Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo ururo sida Canada, Ethiopia, European Union, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AMISOM,IGAD iyo Qaramada Midoobay ayaa markale ku baaqay in doorashada Jubbaland ay noqoto mid loo dhan yahay. Beesha Caalamka ayaa waxa ay qoraalkan ku sheegeen inay dhammaan dhinacyada quseysa Jubbaland ay ku dhiirigelinayaan inay gaaraan heshiis mid ah oo ku saabsan hal geeddi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, cadaalad ah iyo nabad ah “Waxaan ka walaacsanahay Maqnaanshaha heshiiskaas inuu suura geliyo inay…
Author: Jibril Qoobey
Dowlada Kenya ku guulesatay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka kadib markii cod loo qaaday. Kursigan oo ka mid ah 10-ka kursi ee kor joogtada ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa ku loolamayay dowladaha Kenya iyo Jabuuti. Wakiillada Guddiga joogtada ah ee Midowga Afrika ayaa u qaaday cod qarsoodi ah,waxaana ay ku dhawaaqeen in kursigaas ay ku guuleysatay Dowladda Kenya iyaga oo aan shaacin natiijada. 5tii Bishan codeyn ay qaadeen Midowga Afrika ayey Kenya ku fashilantay in ay gaarto saddex meelood labo meel oo laga doonayay,waxaana ay heshay 33 cod oo kali ah. Dawladda Kenya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo magacaabay Kooxda wacyigelinta ee Mahuran Band. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr 65, ee 20ka Agoosto 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha Kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: Waxaa Abwaan Maxamed Dhagaafe Cilmi loo magacaabay Guddoomiyaha kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band. Waxaa Maxamed Xassan Xuseen loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band. Waxaa kooxda wacyigelinta ee Mahuraan Band la hoos geeyey Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu…
Deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu qabtay bannaan bax lagu taageerayo Musharax Axmed Maxamed Islaam. Dadweynaha bannaan baxa dhigayay ayaa watay boorar ay ku xardhanyihiin erayo ka turjumaya Midnimada Shacabka Jubbaland. Maamulka deegaanka Cabdalla Biroole oo dadweynaha la hadlaya ayaa bogaadiyay tillaabooyinka horomarineed ee deegaanku ku tillaabsaday mudadii ay Jubbaland Jirtay. Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayay ku amaaneen sida hagar la,aanta ah ee ay u garab taaganyihiin shacabkooda,waxa ayna ugu baaqeen in ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland. Sidoo kale dowladda Federaalka Soomaaliya ayay ugu baaqeen in ay ka dayso faragalinta…
Guddiga Gollaha Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sharaxaad ka bixiyay go,aanadii u danbeeyay ee ku aadanaa sugidda amniga magaalada Kismaayo ee maalmaha doorashada.
Banaan-baxyo rabshado wata ayaa saacadihii lasoo dhaafay gilgilay Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, kuwaas oo looga soo hor-jeedo Maamulka Somaliland, waxaana banaan-baxyadan ka dhashay khasaare. Dadka Banaan-baxa dhigaya ayaa ku dhawaaqaya Erayo ay uga soo hor-jeedaan Maamulka Somaliland oo dhibaatooyin fara-badan ku haya Shacabka, sidoo kalena dhawaan dil u geystay wiil dhalinyaro ah. Ciidanka Maamulka Somaliland ayaa rasaas u adeegsanaya dadka banaan-baxa dhigaya, waxaana ku dhaawacmay illaa 10 Ruux, oo saddex kamid ah dhaawacoodu liito, sida uu Raadiyaha Dowladda Puntland u sheegay mid kamid ah Shacabka Magaalada Laas-caanood. Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.
Waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay Kulan lagu taageerayay nabad galyada Jubbaland isla markaana looga soo horjeedo faragalinta qaawan ee ay dowladda Federaalku ku heyso arrimaha doorashooyinka Jubbaland. Kulanka waxaa ka soo qayb galay ururada Bulshada sida Waxgaradka,Haweenka,Dhalinyarada waxaana dadkii goobta ka hadlay ay muujiyeen muhiimada ay leedahay amniga iyo xasiloonida Jubbaland. Waxa ay shacabka Jubbaland ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan cid kasta oo ku soo baxda doorashada maalinta barri ah ka dhici doonta magaalada Kismaayo. Dhan kale magaalada Kismaayo waxaa ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Dowladda Federaaalka Soomaaliya kuwaas oo arrimo xaqiiqa raadin ah u…
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarinta Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowladda Puntland Maxamed Rooble Cabdi oo Maxkamadda Sare ee Puntland ay ku dhaarisay Xarunta Madaxtooyada Garoowe. Madaxweynaha Puntland ayaa dhaarta ka dib ku booriyey Wasiiru dowlaha inuu si wanaagsan uga soo baxo shaqada loo igmaday ee shacabka Puntland ay ka sugayaan, waxaa uu Madaxweynuhu kula dar-daarmay inuu waxkasta ka hormariyo waajibaadkiisa shaqo ee dastuuriga ah ee uu u dhaartay. Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka dowaldda…
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirada Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Gobolka Banadir oo muddo 4 maalmood ah kulan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray warmurtiyeedkan oo ka kooban 11 qodob. Shirka waxaa ka qeyb galayay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland Mudane Cali Xasan Axmed, Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka, hanuunta iyo Dalxiiska Galmudug Mudane Maxamuud Aadan Cusmaan (Masagawa), Wasiirka Warfaafinta, hindaha, dhaqanka iyo Dalxiiska…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maal-gashiga Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayso qaban-qaabada Shirka. Wasiir Cawaash oo la hadlay Tv-ga Puntland, ayaa sheegay in shirkan oo soconaya 15 illaa 17 September, ay kasoo qeyb-galayaan Illaa 500 oo Ganacsato ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Ganacsato ka socota Dalalka Mareykanka, Britain, Sweden, Danmerk, Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka, Cumaan, Jaban iyo dalal kale. Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Shirkan Maal-gashiga lagu soo bandhigayo Kheyraadka iyo wax soo saarka Puntland, ayna barbar socon doonaan Shirar doceedyo iyo kulamo gaar…
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ku eedeeyay Ciidanka xoogga dalka ee ka tirsan qeybta 60aad ee fadhigooda yahay magaalada Baydhabo inay yihiin kuwo ugu liito. Waxaa uu sheegay in askarta iyo saraakiisha ka tirsan qeybtaas ay yihiin kuwo qabyaalad ku shaqeynaya, isla markaana dhibaatada ay ku hayaan shacabka uu sii batay. “Askarta ciidanka qeybta 60aad iyo saraakiishooda waa ciidanka ugu liito, inuu dad wax taro iska dhaafee dhibaatada ay sameynayaan iyo wax tarkooda 80% dhibaatada ay sameynayaan ayaa badan”ayuu yiri C/casiis Lafta Gareen. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Askari iyo Sarkaal ku mashquulsan dhul…
Dagaal culus ayaa xalay ku dhex maray duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhigga Ciidamada, iyadoo halkaas labada dhinac dagaal muddo socday uu ku dhex maray. Taliyaha Amniga degmada Qoryooley Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab ay ku guuldareysteen, lana iska difaacay, isagoo xusay in xogta weerarka ay hayeen, kana feejignaayeen. Waxaa uu sheegay in afar dagaalame uga dileen Al-Shabaab, halka dhankooda uu askari kaga dhaawacmay, inkastoo aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijisay sheegashada sarkaalkaas.…
Dagaal u dhexeeya Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland iyo kuwa Somaliland, ayaa ka dhacay Degmada Hadaftimo oo dhanka galbeed kaga beegan Badhan oo ah xarunta Gobalka Sanaag ee Puntland. Dagaalkan oo ahaa mid socday muddo kooban, ayaa yimid kaddib markii Guddoomiyaha Badhan ee Somaliland oo kasoo kicintimay Hargeyso uu damcay inuu xoog ku galo Degmada Badhan oo ay u diideen Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland. Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed, Iyadoona uu geeryooday Labo Askari oo labada dhan katisan, halka Saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, Ciidanka Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay Gaarigii Gudoomiyaha Badhan…
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa ku dhawaaqay in aan wax gorgortan ah Somaliland lagala geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo cuskanaya qodobka 7-aad ee Dastuurka dowladda Puntland, ayaa lagu caddeeyay in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin Xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland. Qaraalka Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku soo beegmay maalmo kadib markii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in…
Dowladda Kenya ayaa walaac ka muujisay dalabyada faraha badan iyo shuruudaha Beesha Caalamka ku soo rogeen hannaanka doorashada Jubbaland, iyadoo Guddiga Doorashada Jubbaland uu aqbalay dalabyo ka yimid Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, kaasoo ahaa dib u furida waqtigii is diiwaan gelinta Musharaxiinta, in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha iyo in howsha agaasinta Doorashada lagu wareejiyay Baarlamaanka. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Kaaliyaha Xoghayaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Siyaasadda lagu sheegay in weli Wakiilka Qaramada Midoobey uu Guddiga ku soo rogayo shuruudo in la qabto doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, Kenya ayaa ugu baaqday…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-64, Ogoosto 20, 2019 ku magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1.Waxaa Maxamed Rooble Cabdi loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Madaxweynihii Hore ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ahna Musharax Axmed Maxamed Islaam (A. Madoobe), ayaa Goor-dhaweyd Khudbadiisa Musharaxnimo u jeediyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland, ayaa ka hadlay Guulihii Xukuumaddiisu ay gaartay, Caqabadihii ka hor yimid iyo Qorshaha u dajisan hadii mar kale la doorto. Musharax Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Degaanada Jubbaland ayaa yiri “Jubbaland wax ay Juquraafi ahaan ka kooban tahay Saddex Gobolka oo ka mid ah dowladda Federalka Soomaaliya,waxa ay ahayd state-kii labaad ee ku dhisma nidaamka Federaalisimka ah.” Musharax Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay Arrimaha Amniga ayaa yiri “Waxaan dhisnay mudadii ay Jubbaland jirtay Ciidan…
Waxaa goor dhow bilaabatay hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan tartanka doorashada Madaxweynanimada Gowlad Goboleedka Jubbaland.
Labo kamid ah Musharixiinta Doorashada Xilka Madaxweynaha Dowlad Gobaleed Jubbaland, oo Saxaafadda kula hadlay Kismaayo ayaa ku dhawaaqay inay ka Tanaasuleen Doorashada Jubbaland. Axmed Cabd oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tanaasulay islamarkaana go’aansaday in uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland. Sidoo kale, Musharaxa xilka Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Xiis ayaa shaaciyey inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh C/rixmaan, ayaa ku ammaanay Dowladda Puntland sida ay Hormuudka ugu tahay Hanaanka Dowladnimo ee Soomaaliya. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay muddo u soo samreysay raadinta Dowladnimada Soomaaliya, haatana ay saldhig u tahay nidaamka Federaalisimka ee Soomaaliya. Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa meesha ka saaray inuu imaan karro Khilaaf dhex mara Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in DF iyo Dowladaha Xubnaha ka ah uu ka dhexeeyo Dastuur, kaas oo loo baahan yahay in si hufan loogu wada-shaqeeyo.
Dagaal culus oo u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Ciidanka Dowladda ayaa saaka ka dhacay duleedka dhanka Galbeed ee Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan laga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada. Degaanka la weeraray ayaa qiyaastii 7-KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar, waxaana fariisin ku lahaa maleeshiyooyinka la magac baxay Macawiisley, kuwaasoo ah koox is abaabushay oo dagaal kula jira Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sheegay inay la wareegeen fariisinka ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda, ayna la wareegeen saanad milateri, kuna dileen lix askari sida…
Taliska Ciidanka Nabad-Sugida Iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Jubaland Ee Gobolka Gedo ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo. Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah Ciidamadu uga fuliyeen deegaano hoostaga degmmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere,waxaana la sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab. Taliyaha Hay’ada Nabad-Sugida Iyo sirdoonka Dowlada Goboleedka Jubaland Ee Gobolka Gedo Cali Abshir Deer ayaa sheegay in deegaanadii ay la waregeen Bulshada ku nool ay u soo gudbiyeen dhibaatooyin dhowr ah oo ay kala kulmeen Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay,hayeeshee…
Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada PSF-ta iyo Booliska Dowladda Puntland ayaa ay kusoo saareen qaraxyo miino oo lagu Aasay bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud, ayaa sheegay in Miinadaas ay cadawga Puntland doonayeen inay ku dhibateeyaan Shacabka, balse ay fashiliyeen, kana soo saareen Ciidanku goobtii lagu Aasay. Sidoo kale, Taliyaha ayaa sheegay in howlgallada laga fulinayo gudaha Magaalada Boosaaso ay noqon doonaan kuwa isdaba-joog ah ilaa laga xaqiijinayo Amniga Guud ee Boosaaso oo muddooyinkii ugu dambeeyay soo hagaagayay.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa raalli-gelin ka bixiyay War Qoraal ah oo Labo maalin kahor kasoo baxay Xafiiskiisa, kaas oo lagu sheegay in Beesha Caalamku aysan aqoonsan doonin Natiijo kasta oo kasoo baxda Doorashada Jubbaland hadaan la fulin Qodobadii ay horey u soo jeediyeen. Danjire James Swan ayaa la sheegay inuu khadka Taleefoonka kula xiriiray Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Jubbaland, isagoona sheegay in Beesha Caalamku ay garowsan tahay Shaqada adag ee Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ay hayaan. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku bogaadiyay Doorashadii Guddoonka Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, waxaana uu xusay in Tanaasulka iyo Talaabooyinka Guddiga…
Ciidanka Daraawiish-ta Jubbaland iyo kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, ayaa maanta hor istaagay inay ka degto Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo Diyaarad nooca Milateriga ah oo ay lee yihiin Ciidanka Itoobiya. Diyaaradan oo ay saarnaayeen illaa 100 askari oo katirsan ciidamada kumaandooska ee Itoobiya, kana soo duushay Godey ayaa markii ay soo gashey hawada garoonka Kismaayo waxay maamulka garoonku ku wargeliyeen in aysan soo degi karin, maadaama aan warbixinteeda horey loo haynin. Wararka ayaa sheegaya, in intaas kaddib ay Ciidamada Itoobiya oo kasoo ruqaansadey xeradooda oo ku taala duleedka Kismaayo, ay isku dayeen inay garoonka diyaaradaha Kismaayo xoog…
Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug. Munaasabadda oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku–xigeenka dalka, wasiirka arrimaha dibadda Qatar, madaxweynaha Galmudug, qaar kamid xildhibaannada labada gole, wasiirro iyo wasiirro ku-xigeenno ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Wasiirka dekadaha Qatar oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uga mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loogu sameeyo Muqdisho ayaa sheegay in dekadda Hobyo loo dhisayo habka ugu casrisan ee…
Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland ayaa la wareegay hawsha hannaanka qabashada doorashada madaxweynaha Jubbaland, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay guddoonka Baarlamanka . Guddiga madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo Doorashoyinka waxaa uu doorkoodu noqon doona caawinta dhanka Farsamada. Go,aankan ayaa yimid kadib codsi ka yimid beesha caalamka kaasoo sheegayey in Baarlamaanka cusub ee Jubbaland uu door muuqda ku yeesho qabashada Doorashada madaxweynaha Jubbaland oo lagu wado in ay Kismaayo ka qabsoonto khamiista nagu soo aadan ee taariikhdu ku beegantahay 22-8-2019.
Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane oo kamid ah labo Ugaas oo kasoo horjeeday hanaanka Doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in uu ka tanaasulay aragtidiisi hore isla markana uu hada wixii ka danbeeya dib ugu noqonayo howlahii dhaqanka ee Bulshada uu u hayay isla markana uu la shaqaynayo qofkii ku guulaysta doorashaa Madaxtinimada Jubbaland. Ugaaska ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka ree Jubbaland Midnimo iyo wadajir isla markana la garab istaago qofka kusoo baxa doorashooyinka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Dhaarta kadib Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah. “Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Dowladda Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal. Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.” Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-60, Ogoosto 19, 2019 ku magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: 1. Waxaa Ismaaciil Saleebaan Geelle loo magacaabay La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda. Xeerarkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Xildhibaanno ka kooban Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaal ka Soomaaliya kuwaas oo howlo xaqiiqa raadin ah u jooga magaalada Kismaayo ayaa war Saxaafadeed ka soo saaray Arrimaha Doorashoonyinka Jubbaland. Xildhibaanada Labada aqal ee Federaalka Soomaliya ayaa walaac Ka Muujiyay Faragalinta qaawan ee lagu hayo dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalata inay dhabarka saaran doonto Xukuumadda Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kulan kula yeelanaya Magaalada Jabuuti, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa wada hadal ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood ee Walaalaha ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay gaaray Magaalada Jabuuti, kaddib marti-qaad uu ka helay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xeer Madaxweyne ku dalacsiiyey G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid u dalacsiiyey derajada S/Guuto, Isagoona sidoo kale u Magacaabay Taliye ku-igeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha oo tixgalinaya Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa ciidanimo, uu u dalacsiiyay G/Sare Caydiid Axmed Nuur Siciid u dalacsiiyey derajada S/Guuto. G/Guuto Caydiid Axmed Nuur Siciid ayaa horay u ahaa Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag ee Somaliland, isagoona dhawaan ka soo goostay.
Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ee ayaa markale dib u dhigtay ku dhawaaqista Kiiska Marxuumad Caasho ilyaas, Iyadoona sheegtay in loo mudeeyay Khamiista 22-ka bishan. Maxkamada ayaa saaka markale dhageysatay dacwadaha ay kala qabaan labada dhinac gaar ahaan Qareenada difaacaya kuwa horey dambiga loogu helay, waxaana Maxkamada ay ku dhawaaqday in 22-ka bishan la dhegaysan doonto Gar-maqalka Kiiska islamarkaana ay go’aan ka gaaari doonto.
Dagaal culus ayaa xalay ku dhexmaray degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose, Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka degaanka Bariire, halkaas oo dhowr bilood ka hor ay Ciidanka dowladda la wareegeen. Dadka degaanka ayaa ku waramaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaas kasoo kala gaaray labada dhinac, hayeeshee aan weli la ogaanin maadaama xilliga dagaalka uu dhacay ay aheyd habeen. Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa…
Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta markale u fariisatay wajiga labaad ee dacwada la xiriirta falkii Kufsiga iyo dilka ahaa ee Bishii Febaraayo ee sanadkaan Magalada Gaalkacyo loogu geystay Caaisho Ilyaas Aadan. Maxkamada ayaa haatan dhageysanaysa eedeymaha loo jeediyay Xubnaha horay loogu xukumay iyo qareenada u doodaya eedeysanayaasha,waxaana la filayaa in Maxkamada Sare ay Maanta go’aan ka gaarto kiiskaas. Saddexda Nin ee loo feystay falkaas oo lagu kala Magacaabo Cabdifataax Cabdirahman Warsame,Cabdisalaan Cabdirahman Warsame ayaa waxaa horay xukun dil toogasho ah ugu riday maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal,hayeeshee ay racfaan ka qaateen. Mid kamid ah eedeysanayaasha ayaa…
Mas’uuliyiinta Guddiga doorashada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa maanta jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray wakiilka xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Warqad uu ku saxiixnyahay Gudoomiyaha Guddiga doorashada ee Jubbaland Xamsa Cabdi Cumar, oo ka kooban 2 bog, kuna qoran afka ingiriiska, ayaa si adag looga falceliyay moqrifka ay Qaramada Midoobay ka qabto hannaanka lagu wado howlaha doorashada. Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii warqad uu guddiga usoo diray James Swan, oo ah wakiilka Qaramada Midoobay uu ku sheegay in dhammaan waxyaabihii doorashada ku saabsanaa ee la sameeyay aysan beesha caalamku ku qanacsaneyn. Guddiga oo u muuqday…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jabuuti ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaraaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Isgaarsiinta iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Xukuumadda Jabuuti. Labada Madaxweyne ayaa maalinta berri ah wada hadallo ka yeelanaya xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood. Booqashadan ayaa salka ku haysa aragti wadaagga ku saleysan iskaashiga, wadajirka, danwadaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya…
Maxkamadda Darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xukunno xabsi iyo ganaax ku riday dad lagu soo qabtay maandooriyaha Khamriga ka dib hawlgalo ay Ciidanka Booliska ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda . Taliska qeybta Booliska Gobalka Bari ayaa sidoo kale gubay maandooriyaha Khamriga ee ay qabteen, kadib markii uu ay dhamaatay Maxkamaddu.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Yuusuf Cali Maxamed oo ka mid ahaa Agaasimayaasha mudada dheer xilalka ka haya Wasaaraddaha Xukuumadda. Mr. Islow ayaa si KMG ah xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ugu magacaabay Axmed Cabdi Kooshin, waxaana la faray Hey’addaha amniga dowladda inay si buuxda ula shaqeeyaan Sii Hayaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Cabdi Kooshin.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Jubaland Xamza Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay warqado is xig xigay oo shalay ka soo bay Wasaarada Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Guddoomiye Xamza Cabdi ayaa sheegay in doorashadii Kismaayo ay u dhacday si cadaalad ah, isagoo meesha ka saaray in Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya wax doora uga banaan tahay ka hadlida sax ahaansheheeda ama iney wax ka qaldanaayeen. “Dowladda federaalka ah wax ka quseeya haba yaraatee malaha doorashooyinka iyo habraacyada dowlad goboleedyada habkey isku dooranayaan, Dastuurka Qaranka ayaana siinaya oo ay isticmaalayaan ilaa la is waafajinayo Dastuurka Qaranka iyo kuwa…
Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta dhaarisay Garsoorayasha Maxkamadda Darajada Kowaad, Maxkamadda Racfanka iyo Xeer ilaaliyaha Gobolka Mudug, kuwaas oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni. Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, oo goobta dhaarinta Goobjoog ahaa ayaa sheegay inay wajib tahay dharinta qof walba oo Puntland xil sare ka qabta, si uu dadkii ugu shaqeeyo si hufan.
Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa saaka hawlgal qorshaysan ka wada deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey maleeshiyada Al-shabaab. Saaka waaberigii ayay deegaanka soo galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey maleeshiyada xagjirka ah ee Al-shabaab. Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u…
Ciidamada xoogga dalka ayaa dhaq dhaqaaqyadii u dambeeyay ee guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab ka wada deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, iyadoo saacadihii u dambeeyay howlgallo ka sameeyay deegaano ka tirsan degmada Awdheegle. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano DANAB oo ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaa la sheegay in wadaan howlgallo ku wajahan deegaanka Toora Toorow iyo deegaanada kale. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in ciidamada ay howlgallo ka fulinayaan deegaanka Toora Toorow iyo deegaanada ku dhow dhow oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in qorshahooda uu yahay…
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa Hambalyo loogu diay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir Guddoomiyey shirka Maamul Daadajinta Dowladdaha Hoose ee JPLG. Shirkaan oo ka dhacay xafiiska Madaxwayne Ku-xigeenka, isla markaana sadexdii biloodba mar la qabto waxaa ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha fuliya mashruuca maamul daadejinta iyo dawladaha hoose JPLG iyo Xafiiska hormuudka arrimaha maamul daadejinta ee Madaxweyne Ku-xigeenka. Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo la xiriira mashruucan muhiim ka ah iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, waxaana sidoo kale lagu ansixiyey qodobo kasoo baxay shirkii guddiga farsamada Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha fuliya mashruucan, kaas oo August, 10, 2019 ka dhacay magaalada Garoowe.…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda. Markuu arky: Qoraalka Sumaddiisu tahay XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen. Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland. Wuxuu Xeeriyey. Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo ay diyaar u tahay iin Maamulka Somaliland ay wada-hadal kala galaan Degaanada lagu muransan yahay ee Gobalka Sool. Mdaxweyne Deni ayaa sheegay inay dhacdo in mar mar lagugu qabsado shaatigaaga, ayna Somaliland kusoo xad-gudubtay Dhulka Puntland, balse ay Dowladda Puntland ay diyaar u tahay Wada-hadal iyo Nabad. “Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha ayaa fariintani…
Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwadda seddax xukumane ee loo heysto dilkii iyo kufsigii loogu geystay Magaalada Gaalkacyo, Marxuum Caa’sha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir ah. Eedeysanaha Koobaad ee Kiiska Marxuumad Caasho Ilyaas (Cabdiftaax Cabdiraxmaan Warsame) ayaa Maxkmadda ka hor qirtay inuu Geystay Kufsiga Caasho, Balse uusan ka danbeyn Dilkeeda. Sidoo kale, Eedeysanaha Labaad (Cabdishakuur Maxamed Dige) ayaa isuguna Iska beriyeelay Falkaasi, Isagoona qirtay in Subaxdii Moobeelkiisa lagu soo diray Lacagta lagu qoday Godka Marxuumad Caasho. Eedeysanaha Sadexaad (Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame) oo la dhashay Eedeysanaha koobaad Cabdiftaax, ayaa isna Beeniyay inuu wax ka…
Waxaaa goordhaweyd soo gabagaboobay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, taas oo ay Ku tartamayeen Labo Musharax. Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan ayaa mar kale dib loogu doortay xilka guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland, Waxaana uu helay Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan 55 cod, halka Xuseen Shiinow Cali oo la tartamayay uu helay 18 cod. Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, isagoo helay codod dhan 55 cod, halka Musharaxii kale ee la tartamayay Xuseen Shiilow uu helay 18 cod. Guddoomiye kuxigeenka 1aad ayaa isna loo doortay Aadan Khaliif Xaaji oo keligiis tartamayay, waxaana Xildhibaanada ay ugu codeeyeen qaab gacan taag ah, maadaama…
Waxaa socota doorashada guddoonka Baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland waxaana ku tartamaya mudaanayaasha kala ah Sheekh Cabdi Maxamed iyo Xuseen Shiinow Cali.
Waaxda Cadaalada ee dalka Mareykanka ayaa warqad xiritaan ah u jartay markabkii shidaalka ee dalka Iran kaasi oo jasiirada Gibraltar amartay in lasii daayo. Markabka Grace 1 ayaa siday shidaal gaaraya 2.1 milyan oo barmiil waqtigii laqabanayay oo ahayd 4’tii bishii july, iyadoona looga shakiyay in shidaalkaasi uu u siday dowladda Suuriya. Labo todobaad kadib markii laqabtay markabka Grace 1, Iran ayaa dhankeeda gacanta ku dhigtay 19’kii July markab sitay calanka dalka Britain, kaas oo ay ka qabatay marinka caalamiga ah ee Hormuz. Inkastoo qabsashada markabkaasi ay Iran ku sheegtay in uu ku xad gudbatay shuruucda caalamiga ah ee badda…
Hafiz Ahmadullah oo ahaa walaalka Hogaamiyaha Kooxda Taliban ee dalka Afghanistan, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay qarax xoogan oo shalay ka dhacay masjid ku yaalo koonfur galbeed dalka Pakistan. Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Taliban ayaa sheegay in Hafiz oo imam ka ahaa masjidka uu weerarka dhacay la xaqiijiyay in uu kamid ahaa illaa Afar Ruux oo ku dhintay weerarka oo dhacay iyadoo lagu guda jiro saladii jimca’ha. Warbaahinta al-Jaseera ayaa ku warantay in weerarka oo aan la ogeyn kooxda ka dambeysay, ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo kamid ah Ilma Adeerada Hogaamiyaha Taliban. Masjidka uu weerarka…
Doorashada Guddoonka cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa Goor-dhow ka bilaabanaysa Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Xildhibaanada Jubbaland ayaa hadda kusoo qulqulaya hoolka loogu tala galay in lagu qabto doorashadda Guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland iyo labaddiisa ku xigeen. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa sheegay in maanta ay dhici doonto doorashadda Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen. Xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socda beesha Caalamka ayaa goobjoog ka noqon doona Doorashadda guddoonka baarlamaanka Jubbaland ee maanta dhaceysa. Ammaanka Magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ku sugan goobta loogu tala galay in…
Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Galmudug oo lagu waday in maanta oo sabti ah ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayaa markii labaad dib u dhac ku yimid. Shirkan oo horay uu u iclaamiyay Guddiga qaban qaabada Shirweynaha dib u heshiisiinta inuu furmi doono 17 bisha Agosto, kaddib markii fashilmay kii 5 August loo balansanaa ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay. Wararka ayaa sheegaya inta badan Ergadii ka qeyb geli laheyd shirkaas oo ka socday Beelaha dega Galmudug aanay soo gaarin Dhuusamareeb, taasna ay sabab u aheyd inuu shirka dib u dhaco. Qaar ka mid ah beelaha dega Galmudug ayaa horay u…
Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Daynuunay ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay dagaal culus ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaankaasi. Dagaalkan u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Kuwa koonfur galbeed oo dhinac ah iyo Shabaab ayaa bilowday Saakay, sida ay sheegeen Dadka Degaanka, waxaana la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyay dagaalka, waxaana ay sheegeen in hadda u socdo dagaal xooggan oo ay kula jiraan Al-Shabaabkii soo weeraray. Xoogaga Shabaab ayaa la sheegay daqiiqado inay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Daynuunay, waloow markii dambe…
Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa lagu wadaa in saaka la hor geeyo seddax xukumane oo loo heyso dilkii iyo kufsigii loogu geystay Magaalada Gaalkacyo, Marxuum Caa’sha Ilyaas Aadan oo ahayd gabar 12-sano jir ah. Saddexda xukmane oo kala ah Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, ayaa hore Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay 12-kii May ee sannadkan ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay Maxkamaddu sheegtay in lagu helay kiiska Caa’isha. Sidoo kale, Rafcaan ay ka qaateen xukunkaas kadib ayaa Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaal waxay 30-kii June ee sannadkan mar kale ku xukuntay…
Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa dib u furay waqtiga is diiwaan gelinta Musharaxiinta aan horay isu diiwaan gelin, iyadoo dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha oo qabsoomi doonta 22 bishan. Musharaxiinta aan horay isku diwaangalin ayaa saddex maalmood loo qabtay inay is diiwaan geliyaan, taasoo ka bilaabaneysa 17 bishan kuna eg 19 bishan. Guddiga doorashooyinka Jubbaland ma shaacin in dib loo dhigay doorashadda guddoonka baarlamaanka oo lagu waddo in ay maanta ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Jubbaland. Dhanka kale, Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaan waxba ka badalin shuruudihii horay Guddiga u soo saaray ee lagu xiray Musharaxiinta sida ka…