Author: Jibril Qoobey

Golaha Horumarinta Qaranka (GHQ) ayaa shirkiisii labaad ee sanadkan 2019-ka ku yeeshay magaalada Garoowe ee xarunta Dowladda Puntland, kaas oo furmay Maajo 5, 2019 socdayna illaa Maajo 7, 2019. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: Geeddi-socodka Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo ahmiyadaha ka soo baxay wareeggi 1-aad ee wadatashiga QHQ 9aadHannaanka iyo qaab-dhismeedka naqshadda deeqaha “Aid Architecture”Mashruuca ILED oo dalka ka dhaqan-geli doona dhawaan;Waajibaadka iyo qaab-dhismeedka Xafiiska la socodka Mashaariicda Midowga Yurub (NAO) ee dalka ka socda;Go’aankii Xukuumadda ee ku aaddanaa in hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn ay dalka usoo guuraan.Xaaladda abaaraha…

Read More

Kulan loo qaban lahaa Madaxweyne Farmaajo oo uu rabey in bulshada Garowe kula hadlo,ayaa baaqdey kadib markii uu gudoomiyaha gobolka Nugaal iyo Taliyaha booliiska gobolku ay hoteelkii ay xafladu ka dhici lahayd ku wargaliyeen inaysan xafladaas dhici karin. Sida la xaqiijiyey amarka joojinta,ayaa kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sheegey in uusan Farmaajo ka codsan kuna wargalinin la kulanka shacabka Garowe sidaas darteedna kulan aysan Dowlada Puntland ogeyn uusan ka dhici karin Garowe. Dhanka kale waxaa dhankooda ka hadlay xaruntii soo abaabushay kulankan la baajiyay ee Center of Policy Alternatives,taasoo sheegtay in wakhtiga oo ciriiri noqday awgeeed loo…

Read More

The tender and selection process will be transparent SINCE MEMBERS FROM UN AND INTERNATIONAL NGOs WILL BE PART OF THE SELECTION PANEL” War-qadaan waxay kasoo baxdey Wasaarada Amniga, xafiiska agaasimaha guud waxayna warqadu cadaynaysaa hawsha loo balamey iney hufnaan doonto maadaama ay guddiga qandaraaska ay ka mid noqon doonaan xubno ka socda UN-ka & Hay’adaha Caalamiga ah. Jumladaas waxay ceeb ku tahay hab-qoraalka wasaaradaas iney qirtey Hadaan cid kale wax la hubin ineysan hufnaan doonin. Ujeedka warqadan loosoo saaray,ayaa ah in la diiwaangaliyo Waardiyeyaasha hay’adaha iyo Shirkadaha u shaqeeya.

Read More

Duqeynta oo sida la sheegay lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish ayaa lagu garaacay buuraha Isha Gaaca iyo Moqor qiyaastii 75-km dhanka Bari ka xiga magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Balse waxaan weli faahfaahin laga helin in khasaare ka dhashay duqeyntaasi iyo haddii uu ka dhashay inta uu le’egyahay midna. Duqeynta,ayaa ku soo beegmatay iyadoo halkaasi ay maalmihii u danbeeyay hawlgallo xiriir ah ka wadeen ciidanka PSF ee dowladda Puntland oo dagaal kula jira kooxaha argagixisada ah ee Daacish iyo Al-shabaab.

Read More

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii ugu horeeyay ee Maamulka Galmudug iyo aas-aasihii Maamulkaas Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko. Marxuumka ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanayay dalka Kenya, waxaana uu xalay saacada marka ay aheyd 4:30 uu geeriyooday, sida ay xaqiijiyeen eheladiisa. Waxaa uu door weyn ku lahaa dhismihii Maamulka Galmudug oo sanadkii 2007-dii ka hana-qaaday Koofurta Gaalkacyo. Amb. Maxamed Warsame Kiimiko ayaa soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobey, xilligii dowladdii Milateriga, sidoo kale waxaa uu soo noqday Safiir dalalka Faransiiska iyo Mareykanka. Waxaa uu La Taliye sare…

Read More

Nidaam xumadii ugu weynayd ee ka dhacda soo dhaweyntii madaxdii kasoo qaybgalaysay shirka Garowe maalmo ka hor,ayaa noqotay muqaalkan aad hoos ka daawan kartaan. Ra’isalwasaare Khayre ooo si baratakool xuma ah u hor socda Madaxweynaha Fadaraalka iyo Madaxweynaha Puntland. Madaxweyne Deni oo lahaa soo dhaweynta martina loo ahaa ayay ahayd in uu halkaas istaago,balse Khayre oo umuuqda in uusan cidna la haysan,ayaa ciriirsaday. Waxaa muuqaalku ku tusinayaa ,iyadoo saraakiisha baratakoolku tilmaamayaan Khayre una sheegayaan in uu booskiisa siiyo Madaxweyne Deni isaguna gadaal maro,balse si kadisa ah waxaa si xushmad ku dheehan tahay udiiday Madaxweyne Deni oo yiri sii wado hawshaada…

Read More

Madaxweyne Farmaajo ,ayaa shir gudoominaya waxaana qayb ka ah Ra’isalwasaare Khayre iyo Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah. Shirkan oo ka duwan shirarkii hore ,ayaa shalay si rasmi ah ufurmay,waxuuna socday xalay ilaa xili danbe mana jirin xogo dheeriya oo laga helayay,marka laga saaro warar aan lagu kalsoonaan karin. Galabta,ayay ubadan tahay in Saxaafada war la siiyo.hadii uu soo gabagaboobo,hadii kalena ilaa beri in la isla gaaro ,ayaa dhici karta sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka agdhow shirka. Jibril Qoobey.

Read More

”#Somalia moves forward as Somali President today chaired a consultative meeting with leaders from regions. Discussions include key priorities of the country such as holding one person one vote elections by 2021”. Hadalka Yariisoow,ayaa Somali ahaan noqonaya,sida tan.. ”Somaliya horay ayay usocotaa,Madaxweynaha Somaliya,maanta(5,May 2019),ayaa shir gudoomiyay shir wadatashi ah oo uu la yeeshay Gobolada,wadahadalada waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mida arimaha ugu waa weyn,sida qabashada doorasho qof iyo hal cod ah 2021”ayuu Yariisoow ku yiri Qoraalka usoo dhigay bartiisa Twitter-ka uu ku leeyahay. Hadii Yariisoow isagu matalayo Gobolka Banaadir madaxda kale waxay matalayaan Gobolo isku tagay oo noqday Dowlado,isla markaana…

Read More

Dowladda Puntland iyo Culimada kala duwan ee Degaanada Puntland ayaa si wada u iclaamiyey in Malinta beri ah ay tahay soon,Waxaana gobta iclaaminta ka hadalay Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland iyo Qar kamid Culimada ugu waa weyn Puntland. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dagaalyahannada ururka Hamas ee maamula magaalada Gaza ayaa Axadda maanta ah gantaallo kale ku ganay dhinaca Israil, iyadoo ciidanka Israel-na ay ku jawaabeen duqeymo cirka ah. Duqeymaha ay tan iyo Sabtidi shalay is weydaarsanayaan labada dhinac ahaa ka dhigan inuu burburay heshiiskii xabad joojinta ee u dhaxeeyay xamas iyo Israel. Waxaana hadda laga cabsi qabaa in dagaalka labada dhinac uu sii xoogeysto.Ra’isulwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa maanta sheegay inuu ciidankiisa ku amray in ay sii wadaan duqeymaha dhinaca cirka iyo dhulka ah ee ay ku beegsanayaan Xamas. Waxaa kale oo uu amray in taangiyada Israel la geeyo xadka magaalada Gaza…

Read More

Turkiga ayaa maanta sheegay in aysan ka laaban doonin go’aanka ay Ruushka uga soo iibsanayaan gantaalka casriga ah ee S-400, xittii haddii uu Mareykanka kusoo rogo cuna-qabateyn. Washington ayaa uga digtay xukuumadda Ankara in aysan suurtagal aheyn in gantaallada Ruushka ee S-400 ee tiknoolijiga ku shaqeeya iyo diyaaradaha Mareykanka uu soo saaro ee F-35 ee ay horay uga iibiyeen Turkiga aysan hal meel isla gali karin, sababo la xiriira khatar ku imaan karta nidaamka difaaca dalalka reer Galbeedka. Mareykanka wuxuu sheegay in uu hakin doono heshiiska uu Turkiga uga iibinayo ilaa iyo 100 diyaaradood oo ah nuuca F-35 ee dagaalka,…

Read More

Wasaarada Diinta iyo awqaafta iyo Culumada oo isku afgartay in laga wada shaqeeyo sidii halmarna loo soomi lahaaa halmaran loo afuri lahaa. Wixii khilaaf ah ama koox ku salaysan dhinac layska dhigo diintana waxay qabto lagu dhaqmo. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidiii aadaanka salaadaha loo mideyn lahaa,gaar ahaan Aadaanka waqtiga Afurka ee qolana markay doonto aysan adimin. Guud ahaan arimihii ay kawada xaajoodeen Wasaarada iyo Imaamyadu way isku afgarteen,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Madaxda hada ayay qado usoo baxeen,kadib waa isku laabanayaan qadada kadib. Galabta,ayaa la filayaa in ay soo baxaan xogaha ugu horeeya ee wada xaajoodka. Waxaa xusid mudan in Madaxda Dowlada Dhexe ay ka cudurdaarteen in la sameeyo Xaflad furitaan,waxaana loo malaynayaa in ay ka baqeen khudbadaha madaxda kale ee lagu dhaliilayo iyaga. Xogaha ugu danbeeya la soco mar walba. Jibril Qoobey.

Read More

Waxaa goor dhoweyd ka bilowday kulamo xasaasi ah oo u dhexeeya madaxda Dowladda Fadaraalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah loogana arrinsanayo xaaladda guud ee dalka iyo sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen hogaamayaasha Somalida. Shirka waxaa Furay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana qayb ka ahaa, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan. Shirkani oo ay Martigelisey Dowladda…

Read More

Waxaa goor dhawyd soo degay Madaxweynaha Dowlada Fadaraaliga ah ee Somaliya Maxamed Farmaajo iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo. Garoonka diyaaradaha caasimada waxaa kaga hor tagay oo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo qaar kamid ah masuuliyiinta labada gole ee Xukuumada. Maalinka beri ah,ayaa la filayaa in uu si rasmi ah ufurmo shirka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Dowlada dhexe.,hoos ka daawo muuqaalka.

Read More

Maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay buriyay ama laalay heshiis maamulkii ka horreeyay ee madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar uu la galay maamulka gobolka Canfarta ee dalkaasi. Heshiiskaasi oo xilligaasi ay taageeraysay dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ayaa deegaanada Cadhuufo, Caddeeyto iyo Garbo-Ciise oo ka tirsanaan jiray dhulka Soomaalida Itoobiya waxaa lagu hoos geeyay maamulka Canfarta balse tan iyo xilligaasi waxaa dhacayay rabshado u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta. Waxaase xaaladda uga sii daray rabshado dhawaan halkaasi ka dhacay oo lagu laayay ilaa 11 qof oo Soomaali ah laguna dhaawacay ilaa afar kale. Rabshadahaasi ayaa sababay in golaha wasiirrada maamulka…

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa daah-furay Shirka Dejinta Qorshaha, Hirgelinta Siyaasadda iyo Horumarinta Dhallinyarada Puntland. “Waa shir muhiim u ah Puntland ,waxaa la isku waafaqsan yahay tirada badan ee dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland 70% wax ka badan inay dhallinyaro yihiin, marka dowladda Puntland waxaa ka shaqaynaysa 70% waa dhalinyaro, dowladdu iyagay ka shaqaynaysaa horumarkooda iyo Mustaqbalkooda. “Waxaad ogtihiin waxyaaba ugu waa wayn ee Puntland ku faanayso oo amniga ah cidda hayso waa dhalinyaro. Ciidamadeena waa dhallinyaro, shaqaaleheeda waa dhalinyaro, xarumaha wax soo saarka ka shaqeeya waa dhallinyaro, kuwa Kalluunka iyo Khayraadka ka shaqayn waa dhalinyaro, dadkoo…

Read More

Arrintan ayaa ku soo beegmeyso iyadoo dagaallo dad badani ku dhinteen ay galbeedka Itoobiya ku dhex mareen dabley ka tirsan qowmiyadaha Amxaarada iyo Benishangul Gumuz, waxaana saraakiisha dowladda Itoobiya ay uga digeen dadka in ay weerarro kale oo aargoosi ah qaadaan. Weerarkii ugu dambeeyey ee lagu laayey dad ka tirsan qowmiyadda Benishangul Gumuz ayuu sarkaal tirsan dowladda waxa uu ku tilmaamay xasuuq. Dalka Itoobiya waxaa in dhawaale ka jiray isku dhacyo u dhaxeeya qowmiaydaha dalkaasi, waxaana isku dhacyadaasi loo aaneynayaa is-qabqabsi dhanka xudduudaha ah. Horey ayaa waxa ay dagaallo dhex mareen qowmiyadaha Soomalaida iyo Oromada, kuwaasi oo isku haystay lahaanshaha…

Read More

In the latest strings of attack against ethnic Amhara, at least 18 people were killed in Benihsangul Gumuz region of Ethiopia in the western part of the country on Monday this week. Many of them were killed with arrows. The killings came after ethnic Gumuz and Shinasha launched organized attack and the violence has been going on for three days without prompt intervention to control it. Today, residents of many towns in Amhara regional state took to the street to demonstrate against killings and displacement of ethnic Amhara people in different parts of the country including in Benishangul Gumuz. In…

Read More

Madaxweynaha Maamulka GALMUDUG Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa soo gaaray Garowe goor dhawayd. Garoonka diyaaradaha ee caasimada bilicda badan ee Jeneral Maxamed Abshir,waxaa kaga hor tagay Madaxweyne Deni iyo xubno kale oo ka mid Dowlada Puntland.

Read More

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,iyo labadiisa ku-xigeen. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay iney soo xaadiraan Kulanka Golaha Shacabka. Kulanka markii uu furmay ayaa loo dhaariyay Kuraasta Golaha Shacabka Saddex Xildhibaan Cusub oo kala ah. 1Nuur Siidow Baaba. 2 Cali Sheekh Cabdullaahi. 3 Cali Cadow Maxamed. Waxaana hadda loo gudbiyay Codeynta labada Kuris ee ka banaan Guddiga la socodka iyo dib u eegista Dastuurka.

Read More

Waxaa ilaa Sabtida dambe dib loo dhigay dhegaysiga eedaymihii loo haystay 10 nin oo loo haysto dilkii iyo kufsigii AUN Marxuumad Caaisha Ilyaas Aadan oo lagu diley magaalada Galkacyo. Arrintaan ayaa waxaa loo sababeeyey in garabka eedaysanayaashu ay dalbadeen inay waraysiyo dheeraad ah la soo yeeshaan dadka eedaymaha loo haysto ee maxkamadda maanta la horkeenay. In Maxkamad la horkeeno eedaysanayaashii Kufsiga iyo Dilka Caa’isha Ilyaas shacabka Puntland ee markii hore ka niyad jabsanaa siday wax usocdeen ayay u tahay talaabo ay ku farxeen. Madaxweyne Deni,ayaa maalin ka hor sheegay in Sabtida Maxkamad la horkeenayo Ragii loo haystay Kiiska Caa’isha,hoos ka…

Read More

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre,ayaa soo gaaray caasimada Puntland ee Garowe,waxaana ku soo dhaweeyay garoonak madaxweynaha Puntland, ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan golayaasha kale ee xukuumadda. “Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS” ayuu yiri madaxweynaha Puntland. Waxaa…

Read More

Dowladda Puntland,ayaa soo saartay War-saxaafadeed ay si cad uga soo horjeensatay go’aanada aan waafaqsanayn Dastuurka kumeel gaar ah ee Dalka. Wax ka badalka xeerka Batroolka Dalka iyo ansixinta xeerka lagu sheegay kan doorashooyinka Dalka ayay Xukuumada Puntland ganafks ku dhufatay. Golaha Wasiirada Dowlada Fadaraalka ayaa maanta ansixiyey xeerar aan laysku waafaqsanayn. Maamulada kale ee Dalka,ayaa la filayaa in ay itaguna qaataan go”aanka Puntland mid la mid ah. Halkan ka akhriso warqada:- Jibril Qoobey.

Read More

Cilladaha sharciga doorashooyinka ee Golaha xukuumadda Federaalku ansixisay:- Sharcigani wuxuu si cad u jidaynayaa nidaamka qabaliga ah ee awood-qaybsiga (legally binding 4.5 power sharing system) kaas oo kahorjeeda dastuurka Federaalka. Eeg Qodobka 12-aad farqadaha 1,2,3.Wuxuu soo saarayaa xildhibaan aan dadku toos u dooran oo aan metelin degmo, gobol iyo maamul-goboleed midna ee kusoo baxaya waxa loogu yeeray single constituency oo toos uga hor imanaysa nidaamka federaalka ee daadejinta awoodaha.Wuxuu iridka u furayaa muddo-kororsi xukuumadda joogta marka xilkeedu Dhamaado. Eeg Qodobka 54-aad farqadaha 1, 2, 3.Wuxuu talada dalka gacanta u gelinayaa xisbiyo aan lahayn kalsooni shacab iyo sharciyad dhab ah.Waxaana maamulaya…

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu soo laabtay maanta Magaalada kismaayo ee xarunta Kmg ah Jubaland,ayaa ka hadlay shirka Garowe. ”Shirkaas waxaa keenay markaan si kadis ah ama lama filana ah aan anagoo dhawr madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo beesha caalamka,waxaana istusnay in shir layskugu yimaado loga tashanayo xaalka dalka iyo sidii Somaliya horay ugu sii socon lahayd” Hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa meesha ka saaraya sheegashadii Dowlada Fadaraalka ee ahayd in shirkaas horay usii qorshaysnaa Dowladauna ay waday oo ay sii ogayd. Dhanka kale Waxuu Madaxweyne Axmed Madoobe ka hadlay xaalada Jubaland,doorashada soo aadan iyo midnimada shacabka,hoos…

Read More

Tukuhu Waa Mid Kamida Baallalayda Ugu Caqliga Badan Ee Alle Abuuray,Siday Daraasaduhu Sheegeen Waxay Leeyihiin Laba-Jibaar Maskaxda Baallaleyda Kale, Waana Xayawaankii Aadanaha Baray Aaska’ Runtii Marka Aad Ogaato Hab-nololeedkiisa Waxa Uu Aad Ushabahaa Noolaha Aadamaha. Tukuhu Waxa Uu Leeyahay Maxakamado Iyo Xeer Ciqaabeedyo Uu Ku Dabaqo Noloshiisa’ Si Ay Ugu Noolaadan Nolol Xasilan Oo Aan Lahayn Xad-Gudub Iyo Xiisad. Waana Xikmad Iyo Iyo Fitir Rabbaaniya Oo Alle U Abuuray. * Tukayaashu Waxay Isu Guursadaan Sida Aadanaha’Oo Waxay Isugu Yimaadaan Munaasibad Kulmisa Labada Ehel’ Waxaanu Aadamaha Kaga Wanaagsan Yihiin Tukaha Lab Waxa Uu Guursadaa Mid Keliya Oo Dhedig Weligii Mid Kale…

Read More

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa bogaadin ku mutaystay sida uu ugu hagar baxay mashruuca Dekeda Garacad. Bil ka hor ayay ahayd markii lagu xanibay Markab siday Qalabkii ugu muhiimsanaa dhismaha Dekeda Garacad Kanal Suweys. Qalabka oo kasoo anba baxay Dalka Turkiga ayay Qaramada Midoobey uxanibtay arimo ku saabsan Cunaqabataynta saaran Somaliya darteed. Masuuliyiinta mashruucaas gacanta ku haya oo kadib xanimaadaas la xiriiray Dowlada Puntland,ayaa kala kulmay garab istaag buuxa. Madaxweyne Deni waxuu u istaagay soo furdaaminta Markabaas,isagoo Warqad damaanad qaad buuxa ah udiray Xaafiisyada ay qusaysay,taasoo keentay in lasii daayo Markabkaas iyo qalabkii muhiimka ahaa ee saarnaa. Mida tixgalinta…

Read More

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka JubbalandMudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safar shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo uu garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga dheere xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale. Soo dhawayn kadib Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi kula kulmay Masuuliyiin kasocday Beesha Caalamka iyo is arag ay yeesheen madaxda dowlad Goboleedyada kaas oo salka ku hayay sidii xaalada uu wadanku ku sugan yahay horay looga dhaqaajin lahaa isla markana qof walba uu dib u eego marxaladahii…

Read More

Golaha Wakiilada Somaliland oo uu shir Gudoominayay Afhayeenka Golaha Baashe Maxamed Faarax, oo ay kusoo xaadireen 107-xildhibaan si wadajir ah labada Gole, ayay xildhibaanada badankoodu kaga soo horjeesteen go’aanka Madaxweyne Biixi. Shirgudoonka Golaha,ayaa markii uu ogaaday in ay badan yihiin xildhibaanadda go’aanka Madaxweynaha ka soo horjeedda soo xiray kalfadhigii,isla markaana balamiyay maalinta sabtidda ah Xildhibaanada,taasoo buuq iyo sawaxan xoog leh ay ka dhalatay. Dhanka kale Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro,ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in baarlamaanku si aqlabiyad leh udiiday amarkii deg-dega ahaa ee uu soo rogay Madaxweyne Muuse Biixi,hoos ka daawo muuqaalka. . Halkan hoose ka…

Read More

Madaxweynaha Puntland oo golaha warbixin ka siiyay safarkiisi dibadda, ayaa si faahfaahsan uga hadlay arrima u soo qabsoomay safarkiisa, sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay shirkaasi. Wasaaradaha Arrimaha gudaha, Maaliyadda, Kalluumeysiga, iyo Duulista hawada, Amniga iyo Warfaafinta ayaa iyagana shirka looga dhegaystay warbixinno la xiriira shaqooyinkooda . Madaxweynaha,ayaa golaha xukuumadda amray in si dhammaystiran ugu diyaar-garoobaan shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo Garoowe lagu qabanayo. Halkan ka akhriso:-

Read More

Golaha Wasiirada Dowlada Fadaraalka,ayaa goor dhowayd waxaa usoo ugu gabagaboobay shirkoodii Khamiislaha ahaa,waxayna Goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyeen sharciga doorashooyinka oo muddo laga sugayay Golaha Wasiirada in ay meel mariyaan. Sharcigan ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo maalmaha soo socda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, si ay u meel mariyaan, isla markaana Madaxweynaha uu digreeto ka soo saaro. Ansixinta Sharcigan ayaa lagu tilmaamay mid looga hordhacayo shirka wadatashiga ee dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin magaalada Garowe maalinta sabtida ee socoto, iyadoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay la tagayaan sharcigaas oo la soo meel mariyay. Ansixinta…

Read More

Shirweynihii haweenka Puntland ee ka socday Garoowe ayaa war-murtiyeed ka soo baxay waxay Haweenku ku dalbadeen in gollaha barlamaanka Puntland laga siiyo 9 -Xildhibaan oo xubin sharafeed ah inta laga gaarayo doorashada qof iyo cod. 30% ayay dalbadeen in laga siiyo gollaha Wasiirada Puntland. Agaasimayaasha iyo shaqaalaha Dowladda. Sidoo kale, qoondo u gaar ah ayay ka doonayaan gollayaasha degmooyinka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Dhaqan waxaa ah in marka Madax sare ay imaanayso Puntland in shacabka lasoo tumo hareeraha Wadooyinka iyo Garoomada diyaaradaha ee ay madaxdu isticmaalayso. Hadaba Madaxweyne Deni oo sheegay in uu dhaqankaas la dagaalamayo,isla markaana maalmo ka hor mar uu dalka dib ugu soo laabtay hoos u dhigay soo dhaweyntiisii waxaa looga fadhiyaa in uu fuliyo balanqaadkiisii. Madaxweyne ama Ra’isalwasaare aan haba yaraatee wax dana aa u hayn shacabka in qorax loosoo istaajiyo mahan wax damiirku aqbali karo.

Read More

Iyadoo la filayo in uu shirka muhiimka ah ee Garowe uu furmo maalinka Jimcaha,ayaa waxaa soo baxaya xogo tilmaamaya in uu jiro khilaaf dhexyaal Madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaare Khayre. Xogaha sheegaya khilaafka Farmaajo iyo Khayre in uu jiro,ayaa sii xoogoobaya,waxaana ugu danbeeyay muran ku dhexmaray ka qaybgalka shirka Garowe. Farmaajo waxuu usheegay Madaxda Puntland ee shirka martigalinaysa in uu kaligii imaanyo shirka oo uusan Khayre soo baxayn,”ayuu yiri mid ka mid ah masuuliyiinta Madaxtooyada Puntland. Balse Khayre oo saacad kadib lasoo xiriiray madaxda Puntland,ayaa yiri…. ”Waa imaanayaa mana ka maqnaanayo meel laygu xamanayo,Farmaajo danbi aanan lahayn dusha iga saari mahayo”,…

Read More

Xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa baaq ka soo saaray xaalada siyaasadeed iyo Amni ee dalka, kaddib shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho. Xisbiyadan oo kala ah Himilo Qaran, Wadajir, UPD, Ilays iyo NDP oo maanta Madaxdooda kulan ku yeesheen Hoyga Madacweynihii hore Xasan Shiikh,ayaa ku baaqay in doorashada dalka ay waqtigii loogu tala galay ku dhacdo, lagana fogaado muddo kordhin.

Read More

Enjineer Abdullahi Ali Hassan ayaa maanta shaacin rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomalia 1991 u istaagay dhinaca horumarinta bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay. Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay jaamacadda State…

Read More

21-boos oo iskugu jira Safiiro,Qunsuludo iyo Xoghayayaal,ayuu Wasiirka Arimaha Dibada Dowlada Fadaraalka Somaliya Axmed Ciise Cawad si khaldan u magacaabay. Is haysasho xoog leh oo ka dhex taagan isaga iyo khuburadii iyo shaqaalihii Wasaarada,ayaa sababay in shaqadii wasaaradu istaagto. Shir ay maanta yeesheen shaqaalaha Wasaarada ayay eedayn kulul ugus oo jeediyeen Wasiir Cawad,iyagoo ku eedeeyay in dhamaan Dadka uu magaacabay ay yihiin kuwo aan loo marin sifadii sharciag ahayd. Cawad,ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay Wasiirkii ugu liitay ee soo mara Wasaarada Arimaha dibada. Halkan ka akhriso xogta..

Read More

Khayre,ayaa umagacaabay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ahaa Wasiirkii ganacsiga. Sidoo kale Wasaaradii ganacsiga,ayaa loo magacaabay mid ka mid ah musharaxiintii xilka Madaxweynaha isku soo taagay,kaasoo lagu magacaabo Eng. C/llaahi Cali Xasan. Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga ayay isku hayb yihiin Wasiirkii hore ee warfaafinta Daahir Maxamuud Geele. Daahir Maxamuud Geelle ayay xoguhu sheegayaan in uu qorshaynayo ku dhawaaqista Musharaxn utaagan xilka Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka doorashada soo socota. Daahir,ayaa dhawr jeer oo hore damcay in uu iscasilo,balse waxaa ka diiday iscasilaadaa Madaxweyne Farmaajo. Jibril Qoobey.

Read More

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa hambalyo ku aadan maalinta fasaxa shaqaalaha Adduunka May, 01, 2019 u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan shaqaalaha Puntland. “Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Puntland oo maanta ay u tahay maalin fasax oo ay kala siman yihiin shaqaalaha adduunka. Shaqaaluhu waa laf-dhabarta ummad walba oo adduunkan horumar ka samaysay, shaqaalaha Soomaliyeed waxay u dhabar adaygeen oo dalkooda ugu shaqeeyeen, kana samata bixiyeen duruufo adag oo uu baday burburkii dhan-walba dalkeena ka curyaamiyey “. “Shaqaalaha Puntland waxay qayb ka ahaayeen dedaalkii aan kala harka lahayn ee…

Read More

Guddi xeer-beegti ah oo todobaadyadi lasoo dhaafay eegayay dacwad dil ah oo lagu soo oogay Maxamed Nuur oo horay uga tirsanaa booliiska magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ku helay laba danbi oo dil ah. Mid ka mid ah dambiyada lagu helay ayaa ah dilka darajada heerka saddexaad, waxaase lagu waayey dilka darajada heerka labaad, oo ciqaabtiisa ka badnaan lahayd. Maxamed Nuur ayaa loo haystay dilka gabar caddaan ah oo lagu magacaabay Justine Damond, waxaana xukunkiisa xabsiga la waqtiyeeyey 7-da bisha June ee sanadkan. Askari Nuur ayaa ku dooday in si kama’ah u riday xabada kadib markii haweenaydan…

Read More

Labada bisha waxaa Garowe ka furmaya Shir dib loogu qiimaynayo xaalada dalka Somaliya,gaar ahaana lagu jeex-jeexi doono Dastuurka iyo Amniga. Shirkan waxaa ka qaybgalaya Madaxda ugu saraysa Dowlada Fadaraalka.Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo wakiilada beesha caalamka. Kulankii Nayrobi ee dhexmaray sadex ka mid ah Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Safiirka Maraykanka ee Somaliya,ayuu ka dhashay aragtiad ah in shirkan la qabto. Beesha caalamku waxay garwsiiyo umuujisay doodii Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,waana mida keentay in ay soo jeediyaan in garowe lagu qabto shirkan. Maalinka Beri ah waxaa si hordhac ah ugaaraya garowe…

Read More