GAROOWE (IDIL NEWS)-Duqa Caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe Axmed Siciid Muuse, ahna Guddoomiyaha Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland, iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay Dalka Holland. Waftiga uu hoggaaminayo Duqa Degmada Garoowe ayaa dalka Holland uga qeyb-galaya shir, Iyagoona Marti qaad ka helay ururka Dowladaha Hoose ee Dalka Holland. Halkaan Hoose Ka Daawo.Daawo. IDIL NEWS
Author: Jibril Qoobey
Barre iyo Barliin oo ballantii joga qeybtii lixaad: Barre Toosha ayuu ku Ifiyey Ardaaga wuxuuna durba Ishka,ku dhuftay Qof jiifa Ardaaga wuxuuna soo kada loobsaday dhanka Madaxa Qofka meesha Hurda maadaama ay Habeeyn tahay uuna- aad iska ilaalinayo sharqanta wuxuu si tartiiba wajiga uga qaaday Maradii Baarliin oo iska dhigaaysa Qof Hurda ayaa yara jimcisatay waxayna tiri war waayo?,iyadoo sii raacisay maxaa kaaga lumay halkan?” waa hadal duur xul ah-e.. Barre wuxuu ku jawaabay waa Anigee ma Nabad baa, Baarliin oo Adigu maxaad ahayd? yara wey iska Hubinaysa Ninku inuu Barre yahay iyo inuu nin kale yahay Barre Isagoo hoos…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xariga ka jaray Xabsiga ugu casrisan Qaaradda Afrika oo laga dhisay Magaalada Muqdisho, islamarkaana loogu tala galay in kor loogu qaado Hanaanka Caddaaladda Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Kheyre waxaa uu sheegay in xabsiggaan uu wax badan kusoo kordhin doono Shaqadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Maxkamaddaha dalka. Xabsiggaan ayaa laga dhisay Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Furitaanka Xabsiggaan ayaa lagu soo beegay dabaal-dega sanadguurada 49-aad…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) ayaa amar duldhigay dhammaan NGO-yada maxalliga ah ee ka hawlgala gobolka Nugaal. Guddoomiye C/salaam Gu’jir ayaa Qoraal uu soo saaray ku war-galiyay Dhamaan Hay’adaha NGO-yada inay qaataan Warqadda ruqsada 2019, ee registration latter. Halkaan Hoose Ka Akhriso Amarka Guddoomiyaha Gobalka Nugaal. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa maanta Tababar u soo xiraya cutubyo kamid ah Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay uu tababar u socday. Madaxweyne Deni ayaa cutubyadan kamidka ah Ciidamada Puntland, ugu soo xiraya Tababarka Xereda 54-aad ee Ciidamada Daraawiish-ta Puntland, waxaana la filayaa in sidoo kale madaxweynuhu uu kormeero qeybaha ay xaruntu ka kooban tahay. Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa la filayaa in uu halkaas Ciidamada uga jeediyo Khudbad dhinacyo badan taabanaysa, gaar ahaan Difaaca Dowladda Puntland iyo Dagaalka lagula jiro Argagixisada ku dhuumaaleysanayna Buuraleyda Gobalada Bari iyo Sanaag. Wixii kasoo kordha…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxda ugu sareysa dalka ayaa lagu waddaa in ay maanta ka qeyb galaan Munaasabad lagu furaayo mid ka mid ah Xabsiyadda ugu weyn Qaaradda Afrika, kaasoo laga dhisay Magaalada Muqdisho. Xabsiggaan ayaa laga dhisay Xarunta taliska ciidanka Asluubta Ex Kontorool Afgooye, halkaas uu ka socday dhismaha dib u dayactirka Xaruunta tan iyo Sanadkii 2016-ka, xilliggaan oo uu dhagax dhigay Ra’iisul Wasaarihii xilligaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake. Xabsiggaan ayaa loo dhisay si casri , waxaana loogu tala galay in looga baxo Cariigii ka jiray Xabsiga dhexe ee Muqdisho. Furitaanka Xabsiggaan ayaa lagu soo beegay dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo…
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa Saacadihii lasoo dhaafay ku dagaalamay qeybo kamid ah Buuraleyda Gobalka Bari ee Degaanada Dowladda Puntland. Dagaal xooggan oo shalay dhex-maray Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa ka dhacay Degaanka Afgaraar oo dhaca Duleedka Magaalada Boosaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland. Dadka Degaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay maqlayeen dhawaqa Rasaasta ay is-weydaarsanayeen Maleeshiyaadka Argagixisada ah, ayna taas ku abuurtay cabsi. Degaanka ay ku dagaalamayaan argagixisadu ayaa ah dhul buuraleyda ah oo ay ku joogaan Dhuumaaleysi, waxaana qiyaastii Magaalada Boosaaso u jiraan 80-KM. Ma jirto illaa hada cid si rasmi ah u sheegi…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho. Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan. Madaxda dalka iyo saraakiisha ciidamada ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada 49-aad ee aas-aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyo madaxdooda. Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1970kii ayaa waxay qeyb ka yihiin ciidamada qaranka uu dalka leeyahay, iyagoona si gaar ah gacanta ugu…
XARARDHEERE (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Gobalka Mudug, ayaa Sheegaya in Dagaalamayaasha Kooxda Al-Shabaab ay ku xir xireen deegaano hoostaga Warshubo iyo tuulooyinka kale Odayaal dhaqmeed kasoo jeeda dhinaca Galmudug. Tirada odayaasha Al-Shabaab ay Xireen ayaa waxaa ay gaarayaan 18 Oday oo ah kuwa deegaanka Warshubo ee Koonfurta Gobolka Mudug si aad ah loogu yaqaano. Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Sababta loo xiray Odayaasha ay tahay, kaddib markii ay ka biyo diideen Amar uga yimid Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug. Amarka ayaa ahaa in Odayaasha Degaanka ay keenaan Dhalinyaro ka barbar dagaalanta Al-shabaab oo ah kuwa…
NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada diblumaasiyadeed ee dalkiisa kala dhexeeysa Soomaaliya, kaasoo sababay in Safiirada labada dal ay caasimadahooda dib ugu kala laabtaan. Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay inuu Guddi u saaray khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya, kuwaasoo soo baari doona halka ay iskala qaadeen labada dal iyo sida ay tahay in loo wajaho. Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Golihiisa Wasiirada oo shalay gelinkii dambe kulmay, ayaa isku raacay in la sameeyo Guddi farsamo oo ka socda dalka Kenya, kuwaasoo shaqadooda ay noqoneyso sidii ay xal wadahadal ah ugu dhameyn lahaayeen khilaafka diblumaasiyadeed ee…
GOLWEYN (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Dagaal culus oo ka dhacay Degaanka Golweyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Maleeshiyaad katirsan Kooxda Al-Shabaab. Dagaalkan oo ahaa dagaal culus muddo saacado ahna socday ayaa yimid kaddib markii dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab ay Weerar kusoo qaadeen Fariisin Ciidamada Dowladda Federaalku ay ku lee yihiin Degaanka Golweyn. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ayaa dagaalkaasi ka dhashay,hayeeshee waxaa weli si rasmi ah oo la shaacin khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama ay aheyd xilli habeen ah badi dadka ay hooygooda ku wada xaroodeen. Saraakiil…
BUJUMBURA (IDIL NEWS)-War kasoo baxay Dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in Burundi dhamaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay kala bixi doonto hadii Midowga Afrika uu ku adkeysto Go’aanka ah Kunka Askari ee la qorsheeyay in laga saaro Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa dhawaan Go’aan ku gaaray in Kun ka mid ah Ciidamada Burundi ee ka howlgalla deegaanada Hir-Shabeelle dib loogu celiyo dalkooda,hayeeshee waxa ay u muuqataa in dowladda Burundi aysan ku qanacsaneyn Go’aanka Midowga Afrika. Afhayeen u hadlay dowladdaBurundi ayaa yiri’Burundi xilligaan diyaar uma ahan inay ciidamo kala baxdo Soomaaliya,balse hadii Midowga Afrika ku adkeystaan go’aankooda bixitaanka kunka askari anaguna dhamaan…
Wasiirkii hore ee Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage oo Wasiirka cusub ee Wasarada Dekadaha ku wareejinay labo masharuus oo dhaxalgal ah. Mashaariicda,ayaa kan koobaad yahay dhameystirka iyo casriyeynta Dekeda Bosaso, kaas oo ay dawladda Puntland heshiis 30 sano soconaya kula gashay Shirkadda DP World oo laga leeyahay Imaaraadka. Mashruuca labaad oo ah mid ay shacabka reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed ku fulinayaan si isku tashi ah, kaas oo aan horay uga dhicin bariga ama guud ahaan Qaaradda Afrika waana mashruuca dhismaha Dekedda Garacad,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Dowladda Kenya ayaa si cad u sheegtay in aysan Soomaaliya marnaba gacanta u galin doonin xitaa qeyb yar oo ka mid ah dhulka ay ku fadhiso xuduudda badda ee ay ku muransan yihiin. Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa galinkii dambe ee maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday mowqifkeeda ku aaddan arrintan ku saabsan muranka badda, iyadoo sheegtay in tallaabadii ay Soomaaliya qaadday ay ahayd mid qallafsan. “Ma jirto dowlad aan ku wareejineyno taako ka mid ah dhulka ay Kenya leedahay”, ayey tidhi Ambaasadoor Monica Juma. Juma ayaa sheegtay in Kenya ay wali Soomaaliya ka sugeyso jawaab faahfaahsan…
Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa siwayn loogu soodhoweeyay Caasimada Dalka ee Muqdisho. Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade waxaa Boqorka ku soo dhoweeyay Isimo, Culimo Awdiin,Siyaasiyiin, Madaxkatirsan Dawladda Federaalka Dalka iyo bulshada rayadka ah qaybaheeda kala duwan. Boqorku inta uu kusugan yahay muqdisho ayaa lafilayaa in uu la kulmi doono Madaxda dalka, isimada iyo culimo awdiinka,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
Muuqaalkan waa Safaarada Somaliland ee Adis-ababa oo uu booqday Madaxweyne Muuse Biixi. Waxaa kuu muuqanaya in ay tahay Safaarad rasmi ah oo aysan ahayn Xaafiis Ganacsi. Waxaa dulbabanaya Calankii Somaliland,waxaana Gaadiidkeeda ay wataan Taargadii Diblomaasiyiinta. Tabeelaha waxaa ku qoran Somaliland Embasy,sidoo kale sida loo galbinayo Muuse Biixi waa mid hab maamuus Dowladeed leh. Waxay dhacdadan dhacaysaa ,iyadoo Farmaajo kal hore sheegay in uu soo xiray kanaalo fara badan oo bahdil ku ahaa Qaranimada Somaliya. Waxa is waydiin mudan kanaalada uu soo xiray Madaxweyne Farmaajo halkee ka jiraan hadiiba kuwii ugu muhiimsanaa ee Itoobiya ay sidoodii ufuran yihin. Maalmo ka hor…
Madaxtooyada Somaliya,ayaa ka dalbatay Wadamada Ciidamadu ka joogaan dalka in ay udiyaar garoobaan ka qayb qaadsahada Guluf xoog badan oo lagu ekaynayo kooxaha Alshabaab iyo Daacish. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Fadaraalka Cabdinuur Maxamed Axmed,ayaa warkaas sii daayay. Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dhawr jeer oo hore sidaan oo kale ku baaqday in ay qaadayso weeraro xoog leh oo dalka looga sifaynayo Alshabaab,balse waxba kama fulin balanqaadyadaas. Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo,ayaa xiligii olalaha doorashada balanqaaday in Mudo 2-sano ah uu dalka uga xorayn doono Maleeshiyada Alshabaab,balse waxba kama rumoobin balanqaadkiisaas. Sidoo kale Farmaajo waxuu balanqaaday in uu dalka uga saari doono Ciidamada shisheeye mudo…
Coast Guard lieutenant who was arrested last week is a “domestic terrorist” who drafted an email discussing biological attacks and had what appeared to be a hit list that included prominent Democrats and media figures, prosecutors said in court papers. Among the people on the list is Minnesota’s 5th District Rep. Ilhan Omar, according to court documents. Christopher Paul Hasson is due to appear Thursday in federal court in Maryland after his arrest on gun and drug offenses, but prosecutors say those charges are the “proverbial tip of the iceberg. “The defendant is a domestic terrorist, bent on committing acts…
Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Monica Juma,ayaa sheegtay in dalkeeda uu halis ugu jiro in looga guuleysto siyaasadaha arrimaha dibadda iyo diblomaasiyadda ee Gobolka. Monica oo Arbacadii hortagtay Guddiga difaaca iyo arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Kenya,ayaa sheegtay in miisaaniyadda dowladda u qorsheysay Wasaaradda arrimaha dibadda aysan ahayn mid ku filan. Inkasta oo kulankii shalay ay ku hortagtay Guddiga ujeedadiisu ahayd xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaliya haddana Guddiga iyo Wasiirkuba ma faah faahin halka la iskala qaaday iyo halka ay wax ku dambeyn doonaan. Wasiirad Juma waxaa ay sheegtay in wasaaraddeeda ay ku adkaan doonto in ay gasho tartan dhinaca diblomaasiyadda iyo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta soo xiray shir waynaha soo bandhigidda iyo xaqiijinta hannaanka dhab-u-heshiinta qaran, ayaa ku baaqay in dadka Soomaaliyeed ay u midoobaan dawlad wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wasaaradda arrimaha gudaha uga mahadceliyay dhamaystirka hannaanka dhab-u-heshiinta qaranka, ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay is-waydiiyaan waxa keenay khilaafka bulshada dhan saameeyay, si looga fikiro in dadka Soomaaliyeed ay dib-u-midoobaan, isaga oo hoosta ka xariiqay in isku-duubnida qaybaha kala duwan ee bulshada ay muhiim u tahay hagaajinta dawladnimada, soo celinta sharafta iyo karaamada umadda iyo dib-u-dhiska dalka. “Qabyaaladda…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa ayaa Magacii looga Bedelay Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland. Madaxweyne Deni oo cuskanaya Dastuurka Dowladda Puntland iyo Magacaabistii Golaha Xukuumadda cusub ee 10 bishan Febaraayo, waxaa uu sheegay in Wasaaradda Deegaanka Iyo Isbedelka Cimilada, loo bedelay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Dowladda Puntland. Akhriso Wareegtada kasoo baxday Madaxweyne Deni. IDIL NEWS
GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa looga hadlay arrimaha kala ah, Amniga Dalka, Xeer Hoosaadka Golaha Xukuumadda, Qorshaha Horumarinta Puntland, Kicinta Dakhliga, Wadashaqeynta Wasaaradaha iyo Warbixino kale. Halkaan Hoose Ka Daawo. IDIL NEWS
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo ergooyinkii shirka ka soo qaybgalay, waxay si wayn u soo dhaweynayaan Soo-bandhigidda iyo Xaqiijinta xogta Hannaanka Dhab-u-heshiinta Qaran (HDQ) oo hal-ku-dheggiisu ahaa “AAN DUUGNO COLAADDA, OO NABADDA BEERNO!” oo si habsami leh u qabsoomay intii u dhexaysay 19 ilaa 21ka February. Laga soo bilaabo bartamihii sannadkii 2017, waxay Wasaaraddu qabatay Shirweyne Qaran iyo wadatashiyo lala yeeshay dadka Soomaaliyeed qaybahooda kala duwan oo lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhusamareb, Jowhar iyo Baydhabo. Waxa la qabtay 15 wadatashi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 1400 oo qof oo kale socday…
HARGEYSO (IDIL NEWS)-War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa looga hadlay Ahmiyada ay leedahay Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyo sidoo kale Kulankan ay wada yeesheen madaxweynaha Soomaaliland iyo R/Wasaaraha dalka Itoobita Abiy Ahmed. “Somaliland waxaa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, iyo in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda. Sidoo kale qoraalka madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa la isku afgartay in khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulanka golaha Wasirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo muhiim ah. Ugu horayn Arimaha Amniga iyo Siyaasada ayuu Madaxweynahu golaha uga warbixiyay iyo sida ay tahay xaalada Nabadgalyada deeganada Jubbaland ee xorta ah iyo sidii Hay’adaha ku shaqada leh ay usii adkayn lahayeen. Gudiga Dakhliga ayaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta sida ay u socdaan howlaha dakhliga iyo caqabadaha ilaa hada jira iyadoo golahu uu bogaadiyay dadaalka gudigan isla markana la isku raacay in lasii laba jibaaro shaqada. Waxaa kale oo golahu uu warbixin ka…
BALADUL AMIIN (IDIL NEWS)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah, ayaa Howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen gudaha degaanka Baladul Amiin ee Gobolka Shabellada Hoose. Kooxda Al-shabaab ayaa gudaha degaanka Baladul Amiin waxa ay ku lahaayeen Saldhigyo iyo xarumo, waxaana Howlgal ku bur buriyay Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa sheegay in howlgal xalay saqdii dhaxe ay ciidamada Danab iyo ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen gudaha degaanka Baladul Amiin ee Gobolka shabellada Hoose. Saraakiisha Danab waxa ay sheegeen in Howlgalka lagu bur buriyay saldhigyada Al-shabaab ay ku lahayeen degaanka Saraakiil iyo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Burundi ayaa maanta oo khamiis ah bilaabeysa in qeybtii u horeysay ee ciidankeeda ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe la soo baxdo sida qorshaha ahaa, kaddib go’aankii Midowga Afrika ee ahaa in dhamaadka bishan kun askari oo Burundi ka socda laga soo saaro Soomaaliya. Lix maalin gudahood ayaa looga doonayaa dowladda Burundi inay Soomaaliya uga saarto 1,000 askari, iyadoo mudada ay heystaan ay tahay inta laga gaarayo ugu danbeyn 26-ka bishan. Ciidamada Burundi ayaa soo faarujin doona degmada Cadale, Raage Ceelle iyo deegaanka Xaaji Cale oo ay muddo sanado ah fariisimo ku lahaayeen. Dowladda Burundi ayaa ka soo…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan. Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Muuse, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay…
JOWHAR (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa mar kale shaaciyey caqabadaha heysta Maamulkiisa oo dib u dhigay Shaqooyinkii looga baahnaa. Madaxweyne Waare ayaa sheegay in Maamulka Hirshabelle caqabada koobaad ay heysata ay tahay dhinaca amniga,isla markaana deegaano badan oo ka tirsan Maamulkaas ay ka dhacaan falal lidi ku ah dhinaca amniga. Waxa uu sheegay in Wadooyin ka mid ah deegaano ka tirsan Maamulkiisa ay yihiin kuwo xiran,isla markaana tira ka dhowr jeer looga hadlay sidii loo furi lahaa shirar ka dhacay Magaalooyinka Adis Ababa iyo Nairobi ee dalalka Kenya iyo Itoobiya. Madaxweyne Waare ayaa ugu baaqay Shacabka…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ku maalgalin doonto Malaayiin doollar oo loogu tala galay in sare loogu qaado Kabayaasha dhaqaallaha iyo Arrimaha Gargaarka. Qorshahan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Mareykanka ay ugu tala gashay dalal ay ka mid ah tahay Soomaaliya oo ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhanka Ammaanka iyo Xasilooni daro. War kasoo baxay Waaxda Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in sidoo kale lacagtaan ay ka qeyb ka tahay la dagaalanka Al-Shabaab. “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo USAID waxay ku maal-galin doonaan in ka badan $…
Halkan ka daawo muuqaalka
Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa wareegto uu kasoo saaray Xafiiskiisa ku qeexay Nidaamka Qaabilaada iyo shaqada Xafiiska Wasiirka Maaliyadda. Hoos ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaardda Maaliyadda Dawladda Puntland Halkan ka akhriso
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xaafiiska raysal wasaaraha Ethiopia,ayaa lagu xusay in uu Abiye ahmed ugu baaqay Maamulka Somaliland In ay si dhow ula shaqeeyaan Dawlada Federaalka Soomaaliya. Warka kasoo baxay Xaafiiska ra’isalwasaare Abiye,ayaa waxaa la raaciyay intaas In Dhankiisa Muuse oo arinkaa ka hadlaya aqbalay soo jeedinta Abiye Ahmed. Hadaba hadalka kasoo baxay xaafiiska ra’isalwasaare Abiye ee lagu sheegay Somaliland markii ugu horaysay maamul,isla markaana lagu yiri la shaqeeya Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo soo dhaweyntii maqaamkeedu gaarsiisnaa heer Madaxweyne Jamhuuriyadeed mahan wax is qaadan kara,waxaana laga dhex arki karaa laba Wajiilayn. Dowlada Itoobiya,ayaa caadiyan aan ugu yeeri jirin Somaliland ‘Maamul’,waxaana muuqata…
Maamulka Puntland Waxaa Ceeb iyo Dhegxumo ugu filan in marka wiilasha Naftood Hurayaasha ahi ay Dalkooda, iyo Sharafta Dadkooda u Naafoobaan aan Wax Daryeel iyo Xuquuq ah toona la siin! Waxaa Dhacda oo Markhaati ma doonto ah in marka askari ciidanka Puntland ka mid ahi dhaawacmo ay qoyskiisu daaweystaan. Taas waxaa sii dheer haddii Askarigaas uu isagoo hawl loo diray oo qaran gudanaya uu cid Wax ku gaarsiiyo kas iyo kamma Kay doontaba Ha noqotee in mar labaad qoyskii iyo qolodii uu ka dhashay dhibkaas madaxa saartaan. HANAD HERSI FARAH, waa wiilka dhallinta yar ee ku naafoobay hawgal ciidan oo…
Si kastooy Itoobiya u buunbuuniso Maamulka Waqooyi-galbeed Somaliya ee haatan loo yaqaan Somaliland,hadana Dowlada Fadaraalka Somaliya waxay ka qaadatay kulankii la qorsheeyay go’aan ay shacabka soo dhaweeyeen. Madaxtooyada Somaliya waxay gaashaanka udaruurtay codsigii Madaxtooyada Itoobiya ee ahaa in ay kulmaan Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi. Dowlada Somaliya waxay ku dooday in ay mabdi’iyan soo dhawaynayso kulankaas,sidoo kale ay qadarin u hayso itoobiya oo door ku yeelata wada xaajoodkaas,balse aysan inkiri karin doorkii soo socday mudooyinka sanadaha ah ee ay lahayd Dowlada Turkiga. Dowlada Turkiga,ayaa wada hadalada Dowlada Fadaraalka Somaliya iyo Maamulka Waqooyi-Galbeed ee loo yaqaan Somaliland waxay soo waday mudo…
Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana falanqeeyey doodaha labada dal ay is dhaafsanayeen tan iyo Sabtidii. Wargeyska Daily Nation ayaa hilfaha u qaaday doodda Dowladda Kenya ee ku aaddan muranka badda, iyo inaysan sugin xukunka Maxkamadda Caalamiga ICJ. KENYA OO KA CABSATAY UGANDA, SOOMAALIYA AYEY KU ORDEYSAA! Qormo aragtiyeed uu qoray wariye Macharia Gaitho ayuu ku ceebeeyay siyaasadda arrimaha dibedda Kenya, isagoo soo qaatay sida illaa hadda Dowladda Kenya uga aamusan tahay jasiiradda Migingo ee ku taalla Lake Victoria oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayaan Ciidamada…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe kulan kula qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa bannaan ee Dowladda Puntland. Kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha hay’addaha madaxa banaan ee Dowladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Agaasimaha Guud ee Tiifiiga iyo Idaacadda Dowladda Puntland Jamaal Carab Yuusuf oo kulanka qayb ka ahaa ayaa ka warbixiyey kulanka. “Galabta waxaa shir iskugu yimid Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha madaxa banaan ee…
KISMAAYO (IDIL NEWS)-Warar lagu kalsoon yahay oo ay helayo Shabakadda Idil News, ayaa Sheegaya in magaalada kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubbaland uu ku wajahan yahay Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Ra’iisulwasaare kheyre ayaa kismaayo u tagaya si uu u saxiixo Heshiis u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kaas oo gogal dhig u ah isku soo dhawaanshe ay gaaraan labada dhinac kahor Shirka Bisha soo socota loo balansan yahay in uu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland. Kulamo hordhac ah oo u dhaxeeya Jubbaland iyo wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo…
ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, ayaa Goor-dhaweyd kulan la yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Kulankan oo ahaa mid labo geesood ah ayaa Madaxweyne Biixi iyo Ra’iisulwasaare Abiy, waxaa ku wehlinayay xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada Somaliland iyo Itoobiya. Kulanka ayaa inta uu socday aan si rasmi ah loo ogeyn waxa looga hadlay, balse Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa markii ay ka duulayeen Madaarka Hargeysa, waxaa uu Warbaahin u Sheegay in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan danaha iyo xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya. Kulan…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), ayaa kormeeray xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, oo ay ku sugnaayeen saraakiisha xafiisyada. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo uu booqashada ku wehelinaayey Agaasimaha Shaqada iyo shaqaalaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Ciise Maxamuud Cumar, ayaa u kuurgalayey qaabka ay u shaqeeyaan xafiisayada iyo saraakiisha xafiisyaduba, isla markaana waxa uu korjoogteeyey habsami u socodka qaab dhismeedka shaqda Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland uu ku sameeyey xafiisyada Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe. “Waxaa maanta oo ay…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka xeerilaaliye ku xigeenkii Qaranka Maxamed Mursal oo maanta lagu dilay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan. War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan Shabaab ay dileen xeerilaaliye ku xigeenka ka dibna ay baxsadeen. Maxamed Mursal ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, waxaana uu wax kusoo bartay dalka Suudaan, Sanadii ugu dambeeyay ayuu ka shaqeynaayay Xafiiska xeerilaalinta Qaranka. Magalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto,Mas’uulyiin ka tirsan Dowladda,Askar iyo Shacab intabada,waxaana mas’uuliyadooda sheegta dilalkaas Al-Shabaab. IDIL NEWS
RIYADH (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa dalka Sucuudi Carabiya ayaa maanta la kulmay madaxwayne ku-xigeenka bangiga horumarinta Islaamka, Mansur Muhtar. Ra’iisul wasaare ku-xigeenka iyo Mansur Muhtar ayaa ka wada hadlay horumarrada ay Soomaaliya ka samaysay dhanka dhaqaalaha iyo dadaaalka xooggan ee madaxda qaranku ugu jiraan in dhaqaalaha dalku uu heer sare gaaro. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin wassiirrada maaliyadda iyo xannaannada xoolaha, xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ayaa horay gudaha dalkaasi…
HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta ka dhoofay Magaalada Hargeyso, Isagoona booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii uu marti-qaad ka helay Ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed. Madaxtooyadda Somaliland ayaa beenisay Wararka Sheegaya in Madaxweyne Muse Bihi Abdi uu kulan kula yeelanayo Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), oo Warbaahinta faah-faahin ka siiyay Safarka biixi, ayaa tilmaamay in aysan jirin cid ka baxsan Ra’iisulwasaaraha Itoobiya iyo Xukuumadiisa…
JABUUTI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo miradhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xiriirka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah. Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa lagu soo bandhigay Xeerka dhaqan gelinta habraaca Heshiisyada dowladda Federaalka la gasho dalal ,shirkado iyo hey’addo ajnabi ah,habracaas oo loo baahan yahay inay maraan cid walba oo ka tirsan dowladda xilliyada ay heshiis galeyso. Xubnaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda ayaa ka reeban inay heshiis toos ah iyo mid dadban intaba la galaan,Dalal,Shirkado ama sidoo kale Hay’addo Ajnabi ah,iyada oo aan la raacin habraaca la soo saaray,sida lagu sheegay farqada cad qodobkiisa labaad. Sidoo kale War-Saxaafadeedka kasoo baxaya Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa lagu cadeeyay…
GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta, isgaarsiinta, boosada, hidaha iyo dhaqanka Dawlada Puntlan Cali Xasan Axmed Sabarey, ayaa xilika kala wareegay Wasiirkii hore Wasaaraddas Cabdi Xirsi Cali qarjab. Xil Wareejintan oo ka dhacday Wasaarada Warfaafinta, ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Guddiga la socoshada Xil-wareejinta Wasiiradii hore iyo Wasiirada cusub, Mas’uuliyiinta Wasaaradda iyo Xubno kale. Xil wareejinta kaddib Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasiirkii hore ee wasaarada, ayaa booqday Xarunta wayn ee TV-ga Dawlada Puntland, halkaas oo uu siwayn ugu Soo dhaweeyay Agasimaha Tv-ga Jamaal Carab Yuusuf yo Qaar kamida hawl wadeena Tv-ga. Daawo. Sawirro. IDIL NEWS
BOOSAASO (IDIL NEWS)-Guddiga Mashruuca Dhismaha Waddada Halbowlaha ah ee Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa oo warbaahinta la hadlaya, ayaa ka warbixinayay meesha uu marayo mashruuca Dhismaha Wadada iyo siduu yahay qorshaha. Guddiga ayaa Sheegay in Qeybta Kowaad ee Dayactirka iyo Dhismaha Wadada halbowlaha ee Boosaaso, ay meel fiican mareyso, Iyagoona Sidoo kale soo Bandhigay Naqshada Laami labo dhinac ah oo Mustaqbalka dhow laga dhisay Bartamaha Magaalada Boosaaso. Guddiga Dhismaha Waddada Halbowlaha ah ee Boosaaso, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland, gaar ahaan Shacabka Boosaaso inay ka qeyb qaataan Dhismaha Wadada, ayna kusoo biiriyaan Dhaqaale, si loo hirgaliyo Waddooyin…
BAARDHEERE (IDIL NEWS)-Ciidamada Itoobiya ayaa Qaraxyo miino lagula eegtay Bartamaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kuwaas oo sababay Khasaare isigu jira Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Ciidamada Itoobiya. Ciidamada Qaraxyada lala beegsaday oo watay Kolanyo gaadiid ah, ayaa Qaraxa kaddib bilaabay Rasaas, taas khal khal gelisay Shacabka Baardheere. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay goobta qaraxa lagula eegtay xireen, si aanay dadka u arkin inta uu le egyahay khasaaraha gaaray. Isu socodka dadweynaha iyo dhaq dhaqaaqa ganacsiga ayaa hakad ku yimid, markii qaraxa dhacay, inkastoo muddo kaddib uu dib u furmay. Dhowaan ayay aheyd markii qarax ismiidaamin ah lala…
GAROOWE (IDIL NEWS)- Magaalada Garoowe waxaa si weyn uga socotay Maalmahan Xil wareejinta Wasiirada cusub iyo Wasiiradii hore ee Dowladda Puntland, kaddib markii Golaha Wakiiladu ay codkii kalsoonida aheyd siiyeen Xukuumadda cusub maalinimadii sabtida aheyd. Wasiirada cusub ee ee Wasaaraddo ay kamid yihiin Maaliyadda, Degaanka iyo Caafimaadka, Haweenka, amniga iyo Gansiga, ayaa Maalmihii lasoo dhaafay la wareegay Xafiisyadoodii, Iyagoona Masuuliyiintii hore ee Wasaaradahaas ay ku wareejiyeen Dukumeentiyadii iyo xogihii Wasaaradahaasi ay ku shaqeynayeen 5 sano ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, Wasiirada cusub ee Wasaaradaha Waxbarashada, Duulista Hawada. Qorsheynta, Warfaafinta iyo Kalluumeysiga, ayaa lagu wadaa inay maanta la wareegaan xilalkooda, Iyadoona…
BUJUMBURA (IDIL NEWS)-Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku baaqay Kulan deg-deg ah oo looga arrinsanayo ka bixitaanka Ciidanka Burundi ee Howlgalka ku jira ka hor dhamaaadka Bishaan. Midowgaa Africa ayaa si tartiib-tartiib ah waxaa uu u yareeynayaa Ciidanka ka jooga Soomaaliya, waxaana qorshuhu yahay in dhamaadka Bishaan dalka ay ka baxaan 1000 Askari oo kasocda Brundi. Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa oo Booqasho ku tagay Bujumbura ayaa la kulmay dhigiisa Brundi Pierre Nkurinziza, waxayna muujiyeen Walaaca ay ka qabaan in saameeyn aan wanaaagsaneeyn ay ka dhalato Ciidanka AMISOM ee ka baxaya Shabeelaha dhexe. “waxaan ku baaqeeynaa kulan deg-deg ah in…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lafilayaa in Maalmaha soo socda ay wada kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu gaaro maanta Magaalada Addis ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, isagoona haatan ku sugan Dalka Jabuuti, kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku joogay dalka Burundi, waxaana la filayaa in addis ababa ay ku kulmaan Madaxweynaha Somaliland. Itoobiya ayaa casuumaad u fidisay labada Madaxweyne si halkaasi uu uga bilaawdo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jira Sanadihii ugu dambeysay, waxaana Maanta oo Arbaco ah la filayaa in Madaxweynaha Somaliland…
JABUUTI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay gaaray dalka Jabuuti soona geba-gabeeyay booqashadii uu ku tegay dalka Burundi ayaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah uu la kulmo dhigiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Arrimaha diiradda lagu saarayo kulanka labada Madaxweyne ayaa waxaa kamid ah xoojinta xiriirka walaaltinimo, xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga amni ee labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu safarkiisa kusoo geba-gabeen doonaa Magalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya,halkaas oo lagu wado inay ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Kulamada uu Madaxweyne Farmaajo la qaadanayo Madaxweynayaasha…
HARGEYSO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu wadda in maalinimada burrito ah uu safro Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, kaddib Casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Itoobiya. Madaxweyne Biixi ayaa la filayaa in uu Addis ababa kula kulmo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kaas oo ay ka wada hadli doonaan xariirka labada dhinac iyo is-bedelada ka socda Gobalka Gees Africa. Safarka Madaxweynaha Somaliland ee Addis ababa, ayaa ah kii ugu horeeyay ee Biixi uu ku tagayo, tan iyo markii uu is-bedelku ku dhacay Itoobiya, Ra’iisulwasaarahana loo doortay Mr. Abiy. Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa…
GARACAD (IDIL NEWS)-Degaanka Garacad ee Gobalka Mudug, waxaa gaaray Gaadiid sida qaar ka mid ah qalabka lagu bilaabayo wajiga labaad ee dhismaha dekadda Degaankaas. Qalabkan oo ah mid qeyb ka ah Qalabka lagu bilaabayo Dhismaha Wajiga Labaad ee Dekedda Garacad oo ah mid loogu gudbayo Badda gunteeda, ayaa maalmihii ugu dambeeyay si weyn looga sugayay Degaanka. Guddiga Dhismaha Dekedda Degaanka Garacad, ayaa gabagabadii wajiga kowaad ee Dekedda Sheegay in qalabkan oo ah mid muhiim ah, uu kusii xigi doono Qalab kale oo Degaanka uga imaanaya dhinaca Badda. Dhismaha Wajiga labaad ee Dekedda Garacad, ayaa si weyn looga dareemaya Guud ahaan…
A 16-year-old schoolboy who was knifed to death outside a sixth form college has been named. The teenager, named locally as Mohammed Sidali, was stabbed outside Joseph Chamberlain College in Balsall Heath, Birmingham, on Wednesday February 13. He died in hospital two days later after his life support was switched off.Dozens of people have paid tribute to the teenager, with online donations to build a well in his honour topping £3,500 in two days. On Sunday police charged a 16-year-old boy, who cannot be named for legal reasons, over the Mohammed Sidali’s death.A 17-year-old boy, of Birmingham was arrested on…
LONDON (IDIL NEWS)-Warbixin ay Hay’adda Daryeelka Carruurta “Save the Children” ee dalka Britain soo saartay, ayaa lagu sheegay in ka badan 500,000 oo carruur ah laga yaabee inay ku geeriyoodeen Colaadihii ka dhacay Calaamka 5-tii sanno ee la soo dhaafay. Cel-celiska Tirada carruurta ku geeriyootay colaadaha Goballadda Caalamka waxay ka badan tahay 100,000 ama inay maalin kasta 300 carruur ah ku geeriyoodaan dalalka ay colaadaha ka socdaan. Warbixinta waxaa kaloo lagu xusay in ugu yaraan 500,000 carruur da’dooda ka hooseyso hal sanno ku geeriyoodaan colaadaha ka socda 10-ka waddan ee ay colaadaha halakeeyeen muddadii u dhexeysay 2013-kii ilaa 2017-kii Warbixinta…
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si faahfaahsan uga hadlay arinka Badda,iskana beri yeelay heshiiskii Badda ee Kenya iyo Somaliya. C.C.Warsame,ayaa sidoo kale sheegay in Dowlada kenya aysan jarin xiriirkii Somaliya,balse ay uyeeratay safiirkeedii si ay ula tashato. Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxuu saxaafada iyo siyaasiyiinta ugu baaqay in aysan xaalada si khaldan uturjumin shacabkna aan la khaldin,hoos ka daawo muuqaalka. Halkan ka daawo muuqaalka
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Magalada Muqdisho waxaa Maanta ka furmay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran,waxaana shirkaasi soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,waxaana ka qeyb galaya oo goobjoog ka ah qeybaha kala duwan ee bulshada, wakiilo ka socda maamul goboleedyada iyo maamulka gobalka Banaadir. Shirka ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii dhab looga dhigi lahaa,waxaana xusid mudan in meelo badan oo dalka ah ay ka dhacayaan dagaal beeleedyo halka kuwo kale xal horay looga gaaray. Sawirro.…
MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhaliilay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in xilligaan ay aad u la dagaalamaan xurridda hadalka oo uu sheegay in dad badan laga hor-istaagay. Isaga oo Wareysi siinayay Warbaahinta Kalfadhi ayuu sheegay in Siyaasiyiinta iyo Warbaahinta ay dowladdu caburisay oo aysan hadli karin,isaga oo xusay in aan waqtigaan dowlada sidaasi looga baahneyn., Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay waajib ka saaran tahay helitaanka xaquuqda Dastuuriga ah ee muwaadinka xaqa uu u leeyahay. “Runtii xilligaan xurriyadda hadalka waxa ay mareysaa meeshii ugu xumeyd,balse ay la wadaageen madaxda Dowladda…
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya Moses Watangula, ayaa sheegay in ay Dowladaha Somaliya iyo Kenya kala saxiixdeen Heshiiskaasi xilligii Dowladdii Madaxweyne Mawaay Kibaaki, waa sida uu hadalka u dhigay. Moses Wetangula oo hadalkan ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Xisbiga FORD ee magaalladda Nairobi ma uusan sheegin Sannadka saxda ee Heshiiskaasi qalinka lagu duugay, inkastoo uu isagu Wasiirka Arrimaha Dibedda ka ahaa Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2010-kii iyo mar labaad oo loo doortay xilkaasi sannadihii 2011-kii ilaa 2012-kii. “Ka Wasiir ahaan, waxaan Wada-xaajood la galay Dowladdii Somalia ee xilligaasi, waxaana wada saxiixanay Heshiiska lagu calaameeyey…