Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf, ayaa manta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Madaxweyne Xaaf iyo Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaalada guud ee Soomaaliya, Doorashooyinka Degaanada Galmudug iyo in la helo xasilooni siyaasadeed. Safiirka Dalka UK u fadhiya Soomaaliya Ben Fender, ayaa ku amaanay Madaxweynaha Galmudug ka shaqeynta wada-dagaanshaha iyo in la nabadeeyo Magaalada Gaalkacyo iyo Guulaha uu ka gaaray wada hadaladii iyo dib u hishiisiinta Maamulka Ahlu-suna taas oo keentay in Maamulka Ahlu-suna uu Ciidamadooda ku wareegiyo Dowlada Federaalka ah. Sidoo kale, Danjire Ben Fender ayaa…
Author: Jibril Qoobey
Wasaaradaha Maaliyada iyo arimaha gudaha ee Dowladda Puntland ayaa si wadajir ah u furay shirka midaynta Madaxyada -Miisaaniyadda Dawladaha hoose iyo Dawlada dhexe ee Puntland. Shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Xafiiska Xisaabiyah Guud iyo Wasradad Armah Gudah, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan shire Abdi , Wasirka Armaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxaman dhabncad iyo Xisabyah Guud ee Dowladda Puntland Abdirsaq siicid Nuur. Shirka ayaa loo qabtay Xisabiyaash iyo Xoghaysha Dalwdah hoose ee Degmooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Qardho iyo Boosaaso, Iyadoona u jeedad ugu weyn ee laga rabayna ay tahay sidii loo midayn lahaa Maxyadda Miisaaniyadda ay isticamaasho Dawladda…
Ciidamadii ka tirsanaa Maamulkii Ahlusunna ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 2/7/2019 waxaa lagu wareejiyay dowladda Federalka Soomaaliya, kadib heshiiskii Xubnaha ahlsunna iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Munaasabad Maanta ka dhacday Xerada qaybta 21aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee duleedka dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugnaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada xoogga iyo Asluubta iyo sidoo kale Madaxa fulinta ee Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya oo hadal kooban u jeediyay Ciidamada ayaa marka hore uga mahad celiyay Ahlusunna kusoo wareejinta Dowladda Federaalka gaar ahaan taliska Ciidanka xoogga dalka, iyada oo…
Howlgalkan Oo Uu Hogaaminayay Taliyaha Guutada Todobaad G/Sare Col-Hassan Mohamed Abukar Ayaa Laga Sameyay Deeganada Yaaq-Bariweyne, Iidow-Jalaad Iyo Leego Ee Gobolka Shabeellaha HOOSE Ciidamada Qaranka Ayaa Howlgalo Ka Wada Qeybo Ka Mida Goblada Dalka Soomaaliya Waxaan Maleeshiyada Shabaab Gacantooda Laga Saaray Deegano Dhawr ah ay Ku Dhibaateyn Jireen Shacabka Soomaaliyeed Marka Laga Soo Tago Guulaha Isdaba Jooga Ah Ay Ciidamada Xoogga Dalka Ka Gaaraan Howlgalada Ka Dhanka Ah Koxda Nabadiidka, Waxaana Jira Dhabar Jab Ku Yimid Al-Shabaab Oo Ku Aadan Iney U Adkeysan Waayeen Weerarada Lagu Qaadayo,Waxayna Bilaabeen Maleeshiyaadka Iyo Horjoogayaashooda Iney Mid Mid Isku Soo Dhibaan. Howlgalkan Waa Mid…
Taliyihii Saldhiga Booliska Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Cawil Nuur Rooble, ayaa u geeryooday Dhaawac kasoo gaaray qarax loogu xiray Gaarigiisa. Taliyaha ayaa la sheegay in dhaawac culus uu kasoo gaaray Qarax miino oo loogu xiray Gaarigiisa oo ahaa nooca loo yaqaano NOHA, waxaana ay la qaraxday xilli shalay gelinkii dambe uu marayay wadada 30-ka ee Bartamaha Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Wararka ayaa sheegaya in Taliyuhu uu xalayto ku geeryooday Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaalkacyo, Iyadoona lagu waddo in maanta lagu aaso Gaalkacyo. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxa Gaarigiisa loogu xiray taliyihii Saldhiga Booliska Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, waxaana…
Guddiyadii xal u helida dilalkii Gaalkacyo ee ka kala Socday Golaha Shacabka BJFS iyo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Maalmahaan ku Sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa soo Saaray War-saxaafadeed. War-Saxaafadeedka oo ka kooban dhowr qodob ayaa waxaa ay kaga hadleen kulamadii ay la qaateen Maamulka Magalada Gaalkacyo,qeybahaha kala duwan ee Bulshada magaaladaas & Eheladii dadkii lagu dilay Gaalkacyo ee kasoo kala jeeda Maamulada Koonfur Galbee & Hir-Shabeelle. Gudiga ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen in dhamaan kulamadaasi kadib ay soo saareen dhowr qodob oo xal u noqon kara nabadgelyada dadka kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle,kuwaas oo kala ah. 1:…
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa u yeertay Safiirka Kenya u fadhiya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Lucas Tumbo. Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa u dhiibtay Danjire Lucas Tumbo, dhambaal diidmo culus oo ka dhan ah farriin lagu baahiyay Twitter 27 June 2019, taas oo ka timid Xoghayaha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya Macharia Kamau. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, ayaa lagu yiri “Maalintii shalay ee Axadda, kuna beegnayd (30 June), Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay u yeertay Safiirka Jamhuuriyadda Kenya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal (Howlgab) Lucas Tumbo, waxaana loo dhiibay dhambaal diidmo…
Saddex kamid ah ka mid ah dowladaha Carbeed ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ugu hambalyeeyeen Munaasabada 1-da luulyo,waxaana dowladahaas ay kala yihiin Cumaan, Masar iyo Sacuudi Carabiya. Warqad kasoo baxday Suldaan Qaboos bin Saciid bin Taymuur oo ah Suldaanka hoggaaminaya Suldaanada dalka Cumaan ayaa u rajeeyay Shacabka Soomaaliyeed inay nabad iyo Barwaaqo ku nooladaan,isla markaana siweyn u xusaan malintii ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga. Si lamid ah dalalka Burundi, Rwanda iyo Canada ayuu ugu hambalyeeyay Maanta oo ku beegan maalintii ay xurnimada qaateen,waxaana uu u rajeeyay Caafimaad iyo horumar waara. Dhinaca kale Boqarka dalka Sacuudi…
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay farogelin ku hayso Maamul Goboleedyada dalka xilliyada doorashooyinka. Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiyaha mid ka mid ah xisbiyada dalka oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa waxaa sheegay in xilligan uu kala shaki ka dhexeyo dowladda dhexe iyo madaxda Maamul gobaleedyada, waxaa uuna sheegay in taasina xiligan aan loo baahneen, islamarkaana xal waara laga gaaro cabashooyinka ka soo yeeraya Maamul gobaleedyada ka jira dalka. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud yaa ka hadlay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday deegaano ka…
Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo xalay ka hadlayay Munaasabadda 1-da Luulyo ee 59-sano guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofur ay qaateen xornimada iyo midowgii Waqooyi iyo Koofur ayaa khudbad uu uga hadlay kaga hadlay midnimada dalka iyo xaalada dalka halka uu marayo. Madaxweyne Deni oo ka hadlay doorashooyinka ku soo fool leh Maamulada Jubbaland iyo Galmudug, isagoo ugu baaqay inay qabsadaan doorasho xor iyo xalaal ah, ayna wax ka bartaan Doorashadii ka dhacday Puntland. “Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Soomaaaliya, isagoona digniin u diray Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeedinayay Munaasabadda 1 Luulyo, oo lagu qabtay Garoowe ayaa Sheegay in dhamaan howlihii muhiimka u ahaa dib u dhiska Soomaaliya, ay taagan yihiin, waxaana uu tilmaamay inay sabab u tahay wada-tashi la,aan. Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in Dastuurkii Soomaaliya uu noqday Mashruuc aan meel loo dhaqaajinayaa jirin. Waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin Dowladda Puntland iyo Shacabkeeda, horeyna u qaadan…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada 1-da Luulyo oo ku beegan 59 sano kadib markii Gobolada Koonfureen ay xoriyada ka qaateen guumaystihii Talyaaniga. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha Xoriyadu ay yihiin kuwo mudan in la wayneeyo oo jiilka Cusub la dareensiiyo qiimaha ay ku fadhido madaxbanaanida iyo wadajirka dalkeena.
Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo safar shaqo uga maqnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dig ugu soo laabtay. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa markii kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa uu ka warbixiyay safarro shaqo oo uu ku tegay degmooyin katirsan gobolka Gedo. Wuxuu ka hadlay arrimaha doorashoyinka Jubbaland, wuxuuna sheegay in doorashadu ku dhacayso waqtigeeda loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo ammaanka guud ee Jubbaland. Laamaha ammaanka Jubbaland ayuu ku ammaanay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda xaqiijinta nabadgelyada.
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa xalay si weyn looga xusay munaasabadda xuska 1-da luulyo oo ku beegan markii ay gobolada Koonfureed xorriyadda ka qaateen gumaystahii Talyaaniga iyo midowga labada gobol oo ay ka dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Xafladda xuska 1-da Luulyo waxaa lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee magaalada Kismaayo, waxaana kasoo qayb galay boqolaal dadweynaha kuwaas oo ay ka muuqatay dareen waddani-nimo. Waxaa sidoo kale xafladda goob-joog ahaa Kusimaha Madaxweynaha Jubbaland ahna Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo katirsan goleyaasha Dowladda. Saacaddu markii ay ku dhacday 12-ka habeenimo ayaa la saaray calanka, waxaana…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka ubax dhigay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, iyada oo maanta loo dabbaal dagayo maalamaha xorriyada. Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26 ka Juun, isaga oo sheegay in ay tahay maalin weyn oo farxad leh oo dalkeena qeyb ka mid ah, gaar ahaan Gobollada Waqooyi, ay xorriyadda ka qaateen gumeystihii ingiriiska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaanba ku guugaabiyay in ay muujiyaan midnimo, walaaltinimo iyo isjacayl, ayna ilaashadaan qarannimadooda. Munaasabadda ubax dhigga Taallada Daljirka Dahsoon waxaa goobjoog ka ahaa Taliyeyaaha Ciidamada Qalabkas ida ,xubno…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe kaga qeyb galay munaasabadda xuska 1-da Luulyo maalinta xorriyadda gobolada Koonfureed iyo midowga gobolada Waqooyi iyo Koonfur ee dalka. Xuska maalintani Qaran waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdixakiim Maxamed Axmed iyo Ku-xigeenadiisa, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, kuwa Puntland, qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland, masuuliyiin ka socda beesha caalamka, siyaasiyiin, isimo, waxgarad iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalintani mudan ayaa ku dheeraaday tariikhda guun ka ah iyo dharaarihii gobanimo doonka Soomaliyeed ee Eebbe galaddiiisa dalkeenna…
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Sanad-guurada 59-aad ee kasoo wareegatay madaxbanaanida Dalkeenna. “Hambalyo, tani waaa Maalin aad ugu weyn dhammaan Dadka Soomaaliyeed, ee kala jooga halkan iyo Dunida dacalladeeda, in-kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan, haddana Maanta waa Maalin ay Dadka Soomaaliyeed ku faani karaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md; Swan. James Swan, ayaa intaa sii raaciyay in debaal deggani uu ku soo beegmayo xilli ay jirto fursad abuuraysa rajo laga qabo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo badan. Wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay iyo saaxiibbada…
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay munaasabadda xuska 59-aad ee maalinta xorriyadda goballada Koonfureed iyo midnimada Waqooyi iyo Koonfur ayaa shaaciyay in gogosha dib-u-heshiisiinta Galmudug ay taallo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda ka sheegay in magaaladu ay soo buuxisay shuruuddii ku xirnaya in magaaladu marti geliso gogoshaan muhiimka ah. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay madaxa fulinta Galmudug aqbalaadiisa ku aaddan in ciidamada amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay ka howl galaan magaalada Dhuusamareeb si ay awood ugu yeelato marti gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray…
Guddiga uu Baarlamanka Dowladda Puntland u xil saaray soo uruurinta Talooyinkii guddiyada kala duwan ee Golaha wakiiladu ay ku soo bandhigeen Kal-fadhiga socda, ayaa maanta Golaha u akhriyay soo jeedinno ka soo baxay tala-uruurintaasi. Guddiga oo ka kooban 5 xubnood ayaa soo jeediyay talooyin qodobaysan oo ku socda xukuumadda Puntland, kuwaasi oo la xiriira dhinacyada; wada-shaqeynta iyo kala qeexidda shaqooyina hay’adaha dowladda, daah-furnaanta habka fulinta mashaariicda, hufnaanta hannaanka Garsoorka, kobcinta Dhaqaalaha, Kordhinta mushaharaadka, hirgelinta shuruucda iyo xeerarka, adkaynta amniga iyo difaaca Puntland, horumarinta arrimaha bulshada iyo sidoo kale adeegyada aas’aasiga ah. Guddiga ayaa Xukuumadda Puntland u soo jeediyay, in ay…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeyb galay maalinta caalamiga ah ee Yoogada oo ah jimicsi fudud inta badana maanta laga xusayo dunida. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo uu weheliyo safiirka dalka Hindiya ee Soomaaliya Ambassador Rahul Chabbra ayaa kala qeyb galay munaasibadda maalinta caalamiga ah ee Yoogada dhallinyaro ciyaaraysa jimicsiga fudud ee ciyaartaasi, waxaa lagu qabtay garoonka cagaaran ee Chief oo ku yaalla xaafadda Kowda Ogos ee caasimadda Garoowe. Madaxweynaha Puntland ayaa soo dhoweeyey in la taageera jimicsiga ka qayb qaadanaya caafimaadka dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhallinyarada. “Runtii Jimicsiga noocaan ah dalku aad buu ugu baahan yahay,…
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray waddo cusub oo laami ah oo isku xirta degmooyinka Shingaani iyo Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde. Madaxweyanaha oo dul istaagay doorkii taariikhiga ahaa ee uu Abwaan Timacadde ku lahaa halgankii xornimo doonka iyo waqtigii dowlad dhiska Soomaaliya ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay in aan xasuusanno halyeeyadii u soo halgamay xornimada dalkeenna iyo midnimada dadkeenna. “Macno weyn ayay leedahay in aan xusno maanta halyeeygaas, annaga oo ugu magac darnay jidkan halbowlaha u ah Caasimadda. Runtii suugaanta uu nooga tagay Abwaan Timacadde waxa ay saldhig…
Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Canshuuro dheeraad ah ku rogtay Badeecadaha ka yimaada Degaanada Maamulka Somaliland, xilli muddooyinkii ugu dambeeyay ay Degaanada Puntland kusoo badanayeen badeecaha ka yimaada Gobalada Waqooyi. Waraaq kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa lagu amray Xisaabiyaasha iyo Maamulayaasha Dakhliga ee Gobalada Sool, Sanaag iyo Karkaar in 200% ay Canshuuraan Badeecadaha aan daruuriga aheyn ee ka yimaada Degaanada Maamulka Somaliland. Sidoo kale, Wasiirka ayaa amray in 100% ay Canshuuraan Badeecadaha Daruuriga ah eek a yimaada Gobalada Waqooyi. Qoraalka Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa imaanaya xilli dhowaan Guddiga Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha Golaha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax. Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey. Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.
Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Nugaal ayaa dil ku xukuntay 3’dii nin ee loo haystay kiiska Caasha ilyaas iyadoo ku raacday xukunkii hore ee maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal. Qareennada Ragga la xukumay ayaa mar kale qaatay Racfaan 30 Cisho ah, waxaana loo gudbi doonaa maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa isku shaandheyn ku sameynaya Golaha Wasiirada ee Xukuuamadda uu Hoggaamiyo, isagoona xilalka ka qaadi doona Wasiiro, Sidoo kalena isku badali doona Qaarkood. Warar lagu kalsoon yahay oo Shabakadda Idil News, ay heshay ayaa Sheegaya in Madaxweyne Deni uu haatan wado la tashiyo ku aadan Isku shaandheynta Golaha Wasiirada, waxaana habeenadii lasoo dhaafay Madaxtooyadda ka dhacayay shirar aan loo kala kicin oo ku aadan Talaabadan Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu xilka ka qaadi doono Wasiir uu kamid yahay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, kaas oo muddooyinkii ugu…
Maxkamada Gobolka Nugaal ayaa amartay in la xiro qareenkii u doodayay saddexda nin ee ku eedaysan Kiiska Caa’isha Ilyaas. Qareenka oo lagu magacaabo Mustafe Maxamed Jaamac ayaa xeer ilaalinta gobolka Nugaal codsatay xabsi xalaalayntiisa, iyagoo kusoo eedeeyay aflgaado, cay iyo iska horkeenis shacabka iyo dowladda Puntland. Maxkamada oo maanta dhagaystay Kiiska Caa’isha ayaa maalinta beri ah ku dhawaaqaysa go’aankii u dambayeeyay.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 34 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdicasiis Cilmi Yuusuf loo magacaabay La-taliyaha Arrimaha Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Madaxtooyada Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.
Waxaa xogo dheeraad ah laga helayaa Is-casilaadii Guddigii KMG ahaa ee Doorashooyinka Dowladda Puntland, kuwaas oo maalinimada khamiista aheyd ku dhawaaqay Is-casilaadooda. Guddiga ayaa sheegay in ay isu’casileen duruufo gaar ah oo la soo darsay, ayna kamid tahay in ay isla jaan-qaadi waayeen xubnaha guddiga iyo qaarkood oo dalbaday is-casilaad, sidaasi darteedna ay go’aansadeen in ay shaqada wada-banneeyan, si loo helo guddi cusub oo isla’ jaan-qaadi kara. Shabakadda Idil News, ayaa waday maalmihii ugu dambeeyay baaris la xariirta sababaha soo dad-dajiyay Is-casilaada Guddigii Doorashooyinka, Iyadoona xogo rasmi oo ay heshay ay sheegayaan in Madaxweyne Deni uu ka dalbaday Guddiga is-casilaadooda.…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 31 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya-aragnimadiisa shaqo.Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir loo magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 30 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Guddooomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaar. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Dawladada Puntland Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo Waaya-aragnimadooda shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Siciid Maxamed Faahiye loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar. 2. Waxaa Cabdicasiis Yuusuf Maxamuud Caamir loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 33 ee Juun, 29, 2019, ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartidooda iyo Khibraddooda ciidan. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. 2. Waxaa S/Guuto Axmed Cali Salaad loo magacaabay Taliye Xigeenka 2-aad ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
Sarkaal sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya sidda ay shaacisay Hay’adda Nabad suggida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed. Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Mukhtar Mohamed Abdi waxaana uu ku magac dheer yahay (Mukhtaar Ganeey) waxaana la sheegay in markii uu isa soo dhiibayey in uu lasoo xariiray Hay’adda NISA. Waxaa uu sheegay in Hay’adda Nisa ay u sahashay in uu isa soo dhiibo, islamarkaana uu kasoo goosto Al-Shabaab. View image on Twitter NISA@HSNQ_NISA Waxaa hadda Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu…
Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta markii Saddexaad u fariisatay Dhageysiga Racfaanka Dacwadda Kiiskii Caa’isho Ilyaas aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah fal afduub, kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Qareenada u dooday Saddex Eedeysane ee loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal ugu soo riday xukun dil ah, iyo Xeer ilaalinta ayaa hor-tagay Maxkamadda, Iyadoona dood kadddib kulanku soo idlaaday. Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal, oo soo xiray kulanka Saddexaad ee dhageysiga Kiiska Caa’isho, ayaa sheegay in Maxkamaddu ay berri ku dhawaaqeyso Go,aanka Kiiska Caa’isho Ilyaas.
Oday dhaqameedyada Degaanada Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa ku sii qulqulaya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland si ay u soo xulaan xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa u diyaariyey xarun gaar ah Odayaasha dhaqanka, iyagoo toddobaadkan soo xuli doona xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland, kaddib markii la xaliyay khilaaf ku saabsan qaabka loo soo xulayo xildhibaanada. Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa doonayay in saddex xubnood beel walba ay keensato kadibna hal xubin laga dhex doorto,halka musharaxiinta kale ay fikirkan ka biyo diideen iyagoo codsaday in duqeyda dhaqanka ay soo xulaan xubintii u meteli lahayd baarlamaanka. Ammaanka Magaalada…
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Maxamed Qanyare Afrax oo horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan dowladdii KMG aheyd. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuum Qanyare uu qeyb weyn ka soo qaatay dadaaladii dib u heshiisiineed ee dalka ka dhacay. “Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax. Marxuumku waxa uu qayb weyn ka soo qaatay dadaalladii dib u heshiisiineed ee dalka isaga oo noqday Wasiir & Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka Villa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xsan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magaalada Caabudwaaq iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in uu safar ku tago Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Shalay gelinkii dambe waxaa gaaray wufuud horudhac u ah safarka ra’iisul Wasaaraha oo ay ka mid yihiin xildhibaano iyo xubno ka socda xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Magaalada Guriceel ayaa waxaa laga dareemayaa u diyaar garowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha,waxaana meelaha qaar lagu dhejiyay sawirka Ra’iisul Wasaaraha,waxana ammaanka siweyn u adkeynaya qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo Ciidamo ka tirsan dowladda oo Guriceel ku sugan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii…
Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta mar kale u fariisanaysa Dhageysiga Racfaanka Dacwadda Kiiskii Caa’isho Ilyaas aadan oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah fal afduub, kufsi iyo dil ah loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Qareenada u dooday Saddex Eedeysane ee loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Nugaal ugu soo riday xukun dil ah, ayaa sabtidii hore hortagay Maxkamadda, Iyagoona akhriyay Racfaankooda. Sidoo kale, Xeer Ilaalinta Dowladda Puntland ayaa Maxkamadda Racfaanka kahor jeedisay eedeynta Saddex nin ee loo heysto Kiiska Caa’isho, iyadoona intaas kaddib ay Maxkamaddu u balantay maalinimadii axada, wallow labo jeer…
Safiirka cusub ee Dowladda Soomaaliya u Magacowday dalka Itoobiya Magacaabay Eng. C/xakiin C/llaahi Camey, ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya, halkaas oo uu saldhigan doono. Danjire C/xakiin C/llaahi Camey oo horay u ansixiyeen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addis ababa. Qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa iyo Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee Addis ababa, ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaraddaha, waxaana lagu waddaa in maalmaha soo socda uu warqaddiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Itoobiya. C/xakiin Camey oo ahaa Madaxweyne kuxigeenki hore ee Puntland ayaa bishii March…
Ciidanka sida gaarka ah u Tababaran ee Dowladda Puntland PSF-ta, ayaa howlgallo culus ka fuliyay degaanada Dhagax-dhaabur, Madarshoon iyo Ceel Qaraar ee Buuraha Cal Madow. Hawlgalkan ayaa qayb ka ah hawlgallo joogto ah oo ay muddooyinkan Ciidanka PSF-tu ay ka wadeen aagagaas, kuwaas oo lagaga hortagayey falalka argagixiso ee kooxda Al Shabaab ay dooneyso inay ku wax yeelayso Shacabka Reer Puntland. Ciidanka PSF-ta ayaa howlgalkooda intii uu socday ku guulaystay in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas cadowga Al Shabaab. Sidoo kale, Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ka qayb galay Aas Qaran oo loo sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur. Aaska Qaran ee loo sameeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur ayaa waxaa Madaxweynaha Kala qayb Galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee DFS, Xeer Ilaaliyaha DFS, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, Maxweynihii hore ee Puntland, Ahna Sanator ka Tirsan Aqalka Sare ee BDFS, culimo, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha Puntland ayaa salaatul Jinaasada iyo aaska kadib u duceeyey Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ka mid ahaa hormuudka Golaha Garsoorka Soomaaliyeed, kuna suntan aas-aaskii Golaha…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Xaalada Gobalada Sool iyo Sanaag iyo xuduudaha Puntland ay la wadaagto Somaliland iyo Galmudug. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland ay dadaal ugu jirto hormarinta Gobalka Sanaag iyo xoreynta Sool oo ay muddo 12 sanno gacanta ku heyso Somaliland. Waxaa uu sheegay inay diyaar u tahay Dowladda uu Hoggaamiyo inay ilaaliso nabad-gelyada iyo daris wanaaga, balse aysan aqbali doonin in lasii heysto xaduudahooda, laguna xad-gudbo midnimada iyo jirataan Dowladda Puntland. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay Xuduuda ay wadaagaan Puntland iyo Galmudug, isagoona tilmaamay in Xukuumaddiisa ay had iyo…
War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Wada-hadalo Saacadihii lasoo dhaafay ay Magaalada Cadaado ay ku lahaayeeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kuwaas oo looga hadlayay Xaalada Galmudug iyo Doorashadaeeda iyo sidii loo soo celin lahaa xiriirkii Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni, ayaa Munaasabad Qado sharaf ah u sameeyay Saraakiishii dhowaan kasoo baxay Somaliland iyo guddoomiyihii gobolka Badhan ugu Magacowna iyo ciidamo ay hor kacayaan. Munaasabadan ayaa ka socota Banaanka Magaalada Garoowe, Iyadoona ay ku sugan yihiin Xubno katirsan Labada Gole ee Dowladda Puntland, Waxgarad iyo Marti sharaf kale. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa la filayaa inuu Munaasabadan ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaalada Gobalada Sanaag iyo Sool, iyo Qorshaha Xukuumadda uu Hoggaamiyo eek u aadan xoreynta Gobalka Sool. Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu si gaar ah fariin ugu diro Bulshada Labada Gobal,…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku tilmaamay dagaal-beeleedyada ku soo noq noqday Deegaanno hoos yimaada Degmooyinka Maxaas, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan inay yihiin kuwo fidno ah oo aanan la aqbali karin, isagoo ugu baaqay waxgaradka beelaha in ay joojiyaan colaadahaasi, waxaana sidoo kale uu ka tacsiyeeyay dadka ku dhintay Colaadaasi kuwa dhaawaca ahna uu u rajeeyay caafimaad qab. Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa tilmaamay in Hirshabeelle ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo sababi kara in dagaalladaas lagu joojiyo, iyadoo madaxweynuhu uu ku tilmaamay dagaal beeleedyada soo noq noqday kuwa taageero siinaya…
Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Gobaleedka Jubbaland C/rashiid Xasan Nuur (Janan), ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho isagoona kulamo la leh Madaxda Beesha Caalamka oo ay ka wada-hadlayaan sidii loo sii xoojin lahaa amniga degaanada Jubbaland xilliga kala guurka. Wasiir Janan ayaa la sheegay in socdaalkiisa Muqdisho uu ku qotomo sidii xubnaha beesha caalamka uu ugala hadli lahaa Xaalada degaanada Jubbaland iyo xaqiijin amniga degaanka. Sarkaal katirsan Wasaaradda amniga Jubbaland ayaa Shabakadda Idil News u xaqiijiyay inay been abuur yihiin wararka sheegaya in Wasiir Janan ay u yeereen Safiirada Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Africa, si ay wax uga weydiiyaan Cabasho dhinaca…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta lagu wadaa inuu safar ku tago degmada Caabudqwaaq ee Gobolka Galgaduud. Wafti horu-dhac u ah Ra’iisulwasaaraha oo ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Caabudwaaq. Sidoo kale Xildhibaano, iyo xubno kale oo ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa tegay degmada Cabudwaaq, iyaga oo sii diyaarinaya sidii Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya loogu soo dhaweyn lahaa degmada Cabudwaaq. Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa laga…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmo kahor amar ku bixiyay in Xabsiga la dhigo Taliyihii Laanta CID-da Puntland ee Gobalka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, kaas oo haatan ku xiran xabsiga weyn ee Magaalada Garoowe. Taliyaha la xiray ayaa lagu heystaa inuu bixiyay Macluumaad la xariira Baaritaankii Kiiskii Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 jir lagu kufsaday Gaalkacyo bishii Febaraayo, kuwaas oo shaki gelin kara sax ahaanshaha xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddexda Eedeysane ee loo heysto inay ka dambeeyeen Kiiska. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu aad uga carooday talaabada uu ku kacay Col. Abshir,…
Kooxda Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Tooratoorow ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa shalay gelinkii dambe ay ku toogteen Oday da’ ah oo 75 jir ah, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu isla wada guursaday Gabar iyo Hooyadeed. Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Tooratoorow ayay Al-Shabaab isugu yeereen,waxaana halkaasi ay ku toogteen Odaygaas oo Magaciisa lagu sheegay Abshir Maxamad Cabdi. Garsooraha Maxkamada Al-Shabaab ee deegaanka Tooratoorow ayaa sheegay in uu Maxkamada u soo dacwooday Nin Adeer u ah Gabadha uu Odayga Guursaday oo lagu Magacaabo Xassan Khaliif Aadan,isaga ku eedeeyay in Gabadha Hooyadeed uu horay u qabay, haatana…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo weli ku sugan Magalada Cadaado ayaa kulan gaar ah waxa uu la yeeshay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa ay uga hadleen sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug oo sanadkii ugu dambeeyay khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyay. Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii ay deegaanada Galmuudg uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay ayna ka qeyb galaan dhamaan dadka ku nool deegaanada Galmudug. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xaaf doorka uu ka…
Sida ku cad cutubka lixaad qodobka 55aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka Soomaaliya, goleyaasha sharci-dejinta dowladda waa labo gole: Golaha shacabka iyo Golaha aqalka sare, waxeyna masuuliyaddaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan madaxa afraad ee dastuurka oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta haarka qaran. Sidoo kale qodobbada 63, 76, iyo 83 ayaa si cad oo waadix ah uga hadlaya awoodda sharci-dejinneed ee gole kasta. Marka laga soo tago sharciga dejinta miisaanniyadda sanadlaha ah ee xukuumaaddu eey sameyso ma jiro sharci kale oo labada gole eeysan bilaabin/unkin oo dalka ka dhaqan geli kara. Suaallahan ayaase u baahan in si maangal…
Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Dowladda Puntland ee (TPEC), ayaa la filayaa inay berrito shaaca ka qaadan in dhamaan xubnaha guddigu ay is casileen. Xubnaha Guddiga ayaa dhowaan u gudbiyay is casilaadooda Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, kaddib kulan saacado qaatay oo ay kula yeesheen Madaxtooyadda Garoowe, sida ay horey u baahisay Shabakadda Idil News oo xiganeysa Sarkaal sare oo katirsan Guddiga. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu ka dalbaday guddiga inay ka war sugaan, balse markii dambe uu ka aqbalay Is-casilaadooda, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya sababaha ka dambeeya is casilaada Guddiga. Guddiga…
Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal, ayaa maanta oo arbaco ah mar kale dib u dhigtay Dhageysiga dacwada la xariirta kiiskii Afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan. Maxkamadda Racfaanka ayaa markii ugu horeysay sabtidii dhageysatay Dacwada Kiiska Caa’isho, oo Saddexda eedeysane ee loo heysto ay Maxkamadda Gobalka Nugaal 12-kii bishii May, 2019 ay ku riday xukun dil ah, kaddib markii xeer ilaalintu ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen. Saddex Rag ah ee loo heysto kufsigii iyo dilkii Caaisho Ilyaas Aadan, ayaa lagu kala magacaabo Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo 34 jira ah, Cabdisalaan Cabdiraxman Warsame 24 jir ah…