Author: Jibril Qoobey

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta Ubax dhiga Taalada Dhagaxtuur oo ku taalla Wadada Sayidka ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay isugu yimaadeen boqolaal ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo u dabaal dagayay maamuuska maalinta Qiimaha leh ee 26-ka June. Fagaaraha Taalada Dhagaxtuur ayaa waxaa isugu yimid xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, xildhibaanada laba aqal ee dal, Saraakiil, boqolaal shacab ah iyo mas`uuliyiin kale. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeen Salaan sharaf ka qaatay ciidamada Baanbeyda oo heer sara ah loo diyaariyay,waxaana intaasi kadib uu la hadlay boqolaaalka dad weyne ah ee isugu yimid Taalada Dhagaxtuur ,waxana uu…

Read More

Dowlada Maraykanka ayaa bilowday inay dhexdhexaadiso khilaafka badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee ah xadka Badweynta Hindiya..Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa la kulantay safiirka Maraykanka Donald Yamamoto iyagoo ka wadahadlay arrimaha ka soo cusboonaaday labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya. “Waxaan soo dhoweeyay oo aan la kulmay Ambassador Donald Yamamoto, Wakiilka Maraykanka ee Soomaaliya waxaana isweydaarsanay aragtiyada kala duwan iyo doorka Maraykanka ee gobolka ee ah ammaanka iyo xasiloonida,iyadoo kulankana uu goobjoog ka ahaa Amb. Kyle McCarter safiirka Maraykanka ee Kenya,”ayay ku soo qortay boggeeda Twitterka CS Juma. Dhinaca kale Wareysi uu siiyay Telefishinka Citizen ee Kenya laga…

Read More

Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa beenisay warqad been abuur ah oo Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday Wasiir ku-xigeenka Batroolka Maxamed Cabdqaadir Hilaal. “Wasaaradda warfaafinta waxa ay beenineysaa warqadda Baraha bulshada lagu faafiyey ee sheegeysa in xilka laga qaaday wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka Mudane Hilaal” “Dowladda Soomaaliya ayaa dabagal ku heysa dadka wararka beenta ah ku faafiya baraha Bulshada ama warbaahinta kale.”ayaa lagu daabacay Wakaalada wararka soomaaliyeed ee SONNA, Warqada lagu faafiyay baraha bulshada ee xilka qaadista wasiir ku xigeenka Batroolka ayaa timid kadib markii sidoo kale baraha bulshada lagu faafiyay warqad ka soo baxday xafiiska…

Read More

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku baaqayo in la dardargeliyo wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland ee mudada aan qabsoomin. Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo inay muhiim tahay in la keeno qorsho kasta oo lagu qancin karo Soomaaliland si markale dib loogu bilaabo wadahadaladii hakadka galay. “Waxaan ku baaqayaa in aan dardargelino wadahadalladii Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaa loo baahan yahay in runta la wajaho si walaalnimo ah la isku wareyso lagana gudbo duruufihii la soo maray si loo boogsiiyo walaalaheena Soomaaliland ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday dhibaatooyinkii dalka ka dhacay iyo sida…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Austria iyo Canada ee Soomaaliya. Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Austria Mudane Christian Fellner oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalkaas Mudane Alexander Van der Bellen ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran. Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Canada Marwo Lisa Stadelbauer oo warqadaheeda aqoonsiga u gudbisay Madaxweynaha ayaa sheegtay sida ay ugu faraxsan tahay in ay ka mid noqoto bahda diblumaasiyiinta…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo meel fagaara ah kula hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa sheegay in uu magaalada u yimid in reer Gal-mudug uu kala shaqeeyo dhismaha Dowlad gobaleed loo dhanyahay, sal adag oo ka shaqeeya danaha reer Gal-mudug iyo guud ummadda Soomaaliyeed. Xasan Cali Khayre oo Madaxynaha iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedaka Gal-mudug uga mahadceliyay aqbalaadooda qabsoomida doorshooyinka Gal-mudug, ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada Gal-mudug ugu baaqay in ay u midoobaan ka shaqaynta horumarinta Gal-mudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa uu sidoo kale ganacsatada ugu baaqay in ay maal gashadaan Gal-mdug si ay uga qayb…

Read More

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa daah-furay maanta Shirka Maalgashiga u adkeysiga Abaaraha ee Degaanada Puntland, kaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland. Shirkan oo ay ka qeyb-galayaan Xubno katirsan Dowladda Puntland, Madax ka socota Hay’adaha Caaliga iyo Dalalka Sweden, UK iyo Midowga Yurub, ayaa inta uu socdo lagu soo bandhigayaa Qorshaha Mashruuca u adkeysiga Abaaraha soo lab-laabta iyo qaab dhismeedka Guud. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), ayaa sheegay in Mashruucan ay baahi weyn u qabtay Puntland, isagoona xusay in Dowladda Puntland doorkeeda ka ciyaarayso. Mashruuca u adkeysiga…

Read More

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Mudane Dr. Christian Fellner Safiirka idman ee Jamhuuriyada Federalka Austria u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii lagu guda jiray kulanka, waxa ay ka wada hadleen xiriirka laba geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah yo sidii loo xoojin lahaa, loogana horumarin lahaa dhinacyada kala duwan ee nafciga ugu jira labada shacab iyo labada dal.

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa kulan kula leh Magaalada Dhuusa-mareeb xubnaha Hoggaanka Ahlusunna, kuwaas oo ay ka wada-hadlayaan xaalada siyaasadeed ee ay gashay Galmudug. Kulanka oo ah mid balaaran ayaa u dhexeeya Ra’iisul Wasaare Kheye oo ay wehlinayaan Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Amniga, Boostada iyo Isgaarsiinta iyo Xildhibaano ka soo jeeda deegaanka iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Hoggaamiyaha Kooxda Ahlusuna iyo Sheekh Maxamed Shaakir. Wararka ayaa sheegaya in la isku soo qaaday sidii dib u heshiisiin loo bilaabi lahaa, lana isku keeni lahaa dadka reer Galmudug, si xaalada loo dejiyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la…

Read More

Shir dag dag ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta wasaarada amniga Jubbaland iyo musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Kismaayo Shirkaan ayaa looga hadlayay sidii looga wada shaqeyn lahaa nabadgalyada Jubbaland. wasiirka wasaarada amniga jubbaland Cabdi rashiid janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ka wada hadleen sidii nabada loo wada Shaqeyn lahaa. Cabdi naasir Seeraar Maax oo u hadlay musharixiinta Jubbaland ayaa shergay in ay ka wada hadleen in si wada jir ah looga wada shaqeeyo nabad galyada. Seeraar ayaa sheegay in wasaarada ay ka wada hadleen in dadka taageersan musharixiinta amnigooda…

Read More

Wararka naga soo garay magaaladda Kismaayo ayaa sheegay in dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameyeen ciidamadda darawiishta iyo kuwa Dowladda Fadalaalka Soomaaliya ay kula wareegen deegan dhowr ah oo hostaga Degmadda Jamaame Taliyaha Ururka labaad ee Ciidammada Darawiishta Jubbaland Gaashane Muraal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaal culus ay lagaleen kooxaha nabad diidka Al shabaab hataan ay kusugan yihiin aaga hore ee araare oo ahyed gootii uu dagaalka ka dhacay. Warbixinta oo Dhameysriran Hoos Ka Daawo

Read More

Wasiirka Wasaaradda amniga Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa in uu tagi waayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug oo dhowaan ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga. Wasiir Gallan oo ka jawaabayay Su’aalo uu weydiiyay Xildhibaan ka tirsan  Baarlamaanka Puntland oo ahaa, “Maxay tahay sababta ilaa iyo hada aadan u tagin Gobalka Mudug ? Maxaase ay tahay sababta adoo jooga Shaqadaadii loogu Magacaabay Guddi, ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay uu ku mashquulsanaa Xaalada amni ee Gobalka Bari iyo arrimihii ka dhacay Gobalka Sanaag, taasna ay ka hor istaagtay inuu tago Gobalka Mudug.…

Read More

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur (Dabakariix), ayaa digniin adag u diray Ganacsatada iyo Shacabka Gobalka Mudug, taas oo ku aadan bixinta Canshuuraha ku waajibay. Guddoomiye Dabakariix ayaa Sheegay in waayihii ugu dambeeyay ay soo baxeen Kooxo Dowlad diid ah oo aan ogaleyn bixinta Canshuuraha, Sidoo kalena Dagaal kala hor-yimid Ciidanka Dowladda Puntland ee u xil saran ilaalinta Canshuuraha. Waxaa uu Sheegay in Kooxdani ay ugu horeeyaan Ganacsatada Qaadka, kuwaas oo sifo sharci darro ah u soo galiya Qaadka Degaanada Gobalka Mudug, iyagoo ka keenaya Meelo aan aheyn Puntland, waxaana uu sheegay inay ka qaadi doonaan Tilaabo adag, xitaa hadii ay…

Read More

Shirkadda Dulimaadyadda Diyaaradaha ee Ethopian Airline, ayaa Shaaca ka qaaday in Garoomada Diyaaradaha ee yaalla Degaanada Puntland ay dhowaan ka bilaabi doonto Dulimaadyo toos ah. Shirkadda Ethopian Airline oo Warkan ku daabacday boggeeda Booking Online, ayaa tilmaamtay in Garoomada Diyaaradaha ee Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ay ka bilaabi doonto Dulimaadyo toos ah, taas oo beeninaysa war kasoo yeeray Puntland oo ahaa in dulimaadyada Shirkadani ay ka sameynayso Boosaaso iyo Garoowe. Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland Mr. Gabiley, oo dhowaan la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Diyaaradaha Itoobiyaan Airline, ay 15 bisha July, Dulimaadyo ka bilaabayso Garoomada Diyaaradaha…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Godinlabe ayaa Sanad iyo bilooyin kadib xalay lagu soo dhaweeyay Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xaaf oo fariisin u aheyd Magaalada Dhuusamareeb ayaa isaga soo guuray kadib markii ay is khilaafeen Madaxda Ahlusunna ee ku biiray Galmudug oo heshiis la galay dowladda Federaalka, waxaana Xaaf Cadaado kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan Dowlada Federaalka ee matalada Galmudug iyo qaarka mid ah wasiirada iyo xildhibaanada Galmudug iyo odayaasha dhaqanka. Xarunta Madaxtooyada ee Magalada Cadaado ayaa la dejiyay Madaxweyne Xaaf halkaas oo la sheegay in uu ku Shaqeyn…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalak Xasan Cali khayre ayaa maanta lagu soo dhaweeyey xarunta maamulka Ahlusuunna ee magaalada Dhuusamareeb. Wafdiga Khayre ayaa waxaa garoonka magaalada ku sdhaweeyey madaxda Ahlusunna Shiikh Shaakir, Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Cabdi Maxamed Sabriye, Xildhibaano, iyo qaar ka mid ah shacabka ku nool magaalada dhuusamareeb. Safarka Khayre ayaa ku soo aaadaya iyadoo ay Ahlusunna ka baxaday heshiiskii Jabuuti ee ay ugu biirtay maamulka Galmudug, waxaana ka shaqeeyey madaxda DFS inuu maamulka Ahlusunna ka baxo Galmudug.

Read More

Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya iyo kuwa Degaanka Amxaarada ayaa toogasho ku dilay Hoggaamiyihii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee Maalin ka hor ka dhacay Ismaamulka Amxaarada ee dalka Itoobiya. Janaraal Asamnew Tsige ayaa la sheegay inay toogteen Ciidanku kaddib dagaal saacado qaatay oo dhex maray Ciidan uu Hoggaaminayo iyo Ciidanka Huwanka ah ee Dowladda Federaalka iyo Ismaamulka Amxaarada. Afgambigii dhicisoobay ee Janaraal Asaminew ka fuliyay Gobalka Amxaarada, ayaa lagu dilay Taliyihii Guud ee Ciidanka Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada. Janaraal Asaminew Tsige ayaa kamid ahaa saraakiishi militariga aheyd ee xabsiga laga sii daayay sannadkii lasoo dhaafay kaddib markii dowladdii hore ay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire iyo Janaraal Maxamed Siciid Morgan. Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa. Kulan ayaa salka ku hayey is xogwaraysi guud oo uu Madaxweyne Deni la yeelanayo Janaraalada Puntland ee ku suntan taariikhda dhismaha ciidamada Puntland, tani waxa ay qayb ka tahay balanqaadyadii Madaxweynaha ee tayaynta ciidamada,…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka hadlay Khilaafka sii xoogeystay ee ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhawaqa ka yeeraya Dowlad Gobaleedyada uu qeyb ka yahay Isbedelada ka socda dalka, oo uu sheegay inay yihiin kuwo muhiim ah. Sidoo kale, Mr. Farmaajo ayaa xusay in uu doonayo in Soomaaliya ay ka dhalato Dowlad Dhexe oo leh Go,aan dalka, ayna Dowlad Gobaleedyadu noqdaan Adeegayaal. Isagoo ka qeyb-galayay Madaxweynuhu Xafladda Qalinjabinta Dufcaddii koowaad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed tan iyo markii dib loo hawlgaliyay sanadkii 2014-kii, ayuu ka dalbaday arday inay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku wajahan Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, xilli Degmadaas ay dhowaan soo gaareen Saraakiil iyo Ciidamo katirsanaa Maamulka Somaliland oo kusoo biiray Ciidanka Difaaca Puntland. Wafti Wasiiro ah oo horudhac u ah Madaxweyne Deni ayaa maalmihii ugu dambeeyay kusii qulqulayay Degmada Badhan, Iyadoona Goor-dhaweyd ay Degmadaasi gaareen Illaa 5 Wasiir oo kamid ah Xukuumadda Deni. Wasiirada maanta gaaray Degmada Badhan ayaa waxaa kamid ah Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada, Cadaaladda, Duulista Hawada iyo Howlaha Guud, kuwaas oo qeyb ka ah Wafuud maalmahan tageysay Badhan. Madaxweyne Deni ayaa qorshuhu ahaa in bartamaha Bisha July uu…

Read More

Masuuliyiin ka kala socda Dowladda Federalka iyo Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa lagu wadaa in berri ay ku kulmaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD), ayaa waxa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin matalaya labada dhinac iyo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, waxaana Somaliland ku matalaya Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya waxaa kulankaasi ku matalaya, agaasimaaha guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddiga qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dowladda Puntland oo ku geeriyoodey dalka Turkiga. Guddiga qaban qaabada aaska waran ayaa kala ah: 1: Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud Gudoomiye 2: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) Xubin 3: Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay) Xubin. 4: Wasiiru Dowlaha Deegaanka, Beeraha & Waraabka Cabdirashiid Cali Geelle Xubin. 5: Gudoomiye Ku-xigeenka Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed Xubin…

Read More

Wafdi ka socda Hay’adda Trocare ayaa soo garay degmadda luu ee Gobolka Gaddo. ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa lagu sheegay ukuurgalidda xaaladdaha gobolka Soo dhaweyn ballaran ka dib wafdiga ayaa lageeyay xarunta degmadda waxyna shir albaada uxunyahay la qaateen masuuliyiinda degmadda Luuq oo uugu sareyo Gudoomiyaha Degmadda Luuq Kulanka markuu soo idaaday kadib waxaa saxaafadda la hadlay Gudoomiyaha degmadda luuq waxaa uuna kawar bixiyay ujeedka wafdigaan ay kusoo gaaren degmadda uuna sheegay in Hay’adduhu ay usocdaan sidii loo balaarin lahayd adeegyada Caafimaad ee ay ka waado degmada Luuq.

Read More

Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Dr. Saalax Xaaaji Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Marxuumku waxa uu ahaa dhakhtarkii lafaha ee ugu waynaa Puntland, waxaana uu aas-aasay cisbitaalka lafaha Carmo, kaas oo shaqo muhiim ah u qabta shacabka Soomaaliyeed ee uga yimaadda Puntland iyo gobolada kale ee Soomaaliya, waxa uu ku suntanaa gacansiinta shacabka tamarta yar, wuxuu si gaar ah xaaladdooda caafimaad ula tacaalijirey ciidamada geesiyaasha ah ee ku dhaawacma, iyagoo difaacaya dalkooda iyo dadkooda. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland…

Read More

Dowlada Federaalka ah Soomaaliya ayaa cambaareysay isku daygii afgambi ee ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya kaasoo lagu dilay masuuliyiin iyo saraakiil badan. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa tacsi loogu direy Dowlada Ethiopia madaxdii lagu diley weeraro ka dhacay magaalada Addis Ababa iyo magaalada Bahir Dar, oo ay kamid ahaayeen Madaxweynihii Ismaamulka Amxaarada Taliyihii guud ee ciidamada dowlada Ethiopia.

Read More

Wasiirka Wasaaradda amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, isagoona su’aalo laga weydiin doono Xaalada amni ee Degaanada Puntland. Wasiirka amniga Puntland ayaa la filayaa in si gaar ah ay wax uga weydiiyaan Xildhibaanadu fashilada hareeyay dadaaladii amni ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari, halkaas oo Wasiirku uu in muddo ahba ku sugnaa. Guddiga Nabad-galyada iyo Amniga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo dhowaan warbixin u gudbiyay Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan Dastuur jabin iyo inuu Hubeeyay Dhalinyaro arday ah, kuwaas oo sababay Xaalado amni darro…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud. Wafti horu-dhac u ah Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Ilaaladiisa ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb, kuwaas oo saaka la wareegay amniga Dhuusa-mareeb, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha. Ujeedada safarka Ra’iisul Wasaaraha uu ku tagayo Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay, xaaladaha ka taagan Maamulka Galmudug iyo Doorashada aan loo dhameyn ee ay qorsheynayaan inay ka dhacdo Dhuusamareeb. Wararka ayaa sheegay in Ra’iisulwasaare Kheyre uu dhuusamareeb u tagayo si uu Dowladda Federaalka ugu saxiixo Heshiis ay horey u gaareen Villa Soomaaliya iyo Guddoomiyaha…

Read More

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayuu ku shaaciyay  in uu buray heshiiskii horay u dhexmaray Maamulkii gobolada Dhexe ee Ahlusunna iyo Maamulka Galmudug iyo in uu ogolaaday inay doorashada Galmudug ay waqtigeeda ku dhacdo, isaga oo sheegay in lagu qabanayo Magaalada Cadaado. Madaxweyne Xaaf ayaa  War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiskiisa waxa uu ku sheegay in uu dhamaaday khilaafkii iyo mad madowgii ka dhex jiray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug. Qoraalka Madaxweyne Xaaf ayaa u muuqda mid dib ugu celinaya Maamulka Galmudug ka sidii uu ahaa ka hor heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna,isla markaana uu…

Read More

Dowladda Puntland waxay ka tacsiyaynaysaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur oo Ku geeriyoodey dalka Turkiga. Alle ha u naxariistee Marxuumku waxa uu Soomaaliya kasoo qabtay Xilal kala duwan, waxa uu ahaa masuulkii ugu horeeyey ee loo magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland. Sidoo kale waxa uu qayb ka ahaa bud-dhigayaashii Puntland, isagoona qabtay xilal kale oo muhiim ah, kuwaasi oo uu ugu qareemay horumarka dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland waxa uu uga tacsiyaynayaa shacabka Puntland, bahda Garsoor iyo…

Read More

War kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran oo uu Hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa looga hadlay Xaaladda kacsan degaanada maamulka Galmudug. Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay joojiso faragalinta ay ku heyso maamulka Galmudug. Warka kasoo baxay Himilo Qaran ayaa siddan u qornaa: Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka walaacsanyahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug. Dadka kunool Dowlad goboleedka Galmudug waxay muddo kunnaalloonayeen nabad-gelyo iyo xasillooni toos oo baahan in la xoojiyo lana mideeyo awoodda dadka deegaanka si loo adkeeyo dowladnimada. Xisbigu wuxuu bogaadinayaa dul-qaadka iyo…

Read More

Guddoomiyahii Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland Dr. Yusuf Xaaji Nuur ayaa ku geeriyooday Dalka Turkiga, oo dhowaanahan uu u joogay xaalad caafimad. Geeriga Dr. Yuusuf Xaaji Nuur ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa, Iyadoona uu aad u xanuunsanayay Guddoomiyuhu muddooyinkii ugu dambeeyay. Madaxweynihii hore ee Dowladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa 16 August 2016, xilkan u magacaabay Marxuum Dr. Yusuf Xaaji Nuur, isagoona wax badan ka qabtay hanaanka garsoorka Puntland. Dr. Yusuf Xaaji Nuur, waxa uu isla xilkaan qabtey markii Puntland la asaasey xiligii AUN Madaxweyne Cabdulaahi Yusuf Axmed, waxaana si weyn loogu xasuustaa mudadii uu ahaa…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa safar dhulka ah goordhow ugaga ambabaxay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay inuu aaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, waxaana la sheegay in Madaxweynaha ay galbinayaan Ciidamo taabacsan oo ku sugnaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb. Ciidamada ku sugnaa duleedka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ka soo tegey magaalada Gaalkacyo iyagoo doonayay in soo galbiyeen Madaxweyne Xaaf, balse loo diiday inay gudaha u galaan magaalada. Madaxweyne Xaaf ayaa iska diiday inuu wada-hadal la yeesho Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlada Federalka Cabdi Maxamed Sabriye, kaas oo ku…

Read More

Guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Dowlddd Puntland ee (TPEC), ayaa la filayaa inay dhowaan ku dhawaaqaan inay is casileen dhamaantood, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah. Sarkaal sare oo kamid ah Guddiga ayaa sheegay in Xubnaha guddigu ay kulan kula yeesheen Madaxtooyadda Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, ayna ku war-geliyeen in maalmaha soo socda ku dhawaaqi doonaan Is-casilaadooda. Guddiga ayaa ka cabanaya Madax banaani la,aan iyo in aan lagu tixgelin shaqooyinkooda Dastuuriga ah, waxaana ay ku eedeeyen xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Saaxiibada Madaxweyne Deni inay ka wadi waayeen Shaqooyinkoodii, taas oo ay tilmaameen inay u…

Read More

Guddiga Gurmadka Degmada Caluula ee Gobalka Gardafuu ayaa Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland uga dhawaaqay in xaalada adag ay ku sugan yihiin Dadka Degmada Caluula. Guddigan oo ka kooban Wasiiro uuna Magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah la gaarsiiyo bulshada Reer Caluula oo ay saameeyeen Fatahaadaha Khooriga badda uu ku sameeyay Degmadaas. Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in dhowaan ay Caluula tagi doonaan Wasiiro iyo Khuburo dhinaca badda ah oo ka socda Dowladda Puntland, ayna gaarsiin doonaan Degmadaas gurmad hordhac ah. Ugu dambeyntii, Guddiga gurmadka Degmada Caluula…

Read More

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkaas ayaa waxaa horkacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali( Najax) ,waxana Ciidamada ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaanka xarshanleey,sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose. “Hawlgal aan ku gaarnay deegaanka xarshanleey ee degmada Baraawe halkaas oo kooxda nabad diidka ay ka soo abaabulayeen falal lagu dhibaataynayo shacabka caasimada KGS.waxaan ugu mahadcelinayaa ciidamada amaanka hawsha ay ka hayaan gobolka sidoo kale waxaan bogaadinayaa ciidamada DANAB oo nabad diidka ka saaray deegaanka…

Read More

Shirkaan oo ah mid bille ah oo ay yeeshaan Garsoorka Jubbaland, ayaa waxaa ka qayb galay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha degmada Kismaayo, gobolka Jubbada Hoose iyo Maxkamadda sare ee Jubbaland. Ujeedka kulanka ayaa ah dardar gelinta habsami u socodka howlaha adeega Garsoorka ee maxkamadaha Jubbaland. Kulanka oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Xoghayaha Garsoorka Jubbaland Cabdullaahi Cabdiqaadir Qaanuuni, wuxuuna sheegay in muhiimadda kulanku ahayd sidii dadka Jubbaland u heli lahaayeen garsoor hufan.

Read More

Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland ayaa maanta bilowday tallaalka ka hortagga cudurka shuban biyoodka kaas oo ay Wasaaraddu ka bilowday xaafadda Midnimo oo ka mid ah goobaha ay deggan yihiin dadkii kasoo laabtay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenyai iyo goobaha ay deggan yihiin dadkii ku barakacay gudaha dalka iyo deegaanada dhaca waqooyiga gobolka Jubbada Hoose sida Goobweyn, Yoontooy, Buulo-guduud iyo deegano kale. Qaar ka mid ah dadkii maanta ka faa’iideystay tallaalka ka hortagga xanuunka Shubanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay aad ugu baahnaayeen daawadaan ka hortagga ah, waxayna u mahadceliyeen Wasaaradda Caafimadka Jubbaland.

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay Jaaliyada Jubbaland ee Dalka Kenya isagoo uga warbixiyay Xaalada Jubbaland iyo dib usoo kabashada deegaanka. Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku amaanay Jaaliyada dadaalkooda la xiriira sidii ay uga qayb qaadan lahayeen hormarinta deegaanka isagoo hoosta ka xariiqay in si rasmi ah loo furi doono Xafiiska Jaaliyada ee Nairobi kuwaas oo Noqon doona wakiilla Rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kenya. Jaaliyada ayaa Madaxweynaha ka codsatay in la joogteeyo xiriirka Jaaliyada iyo Dowlada waxaana Madaxweynahu uu balan qaaday in arintaas la xoojin doono. Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmey Dhalinyarada…

Read More

Kulamo aan loo kala kicin ayaa maalintii Saddexaad uga socda Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir iyo Guddoomiyaha Guud ee Kooxda Ahlu-sunna. Kulamada oo aan weli wax natiijo ah kasoo bixin ayaa ka socda Magaalada dhuusamareeb,waxaana la sheegay in inta badan wada-hadallada ay isugu soo dhawaadeen Wafdiga Wasiirka iyo Madaxdii ahlusunna ee ku biirtay Maamulka Galmudug, hayeeshee Madaxweyne Xaaf uusan weli ka qeyb gelin kulamada. Saacadihii la soo dhaafay waxaa socday dadaalo ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo dhuusamareeb ku sugan,kuwaas oo isku dayaya in…

Read More

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Axmed ayaa waxaa ugu horeen lagu cambaareeyay Afgembiugii dhicisoobay ee ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada dalka Itoobiya. Abiy Axmed waxa uu sheegay in lagu xadgudbay Dastuurka dalka Itoobiya,isla markaana meel ka dhac ay ku tahay Shacab weynaha mudada soo halgamayay ee Amxaarada Itoobiya. Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray Abiy Axmed in marnaba aan la aqbali Karin,waxaana uu digniin u diray dadka horboodayay afgembigii dhicisoobay,balse khasaaraha dhaliyay. Afgembigaas ayaa sida la sheegay waxa uu u jeedkiisu ahaa in guud ahaan dalka Itoobiya uu ka dhaco,waxaana laga cabsi qabay in uu…

Read More

Taliyihii guud ee ciidanka Itoobiya Gen Seara Mokennon waa dhintay. Madaxwaynihii Deegaanka Axmaarada Dr. Ambachew Mokennon waxay ubadan tahay in uu geeriyooday. Taliyahii hore ee saadka ciidanka Itoobiya waa dhintay. Waxaa la afduubtay Madaxii Sirdoonka Milatariga Itoobiya. Sidoo kale waxaa la afduubtay madaxii Sirdoonka Dalka Itoobiya Hassan Ibraahim. Saraakiil kale oo muhiim ahaana waa la laayay. Guud ahaan xaalka Itoobiya ma qurux badna. Magaalada caasimada ah ee Adis-ababa waxaa meel walba lagu daadiyay Ciidan aad uhubaysan. Gobolka Amxaarada wali xaalkiisu ma cada cida gacanta ku haysa,Abiye waxuu amray in Ciidanka Fadaraalku talaabo ka qaadaan Ciidamo inqilaab ku galay Madaxtooyadii Bahar-dar…

Read More

Isku day inqilaab,ayaa ka socda ismasmulka Amxaarada,waxuuna Tv-ga dalku sheegay in Ciidamada iyo kooxo hubaysan ay rasaas xoog leh dhexmartay. Sidoo kale Talyihii Ciidamada itoobiya ayay wararku sheegayaan in la dhaawacay,halka warar kale ay tilmaamayaan in uuba ugeeriyooday dhaawacaas soo gaaray. Xaalada Magaalada Bahar-dar,ayaa aad ukacsan xaalkuna waa hubinti la”aan. Jibril Qoobey.

Read More

Guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyey waxqabadka muddadii 3 bilood ahayd ee ay shaqaynayeen. Kulanka maanta guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa intii uu socday waxaa lagu sheegay in safarro ay dhowaan ku tageen degmooyinka iyo deeganada gobolada Gedo iyo Jubbada hoose ay kulamo kula soo qaateen qaybaha kala duwan islamarkaana ay u sharraxeen hannaanka loo marayo doorashada. Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland Axmed Cumar Maxamed ayaa warbaahinta u sharraxay waxa u qabsoomay guddiga muddadii uu jiray.…

Read More

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (karaash), ayaa Lagala goostay Gaari Nooca Cabdi billaha loo yiqiino uuna Gaaray Magaladda Laascaano, kaas oo loo gacan geliyay Maamulka Somaliland. Gaariga ayaa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland waxaa kala goostay Qaar kamid ah Askartii ilaalada u ahaa, kuwaas Degaanka Xudun ee Gobalka Sool ugu geeyay Ciidanka Maamulka Somaliland. Askarta Gaariga la baxsatay ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen Saraakiil uu si weyn ugu kalsoonaa Mr. Axmed Karaash, kuwaas oo la shaqeyn jiray Madaxtimadiisa kahor, waxaana la sheegay inay jireen Tabashooyin ay ka qabeen muddooyinkan. Wararka laga helayo Madaxtooyadda Puntland ayaa sheegaya in gaarigan uu…

Read More

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga hadlaayo Xaaladda maamulka Galmudug. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa sheegay in uusan la kulmi doonin Wafdiga uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maadaama uu si sharci daro ah ay kusoo galeen Magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa hadda Magaalada kulamo kala duwan kula leh Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo xildhibaano ka tirsan dowladda dhexe ee Soomaaliya oo laga soo doorto Magaalada Dhuusamareeb. Kulamadda ayaa looga hadlaya sidii Madaxweyne Xaaf uu u aqbali lahaa Wadahadal uu la galo dowladda dhexe…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa maanta Magaalada Garoowe ka daah-furay Shirka Qareenada Soomaaliya iyo Puntland, kaas oo looga hadlayo sidii ay u sameysan lahaayeen Xeer ay ku wada-shaqeeyaan Qareenada Puntland iyo kuwa Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, oo ka hadlay furitaanka Shirka ayaa sheegay in Garsoorku uu ku tayaysmi karro mideyn laga sameeyo dhinacyada Sharciga iyo Wada-shaqeyn dhex marta Qareenada. Sidoo kale, Wasiir Xaamud ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan sheegtay in Qareen ay u aqoonsan tahay cid ka qaadata Waraaqda Qareenimada, taas oo uu tilmaamay…

Read More

Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo ayaa duulaan hor leh ku qaaday Dowlad Gobaleedka Galmudug, oo horey ay u curyaamisay hanaankiisii Maamul, sidoo kalena ay iska hor keentay Beelihii ku midoobay Galmudug. Duulaankan cusub ee Hogaanka Madaxweyne Farmaajo ku qaaday Galmudug, ayaa qorshihiisu yahay sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, arinka oo ah Fadeexad siyaasadeed oo la mida tii Magaalada Baydhabo ka dhacday. Sidoo kalena, Galmudug ay u geysan laheyd Madaxweyne Magac u yaalla, kaas oo kala qeyb qaato Madaxda Dowladda Federaalka inay dib ugu soo laabtaan Tallada dalka Doorashada 2020-ka. Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa la aas aasay sanadkii 2006,…

Read More