Author: Jibril Qoobey

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoonka  Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa Qoraal uu soo saaray waxaa uu uga dalbaday Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga & Taliyeyaasha Ciidamada, inay Maalinta Sabtida ah ee soo socota hor-yimaadaan Xildhibaanada Golaha Shacabka. Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada Amni ee dalka oo maalmihii la soo dhaafay aheyd mid aad u xun, iyada oo sidoo kale ay socdaan howlgallo baaritaano ah. Dhawaan ayaa waxaa khilaaf ka taaganaa ka hadlida ajendaha ku saabsan Amniga dalka, hayeeshee Isniintii ay go’aamiyeen guddiga joogtada in Maalinta Sabtida ah lag hadlo,isla markaana Xildhibaanada ay hor-yimaadaan Mas’uuliyiinta…

Read More

225-arday oo dhammaystay shahaadada heerka 1-aad ee Jaamacadda PSU faraceeda Garoowe.ayuu Madaxweyne xigeenka Dowlada Puntland Axmed Cilmi Karaash gudoon siiyay shahaadooyinkoodii. Waa war lagu farxo muujinayana horusocodka bulshada Puntland.Dhalinyarada,ayaa baahi xoog leh uqabta shaqo abuur,si kastooy uga qalin jabiyaan Jaamacadaha waxay marka danbe dantu u khasabtaa in ay ka haajiraan dalka. Dowlada Puntland ee uu xiligan hogaaminayo Madaxweyne Deni,wali ma aysan cadayn mawqifkeeda ku aadan fursado usamaynta dhalinyarada,inkastoo aysan wali ubuuxsamin Boqolkii Maalmood ee ugu horeeyay,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka

Read More

Itoobiya waxay diyaarinaysaa Cutubyo Ciidamada Badda ah,kuwaasoo tababarkooda iyo qalabayntoodaba gacanta lagu hayo xiligan. Itoobiya oo aanan Bad lahayn,ayay dad badani iswaydiinayaan halka ay Ciidamadasi uga hawlgali doonaan. Balse waxaa jira qorshayaal qarsoon oo Dowlada Imaaraadka Carabtu dabada ka riixayso,kuwaasoo Xeebaha Somaliya mid ka mid ah gacanta loogu galin doono Itoobiya. Gaar ahaan waxay xoguhu tilmaamayaan in Dekeda Berbera ee Somaliland ay noqon doonto mida ay ka hawlgali doonaan. Saldhiga Milatari ee maamulka Somaliland uu la saxiixday Dowlada Imaaraadka Carabta,ayaa noqon doona isaguna fadhiga Ciidamada Badda ee Itoobiya ee dhismaheedu uu socdo. Ciidamadan oo si xirfad sare leh loo tababarayo,isla…

Read More

6,000 oo Dollar mahan lacag badan,balse waa sifo sharciyan lagu waxyeelayn karo Ilhaan Omar. Gudiga Doorashada,ayaa sheegay in lacagtaas loogu talagalay Ololaheeda Doorashadda,balse u adeegsatay si Shaqsiyadeed, iyadoo Kharajkaasi qeyb ka yahay Socdaal ay ku tegtay magaalladda Boston iyo dalka Estoniya. Saraakiisha Guddiga Doorashadda ee Gobalka Minnesota,ayaaba sheegaya in ay dhamaystireen Baaritaankooda ku aadan eedeynta Ilhaan. Inta badan Dadka la socda siyaasada Maraykanka,waxay u arkaan eedayntan in ay tahay wax laysku soo aadiyay oo ay ka danbayso ujeedo,madaama ay Ilhaan dhawr jeer erayo kulkulul ka tiri arimaha Srael iyo Trump. Ilhaan oo soo noqotay Xubin Aqlka Wakiilada ee Minnesota,hadana ah…

Read More

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo waftigisii ku sugnaa Muqdisho oo dib ugu laabtay kismaayo fadhiga Kmg ah ee Dowlada Jubaland. Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa casuumad ka helay Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka Farmaajo,sida lagu sheegya war kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland 24-kii bishii hore. 10-cisho oo uu joogay Muqdisho majirin wax xog ah oo laga hayay qorshihii uu u yimid Axmed Madoobe,oo aan ka ahayn in ay jireen kulamo albaabadu uxirnaayeen oo dhex maray madaxda ugu saraysa Dowlada Fadaraalka. Xalay xili danbe,ayaa la shaaciyay sawiro iyo muuqaal muujinaya casho sharaf loogu sameeyay Xaafiiska Ra’isalwasaaraha waftigii Jubaland ee uu hogaaminayay Madaxweyne Axmed Madoobe. Waftiga Jubaland ee xalay…

Read More

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta dib ugu laabtay Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib dhowr maalmood oo howlo shaqo uu u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo Masuuliyiinta Labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale. Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga jiray isla markana booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra”iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wada hadalo…

Read More

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay u istaagaan dhameystirka Dhismaha Isbitaalka weyn ee Gobalka Mudug, kaas oo uu burbur kasoo gaaray Qaraxyadii 2016-kii ka dhacay Gaalkacyo. Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegay in uu meel gabo-gabo ah marayo dib u dhiska Isbitaalka weyn ee Gobalka Mudug, balse ay goday lacagtii lagu waday Shaqada, ayna taas xagal daacin karto Howlaha dib u dhiska Isbitaalka oo la rabo in lagu soo gaba-gabeeyo bisha 6 ee sanadkan. Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Shacabka iyo Dowladdu iska kaashadaan sidii loo heli…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliye Ku-xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen Gawaari Qaraxyo sidda in ay ku jiraan Gudaha Magaalada Muqdisho. S/Guuto Zakiya Xuseen ayaa sheegay in gaari Barado ah oo sidda waxyaabaha Qarxa uu ku jiro Magaalada Muqdisho, ayna ku dabajiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen. Taliyaha ayaa xustay in ay kusoo wargaliyaan Shacabka hadii ay arkaan gaari Barado ah oo ay ka shakiyaan, Iyadoona sidoo kale soo bandgigtay Sawirada gaari nooca uu yahay. Daawo. IDIL NEWS

Read More

NAIROBI (IDIL NEWS)-Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya Axmed Ciise Cawad iyo Monica Juma ayaa kulan labo geesood ah ku yeeshay magaalada Nairobi, iyagoo ka wada hadlay soo celinta xiriirkii labada dal ee xumaaday. Monica Juma ayaa qoraal ay barteeda Twitterka soo dhigtay ku sheegtay in iyada iyo dhiggeeda Soomaaliya ka wada hadleen sidii xiriirka labada dal uu si caadi ah ugu soo laaban lahaa. Waxaa ay sheegtay inay ka wada hadleen xaaladii ka dhashay xiriirka labada dal iyo walaacii Kenya ka qabtay shirkii Shidaalka London ka dhacay 7 February ee sanadkan. Sidoo kale waxaa ay sheegtay inay ku heshiiyeen…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Bari, ayaa xukun ku riday Labo nin oo lagu qabtay iyagoo Khamri gelinaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Raga xukunka ay lagu riday oo kala ahaa Geedi Cali Ciye iyo Cabdisalaam Xasan Jaamac, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay min 3 sanno ee xariga ah iyo Kun Dollar oo ganaax ah. Sidoo kale, Maxkamadda ayaa go,aamisay in Dowladda Puntland ay la wareegto Gaariga oo khamrida looga keenay dalka Itoobiya, waxaana daqiiqado kaddib xukunka la burburiyay Khamridii ragani ay wateen oo dhameyd 371 Dhalo. Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Iyadoo Xiisad u dhexeysaCiidamada dowladda iyo Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya ee Miriino, ayaa waxaa isa soo taraya Wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu siiyay Dhulka xeradaas Dowladda Itoobiya. Madaxweyne Farmaajo ayaa u balanqaaday Ra’iisulwasaaraha Itoobiya inuu ku wareejin doono Dhulka Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya, kaas oo kaabiga u saran Xeebta, sida uu sheegay Danjire Maxamed Caalim. Danjire Caalim ayaa sheegay in kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, uu u balanqaaday Mr. Abiy in uu ku wareejin doono Xerada Ciidanka Badda Soomaaliya, si…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid ayaa faahfaahin ka bixiyay Caqabaddaha hortaagan in si deg deg ah loo dhameystiro Dastuurka dalka. Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Guddiga ay soo wajaheen Caqabado badan oo ay qeyb ka yihiin Khilaafka dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda iyo Khilaafka labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Caqabadaha ugu waa weyn ee Horyaalla Dastuurka marka la dhameystiro inay kamid tahay Maqnaanshaha Dadka Reer Somaliland, maadama loo baahan yahay in Afti dadweyne loo qaado Dastuurka, taasna aysan dhaceyn in inta dadka reer…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in meel xun uu marayo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland kadib markii ay ka gaabisay Dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaan Xuseen Carab oo ka hadlay Kulanka Golaha Shacabka ee ka socda Xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho, ayaa ku hanjabay in ay dib ugu laaban doonaan Gobalada ay matalaan ee Waqooyi (Soomaaliland). “Meel Xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Soomaaliland” ayuu ka hor sheegay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo…

Read More

JIGJIGA (IDIL NEWS)-Xisbiga talada haya ee Gobolka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya oo shir uga socda magaalada Jigjiga ayaa isku raacay in la bedelo magaca iyo Calanka Xisbiga. Xubnaha Xisbiga oo shirkooda la soo gabagabeyn doono maanta oo Arbaco ah ayaa ansixiyay in la bedelo calanka iyo magaca Xisbiga, waxaana magacii Xisbiga ee ahaa Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya lagu bedelay Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida (SDP). Sidoo kale waxaa la bedelay Astaanta calanka Xisbiga oo markii hore ku dhex jiray Calanka dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana astaanta lagu soo koobay Xidig qeybta sare kaga taal Calan Buluug ah oo dhexda…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah ee socoto Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodi doonaan Xaaladda Ammaan ee dalka oo maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxday. Ku dhawaad 20 Xildhibaan ayaa dhawaan saxiixay Mooshin ay ku dalbanaayeen in si deg deg ah Golaha Shacabka ay kaga doodaan Ammaan dalka si loola xisaabtamo Xukuumadda Soomaaliya. Gudoomiye Mursal waxaa uu sheegay in loona yeeri doono Hey’addaha ammaanka si wax looga weydiiyo Ammaanka Caasimadda. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka 2-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo looga hadlayo Ajandayaal dhowr ah ayaa waxaana xaadiray 156 xildhibaan, Iyadoona uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka ayaa warbixin looga dhagaysan doonaa Guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya.

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Haweenka gobolka Bari, gaar ahaan kuwa Boosaaso. Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Haweenka ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Taliyaha Qaybta gobolka Bari iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Maryan Maxamed Xasan guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Bari ayaa kawar bixisay qodobada muhiim ka ah ee kulanka looga hadlay. “Shirkan uu iclaamiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu ku saabsanaa ururada bulshada, khaasatan ururada haweenka, waxaa…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland, ayaa baaq u diray Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, kuwaas oo gacanta ku haya Xabsiyadda dalka. Wasiir Xaamud ayaa sheegay in ciidanka asluubtu uu yahay ubucda dhaqanka suuban ee Shacabka Soomaaliyeed, maadama ay yihiin kuwo gacanta ku haya Maxaabiista ku eedeeysan dambiyada kala duwan. Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qofka Maxbuuska ah loola dhaqmo si wanaagsan, lana ilaaliyo xuquuqaha uu lee yahay oo ay kamid yihiin Cunadooda, Jiifkooda, Waxbarashadooda iyo Daruuraadka kale ee aas aaska u ah Nolasha aadamaha. Wasiirka Cadaalada Puntland ayaa baaqan ka jeediyay…

Read More

ALGIERS (IDIL NEWS)-Dowladda Algeria ayaa xaqiijisay in Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika uu is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen. Wakaaladda dowladda ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu iscasilay Shacabka uu ugu baaqay in ay muujiyaan tanaasul oo ay taageeraan Isbedalka cusub ee ay doonayaan. Mr Bouteflika, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas, waxaana is-casilaadiisii kaddib Magaalooyinkaas ka bilowday Dabaal-degyo lagu soo dhaweynayo is casilaadiisa. Ciidanka awoodda badan ee dalkaas ayaa sheegay in madaxweynahaas 82 jirka ah aanu awoodin in uu…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay ee kalafadhiga 5-aad, kaddib markii ay u baaqdeen Kooram la,aan kulamadii Golaha ee loo balamay maalmihii lasoo dhaafay. Ajandaha Kulanka maanta ayaa lagu sheegay Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo warbixin laga dhageysanayo Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, kaas oo uu uu muran badan ka taagan yahay. Khudbad jeedintaan ayaa timid ka dib markii inta badan aysan soo xaadirin kulankii Xildhibaanadda ee maalmihii ugu dambeeyay, waxaana jirta cabsi ku aadan in uu muran iyo Buuq dartii u furmi waayo kulanka…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo todobaadkan howlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf uu Ra’isul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre u sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland. Cashada waxaa wehliyey kormeer ay Madaxdu kusoo indha indheeyeen qaybaha kala duwan ee Xafiska Ra;iisul wasaaraha oo dib u dayactir lagu sameeyey. Wasiiru-dowladaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sharaxay casho sharafta loo sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo kormeerka, waxaana uu sheegay in ay ka  qeyb ka tahay booqashadda uu Muqdisho ku jooggo Madaxweynaha Jubbaland.…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Boosaaso Safarkan Wasiirka Maaliyaddu ku gaaray Magaalada Boosaaso waxaa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Agaasimaha Guuud, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, iyo Agaasimaha waxada Furdooyonka Xasan Shire Cabdi ayaa safarkan dhinaca dhulka ah saaka kaga amba baxay Magaalada Qardho waxaana Magaalada Boosaaso ku soodhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golbolka Barri. imaanshaha Wasiirka Maaliyadda ee Maagaalada Boosaaso ayaa qayb ka ah ogaanshaha shaqada iyo shaqaalaha iyo sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Bangiga Adduunka oo ay hoggaaminayso madaxa mashaariicda tayaynta iyo maamuul wanaagga ee Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Africa Mss Nicola Smither. Ujeedada waftigan u yimaadeen Puntland ayaa ah sidii la isaga xog waraysan lahaa mashaariicda muhiimka ah ee uu Bangiga Adduunku ka taageero dowladda iyo sida ay uga faa’iideysatey dowladda Puntland, isla markaana loo sii dardargelin lahaa mashaariicdaasi. kulankan ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiiru dowlaha Maaliyadda Maxamed Cabdulqaadir Cismaan,…

Read More

CEERGAABO (IDIL NEWS)-Wafdi Waxgarad ah oo ka kooban Cuqaal, Nabadoono iyo Guurti oo ka kicintimay Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa gaaray Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolkaas. Waftigan Isimada ayaa ah guddi laga soo xulay Shir muddo todobaad ah uga socday hogaanka dhaqanka ee beesha Warsangeli magaalada Badhan, kaas oo looga arinsanayey xiisada dagaal ee ka taagan Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag, Xiisadan Dagaal ayaa u dhexeysa Ciidanka Dowladda Puntland iyo kuwa Maamulka Somaliland oo soo weeraray Degmada Yubbe Todobaadyo kahor, Iyadoona u jeedada waftigam tagay Ceergaabo ay tahay; 1. Sidii ay wada tashi ula sameyn lahayeen waxgaradka beesha ee…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay shalay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegaya inay Ciidanku qabteen gaari booyad ah oo lagu diyaarinayay qaraxyo. Gaariga booyada ahaa ayaa qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday inuu noqon lahaa qaraxii ugu weynaa ee Al-Shabaab diyaariso, Iyadoona wararku qirayaan in bartilmaameedka Qaraxani ahaa Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo ay ka geysato Kooxda Al-Shabaab. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada dowladda oo ku aadan warkan sheegaya in gaari booyad qarax lagu diyaarinayay la qabtay. Ciidamada xoogga dalka, gaar…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan warar laga helayo Muqdisho. Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Xiisadan ay ka dhalatay Dhul ay heysato Senator Muuse Yalaxow, Iyadoona ay ishor-fadhiyaan Ciidanka Dowladda iyo Ciidan ku beel ah Senator-ka. Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan odayaal dhaqan ayaa la sheegay in arintaan ay ku guda jiraan xalinteeda balse ilaa hada aysan natiijo ka soo bixin. Nabadoon Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed oo katirsan odayaal dhaqan oo Senator Muuse Suudi kala hadlay xiisada…

Read More

RIYADH (IDIL NEWS)-Haweenyda ay Sacuudiga daldaleyn oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa lagu eedeeyey inay daroogo ka Ganacsaneysay, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee AFP. Haweenaydan ayaa lala daldalay labo nin oo reer Pakistan ah iyo nin kale oo Yaman u dhashay,waxaana xukunka daldalaada ah uu Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay uu ka dhacay Magalada Maka ee dalka Sacuudiga. Sacuudiga ayaa sannadkan xukun dil ah ku fuliyay dad kor u dhaafaya 53 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP. Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa ka dhago adaygtay caddaadiska ay saareen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, iyaga oo…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kulankii sedexaad ee Guddiga joogtada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulanka ayaa Sidoo kale Goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey, Habdhowraha golaha iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka, xubnaha gudiga joogtada ayaa kulanka kaga hadlay dejinta Ajendayaasha Kulamada soo socda ee kal-fadhigan 5aad golaha iyo shuruucda muhiimka ah ee golaha hortabinta u leh, Xoghayaha guud ee golaha shacabka oo kulanka markii uu soo gaba gaboobay ka hadlay ayaa sheegay in xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada gobolka Bari, gaar ahaan kuwa Boosaaso. Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka Gobolka Bari kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kulanka. “Waxaa noo qabsoomay shir uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni la yeeshay dhammaan Hal-doorka dhallinyarada, aqoonyahaniinta iyo qaybaha kale ee dhallinyarta,…

Read More

As long as madam Rahma remains in detention, her humane is also detained. When a nation is colonized, it goes through different hierarchy until it reaches its worst stage where every family is affected by. The detention of madam Rahma Mohamoud Haybe for months is an attack on our nationhood, dignity and integrity. Her detention is the latest attempt to abrogate and to bury our nationality. Is it right or wrong for our daughter to be detained in a dark non- Somali regional prison cell? If Rahma committed any misconduct from her own people, why we didn’t bring her case…

Read More

Waxaa maanta oo ah 31-03-2019 Magaalada Jigjiga ku geeriyooday Allah u naxariiste Marxuum Siyaasi AADAN XUSEEN XAYLE.Marxuum AADAN wuxuu ku dhashay Magaalada Qabridaharre abbaarihii 1940kii,halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashada aasaasiga.Bilowgii 1954kii aabihii Suldaan Xuseen Xayle ayaa u soo haajiray Xamar muddo kaddibna Reerka Suldaanka ayaa soo gaaray Xamar.nasiib wanaag Marxuum Aadan wuxuu waxbarasho ka bilaabay kuna xerooday Collegio Nuova Somalia oo ahaa dugsi ay dowladda Talyaaniga gacanta ku haysay laguna diyaarinayey Raggii Soomaaliya hoggaankeeda qaban lahaa xoriyadda kaddib.Dugsiga Collegio Nuova Somalia waxaa sannadkii 1937 waxbarasho u yimid walaaladii Cabdixukun & Turki Xuseen Xayle iyo Rag farabadan oo ay ka…

Read More

QARDHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaraha,Xerada Ciidamada Darawiishta Xorgoble,Cisbatalka Degmada iyo Xarunta Cashuuraha Barriga, Kormeerkan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiir ku Xigeenka dakhliga,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime ku xigeenka guud ee dakhliga, Agaasimaha waxaada Furdooyinka iyo madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golbolka karkaar. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa xogo kaladuwan ka dhagaystay Agaasimaha Cisbatalka qardho waxana ay booq deen Goobaha bukaanka. dhinaca kale Waftiga ayaa booqday Xerada Ciidamada Daraawiishta Xorgoble iyo Garoonka Diyaaraha En Abshir Muuse. kormeerkan markii uu soo idlaaday ayaa Wasiirku Xigeenka Dakhliga iyo madaxda kale…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha Bulshada, kuwaas oo sheegayay in la marin habaabiyay Kiiska falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, lana sii daayay ragii ka dambeeyay. Wasiir Xaamud oo maanta ka hadlayay Shirka Xakamaynta kisaska kufsiga ee loo gaysto Haweenka, oo ka furmay Garoowe, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Ragii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas, ayna Cadaalada horkeeni doonaan. Waxaa uu sheegay inay yihiin been abuur wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada ee sheegaya in la sii dayay…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa amray in dalka laga Masaafuriyo C/llaahi Axmed Dool, oo ahaa Agaasimihii Xafiiskiisa, kaas oo shaqada uu ka ceyriyay kaddib markii uu qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil. Wasiir Cawad ayaa amray Socdaalka iyo Hay’adda Jinsiyadda Soomaaliya in dalka sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga masaafiriso C/llaahi Dool, isagoona sheegay intaas hadii aysan dhicin ay culeys kala kulmayaan Wadamada Carabta, maadama Dool uu taageeray in Soomaaliya iyo Israel ay xiriir Siyaasadeed iyo mid ganacsi yeeshaan. Akhriso Waraaqda Masaafurinta ah ee uu soo saaray Wasiir…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Senator Iftiin Xasan Baasto, oo ka tirsan Aqalka sare ayaa sheegay in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre uu xoog ku furay Kalafadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka. Senator Iftiin Baasto ayaa sheegay inay aheyd wax lala cajabo arrinta ka dhacday Furitaanka Kalafadhiga Golaha Aqalka Sare, waxaana uu ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo in uu ka dambeeyay, isagoona ugu baaqay in uu is-casilo. “Kal-fadhiga Aqalka Sare Ray’iisul wasaare Khayre ayaa xoog ku furay, waxaanan ugu baaqayaa inuu xilka iska casilo Madaxweyne Farmaajo” ayuu yiri Senator Iftiin Xasan Baasto. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa maanta…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa Maanta ka qeyb galay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare, isaga oo shaaciyey sababta uu uga baaqday Madaxweyne Farmaajo. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isaga u soo wakiishay ka qeybgalka kulanka, isla markaana uu khudbad ka jeediyey furitaanka Maanta ee Kal-fadhiga 5aad. Sababaha uu kulanka uga baaqday ayuu ku sheegay sababo Amni oo jira, balse Ra’iisul Wasaare Kheyre uusan sii faah faahin. inta uusan furmin kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare ayaa waxaa jiray jahwareer ka dhashay cida fureysa kal-fadhiga, iyada oo guddoonka ay diidanaayeen in uu Ra’iisul…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Banaan-baxyo balaaran ayaa ka dhashay Dil Ciidanka Dowladdu ugu geysteen agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho, Darawal Mooto Bajaaj. Dibad-baxyadan oo ka dhacay Qaar kamid ah Isgoysyada waa weyn ee Magaalada Muqdisho, ayaa dadka dhigayay waxaa ay cabasho uga muujinayay falka dilka ah ee loo geystay Wiilka dhalinyarada ah eek u shaqeysanayay Mooto-bajaajta. Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan Darawalada Mooto Bajaajka ayaa markii hore waxa ay ku banaanbaxeyn Isgoyska dabka,hayeeshee Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi ayaa rasaas kusoo kala Eryay. Banaan-baxyada ayaa intaas kaddib fiday waxaana uu ka dhaceen Isgoyska ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, Iyagoona Wadada bartankeeda…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maalmah soo socda u duulaya Wadamada Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha, kuwaas oo uu ku tagayo booqasho qaadan doonta Todabaad. Madaxweyne Deni oo ay wehlin doonaan Xubno katirsan Golahiisa Wasiirada, ayaa ugu horeyn tagi doona Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Hoggaanka saree e Dalkaas iyo Madaxa Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Magaalada Boosaaso. Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiinta imaaraadka carabta ayaa ka wada-hadli doona xoojinta Xiriirka labada dhinac, iyo sidii Imaaraadku u sii wadi lahaa Taageerada amni iyo mida Billi’aadamnimo ee uu…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Beyle, ayaa lunsaday lacag gaareysa Hal Milyan oo dollar, taas oo qorshuhu ahaa inay ku dhacdo Khasnada Dowladda, sida ay muujinayaan cadeymo ay heshay Warbaahintu. Lacagtan uu lunsaday Wasiir Beyle, ayaa u badan lacag gaareysa $987,500, taas oo Dowladda Mareykanku ugu deeqday Soomaaliya, looguna tala-galay Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah. Lacagtan oo la soo marsiiyay Hay’ad lagu Magacaabi IDLO, qeybteeda Soomaaliya ayaa waxaa heshiis hoose ku gaaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Beyle iyo Maamulaha Hay’adda oo lagu Magacaabo Siciid Shire, kuwaas wada-lunsaday. Dhanka kale, Wasiirka maaliyadda ayaa sanadkii tagey ee 2018 waxaa uu…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Waxaa maanta Isniin ah mar kale baaqday kulankii 1-aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ee Kalfadhigiisa 5-aad, iyadoo Xldhibaanada saqdii Dhexe ee Xalay loo diray fariin lagu ogeysiinayo inaanu jirin kulan. Wararka ayaa sheegaya in kulanku uu u baaqday cabsi Guddoonka baarlamaanka ay ka qabaan inuu buuxsami waayo Kooramka uu ku furmi lahaa kulanka maanta, iyadoo xuuraansi ay sameeyeen Guddoonka ku ogaadeen in Xildhibaano badan in aanay imaaneyn kulanka haddii la furo, taas bedelkeed ay kulanka baajiyeen. Guddoonka Golaha Shacabka ayaa mar kale shalay shaaciyay ajandaha looga doodayo kulanka, kaasoo ahaa ajandihii Sabtidii la soo dhaafay ku bilowday…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Adm. C/risaaq Siciid Diiriye, Taliyaha Ciidanaka Badda Dowladda Puntland (PMPF) ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanku ay Guulo ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeeda. Adm. C/risaaq Diiriye ayaa sheegay in Ciidanka Badda Puntland ay dagaal culus la galeen Kooxaha Burcad Badeedka ah ee dhibta ku hayay Maraakiibta Ganacsiga ee caalamka iskaga kala goosha, isagoona uga mahad-celiyay Dowladda Imaaraadka Carabta oo taageero iyo Tababar siiya ciidanka PMPF-ta. Waxaa uu tilmaamay in Ciidanka Badda Puntland ay haatan ku jiraan Difaaca Biriga ayna dagaal kula jiraan Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Gobalka Bari.…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu maanta furo Kalafadhiga 5-aad ee Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Soomaaliya. Furitaanka Kalafadhigan oo lagu waday inuu qabsoomo 16-kii bishii Maarso, ayaa baaqday, Iyadoona Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare ay go’aamiyeen in maanta oo isniin ah kuna began 1 bisha April uu furmo. Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana xiran wadooyinka qaar ee Muqdisho, iyada oo lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan furay Kalfadhiga 5-aad ee Xildhibaanada golaha Shacabka,waxaana furitaanka Maanta ee Kulanka Aqalka Sare uu…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Taliska Guud ee ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ iyo dekedda Magaalada Boosaaso. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR Cabdisemed Maxamed Galan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Puntland oo Kormeerka kadib la hadlay masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidanka Badda Puntland ‘PMPF’ ayaa mahad-balaadhan u jeediyey Dowladda Imaaraadka Carabta oo gacanta ku haya ciidamada PMPF. “Waxaa sharaf weyn ii ah aniga iyo waftiga ila socdey in aan soo booqano xerada ciidmada Badda ee PMPF, waxaa marka…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa maalmaha soo socda u amba baxaya Magaalada Washington ee cariga Mareykanka. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa Washington uga qeyb-galaya Shir dhici doona 8-14 bisha April oo ay hay’adaha Maaliyada Adduunka ee IMF iyo Bankiga Aduunka qabanayaan, kaas oo lagu qiimeeynayo xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo Dhaqaalaha. Safarka ayaa waxaa Ra’iisulwasaare Kheyre ku wehlin doona xubno ay kamid yihiin Wasiirka Maaliyadda C/rixmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yaasiin. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa inta uu socdo Shirkaas kulamo doceedyo la yeelan…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa shaqada ka ceyriyay Agaasimihii Xafiiskiisa C/llaahi Axmed Dool, kaasoo qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil. C/llaahi Dool ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in diblomaasiyad ahaan aysan wax dhibaato laheyn inay Soomaaliya xiriir diblomaasi la yeelato Israa’iil, waxaana uu sheegay inay danteenu tahay inaan soo dhoweyno. Sidoo kale waxaa uu ku tilmaamay shacabka reer Falastiin dad khasaaray, isagoo xusay in Ururka Xamaas ay afduubtaan dadkooda ku nool Gaza. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa isna qoraal kooban uu bartiisa Twitter-ka ku soo…

Read More

QARDHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Degmada Qardho ee Xarunta Gobolka karkaar. Safarkan Wasiirku ku tegay Magaalada Qardho ayaa ahaa kormeer shaqo oo ku aadan kobcinta takhliga Wasaaradda Maaliyadda. Degmada Qardho waxaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo waftiga uu hogaaminaayo ku soo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Con.Agadi ,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda, C/risaaq Cali Cartan,iyo Taliyaha Ciidamada hubinta Sharmaarke wayrax. Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka karkaar C/risaaq Cali Cartan ayaa ugu horayan hal kaasi ka hadlay. “Wasiir adiga iyo waftiga aad hogaaminayso ku soo dhowaada Magaalada Qardho, aad banu ugu farax sanahay imaan shihiina…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Danjiraha dalka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, Isagoona halkaas kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ayaa kulankoodu ahaa mid ay warbaahintu dibadda ka joogto, waxaana looga hadlayay taageerada Maraynkanku siiyo Soomaaliya, gaar ahaanna Puntland ee dhinacyada, amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo arrimaha banii’aadanimada. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad, oo kulankaasi ka warbixiyay ayaa sheegay in qodobadii laga hadlay la isku afgartay,islamarkaana kulanka ku soo dhammaaday jawi wanaagsan. Daawo. IDIL NEWS

Read More

TUNIS (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxa uu hoggaaminayaa wafdiga Soomaaliyeed ee ka qeybgalaya shir madaxeedka Carbeed ee caadiga ah meertadiisa soddonaad oo maanta ka furmaya Caasimadda Tunis ee dalka Tunisia oo ay ka qeybgalayaan Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda Wadamada Crabeed. Shir madaxeedka Carbeed ayaa ka doodaya dhowr arrimood oo ay ku jirto arrinta Falastiin, dhibaatooyinka Yemen, Suuriya, Liibiya iyo sidoo kale taageeridda Soomaaliya. Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed waxa ay soo gabagabeeyeen kulankooda gogol xaarka ah ee Shir madaxeedka…

Read More

DHUUSAMAREEB (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay dabkii khasaaraha hantiyeed geystay ee ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay Goobaha Ganacsi ee baabi’iyey hanti farabadan oo ay lahaayeen dad Shacab ah. “Aniga oo ku hadlaya Magaceyga, kan Gole-yaasha Dowlada iyo Shicibka Dowlad Goboleedka Galmudug, Waxaan xanuunka iyo murugada si dhaw ula wadagayaa Ganacsatada Galmudug ee maalkooda ku waayay Dabkii saaka ka kacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayuu yiri Madaxweyne Xaaf. Madaxweyne Xaaf ayaa…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta Meel-mariyay Miisaaniyadda Dowladda ee sagaalka bilood eek a haray sanadka 2019-ka, taas oo maalmihii lasoo dhaafay ay dood adag ka lahaayeen. Kulanka Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa saaka waxaa soo xaadiray 40 Mudane, Iyadoona Cod gacan tag ah geliyay Miisaaniyadda Dowladda oo ay dhowaan u gudbisay Wasaaradda Maaliyadda, Iyadoona 38 Xildhibaan ay ogalaatay 1 Xildhibaan ayaa diiday, halka Mudane kalena uu ka aamusay. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, oo kulanka Shir guddoominayay ayaa ku dhawaaqay in Natiijadada Codeynta, isagoona sheegay inay Baarlamaanku meel-mariyeen Miisaaniyadda Dowladda ee Wasaaradda…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddi Wasiiro ah ayaa loo xil saaray Xaalada amni ee Magaalada Muqdisho, kaddib kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah uuna shir guddoomiyay Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa lagu faray xubno wasiiro ah inay kasoo tala bixiyaan xaalada amni ee Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay hareeyeen Qaraxyo mataano ah oo lagu laayay Dad maato ah. Guddiga Wasiirada ah ee loo xil-saaray amniga Muqdisho, ayaa waxaa kamid ah Wasiirada amniga iyo Gaashaandhiga, iyadoona la siiyay muddo todabaad ah inay uga soo tala-bixiyaan sugida amniga dalka.…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada ee Boosaaso kulan kula qaatay guddiga amniga Gobolka Bari, Madaxweyne Deni oo maanta soo gaaray caasimadda ganacsiga Puntalnd ayaa markiiba kulan iskugu yeeray gudiga amniga, kulankaas oo looga arinsanayo adkaynta amniga iyo soo celinta hannaan Dowladnimo oo dhaxal gal ah Wasiiraka wasaarad Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Cabdismada Maxamed Gallan ayaa ka warbixiyey waxayabihii looga wada hadlay shirka” “Waxaa uu Madaxweynuhu ugu yeeray Madxtooyada magaalada Boosaaso qaar kamid ah golaha xukuumadda, maamulka Gobolka Bari kan Degmada, taliyaasha ciidanka iyo dhammaan laamaha Amniga, waxaa shirka la iskaga xog waraystay…

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay inay Tilaabo adag ka qaadi doonaan dadka ka dambeeyay dilalkii loo geystay dadka waxgalka u ahaa Bulshada Degaanada Puntland. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan aheyn inay isha ka daawadaan kuwii ka dambeeyay dilalkii Masuuliyiin ay kamid ahaayeen Suldaan Bashiir Muuse Kowte iyo Madaxii Shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso. Waxaa uu sheegay in tilaabo aysan mahdin ay ka qaadi doonaan kuwo ku eedeeysan falalka ammaan darro ee ka dhacay Magaalada Boosaaso, ayna gacan bir ah kusoo celin doonaan amniga Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladnimada Puntland. Daawo.…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta yeelanaya kulan xasaasi ah, kaas oo cod loogu qaadi doono Miisaaniyadda Dowladda ee sagaalka bilood ee ka hartay 2019-ka. Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay dood adag ka lahaa Miisaaniyadda Dowladda, Iyagoona shalay u yeeray, su’aalana weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xasan Shire Abgaal. Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay Miisaaniyadda Dowladda iyo Qoondada laga siiyay qaar kamid ah Wasaaradaha Dowladda, iyagoona dalbaday in wax ka bedel lagu sameeyo. Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo-daareed, ayaa mudanayaasha u sheegay in maanta cod gacan taag ah…

Read More

QORYOOLEY (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu duleedka degmadaasi ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xarumo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin duleedka degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dadka deegaanka lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegeen in mudo saacad ku dhow uu socday dagaal u dhaxeeyey ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa u…

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, oo Goor-dhaweyd la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah lagu soo ragay Magaalada Muqdisho. Eng. Yariisow ayaa sheegay in Magaalada ay ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran, kuwaas oo lagu baarayo guryaha Muqdisho si loo xaqiijiyo Ammaanka caasimadda. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka. Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadka shacabka inta ay socdaan howlgallada in ay muujiyaan dulqaad, maadaama uu sheegay in Magaalada ay ka jiraan dhibaatooyin…

Read More

GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa maanta su’aalo ku aadan Miisaaniyadda Dowladda ee sagaal bilood ee ka hartay 2019-ka, weydiiyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland. Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa si adag uga hor-yimid Miisaaniyadda, iyagoona sheegay inay muhiim tahay in dib loogu laabto. Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa su’aalo ka keenay Qoondada Miisaaniyadda laga siiyay Wasaaradaha qaar, gaar ahaan Wasaaradaha Cadaalada iyo Cafimaadka, waxaana ay sheegeen in ay muuqato in Xukuumadda cusub aysan dooneyn in wax laga qabto arrimaha Cadaaladda iyo Caafimaadka. Daawo. IDIL NEWS

Read More

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda ee Magaalada Muqdisho Shirkan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo Taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Shirkan ayaa si gaar ah diiradda lagu saaraya Xaaladda Ammaan ee dalka, iyo qaraxyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho. Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli saacado kahor ay soo baxeen Isbedelo lagu sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka. IDIL NEWS

Read More

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaad ee caratuurka wadada Ceeldaahir- Ceerigaabo, isla markaana dhagax dhigay wejiga labaad ee laami saaridda wadada. Dhagax Dhigga wejiga labaad ee wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey guddiga dhismaha wadada, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland, shacab ka magaalada Ceeldaahir oo goobjoog ahaa, siyaasiyiin, odaydhaqameedyo iyo masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland oo kormeeray wershedda samaynaysa daamurka, iyo jayga iyo qalabka dhismaha lagu dhisayo wadada ayaa xarigga ka jaray wejiga koowaada ee caratuurka wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, waxaana uu Madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyey muhiimadda uu…

Read More

HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray xilkii uga qaaday Saddex kamid ah Golihiisa Wasiirada, kuwaas oo ku eedeeysan arrimo Musuq-maasuq. Madaxweyne Biixi, ayaa xilalkii ka qaaday Wasiirkii Hore ee Warfaafinta  Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo), Wasiirkii Gaashaandhigga Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle iyo Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Muuse Abees. Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa Magacaabay Wasiirada cusub ee bedelay Saddexda Wasiir ee xilka laga qaaday, waxaa uu kala Magacaabay; 1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga 2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Xubnaha Wasiirada ahaa…

Read More