Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab ayaa waxaa uu ka hadlay kulan dhawaan Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Somaliland iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiramaan Cabdishakuur Warsame. Cismaan Afgaab oo shir Jaraa’id warbaahinta Maanta ugu qabtay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Kulmiye iyo Cabdishakuur Warsame kulan yeeshaan,hayeeshee ay dhacday marar badan oo horey in kulamo yeesheen. Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani ayuu sheegay in Magaalada Hargeysan uu yimaado Taliyihi hore ee Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee…
Boga Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia oo lagu soo bandhigay sawir shaki badan dhaliyay, kaas oo ka tarjumaya in qaariidada Soomaaliya laga saaray qaarada Afrika.
Maamulka Hirshabelle ayaa walaac ka muujiyay Hanaanka Habraaca Doorashooyinka Maamulka Goboledyada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha & Federalka Xukuumadda Somaliya ay soo saartay. Warqad ka soo baxday Maamulka Hirshabelle, ayaa lagu muujiyay walaaca masuuliyiinta Hirshabelle ay ka qabaan Hanaanka Habraaca Doorashooyinka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha soo saartay.
Wasaaradda Waxbarashada Somaliya, ayaa la filayaa maalinta Berri ah inay bilowdo qaadista Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee horay u fashilmay, kadib markii Qishka Imtixaankaasi la helay. Maalinta Berri oo Isniin ah ayaa la filayaa in mar kale Arday ka badan 30-kun Arday u fariistaan Imtixaanka Shahaadiga, kuwaasi oo ku kala gali doono Imtixaanka Muqdisho & Gobolada dalka qaar. Wasaaradda Waxbarashada Somaliya ayaa horay u shaacisay 27-ka Bishan oo Maalinta Berri ku beegan in Ardayda Imtixaanka ay gali doonaan, islamarkaana habsami socodka Imtixaanka ay rajeynayaan in si hagaagsan uu ku socon doono. Inkastoo Wasiirka Waxbarashada Somaliya C/laahi Goodax Barre uu sheegay in…
Malayshiyaadka Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Axadda maanta shaaciyay in diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha magaalada Jazan ee boqortooyada Sacuudiga. Qoraal lagu daabacay warbaahinta Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday diyaarado dagaal oo Sacuudigu leeyahay kuwaasi oo fadhiyay garoonka diyaaradaha magaalada Jazan ee u dhow xadka waddanka Yemen. Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarka la fuliyay iyadoo laga duulayo xog sirdoon oo shiilan islamarkaana lala helay bar-tilmaameedkii uu beegsaday balse faahfaahin kama sii bixin khasaaraha ka dhashay. Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarkaasi jawaab u ahaa duqeymo xiriir ah oo isbaheysiga Sacuudigu ka fuliyo…
Somaliland – Dadka ku nool degmada qadiimiga ah ee Saylac ee Gobolka Awdal ayaa guryahooda iyo magaaladoodiiba ka barakacay kadib markii uu da’ay roob mahiigaan ah oo keenay in baddu ku fatahdo deegaankooda. Roobka ayaa socday 9saac oo xiriir ah. Guddoomiyaha degmada Saylac Sacad Daahir ayaa Radio Ergo u waramay.
Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka oo sannad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto dhammaan gobollada Puntland. Tartanka xifdinta 30-ka jus ee Qur’aanka kariimka ah oo Sabtida maanta ku soo xirmay masjidka Al-huda ee caasimadda Garoowe ayaa waxaa kaalinta kowaad ku guulaystay Maxamed Faysal Maxamuud oo ka socday dugsiga Qur’aanka Al-Aqsaa ee Garoowe waxaana abaal-marin loo siiyay gaari nooca NOAH. Kaalinta labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Bashiir Maxamed oo ka socday dugsiga Qur’aanka Daarul-Quraa ee magaalada Boosaaso oo isna abaal-marin loo siiyay $1000 Dollar oo lacag ah halka…
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta magacaabay guddi qaabilsan dib u-habaynta hay’daha dowladda Puntland ee gobolka Mudug Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu magacaabay guddiga dib u-habaynta hay’adaha dowladda ee gobolka Mudug oo ka kooban 8 xubnood kana ka kala tirsan golayaasha xukuumadda iyo Baarlamanka Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka Halkaan ka eeg dikreetada
Madxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo. Kulanka warbaahinta iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Afhayeenka Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland oo la hadlay weriyayaasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xirfadda warbaahinta, waxaa uu u beyaamiyey dhallinyarada qaabka ugu sahlan oo ay uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka dhanwalba. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in wabaahintu tahay tiir kamid ah tiirarka dhisa dalkooda, dhan amni, dhan siyaasadda, dhan bilic iyo inay qayb ka noqdaan…
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka qayb-galay munaasibad uu Madaxwayne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash uu ku soo idlaynaayay tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Gobolada Puntland ayaa xukuumadda hadda jirta wuxuu ugu baaqay inay awoodda saaraan xoojinta amaanka mandaqadda oo dhaliilo badan yeeshay.
Sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Dowladda Jarmalka ayaa la laabatay Mashruuc ay Isbitaal wayn uga dhisi laheyd Magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntland Jaamac Faarax Warsame, ayaa sheegay kulamo kala duwan inay wada qaateen Hay’ad qaabilsaneyd fulinta Mashruuca Isbitaalka lagu dhisi rabay magaalada Garowe, balse ay isla garteen in la joojiyo arrintaasi. Wuxuu sheegay xubnaha Hay’adda kulan ay wada qaateen, kadib inuu u sheegay inuusan waxba soo kordhineyn Isbitaal cusub oo laga dhiso Magaalada Garowe, xilli uu dayacan yahay Isbitaalkii hore ee Magaalada ku yaallay. Wasiirka ayaa sheegay, dood dheer kadib in laga ogolaaday dhaqaale…
Booliska Somaliland, ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen Shil ay ku dhinteen Afar ruux oo laba ka mid ay yihiin Ajaanib, halka labadana kalena ay yihiin Somali, Shilkaasi oo shalay galab ka dhacay Degmada Dacar buluq ee Somaliland. Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland, ahna Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka Faysal Xiis oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay Shilkaasi inay ku dhinteen laba ruux oo u dhalatay dalka Bangladesh & laba Somali ah. Wuxuu sheegay inay ku dhaawacmeen dad gaaraya illaa 10 ruux, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga Shilka galay. “Shilkaasi waxaa sababay darawalkii gaadhiga waday, Afar qof ayaa…
Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Federalka Somaliya inaysan daacad ka aheyn wada hadalka Somaliland. Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay madaxda hada joogta ee dowladda Federalka Somaliya inuusan daacad ka aheyn wada hadalka Somaliland, marka loo eego hab dhaqankooda. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay dowladii Maxamed Siyaad Barre dhibaato badan inay u gaysatay shacabka Somaliland, balse si arrimahaasi looga wada hadlo madaxda hadda joogta aysan u bisleyn arrintaasi. “Anaga haddii aan reer Somaliland nahay, dagaal baan la galnay dowladii ugu dambeysay ee Maxamed Siyaad Barre ilaahey guusha anaga ayuu na siiyay, illaa maanta…
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya ayaa xukun dil ah ku riday Askarigii ugu horeeyay ee ku eedeysan dilka Darawal Mooto Bajaaj, kaasi oo darawalka ku dilay Muqdisho. Eedeysanaha la xukumay ayaa lagu magacaabaa Dable Boolis Cali Maxamuud Axmed oo 8-dii bishan ku dilay agagaarka Tarabuunka Darawal Mooto bajaajle oo lagu magacaabi jiray C/risaaq Yuusuf Guure, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah. Kiiska askarigaan ayaa muddooyinkii dambe waxaa dhageysigiisa ay ka socotay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somaliya, waxaana ugu dambeyn maanta lagu dhawaaqay xukunka Askariga. Maxkamadda ayaa sheegtay eedeysanaha la xukumay inuu haysto Racfaan uu ka…
Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa maanta soo saaray qoraal uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Qoraalka waxaa lagu sheegay in ka dib markii uu Xisbiga UPD garowsaday in waajib qaran ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo lana xalliyo dhammaan arrimaha ku geedaaman khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada; ha ahaado khilaaf guud iyo mid u kala gooni gooni ah,…
Dr Jaamac Faarax Xassan Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal). Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe. Dikreetada ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur. Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan.
Theresa May ayaa sheegtay in ay ka dagayso xilka hoggaanka xisbiga Conservative-ka 7-da bisha June, taas oo u gogol xaaraysa tartan loo galo cidda noqonaysa Ra’isulwasaaraha Britain ee cusub. Hadal jeedin qiiro leh oo ka samaysay xafiiskeeda Downing Street hortiisa ayay ku sheegtay in ay isku dayday wax kasta oo karaankeeda ah oo ay humanti uga dhigi lahayd in la fuliyo go’aankii ka bixitaanka Midoowga Yurub ee lagu gaaray aftidii dadweynaha ee la qaaday kal hore. Waxa ay sheegtay in ay Ra’isulwasaare sii ahaan doonto illaa xisbigeeda uu ka qabsanayo doorasho madaxtinimo. Ra’isulwasaaraha ayaa la kulantay cadaadis iyo dhaleeceyn kala…
Qaar ka mida odayaasha dhaqanka degaaanada Jubbooyinka iyo Guddiga Doorashada Jubalanad ee uu magacaabay Madaxweyne Axmed Madoobe oo isku raacay qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Jubbaland. Kulan ku dhex maray magaalada Kismaayo ayaa loOga dooday qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland ee dooran doona madaxweynaha cusub ee maamulkaasi. Waxaa la isku afgartay qorshe ay Guddiga Doorashada Jubbaland ku meel mariyeen hannaanka loo marayo doorashada Xildhibaanada oo ah in beel kasta oo leh hal Xildhibaan ay guddiga doorashada u soo gudbiso saddex xubnood, si ay midkood uga soo xulaan. Odayaasha ayaa sheegay in ciddii cabasho qabta…
Ugu yaraan 14 ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeyn dhanka cirka ah oo mareykanka ka geestay koonfurta gobolka Helmamd ee dalka Afghanistaan. Duqeyntaan oo dhacday degmooyinka Gereshk iyo Kunar’s Chawki maalintii isniinta iyo arbacadii shalay ayaa dadka ku dhintay shan ka mid ah lagu sheegay haween halka todobada kalena ay caruur ahaayeen. Qabarkaan ayaa waxaa xaqiijiyay Khamiistan xafiiska qaramada midoobay ee dalka Afghanistaan oo loo yaqaan (UNAMA). Weeraradaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii sideed askari oo ka tirsanaa Booliska Afganistaan lagu dilay duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay gobolka Helmamd 16-kii bishan May. Dhanka kale afhayeenka Milatariga Mareykanka Colonel…
Dagaalyahanada xuutiyiinta ayaa duqeeyay madaarka ku yaal magaalada Najran ee dalka Sacuudiga. Tv-ga Al-Masriyah oo ku hadla afka Xuutiyiinta ayaa tabiyay in duqeymaha diyaaradaha Drone-ka oo ay ku weerarayaan Sacuudiga ay kor u Qaadeen. Weerarkaan ayaa noqonaya kii sadaxaad oo mudo todobaad ah kooxda Xuutiyiinta ka geestaan Sacuudiga. Dowlada Imaaraadka oo qeyb ka ah isbaheysiga Sacuudiga ayaa sheegtay in ciidanka difaaca Sacuudiga ay dhulka dhigeen diyaarada weerarka ku qaaday magaalada Najran. Afhayeenka isbaheysiga sacuudiga Colonel Turki al-Maliki ee howlgalka ka wada Yemen ayaa wakaalada wararka ee SPA u sheegay in la burburiyay diyaarad Drone ah Garoonka Al-Najran ayaa maalintii waxaa…
Hey’ada lacagta aduunka ee loo yaqaan (IMF) ayaa ka digtay dagaalka dhanka Ganacsiga ah ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha. War saxaafadeed ka soo Khamiistii shalay ayaa lagu sheegay hardanka u dhaxeeya labada dal ee ugu dhaqaalaha badan caalamka uu halis galin karo kobaca dhaqaalaha ee sanadkaan aynu ku jirno. IMF ayaa intaa raacisay in caqabada ugu daran ay wajahayaan ganacsi macaamilka la ah labada Wadan. Madaxweynaha Mareykanka ayaa sanadkii hore canshuur xoogan ku soo rogay shixnadaha Ganacsi ee Shiinaha. Shiinaha ayaa dhankiisa uga jawaabay canshuur kordhin uu ku sameeyay badeecadaha Mareykanka,waxaana tani ay cadaadis ku abuurtay Ganacsatada. Lacagta canshuurta…
Dhawaqa hoobiyaaal ay is weydaarsanayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ayaa saaka ka dhacaya aga-gaarka Yubbe-sida ay goobjoogayaal ii sheegeen. Wasiirka Amniga Puntland iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Puntland ayaa weli ku sugan Badhan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose. Deeganadan oo kal hore laga saaray Kooxda Al Shabaab ayuu Axmed Madoobe sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen, dhawaana la bilaabi doono howlgalo cusub oo lagu xoraynayo deegaanada kale ee Gobolka. Madaxweynaha Jubbaland ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan. Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta Afartan iyo Sadexaad Guutada Kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil…
Madaxwayne Siciid Deni ayaa sheegay in xukuumadiisu ay wado sidii dhalinyarada Puntland loogu abuuri lahaa fursado shaqo iyo goobo ay kusoo bandhigaan xirfadahooda khaaska ah. Deni ayaa shaaciyay inay u hawl-galayaan sidii loo tayayn lahaa garoomada kubadda cagta ee Maagaaloyinka waayayn iyo sidii loo dhamaystiri lahaa kuwa hadda dhismayaashoodu socdaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose kad aawo muuqaalka
Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay inuu soo gaba-gaboobay imtixaanka Dowladda Puntland,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya. Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Federaalka iyo QM,isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo. Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni…
Xilli uu jiro Khilaaf dhana Diblumaasiyadda ah oo ka dhaxeeya dalalka Somaliya & Kenya ayaa Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya wuxuu qoray warbixin uu kaga hadlaayo inuu socdo qorshe la doonaayo in Ciidamada Kenya looga saaro Somaliya, laguna bedelo kuwa Itoobiya. Warbixinta Wargeyska uu qoray ayaa waxa uu ku sheegay qorshaha la doonaayo in Ciidamada Kenya looga saaro Somaliya inuu wado Agaasime Ku xigeenka Nabad Suggida Somaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo haysta Baasaboorka dalka Kenya. Wargeyska ayaa sheegay in la doonaayo Ciidamo Itoobiyaan aanan ka tirsaneyn hawlgalka Amisom in lagu wareejiyo Dakadda & Garoonka Diyaaradaha…
Wakiilka joogtada ah ee Dowladda Uk u jooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya ,xilli ay ka hadleysay kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya. Tallaabadaan ayaay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Federaalka iyo QM,isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo. Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni…
Dowladda Soomaaliya ayaa dhaleecaysay gantaal loo ganay dhanka Magaalada Makka Al Mukarama, waxayna caddaysay in beegsiga Aqalka Alle ee xurmadda leh uu yahay mid aan la aqbali karin, iyagoo ku tilmaamay shirqool ka dhan ah goobtaasi barakaysan. ” Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidamada Difaaca Cirka ee Sucuudiga oo ka hortagay labada gantaal maalintii Isniinta, 20 May, kan koowaad waxaa lagu qarxay hawada Magaalada Dhaa’if, kuna jihaysnaa Magaalada Makka, halka kan kale lagu burburiyay samada Magaalada Jidda. “
Maamulka Jubbaland oo markii ugu horraysay ka hadlay mowqifkooda khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in dowladda dhexe ay uga fadhiyaan waxa u xumeeyey xiriirka labada dal-sida uu saxaafadda u sheegay madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Siyad Aadan. ‘’Dabcan waad ogtihiin 30-kii sano ee ugu danbeeyay annaga iyo Kenya waxaa naga dhaxeeyay, iskaashi amni iyo xiriir wanaagsan, wixii kallifay in uu xiriirkaasi xumaado waxaan rabnaa in ay dowladda Soomaaliyeed caddeyso, ‘’ ayuu yiri madaxweyne kuxigeen Maxamuud.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani, ayaa maanta ku kulmay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa qaar ka mid ah wasiirada iyo xildhabaanada labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug waxaana intiisa Badan looga hadlay xaalada guud ee amniga Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug oo ay wada degaan labada Maamul.waxaa sidoo kale la isla soo qaaday halka ay marayaan arimaha Nabadeenta Gaalkacyo iyo waxyaabaha kusoo kordhay iyo sidii halkooda looga sii wada lahaa.kulanka oo wali socda ayaa waxaa goordhaw la filayaa in laga soo saaro warmurtiyeed ku saabsan waxyaabaha ay kawada hadleen labada Madaxda labada Maamul. Sikastaba…
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye, ayaa maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho. Raysal wasaare Khayre ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka. Ceelaabe ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda soo qabtay wakhtigii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf Axmed, isagoo xilal wasiirnimo oo kale kasoo qabtay dawladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo maray, sida dawladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan. Ceelaabe wuxuu ka soo jeedaa degaan ahaan gobolka Awdal.
Labo ruux ayaa dhimatay 12 kale ayaana ku dhaawacan tay qarixii ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay shaaciyeen gawaarida gurmadka degdegga ah ee Aamin. Ururka Alshaab ayaa sheegtay qaraxan gaariga loo adeegsaday oo ka dhacay degmada Boon Dheere. Waa waqaraxii saddexaad ee noociisa ah ee loo adeegsado baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, tan iyo markii ay bilatay bishan barakaysan ee Ramadaan.
Dawladda Kenya ayaa musaafurisay 17 ruux oo ajaaniib ah oo ka shaqaysanayay khamaar, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Tallaabadaas ayaa imaanaysa maalmo ka dib markii wasiirka amniga gudaha Fred Matiang’I uu ku hanjabay in uu masaafurin doono ajaaniib ruqsado ganacsi oo kala duwan dalbaday, balse wuxuu u badalay ganacsiga khamaarka. Wargayska gaarka loo leeyahay ee The Star ayaa sheegay in Matiang’I uu sixiixay amarka lagu musaafuriyay dadkaas oo u kala dhashay Talyaaniga, Shiinaha, Spain, Serbia, Kuuriyada Koonfureed, Bulgaria, Denmark iyo Turkiga. Wargayska Daily ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaas ay ka dhaceen ruqsaddii isla markaasna aysan haysan…
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa looga hadlay Qaraxii maanta barqadii ka dhacay meel ku dhaw Koontarool Ciidamada NISA ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Daljirka Daahsoon & Xabsigii hore ee Godka Jilacow. Qoraalka Xafiiska Wasiirka Warfaafinta laga soo saaray ayaa wuxuu u qornaa sidan.: Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u cambaareeyay Qarax ay Shabaab la beegsadeen dad bakarakacayaal ah oo deganaa dhismihii hore ee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa ugu horreyn uga tacsiyeeyey dadka masaakiinta Barakacayaasha ah oo iyagoo ALLE dartii u Sooman Al-shabaab ay ku…
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 22/5/2019 waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho. Ajendaha Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Maanta ayaa ah horgaynta wax ka bedelka sharciga iibka Qaranka, oo mari doono Akhrinta 1-aad. Xildhibaananada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan si Akhrinta 1aad loo marsiiyo wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Isniintii waxaa ay ansixiyeen Sharciga Batroolka dalka oo aad looga dooday kullamdii ugu dambeeyay wallow…
Talaabada Kenya ay qaaday ee ay ku aadan Visa-da waxay jawaab celin u tahay isku dayo Farmaaajo ku gardaraystay kuna weeraray danahooda. Farmaajo oo ka duulaya sidii uu Jubaland dib gacanta ugu galin lahaa isbahaysigii Dooxada Juba, ayaa Dowlada Kenya oo ka taageerta maamulka Jubaland la dagaalanka argagixisada waxuu ku qaaday guluf dagaal Diblomaasi ah. Farmaajo, ayaa ka tiro dhawr jeer u tagay Adis-ababa qorshe uu doonayay in Kenya amisom Mission Sector-2 looga wareejiyo loona gacan galiyo Itoobiya. Kenya oo dhibsatay hab dhaqankaas,ayaa dhankeeda qaaday talaabooyin kooban oo ay jawaab uga dhigayso dagaalka Diblomaasi ee Farmaajo. Farmaajo oo ka duulaya…
Dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Somaliland iyo ciidamado uu wato wasiirka waxbarashada Puntland Cabdullahi Maxamed Xasan ayaa goordhaweyd ka bilowday magaalada Damalla-xagare ee koonfurta gobolka Sanaag. Wasiirka waxbarashada ayaa maalmahan booqanayey magaalooyinka gobolka Sanaag oo uu ka socdo imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland.
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo la kulmay Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo Taliyaha guud ee AMISOM ayaa sheegay in la isku raacay in Amniga Doorashooyinka Jubbaland ay ku filan yihiin Hay”adaha Amniga Jubbaland. Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay Wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madiera iyo Taliyaha Guud ee AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn iyo Masuuliyiin kale. Kulan gaar ah kadib waxaa Saxaafada la hadlay Madaxweynaha iyo Danjire Madeira. Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in Arrimaha doorashooyinka la isla soo qaaday la iskuna raacay…
Soomaaliya waxay horumar ka sameyneysaa dhismaha dowladnimada laakiin waxay wali la tacaaleysaa inay wax ka qabato xagjirnimada, argagixisada, dagaallada sokeeye, xasillooni darrida siyaasadeed iyo musuqmaasuqa sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loona gudbiyey golaha ammaanka isagoo intaas ku daray in caqabadahaan ay muujinayaan jilcanaanta horumarrada illaa hadda gaaray. Kaddib 30 sano oo dagaallo sokeeye ah, weerarro argagixiso iyo macluul, Soomaaliya waxay yeelatay dowlad ku-meel-gaar ah sannadkii 2012kii illaa haddana waxaa laga shaqeynayey sidii dib loogu soo celin lahaa xasilloonida. Laakiin Guterres ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee dalka ay wali…
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga. Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud ayaa ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo Turkiga waxa uu kulamo la qaadanayaa mas’uulyiin ka mid ah dawladda Turkiga. Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida wayn u taageera Dowladda Federalka Somaliya, marka loo eego xiriirka wanaagsan & garab istaaga Shacabka Somaliyed.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa dib loogu soo celiyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka,kuwaasi oo xalay lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee dalka Kenya. Wasiir ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha Cusmaan Libaax, Senator Ilyaas Cali iyo Senator Zamzam Dahir oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa la xaqiijiyay in Jomo Kenyatta ku xayirnaayeen in ka badan 15-saacadood,kaddib markii loo diidday in Baasabooradooda Diblomaasiga loogu dhufto fiisaha dal ku galka Kenya. Hayeeshee Mas’uuliyiintan ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho,isla markaana waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya. Ilaa iyo…
Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Al Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi. Weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa dagaalyahanada Shabaab waxa ay si toos ah u beegsadeen Saldhigan Ciidamada dowladda ay halkaasi ku leeyihiin, xilli ciidamada ay ku jireen xaalad deganaan ah. Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Ururka Al Shabaab, islamarkaana uu jiro Khasaare ka dhashay dagaalkaasi oo labada dhinac soo kala gaaray. Ugu yaraan Saddex Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaasi,…
Go’aan qoraaleedka ka soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:- “MARKAY ARAGTAY: Rafcaanka ay usooo gudbiyeen Xukunsaneyaal:- 1.Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) . 2.Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin). MARKAY ARAGTAY: Aayada 178aad Suartul Baqara iyo aayadaha 33, 45aad suuratul Maa’ida iyo Qodobada 221,222,434/71 XCS. iyo Qodobka koowaad XCCQS. oo lid ku ah Rafcaanlayaasha. MARKAY ARAGTAY: Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee 20.03.2019 kuna xukuntay Dil Toogasho ah Racfanlayaasha. MAXKAMADDU …
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeelanaya kulankooda 16-aad ee kalfadhiga 5-aad. Ajendaha kulanka ayaa ah saddex qodob oo Golaha Shacabka Somaliya maanta ay ka hadlayaan, waxaana Ajandayaashaasi ay kala yihiin. 1.U codeynta Hindise Sharciyeedka dhismaha guddiga Musuqmaasuqa. 2.Akhrinta 3aad wax ka badelka Sharciga Batroolka. 3.Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka doorashooyinka. Sharciga batroolka ayaa waxaa si weyn uga soo horjeedda inta badan dowlad goboleedyadda dalka ka jira, inkastoo maanta xubnaha Golaha Shacabka la horgeynaayo iyadoo uu marayo Aqrintii Saddexaad.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho,ayaa sheegaya in qarax baabuur uu ka dhacay degmada Xamar Weyne gaar ahaana dhabarka dambe ee taallada SYL. Qaaraxan,ayaa wararku sheegayaan in uu ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa. Ilaa hadda ma cadda in lagu dhuftay iyo in meesha la dhigay. Qaraxa,ayaa dhacay hal saac kadib markii Muqdisho laga afuray.
Gaalkacayo, May, 19, 2019: Madxaweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Gaalkacayo kulan kula qaatay guddiga Amniga Gobolka Mudug. Kulanka oo ay kasoo qayb-galeen qaarkamid ah Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiqaadir Xuseen Nuur Dirir “Waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu shir la qaatay madaxda gobolka Mudug saraakiisha iyo maamulkaba waxaa looga wadahadlay sidii looga wada-shaqayn lahaa amniga guud ee gobolka, si wanaagsanna looga shaqayn lahaa xasiloonida iyo horumarka, kulankuna waxaa uu ku soo dhammaaday Guul. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka dhabaynaya…
Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Waqooyiga magaalladda Tacis ee K/Galbeed ee dalkaasi ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Labo Muwaadin Soomaali ah oo sida la tilmaamay u shaqeynaysay Maleeshiyadda Kooxda Xuutiyiinta ee taageeradda ka hela Dowladda Iiraan, isla markaana dagaalka kula jira Dowladda Yemen ee ay QM iyo Isbahaysiga Sacuudigaan taageeraan. Ilo Milliteri ayaa u sheegay Warbaahinta dalkaasi inay Ciiddanka ku sugan Deegaanka Aagga Al-Zanuuj ee duleedka magaalladda Tacis qabteen Labada Nin ee Soomaalida, xilli ay doonayeen inay waxyaabaha qarxa ku aasaan dhismo ku yaalla Deegaanka Al-zanuuj, waa sida ay hadalka u dhigeen. Sida laga soo xigtay Ilo-wareedka…
Madaxweynaha dowlada Puntland,ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha Madaxtooyada Gaalkacyo oo si casriya loo dhisay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Waasaaradda Waxbarashada Puntland Cabdulaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay inay dacwad u gudbiyeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay uga cabanayaan hadalkii shalay ka soo yeeray Wasiir Goodax Barre,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan bin Cabdulcasiis ayaa golaha iskaashiga dawladaha khaliijka iyo kan dawladaha Carabta ugu baaqay in la isugu yimaado labo shirweyne oo degdeg ah si looga wada xaajoodo saamayntii ka dhalatay weerraradii lala beegsaday maraakiibta Sacuudiga iyo imaaraadka Carabta. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa barteeda twitter-ka ku qortay in laba shirweyne magaalada Makah lagu qaban doono 30-ka bishaan May. Baaqaan ayaa imaanaya ayadoo ay cirka isku sii shareerayso xiisadda gobolka ka taagan ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan.
War Goordhow ay baahisay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu rasaaseeyay Gaari ay la socdeen Arday waxka barata mid kamid ah Iskuulada ku yaalla Muqdisho. Falkan ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Bar Koontarool oo Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin Degmada Wadajir,isla markaana waxaa geystay Askari ka tirsan dowladda,waxaana ka dhashay Khasaaro. Saddex Arday oo isla dhalatay ayaa xaqiijiyay in Gaariga la rasaaseeyay ay la socdeen,kuwaasi oo dhammaantood uu soo gaaray dhaawac,waxaana loola cararay mid kamid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho. Warar aan helnay ayaa sheegay…
Sida aynu ka soo xiganay Shabakadda Wararka Online-ka ee Cyprus Mail waxaa la la’ yahay Gabar Soomaali ah, taasi oo gurideeda ka maqan tan iyo bishan May 17-dii. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Boliska Qubrus ayaa lagu sheegay in gabadhaasi oo lagu magacaabo Nimca Khaliif Axmed oo 17-jir laga la’ yahay gurigeeda oo ku yaalla Degmadda Limassol oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn Qubrus, marka laga soo tago magaalladda Nikosia oo ah Caasimadda Qubrus. Boliska waxay kaloo sheegeen in Gabadhaasi la waayey galabnimadii Khamiista ee la soo dhaafay, waxayna soo bandhigeen Sawirkeeda, Astaamaha kale ee lagu garan karo iyo…
Waxaa xalay si nabad ah ku gaaray caasimada Puntland ee Garowe qalabkii lagu dhisi lahaa Dekeda Garacad oo shalay kasoo anba baxay Bosaso. Inta uu soo marayay wadada dheer ee isku xirta Bosaso iyo Garowe waxay shacabku Deegaamaada Laamiga ku teedsan kusoo dhawaynayeen Sacab iyo Mashxarad,iyagoo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Puntland Deked labaad ay hesho oo waliba ay maalgashanayaan ganacsato reer Deegaanka u dhalatay.
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Waxbarashada Fadaraaliga Somaliya Goodax Barre oo ka hadlayay Magaalada Jowhar, ayaa xilli uu dadka reer Hirshabelle ka qancinayay faashilka ku yimid imtixaankii Dugsiyada sare ee Wasaaraddiisu diyaarisay wuxuu ku yiri…. “Imtixaan Waa fashilmaa, Saacadan la joogo Puntland imtixaaney qaadaysay waa ka fashilmay, wadamada dariska ah iyo aduunka waa ka fashilmaan, laakiin intaan fashil la’aanta u dhawaanay eega, 104 Goobood oo imtixaan lagu qaadayay in Hal kaliya uu ka fashilmay, wey yartahay runtii, da’daal weyn ayaanan galinay Arintaan” 16-kun oo Arday,ayaa maanta u fariistay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland walina lama soo sheegan wax qul-qulato ama fashil ah oo ku…
Halkan ka daawo muuqaalka