Author: Jibril Qoobey

Madaxweyne kuxigeenka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ,ayaa xarunta madaxtooyada Garoowe kula qaabilay wafti uu hogaaminayo safiirka Yemen u fadhiya Soomaali Fadal Maxamed Cali. Karaash iyo Fadal,ayaaa ka wadahadlay xiriirka labada dhinac,gaar ahaan xaalada Qaxootiga Yamaniyiinta ah ee ku sugan Puntland. Kulankooda kadib shir jaraa”id oo ay qabteen ayay ku sheegeen in ay isku afgarteen xoojinta xiriirka Yemen iyo Puntland,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Gaariiga Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Dheddo,ayaa Qarax Lala Beegsaday. Qaraxaas waxaa ku Dhaawacmay 3-askartii ilaaladiisa ahayd ka mid ah,mana jiraan wax dhimasho ah oo ka dhashay Qaraxaas. Dhaawaca askarta,ayaa labo roon yihiin halka mid aad uliito. Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhado ,ayaa Gaariga markaas aan saarnayn,waxuuna ka degay Wax yar ka hor. Bosaso oo ay ka socdeen hawgslo amniga lagu xoojinayo,ayaa ka yara nasatay Qaraxyadii iyo dilalkii qorshaysnaa waayahan.

Read More

Muqdisho,idil News,Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo xiray shir waynaha culimada taageersan Xukuumada oo mudda sedax cisho ah ka socday Muqdisho. Khayre,ayaa khudbadiisa soo xiritaankiisa shirweynaha ku sheegay in culimada, shacabka Soomaaliyeed iyo hoggaanka dalka laga doonayo in ay dhaqan geliyaan natiijada kasoo baxday shirkaan oo intii uu socday looga dooday kaalinta culimada ee xoojinta amniga iyo dib-u-heshiisiinta dalka.Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa culimada kula dardaarmay culimada in si wadajir ah cilmigooda ay ugu hagaan bulshada si looga hor tago dhagarta argagaxisada waa sida uu hadalka u dhigay. Ugu danbeyn Xasan Cali Kheyre…

Read More

Muqdisho,idil News,Shirkan oo ka socday muddo seddex maalmood ah magaalada Muqdisho,ayaa Bayaanka ka soo baxay waxay qodobadiisu ka kooban yihiin sida tan hoos ku qoran:- 1- Waxaa la isku raacay in Shirweynaha culimada Soomaaliyeed uu noqdo shir sanadle ah. 2- Waxay Culimadu isku raacsan yihiin in Soomaliya ay tahay Dal Muslim ah, Sunni ah, mad-habkeeda Fiqhiga ahina yahay mad-habka shaaficiga. 3- Waxay Culimada Soomaaliyeed isku raaceen in shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdiisuba ay yihiin dad Muslimiin ah, sidaa daraaddeed kooxaha bannaystay gaalaysiinta iyo dilkoodaba ay yihiin kuwa baal marsan Diinta Islaamka, waajibna ay tahay in meel looga soo wada jeesto. 4-…

Read More

Copenhegen,idil News..Ra’iisul-wasaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe ayaa weriyayaasha magaalada Colombo ugu sheegay inuu rumaysan yahay in kooxda Daacish ay ku lug ku lahayd weerararaadi, wuxuuna ka digay inay dhici karto weerarro kale oo dalkaasi ka dhacay. RW ataa sheegay in hay’addaha amniga ee Srilanka ay si dhow ula socdeen dadka Srilanka u dhashay ee ku biiray kooxda Daacish kuwaasi oo ku soo noqday Sirlanka. Saraakiisha Sirdoonka Srilanka ayaa loo sheegay saacado ka hor inta aanu weerarradan dhicin, iyadoo looga digay in kooxo Islaamiyiin ah ay weerarro damacsan yihiin inay fuliyaan. Saraakiisha sirdoonka Hindia ayaa la xiriiray dhigooda Sri Lanka laba…

Read More

Bosaso,idil News,Faah faahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya dil Magalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland loogu geystay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee booliska badda magacoodana loo soo gaabiyo PMPF. Sarkaal la dilay oo lagu Magacaabi jiray Xasan Mire jaceyl ayaa ka dhacay taliska ciidamada (PMPF). Ee duleedka Boosaaso,waxaana la sheegay in uu dilay askari ka tirsanaa Ciidamada, kadib khilaaf soo kala dhex galay. Dilka kadib Ciidamada Puntland ee Saldhigaasi ku sugan ayaa la xaqiijiyey inay Gacanta ku dhigeen Askariga dilka u geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland gaar ahaan kuwa Kumaandoosta. Saraakiil ka…

Read More

Nairobi,Idil News April, 23, 2019 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Dalka Kenya ayaa magaalada Nairobi kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya Ambassador Dr. Mohammed Khayat iyo ku-xigeenkiisa. Kulanka oo muhiimad balaadhan u lahaa Puntland ayaa waxaa looga hadlay xidhiidhka ganacsi, siyaasi ee Puntland iyo dalka Sacuudiga, iyo sidii dalka Sacuudigu ay Puntland gacan uga siin-lahaayeen la dagaalanka argagixisada, Amniga, Iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha iyo maalgashiga waxaana uu ku soo dhaammaaday guul iyo is afgarad. Ambassador Dr. Mohammed Khayat ayaa xusay in kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland muhiimad gaara uu u leeyahay, isla…

Read More

QAAHIRA(IDILNEWS).Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeed ku saabsan xaaladaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo horumarinta dalka. Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag. Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la…

Read More

HARGAYSA (IDILNEWS). Qodobadan ay ku heshiiyeen labada Xisbi ee Kulmiye iyo Ucid,ayaa waxaa laga xusi karaa kuwan soo socda:- 1. Laba xisbi qaran ee UCID iyo kulmiye waxay isku afgarteen in doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee qorshaysan inay qabsoonto 13 december 2019 ay ku qabsoonto wakhtigii loogu tallogalay. 2. In komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda jira uu bilaabo hawlaha diiwaangalinta iyo u diyaar garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiilada. 3. Sidoo kale, waxa ay xisbiyada qaranka ee kulmiye iyo UCID isla qaateen in 01 augusta 2019 la soo xulo komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, komishanakas oo tiradiisu tahay 7…

Read More

COPENHEGEN(IDILNEWS).Gabadhan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka. Warbixin cusub oo lasoo saaray ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii. Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen. Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump? Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in…

Read More

GAROWE(IDILNEWS). Hal-abuurka dhismaha dalka talo ku haboon kama maarmo. Mudane Faisal Waa Khabiir Ku Takhasusey Qorshaynta Magaalooyinka & Dhismahooda Waxaana Intaas U Dheer Inuu Yahay Khabiir Siyaasada Geeska Africa Daraaseeya Ku Firfircoon Isla Markaasna Saamayn Muuqata Ku Leh Sidoo Kale Wuxuu Saameyn Ku Leeyahay Arimaha Siyaasada Dalka Uu Degan Yahay Ee Maraynkanka. Sida Uu Sheegay Puntland Wuxuu U Yimid Inuu Kala Shaqeeyo Ganacsato Reer Puntland Ah Qorshaynta Dhismayaal Badan Oo Ay Ka Hirgalinayaan Puntland. Marar Badan Ayay Ganacsatada Iyo Qurbo-joogta Reer Puntland Ka Hirgaliyeen Dalka Dhismayaal Badan Oo isku xiran loona dhisey qaab Degmo-xaafadeed ah laakiin lagu guul daraystey iney…

Read More

NAIROBI(IDILNEWS), Xildhibaan Cabdifitaax Daahir Ismaaciil oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qaybgalay kulankii shalay ee Nayrobi,ayaa sheegay in Hotelada Muqdisho loo diiday in ay kulamo ku qabsadaan. Cabdifitaax oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in ay diyaarinayaan Mooshin lagu soo gole joojiyo Rw Khayre. Xildhibaanku waxuu beeniyay in siyaasiyiintii ku shiray Nayrobi ay yihiin xil doonayaal ka ciil qaba in Xukuumada lagu dari waayay. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

COPENHEGEN (IDILNEWS). Mid ka mid ah maalqabaneeda dalka Denmark,ayaa ku waayay qaraxyadii xooga badnaa ee ka dhacay Sirilaanka inta badan caruurtisii. Andersen oo ah maalqabeen u dhashay Denmark,isla markaana haysta aduun lacageed oo gaaraya 6.3 Bilyan oo Yuro,ayaa ku waayay qaraxyadii Sirilaanka sadex ka mid ah caruurtisiii, Maalqabeenkan oo markii hore caruurtiisu ay ahayd afar,ayaa hada waxaa ubadbaaday hal mid oo qura. 37-qof oo ajaanib ah oo ku naf waayay qaraxyadaas ayay Denmark ku lahayd 4-qof. In ka badan 1500 oo Danish ah,ayaa ku sugan xiligan dalkaas,intooda badana waxay ujoogaan fasaxa loo yaqaan Easter-ga oo xiligan oo kale la galo.…

Read More

Three children of the billionaire fashion tycoon behind Asos have been killed in the Sri Lanka terrorist attacks. Anders Holch Povlsen is Denmark’s wealthiest man with a net worth of $7.9bn (£6.1bn), according to the business magazine Forbes, and is believed to be the largest landowner in Scotland after buying a string of historic estates. He and his wife, Anne Storm Pedersen, hold an estimated 80,000 hectares (200,000 acres) of the Highlands, and plan to rewild the landscape to preserve it for future generations. The bombings at churches and luxury hotels across Sri Lanka on Easter Sunday killed at least…

Read More

Denmark waa mid ka mid ah Wadamada laysku yiraahdo Skandinafiyen ee dhaca Waqooyiga Qaarada Yurub. Denmark waxay maamushaa Jasiiradaha Griinland iyo Feroe, waxaana la isku yiraahdaa Boqortooyada Denmark. Wadanka Denmark wuxuu xuduud dhuleed la leeyahay wadanka Jarmalka oo kaliya,waxuuna ka xigaa jihada koonfureed, Dalka inta badan jihooyinka waxaa uga wareegsan Bado kala duwan,kuwaasoo kala ah:- B.Badda Jihada Woqooyi, T.Badda Jihada Galbeed X.Bada Jihada Bari Denmark waxay ka koobantahay 406 jasiirado yar yar iyo kuwo waaweyn. Danmark waxaa la degenaan jiray mudo gaaraysa sida taariikhda lagu sheego 100,000 oo sano,waxaana lagu xusaa taariikhda Calankii ugu horeeyay ee la saaro caalamkoo idil…

Read More

KHARTUUM (IDILNEWS).Dowladda uu militariga hoggaamiyo ee Suudaan,ayaa digniin u dirtay dadka dibadbaxaya oo ah in ay jidgooyooyinka ka qaadaan waddooyinka caasimadda Khartuum xilli ay dibadbaxyo halkaasi ka dhigayaan. Militariga waxay shacabka u sheegeen inay baneeyaan waddooyinka si xaaladda amniga magaalada loogu soo celiyo. Madaxa golaha militariga Suudaan, Janaraal Fattax Cabdiraxmaan Burhaan ayaa sheegay in dhibaatada dibadbaxyada aanan lagu sii jiri karin. Dibadbaxyaasha ayaa dhankooda ku sugan afaafka hore saldhigga militariga ee Khartuum, waxayna codsanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah. Axaddii, hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxa wada waxay sheegeen inay hakiyeen kulan ay la yeelan rabeen militariga si looga wada hadlo…

Read More

JABUTI (IDILNEWS).Dowladda Jabuti waxay wada-xaajood la leedahay Bangiyo ku yaalla Qaaradda Yurub, si ay u maalgeliyaan Garoon Diyaaradeed oo cusub, kadib, markii ay kansal-garaysay Qandaraas la siiyey Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha. Madaxda Dekedda Badda Cas ee Jabuti,ayaa laga soo xigtay in ay wada-xaajood kula jiraan Bangiyo Reer Europe, si ay ugu heshiiyaan dhismaha Garoonka Cusub. Bangiga Horumarinta Jarmalka The German Development Bank, ee loo yaqaano KfW ayaa la sheegay inuu ugu horreeyo Kooxaha doonaya maalgashigaasi , si uu u bixiyo 420-million oo Dayn Ganacsi o olagu fulinayo Mashruuca Garoonkaasi. Guddoomiyaha Dekedaha Jabuti iyo Deegaanadda Free Zone-ka, Abuubakar Cumar Haddi…

Read More

A syndicate of European banks are in talks to finance a new airport in Djibouti after the government canceled a contract awarded to China Civil Engineering Construction Corp., the Red Sea nation’s port authority said. The German Development Bank, known as KfW, is leading the group of lenders considering whether to provide a $420 million commercial loan for the project, Djibouti Ports & Free Zones Authority Chairman Aboubaker Omar Hadi said in an interview. No deal has been finalized yet, he said. The contractor that will build the facility hasn’t been selected, Aboubaker said. Discussions on the potential funding are…

Read More

The tiny African nation of Djibouti measures 23,200 square kilometers and is home to about 800,000 people, but within a few years – and a little help from the Chinese – it expects to have two brand-new airport hubs large enough to handle 100,000 tonnes of cargo and 2 million passengers annually. Located in the Horn of Africa, where the Red Sea meets the Gulf of Aden, Djibouti is vying for a piece of the lucrative long-haul international air traffic that has been increasing across East Africa and the Middle East in the last decade. At a dedication ceremony this…

Read More

MUQDISHO (IDILNEWS).Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo,ayaa u amba-baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika. Shirkan,ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas. Qoraal ka soo baxay dowlada Federalka ayaa lagu yiri. ”Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xusuusan hiilkii iyo garab istaaggii Dowladda iyo shacabka Suudaan ay u galeen walaalahooda Soomaaliya, xilliyadii adkaa, ayaa mudnaanta siinaysa ka qeyb qaadashada dadaallada heer gobol iyo heer qaaradeed ee ku aaddan samata bixinta dalka Suudaan.” Qoraalka,ayaa sidoo…

Read More

BOSASO (IDILNEWS).Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobalka Bari ayaa xukun ku riday Cawaale Maxamuud oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ku eedaysnaa xatooyo hanti dadweyne iyo adeegsiga waraaqo been abuur ah. Waa sarkaalkii ugu horeeyay ee tan iyo intii uu Madaxweyne Deni talada Puntland hogaaminteeda ku guulaystay loo qabto musuq,isla markaana maxkamad lasoo taago,inkastoo ay dad badani qabaan in Wasiiro muhiim ah oo ka tirsan Xukuumada ay taariikh soo jireen ah oo musuq-maasuq leeyihiin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Taliska ciidanka ammaanka Puntland ee gobolka Bari ayaa faahfaahin ka bixiyey shaqooyin horleh oo ciidamadu ka wadaan gudaha magaalada Boosaaso. Taliska qaybta booliska gobolka Bari ayaa shaaca ka qaaday in ciidanka ammaanku ay diiwaan gelin rasmi ah ku wadaan gaadiidka dadweynaha ee ku sugan gobolka Bari gaar ahaan degmada Boosaaso. Tallaabadaan ayaa laamaha ammaanku sheegeen in looga golleeyahay sidii loo adkayn lahaa ammaanka isla markaana loola socon lahaa dhaqdhaaqa gaadiidka dadweynaha ee magaalada Boosaaso,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka

Read More

MUQDISHO (IDILNEWS) Wasiirkii hore ee amniga Dowlada Fadaraalka Somaliya Cabdirisaaq Cumar Axmed ,ayaa ku eedeeyay laamaha amaanka in ay ku fashilmeen ka hortagida qaraxyada iyo dilalka sida tira beelka ah u dhacaya. ”15-Qarax in ay dhcaaan Todobaadkiiba waa wax lala yaabo oo aan la aqbali karin”ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq. Wasiirkii hore ee amniga oo la hadlayay laanta afka ingiriiska ee Idaacada VOA,ayaa ku booriyay shacabka in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka si looga adkaado argagixisada. Hadalka Wasiirka,ayaa imaanaya,iyadoo laftigiisa xilka looga qaaday adkayn la’aanta amaanka Muqdisho, hoos ka dhagayso codka Wasiirka. Halkan hoose ka dhagayso codka Wasiirkii hore

Read More

Aqoonyahanka darajada sare ka gaaray tacliinta Axmed ismaaciil Samatar oo maalmahan kulamo bulshada uu kula hadlayo ka waday Gobolada Somaliland,ayaa Magalaada Gebiley ka sheegay in Dimuqraadiyadii Somaliland hoos usii hoobanayso. ”Waligay ma arag Baarlamaan 9-sano mudo xileedkiisii ay dhaaftay tan iyo yaraantaydii”ayuu yiri Pro.Samatar. Samatar oo fikradihiisa isbadalka badan,waxay inta badan dhaliyaan doodo kala duwan,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

NAYROBI (IDILNEWS). Nayrobi waxaa si rasmi ah uga bilowday kulan balaaran oo ay iskugu yimaadeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaan Fadaraalka Somaliya ,siyaasiyiin horay xilal usoo qabtay iyo madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah. Shirkan oo ka furmay Hotel Pan-Africa,ayay wararku tilmaamayaan in uu soo abaabulay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Maxamed Cabdi Gaandi. Xubnaha ugu cad-cad ee ka dhex muuqda waxaa laga xusi karaa ,hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore…

Read More

MUQDISHO (IDILNEWS).Qarax gaar lagu soo xiray ayaa goor dhaw ka dhacay Waddada Tarbuunka ee degmada Hodan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Qaraxa,ayaa lagu xiray Gaari waxaana wararku sheegayaan in uu ka badbaaday qofkii watay Gaarigaas. Balse waxaa ku dhaawacmay laba qof oo shacab ahaa.mana jirin wax dhimasha ah oo la xaqiijiyay ilaa iyo hada. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Fadaraalka Soomaaliya,ayaa gaaray halka qaraxaasi ka dhacay, waxayna ka bilaabeen baaritaanno.Tirada qaraxyada ka dhaca Muqdisho,ayaa sii batay sanadkan,waxayna umuuqdan xiligan kuwo ka xoog batay awooda laamaha amaanka Dowlada Fadaraalka Somaliya.

Read More

RIYAD (IDILNEWS).Warbaahinta Sacuudiga,ayaa ku warrantay in la dilay afar nin oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada amaanka boqortooyada ku leeyihiin Magaalo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda Riyadh. Wargeyska maalinlaha ah ee ku hadla afka Carabiga ee kasoo baxa magaalada London, Asharq al-Awsat, ayaa ku warramay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa saldhig ay ciidamada amaanka ku leeyihiin degmada Zulfi oo 260 kilometres dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Riyad. Kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku dayay in baabuur ay wateen ku jiiraan xeyndaab ay ciidamada ku wareejiyeen albaabka laga soo galo, kaddibna billaabay in ay furaan rasaas. War laga soo…

Read More

COPENHEGEN(IDILNEWS), Tirada dhimashada weerarkii lagu qaaday kaniisado ku yaalla dalka Sri Lanka waxay gaartay 290 qof. Booliska Sri Lanka waxay sheegeen inay xabsiga u taxaabeen 24 qof balse lama garanayo ilaa hadda cidda ka dambeeyasay qaraxyada. Ugu yaraan 500 qof ayaa ku dhaawacantay weerarka. Ugu yaraan 35 qof oo shisheeye ayaa ku dhintay qaraxa. Waa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Sri Lanka tan iyo dagaalkii sokeeyee ee dalkaasi ka dhacay sannadkii 2009-kii. Ra’iisul wasaaraha Sri Lanka Ranil Wickremesinghe waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka dalkiisa ay ka war hayeen wararka suurtagalnimada weerarka balse aanan wax falcelin ah…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-DowladdaItoobiya ayaa sheegtay iney ciidamadeeda badda ee burburay 1990-yadii ay 27 sano kaddib dib u soo celineyso dhawaanna shaqadooda billaabayaan. Sarreeya Guud Birhaanuu Julaa oo wareysi ay la yeelatay wargeyska ‘Addis Zemen’ oo afka dowladda ku hadlo ayaa sheegay “iney dolwadda Itoobiya ay ka shaqeyn hayso sidi ay u dhisna lahayd ciidama bad oo adag.” “Ciidamada badda ee ay Itoobiya dhisaneysana waxay noqon doonaan ayuu yiri kuwa tababar casri ah leh isla-markaana qalabki ugu dambeeyey ee ciidamada badda adeegsada.” Abaanduula ku xigeenka ciidmada Itoobiya oo soo xigtay hadal horay uga soo yeeray xisbiga talada dalka Itoobiya haya…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ayaa xiray labo haween ah oo watay ilmo dhawaan dhashay, kuwaas oo looga shakiyey inay soo xadeen. Wararka ayaa sheegay in Haweenkan la xiray looga shakiyay in ilmahan ay wataan uu yahay ilmo maalmo kahor laga xaday Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho. Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Nugaal Xasan Cabdulaahi Maxamed ayaa Xaqiijiyey in Ciidanka Boolisku hayaan Labadan haweenka ah oo Ilmo yar wata isla markaana bartaan ku socdo . Xariga Haweenka ay Qabteen Booliska Puntland ayaa kusoo aadeysay maalin ka dib markii warbaahintu baahisay islaan sheegtay in isbitaaka SOS eeMagaalada Muqdisho lagaga xaday cunug…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa weerar afka ah ku qaaday Wasiika Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal iyo Madaxda kale ee Wasaaradda. Axmed Karaash ayaa Sheegay in Madaxdii hore ee soo martay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadii Madaxweyne Gaas, ay wax wanaagsan ka qabteen Wasaaradda, isagoona sheegay in uusan garaneyn inay macquul tahay inay raad ka tagi doonaan Madaxda hada oo uu ugu horeeyo Wasiir Xasan Shire Abgaal. Madaxweyne Karaash oo maanta Daah-furay Shirka Soo Bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda. ayaa yiri “Waxaana gaar ahaan u sii mahadcelinayaa Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee…

Read More

Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli. Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo kooban sameynayeen dhinacyada isku haya gacan ku haynta magaaladaasi Tripoli, waxaana muddada labada usbuuc ah ee ay dagaalada socdeen waxaa ku dhintay qiyaastii 220 qof. Ciidamada daacadda u ah janaraal Khalifa Xaftar ayaa billoowgii bishan weeraray xooggan waxa ay ku soo qaadeen magaalada Tripoli oo ay doonayeen…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo daah-furay Shirka Culimada Soomaaliyeed ayaa adkeeyey in culimadu ay hormuud ka noqdaan sidii loo wacyigelin lahaa dhallinyaradeenna ay marin habaabiyeen argagixisadu, kaalin muuqatana ay uga qaadan lahaayeen toosinta iyo talo-siinta dowladda. Madaxweynaha ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga kala yimid, caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xagjirnimada, qabyaaladda iyo musuqa. “Waa waqtigii culimada Somaaliyeed ay qaadan lahaayeen kaalintooda iyaga oo mideysan. Waxaan ku faraxsanahay in culimadeenna iyo Dowladdu ay maanta u mideysan yihiin ka shaqeynta amniga iyo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Munaasabad Maanta lagu qabtay Magalada Muqdisho ayaa waxaa xilkii kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo dhawaan  Golaha Wasiirada Soomaaliya ansixiyeen. Gudodomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee waqtigiisa uu dhamaaday Bashiir Ciise Cali ayaa sirasmi ah xilka ugu wareejiyey Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi. Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaradad Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,waxaana uu ugu hambalyeeyey Gudodomiyaha Bangiga dhexe xilka Cusub ee loo Magacaabey. Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay si dhow ula Shaqeyn doonaan Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya,isaga…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa  sheegay in siyaasiyiinta iyo Madaxda kale ee Dowladda ku dacweynaya Beesha Caalamka ay yihiin kuwa doonaya in ay dumiyaan dowladda uu isaga Hoggaamiyo. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Mucaaradnimada ay wanaagsan tahay, Balse aysan habooneen in Beesha Caalamka la isku dacweeyo, taasi ayuu ku tilmaamay in ay tahay dowlad dumin iyo faragelin shisheeye. Waxaa uu sheegay in la doonayo in Xasilooni darro iyo Rabshado lala doonayo Dowladda uu hoggaamiyo, taas oo sabab u noqon karta in mar kale ay burburto Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa hadalkan ka sheegay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay shirka dib u eegista, soo bandhigidda, Dib u Habaynta iyo Casriyaynta Hay’addaha Dowladda. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa waxaa Ku-simahaMadaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaraddaasi, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Agaasimayaasha Hay’addaha Madaxa-banaan iyo kuwa Wasaaradaha Dowladda, Qaryaqaanada Dowladda iyo khuburo kale. Madaxweyne Karaash oo daah-furay shirka ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu leeyahay shirkani oo socondoona muddo laba cisho ah, Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo…

Read More

COLOMBO (IDIL NEWS)-Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyo ka dhacay Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa ee dalka Sri Lanka. Inta la xaqiijiyey 130 Ruux ayaa qaraxyadaas ku geeriyooday halka 80 kale ay ku dhaawacmeen, xilli uu socday dabaaldega Ciida masiixiga,waxaana qaraxyada oo gaaraya ilaa lix lagu weeraray Hoteelo iyo Kaniisado. Ilo wareedyo ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ugu yaraan 80 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaallada Colombo. Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa guud ahaan dalka Sri Lanka, iyada oo Maanta ay siweyn u…

Read More

JIGJIGA (IDIL NEWS)-Ciidanka Jabhadda ONLF ayaa rabshado ka sameeyay Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Ciidanka ONLF oo Saldhig ku leh duleedka Qabri-dahar, ayaa la sheegay inay isku dheceen Ciidanka Dowladda Federaalka Itoobiya, Iyadoona taas ay sababtay dhaawac soo gaaray Dad shacab ah. Masuuliyiinka Jabhadda ONLF ee Degmada Qabri-dahar, ayaa sheegay in dhacdadani ay sababtay Gadood ay sameeyeen Dhalinyaro Ciidanka ONLF katirsanaa oo waayay Lacag loo balanqaaday. Daawo. IDIL NEWS

Read More

DOCOL (IDIL NEWS)-Faah-faahino dheerad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaaro geystay oo Maanta ka kacay Bakhaar lagu keydiyo hubka, oo ku yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug, kaas oo ay leeyihiin ciidamada Galmudug. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana qeyb kamid ah Bakhaarka uu sameeyey, waxaana qarxay qaar ka mid ah hubka ku jiray Bakhaarka. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug oo ku aadan dabka`ka kacay Bakhaarka lagu keydiyo hubka Ciidamada Galmudug eek u yaalla deegaanka Docol ee Gobolka Mudug. Deegaanka Docol ayaa qiyaastii 40km u jira Magalada…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo Guud iyo kuwo Gooni gooni ah kula yeeshay Magaalada Nairobi Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya. Kulamadan oo ah kuwo Xasaasi ah ayaa waxaa ay u dhexeeyeen Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geellw Xaaf iyo Safiiro Dhowr ah. Kulamada ayaa intii ay socdeen looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Sidii Beesha Caalamku ay Dowlad Gobaleedyada si toos ah u siin laheyd Deeqaha Soomaaliya oo hada lasoo marsiiyo Dowladda Federaalka, Xaalada ammaan iyo nooca Doorasho…

Read More

YUBBE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag, ayaa sheegaya in la dilay Taliyihii Urur katirsan Ciidanka Somaliland eek u sugan Degmadaas. Taliyaha la dilay ayaa Magaciisa lagu soo koobay G/dhexe Neyjeeri, waxaana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay Askari katirsan Ciidankiisa. Askariga dilay Taliyaha ayaa la sheegay in uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo G/dhexe Nayjeeri, Wararka ayaana sheegaya in dilka kaddib askariga uu isku dayay inuu goobta ka baxsado, balse ay toogteen Ciidanka Somaliland. Wixii Kasoo kordha kala Soco Idil News IDIL NEWS

Read More

QARDHO (IDIL NEWS)-Waxaa Degaanada Dowladda Puntland si weyn uga socota Qaadista Canshuuraha Gaadiidka, Iyadoona si weyn looga dareemayo Olalahan oo ah mid ka socda dhamaanada Gobalada Dalka. Ciidamada Ilaalada Waddooyinka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Sagaalka Gobal, ayaa Heegan la geliyay, waxaana lagu arkayaa waddooyinka Ciidanka oo baaris ku sameynaya Gaadiidka, sidoo kalena hubinaya inay canshuuran yihiin. Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa ugu baaqay Gaadiidleyda inay bixiyaan Canshuuraha Waajibka ku ah, si Dowladdu ay ugu guuleysato Sugida ammaanka iyo hirgelinta adeegyada Bulshada. Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose, lagu dilay labo dagaalyahan oo ka mid ah Al-shabaab. Waxaa kale oo lagu sheegay in Duqeynta oo dhacday 19-kii bishan uu barbar socday Howlgal dhulka ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya u suurtageliyay inay Al-shabaab ka saaraan Jiinka wabiga Jubba. Ciidamada isku dhafka ah ayaa dhulka ay ka baxeen Al-Shabaab ee Wabiga Jiinkiisa ah, waxaa ay ka sameysteen difaacyo cusub sida lagu sheegay qoraalka Mareykanka. Akhriso War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM.…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, ayaa sheegay in si khaldan loo turjumay Hadal uu dhowaan jeediyay oo ku aadaneyd in Puntland ay diiday ka qeyb-galka Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Dowladda Federaalka. Wasiir Goodax ayaa Qiray in Dowladda Puntland ay nidaamka Waxbarashada uga horeyso Dowladda Federaalka, ayna aragtiyo iyo Cawinaad ka siiso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka. Goodax barre ayaa sheegay in Dowladda Puntland aysan ka maarmin Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka, si khaldan looga turjumay hadalkiisii. C/llaahi Goodax Barre, ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu maanta la kulmay Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Dowladda Puntland ayaa ku dhashay Abbaaro 1952 Degmada Jirriiban ee Gobolka Mudug. Wuxuu waxbarashadiisa heerarka kala duwan ku qaatay Magaalada Muqdisho iyo Garowe oo ka qalin jabiyey kulliyada shareecada iyo qaanuunka P.S.U. Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa soo qabtay shaqooyin kala duwan sida macallin dugsiyada Hoose dhexe, Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Mashruucii Warshadda Sonkorta (Jubba Sugar Project). Markii ay burburtay Dawladdii dhexe wuxuu ka mid ahaa dadkii u qaxay xeryaha qaxootiga Dalka Kenya, halkaas wuxuu ka bilaabay xirfaddii macallinimada oo ay aad ugu baahnaayeen caruurtii galay xeryaha qaxootiga. Waxa…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gudoomiyay shir u dhaxeeyay Wasaaradda, Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka. Ujeedada shirka ayaa ahaa dar-dargelinta iyo ka miro-dhalinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Ugu horeeyn, waxaa shirka furay Wasiir Saalax Jaamac isagoo sheegay inay ka go’antahay la shaqeeynta Gudiyada Qaran ee ay howsha kala dhaxeeyso. Gudomiyaha Gudigga Baarlamaanka ee La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo shirka ka hadlay ayaa Wasiirka uga xog-waramay howlihii la soo qabtay, Gudoomiyaha wuxuu xusay heshiiskii dhexmaray Gudiyada iyo Wasaaradda ee lagu…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ciidanka Booliiska dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah Koox Ilhaan Cumar ugu hanjabtay in ay dili doonaan, kaasoo  ah Cunsuri ay ku weyn tahay Naceybka dadka soo galootiga ah. Ninkaan ayaa lagu helay Eedeymo kala duwan oo ah in uu maleegayay wareeraro lagu qaado dadka Islaamka ah. Booliska waxa ay sheegeen in la qabtay ninkaan ka dib markii uu cod farriin ah uu u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga, islamarkaana uu ku sheegayay in uu dili doono Xildhibaan Ilhaan Cumar. Eedeysanahaan oo 49-sano jir ah waxaa lagu magacaabaa John…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Puntland Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi. Xildhibaanada oo Shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ee Garoowe, ayaa Sheegay in Marxuum C/rashiid oo kamid ahaa Aas-aasayaashii Dowladda Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa sheegay in Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi uu kamid ahaa Halyeeyada Dowladda Puntland. Waxaa uu sheegay in uu ahaa Ruux Taariikh ku leh Mandiqada Puntland, ayna tabi doonaan Shacabka Dowladda Puntland, oo uu ku baneeyay Door muhiim ah. Ugu Dambeyntii, Guddoomiye…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta u amba-baxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaas oo ay uga qeyb-galayaan Tababar ku saabsan Xoojinta Shaqada Baarlamaanka. Guddiga ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa sidoo kale Muqdisho kulan kula yeelan doona Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Iyagoona ka wada-hadli doona Xoojinta xiriirka iyo Wada-shaqeynta Labada Dhinac, sida uu sheegay Xoghayaha Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Puntland. Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ee ka amba baxay Magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Nabad-gelyada iyo amniga Golaha Wakiilada Puntland Gen. Cabdicaziiz…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa maanta Shir uga furmayaa Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, kaas oo looga hadlayo Xaalada Siyaasadeed, ammaan iyo Dhaqaale ee Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa xalay gaaray Magaalada Nairobi, Isagoona ku biiray Madaxweynaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaanahan ku sugnaa Nairobi. Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa la filayaa in Shirkooda kaddib ay kulan la yeeshaan Xubnaha Beesha Caalamka eek u sugan…

Read More

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay Magaalada Abu Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo looga hadlayay xaalada Colaadeed ee Gobalka Sool. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah oo xogaha ku geedaaman aad loo qariyay, ayaa yimid kaddib markii Imaaraadku ku qanciyay Madaxweynaha Dowladda Puntland kulan Madaxweyne Biixi, Sidoo kalena biixi si deg deg ah looga yeeray Hargeyso oo doraad uu ka duulay. Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in kulankoodu uu qaatay Dhowr Saacadood, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn inay Heshiis…

Read More

3 ama Labo bilood ka hor ayey wasaarada Puntland oo kaashanaysa hay’adaha kula midoobay waxbarashada ,waxay isugu yeertaa macalimiin ka kala yimi gobolloda .Markii hoolka la yimaado waxaa macalimiinta ,sanad walba lagu tababaraa nidaamka dejinta imtixaanka gaar ahaan su’aalaha oo lagu fariisinayo Bloom’s Toxonomy kaas oo ah in su’aalaha leysu dheeli tirro (Educational Measurement and Evaluation) .Maddooyinka oo waraaqda imtixaanka laga dhigo mid leh labo ama saddex qaybood ayadoo ku xiran dabeecada maadada . Haddii aad la timaadid hoolka computerkaaga ,laguuma ogola inaad ku dejisid imtixaanka laakiin waxaad ka dhigan kartaa tixraac wixii macluumaad ah oo kuugu jirra.Maado walba waxaa…

Read More