Dab ayaa caawa ka kacay suuqa Bakaaraha, gaar ahaan agagaarka qeybta Cabdalla-Shiddeyaha. Lama garanayo illaa iyo hadda sababta dhalisay in uu dabkaasi kaco. Halkan ka daawo muuqaalka
Author: Jibril Qoobey
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun dil ah ku ridday saddex qof oo lagu helay inay horey u dileen nin lagu magacaabo Axmed Mukhtaar Dowlo, bishii Sebtember sannadkii hore. Saddexdan qof ayaa kala ah laba rag ah iyo qof dumar ah, waxaana maxkamaddu sheegtay in xukunkaasi racfaan ka furan yahay, sida ay tebisay warbaahinta dawladda Soomaaliya. Dilkan ayaa dhacay sannadkii hore kadib muran ka dhashay guur dhex maray wiil ehel la ah marxuumka la dilay iyo gabar ku ehel ah eedeysanaayasha. Xilliga dilkaasi dhacay ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ay aad u cambaareeyeen dilka iyo caadooyinka lala xiriiriyo…
Wasiirka Haweenka Aamino Cismaan Xaaji oo maanta ka qaybgalaysay shirweyne ay iskugu yimaadeen haweenka,ayaa sheegtay in dhawaan la shaacin doono ragii kufsiga ka gaystay Magaalooyinka Garowe iyo Galkacyo,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo looga hadlayey xaaladda Abaaraha Puntland, taas oo sababtay biyo la’aan baahsan, xanuuno dillaacay, nabaad guur baahsan oo dalka ka dillaacay iyo nafaqo darro dadka iyo duunyadaba ah. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ayaa kulanka ka warbixiyey. “Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan hay’addaha wadanka ka howlgala, UN-ka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa dowliga ahba, kulanka ayaa waxaa gundhig u ahaa in si dhab ah looga tashado waxa ugu deg degga badan ee laga qaban karo Abaarta”. “Insha Allah Eebbena waxaan…
Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyaha kooxda ISIS ama Daacis ee Khilaafada Islaamka Suuriya iyo Ciraaq ayaa kasoo muuqday cajal cusub oo uu soo duubay kaas oo sannadkii 2017 la sheegay in uu dhintay. Lama oga halka uu ku sugan yahay hoggaamiyahan inkastoo “laga sifeeyay” kooxdiisa dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waana markii labaad oo uu muuqaal kasoo muuqdo al-Baqdaadi. Markii ugu horreysay oo uu cajal kasoo muuqday ayay aheyd magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, sannadkii 2014-ka xilligaas oo kooxda ISIS ay ugu awoodda badneyd. Al-Baqdaadi oo magaciisa runta ah yahay Ibrahim Awwad Ibrahim al-Badri ayaa waxaa uu ku dhashay sannadkii 1971 magaalada…
Rabi ha unaxariisto janadiina haka waraabiyo samir iyo imaana haka siiyo guud ahaan Umada Somaliyed Suldaan Cabdiraxmaan cabdi Ismaaciil oo ku geeriyooday Gobolka Nugaal Puntland. Suldaanka oo waayahan xanuunsanaa,ayaa ka mdi ah Iismada loogu tixgalinta badan yahay guud ahaan Somaliya gaar ahaan,Jubaland iyo Puntland oo fariisnkiisu ahaa. Suldaanka,ayaa ku dhashay miyaga cadduunka Jariiban wuxuuna kusoo baraaray oo wax ku bartay Kismaayo. Suldaan Cabdiraxmaan rabi ha unaxariistee wuxuu kasoo shaqeeyey dowladdii Kacaan ka gaar ahaan wakaaladii daaqa Qaranka qaybteeda Jubbada hoose,sidoo kale waxaa loo badalay oo uu shaqooyin kasoo qabtay Banaadir & Ceerigaabo. Markii dowladdii dhexe ee dalku ay burburtay wuxuu…
Idaacadaha magaalada Muqdisho qaarkood iyo baraha bulshada,ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga baahinayay war aan la xaqiijin oo sheegaya in Ra’isul Wasaare Kheyre u aqbalay in uu is casilo. Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo isdaba jooga qaatay. Xogaha soo baxaya,ayaa tilmaamaya in loo wado jagada RW Somaliya Laba Nin oo kasoo kala jeeda Beelaha Muqdisho iyo Mudug. Masuulka hore,ayaa ah Nin ganacsada ah oo hayb ahaan ay isku dhow yihiin Xasan Shiikh Madaxweynihii hore ee Somaliya degana dalka imaaraadka Carabta. Masuulkan loo wado Rw,ayaa xiriir wanaagsan la leh Dowlada Imaaraadka Carabta,taasoo Madaxweyne Farmaajo xiligan danaynayo.sida xoguhu…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Maanta waxaa garowe ka furmay shirka Kaluumaysiga ee Somaliya. Shirkaas waxaa daahfuray Madaxweyne Deni,iyadoo ay kasoo qaybgaleen madax kala duwan oo uu ka mdi yahay Wasiirka kaluumaysiga ee Dowlada Dhexe. Madaxweyne Deni oo ka hadlay madasha,ayaa sheegay in uu bogaadinayo shirkan kuan faraxsan yahay. ” Runtii sharaf wayn bay Puntland u tahay, shirka noocaan oo kale ah inuu qabsoomo, maxaa yeelay waa iftiin hor leh oo dadka Soomaaliyeed uga gudbayaan marxaladdii ku dul noolaanshaha dadka kale oo ay u gudbayaan inay iyagu la soo baxaan noloshooda, horumarkooda ganacsi ka shaqeeyaan, mustaqbalkooda ay iftiimiyaan”,ayuu yiri Madaxweyne Deni. Halkan hoose ka daawo…
Waxaa booqasho kusoo gaaray garowe wafti uu hogaaminayo Safiirka Dowladda Masar ee Somaliya. Waftiga uu hogaaminayo Safiirka Dalka Masar ee Somaliya,waxuu kulan kula qaatay qasriga Madaxtooyada Puntland Madaxweyne Deni iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirada. ”Dalka Masar ee aan walaalaha nahay iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo waxaan aad uga mahadcelinaynaa safiirka dedaalkiisa uu ugu jiro sidii uu u kobcin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta dalka Masar iyo Soomaaliya’ayuu yiri Madaxweyne Deni. Madaxweyne Deni iyo Safiirka oo shir jaraa’id wada qabtay kulankooda kadib,ayaa sheegay in wadahadaldii qaybihii hore ay yeesheen waftiga Masar,sidoo kale qayba danbe ay hareen oo ay yeelan…
Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland ay xalay weerareen degmada Xagar ee gobolkaasi, halkaasi oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.Ciidamada weerarka ku qaaday degmada Xagar ayaa ka soo kicitimay dhanka degmada Afmadow. Ilaa hadda sida la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhaawacmay weerarka, khasaare dhimasho wali na looma xaqiijinin. Dadka degaanka,ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ee weeraray Degmada Xagar ay dib ugu soo laabteen dhanka Afmadow. Wararka ka imaanaya Deegaanka,ayaa intaas ku daraya in ciidankaas jidka ay u galeen maleeshiyo loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, halkaasna uu ka…
Wasiirka Kalluumaysiga Dowlada Dhexe ee Somaliya Mudane Bidhaan iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa soo gaaray Garowe. Wasiirka Kaluumaysiga Puntland Faarax Cawaasha,ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Garowe. Warkan oo faahfaahsan wararkayaga danbe kala soco.
Nayrobi,idil News.Dowladda Kenya,ayaa shaacisay in xiriir diblomaasiyadeed la yeelaneyso Somaliland Dowlada Kenya,ayaa diyaarinaysa qorshe ay ugu magacaabayso wakiil cusub oo markii ugu horeysay Kenya u qaabilsanaan doona Somaliland. Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma,ayaa ku wargalisay Mr Philip Mundia Githiora oo ah Agaasimaha Wasaaradda inu u abuuro xiriir dublomaasi oo dhexmara Somaliland iyo Dowladda Kenya, islamarkaana uu diyaariyo halkii uu ku shaqeyn lahaa Wakiilka cusub. Monica Juma wasiir Arime dibadeedka Kenya,ayaa sidoo kale kulan la qaadatay Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Cumar Baashe oo ay arintan ka wada hadleen. Talaabadan ayay Kenya uga gol leedahay in ay cadaadis Diblomaasi ku…
Xilli weli ay jirto cabasho ay qabaan siyaasiyiin farabadan taas oo ku aadan in dowladda Dhexe ee Soomaaliya ku heyso caburin,ayaa waxaa soo baxaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo Madaxda Dowladda Dhexe . Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda daah furka Xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa sheegay in uusan ka aamusi karin xaaladaha qaar ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya uu hoos u sii dhacayo. “Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa…
Garowe,idil News. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Madaxtooyada Garoowe qaar ka mid ah sanatarada Puntland ku metela Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash. Kulankan oo ujeedadiisa iyo gun-dhiggiisu ahaa is xogwaraysi guud ee xaaladda dhan-walba ee Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland, arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaaliisamka, dhammaystirka nidaamka loo marayo dastuurka KMG ee DFS iyo arrimo kale oo muhiim ah. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulankan muhiim ka ah ee uu la qaatay sanatarada. ” Waxaan Caawa Kulan la yeelanay aniga…
Garowe.idil News.Daganaan iyo masuuulnimo hogaamin ay ka muuqato. Puntlandernimo iyo la socosho hogaamin ay ka muuqato. Nidaam iyo haykal Dowladnimo hogaamin ay ka muuqato. Ilhaamadii tagidii Imaaraadka Carabta iyo ka hadalkiii safarkiisa ee Maxamed Faroole oo uu bulshada dareensiiyay in uu ka xun yahay waxii dhacay. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Garowe,idil News.Shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Xafiiskiisa ayuu waxaa uu sheegay in si qaldan loo maray habkii loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Dhexe, isagoo in markii hore loo ekeysiiyay tartan furan, balse markii liiska soo baxay la magacaabay ninkii ku jiray Guddigii Imtixaanka saxayay. “Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sidii loo maareeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, waxay xadgudub ku tahay nidaamka wax qeybsiga muuqda oo hadana howshii socotay ay aheyd mid aad u qaldan oo in la sheego habboon”ayuu yiri Saciid Deni. Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu ahaa xil ay qeyb…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Warbixin Laga soo bilaabo 8-19 April waxaan ku sugnaa Dalka imaaraadka Carabta, waxaan magaalada Abu Dhabi kula kulmay masuuliyiinta dalka Imaaraadka qayba kamid ah oo aan ka wada hadalnay waxyaabo badan oo khuseeya Puntland oo ugu heereeyo dhinaca nabad gelyada, iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta dhinaca ganacsiga iyo arrimo kaloo badan oo khusseeya wadahadal dheer, waxaa halkaas ka dhashay Isfahan ku aadan siyaasadda Dowladda Puntland u muuqanaysey. Sidoo kale waxaan la kulanay Rugta Ganacsiga Abu Dhabi, waxaan u sheegnay meelaha u baahan fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, waxaana isla qaadanay wax kastoo Puntland u ah dan oo quseeya maalgashiga, intaas…
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Dad rayid ah ay ku dhinteen duqeynta diyaaradaha drone-ka Maraykanka ay ka geystaan Somalia. Ilhan oo wareysi siisay VOA ayaa ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya madaxweyne Trump iyo taareerayaashiisa,hoos ka daawo muuqaalka. Hslkan ka daawo muuqaalka
Today 27th April, 2019, The President of Puntland Mr. Said Abdulahi Deni welcomed U.K. Ambassador to Somalia Mr. Ben Fender to Puntland Presidential Palace, the ambassador was accompanied by other senior delegates representing U.K.’s Department for International Development ‘DFID’, prior their joint press conference they had a meeting discussed on a four main issues; a)drought and humanitarian situation in Puntand. b) economic development with special support of further supporting the development of Bosaso port and fishing sector of Puntland State. c) The security and how best both parties will cooperate in the fight against the Islamic State and Al-shabaab and…
Waxyar kadib markii Madaxweyne Deni soo gaaray qasriga Madaxtooyada looga arimiyo Puntland ee Garowe,ayuu qaabilay safiirka Ingiriiska ee Somaliya. Hadaba kulankooda kadib waxay wada qabteen shir jaraa’id oo ay uga warameen waxa ugu waa weynaa ee ay uag xaajoodeen kulankoodu,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa dib ugu soo laabtay Garowe,kadib socdaal qaatay laba todobaad oo u ku kala bixiyay Dalalka Imaaraadka iyo Kenya. Madaxweyne Deni,ayaa ugu horayn gaaray dalka Imaaraadka Carabta waxuuna kula kulmay madaxda Rugta Ganacsiga iyo kuwa shirkada DPWORLD. Kulankii Madaxweyneyne Deni iyo madaxda shirkada DPWORLD ayay xoguhu tilmaamayaan in lagu jeexjeexay heshiiska maalgashi ee shirkadaas ay ku samaynayso Dekeda Bosaso,iyadoo uu kusoo idlaaday is afgarad iyo in Deni aqbalay in aan wax weyn laga badalin heshiiskaas. Madaxweyne Deni,ayaa cadaadis kala kulmayay bulshada Gobolka Bari ee ay ku taal Dekeda Bosaso,kaasoo ku aadanaa in uu ka baxo…
Doha.idil News.Dawladda Qatar iyo Dowladda Dhexe ee Soomaaliya oo uu xiligan hogaamiyo Madaxweynaha la dhaliilsan yahay ee Farmaajo,ayaa la sheegayaa in ay soo kala dhex gashay xiisad diblomaasiyadeed, kadib markii Qatar ay diiday codsi ka yimid Dowladda Dhexe ee Soomaaliya. Qatar waxay diiday dalabka Dowladda Farmaajo hogaamiyo,kaasoo ku aadanaa in ay shirkadda Talyaaniga ah ee ENI ay joojiso qodis shidaal oo ay ka bilowday dhul badeedka ay Kenya iyo Soomaaliya ku muransan yihiin.Kenya,ayaa shirkadan Talyaaniga ah ogolaansho u siisay in ay Dhul Xeebeedkan muranku ka taagan yahay ka bilowdo qodis shidaal. Shirkadda Qatar Petroleum waxay saami ku leedahay shirkada ENI…
Bosaso.idil News.Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa la soo sheegayaa in ay ka dhaceen deegaanka Cameyra ee degmada Iskushuban ee gobola Bari, halkaasoo la rumeysan yahay inay ku sugnaayeen kooxo katirsan ururda Daacish iyo Al-shabab oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey dhulka buuraleyda ah. Dadka socotada ah…
Maydadka 15 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah ayaa la helay kaddib qarax ka dhacay goob laga shakisan yahay inay isku qarinayeen maleeshiyaad xagjir ah oo ku taal bariga Sri Lanka, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay. Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jiraan saddex haween ah oo la rumaysan yahay inay qeyb ka yihiin qoysaska maleeshiyaadka laga shakisan yahay. Dadka aaggaasi deggan ayaa sheegay inay maqleen qaraxa xigay rasaas socotay muddo saacada ah. Iska hor imaadka ayaa ka dhacay magaalada Sainthamaruthu, halkaas oo aanan ka fogayn magaalada uu ka soo jeedo ninka looga shakisan yahay…
Gaalkacyo,idil News.Golaha sharci-dajinta wadanka Senegal ayaa u qaybsanaa 150 kursi oo golaha Qaran ee shacabka iyo 100 kursi oo golaha sare ah, kulamo badan ka dib waxay cod u qaadeen isla markaasna sharci kasoo saareen in la isku shaandheeyo labada gole si xal loogu helo loona badbaadiyo kharash gaaraya 15 Malyan oo Dollar. Wasiirka Cadaalada Aminata Toure ayaa faah-faahin ka bixisey sababta loo laaley Golaha Sare in looga gol lahaa in dawladu yarayso kharashaadkeeda iyo kharashkaas loo weeciyo caawimo loo fidinayo dadkii dhibaatadu kasoo gaarto daadadka roobka oo kumanaan dad ah saameeyey kana dhigey hoy la’aan halka ay gaysteen ugu…
Mid ka mid ah qayladiisii iyo afxumadiisii uu caanka ku ahaa,ayuu kusii daayay madaxda Dowlada Dhexe oo todobaad ka hor uu daraadood Dadka kale u caayay. Haatan Dadka fajaciso kuma ahan hadalkiisan,sababtoo ah waa lala qabsaday oo qofkaad waydiisaa waxuu kuugu jawaabayaa ”Waa waxiisii”. Faroole doorashada uu maanta ku faanayo in laga ilaaliyay kooxda uu u adeegi jiray ee Nabad iyo Nolol saw Gaas-kii uu caayay kama ilaalin. Faroole saw mahayn kii shalay lahaa Somali waa usiman tahay Garowe ee hala furo garoomada,isagoo u-qareemaya Wasiirada Nabad iyo Nolol. Faroole waxuu ka qaadan jiray Nabad iyo Nolol lacag gaaraysa 9650-dolar bil…
Nayrobi.idil News.ulan muhiim ahaa oo dhexmaray Madaxda sadex ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka iyo Safiirka Maraykanka ee arimaha Somaliya,ayaa soo gabagaboobay. Kulankan oo ka dhacay caasimada Kenya ee Nayrobi,waxaa dhanka Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka uga qaybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam. Qodobada ugu muhiimsanaa ee looga xaajooday kulanka,ayaa waxaa ugu waa weynaa.. 1.Amaanka, 2.Federaaliisamka, 3.Dimuqraadiyeynta, 4.Maalgashiga. 5.La dagaalanka argagixisada Madaxtooyada Puntland war kasoo baxay waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu kusoo idlaaday isfahan buuxa guud ahaan arimihii looga wada hadlay. Dhanka kale xogo aan ka…
“Dhismahan waa tijaabo guuleystay ,waddadaan burbur xoog leh ayaa soo gaaray ,haddana sida ay isku badashay way muuqaata, waana dhaqaalo ka yimid bulshada oo gacan ka helaya Kebarco oo ah shirkad ka dhabeysay riyada ay bulshadu qabeen”. ayuu yiri mid ka mid ah guddiga gacanta ku haya dhismaha waddada bartamaha ee degmada Burtinle. Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed iyo qurbajoogta inay ka qaybqaataan sidii loo dhammeystiri lahaa mashruucan ku billowday iskutashiga,waxaana qorshaha uu yahay in 3 km ee waddada loo qorsheeyay in la dhammeystiro. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
The RAF played a pivotal role in the 1920 campaign against a dervish bandit leader in British Somaliland. For two decades prior to World War I, Mohammed bin Abdullah Hassan, the self-proclaimed Mullah of Somaliland, was a persistent thorn in the side of British colonial authorities in the arid, sweltering East African protectorate. To the British he was the “Mad Mullah,” a quasi-religious bandit leader intent on plunder and disruption who imposed his will through savage executions and mutilations. To his adherents he was a messianic Sunni holy man, jihadist and freedom fighter. Regardless, the Mullah and his ferocious Islamic…
Copenhegen.idil News.Safiirkii Somaliya u fadhiyay Dalka Hindiya Marwo Abyan Ladane,ayaa loo badalay dalka Switzerland. Marwo Ebyan oo ah khabiirad dhanka diblomaasiyada ah,in ka badan 10-sano ayay safiirad ka ahayd Dalka Hndiya. Switzerland mid ka mid ah Safaaradaha Somaliya ugu muhiimsan ee dibadaha fadhiya waxaana dalkaasi xarun uu u yahay hay’ado tfara badan badan oo heer caalami ah. Sidoo kale Safiiradii Somaliya ee Switzerland Marwo Faadumo Insaani,ayaa Todobaadkii hore looga yeeray Muqdisho,waxaana hada xogo hor dhac tilmaamayaan in loo badalay dalka Hindiya oo ay Safiirad ka ahayd Marwo ebyan Ladane. Faadumo Insaani,ayaa ka aamustay codbixin Qaramada Midoobay ay uqaadaysay Buuraleeyda Golen…
Shirkan golaha Wasiirada waxa shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), waxaana ugu horeyn warbixintiisa soo jeediyey wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire. Wasiir Shire wuxuu is barbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay. Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha…
Sheekh Shariif ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Amniga Qaranka, Xildhibaano ka tirsan labada Gole iyo mas’uuliyiin kale. Madaxweynihii hore Shariif ayaa loo galbiyay guriga uu ka degan yahay Muqdisho oo ku dhow agagaarka Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Nairobi,Idil News,Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Caasimadda Dalka Kenya ee Nairobi kulan kula qaatay Safiirka dalka Hindiya ee Soomaliya, Ambassador Rahul Chabbra.Kulanka oo ahaa mid muhiimaddiisu sareysey, ayna labada dhinac si weyn u soo dhoweeyeen ayaa waxaa looga wadahadlay arrimaha ganacsiga, maalgashiga, waxbarashada, caafimaadka, iyo tababaradashaqaalaha rayid ka ah ee Puntland. Ambassador Rahul Chabbra ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay kulankan muhiim ka ah, waxaana uu Dowladda Puntland ku amaanay kaallinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya, iyo ladagaalanka Burcad Baddeeda. Safiirka ayaa balan qaaday in Puntland ay dhinacyo badan iska kaashan doonaan si xiriirka…
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasaaradda qorshaynta Puntland ayaa gollaha xukuumadda uga warbixisay diyaar garawga soo bandhigida waxqabadka boqolka maalmood ee madaxweynaha Deni, iyadoo gollahuhuna isku raacayay in la qabto kullan ballaaran oo lagu soo bandhigayo wixii u qabsoomay xukuumadda mudadaas. Shirka gollaha wasiiradda waxaa kaloo looga hadlay halka uu marayo baaritaanada kiisaska kufsiga ee Puntland ka dhacay muddooyinkii dambe. Guddiga maaraynta arrimaha kufsiga ayaa sheegay in heer gabagabo marayo gal dacwadeedyada eedaysanayasha falalka kufisga lagu tuhunsan yahay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Xildhibaanada oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa waxa ay ka warbixiyeen u jeedka socdaalkooda, waxaana ay walaac ka muujiyeen xaaladda ammaan, dhaqaale, siyaasadeed iyo horu socod ee Soomaaliya. Senatarada reer Puntland,ayaa waxa ay sheegeen in madaxda dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dhammaystirka dastuurka Soomaaliya, hannaanka doorashooyinka dalka, xallinta khilaafka kala dhexeeya dowladda Fadaraalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Khudbadii Aqoonyahan Faysal Rooble Ka Jeediyay Dood aqooneedkii PDRC Talk ee Lagu qabtay caasimadda Garowe,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Aqoon yahan Faisal Roble oo xaley Garoowe kaga faalloonayey federaalisimka Soomaaliya, ayaa la weydiiyey -Maxaad u tidhi daka diin laguma dhiqikaro?- oo uu mar hore sheegay. Wuxuuna ku jawaabay; “Waxaan filayaa in aanad wada maqal fariinteydii intaas -I WOULD SAY NO- laga jaray, waxaan ka hadlayey sida dhaq-dhaqaaqyada Islaamiga ah ay dhaqankeenna iyo halgankeenna markasta asal ugu ahaayeen tusaale Axmed-Guray, Sayid-Maxamed, SYL, waxaan idhi;Haddii aad doonaysaan xukunkii Cabdirashiid Cali Sharmaake ee nuxurkiisu ahaa islaamka HAA, dalka waa lagu dhiqikaraa. Lakin Tan dadka waalan ee dadka dhibaya NO !….Anigu waxaan aaminsanahay in qofka luuqaddiisa, dhaqankiisa iyo waliba diintiisu 100% ay ka…
Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado,ayaa ka hadlay Qaraxii shalay lala eegtay Gaarigiusa. Dhado waxuu sheegay in 3-askari ka dhaawacantay labo xaalkoodu fudud yahay ,balse mid uu liito hadana qaliin lagu wado. Sidoo kale waxuu Gudoomiyuhu sheegay in hal Qof ku geeriyooday qaraxaas walow uusan cadayn in uu askartiisa ka mid ahaa. Waraysiga oo faahfaahsan hoos ka dhagayso. Halkan ka dhagayso
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta booqasho aan horay loo sii shaacin waxa ay ku tegeem Magalada Asmara ee Caasimadda dalka Eritrea. Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dalkaas Isias Afewerki,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa ka shifay sababta Madaxweyne Farmaajo usaxiixi waayay Xukunada dilka ah,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Qoysas badan oo is-dhaxley, kuwa ganacsi wadaaga iyo bilowga ganacsiga teknoolajiyadu waxay intuba suurto galiyeen iney abuurmaan dhalinyaro haysata balaayiin dollar taariikhda hantiilayaasha markii ugu horeysay. Daraasada ay samaysay shirkada Forbes ayaa ogaatey in bilyaneerka ugu da’ yar dunidan uu jiro 22 sano oo kaliya iyadoo bilyaneer kale oo 31 sano jira isna ka mid yahay 10-ka bilyaneer ee ugu da’da yar Dunida. Kylie Jenner oo kasoo jeeda America ayaa hantideeda ka samaysay waxyaalaha dumarku isku qurxiyaan iyo bandhigyo ay ku lahayd war-baahinta ayaa noqotey bilyaneerkii labaad oo dhalinyaro isla markaasna sameeya hanti intaas le’eg iyadoo kaashatey kartideeda hal-abuur iyo…
Halkan ka daawo muuqaalka
Shacabka magaalada Bosaso,ayaa su”aalo ku waydiiyay kulsn xalay ka dhacay Dowlads hoose Duqa Magaalada Bashiir Cabdisalaan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo muuqaalka
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray hirgelinta iyo fulinta xeerka kufsiga, iyadoo oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee toddobaadkii hore. Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka. Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey…
Xarunta Ciidanka Asluubta Soomaliyeed ay ku leeyihiin Caasimadda Puntland ee Garowe,ayaa Tababar muda hal bila Ka soconaayay loogu soo xiray saraakiil ka kala timid Dowladda Dhexe iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka