CHRISCHURCH (IDIL NEWS)-Ciidamada Booliska dalka News Zealand ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen guriga uu dalkaasi ka deganaa Ninkii Jimcihii dadka ku laayay masaajidyo ku yaalla magaalada Chrischurch ee dalka News Zealand. Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay ku baadi goobayaan cadeymo kale oo ku aadan waxa uu ahaa Shaqsiga dadka laayay oo gacanta lagu haayo,hayeeshee weli aysan soo bandhigin waxyaabaha ay kusoo qabteen. Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay howlgalka ku jireen waxaa ay hoyga kasoo wadeen hooyada dhashay dilaaga iyo gabar la dhalatay,kuwaas oo ka cabsi qabay in weerar…
Author: Jibril Qoobey
JIMBAC (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Jimbac ee Gobalka Bari, ayaa Sheegaya inay halkaas ka dheceen Kulamo u dhexeeya Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan oo shalay gaaray Degaankaas iyo Saraakiisha Hoggaaminaysa Cutubyo kamid ah Ciidamada Puntland oo dhowaan baneeyay Fariisimo ay ku lahaayeen Buuraleyda Galgala. Kulanka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa la sheegay in Saraakiisha Ciidamada oo ka cabanayay Daryeel xumo iyo Mushaar la,aan lagu qanciyay inay ku laabtaan Fariisimahoodii. Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dowladda Puntland Siciid Cismaan Aadan, ayaa la sheegay in uu u ballan qaaday Saraakiisha Ciidamada inay heli doonaan dhammaan xuquuqda ka maqan,…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Yaasiin Maxamuud xiir Faratoon, ayaa sheegay in aysan jirin waqti loogu talagalay in lagu dhawaaqayo inuu bilaawdo wada-hadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Wasiir Faratoon ayaa sheegay inay socdaan dadaalo lagu doonayo inay bilaawdaan wada-hadaladaas ,balse aysan jiran waqti loo qorsheeyey inay wada-hadaasi furmaan. Wasiirka oo la hadlayay Wargeyska Geeska ayaa ayaa tilmaamay inay iyagu doonayan in lasoo saaro waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo wada-hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, ayaa imaamanaya xilli dhawaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu ka sheegay Dalka Imaaraadka Carabta in 19-ka Bishaan…
HARGEYSA (IDIL NEWS)-Wafti balaaran oo ka socda Dowladda Eritrea, ayaa maanta ku wajahan Magaalada Hargeyso ee xarunta Maamulka Somaliland. Waftigan ayaa waxaa Hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed, Iyagoona marti-qaad ka helay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhowaan kasoo laabtay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Lama oga u jeedada Socdaalka Waftiga ka socda Eritrea ee wajahan Hargeysa, Iyadoona Wararku ay sheegayaan in Madaxweyne Biixi iyo Masuuliyiinta Eritrea ay ka wada-hadlayaan Is-bedelada ka socda Gobalka Geeska Africa iyo sidii loo wanaajin lahaa Xiriirka Somaliland iyo Eritrea. Waftigan ayaa ah kii ugu horeeyay ee heerkiisu sareeyo kana socda Eritrea…
BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti Cali Xasan Bahdoon, ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan. Ujeedada Socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ee Magaalada Beledweyne, ayaa lagu sheegay in uu kormeer ku sameynayo Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM, kuwaas oo ka howlgalla Gobalka Hiiraan. Wasiir Bahdoon ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Saraakiisha Ciidamada Jabuuti eek u sugan Gobalka Hiiraan, Isagoona kormeer ku sameyn doona Xeryaha Ciidamada Jabuuti ku lee yihiin Magaalada Beledweyne. Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti uu booqan doono Degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi,…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Baarlamanka Dowladda Puntland ee Soomaaliya ayaa ka kooban Toban guddi oo kala qaabilsan shaqooyinka kala duwan ee isugu jirta korjoogtaynta, la xisaabtanka iyo metelaadda ee Baarlamanka. Hadaba waxaan idiin soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan hawlaha shaqo ee baarlamanku u xilsaaray guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka ee golaha wakiillada iyo xilliyada ay shaqadooda dhacdo. Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee golaha wakiillada Puntland ayaa ka kooban Toddobo xubnood, waxaa madax u ah Xildhibaan Cawil Xasan Daad oo laga soo doorto Gobolka Mudug. Guddiga dhaqalaha iyo xisaabaadka ayaa u xilsaaran: La socodka siyaasadda Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee dowladda.Hubinta ku dhaqanka miisaaniyadda iyo…
XERAALE (IDIL NEWS)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xooggan oo u dhaxeeyay Ciidamo taabacsanaa Maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaadka deegaanka, kaas oo xalay ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud. Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii saqdii dhexe ee xalay galbeedka Xeraale ay duulaan ku soo galeen Ciidanka Galmudug, iyagoo iska caabin xooggan kala kulmay maleeshiyada deegaanka oo xilligaasi waday dhaq dhaqaaqyo. Wararka saaka laga helayo deegaanka Xeraale ayaa soo sheegay in laga saaray Ciidankii weerarka soo qaaday, haatanna uu dagaalka ka socdo banaanka Xeraale, iyadoo dadka deegaanka ay arkeen meydadka 4 qof oo ka mid ah dhinacyadii dagaaalamy, halka dhaawaca…
CADALLE (IDIL NEWS)-Xiisad kacsan ayaa ka jirta Degaanka Cadalle iyo Degaanada hoos-tagga, kuwaas oo uu shalay ka dhacay Dagaal culus oo u dhexeeyay Maleeshiyo Beeleed , marar hore ku dagaalamay Degaanka. Wararka ayaa Sheegaya in Maleeshiyo gurmad ah ay Saacadihii lasoo dhaafay gareen Degaanka Burdheere ee Gobalka Shabellaha Dhexe, kaas oo ahaa degaankii dagaalka culusi shalay ka dhacay, Iyadoona uu bilowday qax ay sameynayaan Dadka Degaanka. Inta la xaqiijiyay 30 Ruux oo dhinacyada dagaalamay aha ayaa ku dhintay Dagaalkii shalay ka dhacay Degaanka Burdheere, Iyadoona tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawaca ah la kala geeyay Magaalooyinka…
DHANAANE (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ay dib ula wareegeen deegaankaas, kadib markii shalay gelinkii dambe ay isaga baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo horay uga qabsaday. Baraha Internet-ka ee taageera Kooxda Al-Shabaab ayaa ay sheegeen inay dib ula wareegeen Dagaalamayaashooda deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha hoose oo ku yaalla dhinaca xeebta marka loo socdo degmada Marka. Sidoo kale, Dadka degaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay deegaanka Dhanaane ku sugan yihiin, isla markaana ay fariisin ka dhigteen goobihii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Cuutada 12 April ee Ciidanka Xoogga…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa deeq lacageed oo dhan 10 milyan oo birr ($340,000 oo doolar)siiyey barakacayaasha deegaanka Amxaarada iyada oo barakacayaasha Soomaalida ee ku sugan xerada Qoloji ee deegaanka Soomaalida ay wax taageera ah weli ka helin dhanka xukumaddiisa iyo dowladda dhexe midna. Waxaa magaalada Addis Ababa xalay lagu qabtay bandhig lacago dib u dajin looga sameeyo barakacayaasha deegaanka Amxaarada.Waxaana bandhiggaasi soo qaban qaabiyey Ururka Horumarinta Amxaarada iyo Xukumadda Deegaanka Amxaarada oo kaashanayo dowladda dhexe. Haddaba madaxweyne Cagjar oo ka mid ahaa madaxdi bandhigga lacag uruurinta ka soo qayb gashay ayaa ku dhawaaqay “isaga oo matalayo shacabka iyo…
Maalintii 4-aad waxaa xiran Dekedii Magaalada Berbera ee Somaliland,kadib markii ganacsatada isticmaashaa ay diideen in ay uhogaansamaan Lacag dheeri ah oo ay kusoo rogtay shirkada maamusha Dekeda ee DP WORLD. Ganacsatadu waxay iska diideen in ay wax kala soo degaan ama wax ka dhoofsadaan Dekeda,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Aabaha dhalay Afar Gabdhood oo mida ugu weyn ay da’deedu tahay Sagaal jir oo Degmada Dayniile lagu kufsaday,ayaa sheegay in uu dalbanayo in cadaalada la marsiiyo Ninka Kufsigaas gaystay oo da’diisa lagu sheegay 60-jir. Madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Maamulka Degmada Dayniile,ayuu ka codsaday in aysan Ninkaas sii dayn Aabaha Gabdhahaas dhalay. Aabaha Gabdhaha dhalay,ayaa saxaafada u sheegay in uu xog ku helayo in la qorshaynayo in lasii daynayo oo dhaqaale lagu iibsanayo Ninka falka kufsiga ah ugaystay Gabdhaha,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Garoonka diyaaradaha ee Bosaso waxaa maanta Kulan ku yeeshay Maamulka Shirkadda Diyaaraadaha Daallo Airlines, Kabtanada diyaarada Iyo Waxgaradka Bossaso. Shirkaan Oo la isku Jilba-jabsaday ayaa Labada dhinac Aad uuga wada hadleen sababta ku Kaliftay in Shirkadda Diyaarada Daallo Airlines in ay Joojiso Duulimaadyadii Dubai Bossaso. Shirkaan waxaa Goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Dhedo, Duqa Degmada Abdisalaan Bashiir, Gen Abdulaahi Siciid Samantar, Dr Yaasiin Faarax Cartan, Oday Siciid Warmajaanle, Faarax Muuse Siciid,Ganacsade Daahir Ayaanle, Ganacsade Liibaan Dheere, Ganacsade Faysal Wahaabi, Ganacsade Maxamuud Xussien Maxamuud Afcase, Cabdilaahi Kalif, Cabdirashiid Dhagaseyn, Eng Maalfo. Kabtanada diyaarada Daalo ayaa sheegay in dabayl xiliga hore…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalintii labaad booqasho ku jooga magaalada Muqdisho ayaa qudbad dheer u jeediyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Sare. Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa qudbadiisa waxa uu ugaga hadlay qiimaha ay leedahay dowladnimada isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay tahay in qofka mas’uulka laga sugayo. Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in uu aad uga faraxsan yahay in uu Khudbad u jeediyo Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo uusan furneyn Kal-fadhiga Baarlamaanka. “Waa inaan marwalba maskaxda ku hayno dadkii na doortay waxa ay naga sugayaan, oo ay ka mid tahay inaanan is…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa soo gabagabeeyay booqashadii labada maalmood ahayd ee uu ku yimid magaalada Muqdisho kaddib martiqaad uu ka helay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Geelle ayaa ka hor intii aanu ka duulin Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, waxa ay xarigga ka jareen dhismaha cusub ee safaaradda Dowladda Jabuuti ku yeelanayso Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle loogu sameeyay Muqdisho ay ka tarjumayso wanaagga iyo jacaylka ay Soomaalidu u hayso reer Jabuuti, isaga oo adkeeyay muhiimadda…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Duulista Hawada iyo garoomada Dowlada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gabilay), ayaa beeniyay Wararka sheegaya in diyaaradda Daallo Airline oo kamid ah diyaaradda kaliya ee duulimaadka caalamiga ka sameeya garoonka diyaaradaha Boosaaso loo wareejin doono Madaarka Gen.Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe. Wasiir Gabiley ayaa sheegay inay yihiin been abuur wararkaas oo ay baahiyeen Warbaahinta qaar, Isagoona tilmaamay in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso uu yahay kan ugu casrisay, uguna adag Garoomada Diyaaradaha ee Soomaaliya. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Mr. Gabilay, ayaa sheegay in Maalmaha soo socda uu u safri doono Dalka Talyaaniga oo uu ka helay Marti-qaad, ayna…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay saraakiil ka socda hay’adda ICRC oo ay hogaaminayso Madaxa ugu sareeya Africa Miss. Patricia Danzi. Saraakiishan ka socda hay’adda IRC ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxa ICRC Soomaaliya Mr. Simon Brooks, Ku-xigeenka Madaxa ICRC Soomaaliya Miss. Julia Unger, iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Abdifataax Fandhaal. Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Arrimaha shirka looga hadlay waxaa kamid ahaa,…
LAAS-CAANOOD (IDIL NEWS)-Wararka aan ka helayno Magaalada Laas-caanood ee xarunta Gobalka Sool, ayaa Sheegaya in Magaaladaas ay ka taagan tahay Xiisad dagaal, taas oo u dhexeysa labo Maleeshiyo Beeleed. Xiisadan u dhexeysa Labada Maleeshiyo Beeleed, ayaa la sheegay inay salka ku heyso Dhul ku yaalla duleedka Magaalada, gaar ahaan agagaarka Madaarka Laas-caanood. Dhinacyada ayaa la sheegay inay Saacadihii lasoo dhaafay isku Hub guranayeen, Iyadoona ay soo wajahday Dadka Degaanka cabsi ku aadan in uu saameyn ku yeesho dagaal dhaca saacadaha soo socda. Maamulka Magalada laas-Caanood ee Soomaaliland oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ee Maxamed Cabdulalahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Maanta waxaa ay siwadajir ah xariga uga jareen Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay Magalada Muqdisho taas oo laba sana ka hor la dhigax-dhigay. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Xarunta Safaarada oo ku taalla degmada Cabdul Casiis ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha labada dal, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda iyo sidoo kale Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Intii ay munaasabada socotay ayaa waxaa Goobta Heeso Wadani ah kusoo bandhigay Fanaaniinta ka mid ahaa wafdiga…
BURUC (IDIL NEWS)-Degaanka Buruc oo hoos-taga Degmada Qandala ee Gobalka Bari, ayaa laga hir-geliyay Mashaariic hor-marineed, kuwaas oo lagu sameeyay isku tashi ay sameeyeen Dadka Degaanku. Mashaariicdan oo ay fuliyeen Golaha Waxqabadka Degaanka Buruc, ayaa ka koobnaa Leyrarka Cadceeda ku shaqeeya oo 30 kamid ah laga taagay Degaanka iyo Balaarin lagu sameeyay Dugsiga Waxbarashada Degaanka Buruc. Guddoomiyaha Degaanka Buruc ee Gobalka Bari Daad Ciise Maxamuud, oo ka hadlay Mashaariicdan ayaa uga mahad-celiyay Golaha Waxqabad Buruc fulinta Mashaariicdan, isagoona sheegay in isku tashigu yahay Waxa kaliya ee Bulsho ku hormarto. Degaanka Buruc oo hoos-tagga Degmada Qandala ee Gobalka Bari, ayaa 65-KM…
BURSAALAX (IDIL NEWS)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, oo safar ku maraya Degmooyin katirsan Gobalka Mudug, ayaa Kormeeray Iskuulada ku yaalla Degmada Bursaalax. Wasiirka Waxbarashada ayaa kormeerkiisa waxaa ku wehlinaya Wasiir ku-xigeenkiisa Mukhtaar Maxamuud Xassan Jayte iyo Guddoonka Waxbarashada Gobalka Mudug, Iyadoona ay si weyn u soo dhaweeyeen Maamulka iyo Ardayda Iskuulada Degmada Bursaalax. Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee la socota oo mid mid u kormeeray Dugsiyadda Waxbarashada ee Degmada Bursaalax ee Gobalka Mudug, Isagoona warbixino ka dhageystay Maamulada Iskuulada. Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland C/llaahi Maxamed Xasan, ayaa kula dar-daarmay Maamulka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ku bixiyay in si deg deg ah loo fuliyo Baahiyaha ay qabaan Ciidamada Asluubta Dowladda Puntland. Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland S/Gaas. Cali Nuur Cumar, oo warbaahinta la hadlay ayaa Sheegay in Madaxweynaha Puntland uu u bulanqaaday Ciidanka Asluubta in uu siinayo muhiimad gaar ah. S/Gaas Cali Nuur ayaa tilmaamay in ay u gudbiyeen Madaxweynaha Baahiyo haystay in muddo ah, ayna ku shaqeeynayeen Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland, Iyadoona Madaxweyne Deni amray Wasiirka Cadaaladda Puntland in sida ugu dhaqsiyaha badan loo daboolo baahiyaha Ciidanka Asluubta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye. Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan kulanka deg-degga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Wadooyinka ku dhow Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa la xirey iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Jabuuti uu xariga ka jaro dhismaha safaarada dowlada Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho. . Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xiran…
CADALE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa Sheegaya in Saaka uu dagaal ka socdo Degaano hoos taga Degmada Cadale ee Sh/dhexe. Dagaalkan oo ah mid u dhexeeya Labo Maleeshiyo Beeleed, ayaa si culus uga socda Degaanka Burdheere, Iyadoona uu jiro Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, wallow aan la ogeyn inta uu le’eg yahay. Maleeshiyadka dagaalamaya ayaa isku-heysta dhul daaqsimeed, waxaana lagu soo waramayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya oo horay loo kala dhex dhigay ay isaga soo baxeen, sidaasina uu markale dagaalka ku bilaawday. Labada beelood ee wada dagaalamaya ayaa waxaa horay Shirar dib…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu sameeyay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa ku caweeyay heeso iyo suugaan kala duwan oo xambaarsan dhambaallo soo dhawayn iyo walaaltinimo oo ay goobta ka qaadeen fanaaniinta Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti, kuwaas oo loogu talo galay soo dhawaynta Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdiga la socda. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahallo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland iyo Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe. Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jaamac Faarax Muuse, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland S/Gaas. Cali Nuur Cumar, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa kormeeray dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay Taliska Ciidanka Asluubta Puntland, isagoona Madaxweynuhu mid mid u xog waraystay saraakiisha ciidanka Asluubta ee Taliska…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso, kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya. Safarka Madaxweynaha Faransiisku ku galaa-bixiyay dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu macneeyay mid uu ku xoojinayo kaalintiisa Bariga Afrika iyo xidhiidhkiisa dhaqaale, islamarkaana kaga qayb qaadanayo dadaallada reer Galbeedku iskaga caabiyayaan waddanka Shiinaha oo saamayn badan ku yeeshay Afrika. Madaxweyne Macron ayaa Jabuuti ka sheegay in aanay doonayn in bahwadaagtooda xorriyadda lagaga qaado maalgashi hadalkaas oo uu ku durayay Shiinaha.…
CHRISTCHURCH (IDIL NEWS)-Brenton Tarrant, oo ah Ninka lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii lagu xasuuqay Muslimiin tukunaysay ayaa la soo taagay Maxkamad ku taal New Zealand. Tarrant oo ah 28 ayaa maxkamada degmada Christchurch ka soo muuqday isagoo indhaha ku gubaya saxafiyiintiiku sugneyd maxkamada. Tarrant oo gacmaha ka katiinadeysnaa xirnaana dhar cad,kabana aan xirneyn ayaa xaakimkii maxkmada u aqriyay dambiyada loo haysto oo ah dil, waxana uu ruxay madaxiisa isagoo ala amray in xabsiga lagu sii hayo illaa April 5 markaas oo maxkamada sare ay dhagaysan doonto dacwadiisa. Xaakimka Maxkamada Paul Kellar ayaa u oggolaaday weriyaasha inay sawiro ka…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xadhiga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimada Puntland ee Garoowe. Munaasabadda xadhig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa xadhig jarka kadib, kormeer ku sameeyey qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta Kaydka Shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir, waxaana uu warbixin ku saabsan qaabka uu u shaqeeyo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wadahadallo labo geesood ah ku yeeshay Villa Soomaaliya. Labada Madaxweyne ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray danaha ay labada dal wadaagaan, xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dhinac iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee u taagan daadinta dhiigga shacabka iyo curyaaminta dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in imaatinkoodu ka tarjumayo xiriirka walaaltinimo ee labada dal isaga oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Fanaaniinta caanka ah ee Axmed Cali Cigaal iyo Xasan Aadan Samatar ayaa soddon sano kadib ku soo laabtay caasimada dalka ee Muqdisho. Labadan fanaan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen dadkii la socday wafdiga uu horkacayay madaxweynaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle. Xasan Aadan Samatar oo ka hadlayay dareenkiisa ayaa yiri“Waan soo laabanay waana ku faraxsanahay in aan dalkeenee dib ugu soo laabanay, waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Ismaaciil cumar geelle oo iga codsaday inaan soo raaco” Sidoo kale Axmed Cali Cigaal ayaa sheegay in uu aad u faraxsana yahay isla markaana farxadiisa ay la mid tahay mid uu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay dalka ayaa waxaa Garoonka Aadan Cabdulle ku soo dhaweeyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir. Madaxweyne Ismaaciil Cumar iyo wafdigiisa oo si heersare ah loo soo dhaweeyay ayaa waxay isaga iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya salaan sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan Kooxda Baambayda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,…
GALGALA (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Degaanka Galgala ee Gobalka Bari, ayaa Sheegaya in Cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ay baneeyeen Saaka Jiidaha Dagaalka ee Degaankaas. Ciidamada oo la sheegay inay isugu jiraan Daraawiish iyo Boolis ayaa gaaray Tuulada Jimbac, oo qiyaastii 28-KM dhanka Bari kaga began Degaanka Af-urur. Wararka ayaa Sheegaya in Ciidamadan baneeyay jiidaha dagaalka ee Galgala, ay ka cabanayaan Mushaar la,aan heysatay bilihii ugu dambeeyay, taas oo sababtay inay isaga baxaan aagaga dagaalka. Degaanka Galgala iyo dhulka buuraleyda ah eek u dhow ayaa waxaa ku dhuumaaleysan dagaalamayaal kamid ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, Iyadoona…
JEEXDIN (IDIL NEWS)-Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland, ayaa Booqday deeganka jeexdin oo ay ka taagan tahay Xaalad Biyo la,aaneed, kaddib markii uu jabay Ceelkii Degaankaas. Duqa Degmada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad ayaa sheegay in Xaalad adag oo biyo la,aaneed ay ka jirto Degaanka Jeexdin, maadama uu jabay Ceelkii Degaanka oo ay ku tiirsanaayeen Boqolaal Qoys oo degan Degaanka iyo Dadka Reer Miyiga ah. Duqa Gaalkacyo ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in si deg deg ah looga jawaabo Xaalada Degaanka Jeexdin, Isagoona ugu baaqay Dowladda Puntland, Shacabka iyo Hay’adaha Caalamiga ah in laga qeyb qaato dib…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Goor-dhaweyd soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Geelle oo ay wehlinayaan Xubno kamid ah Labada Gole ee Dowladda Jabuuti, ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwsoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, xubno kamid ah labada Gole ee Dowladda Taliyayaasha Ciidamada iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada. Madaxweynaha Jabuuti Mr. Geelle ayaa lagu wadaa inuu xarigga ka jaro Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho, taas oo bishii Febuary ee sanadkii 2017-kii ay si wadajir ah u dhagax dhigeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.…
GALDOGOB (IDIL NEWS)-Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug, waxaa shalay gaaray Wafti ka socda Dowladda Puntland, kuwaas oo isugu jira Wasiiro, Wasiiro ku-xigeeno iyo Agaasimayaal Guud. Waftigan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Goldogob, Iyadoona soo dhaweyntooda ay ka qeyb-galeen Shacabka iyo Maamulka Degmada. Masuuliyiintan ka socda Dowladda Puntland, ayaa la filayaa inay maanta ka qeyb-galaan Dhagax-dhiga Mashaariic Hormarineed oo laga fulinayo Degmada Goldogob, kuwaas oo isugu jira Saldhig Boolis iyo Suuq weyn ayna dhisayso Hay’adda Care. Sidoo kale, Masuuliyiintan ka socda Dowladda Puntland ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan Maamulka Degmada iyo Waxgaradka, kuwaas oo ay ka wada-hadli…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa kusoo jeeda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegayaan Warar lagu kalsoon yahay. Wafdiga Madaxweyne Geelle oo isugu jira Xildhibaano, Wasiiro iyo waxgarad ayaa lagu wadaa inay saacadaha soo socda soo gaaraan Magaalada Muqdisho. Ujeedada socdaalka Madaxweyne Geelle ayaa lagu sheegay sidii uu xarigga uga jari lahaa Safaaradda cusub ee Jabuuti ka dhisatay magaalada Muqdisho. Madaxweyne Geelle iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2017 si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha Safaaradda cusub ee Jabuuti oo ku taal degmada C/casiis, gaar…
Weerar argagixiso oo lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand, kuwaas oo lagu dilay ugu yaraan 49 qof, ayaa argagax, carro iyo lama filaan ka abuuray dunida. Mid ka mid ah kooxda weerarka fulisay – oo la rumeysan yahay inuu yahay xagjir Australian ah – ayaa si toos oo muuqaal ah u baahiyey weerarka. “waa ay caddahay in tani lagu qeexi karo oo kaliya weerar argagixiso” waxaa sidaas tiri ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern, oo ku qeeyxday “mid ka mid ah maalmihii ugu madoobaa New Zealand.” Muslimiinta waxay wajahayaan dil wadareed Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa…
Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne kuxigeenada Maamulka Jubbaland, Wasiirada Heer federaal iyo kuwa Maamulka Jubbaland, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magalada Kismaayo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in safarkii uu ku tegay Kismaayo uu ahaa mid guul ku dhamaaday lana dhamayn doono khilaafkii ka dhex jirey labada dhinac,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Axmed Madoobe ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafkii maamulkiisa kala dhaxeeyey dowladda Federaalka isla markaana wixii mad-madow ah ee jira lagu dhameynayo wadahadal. Waxa uu sheegay in dhawaan uu tagayo Magalada Muqdisho si halkaas loogu soo afjaro khilaafka maamulka uu hogaamiyo kala dhexeeya dowlada Federaalka,hoos ka daawo muuqaalka.”’ Halkan hoose ka daawo muuqaalka
CHRISCHURCH (IDIL NEWS)-Ugu yaraan 49 Qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo culus, kaddib markii uu nin Hubeysani weerar ku qaadday Masjid ku yaalla Degmada Christchurch ee Dalka New Zealand. Ninkii weerarka geysatay ayaa la aqoonsaday, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa cunsuriyiinta neceb soo galootiga. Ninkan oo lagu Magacaabo brenton Tarrant, ayaa la sheegay in uu ka yimid dalka Australi, isaga oo xilliga uu Masjidka Alnuur weerarka ka geysanayay uu muqaalo toos Facebook ah iska duubayey. Brenton Tarrant oo u dhashay dalka Australia ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay sababta uu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Muqdisho Safiirka cusub ee Boqortooyada Midowday u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Benjamin James Fender. Mudane Danjire Axmed Cawad waxa uu soo dhoweeyay Danjire Ben Fender, isagoo ugu hambalyeeyay kalsoonida boqortooyo ee qaaliga ah ee uu ku helay in xilkani loo magacaabo. Wasiirka waxa uu kala hadlay Safiirka dhowr arrimood, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hore loo sii wado, lana xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee labadda dal ee dhinacyo kale duwan leh, si gaar ah arrimaha amniga iyo dano wadaagga istiraatiijiyadeed. Sawirro.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Jubbada Hoose. Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 13- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Malayle oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab. Mareykanku mashaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,hayeeshee waxa ay xaqiijiyeen in duqeyntaas aysan wax ku noqon dad rayid ah. Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo…
Dhamaan Qodobada kasoo baxay waxay ahaayeen kuwo aan la jaanqaadi karin xaalada Puntland ee xiligan. Shirkan socday sadexda cisho lagaliyayna dhaqaalaha iyo wakhtiga laguna sheegay jihaynta siyaasada Xukuumada Puntland ma ahayn mid uqalma ama gaarsiisnaa maqaamkaas ,marka laga eego sida loosoo abaabulay,hab socodkiisii iyo hogaamintii waday… Waxaa shirka gacanta loo galiyay machadka Sidra iyo agaasimaheeda Guuleed Saalax oo aan lahayn khibrad uu ku hogaamiyo shir maqaamkiisu heerkaas gaarsiisan yahay,. Dhanka Xukuumada waxaa shirka hawl fudueeye ka ahaa Wasiirka qorshaynta oo ah NGO-iiste aan khibrad Dowladaeed lahayn.waxa kaliya ee lagu xushayna ay ahayd daacadnimada kooxda Madaxtooyada hogaamisa. Dowladii Madaxweyne Gaas shirarakan…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Magaalada Garowe ee xarunta Dowlada Puntland waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shir ka socday sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay,kaasoo looga xaajooday jiheynta siyaasadda xukuumadda Puntland. Shirkan,ayaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob, waxaana soo xiray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Qodobada shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa oo laga xusi karaa qodob oranaya in Puntland ay ka qeyb-gasho wada-hadallada Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, Puntlan,ayaa sheegtay in wada xaajoodkaasi khuseeyo khasabna ay tahay in ay qayb ka ahaato, Balse hadalkan,ayaa kusoo aadaya iyadoo ay jiraan xogo lagu kalsoonaan karo oo tilmaamaya in Puntland iyo…
Hadalka umuuqda in Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Dhoobo Daareed si ogaansho la’aan ah looga duubay,ayaa noqday mid sii xoojiyay tuhun iyo warar hore ee suuqyada ku jiray. Arimaha uu xaqiijiyay oo daahii saarnaa ka qaaday Gudoomiye Dhoobo,waxaa ka mid ah ama ugu muhiimsan kuwan soo socda;- 1.Dowlada hada jirta ee fadhida Villa Puntland in ay khatar u aragto Qardho iyo Boqortooyada waxay ahayd wax si caadi ah looga sheego fadhi ku dirirada,balse Gudoomiye Dhoobo,ayaa si cad u cadeeyay. 2.Dowlada lagu xanto in ay saamayn xoog badan ku leeyihiin kooxda Aarn-jaan in ay qorshaynayso Col.Caare in Puntland laga saaro ,iyadoo maamulka…
IDILNEWS (BADHAN)…Waft iskugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Puntland,ayaa maanta boqodey Taliska Qeybta Booliska ee Gobolka Sanaag iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Badhan,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
INNAALILAAHI WAA INNA-ILLAAHI RAAJICUUN WAXAA MAGAALADA ARHUS EE DALKA DENMARK KU GEERIYOODAY 13-03-2019 MARXUUM AQOONYAHAN AL-USTAAD AXMED CABDI XIRSI ( AXMED JABUUTI) KANA MID AHAA RAGGII WAX KU BARTAY JAAMACADDA AL-AZHAR,MUDDO DHEERNA KU NOOLAA LIBYA KANA MID AHAA RAGGA MAGACA KU LEH BAHDA WAXBARASHADA EE DALKA LIBYA. Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah: Cabdi Maxamad Tarrax Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys Col. Zubeer Cabdilkariim BoorleCol. Nuux Maxamad Axmed IsaakhSadiiq Xasan Cali Buraale Xildhiban Bashiir Axmed CawarMaxamad Xasan GeelleXuseen Beynax BarreXuseen Xasan GeelleEng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif MuhdiCabdicasiis Xaaji Cabdullaahi QorraxeeyYuusuf-mahad Maxamad AadanXasan Xaaji BarreBashiir Suldaan Maxamuud HeybeDr.Asad Suldaan Maxamuud HeybeYuusuf Suldaan Maxamuud HeybeMuxumad…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Mudug ayaa maanta xukun xabsi iyo ganaax lacageeed ah ku riday dhalinyaro ku eedeysnaa inay geysteen kufsi wadareed. Xubanaha ay xukunka ku riday Maxkamaddu oo ahaa Saddex Dhalinyaro ah, ayaa kala ahaa Feysal Maxamed Maxamuud, Maxamed Burhaan Daahir iyo Maxamed Cali Cabdi xoosh, ayaa Maxkamaddu ku kala xukuntay; Feysal Maxamed Maxamuud, 20 Sanno oo xarig ah iyo 15 oo Dollar Maxamed Burhaan Daahir, 20 xarig ah iyo Sharaf dhicii dhibanahaMaxamed Burhaan Daahir, 10 sanno xarig ah iyo 1000 dollar oo Ganaax Dowladeed. Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1-aad ee Gobolka Mudug, ayaa sheegay in muddo…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyaad General Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta kormeeray taliska guutada 11-aad, qaybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka ee magaalada Kismaayo. Generaal Indha Qarshe ayaa la kulmay taliyaasha guutada 11aad iyo qeybta 43aad isagoo ka dhagaystey warbixino xaalada guud ee ciidamada xoogga dalka ee kahowlgala Jubbaland. Ciidamada xoogga dalka ayaa qeyb ka ah howlgalo ka socda deegaano kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland. Maamulka Jubbaland ayaa hore dhowr jeer ugu dhowaaqay inay ku qaadayaan weerar saldhigyada ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka ururka AL-Shabaab hase yeeshee illaa iyo…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xirey Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland oo sadexdii maalmood ee ugu dambeysey ka socdey xarunta Wasaardda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ee Magaalada Garoowe. Shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda. Madaxweyne Deni oo soo xiray shirka ayaa ka jeediyey khudbad taariikhi ah, waxa uu Madaxweynuhu Mahad ballaadhan u jeediyey masuul walba oo ka qayb qaatay hirgelinta shirka. “Dhammaantiin waa mahadsantihiin qof walba oo ka qayb galay…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa Goor-dhaweyd lagu soo Gaba-gabeeyay Shirweynaha jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Dawladda Puntland, kaas oo Saddex maalin ka socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Shirkan oo uu soo xiray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ka kooban 15 Qodob, kuwaas oo ku saabsan waxyaabihii looga hadlay iyo Go,aanada ay isla qaateen Golaha Xukuumadda Puntland. Akhriso War-murtiyeedka Kasoo Baxay Shirka Jiheynta Siyaasadda Xukuumadda Cusub ee Puntland. IDIL NEWS
KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa raja wanaagsan ka muujiyay miro dhalka natiijo ka soo baxda shirka “Africa Now” ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala. Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda kulanka, wuxuuna ku tilmaamay mid daaha ka rogaya Taariikhda iyo barwaaqada Afrika. Waxaa uu sheegay in hadda loo baahan yahay hoggaan dar-dargeliya isbeddelka Bulsho iyo dhaqaale ee Afrika, sidoo kalena loo baahan yahay in la yagleelo mustaqbal waxtar u leh dhallinyarada iyo Haweenka Afrika, inaan fahanno isla markaana ka hortagno saamaynta is-beddelka cimilladu ku yeelanayo koboca dhaqaalaha iyo inaan xal heer degmo, heer…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Midowga Yurub ayaa waxa uu ku dhawaaqay in ay Soomaaliya ka fulin doonaan Barnaamij lagu kordhinaayo horumarada Soomaaliya, kaas oo ay ku bixi doonto lacag dhan 94 Milyan oo Dollar Wakiilka Midowga Yurub u jooga Soomaaliya Amba. Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa Arbacadii shalay sheegay in iyaga iyo dalalka ay wadashaqeynta la leeyihiin ay siwadajir ah u fulin doonaan mashaariicdaas,isla markaana laga gol leeyahay xasilinta iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya. Sidoo kale, Fulgencio Garrido-Ruiz ayaa waxa uu sheegay in tallaabadaan inay tahay mid lagu kordhinaayo miisaaniyadda Dowladda, si loo xoojiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub,isla markaana dowladda ay ku…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax lagu xiray gaari nooca Raaxada ah ayaa maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, Iyadoona ay wararku sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaari uu lahaa Taliyaha qeybta Baarista CID Cumar Bile. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Banaadir Palaza oo u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Taree Biyaano ee Wadada Maka Al-Mukarama. Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo gebi ahaanba wadada xiray. Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wadada ugu badan ee qaraxyada ka dhacaan, waxaana todobaadyo ka hor ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarama. IDIL…
DUBIA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku dhawaaqay in 19-ka bisha March uu dalka Ghana ka dhici doona Wada hadalada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland. Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Wada-hadaladan ay dhex dhexaadinayaan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afica, Mareykanka iyo UK, laguna dhisi doono Guddi sii wada dhex dhexaadinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland. Muuse Biixi oo la hadlayay xalay Dadka kasoo jeeda Degaanada Somaliland ee degan Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa tilmaamay inuu aaminsan yahay in Wada-hadaladani dhinaca DF Soomaaliya, maadama hada Madaxda dowladda Soomaaliya ay diidan yihiin wada hadaladaas. Ma jirto illaa iyo hadda wax…
DUBAI (IDIL NEWS)-Global port operator DP World says its profit rose 10 percent in 2018 despite worldwide tensions over trade amid trader war between China and the U.S. and fears about britain leaving the European Union. The Port operator on Thursday reported profits of around $1.29 billion, up from around $1.17 billions the year before. Its revenue for the year was $5.6 billion, up from $4.7 billion the year prior. That’s arevenue increase of 19.8 percent for the port operator. DP World has expanded aggressively into new markets, including into East Africa, where the Emirati goverment as well has begun…
NEW YORK (IDIL NEWS)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa magacaabay Ergey cusub oo u qaabilsan Geeska Afrika, kaasoo ah khabiir shaqooyin badan ka soo qabtay Qaramada Midoobey. Parfait Onanga-Anyanga oo u dhashay Gabon ayaa noqonaya Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika, waxaana uu horay u soo noqday Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Bartamaha Afrika. Ergeygan cusub ee loo soo magacaabay Geeska Afrika ayaa howshiisa ugu badna noqonaya arrimaha Gobolka iyo caqabadaha ka jira xilligan. Gobolka Geeska Afrika ayaa xilligan loo arkaa meel muhiim ah oo dalal badan ku loolamayaan marka loo eego Istiraatiijiyad ahaan, waxaana uu…