Ciidammada ammaanka Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, ayaa maanta toogasho ku diley haweeney rabtey inay isku qarxiso saldhiga booliska degmada Baardheere. Haweeneyda ayaa xilliga ay ciidanku toogteen, waxay ka soo degtay Baabuur Caasi ah oo ka yimid Magaalada Baydhabo, waxayna bambo ku tuurtey Ciidanka ilaalada ahaa ee ku sugnaa afaafka hore, Iyadoona halkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa 2 Askari. Ciidanka Booliska ayaa Baaritaano ku sameeyey Meydkeedka Haweeneydan, waxaana laga soo saaray walxaha qarxa iyo Lambar sireedkeeda.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay nidaamka Dowladda Federaalku ay u mareyso deyn cafinta Soomaaliya, isagoona ku baaqay in inta aan loo dhaqaaqin soo qaadashada deynta kale laga heshiiyo qorshaha iyo waxa lagu qabanayo. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in doodaha ugu badan ee ay la galaan Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha Beesha Caalamka, ay tahay in inta aan deyn lasoo qaadin laga heshiiyo waxa lacagta lagu qabanayo, maadama lagu soo qaadayo Magaca Soomaaliya. “Markaan ka hadlayno dowladda dhexe doodaha ugu weyn ee aan hay’addaha iyo beesha caalamka aan lagalnay waxaa kamid ah intaan danyta la cafin, intaan…
Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee lasoo gaabiyo AFRICOM Jeneraal Stephen Townsend, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdidsho, isaga oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota & Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya. War-Saxaafadeed Africom kasoo baxay oo looga hadlayay booqasahda taliyaha Cusub ayaa lagu sheegay in booqashada Jeneraal Stephen Townsend ay tahay fursad lagu qiimeynaayo sida ay tahay xaalada Soomaaliya, iyada oo la xoojinayo sida Africom uga go’an tahay danta Amniga ee dalalka Gobolka. “Waa ay iga go’an tahay inaan wadashaqeyno,isla markaana…
Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed,gaar ahaan Kumaandooska ayaala sheegay inay ka hortageen weerar Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab xalay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, halkaas oo maalin ka hor ay la wareegeen Ciidamada DANAB. Saraakiisha hogaaminaysa Cidiamada ku sugan Awdheegle ayaa SONNA u sheegay in ay ka dileen 4 ka tirsanaa Al-Shabaab halka 5 kalena laga dhaawacay,kuwaasi oo isku dayay weerar in ay soo qaadaan,balse ay fashiliyeen ciidanka Kumaandooska Soomaaliya. Dhawaan ayay ahayd markii ciidanka Xooga Dalka ay kala wareegeen Shabaab degmada Awdheegle iyo nawaaxigeeda,waxaana halkaasi ka socda baaritaano amaanka lagu sugayo. Sidoo kale waxaa ay ciidamadu qabsadeen…
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Dawladda Federaalka ah Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar ayaa sheegay inaysan u kala gooshi karin magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda diyaarada Ethopian Airlines, ganacsigaasna uu xiran yahay oo kaliya shirkaddaha duulimaadyadda Soomaalida. Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa dhowaan ka dacwooday tartan aan xalaal ahayn oo ay sheegeen inay kala kulmeen shirkadda Ethiopian Airlines, oo Bishii Hore duulimaad Toos ah ka bilowday Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland.
Qoraal kasoo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shaqaalaha dowladda ay yihiin fasax maalmaha Ciidda Carafo. “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waxey ku wargalineysa Dhammaan Hey’addaha xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed iyo hey’adaha Gaarka loo leyahay Shaqaalahooda in ay fasax tahay maalinta Ciidul Carrafa 3 maalmood oo ku aaddan maalinta Axadda ah 11/08/2019, Fasaxana waa Maalmaha Sabtida, Axadda iyo Isniinta.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad aan laheyn Khibrad Siyaasadeed iyo mid Maamul. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Hoggaamiyaasha Dalka ay yihiin Jiil aan waxba ka aqoon Siyaasadda iyo Maamulka uu u baahan yahay Dal soo kabanaya, balse ay yihiin dhalinyaro khibradoodu ku eg-tahay lasoo shaqeynta Hay’addo ajnabi ah. “Dhalinyarada jiilka danbe ee siyaasada khibradooda ugu weyn waa inay lasoo shaqeeyeen Hay’adaha Samafalka, Hay’ad baad lasoo shaqaynaysaa wixii ay ku shaqayn jirtey baad rabtaa inaad dalka ku maamusho macquul maaha taasi.”…
Shirkadda ASD Group ayaa maanta ku wareejisay Guddiga dhismaha Dekedda Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, naqshada dhismaha Dekedda Garacad. Munaasabad ka dhacday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga, ayaa guddigu kula wareegeen Naqshada, waxaana guddiga hoggaaminayay Islaan Bashiir Islaan Cabdile oo kamid ah Isimada waa weyn Soomaalida. Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ka hadlay naqshadan ay kusoo wareejisay Shirkadda ASD Group, ayaa sheegay inay guul u tahay howlaha shaqo ee ka socda Dekedda Garacad. Dhismaha Dekedda Garacad ayaa si weyn uga socota Degaanka, waxaana si weyn looga dareemayaa howlaha shaqo ee Dekedda Guud ahaan Degaanada Dowladda Puntland.
Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ahna Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug. Qoraal ka soo baxay Sheekh Shaakir oo loo diray Ra’iisul Wasaare Kheyre, laguna ogeysiiyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ayaa looga dalbaday inay jawaab degdeg ah looga keeno arrimo socda oo ka baxsan heshiiskii horay ay Ahlusuna ula gashay dowladda Federaalka, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha.
Guddomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka hadlay doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka 2020/21, iyadoo aan muuqan diyaar garow loogu jiro sidii doradsho qof iyo cod dalka loogu qaban lahaa. Guddoomiye Mursal ayaa sheegay inay dadaal galinayaan sidii doorasho dalka uga dhici leheyd, isagoo raja wanaagsan ka muujiyay in dalka ka qabsoonto doorasho ka duwan tii dadbaneyd ee qabsoontay sanadkii 2016. “Annaga waxaan Juhdi weyn ku bixineynaa 2021 doorasho iney dhacdo, kan waxaan ku raja weynahay inay dhacdo waana wadnaa howshaas, guddi doorashaa la sameeyay, Dastuurka waxaan rabnaa in sanadkaan intuusan dhamaan…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa daahfuray bilawga Qorshaha Horumarinta Puntland ee 4-aad sanadaha 2020 -2024. Madaxweynaha oo khudbad muhiim ah ka jeediyey Daahfurka Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Puntland ayaa Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga caalamiga ah ku amaanay diyaarinta Qorshahani muhiim ka ah. “Puntland waxaa lagu amaani karaa mudadaa ay shaqayneysey horumarka ay ka gaartay inay nidaamkii dowladnimo dhisto, waxna ka qorshayso. Maanta waxaan halkan u joognaa daahfurkii 4-aad ee diyaarinta qorshaha horumarinta Puntland, kani waa qorshaha horumarinta, qorshihii siyaasadeed ma ah, marka laga hadlaayo qorsha Horumarinta waxay inta badan xooggasaaraan horumarinta bulshada, horumarintaasi waxay ku tiirsan…
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi. Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan ayaa bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab waynaha Puntland, waxaana…
Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyay tirada Musharaxiinta u tartamaysa Madaxtinimada Jubbaland iyo Labo ka mid ah oo tanaasulay. Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay habraaca Wajiga Labaad ee doorashooyinka Jubbaland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni, ayaa maanta daah-furay Shirka Qorsheynta 4-aad ee Hormarinta Dowladda Puntland, kaas oo ay lagu gorfeynayo arrimo badan. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasaaradaha Dowladda. Madaxweynaha Deni oo khudbad ka jeediyay shirkan ayaa sheegay in uu muhiim u yahay Hormarinta Puntland, Isagoona baaq u diray Hay’adaha iyo Bulshada Puntland.
Shirka Garsoor Dhaqameedka Puntland oo ay soo qaban-qaabisay Wasarada Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dastuurku ayaa maanta ka furmay Magaalda Garoowe ee Caasimadda Puntland. Shirka oo socon doona labo beri ayaa lagaga wada-hadli doonaa sidii sare loogu qaadi lahaa dhamaan Garsoor Dhaqameedka iyo sidii loo soo saari lahaa Xeerar iyo Siyaasadii lagu hagi lahaa Garsoor Dhaqameedka. Sidoo kale, Shirka Garsoor Dhaqameedka oo ay ka qeyb-galayaan Culimada iyo Odoyaasha Dhaqanaka ayaa diirada lagu saari doonaa sidii looga hortagi lahaa, loona xallin lahaa khilaaf kasta oo bulshada soo wajaha.
Ciidamada Ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Afmadow iyo tuulooyin hoostaga degmadaas. Howlgalka ayaa waxaa si wada jir ah u sameeyay Ciidamada Booliiska,Daraawiishta iyo Nabad-Sugidda Jubbaland,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay,isla markaana lagu baadi goobayay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Degmada Afmadow ee Maamulka Jubbaland Gaanshaalle Mahad Maxamed Islaam ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo in ay ka tirsanyihiin Al-Shabaab,isla markaana ay baaritaano ku hayaan. Ciidamada ayaa siidaayay qaar ka mid ah…
Magaalada muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa dib loogu soo celiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaan ku tegay dalka Libya, isla markaana dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen. Dhalinyaradaan oo gaareysa ilaa 12 Ruux oo mid haweeney tahay ayaa waxaa soo celintooda Gacan ka geystay Xafiiska Arrimaha Qaxootiga xuquuqda Caruurta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka. Qaar ka mid ah Dhalinyarada dib loogu soo celiyay dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la soo kulmeen dhibaayin ay ka mid yihiin jirdil, Raashin la’aan iyo in uu ku qabsanayo Magafaha Libya oo doonaya lacag farabadan. Dalka Libya ayaa xilligaan…
Boqorka Sucuudiga Carabiya Salman Bin Cabdicaziiz, ayaa ku dartay martida uu Boqorku sanad walba ku martiqaado gudashada acmaasha Xajka Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo warqad u diray boqorka dalka Sucuudiga ayaa uga mahadceliyay martiqaadka uu ku sharfay, isagoo sheegay inay talaabadaasi xoojinayso xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Sucuudiga. Muuse Biixi ayaa warqadda uu u diray Sucuudaga waxa uu ku sheegay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, islamarkaana ay isagana ay masuuliyaddiisa tahay ilaalinta sharafta dalkiisa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu dalbaday in lasoo saaro dal ku galka basaboorka diblamaasiga Somaliland, kaas oo loo…
Dowladda Mareykanka ayaa faahfaahin ka bixisay kulan shalay Muqdisho ku dhex maray kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha siyaasadda, David Hale iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre. Bayaan ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka Morgan Ortagus, ayaa lagu sheegay in Hale uu dib u xaqiijiyey ballanta adag ee Mareykanka uu Soomaaliya uga caawinayo dadaallada is-beddellada siyaasadeed, horumarinta dhaqaale iyo xasillooniada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu Hale xog ka siiyey horumarada Soomaaliya ay dhowaan ka sameysay dhinacyada amniga iyo siyaasadda, iyo inay kasoo baxdo shuruudaha deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya u ogolaan laheyd inay…
Taliska iidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray howlgal saaka Ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB kula wareegeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka ahna ku-simaha Taliyaha Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay ciidanku ay si nabad ah kula weegeen degmada Awdheegle iyo deegaanna kale oo ku xeeran, ayna sii wadi doonaan howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisada. “Ciidanka ayaa wada Miino saaris iyo howl gallo ay ku xaqiijinayaanamniga”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidanka xoogga dalka.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhagaysiga Dacwadda Nin u dhashay dalka Ingiriiska oo loo haystay qalqal gelinta Amniga Garoonka Caalamiga ah Aadan Cabdulle Cismaan (Cadde). Ninkan oo lagu magacaabo Andrew Brain Irlam, ayaa 31-kii bishii hore bilaabatay dhageysiga eedaha loo heysto, iyadoo ugu danbeyn maanta uu dhacay xukunkiisa, inkastoo qaar ka mid ah lagu waayay dambiyadii loo heystay. Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Go’aan ka gaartay kiiska, waxayna ku xukuntay Inuu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $7,000, iyadoo ku waysay qodobadii lagu soo eedeeyay labo ka mid ah waxayna ku heshay qodobka 34aad ee Xeerka Nabadgelyada guud…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay saraakiil ka socda Hay’adda WFP oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo. Kulanka Madaxweynaha iyo saraakiishaasi waxaa ku wehelinaayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Af-hayeenka Madaxtooyada iyo la-taliyayaal. Muhiimadda kulanka ayaa ahayd is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu horayn qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kusoo dhoweeyey saraakiisha Hay’adda WFP, waxaana uu si gaar ah ugu soo dhoweeyey…
“Dagaal oo dhan waa dagaal dhaqaale” sida dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha (waa Jamhuuriyadda Dadweynaha ee Shiinaha). Waxay la noqotay Madaxweyne Donald Trump in ay dalkiisa ku tahay cadaalad darro ganacsiga u dhaxeeya Ameerika iyo Shiinaha. Dalka Shiinaha ayaa sannadkii 2018 dalka Mareynkanka u dhoofiyay badeeca kala duwan oo guud ahaan qiimahoodu yahay $539.50 billion, Ameerikana waxay u dhoofisay dalka Shiinaha badeeca dhan $120.30 billion. Madaxweyne Trump ayaa qaatay go’aan ah in la dul saaro badeecada laga keeno Shiinaha canshuur dhan 25% sanadkii 2017 (iyo 10% kale todobaadkan) si ay u yareeyaan farqiga ganacsi ($419.20 billion) ee…
Guddoomiya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad. Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Qatar ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay iskaashiga labada dal iyo taagerida howlaha Guddiga Saaxiibtinimadda Baarlamaanadda Soomaaliya iyo Qatar. Waxaana sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed iyo Xog-hayaha Guud ee Golaha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa ku wareejiyay Guddiga gacanta ku hayaa dhismaha Garoonka kubada cagta ee Mire Awaare lacag dhan 1000’0000 dolar, taas oo uu horey u balanqaaday Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni inuu ku darayo Wajiga kowaad ee dhismaha Garoonka. Wasiirka Wasaarada Maliyada Puntland ayaa raalli ka bixiyay dib u dhac ku yimid Lacagta oo qorshuhu ahaa in shalay lagu wareejiyo Guddiga.
Ciidanka Xoogga dalka ee sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa Al-Shabaab kala wareegay degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay qortay Wakaalada Wararka ee SONNA. Sida wararku sheegayaan Ciidamada DANAB ayaa gudaha u galay degmada, kaddib markii ay ka saareen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Degmada Awdheegle ayaa qiyaastii 70km koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia, waa degmo caan ku ah beeraha iyo dalagyada kala duwan sida khudaarta noocyadeeda kala duwan. Awdheegle ayaa dhowr jeer ay is bedeshay gacan ku heynteeda, iyadoo Al-Shabaab ay maamulayeen degmadaas afartii sano ee u dambeysay, kaddib howlgaladii sanadihii 2012 iyo 2013 ee…
Ciidamada Dab-damiska dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dab ka kacay xarun ganacsi oo ku taalla Isgoyska Aargo ee bartamaha magaalada Kismaayo. Dabkaan oo dhashay Koranto ku jirtay goobta ganacsi ayaa waxaa durbadiiba soo gaaray Ciidamada gurmadka deg deg ah ee Dab-damiska Jubbaland, waxaana muddo kooban lagu guuleystay in la bakhtiiyo dabka oo aan gaarin goobihii kale ee ganacsi. Ma jiraan wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay dabkaan. waxaana la arkayay ilaa 4 gaadiidka dab damiska ah oo ku sugan goobta walow uu dabku ahaa mid ku eg isla goobtii uu ka kacay.
Wararka naga soo gaaraya Magaaladada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegay in jabhadda xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug, ay xalay markii labaad weerartay goob ay ku sugnaayeen Ciidanka Maamulka Somaliland. Koox hubaysan oo ka tirsan jabhadda ayaa weerar ku qaaday Xarunta qaybta Booliiska ee gobolka sool, halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Booliiska Somaliland. Dadka Degaanka ayaa sheegay in mudda saaacad ah ay maqlayeen dhawaaqa hubka culus iyo rasaas tiro badan, taas oo ku abuurtay cabsi. Kooxda weerarka qaadday ayaa sida la sheegayo goobta isaga laabtay, welina lama xaqiijin khasaaraha kala gaaray labada dhinac. Weerarkan…
Shirkadaha Diyaaradaha ee Turkish Airline, Fly Dubai iyo Al-carabiya, ayaa la filayaa inay dhowaan duulimaadyo caalami ah ka bilaabaan Degaanada Puntland, sida uu shaaciyay Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugadoor Gibiley. Wasiir Gibiley oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay dadaal xoogan ugu jirto in Dulimaadyo heer caalami ah ay ka bilowdaan Degaanadeed, taas oo ay guulo muuqda ay ka gaartay. Waxaa uu sheegay in dulimaadyada ay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ay ka bilowday diyaarada Ethopian Airline ay dhabaha u xaartay Shirkaddo caalami ah ay u soo…
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa ka warbixiyay shir ay yeesheen Madaxweynaha Jubbaland oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta iyo Taliyaha Ciidamada AMISOM Tigabu Yilma oo maanta soo gaadhay Magaalada Kismaayo. Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sheegay in kulanka labada dhinac lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa amaanka isla markana si midaysan loogu qaadi lahaa howlgalo Cusub oo deegaanada Jubbaland laga samayn doono waxaa uu Intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku in la isku raacay in si wadajir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee lagu kicinayo…
Agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh), ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya, in dowladda Puntland ay mamnuucday shirkadda DAALLO AIRLINE. “Wasaarada Duulista Hawadda iyo Garoomadda ee Dawladda Puntland, waxa ay cadaynaysaa in aan waxba ka jirin warbixinta lagu sheegay in Shirkadda DAALLO AIRLINE laga mabnuucay Garoomada Puntland” ayuu yiri Xoosh oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirkaddu ay maantadan ka degtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ” waliba waxaan dad waynaha reer Puntland iyo guud ahan kuwa Soomaaliyeedba usheegayna in duulimaadkii caadiga ahaa ee shirkada DAALLO AIRLINE…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay. Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka Koonfur Afrika kaga qeyb geli doono shirka Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan halkaasi ka furmi doona. Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika Amb: Jamaal Maxamed Barrow oo soo dhoweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu yahay dal muhiim u ah Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Shekh C/raxmaan…
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku milmeen Hey’addaha amniga dowladda, isagoo xusay in xilligan Shabaab ay sida ay rabaan Muqdisho ka sameeyaan, illaa heer ay Canshuur ka qaadaan Dekedda Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega. Sidoo kale, CC Warsame ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in aanay la imaan siyaasad cad oo ay kula dagaalanto, taas bedelkeed ay xoojisay dagaalka siyaasiyiinta mucaaradka, burburinta maamul goboleedyada iyo kala qeybinta Baarlamaanka.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cisman Lugadoor Gibiley, ayaa si adag uga hadlay Koox isugu yeertay guddiga adeegga diyaaradaha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhowaanahan bilaabay inay cabasho ka muujiyaan Diyaaradaha Heerka Caalami ee ka shaqo bilaabay Degaano kamid ah Puntland. Wasiir Gibiley ayaa sheegay in Kooxdan isugu yeertay Guddiga Adeegga diyaaradaha Soomaaliyeed, ay yihiin Koox ka xun dulimaadyada diyaaradaha caalamiga ah ee Ethopian Airline ugu horeyso eek a bilowday Degaanada Dowladda Puntland. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa tilmaamtay in aysan dhag-jalaq u siin doonin Kooxdan yar, balse ay tahay arrin lala yaabo…
Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbland. Wafdigan ka socda Taliska AMISOM ee Midowga Afrika ayaa socdaalkooda Kismaayo ku soo aaday xilli xasaasi ah oo la filayo in dhowaan doorasho ka dhacdo magaaladaas. Saraakiisha uu hoggaaminayo Taliyaha AMISOM ayaa xilligan kulamo la leh Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlaya arrimaha ammaanka iyo doorashooyinka. Sidoo kale, Wafdigan ka socda Midowga Afrika ayaa kulamo la qaadan doona Guddiga doorashada Jubbaland iyo Musharaxiinta, waxaana la filayaa inay kormeeraan qeybo ka mid ah magaalada. Dowlad…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay labo dhalinyaro ah oo ku eedeysnaa inay ka dambeeyeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Muqdisho. Labadan dhalinyaro oo lagu kala magacaabayay Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow ayaa ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana dhowaan ka soo muuqdeen muuqaal laga duubay oo ay ku qiranayeen dilal iyo weeraro ka dhacay Muqdisho. Maxkamadda Darajada Koowaad iyo Maxkamadda sare ayaa horay ugu kala xukuntay dil toogasho ah, waxaana saaka oo Isniin ah, kuna beegan 5-ta bisha Agosto lagu fuliyay xukunkii dilka toogashada ah.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa booqasho dhiirri gelin iyo dardaar ah ugu tegay ciidamo tababar loogu soo xiray xerada Gen. Goordan, loona diyaariyay howgal Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga suganyihiin gobolada dalka. Ciidanka oo loo soo gebegebeeyay tababar ayaa qayb ka noqonaya ciidamo horay sidaan oo kale loo tababaray, isla markaana la wareegay deegaano ay maamulayeen Al-Shabaab. Mudane Xasan Cali Khayre oo ballan qaaday in xaquuda ay ciidanku leeyihiin loo dhammaystirayo, ayaa uga mahad-celiyay naf-hurnimada ay uga qayb qaadanayaan badbaadinta nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in howlgallada Al-Shabaab lagula…
Dowladda Qatar ayaa gacanta ka galisay Kooxda Alshabaab sanadkan oo kaliya lacag ka badan 60-Milyan oo dolar.sida uu xaqiijiyay xubin amaan oo galgal uleh arimaha gudaha ee Somaliya. Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa ka heshay ganacsatada iyo ganacsigooda dhaqaale fara badan oo ay ku maalgaliso hawlgaladooda,kaasoo lagu qiyaasay in ka badan 30 -Milyan oo dolar. Warkan danbe waxaa iyaduna xaqiijisay Wariye Falastiin Axmed Iimaan oo ka tirsan idaacada VOA qaybteeda Afka Soomaaliga. Todobaad ka hor ayay ahayd markii Jariirada New York Times shaacisay xog Talefoon ah oo laga qabtay Safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo Nin ganacsade Qatari ah oo wada…
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed “Dhoobo-daareed”, ayaa maanta sagootiyay Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Saree e BJFS iyo Wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa Caasimadda Dowladda Puntland, kana qeyb-galay Munaasabadda Xuska 1-da August. Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayaa uga mahad-celiyay Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda, sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen mudadii uu ku sugnaa Degaanada Puntland. Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa sheegay in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland uu ka furanayo Golaha Aqalka Sare Xafiis saldhig u noqonaya Senatorada laga soo doorto Degaanada Puntland.
La-taliyaha Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dalalka Carabta iyo Islaamka , Sheekh Cali Maxamuud Xasan “Wajiis” oo Wraeysi dhawaan siiyey Wargeyska Al-Watan ee ka soo baxa Sacuudiga, ayaa ka hadlay Isbedelka Siyaasadda ee Mustaqbalka iyo Dowladda ugu badan ay DFS ka hesho taageerada Dhaqaale. Sheekh Cali Wajiis ayaa tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga tahay Isbahaysiga ugu weyn ee Gobalka, isla markaana taageeradda ugu badan la garab taagan Somalia. La-taliyaha waxa uu xusay inay Sacuudiga ku soo eegayaan Soomaaliya Indho Istraatijiyadeed iyo mid Walaaltinimo, isla markaana Aragti dheer xambaarsan. Sidoo kale, waxaa uu intaasi ku daray inay dowladda Sacuudiga taageero ka geystaan sidii ay…
Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa si rasmi ah u sheegtay in 28-da bishan August, ay bilaabi doonto Duullimaadkeeda Ganacsi oo ay isaga kala gooshi doonto Magaallooyinka Kampala iyo Muqdisho. Shirkadda Uganda Airlines ayaa ku dhawaaqday Hawlgalkooda Duullimaadka maalmo kadib, markii ay Shahaadada ay ku hawli geli lahaayeen ka heleen Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Uganada oo 3 bilood tijaabiyey Diyaaradaha ay Shirkadu ku hawl-geli doonto. Shirkadda waxay xaqiijisay inay bishan August 28-da bilaabi doonaan Duullimaadyada Tooska ee ay ku tegi doonaan caasimadaha Somalia, Kenya, Tanzania iyo Koonfurta Suudaan. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Shirkadda Diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa lagu…
Shirwaynihii 1-aad ee wada tashiga iyo sii xoojinta iskaashiga deegaanada soomaalida iyo oromada ayaa Maanta ka furmay caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee jigjiga gaar ahaan madasha shirarka kaali ee xarunta madaxtooyada DDS. Shirkaas ayaa waxaa qaybgalaya masuuliyiinta ugu saraysa labada dawlad deegaan oo ay ka mid yihin madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, madaxwaynaha deegaanka oromada Shinmelis Abdisa, hogaaminta odayaal dhaqameedka labada deegaan oo ay ka mid yihiin odayaasha guurtida deegaanka soomalida iyo abaagadhayaasha deegaanka oromada, aqoon yahanka, waxgaradka labada deegaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada . Waxaana shirkaas si rasmi ah u furay Madaxwaynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar, isaga…
Waxaa Maanta Aas Qaran Magalada Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyihii Gobolkan Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarixii ka dhex dhacay Xarunta Gobolka Banaadir. Saakay Waaberigii hore ayaa diyaarad siday waxa ay kasoo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada muqdisho, iyada oo salaadii janaasada lagula dukaday Barxad ku taalla Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho. Khabuuraha Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Janeraal Kaahiya Ex-Iskuul bulusiya ee Magalada Muqdisho ayaa lagu aasay,waxana ka qeyb galay Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, guddoomiye Mursal, Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda…
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax, ayaa ka bad-baaday Qarax lagula eegtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari. Qaraxan ayaa lala eegtay Gaari uu saarnaa Wasiir Shire Faarax, xilli uu marayay nawaaxiga hoteelkii hore loo oron jiray Ramaada, waxaan dhaawac uu kasoo gaaray mid kamid ah Ilaalada Wasiirka. Ciidanka ammaanka Dowladda Puntland oo gaaray Goobta ayaa wada baaritaano la xariira Qaraxan, Iyagoona qadar daqiiqado ah xiray Wadada. Qaraxan saaka ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii ugu dambeeyay la xoojiyay ammaanka Boosaaso.
Shir u dhaxeeya Maamulada Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromada oo mudo sanado ah uu dagaal dhexmarayay, ayaa maanta ka furmaya Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida. Shirkan oo looga hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Colaada u dhaxeeysa Soomaalida iyo Oromada, ayaa waxaa ka qeyb-galaya Madaxweynaha Dowlad deegaanka Oromada Shinmelis Abdisa, iyo wafti uu hoggaaminayo oo shalay soo gaaray Magaalada Jigjiga. Shirkan ayaa si gaar ah waxaa diirada looga saarayaa sidii looga kabsan lahaa dhibaatadii dhexmartay Soomaalida iyo Oromada, cadaadis lagu haayay Soomaalida iyo in labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada ay noqdaan kuwa nabad ku wada noolaada oo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa abaal marinadii ay mutaysteen guddoonsiiyey dadkii ka shaqeeyey munaasabaddii kowda Ogos oo ka dhacday qasriga madaxtooyada Puntland ee Garoowe.
Wasiiro ama madax iyo odayaalxoolahoodii lagu laaluushayo oo mid kasta ku faraxsanyahay! Waxaa arrin yaab leh danta uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka leeyahay inuu jinsiyaddii uu dalka Maraykanka ka haysta iska celiyo! Kolayba ma aha mid dadka Soomaaliyeed ugu macnaysmaysa inay tahay sabab la xiriirta danta dalka, wadaninimo, Soomaali jacayl, iyo inuu shisheeye ka madax bannaanyahay! Waxaa iyadana jira warar kale oo tilmaamaamaya in dowladda Maraykanka ay iyada kala noqotay sharcigiisii jinsiyadda iyadoo ku eedeynaysa musuqmaasuq baahsan oo uu ku sameeyay doorashadii maamul goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya 2018kii. Waxaana adag sida loo rumaysto in Madaxweyne Farmaajo uu iska celiyay jinsiyaddii uu ka haysta dalka…
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta soo gaba-gabeeyay Kulamadoodii Kalafadhigga 44-aad, kuwaas oo socday muddo bil iyo bar ah. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland C/xakiin Doobo-daareed, oo ka hadlayay xiritaanka Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay galayaan Labo bilood oo fasax ah, uuna fadhiga baarlamaanka dib u furmayo bisha October.
Dowladda UK ayaa la wareegay meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow, oo ahaa Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in Dowladda UK ay ka qaadatay Magaalada Doxa ee Dalka Qatar Meydka Eng. Yariisow oo dhowaan ku geeryooday Qatar, kaddib markii loogu qaaday dhaawac kasoo gaaray Qarixii xarunta Gobalka Banaadir. Wararka ayaa intaas ku daraya in Dowladda UK ay baaritaan ku sameynayso Meydka, kaddib markii laga shakiyay dhimashada Eng. Yariisow, ayna dalbadeen carruurtiisa. Ma jirto illaa wax war ah oo ka Soo baxay dowladda soomaaliya marka laga soo tago in guddi aaska ayaa sheegan in u dib…
Dib u dhac ayaa ku yimid keenista Magaalada Muqdisho ee Meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah. Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya, iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka. Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood. Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar, ayaa faah-faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlaha qaban-qaabada aaska Qaran ee Maanta lagu wado in Muqdisho loogu sameeyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir oo dhowaan ku geeriyooday Magaalada Doxa ee Dalka Qatar. Mudane; Saalax ayaa mar Labaad ka tacsiyeeyay geerida Duqa ahaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, wuxuuna sheegay in Guddigii uu Ra’iisul wasaaruhu u xil saaray aaska Qaran ay howlihii loo igmaday u marayaan meel wanaagsan. “Run ahaantii Guddigu waxay soo qabteen howlo fara badan, iyadoo la marayo howlihii ugu dambeeyay iyo diyaar garoowgii ay Guddigu ku jireen, waxaana la filayaa in Marxuumka Meydkiisa lasoo…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa xalay mar kale khudbad ka jeediyay, munaasabad lagu maamuusayo loogana mahad-celinayo Madaxdii iyo Bulshadii kasoo qeyb-galay xuska 1-da Agoosto oo ku beegan sannad-garuuradii 21-aad ee ka soo wareegtay aas’aaskii Puntland. Madaxweyne Deni ayaa guud maray faa’idooyinka laga dhexlay Nidaamka Federaalka, Kaalinta Puntland ka qaadatay hirgelinta Federaalism-ka dalka iyo Maqaamka Caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed ka codsaday in maalinta 1-da Agoosto loo aqoonsado “Maalinta Federaalism-ka Soomaaliya” isagoo sharraxay muhiimadda ay u leedahay Nidaamka Federaalka.
Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadda ugu baaqay in ay soo Afjaraan Khilaafka Mudada dheer ka dhex taagan. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in dowladda Federaalka ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka Dowlad Goboleedyada ay ku shaqeeyaan, islamarkaana ay dardar-galiso dhismaha Dowlad goboleedyadda. Dr. Gaas ayaa tilmaamay in Khilaafka dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena waxaa sheegay in dhammaan Hay’addaha kala duwan ee dowladda Khilaafkaasi cuuryaamiyay. Ugu dambeyntii, Madaxweynihii Hore ee Dowladda Puntland Dr. C/weli…
Qaban-qaabada Aaska Meydka Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo maalin ka hor Isbitaal ku yaala magaalada Doxa ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir, ayaa ka socota Magaalada Muqdisho. Diyaarad lagu soo qaadayo Meydka Eng. Yariisow oo ay la socdaan eheladiisa ayaa la filayaa in saacadaha soo socota ay ka soo degto magaalada Muqdisho. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saaka si aad ah loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka qaar la dhigay Ciidamo, sidoo kale gaadiidka ayaa meelaha qaar loo ogoleyn, iyadoo la xiray waddooyin dhowr ah. Madaxda ugu…
Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka Dowladda Puntland iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, ayaa maanta kormeeray xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe. Kormeerka Masuuliyiinta ayaa ku qotamay u kuurgalida xaalada Maxaabiista ku xiran xabsiga weyn oo ay kamid yihiin Maxaabiis ku eedeysan falal Burcad badeednimo, kuwaas oo laga keenay Seychelles, mudana ku xirnaa Xabsiga. Masuuliyiinta ayaa mid mid u xog-wareystay Maxaabiista, Iyagoona weydiinayay xaaladooda, waxaana maxaabiistu ay sheegeen inay u baahan yihiin Cadaalad, maadama aysan illaa hada helin qareeno u dooda.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwo Dowlad Gobaleedyada in 1-da August oo ah maalintii la aas-aasay Dowladda Puntland, loo aqoonsado maalin Qaran oo Soomaaliya ay qaadatay nidaamka Federaalka. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay xalay Munaasabad ka dhacday Madaxtooyadda Puntland oo lagu xusayay 1-da August, ayaa sheegay in maalintan ay ku asteysan tahay aas-aas Dowladda Puntland oo hormuud ah nidaamka Federaalka.