Author: Jibril Qoobey

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii laba-laabayso hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah, si looga xoreeyo dhammaan deegaannada ay kaga dhuumaalaysanayaan dalka. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ciidamada Qalabka Sida guullaha waaweyn ee ay ka soo hoyeen argagixisada Alshabaab ee cadawga ku ah horumarka, nabadda iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed. “Hambalyo ayaan idin leeyahay inaad ka adkaateen cadawgii ummadda Soomaaliyeed oo ay idiin babac dhigi waayeen. Waxaa loo baahan yahay sidii aad magaalooyinkan uga erideen, Sabiib iyo Caanoole, oo aad uga adkaateen inaad u difaacataan, shacabka magaaladan deggan oo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Aamino Maxamed Nuur, ayaa sheegtay in Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa Degaanada Puntland ay ku tunteen Xuquuqaha Haweenka Dhibanaha ah. Aamino Nuur ayaa Sheegay in looga baahan yahay Warbaahinta inay ilaashaan Xuquuqaha ay lee yihiin Dadka Dhibanayaasha ayna ka fogaadaan inay soo bandhigaan Wajiyada Haweenka ah Dhibaneyaasha, taas oo ay sheegtay inay wax yeelayso Mustaqbalkooda Berri. Ugu dambeyntii, Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Aamino Maxamed Nuur, ayaa tilmaamtay inay Dowladda Puntland dadaal ugu jirto dhowrista iyo Cadaalad helista Dhibanayaasha. Daawo. IDIL…

Read More

RIYADH (IDIL NEWS)-Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz ayaa warqad Casuumaad ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Casuumaddaan ayaa daaray in ay kasoo qeyb galaan shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga. Shirkaan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan la filayaa in uu ka qabsoomo. Boqorka ayaa sheegay in shirkaan uu yahay Mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta. IDIL NEWS

Read More

QAAHIRA (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry. Wadahadalka ayaa intiisa badan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida. Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiye kuxigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Abshir Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa dood ka keenay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ee ku saabsanaa arrinta imtixaanka guud ee dowladda oo ay Puntland diiday inay ka qeyb gasho iyo digniin uu u diray ardayda Puntland. Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa qodobo ka tirsan Dastuurka KMG u cuskaday hadalka Wasiir Goodax, isagoo ku tilmaamay warka ka soo baxay Goodax inuu ka hor imaanayo qodobka 54aad ee dastuurka. “Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaa habboon in xukuumada…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Shirka Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada oo lagu waday in maanta oo 19 April ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa burburay kaddib markii ay iska diideen qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada. Wararka ayaa Sheegaya in Saddex kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada ay iska diideen Casuumaada Shirkan oo uu Labo jeer oo is-xigta u diray Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid C/llaahi Deni, ayaa ka cudur daartay shirkan, maadaama uu safaro ku marayo Dalal dibadda ah , Isagoona haatan ku sugan Dalka Imaaraadka Carabta, kuna sii jeedo Magalaada Nairobi ee xarunta Dalka…

Read More

Ku: Raysal Wasaare Hassan Ali Khaire Og: Madaxwene Mohamed Abdullahi FarmajoUj: Hadalkii Gafka ahaa ee Wasiir Goodax Barre Mudane Raysal Wasaare, Puntland waa Gobol Gobol Federal ah oo Soomaliya ka mid ah. Qodobka 54aad ee awood qeybsiga Dastuurka Soomaliyeed wuxuu qeexayaa awoodaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. 1.Waxaa nasiib darro ah in Wasiir aan wax talo, tayo iyo agab toon ah ku lahayn waxbarashada iyo barbaarinta ardeyda Puntland uu maanta dhaleeceeyo nidaamka waxbarashada Puntland. 2. Wasiir Afbalaar Goodax wuxuu ku sheegay Waxbarashada Puntland mid ah Shahaado suur Waxaan kaa codsanaynaa inaad talaabo waafi ah ka qaaddo aadna raali gelin ka bixiso hadalkaas aan…

Read More

Waxaa goor dhaw bilaabanaya kulan ay kasoo shaqeeyeen masuuliyiinta Dowlada Imaaraadka Carabta,kaasoo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland. Madaxweyne Deni oo qorshahiisu ahaa in uu usoo anba baxo Kenya,ayaa baaqday kadib markay sidaa ka codsadeen masuulyiinta Imaaraadka. Dhanka kale Madaxweyne Muuse Biixi,ayay masuuliyiinta dalka Imaaraadka udireen diyaarad kasoo qaaday Hargaysa. Labada Madaxweyne,ayay Dowlada Imaaraadku ku saartay cadaadis in ay yeeshaan kulan. Isku soo wada duuboo goor dhaw,ayuu bilaabanaya kulankooda,waxaana la filayaa in ay kasoo baxaan go’aamo hordhac ah. Lasoco wararka danbe.

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay arrimaha amniga dalka,  Aragtida Dowladda Puntland ee arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixino kale.

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland, ayaa maanta ku amartay dhammaan macallimiinta dugsiyada Qur’aanka ee degaannada Puntland, in ay isku soo diiwaan-geliyaan mudda 10 cisha. Wasaaradda ayaa macallimiinta Qur’aanka ku wargelisay , in laga bilaabo maanta oo ku beegan 18 April 2019 ay bilaabatay diiwaan-gelinta dugsiyada Qur’aanka Kariimka,iyadoo wixii ka dambeeya 28 bishan April aan la aqoonsan doonin dugsigii aan is diiwaan-gelin. Wargelintan ayaa ku soo beegmaysa, xilli dhowaan wasiirka Caddaalada uu sheegay, in gebi ahaanba la xiri doono dugsiyada Qur’aanka iyo xarumaha kale ee ay leeyihiin firqada loo yaqaan Al-takfiir, oo uu ku eedeeyay in…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa baaq wadajir ah ka soo saaray xaalada magaalada Muqdisho. Baaq wadajir ay u soo saareen ayay ku sheegeen in bajaajlayaasha Muqdisho ay tacadiyo kala kulmaan Ciidamada dowladda, isla markaana ku dhowaad 50 ka mid ah ay u xiran yihiin Booliska. Waxaa ay ku baaqeen in nabadda iyo xasiloonida la ilaaliyo, iyagoo ugu baaqay dowladda in aysan xaalada uga darin. Halkan hoose ka akhriso baaqa:- BAAQ FURAN Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa loo qabtay Tababar ku aadan ololaha dakhliga iyo kalsooni galinta Shacabka. Tababarkan ayaa looqabtay shaqaalaha ka hawal gala xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyaddu ay ku leedahay Magaalada Boosaaso Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee looqabtay tababarkan ayaa tiro doodu kor udhaftay labatan waxana lagu qabtay Hoolka shirarka Wasaaraddu ku leedahay Magaalada Boosaaso. Tababarkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasime kuud xigeenka dakhliga Xasan Cali Samatar Madaxa shaqada iyo shaqaalaha C/rishiid Axmed Nuur iyo Masuuliyiin kale. Xasan Cali Samatar Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga ayaa shaqaalaha loo qabtay kula dardaarmay in ay wakhti…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)- Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa si kulul uga jawaabay Hadal kasoo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ku aadanaa inay Puntland diiday ka qeyb-galka imtixaanka Shahaadiga ah ee ay Wasaaraddiisu diyaarisay. Guddoomiye Ismaaciil Warsame, ayaa sheegay in Hadalka C/llaahi Goodax Barre uu yahay wax lala cajabo, uuna u maleynayo in uusan si fiican u akhrin Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa uu xusay in hadalkiisu uu u muuqday Hanjabaad maran oo uu u jeedinayo Shacabka Degaanada Puntland, isagoona ugu baaqay in uu meel fagaare ah ka…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa xilal Wasiiro u magacaabay Siyaasiyiin caan ka ahaa Gobolada Amxaarada iyo Oromada dalka Itoobiya, iyadoo is bedelkan cusub lagu tilmaamay mid lagu yareynayo culeysyo siyaasadeed oo soo wajahay Maamulka Abiy Ahmed. Abiy Ahmed ayaa xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda u magacaabay Gedu Andargachew oo ahaa Madaxweynihii Ismaamulka Gobolka Amxaarada, waxaana uu bedelayaa Wasiirka xilka banneynaya Mr Workneh Gebeyehu oo noqonaya Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobey ee Nairobi. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxaa loo magacabay Lemma Megresa oo ahaa Madaxweynihii Ismaamulka Oromada. Waxaa kaloo Wasiirka Horumarinta iyo Dhismaha loo magacaabay Haweeney lagu magacaabo…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Saree e Dowladda Puntland, ayaa u yeertay Warbaahinta, Iyadoona la filayo inay ka jawaabto hadal shalay kasoo yeeray Cabdullaahi Goodax Barre oo ah Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Hanjabaad u diray Ardayda Dugsiyadda sare ee Puntland, taasoo ku aadan in aysan heli doonin Shihaadda dowladda haddii aysan ka qeyb galin Imtixaanka dowladda Soomaaliya ay iclaamisay, oo uu sheegay inay Dowladda Puntland. Hadalka Wasiir Goodax ayaa dhaliyay Dood badan, Iyadoona Mas’uuliyiin kala duwan oo xilal kasoo qabtay Puntland iyo Dowladda Federaalka, ay ku tilmaameen wax lagu qoslo hadalka Mr. Goodax. Wasiirkii…

Read More

LIMA (IDIL NEWS)-Alan García Madaxweynihii hore ee dalka Peru ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliska ay isku dayeen in ay kasoo xiraan gurigiisa ka dib markii lagu helay  eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay. Mr García ayaa markii hore loola cararay isbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima. Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra. Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii. Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Banaan-baxyo balaaran ayaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda ay ka bilowdaan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga soo hor-jeedo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Banaan-baxyadan oo ah mid saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntooda ay hareysay Baraha Bulshada, ayaa waxaa ka qeyb-qaadan doono Dadka Barakacayaasha ah iyo Dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegay inay caqabado kala kulmeen Dowladda Federaalka. Saaxiibada Siyaasadda ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku eedeeyay Mucaaradka inay ka dambeeyaan Banaan-baxyadan, ayna ku bixiyeen Lacag fara-badan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho shalay kusoo bandhigay Ciidamo Boolis ah oo loogu tala galay inay ka hortaggaan rabshaddaha. Mas’uuliyiinta…

Read More

Travel.State.Gov > Legal Resources > Legal Resources > Advice about Possible Loss of U.S. Nationality and Dual Nationality > Advice About Possible Loss of U.S. Nationality and Seeking Public Office in a Foreign StateAdvice About Possible Loss of U.S. Nationality and Seeking Public Office in a Foreign State. A U.S. national’s employment, after attaining the age of 18, with the government of a foreign country or a political subdivision thereof is a potentially expatriating act pursuant to Section 349(a)(4) of the Immigration and Nationality Act if the individual is a citizen of that foreign country or takes an oath of…

Read More

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa hooraantii bishii Maarso ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale. Digniinta oo ah mid shuruucda dalkaas lagu caddeynayo ayaa lagu sheegay inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda. “Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxaa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax xooggan oo la adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho. Qaraxan oo ah mid jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, ayaa si gaar ah uga dhacay afaafka hore ee goob maqaayad ah oo ku dhow Saldhiga Booliska Degmada Waaberi. Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac. Wararka ayaa Sheegaya in Qaraxan ay ku dhinteen illaa 5 Ruux, halka 13 ruux ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta gaaray Gawaarida gurmadka deg dega ah Aamin Ambulance. Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo maanta ka…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa shaaciyay in markii u horraysay Maxkamad lagu soo oogay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo musuq maasuq ku eedaysan. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in la qabtay ,dabadeedna dacwad Maxkmadeed lagu oogay, shaqaaale ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda oo lacago dhunsaday. Wasiir Abgaal ayaa sheegay in shaqaalaha dacwadda lagu oogay uu kamid yahay Madaxii Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari oo ku eedaysan in uu lunsaday lacag dhan $52,000 oo Dollar. Sidoo kale, Shaqaalaha Dacwada lagu soo oogay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Deegaanka, Beeraha & Waraabka Ismaaciil Diiriye Gamacdiid, ayaa ka hadlay muhiimada ay lee dahay in la beero dhirta, isagoona ugu baaqay Shacabka Puntland inay bilaabaan beerista Geedaha. Wasiir Gamacdiid oo ka hadlay Xuska ololaha Maalinta Dhir beerista Puntland, oo maanta lagu qabtay Magaalada Garoowe, ayaa sheegay in Dhirtu ay faa’idooyin badan u lee yihiin Bulshada, sidoo kalena ay ka qeyb qaadato bilicda Degaanka. Waxaa uu sheegay in Dhirtu ay tahay Nolasha aadamaha, isagoona xusay in dhirtu ay soo jiidato Roobka, isagoona ugu baaqay Shacabka inay ka qeyb-qaataan Olalaha Guri iyo Geed ee ay dhowaan si wadajir ah…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa digniin adag u dirtay Maraakiibta iyo Doomaha Shisheeye ee sida sharci darada ah uga kalluumeysta Xeebaha Degaanada Dowladda Puntland, Iyadoona sheegtay inay tilaabo adag ka qaadi doonto. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland C/khaaliq Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhowaanahan ay soo gaarayeen Cabashooyin kasoo gaarayay Kalluumeysatada Reer Puntland ee kunool Degaanada Xeebaha ah. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Dowladda Puntland, ayaa sheegay in Puntland ay lee dahay Sharciyo lagu ilaaliyo kalluumeysiga, isagoona sheegay in cid walba oo jabisay Sharuucdaas ama kusoo xad gudubta Biyaha Puntland ay mudan doonto Tilaabo adag. Waxaa uu…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guruyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse Ciro, ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland inay u hoggaansamaan Olalaha kor u qaadista Bilicda Boosaaso oo dhowaan bilaabanaya. Wasiir Ciro ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaabanayo olale lagu nidaaminayo Waddooyinka Magaalada Boosaaso, looguna sameynayo balaarin. Waxaa uu sheegtay in Dowladda Puntland aysan cidna ugu aabayeeli doonin olalaha lagu muujinayo bilicda Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladda Puntland, ayna burburin doonaan Guri iyo Goob kasta oo ay soo galaan fidinta waddooyinka Magaalada. Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho iyo duleedkeeda. Gen. Zakiya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo ay sheegtay in argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan. Taliye Kuxiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Ammaanka ay gacanta ku hayaan 16…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah shir ku leh xaruntooda, iyadoo xalay lagu wargeliyay Xildhibaanada kulanka maanta oo farriimo qoraaleed loogu sheegay. Kulanka maanta ayaa warbixin looga dhageysanayaa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, inkastoo aan weli Golaha Wasiirada soo meel marin sharciga doorashooyinka, hadana waxaa la sheegayaa in Guddiga doorashooyinka uu ka warbixin doono qorshaha doorashooyinka ee sanadka 2020/2021 dalka ka dhici doono. Sidoo kale ajandaha labaad ayaa ah akhrinta 1aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo ay hor keentay Baarlamaanka Wasaaradda Dekedaha. Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa bilowgiisa…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qeyska Dowladda Puntland Marwo Aamino Cismaan Xaaji Jaamac, ayaa Sheegtay in aysan Odayaasha dhaqanku wax door ah ku yeelan doonin Cadaalad mudashada kuwii ka dambeeyay kufsiyadii ka dhacay Degaanada Dowladda Puntland. Wasiir Aamino ayaa sheegtay inay Dowladda Puntland tilaabo adag ka qaadeyso kooxaha arxan laa wayaasha ah ee ka dambeeyay kufsi iyo Dilalka ka dhacay Degaanada Puntland. Waxaa ay sheegtay in aysan jirin cid looga heybaysanayo in looga leexdo in la marsiiyo Cadaalada kuwa Dulmiyay Haweenka, Iyadoona ugu baaqday Shacabka Puntland inay ka war sugaan Laamaha garsoorka iyo Dowladda Puntland oo gacanta kula…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shir lagaga arrinsanayey tayeynta shaqaalaha Dowladda Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagaga hadlay sidii loo dardargelinlahaa uruurinta xogta shaqaalaha, dowladda, ka warqabka xaaladda shaqaalaha iyo Tayaynta shaqaalaha laf-dhabarta u ah dowlad-nimada. Kulankan oo ay goob-joog ahaayeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, (Ina Abdiladif) Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Abdiweli Cali Timacade (Abdiweli Ali Timacade) Agaasimaaal iyo saraakiil ka kala socdey Wasaaraddaha Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana (Ahmed Tigaana Abdalla) ayaa ka warbixiyey…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Saynab Cabdiwahaab oo ah Hooyada dhashay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd Gabar yar, Da’deedu gaareysay 12 sanno jir, oo la hadashay Warbaahinta ayaa Sheegtay in Cadaalad xumo ay tirsaneyso Dowladda Puntland. Saynab C/wahaab ayaa Sheegtay in ay aad uga xun tahay in Ciidamada CID-da Puntland, ay maanta shaaca ka qaadaan inay bilaabayaan Baaritaanka Kufsigii iyo Dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo ay kasoo wareegtay Labo bilood. Waxaa ay sheegtay in Rag sheegay inay ka socdaan Ciidanka CID-da Puntland ay shalay u yimaadeen iyagoo sheegaya inay bilaabayaan baaritaanka Kiiskii Caa’isho, ayna xuseen in Ciidanka PSF-tu ay horey uga boobeen…

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare ayaa ku eedeeyay dowladaha Khaliijka inay diidan yihiin shidaalka Soomaaliya, isagoo ka dhawaajiyay in shirar looga hadli lahaa nidaamka shidaalka Soomaaliya oo ka dhici lahaa Addis Ababa iyo Istanbul la baajiyay. Faarax Macalin oo taageera Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay diidan yihiin wax soo saarka shidaalka Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay heysato illaa 280 Block oo shidala ah, balse 53 ka mid ah lagu sameeyay sahan, lana xaraashay, waxaana uu xusay in la isku haayo oo kaliya 3 Block. Faarax Macalin ayaa sheegay in saddex…

Read More

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa 15 maalmood u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan si ay xilka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah, ama xubinnimada laga laaban doono. “Xukuumad ku meelgaar ah oo milatarigu hoggaaminayo waxay si buuxda uga soo horjeedsan doontaa wixii ay baadigoobayeen dadka Suudaan” ayaa lagu yiri war saxaafdeed uu soo saaray golahaasi ka dib kulan uu ku yeeshay xaruntiisa dhexe ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa dalbaday “in guddiga milatarigu uu awoodda iska dhiibo, kuna warreejiyo xukuumad rayid ah” iyadoo aysan arrintaasi la…

Read More

DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in bilaha soo socda lagu qaban doono Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland Shir looga hadlayo Maalgashiga Degaanada Puntland, taas oo ay ku baaqday Dowladdu. Madaxweyne Deni oo la hadlayay Jaaliyadda Puntland ee Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Shirkan looga hadlayo Maalgashiga Puntland, oo la qaban doono horaanta Bisha 8-aad ee Sanadkan, ay kasoo qeyb-galayaan dhamaan Daneeyayaasha Maalgashida Degaanada Dowladda Puntland, kuwaas oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali. Waxaa uu xusay in Shirkan ay dhinac socoto Madal lagu soo bandhigayo Kheyraadka laga helo Dhulka Puntland iyo Meelaha ku…

Read More

CAPE TOWN (IDIL NEWS)-Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa waxaa uu Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi Bililiqo iyo Boob ay u geysteen dadka deegaanka ee Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town. Safiirka ayaa waxaa uu Booqday goobihii Ganacsi ee Soomaalida Strand lagaga boobay, Halkaas oo uu warbixinno arinkaan la xariira uu kaga dhegeystay Soomaalida. Waxaa uu u ballan-qaaday Ganacsatadii uu La kulmay in uu dhibaatadooda u gudbin doono Dowladda Soomaaliya, si ay Dowladda Koofur…

Read More

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la kulmay jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka Carabta. Munaasabadan ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, qunsulka Soomaliya u fadhiya Imaaraadka, Maamulka Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka, Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo Jaaliyadda Puntland ee Imaaraadka. Madaxweyne Deni oo munaasabada Khudbad taariikhiga ah ka jeediyey ayaa si weyn uga warbixiyey guulaha safarkii Imaaraadka Carabta ee isaga iyo weftigiisa. “Waxaan rabnaa in dalkeena la maal gashto waxyaabaha anaga nalaga rabo oo ay ugu horayso inaan amniga hagaajino, sidoo kale waxaan rajeynaynaa in ay Puntland…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaarada Africa ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday meel ku dhow tuulada Xiriiro ee Gobolka Bari lagu dilay Abdihakim Mohamed Ibraahim oo loo yaqaanay Dhoqob, kaasoo ahaa Hoggaamiye kuxigeenka Daacish. AFRICOM ayaa sheegtay in Ibraahim uu mas’uul ka ahaa howlgalada maalinlaha ah iyo qorsheynta weerarada ay geysato Kooxda Xagjirka ah ee Daacish. Abdihakim Dhoqob ayaa ahaa gacanta midig ee Sheekh C/qaadir Muumin, waxaa uu ka soo muuqday muuqaalo kooxda baahisay, isagoo ku sugan buuraleyda Gobolka Bari. Wasiirka Amniga Dowladda Puntland Abdisamad Mogamed Gallan ayaa sheegay in Abdihakim Dhoqob…

Read More

MOSCOW (IDIL NEWS)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb gasho shirka 5aad ee Dowladaha Carbeed iyo Ruushka kaas oo Maanta oo Talaado ah  ka furmaya Magalada Moscow  oo ah Caasimadda Wadanka Ruushka. Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kuwaas oo Maalin ka hor gaaray Magalada Moscow ee dalka Ruushka. Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa in shirka Maanta uu sirasmi ah u furo,waxana shirka diirada lagu saari doonaa sida ay u wada shaqeyn karaan dowladaha Carbeed iyo Dowladda Ruushka. Soomaaliya ayaa shirkaasi waxa uu…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa xalay kormeer ku tagay Xarunta Xarunta Taliska Booliiska Soomaaliyeed, isaga oo kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha ciidanka Booliska. Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha kala duwan oo uu ka kooban yahay taliska,waxaana uu saraakiisha kala hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhaxaysa Booliiska iyo shacabka si loo xaqiijiyo Amniga Caasimadda. Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Saraakiisha ciidanka booliska inay kordhiyaan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo. Taliya Zakiya ayaa sidoo kale sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu uga digay…

Read More

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Ku dhawaaqay in dhowaan Dib loo bilaabayo Dhismaha Wadada Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, taas oo uu hakad ku yimid sanadkii hore ee 2018-ka. Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Khudbad ka jeedinayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Imaaraadka Carabta, ay caawa ugu qabteen Magaalada Abu Dubai, ayaa sheegay in kulan uu dhowaan Caasimadda Puntland ee Garoowe kula yeeshay Safiirka Dalka Jarmalka ee Soomaaliya, ay isla qaateen in dib loo bilaabo Mashruuca Dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe. Madaxweynaha ayaa xusay in dib loo saxayo waxyaabihii sababta u ahaa in…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Shaqaalaha kasoo Degaanada Puntland ee ka Shaqeeya Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa hoos u dhacay 2 Sanno ee u dambeysay, sida ay muujineyso Qiimeeyn la sameeyay. Qiimeeyntan oo lagu sameeyay Boqoley ahaan, ayaa muujineysa in Dadka ugu yar ee ka shaqeeya Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka, ay kasoo jeedaan Degaanada Dowladda Puntland. Shaqaalaha Dowladda Federaalka ee ugu badan ayaa Qiimeynta lagu sheegay inay kasoo jeedaan Degaanada Somaliland, Iyagoona ah 22%, waxaana kusoo xiga Dadka kasoo Jeeda Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo ah 18%. Qiimeynta ayaa lagu Sheegay in Shaqaalaha kasoo jeeda Degaanada Puntland ee…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Congorres-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa Shaaca ka qaaday inay Kordheen Hanjabaadaha loo soo diray, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha Dowladda Donald Trump uu baahiyay Muuqaal goos goos ah oo muujinaya naceyb. Afhayeenadda Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi, ayaa sheegtay inay Sarkaalka dhinaca Ammaanka ee Aqalkaas kala hadashay Ammaanka Xildhibaanad Ilhan Omar iyo in ilaalo khaas ah loo sameeyo. Hadal-qoraal oo ay soo saartay Nancy Pelosi waxay kaloo ku sheegtay inay doonayso inay Ciiddanka Boliska ee Capitol (USCP) ee u xil-saaran ilaalinta Ammaanka Xildhibaanadda dalkaasi inay Ilaalo Khaas…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Waaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeeray Bangiga Dawladda Puntland ee Boosaaso. Boqashadan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda C/risaaq Siciid Nuur,Agaasime Guud ku xigeenka Dakhaliga Xasan Cali Samatar iyo masuuliyiin kale. Wasiirka iyo Waftiga uu Hogaaminaayay waxaa Bangiga ku soo dhoweeyay Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse aw Xuseen Ducaale halkaasi oo ay kulan ku wada qaateena masuuliyiinta labada dhinac. kulan kaasi intii uu socday Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse aw Xuseen Ducaale ayaa Wasiirka iyo Wasiirku Xigeenka u soo bandhigay in ay…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa  Tababar u furtay 18 Dhalinyaro ah oo isugu jirta Wiilal iyo Gabdho, kuwaas oo la barayo ku shaqeynta Mashruuca JPL ee Hormarinta Degmooyinka Puntland. Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ka hadlay furitaankii Tababarka, ayaa Sheegaya in Dhalinyaradan ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee la barayo sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen Mashruuca JPL. Agaasime Jubba ayaa sheegay in Dhalinyaradan 18 ah ay 9 kamid ah yihiin Wiilal, halka 9 kalena ay yihiin Dumar, kuwaas oo ka baxay Jaamacaddo. Daawo. IDIL NEWS

Read More

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay madaxda shirkadda duulimaadyada ee Fly Dubai. Kulankan oo muhiimad gaara lahaa ayaa waxaa looga wada hadlay sidii shirkadda Fly Dubai ay duulimaadyo uga samyn lahayd Garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Puntland maadaama ay Dowladda Puntland leedahay Garoomo si casri ah u dhisan laguna samayn karo duulimaadyo heer caalami ah. Madaxda Shirkadda Fly Dubai ayaa xustay in kulanka ay la qaateen Madaxweynaha Dowladda Puntland uu yahay mid muhiimad gaara u leh, ayna…

Read More

Taniyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajo Febr. 8, 2017 waxaa si xoogleh usoo if-baxday in dadka reer Puntland ee ka shaqeeya Hay’adaha Dawladda Federaalka ah si gaar ah loo beegsado. Mudadaas kooban ee Dawladdu jirtey waxaa xilalkoodii waayey tiro badan oo reer Puntland ah oo isugu jira diplomaasiyiin, saraakiil sare oo rayad ah, siyaasiyiin caan ah iyo saraakiil ciidan. Arrintan ayaa lagu tilmaamay sifayntii labaad oo si gaar ah loogu beegsado dadka kasoo jeeda Gobolada Puntland tan iyo dhamaadkii 70-aadkii iyo bilowgii 80-aadkii xilligaas oo Dawladdii kacaanku arrimo siyaasadeed awgeed u faquuqday deegaanada Puntland oo ay ku tilmaantay…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Mareykanka ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday. Wasiiro xukuumadda ka tirsan iyo xildhibaanno ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay garoonka diryaaraha Aadan Cabdulle Cusmaan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mudadii uu safarka shaqo ku joogay dalka Maraykanka waxa uu kulumo mira dhal ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka, gaar ahaan Aqalka Cad, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasaaradda Maaliyadda iyo USAID Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka qayb galay shirka sanadlaha ee Bangiga Addunka…

Read More

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay madaxda shirkadda DP-World oo uu hogaaminayey maamulaha shirkadda Sultan Ahmed Bin Sulayem. Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Xuseen Cismaan Lugatoor (Gabiley) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kulankan ayaa waxaa looga wada hadlay dhismaha iyo balaadhinta dekedda magaalada Boosaaso, dar-dargelinta hawlaha shaqo ee dekedda iyo ka midha-dhallinta heshiiska caalamiga ah ee bud-dhigga u ah mashruucani muhiim ka ah. Madaxweyne Deni…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka oo muddo 7 bilood banaanaa. Wasiir Ducaale oo shalay su’aalo lagu weydiiyay kulankii Baarlamaanka ee albaabada u xirnaa ayaa sheegay in dhowaan la soo magacaabi doono Taliyaha Hey’adda Nabadsugida, isla markaana ay socoto howshaas. Xilka Taliyaha Nabadsugida ayaa waxaa markii u dambeysay bishii October ee sanadkii hore 2018 iska casulay Xuseen Cusmaan Xuseen (uurkuus), kaasoo xilkaas hayay muddo todobo bilood. Hey’adda Nabadsugida ayaa xilligan leh Taliye kuxigeen kaliya oo ah Fahad Yaasiin ahna Sii Hayaha xilka Taliyaha,…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa Sheegay in aysan jirin Cid Puntland uga qeyb-galaysa Shirarka Tamarta iyo Macdanta ee ay Waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Tamarta Puntland Mr. Taaraan ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay ay sameysay Wasaaradda Tamarta iyo Macdan, ayna tahay tan kaliya ee Dowladda ku mateli karta Shirarka la xariira Shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya. Waxaa uu Sheegay in cid kasta oo Daneynaysa Shidaalka iyo Macdanta ay kala hadleyso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Dowladda Puntland, aysana jirin cid ka sokeysa oo laga xaajoon karo, Wasiir Taaraan ayaana xusay inay…

Read More

GENEVA (IDIL NEWS)-Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa dalbanaya in la helo warka saddex ka mid ah shaqaaalaheeda oo Suuriya lagu afduubtay 5 sano ka hor. Bayaan laga soo saaray magaalada Geneva,ayay guddiga ICRC, waxay dalbadeen in si shurud la’aan ah loo siidaayo. Hay’adda ICRC ayaa dhammaadkii sannadkii hore nolol ku ogayd Louisa Akavi oo ah haweenay kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay dalka New Zealand, haddana 62 jir noqonaysa. Qaxootiga ka soo firxaday Suuriya ee tagay xadka Ciraaq ayaa sheegay in ay arkeen iyada oo wali kalkaalisanimo kaga shaqaynaysa magaalo u dhaw wabiga Furaat. Laanqayrta Cas ayaa sidoo…

Read More

KHARTOUM (IDIL NEWS)-Golaha cusub ee militariga Sudan ayaa waxay shaaca ka qaadeen in xabsiga loo taxaabay xubno muhim ah oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen musuqmaasuq dhacay xilligii dowladii Cumar Al-Bashiir. Xubnahani ayaa wajihi doona dacwado ay ku soo oogaan maxkamadaha dalkaasi. Af-hayeen golaha militariga ee dalkaasi ka arimiya Shams Ad-din Shanto, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxaa uu ku sheegay in isbadal lagu sameeyay hoggaanka ciidamada. Mr Shanto ayaa xusay in taliyayaal cusub loo magacaabay militariga,sirdoonka iyo Booliiska dalkaasi. Waxa uu intaa ku daray in dhowr ah hay’adaha dowladda dib u habayn lagu samayn doono. Mar…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha dalka ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa guddoomiyay shirka amiga oo looga hadlay xaaladda amniga ee dalka gaar ahaan adkaynta amniga caasimadda. Shirka amniga oo ay ka qayb galeen guddiga loo xil saaray sugidda amniga caasimadda ayaa looga hadlay mudaaharaadkii ka dhacay caasimadda dalka. Guddoomiyaha gobalka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka war bixiyay natiijada shirka ayaa sheegay in la isla gartay in bulshada Soomaaliyeed ay muujin karaan shucuurtooda oo ay la xisaabtami karaan dawladda si nabad ah. Waxa uu sheegay Guddoomiye Yariisoow in booliisku ay…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday gobolka Bari lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob. Wasiirka waxaa uu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday Tuulada Xiriiro oo hoostaga Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari. Dhinaca kale Duqeynta ayaa loo maleynaya iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, waxaana la sheegay xilliga la beegsanayay in ay ku jireen Safar. Qof kale oo ana weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu la dhintay ninkaasi, iyadoo la sheegay in Gaari noociisa ay somalidu u taqaan (Kabta Buudka uu watay) Ninkan. Daawo. IDIL NEWS

Read More

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa isagoo ka hadlaya Banaan-baxyo looga soo hor-jeeday dilalka Ciidamada Dowladdu u geysanayaan Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto-bajaajta, waxaa uu sheegay in Dadka banaan- baxyada wada ay ku jiraan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab. Madaxweyne Farmaajo oo ka hor hadlayay Shacab la isku soo uruurshay ayaa sheegay in Dowladdiisu ay shacabku doorteen, ayna cagta marinayso haatan cid walba oo diidan Hab-dhaqankeeda, taas oo u muuqatay in Madaxweynuhu uusan ogeyn wax aka dhalan kara hadalkiisa. Wuxuu yiri Madaxweyne Farmaajo, Mise waxa laga Filayay ? Madaxweyne Farmaajo hadalkan uu shalay Jeediyay ayaa u Muuqday mid Siyaasadeysan,…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ka qayb-galay xuska maalinta bandhigga wax soo saarka beeraha Puntland, kaas oo ka qabsoomay magaalada Garoowe ayna soo qaban-qaabisay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is Badelka Cimilada dowladda Puntland. Maalinta bandhigga dalagga Puntland ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda iyo qaar kamida beeralayda Puntland oo madasha ku soo bandhigay dalagyada ay beeraan oo noocyo kala duwan isugu jira. Kusimaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tilmaamay inuu…

Read More

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar  ka tirsan koongareeska Mareykanka ayaa shaacisay in aysan marnaba ogolaan doonin inay aamusto, kadib markii xilli ay khudbad jeedineysay ay wax ka sheegtay Madaxweyne Donald Trump sidoo kalena ay ka hadashay weeraradii September 2001. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u jawaabay ilhaan Cumar, waxaana barta Twiterka uu kusoo qoray hadalo uu ugu jawaabayey Ilhaan Cumar oo ay ka mid ahaayeen” Waligeen ma hilmaami doono weeraradii 2001 iyo erayo kale. Xisbiga Jamhuuriga ayaa si kulul ugu edeeyey Ilhaan Cumar inay si xun uga hadashay weeraradii Sanadii 2001,dii ,hayeeshee Xisbiga dimuqraadiga ayaa si weyn u difaacay, waxaana…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal. Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa su’aalooyin adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood jawaabo layaab leh ka bixin. Fahad Yaasiin oo ka soo buuxday kulan looga hadlayay Arrimaha Ammaanka oo maanta u socoda Baarlamaanka ayaa wax laga weydiiyay arrinta xirnaanshaha waddooyinka, isagoo sheegay inuu yahay go’aan ka soo baxay Hey’addaha Amniga oo aan aheyn mid si gaar u quseeya Hey’adda NISA. Sidoo kale Kusimaha Taliyaha ayaa la weydiiyay su’aalo kale, oo ka mid aheyd xariggii Mukhtaar Roobow, isagoo xusay in xarigaas aanan shaqo ku laheyn, waxaana mar la weydiiyay in sababta Maxkamad…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kulan ay uga arinsanayeen Falalka Kufsiga ah ee kusoo badanaya Degaanada Puntland. Kulanka oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa Guddiyada qaabilsan Xuquuqul-insaanka iyo Caddaaladda ee Baarlamanka Puntland lagu amray in ay baaritaan dhab ah ku sameeyan Arrimaha kufsiga,si go’aanno looga soo saaro. Sidoo kale , Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo Abaaraha baahsan ee ka jira degaano katirsan Puntland, Iyadoona loogu baaqay Shacabka, Dowladda iyo Hay’adaha samafalka inay u istaagaan u gurmashada Dadka Abaaruhu…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse, ayaa u Magacaabay Taliyayaal Cusub Kantaroolka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari iyo Taliska Saldhiga Baalade ee Boosaaso. S/Gaas Muxyadiin Axmed Muuse ayaa Taliyaha Taliyaha Rugta Kantaroolka Magaalada Boosaaso u Magacaabay Dhamme Mukhtaar Axmed Faarax (Gaagaale), halka ku xigeenkiisa loo Magacaabay, Xiddigle Axmed Ciise Ducaale, sida ku cad dikreeto ka soo baxday xafiiska taliyaha Booliiska Puntland. Sidoo kale, Xiddigle Cabdirashiid Salaad Maxamed ayaa loo Magacaabay Taliyaha saldhiga Booliiska xaafadda Baalade ee Magaalada Boosaaso. Akhriso Wareegtada Magacaabista ah ee uu soo saaray Gen. Muxyadiin. IDIL NEWS

Read More