Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku baaqay Midnimo iyo wadajirka Umadda Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in maamulka uu hoggaamiyo ay la shaqeyn doonaan dowladda dhexe Soomaaliya. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay Muqadas tahay Midnimada Soomaaliyeed, islamarkaana dhammaan laga doonaayo in ay ka qeyb qaataan Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa xusay in dowladda dhexe ay ku tixgaliyeen shaqooyinka dowladda dhexe laakiin dowladda aysan ku tixgalin Hanaankii Awoodda maamul goboleedka. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in Wadahadal uu yimaado Magaalada Kismaayo, maadaama uu…
Author: Jibril Qoobey
Golaha Wasiirrada Arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta shir deg deg ahaa oo shalay ay ku yeesheen Dalka Masar ayaa waxaa ay kasoo saareen qaraar ka dhan ahaa dowladda turkiga oo weerar Ciidamadiisa ku galeen dalka Syria. Kulankooda kadib ayaa bayaan ay soo saareen waxaa ay ku cambaareeyeen weerarkaas,hayeeshee waxaa diiday saxiixa bayaankaas dalalka Soomaaliya iyo Qatar. Bayaanka dalalka Carbeed ayaa waxa ay ku sheegen in faragelinta turkiga ee dalka Syria uu Qatar dhinaca amniga ah ku yahay wadamada Carbeed maadaama Syria ay dalalka Carbeed kamid tahay. Guddoomiyaha wadamada Jaamacadda Carabta Axmed Abul Geyd oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta Calanka Soomaaliya oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in ilaalinta Midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in qof walba oo Soomaali ah mucaarad iyo muxaafad looga baahan yahay inay ilaaliyaan hawada, Badda iyo dhulka, waxaana uu xusay in taariikhda ay ku geli doonaan mucaarad iyo muxaafad. “Qof walba oo Soomaaliyeed, qof walba oo naga mid ah meel walba uu uu dalka ka joogo ama ay ka joogto mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in qarankiisa matalo ama qarankeeda…
Ciidamadii Maamulka Somaliland ee Degmada Ceelbuh ee Gobalka Sanaag, ayaa saaka ku dhawaaqay inay kasoo baxeen Maamulka Somaliland, kuna soo biireen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland. Ciidanka cusub ee kusoo biiray Daraawiish-ta Dowladda Puntland, oo ku hubeysan Gaadiid Dagaal, ayaa waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobalka Sanaag, Saraakiisha Ciidanka Difaaca Puntland, iyo Masuuliyiin kale. Ciidankan oo ahaa Guutada 93-aad ee Milateriga Maamulka Somaliland, ayaa Xeradooda ka taagay Calanka Dowladda Puntland, waxaana hoggaaminaya Gaashaanle Mustafe Siciid Toor.
Guddiga Joogtada Ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo axad ah kulan ku yeelanaya Xarunta Guddiyadda & Guddoonka ee Villa Hargaysa ku ueeshaan kulankooda 1aad ee Kalfadhiga 6aad. Ajandaha kulanka Maanta ayaa ah dejinta Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan Furmay. Kulankooda kadib ayaa la filayaa in Xubnaha Guddiga joogtada ay soo saaraan ajendayaasha ugu soo horeeya ee kal-fadhiga 6aad ee golaha Shacabka. Badi Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay xilligaan u dheg taagayaan go’aanada ay qaadan doonaan xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya maadaama xilligaan dalka ay ka jiraan mowjado siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii ka dhacday…
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wada ololihii u dambeeyay ee ay kaga keenayaan mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee jooga qeybo ka mid ah Soomaaliya. Kulanka ugu horeeyay ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka ayaa la filayaa in la horgeeyo ajande uu ka mid yahay Mooshin ka dhan ah Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Kenya ay weerar ku tahay dowlad Soomaaliyeed, isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda ay horgeynayaan Baarlamaanka. Waxaa uu ugu baaqay Xukuumadda Soomaaliya in looga…
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda Caleema-saarkiisa, isagoona baaq u diray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Siyaasiyiinta.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa nasiib darro ku tilmaamay xarigii Dowladda Federaalka Soomaaliya u geysatay Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaas oo lagu soo eedeeyay inay Ciidankiisu xabsi ku dhex dileen Rag katirsan Kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Ciidankeenu inta ay dagaalka kula jiraan Argagixisada ay khaladaad ka dhacayaan, kuwaas oo ay ka keensanayaan Cadowga, loona baahan yahay inaan loo qaban. “Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan xarig ma mudna abaal marin buu mudnaa waayo wuxuu la diriray argagixisadda, waxaan dalbanaynaa in xoriyadiisa la siiyo” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.
Senator Muuse Suudi Yalaxow oo khudbad ka jeedinayay Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa si kulul u dhaliilay Hab-dhaqanka Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoona sheegay inaan wixii hada ka dambeeya looga fadhin Wada-hadal iyo Heshiis. Senator Muuse Suudi ayaa isaga oo ka hadlaya fashilka Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo yiri “Farmaajo lugihii uu ku taagnaa mid Puntland baa ka goysay tii kalana Jubbaland. Gacantii midigna Galmudug baa ku dhegan. Gacan bidix oon wax lagu cuni karin iyo madax iyo calool baa u haray”.
Hoggaamiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Wadajir C/rixmaan C/shakuur Warsame, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa digniin adag u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Madaxweyne Farmaajo hal wax baa loogu dulqaadanayaa, Xilkisnimo dadka siyaasadda ku jira iyo doorashaa dhici doona ee tartiib ha noo dhaafto, Haddii ay albaabka doorashada ay soo xiraan, hadduu kaas xirmo Irdii rajada, nabadda iyo dawladnimada iyagaa soo xiray, Masuuliyaddana iyagaa qaadaya wixii ka dhasha” ayuu yiri Siyaasi C/rixmaan C/shakuur Warsame
Guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland oo hada ka socota Kismaayo. Xildhibaan Aadan Barre oo ka hadlayay xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya inay ilaaliyaan midnimada Qaranka, aysana la ficilo qaadan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Soomaalida ayaa ku maah-maahda Islaan aan uunsan jirin hadey uunsato meelo badan baa gubta, marka waxaan lee yahay Siyaasiyiin aan uunsan jirin awal baa hada uunsada Soomaaliya, marka meelo badan baa gubanaya” ayuu yiri Xildhibaan Aadan Barre
Ururka Ahlu-sunna ayaa Sharci daro ku tilmaamay Guddigii ay Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee loogu tala galay soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug. Warsaxafadeed kasoo baxay Ururka ayaa lagu sheegay in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ka baxday heshiiskii ay horay ula galeen Ahlusunna. Ahlusunna ayaa ugu dambeyntii sheegtay in beelaha Galmudug ay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan dhismaha maamulkooda.
Qaar kamid ah Musharrixiinta Madaxweynaha Galmudug ayaa war ka soo saaray Guddiga ka shaqeenaya dhismaha Maamulka Galmudug ee dhawaan la magacaabay. Musharaxiinta ayaa sheegay in Guddiga dowladda Soomaaliya ay Magacowday ay yihiin Shaqaallaha Rayidka ah ee dowladda, islamarkaana aysan jirin wax wadatashi ah oo laga siiyay Waxgaradka Galmudug. Sidoo kale Musharaxiinta ayaa sheegay in xubnaha Guddiga ay ku jiraan shaqsiyaad la shaqeynaayay Musharax Qoor Qoor oo ka mid ah Musharaxiinta Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo kusoo dhaweeyay wafdi kasocda Dowlada Kenya oo uu hogaaminayo Hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale kuwaas oo ka qayb galaya Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland ee dib loo doortay Mudane Axmed Maxamed Islaam
Wafdi ka socda Dalka Kenya ayaa hadda u soo duullay Magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG ah Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxaa hoggaaminaya Madaxa Aqlabitada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale. Waftigan ka socda Dowladda Kenya ayaa ka qeyb-galaya Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo in maalmaha soo socda ka dhacdo Kismaayo. Lama hubo inay waftigan ka socda Dowladda Kenya u hoggaansami doonaan amar kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa in diyaaradaha tagaya Kismaayo ay maraan Muqdisho iyo inay Kismaayo toos uga deggi doonaan. Wixii soo kordha halkan kala soco.
Qiyaastii 100,000 oo qof ayaa ka cararay guryahoodii waqooyiga Suuriya sida ay sheegtay hey’adda Qaramadda Midoobay xilli Turkiguna uu sii adkeynayo dagaalka uu ku qaaday dhulka xuduudda ee ay kurdiyiintu heystaan. Dad badan ayaa gabaadsanaya iskuulo iyo dhismooyin kale oo ku yaala magaaladda Hassakeh iyo tuuladda Tal Tamiir, sida lagu sheegay warbinta Qaramadda Midoobay. Turkiga yaa weerarkiisa bilaabay Arbacaddii markii uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ciidamadiisii kala baxay deegaanadda xuduudda Siiriya iyo Turkiga. Ugu yaraan 11 qof oo shacab ah ayaa dhintay. Hey’adaha gargaarkuna waxay sheegeen in tirade dadka saameyntu so gaaartay ay kordhi doonto.
Maraykanka ayaa ogolaaday in uu dib u dhigo canshurihii uu ku soo rogi lahaa badeecada Shiinaha kadib wadahadal laba maalmood ka socday magaaladda Washingtong. Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in wada xaajoodeyaashu ay gaaareen wajigii 1 aad heshiiiska oo ay ka midtahay kordhinta iibsiga wax soo saarka beera iyo joojinta Technology-yadda. Ninka Shiinaha u qaabilsan wada xaajoodka oo lagu magacaabo Liu He ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay horumarka la sameyay. Maraykanku waxa u qorsheeyay in todobaadka soo socda uu 30% canshuur ah ku soo rogo alaabta shiinuhu u dhoofiyo gudaha Maraykanka. Markii warkaan soo baxay ayaa suuqa saamiyadda ee…
Dalka Canada waxaa ka billowday codeyta hordhaca ah ee doorashada federaalka taasoo socon doonta ilaa Isniinta. Murashixiinta waxaa kamid ah kuwa Soomaali-Canadian ah oo ka sharraxan gobollada Ontario iyo Alberta. Doorashada ayaana u muuqata mid aad u adag.
Qabanqaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka bilaabatay Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Ciidanka Jubbaland ayaa si weyn u adkeeyay Ammaanka Magaalada Kismaayo, waxaana Xaafaddaha kala duwan ee Kismaayo ka socda howlgallo lagu xaqiijinaayo Ammaanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynayaashii Hore ee Dalka, Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Hoggaamiyaasha Xisbiyadda Siyaasadda, Siyaasiyiin, Xildhibaano kamid ah Labada Gole ee BFS iyo Marti-sharaf kale ayaa ku sugan Magaalada, si ay uga qeyb-galaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland.
Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku guullaystay Biladda Caalamiga ah Nobel Peace Prize, taas oo uu ku muteystay Xasiloonada iyo Nabadda uu ka dhex abuuray Dalalka Itoobiya iyo Eritrea. Mr. Abiy Ahmed oo wax ka yar labo sanno hoggaaminaya Dalka Itoobiya, ayaa sidoo kale abuuray Isbaheysi Saddex geesood ah oo uu u sameeyay dalalka Ethiopia, Eritrea iyo Somalia, taas oo sida uu sheegay ku dhisan xoojin xiriirka iyo wada-noolanshaha Shacuubta Saddexda Dal.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadlay kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu welwel weyn ka qabo sida xaalada siyaasadda dalka ay ku socoto. Sheekh Shariif ayaa sheegay in soddon sano kadib in dalka Soomaaliya loo celiyo nidaam kalitalis waxana uu ku tilmaamay in ay tahay nasiib darro. “Soddon sano kadib in dib naloogu celiyo nidaam kaligii talis ah oo aan oggoleyn sharci,oo aan ogoleyn, oo aan cid uu xurmeynayo aysan jirin waa nasiib darro.”ayuu yiri Sheekh Shariif. Sheekh Shariif ayaa sheegay in cadaalad darro ay ku baahday dalka…
War saxaafadeed rasmi ah ah oo maanta kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda dowlada Norway, ayaa lagu sheegay in Norway ay Soomaaliya siin doonto deyn gaareyso 3,1 bilyan oo lacagta Norwey ah, una dhiganta 353 milyan oo Doolar. Norway ayaa sheegtay in deyntan ay ku caawineyso Soomaaliya, si ay isaga bixiso deynta looga leeyahay sanduuqa horumarinta Bankiga Aduunka ee loo yaqaan IDA. Taas oo Soomaaliya u sahli doonto in dib loogu furo Akoonkii(xisaabtii) ay ku laheyd sanduuqa horumarinta bankiga aduunka, looguna ogolaado soo qaadashada deyn cusub. Waxaa xusid mudan in deyntan aysan aheyn mid toos loo siinayo Soomaaliya, balse ay tahay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey furitaanka Beerta Midnimada oo ah mashruuc dalxiis oo laga hirgeliyey dalka Itoobiya ayaa sheegay in fududeynta isu-socodka iyo duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay saameyn wanaagsan ku yeesheen iskaashiga ganacsi ee labada dal. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalalka Gobolka ay ka faa’iideysan karaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ay hodan ku tahay Soomaaliya, waxa uuna xusay in cimilada dalkeenna iyo bilicdiisuba ay horseedayso in ay ku soo hirtaan dalxiiseyaasha heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah. “Dhinacayaga, waxaa naga go’an dhiirri-gelinta dalxiiska iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalkeenna, taas…
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari ayaa ku tilmaamay go’aan dowladnimo tallaabadii Xisbiga Himilo Qaran ay dacwad uga gudbiyeen Dowladda, si ay cadaaladda u tiigsadaan. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facbeook ayuu kaga hadlay sareynta sharciga iyo in haddii la dhaqan geliyo shuruucda dalka in la gaari karo kala dambeyn iyo sharci ku dhisan cadaalad bulsho oo la isku haleyn karo. Halkan hoose ka akhriso qoraalka Abshir Bukhaari. SAREYNTA SHARCIGA Dalkeenna wuxuu leeyahay shuruuc hadii sida ay yihiin loo dhaqangeliyo la gaari karo kala-dambayn sharci ku dhisan & cadaalad bulsho oo la isku halayn karo. Sida ay taariikhdu…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa si weyn uga soo horjeestay Warbixintii uu baahiyay Hanti dhowraha Qaranka ee ay ku jirtay in lacagaha qaar aysan kusoo dhicin Qasnada dowladda. Warbixinta Hanti dhowrka ayaa waxaa ka mid ahaa”Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 db ayayna u isticmaashay. Jaamacada Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay” Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle waxaa uu…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo maanta kusoo dhaweeyay Magaalada Kismaayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu si weyn uga xun yahay xayiraadii Sheekh Shariif. Madaxweynaha waxaa uu sheegay in Madaxweyne Sharif uu maalmo badan ku xayirnaa Magaalada Muqdisho falkaasna ay ka dambeysay dowladda Soomaaliya oo ka hor istaagtay in uu ka baxo Muqdisho. Waxaa uu tilmaamay in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso Madaxdii hore ee dalka oo si weyn uga qeyb qaatay Hanaanka Nabadgaliyadda Soomaaliya. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowlad Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay…
Ciidanka PSF waxay maanta ku guulaysteen in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala miinooyin ay ku aaseen halkaas Kooxda Al-Shabaab, sida lagu baahiyay Barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland Miinooyinka Ciidanku ay saareen oo ay aaseen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, ayaa qorshahoodu ahaa in lala eegto Ciidanka Difaaca Puntland oo aagaas Saldhigyo difaac ku leh. Ciidanka sida gaarka ah ee Dowladda Puntland (PSF-ta), ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish, ee ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Ugu dambeyntii, Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay…
Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu Caleemo saaray Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ka mid noqday duubabka dhaqanka ee Puntland. Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa degmada Garoowe Axmed Barre, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Nabadoono, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale. Ganacsade Jaamac dhaga dheere oo kamid ah ganacsata Puntland oo ugu horay munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaasha xaflada , waxa…
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafuud ay kala hoggaaminayaan ayaa goordhoweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Jubbaland. Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo wafdiga labada Madaxweyne waxaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulkaas iyo saraakiil Ciidan. Wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo kamid yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/rixmaan C/shakuur Warsame, ayaa waxaa ay u tageen magaalada Kismaayo ka qeyb-galka xaflada Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dhawaan ka dhaceysa Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee…
Wareegto kasoo baxday Xafiiska MadaxweynahaDowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Cabdicasiis Cilmi Birjeeb loogu magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden.
Madaxweynihi hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa uu kulan la qaatay Wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan. Kulanka oo ay Sheekh Shariif ku wehlinayeen madaxda xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyaha ka yahay ayaa waxaa diiradda lagu saaray caqabadaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo aragtida Xisbiga Himilo Qaran uu ka leeyahay horumarinta Dalka. Wakiilka xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa horay waxaa uu ula kulmay siyaasiyiin miisaan ku leh Soomaaliya iyo dhamaan madaxda…
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ay gaareen Magalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyey. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha Bole ee Magalada Addis-Ababa waxaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya. U jeedka Madaxweyne Farmaajo u tegay Itoobiya ayaa waxaa kamid ah ka qeyb-galka shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya dalkaas,waxaana dalkaasi sidoo kale ku sugan Madax ka tirsan wadamada IGAD. Sidoo kale waxaa iyana Magalada Addis Ababa tegay Madaxweynayaasha dalalka, Koonfurta suudaan, Kenya iyo Ra’iisul…
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cabdixamiid Maxamed Dirir u magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Tigreeto uu soo saaray ku Magacaabay. Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa S/Guuto Mahamed Cali Bariise u magacaabay Taliye kuxigeenka CXDS Taliyaha Cusub ee Ciidanka Lugta Soomaaliya ayaa horay u ahaa Taliyihii KMG ahaa ee Qaybta Booliska Gobalka Nugaal ee Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Taliyaha Ciidanka PSF-ta Puntland ee Gobalka Nugaal.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lagu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo. Waxaa la socda 50 xubnood oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, senataro iyo oday dhaqmeed. Dadka Shacabka Jubbaland ayaa ku dhawaaqaya Oraahyo ay kusoo dhaweynayaan Madaxweynaha Dowladda Puntland, waxaana kamid ah “DENIGII DULMIGA DIIDOW SOO DHAWOOW”. Ammaanka Magaalada Kismaayo oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa aad loo adkeeyay.…
Qabanqaabada soo dhaweeynta Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, waxaana Boqolaal qof ay buux dhaafiyeen Garoonka Diyaaradaha oo haatan uu isna soo gaaray Madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya Wafti balaaran ayaa saaka ka amba baxay Garoowe, isagoona Kismaayo uga qeyb-galaya Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya waftigii ugu balaarnaa ee ka baxay Gudaha Soomaaliya, ayaa ka duulay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana waftigiisa kamid ah Senatorro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame. Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka qeyb-galaysa Caleema saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Safarka…
Wafdigii Wasiiradda ahaa ee ka socday DFS oo dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho ayaa Cadeeyay ineysan Puntland isku waafaqin Arimaha Doorashada Jubbaland iyo Aqoonsigeeda, Waxeyna Sheegeen iney Arintaasi weli ku kala aragti duwanyihiin, Kuna adkeysteen Aqoonsiga Doorashadii Axmed Madoobe. Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibadda ayaa sheegay iney ku guuleysteen in la soo celiyo Xiriirkii ka dhaxeeyay Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedka Puntland.
Mooshin ka dhan ah Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar ayaa loo gudbiyay Golaha Shacabka BFS. Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Idriis Ganey ayaa gudbiyey Mooshinka ka dhankaa Wasiir Oomaar. Xildhibaanada ayaa sheegay in kalfadhiga 6-aad oo furmay maanta kullamadiisa ugu horeeya uu baarlamaanku uga doodi doono mooshinkaas. Xildhibaanada gudbiyay Mooshinka ayaa sheegay in ay doonayaan in kalsoonida uu baarlamaanku kala noqdo Wasiir Oomaar, oo ay ku eedeeyeen ku tumasho qodobo Dastuuri ah iyo Xad-gudub ka dhan ah Xaquuqda aadanaha, in kastoo aysan si faah-faahsan…
Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa ku dhawaqday inay fasaxday dhamaan Dulimadyadda adaya Magalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Wararka ayaa sheegaya in talaabadan ay ka dambeysay kaddib markii Xukuumadda Federaalka ay ku fashilantay in Madaxweynaha Dowladda Puntland ay ka hor-taagto safarkiisa Magaalada Kismaayo oo uu uga qeyb-galayo Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland. Wararka ayaa intaas ku daraya in Villa Soomaaliya ay ka cabsatay inay hor istaagto Madaxweynayaashii Hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo iyaguna berri ka degi doona Magaalada Kismaayo. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey xanibaad u saartay Diyaaradaha ka dega Degaanada…
Hanti-dhowraha guud ee qaranka Maxamed Cali Afgooye ayaa soo bandhigay warbixinta baarista maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sannad maaliyadeedka dhammaaday 31 December 2018, waxaana ay shaaca ka qaaday lacag malaayiin dollar ah oo meel lagu sheego ama aan loo raaco lahayn. Hanti-dhawraha Guud ayaa warbixintiisa ku caddeeyay natiijooyinka baarista ugu muhiimsan, taasoo muujineysa inaan loo hogaansamin sharciga marka loo eego dakhli la arruuriyay oo la isticmaalay iyadoo aan la waafajin sharciga, dabacsanaan hubinta gudaha (internal controls weakness), qaar ka mid ah koontooyinka Dowladda Fedralka oo aan qeyb ka ahayn warbixinta maaliyadda, maqnaashaha in hay’ad walba ee Dowladda Federalka ka mid ah…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo kasoo safray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayaa Garowe diyaarad ku yimi wuxuuna kismaanyo u safrayaa berri oo khamiis. Madaxweyne Deni oo qorshuhu ahaa inuu ka dego maanta Magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay in safarka galabta uu uga baaqday kismaanyo uu habeenimo ku beegmay iyo Garoonka oo aan lahayn layrka diyaaraduhu ku degaan habeenkii. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa Garoowe ku sugaya wafti ah Xildhibaano oo kasoo amba-baxaya Magaalada Muqdisho, kuwaas oo kamid noqonaya waftigiisa, kuwaas oo ka qeyb-galaya Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Diyaarada keentay…
A faction of Somalia’s intelligence agency, the National Intelligence and Security Agency (NISA) and members of the FGS political establishment, have linked the President of the restive Federal Government of Somalia (FGS) to the attempted assassination of Prime Minister Hassan Khaire in Marka, a budding politician and top contender in upcoming National elections. On Saturday the 14th September 2019, the Al-Qaeda branch in Somalia conducted twin attacks targeting Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire. The terror group issued a statement claiming the attacks and confirmed it was an attempted assassinations targeting the Prime Minister. The group initially deployed a grenade targeting…
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni wuxuu diiday $10 Malyan oo Villa Somalia logasoo dhiibay si uu uga Baaqdo Caleema Saarka Axmed Madoobe. Wasiirada Federaalka ee Puntland kasoo jeeda ee Madaxweyne Deni ugu yimid inuu ka Baaqdo Caleema saarka Axmed Madoobe iyagoo wada $10 Malyan oo Dollar ayaa waxa uu waydiiyay dhawr Su’aalood waxaana kamid ahaa: 1. Waxbarashada iyo Shahaadooyinka Puntland halkee ku og tihiin?. 2. Markii laga reebo inaad idinku Wasiirro tihiin waxaad ii sheegtaan hal qof oo reer Puntland ah oo ka shaqeeya shaqooyinka ay bixiso Dawladda Federaalka ah? 3. Ma idinku jiraa hal Wasiir oo saxiixa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa u amba baxay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Madaxweyne Deni oo hoggaaminaya waftigii ugu balaarnaa ee ka baxay Gudaha Soomaaliya, kana qeyb-galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka duulay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana waftigiisa kamid ah Senatorro iyo Siyaasiyiin ay kamid yihiin C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji Warsame. Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland iyo Waftigiisa ayaa ka socota Magaalada Kismaayo, iyadoona aad loo adkeeyay ammaanka Magaalada oo marti gelinaysa Wafuud balaaran oo ka…
Hoggaanka Ururka Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee ku biiray Galmudug, ayaa kulan deg deg ah haatan uga socda xarunta Inji ee Magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo xafiis u ah Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir. Kulanka oo Albaabada u xiran yihiin ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in looga hadlayo Guddiga Farsamada Dhismaha Galmudug ee ay magacowday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay saluugsan yihiin. Wararka ayaa intaas ku daraya in Hoggaanka Ahlu-sunna ay Go’aano kasoo saari doonaan guddiga farsamada ee dhismaha maamulka Galmudug oo la sheegay inaysan Xubno ku laheyn. Sheekh Ca/risaaq Maxamed Ashalcari, oo kamid ah Hoggaanka Sar sare ee Ahlu-sunna ayaa Dowladda…
Guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in guddiga ay la soo gudboonaatay caqabad dhanka shaqada ah oo la xiriirta dhex daganaanta guddiga ee Villa Soomaaliya. Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan doorashooyionka Qaranka Xaliima Ismaaciil Yarey ayaa sheegatay in guddiga ay dhibaato ka heysato dhanka shaqada, madaama guddiga xafiiskiisa uu dhex degan yahay Villa Soomaaliya. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegtay in guddiga horay loo siiyay dhul weyn walina aan loo dhisin, guddoomiye Xaliimo ayaana carabka ku dhufatay in guddiga uu baahan yahay inuu ka dhex baxo Villa Soomaaliya si dhammaan uu ugu sinaado xisbiyada siyaasadda ee dalka ku loo lamaya. Dhanka…
Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay. Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan aysan marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana ay difaacato hawadeeda. Dowladda Soomaaliya…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maanta oo arbaco ah uu furo Kal-fadhiga 6-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii muddooyinkii la soo dhaafay ay Xildhibaanada fasax ku jireen. Xafladda furitaanka Kal-fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa lagu qaban doonaa xarunta Jeneraal Kaahiye ee Iskool Buluusiya ee ku yaalla degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu si rasmi ah u furo Kal-fadhiga,isla markaana uu ka jeediyo khudbad dhinacyado taabaneysa, sida uu qabo Dastuurka dalka. Furitaanka Kal-fadhiga Lixaad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa inuu maanta oo Arbaco ah u u safro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu maanta u dhoofi doono Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland si uu uga qeyb-galo Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe) oo la filayo in la qabto maalmaha soo socda. Wararka ayaa intaas ku daraya in Waftiga Madaxweyne Deni ay Magaalada Boosaaso ka qaadi doonto Diyaaradda Jubbaland Airway, taas…
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa soo dhaweeyay Guddiga Farsamad Maamul ee Galmudug, kuwaas oo ay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Guddigan oo ka kooban 13 xubnood, ayaa waxaa horey u sheegay inuu soo dhisi doono Madaxweyne Xaaf, oo haatan laheyn saldhig ama xafiis uu fariisto, kaddib Maamulkiisii ay burburisay Villa Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa maanta Magaalada Boosaaso kusoo dhaweysay Dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay Colaada Dalka Yemen iyo Qaxooti u dhashay Yemen. Dadkan Soomaalida iyo Yemeniyiinta isugu jiray ayaa tiradoodu gaareysay 100, kuwaas oo ka koobnaa Rag, Haween, Waayeel iyo Carruur, waxaana Dadkan siday Doon kasoo qaaday Magaalada Mukalaha ee Dalka Yemen. Dadkan ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Dekedda Magaalada Boosaaso Kooxda Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland u qaabilsan soo dhaweeynta iyo dejinta Dadka Soomaaliyeed iyo Walaalaha Yemen ee kasoo qaxaya Colaada Dalkaas. Dalka Yemen ayaa waxaa weli ka socda Colaad daba-dheeratay, taas oo u dhexeysa Dowladda Caalamku aqoonsan yahay iyo…
Waxaa Maanta deegaanka Goobweyn ee Gobolka Jubbada Hoose marti qaad loogu sameeyay wafdi horudhac u ahaa martida ka qaybgalaysa Munaasabada Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Xubnahan oo ka kooban Madaxweynayaashii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuled iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano katirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday halka ay iskaga darmadaan Wabiga Jubba iyo Bad weynta Hindiya.
Soomaalida ku nool magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa dadaallo ay sameeyeen sanadkii hore wuxuu sababay in hoos u dhac weyn uu ku yimaado dilalka dhallinyarada, balse tan iyo billowgii sanadkan 2019-ka waxaa la sheegayaa in tirada dilalka iyo dhaawaca ay kordhayaan. Waxaa ugu dambeeyay wiil dhallinyaro ah oo maalin ka hor lagu dhaawacay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Weston and Lawrence ee magaalada Toronto. Xogta booliska magaalada Toronto uu daabacay ayaa sheegaya in tan iyo billowgii sanadkan 2019-ka ay dhaceen156 is-rasaaseyn, taasoo sababtay dhimashada 30 qof iyo dhaawaca 172 qof. Walow aysan jirin xog rasmi ah, haddana…
Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in gargaar dhaqaale oo gaarayso $73 milyan oo doolar ay ugu deeqayso Soomaaliya taas oo sara u sii qaadayso xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeyo dalalka Jarmalka iyo Soomaaliya. Safiirka Jarmalka Annett Gunther ayaa lacagtani ku dhawaaqay xilli uu ka qayb galayay xaflad lagu maamuusayay midowgii labada Jarmal oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo uu ka qayb galay Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre. “Tani waa wadada uu Jarmalku ku taageerayo Soomaaliya, Jarmalka sara ayuu usii qaadi doonaa taageeradiisa horumarineed iyadoona lacagtani ay Soomaaliya wax badan ka caawin doonto labada sano ee soo aadan” ayuu hadalkiisa…