Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender. Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan iyadoo gaba gabadii ay Saxaafada la hadleen. Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen Arimaha Abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay oo…
Natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashada baarlamaaniga ee dalka Australia, ayaa muujinaya in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono doorashada. Arrintan waxay imaneysaa kaddib lix sannadood oo dalkaasi ay xakumayeen xisbiga midigta fog ee muxaajitka ah. Dad gaaraya 17 milyan oo ruux ayaa codadkooda ka dhiibanaya doorashadan oo ololaheedu ahaa mid aad u adkaa oo ay axsaabta aad isu weerareen. Waxaana ahmiyadda koowaad ee shacabka uu yahay isbadalka cimilada, caafimaadka, iyo guryeynta iyo wax ka badal lagu sameyo heerka nolosha. Warbaahinta Australia ayaa ku warrantay in xisbiga Labor-ka ee uu hogaamiyo Bill Shorten uu 52 boqolkiiba kaga hogaaminayo isbaheysiga…
Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gaaray wafdi ka socda dowladda Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay. Wafdigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Cabdullaahi Goodax Barre,Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Ducaale Islow, xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Mas’uuliyiin oo ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Weli si rasmi ah looga shaacin Ujeedka Magaalada Jowhar ay u gaareen Wafdigan,hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegay in halkaasi ay u tageen arrimo la xiriira Imtixaanka dowladda Soomaaliya.…
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dalka Japan kaga qeyb galay shirka Caasimaddaha horumarka ku talaabsanaya oo ay kasoo qeyb galeen Madaxda ka socotay Caasimadaha Dalalka Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Amerika. Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey Bangiga Adduunka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka horumarinta caasimadaha,Xal-u-helidda arrimaha Baracayaasha, xallinta caqabadaha iyo jaangoynta qorshe howleedka Dawladaha Hoose. Duqa Muqdisho ayaa khudbadda uu ka jeediyey shirka waxa uu kaga warbixiyey guulaha dhanka maamul, xaaladda amni iyo qorsheyaasha uu hiigsanayaan Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinayo Caasimadda Muqdisho. “Waxaan soo dhaweeynaynaa in aan ka arrinsanno dardar…
Wararka aan ka helayno Degmada Bardaale ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo dhaliyay Khasaare kala duwan. Hal ruux ayaa ku geeriyooday, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay qaraxaasi saddex ruux sida wararka ay sheegayaan, kuwaasi oo isugu jiray Ciidan & shacab. Qofka qaraxa ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Kabtan Falar Liibaan oo ka mid ahaa Golaha deegaanka Degmada Bardaale, sida Saraakiil ay xaqiijiyeen. Dadka kale ee qaraxa dhaawaca uu ka soo gaaray ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Baydhabo, si halkaasi loogu soo daaweeyo. Qaraxa oo ahaa miino wadada lagu aasay, ayaa Saraakiisha…
Madaxweynaha Puntland Siciid C/alaahi Deni ayaa si rasmi Caasimadda Puntland uga daah furay imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland ,oo ay sanadkan u fariisteen 15,800 Arday oo ka kooban ardayda dhamaysay Dugsiga Sare iyo Dugisga dhexe. 106 goobood oo ka tirsan deeganada Puntland ayeey u fariisteen ardaydan Imtixaanada Shahaadiga ee sanad dugsiyeedka, waxaana furay Imtixaanka Madaxweynaha Puntland. Siciid Cabdulaahi Dani ayaa bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada Puntland hanaanka ay u agaasintay oo ay isugu dubu riday Imtixaankaasi oo uu u rajeeyay ardayda inay si hagaagsan u galaan Imtixaanka. “Imtixaanka dhibaato ma’ahan ee waa tijaabo qofka aqoontiisa lagu tijaabinaayo, marka ardayda waxaan u rajeynayaa…
Wasiirka Howlaha guud iyo khuburo kale oo kormeer qiimeyn ah ku smeeyey wadada xiriirisa Gaalkacyo iyo Garoowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Waxaa Magaalada Gaalkacyo soo gaaray qalab ka dhimanaa agabkii loogu talagalay in lagu Casriyeeyo Garoonka kubada Cagtaa ee Cawaale. Agabkan oo iskugu jira 3,008 oo kuraas ah, Shabaqyadii Goolasha, goomihii rooga iyo Mashiinadii lagu xirilahaa kuraasta iyo Rooga. Dadaal dheer oo ay galeen dhalinyarada Gobolka Mudug ayaa keentay in maanta la gaaro guushan. Xigasho:-Kasmaal Media.
Qalabkii lagu dhisi lahaa Dekeda Garacad,ayaa lagu bilaabay dajin. Markabka ay saarnaayeen qalbakan,ayaa soo gaaray Dekeda Bosaso maalmo ka hor Dowlada Puntland waxay usamaysay canshuur dhaaf Qalabkan lagu dhisayo Dekeda labaad ee Puntland yeelan doonta hadii rabi idimo. Garacad oo ay maalgashanayaan ganacsato reer Puntland ah,ayaa ah fursad ganacsi iyo dhaqaale abuur oo ay Puntland heli doonto
Madaxweynaha Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixiyey qorsheyaal ku aaddan nidaamka socdaalka ee Maraykanka kaas oo tixgalin gaar ah siinaya dhallinyarada, dadka sida wanaagsan wax u bartay, iyo shaqaalaha afka Ingiriisiga yaqaan. Hadal uu ka jeediyey Aqalka Cad, ayuu ku sheegay in la joojin doono nidaamka haatan jira ee tixgalinta gaarka lagu siiyo dadka calaaqaadka dhanka qoyska ku yimaada Maraykanka. Waxa uu sheegay in la xoojin doono ammaanka xuduudda tallaabo adagna laga qaadi doono dadka magangalyo doonka ah. Saraakiil sar sare oo katirsan xisbiga dimuquraadiga ayaa fikradihiisa ku tilmaamay kuwo “aan wax kasoo qaad lahayn”.
Dowladaha Jabuuti, Itoobiya , Suudaanta Koonfureed iyo Uganda ayaa ku heshiiyay in ay dhistaan qad isku xira caasimadohooda, sida ay ku warrantay warbaahinta Fana ee Itoobiyaa. Shirka oo lagu qabtay magaalada Nairobi ayay dhinacyada ku saxiixdeen heshiiska fulinta, waxaana goobjoog ka ahayd IGAD. Madaxweynaha Jabuuti ayaa horey u sheegay in Soomaaaliya ay ka digtoonaato isbedelka gobolka ee Itoobiya ay hor keceyso. Wareysi uu BBC-da siiyay ayuu ku sheegay: “Anagu jawigaa nabadeed diyaar baan u nahay, annaguna waxaan niri horta bal arrinkayaga aanu dhameysano, waa dhowdahay, waana sugeynaa. Taasna kama dhigno in aan ka xunnahay ama aan ka horjeedo. Laakiin waxa…
Guddi ay u xilsaartag dowladda fedraalka Soomaaliya arrimaha Xajka ee sanadkaan ayaa soo saaray macluumaad la xiriira hanaaka loo wajahayo Shirkadaha ku guukeystay in ay qaadaay Xujeyda iyo kharashka laga qaadayo xujeyda sanadkaan. Suldaan Cabdiqani Qorane oo afhayeenka guddiga loo xil saaray howshaan ayaa tilmaamay in qof kasta oo xajinayo laga qaadayo lacag dhan 3600 oo dollar iyo qeybta VIP-da oo laga qaadayo 5000 oo dollar. Sida gudigu ay sheegeen 84 shirkadood ayaa u tartamay sanadkaan arrimaha Xajka waxaana ku soo baxag 54 Shirkad oo daabuli doona 15,000 oo xujey ah oo ka kala imaaneysa gobolada dalka Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo Gudoomiyaha Hay’ada Musiibooyinka Puntland ayaa kulan laqaatay wafdi kasocda Xafiiska Midawga Yurub qaybtiisa Bini’aadantinimada. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa kuweheliyay madaxda hay’ada UNICEF Puntland. Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii midawga Yurub uu uga taageeri lahaa shacabka Puntland saamaynti kadhalatay abaarti kadhacday Puntland. Midawga Yurub ayaa balanqaaday barnaamijyo xalwaara loogu helaya abaaraha soo noqnoqday.
Nin ganacsada ah ayaa lagu dilay galinkii danbe ee maanta goob ganacsi oo uu ku la haa is goyska X Koontarlool Afgooye ee duleedka magaalada caasimadda Muqadisho.Dilka ayaa waxaa wararku ay sheegayaan iney fuliyeen laba nin oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa toogtay ninka ganacsadaha ah oo ku sugnaa goobtiisa Ganacsi,. Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday ka hor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka oo ka sameeyay baaritaan aanu jirin wax ka soo naaso cadaaday ama lagu soo qabtay raggii dilka u geeystay ninka ganacsada ah. Ehelada marxuumka la dilay ayaa sheegay in wiilkooda ay dishay gacan ka…
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Khamiis ah shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan. Ugu horayn Madaxweynaha ayaa golaha faah faahin dheeraad ah ka siiyay shirkii Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka ee Garowe iyo guud ahaan xaalada Siyaasada dalka. Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay dood dheer ka yeesheen xaaladaha amniga iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo go’aamo la xiriira sugida amniga laga soo saaray gaar ahaan in aan hub lala gali karin garoonka diyaaradaha lagalana soo dagi karin iyadoo golahu uu hay’adaha amaanka ku amray in…
Dowladda Soomaaliya sidee ayay u maarayn karta imitxaanaadka dugsiyada sare ? Axmed Saahid Madaxa Imtixanaadka Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa iftiimiyay arimo muhiim ah oo ku xeeran qaadista imtixaanka shaahidiga ah ee Dalka Soomaaliya.
Iran ayaa maanta ku eedeysay Mareykanka kasii darista “aan la qabli karin” ee xiisadda ka dhex oogan labada dhinac, waxayna sheegtay in Tehran ay muujineyso is-xakameyn, inkasta oo Washington ay ka baxday heshiiska Nukliyeer. Xiisadda labada dhinac ayaa cirka isku shareertay kadib markii toddobaadyadii dhowaa Mareykanka ay maraakiibta xambaara diyaaradaha dagaalka, iyo diyaaradaha bambooyinka culus qaada ee B-52 geeyeen Khaliijka, ayaga oo tuhmayo halis kasoo socota Iran. “Xiisadda kasii dareysa ee Mareykanka waa mid aan la aqbali karin” Waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibeddda Iran Mohammad Javad Zarif oo wada-hadallo u jooga dalka Japan. “Waxaan muujinay is-xakameyn, inkasta oo Mareykanka…
Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo Dagaalamayaal tirsan Al-shabaab uu ka dhacay Gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid culus,laiskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa labada dhinac waxa uu ku dhexmaray deegaanada Maykaareebey iyo limey oo qiyaastii 20KM ujira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno katirsan Ururka Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo ay wateen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya, oo ka soo baxay Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo. Dagaalka qaatay muddo saacad ku dhaw ayaa ka dhacay…
Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxay bishan May 9-dii Kulankoodii 848-aad ka yeesheen Warbixintii Guddoomiyaha AU-da ee Dib-u-eegista Wdaajirka ee AU-da iyo QM ee Hawlgalka AMISOM ee Somalia. Hadal-qoraal oo ka soobaxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) waxaa lagu sheegay in horumar muuqda laga sameeyey hubinta Ammanka iyo Nabadda Somalia iyo sida ay uga go’an tahay muhiimadda Joogitaanka Ciiddanka AMISOM ee gudaha Somalia. Golaha PSC waxay kaloo go’aamiyeen dib-u-cusbooneysiinta Xilli-hawleedka Hawlgalka AMISOM, waxayna isku raaceen in muddo 12 bilood lagu daro Xilliga Hawlgalkaasi ilaa laga gaarayo bisha May 27-da ee sannadka soo socda ee 2020-ka. Muddo-kordhintaasi waxaa la sheegay…
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay qaabilay xafiiskiisa Wakiilka cusub ee Hey’adda Qaramada Midoobey ee Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Werner Schultink. Wasiiru dowlaha ayaa soo dhoweeyay wakiilka cusub ee UNICEF, waxa uu kala hadlay howlgalkiisa iyo howlaha hey’adda ee dalka, si gaar ah barnaamijyada bulshada, waxbarashada iyo caafimaadka si loo gaaro horumar lagu yarayn karo dhibaatada la soo gudboonaata caruurta.
Ciidamada amaanka ee Somalia ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay ku toogteen min la sheegay in uu hubeysnaa. Saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in markii hore qofka hubaysnaa uu dhaawacay askari ka tirsan ciidamada ku sugan isgooyska Bakaaraha kadibna isaga toogasho lagu dilay. Dhinaca kalana waxaa la sheegay in uu baxsaday qof kale oo la socday kan la toigtay mooto ay ku socdeena uu ku baxsay,sida ay saraakiishu u sheegeen warbaahinta.
HADDUU KUSOO GAARO WAA HADDIYADE AKHRIMaanta waa maalintiinii waa 15ka bisha 5aad 2019 waa maalin ku astaysan maalinta dhalinyarada dhalinyarada soomaaliya qofkasta waa kadharagsanyahay taariikhda maalintaan iyo halkanadii dhalinyarada ee ay kusuntantahay waxaan rabaa kaliya inaan qormadaan kuqaadaadhigo ama aan kaga faaloodo Laba qodob oo aan isleeyahay in lagu baraarugo waa muhiin. Qodobkasta waan dul istaagin ee akhristow qormadaan isku day inaad dhamayso. 1.XAGEE JOOGNAA MAANTA.Waxaan maraynaa maalmihii nolosheena ugu muhiimsanaa waa marxalad aan haysano waqti inagu filan oo aan si wanaagsan uga faaiidaysan karno waa maalmo aan isbadal wanaagsan aan qof qof iyo wadar wadar u samayn karno. Maanta…
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa iyo kan Goleyaasha dowladdaba ayaa dhallinyarada Soomaliyeed, gaar ahaan dhallinta Puntland ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan 76 guuradii kasoo wareegtey aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL. “Hambalyo dhallinyarada Soomaaliyeed, hambalyo dhallinta Puntland oo maanta ay u tahay sannad guuradii 76-aad ee aas-aaskii Ururkii gobonimo doonka ee SYL, Soomaaliya waxa halkan soo gaarsiiyey waa dhallinyaro dedaashey, mana jirto maalin uu dalkeenna idinkaga baahi badan yahay maanta, waa in aad dalka horumarkiisa ka shaqaysaan, Gacmaha isqabsataan, kuna baraarugsanaataan sidii aad horumar u gaari-lahaydeen, dalkana aad horumar u…
Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo la dul dhigay Shaqaalaha Ajaanibta ah ee ka hawlgala deeganada Dowlad Goboleedkan, sida lagu sheegay Digreeto ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada & Shaqaalaha Puntland. Dikreeto ka soo baxday xafiiska Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo laga tix-raacay xeerka shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, ayaa lagu amray dhammaan shirkadaha iyo Hay’addaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawlgala deegaannada Puntland ” in ay xogta shaqaalahooda oo faah faahsan ku soo gudbiyaan mudda bil ah, si loo ilaaliyo habsami-usocodka shaqada waddanka iyo arrimaha ka dhalan kara…
Mas’uuliyiinta Shirkadda Facebook-ga ayaa sheegay in dadka ay u aragta inay baalmareen shuruucdeeda ay gebi ahaanba ka mamnuuci doonaan inay si toos ah wax uga baahiyaan Facebook-ga. Facebook Live ama muuqaalada tooska ee laga baahiyo Facebook oo Soomaali badan ay adeegsato ayay shirkaddu sheegtay in qofkii lagu helo ” Inuu dadka la wadaago xog la xiriirta falalka argagixisanimada ama muuqaallada dilka” laga joojin doonaa Facebook Live-ka, iyadoo muddo dhan 30 malamood laga xannibi doono in Facebook uu si toos ah wax uga baahiyo. Inkastoo Soomaali badan ay adeegsadaan muuqaalada tooska, kuna soo bandhigaan waxa markaas dhacaya ama aragtidooda ku aadan…
Maxkamadda dastuurka ee Guatemala ayaa tartanka madaxweynenimada ka hor istaagtay gabadh uu dhalay hoggaamiyihii hore ee milatariga ahaa Efraín Ríos Montt. Zury ayaa ka mid ahayd murashaxiinta ugu cadcad ee u ol’olaysanaya doorashada 16 Juunyo. Maxkamadda ayaa sheegtay in dastuurka Guatemala uu madaxweynenimada ka hor istaagayo qaraabada hoggaamiyeyaasha xukunka maroorsada. Xiligii uu hoggaanka hayay Efraín Ríos Montt 1980-yadii ayaa loo arkaa mid ka mid ah wakhtiyadii ugu qalafsanaa ee soo mara dagaalkii sokeeye ee Guatemala, wakhtigaas oo cagta la mariyay tuulooyin dhan oo ay daganaayeen qawmiyadda Mayan. Jeneraal Rios Montt ayaa awoodda maroorsaday 1982 markaas oo uu dhacay afgambigii d’état,…
Hoggaamiyayaasha Milliteriga Sudaan ee talada dalkaasi la wareegay bishii hore waxay kooxaha Mucaaradka kula heshiiyeen in muddo 3-sanno ah looga baxo xilliga kala-guurka ah, si Dowlad rayid loogu wareejiyo maamulka dalkaasi. Jeneral Yaasir Al-Atta oo ka tirsan Golaha Milliteriga ee TMC oo hir Jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum ayaa sheegay in ay labada dhinac heshiis kama-dambays ah ka gaareen Awood-qeybsiga, oo ay ku jirto qaabaynta maamulka soo socda ee dalkaasi. Waxaa kale oo uu sheegay in muddada xilliga Kala-guurka la dhisi doono Baarlamaan ka kooban 300 oo xubnooda, iyadoo 67% ay ka imaan doonaan Isbahaysiga Xorriyadda iyo Ibedelka, halka 33%…
Hir-shabelle oo kalsoonida kala laabatay Imtixaanka ay qaado Wasaarada waxbarashada Dowlada Dhexe,sidaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Waare oo la hadlayya Ardayda Magaalada Jowhar oo iskugu soo baxay mudaaharaad balaaran ay kaga soo horjeedaan Wasiir Goodax Barre. Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar ayaa la hadlayay boqolaal arday ah oo saaka isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Jowhar waxana uu ku amray guddiga qaadista imtixaanka oo ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka soo dirty inay dib ugu laabtaan Muqdisho . “Howshiinii waad gabteen meeshaad ka timideen ku noqdeen amnigiina iyo joogitaankiina dhibaatuu nagu yahay.”ayuu…
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxwayne Deni “ Waxaa waajib ah in laga wada xaajoodo arrimo siyaasi ah sida qeybsiga awoodaha, qeybsiga kheyraadka, doorashooyinka iyo mustaqbalka dalka, dastuurka iyo dhameystirkiisa iyo dhaqaalaha iyo sidii uu dalka u wada jiri lahaa in dalka ka baxayo inta marlaxad ee dalku ka baxayo dastuur dhameystiran, madax dadweynuhu si toos ah u soo doortay, baarlamaan bulshadu soo dooratay iyo sharci cad oo qeexan oo lagu wada shaqeynayo “. ” Golaha amniga, qodobka 111 waxaa uu qorayaa inuu yahay guddi, oo loogu talogalay khubaro, ma aha gole siyaasadeed, waxaa dhici karta iney wasiirro iyo saraakiil ciidan ka qeyb galaan, laakin…
Xukunkii dhawaan ka dhacay Garowe, ayaa baal-dahab ah ka galay sooyaalka guud ahaan dalka, wuxuuna u sameeyay taariikh cusub oo lama ilaawaan ah Qaranka Soomaaliyeed, xilli Dunidu bogaadisay. Sida laga soo xigtay war kasoo baxay Bureau of Forensic Science, ayaa lagu sheegay inay tahay markii ugu horaysay guud ahaan Soomaaliya oo caddaymo laga helayo hindisaha [ DNA-ga ] xukun loogu rido fal-dambiyeed. ” Soomaaliya waxay markii ugu horaysay ay ku biirtay dalalka ku midoobay in qaab cilmiyaysan loo xaliyo kiisaska dambiyada foosha xun ” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Bureau of Forensic Science. Xukuumaddii Gaas ayaa hir-galisay shaybaarka…
Xisbiyada kala ah Ilays, NDP, UPD, Wadajir & NPP ayaa si wadajir ah usoo saaray qoraal ay kaga hadlayaan aragtidooda ku aaddan doorashooyinka dalka:
Madaxwayne Deni oo ka hadlay fashilka ku yimi Imitixaanka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya ay qaaday, ayaa yiri ” Puntland ha wada qaado Imtixanaadka. Halkan hoose ka daawo :-
Col. Yuusuf Cabdi Cali “ Tuke ” ayaa waxa uu shalay ka soo hor muuqday maxkamad ku taalla magaalada Aleskandariya ee Gobalka Virginia ee dalka Maraykanka, isagoo wajahaya eedeymo ku aadan inuu jir-dil iyo dil geystay muddadii uu taliyaha ka ahaa ciiddankii ku sugnaa Gobalka W/Glabeed ee Soomaaliya sannadihii 1980-aadkii. Garsoore rayid ah ayaa waxay furtay dhegeysiga dacwadaha ka dhan Col. Yuusuf Tuke, oo uu ku soo oogay nin Soomaali ah oo sheegtay inuu taliyuhu toogtay, isla markaana uu mayd ahaan uga tegay, isla markaana uu badbaaday, kadib markii uu ciiddanka siiyey laalush, si aysan isaga u aasin, waa sida…
Dibadbaxyada ay dhigayaan ardayda Dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho ayaa ku fidey meello badan oo magaalada ah, waxaana daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa uu yahay mid dhallinyaro hor leh ay kusoo biirayaan. Ardayda ayaa ku baaqay in shaqada degdeg looga ceyriyo wasiir C/laahi Goodax Barre oo ay sheegeen in aanu xilkaasi u qalmin. “Dooni meyno Goodax Barre, waa in Ra’iisul wasaaraha shaqada uu ka eryaa” sidaasi waxaa yiri qaar ka mid ah ardayda dibadbaxyada dhigaya. Isku socodkii gaadiidka magaalada Muqdisho ayaa hakad ku jira, waxaana meelaha qaar laga maqlayaa rasaas ay ridayaan askar ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Kumanaan arday ah ayaa goor dhow waxa ay dibadbaxyo ka bilaabeen waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood, sida wadada wadnaha. Ardaydan oo ka careysan go’aankii uu wasiir Goodax ku joojiyey imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga sare oo Saddex maalin ay galeen, ayaa joojiyey waddooyinka qaar isku socodka gaadiidka. Aargada Lambar Afar iyo qeybo badan oo ka mid ah wadada Makka Al-mukarrama ayeey ardadu ku banaanbaxayaan, iyadoo mararka qaar la maqlayo rasaas u muuqata in kor loo ridayo. Sidoo kale arday kale oo badan ayaa isugu tagay taalada Daljirka Daahsoon, waxaana ay ku hadaaqayaan erayo ay ka mid yihiin “Dooni meyno Goodax…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Caawa sheegay in la joojiyay Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada Sare ee Soomaaliya , Kadib markii Suuqyada laga helay Imtixaankii oo iib ah Maadooyinka qaarkood,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Inta la ogyahay 5 qof ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana way ku dhaawac Meen roob Mihiigann oo ka da’ayay Magaalada Hargeisa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Markabkii siday qalabkii ugu muhiimsanaa ee dhismaha Dekeda Garacad waxuu soo gaaray Dekeda Bosaso,sida y ii xaqiijiyeen masuuliyiin xog ogaal ah. Markabkan oo mudo ka xayirnaa Kanal Suweys,ayaa dadaal ay iska kaashadeen Dowlada iyo ganacsatada Puntland waxaa lagu guulaystay ugu danbayan in lasoo daayo. Imaanshaha Markabka waxuu ka dhigan yahay in Dekeda Garacad ay ku dhmaystirmi doonto xiligii loogu talagalay. Shacabka Puntland oo aad uga war dhawrayay xogaha Markabka,ayaa soo dhaweeyya warkan.
Warbaahinta ka howlgasha magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ayaa hadda looga yeeray aqalka madaxtooyada ee caasimadda Puntland Garowe. Xafiiska warbaahinta madaxtooyada Puntland,ayaa warbaahinta ku wargeliyey in salaadda cishe ee caawa kadib uu madaxweynuhu qaban doono shir saxaafadeed uu kaga hadlayo arrimo kala duwan. Inkastoo aan warbaahinta lala wadaagin ajandaha rasmiga ah haddana warar hoose,ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Cabdullaahi Denni uu kaga hadli doono arimo laga xusi karo.. 1.Shirkii Garowe, 2.Madasha iskaashiga Puntland, Hirshabeelle iyo koonfur Galbeed, 3.Xaaladda guud ee dalka Jibril Qoobey.
Munaasabad lagu wareejinayay Gaadiid Damdamis oo ay shirkada Golis ku wareejinaysay Dowlada Hoose ee garowe,ayaa waxaa kasoo qayb-galay maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garowe, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ganacsato maamulka sare ee shirkadda Golis iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey goobta lagu wareejinayey agabka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leeyihiin dab-damiskani iyo iskaashiga dowladda iyo shacabkeeda. “Dawladdu waa dadka, dadkana inay isku tashadaan waa wax waajib ku ah, hadaysan dabka iska damin oo colaadda iska damin oo gaajada la dagaalamin oo dhibaatooyinka kale ee bini’aadamka ku soo wajahan meel ugu soo wada…
The bank and the Government of Somalia today agreed to a loan of $200million for the rebuilt of Mogadishu port. In trade for that, the bank will have exclusive fishing rights over the coast of Somalia and maintain part ownership of the port until the loan has been fully paid. The Chinese Exim Bank announced this in a recent tweet on Twitter:Full exclusive fishing rightsThe Somalian coastline was famous for pirates that attempted to hijack ships on a regular basis. Because of these developments in the area not much fishing activities were going on. This has now changed. The Somalian…
Madaxweyne Deni oo hogaaminayay maalmihii lasoo dhaafay shir muhiim u ahaa dalka iyo dadka,ayaa bulshada Puntland haatan su’aalo fara badan iska waydiinayaan dhawr arimood oo ay u arkaan in ay masiiri yihiin. Hadaba su’aalaha inta badan bulshada iswaydiinayso,ayaa waxaa laga xusi karaa:- 1.PL in ay heshiis amni ah la gasho Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed oo Jubbaland iyo Galmudug ka maqan yihiin. Gaar ahaan arrinta Gaalkayo iyo heshiiskii Nabadda ee Galmudug waxay ubaahatay fasiraad Mudane Madaxweyne Deni?. 2.Iskaashiga Hir-shabelle,Koonfur-galbeed aan la galayno fasiraad bay u baahatay iyaduna? 3.Faashilkii shirkii garowe kadib halka loo dhaqaaqayo iyaduna ka hadal bay dayatay? 4.Xiriirkeenii lama taabtaanka…
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan Afur iyo casho isugu jira xalay u sameeyey culimada waaweyn ee reer Somaliland kuwaas oo isaga kala yimi gobollada iyo degmooyinka Soomaaliland. Kulankan uu madaxweynuhu u sameeyey culimada waaweyn oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, islamarkaana ujeeddadiisu ahayd sidii ay culimada iyo madaxweynuhu isu xog-waraysan lahaayeen, ayaa waxa ka qayb-galay hormuudka culimaa’udiinka reer Somaliland, shir guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka xisbiyada UCID iyo KULMIYE iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxana si furan la isugu weydaarsaday waanooyin talo iyo tusaalooyin la xiriira sidii xukuumadda iyo culimadu u wada-shaqayn lahaayeen. Xubno kamid ah…
Wasiirka hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse ayaa saaka kormeer ku tegay wadada u dhexeeya Jalam iyo Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo mashruucii dhismaha wadada Garoowe iyo Gaalkacyo. Qoraal lagu daabacay bogga wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasiirku uu kormeer shaq ku tegay wadada u dhexaysa tuulada Jalam iyo degmada Xarfo oo qiimayn ku socoto si dib loogu bilaabo dhismaha laamiga xiriiriya magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo gaar ahaanna inta u dhexaysa Jalam iyo Xarfo halkaasi oo laamigu aad uga burburay. Wasiirka iyo khubaro la socotay ayaa kormeeray habka loo wado qiimeynta lagu…
Shirkadda Dignity oo laga leeyahay dalka Britain oo ka shaqeysa aasidda dadka ayaa sheegtay in ay halis ugu jirto in ay khasaarto kadib markii ay yaraadeen dadka dhimanaya. Tirada dhimashada ee saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadka 2019-ka ayaa hoos u dhacday boqolkiiba 12% waxayna noqotay 159,000, marka la barbar dhigo 181,000 oo ahayd isla xilligan oo kale sanadkii la soo dhaafay. Sidaas daraaddeed, waxay shirkaddu sheegtay inay ka cabsi qabto iney dabayaaqada sanadkan ay khasaarto £21.7m gini. Dignity bilihi ugu horreeyay ee sanadkan waxay fulisay aaska 19,200, marka la barbar dhigo 21,400 oo saddexdii bilood ee ugu horreeyay sanadkii…
Waxaa Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya kusimaha Guddoomiyaha Golaha shacabka ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim (Muudeey). Sidoo kale kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 143 xildhibaan, kuwaasi oo xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka. Dhinaca kale Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaiya Cabdiweli Cali Xasan ayaa lagu dhaariyay kulanka guud ee golaha oo hada si toos ah kaga socda xarunta Golaha shacabka ee Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Abaal Marino iyo hadiyado dhiirigelina Guddoonsiiyey Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Laftagareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiirada Maamulladaasi ee qaybta ka ahaa madaxdii Soomaaliyeed ee shirka wada-tashiga Caasimadda Puntland ee Garoowe kaga qaybgashay. Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa abaalmarino dhiirigelina guddoonsiiyey Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, kuwaasi oo si hagar la’aan ah ula shaqeeyey isaga iyo weftigiisa muddadii ay Garoowe ku sugnayeen. Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa weftiga labada Madaxweyne ku bogaadiyey shaqooyinka muhiim ka ah ee…
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike pence ayaa sheegay Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Congress-ka iney boos ku lahayn ka sii mid ahaanshaha guddiga joogtada ee arrimaha dibadda aqalka Congress-ka. Warkan oo aan ka soo xigannay wargeyska Jerusalem Post ayaa sheegay inuu Mr Mike Pence uu hadalkaasi ka sheegay mar uu wareysi la yeeshay Telefishiinka Fox News. “Mareykanka iyo Israa’il waxaa ka dhaxeeyo iskaashi soo jireen ah, marka cid kasta oo isku dayeyso iney carqaladeyso xiriirka soo jireenka ee labada dhinac ka dhaxeeya boos ugama bannaana inuu ka sii mid ahaado guddiga joogtada ee arrimaha dibadda ee Congres-ka.” ayuu yiri…
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay, tobaneeyo kalena wey ku dhaawacmeen shil gaari oo waaberigii hore ee saaakayto oo Isniin ah ka dhacay Tuulladda Tula oo u dhexeysa Degmooyinka Bangal iyo Garissa ee W/bari ee dalkaasi. Bas ay la socdeen in ka badan 60-qof, kana soo ambabaxay xalay Degmadda Wajeer ayaa la sheegay inuu ku dhacay Gaari Tareel oo waday shixnad shamiinto ah, wuxuuna burbur xooggan ka soo gaaray daaqadaha iyo saqafka sare ee baska. 8 ka mid ah dadka ku geeriyooday shilkaasi waxay la socdeen Baska, halka 3 kalena la socdeen gaariga Tareelka. Dadka ku dhawaacmay shilkaasi waxaa loo qaaday Isvitaalka Guud ee Garissa…