Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay sheegeen in Maanta Magalada Muqdisho lagu toogtay Saddex Rag ah iyo Haweeneey doonayay inay agagaarka isgoyska Bakaaraha ee degmada Howl-Wadaag ku dilaan Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdi Gare. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada Ammaanka ay degmada Howl-Wadaag ku toogteen saddex Rag ah iyo Haweeney hubka u siday, kadib is rasaaseyn dhexmartay, iyaga iyo Ciidamada,kuwaas doonayay inay dilaan Agaasimaha. “Ciidanka boliiska degmada Howlwadaag ayaa ku guuleystay in ay ka hortagaan isku day dil lala beegsan rabay Agaasimaha Howlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane Abdi Gare. Israsaaseynta ka dib waxeey…
Author: Jibril Qoobey
Ciidamada Ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay kusoo saareen miinooyin dhowr ah oo lagu Aasay wadooyinka qaar e Gobolkaasi. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu soo saaray ilaa Shan miino,kuwaas oo Al-Shabaab ay ku Aaseen wadada u dhaxeysa deegaannada Bangeeni iyo Koban oo ah Aaga degmada Jamaame halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab. Miinooyinkaan oo ay soo bandhigtay Hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaanan Saraakiishu sheegin in wax dad ah lagu soo qabtay howlgalkaas, hayeeshee waxaa ay sheegeen in uu weli socdaan howlgallo kale…
Qoraal kasoo baxay Musharixiinta is diiwaangeliyay oo ku midoobay Magaca Kudlada musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland, ayaa kahor yimid dalabkii Wakiilada Beesha Caalamka ee shalay tagay Kismaayo, kaas oo ku aadanaa in dib loo furo Is-diiwaangelinta Musharixiinta. Musharaxiinta Is-diiwaangeliyay ee Doorashada Madaxweynaha Jubbaland, ayaa sheegay inay aad uga xun yihin in guddiga doorashooyinka ay ka gaabiyaan inay kala tashadaan geedi-socodka iyo hanaanka doorashooyinka xaqna ay u leeyihiin kadib markii ay soo buuxiyeen shuruudihii musharaxnimo. Sidoo kale, Musharixiinta ayaa xusay in Guddiga doorashooyinka ay ku dhaliilayaan in wafdiga ka socday beesha Caalamka ee tegay Kismaayo aysan la socod siin Guddigu, isla markaana ay…
War-saxaafadeed si wadajir ah ay u soo saareen Wakiilada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo IGAD oo maanta booqday Magaalada Kismaayo, ayaa ka digay sii socoshada khilaafaadka ka jira doorashada Jubbaland. Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen saraakiishii ka socotay QM.AU iyo IGAD ayaa lagu sheegay inay la kulmeen Madaxweyne Axmed Madoobe,guddiga doorashada iyo xuduudaha,qeybaha kala duwan ee bulshada ayna ka dhagaysteen fikradahooda. “Wakiilada ka socda AU, IGAD iyo UN waxa ay xoojinayaan baahida loo qabo hab doorasho oo la isku raacsan yahay taasoo waafaqsan dastuurka Jubbaland iyo kan Federalka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Waxa ay sidoo kale ku…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah kuwaas oo maalmahan howlo shaqo u joogay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland. Xildhibaanadan oo sidoo kale lasoo kulmay Hay”adaha kala duwan ee Dowlada sida Xildhibaanada Baarlamaanka labaad Iyo gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka ayaa Madaxweynaha la wadaagay aragtidooda la xidhiidha sidii habsami u socodka doorashooyinka Jubbaland loo ilaalin lahaa kuwaas oo la doonayo inay ku dhacaan si xor iyo Xalaal ah oo aan faro galin lahayn.
Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa todobaadkan looga hadlay arimo muhiim ah oo ay ugu waa weynaayeen.. 1.Amniga, 2.horumarinta3.Waxbarashada farsamada gacanta, 4.Siyaasadda hantida Dowladda, 5.Siyaasadda xisaabaadka Dowladda 6.Xaaladda dadka naafada ah ee Puntland. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocday Beesha Caalamka oo uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxaa kale oo wafdiga kamid ahaa xubno kasocday IGAD, Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha guud ee Amisom iyo xubno kale. Dhinaca Jubbaland waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay kulankan Madaxweyne ku xigeenada iyo Wasiirada Arimaha gudaha iyo Amniga. Kulankan waxaa lagaga wada hadlayay hanaanka ay u socoto doorashada Jubbaland iyo sidii ay u noqon laheyd doorasho xor iyo xalaal ah, lagana fogaado waxkasta oo keenaya fawdo iyo amni darro. Ergayga qaramada midoobey ee Soomaaliya…
Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaas oo socday intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta waxaa soo xirey Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye. Waxaa ka soo qeybgaley Wasirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askarta ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii argagaxisadu ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose. Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka naftood hurayaasha ah ee ku soo dhaawacmay ilaalinta iyo badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed. Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku dhaliilay dhalinyarada Reer Puntland in aysan diyaar u aheyn inay shaqeystaan. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Adduunka oo lagu qabtay Garoowe, ayaa sheegay Puntland in loo soo shaqo tago , taaso meesha ka saaraysa sida uu sheegay shaqo la’aan ka jirta Puntland. “Umad aan waxbaba ka shaqaynayn oo haddana oranaysa shaqo la’aan baa nahaysa waa mushkilad, arrintaasi waxa ay u baahan tahay in si gaar ah loo baaro weliba wasaaraddaha ay khusayso.” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid C/llaahi Deni.
Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Wafdiga uu hoggaaminayo James Swan ayaa ka qeyb-galaya Doorashad Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland. Sidoo kale, Waftigan ka socda Beesha Caalamku ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jubbaland ee waqtigiisa dhamaaday, Guddiga doorashooyinka, Musharaxiinta mucaaradka, Iyagoona dadaalo ku bixin doona sidii loo xalin lahaa xiisadda siyaasadeed, isla markaana loo abuuri lahaa hannaan doorasho oo ku dhaca jawi wanaagsan. Wakiilada Beesha caalamka ayaa walaac ka qaba xaalada Kismaayo iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed…
Magaalada Taariikhiga ah ee Philadelphia ee dalka Mareykanka waxaa shaley galab ilaa xaley ka socdey toogasho iyo weerar dhex marey dabley hubaysan iyo ciidmada Booliiska dalkaas oo isku dayaya inay ka hortagaan kooxaha weerarka soo qaaday Inta la xaqiijiyey 6 ka mid ah ciidamada booliiska ayaa la dhaawacay, waxaana dableydan ay wadeen muddo saacado ah weerarkan. Booliiska ayaa si nabadgalyo ah dad shacab ah uga daad gureeyey goobaha dagaalku uu dhexmarayo dableyda si aysan waxyeelu u soo gaarin. Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar, hayeeshee inta badan Warbaahinta dalkaas aysan…
Cidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliya (DANAB) ayaa saakay ilaa xalay howlgallo culus ka wada degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo dhawaan Ciidamadu la wareegeen iyo deegaano hoostaga. Howlgalyaan ayaa ka dambeysay, kadib markii shalay barqadii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin degmada Awdheegle, isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal socday in ka badan Saddex Saacadood. Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ay khasaaro xoogan gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Shabaab ee weerarka kusoo qaaday halka Al-Shabaab dhankooda ay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa magacaabay Agaasime waaxeedyo katirsan Wasaarada Arimaha Gudaha ,Federaalka Iyo Dimuqraadiyeenta Dowladda Puntland. Saddexdan Agaasime waaxeed ee uu Magacaabay Madaxweyne Deni ayaa kala ah: Waxaa Beexaani Axmed Bare loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada ( IDPs and Rufugee) .Waxaa Hodon Saciid Xasan loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeenta .Waxaa Cabdulqaadir Cabdimaalik loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Nabadeynta Iyo Dib u Heshiisiinta,
Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray laguna soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada oo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sida ay gooboog ka noqdaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland & tan Madaxweynaha. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa saddex qodob inay ku weyn tahay ku sheegay socdaalka ay ku tageen taas oo la xiriirta doorashada Jubbaland,waxaana ay kala yihiin. In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay…
Taliyaha Ciidanka Lugta General Odawaa Yuusuf Raage ayaa ka hadlay dagaal maanta ka dhacay degmada Aw-Dheegle ee gobolka Sh/hoose kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab. General Odowaa ayaa sheegay weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab loogaga diley maleeshiyaad badan, kuwaasoo uusan sheegin tiradooda balse sheegay in meydadka ay yaalaan goobtii uu dagaalku ka dhacay. Gen. Odawaa ayaa sidoo kale sheegay in dagaalamayaal Al Shabaab ah lagu qabtay dagaalkaas saaka, balse ma sheegin taliyuhu qasaaraha soo gaaray ciidamada dowlada. Ugu yaraan saddex askari ayq la sheegay inay ugaga dhinteen dagaalka ciidamada dowlada iyo weliba weriye sawir qaade ah oo lagu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhallinyarada Puntland kala qayb galay Xuska Maalinta Caalamiga Ah ee Dhallinyarada. Munaasibadda lagu xusayey maalintani ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland, waxaana kasoo qayb-galay masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Kooxda fanka ee Mahuraan, Abwaaniin, dhallinyaro iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Deni ayaa khudbad tariikhi ah ka jeediyey Xuska maalinta caalamiga ah ee Dhallinyarada, waxaana uu ugu hambalyeeyey maalintani mihiim ka ah. “Marka ugu horaysa hambalyo maalinta Dhallinyarada Adduunka oo ah maalin ku astaysan in la xasuusto dhallinyarada doorkooda, laguna baraarugo waxqabadkooda, waxaan rabaa halkan inaan ka sheego kooxda…
Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa is bedel ku sameeyay jadwalka doorashada, iyadoo la soo hormariyay doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dhici doonta 19-ka bishan. Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa la qaban doonaa 17 bishan oo ku beegan Sabtida soo socota, halka doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 19 Agosto Isniinta soo socota.
Guddoomiyaha golaha wakiillada Puntland Cabdixakiin Dhoobo-daareed, ayaa maanta magacaabay afar xubnood oo kamid ah guddiga doorashooyinka Puntland. Xubnaha afarta ah ee uu Magacaabay Guddoomiye Dhooba-daareed, ayaa ah xubnaha laga sugayay Guddoomiyahah, waxaana la filayaa in Madaxweyne Deni uu isna soo magacaabo saacadaha soo socda xoghayaha iyo shan qof oo kale, si ay u dhameystirmaan Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland. Dhowaan ayay aheyd markii ay so wadajir ah isku casileen gudigii hore ee doorashooyinka Puntland kaddib kulan saacado qaatay oo ay la yeesheen Madaxweyne Deni. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa olalihiisii doorasho kusoo galay in sanadka koowaad ee xil-hayntiisa…
Musharixiinta is diiwaan-geliyay ee Doorashada Jubbaland ayaa uga digay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland in dib loo furo is diiwaan-gelinta Musharixiinta, lana hareer maro jadwalkii lagu heshiiyay.
Warbaahinta ku hadashay afka Ciidamada xoogga dalka ee SNA Radio ayaa sheegtay in Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere lagu dhaawacay howlgal ka dhacay 11-kii bishan Agosto deegaanka Shaam ee u dhow degmada Afgooye. Warkan ay shaacisay Warbaahinta ayaa lagu sheegay in howlgalkii ay qaadeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Danab ay ku dileen illaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa la sheegay in dhaawaca gaaray Cali Dheere loo qaaday deegaano hoostaga degmada Kuntuwaarey ee ay maamulaan Al-Shabaab. Ma jirto war ka madax bannaan sheegashada warbaahinta afka Ciidamada ku hadasha oo xaqiijinaya warkan,…
Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuunadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan habeen ka hor dalka sacuudiga gaar ahaan magaalada Mina oo ay u joogaan gudashada waajibaadka Xajka ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabi & Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Wsiir Cawad oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in kulankaas uu ahaa mid ay isku dhex arkeen Masjid,isla markaana isaga iyo Wasiirada kale ee dowladda ay halkaasi ku arkeen Madaxweyanaha Soomaaliland salaana ugu tagen. Sidoo kale, Wasiir Cawad ayaa intaasi ku daray in kulankaasi ay isku muujiyeen inay ahaayeen dad walaalo ah oo isku hiloobay,…
Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa weeraro khasaaro geystay oo kala duwan saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Weerarka 1aad ayaa ka dhacay wadada u dhaxeeysa deegaanka Yunbis iyo Magalada Gaarisa,waxaana la sheegay in lala beegsaday Gawaari ay lahayeen Hay’adaha UN-ka ee ka howlgalla deegaannada Gobolka Waqooyi Bari. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas,waxaana ay sheegeen inay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida UN-ka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen laba Nin oo mid ka mid ah uu ahaa Darawalka Gaariga. Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa…
Dowladda Puntland ayaa hambalyo u dirtay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Labaad ee Jubbaland, sidoo kale Puntland waxay bogaadinaysaa sida ay u socoto hanaanka Doorasho ee Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah, Wasaaraddaha Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe, kuwaasi oo kala ah: Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tegey qaar ka mid ah Wasaradda Dowladda ee ku yaalla caasimadda Garoowe,kuwaasi oo kala ahWasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyaynta iyo Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha. Kormeerka Madaxweynaha ayaa daaranaa korjoogtayta hawlaha shaqo ee ka socda xafiisyada Wasaaradahaasi ee u adeegaya shacabka Puntland. Ugu horayn Madaxweynaha Puntland ayaa kormeerayWasaaaradda Arrimaha Gudaha,…
Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa qorshaynaysa in ay 300 oo askari oo dheeriya u soo dirto Xeebaha Soomaaliya ee Gacanka Cadmeed sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka dalkaasi ee Yonhap. Wakaaladda ayaa ka soo werisay saraakiisha Ciidamada badda Kuuriyada Koonfureed in ciidanka dheeriga ah lagu xoojinayo hawlgalka la’dagaallanka Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya islamarkaana ay halkaasi joogi doonaan mudda lix bilood ah oo ka bilaabmata bisha September ee sannadkan 2019. Guutada 30-aad ayey u qorsheesay inay ka tagto magaalada dekedaha Koonfureed ee Busan dhaca goor dambe oo maalinta ah si ay qeyb kaga noqdaan hawllo lagula dagaalamayo burcad badeedka, sida ay sheegeen ciidamada…
Waxaa Magaalada Kismaayo ee xaunta KMG ah ee Jubbaland ayaa Goo-dhaweyd lagu soo gaba-gabeeyay Munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland. Xildhibaanada la dhaariyay ay ahaa liiskii 73-da ahaa ee xalay a shaaciyeen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland, waxaana Xildhibaanada loo dhaariyay si koox koox ah. Dhaarintan ayaa ka dhigan tallaabada koowaad ee u bilowday Baarlamaanka Jubbaland oo wixii hadda ka bilowda guda geli doona doorashada Guddoonka cusub iyo tan Madaxweynaha Jubbaland ee dhowaan la qaban doono. Dhanka kale, Sheekh Cabd Yuusuf Cali oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Jubbaland ayaa noqdey…
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa beeniyay warar ay baahisay qaar kamid ah Saxaafadda, oo ku aadanaa in Dad u dhashay Dalalka Thailand iyo Kenya afduub loogu haystay Xeebaha Puntland. Wasiir Cawaash oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda Puntland, ayaa tilmaamay in aysan jirin Dad ajnabi ah oo afduub loogu heystay Xeebaha Puntland, balse ay jireen dad ajnabi ah oo u shaqeynayay Shirkaddo Kalluumeysi, kuwaas oo howlo u gaar ah ugu laabtay Dalalkoodii. Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, ayaa sheegay inay ahaayeen dadkaas dad sifo sharci ah ku joogay…
Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshisiinta galmudug ayaa soo saaray habraaca la xiriira qabsoomida Shirka, oo diyaar garoowgiisa uu ka socdo Magaalada Dhuusamareb. Guddiga ayaa shirkjooda ka soo saaray Shan qodob oo uu ku furmo karo shirkaas, oo lagu wado in Magalada Dhuusamareeb uu ka furmo 17 ka Bishaan,waxaana Go’aanada ay soo saareen ka mid ah. Bilawga soo dhaweynta iyo Qaabilaadda Ergooyinka ka qeyb-galayaasha Shirka.Hubinta iyo Kormeeridda Goobaha Shirka iyo Deegaanka Ergooyinka.Diyaarinta Ajandaha iyo Agabyada Shirka.War-gelinta iyo Diyaar-garowga Hay’adaha Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka.Xadeynta Waqtiga soo gaaridda Ergooyinka Goobta Shirka oo ah: 14 – 16 Bishaan iyo Furitaanka…
Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay Liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland. Liiska oo ka kooban 73 Xildhibaan ayaa lagu sheegay in muddo 20 cisho ah ay ku mashquulsanaayeen Odayaasha dhaqanka Jubbaland soo xulista xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, iyagoo liiska u soo gudbiyay Guddiga doorashooyinka si waafaqsan hannaanka doorashooyinka Jubbaland. Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ayaa sheegay in shanta beelood ee hab qeybsiga 4.5 lagu sameeyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.
Munaasabad lagu xusay 21 sano guuradii ka soo wareegtay markii la Aas aasay Dowladda Puntland, ayaa lagu qabtay xalay Dalka Maraykanka. Munaasabadaan waxaa ka qaybgalay Xildhibaanad Ilhan Omar, Xildhibaan Mohamud Noor, Gudoomisada Jaaliyada Puntland ee Maraykanka Mulki Hussein, Fanaaniin tira badan oo reer Maraykan ah Iyo kuwa laga casuumay wadamo kale oo ay ka mid tahay Fanaanada Nasteexo Indho. Munaasabada ayaa intii ay socotay waxaa laga soo jeediyay sidii Puntland lagu aasaasay, Caqabadihii ay lasoo kulantay, Sida looga soo gudbay, Fursadaha jira hadda iyo sidii loo taageeeri lahaa Dawlada cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdilaahi Deni. Xildhibaanada ka qaybgalay…
Taliska Booliiska gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay askari saaka magaalada Boosaaso ku dilay nin ajnabiya oo u dhashay waddanka Kenya kadib markii muran soo kala dhexgalay. Asakarigan oo ilaalo u ahaa ninka uu dilay oo ka shaqeynayay shirkad Kalluumeysi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. “Ciidamadda Amniga ee Magaalada Boosaso ayaa Gacanta ku soo dhigay Ninkii ka danbeeyay dilka muwaadinkii u dhashay dalka Kenya ee Saaka lagu dilay Magaalada Boosaso” ayaa lagu yiri qoraa ka soo baxay taliska Booliiska gobolka Bari. Sidoo kale, Qoraalka Booliiska ayaa looga warbixiyay qarax miino oo saaka ka dhacay aga’gaarka…
Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa maanta qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ku qaabilay Xarunta gudiga oo ay ka socoto xulista Xildhibaanada Cusub si ay ula socdaan qaabka gudigu uu u kala saarayo xubnaha ay soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), aya guddi soo baara u Magacaabay dhacdadii dadka lagu dilay ee 9-kii Bishaan ka dhacday Magaalada Baydhabo. Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa isgu jira Wasiiro ka tirsan koonfur Galbeed, taliyeyaal Ciidan & Maamulka gobolka Baay iyo kana degmada Baydhabo.
Ciidanka amniga Dowladda Puntland ayaa howl-gallo culus ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Howlgalka oo ah mid lagu beegsanayo Goobo la tuhunsan yahay, ayaa yimid kaddib Qarax miino oo saaka ka dhacay Boosaaso, kaas oo lala beegsaday gaari Ciidan. Qaraxan oo ka dhacay aaga Hotelka London ee Boosaaso Ayaa lagu dhaawacay Askar ka Tirsan kuwa Dowladda. Ma jirto waxa war ah oo ku saabsan Qaraxan iyo Howlgalkan ka socda Magaalada oo kasoo baxay Maamulka Gobalka Bari iyo Kan Degmada Boosaaso.
Ciidamada Xoogga dalka ee Kumaandooska ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka wada tuulooyin dhowr ah, si ay u xaqiijiyaan amniga degmada Awdheegle oo maalmo ka hor la wareegeen Ciidamada. Sida wararku sheegayaan howlgaladan ayaa ka dhacay Tuulooyin ay ka mid yihiin Shaam iyo kuwa kale, waxaana saraakiisha ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab ku gaarsiiyeen khasaare xooggan. Taliyaha Ciidamada dhulka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in Al-Shabaab khasaare xooggan ku gaarsiiyeen howlgalkii ka dhacay Tuulada Shaam, waxaana uu xusay inay sii socon doonaan. Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo Ciidamada qorsheynayaan…
Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Xududuudaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu ku dhawaaqaan Xubnaha kamid noqonaya Baarlamaanka Jubbaland. Guddiga ayaa la filayay inay maanta ku dhawaaqaan Xildhibaanada, balse waxaa dib loogu dhigay khilaaf soo dhex-galay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland. Khilaafka xubnaha guddiga ayaa salka ku haya waraaq jawaab ah oo uu Guddoomiyaha Guddigu u diray Beesha Caalamka, taas oo uu sheegay guddoomiye ku-xigeenku inaan laga tala-galin. Wararka ayaa sheegaya in haatan a socdaan dadaalo lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo dhinacyada, Iyadoona la filayo…
Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa amar dul-dhigtay dadka ku nool Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, kaas oo la xiriira dhinaca Amniga. Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Amniga Galmudug, ayaa lagu amray Dadka kunool Koonfurta Gaalkacyo, inay is diiwaangeliyaan dadka hubka ku dhex heysta Magalaada, isla markaana an ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.
Dowladaha Kenya iyo Jabuuti ayaa loolan adag ugu jira helida kursi ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo dhexyaalla Wadamada africa. Dowladaha Afrika oo uu horyaallo kursigaan ayaa waxaa loolan ugu jira labadaasi dowladood e Kenya iyo Jabuuti,waxaana Kenya iyo Jabuuti midba midka kale uu ka dalbaday in uu u tanaasule, hayeeshee aysan weli suurta-gelin. Jabuuti iyo Kenya ayaa codsiga ku aadan helista kursiga waxaa ay u gudbiyeen Qaramada Midoobey Ururka Midowga Afrika,waxaana cidda ku mataleysa Afrika kursigaan la filayaa in Bishan ay go’aamiyaan Midowga Afrika. Uhuru Kenyatta ayaa bishii la soo dhaafay qaabilay…
Hoggaanka sare ee Kooxda Ahlusunna ayaa 9-kii Bishaan Shir deg deg ah la qaatay kaliyah maamulada degmooyinkii ay horay gacanta ugu heysay Ahlusunna ka hor inta aysan ku biirin maamulka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Ahlusunna ay ogeysiisay maamulada degmooyinka in uu jiro Khilaaf ku aadan Ahlusunna iyo dowladda dhexe, maadaama aan la fulin qodobadii lagu heshiiyay qaarkood. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlusunna ayaa ku amray maamulada degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel, Mareerguur iyo Matabaan in aysan qaadan karin Amar aan aheyn Midka hoggaanka ahlusunna. Sidoo kale, Maamulada ayaa lagu amray in Garoomadda…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay maqaamka Muqdisho isagoo ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya inuu ka doodo oo uu ansixiyo maqaamka Muqdisho. Cali Maxamed Geedi oo Wareysi uu siiyay taleefishin Somali Cable, ayaa xusay in maqaamka magaalada Muqdisho uu ka soo shaqeeyay sidii loo dhisi lahaa maqaamka Muqdisho xilligii uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa dalka. “Kuwii shalay diidanaa Maqaamka inay hadda yiraahdaan waa in la dhisaa maqaamka ma aha mid sax ah.”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo ka tilmaamay raggaas Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Masuuliyiin iyo dadweyne kala duwan salaada ciidul Adxa kula tukaday Xarunta Madaxtooyada Jubbaland. Madaxweynaha ayaa Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadan weyn isagoo u rajeeyay in ay is cafiyaan oo gacmaha ay is qabsadaan. Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa shacabka ree Jubbaland ugu baaqay in midnimadooda ay adkeeyaan oo ay nabadgalyada kala shaqeeyaan hay”adaha amaanka isagoo xusay in nabadgalyadu ay cid walba ahmiyad gaar ah u leedahay. Arimaha doorashooyinka ayuu sheegay in qof walba uu Dantiisa ka hormariyo mida guud oo xukunku uu maalmo kooban yahay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda ciidul Adxaha, Gar ahaan Garoonka kubadda cagta Mire Awaare.Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabkiisa, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda. Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha. “Marka ugu horaysan waxaan halkan hambalyo uga dirayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee adduunka, shacabka Soomaaliyeed, kuwa reer Puntland waxaan ugu hambalyaynayaa munaasibadda ciidul Adxa…
Taliyaha Ciidamada Booliska Qeybta Gobolka Bari Ganshaale Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan ammaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, ayna Ciidanku wadaan howlgallo lagu adkeynayo ammaanka Magaalada. G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa tilmaamay inay hakiyeen maalinimada berrito ah gaadiidka dhex soconaya Magaalada inta la tukanayo Salaada Ciida, “Amniga waa fican yahay balse inta beri la tukanaayo salaada Ciida wax gaari ah Magaalada ma dhex-socon karaan, adiga nabad ah gurigaaga kasoo bax kuna noqo” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Qeybta Booliska Gobolka Bari G/SARE Xuseen Cali Maxamuud.
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa 9 su,aalood ka keenay jawaabtii Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ay kasoo saartay weerarkii lagu qaaday xarunta maamulka Gobalka Banaadir, kaas oo lagu dilay Guddoomiyhii Gobalka Eng. Yariisow iyo Masuuliyiin kale. Hoos Ka Akhriso Warbixin uu Bartiisa Facebook kusoo qoray Xildhibaan Mahad Salaad. Wasaarada Amniga shalay waxay soo saartay warbixin aan wax nuxur ah lahayn, dhammaystirnayn, kana jawaabayn su’aalo aad muhiim u ah; sida: 1: Qofka meesha isku qarxiyay oo aan la shaacin magaciisa, shaqada uu hayay, sida uu uga soo gudbay goobaha baarista isagoo sita walxaha qarxa ee…
Ciidanka Ururka Ahlu-sunna ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada saacadihii ugu dambeeyay Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug iyo degaano kale oo kooxdu ay gacanta ku heyso, kuwaas oo ay dooneyso inay uga baxdo heshiis ay dhowaan la gashay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ciidamadan oo aad u hubeysan oo la sheegay inay kamid yihiin Ciidankii dhowaan la isku dhafay, ayaa lagu arkayaa xaafadaha Dhuusamareeb, waxaana dadka deegaanka ay walaac ka muujiyeen dhaq dhaqaaqan cusub inuu dhaliyo isku dhac hubeysan horseedo xaalad adag. Wararka ayaa sheegaya in dhaq dhaqaaqyada cusub ee Ahlusuna ka wado Dhuusamareeb uu la xiriiro, sidii ay…
Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saakay waxaa ay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose kusoo bandhigeen laba dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab,kuwaas oo ay sheegeen inay Ciidamada isku-soo dhiibeen. Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee degmadaas ayaa waxaa ay sheegeen in labada Nin oo lagu kala Magacaabo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo Al-Shabaab dhexdooda looga yaqaanay (Iidle) iyo Geedi Maxamed Cali ay xiriir la soo sameeyeen saraakiisha Ciidamada,isla markaana la soo dhaweeyay. Cabdi Casiis Maxamed Muxumed oo ka mid ahaa ragga la soo bandhigay ayaa waxaa uu watay Qori nooca AK47, waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in uu kala soo goostay…
Wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Shirkadihii daabulay Xujeyda Soomaalida inay si qaldan u maamuleen adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa Xujeyda. Mr. Dhuubow ayaa sheegay in Guddi ay u xilsaartay dowladda Soomaaliya kormeerka xaalada Xujeyda Soomaaliyeed inay soo arkeen afar shirkadood oo sameeyay dayacaad weyn. “Waa nasiib darro in shirkadaha qaarkood inay sameeyaan wax dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka. Sidoo kale waxaa uu…
Madaxweynaha Maamul goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa sheegay in dhibaatooyinkii shalay ka dhacay magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda ay qeyb ka ahaayeen ciidamo ka tirsan Milateriga. Lafta-gareen ayaa ku amray Saraakiisha Ciidamada inay gacanta ku soo dhigaan ciidamadii ka dambeeyay dilkii Ganacsade caan ah oo shalay lagu dilay duleedka Baydhabo. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa soo saaray amar ku aadan in hub lagu dhex qaadan karin gudaha magaalada Baydhabo, waxaana uu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay ku laabtaan xeryahooda oo aanay magaalada lagu arki karin. “Kuwa dilalka iyo dhibaatada geystay ee sida xun u fikiraya waa kuwo…
Wasaarada Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqradiyeynta Dowlada Puntland ayaa shaacisay wakhtiga la dhisaayo Golayaasha degaanka 7 degmo oo ka mid ah degmooyinka Puntland. Degmooyinka loo dhisaayo Golayaasha Deeganka ayaa waxaa kamid ah Degmooyinka Burtinle, Xarfo, Goldogob, Isku shuban iyo Badhan.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, ayaa war kasoo saaray Doorashada Jubbaland, isagoona ammaanay Hanaanka ay shaqada u wadaan Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Mr. James Swan ayaa sheegay in Beesha Caalamku ay garab taagan tahay Doorashada Jubbaland, ayna taageerayso Doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda Degaanadaas, isagoona ka digay Fara-gelin iyo Khalkhal lagu sameeyo Doorashadaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay Qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir 24 kii Bishaan lasoo dhaafay, islamarkaana uu ku geeriyooday Gudoomiyihii gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Warka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa ku saabsanaa natiijadda baaritaanadii ay waddeen maalmihii ugu dambeeyay. WAR SAXAAFADEED: Wasaaradda Amniga Gudaha oo tixraacaayso warbixin baariseed hor dhac ah oo ay sameeyeen hay’adaha Amniga ee DFS kuna saabsan qaraxii ka dhacay Xaruunta Dowladda Hoose ee Xamar 24/07/2019, waxay Wasaaradda Amnigu la wadaagaysaa Bulshada Soomaaliyeed sida soo socota:- • Ugu horayn, Dowladda Soomaliyeed waxay tacsi u diraysa intii ku dhimatay, sidoo kale caafimaad deg…
Shirka Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir Gudoominayay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni, uuna goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa todobaadkan looga hadlay ansixinta wax ka bedel lagu sameeyey Cashuurta Dakhliga Shaqaalaha aan Dawliga Aheyn, Xeerka Maalgashiga Puntland, Kobcinta Shaqo Abuurka iyo warbixino.
Wakiilka gaarka ah ee Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Dr Maxamed Guyow, oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Kismaayo oo uu maalmahan ku sugnaa, ayaa sheegay in maalmahan ay kismaayo u joogeen howlo la xiriira doorashooyinka Jubbaland, iyagoo la shaqaynaya howlwadeenada caalamiga ah ee doonaya in howlaha doorashooyinka Jubbaland ay ku dhacaan qaab hufan oo xor ah. Wafdigu wuxuu inta uu joogay kismaayo uu kulamo la qaatay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin. Musharaxiinta Madaxweynaha ee is diiwaan galiyay. iyo kuwa aan diiwaan gashanayn. Odayaasha dhaqanka. Ururada Bulshada. Xildhibaanada Federaalka ah ee laga soo doortay Jubbaland. gudoonka Baarlamaanka Jubbaland…
Police in Ethiopia have made arrests over a plot for an ex-regional president to escape prison detention, the local Reporter Ethiopia have disclosed. Abdi Mohamoud Omar known as Abdi Illey is currently facing criminal charges over inciting violence and gross rights abuse during his time as leader of Ethiopia’s eastern Somali Regional State. Illey is being held at the Qality prison facility from where he is shuttled to court for trial. The arrested persons on August 5 were plotting for his escape whiles on his way to court hearing. The report added that some weapons were also seized in the process. He was deposed…
Jabhadda ONLF ee xoreynta Soomaali galbeed, ayaa shaaca ka qaaday in wali uusan waxba iska badalin qorsihii ay markii horeba u dagaalamayeen, inkatoo ay heshiis guud oo nabadeed ay la saxiixdeen dowladda Itoobiya. Guddoomiyaha Jabhadda ONLF Adm. Maxamed Cumar Cusmaan, ayaa sheegay in dhulka dowlad deegaanka Soomaalida uu yahay deegaan Soomaali leedahay, balse ay gacanta ku heyso Dowladda Itoobiya, sidoo kalena uu u baahan yahay in la xorreeyo. Mar uu la hadlayaya BBC-da ayuu sheegay in ONLF aysan weli ka tanaasulin ama ka laaban halgankii ay ku jireen ee ahaa in ay xoreeyaan dowlad deegaanka Soomaalida, hasse ahaatee kaliya ay…
Senator Cabdi xasan Cawaale Qeyb-diid oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee BFS, ayaa ka hadlay ujeedada Shirka Beesha Habar-gidir eek a socda Degmada Hobyo ee Gobalka Mudug. Senator Qeyb-diid ayaa sheegay in beesha habar-gidir ay ku fashilantay inay fuliso heshiis waxgaradkii Beesha ay gaareen Hal qarni kahor, taasna ay keentay in beeshu ay dib u shirto.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, ayaa maanta ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee dugsiyadda dhexe.