Ciidanka taabagelinta Dowladnimada iyo Maamul daadejinta gobolka Sanaag, ayaa shaqadoodii Cashuur balaarinta iyo amni sugida ka wada maalintii 5aad wadooyinka iyo Isgoosyada Magaalada Badhan. Howlgalkan ayaa soo bilowday 4 Maalmood kahor, Iyadoona Ciidamadu ay baaris ku sameynayaan Gaadiidka Dadweynaha, si loo xaqiijiyo amniga Degmada iyo nidaamka Dowliga ah ee Puntland. Howlgaladan ka socda Degmada Badhan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Degmadaas ku sugan yihiin Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland, sidoo kalena ay dhowaan Saldhigteen Ciidamo fara-badan oo kusoo biiray Puntland, kana soo goostay Maamulka Somaliland.
Author: Jibril Qoobey
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in Xukuumadda uu Hoggaamiyo ay dardar-gelisay Heshiiskii Balaarinta Dekedda Magaalada Boosaaso ee isha dhaqaalaha Puntland, kaas oo horey u gashay Xukuumaddii uu Hoggaaminayay Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Furitaanka Kalafadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa tibaaxay in Heshiis cusub oo mudeysan ay la galeen Shirkadda DP World ee gacanta ku heysa Dekedda. Madaxweynaha Puntland ayaan faah-faahinta, sidoo kalena aan Shaacin Waqtiga mudeysan ee uu sheegay inay la galeen DP World si ay u dardar-geliso dhismaha Dekedda Magaalada Boosaaso.
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabisha arrimaha Afrika, Bintou Keita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Afrika ayaa ka wada hadlay arrimaha nabad gelyada, howlaha nabad ilaalinta iyo qoshaha dowladdu isugu diyaarinayso la wareegidda mas’uuliyadda amniga. Bintou Keita oo ka tirsan waaxda siyaasadda iyo dhismaha babad-gelyada ayaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ka caawisa howl-gallada nabad ilaalinta. IDIL NEWS
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka helayaa qaraxii labaad ee Maanta ka dhacay agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho,kaasi oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir. Qaraxaasi oo lagu soo xiray Gaari noociisu ahaa Toyota NOHA oo qalin ah ayaa waxa uu uu qarxay xili uu marayay wadada aada dhinca Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Magaalada Muqdisho. Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qaraxaas,waxaana ay sheegeen in wax khasaaro ah uusan geysan,sidoo kalena la qabtay Nin waday gaariga qarxay. Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in ay Ciidamada ammaanku ku guleeysteen in…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maanta Shir Jaraa’id Ku qabtey Magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu si aad u Cambareyay Dilalkii Kala duwana ee Ka kala dhacay Dhuusmareeb iyo Gaalkacyo, Madaxweynaha ayaa Ugu horeen tacasiyo u direy Dhaamaanba umadda Soomaaliyeed , gaar ahaan Ehladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen Dadkii Shacabka ahaa sida Xaqdarada ah loogu diley Deeganada Galmudug, Isagoona Alle ugu bariyay in jannadii Fardowso ka waraabiyo, Madaxweynaha Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed Mudane C/ Casiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa baaq udirey Dowlad Goboleedka Galmudug in Jawaab Deg Deg ah Naga soo sii-so…
Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Farole oo khubad xarunta Golaha Wakiilada Puntland oo laga daah-furayay kal-fadhiga 44-aad ee Golaha Shacabka ayaa dhaliil u jeediyay dayaal dhaqameed kasoo jeeda Gobolka Mudug.
Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay 9 ruux hal mar lagu dilay duleedka koonfureed Gaalkacyo saacado kadib markii nin dhalinyaro ah lagu dilay gudaha magaalada. Sarkaal ka tirsanaa Nabad-sugidda Galmudug oo magaciisa lagu sheegay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif) ayaa fiidnimadii xalay koox hubaysan ku toogteen koonfurta magaalada Gaalkacyo xilli uu fadhiyay meherad laga shaaho sida ay sheegeen goobjoogayaal. Dilka ninkaasi kadib ayaa sida la sheegayo rag hubaysan oo u dhashay Galmudug waxay gudaha magaalada ka uruuriyeen 9 qof oo qaarkood lagu tuhmayo dilka Cali Dhiif waxaana ay si wadar ah ugu laayeen meel ka baxsan gudaha…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka dhegeystay Guddoonka iyo Hawlwadeennada Gobolka Banaadir warbixin ku saabsan waxqabadkooda iyo qorshaha maamul ayaa ku bogaadiyey doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan Barnaamijka Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka. Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo udub-dhexaad u ah horumarka iyo sare u qaadidda heerka nololeed ee muwaadiniinta, laguna shaqeeyo waddaniyad, hufnaan iyo maamul wanaag. “Waxaa la idinka doonayaa in aad xaqiijisaan dib u dhiska kaabeyaasha nolosha, bilic soo celinta caasimadda iyo adeegyada bulshada. Waxa kaloo muhiim ah inaad ku dadaashaan la dagaallanka musuqmaasuqa, kana…
Dowlad goboleedka Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa beenisay in lacag laba Milyan ah oo u dhiganta 20 kun oo doolarka Mareykanka ay siisay fanaanka Dalmar Yare. Arintaan ayaa timid kadib markii Fanaanka uu ka soo muuqday maalintii Arbacada daahfurka barnaamij ay dowlada Garissa ugu magac dartay maalgalinta Dhalinyarada. Warqad Saacado kadib la soo dhigay baraha bulshada ay ku xariirto ayaa laga dheehday lacag laba milyan ah oo fanaanka uu u saxiixay xoghayaha Garissa Mr Cabdi ShiiKh. Balse mas,uulkaan oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag u beeniyay warqada la soo dhigay baraha bulshada oo ahaa in lacag laba…
Wefdi ka kooban xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan dowladda Puntland oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo ayaa gelinkii dambe ee shalay booqday fariisimaha ciidanka Daraawiishta Puntland ee degmada Yubbe . Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa soo kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka Daraawiiishta Puntland ku leeyihiin degmada Yubbe halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaasi oo labada dhinac ka fadhiya magaalada Yubbe. Mudane Dhoobo iyo wefdigiisa ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan Yubbe iyagoo ka dhegaystay warbixinno la xiriira xaaladda ciidanka iyo diyaar-garowga ay ugu jiraan…
Dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo jabhadda dib u xoraynta Khaatumo ee uu hoggaamiyo Col. Faysal Falaalug ayaa xalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool sida ay soo sheegayan dadka ku nool tuuladaasi. Dagaalka ayaa saqdii dhexe ee xalay bilowday kadib markii dagaal-yahanno ka tirsan jabhadda ay weerar culus ku qaadeen taliska ciidamada Somaliland ee aga’gaarka buurta “Laba-madaxleey” oo dhanka koonfur bari ka xigta tuulada Tukaraq. Wararka halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in dagaalka oo socday in ka badan hal saac uu ka dhashay khasaare kala duwan oo labada dhinacba gaaray inkastoo aan weli faahfaahin laga hayn maadaama ay adagtahay…
Dagaal-yahanadii ugu badna ee Al Shabaab kasoo goosta oo DFS isku dhiibay, sida uu warbaahinta u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.
Dhanaadkii 2016 markii lasoo wada Xuley xildhibaanada Baarlamaanka somaliya oo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay u bartameen Xildhibaan Abdirashiid mohamed Xidig iyo xildhibaan Mohamed sheikh osmaan jawaari Muudey wuxuu la safnaa Abdirashiid Xidig maadaama muudey iyo Shariif Hassan ay saaxiibo yihiin , Markii Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka dhamaatey oo jawaari kursiga ku Guuleystey waxaa loosii Gudbey doorashada Gudoomiye ku Xigeenka koowaad waxaana u Tartamaayey Xildhibaan Farax sheikh Abdulkadir Mohamed iyo Xildhibaan Abdi welli ibraahin sheikh muudey waxaana kursiga ku guuleystey Muudey oo ku soo Baxay Taageero aan iska war Qabin oo kakala socotey fahad yaasiin iyo farmaajo iyo Shariif Hassan Gudoomiye muudey wuxuu…
Masuuliyiinta Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa soo bandhigay nidaam cusub oo lagu qaadi doono canshuurta.
Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Puntland ay dib ula wareegeen deegaanka Af-urur ee gobolkaasi, halkaa oo Labadii maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab. Ciidamada daraawiishta Puntland ayaa saakay ku baxay deegaankaasi, waxaana isaga baxay kuwa Al-shabaab, iyadoo aan lasoo sheegin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay. Saraakiisha ciidanka Puntland hoggaamineysa ayaa sheegay in haatan ay halkaasi ka wadaan howlgallo baaritaanno ah. Ciidamada Puntland ayaa sabab aan la shaacin uga soo baxay deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, waxaana markii ay halkaa kasoo baxeen la wareegay ciidamada Al-shabaab.
Amiir Turki al-Faysal oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka Sucuudiga, ayaa ka shifay sababta ku kalliftay Mareykanka iney badda ku tuuraan Meydkanka hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Usaama Bin Laadin. Amiir Turki oo ka qeybgalay barnaamij dood ah ayaa waxaa wax la weydiiyey sababtii meydka bin Ladin loogu tuuray badda bedelkii dhulka lagu aasi lahaa, markaa waxa uu ku jawaabay amiirku: “Sida ay Mareykanku noo sheegeen ma aaney doonen inuu yeesho muuqaal astaan ah oo ay dadku siyaartaan ama shay dadka soo aadi karaan, haddii dhul goonni ah lagu aasi lahaa, waxaa dhici kartay in uu noqdo mid ay dadku soo…
Kornel Saciid Cawil Jaamac Caare oo maanta Qardho shir jaraad ku qabtay wuxuu wacad ku maray in uu gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu gurigiisa ugu gali doono marka dhulku qalalo, sidoo kalena wuxuu beeniyay war kasoo baxay isla gudoomiyaha Gobolka Sanaag oo ahaa in uu dalka ka dhoofayo, Caare wuxuu sheegay in uusan meelna dhulkiisa ugu socon. Caare sidoo kale wuxuu ka codsaday golaha guurtida iyo baarlaamanka ee Somaliland in ay xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Kaahin oo uu ku tilmaamey gacan ku dhiiglayaal, sidoo kale hay’adaha cadaalada ee dunida ayuu ugu baaqay in ay ku…
Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa ka socda kulamo kala duwan oo looga diyaar garoobayo, shir weyne looga arrinsanayo fara-gelinta iyo dhul-ballaadhsiga uu maamulka Somaliland ku hayo gobolka Sanaag. Xubno ka tirsan golayaasha Baarlamanka iyo xukuumadda Puntland, siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil ciidan, cuqaal, nabaddoono, salaadiin, ganacsato iyo culimaa’uddiin isaga yimid degaannada kala geddisan ee gobolka Sanaag, ayaa kulamo kala duwan ku yeelanaya magaalada Badhan, iyagoo u sii diyaar garoobaya shir weynaha degmadaasi ka dhici doona maalmaha soo socda. Wasiirada Badhan ku sugan waxaa kamid ah: Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan, wasiiru-dowlaha Degaanka, Cabdirashiid Geelle, Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha,Maxamed Musaddiq,…
Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Hirshabelle, laguna taageerayo Yuusuf Dabageed oo dhowaan laga qaaday xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Dadka ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin Hal ku dhigyo ku aaddan dibadbaxyadooda, iyaga oo sheegaya in masiirkii Hirshabelle la dhumiyey. Dibadbaxayaasha ayaa waddooyinka qaar ee B/weyne waxay ku jaren dhagxaan, iyadoo meelaha qaar uu joogsaday isku socodka gaadiidka magaaladaasi. Dadka ayaa sidoo kale diiddan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyey Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Sida ay sheegeyso hey’dda NASA waxaa caawa oo isniin ah dunida laga arki-doonaa meeraha Jupiter oo ka mid ah meerayaasha ugu caansan, ugu weyn. Jupiter waxaa uu 11 million mile kasoo soke-mari-doonna halka uu joogo, taasi oo ay si caadi ah u arki karaan dad ku nool dunidan ama dhulka, waxaa kale oo aad adeegsan kartaa telescope. Meerahan waxaa kale oo la socda 4 xidig, oo iyadana ay dadka ark-doonaan, waxaa ay arrinkan xiiso gaar ah u leedahay dadka xiiseeya xidigaha. Jupiter waa meeraha 5-aad ee nidaamka Qoraxda (Sun), waa kan ugu weyn ee nidaamka loo yaqaano Solar System.
Gudoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Maxamed Axmed Caalin Tiimbaro, ayaa sheegay in ciidamo ay u maleynayaan in uu lahaa Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow ay u tallaabeen dhinaca Puntland. ” Ciidankaas meesha Garabcad la yiraahdo ayey joogi jireen haddse waan ka waynay, waxaan maqalnay in meel Xingalool u dhow ay joogaan” ayuu yiri Tiim-baro.
Axmed karaash Madaxweyne xigeenka Puntland,ayaa galabta safar deg-deg ah ku gaaray Bosaso. Karaash oo jiiray Biyo xoog leh oo fadhiyay Wadada,kuwaasoo xanibay gaadiid fara badan,ayaa gaaray Bosaso ugu danbayntii.. Safarkan deg-deg ah,ayaa daarnaa dhawr arimood oo muhiim ah,kuwaasoo laga xusi karo… 1.Ciidamo gadoodsan kana soo baxay Saldhigyadii ay ku lahaayeen Buuraha soona gaaray Kalabayr. 2.Khilaaf soo kala dhexgalay Taliska Booliska dhexdiisa iyo amar diido uu ku kacay Talyaha guud Jeneral Muxyidiin. 3.Muran xoog badan oo ka dhex taagan Ciidamada Badda iyo Shirkado siiya adeega saadka. 4.Amaanka Bosaso oo aysan wax weyn iska badalin 5-bilood kadib. Madaxweyne ku xigeenka safarkiisa waxuu…
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore. Ra’iisul Wasaaraha iyo Richard Moore ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo taageerada Ingiriisku dowladda ka siiyo tababarrada ciidanka iyo qorshaha ciidanka Soomaaliyed ay kula wareegayaan amniga dalka. Kulanka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre iyo Richard Moore waxaa qayb ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender. Boqortooyada Ingiriiska ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka teegeerta tababarrada ciidanka, dhismaha xarumaha tababarrada iyo qorshaha fog ee ciimadama amniga Soomaaliya…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta magacaabay guddiga qaban qaabada xuska sannad guurada 59-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da July. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, u magacaabay, guddoominaya guddiga oo ay xubnihiisa ku jiraan wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga Gudaha, Dhallinyarada & Ciyaaraha, Haweenka, Iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Agaasimaha golaha Wasiirrada iyo Xariirka Baarlamaanka. Guddiga ayey shaqadoodu tahay in ay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July, in ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha shaqada ku leh maalmaha xorriyadda iyo…
Gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka dalka Kenya mudane Faarax macalin ayaa ka hadlay qilaafka bada ee Kenya ay ku sheeganeyso bada Soomaaliya. Mr Macalin ayaa tilmaamay in Kenya looga baahan yahay in ay si sharci ah u marto hadii ay jirto tabasho ay ka qabto Soomaaliya. Isaga oo sii hadlayay ayaa wuxuu intaa ku daray in wax laga xumaado ay tahay cadaadiska ay Kenya ku heyso Soomaaliya. Wuxuu ku booriyay madaxda Kenya in wax waliba ay u maraan wadiiqo wanaagsan ayna sugaan natiijada maxkamada cadaalada ay ka gaareyso muranka kenya ay ku sheeganeyso baddda Soomaaliya.
Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ugu yaraan 6 askari oo ka tirsan ciidamada Nabad Ilaalinta Jabuuti ee ku sugan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ay ku dhaawacmeen weerar jidgal ah ay kala kulmeen malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab. Wararku waxay sheegayaan in malayshiyaadka Al-shabaab ay shalay galab jidka u galeen kolonyo ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti xilli ay marayeen aga’gaarka buundada jalalaqsi balse ciidamadu ay iska caabbiyeen weerarkaasi. Dhinaca kale Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in weerarka ay khasaare dhimaasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ilaa 13 askari oo ka tirsan ciidamada…
Khilaaf cusub ayaa soo dhex-galay madaxweynaha Gal-mudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo maamulka Ahlusunna, kaasoo ka dhashay arrimo la xiriira xilliga ay dhacayso doorashada maamulkaas uu ku soo xulanayo xildhibaannada iyo hoggaanka cusub. Khilaafkaan ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xaaf uu shalay dib ugu laabtay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug, isla markaana Ahlusunna ay aqbaleen in doorashada madaxweynaha Galmudug ay dhacdo bisha soo socota, balse uu taas ka hor-yimid madaxweyne Xaaf. Shirar kala duwan oo ka dhacay magaalada Dhuusa-mareeb ayaa la sheegay in la isku fahmi waayay, waxaana Axmed Xaaf uu ku adkeystay in doorasho ay dhici karto marka la…
Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa dalbaday in baaris deg deg ah lagu sameeyo geeridii Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Somaliya. Sarkaalka geeriyooday ayaa la arkay isaga oo xarig qoorta uu kaga xiran yahay, islamarkaana uu ka soo laa laado meel geed ah oo ku dhex yaalla Xerada Sheelare ee Degmada Xamar Jajab. Xildhibaan Saabir Nuur oo qaraabo ay yihiin Sarkaalka geeriyooday ayaa qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka Bulshada wuxuu ku sheegay in Taliska Booliska laga doonaayo inay warbixin rasmi ah la wadaagaan ehelka marxuumka, taasi oo ku saabsan geerida Sarkaalkaasi. “Waxaan ugu baaqayaa…
Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland Cabdirisaaq Cali Saalax oo goordhaweyd u jawaabay madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa beeniyey in Somaliland taageerto Al-shabaab taasi oo dorraad uu madaxweyne kuxigeen Karaash ku eedeeyey Somaliland. Wasiirka oo ka hadlay ciidamadii Sanaag ee dhawaan ka baxay Somaliland kuna biiray Puntland ayaa ku tilmaamay laba nin oo cadhooday oo aan cidna la socon. “Ciidamadu way is dhaaf-dhaafayaan oo xagaasna qaar ayaa tegaya xaggana ciidamo ayaa imaanaya,Hanqaraarac lug uma dhutiyo”. Ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.
Aqoon-yahanka Soomaaliyeed ee Faysal Cabdi Rooble oo maqaallo taxana ka qoray socdaal uu ku soo maray gobollada Puntland ayaa sheegay in caasimadda Puntland ee Garoowe ay ka amni badantahay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka. “ Waxaan u dhabo-galay astaamaha gaarka u ah Garowe iyo horumarka bulshada. Nabadda ayaa kow ka ah horumarka magaaladaasi. Bulsho ma dagto mana najaxdo haddaanay nabadi jirin” ayuu yiri Rooble. Wuxuu sheegay in uu habeen ku daahay marti-qaaday loogu sameeyay huteel ku yaalla Garoowe kadibna isaga iyo kooxdii marti-qaadday ay magaalada dhex lugeeyeen xilli dambe oo 12:30am halka Los Angeles iyo magaalooyinka kale ee Maraykanka aan xilligaasi…
Wararka ka imaanaya tuulada Afurur ee gobolka Bari ayaa sheegaya in malayshiyaadka Al-shabaab ay saaka oo sabtiya la wareegeen degaanka Afurur ee gobolka Bari kadib markii halkaasi ay maalmo ka hor isaga baxeen cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo saldhig ciidan ku lahaa. Dadka degaanka ayaa u xaqiijiyay in aan wax dagaal ah ka dhicin tuulada Afurur ee Bari maadaama halkaasi aysan joogin wax ciidana islamarkaana saldhiga tuuladaasi uu cidlo ahaa wakhtiga Al-shabaab yimaadeen. Sidoo kale waxay sheegeen in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ku hubaysan qoryaha fudud iyo kuwa Hoobiyaha loo yaqaan ay subaxnimadii hore ee saaka…
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shaqadiisa u fasaxay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir saacado kadib markii uu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidamada Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse. Gen Muxiyadiin ayaa shaqa-joojinta u cuskaday amar qaadasho la’aan uu sheegay in uu sameeyay G/sare Cabdixamiid Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal. Balse madaxweyne ku xigeenka ayaa buriyay shaqa-joojinta waxaana taliyaha Booliiska lagu amray in uu mudda 24 saac gudaheeda ku soo galo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Roobkii gu’ga ee curtay horaantii bishii la soo dhaafay ayaa biyo-geliyay biyo-qabatin ama (xurfo) kaydinaysa 120,000 oo fuusto oo laga dhisay tuulada Saxley ee gobolka Nugaal. Ilaa 500 oo qoys oo xoolo dhaqato oo ku nool tuulada ayaa ku diirsaday biyaha galay Xurfodan ku dhextaalo dooxada Salaxley oo 12 km dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Garowe. Waxaa sidoo kale u soo hayaamay dooxadaan 600 oo qoys oo kale oo ka kala yimaada deegaanada Awr-culus, Reemati, Abaareey iyo Yoombays oo u jira 50 km iyo wax ka badan. Biyo-qabatinkan ayaa ah kii labaad ee ku yaala deegaanka ayay dowladdu daah-furtay bishii May ee sanadkan, sida uu Raadiyo…
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee loosoo gaabiyo UNHCR ayaa sheegtay in 125 qof oo Soomaali ah oo qoxooti ku ahaa dalka Yemen ay dib ugu celisay Somalia, kaddib markii ay iyagu ka dalbadeen in dalkooda lagu celiyo. Warbixin ay hay’addu soo saartay ayay ku sheegtay in qoxootigan sababta ay u dalbadeen in Somalia lagu celiy ay ahayd kaddib markii ay xaaladda dalka Yemen ay ka dartay. Qoxootigan Soomaaliyeed ee dib loogu soo celiyay dalkooda ayaa waxaa laga soo qaaday dekedda Cadan, iyadoo la geeyay magaalada Berbera ee Waqooyiga Somalia, waxaana ay qayb ka yihiin kumannaan qoxooti ah oo…
Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa ka jawaabay cunaqabataynta Somaliland kusoo rogtay Sanaag. Axmed Karaash ayaa baaq u diray Hay’adaha UN-ka.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, oo ay warbaahinta Puntland Post heshay bishii February ee sannadkan, ayaa lagu joojiyay dhammaan curaaraha ay dowladdu maamusho ee la siin jiray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay. Dikreetada oo ku taariikhaysan 2 February 2019, ayaa lagu amray in dhammaan lacagaha curraarta ee laga jaray hay’adaha madaxa-bannaan ee dowladda iyo shirkadaha gaarka,loo isticmaalo bixinta mushahaaraadka iyo socod-siinta hawlaha dowladda. Go’aankaasi ayaa sida dikreetada ku qoran loo qaatay, kadib markii uu dowladda soo wajahay is-dhin dakhli oo baaxad weyn, ayna adkaatay in la bixiyo mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada . Caasimadda Garoowe…
Tiro dad ah oo isugu jira Muhaajiriin iyo Qaxooti ayaa laga siidaayay Isniintii Xabsi ku yaalla dalka libya,waxaana badi dadkaasi ay ka tageen dalalka Soomaaliya,Ereteriya iyo Itoobiya. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNCH ayaa sheegtay in dadkaan lasiidaayay,iyada oo la siiyay adeegyadii ay u baahnayeen,sida deegaano ay sii dagaan ilaa iyo inta laga daad gureynayo, waxana la sheegay in dadkaasi ay ku jiraan laba Carruur ah oo umusha lagula jiro.Afhayeen u hadlay Hay’adda UNCH oo lagu Magacaabo Bieber Bloch ayaa sheegay in Hay’addu dadkaasi ay siineyso Cunto, Guryo, Daawooyin iyo talooyin la xiriira dhinaca maskaxda ah si looga…
Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey oo kala ahaa Wasiirada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Faarax Maxamuud Cawaash, Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran), Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Maxamed Cabdi. Wafdiga Madaxweynaha ayaa intii ay ku sugnaayeen dalka Shiinaha waxaa u hirgalay kulamo iyo booqashooyin Xarumo Dowladeed, Wershedo wax soo saar, Goobo caafimaad iyo Rugta Ganacsiga. Sidoo kale waxay weftigu wada-hadalo miradhal ah la yeesheen madaxda wadanka Shiinaha iyo Shirkado Ganacsi oo caalami ah. Wada-hadaladaasi waxa ay ahaayeen kuwo lagu dar-dargelinayo mashaariicdii horey…
Dalka Turkiga waxaa ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliland xilligaana ka mid ahaa Xubnaha Golaha Wakiilada Maamulkaas. Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Sheekh Ibraahim oo loo yaqaanay(Aareeye) ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu ku sugnaa dalkaasi,kadib markii halkaasi loogu qaaday xaalad caafimaad. Marxuumka mar wuxuu soo noqday Wasiirka Warfaafinta Soomalailand o uu mudo haayay,waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay Xisbiga WADANI oo uu Marxuumka ka tirsanaa.
Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa booqasho ku tagay halka ay ka burbureen wadaada Boosaaso iyo Garowe isu xiriirisa, gaar ahaan Sin-ujiif, isagoo u kuur galay halka ay marayso dayactirka iyo dhismaha wadaadan. Axmed Karaash ayaa gudiga gurmadka ka dalbaday in dhakhso loo hirgaliyo hagaajinta wadadan, maadaama la filayo inay da’aan roobab kale.
Dowladda Puntland oo bilowday dhismaha jidka isku xira Garowe iyo Bosaso gaar ahaan goobaha ay bur-buriyeen roobabkii da’ay Sabtidii. ” Maanta ayay howsha xoogeed bilaamatay ” sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka PHA, waxaana galabta la diyaariyay goobihii lagu ay ku kala wareegayeen baabuurtu.
Dowladda Puntland oo bilowday dhismaha jidka isku xira Garowe iyo Bosaso gaar ahaan goobaha ay bur-buriyeen roobabkii da’ay Sabtidii. Barri ayaa howsha xoogeedu bilaaban doontaa sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka PHA, waxaana galabta la diyaariyay goobihii lagu ay ku kala wareegayeen baabuurtu.
Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay munaasabadda iidda ayaa eedayn kulul u jeediyay xildhibaan Dhakool oo ku xiran magaalada Hargeysa kadib markii uu dhaliilay xuska 18-ka May. Mr Waraabe ayaa sheegay in Dhakool uu doqonnimo ka helay madaxda Somaliland ee uu mudnaa in la dilo haddiiba uu ku dhiirraday in uu dhaliilo xuska 18-ka May ee ku beegan maalintii Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya. Wuxuu sheegay in xildhibaan Dhakool uu ku nabad –galay gudaha Somaliland kadib markii uu ku nabad-geli waayay magaaladii uu ka soo jeeday ee Laascaanood oo walaalkiis lagu…
Aadan Cabdi Faarax kala Dire oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Xoogan Dalka Soomaaliya howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka bilaabi doonaan halkaasi Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax oo shir Jaraa’id warbaahinta Maanta ugu qabtay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa uu sheegay in dhawaan howlgalo ka dhan Al-shabaab laga bilaabi doono deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Xildhibaanka in ay doonayan in Al-shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Hiiraan ay saaraan,isla markaana sheegay Ciidamada ay ku…
Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul-Fidriga, isagoona ka hadlay xaalada guud dalka.
Axmed Karaash oo ku amray Wasaarada Maaliyada in ay door muuqda ka qaadato waxna ka gaysatao Ciid siinta Caruurta Agoomaha ah ee Puntland ku dhaqan. Hadalkan,ayaa yimid markii ay soo baxday in Wasaarada Maaliyada ay diiday lacag joogto ahayd oo sanad walba Ciid ahaan ay Dowlada Puntland usiin jirtay caruuraha agoomaha ah. Diidmada Wasaarada Maaliyada ee dhaqaalaha Ciidsiinta Agoomaha,ayaa lagu macneeyay in Madaxweynuhu dalka ka maqan yahay,isla markaana Wasiirka Maaliyadu uusan awood ulahayn saxiixa wax ka badan 5000-dolar. Waa nasiibdaro in Agoomaha sanadkan ay ku dhacdo Ciid la’aan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa Maxaabiis ku kala celisay Somaliland iyo Puntland. Anjelina Polishchouk oo ah madaxa warbaahinta guddiga ayaa ka hadlaysa . Halkan ka daawo muuqaalka
Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa wuxuu isku soo dhiibay Ciidamasda dowladda Federalka Somaliya ee ku sugan Degmada Bardaale ee Gobolka Baay. Sarkaalka isa soo dhiibay oo watay qori Ak47 ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lagu magacaabo Ibraahim Ali Mohamed Aadan, waxaana uu Shabaab u qaabilsanaa Degmada Bardaale. Ciidamada Dowladda Federalka Somaliya ee Degmada Bardaale ayaa soo dhaweeyay Sarkaalkaan oo Saraakiisha Ciidamada dowladda ay u arkeen inuu yahay nin muhiim ah, maadaama xog bada uu ka haayo Al Shabaab. Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Degmada Bardaale ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Sarkaalkaan uu garowsaday ka soo…
Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo ka qayb-galay munaasibad lagu ciidsiinayo ubad agoon ah, ayaa amar dul dhigay Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal.
Madaxtooyada Somaliland ayaa qoraal ay u dirtay hay’adaha Samal-falka iyo kuwa horumarinta ee caalamiga ah waxay uga digtay in ay ka hawlgalaan degaanno ka tirsan gobolka Sanaag oo ay ka soo jeedan ciidamada ku biiray Puntland. Somaliland waxay hay’adaha u sheegtay in amniga degmada Badhan iyo degaanno kale oo ka tirsan bariga iyo koonfurta gobolka Sanaag uu gacanta ka baxay kadib markii malayshiya-beeleedyo hubaysan la wareegeen waxaana ay ku wargelisay in aan laga hawlgeli Karin. Sidoo kale Somaliland ayaa hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah warbixin ku siisay in degmooyinka ay ku jiraan Xiingalool iyo Dhahar ay xarumo qarsoodiya ku…
Diyaarad sidda 14 maxbuus oo laga keenay magaalada Hargeysa ayaa sida qorshaysan duhurnimada maanta ka degaysa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Maxaabiistaasi laga soo qaadayo magaalada Hargeysa ayaa hore loogu qabatay dagaalladi dhexmaray Puntland iyo Somaliland oo ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool. Sidoo kale diyaaradda ayaa Hargeysa u qaadaysa 3 maxbuus oo Somaliland looga qabtay Tukaraq kuwaasi oo haatan ku xiran magaalada Garoowe. Puntland ayaa dagaalladii Tukaraq ku qabatay 19 maxbuus balse waxay mar dambe sii daysay 16 kamid ah oo u dhashay gobollada SSC kadib markii dhaqan-celin loo sameeyay. Somaliland ayaa dhankeeda dagaalka ku qabatay…
Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland ahna kusimaha Madaxwaynaha Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash ) ayaa booqday wayooyin ay bur-burisay daadadkii iyo roobabkii ka da’ay Puntland.
Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa ku amartay dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland in meelaha godan iyo dooxooyinka laga saaro dadka reer miyiga si looga badbaadiyo daadadka. Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo gelinkii dambe ee shalay booqday degaanno u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif oo daadad ku rogmadeen ayaa guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland ku amray in ay dadka reer miyiga ka saaraan meelaha godan ee daadadka u nugul ay wacyi-gelin buuxda ka sameeyaan halista daadadka si ay bulshada ugu baraarugto. Isagoo xiganayaa saadaasha roobabka waxa uu sii raaciyay in ilaa 5-ta bishaan la…