Author: Jibril Qoobey

Ciidamada Xoogga Dalka ee Danab,ayaa saakay deegaano cusub kala Wareegay Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka sameeyeen degaano Hoos yimaada Magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in degaanada ay ka qabsadeen Al-Shabaab ay kasoo qaadi jireen Weerarada ka dhanka ah Ciidanka dowladda ee ku sugan Marko. Howlgalka ayay sheegeen in ay sii socon doonaan tan iyo inta laga saarayo Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday gobolka Shabeellaha Hoose.

Read More

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay dib u soo celiyaan heshiisyadii dowladdii dhexe la gashay Shirkadaha Shell iyo Exxon Mobil oo muddo 30 sano ku dhaw dalka ka maqnaa. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumada Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal oo la hadlayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed SONNA ayaa u sheegay in Wasaaraddu ay heshiis la saxiixatay Shirkadaha Caalamiga ah ee Shell iyo Exxon Mobil, kuwaasi oo haatan ka baxay xaaladdii ku qasabtay in ay wadanka kaga baxaan tan iyo bur burkii dowladdi dhexe ee dalka, isagoo intaa ku daray…

Read More

Maxkamadda Racfaanka Gobalka Nugaal ayaa maanta u fariisatay Dhageysiga Racfaan laga qaatay Xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddexda eedeysane loo heysto falkii Afduubka, kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isho Ilyaas Aadan oo aheyd 12 sanno jir ku nooleyd Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Qareenada u doodaya eedeysanayaasha loo heysto Kiiska oo horey Maxkamadda Gobalka Nugaal ay ugu riday Xukun dil, ayaa Maxkamadda ka jeediyay Hadalo, Iyadoona ugu dambeyntii dib loogu dhigay kulanka Maalinimada berrito ah. Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Guud ee Dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo markii kulanku soo gaba-gaboobay la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in…

Read More

Dowladda Puntland ayaa wajahaysa dhaqaalo xumo baahsan, wixii ka dambeeyay Doorashadii Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, Iyadoona ay jirto in Gunooyinkii laga jaray dhamaan Shaqaalihii Dowladda, Sidoo Kalena ay bilooyin waayeen Mushaaraadkoodii. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, oo Khamiistii Warbixin siiyay fadhiga Baarlamanka, ayaa shaaciyay in lixdii bilood ee sannadkan u horraysay uu dhaawac culus gaaray dhaqaalaha Puntland. Guddiga oo mudda lix bilood ah ku hawllanaa uruurinta xogta Dhaqaalaha Puntland, ayaa Golaha u sheegay in guud ahaan Dhaqaalaha Puntland uu hoos u dhac weyni gaaray tan iyo bilowgii sannadkan, iyadoo meelaha qaarkood saddex-meelood oo hal-meel aysan ka soo…

Read More

Maxkamadda Gobalka Nugaal ayaa maanta u fariisanaysa Racfaanta laga qaatay Dacwada Kiiskii Caasho Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah oo kufsi iyo dil looga geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug. Maxkamadda ayaa horey xukun dil ah ugu riday 3 Nin oo lagu helay inay ka dambeeyeen Falka Afduubka, Kufsiga iyo Dilka ahaa ee Caa’isho Ilyaas loo geystay, iyadoona ay racfaan ka qaateen. Dhageysiga Maxkamadeynta Racfaanka laga qaatay Kiiska Caa’isho Ilyaas, ayaa ka bilaabanaysa Hoolka Shirarka Gobalka Nugaal, iyadoona ay ka qeyb-galayaa Masuuliyiin katirsan Xukuumadda, Hay’adaha u dooda Xaquuqda Insaanka iyo Shacabka Garoowe. Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Dowladda…

Read More

Laba xero qaxooti oo loo furay inay martigeliyaan dad Soomaaliyeed oo kasoo cararay macluushii ku dhufatay dalka sannadkii 2011kii ayaa la xiray laguna wareejiyey dowladda Kenya. Kenya ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xirayo xerada qaxootiga ee Dadaab oo ah xero weyn taasoo gabbaad u ahayd qaxootiga ku dhawaad 30 sano. Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa xeryaha la faarujiyey ku wareejisay dowladda Kenya jimcihii. Qaxootigii degganaa xeryahaas ayaa qaarkood dib ugu laabtay dalka Soomaaliya iyadoo qaarkoodna la dejiyey saddexda xero qaxooti ee kala ah Hagardera, Dhagaxleey iyo Ifo. In ka badan 80,000 oo Soomaali…

Read More

Kulamo lagu qancinaayo dhinacyadda iska soo horjeedda ee Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Kulamaddan ayaa u dhaxeeya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shalayto gaaray Dhuusa-mareeb. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa xalay kulamo la qaatay Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Macalin Maxamuud, waxaana kulamaddiisa looga hadlay sidii doorasho uga dhici la heyd Magaalada Dhuusamareeb. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka iyo Wafdiga dowladda Soomaaliya ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb iyo waxyaabaha la isku afgartay intii ay…

Read More

Madaxweynha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in diyaaradaha Militariga Mareykanku ay duqeeyaan Iiraan,sida ay baahinayaan warbaahinada Caalamka. War Qoraal ah oo uu daabacay Wargeyska Newyork Times, ayaa sheegaya in madaxweyne Trump uu bixiyay awaamiir la xiriirta duqeymo ka dhan ah Iiraan,balse uu dib uga laabtay go’aankaasi markii ay diyaaraha dagaalku ay hawada galeen, ayna isku diyaariyeen duulaanka Iiraan. Sidoo kale maraakiibta dagaalka Mareykanka ayaa dagaal u diyaar garoobey,ilaa iyo haatan Lama oga sababta go’aankaasi uu u qaatay Trump,balse wararka ayaa sheegaya in aysan la qabin Wasiirka Arrimaha dibadda Mike Pompeo iyo Johon Bolton oo ah,lataliyhaha amniga ee Trump.…

Read More

Meydka Allaha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Abwaan Sangub oo kamid ahaa Abwaanada ugu weynaa taariikhda Ummadda Soomaaliyeed ayaa dhowaan ku geeriyooday magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya. Aaska Abwaanka ayaa waxaa ka qeyb geli doona wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo isugu jira xildhibaano, fanaaniin, abwaano iyo mas’uuliyiin ka socota Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda,kuwaasi oo shalay gaaray dalka Itoobiya. Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise “Singub” ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya horaantii 1944tii waxana uu ka mid…

Read More

Bogaadin iyo Duco waxaa hawada umarinaynaa qoyska cusub ee kusoo biiray qoysaska islaamka iyo kuwa ehelka Imaan Cabdulaahi iyo Marwadiisa Canbaro Axmed oo Arooskoodu ka dhacay Birmingham Uk. Guud ahaan Qoysaska reer Keenadiid iyo reer islaan waxay hanbalyo iyo duco udirayaan Qoyskaa kusoo biiray ehelka. Noqda kuwii uu arooskoodu ka danbeeyo nolol farxad badan iyo Qoys salbalaaran oo lagu soo hirto. Halkan ka daawo muuqaalka oo arooska oo gaaban Aabe Axmed Januune iyo Hooyo Sahro Xaaji waxay ugu dirayaan Duco Iimaan iyo Canbaro. Sidoo kale aniga oo ah Jibril Qoobey iyo Marwadayda Idil Keenadiid waxaan bogaadin taa la mid ah…

Read More

Shil Gaari oo sababay dhimashada 4 qof, ayna ku dhaawacmeen 22, ayaa ka dhacay maanta duleedka Magaalada Goday ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Gaarigan shilka galay oo ay leedahay shirka basaska ee Falkon coach, ayaa saaka subaxnimadii ka baxay Magaalada Goday, isagoona ku sii jeeday Caasimada Dowlad Degaanka ee Magalada Jigjiga, waxaana uu ku rogmaday duleedka Godey. Dadka ku dhaawacmay Shilkan ayaa qayb kamida loo qaaday Isbitaalka wayn ee Magalada Jigjiga ee caasimada degaanka Soomalida, halkaas lagu daaweynayo.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay ka mid noqoshada JFS Heshiiska Qaramada Midoobey ee Xuquuqda Naafada. Munaasabad uu ku dhaqan geliyey Madaxweynuhu ka mid noqoshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Cahdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Dadka Naafada Ah ayaa ku qabsoomtay Madaxtooyada, waxaana goob joog ku ahaa Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji iyo Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr.Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade). Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo tilmaamtay dadaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto diyaarinta shuruucda iyo yagleelidda hay’adaha xaqsiinta dadkeenna nugul ayaa uga mahadcelisay Golaha Shacabka iyo Aqalka…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa ka hadlay Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Dadkii lagu laayay Magaalada Gaalkacyo. Madaxweyne xaaf ayaa sheegay inay wax laga xumaado tahay Waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka, isagoona tilmaamay inay Galmudug tahay Maamul aan haatan mudneyn in wax loo yeeriyo. “Galmudug mahan State cusub, sharci bay leedahay, Dastuur bay leedahay, nidaam bay leedahay madax bey leedahay, Caasimadeedii bay joogtaa, in lagu xad-gudbo oo la yiraahdo hadda ayaa doorasho loo qabanaa aad ayaa…

Read More

Ciidanka amniga Dowladda Puntland ee PSF-ta ayaa Howlgallo culus xalay ka fuliyay gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Ciidanka ayaa hawlgalkooda kusoo qabtay 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish, kuwaas ku dhuumaaleysanayay Gudaha Magaalada Boosaaso, sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay Barta Facebook ee Ciidanka PSF-ta, Sidoo kale, Ciidanka PSF-ta ayaa howlgalkooda kusoo qabtay Agab iyo sahay loo waday kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish. “Ciidanka PSF hawlgal ay xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso ayaa waxay ku soo qabteen 6 xubnood oo ka kala tirsan kooxaha cadowga…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, ayaa shaaca ka qaaday in dagaal iyo loolan adag uu ka dhexeeyo Qoomiyadaha Dalka Itoobiya. Madaxweyne Cagjar oo la hadlayay Shacabka Gobalka Doollo, ayaa sheegay in xaalad cakiran ay ka dhex jirto Qoomiyadaha Dalka Itoobiya, taas oo saldhig ay u tahay in Qoomiyad walbaa ay dooneyso inay ilaashato dhaqankeeda, Diinteeda iyo Hidihii ay soo laheyd. Madaxweynaha DDS Mr. Cagjar, ayaa tilmaamay in Dagaalkaas iyo loolankaa mid la nooc ah uu ka dhex jiro Shacabka Gobalka Doollo, kuwaas oo ayaga oo ka tagaya Magaca, Midabka, Diinta, Dhaqanka iyo Hiigsiga ay wadaagaan, isku kala…

Read More

Golaha Dhalinyarada Jubaland ayaa Magaalada Kismaayo ku qabtay kulan dood ah oo ku saabsan ololaha dhalinyarada ee ku lug lahaanshaha ka qaybgalka siyaasadda iyo Maamulka kaas oo ayaan kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee da’ayarta iyo odeeyaasha dhaqanka. Ujeed madashan ayaa ahaa sidii loo abuuri lahaa jawi kudhisan isfahan iyo wadashaqayn dhexmarta dhinacyada Dowladda Dhalinyaradda ayaana dhankoo doonayo sidii ay ooga mid noqon lahayeen Baarlamaanka cusub ee uu ee dowlad goboleedka Jubbaland. Madasha kulankaan ayaa waxaa fududeysay shabakada Y-peer Somalia oo taageero ka heleysa Hay’addaha qaramada midoobay ee Unfpa Somalia, UN 

Read More

Bayaan kasoo baxay kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Carabta oo lagu qabtay Magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray baaq ku aaddan in Biyaha Soomaaliya ay yihiin hanti Carbeed. Baarlamaanka Carabta ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada beenta ah ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato Baadda Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu Baarlamaanka Carbeed ka hor yimid Fara gelinta arrimaha Soomaaliya iyo in lagu xad gudbo arrimaha gudaha ee Dalkeeda,mabaadii’da deris wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah. Baarlamaanka ayaa sidoo kale Dowladaha Carbeed ugu baaqay in ay Soomaaliya Garab istaagaan, oo dedaal ugu jirto sugidda amniga iyo sidii ay u cirib tiri lahayd…

Read More

Waxgaradka iyo Isimada dhaqanka Beelaha Habar-gidir ayaa Heshiis ku gaaray in laga hor-tago Doorashada ay qorsheynayso Dowladda Federaalka inay ka qabato Degaanada Galmudug bisha soo socota, taas oo dhabar-jab ku ah Qorshaha Madaxda Dowladda Federaalka ee ah in Galmudug la geeyo Madaxweyne u olaleeya Doorashada 2020-ka. Odayaasha beelaha Sacad, Ceyr, Duduble, iyo Saruur oo kula kulmay Magaalada Muqdisho odayaasha beesha Reer Xaaji Saleebaan, ayaa looga hadlay qodobo ku saabsan mideynta Habar-gidir iyo ka hortagga damaca dowladda Soomaaliya ee qabashada doorashada Galmudug sanadkaan 2019. Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa laga dalbaday in magaalada Cadaado aysan ka dhicin doorasho ay soo abaabushay…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xalay kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay Villa Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa warar kala duwan ay kasoo baxayaan waxyaabihii looga hadlay, iyada oo ilaa iyo hadda Madaxtooyada Soomaaliya ay kasoo saarin wax War ah. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in la iskula soo qaaday sidii loo xalin lahaa xiisada ka taagan Baladweyne ee ka dhalatay xilka qaadiistii Guddoomiyihii Gobolka  Hiiraan Yuusuf Dabageed iyo arrimo kale oo ku saabsan Siyaasadda iyo la socoshada Hirshabelle ee Dowladda Federaalka. Guddoomiyaha Baarlamaanka…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa maanta magaalada Muqdisho uga qeyb galay Xaflad loo sameeyay dhalashada Boqorada UK Queen Elizabeth oo 93 sano jirsatay. Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta Safaaradda Britain ku leedahay Xerada Xalane, waxaana lagu casuumay xubno ka tirsan Ururada Bulshada Rayidka, Diblomaasiyiinta Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane iyo siyaasiyiin. Sidoo kale xubnihii ka qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow oo heysta dhalashada Britain, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Taliyihii hore NISA C/llaahi Sanbaloolshe iyo xubno ka tirsan…

Read More

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa ku heshay dambiyo la xiriira argagaxisanimo saddex ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii dagaalamayaal Alshabaab ka tirsan ku qaadeen sanadkii 2015kii Jaamacada Garisa oo lagu diley illaa 148ruux oo badankood ay ahaayeen arday. Maxkamada ayaa ku heshay dambi labo Kenyan ah Hassan Aden Hassan iyo Mohamed Abdi Abiar – iyo mid kale oo ka soo jeeda dalka Tanzania Rashid Charles Mberesero, halka Sahal Diriye Xuseen ay maxkamadu sii deysay. Go’aanka Maxkamada ayaa lagu dhowaaqi doonaa 3da bisha July ee soo socota iyadoo dhagaysiga dacwadan ay muddo dheer qaadatay. Arroor hore ayaa…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ka qeybgalay kulanka gaarka ah ee 68aad ee Golaha Wasiirrada IGAD oo ka furmay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Kulanka ayaa sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda. Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan. Wasiir Cawad ayaa halkaasi kusoo bandhigay dhibaatooyinka xilligaan ka jira dalka Soomaaliya iyo horumarka guud ahaaneed oo ay ku tallaabsatay…

Read More

Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa fashilayay Qarax weyn oo la dhigay Jidka isku xira Wadada weyn ee bartamaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland iyo Suuqa Caanaha. Qaraxan oo ahaa mid la doonayay in lagu waxyeeleeyo Shacabka Magaalada Boosaaso, ayaa meesha la dhigay waxaa ka dhow Bar kantarool oo Ciidamada ammaanku ay ku baaraan Dadka iyo Gaadiid. Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa Miino lagu soo qariyay bac, ay Ciidamadu heleen kahor intii uusan qarxin. ”Halka la dhigay qarax Miino waa goob dadka iyo gaadiidku aad ugu badan yihiin, waxay xirnay…

Read More

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Abgaal oo maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Agaasimayaasha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradaha Dawladda Puntland, ayaa dhaliil u jeediyay Qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda. Wasiir Xasan Shire Abgaal ayaa Sheegay in qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda aysan bixin Canshuurtii ku waajibtay, ayna qaarkood dacweeyeen, kuwo kalena ay hada gudbinayaan. “Shirka waxaan ku soo bandhignay liiska Wasaaraddaha aan bixin iyo kuwa bixiyay Canshuurta, waxaanu halkaas ka sheegnay in aanu dacwayn doono Wasaaraddo aan bixin Mashaariicda dhexmaray Cashuurtoodii kuwa bixiyay waanu amaanaynaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland” Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa…

Read More

Madaxwaynaha Turkiga ee Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta sheegay in Turkey aysan ka hari doonin oo uu dunida u bandhigayo kiiska Mohammed Morsi, MW hore ee Masar oo Isniintii si faj’a ah ugu dhex dhintay maxkamad uga socotey magaalada Qaahira. “Mohammed Morsi nasiib xumo 20 daqiiqadood ayuu galgalanayay sagxadda qolkii maxkamadda, balse dowladdu waxba uma qabanin. Waana taas sababta aan u sheegayo inuusan sababo caadi ah u dhimanin, balse la diley,” ayuu Erdoğan u sheegay dad uu kula hadlayay degmada Sancaktepe ee magaalada Istanbul. “Waxaannu ku boorrinaynaa ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC inay tillaabo qaadaan oo ay sameeyaan wixii daruuri…

Read More

Madaxwaynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa ku sugan Magaalada Wardheer ee xarunta Gobalka Doollo, halkaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Dibad-baxyo ka dhan ah Xukuumadda Cagjar. Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ay wehlinayaan Wasiiro katirsan Dowlad Degaanka Soomaalida, ayaa maanta kulan balaaran la qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Wardheer, gaar ahaan Waxgaradka Gobalka Doollo. Kulanka oo ahaa mid qaatay Saacado badan ayaa looga hadlay iskaashiga iyo wadashaqaynta Xukuumada Madaxweyne Mustafe Cagjar iyo Shacabka Gobolka Doolo, Iyadoona Waxgaradkii ka hadlay Madasha ay dhaliilo u jeediyeen Xukuumadda Dowlad Degaanka oo ay xuseen inay dayacday Gobalka Doollo. Madaxwaynaha…

Read More

Madaxweynaya Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda UNICEF oo uu hogaaminayo Madaxa Soomaaliya ee Hay’addaasi Mr. Werber Schultunk iyo Isuduwaha Hay’adda ICRC Puntland Emmanuel Lippolis. Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac Dabaraani. Kulanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF waxaa looga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda UNICEF ka waddo Puntland, waxaana ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada…

Read More

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa Ansixiyey maanta Sharciga maareeynta maaliyadda oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray. Kooramka Mudanayaasha golaha shacabka ee BFJS waxaa uu ahaa 141-Xildhibaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Waxaa Codka Haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Guddoomiyaha Guddiga maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka hay’adaha Dowladda ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraji ayaa xildhibaanada golaha uga mahad celiyay ansixinta sharcigan. Dhinaca kale Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-27 ee Juun, 19, 2019, ku magacaabay Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeenka ku meel gaarka ah ee Degmada Buurtinle. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in ay sii socoto shaqada Maamulka Degmada Buurtinle. Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Dihaal) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Buurtinle. 2. Waxaa Maxamed Cabdixakiim Geelle si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-28 ee Juun, 19, 2019, ku kala dirid Golaha Deegaanka ee Degmada Buurtinle. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu tixgeliyey: Is casilaaddii Golaha Deegaanka Degmada Burtinle. Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Buurtinle. 2. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Read More

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay Bandhigga wax soo saarka Dalka, waxaana intii uu socday looga dooday caqabadaha ku hor gudban, fursadaha horyaalla iyo sida loo xoojin karo shirkadaha ka ganacsada Ilaha dhaqaalaha Qaranaka sida Beeraha, Kalluumaysiga iyo xannaanada Xoolaha. Kulankan oo Laba Cisho socday ayaa waxaa soo qaban qaabiyay mashruuca kobcinta ganacsiga iyo shaqa abuurka ee hey’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), iyadoo dooddaasina ay qeyb ka ahaayeen madax, qubaro iyo aqoonyahanno

Read More

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta ee Dowladda Puntland ayaa sheegtay In Puntland lagu soo gali doono dal ku gal (VISA) “ si loo xoojiyo “ Amniga Dalka.” Wasiir Ku-xigeenka Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, oo la hadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in wasaarada amniga ay u taagan tahay ilaalinta Qaranka Puntland. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in puntland ay ka madax banaan tahay Dawlada dhexe ee Soomaaliya, uuna waajib ka saran yahay ilaalinta amniga iyo Xasiloonideeda. Hadalka Wasiir Ku-xigeenka Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil, ayaa ku soo beegmaya xilli degaannada Puntland ay ku soo badanayan tahriibayaasha ka…

Read More

Dowladda Kenya ayaa raadisay in Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay uu soo fara-geliyo muranka Badda ee kala dhexeeya Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay Antonio Guterres, ayaa la sheegay in uu si aan rasmi ahayn Golaha dhexdiisa uga xusay in Muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya uu Khatar ku yahay Nabadda iyo Xasiloonida Soomaaliya. “Labo Todobaad ka hor arrinta muranka badda ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Golaha amaanka u muujiyay in ay khatar ku tahay Nabadda iyo amniga Gobolka” warkan waxaa baahiyay wargeyska the Standard, kaasi oo soo xigtay Monica Juma. Kenya ayaa ku doodeysa in haddii…

Read More

Shir looga hadlayey Xog-ururin ku saabsan QorshahaTayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuna baxayso lacag dhan $45,000,000 ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho. Shirkan oo uu Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirada amniga Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka. Shirka oo ayaa intii uu socday lagu lafa-guray Tayeynta Booliska Soomaaliyeed, waxaana dhinacyada kulanka joogay ay isla qaateen in Xarunta Tababarka Booliska ee Janeral Kaahiye ay tahay, tan kaliya oo dalka ka shaqaysa, kana soo baxaan Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno. Sidoo kale, Dhinacyada ayaa meesha ka saaray inay jirto xarun lagu Tababaro Boolis oo…

Read More

Shir looga hadlayey Hormaarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Qorshaha dib loogu dhisayo Waddooyinka isku xira Gobolada Dalka, ayaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ugu soo xirmay Wasiirada Hawlaha Guud ee heer Faderaal iyo heer Dowlad Goboleed. Shirkan oo ay Marti-gelisay Puntland ayaa intii uu socday waxaa si weyn loogu lafa-guray Dib u dhiska Waddooyinka burbursan iyo sidii loo xoojin lahaa Wada-shaqeynta Wasaaradaha Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada. War-murtiyeed ka kooban 11 Qodob ayaa laga soo saaray Shirkan, Iyadoona dhinacyadu ay Heshiisyo ka gaareen Qeybsiga Deeqaha Dib u dhiska Soomaaliya, sidoo kalena ku balamay Kulamo kale oo ka qabsooma…

Read More

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil Jeyte, ayaa ka hadlay Xaalada ammaanka Degaanada Puntland, isagoona sheegay in guulo balaaran laga gaaray Sugida amniga. Sidoo kale, Wasiir Jeyte ayaa ugu baaqay Dadka ka shaqeeya Puntland ee Ajaanibta ah iyo kuwa kale, inay iska soo diiwaan-gashaan Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland. Ugu Dambeyntii, Wasiir ku-xigeenka Amniga Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Bulshada Reer Puntland inay ilaashadaan ammaankooda, waxaana uu digniin adag u diray Dadka Tahriibayaasha ah ee marinka ka dhigtay Puntland.

Read More

Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta Magalada Kismaayo ku qabatay shir looga hadlayay dhinaca Amniga sigaar ah dilkii xalay loo geystay mid ka mid ah Nabadoonada ugu caansan Jubbaland. Kulanka waxaa shir guddoomiyaya Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi nuur Janan,waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska gobolka Jubbada Hoose Gaashanle Sare Maxamed Naasir Guuleed Xassan, Saraakiil sare oo ka socotay hogaanka Nabad-sugidda iyo dambi baarista Jubbaland iyo Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Generaal Aadan ibraahim Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda ammaanka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahimiyadda ammaanka iyo adkeynta nabadgelyada, waxaana uu sheegay in loo…

Read More

Guddiga Nabad-galyada iyo Amniga Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ku eedeeyay Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan Dastuur jabin iyo in uu diiday in uu la shaqeeyo gudiga Barlamaanka u qaabilsan amniga. Guddiga Nabad-gelyada iyo Amniga Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in qorshaha Amniga ee Wasaarada uusan ka muuqan wax qorshe ah oo la xiriira xuduudaha gaar ahaan daansiga Soomaaliland . Sidoo kale, Gudiga ayaa Wasiirka amniga Puntland ku eedeyay qaadista lacago sharci daro ah oo aan waafaqsaneyn nidaamka Maaliyadeed ee Puntland, iyo Wadashaqayn la’aan Hay’adaha amniga qaarkood oo cabasho ka keenay. Ugu Dambeyntii, Guddiga Nabad-gelyada iyo Amniga Baarlamaanka Puntland ayaa…

Read More

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow, iyo Wasiirada Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedyada oo ku sugan Puntland ayaa maanta Kormeer Booqasho ku tagay Buundada Midigar ee Gobalka Nugaal. Waftigan Wasiirada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Gobaleed ee booqday Booqday Buundada Midigar, ayaa waxaa Horkacayay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka & Guryeynta Dowladda Puntland Mudane. Axmed Bashiir Muuse ( Cirro). Wasiirada Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo Magaalada  Garoowe kaga qeyb galaya shirka kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa la filayaa inay sidoo kale booqdaan goobo kale inta ay ku sugan yihiin Puntland.

Read More

Xaalad adag ayaa ka taagan Degmada Caluula ee Gobalka Gardafuu iyo Degaanka kale oo katirsan Gobalkaas, kaddib markii Khooriga Badda uu kusoo fatahay Caluula, kaas oo Saameeyay 120 Guri, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Caluula. Guddoomiyaha Caluula ayaa xusay in Dadkii deganaa 120 Guri ee biyuhu galeen, ay barakac ku yihiin Xaafado ka tirsan Degmada. Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Caluula ayaa xusay in Hal qof uu u geeryooday, Tiro kalena ay la il-daran yihiin Cudurka Shaban-biyood oo ka dilaacay Degaanka Xaabo ee Gobalka Gardafuu. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa guddi Wasiiro ah u saaray Xaalada Degmada Caluula…

Read More

Soomaaliya oo muddo dheer xubin ka ahayd ururka shaqaalaha adduunka ayaa waxaa xayiraad ay ka saarneyd codaynta,balse hadda wuxuu dalka awood buuxa u leeyahay inuu tago goobaha wada-hadalka iyo shirarka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka, halkaa oo uu cod ka dhiban karo. Shirweynaha shaqada adduunka ee ka socda Geneva ayaa isku raacay in Soomaaliya loo ogolaado inay soo ceshato xuquuqdii ay u lahayd inay codayso,taasoo sidoo kalena ay u codeeyeen 191 xubnood,iyadoo arrintan uu si weyn usoo dhaweeyay wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa. “Arrintaan muddo ayaa laga shaqeynayay, muhiimad weyn ayayna u leedahay dalka inan…

Read More

Alla ha u naxriistee waxaa isbital kuyaala magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya ku geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise(AbwaanSangub). Abwaan Xirsi Dhuux Guddoomiye ku xigeenka Golaha abwaannada Qaranka ayaa xaqiijiyay Geerida Abwaan Sangub,isagooo eebe uga baryay in uu naxriistiisa uu ka waraabiyo. Abwaanka Soomaaliyeed ee Maxamuud Cabdullaahi Ciise(Sangub) ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey xanuunsanayay,waxaana markii ugu dambeysay kujiray isbital kuyaala Dalka Itoobiya.

Read More

Dagaal culus oo u dhexeeya Maleeshiyaadka Macawisleyda iyo Argagixisada Al-Shabaab ayaa ka dhacay Duleedka Degaanka Halgan ee Gobalka Hiiraan, Iyadoona dagaalkan uu ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac. Saraakiisha Hoggamineysa xoogagga Macawiisleyda ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku dileen Sarkaal Ajanabi ah oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab iyo dagaalamayaal kale. Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Maxamed, waxaana la sheegay inuu asal ahaan u dhashay dalka Kenya, Isagoona ahaa mid si weyn looga dhex yaqaano Kooxda. Ma jirto, wax war ah oo kasoo baxay Kooxda Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalkan ka dhacay Duleedka Degaanka Halgan ee Gobalka Sanaag…

Read More

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa ka hadlay Khilaafka ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah iyo kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Hoggaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya. Danjire Donald Yamamoto, ayaa ku tilmaamay arrin adag khilaafka Dowladda Fedeaalka iyo Dowlad Gobaleedyada, Isagoona xusay inuu kulamo kala duwan la yeeshay Madaxda Labada dhinac, kuwaas oo uu kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dabada dheeraaday. Waxaa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go,an tahay ilaalinta danaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyadoon meesha laga saareyn muhiimada iyo Doorka Dowladda Federaalka. Ugu dambeyntii, Safiirka…

Read More

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China Mudane Qin Jian. Intii lagu guda-jiray kulanka, waxa ay uga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal oo ay ku jirto ganacsiga, maalgeshiga, isdhaafsiga khibradaha iyo tiknoloojiyadaha la oggolyahay iyo sidoo kale arrimaha siyaasadda iyo nabadgelyada. Dowladda Shiinaha ayaa ka mid ah dowladaha sidaweyn u taageera Soomaaliya,waxaana ay ka fulisay mashaariic horumarineyd oo dhowr ah, iyada oo heshiisyo la gashay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Read More

Wafti ka kooban Wasiirada Hawlaha guud ee Dowlad Goboleedyada Dalka oo uu hogaaminayey Wasiirka Hawlaha Dib u dhiska iyo Guriyeenta ee Dowladda Faderaalka Somalia Cabdi Aadan Hosow, ayaa soo gaaray maanta Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland. Wafti ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland, kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Gadiidka iyo Guriyeenta ee Puntland Axmed Bashiir Muuse ” Ciiro”. Ujeedka Imaasha waftigaan ayaa waxaa ay ku sab saan tahay iyadoo malinta beri ah Magalaada Garoowe uu ka furmi doono shir looga wada arrinsan doono dib u dhiska dalka iyo Xojinta xiriirka Wasarada hawlaha guud iyo Wasarada…

Read More

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre ayaa xalay kormeeray goobihii Qaraxyada khasaaraha geystay ay ka dhaceen shalay ee Muqdisho, isagoo dhiirri-gelin u sameeyay ciidammo uu sheegay inay qaraxyadaas ka hor-tageen. Kheyre ayaa la kulmay qaar ka mid ah askartii ku sugneyd koontoroolladii ay qaraxyada ka dhaceen, isagoo uga mahad-celiyay sida ay uga hor-tageen in qaraxyadaas lala beegsado goobihii ay Al-shabaab la damacsanaayeen. Sidoo kale, RW Somalia ayaa sheegay inay hayaan abaal-marin loogu talo-galay ciidamada si loogu dhiirri-geliyo hawsha ay shacbaka soomaaliyeed u hayaan, wuxuuna tacsi u diray ehellada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ka dhacay Muqdisho. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia…

Read More

Siyaasiga Maxamuud Cabdiyare Garlibaax, oo si kooban uga faallooday khudbaddii shalay madaxweynaha Puntland u jeediyay golaha wakiilada, ayaa soo dhoweeyay qodoba ku xusan khudbaddaasi oo ay kamid tahay; dadaalka xukuumaddu ugu jirto hir-gelinta doorasho qof iyo cod ah. “Hadalkii Madaxweyne Deni ka jeediyey Golaha Wakiilada ee ahaa In xukuumadiisa ay ku tijaabinayso seddax Degmo oo Ka mid ah Puntland in habka hanaanka Doorashada hal cod iyo hal qof sanadkan 2019 intaanu Dhamaan laga hirgalin doono si looga helo Khibrad Doorashada hanaanka xisbiyada badan ee mustaqbalka waxaan hubaa inay kalsooni ku abuureyso Shacabka reer Puntland haddii la howlgeliyo Pilot Project tigaa” ayuu…

Read More

Iyadoo lagu wado inay dhawaan doorashooyin ka dhacaan deegaannada maamulka Jubbaland ayaa waxaa haddana baraha ay ku xiriirto bulshada lagu baahinayaan warar kala duwan oo ku aaddan cidda ka qayb-galaysa doorashada iyo musuq-maasuq iyo faragelinnno ka dhan ah doorashada. Haddaba, maamulka Jubbaland ayaa wuxuu soo saaray bayaan loogu digayo dadka wada kicinta dadweynaha iyo khal-khalinta amniga ee Jubbaland ee ku sugan deegaanada maamulkaas uu ka taliyo. War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta dowlad-goboleedka Jubbaland ay tallaabo ka qaadi doonto cid kasta oo ku lug yeelata kana qayb-qaadata kicinta bulshada iyo falal lidi ku ah amniga. Xeer-ilaaliyaha ayaa faray laamaha amniga…

Read More

Koox Khubaro ah oo ku takhasustay Hawlaha Badda oo ku sugan dalkaasi ayaa ka codsaday inay Dowladda Kenya khilaafkaasi ku xaliyaan xal Diplomaasiyadeed, maadaama ay horey ugu fashilantay inay wax ka qabtaan Dagaalka Alshabaab iyo Burcad-baddeeda Soomaalida. Khubaradaasi oo kulan ku yeeshay Machadka Siyaasadda Afrika ee The African Policy Institute ee magaalladda Nairobi waxay sheegeen in Dowladda Kenya la gudboon tahay inay Xal wax ku raadiso, iyadoo la eegayo Nabadda Galbeeka Badda Hindiya. Wxaay hoosta ka xariiqeen inay Kenya ku guul-daraysan doonto Kiiska Muranka Xuduud-baddeedka ee haatan hor yaalla Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka “ICJ” ee magaalladda The Hague ee dalka…

Read More

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay lagu mid kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya. Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada lagu magacaabo Siigaale oo ku taalla gudaha Degmada Afooye,isla markaana waxaa Ninka Ergada ahaa u geystay kooxo hubeysnaa Bastoolado xili uu halkaasi ku sugnaa. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Maadey,kaasi oo kamid ahaa  Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka eek a soo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,sidoo kalena kamid ahaa dadka deegaanka. Wararka ayaa waxaa ay tilmaamayaan in kooxihii…

Read More

Guddoomiyaha dalladda ururrada bulshada rayidka ah ay ku mideysan yihiin ee Puntland  (PUNSAA), Faysal Axmed Warsame oo shalay hadal u jeediyay golaha wakiilada Puntland, ayaa mudanayaasha ku boorriyay in ay dib u-eegis ku sameeyaan shuruucda iyo xeerarka ay ansixiyeen golayaashii ka horreeyay. Guddoomiyaha ayaa sheegay in golayaashii hore ee Puntland ay meel-mariyeen, shuruuc aad u fara badan oo ay maal-gelisay Beesha Caalamka, balse aan waxba ka dhaqan-gelin, isagoo u soo jeediyay golaha wakiilada haatan jooga in ay dib ugu noqdaan arrimaha keenay in shuruucdaasi shaqeyn waydo. Faysal Qaran ayaa tilmaamay in golaha wakiilada Puntland lagu qiimayn doono, sida ay uga…

Read More

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa sheegay in ay Dalka Soomaaliya ka jiraan dhibaatooyin xagga abaaraha ah, taas oo ah mid aad u xanuun badan, balse waxaa hareer yaalla fursado iyo rajo. Abaaraha ka jira Dalka Soomaaliya ayuu sheegay in ay saamaynayso 2,200,000 (Laba Milyan iyo Laba Boqol oo kun) oo Qof, wuxuna sheegay in ay Dowladdiisu ka go’an tahay in ay caawiso Dadkaas, kuna taageerto Agab ay ugu baxaan dhibaatada. Danjire; Yamamoto, oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jirto rajo wanaagsan, fursado iyo dedaallo uusan arkin muddo dheer, wuxuuna intaa raaciyay in Dadka Soomaaliyeed…

Read More

Berigii hore markii ay gumeystayaashu soo galeen qaarada africa, wxa jiri jidhey in dadka afrikanka madow la ganacsan jirey. iyago loo iib geyn jirey wadamada yurub iyo america si looga faidaysto xoogooda . malinkii dambe aya dadkii loo raray mareykanka wxa ka mid ahaaa nin iyo islaantiis ka soojeeda DALKA ZIMBABWE Odeyga iyo islaanta waxay ka shaqeyn jidheen beer oo ku qayb saday nin beerta iska lahaa muddo markii ay beerta ka shaqeynayeen ayaa waxa ay dhaleen Wiil ZIMBABWE ah oo ay habartaas iyo odeygaas iska dhaleen . Oo xaqiiqdii ahaa dad aad u mad madow oo AFRIKAAN Asal ahna…

Read More