Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale), Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin amniga, dagaal lagula jira Al-Shabaab iyo dhibaatada Ciidamada Kenya ka geystaan dalka. Gen. Barre Hiiraale oo wareysi siinayay Idaacadaha Maxaliga ah, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiligan gacan la siiyo Al-Shabaab, si loola dagaalamo Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Sidoo kale, Barre Hiiraale ayaa shacabka ka dalbaday in ay taageero u muujiyaan Al-Shabaab, Isagoona arintan sabab uga dhigay in dowlada Kenya ay duulaan ku tahay dalka soomaaliya, awooda jabin kartana ay tahay in Maleeshiyaadka Al-shabaab, sida uu hadalka u dhigay.…
Author: Jibril Qoobey
Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa Ciidanka Ahlu-sunna ay is hor-taageen Kolonyo katirsan Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti laga celiyay degmo ka tirsanaa Gobolkaas. Ciidamo katirsan Ahlu-sunna ayaa la sheegay in Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo ka soo baxay Magaalada Baladweyne ay ku celiyeen deegaan lagu magacaabo Janta Guundisho oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Ciidanka Jabuuti ayaa doonayay inay guhaha soo galaan Degmada matabaan ee isla gobolkaas,hayeeshee lagu sameeyay is hor istaag,waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Janta Guundisho. Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan deegaanka Janta Guundisho ay ka taagan tahay xiisad dagaal…
Dawladda Kenya ayaa shalay si tijaabo ah u billowday dhoofinta shidaalkii ugu horreeyay oo laga dhoofiyey dekedda Magaalada Mombasa. Goobta laga dhoofinayay shidaalka ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo xubno kale oo ka tirsan dalkaas. Mashruucan ayaa loo arkaa tallaabo oo ay Kenya ku tijaabineyso wax soo saarkeeda shidaalka kahor inta aysan si rasmi ah u bilabain dhoofinta shidaalka sanadka 2024.
Suudaan ayaa ugu yeertay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay in ay qaaddo xayiraadda ka bixitaanka ciidamada dalkaasi,isla markaana gobolka Daarfuur laga saaro ciidamada nabad ilaalinta ee jooga halkaasi. Danjiraha Qaramada Midoobey ee Suudaan Cumar Maxamed Siddig ayaa shalay u sheegay Golaha Ammaanka ee Q M in la joogo waqtigii laga wareegi lahaa nabad ilaalinta ,loona guuri lahaa nabadaynta Darfur. Danjiraha waxa uu ku baaqay in la soo afjaro xayiraadaha saaran dhaq-dhaqaaqa dowladda ee hubka iyo ciidamada gaar ahaan udaha iyo dibedda gobolka,isagoo intaa ku daray in bisha June ee sanadka 2020-ka la la dhameystiro ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinmta ee…
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgallo ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah uga sameeyeen xaafadda Carafaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana lagu qabtay intii uu socday dad u badan dhalinyaro, kuwaasi oo looga shakiyay falal amni darro. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkaas lagu qabtay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Al-shabaab xili uu ku sugnaa Guri ku yaalla Wadada dayactirka ee Degmada Yaaqshiid. Ciidanka ayaa dadkii qabteen ay isugu geeyay meel barxad ah, waxaana la tilmaamay in qaarkood ay horey usii wateen, in kastoo weli…
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay kulan uu dalka Jabuuti kula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal mar kale ay si wadajir uga hadleen arrimaha Baarlamaanka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii horey u dhexmaray labada Guddoonka,kadib markii uu Khilaaf ka dhex jiray in muddo,hayeeshee xal laga gaaray. Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa uu tilmaamay in labada Guddoonka ay isla garteen inay Baarlamaanka labada Aqal ay si wadajir u wada shaqeyaan,maadama ay horyalaan howlo badan oo u baahan in la dhameystio.
Boqolaal kamid ah Shacabka Soomaalida Ogadenia ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, ayaa u dabaaldagay aas-aaskii Jabhadda Xoreynta Ogadenia oo laga joogo muddo 35 Sano ah. Munaasabad ka dhacday hoolka wayn ee Daawad ayaa waxaa kasoo qayb-galay Mas,uuliyiin ka socotay Ururka gobonimo doonka ONLF oo uu ugu horeeyo Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), Xildhibaano ka socday Dowlad Goboleedka Jubbaland, Odayaasha dhaqanka iyo Marti sharaf kale. Dadkii goobta ka hadlaya ayaa ku dheeraaday Taariikhdii uu soo maray halganka Ogadenia iyo dhibaatadii ay shacabku kala kulmeen gumeystaha. Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), oo ka mid ah xubnaha…
Diyaarado sida Ciidamo, Hub iyo Gaadiidka Gaashaman ayaa saaka ka degay Magaalada Dhuusa-mareeb, sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Magaaladaas. Diyaaradahaas oo gaaraya ilaa Shan ayaa sida la sheegay waxa sidaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Saanad Ciidan, iyada oo Ciidamadaas ay dirtay Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku howlan dhismaha Maamulka Galmudug. Maalmo kahor ayay aheyd markii Magaalada Dhuusamareeb ay tageen diyaarado hub iyo ciidan siday, kuwaas oo la wareegay garoonka Diyaaradaha, Madaxtooyada iyo xarunta la filayo in uu ka qabsoomo Shirka dib u heshiisiinta ee Magalada Dhuusamareeb. Dowladda Federaalka iyo Ururka Ahlu-sunna ayaa isku khilaafay dhismaha Maamulka Galmudug,…
Shirweynaha Afraad ee dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Gudiyada la socodka iyo dib u eegista Dastuurka ee Dowladda Federaalka iyo Dowladdaha xubnaha ka ah. Shirweynahan oo shalay furmay ayaa inta uu socdo looga arrinsanayaa Dhameystirka Dastuurka, waxaana si gaar ah looga doodi doonaa warbixinta soo jeedinta wax ka beddelka cutubyada 10aad ilaa 15aad oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen labada Guddi ee heer Federaal. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed, ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay…
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed, ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay gacan buuxda ka geysanayso Dhameystirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Guddoomiye Dhoobo-daareed ayaa tilmaamay in Puntland ay horey iyo hada Hormuud u aheyd Dowladnimada Soomaaliya, haatana aysan ka tanaasulin taas. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay Shirweynaha Afraad ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya oo shalay ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.
Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo muddo sagaal bilood ku xirnaa xabsi ay leedahay Hey’adda Nabadsugida, ayaa loo wareejiyay Xabsi Guri, kaasoo si gaar ah amnigiisa loo ilaalin doono, sida ay xaqiijiyeen ilo rasmi ah. Wararka ayaa sheegaya in Mukhtaar Roobow la dejiyay guri ku yaala Madaxtooyada, halkaasoo habeenkii xalay ahaa uu ku hoyday, sagaal bilood kaddib oo uu ku xirnaa Xabsiga ay maamusho Hey’adda Nabadsugida. Sidoo kale, Eheladiisa iyo siyaasiyiinta ayaa loo fasaxay inay la kulmaan oo ay booqdaan Mr. Roobow, waxaana uu heli doonaa xoriyad u sahli doonta dhaq dhaqaaqiisa gaarka ah iyo adeegyada uu u baahan yahay. Tallaabadan xabsiga…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD). Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga. Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan…
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo. Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Biyo ka dhashay Roobabkii 48 – Saac ee la soo dhaafay ka da,ay Magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda, ayaa fariistay qayba ka mid ah wadada halbowlaha u ah Magaalada. Dowladda Hoose Kismaayo ayaa saaka bilowday in ay goobaha biyo fariisad ka ah ka nadiifiso biyaha si uu u fududaado isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Gaadiidka qaada booyadaha ayaa lagu arkayay bartamaha Magaalada Kismaayo, Iyagoo Waddooyinka iyo suuqyada ka qaadaya biyaha fariistay, Dowladda Hoose ee Degmada Kismaayo ayaana dadaal ilaalinta bilicda iyo quruxda Magaalada, sida uu sheegay Masuul katirsan Maamulka Dowladda Hoose ee…
Injineerada Shirkadda Kebarco ayaa cabiray wadooyin ku yaalla Garsoor, Buulabaclay iyo Suuqa wayn, kuwaas oo laga dhisayo mashruuca Hay’adda SSF ee Nabaddeynta Puntland iyo Galmudug. Injineerada Shirkadda ayaa Cabirka kaddib, sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabayo dhismaha Waddooyinkan Cusub, kuwaas qeyb ka noqonaya Hormarinta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay xaaladeeda amni wanaagsaneyd ayaa waxaa ka socda Mashaariic Hormarineed, kuwaas oo sare loogu qaadayo Dhaqaalaha iyo Bilicda Magaalada.
Mdaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Siciid Cabdulaahi Deni, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay u amba-baxaan Dalka Kenya. Madaxweyne Deni ayaa Magaalada Nairobi kulan kula yeelanaya xubnaha sare ee Beesha Caalamka, gaar ahaan Safiirada dalal ay kamid yihiin Mareykanka iyo Britain, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi ah. Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo Safiirada Beesha Caalamka ayaa kulankooda si gaar ah uga wada-hadli doona Xaalada amni iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya, Xasaradaha ka taagan qeybo kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, Doorashadii ka dhacay Kismaayo iyo Hirgelinta Nidaamka Dilmuquraadiyadda Puntland. Waxaa ay si gaar ah diirada loogu saari…
Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandoosta Dowladda Puntland ee PMPF iyo kuwa Daraawiish-ta ayaa howlgal balaaran ka sameeyay Buuraha Silsilada Golis ee Gobolka Bari. Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocaydiisa kala duwan ayaa howlgalkooda ku bartilmaameedsanayay Goobo lagu tuhmayay inay ku dhuunaleysanayeen Maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Deegaannada sida gaarka ah howlgallada Ciidamada uga fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah Maraje, Togga Naara, Isha bood, Ceel unkud, Kala dhacda illaa iyo Balqooxle, oo kamid ah Buuraha Galgala ee Gobolka Bari, sida ay sheegeen Saraakiisha Hoggaaminaysay Ciidamada. Taliyaha Ururka 1-aad ee Ciidanka kumaandoosta PMPF Korneyl Ayaanle Faarax Jaamac, ayaa…
Wasiirka Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland Dr. Ismaaciil Diiriye Gamacdiid, ayaa ku dhawaaqay in qeybo kamid ah Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag uu fariistay Ayax Geedi ah. Wasiirka oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa sheegay in Ayax uu si gaar ah ugu degay Buuraleyda Calka, uuna waxyeelo u geysanayo Degaanka. Wasiir Gamacdiid ayaa sheegay in Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland ay diyaarisay Kooxo ka howlgalada Dhulkaas, si looga hor-taggo in waxyeelo ba,an oo Degaanka uu u geysto Ayaxa ku degay, ayna saacadaha soo socda gaari doonaan. Ugu dambeyntii, Wasiirka…
Xisbiyada Wadajir, Ilays, Horusocod Qaran iyo Xisbiga Nabadda oo War-saxaafadeed soo saaray Xaalada Galmudug, ayaa walaac ka muujiyay xaalada siyaasadeed iyo xasarad amni oo ay sheegeen inay ka aloosan tahay deegaanada Galmudug, taasoo ka dhalatay Ciidamo xad dhaaf ah oo dowladda Federaalka u daabuleyso Magaalada Dhuusamareeb. Afarta Xisbi siyaasadeed ayaa sheegeen in amni darro ay keeni karto ciidamada lagu daabulayo Dhuusamareeb, ayna fursad u noqon karto Argagixisada, iyagoo xusay in Dhuusamareeb ay kamid tahay deegaanada ugu nabdoon Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, ayaa kulan looga hadlayey xoojinta Ammaanka iyo ka hortagida falalka lidiga ku ah Amaanka Koonfur Galbeed, la qaatay Sarakiisha Ciidanka Booliska Qeybahooda Kala Duwan. Kulanka ayaa inta uu Socday waxaa looga hadlay sidii la isku dhaafsan lahaa Fikrado lagu xoojin karo Ammaanka iyo sidii Bulshada looga Badbaadin lahaa Dadka Caadeystay Daadin Dhiiga Shacabka Somaliyeed,sida lagu yiri War kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed. Sarakiisha Ciidanka qeybahooda kala Duwan ayaa so Jeediyey Fikrado muhiim ah oo looga hortagi karo falalka ay geystaan Al-Shabaab ay kula Kacaan Dadka Shacabka iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee…
Guddoomiyaha golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka iyo guddoomiyaha Golaha Aqalka sarre ee jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta qasriga madaxtoyada djibouti kulan kula qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Walalaha aanahay ee Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Gelle. Mas’uuliyiintan ayaa iska xogwareystay arrimaha xiriirka labada dal oo ah wadamo walaalo ah,iyo kaalinta dowladda Jabuuti markasta ay la garab taagantahay walaalohoodi Soomaaliyeed. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta kulan la qaatey Guddoomiyaha Barlamaanka jabuuti Mudane Maxamed Cali Maxamed. Masuuliyiintaan ayaa kulankooda uga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriinka labada Baarlamaan. Guddoomiyaasha…
Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Ururka Al-Shabaab, ayaa xalay ka dhacay Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-Burde. Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Buulo-Burte Cismaan Geedi, ayaa sheegay inay dhankooda iska difaaceen weerarkii xalay kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen. Guddoomiye Geeddi ayaa intaas ku daray in rasaasta ay kasoo rideen Al-Shabaab dhinaca Galbeed ee degmada Buulo-Burde, aysana Ciidamada wax khasaaro…
Guuleed Saalax Barre, ayaa loo doortay Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, kaddib kulankoodii ugu horeeyay oo caawa ay Guddigu ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Sidoo kale, Guddiga ayaa guddoomiye ku-xigeenka guddiga u doortay Jaamac Xirsi Faarax, halka Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq loo doortay afhayeenka guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland. Guddoomiyaha cusub ee Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland Guuleed Saalax, ayaa horey u soo noqday Wasiirka deegaanka Puntland, haatanna waa Agaasimaha machadka Sidra,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan soo dhawayn iyo is xog waraysi isugu jiray la qaatay Guddiyada Dastuurka Heer Faderaal iyo Heer dowladaha Xubnaha ka ah DFS, kuwaasoo Maalinta Berrita ah uu Shir uga furmi doono magaalada Garoowe. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa mahad naq kadib Guddiyada Dastuurka kula dar-daarmay inay dar-dargaliyaan howsha loo igmaday.
Shir ay ku yeesheen Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, Wasiirada Wasaaraddaha Hawlaha Guud, Deegaanka, Kaluumaysiga, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Hay,adda Waddooyinka Puntland PHA, ayaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah uu soo food-saaray Degmada Jariibaan ee Gobalka Mudug. Ku-simaha Agaasimaha ahna Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland Cabdirasaaq Maxamed Xayir, oo Warbaahinta u akhiyay Baaq kasoo baxay Shirka ayaa ku dhawaaqay xaalad go’doon ah oo ka jirta isu socodka Degmada Jariiban ee Gobalka Mudug, taas oo ka dhalatay Ciid xirtay waddooyin Degaanka. Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland ayaa sheegay in Go’doonkan soo food-saaray Isu socodka…
Maxawaynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku baaqay in maqaamka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya looga hadlo Garowe, Puntland-na ay fidin doonto gogosha looga hadlayo arintaas. Sido kale, Madaxweyne Deni ayaa Codsaday in wada-hadallada u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya lagu qabto Magaalada Garoowe. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Doodaha la xariira Maqaamka Muqdisho iyo wada-hadallada u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo Dowladda Fedraalka ah ee Soomaaliya, ay yihiin labo arrimood uu caqabad ku noqday Dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Dalka, ayna ka go’an tahay Puntland inay marti-geliso Shirar looga doodayo arrimahaas. Maxawaynaha Dowladda…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillaahhi Deni ayaa furay shirka labaad ee Doodadaha Xagaaga, kaasoo sanadkii labaad lagu qabtay magaaladda Garoowe. Shirkaan oo ahaa mid ballaaran, waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayey Siyaasiyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Madaweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, Goleyaasha heer Faderaal iyo heer dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda dhexe, Aqoonyahano, Cilmi Baarayaal iyo Marti sharaf kale oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni oo khudbad in ka badan 20 daqiiqo socotay shirka ka jeediyay…
Re’iisalwasaarihii Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, oo ka hadlayay Shirka Dib u heshiisiinta iyo Dimuqraadiyadda waarta ee Garowe ayaa uga digay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo karorsi ay sameeyaan. “Muddo kororsi uma baahna maanta umadda Soomaaliyeed, Madax ay dooratey u baahantahay umadeenu, ciddi ku riyoonaysana muddo kororsi waxaan aaminahay ineysan u socon doonin, Dowladda maanta xukunka heysana waxaa looga baahanyahay Doorasho ay umaddu doorato madaxdeedu” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Geeddi Mr. Cali Maxamed Geeddi ayaa intaas ku daray “Xantu waa badantahay Baarlamanka xittaa waxaa ku jira qaar’ aan rajo ka qabin iney soo laabtaan oo leh waa fiicantahay…
Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya inay Goor-dhaweyd ay isaga baxeen Hoggaamiyaashii Ururka Ahlu-sunna. Wararka ayaa sheegaya in Macalin Maxamuud oo ahaa Hoggaamiyaha Kooxda Ahlu-sunna iyo Sh Shaakir oo ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo xubno kale oo katirsan hogaanka Ahlu Sunna ay isaga baxeen magaalada Dhuusamareeb, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo dheeraad ah geysay magaalada Dhuusamareeb Saaka. Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga halka ay u dhaqaaqen Hoggaamiyaasha Ururka Ahlu-sunna, waxaana jira warar sheegaya in u kicintimeen Degmada Guriceel oo Ururku si buuxda gacanta ugu hayo. Saraakiil katirsan Ahlu-sunna ayaa u…
Dawlada Puntland ayaa Ka Jawaabtey Hadal ka Soo yeedhey Taliyaha Ciidamada Somaliland, kaas oo ku aadanaa in Ciidankii dhowaan ka baxay Somaliland kuna biiray Dowladda Puntland ay ahaayeen, kuwo Mushaar oo kaliya ka qaadan jiray Somaliland, balse aan micno ku fadhin. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Musadaq Soomajeeste, ayaa sheegay in Taliyaha Ciidanka Somaliland uu cadeeyay Soomaalida iyo Caalamka in Dadka Gobalada Sool iyo Sanaag ay yihiin Reer Puntland. “Taliyaha Malayshiyaadka Jabhada SNM Nuux Taani wuxuu Umada Soomaaliyeed iyo Caalamka u cadayey maanta in ay Reer Sanaag iyo Sool yihiin reer Puntland” ayuu yiri Wasiir…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay casho sharaf u sameeyay bahda qalinleyda ee ka qayb gashay Carwada Buugaagta ee Muqdisho ayaa bogaadiyay kaalinta ay ka geysanayaan ilaalinta afka, dhaqanka iyo sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa qabanqaabiyeyaasha carwadan sannadlaha ah iyo ka qayb galayaashaba ku dhiirrigeliyay in ay sii laba-laabaan dadaalka ay wadaan, ayna si qoto dheer baaritaan ugu sameeyaan dhacdooyinka dalka si ay taariikh kaydsan ugu noqoto jiilalka dambe. Madaxweynaha ayaa sidoo kale qalinleyda Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qayb qaataan sare u qaadidda wacyiga shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dowladnimada iyo doorkooda dib u dhiska…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaba-gabeeyay la tashiyo uu waday, kuwaas oo ku aadan magacaabista Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’daha Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni ayaa maalmihii ugu dambeeyay qaabilayay Waxgarad iyo Haldoorka Puntland, kuwaas oo qaarkood Madaxweynaha la wadaagayay talooyin, halka kuwa kalana ay u gudbiyeen Codsiyo ku Aadan magacaabista shaqsiyaad ay doonayaan. Wararka laga helayo Madaxtooyadda ayaa tibaaxaya in Madaxweynuhu uu dhameystiray Liiska Agaasimayaasha, uuna Todobaadkan gudihiisa shaacinayo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa horay u magacaabay Agaasimayaal dhowr ah iyo Agaasimayaal Waaxeedyada qaar kamid…
Madaxweynaha Dwolad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa xil-kaqaadis ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamigaa Ee Maamulka Galmudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xilka qadis lagu sameeyay Wasiirkii Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud, waxaana uu amray in uu Xilka sii heyn doono Wasiiru Dowlaha Wasaarada inta laga magacaabayo Wasiir kale. Madaxweyne Xaaf ayaa wareegtada kasoo baxday Xafiiskiisa ku sheegin sababta xilka looga qaaday Wasiirka qorsheynta Galmudug, balse wararka ayaa sheegay in Wasiirku uu xilkiisii ku waayay Wareysi uu siiyay Idaacadaha Maxaliga oo uu ku sheegay inay is khilaafeen Guddiga qabanqaabada…
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya (DANAB) oo ay wehliyaan kuwa Mareykan, ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Sablaale oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Sheegay in Ciidamada kumaandooska ay gudaha u galeen saldhigii Al-Shabaab ee degaanka Sablaale ee gobolka shabellaha Hoose, isla markaana ay ku dileen ugu yaraan 18 dagaalyahan. Sidoo kale, Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in howlgalkaas lagu dilay Sarkaal lagu Magacaabo Maxamed Dhuuboow oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda Kenya ay madaxiisa dul-dhigtay laba…
Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cusmaan Majiino ayaa kormeer kutagay Dekadda Degaanka Garacad, isagoona kulan la yeeshay Maamulka, Waxgaadka iyo Shacabka Degaanka oo uu kala hadlay dhismaha Dekedda iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Shacabka iyo Dowladda Puntland. Wasiir Majiino ayaa sheegay in dhismaha Dekedda Garacad ay guul u tahay Shacabka iyo Dowladda Puntland, waxaana uu tilmaamay in Dekedda Garacad ay qeyb ka qaadan doonto hormarinta Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka Puntland. Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cusmaan Majiino, ayaa ugu baaqay shacabka Degaanka Garacad iyo Guud ahaan Bulshada Puntland inay ka shaqeeyaan xoojinta amniga oo fure…
Odayaasha dhaqanka Dowlad Goboleedka Jubbaland oo maanta kulan iskugu yimaaday ayaa shacabka Jubbaland ugu hambalyeeyay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Odayaasha dhaqanka ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka Jubbaland oo codkooda ugu hiiliyay Madaxweynaha Jubbaland,sidoo kale waxa ay ku ammaaneen gudiga doorashooyinka Jubbaland adkeysiga ay u yeesheen sidii ay ku dhici lahayd doorasho xalaal ah. Dhanka kale Odayaasha dhaqanka Jubbaland ayaa dardaaran u diray Madaxweynaha Jubbaland waxa ayna ilaahey uga baryeen in uu u fududeeyo xilka mar kale loo igmaday. Waxa ay ugu baaqeen Siyaasiyiinta iyo shacabka Jubbaland in ay la sheeqeeyan madaxweynaha dib loo doortay meelna uga…
Ka dib mashquulkii doorashooyinka Jubbaland ee mudada kooban ka socday magaalada Kismaayo waxaa dib u furmay dhammaan Xuduudaha magaalada Kismaayo. Garoonka magaalada Kismaayo iyo xarumaha dowladda ayaa dib u shaqa bilaabay waxaana magaalada laga dareemaya jawi daganaansho ka dib markii ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo lagu taageerayay dib u doorashada Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam. Jawiga iyo Cimilada Magaalada ayaa u muuqda kuwa aad uga qabow sidii hore waxaana magaalada ka da,ay Roobab aan saameyn badan ku yeelan isku socodka gaadiidka iyo dadweynahaba.
Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dagaal kula jiraan Nabadda iyo Hormarka Shacabka Degaanada Puntland. Xildhibaanka oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada XF Soomaaliya ay Ardayda Puntland u diiday shahaado jaamacadaha dibadda ah ay ku aadaan. Sidoo kale, Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise ayaa tilmaamay in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay u diideen dadka Reer Puntland Waraaq taageero ah, si maal-gelin caalami ah iyo taageero ay u hesho Dekedda Garacad oo si isku tashi ah ay u dhisanayaan Shacabka Puntland. Ugu dambeyntii,…
Dowlada Soomaaliya ayaa diiday guddiga midowga Afrika u qaabilsan arrimaha badaha iney soo hordhigaan kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya. Wasiirka Arrimaha Dibbada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in dacwada u sheegay in dacwadan ay hortaalo Maxkamada Caalamiga ah ee ee ICJ oo aysan jirin sabab uu Midowga Afria uu arrinkan ku dhex galo. Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ay ku sheegtay in aaney munaasib aheyn in la aqbalo codsiga midowga Afrika xilli dacwada badda ay dhageysigeeda taalo maxkamadda ICJ. Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay qoraalkeeda in Maxkamadda ay ku adkeysay go’aan ka…
Warbaahinrta Caalamka ayaa qortay in loolanka u dhaxeeya Sacuudiga, Imaaraadka iyo Qatar uu Sababay in dowladda Sacuudiga ay si toos ah u aqoonsato baasaboorka maamulka Somaliland, si ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu caddaadiso joojinta xiriirka maalgashi ee dowladda Qatar. Wargayska lagu magacaabo Daily Sabah ee ka soo baxa wadanka Turkiga ayaa maqaal uu qoray waxaa uu isbarbardhig ku sameeyay danaha dawladaha Qadar iyo Sucuudiga ee arrimaha Soomaaliya. Wargeyska ayaa sheegay in kadib markii dawlada Qatar ay bilaawday maalgalinta dakadaha Soomaaliya, gaar ahaan Dekadda Hobyo uu Sacuudigu aqoonsaday baasaboorka Somaliland, taas oo u muuqata mid dhaawac ku ah jiritaanka dalka. Labada…
Nin hubeysan ayaa weerar ku qaaday dad ka qeyb galayay Munaasabad Aroos ah, oo ka socotay Degaanka Lulubsho oo hoostaga degmada Hobyo ee Koonfurta Gobolka mudug. Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa sheegay in rasaasta uu furay Ruuxa hubeysan uu ku dhintay hal ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 Ruux. Dadka dhaawacmay ayaa loo soo qaaday Isbitaal ku yaalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in xaaladooda Caafimaad ay Wanaagsan tahay. Ninka hubeysan ee rasaasta ku furay Arooska ayaa la sheegay in uu baxsaday, islamarkaana hadda ay ku raad jooggaan Odayaasha dhaqanka degaanka.
War murtiyeed ka soo baxay Golaha Sare Ahlusuna Wal Jameeca, kuna saxiixnaa Hoggaamiyahooda Macalin Maxamuud ayaa looga soo horjeestay in Ciidamo AMISOM iyo Ciidamo Soomaaliyeed in la keeno deegaanada Ahlusuna. Ahlu-sunna ayaa sheegtay in in shirka loo ekeysiiyay Dib u heshiisiinta ay ku baaqday DFS uu yahay mid baalmarsan habraacyadii saxda ahaa, maamulkiisana gacanta loo geliyay dad aan xog ogaal aheyn.
Ururka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa shaaca ka qaaday inuu dowladda Jabuuti ku taageeri doono ololaha ay ugu jirto Xubinimada aan Joogtada aheyd ee Kursiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo ay kula tartameyso dalka Kenya. War ka soo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa loogu ballanqaaday Jabuuti in ay ku taageeri doonaan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey, maadaama dowladda Jabuuti ay ka mid tahay Ururka Iskaashiga Islaamka laakiin Kenya aysan ku jirin. Kenya ayaa todobaadkii hore ku guuleysatay codeyntii uu sameeyay Midowga Afrika ee Kursiga Bariga Afrika xubinta uga noqonaya 15-ka dal ee Golaha…
Taliyihii Ciidamada Millateriga Maamulka Somaliland ee Aaga Badhan Guray Cismaan Saalax iyo Ciidankiisii ayaa ka baxay Somaliland, waxaana ay kusoo biireen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland. Sidoo kale Guddoomiyihii degmada Badhan Cabdalle Cabdi Faatax iyo Tiyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray ee Maamulka Somaliland Mr.Casaanyo ayaa iyana kusoo biiray Puntland. Xerada Ciidamada Maamulka Somaliland ee Degmada Badhan ayana laga taagay calanka Dowladda Puntland. “Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac ‘Deperani’ oo ka hadlay Ciidankan kusoo…
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa shir guddoomiyay kulan ay xalay magaalada Dhuusa-mareeb ku yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug, kaas oo looga hadlay Arrimo la xiriira Amniga & Shir dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Kulanka ayaa warbixino kala duwan looga dhageystay Wasaradaha Amniga, Arimaha gudaha, dib’ushiisiinta, waxbarashada, dhalinyarda, ciyaaraha iyo caafimaadka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Duraan Maxamed Samatar, oo faah faahin ka bixinayay qodobada kasoo baxay shirkaas ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin qabsoomida shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug, oo marar badan uu dib u dhaca ku yimid. Sidoo kale, Wasiir Duraan sheegay in…
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islam, kaas oo dib loogu doortay Doorasho shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo. Kenya ayaa ammaan u jeedisay Baarlamaanka Jubbaland, Hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo diinta iyo qeybaha bulshada reer Jubbaland, sida nabadda leh ah ee ay ugu qabsoontay doorashada. Sidoo kale, War-saxaafadeedka Kenya ayaa lagu sheegay inay weli diyaar u tahay mar walba inay taageerto, iyadoo oo la jaanqaadeysa siyaasadeeda aas aasiga ah xoojinta deris wanaagga, isla markaana la sii wado nabadda iyo xasilooni waarta inay ka hirgasho Gobolka. Dowladda Kenya ayaa ugu…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Shahiid Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow). “Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland doorasho Baarlamaani ah. Madaxweynaha ayaa markii la dhaariyay kadib waxaa uu La hadlay dadweynaha waxaa uu sheegay in uu ka shaqaynayo sidii Jubbaland ay horay ugu socon lahayd isla markana ay Soomaalida kale Tusaale ugu noqon lahayd.
Shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta ayaa lagu magacaabay taliyayaasha cusub Ciidamada Nabad suggida , Booliska, Asluubta iyo xoogga dalka Soomaaliyeed. Fahad Yaasiin Xaaji ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka. Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska. Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo Shir Gudoomiyey shirka Golaha Xukuumadda Puntland oo maanta looga hadlay arimo muhiim ah.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe) iyo Guud ahaan Shacabka Jubbaland. Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Cusub ee Jubbaland Axmed Madoobe inuu ka shaqeeyo xalinta Khilaafaadka ka jira gudaha Jubbaland.
Banaan-baxyo lagu taageerayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo ku guuleystay mar kale Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, kaddib Doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo. Meelaha banaan-buxu ka dhacay waxaa kamid ah Magaalooyinka Kismaayo, Garoowe, Dhoobley iyo Degaano kale oo kamid ah Soomaaliya, sidoo kale banaan-baxyo ayaa ka dhacay Magaalada Nairobi ee xarunta Kenya. Sawirada Kismaayo.
Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudaneHassan Sheikh Mohamud ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha la doortey ee Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam sida uu ku daabacey bartiisa uu ku leeyahay Twitterka.
Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta oo khamiis ah xukun dil ah ku riday saddexda xukumane ee loo heystay falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan. Maxkamada Sare ayaa Labadii fadhi ee hore dhageysatay eedeymaha xeer ilaalinta u jeedisay Xubnaha horay loogu xukumay dilka iyo qareenada u doodaya Xukumanayaasha, Iyadoona Maxkamaddu saaka u fariisatay fadhigii saddexaad. Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland oo cuskaneya Cadeymaha ay Maxkamaddu u soo gudbiyeen Xeer Ilaalinta Dowladda Puntland ayaa sheegay in Saddexda Xukumane ee kala ah Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman…
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku guuledystay markii Saddexaad Doorashada Madaxwenaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaddib Doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Doorashada ayaa waxaa ku loolamayay Musharixiin 4 ah oo kala ah; Axmed Maxamed Islaam, Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar, Iyadoona wareegii kowaad uu helay Sadddex meelood oo Labo meel codadka Madaxweyne Axmed Madoobe. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa helay 56 Cod, halka Canab Maxamed Daahir oo aheyd Musharax labaad ee soo raacay Codadka ay heshay 14 Cod.
Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo ay ku tartamayaan Musharixiin 4 ah oo kala ah; Axmed Maxamed Islaam, Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar, ayaa ka bilabatay Magaalada Kismaayo.
General Abdel Fattah al-Burhan, the outgoing head of Sudan’s military council, was sworn in as head of the newly-formed Sovereign Council in front of the head of the country’s judiciary. The remaining 10 members of the Sovereign Council will be sworn in later on Wednesday. Prime Minister-nominee Abdalla Hamdok is also expected to be sworn in later in the day. Sudan completed on Tuesday the formation of the 11-member Sovereign Council that will run the country for a three-year transitional period until elections. Hamdok, an economist who has served in international institutions, was nominated by Sudan’s main opposition alliance which…