Dowladda Puntland ayaa beenisay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu baahiyay Baraha Bulshada, kuwaas oo ku aadan in diyaar hub ah ay ka degtay Magaalada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Taliyaha Ciidanka Garoonka diyaaradaha ee Qardho Sharmaake Ciise, ayaa been abuur ku tilmaamay in garoonka diyaaradaha ee Qardho laga dajiyay diyaarad hub ah, waxaana uu xusay in warkaas ay baahiyeen dad diidan daganaanshaha iyo hormarka Puntland.
Author: Jibril Qoobey
Guddiga Amniga Jubbaland ayaa war saxaafadeed ka soo saaray xariggii Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kaasoo shalay Ciidamada Booliska ay ku xireen Garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday Addis Ababa. War saxaafadeedka ka soo baxay Guddiga Amniga Jubbaland ayaa lagu sheegay in xarigaas uu yahay mid aan raad ku laheyn sharciga, xuquuqda muwaadinka iyo xasaanada Mas’uuliyiinta, waxaana ay ugu baaqeen in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Mr. Janan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xarigii shalay loogu geystay Muqdisho Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), xilli uu transit ku ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, kuna sii jeeday Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyay xariga Wasiirka, waxaana uu sheegay in Wasiirka loo heysto dambiyo kala duwan uu ka galay Bulshada ku nool Gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee la deriska ah. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), ay muddo…
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh, ahna Xildhibana ka tirsan Golaha Shacabka ayaa dowladda uga digay inay afduubato doorashada si ay u saarto shaqsi ay dowladda Soomaaliya wadato. Xildhibaan Odawaa oo ah Musharax u taagan Hoggaanka Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in isagu uu yahay shaqsi uga aqoon badan dowladda soo dhisida Maamul, waxaana dowladda uu ka dalbaday inay tixgeliso rabitaanka Shacabka deegaannada Galmudug. Dadka odarasa Siyaasadda Soomaaliya, ayaa aaminsan in sababta Dowladda Federaalka ay xooga u saartay Arrimaha Galmudug ay tahay inay soo saarato shaqsi taagersan Dowladda si uu…
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa War Saxaafadeed ka soo saartey warkii ka soo baxay golaha wasiirada DFS kaas oo ku aadanaa Doorashadii Jubbaland iyo xayiraadda duulimaadyada magaalada Kismaayo ee ay dowladda federaalku kuso rogtay.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Xuseen Cismaan Lugatoor, oo maanta kormeeray Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa sheegay in Dowladdu ay dib u casriyayn doonto Garoonka.
Wasiirka Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan ayaa la xaqiijiyay in lagu xiray Garoonka diyaaraddaha ee Magaalada Muqdisho. Wasiir Janan ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa degmada Dolow ee gobolka Gedo, halkaasi oo kulamo kala duwan ka waday. Ilo ka tirsan Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Wasiirka lagu xiray Saldhig ku yaalla Gudaha Garoonka Muqdisho, islamarkaana la qabtay xilli uu Transit ku ahaa Garoonka Muqdisho, kuna sii jeeday magaalada Addis Ababa. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay tageen garoonka, islamarkaana halkaasi ay ka jirto dhaqdhaqaaq ka dhashay xariga Wasiirka. Wixii…
Boqolaal dadweyne ah ayaa maanta dibadbaxyo ka dhigaya Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland, iyagoo kasoo horjeeda burburinta Dowlada Federaalka ah ay ku hayso nidaamka Dowladnimo ee Jubbaland iyo xayiraada ay kusoo rogtay dadka shacabka ah. Dadweynaha dibad baxa dhigayay ayaa socod dheer ku soo maray wadada halbowlaha u ah magaalada Kismaayo, iyagoona ku dhawaaqayay erayo ay uga soo hor-jeedaan cunaqabataynta ay DFS ku soo rogtay deegaanada Jubbaland. Sidoo kale, Dadka banaan-baxa dhigaya ayaa watay hal ku dhigyo ka turjumaya dareenkooda sida “Go’doomin Gobol guul miyaa” “Diyaarad joojin Dowladnimo miyaa” iyo “Federaalka faham buu kaa rabaa”.
ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 3 Malyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan 9 gobol ee Puntland. Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis), Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daaweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweyne ku-xageenka dowladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiir soo daaweyndoona 3 Malyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maalmahan u joogay dalka Japan ka qaybgalka Shirweynaha 7aad ee Horumarinta Afrika (TICAD7) ayaa maanta wada-hadallo labo geesood ah kula yeeshay magaalada Tokyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzo Abe. Wada-hadallada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Shinzo Abe ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, shaqo abuurka dhallinyarada, maalgashiga beeraha, xoolaha iyo kalluumeysiga, tababarka ciidanka Booliiska iyo taageeridda Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Soomaaliya. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtidooda ku aaddan ka miro-dhalinta qorsheyaasha wadajirka ah ee Afrika iyo Japan ee lagu jaangooyay muddada saddexda sanno ah ee soo socota iyo…
Kolanyo cusub oo katirsan Ciidanka AMISOM ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Ciidanka cusub ee gaaray Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay inay yihiin Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, kuwaas oo kasoo baxay saldhigyo ay ku lahaayeen Degaano katirsan Gobalka Hiiraan. Saraakiil katirsan Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa ku soo dhaweeyay Ciidanka oo wata gaadiidka dagaalka iyo kuwa gaashaman banaan Dhuusa-mareeb, iyadoona loo galbiyay gudaha Magaalada. Ciidankan cusub ee saaka gaaray Dhuusa-mareeb ayaa ku biiraya Ciidan katirsan Howlgalka AMISOM, kuwaas oo shalay gaaray Dhuusa-mareeb.
Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa saaka bilowday dhameystirka qeybo ka banaanaa Buundada Garoowe, kaas oo walaac ku hayay Bulshada ku dhaqan Caasimadda. Dhismaha ay saaka bilowday Dowladda Hoose ee Caasimadda, ayaa ahaa qeybo ka banaanaa tiirarka saree e ku yaalla Buundada, waxaana dhowaanahan socday saameynta Shubabka, oo loo naqshadeynayo qaabka hore ee inta kale loo waxeeyay. Duqa Caasimadda Puntland Axmed Siciid Muuse (Barre), ayaa bartiisa Faceboo kusoo qoray “Saaka Waxaynu bilownay Buuxinta Goobihi ay ka banaaneyd Buundada Caasimada, waxaana u mahadcelin shirkadda dhismaha ee Albashid Construction Company – ACC oo Shaqadan si iskaa wax u qabso…
Xalada Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, ayaa maanta degan, kaddib xasarado siyaasadeed oo todabaadkii lasoo dhaafay ka taagnaa Magaalada. Kulamo u dhaxeeya Odayaasha dhaqanka, Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna iyo kuwa Dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka socday Magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo looga arinsanayo xaalada kasii dareysa ee Maamulka Galmudug. Inta badan Kulamada ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo xoojin lahaa Wada shaqeynta Ciidanka AMISOM ee tagay shalay tagay Magaalada Dhuusa-mareeb iyo Ciidankii horay ugu sugnaa Dhuusamareeb. Ciidanka AMISOM ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa saldhigyo ka sameystay goobo ay ka mid yihiin Garoonka Diyaaraddaha ee Dhuusamareeb, waxaana taas ay u muuqataa in…
Warar dheerada ah ayaa ka baxayo weerar bam-gacameed ah oo xalay lagu qaaday saldhiga Ciidamada Booliska Maamulka Hirshablle ay ku lee yahiin Xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar Weerarkan ayaa sida la sheegay waxaa ku dhaawacmay labo quf oo mid kamid ah uu yahay qof Shacab ah, kaas oo ka ag-dhowaa saldhiga Booliska Hirshabelle ee la weeraray. Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqaleen jugta qaraxa, kaas oo ay xigtay rasaas xooggan, waxaana ay intaas ku dareen inay arkeen dhawac hal askari iyo quf dhalinyaro ah oo goobta saldhiga xiligaas joogay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha…
Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in Guud ahaan la joojin doono Viisihii laga qaadan jiray Magaalada Wajeer, taas badalkeena baaris lagu sameyn doono Magaalada Wajeer oo ay ku hakan doonto Diyaarada ka baxda Muqdisho. Warqad kasoo baxday Waaxda socdaalka dalka Kenya ayaa lagu caddeeyay in Viisaha dal ku galka laga qaadan doono Garoonka Jummo Kenyatta ee Magaalada Nairobi,islamarkaana baaritaano Amni oo xooggan lagu soo marsiin doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed Wajeer. Amarkaan ayaa si gaar ah u sameyn doona dadka haysta Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya, waxaana dadka Soomaaliyeed ee aadaya Kenya ay la kulmi doonaan caddaadis weyn iyo Waqti lumis ka badan…
Wararka ka imaanaya degaanada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika AMISOM ay gaareen Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Ciidankaan ayaa u jeedkoodu yahay in ay si buuxda ula wareegaan Ammaanka garoonka Diyaaraddaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, islamarkaana ay caawiyaan Ciidanka dowladda ee Dhuusamareeb la geeyay. Ciidankaan ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan, waxaana ay ku hakadeen maanta Matabaan, halkaasoo ay ka baxeen galabta Xilli dambe. Ciidanka AMISOM ee gaaray degaanada Galmudug ayaa isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan, waxaana talaabadan ay kusoo aadaysa, Iyadoo maanta Dhuusamareeb uu gaaray Taliyaha…
Wefti balaaran oo ka kooban 10 wasiir, wasiir ku xigeeno, Xildhibaano, Agaasimayaal, siyaasyin, Shaqaale iyo aqooon yahan oo uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dimuquradiyeynta Dowlada Puntland Maxamed C/raxman Dhabancad ayaa gaaray Degmada Baran ee xarunta Gobalka Sanaag, Weftiga ayaa ka kooban Wasiirka Amniga, Wasiirka Caafimadka, Wasiirka duulista Hawada iyo Garoomada , Wasiiru Dowlaha Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Shaqada, Shaqalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha iyo Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradaha Warfaafinta, Agaasimaha Waaxda Dimuquradiyeynta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Xildhibaano iyo Shaqaale katirsan Dowladda Puntland. Ujeedka Safarka Wasiirada ayaa ku saabsan u…
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa intii lagu guda-jiray kaltanka todobaad ee Shir Madaxeedka TICAD ayuu shir doceed la yeeshay dhiggiisa Japan Mudane Tarō Kōno, isaga oo kala hadlay habkii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka, waxa uuna bogaadiyay mowqifka Japan ee taageeridda Soomaaliya iyo tubteeda horrumarineed. Wasiir Cawad ayaa xubin ka ah wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ka qeybgalaya Shir Madaxeedka todobaad ee TICAD ee ka furmay Magaalada Yokohama, Japan, oo soconaya inta u dhexeysa 28-30 August. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Japan ayaa waxa ay garwaaqsadeen muhiimadda weyn…
Kooxda Al-Shabaab ayaa beenisay inuu katirsan yahay Nin Duhrnimadii shalay oo Khamiis aheyd ay Hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ay soo bandhigtay Sawirkiisa, kaas oo ay sheegtay Hay’addu in uu ka tirsanaa Warbaahinta Ururka Al-Shabaab. Qoraal lagu daabacay Barta twitter-ka Hay’adda ayaa lagu sheegay in sarkaakaas lagu soo qabtay Howlgal ka dhacay degmada Howl-Wadaag ee Gobolkan Banaadir, hayeeshee Warkaasi waxaa beeniyay Al-Shabaab. War ay Al-Shabaab ku daabaceen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka, ayaa ay ku sheegeen in Ninka NISA ay soo bandhigtay sawirkiisa uusan ka mid aheyn Warbaahinta Al-Shabaab, isla markaana wax aqoon ah u laheyn. Sidoo kale, Kooxda…
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane. Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ka dalbaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka mudada soo jiitamayay ee Jubbaland iyo Dowladda Federaalka.
Dowladda Puntland ayaa Dhagax-dhigtay Bar loo Rari-doono Kantaroolka Koonfureed ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland oo Qiyaastii meel 15 Km jirta la geeyey, kaddib markii uu kobac xoog leh u ku dhacay Magaalada.
Madaxweyne Ku-xigeenkad dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay arrimo muhiim ah. Af-hayeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Jaamac Yuusuf Jaamac (Deprani) ayaa ka warbixinaya.
Cabdiqaadir Cabdi Sharaay oo ka mid ahaa kooxaha Mucaaradsan nidaamka Dowlad-Goboleedka Jubbaland oo meel fagaare ah kula hadlay boqolaal ka mid ah shacabka Jubbaland, ayaa sheegay inuu ka tanaasulay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo ay u caleema-saareen kooxaha Mucaaradka ah. Cabdiqaadir Cabdi Shareeye ayaa sheegay in uu u tanaasulay danta iyo midnimada shacabka isagoona ku baaqay in laga wada shaqeeyo xasiloonida Jubbaland. Ugu dambeyntii, Mr. Shareeye ayaa ku amaanay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, sida dulqaadka iyo mas’uuliyadda leh ee uu uga saaray Jubbaland xaaladihii adkaa ee ay soo martay.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo ka hadlayay Degmada Hobyo oo uu ka socdo Shirka Wada-tashiga Beesha Habar-gidir, ayaa sheegay in Dowladda Federaalku Soomaaliya aysan ka wadin Magaalada Dhuusamareeb dib u heshiisiin. Madaxweyne Xaaf ayaa ku tilmaamay howsha Dhuusamareeb ay Dowladdu ka wado in ay tahay seminar, wuxuuna xusay in loo baahan yahay dhab u heshiisiin in ay ka dhacdo Degaanada Galmudug.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladdda Puntland, ayaa dib ugu soo celisay Darajada (B), Lix degmo oo uu Magacaabay Madaxweynihii Hore ee Puntland Dr. C/rixmaan Faroole sanadaha 2013-ka, kuwaas oo dhowaanahan ay Wasaaraddu u qoreysay Darajada (C).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. “Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada, ama ku socda Kismaayo ay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Go’aankan oo kasoo baxay Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in uu la xiriiro hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Kismaayo. Tallaabadan ayaa u muuqata miday dooneyso Dowladda Federaalku inay culeys ku saarto Dowlad Gobaleedka Jubbaland, oo horey Masuuliyiinta DFS uga mamnuucay Kismaayo intii lagu jiray doorashadii Axmed Madoobe. , balse shalay dib ugu fasaxay Degaanadooda. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya inay dooneyso Dowladda Federaalku inay ku carqaladeyso caleema…
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho waxaa haatan ka socota Xaflad lagu daah furayo duulimaad toos ah oo diyaaradda Uganda Airlines ay ka bilaabeyso Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka. Munaasabadda ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,mas’uuliyiinta Shirkadda Uganda Airlines,qaar ka mid ah safiirada dalalka Caalamka u fadhiya Soomaaliya & mas’uliyin kale, iyada oo Diyaarada Uganda Airlines Maanta kasoo degatay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Munaasabadda ayaa waxaa lagu shaacin doonaa in hadda wixii ka dambeeyay ay diyaaradda Uganda Airlines duulimaad toos ah ka bilaabeyso Magalada Caasimadda Soomaaliya ah ee Muqdisho, iyada oo ay jireen Shirkado…
Danjiraha Qaramada Midoobey u fadhiya Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Abuukar Daahir Cusmaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku bogaadiyay diidmada Golaha Ammaanka ee qaraarka tirsigiisu yahay 1267. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta diidmo ugu codeeyey qaraarkaasi oo lagu doonayay in kooxda Al-Shabaab loogu daro Liiska Argagixisada caalamiga ah. “Shabaab waa urur argagisixo ah oo taasi muran kama taagna, oo waxaa jiray qaraaro ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka soo saareen sida kan tirsigiisu yahay 751 kaasoo lagu wiiqayo awoodda Alshabaab iyo dhaqaalaha ay ka sameeyaan dhuxusha. Haddaba kan kaliya haddii la fuliyo waxa uu ku filan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac. Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay hadimo sharafeed qado sharaf ah oo uu u sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenkii jore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey. Qodo sharafta ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland. Kulanka Qado Sharafta ah oo daaranaa soo dhoweyn iyo is-xog wareysi ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo si gaar ah Puntland, waxaana uu ku soo idlaaday kulaankaasi guul.
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socda hay’adda UNICEF. Saraakiishan oo uu hogaaminaayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNICEF Mr. Werner Schultink ayaa waxaa kulanka ay la qaateen ku-simaha Madaxweynaha Puntland looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka ay Hay’addu ka waddo gudaha Puntland, warbixino iyo in mashariicda ay Hay’addu fuliso lagu saleeyo baahiyaha bulsho ee dalka ka jira. Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa soo dhoweeyey weftigani, waxaana uu ku amaanay mashaariicda wax ku ool ka ah ee ay dalka ka hayaan, Madaxweyne Karaash waxa uu ku bogaadiyey…
Kulan aan loo kala kicin oo tan iyo galabta ka socday magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xarunta Madaxtooyada Inji ayaa hadda soo gaba gaboobay. Kulanka oo u dhaxeeyay hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa looga arinsanayey xaaladda cakiran ee Galmudug. Hoggaamiya Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan ayaa tanaasulay, waxuuna arimaha socda ee dhismaha maamulka Galmudug wakiil uga dhigay Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire Al-ashcari.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo labo maalin kahor gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya ayaa soo gaba-gabeeyay kulamo xasaasi ah oo uu halkaas kula lahaa Madaxdii ka horeysay ee Dowladda Puntland iyo Siyaasiyiinta Degaanada Puntland iyo Galmudug. Madaxweyne Deni ayaa kulan dheer oo saacado qaatay shalay la yeeshay Madaxweynihii xilka ku wareejiyay bilo kahor ee Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, kaas oo ay ka wada-hadlayeen Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaliya, Hab-dhaqanka Xukuumadda Federaalka ee fadhida Xamar iyo sidii Puntland ay u xoojin laheyd Doorkeeda arrimaha Siyaasadda gudaha iyo Dibedda. Kulanka ayaa intii uu socday…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 7aad ee Madasha Iskaashiga Afrika iyo Japan oo ay marti gelisay magaalada Yokohama. Furitaanka Shirka oo ay wadajir u guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Japan Mudane Shinzō Abe, Madaxweyne sharafeedka iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Mudane Muuse Faqi ayaa la isla qiray muhiimadda shirkan uu u leeyahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha dalalka Afrika. Shirarka Madashan ayaa inta ay socdaan waxaa lagaga arrinsan doonaa shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo qiimeynta miro-dhalka mashaariicda Qaramada Midoobey iyo Japan ay wada jirka…
Boqoradda dalka Ingiriiska, Elizabeth ayaa ansixisay codsi uga yimid ra’iisul wasaaraha cusub ee waddankaas, Boris Johnson, kaasoo dalbaday in la hakad la galiyo howlaha baarlamaanka. Golaha ayaa ayaa la kala diri doonaa maalmo yar ka dib marka ay xildhibaannada bisha September dib uga soo laabtaan fasaxii ay ku maqnaayeen. Shaqada aqalka ayaa hakad ku jiri doonta ilaa marka ay dhowr isbuuc oo kaliya ka harsan yihiin waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay in Britain ay ku gaarto heshiiska ay uga baxeyso midowga Yurub. Waxaa uu go’aanka ku saabsan hakista shaqada baarlamaanka hir gali karaa inta u dhaxeysa 9-ka ilaa…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Islam(Axmed Madoobe) oo labo iyo labaatankii bishan loo doortay Madaxweynaha Jubaland ee afarta sano ee soo socota hogaamin doona Jubaland.
Guddoomiyaha Guddiga la Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid), ayaa sheegay in hadii waqtigii loogu talagalay uu ku dhameystirmo Dastuurku kusoo dhamaan waayo, ay Mas’uuliyadiisa qaadan doonaan Madaxda Soomaalida. Senator Cabdi Qeyb-diid ayaa sheegay in Bisha Decamber ee sanadkan ay u qorsheysan tahay in Baarlamaanka Labadiisa aqal u gudbiyaan Dastuurka ay diyaariyeen, lana dhameystiro, haday dhici weydan ay Masuuliyadaas qaadan doonto ciday ka socon weyday.
Shirweynihii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa lagu soo geba-gebeeyey Magaalada Garowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirweynahan oo ka wada qeyb-galeen Guddiga la Socodka ee dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale(Qeybdiid), Guddiga Madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka, Guddoonada Barlmaanada iyo Guddiyada Dastuurka ee Dawladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana laga soo saaray Qodobbo muhiim ah Shirweynihii 4-aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, ayaa socday muddo seddex maalmood ah ee lasoo dhaafay, iyadoo looga tashanayay cutubyada…
Banaan-baxyo iska soo horjeedo oo ay dhigayeen qeybaha kala dwuan ee bulsahda ku nool Magaalada Dhuusamareeb, ayaa maanta ka dhacay Magaalaas. Banaanbayaasha ayaa u kala qeybsanaa kuwa taageeraya howlaha ay Dowladda Federaalka ka wado deegaannada Dhuusa-mareeb iyo kuwa kasoo horjeeda, isla markaana taagersan Ahlu-sunna Wal-Jamaaca,iyaga oo watay Boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo kala duwan oo iska soo horjeeda. Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala eryeen dadka banaanbaxa dhigayay oo qaarkood ku dhawaaday inay rabshado sameeyeen, maadaama ay ku wada sugan yihiin Magaalo yar. Banaanbaxyadaan iska soo horjeeday ee Maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo…
Shir Madaxeedka 7-aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD), ayaa ka furmay Magalada Yokohama ee dalka Japan, waxaana shirkaan ka qeyb-gelaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Madaxtooyada Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo la-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Balal Maxamed Cusmaan, ayaa shirkan ku matalaya Soomaaliya. Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka…
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo xubno la socda ayaa socdaal aan horay loo sii shaacin ku tagay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Hobyo kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Degmada Hobyo, Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin kuwa ka qeyb galayay shirka ka socda Magalada Hobyo. Xaaf ayaa bulshada ku dhaqan Degmada Hobyo waxa uu kaga mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Hobyo, waxaana uu inta uu joogo Magaalada la kulmi doona qeybaha kala duwan bulshada. Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa sida la sheegay waxaa…
Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta qaaday xayiraadii saarneyd Mas’uuliyiinta Xukuumadda Soomaaliya, intii lagu guda jiray doorashada Jubbaland. Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa laga soo saaray in la qaado xayiraada la saaray Mas’uuliyiinta Xukuumadda ee ku aadanaa in aanay Magaalada Kismaayo imaan karin mudadii ay socotay doorashada. Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka guud ee Kismaayo, waxaana mudadii ay socotay doorashada la joojiyay isu socodka badda, cirka iyo dhulka oo magaalada laga xiray. Khilaafka u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sabab u noqday inuu…
Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland IOM iyo Bangiga horumarinta Afrika ayaa kala saxiixday qaybtii ugu dambaysay ee heshiiska mashruuca biyo galinta magaalada Kismaayo. Saxiixa heshiiskaan waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumud,Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika iyo Saraakiil ka socotay hay’ada IOM. Dhinaca Bangiga horumarinta Afrika waxaa u saxiixay ku xigeenka agaasimaha guud ee Bangiga horumarinta Afrika Mrs. Ninenna.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo uu wehliyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, Sarreeye guuto, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa xerada tababarka ciidamada ee Gen. Goordan ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo tababarayo ka qayb qaadashada howl gallada argagaxisada dalka looga saarayo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo u mahad celiyay macallimiinta Xerada Gen. Goordan ee diyaarinaya ciidamada oo tababarku heer gebagebo ah u marayo, ayaa askarta ku dhiirri geliyay in ay si wanaagsan u dhammeystaan tababarka si ay ugu biiraan ciidamada dalka cadawga ka difaacaya. Ciidamadaan ayaa marka loo dhammeystiro tababarka waxa ay…
Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf oo kamid ah Golaha Wakiiilada Dowladda Puntland, ayaa ku eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Deni inay dayacday Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland. Xildhibaan Xaraf ayaa nasiib daro ku tilmaamay xaalad adag oo ay kusoo arkeen Xabsiga weyn ee Boosaaso, taas oo ah in Maxaabiistu ku xirani saddexdii wakhti hal wakhti wax cunaan.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen. Wasiir Sabriye ayaa markii u horeysay soo bandhigay heshiiskii ay la galeen Ahlusuna, oo ka kooban 10 qodob, waxaana uu sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad goboleed loo dhan yahay. Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in dowladdu ay mar waliba u taagan tahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay
Xaalad kacsanaan ah ayaa Caawa ka jirta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, ka ldib markii maanta Ururka Ahlu-sunna ui ku dhawaaqay inuu burburay heshiiskii ay horey ula galeen dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay waddaan Ururka Ahlu-sunna iyo Dowladda Federaalka ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Dhuusamareeb ku sugan Ciidamo dowladda Soomaaliya ay ka qaaday Magaalada Muqdisho. Kulan deg deg ah oo ay iskugu yimaadeen odayaasha dhaqanka Magaalada Dhuusamareeb, ayaa looga wada hadlay kaalintooda ku aadan xiisadda siyaasadeed ee ka soo dhex cusboonaatay Ahlu-Sunna iyo Dowladda Federaalka. Guddi ka kooban 11 xubnood ayey iska xuleen odayaashu, waxeyna…
Kusimaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan casho sharaf iyo xog waraysi isugu jira la qaatay Madasha Guddiyada Dastuurka dalka, kuwaasoo maalamahan uu shir uga socday magaaaladda Garoowe. Kulankan Cashada ah ee Madaxweyne ku xigeenku u sameeyay Madasha Guddiyada Dastuurka oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Cawaale Qaybdiid, waxaa ka qeybgalay ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada. Madaxweyne Ku-xigeen Axmed Karaash oo khudbad kooban halkaasi ka jeediyay ayaa amaanay dadaalka socda…
Guddiga Golaha Shacabka ee u xilsaaran Diyaarinta Sharciga Doorshooyinka Qaranka ayaa maanta Xarunta UN kulan kula yeeshay UNSOM qeybteeda Integrated Electoral Support Office (IESG). Kulankan ayaa ka mid ah kullamada uu Guddiga la yeelanayo Hay’adaha daneeya Arrimaha Doorashooyinka Qaranka. Kulankan waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guddiga Xil. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab),iyadoo siweyn loogu gorfeyeey arrimo la xiriira diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka.
Shirkii Dib u heshiisiin bulsho iyo dimuquradiyad Waarta oo lasoo gabagabeyey waxana laga soo saaray warbixin ka kooban 9 qodob ee hoos ku qoran, 1: Wasaarada Arrimaha gudaha federalka iyo dimuquraadiyeynta oo sanadka hormuud ka ahayd qabsoomida waxa ay dhamaan u mahadcelinaysa kasoo qaybgalayaashi shirwaynaha, madaxdii kasoo qaybgashay sida Madaxwaynaha Puntland, raisal wasaarihi hore ee Somaliya, wasiirada Arrimaha gudaha maamulada Hirshabele iyo koonfur galbeed, Aqoon yahan ka hayada SIDRA oo asaasatay madasha dooda xagaaga, jamacad PSU oo martigalisay, shirkada maamus iyo dhamaan howlwadeenadi Shirka, 2: dhab u heshiisiin bulsho oo dadka Soomaaliyeed qaybihiisa ay saameeyeen dagalaadii sokeeye waxay asaas u…
Hoggaanka Sare ee Ururka Ahlu-sunna ayaa ku dhawaaqay in uu gebi ahaanba burburay heshiiskii ay la galeen dowladda Federaalka Soomaaliya. Ahlu-sunna ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana go’aankan hadda safaaxadda u akhriyay Agasimaha warfaafinta Ahlu-sunna Ibraahim Xaashi Cosoble.
Taliyaha Qeybta 26-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Maxamuud Maxamed Axmed (Gubadle), oo warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa soo dhaweeyay hadalkii kasoo yeeray Taliyaha Ciidanka Maamulka Somaliland. S/G. Gubadle ayaa sheegay in taliyaha Ciidamada Somaliland Gen Nuux Taani uu kala diray ciidamadii Somaliland, kadib markii uu shaqa ka helay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed), ayaa maanta u amba-baxay Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka. Guddoomiye Dhooba-daareed, oo aan la hadlin Saxaafadda ayaa u jeedada safarkiisa lagu sheegay inuu yahay safar shaqsiyadeed. Wararka ayaa sheegay in Guddoomiye Dhoobo-daareed uu Muqdisho kula kulmayo Madaxda Dowladda Federaalka, gaar ahaan Guddoomiyaasha labada aqal, uuna kala hadli doono wada-shaqeynta Baarlamaanka DFS iyo Baarlamaanka Puntland.
Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha federalka, iyo Dimuquraadiyeynta Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, ayaa kula kulmay Xafiiskiisa Madax ka socoata Hay’adda Max Plunck Foundation oo Hay’add Jarmal Ah, Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa hanaan ka geedi socodka federalaynta dalka, dhamaystirka dastuur ka qabyo qoraalka ah iyo sidii Puntland qayb wayn uga qaadan lahayd dhismaha dowladnimada Federaalka ah ee Soomaaliya. Wasiirka iyo Madaxa hay’dda ayaa kala saxiixday is afgarad wada shaqayneed (MOU) oo ku saabsan hawlaha ee hay’addu kala shaqaynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo dimuquraadiyeynta Puntland.
Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin amniga, dagaal lagula jira Al-Shabaab iyo dhibaatada Ciidamada Kenya ka geystaan dalka. Gen. Barre Hiiraale oo wareysi siinayay Idaacadaha Maxaliga ah, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si loola dagaalamo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa shacabka ka dalbaday in ay taageero u muujiyaan Al-Shabaab, Isagoona arintan sabab uga dhigay in dowlada Kenya ay duulaan ku tahay dalka soomaaliya, awooda jabin kartana ay tahay in Maleeshiyaadka Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.…
Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa Ciidanka Ahlu-sunna ay is hor-taageen Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti laga celiyay degmo ka tirsanaa Gobolkaas. Ciidamo katirsan Ahlu-sunna ayaa la sheegay in Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka soo baxay Magaalada Baladweyne ay ku celiyeen deegaan lagu magacaabo Janta Guundisho oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Ciidanka Jabuuti ayaa doonayay inay guhaha soo galaan Degmada matabaan ee isla gobolkaas,hayeeshee lagu sameeyay is hor istaag,waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Janta Guundisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan deegaanka Janta Guundisho ay ka taagan tahay xiisad dagaal…
Dawladda Kenya ayaa shalay si tijaabo ah u billowday dhoofinta shidaalkii ugu horreeyay oo laga dhoofiyey dekedda Magaalada Mombasa. Goobta laga dhoofinayay shidaalka ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale oo ka tirsan dalkaas. Mashruucan ayaa loo arkaa tallaabo oo ay Kenya ku tijaabineyso wax soo saarkeeda shidaalka kahor inta aysan si rasmi ah u bilabain dhoofinta shidaalka sanadka 2024.