GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalintii sadexaad shir guddoomiyey shirka jihaynta siyaasadda Xukuumadda dawladda Puntland. Shirka ayaa waxaa qoobjoog ka ah Madaxweynaha Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo dhammaan Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland. Wasaaradda Qoshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa daadihinaysa shirka, iyadoo looga hadlidoono shirka qodobada hoos ku xusan. 1. Soojeedin dhammaystirka talaabiyinka hore ee qorshe hawleedka dawladda. 2. Soojeedin iyo falanqayn kobcinta dakhliga dawladda. A. Sharaxaad nidaamka dakhli ururinta ee dawladda B. ilaha dakhliga ee dawladda C. Doorka hay’addaha dawladda ee dakhliga soo saara iyo habraaca la marayo D. Sidee loo…
Author: Jibril Qoobey
BADHAN (IDIL NEWS)-Wasiiro iyo Xildhibaano kamid ah Dowladda Puntland, oo shalay gaaray Degaano katirsan Gobalada Sanaag iyo Heyland, ayaa kulamo ka wadda Gobalka Sanaag. Wasiirada iyo Xildhibaanada Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo la yeeshay qaar kamid ah Waxgaradka Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, oo ay ka wada-hadleen Xaaladaha amni iyo abaareed ee Degaanka. Xubnaha ka socda Dowladda Puntland iyo Waxgaradka ayaa si weyn u lafa-guray Duulaanka Somaliland ay kusoo qaaday Degaano katirsan Gobalka Sanaag, Iyagoona isla qaatay inay muhiim tahay in Dowladda Puntland ay jawaab adag ka bixiso. Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyon), oo la hadlay Warbaahinta…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM), ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey Gobolka Shabeellaha Hoose. Warka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 12- Bishaan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Huley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay la beegsadeen saldhigyo ay lahaayeen Shabaab. Mareykanku mashaacin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas,hayeeshee waxa ay xaqiijiyeen in duqeyntaa aysan wax ku noqon dad rayid ah. Mareykanka ayaa sanadkaan 2019 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo…
KAMPALA (IDIL NEWS)-Mudane Madaxweyne Yoweri Museveni Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya Madaxweyne Ku Xigeenka Tanzania Wasiirka Ganacsiga ee Masar Mudanayaal iyo Marwooyin, iyo martida sharafta leh, Waxa sharaf ii ah inaan Kampala joogo aniga oo Shirka “Africa Now” kala qayb-gelaya madaxda Afrika, ganacsatada waaweyn iyo aqoonyahanka ku takhasusay Horumarka. Waxaan Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Dowladda Uganda uga mahadcelinayaa soo dhawaynta iyo martisoorka diirran ee aniga iyo waftigayga na loo fidiyey. Waxaan sidoo kale hambalyeynayaa qabanqaabiyayaasha shirkan—gaar ahaan Xarunta Istaraatijiyadeed ee Hoggaaminta oo shirkan suurtagelisey. Cinwaanka Shirka ee “Africa Now” waa mid gaar ah, maxaa yeelay badanka dadka falanqeeya arrimaha Afrika waxay…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa lagu wadaa maanta in Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland lagu soo gaba-gabeeyo shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo uu labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Garoowe. Shirkan oo inta uu socdo si weyn loogu lafa-gurayay Jiheynta Siyaasadda Xukuumadda cusub ee Puntland, ayaa waxaa daah-furay Maalinimadii Talaadada Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, isagoona furay Golaha Wasiirda cusub inay isla gaaraan Mowqifyo cad cad oo guulo u horseeda Shacabka Puntland. Shirka oo qorshihiisu ahaa Saddex Maalmood, kana socday Xarunta Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Puntland, ayaa la filayaa in Gaba-gabadiisa maanta laga soo saaro War-murtiyeed…
Ethiopia and France have signed a military cooperation deal on Tuesday that will see the East African country build a navy. The accord was signed by Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed and French President Emmanuel Macron, who also took time during the event to share their condolences over the Ethiopian Airlines plane crash on Sunday that saw 157 people lose their live. “Allow me to express my condolences to the victims and families of the victims of last Sunday’s Ethiopian Airlines air crash. You know how much we stand by you and all the families of the victims,” Macron said.…
Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron wuxuu booqday Jabuti, Itoobiya iyo Kenya. Inkastoo Faransiisku saldhig Milateri ku leeyahay Jabuuti, haddana in muddo ah Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho kuma imaan. Dhinaca kale waana markii koowaad ee uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqdo. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “difaaca wadajirka ah ee labada dal. Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta Ciidamada Itoobiya iyo la dagaalanka argagixisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha Ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad badeeda Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Ka sokow in Faransiisku uu…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Korneyl Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay xaalad dagaal oo deg deg ah, isagoona ugu baaqay madaxweynaha Somaliland uu kala baxo deegaanada gobolka Sanaag ciidamadiisa hadii uu kala bixi waayana ay wajihi doonaan xaalad adag,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan hoose ka daawo muuqaalka
BADHAN (IDIL NEWS)-Wafti isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Dowladda Puntland ayaa maanta gaaray Degmooyinka Badhan iyo Dhahar ee Goboladda Sanaag iyo Haylaan. Wasiirada iyo Xildhibaanadan oo kasoo jeeda Gobalada Sanaag iyo Heyland, ayaa si weyn waxaa u soo dhaweeyay Shacabka iyo Maamulada Degmooyinka Badhan iyo Dhahar, iyagoona Waftigu sidoo kale ay ku istaageen Degaano ka tirsan labada Gobal. Wararka ayaa sheegay in Xubnaha labada Gole ee Dowladda Puntland ee gaaray Gobalada Snaaag iyo Heyland ay la kulmayaan Waxgaradka Degaanadaas, si ay ugala hadlaan Dulaanka Somaliland kusoo qaaday degaano kamid ah Sanaag. Socdaalka Waftigan ayaa dhinac socda Howlgal culus oo…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Guuleed Axmed, Madaxa Hay’adda VNG International ee Puntland, ayaa ka hadlay Waxqabadyada Hay’adda ee Degaanada Puntland iyo sida ay u caawiyaan Dowladaha Hoose ee Degmooyinka Dowladda Puntland. Madaxa Hay’adda VNG International, ayaa Sheegay inay bilaabeen Dardar-gelinta Tayeynta ururka Dowladaha Hoose ee Degaanada Puntland ee loo yaqaan Al-GABAD, isla markaasna ay Hay’addu tababaro dibedda ah u qaaday Mas’uuliyiin katirsan Dowladaha Hoose ee Puntland. Sidoo kale, Mr. Guuleed Axmed, ayaa Sheegay in Hay’adda VNG International oo ay wehlinayaan Guddoomiyaha Ururka dowladaha hoose ee Puntland ahna Duqa Caasimadda iyo xubno kale, ay socdaal ku tageen Wadamo kale oo katirsan Yurub, si…
YUBBE (IDIL NEWS)-Shacabka Degmada Yube Ee Gobolka Sanaag ayaa bilaabay Banaan-baxyo ka dhan Maamulka Somaliland oo Ciidamadiisu ay la wareegeen Degaankaas iyo degaano kale oo kamid ah Gobalka Sanaag. Shacabka ayaa sheegay in Maamulka Somaliland uu doonayo dal iyo Dad uusan xukumin, Iyagoona tilmaamay in aysan aqbali Karin dulaanka qaawan ee ay Ciidamadiisu kusoo qaadeen. Shacabka Degmada Yubbe ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowladda Puntland in uu qaado tilaabo deg deg ah oo uu uga jawaabayo Duulaanka Maamula Somaliland. Daawo. IDIL NEWS
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa guddoomiyay shir ay Kismaayo ku yeesheen wasiirrada ku wehliya socdaalkiisa iyo wasiirrada wada shaqayntu kala dhexeyso tirsan dawlad gobaleedka Jubaland. Shirka Wasiirrada dhex maray oo uu sidoo kale goob joog ka ahaa madaxwaynaha Jubaland,Axmed Maxamed Islaam, ayaa intiisa badan looga hadlay sidii looga gudbi lahaa madmadawga jiray ee hoos u dhigay isku xirnaanta ka dhexeysa labada dhinac iyo sidii loo abuuri lahaa jawi wada shaqeyn buuxda oo fududeeya gudashada waajibaadka madaxda ka saaran u adeegidda ummadda Soomaaliyeed. Kulanka intii uu socday ayaa lagu heshiiyay in dhammaan la…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, kuwaas oo todobaadyadii la soo dhgaafay ku maqnaa dalka dibadiisa. Guddoomiyaha oo safar Shaqo ku tagay dalalka Jordan iyo Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka. Dib ugu soo laabashada guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo in 16 Bishaan oo ku beegan Maalinta sabtida ah in uu furmo kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas…
The deal has made local fishermen vulnerable to poverty as Chinese fishing companies are likely to outcompete them and also trigger another round of piracy in the Gulf of Aden. Somalia has the longest national coastline (3,025 km) in Africa with an estimated shelf area of 32,500 sq km. But this coastline is not safe due to illegal fishing and dumping of hazardous waste. Following the civil war in 1991, foreign companies embarked on illegal fishing and dumping of harmful toxic waste along Somalia’s largely unguarded coastline, depriving local fishermen of their livelihoods and endangering the lives of thousands of…
GAALKACYO (IDIL NEWS)-Inta la xaqiijiyay 2 Ruux ayaa ku geeryootay, tiro ka badana waa ay ku dhaawacmatay dagaal saaka ka dhacay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, kaas oo u dhexeeyay Labo Maleeshiyo Beeleed. Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta Dhul u dhow Xabsiga weyn ee Magaalada Gaalkacyo (Gaalshire), waxaana la sheegay in dhinacyada dagaalamay ay Maalmihii u dambeeyay is horfadhiyeen. Dadka Degaanka ayaa sheegay in Dadaal ay sameeyeen Maamulka Gobalka Mudug, kan Degmada iyo Waxgaradka kaddib lagu guuleystay in la kala qaado Maleeshiyaadkii dagaalamay, iyadoona haatan ay Meeshii lagu dagaalamay la wareegeen Ciidamada Xasilinta Gobalka Mudug. Wixii Kasoo Kordha…
YUBBE (IDIL NEWS)-Wararka aan ka helayno Degaanka Yubbe ee Gobalka Sanaag, ayaa sheegaya inay weli ka jirto Degaankaas Xiisad dagaal oo u dhexeysa Dowladda Puntland iyo Somaliland. Xiisadan dagaal ayaa timid kaddib markii Somaliland ay degaankaas keentay Ciidamo fara-badan, taas oo ay Puntland ka carootay. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo ka hadlay Xiisadan ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay si adag uga jawaabayso daan-daansiga Somaliland ku heyso, isagoona ku dhawaaqay in aysan u dul-qaadan doonin duulaanka lagu soo qaaday dhulkooda. Wararka ayaa sheegaya in degaano u dhow dhow degaanka Yubbe ay gaareen Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, kuwaas…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in weli uusan dhamaan dagaalka dowladda kula jirto Ururka Al-Shabaab, hayeeshee dagaalkaas uusan aheyn mid hadda la dareemayo. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay dib u habeyn ku heyso Ciidamada,isla markaana tirakoob guud lagu sameeyey Ciidamada,sidoo kalena la ogyahay tiradooda saxda ah iyo taliyeyaashooda. Waxa uu sheegay Kheyre iyo saraakiisha ciidamada hoggaamineysa laga qaaday imtixaan ay yihiin dhalinyaro gudan kara waajibkooda Shaqo, kana guuleystaan cadawga dowladda Federaalka sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan dib u habeyn ku wadnaa ciidamada,waxay nagu qaadatay…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland maalintii labaad ka socda shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo uu shalay furmay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Shirkan oo ka socda Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Puntland ayaa looga golleeyahay Hay’addo tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan, sida uu sheegay Madaxweyne Deni. Shirkan oo lasoo gaba-gabeyn doono maalinimada berri ah, ayaa inta uu socdo lagaga doodayaa qodobo ay kamid yihiin; 1. Xogsiinta xubnaha Golaha Xukuumadda cusub dhinacyada habraacyada iyo xeer hoosaadka Golaha. 2. Diyaarinta ” Qorshayaasha hortabinta leh ee 2019 ” ee hay’addaha dowladda.…
KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Uganda ayaa ka qeyb galaya Shirka Africa Now ee ka socda dalkaas,kaas oo looga hadlayo arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika. Shirka ayaa lagu wada in Maanta oo Arbaco ah in la soo geba gabeeyo,waxaana khubad dheer la filayaa in uu ka jeediyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo taas oo uu kaga hadli doono arrimaha, Amniga, Kobaha Dhaqaalaha iyo isdhexgalka wadamada Geeska Afrika. Shirkaas ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Kumaan Ergo oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni…
KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormeeray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda. Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dhiirrigelin u sameeyay saraakiishan ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in hawada iyo garoomada dalka laga mamnuucday diyaaradaha duugga ah ee lagu farsameeyay wadankii la oran jiray Midowga Soofiyeeti.Diyaaradaha ay Hay’adda Duulimaadka Soomaaliya mamnuucday ayaa waxaa ay kala yihiin: Antanov 24, Antanov 26, Antanov 32 iyo Antanov 12. Diyaaradaha ay dowladda Soomaaliya mamnuucday ayaa ah kuwa xamuulka qaada oo ah diyaarad duug ah oo Midowgii Soofiyeeti. Go’aanka Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Soomaaliya ku mamnuucday Diyaaradihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa soo baxay 7 Febraayo, waxayna shaqadooda ku ekeyd 28 Febraayo 2019. balse waxaa loo kordhiyay in dalka laga saaro ilaa 15-ka Maarso.…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Mr Steven Lauwerier iyo wafti uu hogaaminayo. Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Steven Lauwerier waxaa ku wehelinayey Wasiirka Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif. Madaxa hay’adda UNICEF Soomaaliya Steven Lauwerier ayaa ka mahadnaqay sida ballaadhan ee loogu soo dhaweeyey Madaxtooyada, waxaa uu dowladda Puntland ku amaanay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leedahay Hay’adda UNICEF waxaana…
Dadka Soomaaliyeed way wada xasuustaan qaladaadka ka dhacay labadii sano ee uu xilka hayay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali khayre Falanqeyn tayduna maaha caadifad ee waa mid aan ku tilmaamaayo siyaasiga khaldama waa in loo sheegaa qaladkiisa iyo waxyaabaha ka qaldamay iyo balankii uu qaadey inuu uu fulin waayey. Waa wax aan suurta-gal ahayn inuu si khaldan iskaga dhaadhiciyo inuu waxqabtey. Waa Tee ku Xukuumad Wanaagsen? Xukumadda wanaagsen waa nidaam iyo go’aamo ku saleysan sharciga, xeerarka iyo dhaqanka dawladeed oo Dastuurka lagu dhaqmo iyadoo la tixgalinayo Golayaasha sharcidajinta. Xukumada Ra’iisulwasaare khayre waxaa astaan unoqdey isbarbaryaac iyo isqabqabsi, kuwaas oo ah…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kulan ay yeesheen guddiga joogtada golaha aqalka sare BFS oo uu Shir guddoominayey guddoomiyaha golaha Aqalka sare Baarlamaanka ayaa ajandahu waxa uu ahaa Katashiga Furitaanka kalfadhiga 5aad ee aqalka Sare, ka doodista iyo Ansixinta qorshe howleedka kalfadhiga 5aad ee golaha . Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uu soo gabogaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Hab-dhowraha golaha aqalka sare BFS Sen. cabdi kaafi macalin xasan, waxa uu sheegay in fadhiga looga dooday ajandaha horyaala oo ay ugu muhiim sanayd Furitaanka kalfadhiga 5aad, isaggoo hadalkiisa sii raaciyay in la Go’aamiyay furitaanka 16ka bishan oo ku beegan maalinimada Sabtida. Dhinaca kale…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer waxa ay ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland iyagoo la kulmay shaqaalaha iyo howlwadeenada kala duwan. Ugu horayn waxaa kormeerkooda ay ka bilaabeen Wasaarada Arimaha gudaha iyadoo Wasiirka Wasaaradu uu sharaxaad ka bixiyay howlaha ay hayaan si gaar ah wuxuu u sharaxay hanaanka bixinta Jidadka Caasimada KMG ah iyo adeegyada loo qabto dadka kasoo laabanaya Xeryaha Qoxootiga dhadhaab. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay kaalmo u baahan yihiin dadka ay saameeyeen abaaraha iyo kuwa kasoo noqonaya Dhadhaab kuwaas oo ay ku adag tahay in…
GAROOWE (IDIL NEWS)-War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland, ayaa si kulul looga hadlay Duulaanka Somaliland ay kusoo qaaday Gobalka Sanaag, kaas oo degaano kamid ay qabsadeen Ciidamadeedu. Puntland ayaa Sheegtay in Somaliland ay kusoo qaaday duulaan sidii caadada u aheyd, ayna kusoo beegtay xilli ay Xukuuamdda cusub ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Deni isku diyaarinayso sidii loo soo afjari lahaa Argagixisada ku dhuumaaleysanaysa Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay had iyo jeer ilaalinaysa Xasiloonida Gobalka, balse haatan ay ka jawaabayso Daandaansiga Somaliland, Iyadoona ugu baaqday Shacabka inay u diyaar Garoobaan Difaaca Degaankooda. Akhriso Qoraal Kasoo baxay Madaxtooyadda…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobalka Jubbadda Hoose waxaa Maanta oo Talaado ah ka furmay Shir looga hadlayo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya,waxaana shirkaasi furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam. Shirka waxaa goobjoog ka ah Wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirada qorsheynta Dowlad Goboleedyada iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka. Shirka ayaa socon doona mudo dhowr cisho ah, waxaana diirada lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, iyada oo uu maalgelinayo Midowga Yurub. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Kismaayo ayaa la filayaa in uu soo xiro shirkaas. Sawirro. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliyihii Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ee (Daraawiish-ta) Gen. C/shukri C/llaahi Xuseen, ayaa iska casilay Xilkii, isagoona Waraaqda Is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland. Wararka ayaa Sheegaya in Gen. C/shukri uu saacadihii lasoo dhaafay u gudbiyay Waraaqda Is-casilaadiisa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Is-casilaada Taliyihii Ciidamada Daraawiish-ta ayaa loo sababeeyay Wada-shaqeyn la,aan ka dhex jirtay Isaga iyo Madaxweyne Deni tan iyo markii la doortay. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in uu is-casilay Abaanduulihii Ciidamada Daraawiish-ta Siciid Maxamed Cali Goranyo-cawl, kaas oo isna is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni. Si kastaba ha ahaatee,…
PSemi-autonomous state in north eastern of Somalia is a region officially known as Puntland which established a local government in its territory in 1998, 7 years after the collapse of the central government in Somalia. Unlike its western border neighbor of Somaliland which proclaimed itself independent country from the rest of Somalia. Puntland was founded on two basic principles: to govern and stabilize its territories, and to rebuild national central government together with the rest of the country. Somalia’s prolonged civil war has produced national tragedy and fraction of social fabric which has become extremely complicated mosaic pieces to re-collect…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmiya u furay shirka Jihaynta Siyaasadda Xukuumadda Puntland, kaas oo looga golleeyahay Hay’ado tayaysan iyo adeegyo joogta ah oo shacabka Puntland ay helaan. Ujeedada shirka waxa uu ka koobnaandoonaa qodobo mihiim ah oo ay kamid yihiin. 1. Xogsiinta xubnaha Golaha Xukuumadda cusub dhinacyada habraacyada iyo xeer hoosaadka Golaha. 2. Diyaarinta ” Qorshayaasha hortabinta leh ee 2019 ” ee hay’addaha dowladda. 3. Xoojinta wadashaqaynta hay’addaha dowladda. 4. Ka doodista arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, si loo abuurto jawi iyo fahan ballaaran oo ku saabsan maaraynta iyo hogaaminta dalka. Shirku…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay Dhaq-dhaqaaqa Ciidamada Somaliland ay ka wadaan Degaano kamid ah Gobalka Sanaag. Madaxweyne Deni oo ka hadlayay Shirka Jihaynta siyaasadda xukuumadda cusub ee Puntland oo saaka ka fumay Garoowe, ayaa Sheegay in Shacabka iyo Dowladda Puntland ay in badan ilaaliyeen Daris Wanaaga, Isla markaasna ixtiraameen Baaqyo uga imaanayay Saaxibada daneeya amniga iyo Xasiloonida Gobalka. Waxaa uu sheegay in Somalilan ay kordhinayso maalinba maalinta ka dambeysay Daan-daansiga iyo Dulaanka ay kusoo qaadayso Dhulka Puntland, taasna ay tahay mid aan la aqbali Karin. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi…
KISMAAYO (IDIL NEWS)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, ayaa wadda kulamo gooni gooni ah, kuwaas oo uu la lee yahay Hoggaanka sare ee Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay kulan horudhac ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyagoona ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada Bisha soo socota ee Agoosto la filayo inay ka dhacdo Jubbaland. Sidoo kale Xubnaha ka mid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa waxaa ay la kulmeen Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, iyaga…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ayaa Goor-dhow waxaa Magaalada Garoowe uga Furmaya Shirweyne soconaya Saddex maalmood, kaas oo lagu soo bandhigayo Qorshayaasha Wasaaradaha Dowladda Puntland ee 5 sanno ee soo socota. Mudada saddexda maalmood ah ee uu socdo shirkan ayaa waxaa si weyn loogu lafa-guri doonaa dejinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni. Shirkan oo inta uu socdo Shir guddoominayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa waxaa goobjoog noqon doona Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo Xubnaha Golaha Wasiirada. Warbaahinta ayaa si toos u tabin doonta inta uu socdo Shirkan oo…
KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha ayaa ku biiraya Madaxda dalalka Uganda, Koonfur Afrika, Tanzania iyo Kenya, wakiillo ka socda hay’adaha iyo bangiyada caalamiga ah, ganacsato iyo ergooyin kor u dhaafaysa ilaa kun oo ka qeyb galaya shir-madaxeed looga hadlayo sidii loo heli lahaa Afrika nabdoon, isdhexgalkeedu sarreeyo, isla markaana dhaqaaleheedu kobcayo, kaas oo maanta ka furmaya Magaalada Kampala. Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale kulamo gaar ah la yeelan doona qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay shirka ayaa waxa uu kala hadli…
YUBBE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Gobalka Sanaag, ayaa sHeegaya in degaano kamid ah Gobalkaas ay ka jirto Xiisad Dagaal u dhexeysa Ciidamada Dowladda Puntland iyo kuwa Somaliland. Xiisadan dagaal ayaa ka dhalatay kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay ay Ciidamo ku sumadan Ciidamada Somaliland ay la wareegeen degaano kamid ah Gobalka Sanaag, oo ay kamid yahay Degaanka Yubbe. Taliyaha Ciidamada Daraawiish-ta Dowladda Puntland ee Degmada Dhahar Gaashaanle Sare Siciid Cali Cumar, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ka warhayaan Ciidamada Somaliland ay keentay deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag, balse aysan wax dhaq dhaqaaq ah sameyn karin. Gaashaanle Sare Siciid,…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Magaalada Garowe ee caasimadda dowladda Puntland gaar ahaan xarunta wasaaradda qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa waxaa maalinnimada berri ah shir uga furmi doonaa golaha cusub ee wasiirada dowladda Puntland. Shirkan oo ah mid ahmiyad gaar ah leh ayaa waxaa ka qaybgeli doona madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni, madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), golaha wasiirada iyo madaxda hayadaha dowladda Puntland. Mudada saddexda maalmood ah ee uu socdo shirkaani ayaa waxaa looga hadli doonaa dejinta qorshe howleedka xukuumadda cusub ee uu dhowaan soo dhisay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denni. Qodobada ka soo baxa shirka ayaa lafilayaa inay gundhig u noqdaan…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda. Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka qeybgalo shir ay ka soo qeybgali doonaan qaar ka mid ah madaxda dalal ka mid ah qaarada Afrika, Iyadoona safarkiisani uu yahay kii saddexaad ee uu uga baxo dalka bishan oo kaliya. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu la kulmi doono Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni iyo weliba madaxda kale ee ka qeybgalaysa shirka. Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli uu dhowr jeer…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay shir ballaaran oo looga hadlayo dhaq-dhaqaaqa kor u qaadista la dagaalanka Nafaqo darrida Puntland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Garowe. Shirka waxaa soo qaban qaabiyay Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland, waxaa ka qayb galay wasiirada wasaaraha, Caafimaadka, Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Haweenka & Horumarinta Qoyska , Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska , Deegaanka, Beeraha iyo Is badalka Cimilada, Waxbarashada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo qaar kamid ah hay’adaha caalami ah. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani yahay mid muhiim ah, waxa uu…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu horeyn dhagax dhismaha xarunta ciidanka ilaalada canshuuraha ee loo yaqaan turubataariyada waxaana uu sheegay inay saldhig u tahay hagaajinta hannaanka canshuur qaadista. “ Waxaan ku faraxsanahay inaan dhagax dhignay xaruntii canshuur ilaaliyeyaasha ama ama turabataariyo ciidanka ee canshuurta ka shaqeeyo,waxay sal u yihiin uruurinta canshuuraha iyadoo la raacayo sharciga dalka u dhigan,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS. Taliyaha Hogaanka Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Janaraal Cabdulaahi xasan Bariise oo uga Mahad celiyay dadaaalka Wasaaradda Maaliyadda dhismaha xaruntan ayaa ka hadlay muhiimadeeda. “ Waa sharaf iyo karaamo, waana…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Kusimaha Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Cristine Alola, ayaa la xaqiijiyey inay ka mid aheyd dadkii ku geeriyooday shilkii Diyaaradeed ee Axadii shalay ka dhacay dalka Itoobiya, kadib markii ay burburtay Diyaarada Ethiopian Airlines. Cristine Alola ayaa la shaaciyey inay ka mid aheyd rakaabkii saarnaa diyaaradaas, oo kasoo kicitantay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya kuna sii jeeday Magalada Nairobi ee dalka Kenya. ku-xigeenka Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Hawlgalka AMISOM, Simom Mulongo ayaa xaqiijiyey geerida Cristine Alola,waxaana saacadba saacada ka dambeysa isasoo taraya aqoonsiga qaar ka mid ah 149 Ruux oo Rakaabka diyaarada ka mid ahaa…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafti uu Hoggaaminayo, ayaa Goor-dhaweyd gaaray Magalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland. Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland,iyo dadweyne ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi,kuwaas oo qaarkood watay Sawirrada Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jubbaland. Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu la kulmo madaxwaynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayna ka wada hadlaan arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga, gaar ahaan sida Ururka Al-Shabaab looga saari lahaa deegaannada Gobolada Jubbaland kaga sugan yihiin. Sidoo kale…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland, waxaa hada si weyn uga socota soo dhaweynta Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kaas oo la filayo in uu Goor-dhow gaaro. Boqalaal Shacab ah oo laga soo aruuriyay Xaafadaha Magaalada Kismaayo, ayaa dhooban Bartmaha Magaalada, kuwaas oo ku labisan Calanka JF Soomaaliya iyo kan Jubbaland, Sidoo kalena Wata Sawirada Ra’iisulwasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Madoobe. Halkaan Hoose Toos uga Daawo Soo Dhaweynta Ra’iisulwasaare Kheyre. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan( Yariisow), oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa amray in laga guuro Xaruntii Ciidamada Badda Ex Mariino & Gurigii Taliyaha Ciidamada Badda oo ku yaalla degmada Cabdulcaziiz ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in markii uu arkay baahida deg dega ah ee loo qabo in safaaradaha iyo diblumaasiyiinta loo asteeyo goobo ay ku howlgallaan uu soo saaray Xeer dadka degan looga saarayo Xaruntii Ciidamada Badda iyo Guriga taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliya “Waxaa la ogeysiinayaa ama lagu wargelinayaa cid allaala iyo cidii ay quseyso in Xaruntii…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa xalay canaan kulul kala dul-dhacay Guddoomiyaasha degmooyinka, Taliyaasha Saldhigayada Gobalka Banaadir, Taliyaha qaybta G/Banaadir, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Afarta Taliye Ciidan ee Soomaaliya, kadib kulan xasaasi ah oo ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya. Ilo Wareedyo lagu kalsoon yahay oo kulanka ku sugnaa ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay Madaxweynaha uu qayli iyo canaan uu kala dul-dhacay Taliyaash degmooyinka, Guddoomiyaasha, iyo Mas’uuliyiinta kale ee amniga, Iyadoona Madaxweynaha kulankii xalay ay ka muuqatay carro fara badan, sida ay sheegeen Goobjoogayaashu. “Fadlan dadkii iyo hantidooda waa isku dhamaadeen, maxaa idinka qaldan? Yaa idinku dhigan?…
BELEDWEYNE (IDIL NEWS)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobalka Hiiraan, ayaa Sheegaya in Ciidamada amnigu ay baad-goob ugu jiraan Nin kufsaday Gabar 9 sanno jir ah. Guddoomiyaha Degmada Baladweyne Maxamed Axmed Ibraahim foodcadde, oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Ninkii ka dambeeyey kufsiga Gabadha yar. Guddoomiye Food-cadde ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay Magalada Baladweyne kusoo bateen falal la xiriira dhinaca amniga,isla markaana taasi ay walaac ka muujinayaan, waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin. Kufsigan ka dhacay Magaalada Beledweyne, ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay…
NEW YORK (IDIL NEWS)-Illaa 30 Ruux ayaa ku dhaawacmay Khalkhal ku yimid Diyaarad ay lee dahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777, xilli ay u kala goosheysay Magaalooyinka Istanbul iyo New York. Khalkhalka dhinaca Hawada ah ee Diyaarada ayaa dhacay xilli ay maraysay Badweynta Atlantic, kaddib markii Diyaaradu ay kala kulantay cadaadiska dabaylo xooggan oo ka dhacayay Hawada. Diyaaradan oo ay saarnaayeen in ka badan 300 oo Ruux, ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah uga degtay garoonka diyaaradaha John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York ee cariga Mareykanka. Mushkiladan oo dhacday xalay xiliga Magaalada New…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Kaaraan ee gobolkan Banaadir, waxa ay kusoo qabtay Nin xirnaa dharka Dumarka, kaas oo looga shakiyay in uu kamid yahay Argagixisada. Dadka ku nool aaga Iskuul Godey ee degmada Kaaraan ayaa kusoo war-geliyay Ciidamada Ninkan xirnaa Dharka Dumarka, kaddib markii ay ka shakiyeen, Iyadoona ay ciidamadu gacanta ku dhigeen. Saraakiisha amniga ayaa Sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen ninkan ay ku waayeen wax Hub, Iyagoona xusay inay ku wareekiyeen Hay’adaha kale ee amniga si loogu sii sameeye Baaritaan dheeraad ah. IDIL NEWS
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxaa la filayaa in uu saacadaha soo socda gaaro Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta Ra’iisulwasaare kheyre, ayaa ka socota Kismaayo Iyadoona jidadka magaalada laga taagay Boorar lagu xardhay Safarka Ra’iisulwasaaraha. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa maalinimadii sabtida aheyd baajiyay Safarkiisa Kismaayo, kaddib geeridii jimcihii ku timid Wasiirkii Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marxuum C/rixmaan Xoosh Jibriil, kaas oo shalay aas qaran loogu sameeyay Muqdisho. Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmi doona Madaxda ugu sareysa Jubbaland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe,…
Halkan hoose ka daawo muuqaalka
Halkan ka daawo nuuqaalka
Walaaca dowladda Kenya ay ka qabto in looga adkaado kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa sii kordhaya, waxayna soo jeedineysa xal kheyraad wadaag ah, sida uu qoray wargeyska The East African ee Naiorbi. Wargeyska ayaa sheegay in Kenya ay hadda wadda dadaal xooggan oo dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka uga codsaneyso inay xal u helaan muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Ilo-wareedyo la hadlay The East African ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso in Soomaaliya ay ka laabto kiiska maxkamadda, islamarkaana xal ka baxsan maxkamadda la gaaro. Xalka Kenya ay soo…
Kooxda samata-bixinta,ayaa gaartay meeshii uu shilku diyaaradii Ethiopia uu ka dhacay Bishoftu oo ah magaalo 60-km koonfur Bari ka xigta Addis Ababa caasimada Dalkaas. 149- rakaab ah iyo siddeed shaqaale,ayaa la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen shilka Dhanka kale shakigeeda ayay leedahay dhicida diyaarada,Mr. Tewolde Gebre Mariam Madaxwaynaha shirkada diyaaradaha itoobiya,ayaa gaaray goobta shilku ka dhacay,wuxuuna dhex is taagay burburkii Diyaarada ET302,iyadoo ay socoto baaris xoog badan. Diyaaradda burburtay oo nooceedu ahaa “Boeing 737 -800MAX” ayaa ahayd mid cusub oo ay Shirkadda Itoobiyaan Airline soo iibsatay 4 bilood uun ka hor. Dadka la socda xaalka Itoobiya,ayaa tilmaamaya in burburka…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Ethiopian Airlines says it has teamed up with all stakeholders including international organizations to conduct forensic investigations to the cause of Sunday’s accident. The probe it said will also help identify victims of those who perished in the crash. In a statement posted to twitter, the airline said a committee made up of Ethiopian airlines, Ethiopian Civil Aviation Authority and the Transport Authority has been set up to carry out the probe. Ethiopian Airlines will release further information as soon as it is available through its website and social media pages. View image on Twitter Ethiopian Airlines✔@flyethiopian…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u Magacaabay C/qafaar Maxamed Maxamuud (Geeddi) Agaasimaha Maamulka Maaliyadda Madaxtooyadda Dowladda Puntland. Mr. Geeddi ayaa waxaa uu bedeli doonaan C/naasir Maxamuud Gurey, kaas oo uu xilkii ka qaaday Madaxweyne Deni. Agaasimaha Cusub ee Maamulka Maaliyadda Madaxtooyadda Puntland C/qafaar Geeddi, ayaa sanadihii ugu dambeeyay kunoolaa Dalka Zambia, Dadka yaqaana ayaana sheegay in uu yahay qof Aqoon iyo khibrad leh kuna haboonaa Xilkan. IDIL NEWS
BURTINLE (IDIL NEWS)-Dib u dhiska Wadada halbowlaha u ah ee Degmada Burtinle ee Gobolka Nuugaal, ayaa si rasmi ah u bilaabatay, Iyadoona burburin lagu bilaabay maanta jaamihii ka haray laamigii hore ee Degmadaas. Wadadan oo ay dhisayso Shirkadda Kebarko, ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka iyo Shacabka Degmada Burtinle, Iyadoona ay taageerayso Dowladda Puntland. 3.6-KM oo kamid ah laamiga halbowlaha ah ee dhexmara Buurtinle, ayaa la dhisayaa, Iyadoona Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland oo dhowaan dhagax-dhigay Dhismaha Wadada uu sheegay inay si dhow ula soconayso Dowladdu dhismaha Wadada iyo Tayadeeda. Wadada ayaa ah mida isku xirta guud ahaan Koonfurta iyo Waqooyiga…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed. “Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,“ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag. Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil ka tirsan Hay’adda UNICEF oo ay hoggaaminayso madaxa qaybta Nafaqada ( Chief of Nutrition of UNICEF ) Melanie Galvin iyo xubno kale. Kulanka uu la yeesahay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland saraakiisha ka socda hay’adda UNICIEF ayaa waxaa ku wehelinaayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, waxaana ka warbixiyey kulanka Xiriiriyaha Mashruuca Kor u qaadidda Nafaqada Shacabka Puntland Maxamed Cabdisalaan Ali. ”Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo waftigu waxay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa heerka nafaqo ee shacabka Puntland, waxaa kaloo diiradda lagu saaray kulanka dhaq-dhaqaaqa…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-157 Ruux ayaa geeryootay kaddib markii ay burburtay Diyaarad ay lee dahay Shirkadda Ethiopian Airlins, oo nooceedu ahaa Boeing 737 kana duushay garoonka diyaaradaha Magaalada Addis Ababa. Dadka ku geeryooday Diyaaradan ayaa u kala dhashay 35 Dal, Iyadoona uu kamid ahaa Cabdi Shakuur Shahaad oo kamid ahaa Howl Wadeenada Xafiiska Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya, ahaana qofka kaliya ee u dhashay Soomaaliya ee diyaaradaasi ku dhintay. Akhriso Liiska Wadamada ay u dhasheen Dadkii ku geeryooday Diyaaradda Burburtay. 32 Kenyan 18 Reer Canada 9 Itoobiyaan 8 Shiinees 8 Talyaani 8 Ameerikaan 7 Faransiis 7 Ingiriis 6 Masaari 5…