KISMAAYO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa 250 guri oo cusub ku wareejisey dadka ka soo laabtey Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya. Madaxwayne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga Dheere ayaa xariga ka jarey guryahan cusub ee ay Wasaaradu ka hirgalisey duleedka Magaalda Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.
Author: Jibril Qoobey
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha Guud ee Xarunta Cilmi-baadhista Taariikhda Islaamka, Farshaxanka iyo Dhaqanka ee (IRCICA) oo qayb ka ah ururka Iskaashiga Islaamka ee loo soo gaabiyo OIC, Dr. Halit Eren. Kulankaas oo lagaga wada hadlay arrimo la xiriira hawlaha horumarineed ee taariikhda islaamka iyo dhaqanka oo ay qaabilsan tahay IRCICA, waxaanu madaxweynuhu sharaxaad ka siiyey taariikhda iyo dhaqanka dalka Somaliland. Waxaana kulankaasi lagu lafo guray sidii dhismeyaal iyo dayactir loogu samayn lahaa goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland, khaasatan masjidka qiblataynka ee magaalo xeebeedka saylac iyo goobaha kale asaarta qadiimiga…
Al-Shabaab’s stunning attack in the bustling Mecca-Al Mukarama Street, the main artery of Somalia’s capital, Mogadishu, on February 28, carry a crucial and important message to Somalia and the International Community. President Mohamed Abdullahi Farmaajoand Prime Minister Hassan Ali Kheyre have failed to lead Somalia, and the country is heading in the wrong direction. Since Farmaajo and Kheyre came to power in 2017, Al Shabaab has been emboldened by weak and corrupt government and they have increased potency and frequency of deadly attacks. According to senior Somali government officials, despite rhetoric and carefully choreographed media blitzes, Farmaajo and Kheyre have…
QARDHO (IDIL NEWS)-Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Abdisamad Maxamed Gallan, kana kooban wasiiro iyo wasiir ku-xigeeno ayaa gaaray Magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Waftiga ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho, Iyadoona soo dhaweyntooda ay ka qeyb-qaateen Maamulka Degmada iyo Kan Gobalka, Iyadoona intaas kaddib loo gudbiyay Madal loo diyaariyay. Wafdiga ayaa kulamo la yeeshay madaxda heer gobol iyo heer degmo, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Qardho, Iyagoona kala hadlay xoojinta amniga iyosidii looga wada-qeyb qaadan lahaa Hormarinta Degmada Qardho. Wararka ayaa sheegaya in Waftigan Wasiirada ah…
XAWAADLEY (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa Sheegaya in Dagaalyahanada Al-Shabaab ay la wareegeen Degaanka Xawaadley oo ku yaalla duleedka Balcad. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa la Sheegay inay gudaha u galeen Degaanka Xawaadley oo dhowr Kiilo Mitir u jira Degmada Balcad, kaddib markii ay saaka isaga baxeen Ciidamada Xoogga Dalka oo ay soo dul fariisteen Shabaabku. Dhanka kale, Wararka ayaa Sheegaya in dagaal waqti kooban qaatay ay Al-Shabaab kula wareegayn degaanka, waxaana jira Abaabul ay wadaan Mas’uuliyiinta Hirshabelle oo dib looga saarayo Al-Shabaab degaanka Xawaadley ee degmada Balcad. Al-Shabaab ayaa Habeeno ka hor qabsaday Degmada Balcad,…
DHUUSA-MAREEB (IDIL NEWS)-Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Galmudug. Wasiir Sabriye ayaa lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda Maamulka Galmudug, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in Madaxweyne Xaaf uu isagana u safray Gaalkacyo. Ujeedada socdaalka Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in uu Madaxda Maamulkaasi kala hadli doono khilaafka iyo is faham waayga u dhaxeeya hoggaanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug. Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu ku wargeliyay Wasiirka Arrimaha…
QAAHIRA (IDIL NEWS)-Wasiirada Caafimaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar Drs. Fowzia Abiikar iyo Drs Hala Zaid ayaa magaalada Qaahira ee Xarunta dalka Masar ku kala saxiixday heshiis Baratakool ee iskaashi una dhaxeeya wasaaradaha Caafimaadka ee labadan dal. Heshiiskaan ay labada wasiir kala saxiideen ayaa ka tarjumayaa sii horumarinta cilaaqaadka dalalka Soomaaliya iyo Masar, loo gaar ahaan sidii Wasaaradda Caafimaadka Somaaliya ay dowladda Masar ugu taageeri laheyd horumarinta Caafimaadka ee dhinaacyada badan leh. Wasiirada Caafimaadka Masar Drs Hala Zaid ayaa markii qalinka lagu duugay heshiiskaasi hadal gaaban ay halkaa ka jeedisay waxa ay sheegtay inay dowladeeda ay la garab taagan tahay Jamhuuriyadda…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib markii uu ka soo kicitimay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Wasiir ku-xigeeno iyo xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka. Axmed Madoobe ayaa waxaa safarka Muqdisho ku Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda Puntland iyo Ilaalo fara badan oo aad u hubeysan, waxaana loo galbiyay Guri ku dhow Madaxtooyadda oo loo diyaariyay. Wafdiga Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay Muqdisho joogi doonaan maalmo, waxaana…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Cali Khaliif Galeyr oo soo noqday Madaxweynaha Maamulka la magac baxay Khaatuma State, ayaa shaaca ka qaaday in looga baxay heshiisyo dhowr ah oo uu la galay Xukuumadii Madaxweynihi hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in uu hayo heshiis uu la galay Siilaanyo oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in aan weli laheyn cida heshiiskaas fulin laheyd, hayeeshee dhankooda ay diyaar yihiin. Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Dastuurka iyo shuruucda lagu tunto ay u baahan tahay cid qaada mas’uuliyadeed, isagoona sheegay in loo baahan yahay wadada loo marayo heshiiskaas…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku wajahan saacadaha soo socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay baahisay Warbaahinta Jubbaland. Safarka Axmed Madoobe oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay ayaa jawaab u ah socdaalkii uu dhowaan ku tagay magaalada Kismaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay, kaasoo ujeedkiisa ahaa soo afjarida mad madowgii iyo khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa todobaadyo ka hor ka sheegay Kismaayo inuu Muqdisho tagayo, una tagayo Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu xusay in la dhammeeyay khilaafkii labada dhinac. Safarka Axmed Madoobe…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Degaanka ee Degmada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa maanta dooranaya Duqa Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku tartamaya Labo Musharax, kuwaas oo kala ah Saahid Maxamed Cali iyo Mukhtaar Axmed Cumar. Xubanaha Golaha Degaanka oo ka kooban 31 Mudane ayaa shalay la dhaariyay, Iyagoona dooran doona maanta Guddoonkooda. Musharixiinta Labada ah ee u taagan Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa la filayaa in marka hore ay khudbado ku aadan Qorshayaashooda kahor jeediyaan Golaha Degaanla, iyadoona intaas kaddib loo gudbi doono Doorashada. Guddi isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowladda Puntland…
KINSHASA (IDIL NEWS)-Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay – waana tiraddii ugu badneyd ee muddo todobaad ah la soo wariyo sanadkan. Hey’adda IRC ayaa sheegtay in tirada saxda ah ay intaasi ka badan karto, iyadoo ay ugu wacantahay in dadku aysan soo sheegin kiisas dhacay, sababo la xiriira aminaad darri iyo amaanka. Hey’addan ayaa intaasi ku dartay in tirada dadka ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu cudurkaasi soo ritay ay ka badantahay Kun qof, uuna sii socon karo faafista cudurka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cisbitaalka magaalada Garoowe ka daah-furay Mashruuc balaaran oo Qaliin loogu samaynaayo dadka faruuran iyo dadka dhanxaraggu xidhan yahay. Munaasabadda furitaanka mashruuca waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland, masuuliyiinta cisbitaalka Garoowe, Jaaliyadda Puntland ee dalka Germany iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland Mashruucan balaaran ee Qaliinka loogu samaynaayo dadka Faruuran oo ah kii labaad ee Puntland lagu sameeyo, ayaa waxaa ka faa’iidaysanaya dad gaaraya 185 qof oo ka kala yimaaday deegaanada Soomaalidu dagto, isla’markaana waxaa fulintiisa iska kaashanaya Jaaliyadda…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu tago Magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in Qardho uu kulan kula yeelanayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kaas oo ay ka dhexeyso Xurguf soo jirtay Sanadihii ugu dambeeyay. Wararka ayaa Sheegaya in uu socdo dadaalo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Waxgarad, kuwaas oo la doonayo in lagu heshiisiiyo Madaxweyne Deni iyo Boqor Burhaan, oo kala tirsanaya arrimo dhowr ah. Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inuu dalbaday in Boqorku uu ugu yimaado Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, taas oo…
NAIROBI (IDIL NEWS)-Waaxda Saadaasha Hawada Kenya ayaa hadda sheegtay in dhul gariirkii caawa 7:22 laga dareemay qeybo ka mid ah Nairobi uu cabiirkiisu dhammaa 4.8 oo ah qiyaasta cabbirka Dhulgariirka. Meelaha laga dareemay waxaa ka mid Nairobi, Kiambu, Machakos, Mombasa, Nyeri iyo Makueni. Wali si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay Dhulgariirkaasi.
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Liiska Xubnaha Golaha Degaanka ee Degmada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, ayaa la ansixayay, kaddib markii maalmihii ugu dambeeyay ay ka socotay Gaalkacyo soo xulista xubnahan. Golaha Degaanka Gaalkacyo ayaa ka kooban 31 Mudane, Iyadoona 25 kamid ah ay yihiin Rag, halka 6 kalena ay yihiin Dumar, waxaana xubnahan meel-mariyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Faderaalka iyo Dilmuquraadiyaynta Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad. Liiska Golaha Degaanka cusub ayaa waxaa aan kasoo Muuqan Duqa KMG ah ee Degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad, kaas oo ay si weyn isha ugu hayeen Shacabka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegay in uu ku waayay xubinta…
BARAAWE (IDIL NEWS)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Degmada Baraawe ee Caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa shaaca ka qaaday inay saacadaha soo socda soo baneynayaan Baraawe, kaddib xaalada adag oo soo wajahday bilihii ugu dambeeyay. Qaar kamid ah Ciidamada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in 4 bilood ee lasoo dhaafay aysan helin wax Mushaar ah, haatana uu ka go’ay saadkii iyo cunadii ay cunayeen. Ciidamada ayaa xusay in xaalada haatan heysatay ay uga daran tahay duruufihii adkaa ee soo maray mudadii 5 sanno iyo bilaha ah ee ay ku sugnaayeen Degmada Baraawe oo ay ka saareen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu Wareejiyay Xog ku saabsan macdanta ku jirta dalka Soomaaliya, taas oo la ururinayay illaa iyo horaantii qarnigii aynu ka soo gudubnay. Shirkada SKA ayaa ku wareejisay dowlada Soomaaliya Xogtan, iyadoo shirkadana ay xogta ka heshay qubaro British ah oo baarayay sanooyin badan. Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah dahabka iyadoo goobaha laga heli karo macaadiintana lagu muujiyay xogta lagu wado in lagu wareejiyo dowlada federalka. Wasiirka Macdanta iyo Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed, oo ka hadlay Xogtan lagu wareejiyay ayaa sheegay inay aad u soo dhaweynayaan Xogtan, isla markaasna…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warbaahinta iyo Baraha Bulshada Dowladda ayaa lagu baahiyay in Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan deg deg ah isugu yeeray Taliska Howl-galka AMISOM iyo Safiirada dawladaha Soomaaliya ka taageera amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada. Kulanka oo ahaa mid deg deg ah ayaa ka dhacay Xarunta Xalane oo saldhig u ah Beesha Caalamka, saacad uun kaddib markii Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuna dileen illaa 15 Qof oo uu kamid ahaa Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Saqar Ibraahim Cabdalla. Maxay tahay Xaqiiqada ka Qarsoon ee Kulanka ? Sarkaal…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Maanta waxa ay ka qeyb galeen Salaada Janaasada ee meydka Marxuum Xillibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa wasiir ku xigeenkii wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya. Salaada Janaasada oo marxuumka lagula dukaday gudaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne Farmaajo, Ra’isal wasaare Kheyre, xildhibaanada labada golle ee Baarlamaanka, wasiiro, ehelka Marxuumka iyo masuuliyiin ka socday hay’addaha dowladda. Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal ayaa sheegay in Marxuumka uu ahaa Shaqsi afgaaban oo mar walbo cibaadada Alle…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo maanta ka hor-jeediyay Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland Khudbadiisa Dastuuriga ah ee sanad walba uu kahor jeediyo Baarlamaanka, ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira wadahadalada Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dhowr mar ay la soo xiriireen Dowladaha Sweden iyo Switzerland si ay u wada hadlaan Soomaaliya iyo Somaliland, isla markaana ay aqbaleen. Wuxuu tilmaamay in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay ku dhagan yihiin Dowladda Turkiga, oo sida uu sheegay ku fashilantay Dhowr mar oo ay isku dayday in la xaliyo wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. “Waxa muuqata…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa cambaareeyay qaraxii Al-Shabaab ay ka geysteen dhismaha Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee Soomaaliya, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dad uu ku jiro Allaha ha u naxriistee Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo Sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha bulshada. “Innaa lillaa wa innaa ileehi raajicuun Allaha ha u naxriisto dhamaan dadkii ku geeriyooday falkaasi ay argagixisadu geysatay oo uu ku jiro wasiirkii ku Xigeenkii wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Naxriistii jano Allaha haka waraabiyo intii kale…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa meel meriyay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, kaas oo uu Magacaabay Saacadihii lasoo dhaafay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe. Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta yeeshay fadhigii 69-aad kal-fadhigii 4-aad ee golaha oo ay soo xaadireen 54 Mudane ayaa la horkeenay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Baarlamaanka ayaa ku ansixiyay cod gacan taag ah,waxaana Gudigan oo ka koobnaa 7 Xubnood, kuwaas oo kala ah; 1.Xamse Cabdi Barre 2.Axmed Cumar Maxamed 3.Samsam Macalin Faarax Abuukar 4.Mursal Siyaad Maxamed 5.Ibraahim Aadan Ibraahim 6.Maxamed Cusmaan Yuusuf 7.Axmed Maxamed…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Baarlamaanka Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, Dowladaha Sacuudiga iyo Baxrayn ayaa si kulu u cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta,Dr; Mishcal, bin Faham, Asalami, ayaa tacsi u diray , Madaxweynaha, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Shacabka Soomaaliya, geeridii ku timid Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla, oo xubin hore ka ahaa Baarlamaanka Carabta, kaas oo ku dhintay qaraxii lala beegsaday wasaaradda Shaqada. Wuxuuna guddoomiye, Mishcal Alle uga baryay in uu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, Ehelladii iyo qaraabadii u ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Barqanimadii shalay ayaa weerar ku bilaawday qaraxyo waxaa lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana weerarkaas sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo shaaciyey sababta ay u weerareen. Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abuu Muscab ayaa ku sheegay sababta ay u weeraeen Xarunta in Wasaaradda ay ku howlaneed qorista Ciidamo la dagaalama Ururka Al-Shabaab. Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay sidoo kale diyaarineysay ciidamo dharcad ah oo basaasa Culuma’udiinka ku nool Magalada Muqdisho iyo cidkasta oo kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya waa sida…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkii Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland C/rixmaan Guri-barwaaqo. Xariga Wasiirka ayaa la sheegay in uu la xariiro Eedeeymo Musuq-maasuq oo lagu hayo, Iyadoona lagu waddo in saacadaha soo socda uu kasoo muuqdo Maxkamadda sare ee Somaliland. Wararka ayaa sheegaya in si KMG ah Shaqadii looga joojiyay Wasiirka, Isagoona ku wareejiyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abees, waxaana Wasiirka loo heystaa wax isdaba marin uu sameeyey. Hanti-dhowraha Guud ee Somaliland ayaa maalmahaan baaris waxa ay ku hayeen Xafiisyada Wasaaradda Warfaafinta, waxaana horay loo xiray mas’uuliyiinj ay ka mid yihiin…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xuseen Cali Maxamed Muudey oo magiciisa afgarashadu yahay Suheyb iyo Cabduqaadir Xaafid Xaaji Cali oo magiciisa afgarashadu yahay Qudaama ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Kooxda Daacish. Labada eedeysane ayaa mar kawada tirsanaa Ururka Al-shabaab, waxa ayna sii doorteen in ay ku biireen kooxda daacish oo ay sheegeen in ay jireen sababo ku riixayay ku biiristooda kuwaasi oo ku qatoma dana shaqsi sida aar-gudasho iyo hanti. Eedeysanaha koowaad ayaa sheegay in uu ku biiray Al-Shabaab 2014, waxa uu kaga biiray tuulada lagu magacaabo Moordiinle, waxa uu sheegay in uu ku tashkiiliyay nin uu sheegay in uu qabo gabar abtigii…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa magacaabay guddiga madaxa banaan Xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, kuwaas oo ka kooban 7 Xubnood. Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay in Guddiga la Magacaabay markii la arkay baahida loo qabo guddi madax banaan oo maareeya xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland. Xubnaha 7 ah ee loo Magacaabay guddiga madax banaan oo maareeya xaduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland, ayaa kala ah; 1.Xamse Cabdi Barre 2.Axmed Cumar Maxamed 3.Samsam Macalin Faarax Abuukar 4.Mursal Siyaad Maxamed 5.Ibraahim Aadan Ibraahim 6.Maxamed Cusmaan Yuusuf 7.Axmed Maxamed Yuusuf Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa isu diyaarinaya doorashada…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Is-bedel ayaa lagu sameeyay Hay’adaha ammaanka Gobalka Banaadir, Iyadoona xilalkii laga qaaday Taliyayaal, Sidoo kalena la Magacaabay kuwo cusub, halka kuwo Kalena laga wareejiyaay Saldhigyadii ay ka shaqeynayeen. Taliyayaal cusub ee la soo magacaabay ayaa badankood ah dhalinyaradii Taliyeyaasha ka eheyd Nabadsugida degmooyinka Muqdihso, kuwaasoo dhawaan lagu biiriyay Ciidanka booliska, waxaana in dib degmooyinkoodii loo soo magacaabo ka shaqeeyay Taliyaha qeybta Guud ee booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon). Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabadsugida gobolka Banaadir, waxaa hada loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir. Cabdi Fitaax Mire…
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,ayaa magacaabay Taliyaha qaybta iyo ku xigeenkiisa. G/sare Xuseen Cali Maxamed ayaa loo magacabay Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Barri halka, G/dhexe Cabdi rishiid Barre Maxamed loo maga caabay Taliye ku xigeenka qaybta Boliska Gobolka Barri. Taliyaha qaybta Boliska Gobolka Barri G/sare Xuseen Cali Maxamed ayaa 2006 ilaa 2007 waxa uu taliye ka ahaa Ciidamada Darawiishta horin ka hawal galaysay Gobolka sool. 2007 ilaa 2014 waxa uu soo noqday Taliyahii Macdanta gaar ahaan Boosaaso G/sare Xuseen Cali Maxamed 2015 ilaa 2019 waxa uu ahaa Taliyaha Ciidamada Bangiga Boosaaso ugu dambayna Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi…
Madaxada Wasaaradda Maaliyadda ayaa Barlamanka Dawladda horgeeyayay Miisaaniyada 2019 Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee ka qayb galay gud binta Miisaaniyada waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Xisaabiyaha Guud,Agaasimaha Guud, Agaasimaha Waaxda Miisaaniyada iyo masuuliyiinkale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda. Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobodaarood) ayaa Golaha Baarlamaanka usheegay in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay Golaha horkeeneen Miisaaniyada 2019. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan shire Cabdi ayaa Golaha Baarlamaanka ka hor akhriyay Miisaaniyada 2019 cadad keeduna yahay $54,450,000 waana Miisaaniyada dakhliga gudaha marka laga reebo wold bank UN ka iyo Dawladaha Hoose isku darka wadarta Guud ee…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey qaraxii iyo weerarkii bahal nimada ahaa ee ka dhacay maanta magaalada Muqdisho. Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyay geerida Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saqar Ibraahim Cabdalla, kaas oo ku dhintay Weerarka Al-Shabaab ku qaaday xarunra Wasaaradda. IDIL NEWS
DHUUSA-MAREEB (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducalle Geelle Xaaf, oo ka hadlay Ciidamada Gadoodsan ee soo baneeyay Furimaha dagaal, ayaa Ciidanka ugu baaqay in ay si deg deg ah ugu laabtaan Furimaha dagaalka ee ay kasoo baxeen. Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in Madaxda dalka ay fashilmeen, islamarkaana Ciidanka looga baahan yahay in ay difaacaan dalkooda oo aysan aaminin in Madaxda dalka ay leeyihiin dalka. Waxaa uu Walaac ka muujiyay Gadoodka Ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidanka la daryeelo si aysan dhibaato kaga dhalan. Xaaf ayaa xusay in Madaxda ay haboon tahay in…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay Qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo oo Qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook ayaa dhammaan dadkii ku dhintay Qaraxyaddaasi uga tacsiyeeyay, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo qaadi doono. Akhriso Qoraalka Madaxweyne Farmaajo uu kusoo qoray Bartiisa Facebook. Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa caasimadda Puntland ee Garoowe ka dhagax dhigay Xafiis cusub oo ay yeelandoonto Dalladda Daneeyaasha aan Dawliga ahayn ee Puntland ‘PUNSAA’. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhagax dhigga xafiiskani waxaa ku wehelinaayey Guddoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame, masuuliyiin ka tirsan PUNSAA, qaar ka mid ah bulshada rayid ka ah, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo dhagax dhigga ka dib la hadlay warbaahinta ayaa xusay in xafiiskani yahay mid muhiim ah oo ay yeelandoonto Dalladda PUNSAA, waxaa uu hoosta ka xariiqay Madaxweyne Karaash in Daladdu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeey qoysaskii ay ka dhinteen dadkii lagu diley weerarkii saaka ay ku qaadeen ururka Al-Shabaab wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa tacsi gaar ah u diray qoyskii uu ka geeriyooday Wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, Saqar Ibraahim Cabdalla oo kamid ahaa dadkii ku dhintay weerarka, waxa uuna dhammaan dadka ku dhaawacmay u rajeeyay in Allah uu siiyo caafimaad deg deg ah. Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay weearka argagaxiso waxa uu ugu duceeyay in Allaha uu jannadii…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Garoowe ka daahfuray Talaalka Dabaysha ee caruurta 5-ta sano kayar. Daahfurka talaalka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan, masuuliyiinta kale ee Wasaradda, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, bahda caafimaadka Gobolka Nugaal iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Talaalka Dabaysha ee caruurta shanta sano ka yar oo guud ahaan deegaanada Puntland ka socon doona muddo afar cisho ah ayaa inta uu socdo waxaa lagu talaalayaa caruur gaaraysa Nus Malyan in ka badan (537,309),…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay Shacabka iyo Dowladda Ciraaq, kaddib markii Doon waday Dalxiisayaal ay ku degtay Webiga Dajla ee Magaalada Mosul. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Xukuumadda iyo shacabka aanu walaalaha nahay ee Ciraaq iyo ehellada dhibanayaasha doonta dalxiis ee ku qalibmatay webiga Dajla ee Magaalada Mosul, xarunta Gobolka waqooyi ee Naynawa 21 Maarso” “Waxa ayna caddaynaysaa inay si dhammaystiran u garabjoogto Ciraaq si ay uga gudubto dhibtani weyn ee ay ku geeriyoodeen dad ku dhow 100 ruux oo u badan haween iyo caruur, waxa ayna Allah subxaanahu wa…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Saraakiil kamid ah Hay’addaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegay in la toogtay Afar ka mid ahaa Raggii weerarka ku qaaday dhismaha Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya. Saraakiisha ayaa sheegay in Guud ahaan lasoo Afjaray Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Wasaaradda, waxaana hadda gacanta ku haaya Ciidanka Dowladda Soomaaliya. Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay Weerarkan, Iyadoona Meydad iyo Dhaawacyo lag soo gurayo gudaha xarunta, mana jirto illaa had acid xaqiijin karta tirade Dhimashada iyo Dhaawaca Weerarka ka dhashay. Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada, ahaana Xildhibaan kamid ah Golaha…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud. Mudane Axmed Ciise Cawad Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka ku wargeliyey in muddo Hal isbuuc gudaheed ah ay kusoo gasho dalka. Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Safiiradda ay ka aamustay go’aankii Trump looga soo horjeeday ee ahaa inay Israa’iil leedahay Buuraha Golan Heights. Lama oga in go’aanka Safiirada uga aamustay qaraarkaas in lala ogaa iyo in kale, ha yeeshee waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay ka carootay in Safiirada ka aamusto go’aankaas. Akhriso Waraaqda uu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Weear Qaraxyo iyo toos ah oo Goor-dhaweyd lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda dowladda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, ayaa weli socda, Iyadoona Dhawaqa rasaasta laga maqlayo Gudaha Xarunta. Labadda Qarax oo kala dambeeyay Daqiiqo yar ayaa Midka Koowaad lagu dhuftay Iridda laga galo Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bushadda, waxaana ka socotay Shaqadda Maalin laha ah ee loogu adeego Bulshadda Soomaaliyeed. Qaraxa Koowaad markii dhacay Dabley hubeysan ayaa weerar toos ah ku qaaday Wasaaradda. Qaraxa Labaad ayaa la sheegay in uu ahaa gaari ay kasoo degteen Dableyda Hubeysan oo Qaraxyadda ka dib Gudaha u galay xarunta Wasaaradda…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qaraxyo iyo Weerar toos ah ayaa Goor-dhaweyd lagu qaaday xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegay in qaraxa hore oo ahaa mid aad u xooggan uu ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha oo ku dhow Isgoyska Jubba. Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, isla markaana la maqlayo rasaas culus, Iyadoona Wararku ay intaas ku darayaan in rasaasta ay gudaha Wasaaradda ka socoto, waxaana la maqlay qarax labaad. Dhismaha la weeraray ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa isku dhegan, sidoo kale…
GENEVA (IDIL NEWS)-Ergada Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee dowlada Soomaaliya ayaa ka aamustay codeyn guddigaasi uu ku cambaareynayay qorshaha Maraykanka uu ugu aqoonsanayo Buuraha Golan Heights in ay leedahay Israel. Codeyntan oo dhacday maalin kadib markii uu Trump sheegay in la gaaray xilligii uu Maraykanku u aqoonsan lahaa Golan Heights inay tahay hanti ay Yuhuudu leedahay ayaa 26 guddiga ka mid ah ay oggolaadeen cambaareyntan halka 16 kalana diideen waxaana ka aamusay shan dal oo ay Soomaaliya kamid tahay. Guddiga UNHRC oo xaruntiisu tahay magaalada Geneva ayaa dood kulul ka yeeshay qaraarka ay shalay ku cambaareynayeen go’aanka…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha ciidamada xooga dalka Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay go’aansatay in la sameeyo ciidan tiro kooban oo loo sameeyo qorshe sax ah. General Indho-Qarshe Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo la hadlayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa ku tilmaamay ciidamada gadoodka ku jira kuwo aan damiir lahayn. “Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”. Taliyaha ciidamada xooga dalka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland oo muddooyinkii ugu dambeeyay fasax nasasho ah ku jiray ayaa maanta yeelanaya kulan xasaasi ah, kaas oo loogu hadlayo Ajandayaal dhowr ah. Kulanka Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 9 bilood eek a haray Sanadka. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa lagu wadaa in uu hortago Xildhibaanada Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, isagoona kahor akhrin doona Qorsayaasha Miisaaniyadda Dowladda ee 2019-ka. Sidoo kale, Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa Su’aalo weydiin doono Wasiir Abgaal, kuwaas oo ku saabsan Miisaaniyadda iyo Qoondooyinka Dowladda. Golaha…
ISTANBUL (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay falcelinta Xukuumadda New Zealand ee ay hoggaamiso Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ay ka sameysay weerarka argagaxiso ee ka dhanka ahaa muslimiin salaadda Jimcaha ku tukanayay laba masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch (15 Maarso). Wasiir Cawad oo khudbad ka jeedinayay kulanka degdega ee Ururka Iskaashiga Islaamka heer Wasiirro Arrimo Dibadeed oo ku qabsoomay Magaalada Istanbul, Turkey, oo looga hadlayay weerarka argagaxiso ee bahalnimada leh ee islaam neceybka ee ka dhacay New Zealand ayaa yiri “Aniga oo ku hadlaya Magaca Madaxweynahayga,…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Sarkaal kamid ah Amniyaatka Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay Howlgal qorshaysan oo ka dhacay Muqdisho 21-kii Bishan, kaas oo ay fuliyeen Ciidamada Amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya. Hay’addaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan uu Shabaab u qaabilsanaa dilalka qorsheysan ee ka dhaca Magaalada Muqdisho. Sarkaalkan ayaa ka danbeeyay abaabulka iyo hoggaaminta Dilal badan oo loo gaystay Dad waxtar u lahaa bulshadda Soomaaliyeed, sidda ay sheegtay Warbaahinta dowladda. Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka. Ninkaan…
ISTANBUL (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Magaalada Istanbul kula saxiixday heshiis dhiggiisa Turkiga Mudane Mevlüt Çavuşoğlu. Heshiiskan ay kala saxiixdeen Soomaliya iyo Turkiga ayaa ku saabsan isdhaafsi dhul safaaradeed labada dal ee walaalaha ah ay ku kala yeelanayaan Ankara iyo Muqdisho. Soomaaliya iyo Turkey waxaa ka dhexeeya xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan iyo wax wadaag istiraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh oo nacfi wadaag ah. Dowladda Turkiga ayaa ku leh Magaalada Muqdisho Safaaradda ugu weyn Qaaradda Afrika ee Safaaraddaha Turkiga. IDIL NEWS
Baaritaanka shilkii diyaaradeed ee ku dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo weli socda, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya iney aqoonta duuliyeyaasha oo yared ay sababtay shilki diyaaradeed. Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa baahiyey warar sheegaya duuliyihi waday diyaaraddi Itoobiya ee burburtay inuusan qaadanin tababar dheeraad ah oo la rabay inuu qaato si uu ula qabsado duulinta diyaaradda Boeing 737 Max 8. Wararka ay baahinayaan warbaahinta caalamka qaarkood waxay shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay ku abuurtay cadho iyada oo sheegtay inuu warkaasi been abuur yahay oo waxba ka jirin. Warbaahinta baahisay warkanna waxay sheegeen “iney xogta ka…
Gudiga fulinta ururka dhakhaatiirta Puntland (Puntland Medical Association ) ayaa maanta yeeshay kulankoodii sanad laha ahaa, kaas oo ay iskaga xogwareysanayeenwaxyaabihii u qabsoomay, qorshayasha sanadka , xiriirada dibada sida kamid noqoshada ururada calamiga iyo sidii ay bulshada reer Puntland ugu qaban lahayeen barnaamijyo caafimaad oo lacag la’aan ah,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa magacaabay guddiga soo xulista golaha deegaanka degmada Gaalkacyo, xilli ay socoto dadaallada u dambeeyay ee lagu dhisayo gollaha cusub ee deegaanka. Halkan ka akhriso:-
Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Maanta oo jimco ah waxaa uu xiray Ciwaanadiisa uu ku lahaa Baraha Bulshada, kadib markii la sheegay in ruux aan loo ogoleyn uu galay ciwaanada Madaxweyne Uhuru. Agaasimaha Madaxtooyada Kenya Nzioka Waita ayaa sheegay in ciwaanada ay qadka dib ugu soo laban doonaan, kadib markii lasoo saxo qaladaadka jira ee sababtay in la xiro. Ciwaanada uu leeyahay Madaxweynaha Kenya ee kala ah Twitterka iyo Facebook ayaa waxaa Maalin walba ku taxan mallaayiin Ruux, kuwaas oo aragtiyo kala duwan ka dhiibta waxyaabaha lagu soo daabaco. War lagu daabacay The Star ayaa lagu sheegay in sababaha…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Nada Nadiim: Basaasadii Carabeed ee ay Xisbullaah ku Dhexbeerto Hayada basaasida Maraykanka ee CIA da. Si kasta oo ay hay’adda sirdoonku u awood badan tahay, ama tayadeeda iyo waayo aragnimadeeda basaasnimo u sarrayso haddana waa shaki la’aan in mar iyo marar badanba ay la kulmayso dhirbaaxooyin xanuun badan, mararka qaarkoodna jiritaankeeda khatar gelinaya. Dhirbaaxooyinka wakaaladda sirdoonka ku dhici kara waxaa ka mid ah, in basaas ay meel ku darsadeen ama hawl u dirteen la fashiliyo, ama in basaas dawlad kale ka socdaa uu dhexgalo nidaamkeeda amni oo uu basaaso, labadan xaaladoodba waa ay dhacaan. Laakiin ta xanuunkeedu sii badan yahay ama…
Munaasabad isugu jirtay duco iyo salaadda Jimce ayaa todobo beri kadib lagu qabtey wajhada hore ee masaajidkii lagu laayey dad Muslimiin ah magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Dadka munaasabadda kasoo qeyb-galay waxaa ka mid ah raysal-wasaaraha dalka New Zealand iyo madaxda dalkaasi qaarkood. Waxaa kulankaan maanta kadib loo dareeray aaska dadkii ku geeriyoodey toogashadii ka dhacdey 2 masaajid oo lagu weeraray magaladaasi. Muslimiinta waddanka ayaa si weyn uga mahad celiyey sida dadka reer New Zealand ay uga fal celiyeen dhacdadan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Xeerilaaliyaha guud ee Maraykanka oo markaas ahaa Istiifan Moorfi ayaa isaguna mar uu arrintan ka hadlay waxa uu yidhi, “Qadiyaddani waxa ay inoo sheegaysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in dib-u-eegis lagu sameeyo hannaanka ay hay’adaha sirdoonka iyo kuwa amnigu u qaataan shaqaalaha” Xeerilaaliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Ma jirto khatar ka weyn in qof shisheeye ahi uu dadaal u galo in uu jinsiyadda Maraykanka qaato, si uu uga hawlgalo hay’ad aad u xasaasi ah oo ka mid ah laamaha dawladda Maraykanka” Iyada oo sida aynu dib ka arki doonno, baadhitaannada arrintani ay caddeeyeen in Nada ay…
Canab Guuleed oo ka mid ah Soomaalida daggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay xil sare oo qeyb ka ah maamulka gobolka. Gabadhan ayaa loo magacaabay jagada kaaliyaha wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnasota, inkastoo markii hore ay u xusul duubeysay in wasiir ku xigeen laga dhigo. Wareysi gaar ah oo ay siisay BBC-da ayey Canab sharraxaad uga bixisay sida loogu magacaabay xilkan iyo waxa ay ku muteysatay. “Anigu waxaan gabar Soomaaliyeed oo gobolkan dagganeyd muddo ku dhow 20 sano, intaas aan joogayna waxaan wax ka bartay oo aan lasoo shaqeeyay meelo badan oo ay…
Sheekadan oo jilaageeda muhiimka ahi uu yahay Nada Nadiim oo ah gabadh reer Lubnaan ah oo u shaqaynaysay Xisbullaah, waxa ay sheekadeedu markii ugu horreysay soo shaacbaxday sannadkii 2007-dii, oo ay dadka Maraykan mar keliya ku wada baraarugeen wargeysyada dalka oo ka warramaya, faallooyin kala duwanna ka bixinaya sheekada muwaadinad Maraykan asalkeedu Lubnaan ka soo jeeday ah oo maxkamad la soo taagay, kadib markii lagu eedeeyey in ay xogo aad u sir ah u gudbisay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan. Warku waxa uu sheegay in Nada ay ka shaqaynaysay wakaaladda dembibaadhista Federaalka Maraykan ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI iyo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Danbe), ayaa ka hadlay gadoodka ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasoo isaga soo baxay difaacyaddii ay ku lahaayeen Labada Gobol ee Shabeelooyinka. Mar uu Wariyayaasha kula hadlayay Muqdisho ayuu Wasiirka ku sheegay inuusan marnaba raali ka eheyn inay mushaar la’aan noqdaan Ciidamada Milatariga ee dalka ka difaacaya cadawga, isagoo ugu baaqay Ciidamada inay si degan ku soo gudbiyaan cabashadooda. “Aniga ka wasiir ahaan marnaba raali kama noqonayo in la dulmiyo shaqsi muwaadin Soomaaliyeed ama ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kale ciidanka waajibaadka iyo aadaabta marka laga hadlayo waa…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Soomaaliya ayaa Safiir u Magacowday Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey. Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya ee shalay ayaa la hor geeyay Soo jeedinta in Safiir loo Magacaabo Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Camey, taas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Iyadoona Goluhu meel-mariyeen. Lama shaacin dalka uu Safiirka ka noqonayo, waxaana la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu saacadaha soo socda kusoo saaro wareegto dalka loo magacaabayo. Magacaabida Safiirnimo ee Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland Eng. Camey ayaa loo arkaa mid loogu abaal gudayo sida dhow ee ula shaqeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo…