Author: Jibril Qoobey

Askar ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay maalintii Sabtida ee la soo dhafaay isku dileen Xarunta Dhexe ee Hawlgalka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Aadan Cadde ee magaalladdan Muqdisho. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya tirada guud ee Askartaas is-toogtay, iyadoo wararka Loo-qaateenka ah muujinayso inay is-dileen 2 ilaa 4 Askar u dhalatay dalka Uganda. Taliska Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ayaa baaraya dhacdadaasi, iyadoo mid ka mid ah Askartooda loo soo daad-gureeyey Somalia uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan Maamulkiisa, ka hor inta uusan Askariga is-dilin. Ilo-wareed…

Read More

War-murtiyeedka ayay soo sasreen Dowladahs Puntland, Koonfur-galbeed iyo Hirshabeelle oo caawa Garoowe shir iskaashi ku yeeshay. Warmurtiyeedka,ayaa waxaa ka mid ah qodobadiisa,,, 1.Saddexda maamul waxay isku afgarteen, xoojinta Soomaaliya oo federaal ah. 2.Dhameystirka ka shaqeynta arrimaha federaaleynta Soomaaliya. 3.Saddexda Maamul waxay yeelanayaan iskaashi balaadhan. 4.Saddexda maamul waxay iskaashi ka yeelanayaan dhanka amniga iyo isweydaarsiga xogaha amniga. 5.Puntland waxay diyaar u tahay taageerada maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed. 6.Shirka saddexda maamul waxay taageereen war-murtiyeedkii wasiirrada qorsheynta ee dhawaan Garoowe ka dhacay. 7.Shirku wuxuu taageerayaa war-murtiyeedka wasaaradaha maaliyadda ee maamullada ee ku saabsan qaadacadda sharciga cashuuraha. Halkan hoose ka akhriso:- Halkan ka daawo…

Read More

Wasaaraddaha Maaliyada ee Dowladdaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waxay Samaysteen gole iskaashi. Wasaaradaha Maaliyadaha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa soo saaray war-murtiyeed ay ku eedanayaan Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Dhexe. Iskaashiga Wasaaradaha Maaliyada ee xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa si cad uga hor-yimid Xeerka Canshuuraha Dalka ee Wasiirka Maaliyadda DFS uu horgeeyey Golaha Baarlaamaanka Fadaraalka Soomaaliya. Halkan ka akhriso warmurtiyeedka:- Jibril Qoobey.

Read More

MD Farmaajo saacada geeska Africa markay ahayd, 14:00,ayuu Muqdisho kasoo degey. 14:20 Waxaa shir Albaabadu u xiranyihiin VIP-da garoonka kula galay. Wakiilada beesha caalamka ee kala ah:- 1-Safiirka Mareykanka. 2- Safiirka Ingiriiska. 3-kusimaha ergeyga Qaramada Midoobey. 4- Wakiilka Midowga Yurub. Illa hadda shirku wuu socdaa,waxaana qaybta VIP-da ee garoonka Aadan-cade Muqdisho laga saaray dhamaan Dadkii kaloo idil oo ay ku jiraan masuuliyiinta kale ee Dowlada Fadaraalka ah. Jibril qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garowe, kaddib markii uu guul-darraystay shirkii wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah. Madaxweyne Farmaajo oo muddo toddobaad ah ku sugnaa Garoowe waxaa sagootiyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni , madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland. Garowe shalay waxaa ka dhoofay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo laga gaaray wad-hadallo ku dhawaad toddobaad qaatay ee ka socday Garowe,. Madaxweynayaasha Jubaland iyo Galmudug,ayaa eeda faashilka shirka dusha ka saaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra”isalwasaare…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,ayaa umagacaabay Afhayeenka madaxtooyada Jaamac Dabaraani oo ka mid ahaa wariyayaasha Garowe ka hawlgala. Afhayeenka Madaxtooyada Puntland waxaa horay u ahaa Cabdulaahi Quraan-jecel oo hada ku sugan dalka Turkiga. Jaamac Dabaraani ayay dad badzni u arkaan shaqsi aan buuxin karin booskaas.

Read More

Shir ay Magalada Hargeysa ku yeesheen maanta guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada maamulka Somaliland, ayaa waxay ku diideen in xasanaanadda laga qaado xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland. Guddiga ayaa xeer-ilaalinta Somaliland waxay u soo gudbisay in xasaanadda lagala laabto xildhibaanka, balse guddiga ayaa dalabkaas ka biya-diiday, isla markaana dalbaday in xildhibaanka xorriyadiisa dib loogu soo celiyo. Sidoo kale, guddiga ayaa ammaanay go’aankii uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi-jeex uu ku diiday inuu qaado dacwada xildhibaan Dhakool, isagoo xusay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin. Mudane Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah…

Read More

Dowladda Kenya ayaa markii ugu horreysay sharraxaad ka bixisay sababtii ay u joojiyeen duullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iaga goosi jiray, iyadoo ku sheegtay inay la xiriirto arrimo ammaan. Agaasimaha hay’ada duullimaadka rayidka ah ee Kenya, Gilbert Kibe ayaa ku sheegay sababta oo joojiyay duullimaadkii tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi arrimo la xiriira amniga. Gilbert oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in duulimaadyadaas la hakiyay illaa horraanta bisha Ogoosto ee sannadkan 2019-ka, intaas wixii ka dambeeyana dib u eegis lagu sameyn doono, si looga gaaro go’aan ah in dib loo bilaabo duulimaadyadii tooska ahaa iyo in…

Read More

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya juga qarax laga maqlay Xaafado ka tirsan Gobolka Banaadir,kaasi oo ka dhacay Isgoyska KM 4 ee Magaalada Muqdisho. Qaraxaasi ayaa waxaa lagu xiray Gaari nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan,isla markaana waxaa uu qarxay xili uu marayay agagaarka Isgoyska KM 4,waxaana ka soo baxaya warar duwan. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhaawacmay Nin saarnaa gaariga qarxay,waxaana loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaad eek u yaalla Magaalada Muqdisho. Wararka qaar ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ninkaas ku dhaawacmay qaraxa uu ahaa Turki,kaasi oo Muqdisho u joogay…

Read More

Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxay sheegeen inay 8 qof oo hubeysan ku dileen Hawlgal ka dhacay Gobalka Al-qatif ee Bariga dalkaasi. Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi ka dhacay Jesiiradda Taruut oo ku taalla meel ka baxsan magaallada Qatif, lana beegsaday koox cusub oo Argagixiso oo halkaas lagu asaasay, waa sida hadalka loo dhigay. Dableyda la dilay waxaa la sheegay inay qorsheynayeen inay weeraro qorsheysan ku qaadaan Xarumaha Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addo kale.

Read More

Waxaa la soo warinayaa in qaraxyo waa weyn laga maqlay Dekedda magaalladda Fujayrah ee dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana ay gubanayaan haamaha shidaalka ee yaallay dekeddaasi. Dhowr ka tirsan Warbaahinta dalkaasi ayaa qoray in ” diyaraadaha Dagaalka ee Maraykanka iyo Faransiiska dul heehaabayeen Dekedda markii uu dabka ka kacay ” . Ma kala cadda waxa xaqiiqdii sababay shilkaasi, waxayna warar dheeraad ah sheegayaan inuu qaraxu dhacay, kadib, markii ay dab qabsadeen ugu yaraan 7 Haamaha Shidaalka. Ilaa haatan, Dowladda dalka Imaaraadka Carabta wax hadal ah kama soo saarin shilkaasi, mana jiraan faahfaahino ku aadan khasaaraha suurto-galka ah.

Read More

Waxa maanta magaalada Addis Ababa lagu shaaciyey midowga 7-Xisbi oo la magac baxay “Ethiopia Peoples Citizens for Social Justice.” Tiro dhan1200 oo xildhibaan oo kakala yimid in ka badan 300 oo degmo ayaa codeeyey – 900 in kabadan ayaa Dr. Burhanu Nega u doortay in uu noqdo gudoomiyaha. Waxaa xisbigan cusub isku diyaarin doonaa doorashooyinka 2020. Waxaa baratami doona EPRDF vs. Juctice Party. Mabaadii culus,ayaa lagu dagaalamidoonaa. Hadaba helkey talada Soomaalidu taalaa? Beryahan waxa loo durbaan tumaayey Qabiil cusub oo layidhaa “Kushitig” people. Waa xulifaysi la rabo in laga dhex abuuro Oromoda awooda heshay iyo Dawlad Deegaanka cusub ee Soomaalida.…

Read More

Waxaan hada dhagaystay war saxafaaded (Press Conference) uu MW Axmed Madobe dhameeyey. Fashilka ku yimid shirka Garowe waxa MW Axmed Madobe dusha ka saaray madaxda Villa Soomaaliya. Waxa uu aad ugu canaantay Farmaajo iyo Khayre in ay dumin rabaan nidaamka federaalka (waxbaa ka jira arintaas). Waxa kale uu sheegay in Villa Soomaliya isku daydo in ay dagaal iyo qalalaso ama sabotage ka wado Jubbaland (wax baa ka jira arintaas). Waxa kale uu dhaliilalay sida foosha xun ay Villa Soomaaliya ula dhaqanto mar kasta oo wada xaajood la iskugu yimaadaa. Waxa uu yidhi, “had iyo jeer waxay yidhaahdaan goa”aan idin masiin…

Read More

Shirkii garowe ka socday mudada ku dhow todobaadka sidii la filayay waxba kama soo bixin. Qolyo ka tirsan Xukuumada Fadaraalka ah oo iskugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro,ayaa isku dayay in ay fashilka wax huwiyaan oo la soo saaro waxuun lagu sheegayo warmurtiyeed iyagoo udaynaynaya Farmaajo iyo Khayre,balse waxaa iska diiday soo jeedintaas sidaan xogta ku helnay Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraaliga ah. Shirkan iyo ceebtiisa looma sina,waxaana qaadatay Dowlada Dhexe. Waxay danaynayeen in ay Xaaf afartiisa sano meesha laga saaro,balse wayu suurtoobi wayday oo Xaaf waa sii adkaystay. Waxay isku dayeen doorashada Jubaland ee soo socota in ay…

Read More

Waxaa soo baxaya walaac ay qabaan shacabka dalka Kenya kadib markii labadii toddobaad ee la soo dhaafay aan Madaxweyne Uhuru Kenyatta lagu arag meel fagaare ah. Uhuru Kenyatta ayaa makii ugu dambeysay waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha, waxaana baraha bulshada ay adeegsadaan shacabka Kenya hareeyay baafin ku saabsan halka uu ku dambeeyay Madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxaa lagu daabacay baraha bulshada baafin lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Uhuru Kenyatta, iyadoo la soo daabacay #FindPresidentUhuru, mana ahan wax hore loogaga bartay Uhuru Kenyatta in laga waayo meel fagaare ah.

Read More

Gudoomiyaha Maxkamadda Derajada Koowaad ee degmada Garowe ayaa Shiikh Cabdinuur ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay go’aanka maxkamadda ee ku aadan kiiskii marxuumad Caasho Ilyas. Saddex ruux oo kamid ah 10 shaqsi oo loo haystay dilkii iyo kufsigii loo gaystay Caasho Ilyaas ayaa lagu xukumay dil toogasho oo dowladda Puntland ay fulinayso. Cabdifataax Cabdirahman Warsame 24 sano jir, Cabdisalaan Cabdirahman Warsame 32 sano jir iyo Cabdishakuur Maxamed Dige 46 sano jir ayaa dil lagu xukum. 7 ruux ee lagu waayay kiiska kufsiga ayaa xoriyadoodii la siiyay. Goordhow la soco muqaalka xukunka. AishaIlyas.

Read More

Maxkamadda darajada 1aad ee Gobolka Nugaal ayaa saaka u fariisatey dhageysiga dacwada kiiska marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo saakay oo sabti ah dib loogu balansanaa. Dood adag,ayaa ka dhacday goobta,taaoso dhexmartay Xeer-ilaaliyaha guud iyo qareemada udoodayay eedaysanayaasha,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dowlada Kenya waxay amartay in markale lagu baaro diyaaradaha kasoo duula Muqdisho ee kusoo jeeda Nayrobi garoonka diyaaradaha ee Wajeer. Sirdoonka Kenya,ayaa ka war helay diyaarad kasoo duushay Muqdisho oo uu soo raacay Afhayeenkii hore ee Jubaland Cabdinaasir Seeraar kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee Kismaayo in lala fuulay Hub,sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedo lagu kalsoonaan karo. Seeraar oo markuu Muqdisho kasoo duulayay horay usoo kaxaystay ilaalo sadex askari ka kooban oo ku hubaysnaa sadex Buskooladood,ayaa markii uu kasoo dagay garoonka Sayid Maxamed Ee Kismaayo diiday in uu maro qaybta baarista,isla markaana dagaal kala hor…

Read More

Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed oo goordhaweyd dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay in uu ka xun yahay in aanay sidii la rabin shirarkii madaxweynayaashu u qabsoomin, wuxuu intaas ku daray in doorkan golayaasha loo daayo. “Dalka masiirkiisa waa la wadaagaa, haddii golayaasha fulintu is khilaafeen, doorkayagii ayaa hadhay, waxaan qabaa in aan dalka masiirkiisa dhinac kaliya oo madaxweynayaasha ah loo deyn,xukuumadaha waxaan leeyahay iyadoo aan ceebi jirin isu tanaasula oo danta shacabka u naxa”. Hadalka Gudoomiyaha,ayaa sii xoojinaya xantii horay ujirtay ee tilmaamaysay in uu jiro xiriir hoose oo udhaxeeya Dhoobo iyo Vila Somaliya. Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Garowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib shirkii madaxda Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada uga socday Garowe. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Gudoonka Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale iyadoo soo dhawayn kadib Madaxweynahu uu Saxaafada kula hadlay Aqalka Madaxtooyada. Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in shirkii Garowe dirada lagu saarayay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Arimaha Siyaasada iyo sidii siyaasada wadanka salka loogu…

Read More

10-Qof,ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ee Puntland. Qaraxa oo sida la sheegay ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda darajada koowaad,ayaa dadka ku dhaawacmay waxa ay u badan yihiin dad rayid ah, waxaase sidoo kale ku jira ilaalada Maxkamaddaasi. Wararka laga helayo saraakiisha amaanka oo aan la xiriirnay,ayaa sheegaya in bartilmaameedka qaraxu uu ahaa Gaariga Gudoomiyaha Maxkamada Abuukar Cabdinuur oo aan goobtaba joogin. Qaraxa,ayaa ka dhacay afaafka hore ee maxkamadda darajada koowaad,dadka ku dhaawacmay waxaa ku jira talyihii ilaalada Maxkamada iyo garoosre,waxaase inta badan khasaaruhu soo gaaray dad rayid ah oo ganacsi ku haystay…

Read More

Kulan xagga ganacsiga ah oo ay Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha ku laheeyeen Magaaladan Washington ayaa ku soo gaba-gaboobay heshii la’aan. Kulanka oo ay ka qayb galeen masuuliyiin sar sare oo labada Dowladood ka kala socda ayaa looga hadlayay sidii xal loogu heli lahaa badeecadaha kala duwan ee ay dowladda Shiinaha u soo dhoofiso dalka Maraykanka, iyo sidoo kale, sidii xal looga gaari lahaa fikradaha Maraykanku leeyahay ee ay xaddo Dowladda Shiinaha.,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in 13 xubnood oo Daacish-ta Soomaaliya ah ay ku dileen weerar dhinaca Cirka ah oo Arbacadii ka dhacday buuraleyda Golis ee gobolka Bari Puntland. Qoraal lagu daabacay Twitter-ka howlgalka Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in meelaha gantaalada lala helay ay ahaayeen goobaha ay argagixisadu ku qariso hubka, ku sameyso qaraxyada, ku tababartaan kuna abaabulaan ficiladooda wuxushnimada ah. Agaasimaha sirdoonka howlgalka Mareykanka ee Afrika Heidi Berg ayaa sheegay in duqeynta ka hor ay xogo soo siiyeen mukhaabaraadkooda, taasoo keentay in la dilo 13 dagaalyahan oo ka tirsan Kooxda Daacish. Waxa uu meesha ka…

Read More

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dowlada Fadaraalka Somaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta si rasmi ah u Daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee koonfurta iyo bartamaha Somaliya, kaasi oo ka bilowday Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn maamulada qaarkood. Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed Jaabir. Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada qaarkood,ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo sugaya amaanka xarumaha lagu galayo imtixaanaka shahaadiga ah ee Dowladdu ay qaadeyso.…

Read More

Warsaxafadeedka ka soo baxay wasaaradda Duulista iyo garoomada ee Federaalka ayaa lagu sheegay in dowlada ay ka xuntahay go’aankaasi oo ay aamisan tahay inay culays ku keenayso muwaadintii Soomaaliyeed ee u safra dalkaasi Kenya iyo Caalamka intiisa kale. Dowladda Federaalku waxay ugu baaqday dowladda Kenya in dib u fiiriso tallaabadan culayska ku ahaa ganacsiga iyo isu socodka labada shacab. Gabagabdii, Dowladda federaalka waxay warsaxafadeedka ku sheegtay inay qiimaynayso tallaabada ku haboon ay ka qaadi doonto go’aanka iyadoo xiriiro la samayn doota hay’adaha ay khusayso. Halkan ka akhriso war saxaafadeedka:-

Read More

Madaxweyne Xaaf ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha G.Maxamed Abshir kadib markii uu fashil ku idlaaday Shirkii Wadatashiga. Madaxweynihii hore ee Puntland Faroole, xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka qaranka iyo qaar kamid ah Golaha wasiirada DG Galmudug ayaa Ka sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Garowe. Halkan ka akhriso warsaxafadeedka.. Madaxweynaha oo saxaafada kula hadlay Garowe ayaa si kooban uga hadlay sababaha keenay burburka ku yimid shirka wada-tashiga DFS iyo Dowlaha xubnaha ka ah DFS, waxaana uu eedeyn u jeediyay Madaxda dowladda,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed madoobe) iyo waftigii ku wehelinayay shirka wadatashiga Garoowe ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha ee Gen Maxamed abshir ee Garoowe, isagoo u kicitamay Magaalada Kismaayo. Shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo Maamul goboleedyada oo 6dii maalmood ee u dambeeyay ka socday Garoowe ayaa fashil ku dhamaaday sida lagu sheegtay War-saxafadeed ka soo baxay maamulka Galmudug oo eedayn uu soo jeediyay Madaxda federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa maalintii shalay diiday inuu ka qaybgalo kulamadii wada-xaajoodka ahaa ee ka soconay xarunta Madaxtooyada, waxaa uu ku eedayay madaxda federaalka inay carqaladaynayaan amniga iyo xasiloonida ka jirta Jubbaland,…

Read More

Ugu yaraan afar Askari ayaa ku dhaawacmay iska hor imaad galabta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo. Iska hor-imaadka ayaa dhexmaray ciidamada amaanka Jubaland iyo ciidamo taabacsan Cabdinaasir Seeraar Maax Afhayeenkii hore ee Jubaland, haddana ka mid ah musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Jubaland. Ciidamo bastoolado ku hubaysnaa ayaa gudaha u galay garoonaka si ay u soo dhaweeyaan Cabdinaasir Seeraar oo ka yimid magaalada Muqdisho, iyadoo kadibna ciidamada ammaanka Garoonka oo doonayay inay baaraan boorsooyinka Cabdinaasir Seerar Maax ay iska caabin kala kulmeen Ciidamadiisa. Afarta qof ee dhaawacmay ayaa lagu daweynayaa Isbitaalka magaalada Kismaayo, ma jirto wax dhimasho ah oo…

Read More

Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Jubaland ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymo dhinaca cirka ah oo 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka tirsan Gobbolka Jubada Dhexe lagu dilay ilaa 18 ka tirsan maleeshiyaadka Kooxda Al-Shabaab. Maleeshiyaadka ku dhintay weerarada cirka ah ayaa la sheegay in xiligii duqeynta lala beegsanayay uu shir uga socday deegaan u dhjow degmada Jilib ee Gobbolka Jubada Dhexe. Sida ay sheegeen saraakiisha Jubaland, dadka dhintay waxaa ku jiro xubno sare oo Shabaab ah. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta dhimashada xubnaha Shabaabka. Duqeymahan ayaa saraakiishu sheegeen inay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka…

Read More

Madaxda BBC-da ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah wariyeyaasha ugu caansan shirkadda oo lagu magacaabo Danny Baker ka dib markii uu bartiisa Twitter-ka ku qoray wax loogu yeeray “hadal edeb darro ah” oo ku saabsan cunuga yar ee ay dhaleen Amiir Harry iyo Mehgan. Qoraalka, oo hadda laga tiray Twitter-ka, ayaa ku faafay baraha xiriirka bulshada waxaana uu muujinayay sawirka lamaane oo gacanta ka haya daanyeer loo labisay, waxaana uu raaciyay qoraal uu ku yidhi: “Cunuga boqortooyada wuxuu kasoo baxay isbitaalka”. Baker oo tabin jiray barnaamijyada 5Live ayaa lagu eedeeyay inuu hab cunsurinnimo ah u sheegayay asalka ay…

Read More

Shirka Wada-tashiga Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha Ka Ah DFS oo malintii 5-aad Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garowe ka socda. Madaxda oo gudanaaya waajibaadkooda shaqo ee dastuuriga ah ayaa ka tashanaya sidii looga midhadhalinlahaa wadaxaajoodka 5-tii maalmood ee u dambeeyey Puntland uga socdey. Shirkan wadatashiga ah ayaan la nooc ahayn kuwii hore ee ay yeelanjireen Madaxda Soomaaliyeed, Xukuumadda cusub ee Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cadayn u ah Wadiiqada ay u jeexday shirkani muhiim ka ah. Sidoo kale shirkani wada-tashiga ah ayaa lagu waajahayaa sidii aragti midaysan, mawqif midaysan iyo siyaasad midaysan looga yeelanlahaa horumarka Soomaaliya iyo…

Read More

Madaxda Somalida ee ku shirsan caasimada bilicda qurxoon ee Puntland,ayaa maalinkii shanaad wali ismari la’a. Ilaa iyo hada majiraan war murtiyeed si sax ah loogu heshiiyay oo la shaaciyay ama si hoose loo hadal hayo. Xogo hoose,ayaa sheegaya in madaxda Dowlada Dhexe ,gaar ahaan Ra’isalwasaare Khayre usoo jeediyay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka dhawr qodob oo u muujinayay in uu tanaasul ku saleeyay,kuwaasoo laga xusi karo… B.In Dowlada Dhexe ogolaanayso Labada Sano ee Madaxweyne Xaaf. T.In Dowlada Dhexe dib uga laabanayso sharciyadii ay Golaha Wasiirada meelmariyeen. J.In dib u eegis lagu sameeyo shirkii London ee ay ka maqnaayeen…

Read More

Xildhibaan Horre Siciid Diiriye,ayaa ku tilmaamay Shirka Garoowe mid aan waxba soo kordhinayan oo dhaan dabagaale ah. ”waxaan u arkaa Jug jug Meeshaada Joog Shirka garowe’ayuu yiri Siciid Diiriye. Sidoo kale waxuu ku tilmaamay Wax lagu qoslo fikrada ah Xamar maqaam bay ubaahan tahay gaar ah,waxuuna Siciid Diiriye khalad ku tilmaamay ka qaybgalka shirka ee Duqa Muqdisho Yariisoow,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Wasiirka wasaaradda ganacsiga,Warshada & Maalgashiga Puntland Mudane Abdullahi Abdi Hirsi oo maal-mahaan safar shaqo ku marayey dalka mareykanka ayaa wuxuu la kulmay madaxda Gobolka Minnesota. Wasiirka ganacsiga Puntland Madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ahaa:- Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Minnesota,Mr Jonathan.Weinhegan. Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Mr Tim Walz, Xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minesota Mr.Keith Ellison. Xildhibaan Mohamuud Nuur oo ka mid Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Minnesta. Madaxda Gobolka & Wasiirka waxay ka wada hadleen xariirka Gobolka Minnesota & Puntland sidii loo xoojin lahaa,la iskana kaashan lahaa arimaha ay ugu waa weyn yihiin. Siyaasadda.Arrimaha dhaqaalaha,Ammaanka Tayeynta shaqaalaha. Wasiir Abdullaahi…

Read More

Garowe,ayaa loo fadhiyaa in Somalidu isku soo dhawaato horayna usii socoto. Balse Muqdisho waxaa ka socda hadafkaas mid ka duwan oo waxaa laga hurinayaa sii kala fogaansho Somaliyed. Todobaad ka hor ayay ahayd markii lagu dhawaaqay shirka Garowe,waxaana durba diiba bilowday qabanqaabadiisii. Khayre oo usoo socdaalaya Garowe si uu uga qaybgalo shirka,ayaa Golaha Wasiirada Dowlada Dhexe horkeenay sharciyo uu ku sheegay doorashooyinka iyo Batroolka. Golaha Wasiirada ee aan Wax badan ka diidi karin Khayre,ayaa si fudud u ansixiyay sharciyada uu watay,waxuuna horay ugu soo qaatay waraaqihii sharciyadaas. Durbadiiba waxaa ganafka ku dhufay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo ku…

Read More

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee maamulka Galmudug,Cabdishakuur Al -Badri oo warbaahinta kula hadlay magaalada xarunta ah ee Dhuusamareeb ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in guddiga lakala diro, isagoo marka ugu baaqay shirkadaha loo tartansiinayo inay xujeyda qaadan inaysan qeyb ka noqon, maaddama ayuu yiri aan loo dhammeyn. Wasiir Al-Badri ayaa sidoo kale wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee Dowladda Dhexe ka codsaday in ay Galmudug u madax bannaaneyso qoondada ay ku leedahay Xajka,iyadoo la qorsheynayo 1,500 oo xujey ah in ay sannadkan ka baxaan Soomaaliya oo ayq ayb ka yihiin Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. “Soomaaliya uma baana anaa iri,…

Read More

Maalin ka hor ayay ahayd markii ay soo baxday xog hordhac ah oo sheegaysay in uu jiro is afgarad dhexmaray madaxda Somalida ee ku shirsan Garowe. Qodobada xogta hordhaca ahayd ay sheegaysay,ayaa waxay kala ahaayeen… 1.In dib loogu laabto Xeerkii doorashooyinka iyo Batroolka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha Wasiirada Dowlada Dhexe.2.In Madaxweynaha GALMUDUG Axmed Ducaale Geele Xaaf loogu daro mudo hal snao ah xilhayntiisa.3. In dib loosoo cesho golihii iskaashiga Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah.4.In si wadajir ah loola dagaalamo argagixisada.5.In dib loo bilaabo Wadaxaajoodkii Somaliland iyo Dowlada Dhexe. Balse is afgaradkaas dib,ayuu ufashilmay kadib markii Ra’isalwasaare Khayre…

Read More

Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain ee New Age (African Global Energy Ltd) iney deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya ka heshay keyd gaaska dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet. Wasiiru dowlaha wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Ethiopia Guang Tulam oo u warramay wargeyska The Reporter oo ka mid ah wargeysyada gaarka loo leeyahay ee ugu afka dheer dalka Itoobiya ayaa sheegay iney shirkadda baaritaan muddo wadday ay ku heshay keyd gaaska dabiiciga oo garaya 1.6 Trillion laga helay Deegaanka Hala-quraan.”Hadda waxaan ka shaqeyneynaa sidii…

Read More

Isbitaalkii Guud ee Degmada Xarfo,ayaa xariga laga Jaray waxaana uu ka kooban yahay Goobo Bukaan iyo kuwo Ganacsi. Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka oo xarigga ka jaray.ayaa bogaadiyay isku tashiga bulshada Xarfo. “Waxay ii tahay sharaf iyo wakhti dahabi ah in aan ka qayb galo furitaanka xarunta caafimaadka ee degmada Xarfo ee gobolka Mudug Puntland”. Hay’ada Wold vision, shacabka degmada Xarfo iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland (MOH),ayaa hirgalinta isbitaalkan iska kaashatay,waana markii ugu horaysay oo Xarfo yeelatay Isbitaal. Dhismayaasha isbitaalku ka kooban yahay,ayaa kala ah 18-Qol, 4 -Suuli, meel Baabuurta la dhigto iyo Maqaaxi. Isbitaalka cusub ee Degmada,ayaa ah mid baahi…

Read More

Magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka soconayaa Shirka wadatashiga madaxda Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Shirkan oo ahaa kii ugu xasaasinaa ee madaxda Somalida dhexmara,ayaa waxay xaqiijinaysaa xog hordhac ah oo aan helayno in laysku afgartay dhawr qodob oo muhiim ah,kuwaasoo kala ah:-. 1.In dib loogu laabto Xeerkii doorashooyinka iyo Batroolka ee ay dhawaan ansixiyeen golaha Wasiirada Dowlada Dhexe. 2.In Madaxweynaha GALMUDUG Axmed Ducaale Geele Xaaf loogu daro mudo hal snao ah xilhayntiisa. 3. In dib loosoo cesho golihii iskaashiga Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah. 4.In si wadajir ah loola dagaalamo…

Read More

Magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maalintii saddexaad ka soconayaa Shirka wadatashiga madaxda Dowlada dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka. Shirkan oo ahaa kii ugu xasaasinaa ee madaxdan dhexmara,ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin:- B.Doorashooyinka T.Dastuurka, J.Qeybsiga Kheyraadka X.Arrimaha Awood qeybsiga. Madaxda,ayaa xalay xili danbe ku gaaray shirka ay ku lahaayeen Villa-Puntland, hase yeeshee ma jiro wax war oo ka soo baxay madaxda shirka. Wararka qaarkood oo laga helayo shirka,ayaa muujinaya in madaxdu ay ku kala aragti duwan yihiin qodobada asaasiga ah ee laga doodayo sida hanaanka doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Fadaraalka ee 2021-ka. Xeerka Doorashaooyinka…

Read More

Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa shirkiisii labaad ee sanadkan 2019-ka ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland, kaas oo furmay Maajo 5, 2019 socdayna illaa Maajo 7, 2019. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: Geeddi-socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyadaha ka soo baxay wareeggi 1-aad ee wadatashiga QHQ 9aadHannaanka iyo qaab-dhismeedka naqshadda deeqaha “Aid Architecture”Mashruuca ILED oo dalka ka dhaqan-geli doona dhawaan;Waajibaadka iyo qaab-dhismeedka Xafiiska la socodka Mashaariicda Midowga Yurub (NAO) ee dalka ka socda;Go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ay dalka usoo guuraan.Xaaladda abaaraha…

Read More

Kulan loo qaban lahaa Madaxweyne Farmaajo oo uu rabey in bulshada Garowe kula hadlo,ayaa baaqdey kadib markii uu gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha booliiska gobolku ay hoteelkii ay xafladu ka dhici lahayd ku wargaliyeen inaysan xafladaas dhici karin. Sida la xaqiijiyey amarka joojinta,ayaa kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sheegey in uusan Farmaajo ka codsan kuna wargalinin la kulanka shacabka Garowe sidaas darteedna kulan aysan Dowlada Puntland ogeyn uusan ka dhici karin Garowe. Dhanka kale waxaa dhankooda ka hadlay xaruntii soo abaabushay kulankan la baajiyay ee Center of Policy Alternatives,taasoo sheegtay in wakhtiga oo ciriiri noqday awgeeed loo…

Read More

The tender and selection process will be transparent SINCE MEMBERS FROM UN AND INTERNATIONAL NGOs WILL BE PART OF THE SELECTION PANEL” War-qadaan waxay kasoo baxdey Wasaarada Amniga, xafiiska agaasimaha guud waxayna warqadu cadaynaysaa hawsha loo balamey iney hufnaan doonto maadaama ay guddiga qandaraaska ay ka mid noqon doonaan xubno ka socda UN-ka & Hay’adaha Caalamiga ah. Jumladaas waxay ceeb ku tahay hab-qoraalka wasaaradaas iney qirtey Hadaan cid kale wax la hubin ineysan hufnaan doonin. Ujeedka warqadan loosoo saaray,ayaa ah in la diiwaangaliyo Waardiyeyaasha hay’adaha iyo Shirkadaha u shaqeeya.

Read More