Author: Jibril Qoobey

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa maanta ka furmaya Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkan. Shirweynahan oo soconaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, waxaana la filayaa inay maalmahan soo gaaraan Magaalada Garoowe. Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socon doona Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo Ergooyinka ka qeyb-galaysa Shirweynahan.…

Read More

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa goor dhow gaaray magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin iyo bulshada magaalada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu gaaray Marka waxaa uu meel fagaare ah kala hadlay shacabka magaalada, waxaana uu sida caadiga aheyd uu dadweynaha ku sallaamay tixdiisa aheyd Ma Nabad Baa. Mr Kheyre ayaa la filayaa inuu magaalada Marka kaga dhawaaqo mashaariic horumarineed oo dowladda ka fulin doonto magaaladaas oo ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Read More

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ku dhawaaqay inay joojiyaan Saldhiggii Imaaraadka Carabta ka dhisanayeen garoonka diyaaradaha Berbera, isagoo xusay inuu noqon doono mid rayid ah oo wixii hadda ka dambeeya uu noqon doono garoon weyn. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in qorshahaan uu yimid wadatashi dheer ka dib, islamarkaana Somaliland ay ka baxday heshiiskii Dowladda Imaaraadka Carabta ee Saldhigga Berbera. Madaxweynaha oo ku sugan Berbera waxaa sheegay in Garoonku ahaan doono mid shacab oo weliba noqon doono kuwa ugu waa weyn Afrika. “Garoonkii Berbera ee in badan laga murmaayey ee Imaaraadku dhisayeen ee la-lahaa waa ciidan iyo ciidankani muxuu…

Read More

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa berri ka furmi doona Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkan oo horey uu u iclaamiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni. Shirweynahan oo qabsoomaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 700  oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash. Wafuud isugu jirta Ganacsato iyo Egooyin caalami ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay kusoo qul-qulaysay Magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta oo sabti ah ku wajahan Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo qabanqaabada soo dhaweyntiisa ay ka socoto Magaaladaas. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ku tagayo Marka oo qaadanaya saacado kooban ayaa qeyb ka ah safarkiisa deegaanada maamulka Koofur Galbeed, iyadoo safaro ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ee Gobolka Baay iyo Bakool. Ammaanka Magaalada Marka ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana habeen ka hor duleedka magaalada ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Milateriga ee ka tirsan Guutada 14 October iyo Al-Shabaab.

Read More

Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanka Jubbaland ay waddaan dadaallo lagu doonaayo in gacanta lagu soo dhigo Kooxihii ka dambeeyay dhaawaca loo geystay Nabadoon Axmed Jaamac Qalyar, oo kamid ahaa Waxgaradka Jubbaland. Af-hayeenka ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ee Nabadoonka ay hadda wanaagsan tahay , islamarkaana uu ku jiro mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo. Abuukaate Axmed Jaamac Qalyar ayaa  ahaa guddoomiyaha guddigii la-magacbaxay badbaada Jubbaland oo ay sameysteen musharixiintii is-bedal doonka Jubbaland, waxaana uu sidoo kale ka mid ahaa Waxgaradka sidda weyn uga soo horjeediyay Madaxweynaha Jubbaland.

Read More

Iska hor imaad u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Ciidanka ayaa Saaka xilli hore ku dagaallamay meel u dhow Garoonka Dhuusamareeb oo ay Saldhig ku lee yihiin Ciidanka DANAB. Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay iska horimaadka, waxaana sidoo kale goobta gaaray Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka. Magalada Dhuusamareeb ayaa horay siddaan oo kale waxaa uga dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo kala tirsan Booliska iyo Nabadsuggida Soomaaliya, waxaana arrintani ay imaaneysa xilli halkaas uu ka socdo Shirweynaha Dib…

Read More

Ciidamada Booliska gaar ahaa kuwa Dambi baarista ee CID ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka ganacsata carruurta, kuwaasoo ka kooban 11 ruux. Sida ay barteeda Facebook ku daabacday Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in 11 ruux ee la qabtay 8 ka mid ay yihiin Haween. Sidoo kale waxaa ay sheegtay in la soo badbaadiyay 11 carruur da’dooda u dhaxeyso 12 sano jir illaa 7 bilood, kuwaasoo beec sugayaal ah. Ugu dambeyntii, Gen. Zakiya ayaa sheegtay inay carruurta ay soo badbaadiyeen ay gacanta ku hayaan Ciidanka Booliska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.

Read More

Illaa Saddex Ruux ayaa lagu dilay, mid kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii Maleeshiyaad hubeyysani ay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay miyiga galbeedka Gobolka Mudug. Weerarkan oo ahaa mid jid gal ah ayaa waxaa lagu qaaday gaariga xilli uu kusii jeeday Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug, waxaana dadka ku dhintay mid ka mid aheyd ahayd haweeney. Dadka deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegay in maleeshiyaadkii ka dambeeyay weerarkasi ay goobta ka baxsadeen, waxana darawalkii gaariga ee ku dhaawacmay weerarkaas la geeyay Isbitaalka Magalada Gaalkacyo. Ma jirto wax war ah oo kasoo…

Read More

Taliyaha Guud ee ciidamada difaaca Puntland Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere ayaa xarunta Taliska guud ee ciidamada Puntland shir kula qaatay saraakiisha ciidamada difaaca waxaana kulanka looga hadlayay Tayeynta ciidamada iyo tirakoob kooda. Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, Taliyaha guud ee Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay inay wadadaan qorshayaal kor loogu qaadayo aqoonta Ciidamada iyo Tirakoob-kooda si loo helo ciidamo Tayeysan, Tababaran, kuna filan amniga xuduudaha Puntland.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Saxaafada la hadlay markii ugu horaysay kadib Doorashadii 22 Ogoosto 2019. Madaxweynahu wuxuu ka hadlay Doorashadii Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee dhawaan Jubbaland ka dhacday Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland iyo Afduubka loo haysto wasiirka Amniga Jubbaland mudane Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan waxaa kale oo Madaxweynahu uu ka hadlay Arimaha ammaanka dalka iyo Doorashooyinka 2020 Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay dadweynaha ree Jubbaland sida ay ugu dulqaateen wakhtiyadii adkaa ee Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay socdeen isagoo sidoo kale ku amaanay Hay’adaha amaanka iyo Sarakiishooda sida ay uga soo dhalaaleen shaqadooda…

Read More

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Khamiis ah waxaa ay xukuno kala duwan ku riday rag loo heysto qarax dad badan ay ku dhinteen oo dabayaaqadii sanadkii 2018 ka dhacay Suuqa Kaawo-Godey Ragga loo heysto qaraxaas ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Xasan Cali Barre, Sayid Cali Aadan Nuur ,waxaana Xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada ay sheegtay inay ka dambeeyeen qarixii ka dhacay 26kii Bishii November ee sanadkii 2018 Isgoyska Kaawo-Godey ee Magalada Muqdisho. Maxkamada Ciidamada ayaa xukun dil ah waxaa ay ku riday Xasan Cali Barre,halka Sayid Cali Aadan Nuur lagu xukumay Xabsi Daa’in,,waxaana Maxkamadda…

Read More

Shirweynaha Maalgashiga Puntland ayaa horaanta Todobaadka soo socda ka furmi doona Magaalada Garoowe ee Casimadda Puntland, Iyadoona haatan ay socoto Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro qabsoomida Shirkan. Shirweynahan oo qabsoomaya (15-17) bishan September, ayaa waxaa kasoo qeyb-galaya Marti gaareysa 500 oo qof, kuwaas oo isugu jira Ganacsato iyo Ergooyin ka socda Shirkaddo Ganacsi iyo Dalalka daneeya Maal-gashiga, waxaana la filayaa inay maalmahan soo gaaraan Magaalada Garoowe. Shirkan Maal-gashiga Puntland ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maal-gashi ee ka jira Mandiqada Puntland iyo Kheyraadka Eebbe ku maneystay, waxaana barbar socon doona Shirar doceeydo ay yeelanayaan Ganacsatada iyo…

Read More

Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii. Khabiirka oo lagu magacaabo Professor Paul Williams waxa uu baaritaankiisa asaas uga dhigay 5 Ilo-wareedyo iyo Xogaha Ururka Midowga Afrika ee lacagaha la siiyey Qoysaska kuwii ay jeclaayeen ee la dilay tan iyo markii Ciiddanka AMISOM loo soo daad-gureeyey Somalia sannadkii 2007-dii. Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaaray Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii…

Read More

Wafti uu hoggaaminaayo Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka itobiya gaar ahaan Caasimada Addis Ababa. Safarkan shaqo Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Cabdul qaadir, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi iyo masuuliyiin kale. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Dalka itoobiya gaar ahaan Caasimada Addis ababa kaga qayb gali doona shir ku aadan siyaasadaha iyo dayn cafinta Soomaaliya, waxana qabanaaya Bangiga Aduunka laguna Casumay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Federaalka iyo Wasaaradaha Maaliyadda Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya. Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir waxaa Madaxdan ku saagootiyay Wasiirku Xigeenka…

Read More

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiye ku-xigeenkii Maamulka Somaliland ugu magacownaa Degmada Badhan, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Degmadaas. Ninka la xiray oo lagu magacaabo C/rixmaan Axmed Muuse (Suus), ayaa lagu qabtay howlgal Ciidanka Xasilinta Degmada Badhan, ay ka sameeyeen gudaha Magaalada. Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Puntland oo ku aadan xariga ninkan, waxaana uu xarigiisu kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Degmada Badhan iyo Degaanada kale ee Gobalka Sanaag, ay ka socdeen Howlgallo lagu adkeynayo amniga oo ay wadaan Ciidan dhowaan kasoo baxay Somaliland, kuna soo biiray Dowladda Puntland, Wixii…

Read More

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Mudane Dr Siciid Cabdulaahi Deni oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku maqnaa safar shaqo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Puntland. Garoonka Diyaaradaha Gen Maxamed Abshir waxaa Madaxwaynaha ku soo dhoweeyay Madaxwayne ku Xigeenka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka,Golaha Wasiirada, saraakiisha Laamaha aminga iyo Siyaasiyiin. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka. Kusoo laabashada Caasimadda Puntland ee Madaxweyne Deni ayaa imaanaysa iyadoo la filayo inuu maalmaha soo Garoowe ka furmo Shirweynaha Maalgashiga Puntland.

Read More

Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Dowladda Qatar ayaa Maalmo kahor safar qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Wararka ayaa sheegaya in Abdallah Mohamed Mubaarak Saalax Al-khaliifi iyo saraakiil kale ay booqasho qarsoodi ah ay 8-dii bishan September ku yimaadeen Muqdisho, waxaana ay magaalada ku hoydeen habeen, iyagoo shalay ka dhoofay. Taliye kuxigeenka oo ay wehliyeen Saraakiil kale ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin oo bishii hore si buuxda xilka Taliyaha loogu magacaabay, kaddib muddo sanad ku dhow oo uu Sii haye ka ahaa Hey’adda. Ammaanka Taliye…

Read More

Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa lagu garaacay Goor-dhaweyd Agagaarka Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo ay ku dhaceen madaafiicdu goobo kala duwan. Hoobiyayaashan oo gaaraya illaa saddex ayaa ku dhacay hareeraha Madaxtooyada, waxaana wararku ay sheegayaan in mid kamid ah madaafiicda uu ku dhacay agagaarka Safaaradda Itoobiya ku leedahay xeyndaabka Madaxtooyada. Sidoo kale, Madfaca Labaad ayaa ku dhacay halka lagu magacaabo Kaambada oo ku dhegan Xarunta Taliska Booliska ee Commando Polizio, Iyadoona kan seddexaad uu ku dhacay Xaafada Caga Dhiig. Illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda Madaafiicdan, waxaana inta badan Madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee lagu weeraro Madaxtooyadda sheegata Kooxda Al-Shabaab.

Read More

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku taliyay in wada hadal toos ah lala furo Al-Shabaab, isagoo caddeeyay in haddii uu xal milateri adkaado ay tahay in xal siyaasadeed la furo. Mr Saacid ayaa sheegay in Al-Shabaab la kari waayay, isla markaana ay aheyd in laga guuleysto. “Aniga waxaan qabaa in wada hadal toos lala falo, runtii Al-Shabaab waa dad Soomaaliyeed waa la kari waayay, waxaa fiican in laga guuleysto nabadna wada hadal ku timaato, arrintaas lafteeda lama dhayalsan karo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon. Sidoo kale waxaa uu sheegay in sugida amniga dalka…

Read More

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya Eng, Cabdullaahi Cali Xassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal. Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira. Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale.

Read More

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ayaa shir guddoonka Shirkaasi ku wareejiyay dhigiisa dalka Ciraaq Maxamed Cali Xakiim. Wasiir Cawad oo hadal kooban ka jeediyay Shirka Wasiirada Carabta ayaa sheegay in qadiyada falastiin ay ahaaneyso qadiyada koowaad ee wadamada Carabta ilaa iyo inta laga helayo dowlad madax bannaan oo falastiin leedahay Caasimadeeduna tahay Magalada Qudus. Sidoo kale waxaa uu sheegay in wadamada Carbeed looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa xiisadaha iyo qalalaasaha ka taagan wadamada Carbeed qaarkood,sida Libya,Yemen iyo Suuriya Dhinaca…

Read More

Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay amaro cusub oo laga soo saaray Amniga Caasimada Dowladda Puntland. Gen. Muxyadiin ayaa digniin u diray Ciidanka iyo Shacabka hubka ku dhex qaata Caasimadda Puntland, isagoona tilmaamay inaan la aqbali doonin in hub lagu dhex qaato Magaalada. Sidoo kale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa amray in laga bilaabo 11-Sep, oo ku beegan berri in aan gudaha Garoowe lagu dhex arki karin Kabarada lagu iibiyo Qaadka.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee Dowladda ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland. Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Bangiga iyo hawl-wadeenada Bangiga oo ku gudajira shaqadooda, waxa uu booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay xaruntu.Guddomiyaha Bangiga Cabdicasiis Ismaaciil Boos ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cimaan Karaash…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa Liiska Shaqaalaha Hay’adaha Dowladda Puntland ee ay Wasaaradu ansixisay ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda. Shaqaalahan uu Wasaaradda Maaliyadda Puntland ku wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa tiradoodu gaaraysay 3073 shaqaale, kuwaas oo ka shaqeeya Hay’adaha Dowladda Puntland. Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay inay bishan Mushaahar ay siinayaaan Shaqaalaha ay Wasaaradu soo gudbisay. Si kastaba ha ahaatee, Waxaa kale oo jira shaqaalle intaasi aan ka badan oo aan ansixin ka haysan Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaha Dowladda Puntland.

Read More

Ciidanka Dowladda Federaalka ayaa maanta adkeeyay Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug, Iyagoona waddooyinka qaar ku xiray dhagxaan iyo carro-tuur dhufeys ah, taasoo ku cusub magaalada. Ciidamadan oo dhowaan ay Dowladdu geysay Magaalada Dhuusa-maeeb ayaa dhagxaan iyo carro-tuur ku xiray halka laga galo Madaxtooyada, halka shirka ka socdo iyo waddooyin kale oo muhiim ah. .Ciidamada ayaa xiray wadada gasha xarunta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug, waxaana saaka lagu arkayay Ciidamada oo wadada ku xiray carro-tuur, si aanay gaadiidka ugu gudbin, halka waddooyinka qaar dhinacyada laga dhigay. Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu sugo…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa ay gaareen degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa Garoonka diyaaradaha Magaaladas waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur GalbeedCabdi Casiis laftagareenoo kasii horeeyay,Maamulka Magalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degmada Xudur. Dadweyne kala duwan oo ka kala yimid Xaafadaha degmada xudur ayaa isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Dr Waaberi ee degmada Xudur,halkaas oo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha uu kula hadlo. Ammaanka guud ee degmada Xudur ayaa aad loo adkeeyay,waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada ilaalada…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyoD Dilmuquradiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa si adag uga hadlay xaalada siyaasaddeed ee Soomaaliya iyo nidaamka Federaalka. Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee haatan jirta aysan ka go,neyn hir-gelinta nidaamka Federaalka, isagoona tilmaamay in loo baahan yahay in laga dhabeeyo wixii lagu heshiiyay. Sidoo kale, Wasiir ayaa tibaaxay in Dastuurka Dalka uu hareermarsan yahay nidaamka Federaalka ee lagu heshiisayay, taas oo uu sheegay inay tahay arrimaha illaa hada taagan. Wasiir Arrimaha Gudaha, Federaalka iyoD Dilmuquradiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu shalay ka qeyb-galayay…

Read More

Xiisad u dhexeysa Ciidanka Maamulka Somaliland iyo Shacabka ayaa ka taagan Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, Iyadoona Ciidanka Boolisku ay xabsiga u taxaabeen Dad Shacab ah. Dadka la xiray oo tobaneeyo kor u dhaafaya ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidanka Maamulka Somaliland oo wada howlo burburin ah, kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in dadka la xiray oo isugu jira rag iyo Dumar ay xalay ku hoydeen Saldhiga Booliska Magalada laas-caanood, hayeeshee ay saldhiga tageen qaar ka mid ah Odayaasha laas-caanood,balse ay ku guul dareesteen dadaalo…

Read More

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ayaa xalay ku dhacay Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degmada Garbahaareey, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan hal Saacad. Dadka Degmada Garbahaareey ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen. Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay…

Read More

Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa howlgal ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay Bartamaha magalada Johannesburg waxaa ay ku qab qabteen dad la sheegay in si Sharci darro ah ku joogeen dalkaas. Dadka la xiray oo ah Ajaanib ayaa ilaa iyo hadda la sheegay inay gaarayaan 29 ruux,kuwaas oo boolisku sheegeen inay heysan warqada u ugolaaneysa inay dalkaasi ku noolaadaan,isla markaana baaritaano kale oo dheeri ah lagu sameyn doono. Sarkaal u hadlay booliska Koonfur Afrika ayaa sheegay in dadla la xiray dhamaantood ee Sharci la’aanta ah qof waliba dalkii uu ka yimid dib loogu celin doono,sidoo kalena ay sii…

Read More

Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay maanta in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%. Warbixin uu soo saaray maanta Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka kororka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sano ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka. “Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sanadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor,dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka.…

Read More

Xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaah iyo Dayactirka Tuulada Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta-Nabada Gobolkan Banaadir. Garoonka Stadium Muqdisho waxaa Galabta booqday Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahadsi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen Wasiirka Dhalinyarada & Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye,wasiirka Warfaafinta Maareeye & guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish iyo kuxigeenkiisa Amniga iyo Siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howshii dhismaha & Dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan,isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyaan,waxana uu sheegay inaysan jirin…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta kormeeray xarunta Hay’adda Shaybaarka Sharciga ah ee Dowladda Puntland “Puntland Forensic Science”. Hay’adda Forensic Science ayaa ah xaruntii ugu horeysay ee nooceeda laga hirgeliyo Soomaaliya, Xaruntan ayaa iyadoo adeegsanaysa Cilmiga Sayniska baarta kiisaska sida danbiyada, Hidasidaha DNA , Raadadka faraha iyo wax kasta oo lagu ogaan karo baaritaano loo aadeegsaday Saynis-ka. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystey Masuuliyiinta Xarunta, wuxuuna kormeeray qeybaha kala duwan ee ay Xaruntu ka koobantahay. Xaruntan Forensic Science ayaa ah xarunta ugu weyn ee Soomaaliya lagu baaro Hidasidaha DNA iyo…

Read More

Xeer ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xasan Ow-cismaan, ayaa beeniyay warar been abuur ahaa oo lagu faafiyay baraha Bulshada, kuwaas oo sheegayay in lasii daayay Raggii xukumanayaasha ahaa ee kadanbeeyay dilkii iyo kufsigii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah, kuna nooleyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Xukumanayaashan ay gacanta ku heyso Dowladda Puntland, ayna sugayaan in lagu fuliyo Xukunkii ay ku rideen Maxkamadaha Saddexda Darajo.

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, wuxuu bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyay Xafiis ay leedahay Wasaaradda arrimaha dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray. Furitaanka…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa Degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug ku qabatay Kulan doodeedka bulshada ee Arrimaha Dowlad wanaaga iyo isla xisaabtanka ee Degmada Bursaalax. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa ka qeyb galay kulankan oo ujeedadiisu aheyd sidii bulshada loo gaarsiin lahaa daadejinta Dowlad wanaaga iyo Isla xisaabtantka bulshada iyo Maamulka Degmada Bursaalax. Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa Goob-joog ahaa Agaasimaha waaxda Dowladdaha Hoose Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Gooje-Cade, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Gobolka…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa dib loogu fasaxay shaqadiisii, kaddib markii shalay shaqo joojin ku sameeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Karaash. Talaabadan ayaa ka dambeysay dadaalo ay sameeyeen Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Masuuliyiin kale oo horey xilal uga soo qabtay Puntland, kuwaas oo isla goortiiba ku baxay khilaafka Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Karaash uu ka carooday amar diidooyin uu sameeyay Wasiirka Maaliyadda oo ah Saaxiibka dhow ee Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaas oo dabiib caafimaad u jira dalka Dibeddiisa. Wararka ayaa intaas ku…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntlandd ahna ku-simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciianka Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse (Gacmey), isagoona sidoo kale geliyay xabsi guri. Amarka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa yimid kaddib markii Gen. Muxyadiin uu iska diiday ka qeyb-galka kulan uu iclaamiyay Madaxweyne Karaash, kaas oo ay ka qeyb-gali lahaayeen Hay’adaha Garsoorka iyo Hay’adda Xaquuqul Insaanka. Kulankan oo shalay baaqday ayaa looga arinsanayay xad-gudubyada ka dhanka ah Bulshada iyo Shuruucad, kaas oo lagu soo oogay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, ayna ugu waa weynaayeen; Dilkii Ninkii ugu danbeeyay ee Xeebta Bosaso ku dhintay.iyadoon hay”adaha…

Read More

Talyihii ilaalada Canshuuraha Gobolka Bari ayay dhaawaceen shaqaale ka tirsan Shirkada Gaas-ka siisa Diyaaradaha ee Garoonka Boosaaso, Iyadoo haatan lagu dabiibayo Taliyaha mid kamid ah Isbitaalada Boosaaso. Dhaawaca Taliyaha oo ka gaaraya dhanka surka, ayaa yimid kaddib markii Shaqaalaha Shirkada Dalmar laba ka mid ah ay gudaha garoonka ka bilaabeen qodida god aysan la socon laamaha Ammaanka. Wararka ayaa sheegaya in intaas kaddib uu goobta gaaray Talyaha ilaalada Canshuuraha, isagoona ku amray inay joojiyaan qodista, balse way ku amar diideen sidaa ayuuna ku bilowday muranka gaaray gacan ka hadalka. Ilo xog-ogaal ah ayaa kusoo waramaya in dhaawaca soo gaaray Taliyaha…

Read More

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degamda Buulo-Burde ayaa waxaa la sheegay inay fashiliyeen qarax lagu Aasay wado muhiim ah oo ku taalla Bartmaha degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miino lagu Aasay Xaafada Ceel-Gaabta oo ah suuq lagu Iibiyo Jaadka(qaadka), isla markaana dad ku sugan suuqaas ay kusoo wargeliyeen Miinada la Aasay. Mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Guddoomiye kuxigeenka degmada Buulo-Burde Cismaan Geedi cilmi oo tegay goobta qaraxa laga soo saaray ayaa Shacabka ka codsaday inay la Shaqeeyaan Ciidamada si loo sugo Amniga guud ee…

Read More

Inta badan dunida Islaamka ayaa sooma soonka sunada ah ee loo yaqaano yowmul Caashuuraa,taasi oo ay kaga dayanayaan rasuulkeena Suuban Naxriis iyo Nabadgeliyo korkiisa ha ahaatee,kaasi oo faa’iido weyn u ah umadda Muslimiinta oo Alle kaga dembi dhaaf dalbanaya. Hadaba maqaalkan kooban oo ay diyaarisay Wakaaladda SONNA ayaan bulshada ugu faah faahin doonaa si kooban faa,iidada ay leedahay in la soomo maalintani oo ku began beri oo taariikhdu ay tahay 9/9/2019 ama Hijiriyada 10 bisha Muxaram sanadka 1441. Maalinta (Caashuura) waa Maalinta Sagaalaad ee bisha Muxarram ama Soomaalida ay u taqaano (zako) waa Maalintii Alle uu badbaadiyay Nabi Muuse iyo…

Read More

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gadiidka iyo Guriyaynta Puntland Axmed Bashiir Muuse oo ay weheliyaan Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Camir, Duqa Degmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan, Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdiqaadir Jaamac dirir ayaa kormeer shaqo iyo booqasho ku tagay qaar ka mid ah xafiisyada dawlada iyo wadooyinka ka mid ah mashaariicda JPLG oo sanadkaan laga hirgelinayo Magaalada Qardho. Ugu horayn wasiirku wuxuu booqday xarunta ay ku shaqayso Wasaarada Hawlaha Guud iyadoo ay ka socoto shaqada maalin laha ah, wuxuu u kuurgalay qaabka ay bulshada ugu adeegaan, wuxuu warbixino ka dhagaystay masuuliyinta…

Read More

Odayaasha dhaqanka Goblka Hiiraan oo goor-dhaweyd Saxaafada kula hadlay Magaalada Baladweyne, ayaa kasoo hor-jeestay qorshe ay Dowladda Federaalka dooneyso inay uga qaado Beledweyne ciidamo cusub oo dhowaan tababar loogu soo xiray Magaaladaas. Dowladda Federaalka ayaa amartay in laga raro Magaalada baladweyne Ciidanka oo ah kuwo aan weli la qalabeyn, lana geeyo Magaalada dhuusmareeb. Odayaasha ayaa amray in si deg deg ah ay Beledweyne ugu baxaan Saraakiisha uu hoggaaminayo Taliyaha Qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Qooje, kuwaas Dowladdu ay u dirtay qaadista Ciidamadan ee hada baladweyne jooga. Sido kale, Odayaasha ayaa Dowladda Federaalka ku eedayay fargali qaawan oo ay ku…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu eedeeyay inuu Shuruudo ka dhan ah jiritaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu hor-dhigay Odayaal ka tagay Degaanada Gobalka Gedo, si ay ugala hadlaan DFS sii deynta Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Calinuur (Janan), kaas oo dhowaan Dowladdu ka qabsatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Gudoomiye kuxigeenkii Guddiga Doorashooyinka Jubbaland Ahmed Maxamuud oo kamid ahaa xubno u tagay Muqdisho wada xaajoodka sii deyn Cabdirashiid Janan, ayaa sheegay in Madaxwene Farmaajo uu shuruudo Siyaasadeysan oo ku wajahan kala qeybinta Jubbaland ku xiray sii deynta Wasiirkii Amniga Jubbaland, wallow uusan abaarin waxa ay yihiin Shuruudahaas. Wararka ayaa…

Read More

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland ayaa soo gabagabaysay Dhismaha Golaha Degaanka Degmada Ufayn ee Gobalka Bari, iyadoona xalay la qabtay Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Cusub ee Ufeyn. Doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa oo ahayd mid ay dadka reer Ufayn Goobjoog ka ahaayeen, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo horumarinta Qoyska, Agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Isu-duwaha Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee Gobolka Bari, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Bari, isimo uu kamid yahay Beeldaajiye Cali Faarax, Nabadoono, Haween, Culimo,…

Read More

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa saaka Howlgallo kala duwan ka wada Wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ee Shabeellaha Dhexe. Howlgalkan ayaa yimid kaddib markii shalay gelinkii dambe Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay agagaarka tuulada Gololeey, iyada oo qaraxaasi uu ka dhashay khasaaro kala duwan., Ciidamada oo wata  Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka sigaar ah uga wadaan Tuulooyinka laamiga saaran, sida Gololeey, Isgoys ilaa tuulada Qalimow oo 30-KM u jirta degmada Balcad, waxaana dadka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey,kaas oo ka dhacaya Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka. Wasiirka Wasaaradda Qosrehynta ee Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa xaqjiijiyey in Madaxweyne Farmaajo uu shirkaasi Sanadkaan ka qeyb-galayo, xilli uu ka hadlay shir ay Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Wakiilada Beesha Caalamka. Wasiir Jamaal waxaa uu sheegay in shirkii Baydhabo loogu diyaar garoobayay shir ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Wakiilada Beesha caalamka  dhawaan kaas ooo ka dhacaya Magalada Muqdisho horaanta Bisha soo socota iyo Shirka Guud ee…

Read More

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puuntland S/gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo saraakiil sarsare oo ka mida ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag. S/Gaas Yaasiin ayaa salaan sharaf ka qaatay Cutubyo katirsan Ciidanka Difaaca Puntland ee ku sugan Degmada Xiingalool, isagoona ammaan iyo bogaadin u jeediyay Ciidanka oo uu sheegay inay yihiin Geesiyaal dalkooda difaacisa u diyaar ah.

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland. Kulanka uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo Guddiga Aminga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi. “Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga, shirkaas waxaa Shir-guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirka waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo…

Read More

Wafdigan uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka  Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan wasiiro iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo mas’uuliyiinta Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,maamulada gobolka,kan degmada Baydhabo,odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Inta uu joogo halkaasi wuxuu la kulmi doonaan madaxda Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanadaasi,iyadoo magaalada laga dareemayo soo dhaweynta wafdiga raiisul wasaaraha. Boorar ku xardhan sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu dhejiyay waddooyinka iyo meelo badan oo…

Read More

Wargayska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa daabacay Maqaal dheer uu kaga waramayo khliaaf xoogan oo soo kala dhax galay Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda Monica Juma. Munica Juma ayaa lagu eedeenayaa in ay ku fashilantay arimo badan oo dhanka dimlomaasiyada dalka Kenya ah, taas oo ay ugu wayn tahay fashilka xoogan ee kaga soo food leh Kiiska Muranka Kenya ay galisay badeena iyo kursiga aanan rasmiga ahayn ee Golaha Ammaanka QM, kaas oo ay kula tartamayaan dalka Jabuti.. Sidoo kale, Mrs. Juma ayaa loo haysto inay magacawday xirfadyahano aanan qibrad wanaagsan u lahayn…

Read More