tagaan wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan ku mashquulsan xal u helida tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusunna si loo dhiso Galmudug loo dhan yahay,isla markaana…
Turkiga ayaa ogolaaday in heshiis xabad joojin ah laga dhaqan geliyo waqooyiga Suuriya si ciidammada Kurdiyiinta loogu ogolaado inay isaga baxaan halkaas. Heshiiskan ayaa imaanaya kaddib booqasho uu Turkiga ku tegay madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence isla markaasna kulan la qaatay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Pence wuxuu sheegay in muddo shan maalmood ah dagaallada lagu joojinayo halka Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono sidii ciidammada Kurdiyiinta looga soo saari lahaa deegaanada xadka oo uu Turkiga ka waday howlgal uu ku sheegay inuu goob amaan kaga sameynayo halkaas. Taliye sare oo ka tirsan Kurdiyiinta ayaa sheegay in xooggaga Kurdiyiinta ay qaddarin…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulan gaar ah halkaasi kula qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy. Kulanka ayaa waxaa ay uga hadleen horumarka laga sameeyay arrimaha deyn cafinta dib u habeynta Amniga iyo qodobo kale,sida uu sheegay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Tibor Nagy. Sidoo kale waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen muhiimada ay leedahay horumarinta Federaaleynta iyo diyaarinta doorashooyinka sanadka soo socda. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Washington ee dalka Mareykanka waxaa u sidoo kale…
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu faafiyay inuu socdo mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo ay dabada ka riixayaan mid kamid ah Musharixiintii sida weyn ay ugu loolameen Doorashadii 8-Janaayo ka dhacday Garoowe iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shabakadda Idil News, oo wadday muddooyinkii ugu dambeeyay baaris ku aadan wararkaas ayaa la xariirtay dhinacyada Madaxtooyadda iyo Gen. Asad Cismaan Diyaano oo ah shaqsiga la sheegay inuu waddo olalaha ka dhanka ah Madaxweyne Deni. Gen. Asad Cismaan ayaa been abuur ku tilmaamay warar lala dhex-marayo Baraha Bulshada iyo Sawirada la faafiyay ee lagu sheegay…
Xiisadaan dagaal ayaa saaka waxaa ay ka taagan tahay deegaanka Jiicle oo hoostaga degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo dadka ku nool ay sheegayaan inay casbi muujinayaan. Xiisadaan ayaa ka dhalatay kadib markii gelinkii dambe ee Khamiistii shalay deegaankaas lagu dilay Ruux oo la sheegay inuu ahaa Xoolo Dhaqato. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaas uu la xiriiro aanooyin qabiil,isla markaana xiisad u dhaxeysa maleeshiyaad kasoo kala jeeda kuwa wax dilay iyo kan la dilay ay saakay ka taagan tahay dulkeedka Balanbale. Maamulka degmada Balanballe iyo saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug weli kama hadlin dilkii ka…
Askari ka tirsan Ciidanka Booliska qaybtooda ilaalada hay’adaha SPU ee Bosaso oo horay udilay isla askari kale oo ay kawada mid ahaayeen Ciidankaas,ayaa Maxkamada Ciidamadu ku xukuntay Dil Toogasho ah. Maxkamda Ciidamada ee fadhigeedu yahay Bosaso waxay isagana dil ku xukuntay Askarigii horay udilay Talyihii hore ee garoonka diyaaradaha Bosaso Xasan Shire Aamaan rabi ha unaxariistee. Sidoo kale waxay Maxkamadu dacwadiisa dib u dhigtay Askarigii dilay Ninka Kenyanka ah. La soco wararkaas. Jibril Qoobey.
9-kii bisha ee uu Madaxweyne Deni udhoofayay Kismaayo waxay sidoo kale ay ahayd maalin Maxaabiis ka tirsanaa kooxda Daacish la saarayay Maxkamad. Hadaba sagootinta Madaxweynaha iyo kasoo celinta Maxaabiistaas ee Maxkamada waxay sababtay in ilaalada Wasiirka Maaliyada iyo Ciidankii galbinayay Maxaabiista ee PSF ay si khaldan iskugu dhacaan. Dhacdadaas waxaa loo saaray Gudi,kaasoo baaris dheer kadib ugudbiyay Madaxweyne Deni xog ururintoodii si uu go”aan uga qaato. Xogo aan si hoose uga helay ilo lagu kalsoonaan karo waxay ii xaqiijiyeen in khaladka dhacdadaas ay lahaayeen ilaalada Wasiirka Maaliyada,sababtoo ah waxay hor bilaabeen Xabada,isla markaana way sii wadeen,iyagoo aqoonsaday Ciidanka. Jibril Qoobey.
Afar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada Puntland,gaar ahaan qaybta Qardho,ayuu Daad ku qaaday Yalho. Gurmad deg-deg ah oo gaaray kadib waxaa lasoo badbaadshay 3-Askari,waxaana Biyuhu latageen Askari iyo Gaarigii ay wateen Askartu.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Dhoobo-Dareed”, ayaa ka hadlay Afar Xildhibaan oo dhowaan ku eedeeyay Madaxweyne Deni Safarkii uu ku tagay Magaala Kismaayo iyo ka qeyb-galkiisii caleema-saarkii Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa sheegay inuu aad uga xun-yahay Hadalka xildhibaanada iyo jawaabtii ay ka bixiyeen Waxgaradka iyo Shacabka Puntland, isagoona xusay inuu yahay dhaqan aan horey loogu baran Reer Puntland. “Malmahan Waxaan arkayey Hadalo iyo Jaawabo hawada laysu marinayo mahan dhaqan Puntland lagu yaqaano waxaan oran lahaa waxaa loo baahan yahay in Siyaaasadu inoo degantahay waayo hadii siyaasadu kacdo waa Badda oo kale badduna markay kacdo waxay keentaa…
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyey magaalada Boosaaso. Weftiga Maxdaxweynaha ayaa kasoo kicitimay magaalada Kismaayo oo ay uga qayb galeen caleema saarkii Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka ee ICJ ayaa maanta mar kale dib u dhigtey dhageysiga dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dhageysigan ayaa markii hore la qorsheeyey in ay dhacdo 4-ta bisha November. Si kastaba, maxkamadda ayaa dib u dhigtey dhageysiga illaa iyo bisha June ee 2020, markaasi oo la dhageysan doono 8 illaa 20-ka bishaas. Waa markii labaad oo kiiska dib loo dhigo. Kiiska ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qaado bishii September ee tagtay. Go’aanka cusub ee maxkamadda ay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwada ayaa waxaa xaqiijiyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaalida Mahdi Guuleed. Labada…
Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Cali Ibraahim oo kamid ah beelaha dega Gobolka Mudug ayaa Gaalkacyo ku qabtay shir ay ku taageerayaan Madaxda sare ee Dowladda Puntland. Waxgaradka Beesha Cali Ibraahim ayaa sheegay inay Puntland tahay mid meel weyn uga taal Bulshada, ayna u soo hureen naf iyo Maal, iyagoona sidoo kale ammaan u jeediyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Dhinka kale, Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Cali Ibraahim ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha dhawaan loo doortay Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhooba-daareed”, oo hogaaminayay Guddiga joogatada ah ee Baarlamaanka oo tababar uga qaybgalay dalka Uganda ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Guddoomiye Cabdixakiin Dhoob Dareed oo la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in Magaalada Kampala ay uga qeyb-galeen Tababar saddex Berri, kaas oo ahaa Aqoon is-waydraasi la xiriira Arrimaha Golayaasha Xeer-Dejinta. Tababarkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Baarlamaanada Maamulada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed “Dhooba-daareed”.
Madaxweynihii hore ee Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa bixiyay wareysigii ugu horeeyay ka dib doorashadii Koonfur-Galbeed December 19, 2018-ka. Waxa uu uga hadlay Xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, Doorashada heer Qaran ee dalka dhici doonta 2021-ka, Xaaladda Amni iyo midda Siyaasadeed ee dalku marayo iyo arrimo kale. Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa wareysigiisa oo uu siiyay Tv-ga Jubbaland, ku cadeeyay in uu u taaganyahay Tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee 2021-ka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib maalmo uu Ku sugnaa Magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb-galay Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Madaxweyne Deni iyo waftigiisa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socdo ku sugnaado Boosaaso, halkaas oo uu kulamo kula yeelanayo Isimada iyo Siyaasiyiinta Gobalka Bari. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa inta uu Ku sugan yahay Magaalada Boosaaso la kulmay wakiilo ka socda dalalka caalamka. Dib ugu soo laabashada Madaxweynaha Dowladda Puntland ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa kusoo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay xilkii ka qaaday safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Koonfur Afrika Amb, Jamaal Maxamed Barow, iyada oo safiir Cusub u magacaawday dalkaasi. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Dowladda ay safiirka Cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Koonfur Afrika u Magacaawday Maxamed Cali (Nabadoonka) Qunsuulkii Hore Ee Safaarada Soomaaliya Magaalada Pretoria ee dalkaasi Koonfur Afrika. Maxamed Cali (Nabadoonka) ayaa sidoo kale mar kuxigeeno u soo noqday Safiirkii hore ee Koonfur Afrika ee geeriyooday Sayid Shariif iyo kan hadda booska baneynaya ee Jamaal Maxamed Barow. Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku sugan Soomaali farabadan…
Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil Ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gacansiga Dowladda Puntland. Waxaa Garoonka Diyaraha ee Magalada Boosaaso Ku soo dhaweeyey xubmo katirsan Golaha wasiirada, Maamulka Gobolka Bari, ka Degmada Boosaaso, iyo buldhada qaybaheeda kala duwan. Imaanshaha Magaalada Boosaaso ee Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil, ayaa kusoo aadaysa waqti xasaasi ah waxaana maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Boosaaso Shirar looga soo ho-jeedo Hormarinta Kaabayaasha dhaqaalaha. Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaciil ayaa la filayaa inuu ku buuro dadaalada lagu xasilanayo Siyaasadda iyo Amniga Gobalka Bari, isagoona kulamo la yeelan doona Madaxweynaha Dowladda Puntland oo…
Golaha Degaanka cusub ee Degmada Burtinle ee Gobalka Nugaal ayaa doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, kaddib doorasho gacan tag ah oo xalay ka dhacday Degmadaas. Guddoomiyaha Degmada Burtinle ayaa waxaa ku tartamayay Labo Musharax, iyadoona uu ku guuleystay Sayid Maxamuud Xirsi, kadib markii musharaxii latartamayey uu u tanaasuley. Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Burtinle ayaa loo doortay Saalax Maxamed Abdulle, isagoona helay codad gaaraya 11 Cod, halka musharax Cali Geele Maxamed oo la tartamaya uu isna helay 9 cod uu helay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed C/ixmaan Dhabancad ayaa khudbad ka jeediyey Madasha markii ay soo…
Warbaahinta Mareykanka ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan dowladda dalkaas ay ka digeen in 50 madax oo Gantaalada Niyukleyrka ee Mareykanka u yaalla gudaha dalka Turkiga ay xayirtay dowladda dalkaas. Xukuumadda Washington ayaa isku dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya. Bixitaanka ciidammada Mareykanka ay ka baxeen waqooyiga dalka Suuriya ayaa dhalisay in ciidamada Turkiga iyo kuwa Ruushka ay ku siqaan goobihii ay heysteen askarta Mareykanka, sidoo kalena halkaas ay isaga baxaan isbaheysigii Mareykanka uu ku lahaa gobolka – Kurdiyiinta Suuriya.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed, ayaa ka warbixinaya Tababar aqoon kororsi ah oo Magaalada Kampala ee dalka Uganda ugu soo dhammaaday Tababarkan oo soconayay muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle, iyadoona saaka la geeyay xarunta Baarlamaanka Ugandha.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in todobaadka soo socda ay u ambabaxaan dalka Ruushka. Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah hoggaamiyeyaal Afrikan ah oo lagu casuumay Shirweyne ka furmi doona magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya. Hoggaamiyeyaasha shirkaasi tegaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha,Jabuuti,Kenya, Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,waxaana qabana qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen in uu socon doono mudo laba Cisho ah. Shirkan oo u dhaxeeya qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo ruushka ayaa waxaa 23-ka Bishaan Octoober siwadajir ah u guddoomin doona Madaxweynaha Raashiya Vladimir…
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabaka dia ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta oo Khamiis ah la horkeeney Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo Shaqsi kale. Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas iyo Nuur Ibraahim Mahad-Alle iyo Shaqsiga kale oo lagu Magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) ayaa loo heystaa qarax lagu diley Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab,qaraxaas oo dhacay 19-kii Bishii april ee Sanadkaan 2019. Qaraxii lagu dilay kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xilligaas Ururka Al-Shabaab,hayeeshee Mas’uuliyiintaan loo xiray arrimo la xiriira…
Wasiirka Wasaradda Badroolka iyo Macdanta Xukumadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa magaalada New Delhi dalka Hindiya kaga qaybgalay shirka tamarta ee Hindiya oo looyaqano CERAWEEK waxana Wasiirka ku wehlinayay shirka danjiraha Soomaaliya u fadhida dalka Hindiya Faadumo C/laahi Maxamuud Insaaniya iyo lataliyaasha Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta. Shirka waxa soo qaban qaabisay hay’adda IHS MARKIT waxana kasoo qaybagalay dalalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo shirka lagu casuumay hay’addo iyo shirkado caalami ah, inta uu socday waxaa looga hadlayay tamarta iyo guud ahaan qayaraadka kala duwan ee dalkaas. Wasiirka Badaroolka iyo Macdanta Mudane C/rashiid maxamed Axmed ayaa qudbad ka jeediyay inta…
Wararka ka imaanaya Degmada Balad-xaawo ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Beesha uu ka dhashay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan ay magaaladaas ka af-duubteen seddex nin oo kasoo jeeda beesha Reer Diini oo uu kasoo jeedo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wararka ayaa sheegaya in Afduubkan uu la xariiro xariga Dowladda Federaalku u geysatay Wasiir Janan, kaas oo Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ku tilmaamay Afduub aan ku qotomin Hanaan Dowladnimo iyo Cadaalad. Beesha uu kasoo jeedo Wasiirkii Amniga Jubbaland Mr. Janan (Reer Axmed), ayaa la sheegay inay dalbatay in loo soo daayo Wasiir Janan, si ay u sii deyso nimankan ay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan is-xogwaraysi ah kula qaatay caasimadda KMG ee Kismaayo Isimada, Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland. Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Deni ku wehelinaayey Madaxweynihii hore ee Puntland Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka iyo Wasiirada Jubbaland, weftigii Madaxweynaha iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa is-xogwaraysi ka dib ku booriyey Isimada Nabadoonada iyo Wax-garadka Jubbaland inay kala shaqeeyaan Dowladda horumarinta, xasilinta, xoraynta iyo nabadda dhammaan degaanada Jubbaland, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in wadashaqaynta shacabka iyo Dowladda horseedo horumar, amni iyo dowlad wanaag.…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa u ambabaxay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo uu uga qayb gelayo shirka sannadlaha ah ee Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka (IMF) Shirka Sannadlaha ah oo looga hadlo horumarrada maaliyadeed, caqabadaha iyo wixii ka hir galay qorshayaashii maaliyadeed ee lagu soo bandhigay shirka guga ayaa waxyaabaha sannadkaan looga hadlayo waxaa kamid ah barnaamijka geedi socodka deyn Cafiska Soomaaliya. Mudane Xasan cali Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo uu kala hadlayo in Soomaaliya lagu…
Dhawaan waxaa ka hawlgeli doona magaalooyinka waa weyn ee Puntland ciidamo si gaar ah oo xirfad sare ah loosoo tababaray. Ciidamadan oo si toos ah u hoos tagi doona Madaxtooyada Puntland,ayaa masuul ka noqon doona amaanka Mgaalooyin ay ka mid yihiin Bosaso,Gaalkacyo iyo Garowe, Ciidamadan oo gaaraya dhawr Guuto,ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxay tababarkooda iyo qalabayntooda bixisay Dowlada Imaaraadka Carabta. Waxaa la filayaa hawlgalinta Ciidamadaas kadib in isbadal xoog leh laga dareemi doono amaanka guud ee Puntland. Dowlada Madaxweyne Deni,ayaa wada qorshayaal wax looga qabanayo amaanka iyo Ciidamada ku hawlan. Sidoo kale waxaa iyadana qorshaha dib loogu xoojinayo uu socdaa…
KURDIDU WAA UMMADD AYAANDARAN Kurdidu waa ummad tiradeeda la gu qaddaro 35 malyuun oo qof. Asalkooda fogi ma aha Bariga Dhexe ee waa dhulka loo yaqaan Aasiyada Yar (Yurubta Bari iyo Aasiyada Waqooyi dhexdooda). Ka mid ma aha dadyowga loo yaqaan “Semitic” – Saami. Imbaradooriyaddii Cabbaasida ayay dadkani ka dhex muuqdeen awood ahaan markii kowaad oo kaalin millateri iyo tu siyaasadeedba ku yeesheen. Laakiin dhanka fikirka Islaamka wax yar bay ku darsadeen (fikirka Islaamka innagu waxba ku ma aynnaan darsan). Xagga dagaalka waxaa ka dhashay halyeygii weynaa ee Salaaxuddiin Ayuubi, oo asaas u noqday dawladdii Ayuubiyada ee boqol jirsatay. Dadka…
Doon usoo socotay magaalada Boosaaso oo rar kasoo qaaday Dekeda ku taalla dalka Cummaan ayaa la sheegay in ay ku degtay xeebaha Badweynta Hindiya. Doonidan oo laga lahaa dalka Hindiya,ayaa lagu magacaabay Cabdikariin, waxaana maqribnimadii shalay ay ku degtay meel u dhow dekedda Salala ee dalka Cumaan. Shaqaalihii doonta saarna oo tiradooda lagu sheegay 10 ayaa la badbaadiyey, hase yeeshee waxaa lagu waayey hanti fara badan. Hantida lagu khasiray Doonidan,ayaa lagu sheegay in ay ka badan tahay Toban Milyan oo dolar.,iyadoo ku degtay meel ku dhwo isla Dekeda Salalah ee ay kaoso shiraacatay markii hore. Inta badan ganacsatada Puntland ee…
Odoyaasha Gobolka Nugaal,ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal maalin ka hor kasoo yeeray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland,kuwaasoo aad udhaliilay Madaxweyne Deni iyo hogaamintiisa xiligan. Waxgarad maanta ku yeeshay kulan balaaran caasimada Puntland ee Garowe,ayaa si weyn udhaliilay Xukuumada Fadaraalka ah,isla markaana bogaadiyay Dowlada Puntland iyo hogaankeeda. Xildhibaanada hadlay maalin ka hor,ayaa la fahansan yahay in hadalkooda ay ka danbaysay gacan qarsoonayd,waxaana dad badan ay qabaan Xukuumada Fadaraalka in ay tahay mida dhabarka ka taabatay,iyadoo la tilmaamayo Wasiir Cawad iyo Xildhibaan Cali Xoosh,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa xalay ka qayb-galay munasabad sagootin ah oo loo sameeyey madaxdii ka qeyb-gashay caleema-saarka madaxweynaha Jubbaland.
Sida wararku ay sheegayaan,waxuu diiday Madaxweyne Deni gole iskaashi in la dhiso. Golahan,waxaa soo jeediyay dhismihiisa Madaxweynayaashii hore iyo jubaland. Deni,ayaa ku adkaystay in dhismaha golahan uu yahay xiligan mid deg-deg ah,waxuuna soo jeediyay in si guud layskaga kaashado xaaladaha cakiran ee dalka lagana wada shaqeeyo sidii horay loogu sii socon lahaa. Arinkan,ayaa kulankii shalay lagu gorfeeyay,waxaana sidoo kale jira mid kale oo maanta dhici doona ka hor intaysan soo anba bixin madaxda intooda badan. Madaxweyne Deni waxuu kaloo ka caga jiidayaa in war saxaafadeed laga soo saaro Kismaayo. Jibril Qoobey.
Dagaalamsyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay mas-uuliyadda qarax ka dhacay gudaha gobolka ay Soomaalidu dagto ee NFD. Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa askar ka tirsaneed booliska sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Kenya ka soo gaaray qaraxaas sida ilo kala duwan ay noo xaqiijiyeen, hayeehee Al-Shabaab ayaa war kooda ku sheegtay in ay ku dileen ilaa 10 askari oo ka tirsanaa booliiska Kenya. Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya, waxa uu ku haleelay inta u dhaxeysa deegaanada Kulan iyo Libooye Kenya oo hoos taga degmada…
Ethiopia Major Hayelom Tesfaye & Major Sebri Towfik, two pilots of an SU-27 fighter jet, were killed yes’day when their jet crashed at Uke Denkaka area near Bishoftu city. Their jets crashed during an airshow exercise for upcoming graduation on Tuesday. RIP! Src:@Ethiopia24News
“The changes in Ethiopia and the rapprochement with Eritrea created an opportunity for Somalia’s Federal Government to join a tripartite effort towards economic integration. It is very well known that Somalia has yet to establish a government that fully exercises a monopoly of coercion in the entire country, and there are a number of Federal Member States (FMS) that have resisted dictation from the current officials of the Somalia Federal Government. This tension emerged following the election of the current officials of the SFG in 2017. The FMS had created alliances to show strength and make a better deal with…
War qoraal ah oo ka soo baxay ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, James Swan ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay hoobiyeyaashii maanta lagu weeraray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inuu aad u cambaareynayo “Waxaan cambaareynayaa weerarkii ka dhacay xarunta Xalane, balse waxaan la amakaakdanahay ficilkan argagaxa leh ee argaggixisannimada ee lagula kacay shaqaalaheenna, kuwaasoo shacabka Soomaaliyeed kala shaqeeya arrimaha samafalka, dhismaha nabadda, iyo arrimaha horumarinta. Waxaan u rajeynayaa asxaabteena dhaawacmay inay si buuxda uga soo kabsadaan dhaawacyadooda, ”ayuu yiri ergeyga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan. Ma sheegin tirada rasmiga ah ee dadkii…
Ururka Al-shabaab ayaa deeganka Fiidow oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ku toogatay shalay oday 82 sano jir ah oo ka tirsanaa maamulka degmada Jowhar. Cali Cabdulaahi Xasan ayaa maxkamad ku taal deeganka Fiidow ku xukuntay dil kadib markii uu u tegey halkaa inuu marqaati u noqdo mid ka mid ah labo qoys oo isku haystay dhul. Qoyskii uu ku marqaati furayay ayaa u sheegay garsoorihii maxkamada in Cali Cabdullaahi uu yahay mas’uul ka tirsan maamulka degmada Jowhar sidaa awgeedna uusan ka marag furi karin dacwada. Al-Shabaab ayaa xabsiga dhigtey kadibna maxkamad gaar ah saartay iyadoo lagu xukumay dil toogasho ah. …
Dowladda Puntland ayaa dadaal ugu jirta burburinta Danley Siyaasiyiin iyo Odayaal isugu jira, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo siisay Mashruuc ku aadan Khalkhal gelinta Xasiloonida Siyaasadeed iyo mida amni ee Puntland. Mashruucan oo Dowladda Federaalka ay u soo wakiilatay Senator Maxamuud Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare ee BFS ku matala Degaanada Puntland, ayaa ujeedadiisu tahay in la iska horkeeno Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda. Qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo Shir jaraa’id oo maanta ay ku qabteen Magaalada Garoowe eedeyn ugu jeediyay Madaxweynah Dowladda Puntland, sidoo kalena sheegay…
Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin ayaa uga digay Turkiga cunaqabateyn suurtagal ah inta lagu guda jiray, shir jaraaid oo ka dhacay Aqalka Cad Jimcihii. Wuxuu yiri “waan xiri karnaa dhaqaalaha Turkiga hadaan u baahanahay.” Markan, wuxuu sheegay in Mareykanka uusan shaqeyneyn cunaqabateynta, laakiin madaxweynaha wuxuu bixinayaa “maamulo aad u muhiim ah” si cunaqabateyn lagu soo rogo. Mnuchin wuxuu yiri kuwani waa “cunaqabateyn aad u xoog badan”, “waxaanna rajeyneynaa inaysan ahayn inaan isticmaalno.” Shirkiisa jaraa’id wuxuu ku soo aadayaa xilli uu Turkigu gudaha u galay Suuriya iyada oo duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday xoogagga Kurdiyiinta Mareykanka ee taageera. Qaramada Midoobay…
Treasury Secretary Steven Mnuchin warned Turkey of possible sanctions during a news conference at the White House Friday. He said “we can shut down the Turkish economy if we need to.” At this point, he said that the U.S. is not activating the sanctions, but the president is providing “very significant authorities” to impose sanctions. Mnuchin said these are “very powerful sanctions,” and “we hope we don’t have to use them.” His news conference comes amid an incursion by Turkey into Syria with airstrikes targeting U.S.-backed Kurdish forces. The United Nations says that 70,000 people in northern Syria have been…
Khudbadda Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa ugu baaqay Madaxweynayaashii Hore ee Soomaaliya iyo Siyaasiyiinta diidan hab-dhaqanka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo inay ilaaliyaan Midnimada iyo Xasiloonida Dalka. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta Xasiloonida iyo Hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya, taas oo ah astaan ay horey u wada lahaayeen Madaxweynayaashii kaga horeeyay Hoggaanka Puntland. Sidoo kale, Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Soomaaliya ay doorasho ka dhacayso waqtigeedii, taasna ay dhexda u xiran doonto Dowladda Puntland, balse looga baahan yahay Siyaasiyiinta inay muujiyaan Deganaan. Ugu dambeyntii,…