Bilihii ugu horreeyay maamulkiisa ayaa Madaxweyne Donald Trump waxaa uu weydiiyay ku xigeenkii hore ee Xoghayaha Amniga Gudaha Elaine Duke sababta uusan dalkiisa uga mamnuuceynin qoxootiga Soomaalida ah isaga oo ay ka muuqato carro adag, sida uu baahiyay TV-ga CNN. Book ay qoreen suxufiyiin ka tyirsan Wargeyska New York Times oo magaciisu yahay “Dagaalka Xuduudaha” ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Maraykanku uu dadka Soomaalida ah ka aaminsanyahay khatar soo food-saartay Maraykanka waxaana uu soo saaray amar fulineed oo dalka Maraykanka ka mamnuucaya muwaadiniinta Sideed dal oo ay Soomaalidu ka midyihiin. “Madaxweyne Trump iyo Stephen Miller oo ah lataliyiihsa siyaasadda,…
Author: Jibril Qoobey
Iyadoo laga duulayo siyaasadda Xukuumadda Dowladda Puntland ee Tayaynta iyo Tirakoobka ciidamada Dowladda waxaa markii ugu horaysey lagu bilaabay ciidamada dowladda habka diwaangelinta casriga ah ee BIOMETRIC-ga. Ciidamada Madaxtooyada Dowladda Puntland ayaa noqday Ciidankii ugu horeeyay ee Puntland oo habkan loo lagu bilaabay diwaangelinta, waxaana sidoo kale loo gudbi doona Ciidanka kale ee Dowladda. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa horey u sheegay inay Siyaasadda kowaad ee Xukuumadiisa ay tahay Tayaynta iyo Tirakoobka Ciidanka Difaacada Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda Puntland iyo kan shacabka Puntland-ba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Sacad Cumar Geelle. Madaxweyne Deni waxaa uu tiiraanyada iyo xanuunka geeridaasi la wadaagayaa, ugana tacsiyaynayaa shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuum Sacad Cumar Geelle. Waxaana uu si gaar ah uga tacsiyaynayaa geeridaasi Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu Alle uga baryayaa marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u fududeeyo, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir…
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland uu dhici doona marka ay soo dhameystirmaan wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka. Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wariyeyaasha u sheegay in caleema saarka uu qabsoomi doono marka dhammaan wafuuda ay yimaadaan Kismaayo. Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa markii labaad dib u dhacday, sababo la xiriira xayiraada ay dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay. Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland ayaa ka digay cadaadiska dowladda Federaalka ku heyso Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon bulsho, waxaana mar kale uu ugu baaqay dowladda Federaalka inay xoriyadiisa dib u soo celiyaan Wasiirkii…
Hay’adaha Ammaanka Dowladda Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay Gaari booyad ah oo lagala baxsaday deegaannada Somaliland, isla markaana lala aaday deegaano ka tirsan Itoobiya. Gaariga booyada ah ayaa la sheegay in uu la baxsaday Nin kamid ah Oromada dalka Itoobiya kaas oo gacan yare u ahaa Darawalka Booyada,hayeeshee gacanta lagu soo dhigey xilli uu ku haayey deegaanka Faraweyne ee dowlad deegaanka Soomaalida. “waxa ilaahay mahadii ah in ay dawlada Ethiopia iyo somaliland gaar ahaan degmada faraweyne , harshin, iyo harta sheekha ay labadii cishe u dambeeyey ku hawlanaayeen sidii loo soo qaban lahaa booyad…
Xildhibaanadda gobolka Minnesota ku matasha Aqalka sare Mareykanka Ihaan Cumar ayaa dacwad furitaan ah ka gudbisay seeygeeda Axmed Xirsi.Ihaan Cumar ayaa waxay dacwadda ka gudbisay gobolka Minnesota Jimcihii. Ilhaan iyo Xirsi ayaa waxay isguursadeen sannadkii 200-dii waxayna kala tageen 2008-ddii Waxay kaddib guursatay nin kale oo lagu magacaabo Axmed – oo haysta dhalashada Ingiriiska Ahmed Elmi – oo jooga Minneapolis 2009, markan waxay ahayd mid rasmi ah oo dokumentiyada sharciga ah iyo wax walba leh. Si kastaba ha noqotee, waxaa lagu soo waramayaa inay kala tageen 2011 oo uu ku laabtay UK … laakiin si sharci ah looma furin ilaa…
Warar lagu baahiyay saacadihii lasoo dhaafay Baraha Bulshada, ayaa lagu sheegay in Ciidanka amniga Dowladda Puntland ay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ka baadi-goobayaan Nin lagu magacaabo C/risaaq Terra oo ah Wariye madax banaan, kaas oo Boosaaso u tagay inuu ka diyaariyo Barnaamij ka dhan ah Shirkadaha Imaaraadka ee balaarinaya Dekedda iyo Garoonka Boosaaso. Shabakadda Idil News, oo xiriiro la sameysay Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka, gaar ahaan Sirdoonka, ayaa ogaatay in aysan jirin Ciidan katirsan kuwa Sirdoonka iyo Hay’adaha ammaanka Puntland oo baadi-goobaya Wariyahan. C/risaaq Terra oo ah Wariye kasoo jeeda Degaanada Somaliland, ahna Calooshiis u shaqeyste ka Mushaar…
Minnesota Congresswoman Ilhan Omar has filed for divorce from her husband, Ahmed Hirsi. Ilhan officially filed for divorce on Oct. 4 — her birthday — in Hennepin County District Court. The divorce filing cites an “irretrievable breakdown” of their marriage relationship. Ilhan and Ahmed were married to each other religiously for nearly two decades. They legally married on Jan. 5, 2018. Ilhan and Ahmed — who have three children together, ages 7, 13 and 16. — will both have joint legal and physical custody of their children. “As with all marriages, this is intensely personal and a difficult time for their…
Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa maalin kahor xabsiga u taxaabay Col. Maxamuud Cabdullqaadir Sumaysane oo ahaa Talyihii Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland, Iyadoona xogo dheeraad ah ay kasoo baxayaan sababaha ka dambeeyay xiraga Col. Sumeysane. Warar ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya in sababo is biirsaday ay ka dambeeyeen xariga Col. Sumeysane, kuwaas oo ay ugu weyn tahay gacan qaad uu u geystay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, xilli uu socday kulan uu guddoominayay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Wararka ayaa intaas ku daraya in Col. Sumeysane uu sidoo kale hanjabaad u jeediyay…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Abdirahman Abdishakur Warsame, oo la hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sweden, ayaa si adag u dhaleeceeyay hadal kasoo yeeray dhowaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kaas oo ku aadanaa in cidii dhaliisha ay u gaftay Qaranka Soomaaliyeed. “Waxaan ka xumahay inaan maalin dhaweyd dhageystay Madaxweynaha oo leh hadaad aniga ii gafteen Qarankii iyo Dowladdii baan u gafteen, war sidee Qaranka loogu gafay, waxaa jira hadal qalad ah oo soomaalidu isticmaasho oo ah Madaxweynuhu waa astaan Qaran, sidee ku yahay Astaan Qaran, Madaxweynaha waa qof la doortay waa la dhaliili karaa waana la taageeri karaa, berri…
Wafdi iskugu jira Wasiiro,Xildhibaano,Senatorro ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Cabdalla Biroole. Wafdigan ayaa ka kobnaa Wasiirada Xanaanada Xoolaha iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Jubbaland,Xildhibaanno ka socday Gollaha Wakiilada Jubbaland iyo Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka mid ah xubnaha Jubbaland ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS. Dadka deegaanka ayay ka dhagaysteen baahiyaha iyo adeegyada ay u baahanyihiin waxaana xaaladda dadka uga warbixiyay guddoomiyaha Cabdalla Biroole Mahad Nuur Ibraahim. Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka Jubbaland ayaa wada qorshe ay deegaanada Galbeed uga hirgalinayso adeegga garsoorka halka Wasaaradda Xanaaada Xoolaha ay…
Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo Insiin ah shir guddoomiyey kulanka Bilaha ah ee gudiga Amniga Jubbaland,kaas oo bishii hal jeer la qabto. Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobo ay kamid ahaayeen xaaladda amni ee Jubbaland iyo dar dar galinta howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab. Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Maamulka Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay kordhinayaan xaqiijinta dhinaca amniga. Waxaa uu sheegay in kulanka ita uu socday la isku raacay bilaabida howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo weli ku sugan…
Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in marxaladihii KMG ee uu dalka soo maray iyo kaddib dagaaladii sokeeye aanay taariikhda dhicin Gobol Soomaaliyeed oo la cunaqabateeyay. C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay Munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka in dulqaadka siyaasiyiinta ay u aragtay daciifnimo, isla markaana ay burburineyso wixii la isku keenay. Waxaa uu ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo in aanay ku dhaqmeyn dastuurka, isla markaana ay cunaqabateeyeen gobol Soomaaliyeed. “Gobol Soomaaliyeed oo cunaqabateyn la saaro wax taariikhda ka dhacday Soomaaliya ma ahan,…
Ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow deegaanka deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Kismaayo. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas oo ahaa mid qorsheysan lagu dilay ku dhawaad 20 xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,kuwaas oo ku sugnaa tuulooyinka howlgalka laga fuliyey. Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed sheegay in howlgalkaas ay ku dileen Saraakiil ay kamid ahaayeen madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi…
Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo uu qeyb ka yahay dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, iyada soo siweyn loo soo dhaweeyey. Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey ,Nadaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo. Wafdiga ayaa waxaa ay Baydhabo uga qeyb geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,iyagoo sidoo kalena kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada…
Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hor-yimid habraacii soo xulista Baarlamaanka iyo Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ee ay shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha. “Warqadan ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxaan u aragtaa inay tahay mid sharci darro ah oo baal marsan dastuurka dalka u yaalla”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland. Sidoo kale, Wasiir Cabdi Xuseen ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay mar walba ka lalmato maamul goboleedyada, waxaana uu caddeeyay…
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bilihii u dambeysay aad u dhaliilayay siyaasada Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa su’aal ka keenay dhalinyarada xoogaga Wadaniyiinta ee laga qoray degmooyinka Gobolkan Banaadir. Xoogaga wadaniyiinta ayaa waxaa ay wakiilo ka yihiin degmooyinka Gobolka Banaadir,waxaana la sheegaa inay toos ugu xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana ay ka qeyb qaataan abaabulka banaanbaxyada dowladda lagu taageeraayo iyo munaasabadaha soo dhaweynta intaba. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka uu leeyahay Afar Ciidan oo kale ah, Ciidamada Booliska,Nabadsugida, xoogga dalka iyo Asluubta ,hayeeshee wixii kasoo hgara ay yihiin kuwo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dalacsiiyey saraakiil katirsan Ciidanka Booliska Dowladda Puntland, isagoona sidoo kale u magacaabay Taliyayaasha Qeybta Booliska ee Gobalada Sanaag iyo Nugaal. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Deni ayaa L/X/Le Bashiir Cali Maxamed loogu dalacsiiyey derajada G/dhexe, isagoona sidoo kale u magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Sanaag. Sidoo kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Gaashaanle Muumin Cabdi Shire u dalacsiiyey derajada G/Dhexe, waxaana uu u Magacaabay Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ku sugan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa waday muddooyinkii ugu dambeeyay wada-tashiyo uu ku…
Madaxweynaha Dowlada Masar Abdulfatah Al sisi ayaa si adag u sheegay in Dowladiisu ay difaacanayso Xuquuqdeeda Biyaha wabiga Nile-ka, islamrkaasina ay qaadayaan talaabooyin Qaanuuni ah. Afhayeenka Madaxtooyada Masar Baasim Riyaadh ayaa sheegay in Daruuri tahay in beesha caalamka ay soo faragaliso Xiisadda ka alowsan Biyo xireenka Wabiga Nile-ka. Hadalka Madaxweyne Al sisi ayaa yimid ka dib marka uu Guuldaro ku soo dhamaaday Shirka Wasiirada Kheyraadka Biyaha ee dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiooia ee ka socday Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan. Xukuumadda Adis ababa ayaa diiday in ay ogolaato Talo soo jeedin ka timid Masar oo ah in Saamiga ay ka…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Caawash Beel-daaje, ayaa sheegay inla helay doonni kalluumaysi iyo bad-maaxyadii la socday, taas oo lagu weysanaa xeebaha Badda Cas. Wasiir Faarax Cawaash ayaa sheegay in doontan oo maqneyd muddo Shan cisho ah, laguna magacaabo Caseyr waaxid laga helay meel u jirta 70-Meyl Xeebta Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Caawash Beel-daaje ayaa sheegay in doontan oo siday 15-tan oo Kalluun ah, ay ku timid cilad dhinac Matoorka ah, balse la sameeyay, haatana ay toos u aaday Magaalada Mukalah ee Dalka…
Xarunta Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay magaalada Boosaaso waxa kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Dekedaha iyo Kaluumaysiga Puntland. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda ,Wasiirka Dekedaha, Wasiirka Kaluumaysiga, Wasiir kuxigeenka Dekedaha qaybo ka mid ah Agaasimayaasha sadexda Wasaaradood, Taliyaha Dekeda Boosaaso iyo Taliyaha guud ee ilaalada Cashuuraha Puntland. Kulanka waxaa shir Gudoominaayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi waxana looga hadlaayay wada shaqaynta dhanka dakhliga ee ka dhexeeya sadexdan Wasaaradood. Kulan markii uu soo afmeermay Wasiirka Maaliyadda ayaa wax yaabihii looga hadlay uga war bixiyay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda. “Kulanka waxa uu ahaa mid muhiim ah…
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa Mowjado adag oo isugu jira kuwo Siyaasadeed iyo inay lumiso Taageerada dhaqaale ee Beesha Caalamka, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka. Shirka SPF oo muhiim u ahaa Soomaaliya, ahaana kii 4-aad oo her caalami ah ayaa isku bedelay madal dhaliilo iyo hanjabaado loogu jeediyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Shirka ay qaadaceen Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo ah laf-dhabarka nidaamka Federaalka Soomaaliya Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka ka jari doonin Taageerada dhaqaale, hadii aysan la imaan Siyaasad loo dhan yahay…
Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ), ayaa maanta la hor-geeyay Maxkamadda Maamulka Gobalka Banaadir. Wasiir C/rashiid Janan ayaa waxaa Maxkamadda maanta lala keenay Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo, waxaana lagu soo oogay mas’uuliyiintan eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, sida ay inoo xaqiijiyeen Goobjoogayaal. Wasiirka Amniga Jubbaland Mr. Janan ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qabsatay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho 31-kii Bishii Agoosto ee sanadkan 2019, xilli uu safar shaqo ugu sii jeeday Magaalada Addis…
Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay inay dacwad ka dhan ah Xukuumadda u gudbiyeen Maxkamadda sare ee dalka. Shir jaraa’id oo uu goor dhow xarunta Xisbiga ku qabtay Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa sheegay in gal dacwadeed ka dhan ah Xukuumadda ay u gudbiyeen Maxkamadda sare oo ku saabsan tallaabadii dhowaan lagu xayiray Sheekh Shariif, xilli uu ku sii jeeday Kismaayo. Senator Ilyaas ayaa sheegay in tallaabadii lagu xayiray Sheekh Shariif ay aheyd mid sharci darro ah, sidaas darteed Maxkamadda sare ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah…
Wufuud kala duwan oo doonaya inay ka qeyb-galaan Munaasabada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan Magalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Wufuudan aya a la filayaa inay ka kala tagaan Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Nairobi, waxana ku jira Siyaasiyiin magac ku leh Soomaaliya xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray. Magalada Kismaayo ayaa waxaa hataan laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee manta tegaya,, iyada oo amniga Guud ee Magalada Kismaayo aad loo adkeeyay,isla markaana lagu arkayo Ciidamada Jubbaland oo amaanka xaqiijinaya. Madaxweynihii hore ee…
Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaa ay kasoo celiyeen dalka Yaman,kuwaas oo laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada Soomaaliland. Qaqxootigaan oo tiro ahaan gaaraya ilaa 147 ruux ayaa waxaa ku jira 56 Caruur ah,waxaana Doon looga soo qaaday Dekadda Magalada Cadaan ugu dambeyna laga dejiyay dekadda Magalada Berbera Soomaaliland. Dadkaan qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada ka socda dalka Yemen, iyada oo sidoo kale ay la soo deristay intey ku sugnaayeen dalka yemen xaalad Bani’aadanimo,taas oo keentay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo. Afhayeen u hadlay ururka Qaramada Midoobey ayaa…
Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash oo warbaahinta kula hadlay Boosaaso ayaa sheegay in wasaaraddu baadi goobayso Doon kalluumaysi oo Shan Berri ka hor lagu waayay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Gardafuu.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula Qaatay wefti ka socda UNSOM iyo IGAD oo ay hormuud u ahaayeen Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ammbassador. Raisedon Zenanga iyo Ergayga urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Ammbassador Maxamed Cali Guyo. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa ka warbixiyey kulankaasi. “Maanta waxaa noo yimid IGAD oo uu hogaaminayo Madaxa ugu sareeya iyo UNSOM madaxdeeda, waxay la kulmeen Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirada qaarkood, waxaan ka wada hadalnay guud ahaan geedisocodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo xoojinlahaa degenaanshaha…
Ra’iisulwasaarihii Hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, ayaa si kulul ugu eedeeyay Xukuumadda hada jirta inay ku howlan tahay inay afla-gaadeyso Madaxdii Hore ee Dalka iyo Siyaasiyiinta. Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay inay tahay wax laga xishoodo in Xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ay dhaqaale iyo juhdi ay ku bixiso afla-gaadada Madaxdii Dalka soo maray, Iyadoo adeegsanaysa dhalinyaro yar yar iyo Saxaafadda qaarkeed. Waxaa uu sheegay in aysan ka leexan doonin in la dhaliilo waxyaabaha ka khaldan Xukuumadda, si lamid ah sidii loo dhaliili jiray Xukuumaddii ka horeeyay kolka ay wax khaldan.
Wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka degay magaalada Kismaayo, diyaaradda ay la socdeen ayaa toos uga timid Nairobi. Wafdiga Guuleed iyo Shariif ayaa waxaa ka mid ah ahaa ku dhawaad 30 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Garoonka Kismaayo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenada maamulka Jubbaland. Siyaasiyiintaan ayaa ka qeyb gali doona Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo dhaceysa 9 Bishaan.
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa sheegaya in Xabsiga loo taxaabay Maxamuud Cabdullqaadir Sumaysane oo ahaa Talyihii Ururka 21-aad ee Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland iyo Cali Jamhad oo agaa Taliyaha Ururka 13-aad ee Ciidanka Daraawiishta. Xiraga Saraakiisha ayaa yimid kaddib markii darajooyinkii lagala laabtay, iyadoona Ciidanka amnigu ay soo xireen. Saraakiishan la xiray ayaa hoggaaminayay Ciidan habeeno kahor soo dul-dagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, kaddib markii ay soo baneeyeen Jiidaha dagaalka, waxaana Ciidankan ay ka cabanayeen Mushaar ka maqan Labo bilood. Ciidanka cabanayay ayaa la siiyay Mushaarkoodii iyadoona lagu amray inay dib ugu laabtaan…
Waxaa saaka xarunta PDRC ee caasimadda Puntland ka furmay, kalfadhiga 27-aad ee golaha degaanka degmada Garoowe. Kalfadhiga waxaa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiinta wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland, xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, isimo, cuqaal, ganacsato, iyo marti sharaf kale. Duqa caasimadda Garoowe Axmed Siciid Muuse oo khudbad ka jeediyay ayaa hadda ka warbixinaya waxqabadkii maamulkiisa ee mudadii u dhexaysay labada kalfadhi iyo sidoo kale barnaamijyada waxqabad ee u qorshaysan.
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa gobolada u kala diray guddiyo kala duwan oo warbixino kasoo diyaariya xaaladaha gobolada iyo in ay kormeer ku sameeyaan shaqooyinka hay’addaha xukuumada. Guddiyadaan ayaa warbixinada ay kasoo diyaariyaan waxay horkeenidoonaan kalfadhiga soo socda ee furmidoona 25 bishaan Actober, kaasoo caadiyan lagula xisaabtamo xukuumada. Warbixino horudhac ah oo ay guddiyadu kasoo diyaariyeen ayay walaac kaga muujiyeen xaaladaha xabsiyada Puntland ay ku sugan yihiin iyo xaalufka lagu hayo degaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Puntland. Sidoo kale, Guddiyadan ayaa warbixino xasaasi ah ka diyaariyay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Puntland haatan ku sugan tahay, walow aysan warbaahinta…
Burcadda internet-ka oo u muuqda in ay ku xiranyihiin Dowladda Iran ayaa u dhacay doorashadda Maraykanka ee 2020, sida ay sheegtay shirkadda Microsoft. Kooxdu waxay weerareen in ka badan 200 email kuwaas oo qaarkood ay leeyihiin dad ka shaqaynaya ololaha doorashadda Madaxweynaha, ayey shirkaddu ku sheegtay war ay soo saartay. Wakaaladda Wararka Reuters oo xiganeysa ilo wareedyo ayaa sheegtay in la beegsaday ololaha dib usoo doorashadda Madaxweyne Donald Trump. Afayeen u hadlay ololaha Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in aysan jirin wax cadeynaya in ololaha la beegsaday. Dowladda Iran dhankeeda weli kama aysan hadlin eedaha loo jeediyay. “Maanta waaan aragnay…
Guddiga anshaxa, la-dagaalanka iyo ka hortaga musuq-maasuqa Kenya ayaa sheegay in 10 xildhibaan oo Soomaalida Kenya u badan oo haystaa baasaboorada dalalka kale ay xilalkooda wayn doonaan. Mudanayaashan ayaa waxaa ka mid ah Aadan Barre Ducaale, Yuusuf Xasan Cabdi, Safiya Sheekh Aadan, Aadan Xaaji Cali, Maxamed Gaarane, Maxamed Daahiye iyo kuwa kale. Hay’adda ayaa sheegtey inay baaritaan ku hayso xildhibaanada islamarkaana ay waayi-doonaan xilalkooda haddii lagu soo caddeeyo inay dalal kale dhalasho ka haystaan. Xildhibaanadan ayaa beeniyey eedeymaha loo soo jeediyey, islamarkaana aysan dhalasho ka haysan dal kale.
Wasaarada arrimaha dibadda Ruushka ayaa u yeertay danjiraha Iran u fadhiya Moscow ka dib markii saxafi u dhalatay Ruushka lagu xiray Tehran. Wasaaradadda ayaa sheegtay in ay Iran ay ka doonayaan inay sharaxaad ka bixiyaan sababta loo xiray Yulia Yuzik. Warbaahinta ayaa ku warameysa in maxkamad la soo taagi doono sabtida wariye Yulia Yuzik . Waxaa lagu wadaa in lagu soo oogo dacwado ay ka mid yihiin in ay u basaas u ahayd Israa’iil. Yulia ayaa isla marki ay garoonka ka soo dagtay ba khamiistii waxaa lagala wareegay baasaboorkii ay wdatay. Waxaa sidoo kale ay wararku sheegayaan in markii dambe…
Waxaa aad sare ugu kacay tirada dadka ku dhintay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Ciraaq ee afartii maalmood ee la soo dhaafay dalkaasi ka dhacayay kuwaas oo gaaray ugu yaraan 60 qof, ilo dhinaca caafimaadka iyo ammaanka ah ayaa sidaasi sheegay. Tirada ayaa laba laabmatay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, xilli ay sare u kaceen iskudhacyada u dhaxeeya dibadbaxayaasha iyo booliska. Milateriga ayaa sheegay “shiishyahanno aanan la ogaan waxa ay yihiin” ayaa waxa ay magaalada Baqdaad ku dileen afar qof oo ay ka mid yihiin laba askari oo boolis ah. Ra’iisul Wasaare Caadil Cabdul-Mahdi ayaa goor sii horraysay sheegay…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee horyaala Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. Xarunta Maxkamadda ee The Hague ayaa waxaa ku sugan Wafti ka socda Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo halkaas tagay kaddib markii Maxkamadda Cadaaladda adduunku ay u yeertay Labada dhinac. U yeeritaanka labada Dowladood ayaa ka dambaysay markii la sheegay in Kenya ay soo gudbisay codsi kale oo ahaa in dib loo dhigo dhagaysiga ilaa bisha Sebtember 2020-ka, si ay u qoroto Qareeno cusub, sidoo kalena ay ugu diyaar garowdo iska difaaca Dooda Dowladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka…
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa tallo u soo jeediyay Madaxweynaha DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo xilli maalmihii ugu dambeeyay xiisad Siyaasadeed ay dalka ka taagneyd. Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu dhaxal wanaagsan oo taariikhda u gala inuu dalka uga tago, isagoona xusay inay jiraan shaqsiyaad ku hareereysan Madaxweyne Farmaajo, kuwaasoo raba in doorasho aan la mahdin doonin ay dalka ka dhacdo. “Madaxweyne waxaa ku haray maalinkii dhaxalkaga aad reebi laheyd, waxaa ka haray doorashooyin qurux badan, dadkii oo isu doontid, waxaa taarikhda ku geli doonta inta maamul gobol ee siyaasi…
Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Germany, Waxaana soo dhoweyn u sameeyay Madaxweyne ku xigeenka iyo wafdigiisa Jaaliyadda Puntland ee ku nool dalkaasi Germany.
Guddiga amniga Gobalka Bari ayaa soo saaray awaamiir ku aadan sugida amniga Gobalka Bari, iyagoona joojiyay in Magaalada Boosaaso iyo Degaanada kale ee Gobalka lagu qabto Shir aysan ogeyn Guddigu.
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo todobaadkan ku qabsoomay magaaladda Boosaaso, uuna shir Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa looga hadlay Amniga, Xaaladda Siyaasadda Dalka, Dib u eegista Diiwaanka Siyaasadaha iyo Xeerarka Puntland, Dhismaha Goleyaasha Deegaanka iyo Warbixino kale.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Xukuumada waxaana ugu horayn lagaga hadlay xaalada amaanka deegaanada Jubbaland iyadoo golahu uu amaanay dadaalka Hay’adaha amaanka waxaa kale oo golahu uu ka hadlay sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waxaa golahu uu ka dooday dardar galinta adeegyada garsoorka iyadoo Wasaarada Cadaalada iyo garsoorka ay ka warbixisay hanaanka dib u dhiska Xabsiyada Jubbaland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo oo dhismahiisu uu dhawaan bilaabanayo isla markana lacagtii ku bixi lahayd la diyaariyay. Waxaa kale oo Wasaaradu ay…
Duqa Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Axmed Siciid Muuse ayaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland u gudbiyey dacwad ka dhan ah Sadex xildhibaan oo ka tirsan Golaha degaanka degmada Garowe kuwaas duqa caasimadu ku eedeyey in ay u kula kaceen Afduub, Hajabaad iyo Isku day gacan qaad falkaas oo uu sheegay in uu ka dhacday xafiiskiisa gudihiisa 25/09/2019. Duqa ay masuuliyiinta qoraalkiisu ku socdo ka codsaday in arintaasi wax laga qabto isla markaana la mariyo wixii sharcigu ka qabo . Qoraalka oo toos loogu socod siiyey xeer ilaaliyaha guud waxaa la ogaysiiyey Wasaaradaha Arimaha gudaha , Amniga ,Taliska…
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa dhaleeceyn badan kala kulmay hab-dhaqankii uu la tagay Shirkii Madasha iskaasha Soomaaliya iyo caalamka ee shalay kusoo gaba-gaboobay Muqdisho. Wasiir Cawad ayaa kasoo muuqday Khudbad uu ka jeediyay shirka Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Finish, isagoo oo madasha ku dhex ruugaya Xanjo taas oo si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada saacadihii lasoo dhaafay. Dadka ayaa ku dhaliilay Wasiirka in uu yahay ruux aan aqoon baratakoolka shirar caalamiga ah, gaar ahaan kuwo looga hadlayo arrimaha masiiriga uu ah Dalka, iyagoona xusay in hab-dhaqan wasiir arrimaha dibedda…
Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay Shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka, kuwaas si isku mid ah ugu dhaliilay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya guul-darooyinka dul hoganaya ee la xiriira Wada-shaqeynta iyo midnimo la,aanta ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah. Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si cad u sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilmeen in dalka ay ku hoggaamiyaan Siyaasad xasiloon, taas oo sabab u noqon karta Guulo laga gaaro Tiirarkii ugu muhiimsan ee Dalka, sida Dib-u-eegista Dastuurka, Dhismaha Ciidan Qaran, Qeybsiga Kheyraadka iyo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho qof…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), kaas oo sanadihii ugu dambeeyay maamulayay Gobalka. Xil ka qaadista Mr. Dhedo ayaa timid kaddib markii Madaxweyne Deni uu ku eedeeyay Guddoomiyaha inuu gabay waajibaadkii uu Gobalka Bari uga hayay Dowladda ee aheyd Matalaada Dowladda iyo in uu Shacabka ku qanciyo Siyaasadaha Dowladda ee ku aadan Xasilinta amniga iyo dhaqaalaha Gobalka, gaar ahaan Magaalada Boosaaso oo ah xarunta Ganacsiga Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Bari loo magacaabi doonaa Maxamed Siciid Kaashawiito, wallow aan la shaacin. Madaxweynaha Dowladda Puntland…
Allaha u naxariistee, waxaa xalay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ku geeryooday Nabadoon Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo si aad ah looga yaqaanay Degaanada Jubbaland. Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar ayaa u geeriyooday dhaawac kooxo hubaysan ay ugu geysteen gudaha Magaalada Kismaayo 13-kii Bishii September ee aan kasoo gudubnay, waxaana lagu dabiibayay isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo. Nabadoonka ayaa kamid ahaa Dadka aadka u dhaliili jiray Siyaasadda Xukuumadda Jubbaland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe. Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa cambaareyay weerarkii lagu dhaawacay Nabadoon Qalyan, iyagoona sheegay in Laamaha ammaanka Jubbaland ay ku dabajoogaan Kooxaha dhaawacay…
Waxay ahayd dib u gurasho aan la fileyn, haweeneyda ay Baarlamaanka Peru u magacaabeen in ay noqoto “kusimaha madaxweynaha” ayaa is casishay saacado ka dib markii xilka loo dhaariyay. Waxay dhaarinta Mercedes Aráoz ka dambeeyay xildhibanno ka hor yimid go’aanka madaxweyne Martín Vizcarra oo kala diray xildhibaannada, shaqadana ka joojiyay. Tallaabada lagu dhaariyay waxay ka dhignayd in Peru uu si kooban u yeeshay laba siyaasi oo kala sheeganayay xilka madaxweynaha. Iyadoo uu jiray qalalaase dastuuri ah, haddana inta badan xaaladda Peru ayaa deggan. Ms Aráoz waxay ahayd madaxweyne ku xigeenkii Mr Vizcarra, illaa uu ka billaabanayay khilaafka sababay in madaxweynaha…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in hannaanka siyaasadda loo dhan yahay aanay dalka ka jirin, isagoo caddeeyay in wixii ka soo baxa Shirkii shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho aanay anfaceynin dadka Soomaaliyeed. Madaxweyne Axmed Madoobe oo xalay ka hadlayay Munaasabadda sanad-guurada 4aad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrimaha Masiiriga ah heshiis laga gaaro, sida doorashooyinka iyo dhameystirka dastuurka. Waxaa uu sheegay in hannaanka deyn cafinta Soomaaliya uu dhaqan geli karin, iyadoo Madaxda dowladda Federaalka ku tumanayaan sharciga dalka, sida uu hadalka u dhigay. “Deyn cafintu ma dhaqan geli…
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Diblomaasiyiin Soomaali iyo Australian ayaa goob joog ka ahaa madasha guddoomidda. Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida. Dowladda Australia ayaa dhawaan Soomaaliya u soo Magacaabatay safiir cusub, iyada oo kusoo biirtay dowladaha xiriirka wanaagsan la yeelnaya,isla…
Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka USAID ayaa kaalmo dhan $257 million oo doollar ugu yaboohday Soomaaliya si wax looga qabto adeegyada aasaasiga ah, cuntada iyo beeraha. Waxay sheegtay ujeedada lacagtan ay u bixineyso in ay tahay sidii ay u caawin laheyd malaayiin qof oo dhibaatooyin badan ay ku heystaan Soomaaliya. “Lacagta dheeraadka ah waxay keenaysaa kaalmada bini’aadanimo ee Mareykanka ilaa $ 2.5 milyan oo ku dhibaateysan Soomaaliya in lagu taageero” Ayaa lagu yiri warka Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah. Diana Putman, oo ah kuxigeenka Kaaliyaha Maamulaha Afrika ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah (USAID), ayaa ku dhawaaqday in Dowladda…
Hawlgalo ay fuliyeen Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Puntland ee PSF-ta, ayaa lagu dilay Hoggaankii Sahanka iyo Sirdoonka Kooxda Al-Shabaab iyo tiro ka mif ah Maleeshiyadka kooxdaas. Howlgalka oo ahaa mid culus ayaa ka dhacay Degaanada Maar iyo Madarshon, oo Magaalada Boosaaso u jira Masaafo dhan 70-KM. Ciidanka PSF-ta ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay howlgallo balaaran ka waday Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag, waxaana inta socdeen ay ku khaarajiyeen Maleeshiyaad katirsan Ururka Al-Shabaab. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlayay Magaalada Boosaaso habeen kahor ayaa ku amaanay Ciidamada PSF sida ay u xoojiyeen ammaanka gudaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Saciid C/llaahi Deni, oo ku sugan Magalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa la filayaa in maanta oo khamiis ah kulan deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada. Kulanka oo ah midaan la qorsheeynay ayaa Madaxweyne Deni shalay isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, waxaana uu la qaadan doonaa kulan xasaasi ah oo looga hadli doono arrimo muhiim ah. Wararka ayaa sheegaya in shirkaasi looga hadli doono qodobo ay kamid yihiin, Arrimaha Shirka Madasha Caalamka & Soomaaliya ee shalay lagu soo xiray Muqdisho iyo khilaafka xoogeystay ee ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Puntland…
Xubno kamid ah Gudiga Odayaasha amniga Gobolka Mudug oo warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa soo saaray baaq nabadeed oo looga hortagayo dhacdooyinka Amniga ka soo horjeeda. Odayaasha dhaqanka ee Gobalka Mudug ayaa sheegay inay tahay wax aan ficneyn colaadu, iyagoona sidoo kale ugu baaqay Odayaasha dhaqan Koonfurta Gobalka Mudug inay ka qeyb qaataan in laga hor-tago dhacdooyin amni darro ee dhacaya.
Wasiirka Maaliyadda Dawladda puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Waftiga Wasiirka Maaliyadda waxaa Magaalada qardho ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar oo uu hurmuud u ahaa Xisaabiyaha Gobolka Yaasin Cabdi Ciise Boos. Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadd intii uu ku sugnaa qardho waxa uu booqasho ku tegey Xerada Ciidamada Xorgoble halkaasi oo ay ku jiraan Ciidamo dhowaan tababar uga furmi doono. Gen Yaasin Cumar Dheere Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Dawladda puntland ayaa madaxda dawlada la wadaagay xog ku aadan Ciidamada tababarka loo qaban doono. Wasiir Maaliyadda oo…
Mudaharaad ballaaran oo looga soo horjeeday shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo. Dhallinyarada, Ardayda, Haweenka, odayaasha dhaqanka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo qaban qaabiyay bannaanbaxa maanta. Bannaan baxayaasha ayaa socod dheer ku maray wadooyinka Magaalada Kismaayo, kadib waxaa goob fagaaro ah dadka kula hadlay Masuuliyiin k tirsan dowlad goboleedka Jubbaland oo uu kamid yahay Madaxwayne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka waxbarashada ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladu isku koobtay siyaasadda dalka., taas oo ay cadeyn u tahay Shirkii Muqdisho ka dhacay. “Haddii dowlad goboleed xil ka banaanaado waxa ay u dirtaa wasiir taageersan xilalka kalena waxa ay u dirtaa dowladu shaqaalaha xafiisyadooda.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ka hadlay shirka iskaashiga oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ahayn wax wanaagsan in shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo ay ka maqan yihiin Maamul Goboleedyada la qabto. ”Waa arrin aan fiicneyn in la qabto shir u dhexeeya DF iyo beesha caalamka oo maamul-goboleedyadu joogin,Wiilal yar yar oo masaakiina oo qurbaha jooga ama lamarin-habaabiyey ee lasoo adeejiyey Caay ay Caytameen anagu xaqa ugama istaageyno” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalkaan ay ku dhex-jiraan laba…