Somaliland iyo Puntland ayaa maalinta beri ah lagu wadaa inay si wadajir ah isu waydaarsadaan maxaabiistii ay ku kala qabsadeen dhowr dagaal oo ku dhexmaray deegaanka Tukeraq. Arinta ayaa waxaa fududaystay hay’adda laanqayrta cas oo garwadeen ka ahayd heshiis aan la shaacin oo dhexmaray Somaliland iyo Puntland. Puntland ayaa dagaaladii ay la gashay Somaliland waxay ku qabatay 19 maxbuur oo 16 kamid ah ay u dhasheen deegaanada SSC, kuwaas oo lasii daayay, kadib markii dhaqan-celin loosameeyay, halka 3-da kala ee gacanta weli lagu hayo ay kasoo jeedaan Gobolada Waqooyi. 3 maxbuus ee Puntland la filayo inay ku wareejiso Somaliland ayaa…
Author: Jibril Qoobey
Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay roobabkii & daadadkii ku soo rogmaday deegaano ka tirsan Gobolada Sanaag & Nugaal. Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdi raxmaan Dhabancad oo maanta oo Axad ah Saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe, ayaa sheegay khasaare kala duwan inuu ka dhashay roobabkii dhawaan ka da’ay deeganada Puntland. Dhabancad ayaa sheegay in sagaal qof ku dhinteen daadad soo rogmaday iyo danabyo (biriq) ay tuureen roobab mahiiggaana oo ka da’ay gobollada Nugaal iyo Sanaag saacadihii la soo dhaafay. Waxa kale uu sheegay dad gaaraya 100 Qoys inay ku xoolo beeleen roobabkaasi da’ay, islamarkaana dadkaasi…
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa sheegay Maamulkiisa inuu ka walaacsan yahay xaaladdaha ka taagan deeganada Maamulka Galmudug. Waare wuxuu sheegay dadka reer Hirshabelle, gaar ahaan Reer Hiiraan inay ku tiirsan yihiin wadada dheer ee soo dhexmarta Maamulka Galmudug, islamarkaana haddii caqabado ay ka yimaadaan halis ay ku noqonayso Hirshabelle. Waxa uu tilmaamay Siyaasadda Galmudug & arrimaha Doorashada inaysan wax shaqo ah ku laheyn, balse xaaladdaha taagan iyo saan saanta muuqata ay tahay mid Reer Hirshabelle, gaar ahaan reer Hiiraan culeys badan ku keenayso. “Dadka ku nool Hirshabelle ama Hiiraan ku nool waxa ay wal wal ka qabaan aan…
Dr Dufle ayaa ku taliyey in Cabbidda Sigaarka laga mamnuuco goobaha ay Bulshada isugu yimaadaan, maadaama uu sababo Kansarka kudhaca Sanbabada
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Cali Salaad Diiriye Faarax ayaa sheegay in gebi ahaanba laamiga xiriiraya Garoowe iyo Qardho uu ka go’ay tuulada Sinujiif ee gobolka Nugaal. Balse guddoomiyaha ayaa xaqiijiyay in aysan go’in buundada Middigar oo hore si isku tashiya loo dhisay kadib markii ay daadad gooyeen sannadkii 2013.
Roobab mahiiggaan ah oo saacado badan da’ayay, ayaa mowjado daadad ah ku soo rogay degaanno ka tirsan gobolka Nugaal. Degaanno ay ku jiraan Sinujiif, Dangoroyo, Uusgure, Libaaxo, Xaaji Khayr iyo Dalsan, ayaa la soo sheegayaa in ay daadad xooggan ku celiyeen, roobabka gu’ga oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ayay halkaasi. Balse, iyadoo ay weli subaxnimo hore tahay, ayaan xog faahfaahsan laga hayn, khasaaraha ka dhashay daadadka ku rogmaday tuulooyinkaasi oo dhammaantood ku yaalla dhulka hoose ee loo yaqaanno “Ayax-geed-gaaban”. Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa sidoo kale roobkii shalay ku bilowday uu weli ka da’ayaa, waxaana maayado biyaa…
Wasaaradda arrimaha debadda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in ay cabasho ka gudbisay heshiis ay xukuumadda Puntland shalay la saxiixatay shirkadda CCECC ee dalka Shiinaha oo ku saabsan fulinta mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha. Qoraal saaka ka soo baxay xafiiska wasiirka arrimaha debadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warqad lagu faafiyay baraha bulshada oo ay ku qorontahay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay cabasho la xiriirta heshiiskaasi u gudbisay safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda,…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga Dalka Shiinaha ayaa magaalada Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda CCECC. Shirkada CCECC oo xarunteeda weyn ay tahay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha ayaa hore u dhistay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, haddana waxa ay Puntland ka waddaa mashariic horumarineed oo ay ugu horeeyaan garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo wadada Eyl-Dangorayo ee gobolka Nugaal. Waftiga Madaxweynaha oo Ka kooban Wasiiradda Wasaaraddaha Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Ganacsiga, iyo Tamarta, Biyaha iyo Macanta ayaa waxaa ay shir la…
Jariirad kasoo baxda dalka Koonfurta Kuuriya ayaa waxaa ay qortay in xukuumadda Pyongyang ee Waqooyiga Kuuriya ay khaarajisay mid ka mid ah wakiilladii ugu qaabilsanaa wadahadalladii fashilmay ee hoggaamiyaha dalkaasi Kim Jong-Un kula yeeshay caasimadda dalka Vietnam ee Hanoi madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Ninkan la khaarajiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Kim Hyok Chol, waxaana uu qeyn ka ahaa wadahadallaadii ugu dambeeyay ee Vietnam ka dhacay ee ay labada hoggaamiye ku kala keceen. Jariiradda ayaa qortay in ninkan iyo dhowr ruux oo kale oo isaga kala shaqeyneysay wasaaradda arrimaha dibedda la dilay bishii Maarsho ee la soo dhaafay kadib markii ey kasoo…
Hoggaanka dhaqanka bariga gobolka Sanaag ay 2 jeer waxay ka dalbadeen Wasiirka Caddaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Cabdi “inuu iska casilo xilkaasi.” Wasiirka ayaa hoggaanka dhaqanka u sheegay in uu tixgelin mudanyahay dalabkooda balse ma caddeyn in uu iscasilayo iyo in kale. Dalabkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmo kahor taliyaal iyo ciidamo ay hoggaaminayaan ay kasoo goosteen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, iyagoo si ku biiray Puntland. Sidoo kale guddoomiyihii gobolka Badhan ee Somaliland ayaa shalay ku soo biiray Puntland kadib markii uu iska casilay Somaliland.
Wasaaradda Degaanka, Beeraha iyo Isbeddelka Cimilada dowladda Puntland, ayaa ka digtay daadad ay sheegtay in ay ka dhalan karaan roobabka gu’ga ee ka da’aya degaannada Puntland, gaar ahaanna gobollada Sool iyo Nugaal. Qoraal ka soo baxay wasaaradda, ayaa lagu wargeliyay bulshada in ay ka baxaan dhulka hooseeya iyo meelaha biya-mareenka ah, sida togaga oo ay ka dhalan karaan daadad. “Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimilada DPL waxay ku war galinaysaa dadka deggan deegaanada dhulkeedu hooseeyo , meelaha biyo mareenka ah iyo Togaga in ay ka digtoonaadaa daadadka ka dhalan kara roobabka Da’ay asbuucaan khaasatan gobalada Nugaal iyo Sool” ayaa lagu yiri…
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Warsame ayaa Ka Hadlay Arimaha Canshuuraha Puntland Iyo Kaarka Canshuur Bixiyayaasha Waxa uu sheegay sida ay muhiim u tahay In mawaadiniinta ay bixiyaan Canshuurta iyo sidii loo sinlahaa nambar lagu ogaanayo. Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda Puntland ayaa Ka hadlay shirka mashruuca kobcinta Iyo abaabulka daqliga , maaraynta Maaliyadda Dowladda Iyo Xoojinta Awoodda Dhaqaalaha Oo Garoowe Laga Daahfuray.
Saraakiisha ka soo goostay Somaliland ee ay maanta Puntland Dalacsiisay Darajadooda Ciidan. 1 – Gaashaanle dhexe Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) Taliyihii guutada 93 ee Somaliland, waxaa loo dalacsiiyay Gaashaanle Sare 2 – Gaashaanle Dhexe Cabdarshiid Axmed Jaamac, Taliyihii Guutada 116-aad ee Somaliland, Waxaa loo dalacsiiyay derajada gaashaanle Sare 3 – Gaashaanle Jaamac Cabdi geesood oo ahaa Taliyihi ururka koobaad ee Aaga dhahar, waxaa loo dalacsiiyey gaashaanle dhexe Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, ayaa ka soo horjeestay go’aankii wasaaradda diinta iyo awqaaftu ay ku mamnuucday in kor loo qaado Sameecadaha Masaajidda, xilliga lagu gudo jiro salaadda Taajudka. Xildhibaanku wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland aanay ka khayr badnayn ehelkii Nebiga, sabab hoos loogu dhigo sameecadaha masaajidduna aanay jirin.
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa Maanta shaaciyay in Wadamada Ethiopia iyo Kenya ay Doonayaan in Somaliya ay u Qabsadaan Sidii ay Israel u Qabsatay Falastiin.
Dowladda Puntland waxay goordhaweyd deegaanka Balli-busle ee Sanaag ku dallacsiisay saddex Taliye oo kasoo goostay Somaliland. Taliyaasha Xuseen Dheere iyo Xayle Xaaji oo hore uga tirsanaa ciidamada millteriga Somaliland ee gobolka Sanaag ayaa loo dalacsiiyey gaashaanle sare halka Taliye Jaamac Dhakaar oo degmada Dhahar haystayna loo dalacsiiyey gaashaanle dhexe, taliyaashan ayaa la sheegay in ay wateen ilaa 1,000 askari. Waxaa sidoo kale Puntland ay billad sharafsiisey badhasaabkii Somaliland ee gobolka Badhan oo isna goostay Cali Xuseen Maxamed. Munaasibaddan waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiim Dhoobo-daareed, Wasiirrada Amniga, Waxbarashada, Xanaannada Xoolaha, Wasiir kuxigeenno, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Maamul-goboleedka Galmudug ayaa wuxuu caddeeyay go’aan cad oo uu ka qaatay dowladda federaalka Somalia, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf lagu sheegay inay joojiyeen xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhexeysay Dowladda Somalia. Qoraalka Galmudug ayaa lagu xusay inaysan dib u soo celn doonin xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe tan iyo inta laga xallinayo khilaafaadyada u dhexeeya labadooda, kuwaasoo ay ka mid yihiin; dhameystirka dastuurka, doorshooyinka, federaaleynta iyo amniga guud ee Qaranka. Dowladda dhexe ee Somalia iyo maamulka Galmudug ayaa dhawaanahaan waxaa u dhexeeyay muran meel sare gaaray, iyadoo murankan uu salka ku hayo xilliga ay dhacayso…
Haweenka Degmadda Badhan ayaa taageeray Go’aankii ay isku casileen Talliyaashii Gobolka Sanaag ugu magacawnaa maamulka Soomaaliland oo iyaga iyo ciidamadoodii ay hogaaminayeen ay kasoo goosteen Maamulka Somaliland ay Kusoo Biireen Ciidamadda Difaaca Dawladda Puntland.
Shirka Dejinta Habraaca Maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka Dowladda Puntland ayaa lagu soo gaba gabeeyay magalada garowe, iyadoo qodobo laga soo saaray.
Qeyb kamid ah ciidamada kasoo goostay Somaliland ee ku biiray ciidamada difaaca Puntland ayaa saldhigyo ka samaystay degaanka Balli-busle ee gobolka Sanaag. Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa kulan halkaasi kal qaatay waxgaradka iyo salaadiinta degaanka waxaana ay ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin difaaca gobolka. Sidoo kale wefdi ka socda Puntland oo ay hoggaaminayan Guddoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka Amniga ayaa ku sii jeeda degaanka Balli-busle ee ciidamadaasi ay joogan. Dhaqdhaqaaqyadan ayaa socda xilli ay gobolka ka aloosantahay xiisad dagaal oo u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.
Gudoomiyaha gobolka Sool ee dowladda Puntland Abdirisaq Mohamed Warsame ayaa faah faahin ka bixiyey roobab ka da’ay habeenkii xalay ahayd qaybo kamid ah gobolka Sool, kuwaas gaystay khasaarayaal kala duwan. Deegaanada Hadh Wanaag amaba Gacar lagu dhal iyo Buura Wadal oo ka tirsan gobolka Sool ayuu sheegay gudoomiyuhu in raxmaadka eebe uu saamayn ku reebay xili uu waraysi siinayey Dalmar Media isaga oo ku sugan degmada Faliidh Yaale ee gobolka Sool. Madaxda dowladda, hay’adda kala duwan iyo bulshada ku dhaqan gobolka ayuu sheegay in looga fadhiyo ka qayb qaadashada wadada laamiga ah ee u dhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood oo…
Gudoomoyihii gobolka Badhan ee ( caasumaddu u tahay Magaalada Badhan ) ee Somaliland Cali Xuseen Maxamed ayaa iska casiley xilkaasi, wuxuuna sababta uga dhigay “ in xukuumadda Somaliland ku amartay in uu dagaal qaado “. Cali ayaa cadeeyay “ Inay isku talo yihiin taliyaashii ciidamada Sanaag ee Somaliland ee ee iscasiley .”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowlada Fadaraaliga ah ee Soomaaliya,ayaa muddo todobaad gudahood uqabatay in ay dalka ku soo galaan Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Masar iyo Sudan C/qani Maxamed Waceys iyo C/risaaq Shoole. Ujeedada loogu yeeray Safiiradan ayaa si rasmi ah loo ogeyn,balse waxay xogo hoose sheegayaan in la bedeli doono. Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sudan C/risaaq Shoole,ayaa sanadkii hore loo magacaabay xilka Safaaradda,horayna waxuu uga mid ahaan jiray agaasime ku-xigeenada Madaxtooyada Villa Somalia. ee aadka ugu dhowaa Fahad Yaasiin. Wali xog rasmi ah lagama hayo Cabdirisaaq Shoole in Safaarad kale loo magacaabi doono iyo in uu shaqo gudaha uqaban…
The Kenyan government now says it will not allow any unaccompanied baggage to be ferried into the country on flights from Somalia. In a statement issued on Tuesday, the government says any such baggage will be confiscated and destroyed in line with air transport regulations. “The government of Kenya has noted with concern many pieces of unaccompanied baggage on flights emanating from Somalia. This contravenes international air transport regulations and poses a security threat,”said the government. “Consequently, the government of Kenya will not allow unaccompanied baggage from Somalia into the country. Such baggage will be confiscated and destroyed in line…
Cabdixakiin Xasan ibraahim,ayaa loo magacaabay Safiirka Somaliya u fadhiyi doona Boqortooyada Sacudi Carabiya. Cabdixakiin waxuu ahaa Wasiiru-dowlihii Awqaafta ee Dowlada Dhexe,waxaana lagu tiriyaa shaqsiyaadka aadka ugu dhow Mulkiilaha Dowlada Fahad Yaasiin. Sidoo kale Cabdixakiin waxuu ka mid yahay xubnaha u adeega sirdoonka Qatar ee ku dhex jiray golaha Wasiirada. Dowlada Sacuudiga,ayaa la filayaa in ay iska diido magacaabista Cabdixakiin,madaama ay xog ogaal ka tahay taariikhdiisa,isla markaana Dowlada Qadar uu kala dhaxeeyo Xurguf siyaasadeed oo weyn. Dhanka kale waxaa la filayaa in booskiisii beel ahaan ee Wasaarada loo dhiibo Cabdirashiid Xidig oo hada ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Jubaland. Cabdirashiid,ayaa…
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inaysan ogolaan doonin inay dalkeeda soo galaan alaabo aan cidina la socon oo la soo saaro duulimaadyada kaga yimaada dhinaca Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Kenya ayaa lagu sheegay in shixnadaha noocaasi ah ay Kenya la wareegi doonto, ayna burburin doonto. Kenya ayaa sheegtay in go’aankan oo loo qaatay sabbao amni uu waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee gaadiidka hawada.
Safiirka Maraykanka ee Somaliya Danjire Yamamoto iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa soo gaaray Kismaayo. Safiirka iyo waftigiisa waxay kulan la qaateen Madaxweyne Axmed Madoobe ,kaasoo qaatay mudo saacada ah. Arimaha ay kawada xaajoodeen,waxaa ugu waa weynaa oo laga xusi karaa:- 1.Doorashada Jubaland 2.La dagaalanka argagixisada. 3.Xaalka guud ee Somaliya. Kulanka dhexmaray Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Danjire Yamamoto,ayaa qayb ka ah kulamo kale oo uu safiirku horay ula soo qaatay Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland. Safiir Yamamoto,ayaa maaanay sida loogu guulaystay sugida amniga Jubaland,sidoo kale waxuu kalsooni ka muujiyay doorasho xor ah oo xalaal ah in ay ka qabsoomi doonto. Dowlada Maraykanku waxay…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaasha ayaa xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad deegaanka Soomaalida. Weftigan oo uu hoggaaminayey Kuxigeenka Xaafiiska Arrimaha Qurba-joogta iyo arrimaha Dibu dajinta dowladda degaanka Soomaalida Cali Caafi Cali ayaa waxaa qayb ka ahaa Qunsulka Dowladda Itoobiya u fadhiya Puntland Gen. Mabratu iyo Saraakiil kale. Booqashada Wafdiga ayaa la xiriirta xoojinta iyo iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, wadashaqaynta iyo Ammaanka, waxaana ay kulamo wada yeelan doonaan wetigani inta ay Puntland ku sugan yihiin masuuliyiinta Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Amniga, Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo…
Halkan ka daawo muuqaalka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed CilmI Cismaan Karaash ayaa daah-furay Biyo xireen weyn oo laga hirgeliyey deegaanka Salaxley ee gobolka Nugaal, kaas oo qayb ka ah 10 Biyo xireen oo laga sameeyey gobolada Puntland. Munaasabadda daah-furka biyo xireenkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada, Ismaaciil Diiriye Gama’diid, Wasiir ku-xigeenka Maxamed Xasan Ciise, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Cabdicaciis Nuur Cilmi Koor, xildhibaano, Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaam Xasan Xirsi (Gujir), Nabadoono iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Karaash oo Biyo Xireenkan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ballaaran ee uu ku fadhiyo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista.
Ciidanka Jubbaland, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay hawl-gallo ka sameeyeen dhul ka baxasan deegaanka dhiif Diif ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan hawl-galka fuliyay ay Dhoobleey ka dhaqaaqeen, ayna wateen gaadiidka dagaalka, waxaana saraakiisha hawl-galka hoggaaminayay ay sheegeen inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaannada Jubbaland. Taliyaha ciidanka Jubbaland Dhoobleey, Haybe Axmed C/llaahi iyo saraakiil kale oo qayb ka ahaa hawl-galka ayaa waxay sheegeen in intii hawl-galkan uu socday aysan jirin wax dagaal ah oo dhex-maray iyaga iyo Al-shabaab, ayna tageen deegaannadii la sheegay inay ku…
Wariyaha Tv-ga Al Jazeera Maxamuud Xuseen ayaa markale dib loogu celiyay gaal shiraha Tora ee dalka Masar sababo aan la shaacin. Qoyska saxafigaan ayaa war saxaafadeed ay soo saareen maanta lagu sheegay in baaritaan cusub oo ka dhan ah wariyaha ay furtay dowlada Masar. Saxafigaan ayaa xukun la’aan horay xabsiga ugu qaatay in ka badan 880 maalmood. Khamiistii la soo dhaafay oo Taariikhdu aheyd 21-da bisha May ayey aheyd markii maxkamada Masar ay amartay in xabsiga laga sii daayo wariyahan u shaqeeya Tv-ga laga leeyahay dalka Qatar.
Magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa lagu qabtay shirka Dajinta Habraaca Maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka Dowaladda Punltland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wiilka ku simaha ka ah hay’adda Nabadsugida ayaa todobaadkii ugu danbeeyey dhowr jeer isaga daba noqday magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Wuxuu kulamo la yeeshay saraakiil sare oo sirdoonka Milateriga Itoobiya ka tirsan. Willku wado musuq ah ayuu ku raadinayaa in ciidan Itoobiya Dhuusamareeb la geeyo, kuwa Kismaayo ku sugana ay afduubaan doorashada Jubaland sidii Baydhabo oo kale. Dawlada Itoobiy waxaan ugu baaqaynaa in ay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya faraha kala baxdo. Shacabka Soomaaliyeed waxaa dhib ugu filan fara gelintii qaawnayd ee ay kula kaceen doorashadii madaxtinino ee 2017kii iyo tii maamul Goboleedka K/Galbeed ee ay Baydhabo 2018 ka gaysteen. Xigasho:-Cabdiraxmaan…
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
“Dhamaan Mas’uuliyiinta iyo isuduwayaasha Gobolka hadii waxaa Madaxwayna U ah Gudoomiyaha Gobolka”,ayuu yiri Wasiir Dhabancad. ”Waxaan rabnaa in aan wax ka badalno dhaqankii hore ee aha Duq magaalo oo toso ula xiriira Madaxweynaha oo fiilo dirito haysta”,ayuu yiri Dhabancad oo hadalkiisa sii wata,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Xilli dhawaan Qariirada lagu soo bandhigay Bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya walaac kala duwan ay ku dhalisay shacabka Somaliyed ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu ka hadlay walaaca dadka qaar ay ka qabaan in la qaato dhul Somali leedahay. Xilli uu Khudbad u jeedinaayay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka South Afrika ayaa Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadka Somaliyed inay iska dhaafaan walaaca ay muujinayaan ee ku aadan in la qaato dhulkooda. Wuxuu sheegay inta qof Somali ah uu soo taagan yahay oo ay ku jirto damiir Somalinimo inaysan dhaceyn in la qaato dhul Somaliyed. “Maalmahan waxaad maqleysaa dalkeena waa…
Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in uu kor u kacay kobaca dhaqaalaha iyo hormarka Bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo ee Xarunta dowlada degaanka Jubbaland. Todoba sano ayaa laga jooga markii maleeshiyo ka soo jeeda degaanada Jubbaland iyo Milatariga Kenya ay kooxda Al-Shabaab kala wareegeen magaalada Xeebta Dhacda. Taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya ee ee ku sugan Kismaayo Colonel Meshack Kishoyian ayaa sheegay in amniga hada uu wanaagsan yahay hormar wacan na laga dareemayo magaalada. Wuxuu sheegay in Al-Shabaab dhaqaalo badan uu ka soo gali jiray dhuxusha ay ka dhoofiyaan dekada iyo canshuurta ganacsatada, oo ay u adeegsan jireen falal…
Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Suxufiyiinta ka shaqeeya Warbaahinta Goobjoog waxaa xarunta dambi baarista ee C.I.D lagu xiray Suxufi ka shaqeynaayay Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho. Suxufigan oo lagu magacaabo Cali Aadan Muumin, ayaa shalay galab la soo gaarsiiyay warqad loogu sheegaayo in kiis dacwo ah uu ka yaallo Xarunta Dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyed, sidaasi awgeedna looga baahan yahay inuu halkaasi tago. Cali Aadan ayaa la sheegay in saaka uu tagay Xarunta dambi baarista, markii uu gaarayna waxaa loo sheegay inuu xiran yahay, iyadoo aanan la ogeyn sababta loo xiray. Suxufigan oo baraha Bulshada Dhacdooyinka xamar ka…
Ardayad dhigan jirtay Dugsiga Hoose ayaa geeriyootay, halka 16 kalena ku dhaawacmeen weerar uu Nin ku hubeysan tooreey uu saakayto ka geystay goob basaska laga raaco oo ku taalla duleedka caasimadda dalka Japan ee Tokyo. Idaacadda Qaranka dalkaasi ee NHK waxay ka soo xigatay Boliska inuu weerarkaasi ka dhacay magaalladda Kawasaki ee dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda Tokyo. 16 gabdho Arday ah iyo 2 qof oo qaangaar ah ayaa iyagana lagu dhawaacay, kadib, markii uu Nin ku hubeysnaa dhowr tooreey uu si saf-mar ah u dhaawacay Arday iyo dad kale oo ku sugnaa Bosteejadda iyo kuwo ku dhex jiray Baska.…
Sarkaalkii dagaalamayaasha Al-shabaab ee Degmadda Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa lagu dilay deegaanka Xagarey oo 40 KM u jirta Degmadaas. Ninkaas ayaa waxaa lagu dilay sida la sheegay dagaal shalay gelinkii dambe dhexmaray Ciidanka Macawiisleyda iyo Al-shabaab. Taliyaha Jabhadda Macawiisleyda Axmed Dhagey ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in sidoo kale howlgalka ku dileen Seddex dagaalame kadib weerar gaatin ah oo ay ku qaadeen deegaanka Xagarey oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Sarkaalka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Macalin Caadey,sidoo kale wararku sheegayaa in xiliga la dilayey la joogay isna ku xigeenkiisii oo dhaawac dhanka duurka ugu baxsaday,waa…
Ciidamada Dawladda Soomaaliya kuwa Jubbaland oo kaashanaya ciidamada nabad ilaalinta midawga Africa ee AMISOM ayaa hawl-gal kadhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Dalka. Hawl-galka ayey ciidamadu si gaar ah uga sameynayaan deegaano hoos taga degmada Buur-Dhuubo. Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee degmada Buur-Dhuubo Nuux Xuseen Daa’uud ayaa sheegay in inta badan deeganada hoos taga Al-Shabaab kala wareegeen.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa cafis u fidiyey 14 maxbuus oo Pubtland lagaga qabtay dalkii Tukaraq ee sanadkii hore. Puntland iyo Somaliland ayaa isdhaafsanaya maxaabiistoi dagaalkii Tukaraq. Weli majiro war kasoo baxay dhinaca Puntland.
Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay, guud ahaan wada-shaqeyntii kala dhexasyay dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga heshiinayo arrimaha ay isku khilaafsan yihiin labada dhinac. Qoraal af-English ku qoran oo Puntland u dirtay Beesha caalamka iyo dalalka daneeya Soomaaliya, ayay ku sheegtay in ay joojisay dhamman arrimihii ay ka wada-shaqeynayeen dowladda Federaalka Soomaaliya sida; dib u-eegista Dastuurka, qorshaha amniga Qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021. Dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in aysan aqoonsan doonin, dhammaan shuruucda ay meel-mariyeen golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya sida; Sharciga doorashooyinka , sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan…
In ka badan 31 kun oo Arday ayaa maanta u fariisinaya Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee dowladda ay qaadeyso,kadib markii uu horay u fashilmay imtixaankii 11kii Bishaan ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Qaybo ka mid ah Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana lagu waddaa in maanta ardayda dugsiyadda Sare ay u fadhiistaan Imtixaanka dowladda ee shahaadiga ah. Baraha Bulshada ayaa xalay lagu arkaayay warqado kala duwan oo lagu sheegay inay yihiin Imtixaanka maanta ardayda u fariisanayaan, balse arrintaasi waxaa beeniyay masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Somaliya. Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliya Maxamuud Cabdulaahi Jaabiri ayaa sheegay in si…
Kadib markii xalay hawlgal ammaanka ku saabsan Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen Degmada Warta Nabadda ee Magaalada Muqidsho, ayaa waxa ay ku soo qabteen shaqsiyaad lagu eedeynaayo inay yihin rag Burcad ah oo Degmada Warta Nabadda iyo Degmada Yaaqshiid dadka ku dhici jiray. Raggaan oo hubaysan ayaa la sheegay mid ka mid ah inu isku dayay baxsasho balse Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Warta Nabadda ay soo qabteen. Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booiska Somaliya Zakia Xuseen ayaa sheegtay Ciidamada inay si wanaagsan ugu guuleysteen hawlgalkaasi kadib xog ay ka heleen shacabka. “Ciidanka Booliska oo hawlgal ka fuliyay degmada Warta Nabadda kadib…
Kadib markii Maamul Goboledyada Galmudug, Jubbaland & Hirshabelle ka soo horjeesteen hanaanka habraaca Doorashooyinka Maamul Goboledyada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha soo bandhigtay, ayaa arrintaasi waxaa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya. Wasiir Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay habraaca ay soo bandhigeen inuu yahay midkii caadiga ahaa ee horay loogu shaqeyn jiray oo aysan jirin qodobo cusub oo lagu soo kordhiyay. Wasiirka oo arintaa ka hadlayay ayaa yiri “Wax hadda cusub oo aan soo saarnay ma jiraan, waxaan go,aansanay un in aan soo dhigno shacabka hortiisa system-kii (nidaamkii) awalba lagu dhaqmaayay, ma jiro runtii hal qodobna allaha ka dhigee 27-ka qodob…
Madaxweyne Deni oo si diiran loogu soo dhaweeyay Adis-ababa. Madaxwenaha iyo waftigiisa,ayaa maalmo joogi doona Adis-ababa caasimada dalka Itoobiya oo ay kula kulmi doonaan madaxda ugu saraysa dalkaas. Madaxweyne Deni inta uu ku sugan yahay Adis waxuu kaloo la kulmi doonaa wakiilada beesha caalamka,madaxda midowga Africa iyo shirkado ganacsi oo danaynaya maalgashi ay ku sameeyaan Puntland. Ugu danbayn Madaxweynaha iyo waftigiisa waxay uga sii gudbi doonaan Itoobiya dalka Shiinaha oo ay ka haystaan casuumad rasmi ah.
Wasaaradda Amniga Jubbaland,ayaa war saxaafadeed kasoo saartay howlgal ciidamada ammaanka Jubbaland ay ku fashiliyeen Miino ay Malleeshiyaadka Al-shabaab ku duugeen xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo 25 May 2019. Talyaha qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Maxamed Naasir Guuleed,ayaa war baahinta u akhriyay warsaxaafadeedka ay soo saartay wasaaradda amniga dowlada Jubbaland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka