Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidammada badda ee waddanka Mareykanka ay marinka Hormuz ku soo rideen diyaarad aanay cidina wadin oo Iiraan ay leedahay. Waxa uu sheegay in markabka USS Boxer “uu isdifaacay” Khamiistii kaddib markii diyaarad aanay cidina wadin ay u soo jirsatay 1,000 yaardi. Iiraan ayaa sheegtay in aanay wax war ah u ahayn in diyaarad aanay cidina wadid ay ka burburtay. Bishii Juun, Iiraan ayaa waxa ay soo ridday diyaarad aanay cidina wadin oo uu leeyahay milateriga waddanka Mareykanka oo isla aaggaas maraysay. Goor sii horraysay, Tehraan ayaa waxa ay sheegtay inay qabatay markab ajnabi ah…
Author: Jibril Qoobey
WAR-SAXAAFADEED: 18/07/2019. Jamhuuriyadda Somaliland Oo Jawaab Waafi Ah Ka Bixisay Hadallo Deelqaaf Ah Oo Kasoo Yeedhay Maamulka Muqdisho. Guddida uu shalay magacaabay madaxweynaha maamulka Muqdisho nuxurka hawsha uu u igmaday waxaay ahayd laba qodob, kuwaas oo kala ah: In xal waara oo midho dhal ah laga gaadho tabashooyinka walaalaheenna Somaliland. Waxa wanaagsan in qofka masuulka ah carrabkiisa iyo camalkiisu is waafaqaan, tan iyo intii maamulka Farmaajo talada dalkaasi Soomaaliya qabtay, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland kusoo qaaday weerar siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, iyo mid Diblomaasiyadeed iyagoo meel kasta oo ay Somaliland ka hesho taageerada mashaariicda horumarineed, maalgelinta marsada Berbera iyo iibka xoolaha…
Shirkii golaha wasiirada Jubbaland oo uu shir gudoominayey Madaxwayne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, laguna qabtay Aqalka martida Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ammaanka, doorshooyinka Jubbaland iyo qodobo kale. Shirka oo inta badan ay galaha wasiiradu goobjoog ahaayeen ayaa Madaxwayne ku-xigeenku waxaa uu golaha uga warbixiyey safarkii uu dhowaan Kismaayo ku yimid wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya kaasi oo kulamo la qaatay Madaxwaynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo Guddiga doorashada Jubbaland kulamadasi oo Madaxwayne ku-xeenku golaha u sheegay in ay is afgarad ku…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shir gudoomiyey shirka golaha xukuumadda oo maanta looga hadlay arrimo xasaasi ah.
Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay, Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya , Benjamin James Fedner; iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee Dowlad gobolleedyada Dalka, gaar ahaan dedaallada Dowladda Federaalku ka waddo Galmudug iyo arrimaha Jubbaland oo ay doorashooyin ku soo wajahan yihiin dhowaan. Agaasimaha Xafiiska Guddoonka golaha guddiyada iyo habmaamuuska ee Aqalka sare, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in si qoto-dheer looga hadlay Jubbaland iyo Galmudug oo ay xaalado kala duwan ka jiraan. Dowladda Ingariiska ayaa horey u sheegtay in ay kordhineyso taageerada ay siiso Soomaaliya iyo wada shaqeynta gaarka…
Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo badhigay jadwalka diiwaan galinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland. Dhanka kale, guddiga ayaa soo saarey Xeerka iyo Shuruudaha looga baahayahay Musharraxiinta u tartamaya Xilka Madaxwaynaha Jubbaland.
Golaha shacabka Dowlada Puntland ayaa manta kulan ay ku yesheen xaruntooda garowe waxa ay codka aqlabiyad leh ku ansixiyeen Gudoomiyaha cuusb ee xafiiska hanti dhowrka guud Puntland Mudane Cabdirisaaq Cumar Faarax kaas oo uu dhawaan soo magacabay madaxwaynaha dowlada Puntland Siciid Cabdulhi Deni. Gudoomiyaha cusub ee xafiiska hanti dhowraha guud ee Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax ayaa baarlamanka ka hor akhriyay Tariikh nololeedkisa iyo Qorshaha waxqbaad ee uu ku maamuli doono xafiiska cuusb ee loodhibay. Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed ayaa hadalo dardaaran ah ujeediyay gudoomiyaha cusub ee xafiiska hanti dhworka guud Puntland Cabdirisaaq Cumar Faarax, iyadoo uu…
Dowladda Soomaaliya ayaa u dhameystirtay qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen Urur ka tirsan Guutada 14 October oo ku jira Xerada Jen. Gordon ee ku taal degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Ururkan ayaa lagu magacaabaa Dal-dhis, waxaana shalay Xerada ay ku jiraan ku booqday Taliye kuxigeenka Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, isagoo caddeeyay in ciidankan ay u dhameystirneen hubkooda, gaadiidkooda iyo agabyadooda kale ee lagama maarmaanka u ahaa. Taliye kuxigeenka ayaa kula dardaarmay Ciidankan inay isu diyaariyaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada ay ku harsan yihiin sida uu yiri. Dhowr jeer oo hore…
Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxa Goordhow ka furmay shirka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland kaas oo todobaad walba Maanta oo kale la qabto,waxaana Maanta looga hadlayaa qodobo dhowr ah. Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Saydi Aadan ayaa kulanka shir guddoominaya,waxaana shirka Maanta warbixino looga dhageysan doonaa,Wasaaradaha kala ah Amniga, Arimaha Gudaha,Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda. Sigaar ah ayaa kulanka waxaa Maanta lagu Gorfayn doonaa xaalada guud ee Doorashooyinka Dowlad goboleedka Jubbaland, iyada oo ay jiraan walaac iyo cabashooyin kasoo yeeray Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa marka hore waxaa uu tacsi u diray Bulshada Reer Gaalkacyo iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Suldaan Cabdullaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo xalay ay rag hubeysnaa ku dileen Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. “waxa uu ahaa nin qiimo badan oo aad uga shaqeeyay nabada Magaalada Gaalkacyo waxa uu ahaa dadkii Galmudug wax ka dhisay alle naxariistii jano haka waraabiyo samir iyo iimaan eebe ha inaga siiyo”ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Bulshada ku nool Magalada Gaalkacyo in ay meel kaga soo jeestaan dadka cadawga…
Bulshada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa duleedka magaalada qado sharaf mahad celin ah ugu sameeyay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre oo deegaannada Galmudug u jooga dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Dhammaan dadkii ka hadlay kulanka soo dhaweynta waxa ay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyeen dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixinayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo u adeegta dhammaan reer Galmudug Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahad celiyay Soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta ballaaran ee dhammaan reer Galmudug u muujiyeen ayaa bulshada Dhuusamareeb ka codsaday in ay soo dhaweeyaan dadka reer Galmudug ee…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr43, ku magacaabay Maareeyaha iyo Maareeye ku-xigeenka Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo Wuxuu xeeriyay: 1. Waxaa Axmed Maxamuud Xaaji-Yuusuf loo magacaabay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. 2. Waxaa Cabdixamiid Yuusuf Muuse loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shaqo joojin ku sameeyay Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland, isla markaana buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyey Hay’addaasi laga soo bilaabo Janaayo 2019. Ku: Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland . Ku: Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Wadooyinka. Og: Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland. Ujeeddo: Shaqo ka joojin iyo burin shaqaalaysiin. Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 17ka Luulyo 2019, shaqadii laga joojiyey Eng. Cabdirisaaq Yuusuf Cilmi Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland ilaa iyo amar dambe. Sidoo kale waxaa la buriyey dhammaan xubnihii laga shaqaalaysiiyay Hay’addaas laga soo bilaabo taariikhdu markay ahayd Janaayo…
Ciidanka ammaanka Maamulka Galmudug ayaa saaka howlgallo ka wada helayo koonfurta Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii xalay lagu dilay mid ka mid ah Ergadii soo xushay Xildhibaanada Golaha Shacabka. Ciidamada amniga ayaa howlgalkooda ka wada wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha qaar ee Koonfurta Magalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in howlgalkaas ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka Nabadoonka. Howlgalka ayaa saakay waxaa uu saameyn ku yeeshay Ganacsiga kala duwan ee Magalada Gaalkacyo, waxana weli wax faah faahin ah kasoo bixin howlgalladaas Ciidamadu ka wadaan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Rag hubeysan ayaa xalay fiidkii Koonfurta Magalada Gaalkacyo oo uu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr44, ku magacaabay Guddoomiyeyaasha iyo ku-xigeenada Gobolada Sanaag iyo Haylaan. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda iyo Khibradooda shaqo. Wuxuu xeeriyay: 1. Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag. 2. Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag. 3. Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag. 4. Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shir-weynaha dib-u-Heshiisiinta Galmudug.
Shirka shaqo Abuurka dhaliyarada Somaliyeed oo u dhaxeeyey Wasiirada shaqada iyo shaqaalaha Dowladda dhexe iyo Dawladdaha xubnaha ka ah ayaa Lagu soo gaba-gabeeyey Maagala Garoowe ee Caasimada Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddiga Dhab u heshiisiinta iyo Wada Hadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.Xubnaha guddiga ayaa ka kooban lix xubnood oo isugu jira xubno xilal hore u soo qabtay iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. Guddigan ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil oo horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya dowladdii KMG aheyd. Haddaba halkan hoose ka akhriso magacyada Guddiga oo u muuqda kuwo lagu salleeyay habka awood qeybsiga ee 4.5 1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga.2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen…
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley), ayaa maareeye cusub u magacaabay garoonka diyaaradaha degmada Badhan ee gobolka Sanaag. Dikreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka ayaa maareeyaha cusub ee garoonka diyaaradaha degmada Badhan loogu magacaabay Eng. Cabdiraxmaan Cabdi Shire, halka Axmed Jamaal Axmed loo magacaabay xisaabiyaha garoonka diyaaradaha Badhan. Labada Masuul ee loo magacaabay Mareeyaha iyo Xisaabiyaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan, ayaa sida la sheegayo kamid ah dhalinyarada aqoonta leh ee ku nool degmada Badhan iyadoo hore madaxweynaha Puntland-na u ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay dhanka shaqooyinka mudnaan gaar ah siinayso dhalinyarada Puntland ee waxbartay.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka. Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo. mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa…
Wasiir ku xigeenka WasaaraddaAwqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Md. Cusmaan Aadan Dhuuboow ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu ka badalnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faa’idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen isbadadallo muuqda oo lataaban karo. Mudane Dhuuboow oo faahfaahinayay isbadallada dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, “Horumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u diyaarinay…
Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa cod ku meel mariyay qaraar lagu cambaareynayo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hadalkii cunsuriyadda uu ku yiri afar Gabdhood oo ka tirsan Aqalkan. 240 xildhibaan ayaa ku codeysay Haa halka 187 xildhibaaan ay ku codeysay Maya taas oo ka dhigan in 4 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee Trump iyo waliba xildhibaanka kaliya ee madaxa banaan Justin Amash ay codkooda ku biiriyeen dimoqoraadiyiinta, iyadoo xildhibaanadan uu ka mid yahay ninka kaliya ee madoowga ah ee xisbiga Jamhuurigaka tirsan Will Hurd. Islamarkii la meelmariyay qaraarka, xildhibaanka xisbiga dimoqoraadiga Al Green ayaa diiwaangaliyay mooshin codka kalsoonida loogu…
Dowladda Puntland ayaa amar adag dul-dhigay Hay’adaha ka howlgalla Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland, kaas oo ku saabsan howlaha Shaqo oo ay hay’adahaas ka hayaan Guud ahaan deegaanada Gobolka Mudug. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, ayaa Haya’daha lagu wargeliyay in dhaqdhaaqooda Shaqo u soo gubiyaan Maamulka Gobolka si ogolaansho loo siiyo sida shirarka , Siminaarada iyo safarada intaba. Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa la faray inay Hay’adaha Caalamiga kala Sahqeeyaan una fududeeyaan howlaha ay u hayaan Shacabka ku nool Gobolka mudug.
Taliyaha guutada 5-aad ee Gobolka Hiiraan Korneel faarax Cali Waasuge ayaa kulan gaar ah waxaa uu la qaatay saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee gobolkaas,iyaga oo ka wada hadlay howlagallada ka socda Gobolkaas. Taliyaha ayaa sheegay in dhawaan deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan ay ka bilaabi doonaan howlagallo ka dhan ah Al –Shabaab,isla markaana ay siwadajir ah u fulin doonaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM. Dhinaca kale Taliyaha qeybta 27aad ee Gobolka Hiiraan Janeraal Axmed Maxamed Calsow (Tareedisho) ayaa dhankiis sheegay in uu socdo qorsha Al-Shabaab looga saari lahaa dhamaan deegaanada ay ku sugan yihiin,waxaana ciidamada uu ugu…
Wakiilka xog-hayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, iyadoona siweyn loo soo dhaweeyay. Madaxweynaha Hir-Shabeelle ,Madaxweyne kuxigeenka iyo masuuliyiin kale ayaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyada oo la geeyay Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle Wakiilka ayaa kulan la qaatay Madaxda Hir-Shabeelle, iyada oo laga wada hadlay Xoojinta wada shaqeynta Howlgalka Qaramada midoobay iyo Maamulka Hirshabelle,waxaana sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiila Howgalka Qaramada Midoobay ee Hir-Shabeelle Mr Benjiamin. Booqashada James swan ee Hirshabelle ayaa noqoneyso safarkiisa 3aad ee uu ku tago…
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaa soo ay ku beegsatay saraakiil ka tirsan Ciidanka Milateriga iyo Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya. Qaraal lagu daabacay baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab, ayaa lagu sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay shalay gelinkii dambe ku dileen agagaarka Isgoyska Afarta Jardiino Askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabayay Cumar Colow. Askarigan ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu watay Mooto, waxaana mootada horay u kaxeystay kooxdii dilka geystay, waxaana wararku sheegayaan inuu Askarigan ka mid ahaa muddooyinkii u dambeeyay Ilaalada Taliye kuxigeenka NISA.…
Ra’iisul wasaara ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa waxaa ay ka qeyb galeen munaasabad lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyaga oo darajooyinka u xiray Saraakiisha la dalacsiiyay. Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale. Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha Dhalinyarada ah ee la…
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanad kadib waxaa ay safiir Cusub u magacaawday dalka Mareykanka,xilkaas oo bannaanaa,waxana loo loo Magacaabay in uu booskaasi Buuxiyo Cali Shariif Axmed. Mudo sanad ah Soomaaliya wax safiir ah kuma laheyn dalka Mareykanka,kadib markii safiirkii u joogay dalkaasi mareykanka ee Axmed Ciise Cawad loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Safiirka Cuusb ee Soomaaliya u magacaawday dalka Mareykanka ee Cali Shariif Axmed ayaa horay waxaa uu u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Itoobiya iyo Faransiiska,waxaana haatan uu noqday Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Mareykanka. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise…
Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Karkaar Saciid Maxamed Faahiye ayna weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobolka Karkaar Cabdiqaadir Jaamac Dirir, Gudoomiyaha Degmada Waaciye Isxaaq Axmed Xasan iyo sii hayaha Gudoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Karkaar Axmed Muuse Cali ayaa kormeer ku tagay shil-gaari oo ka dhacay deegaanka Alxamdulilaah ee Degmada Waaciye. Shil-kaan gaari oo ahaa kuwa xamuulka qaada ayaysan cid wax ku noqon, balse waxaa ku bakhtiyay qaar ka mid ah xoolihii uu siday. Sidoo kalena gaariga shilkaan galay ayaa xiray wadada hal-bawlaha ah ee isku xirta Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho taas oo hakad uu ku yimi waqti kooban. Maamulka iyo Taliska qaybta oo…
Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa shir guddoominayay kulan ay maanta yeesheen laamaha amniga Jubbaland waxaana ka qayb galay Taliska ciidamada kala duwan ee Jubbaland sida Nabad-sugidda, Booliska,Daraawiishta iyo Saraakiisha sar sare ee ciidanka Jubbaland. Shirka ayaa looga hadlay xaqiijinta amniga Jubbaland, ka hortagga dhagarta cadowga, samaynta howlgallo joogto ah oo nabadgelyada lagu xaqiijiyo iyo qodobo kale oo muhiim u ah amniga Jubbaland Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo markii shirku soo dhamaaday la hadlay Jubbaland TV ayaa sharraxaad ka bixiyey shirka iyo go’aanada kasoo baxay, wuxuuna qaybaha bulshada Jubbaland ugu baaqay in ay ciidanka amniga…
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Karkaar Cabdicasiis Yuusuf Caamir oo uu weheliyo Gudoomiyaha Deqmada Qardho Cabdi Saciid Cismaan ayaa kulan la qaatay bahda ciyaaraha ee Gobolka Karkaar. Dhalinyarada iyo Maamulka ayaa iska xog-waraystay sida ay tahay xaalada dhalinyarada dheesha kubada cagta, baahiya jira iyo qorsha-yaasha lagu dardargelinayo dhismaha garoon cusub oo Magaalada Qardho yeelanayso. Guuleed Cabdirisaaq Kiboonge Wakiilka Xiriirka kubada cagta Puntlan ee Gobolka Karkaar oo ugu horayn goobta ka hadlay wuxuu sharaxay tirada kooxaha ka dhisan Magaalada, Baahiyaha haysta dhalinyarada. Wuxuu carabka ku adkeeyay in dhalinyaradu ay dawlada iyo qurba-joogtaba ka sugayaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen…
Hakad ayaa ku yimid Gaadiidka u kala goosha Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, kaddib markii gaari xamuul ah oo siday xoolo uu ku dhacay Degaanka Alxamdulilaah. Gaarigan Xamuulka ah oo ku dhacay Wadada dhex-deeda ayaa waxaa ka dhashay Khasaare, Iyadoona ay ku dhaawaacmeen Saddex qof oo kamid ah dadkii saarnaa gaariga dhacay, sida ay sheegeen dad Goobjoogayaal ah. Sidoo kale, waxaa khasaare xooggani uu soo gaaray xoolihii saarnaa Gaariga oo ahaa Ari. Gaadiidka inta badan ka imaanaya dhinaca Boosaaso ayaan gudbi karin maadama wadada bartankeeda uu gaarigu ku dhacay .
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Mudane Faarax Maxamuud Cawaashe, ayaa sheegay in dhul-gariir xooggani uu ka dhacay qeybo kamid ah dhul xeebeedka Gobalka Bari. Wasiir Cawaashe oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in dhul-gariir uu ka dhacay Badda dhex-deeda, gaar ahaan meel 171-KM dhanka Waqooyi Galbeed ee gacanka cadmeed kaga began Degmada Bareeda ee Gobalka Bari. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhul-gariirkaas, balse ay jirto cabsi ah in mar kale dhul-gariir uu ka dhaco Degaan xeebeedka Gobalka Gardafuu.
Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland , Shir u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Wasaaradaha Shaqada ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaas oo looga hadlayo Arrimaha Shaqo Abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed. Shirkan oo ay Marti-gelisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland, ayaa shalay furmay, Iyadoona qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo Maalinimada berrito ah. Wasiirka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, ayaa sheegay in Shirka maanta ay si gaar ah u yeelanayaan Wasiirada heer Federaal iyo heer Dowlad Gobaleed, kuwaas…
Guddiga Madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta tababar u furey Odayaasha dhaqanka Jubbaland. Tababarkaan ayaa la xiiriira hannaanka soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland, waxa uuna socon doona muddo Labo cisho ah.
Wasaaradda Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay sannad walba bixin doonto Abaal-marin loogu magac-daray Hodon Naaleeye oo ahayd gabar weriye ah oo ku dhimatay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sannad waliba abaal-marinno guddoon-siin doonto hadba qofkii ka tirsan Qurba-joogta Soomaaliyeed ee loo aqoonsado in uu wax muuqda qabtay iyadoo abaal-marintaasi lagu xusi doono weriye Hodon Naaleeye oo sannadihii u dambeeyay indhaha Qurba-joogta ku soo jeedisay bilicda nabadda iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa. “Iyada oo la xurmaynayo nolosha halabuurnimo ee Hodan…
War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamadu ay ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab,xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Kayunga ee xadka ay wadaan Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka ayaa lagu sheegay in xilliga la dilayay Xubnaha ay miino ku aasayeen deegaanka Kayunga,qaraxaas oo ay doonayeen inay ku waxyeeleeyaan Ciidamada ilaalada xaduudka,waxaana is rasaaseyn dhexmratay ciidamada iyo Ragga ka tiursanaa Al-Shabaab ay sababtay dhaawaca laba ka mid ah Ciidamada Booliska Kenya. Sidoo kale Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayeen xog ku saabsan Xubanaha ka tirsan Al-Shabaab ee…
Qoraal lagu soo daabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay todobaadkii hore duleedka Muqdisho lagu soo qabtay shaqsi u shaqeynayay shirkad ganacsi. Lama sheegin magaca shaqsiga iyo shirkadaba ganacsiga uu u shaqeeynayay, hase ahaatee waxaa la sheegay in lagu tuhunsan yahay shaqsigaas u sahlida isu kala gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro ka waday magaalada Muqdisho. “Sida aan kusoo gudbinay “Tweet” kii hore ee(11/7/2019), ciidanka Amniga ayaa soo qabtay shakhsi u shaqeeya shirkad ganacsi, kaasoo lagu tuhunsanyahay u sahlida isu gudbiska dhaqaalaha shabakad xaalado amni daro kawaday Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay barta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa digniin adag u diray Dad uu sheegay inay wadaan qorshayaal la doonayo in la isaga hor-keeno Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda. Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay degaanada Dowladda Puntland kusoo badanayaal kooxo qas-wadayaal ah, kuwaas oo u adeegay danno laga keenay banaanka Puntland, oo la doonayo in lagu hor istaago amniga iyo hormarka Puntland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aysan aqbali doonin in la waxyeeleeyo amniga iyo hormarka ka socda Puntland, eek u yimid wada-shaqeynta Shacabka iyo Dowladda, ayna tilaabo adag ka qaadi doonaan. “Waxaan aad oga digayaa dadka doonaya iney Puntland hoggaankeeda wiiqaan,…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo kasocday Hay”adaha Qaramada Midoobay. Kulankan oo lagaga hadlay qodobo kala duwan ayaa marka uu soo dhamaaday Waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Danjiraha Qaramada Midoobay. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasada Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland Madaxweynahu wuxuu sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala…
Xarunta Wasaaradda Maaliyaadda ee Garoowe waxaa maanta ka furmay tababar loo qabtay shaqaalaha Cashuuraha ka shaqeeya ee Dawladdaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya. Daahfurka tababarkan waxaa kasoo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi Warsame, kuxigeenka Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cali Jaamac Gaashaan,Keenadiid Cali Jaamac Agaasime guud kuxigeenka Maamulka iyo mas’uuliyiin kale. Tababarkan ayaa socon doona muddo labo cisho,waxaana daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal C/laahi Warsame hadal kooban oo uu halkaasi ka jeediyay ayuu sheegay in ay muhiim tahay in laga faa’idaysto tababarkan. Shaqaalaha Cashuuraha ka shaqeeya ee Puntland,Galmudug, Hirshabeele, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa tababarkan uga…
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, ayaa maamule cusub u magacaabay dugsiga sare ee Cumar Samatar oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa maamulaha cusub ee dugsiga sare ee Cumar Samatar loogu magacaabay Cabdullaahi Cawil cali waxaana la faray in uu si karti iyo hufnaan leh u guto xilka loo magacaabay. Sidoo kale, Dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa la faray in ay maamulaha cusub ka gacan-siiyaan siduu u gudan lahaa waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Dugsiga sare ee Cumar Samatar ayaa sannadihii u dambeeyay la kulmay hoos…
Shirkadda Diyaaradaha ee Ethopian Airline, ayaa Duulimaadyo ka bilowday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Munaasabadda lagu daah-furayay Duulimaadyadda Shirkadda Ethopian Airline, ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir, waxaan ka qeyb-galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Shirkadda Ethopian Airline ay Dulimaadyo ka bilowdo Garoomada Diyaaradaha Caalamiga ah ee Puntland, waxaana uu tilmaamay inay ku timid dadaal ay sameeyeen.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay. Wafdiga oo ka ambabaxay Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaaa Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiirka Dowlaha Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka Soomaaliya,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug qeybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareb. Wafdiga Madaxweyne waare ayaa waxaa ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaana wararka sidoo kale sheegayaan in Madaxweyne Waare iyo Madaxda Galmudug ee ku sugan Dhuusamareeb ay ka wada…
Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaa maanta ka furmay Shir looga hadlayo Arrimaha Shaqa Abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiirada Wasaaradaha Shaqada ee Dowlad Gobaleedyada.
War-saxaafadeed kasoo baxay hoggaanka sare ee Xarkada Al-Shabaab ayaa lagu amray odayashii ergada ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. Bayaankan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka towbad keenaan ficilka ay ku dheceen. “Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka.”ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab. Ururka Al-Shabaab ayaa ugu hanjabay in Odeygii ka faa’ideysan waaya baaqa ay marin doonaan shareecada islaamka.…
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha iyo hufnaanta Maaliyadda dalka Soomaaliya. Shirka oo todobaadkii mar la qabto ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin deyn cafinta iyo horumarka dhaqaale ee la gaaray, iyada oo Xubnaha Shirkaasi ka qeyb galay ee Xukuumadda Soomaaliya ku bogaadiyeen horumarinta Dhaqaalaha dalka. “Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhamaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay…
Shir u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa iyo Wasiirada Wasaaradaha Shaqada ee Dowlad Gobaleedyada ayaa maanta ka furmaya Magalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirka oo ay marti-gelisay Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland, ayaa looga hadlayaa Arrimaha Shaqa Abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed. Shirkaasi oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’). Gaba-gabada Shirkan…
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Isniin ah la filayaa in uu u ambabaxo Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaato Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo maalmahaan ku sugan Magalada Dhuusamareeb, iyaga oo ka wada hadli doono arrimo dhowr ah. Wararka qaar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Waare uu Ra’iisul Wasaaraha kala hadli doono in uu yimaado deegaanada Hir-Shabeelle, waxaana sidoo kale wararka la helayo ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u magacaabay Maamulaha Furdooyinka Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, Maxamed Yusuf Maxamud oo la dhashay Marwada Madaxweynaha Marwo ijaabo Yuusuf Maxamuud. Maamulaha cusub ee Furdooyinka Magaalada Boosaaso Maxamed Yuusuf Maxamuud, ayaa maanta xilka kala wareegay Cali Shirwac Ciise oo xilkan hayay ku dhawaad 20 sano,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada Faderalka Soomaliya Saadiq Warfa oo ay waheliyaan Wasiirada Wasaaradaha shaqada iyo shaqaalaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federalka ayaa soo gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa carqalad cusub kala kulmaya dadaaladii uu ka waday deegaanada Galmudug, si dhiso Maamulka Galmudug oo lagu mideysan yahay, lana soo afjaro xiisadaha siyaasadeed ee ka jiray deegaanadaas. War murtiyeed ayaa laga soo saaray shirweyne Beesha Sacad uga socday Koofur Gaalkacyo, waxaana shirka isugu yimid, waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha ku matala dowladda Federaalka. Shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban shan bog, iyadoo Beesha ay cadeysay inay taageersan tahay shirka Nabadda Hobyo ee horay loogu baaqay, iyadoo shirkan ay caqabad u arkeysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, maadaama uu…
Shabakadda Idil News, oo kaashanaysa Hay’adaha Sirdoonka Jubbaland ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday baaris ku aadan qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu qaaday Hotel Cas-caseey ee Magaalada Kismaayo, kaas oo galaaftay Nolasha dad kor u dhaafaya 30 Ruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen illaa 60 Ruux. Xogo ay heshay Shabakadda Idil News, ayaa muujinaya in Tirada Dadkii fuliyay weerarkii Kismaayo ay gaarayeen 7 Ruux, lana abaabulayay weerar muddo ka badan 3 bilood, ayna iska kaashadeen Xubno sare oo kamid ah Sirdoonka Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab. Sidoo kale, 5 Kamid aheyd maleeshiyaadka fuliyay weerar ayaa muddo Todabaad ah kahor soo gaaray…
Howlgalkaan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose,waxana uu howlgalka aha mid ka dhan ah Xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo deegaanadaasi ku sugan. Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 ka tirsan Al–habaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay in ay…
Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland ayaa ku eedeeyay in Madaxtooyada Soomaaliya ay wax ka abaabushay Weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada kismaayo, si loo qal-qal galiyo Amniga Doorashada. Xildhibaanka oo Kamid ahaa dadkii ka bad-baaday Weerarkaas ayaa sheegay in Hotelkaasi loo beegsaday, maadama ay daganaayeen Dad taageersan Maamulka Jubbaland ee hadda Jira, inkastoo uusan Soo bandhigin wax kale oo Cadeymo ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland. Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ugu horayn kulanka lagaga hadlay iyadoo la sheegay in xaalada amnigu hada ay wanaagsan tahay. Golahu wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday waxaa kale oo laga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba. Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkan Argagixiso kuwaas oo ka shaqayn doona sidoo loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay…
Dadaalo lagu dhex-dhexaadinayo Maamulka Somaliland iyo Jabhadda uu Hoggaamiyo Col. Caare, ayaa ka bilowday Gobalka Sanaag. Guddi ay kamid yihiin Waxgaradka iyo Dhaqanka ayaa bilaabay dadaaladan lagu dhex-dhexaadinayo Labada dhinac, sida uu u sheegay Warbaahinta mid kamid ah Waxgaradka Sanaag. Wararka ayaa sheegaya in Wada-hadalo u dhexeeya Col. Caare iyo Guddiga dhex dhexaadinta ay ka socdaan Buuraha Kulmiye, isla markaana la filayo in xubno ka socda Somaliland ay wadahadalladaas ku biiraan. Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in guddiga ay Korneel Caare ka dalbadeen in mudo Afar Cisho gudahood ah uu hubka ku dhigo, si uusan uga dhicin Gobolka…
Labo Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Qaraxa Kowaad oo ahaa Ismiidaamin ayaa ka dhacay Maqaaxi kasoo horjeeda Xarunta Inji ee Magalada Dhuusamreeb oo uu ku Shaqeeyo Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug ee. Wararka ayaa sheegay in qaraxaas uu ku dhintay Ruuxii ismiidaamiyay, isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex Ruux, sidoo kalena uu burbur xoogan soo gaaray Maqaaxida. Qaraxa labaad ayaa la sheegay in uu ka dhacay agagaarka Maqaayada Dhagacade ee Magaalada Dhuusamareeb oo ku dhow Saldhiga Booliska dhuusamareeb, waxaana la sheegay in uu ahaa Qarax lagu diyaariyey Gasac…
Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan la qaadatay masuuliyiin ka socday shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed ee sanadkaan ku guuleystay inay xujeyda qaadaan. Kulanka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii si wanaagsan loogu adeegi lahaa Xujeyda Somaaliyeed,waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiradaha Wasaaradaha Awqafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowlad Goboleedyada. Wasiir kuxigeenka Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cismaan Aadan dhuubow ayaa sheegay in sanbadkaan 58 shirkadood ay u tartameen daabulida xujeyda Soomaaliyeed,hayeeshee ay ku guuleysteen 11 shirkadood oo Wasaaradu la Shqeyn doonto. Waxaa uu sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay sanadkaan sameysay wax ka beddel waxyaabihii ay ka…
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Xassan Maxamed Gaafaadhi, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeyso ayaa cadeeyey in markab Somaliland xoolo nool ka qaadey afar cisho ka hor uu ku xayiran yahay Dekadda Magaalada Jiddah ee dalka Sucuudiga. Wasiir Gaafaadhi ayaa sheegay in tilaabaddan ay timid kadib markii Dawlada Soomaaliya ay cabasho ka gudbisay Markabka oo Dekadda Berbera ka shiraacdey, ayna Dowladda Soomaaliya dooneyso in ogolaansho ay bixiso xoolaha Soomaaliya ku dhoofa. Sidoo kale, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa ku hanjabey hadii arintaasi xal loo waayo in ay Somaliland raadsan doonto suuqyo kale oo ay xoolaheeda u dhoofiso Ugu dambeyntii, Wasiirka…