Author: Jibril Qoobey

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland iyo masuuliyiin kale. Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xidhmay ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa haatan Shir kula leh Madaxtooyadda Magaalada Boosaaso Wafti heer sare ah oo ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta. Shirka oo ah mid si gaar ah ugu dhexeeya Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Imaaraadka Carabta u qaabilsan Taageerada Ciidanka Badda Puntland ayaa loo hadlayaa Khilaafka u dhexeeya Saraakiisha Imaaraadka iyo Shirkadda PDG ee gacanta ku heysay mudada dheer Qandaraasyada Cunada ee Ciidanka Badda. Shirkan ayaa si gaar ah diirada looga saarayaa xalinta Khilaafka Shirkadda PDG iyo Saraakiisha Imaaraadka oo Lixdii bilood ee ugu dambeeyay taagnaa, kaas oo ka dhashay kaddib markii Saraakiisha Imaaraadka ee gacanta…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday inuu qaabilo Guddoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo Duqa Degmada Boosaaso C/salaan Bashiir C/salaan. Labada Masuul oo ah xubnaha ugu saameynta badan Masuuliyiinta Dowladda ee Gobalka Bari, ayaa horey looga war-gelin Safarka Madaxweyne Deni uu ku tagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, iyagoona ku baraarugay Madaxweynaha oo galay Magaalada. Masuuliyiinta ayaa la sheegay inay tageen Madaxtooyadda si ay ula kulmaan Madaxweyne Deni, iyadoona loo sheegay inuu iska diiday kulankooda, ayna ka war-sugaan waqtiga loo yeeri doono. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu saluugsan yahay Maamulka…

Read More

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa Shirkadaha diyaaradaha ee u Safra Magaalada Kismaayo lagu amray in 24-saacadood ka hor ay soo dalbadan fasaxa ah inay u duuli karaan Magaaladaasi. Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA ayaa sheegtay in Hay’addu ay diyaarisay Foom laga buuxin doono Shirkadaha diyaaradaha ee doonaya inay dadka u qaadan Kismaayo,isla markaana ay Foomkaas buuxin doonaan. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Garoonka Muqdisho lagu hakiyay Diyaarad gaar ah oo uu la socday Madaxweynihi hore ee soomaaliya Shariif Sh. Axmed oo la sheegay inuu ku wajahnaa Magaalada Kismaayo, oo lagu qabanayo Caleemasaarka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galayo shirka sanadlaha ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Ajandeyaasha ugu waaweyn ee Hoggaamiyayaasha Caalamku ay kaga arrinsan doonaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ugu muhiimsan xoojinta fursadaha shaqo iyo siyaasadeed ee dhallinyarada, xal u helista colaadaha iyo khilaafaadka caalamiga ah, kobcinta dhaqaalaha, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo mideynta dadaallada lagu wajahayo argagixisada. Madaxweyne Farmaajo ayaa is-bedel ku yimid saacidihii lasoo dhaafay kaddib markii uu baajiyay subaxnimadii shalay aheyd safarkiisii, waxaana kulamo uu…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa safar aan horey loo shaacin ku tahay Saaka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni oo xalay saqdii dhexe ka guureeyay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa la sheegay in safarkiisa Boosaaso uu ahaa mid deg deg ah, waxaana la sheegay in loo qariyay arrimo ammaan aawadood. Ujeedada Safarka Madaxweyne Deni ayaa wararku sheegayaan inay tahay Xoojinta ammaanka iyo sidii uu kulamo ula yeelan lahaa Wafti balaaran oo ka socda Dowladda Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kulamo looga hadlayo xoojin ammaanka ka bilaabay Goor-dhaweyd Magaalada Boosaaso, waxaana la filayaa…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah inay  u amba-baxayaan dalka Marykanka, si ay uga qayb galaan Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey. Madaxweynaha ayaa kalmad ka jeedin doona madashan kulminaysa Hoggaamiyayaasha Caalamka, iyadoona meertada 74-aad ee Qaramada Midoobey lagu suntay “Dib-u- xoojinta dadaallada wada-jirka ah ee lagu dabar-goynayo saboolnimada, baahinta waxbrasho tayo leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.” Wafdiga Dowladda iyo Federaalka Soomaaliya ee ka qayb-gelaya Meertadan ayaa kulammo doceedyo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga la qaadan doona dhiggooda dalalka Caalamka ee ka soo…

Read More

Wararka ka imaanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay gebi ahaan isaga baxeen degmadaasi. Dadka degmada Jalalaqsi ayaa qaarkood waxaa ay sheegeen inay ka warheleen Ciidamada Jabuuti oo wata Gaadiidkooda gaashaan, iyaga oo baneynaya saldhigyada ay ku lahaayeen degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan. Taliyaha Booliska degmada jalalqasi ee Maamulka Hirshabelle Muuse Salaad ayaa sheegay in dhamaan saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay la wareegeen Ciidamada Ammaanka Hir-Shabeelle. Maamulka Degmada Jalalaqsi qaarkood ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan ogeyn sababta Ciidamada Jabuuti ay u baneeyeen…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay : Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Dowladda Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka. Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo. Wuxuu Xeeriyey: Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Dowladda Puntland ee Dalka Maraykanka.Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa iska diiday marti-qaad uu u soo diray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku aadana inuu kazoo qeyb-galo shir looga hadlayo xaalada dalka, hor-dhacna u ah Shirweynaha Belgium ee Arrimaha Soomaaliya. Madaxweyne Deni ayaa Shuruud adag ku xiray ka qeyb-galka Shirkanb Muqdisho ka dhacaya, isagoona dalbaday inuu kazoo qeyb-galo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), kaas oo dib loogu doortay Doorasho kismaayo ka dhacday 22-kii, August,2019. Ilo-wareedyo katirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa u xaqiijiyay Shabakadda Idil News, in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu ka dhaga adeegay dalabka Madaxweyne Deni, taas oo…

Read More

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C / llaahi Farmaajo uu baajiyay safarkiisa qorsheysan ee uu ku tagayo New York toddobaadkan, xilli Dalku uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada. Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo saacado kahor gaaray Magaalada New York, ayaa khudbada Madaxweynaha Soomaaliya ka jeedin doona kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa loo qorsheeyay inuu u duulo Magaalada New York Axada si uu uga qeyb galo shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo lagu wado inuu furmo isbuuca…

Read More

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ku dhawaad 10 diyaaradood oo nooca dagaalka ah ay ka soo iibsatay dalka Mareykanka, sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Kenya oo sheegtay in diyaaradahaasi ay dhowaan tegayaan dalkaasi. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay sheegtay in dowladda Mareykanka ay u tababari doonto duuliyeyaasha kaxeyn lahaa diyaaradahaasi. Warka ka soo baxay wasaaradda difaaca Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradahaas saldhig looga dhigayo garoonka ciidanka Cirka Moi ee magaalada Mombasa, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka lagula jiro dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa kadib xaflad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka waxaana uu noqonayaa sharci rasmi ah oo la isticmaalo. Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad-celiyay cid kasta oo ka qayb qaadatay diyaarinta sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa. “Musuq-maasuqa kaliya ma ahan lacag la xado waa in qofku masuuliyadda uu hayo si xun ugu takri falo oo si shaqsi ah isagoon ilaahay ka baqeynin isagoon masuuliyadda loo dhiibay tixgalineynin” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin badan…

Read More

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan joojinta colaadaha iyo wax walba oo ka qeyb qaadan kara qalalaasaha horay u ragaadiyay dalka, isagoo kula dardaarmay dhiirra gelinta nabadda. War-saxaafadeedka Swan ayaa lagu soo beegay maalinta nabadda caalamka oo ku asteysan maanta, isagoo sheegay in maalintani ay muhiim u tahay joojinta toogashada,qaraxyada ay ku hoobanayaan dadka Soomaaliyeed. War-saxaafadeedka James Swan ergayga QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa u qornaa sidaan:- “Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada…

Read More

Ciidanka Booliiska dalka Masar ayaa xabsiga dhigay boqolaal ka mid ah dadkii hogaaminaayay Banaanbaxyo waa weyn oo xalay ka bilowday Magaalada Qaahira iyo sidoo kale meelo ka mid ah dalkaasi. Ciidanka Booliska sidoo kale waxa ay isticmaaleen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala ceyriyaan dibadbaxayal isugu soo baxay magaalada Qaahira. Dibadbaxayaasha ay ka jawaabayay eedeeyn musuqmaasuq oo loo soo jeediyay dowladda madaxwayne Sisi. Waa dibadbaxii ugu horreeyya ee Masar ka dhaca tan iyo intii uu xukunka la wareegay madaxwayne Cabdul Fattax al-Sisi 2014. Waxaa taagan cabsi weyn oo ku aadan in banaanbaxyadda ay sii socdaan , islamarkaana ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa inuu saxiixo sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka Musuqmaasuqa ee labada heer. Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiiso Munaasabad ka dhacaysa madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijisay Warkaan waxaana ay sheegtay in Sharcigaan uu muhiim u yahay dhismaha dalka.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxwayne ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cisman Karaash, ayaa xalay la kulmay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. kulanka ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la yeesheen Guddiga, ayaa ay guddigu la wadaageen sharciga Doorashooyinka Qaranka. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa kaga mahadceliyay guddiga sida wanaagsan ay ugu sharaxeen sharciga Doorashooyinka Qaranka. Ugu dambeyntii kulanka ay Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Madaxweyne ku-xigeenku la yeesheen guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 19 September 2019 shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiirada. Kulanka ayaa ugu horayn lagaga hadlay arimo kala duwan gaar ahaan nabadgalyada waxaana la isku raacay in dhamaan shirarka iyo kulamo ruqsad la’aan ah aan lagu qaban karin Magaaalada Kismaayo laga bilaabo 20 bishan Sept, iyadooona la faray ciidanka ammaanka inay muujiyaan feejignaan buuxda. Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay howlaha ay hormuudka ka tahay Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland ee la xiriira dhamaynta tabashooyinkii ka dhashay Doorashadii Madaxweynaha ee 22 Ogoosto ka dhacday Jubbaland iyadoo…

Read More

Hay’adda lacagta Adduunka IMF ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka gudubtay dib u eegista qeybta koowaad ee wajiga afaraad ee Barnaamijka SMP ee la socodka Shaqaalaha, kaasoo qeyb ka ah barnaamijka deynta looga cafinayo Soomaaliya. Waxaa ay sheegtay ay IMF in loo gudbi doonaa qeybta labaad ee Barnaamjika SMP si loo si waddo qorshaha deynta Cafinta Soomaaliya. “Kadib wadahadalo wax ku ool ah, kooxda IMF iyo mas’uuliyiinta Soomaaliya waxay gaareen heshiis heer-shaqaale ah oo ku saabsan dhammaystirka dib-u-eegista koowaad ee SMP. Heshiiska waxaa ansaxinaya oggolaanshaha maamulka IMF” ayaa lagu yiri War kasoo baxay IMF. “Kobcinta dhaqaalaha waxaa la saadaalinayaa inuu…

Read More

Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo howla shaqo u joogo Magaaladda Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Mudane C/Xakiim Moxamed Axmed {Dhoobo} iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda. Guddiga ayaa u sharaxay gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Puntland iyo Guddiga joogtada cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng.carab ) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah sida wanaagsan ay u dhageysteen sharaxaadii ay guddiga ay ki bixiyeen…

Read More

Shirka Golaha Xukuumadda ee Dowladda Puntland ayaa todobaadkan gebi ahaanba looga hadlay Shirkii Maalgashiga Puntland, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddi u saaray dabagalka iyo hirgelinta fursadihii iyo ballanqaadyadii maalgashi ee ka dhashay Shirkaasi. Waxaa ka warbixinaya Af-hayeenka Madaxtooyada Jama Deperani

Read More

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay ka mid yihiin Amniga,Siyaasada,Abaaraha iyo baaq ku socda Beesha Caalamka. War-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 18/9/2019 ayaa waxaa marka hore looga hadlay dilalkii ugu dambeeyay oo qaarkood ay sheegteen Al-Shabaab,isla markaana ka dhacay degmada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa looga hadlay doorashadii ka qabsoontay Magalada Kismaayo 22/8/2019, iyada oo la sheegay in doorashadaas ay u dhacday si xor iyo xalaal ah,isla markaana cidkasta oo tabasho qabto ay soo dhaweeyaan.,waxaa sidoo kale lagu…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah inay ka qeyb-qaataan Maal-gashiga Dekedda Degaanka Garacad iyo goobaha Kale ee muhiim ah ee Dalka. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Dekedda Garacad ay tahay Il-dhaqaale oo qeyb ka qaadan doonta Hormarka iyo Shaqo abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Ku nool Mandiqada Puntland. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ku dhiiri-geliyay Bulshada Puntland inay xoojiyaan ammaanka iyo Midnimadooda, kuwaas oo uu sheegay inay u horseeday Hormar iyo Hiigsi dheer, una soo jiiday indhaha Caalamka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid C/llaahi Deni, ayaa hadalkan ka sheegay…

Read More

Boqolaal ka mid ah darawalada gaadiidka BL-ka ayaa saaka ku dhawaaqay shaqo joojin, iyagoo isugu soo baxay wadada Wadnaha, gaar ahaan Isgoyska Afarta Jardiino, waxaana ay xireen wadada. Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka ayaa sheegay in lagu soo rogay inay bixiyaan lacag gaareysa 100 kun oo shilin soomaaliya, waxaana ay tilmaameen in aysan bixin karin, horayna maalin walba looga qaadayay lacag dhan labo dollar. Sidoo kale, darawalada gaadiidka ayaa sheegay in horay ay u qabeen dhibaatooyinka waddooyinka xiran ee magaalada, haatan loogu sii daray lacago dheeraad ah oo canshuur ahaan lagu soo rogay.

Read More

Ciidanka Booliska Magalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay fashiliyaan Miino lagu Aasay bartamaha wadada ka baxda Baladweyne ee Aada Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas. Saraakiil Ciidan ayaa sheegay in dadka Shacabka ah ee wadadaasi mara ay Ciidamada kusoo wargeliyeen Miinada wadada bartankeedalagu aasay,isla markaana Ciidamada Booliska Baladweyne qeybta Miina baarista ay soo saareen. Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada ay ugu dambeyn qarxiyeen miinadaas, iyada oo aan cidna waxba ku noqon,sida uu sheegay mid ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaa in howlgal ay sameeyeen Ciidamada…

Read More

Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, xildhibaanada baarlamaanka jubaland, Golaha wasiirada jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka koobaad ee jubaland ayaa lagu qabtay magaalada kismaayo. Kulanka oo saxaafadu dibad joog ka ahayd intuu socday ayaa waxaa logu bogaadiyay howlagaladii udanbeeyay ee ciidamada daraawishta jubbaland iyo kuwa xooga dalka ay ka sameeyeen isla markaana ay ku xoreeyeen deegaano hoos yimaado degmada jamaame. Sidoo kale kulanka waxaa lagu canbaareeyay xariga wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan u geysatay dowlada federalka ee soomaaliya. Kulanka ayaa markuu soo idlaaday waxaa saxaafada uga warbxiyay waxyaabihii looga hadlayay madaxweyne ku xigeenka koobaad ee jubbaland Maxamud Sayid Aadan.

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Shirka dib u habaynta heerarka iyo Mushaharaadka Shaqaalaha Dowladda Puntland. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ku wehelinayay Golaha xukuumadda, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaaradaha, Guddoomiyeyaasha Hay’adaha madaxa bannaan, Agaasimeyaasha maamulka iyo Maaliyadda ee Hay’adaha Dowladda iyo shaqaalaha Dowladda. Muddadii uu shirku socdey waxaan lagu soo bandhigay soojeedimo kala duwan oo looga hadlayey heerarkii uu soo maray hanaanka dib u habaynta shaqaalaha dawladda Puntland, iyadoo la bogaadiyey hanaanka furan ee…

Read More

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in Qarax xooggan uu caawa fiidkii ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaaladadaas. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo laga maqlay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, uu ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda. Warar ayaa sheegaya in qaraxan oo ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee Wadada Maka al-Mukarama, lala beegsaday gaari uu lee yahay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Xildhibaanka la weeraray oo magiciisa lagu sheegay C/qaadir Carab ayaa ka bad-baaday Qaraxa, balse waxaa jira khasaare soo gaaray Ilaaladiisa iyo Dad wadada marayay. Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ayaa…

Read More

Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday Korea-da Koonfureed inay ka caawiso xoojinta habka difaaca hawada dalkiisa, kadib weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee dalkaas. Wakaaladda wararka Korea-da Koonfureed ee Yonhap oo warkan werisay ayaa sheegtay in Bin Salman iyo mas’uuliyinta Seoul ay isku raacaan inay sii wadan wada-tashiyada la xiriira arrintan. Weeraradii sabtidii lagu qaaday laba goobood oo saliidda laga soo saaro oo ku yaalla magaalada Riyadh, ayaa waxaa sheegtay kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen, hase yeeshee Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa tuhmaya iran. Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in maanta ay baahin doonta caddeymo Tehran…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo hoggaaminaya maalgashadayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee Gobalka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degaanka Garacad, Iyadoona boqolaal Shacab ah ay isugu soo baxeen waddooyinka iyo Bartamaha Degaanka Garacad, kuwaas oo ku dhawaaqayay Erayo ay ku muujinayaan dareenkooda iyo Boorar lagu xardhay astaamaha Kheyraadka iyo Ilaalinta Degaanka oo Dhulkaas caan ku yahay.

Read More

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey deegaan duleedka ka ah Magalada Kismaayo ee   Gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya  ay 17-kii Bishaan oo shalay ku beegneyd ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan Waqooyi Galbeed ka xiga Magalada Kismaayo,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan  Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa Mareykanka waxa uu sheegay inay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana weerarkaas ay ku taageerayeen Ciidamada Dowladda…

Read More

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay shirka dhaq-dhaqaaqa kor u qaadida nafaqada iyo ciribtirka Nafaqo darida Puntland, kaasoo sadexdii bilood mar la qabto. Shirkan waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinayay wasiirada Wasaaradaha barnaamijkan bahwadaagta la ah iyo hay’addaha qaybta ka ah mashruucan kor uqaadista nafaqada Puntland. Madaxweyne kuxigeenka dowladda Puntland Ahmed Cilmi Cimaan oo shirka furay ayaa soo dhaweeyay qabsoomida shirkaan, waxaana uu xusay in loo baahanyahay in laga mira dhaliyo mashruucaan. Madaxweyne ku xigeenka ayaa daneeyaasha mashruucaan usoo jeediyay in si ugu wanagsan looga shaqeeyo ka hortaga nafaqa darida, waxaana uu…

Read More

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howl gallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howl-galladan oo ahaa kuwa Qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamada Jubbaland ka fuliyeen deegaano hoos yimaada degmada Jamaame sida Bandar-Jadiid, Maleelay, Janaala-Jaay, Koban iyo Araare oo dhamaantood ah deegaano dhaca wabiga Jiinkiisa. Ciidamada Jubbaland oo kaabiga u saaran degmada Jamaame ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanada Bandar-Jadiid Janaala-Jaay iyo Maleelay. Tira ka mid ah Malleeshiyaadka ayaa howl-galka lagu khaarajiyay sida uu sheegay Afhayeenka Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibarahim Xuseen Weerarkii shalay waxaa lagu dilay ilaa 13 ka mid ah Maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni oo hoggaaminaya maalgashadayaal isugu jira Soomaali iyo ajaanib ayaa gaaray deegaan xeebeedka Garacad ee Gobalka Mudug. Madaxweyne Deni ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degaanka Garacad, Iyadoona boqolaal Shacab ah ay isugu soo baxeen waddooyinka iyo Bartamaha Degaanka Garacad. Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ganacsatada ayaa ah sidii Ganacsatada loo soo tusi lahaa Dhismaha Dekedda Degaanka Garacad oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland oo garab ka helaya Dowladooda iyo in Ganacsatada lagu dhiiri-geliyo Maal-gashiga Puntland. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa daah-furaya dhismaha Wajiga labaad ee Dekedda Garacad oo…

Read More

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqbalaadda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu hore u soo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Wafti balaaran oo hoggaaminayo ayaa ku wajahan Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug. Madaxweyne Deni oo waftigiisa ay kamid yihiin Ganacsato iyo Maal-qabeeno Soomaali iyo Ajaanib ah, ayaa Goor-dhaweyd ka amba baxay Garoowe, iyadoona la filayo inay gaaraan Degaanka Garacad. Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Ganacsatada ayaa ah sidii Ganacsatada loo soo tusi lahaa Dhismaha Dekedda Degaanka Garacad oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland oo garab ka helaya Dowladooda iyo in Ganacsatada lagu dhiiri-geliyo Maal-gashiga Puntland. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa daah-furaya Wajiga labaad ee Dhismaha Dekedda Garacad…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey. “Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab iyo Xukuumadba sharaf ugu tahay in shir noocan ah uu ku qabsoomo sidii loogu talagalay oo uu ku socdo wakhtigiisii oo ay kasoo baxaan wixii loogu talagalay inay kasoo baxaan, aad baan ugu mahdcelinayaa intii kasoo shaqaysay oo ay ugu horeeyaan ciddii u xilsaarnaa qaban-qaabada shirkan iyo…

Read More

Shirkaan oo u dhexeeyey Hey’adaha u xilsaaran dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, sida guddiga madax bannaan ee dib u eegista Dastuurka Guddiga la socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee Barlamaanka labadiisa Aqal iyo wasaaradda Arrimaha Dastuurka, waxaa lagu  falanqeeyey qorsheyaashii la dajiyey ee loogu talogalay in la fuliyo sannadkaan 2019-ka. Waxaa kaloo diiradda la saaray sida ay u socoto tubta geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya, qorsheyaasha kale ee haray iyo caqabadihii lala kulmay sannadkaan 2019-ka.Doodda kaddib ayaa la isla qaatay ilaa 6 qoddob oo ujeedadu tahay in lagu dardargeliyo howlaha ka haray dib u eegiska Dastuurka Kmg-ka…

Read More

Taliyaha Ciidanka Nabad suggid iyo Sirdoonka dalka Angola ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana uu la kulmay taliyaha Ciidanka NISA. Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Bogga Twiterka NISA ayaa lagu shaaciyay in labadda taliyaha ay ka wada hadleen Sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta iyo sidoo kale sidii dowladda Angola ay Soomaaliya uga faaideysan laheyd la dagaalanka Argagixisadda. NISA@HSNQ_NISA Taliyaha Siradoonka wadanka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa, oo booqasho rasmi ah kuyimid magaalada Muqdisho ayaa lakulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta DFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa kasoo qayb galay shirka maanta, waxa uu jeediyey khudbad muhiim ah oo ka hadlaysa muhiimadda Maalgashiga, waxaana uu bogaadiyey talaabada wanaagsan ee Madaxda Dowladda Puntland shirkan ku hirgeliyeen. Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa sidoo kale masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, dhamman maalgashadayaashii shirka qaybta ka ahaa, Ganacsato Soomaaliyeed iyo khuburo shirka qayb ka ahayd. Ajandaha shirka maanta ayaa waxaa looga hadlay qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin horumarinta dhallinyarada, maalgashiga, caqabadaha iyo fursadaha, dalxiiska, adeegyada Bulshada, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shirka Maalgashiga Puntland…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay Warar maalmihii ugu dambeeyay hareeyay Saaxada Siyaasadda Soomaaliya, kuwaas oo ku aadan in Madaxda Dowladda Federaalka ay doonayaan inay sameystaan muddo kororsi. Madaxweyne Deni ayaa ka digay in la isku dayo in muddo kororsi ay sameeyaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona xusay inay muhiim tahay in dalka ay ka dhacdo Doorasho waqtigii lagu heshiiyay. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed waxa kaliya ayu heshiis ku yihiin ay tahay Qabsoomida Doorasho waqtigeeda ku dhacda, ayna muuqato in Madaxda haatan joogta aysan diyaarin hanaankii Doorasho ee Dalka. Ugu dambeyntii,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku dhawaaqay in loo gudbay wajigii labaad ee qorshaha dhammaystirka dhismaha maamul mideysan oo hana qaada, kana tarjuma hiigsiga iyo himilada bulshada Deegaannada Galmudug. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay dadaalka mideysan ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee horseeday qabanqaabada iyo qabsoomidda Shirweynahan, isaga oo ku ammaanay bulshada, waxgaradka iyo haldoorka deegaannada Galmudug biseylka ay muujiyeen iyo in ay wadajir ugu istaageen ka mira-dhalinta fursaddan taariikhiga ah. “Dib-u-heshiisiinta aan bilihii la soo dhaafay ku hawllanayn caawa ayaynu wada aragnaa mira-dhalkeeda. Geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta oo ina gaarsiinaya in…

Read More

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba-gabeeyo Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland. Shirweynahan oo qorshihiisu ahaa inuu socdo (15-17) bishan September maanta ku beegan, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti isugu jirta Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale. Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa lagu soo bandhigay inta uu socday Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socda Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galay Shirweynahan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo furay Shirweynaha ayaa sheegay in…

Read More

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cismaan ayaa beeniyay warar sheegaya in la xiray Xarunta Radio Daljir ee Boosaso. Xeer ilaaliyaha ayaa Sheegay in Labo maalmood Gudahood ay Maxkamadda ku horyimaadaan labo suxufi oo Ay waaran u jartay Maxkamaddu, Haddii ay ku imaan waayaanaa si qasab ah lagu soo qaban doono.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Daah-furay Mashruuca Biyaha, Nadaafadda iyo Fayo Dhawrka Deegaanada Galdogob iyo Xarfo. Furitaanka mashruucan ayaa waxaa qayb ka ahaa Masuuliyiinta Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda, saraakiil ka socda Hay’adda UNICEF, shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay muhiimadda uu leeyahay mashruucani ayaa sheegay in ilaalinta nadaafadda degaanku muhiimad gaaraleedahay, waxa uu xusay in haddii la Fayo dhawro degaanka la nadiifiyey Biyaha lagana shaqeeyey bilicda iyo horumarka dalka. Sidoo kale Madaxweyne Karaash ayaa ku booriyey Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay’adda UNICEF inay mashruucani uga soo dhalaalaan…

Read More

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirada Amniga iyo Gudaha ee Xukumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, Xildhibaano ka tirsan labada Gole Baarlaamka Soomaaliya Siyaasiyiin,iyo dadweyne. Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf,waxaana lagu wadaa in uu caawa Madaxweyne Farmaajo  uu soo afjaro shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi deni ayaa sheegay in Sanadkaan Gudihiisa la bilaabayo Dhismaha Dekedda Boosaso walow uu Xusay ineysan Muhiim aheyn iney sheegaan wakhtiga rasmiga ah ee la bilaabayo shaqada. Madaxweynaha oo la halayay BBC-da ayaa la weydiiyay iney jiraan dad shaki ka qaba inuusan hirgaleyn mashruucaasi oo uu horay u balan qaaday in la bilaabayo Bishan September balse aysan waxba ka suurtoobin, wuxuna sheegay iney Hirgalin doonaan Mashruucaasi. Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay iney ku guuleysteen Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Dowladda Ka soo horjeeda, Islamarkaana la wiiqay Awoodooda, Walow ay weli jiraan Falal amni darro…

Read More

Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ee (TPEC), ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine, kaas oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa looga hadlay shaqooyinka oo dhowaan xafiiska la wareegay iyo dadaalada uu waddo ee ku aadan hir-gelinta Doorasho qof iyo cod ah oo dhacda Degaanada Dowladda Puntland. Guddiga Doorashooyinka ayaa uga warbixiyay Safiirka Midowga Yurub shaqooyinka ay qabteen mudadii koobneyd ee ay xafiiska joogeen iyo sida ay uga go,an tahay inay ka shaqeeyaan in Puntland u gudubto Nidaamka Dilmuquraadiyaynta, sida uu…

Read More

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa soo buuxiyay deegaano u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad, waxaana deegaanada lagu arkay Shabaabka ka mid ah deegaanka Caliyaale, Hiilweyne, iyo deegaano kale. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhulka Carro-Cadka loo yaqaano ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Balcad aanay horay loogu arki jirin Al-Shabaab. Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay mar kale qarka u saaran yihiin inay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad oo aanay horay weeraro ugu dhici jirin, balse weerarkii shalay uu ka dhashay su’aalo kala duwan oo ku aadan mustaqbalka wadadaas. Al-Shabaab ayaa horay u jaray wadada…

Read More

Midowga Yurub ayaa balanqaaday inuu mar kale dib u bilaabi doono Mushruuca dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, taas oo dhismaheeda la joojiyay Bishii September ee sannadkii 2018. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martine ayaa kulan ay ku yeesheen Magalada Garoowe ku xaqiijiyeen in Midowga Yurub uu markale dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku-xirta Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo oo markii la joojiyay ay Sanad kasoo wareegtay. Dhismaha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa sababaha loo joojiyay waxaa kamid ahaa eedeymo la xiriirtay musuq maasuq, kuwaas oo loo jeediyay Hay’adda…

Read More

Dowladda Burundi ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadashay weerarkii todobaadkaan Kolonyo ka tirsan Ciidamadooda loogu geystay Tuulada Gololeey ee duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo shaacisay tirada askarta looga dilay weerarkaas. Sarkaal Sare oo ka tirsan Ciidamada Burundi oo aan Magaciisa la shaacin lana hadlay Wakaaladda Waraka ee AFP ayaa isaga oo ku sugan Magalada Bujambura oo ah Caasimadda dalka Burundi waxaa uu sheegay in weerarkaas Ciidamadooda looga dilay 12 askari Lix kalena lagu dhaawacay. “Haa waa run Nasiibdarro 12 kamid ah Ciidamadeena ayaa la dilay lix kalena waa la dhaawacay (sabtidii) xagjiriinta Al-Shabaab ayaa…

Read More

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Maamulka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo gabagabada shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo muddo todobaad ka socday Dhuusamareeb, waxaana ka socda Magaaladaas qabanqaabadii ugu dambeysay ee soo Dhaweynta Madaxweynaha. Shirweynaha beelaha Maamulka Galmudug oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 500 oo ergo ka socday beelaha dega Galmudug, ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo Todobaadkan, iyadoona wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Ergooyinka beelaha qaarkood,…

Read More

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa maalintii labaad ka socdo Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona ay ku sugan yihiin Ganacsato waa weyn. Shirweynahan oo shalay furmay ayaa soconaya (15-17) bishan September, waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale. Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa lagu soo bandhigayaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socda Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaysa Shirweynahan. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Shirkan…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cadullaahi Deni ayaa caawa casha sharaf u sameeyey ganacsatada kasoo qayb gashay shirka maalgashiga Puntland ee maanta ka furmay casimadda Puntland ee Garoowe. Casha sharafta oo loogu sameeyey qasriga Madaxtoyada dowaldda Puntland ee Garoowe ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya Mudane Veronique Lorenzo, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, masuuliyiin ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya, Guddomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Guddoomiyaha Runta Ganacsiga Puntland, Gudiga qaban-qaabada shirka Maalgashiga, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goor dhow si rasmi ah u Daahfuray Shirka Maalgashiga Puntland, kaas oo kasoo qeyb-galeen Ganacsato Ajaanib iyo Soomaali ah, Madax iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi oo waa weyn iyo dalalka Caalamka, Hay’addo, Aqoomyahano iyo Marti sharaf kale. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka ayaa sheegay in shirkan ay uga gol lee yihiin in Puntland loo soo bandhigo Caalamka, si Mustaqbalka dhow dadka Reer Puntland ay u helaan Fursado ganacsi iyo Shaqo, loogana maarmo kaalmada Caalamku uu mudada siinayay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Puntland ay haatan u diyaarsan tahay in…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri ku sii jeeda magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, halkaasoo uu ka socdo shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Maamulka Galmudug. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb-galo gabagabada shirweynaha dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo muddo todobaad ka socday Dhuusamareeb, waxaana ka socda Magaaladaas qabanqaabada soo Dhaweynta Madaxweynaha. Shirweynaha beelaha Maamulka Galmudug oo ay ka qeyb-galeen in ka badan 500 oo ergo ka socday beelaha dega Galmudug, ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo Todobaadkan, iyadoona wararku sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Ergooyinka beelaha qaarkood, kuwaas…

Read More

Garacad waa magaalo qadiim ah lagana xukumo Dagmada Jariiban, Ee Gobolka Mudug Caasimadna ay u tahay Gaalkacyo. Garacad waa magaalo xeeb leh jawi dagan cimilo wanaagsana leh, waa magaalo aan laheyn buuro iyo dhul kala dhaadheer. waa magaalo ku wanaagsan daaqsinka xoolaha iyo beeraha waxaana ku nool ugaartii Soomaliya ka haajirtay, sababtuna tahay in aan la ugaarsan karin.! Garacad waxay masaafo dhulka ah u jirtaa Caasimada Mudug ee Gaalkacyo 245 klm. halka magaalada xeebta leh ee Eyl iyo Garacad isku jiraan 128 klm. Sidoo kale Hobyo iyo Garacad waxay isku jiraan 230 klm. Jihada afaraad Garacad waxaa ka xigta badweynta…

Read More